-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga kasii daysay Sheekh Maxammed Sheekh Ismaaciil, oo kamida culimada cilmiga dibiga iyo dawaynta jinka looga danbeeyo, kaasi oo loo xidhay sababo aan la garanayn maalintii Isniinta ee 16 bishan. Sheekha ayaa sida uu sheegay isaga oo howlo nabadayn ah u jooga gobolka Sanaag ay sirdoonka Somaliland ee gobolka Sanaag ku amreen in uu Hargaysa tago isla markaana halka uu kula kulmi doono cid sugaysa, waxaanu sheekhu ku andacooday in lagu eedeeyay in uu tagay magaalada Badhan in tii uu joogay Sanaag. Hadaba sheekha ayaa markii uu Hargaysa maalmo joogay ciidamada danbi baadhistu kasoo xidheen xarun caafimaad oo uu ku leeyahay xaafada Jigjig-yar ee magaalada Hargaysa, kadibna qoyskiisa ayaa muddo maalin ah waysana halka uu ku xidhanyahay sida inan uu sheekhu dhalay warbaahinta u sheegtay. Sheekha ayaa mar sii horaysay muddo dheer xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug laha falal argagixiso oo ka dhacay gudaha Somaliland, waxana sanadkii 2011 lagu siidaayay cafis uu u fidiyay madaxweyne Silaanyo. Xukuumada Somaliland ayaan wax faah faahin ah ka bixin sababta keentay in markan la xidho. Source
-
A record number of four Black MLAs have been elected to the Nova Scotia legislature. For the Liberals, incumbent Tony Ince and newcomers Angela Simmonds and Ali Duale were elected in the 41st provincial election that saw Tim Houston’s PC’s win a majority government. NDP newcomer Suzy Hansen won in the riding of Halifax Needham. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay sii joogi karaan wixii ka dambeeya 31-ka August, oo ah waqtiga kama dambeysta ah ee ay qabsadeen inay uga baxaan, haddii ay lagama maarmaan u noqoto in dhammaan dadka Mareykanka laga soo saaro dalkaas. “Dadka Mareykanka waa inay fahmaan inaan isku dayi dooonno inaan soo dhameystirno kahor 31-ka August. Haddii ay muwaadiniin Mareykan ah ay baaqi kusii yihiin dalka, markaas waan sii joogi doonnaa,” ayuu Biden ku yiri wareysi uu siiyey George Stephanopoulos oo ka tirsan taleefishinka ABC News. Qiyaastii 15,000 oo qof oo Mareykan ah ayaa weli ku sugan Afghanistan, xilli ay kooxda Taalibaan si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta dalkaas, Axaddii. Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Llyod Austi ayaa sheegay in 4,500 oo askar Mareykan ah ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul. Isaga oo ka hadlayey qaska iyo jahwareerka ka dhacay Afghanistan ee ka taagan soo daad-gureynta dadka Mareykanka iyo dadka reer Afghanistan ee la shaqeeyey, ayaa Biden waxa uu sheegay inaysan jirin si looga fogaan karay qalalaasahaas. “Fikradda ah inaan dalkaas kasoo bixi karnay ayada oo aanu qas naga dambey, ma garanayo sida ay taas u dhici karto,” ayuu yiri Biden. Biden ayaa horey u sheegay “inuu si qoto dheer uga murugooday” sida xaaladdu isu beddeshay, wuxuuna ballan-qaaday inuu difaaci doono xuquuqda haweenka Afghanistan, oo hadda wajahaya soo laabashada xukunka Taliban. Hase yeeshee wuxuu si aan gabasho laheyn ugu adkeystay inuusan ka qoomameeneyn soo saarista ciidamada Mareykanka, inkasta oo si aad ah loogu dhalleeceeyey qaskii ka dhacayey halkaas, maalmihii tegay. “Waxan si buuxda u taageersanahay go’aankeyga. Kadib 20 sano, si adag ayaan u bartay in marnaba aysan jirin waqti wanaagsan oo lasoo bixiyo ciidamada Mareykanka,” ayuu yiri. The post Biden oo si lama filaan ah u sheegay in Mareykanka ay sii joogi karaan Afghanistan appeared first on Caasimada Online.
-
Evert Wulfrank, CEO of Belgium-based Durabilis, describes Ethiopia as a country full of opportunities. Back in 2011/12, he says, while seeking an additional source for snowpeas and sugarsnap peas to complement the company's supplies from Guatemala and Peru, Ethiopia emerged as the best candidate. Source: Hiiraan Online
-
Sawirka Maanta:Bas galay Meherado Ganacsi Xaafada Qudhac-dheer-Hargeisa Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf ka dhashay soo saarista harbaaca doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee Isniintii la shaaciyey. Xubno ka tirsan guddiga oo lagu kala magacaabo Saciid Abshir iyo Cabdi Xiis Udan ayaa kasoo horjeestay habraaca, ayaga oo ku dooday in aan weli la gaarin xilligii loogu-talagay in la shaaciyo habraaca, maadaama maamullada qaar aysan soo dhameystirin doorashada Aqalka Sare. Waxaa xusid mudan in xubnaha guddiga ee diidan habraac ay yihiin kuwa ku xiran Jubaland iyo Puntland. Waxaa sidoo kale jirta in xubnahaasi kahor baraha bulshada lagu arkay qoraalo kasoo baxay xubno ka mida Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo diidan Habraaca Guddiga Doorashada ee Heer Federaal. Warar lagu kalsoon yahay, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegay in khilaafka guddiga uu salka ku hayo loolan u dhaxeeya guddiga iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, oo faro-gelin ku hayo guddiga. Waxaa si gaar ah farta loogu fiiqay madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullahi Deni, oo doonaya in habraaca doorashada awood badan lagu siiyo maamul goboleedyada, ayna kasoo horjeedaan habraaca soo baxay Isniintii, oo aan noqon sidii ay doonayeen. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa si gaar ah u doonaya inay awood weyn ku lahaadaan soo xulista ergooyinka soo dooranaya xildhibaannada golaha shacabka, taasi oo keeni karta inay xildhibaannimo usoo saaraan ciddii ay doonaan, kuwii aysan rabinna meesha ka saaraan. Doorashada Aqalka Sare ayaa noqotay mid umadda oo idil ay ka wada-qeylisay sida loo musuqay ayada oo aysan dhicin wax doorasho lagu tilmaamo karo, balse ay madax goboleedyada soo xuleen saaxiibadood, xigtadood iyo xulufadooda siyaasadeed. Si taas looga hortago, inta badan xubnaha Guddiga Doorashada ee heer Federaal ayaa doonaya inuu Guddigu noqdo mid madax bannaan, islamarkaana aysan doorashada Golaha shacabka la mid noqon soo xulistii Aqalka Sare ee ay gacanta ku hayeen madax goboleedyada. Dhanka kale, xubno ku dhow Jubaland iyo Puntland ayaa ku doodaya in guddiga heer federal badankiis ay yihiin kuwa ku xiran madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay tahay sababta ay u doonayaan in maamul goboleedya la siiyo awood dheeri ah, si looga hortago in Villa Somalia ay musuq-maasuqdo doorashada Golaha Shacabka. Balse dhanka kale waxaa jira tuhun ku saabsan in arrintan ay qeyb ka tahay damaca Saciid Deni, oo la rumeysan inuu yahay musharax madaxweyne, islamarkaana uu doonayo inuu xaqiijiyo in xildhibaanada kasoo baxaya Puntland iyo Jubaland badankood ay noqdaan taageerayaashiisa, isaga oo kaashanaya saaxiibkiis Axmed Madoobe. Midowga Musharaxiinta oo toddobaadkan saddex maalmood shir ku yeeshay Muqdisho ayaa ka digay faro-gelinta maamul goboleedyada, ayada oo ay muuqato inay dano iyo damac siyaasadeed ku kala tageen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kadib markii ay isku xulufeysteen dagaalka Farmaajo. Qoraal kasoo baxay shirkoodii Muqdisho ayey Musharaxiinta walaac xooggan uga muujiyeen sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan Aqalka Sare. Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in habraaca doorashooyinka aqalka hoose ay noqdaan kuwa daah furan oo loo dhan yahay islamarkaasna la ballaariyo shirka golaha wadatashiga qaran. Waxay sidoo kale toos fariin ugu direen madax goboleedyada ayaga oo dalbaday,in kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami-u-qabashada doorashooyinka. Ma cadda halka u uku dambeyn doono khilaafka guddiga, hase yeeshee waxaa aad looga cabsi qabaa in xarig-jiidka doorashada Soomaaliya uu sii dheeraado, ayada oo ay yar tahay rajada laga qabo in doorashooyinka lagu soo geba-gebeeyo sanadka 2021 gudahiis, ayna caddahay inay geli doonaan 2022. The post Damaca Deni iyo Axmed Madoobe oo horseedaya xarig-jiid siyaasadeed cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Waxa dib u dhac ku yimid shir ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo maanta loo ballansanaa in uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho. Shirka waxa ku ballansanaa madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo uu weheliyo maamulka gobolka Banaadir. Ajandaha shirka ayaa lagu sheegay diyaarinta habraaca doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka iyo sidoo kale raadinta dhaqaalaha ka dhiman hirgelinta doorashooyinkaas. Sida wararku sheegayaan dib u dhaca waxa keenay Ra’iisul wasaare Rooble oo safar ku maqan iyo madaxda dowlad goboleedyada oo aan weli tegin Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dib u dhac ku yimid Shirkii arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii yaboohay inuu gacan ka gaysto inuu dhex-dhexaadiyo sidii loo soo geba-gebeyn lahaa dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia. Erdogan ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo booqasho ku tegay Ankara “inay muhiim u tahay nabadda iyo sharafta” dalka ay dagaallada la degeen ee Ethiopia. “Haddii ay xaaladda sii xumaato, waxay saameyneysaa dhammaan dalalka gobolka,” ayuu Erdogan ku yiri shir jaraa’id oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed. “Turkey ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan wax kasta oo aan awoodno ku tabarucno xal u helidda dhibaatada, oo ay qeyb ka tahay dhex-dhexaadin,” ayuu yiri Erdogan. Ankara iyo Addis Ababa ayaa leh xiriir saaxiibtinimo, waxaana labada hoggaamiye ay wacad ku mareen inay xoojiyaan iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi. Abiy ayaa sheegay in xiriirka labada dal lagu dhisay “is-qadarin iyo is-aaminaad.” Hase yeeshee labada dal kuma aysan dhawaaqin wax heshiisyo ah oo gaar ah, oo ay gaareen intii lagu guda jiray booqashadii Abiy ee Ankara. Abiy Ahmed ayaa toddobaadyadii dhowaa wajahayey cadaadis xooggan kadib markii ciidamada Tigray-ga ee TPLF ay dib ula wareegeen gobolka, sidoo kalena ku siqeen gobollada kale ee deriska la ah. The post Erdogan oo soo faro-geliyey dagaalka Tigray – Muxuu u ballan-qaaday Abiy Ahmed? appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa sheegay in dalkiisu uu gacan ka geystay kharashaadkii ku baxay doorashadii goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee 31 May 2021 ka qabsoontay. Waxa aanu Somaliland ku hambalyeeyey in ay qabatay doorashoxor iyo xalaal ah. Wasiir Joseph Wu ayaa sidan ku yidhi hadal hore loo sii duubay oo uu kaga qayb-galay munaasabad Hargeysa loogu qabtay xuska sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegay furitaankii Xafiiska Tawian ee Somaliland iyo 20 arday oo deeq waxbarasho ay Taiwan siisay oo la guddoonsiinayey aqbalaaddii jaamacadaha. Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa kale oo uu soo qaaday doorashadii shirguddoonka Golaha wakiillada oo uu sheegay in uu si aad ah Somaliland ugu hambalyeynayo. “Doorashada hoggaanka cusub ee aqalka wakiillada, ayaa iyaduna sida oo kale caddaysay qaangaadhnimada ku dhaqanka dimuqraadiyadda ee Somaliland” ayaa uu yidhi wasiir Jo Wu oo intaas ku sii daray, in tallaabooyinkaasi ay Somaliland ka dhigayaan xiddig ay tahay in ay ku daydaan dalal badan oo Afrika ahi. Jo Wu waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu sii xoogeysanayo maalinba maalinta ka dambaysa, tan iyo markii uu dalkiisu Xafiiska diblumaasiyadeed ka furtay Somaliland bishii Augsust 2020 kii. Isaga oo intaas ku daray in labada dal ay wadaagaan qiyamka; xoriyadda, dimuqraadiyadda, cadaaladda iyo sarraynta sharciga. Waxa uu ku dheeraday xidhiidhka labada dal ee isku duruufta ah marka laga eego dhinaca aqoonsiga diblumaasiyadda, isaga oo ku faanay in baaxadda dhulka uu dal ku fadhiyaa aanay marag u ahayn Waniyada ummadeed, balse waxa taas muujiyaa uu yahay sharafta umaddu leedahay, iyo siyaasad-wanaag. Waxa uu sheegay in Taiwan iyo Somaliland ay yihiin qaramo hal-adayg leh, isla-markaana uu aaminsan yahay in ay noqdeen cimlaaq. Mudane Jo Wu waxa uu sheegay in muddadaas sannadka ah ay dawladdiisu Somaliland ka fulisay Mashaariic aasaasiya oo dhinaca Horumarinta; sida beeraha, daryeelka caafimaadka, iyo habka teknoolajiyada loogafaa’iidaysto adeegga maamul ee dawladda (E-Government). “Tusaaleahaan waxaa ka mid ah in aanu abuurnay nidaamka ilaalinta iyo kor u qaadista tayada cuntada, waxa aanu abuurnay xarun Teknoolajiyadda ah oo kor loogu qaado aqoonta teknoolajiyadda, waxaa intaas dheer in annaga oo fulinayna heshiiskii iskaashiga dhinaca caafimaadka ee labadeenna dal, in aanu qalab iyo koorsooyin caafimaad aanu gaadhsiinnay Somaliland si kor loogu qaado heerka adeegga caafimaadka” ayaa uu yidhi wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Taiwan oo faahfaahinayey Caawimada uu dalkiisu soo gaadhsiiyey Somaliland. Waxa aanu intaas ku daray in meelaha kale ee ay Somaliland iyo Taiwan iska kaashadeen ay tahay waxbarashada, isaga oo sheegay in munaasabadda xuska sannad-guurada koowaad uu Xafiiska Taiwan ee Somaliland ugafaa’idaysanayo in uu ardayda deeqda waxbarashada heshay guddoonsiiyo waraaqaha aqbalaadda. Waxa aanu dhalinyaradaas ku boorriyey in ay fursaddan ka faa’idaystaan, wixii ay soo bartaanna dalkooda ku soo celiyaan. “Somaliland weligeedba saaxiib bay la ahaan doontaa Taiwan, Somaliland weligeedba qalbigayga ayaa ay ku jiri doontaa” ayaa uu hadalkiisa ku soo gabgabeeyey wasiirka Arrimaha dibadda Taiwan. Qaran News
-
Dad loo laayey inay dejiyeen calanka Taalibaan Calanka Taalibaan Ugu yaraan saddex qof ayaa la dilay, 12 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen shacab dibad-baxayey oo dejiyey calanka Taalibaan, magaalada bari ee Jalalabad ee dalka Afghanistan. Calanka caddaanka iyo madowga ah ee Taalibaan, oo ka taagnaa ranaboot ku yaalla magaalada Jalalabad oo 115 km bari ka xigta caasimadda Kabul, ayaa la dejiyey waxaana laguna beddelay calanka madowga, gaduudka iyo cagaarka ah ee dowladii hore ee Afghanistan, Arbacadii. Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan ee dhowaan ay ku dhowaaqday Taalibaan ayaa illaa hadda isticmaaleysa calanka caddaanka iyo madowga ah ee ay dhexda kaga qoran tahay shahaadada. Calanka madowga, gaduudka iyo cagaarka ah, oo ay adeegsanayeen dibad-baxayaasha maanta ayaa loo akraa inuu matalayo dowladdii la riday ee dalkaas. Afhayeen u hadkay Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay inay socdaan wada-hadallo ku saabsan calanka qaran ee mustaqbalka, ayada oo go’aan ay ka gaari doonto dowladda cusub ee dhalan doonta. Sidoo kale, Arbacada maanta ah, taallada Sheekh Shiico oo caan ah oo la-dagaalamay kooxda Taalibaan intii uu socday dagaalkii sokeeyey ee Afghanistan ee sagaashamaadkii, ayaa lagu burburiyey gobolka ku yaalla bartamaha ee Bamiyan, sida ay muujinayaan sawirro lagu faafiyey baraha bulshada. Dhanka kale, Taalibaan ayaa sheegtay in mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda iyo aas-aasayaasheeda, Mullah Abdul Ghani Baradar uu Afghanistan kusoo laabtay markii ugu horreysa in ka badan 10 sano. Afhayeen u hadlay kooxda ayaa tweet ku sheegay in Baradar oo ah madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan, uu yimid magaalada Kandahar ayada oo ay wehliyaan wufuud. Muuqaal uu afhayeenka soo dhigay twitter ayaa muujinayey dad kasoo degaya diyaarad una sacbinaya nin la rumeysan yahay inuu yahay Baradar, ayada oo qoraal la socday muuqaalka lagu sheegay inuu ka yimid dalka Qatar. Muuqaalka ayaa sidoo kale muujiyey diyaaradda Qatar ee C17 oo ku sugan garoonka Kandarah. Goobta muuqaalka ayaa waxaa xaqiijiyey Reuters, oo la barbar dhigtay xogta dhulka iyo aagga ku hareereysan. Baradar ayaa waxaa 2010-kii lagu xiray Pakistan, hase yeeshee waxaa xabsiga laga sii daayey 2018 kadib markii uu codsaday maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, si uu uga qeyb-galo wada-hadalladii u dhaxeeyey labada dhinac. Qaran News
-
Dowladda Imaaraatiga Carbeed, ayaa magangelyo siisay madaxweynihii baxsaday ee waddanka Afghanistan, Ashraf Ghani. War kooban oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa lagu sheegay in magan-gelinta Ashraf Ghani ay la xiriirto arrimo banii’aadanimo. Madaxweyne Ghani, ayaa todobaadkan ka cararay dalkiisa, kadib markii ay caasimadda Kabul la wareegeen ururka Taliban. Wuxuu sheegay in uu dalka uga baxay, si looga taxaddaro in aan qalalaase ka dhicin waddanka islamarkaana looga baaqsado dhiig daata. PUNTLAND POST The post Dowlada Imaaraatiga oo magan-gelyo siisay Ashraf Ghani appeared first on Puntland Post.
-
Safiir shaaciyey in M/weynaha Afghanistan Ashraf Ghani inuu ula baxsaday Dubai 169 Milyan oo Doollar Waxaan goor dhow sheegnay in madaxweyne Ashraf Ghani la xaqiijiyay inuu ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta kadib markii uu ka cararay Kabul. Dhanka kale, safiirka Afghanistan u fadhiya Tajikstan ayaa ku eedeeyay inuu Ghani watay ku dhawaad 169 milyan oo doollar markii uu baxay Axaddii. Wuxuu ku tilmaamay duulimaadkii Madaxweyne Ghani “khiyaano dalka iyo qarankaba uu ku sameeyay. Danjire Mohammad Zahir Aghbar, ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay safaaradda Afghanistan ay ku leedahay caasimadda Tajikstan ee Dushanb. Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaraddu damacsan tahay inay u aqoonsato ku -xigeenkii hore ee Ghani Amrullah Saleh inuu noqdo ku -simaha madaxweynaha Afghanistan. Farriin maqal ah oo xalay laga sii daayay BBC-da, ayuu Mr Saleh ku andacooday inuu yahay “madaxweynaha kumeel-gaarka ee sharciga ah ee Afghanistan” isagoona ballanqaaday in “dagaalka uusan weli dhammaan’’. Qaran News
-
Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Musaveni ayaa markii u horeysay qirtay in askartooda howl-galka AMISOM u jooga Soomaaliya ay dhawaan dad rayid ah ku dileen gudaha Shabeellaha Hoose. Musavani ayaa sheegay in ciidamadu ay dilka geysteen xili ay careysnaayeen, isagoona shaaciyey in la xiray askartii dilka geysatay, islamarkaana dacwad lagu soo oogi doono, sida uu sheegay. “Dhawaan waxaa na soo gaaray kiis la xirriira dil Soomaaliya ka dhacay, koox ka mid ah askarteena ayaa dad laayay, dhamaan xubnihii falkaas ka dambeeyay waa la xiray dacwad ayaana lagu soo oogay,” ayuu yiri madaxweynaha Uganda. Sidoo kale waxa uu sheegay in magdhow ay siin doonaan ehelada dadkii ay ciidamada dalkiisu ku dileen Shabeellaha Hoose. Toddobaad ka hor ayey aheyd markii ay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ay dad shacab ahaa ku rasaaseeyeen qeybo ka mid ah gobolkaas, kadib markii qarax miino lagula eegtay agagaarka Shalanbood. Waxay xiligaas galeen beer ay ku sugnaayeen 4 shaqaale ah iyo ninkii iska lahaa, sidoo kalena ay waxay wadada ka qabteen labo darawal, kuwaasi oo hal goob isugu geeyeen, ayna rasaas ku laayeen, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha deegaanka Shalanbood. Inta badan ciidamada AMISOM ayaa dilal iyo tacadiyo kale u geysta dadka shacabka ah, xilliyada ay weerarada gaadmada ah kala kulmaan dagaal-yahanada Al-Shabaab. The post Madaxweyne Musaveni oo qirtay in askartiisa ay dileen shacab Soomaali ah (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Sheikh ka mida Culimada Waaweyn ee S/land oo lagu xidhay Magaalada Hargeysa oo la sii daayey Xukuumada Somaliland ayaa caawa fiidkii siidaysay sheikh Maxamed Ismaaciil oo mudo laba cisho ah ku xidhnaa magaalada Hargaysa sida ay xaqiijiyeen Eheladiisu. Majiro wax war oo ka soo baxay dhinaca xukuumada S/land oo aan horena uga hadal Sababta loo xidhay sheikha iyo denbiga loo haystayba iyadoo shacabka Somaliland ay sharci daro ku tilmaameen xadhiga sheikh maxamed ismaaciil oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland. Geesta kalena xisbiyada mucaaridka ayaa xukuumada ku dhaliilay sifaha ay umartay xadhiga sheekha iyagoo ugu baaqay in laamaha amaanka looga baahan yahay in ay shacabka ucadeeyeen sababta keentay xadhiga sheekha. Qaran News
-
Qaramada Midoobay ayaa billowday inay Afghanistan ka bixiso ilaa 100 shaqaale caalami ah, si ay uga shaqeeyaan Kazakhstan, sida uu sheegay afahayeen u hadlay hay’adda. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu carrabka ku adkeeyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii joogto oo ay taageero gaarsiiso dadka reer Afgaanistaan xilliga ay u baahan yihiin. ‘‘Tani waa tallaabo ku -meelgaar ah oo loogu talagalay in Qaramada Midoobay ay awood ugu yeelato inay sii waddo gargaarka ay siiso dadka reer Afgaanistaan, iyadoo isla markaana hoos u dhigaysa halista shaqaalaha Qaramada Midoobay’’, ayuu yiri Durjarric. Qaramada Midoobay, ayaa Afghanistan waxaa ka jooga ku dhawaad 300 oo shaqaale caalami ah iyo 3,000 oo shaqaale reer Afgaanistaan ah. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo bilowday in ay shaqaalaha ka saarto Afghanistan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa Cilmi baaris cusub oo ay soo saaartay waxay ku sheegtay, Faafida Covid-19 ee Soomaaliya in ay iftiimisay baahida loo qabo in si deg-deg ah wax looga qabto arrimaha halista ah ee soo jireenka ah ee horyaalla nidaamka daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya. Warbixinta oo ciwaan looga dhigay “Waxaan daawanay bukaanadii Covid-19 oo dhimanaya” ayaa banaanka keentay sida uu u liito nidaamka Caafimaad ee Soomaaliya. Warbixinta Amnesty ayaa lagu sheegay in hal isbitaal oo ku yaalla Muqdisho laga maamulo dhammaan kiisaska ku saabsan COVID19 ee ku faafay guud ahaan gobollada Koonfurta iyo bartamaha, tan iyo bilowdgii cudurkaan, waxayna cilmi-baaristu sheegtay in xogta caafimadka ee bukaanada ay tahay mid aad u xaddidan. “Jawaabta dowladda Soomaaliya ee masiibada waxay ahayd mid aan ku filneyn marka loo eego yaraanta oksijiinka iyo helitaan la’aanta adeegyada ambalaasta, kuwaas oo dhammaantood ka dhashay dayacaad sannado ah,” ayuu yiri Agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ee lagu magacabo Deprose Muchena. Amnesty ayaa madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay deeqaha la siiyo ay si mas’uuliyadi ku jirto loogu isticmaalo hagaajinta iyo bixinta daryeelka caafimaadka ee guud ahaan gobollada iyo magaalooyinka Soomaaliya. Hey’ada Amnesty International ayaa tilmaantay in miisaaniyadda dawladda intii u dhaxaysay 2017 iyo 2021 ay muujineyso in celceliska miisaaniyadda loo qondeeyey mashaariicda caafimaadka ay aheyd 2% oo kaliya, taas oo sida ay warbixintu shaaca ka qaadeyso aan caawin karin maareynta kiisaska caafimaadka ee Soomaaliya. Sidoo kale, Falanqayn ay Amnesty International ku samaysay miisaaniyadda dawladda ayey ku sheegtay in miisaaniyadda loo qoondheeyey amniga oo ay ku jirtay Wasaaradda Gaashaandhigga ay tahay 30%, waxayna ku baaqday in miisaaniyada Caafimaadka la gaarsiiyo 15% si wax looga qabto xaaladda caafimaad ee Soomaaliya. Warbixinta ay soo saartay Hey’adda Amnesty ayaa kusoo aadeysa, xilli ay Soomaaliya mar kale wajaheyso kiisas cusub oo COVID19 ah, kaas oo galay wajigii sedexaad ee faafitaankiisa, waxaana jira dad badan oo maalin kasta u dhinta cudurkaas. The post Maxay tahay eedeynta ay AMNESTY u jeedisay DFS? appeared first on Caasimada Online.
-
Degaanka Ceel-Habred ee Gobolka Qoraxeey Ayaa waxa ku kulmay Taliayasha Ciidamada Layuu Boliska ee Dowlad degaanka Somalida Iyo Taliyaha Boliska Dagmada Gurceel Dhame Cusmaan Ali Hudey. Kulan kaan oo ahaa kii ugu horeyay oo ay yeshaan Ciidamada Layuu Boliska iyo Taliska Boliska Dagmada Gurceel ayaa qatay Sacado dhowra waxaana ka soo baxay qodoban Soo Socada. 1 In wada shaqeyn buuxda ay yeshaan labada Ciidan 2 In si wadajira looga shaqeeyo xallinta Belaha walalaha ah ee ku dagalama Xadka uu Gobolkan galgaduud la wadaago Dowlad degaanka . 3 In la iska kaashto qabashada maandooriayaha gaar ahaan qamriga oo ay labada ciidan ka shaqeyaan sidii loo soo qaban lahaa dadka ka Ganacsada 4 In la is weydaarsado dadka baxsadka ah ee Dabiyada ka gala dhinic kadib na ubaxsada dhinaca kale Dadka degaanka Ceel Habreed ayaa soo dhaweyay Heshiiskaan waxayna shegeen in ay si dhow ula shaqeynayaan Ciidamada Amaanka PUNTLAND POST The post Galmudug iyo Dowlad degaanka DDS oo ka wada-hadlay Amniga xuduudaha appeared first on Puntland Post.
-
ISIS had executed Mumin in Ballidhidin after Puntland security forces vacated the district. Bosaso (PP News Desk) — Militias loyal to the proscribed group Islamic State in Somalia had launched a surprise attack on Ballidhidin, a district in Bari, and killed Mohamed Ahmed Muumin, the District Commissioner tonight. Puntland forces have reportedly vacated the district, making it vulnerable to attacks by ISIS militias secretly operating in parts of the region. Upon entering the district ISIS militias located Mumin and “executed him”, a resident in Ballidhidin said. Bari regional authorities were not available to comment. © Puntland Post, 2021 The post Daesh Assassinates District Commissioner in Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - The Chairman of Somalia's Electoral Commission, Mohamed Hassan Irro, has accused some of Somalia's regional governments of putting undue pressure on members of the Federal Indirect Elections Team (FIET), which has led to divisions within the commissions. Source: Hiiraan Online
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa ammaantay tallaabooyinka ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya ee dib loogu hagaajinayo xiriirka labada dal oo sanadihii tagay xumaa. Madaxweyne Farmaajo ayaa la saftay Itoobiya oo Masar ay isku hayaan biyo-xireenka webiga Nile, taasi oo sii xumeysay xiriirka labada dal, xilli markii horeba uu ku xumaaday markii Villa Somalia ay Qatar la safatay, kana soo horjeesatay isbaheysiga Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly ayaa Qaahira kula kulmay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal. Madbouly ayaa ammaanay saddex tallaabo, oo ay qadaay dowladda Soomaaliya, si loo xoojiyo xiriirka labada dal, kuwaas oo kala ah. 1- Magacaabista safiirka Soomaaliya ee Qaahira. 2- Dib u billaabidda howlgalka waxbarasho ee Masar, oo dowladda federaalka ay horey u joojisay kadib markii uu xumaaday xiriirrka. 3- Iyo in dowladda Soomaaliya ay Masar siisay dhul ku yaalla Muqdisho oo laga dhiso safaaradda Masar, halkaasi oo sidoo kalena laga furi doono xarunta bankiga Masar ee Banque Misr. Ra’iisul Wasaaraha Masar ayaa sidoo kale xoojiyey ballan-qaadka Masar ee ku aadan joogteynta xasilloonida Soomaaliya, isaga oo ammaanay dadaallada ra’iisul wasaare Rooble ee dib u heshiisiinta Soomaaliya. Madbouly ayaa sheegay in Masar ay ka fakareyso inay sare u qaado deeqda waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliya oo ay sanadkii gaarsiiso 400. Dhinaca kalena, ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo leh xiriir taariikhi ah, oo leh aas-aas adag. Rooble ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in sare loo qaado booqashooyinka siyaasadeed ee mas’uuliyiinta labada dal iyo in shirkadda diyaaradaha Masar ee EgyptAir ay duulimaadyo ka billowdo Muqdisho. The post DF oo bixisay dhul, qaaday laba tallaabo oo kale si ay u hagaajiso xiriirka MASAR appeared first on Caasimada Online.
-
NAIROBI - Rights group Amnesty International says Somalia’s struggling health care system has been crippled by the coronavirus pandemic. The group released a report Wednesday titled ‘We Just Watched COVID-19 Patients Die.’ It calls for urgent investment in Somalia's healthcare sector after years of neglect. Source: Hiiraan Online