-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa soo dhoweeyey hadalladii kasoo yeeray kooxda Taalibaan ee ay ku ballan-qaadeen inaysan dib ugu laaban doonin xukunkoodii mayalka adkaa. Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Turkey ay diyaar u tahay wada-shaqeyn dhexmarta ayaga iyo Taalibaan. “Waxaan u furannahay iskaashi. Waxay horey u xiiseynayeen xiriirka Turkey, waxaana rajeynayaa in xiisahaas uu sii socdo,” ayuu yiri. Erdogan waxa uu intaas ku daray inay weli diyaar u yihiin inay sugaan amniga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Kabul, islamarkaana Ankara ay weli wada-hadal kula jirto dhinacyo kala duwan. “Waxaan dooneynay inaan xaqiijino ammaanka garoonka oo aan ku tabarucno ammaanka dalka kadib marka ay baxaan ciidamada Mareykanka, welina waa nagu jiraa damacaas,” ayuu yiri Erdogan. Ankara ayaa horey ugala xaajootay saraakiisha Mareykanka inay gacan ka gaysato xaqiijinta amniga garoonka Kabul, oo muhiim u ah in dalalka caalamka ay diblomaasiyiintooda kusii hayaan Afghanistan kadib marka ay baxaan ciidamada Mareykanka. Hase yeeshee guusha deg degga ah ee Taalibaan oo si fudud kula wareegtay dalkaas, ayaa fashilisay qorshahaas. “Waxaan hadda wax u qorsheyneynaa si waafaqsan xaqiiqda jirta ee kasoo baxda halkaas, waxaana wada-xaajoodyada u galeynaa si waafaqsan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya inay weli Ankara kala hadlayaan amniga garoonka, waxayna ka mahad-celiyeen kaalinta Turkey ay ka qaadatay in shacab badan halkaas laga soo daad-gureeyo. “Joogitaanka militariga Turkey ee Afghanistan wuxuu maamulka cusub taageero ka siin karaa masraxa caalamka, wuxuuna u fududeyn karaa shaqooyinkooda,” ayuu yiri Erdogan. Cid kasta xukunka hayso, Erdogan wuxuu sheegay in Turkey ay garab taagan tahay Afghanistan, wuxuuna mar kale ku celiyey inuu diyaar u yahay inuu la kulmo hogaamiyayaasha Taalibaan. The post Muxuu madaxweyne Erdogan ka yiri guusha iyo hadalkii kasoo yeeray TAALIBAAN? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan (Lafta-gareen) ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka iyo Maamul Goboleedka Koofurgalbeed. Safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira ka qeybgalka Shirka Madasha wadashatiga Qaran oo sida qorshaysan dhowaan ka furmi doona Muqdisho shirka ayaa maanta dib dhac ku yimid maadaama magaalada aysan soo gaarin weli inta badan madaxda maamul goboleedyada iyo weliba Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo safar dalka dibadiisa ugu maqan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Khilaaf Xoog Leh Oo Ka Dhex Aloosan Shir-gudoonka Wakiillada+Arrimaha La Isku Haysto. Shir-guddoonka golaha wakiillada cusub ee Somaliland ayaa wararku sheegayaan in durba khilaaf hoose soo kala dhex galay kaasi oo salka ku haya dhawr arrimood oo ay ku kala aragti duwan yihiin halka dhinaca kale saluug weyni ka taagan yahay qaabka ay illaa hadda u soo shaqo tagayaan golaha wakiilladu oo u muuqda mid cago jiid ah. Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey Khilaaf xooggan oo hoose oo soo kala dhex galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Ku xigeenkiisa koowaad Md. Siciid Mire Faarax Giirre, waxaanay xogtani sheegaysaa in goobaha ugu muhiimsan ee labadan masuul isku maan-dhaafsan yihiin ay ka mid yihiin baddalaadda Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Md. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo xubno badan oo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ahi qaarkood doonayaan in xilka laga qaado, xoghaye cusubna lagu baddalo iyo waliba shir-guddoonka qaar oo arrintaasi qaba, halka sidoo kale uu jiro khilaaf ay ku kala aragti duwan yihiin hannaanka xeer-hoosaadka ee Golaha oo jaangoyn weyn ku leh awoodaha xubnaha shirguddoonka iyada oo Wax-ka-baddelkii Xeer hoosaadka ay soo gunaanadeen mudanayaashii loo saaray dhawaan. Inkasta oo dhawaan Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed uu sheegay in uu si walba isugu dayi doono in ay wada shaqayn wanaagsan yeelan doonaan saddexda xubnood ee shir-guddoonka wakiilladu haddana waxa soo baxaya qodobo kuwaasi ka mid yihiin oo isaga iyo ku xigeenkiisu isku maan-dhaafsan yihiin. Guddoomiye ku xigeenka koowaad Md. Siciid Mire Faarax Giirre oo ka soo baxay xisbiga UCID ayay xogahani sheegayaan in uu ku doodayo in uu haysto taageerada 41 Xildhibaan sidaa darteed Guddi hoosaadyada Golaha ee dhawaan la dhisi doono uu doonayo in u qaybtiisa qaato oo aanu kaliya Guddoomiyuhu iska maamulan iyada oo sidoo kalena xildhibaanno badani Guddoomiye Cabdirisaaq ku eedaynayaan guddoon jileec in aanu hanan karayn kala qaybsanaanta Golaha. Wax ka baddalka iyo kaabista Golahan cusubi ku samaynayo Xeer-hoosaadka Golaha wakiillada ayaa khilaaf weyni ka taagan yahay iyada oo xildhibaannada Muxaafadka ahi doonayaan in xeerkaasi lagu dhimo awoodaha Guddoomiyaha taasi oo ay gaashaan bir ah doonayaan in ay kaga hor tagaan kuwa kale ee Mucaaridka ahi waana mid ka mid ah goobaha khilaafka shir-guddoonka hurinaya. Marka laga yimaad axsaabta ay Xildhibaanadu u kala qaybsan yihiin waxa haddana soo if baxaya is kooxaysi kale oo ku dhisan deegaamo iyada oo xildhibaannada qaar ka soo jeeda Gobolada barigu ku doonayaan in deegaankooda la siiyo xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada maadaama ay aqlabiyadda Golaha deegaankoodu yahay. Waxa kale oo hadal haynta ugu badani ka taagan tahay maqnaanshaha xildhibaanno badan iyada oo celcelis ahaan fadhiyadii golaha ay maalin walba maqnaanayeen ku dhawaad 20 xildhibaan. Isku soo duuboo illaa imika lama oga halka ay xaaladdani sal dhigi doonto iyo in golaha cusubi durba la kowsan doono khilaaf soo kala dhex gala shir-guddoonkiisa iyada oo walaac laga qabo in kala qaybsanaanta Goluhu keeni karto in ay saamayn taban ku yeelato waxqabadka laga sugayo. Xigasho Wargeyska Foore Qaran News
-
Reimbursements to Kenya for troops fighting Al-Shabaab militants in Somalia for the last financial year surpassed the target after the European Union (EU) and its partners wired nearly Ksh5.6 billion ($51 million) between April and June. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad hubeysan ay weerar culus ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi, kadib markii ay jidka u galeen gaari rakaab ah oo ay la socdeen dad raydi ah. Baabuurka ayaa waxaa la rasaaseeyey xilli uu kasoo baxay magaalada Balanballe, kuna sii jeeday deegaanka Balli-Dhiig oo dhaca dhanka waqooyi ee gobolka Galgaduud. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan illaa 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ka mid ahaa dadkii la socday gaarigaasi. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in wadaha gaariga uu isna sameeyey iska caabin, isla-markaana uu dhaawacay qaar ka mid ah maleeshiyaadka wadada u galay. Meydadka iyo dhaawacyada dadka shacabka ah ayaa dib loogu soo celiyey degmada Balanballe, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan uu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda howl-gallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii ka dambeeyey weerarkaasi, kuwaas oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug. Inta badan waxaa gobollada dhexe ee dalka kusoo noq-noqda weerarada iyo dilalka salka ku haya aanada Qabiil ee ka dhaca Hiiraan, Galgaduud, Mudug ee bartamaha Soomaaliya. The post Wararkii ugu dambeeyey weerar dhimasho leh oo ka dhacay gobolka Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE ayaa la sheegay inay ku wacad furreen qaar kamid ah Xildhibaannadii ay uga gacan haadiyeen Xisbiga WADDANI iyo UCID,kuwaas oo Xukuumadda KULMIYE ay la gelaysay hesshiisyo kale duwan oo ay ku soo xarro gelinaysay si ay ugu coddeeyeen Musharraxiintii ay du-duucaysay ee shir guddoonka Golaha Wakiillada. Xildhibaannada ayaa la sheegay in qaarkood Xukuumadda KULMIYE ay kula heshisay oo ay ku soo xarro gelisay lacago,halka qaarkood-na ay kula heshiisay inay masharriic ka fulaynso degaanadooda iyo qaar muraado kale ay ku xarro-gelaysay,waxaanu qorshuhu ahaa in marka doorashada shir guddoonka Golaha Wakiilladu dhammaato la dhammaystiri doonno mid-walba wixii lagula heshiiyey,haddii ay guulaystaan Musharraxiinta KULMIYE iyo haddii kale-ba,haseyeeshee Xukuumadda KULMIYE ayaa arrintaas la sheegay inay ka baxday,kadib markii ay ku guul-darraysatay shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland. Dhanka kalene warar xoggo ogaal ah ayaa sheegaya in Xukuumadda KULMIYE ay Xildhibaanno ay Lacago kula heshiisay oo ay wax yar oo fara guud-kood ah u sii laabtay markii hore,kuwaas oo fulliyey iyagu heshiiskii dhankooda oo u coddeeyey Musharraxiintii hadhay ee Xukuumadda ee shir guddoonka Golaha Wakiillada in aanay siin baaqiyaddii Lacagaha ee u hadhay,isla markaana ay meehanaabayaan oo ay Xukuumadda KULMIYE ay dhabarka ujeeddisay Sidoo kalena Xukuumadda KULMIYE ayaa la sheegay in aanay fullin heshiisyo kale oo ay la gashay Xildhibaannada qaar,waxaana la sheegay in Xildhibaannadii markii ay muraadkeeda ka dhammaysatay ay uga fadhiisatay heshiiskii afka ahaa ee ay la gashay. Geesta kalene Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda, ayaa la sheegay inay Xildhibaannada ay isku tuur-tuurayaan,isla markaana uu mid-ba ka kale ku riixayo,waxaana xogguhu sheegeen in Xildhibaanno macrado baabuur looga qaaday ay Macradadii markii ay wayeen meel ay baabuurtoodii u raacaan inay ka qadeen Xildhibaannadii la siiyey,kuwaas oo suuqa lugaynaya hadda,isla markaana u qaadan waayey shalay sidii loo soo dhaweynayey iyo maanta waxa ku dhacay,waxaana la sheegay inay qaarkood ay guryahooda ka soo bixi waayeen. Si kastaba ha-ahaatee Xukuumadda KULMIYE ayaa la sheegay in aanay fullin heshiis-yo kale duwan oo ay ku soo xarro-gelisay dhawr iyo tobban Xildhibaan oo ka soo baxay Xisbiyadda UCID iyo WADDANI,kuwaas oo u coddeeyey Musharraxiintii ay duduucaysay ee shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland. Source
-
Taalibaan oo u yeedhay ciidamada & Duuliyayaasha Dawladdii burburtay ee Afghanistan Taalibaan ayaa xiriir la sameysay duuliyeyaashii hore iyo askarta ciidamada qalabka sida ee Afgaanistaan si ay ugu biiraan ciidamada cusub, Isla markaana qeyb uga noqdaan darajooyinka ay bixineyso, sida uu sheegay Waheedullah Hashimi oo xiriir la leh madaxda sare ee Taalibaan. Hashimi wuxuu sheegay in Taalibaan ay qorshaynayso inay dhisto ciidan qaran oo cusub oo ay ku jiraan xubnahooda iyo sidoo kale askarta dowladda ee doonaya inay ku biiraan. Qorista askartan ma cadda in Taalibaan ay ku guuleysan doonto, maadaama kumanaan askari ay dishay 20-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo sidoo kale bartilmaameedsatay duuliyeyaashii Afqhanistan ee Maraykanku tababaray. “Intooda badani waxay tababar ku soo qaateen Turkiga, Jarmalka iyo Ingiriiska. Waxaan u sheegi doonnaa inay dib ugu laabtaan boosaskoodii” ayuu yiri Haashim oo la hadlayay wakaaladda hararka ee Reuters. Wuxuu sheegay inay jiri doonto dib u habeyn iyo is-bedello lagu sameynayo ciidanka Afghanistan, ayan u baahanyihiin ciidankii dowladdii bur-burtay. Haashim ayaa sidoo kale sheegay in Taalibaan ay ka rajeyneyso dalalka deriska ah inay soo celiyaan diyaaradihiii ay la baxsadeen duuliyaashii ka qaxay Aghanistan, kuwaass oo ay ka mid yihiin 22 diyaaradood oo milateri, 24 helikobtar iyo boqollaal askari oo Afqhanistan ah oo dhammaadkii u qaxay Uzbekistan. Qaran News
-
Afar Dal oo ka faa’iidaya Jabka Reer Galbeedka ee Afghanistan Dad badan ayaa ka cararaya Afqanistaan Mareykanka iyo dalal badan oo Reer Galbeed ah ayaa u kala cararaya sidii ay muwaadiniintooda uga saari lahaayeen Afghanistan ka dib markii Taalibaan ay qabsadeen caasimadda dalkaas ee Kabul. Balse waxaa jiro dalal aan ka walwalsaneyn in ay sii wadaan xiriirka ay la leyihiin hogaamiyayaasha Taalibaan ee hadda maamulaya Afghanistan. Waxaa muuqato in dalalkan ay ka faa’ideysanayaan cabsida Mareykanka iyo xulufadiisa ay muujiyeen tan iyo markii Taalibaan xukunka la wareegeen. Dalalkaas waxaa ka mid ah Shiinaha, Ruushka, Pakistan iyo Qatar. Maxay tahay sababta aysan dalalka uga walwalsanayn in Taliban ay xukunka la wareegto? Waxay horey u sheegeen inay sii wadi doonaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Afghanistan oo xitaa ay lacag siin doonaan kooxda si ay u sii wadaan dadaalkooda ku aaddan sidii dowlad cusub loogu soo dhisi lahaa dalka. Ruushka ayaa la shegay in uu gacan saar la lahaa Taliban Ruushka Ka dib markii xukunka laga tuuray dowladda Afghanistan, waxaa socday olole qarsoodi ah oo la sheegay in lagu gaarayay Taliban, taasi oo faa’iido u leh madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin. Qoraal ahaan kooxda waxay mamnuucday Moscow, illaa iyo hadda dowladda Ruushka ma aysan caddeyn mowqifkeeda ku aadan in ay ururkan u aqoonsanayaan dowladda sharciga ah ee Afghanistan iyo in kale. Laakiin bayaan uu toddobaadkan soo saaray wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa lagu shaaciyay in Ruushka uu wada-hadallo la bilaabay Taalibaan, oo ay sheegeen in ay “bilaabeen in ay soo celiyaan kala dambayntii” Kabul iyo qaybaha kale ee dalka. Iyadoo Taliban ay la wareegeen magaalada Kabul, ciidamada Mareykanka ee taageerayay Ashraf Ghani ay baxayaan, wuxuu Ruushka caddeeyay in uusan soo afjari donin howlahooda diblomaasiyadeed ee dalkaas. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen, in sababta aysan xiriirka u jareynin ay tahay in Taalibaan ay dalka qabsadeen iyagoo aan iska caabin kala kulmin Mareykanka, xulafadiisa iyo ciidamadii Afghanistan uu u tababaray. Diblumaasiyad ahaan, Ruushka ayaa taageeraya Taalibaan, waxayna Ruushka sheegeen in ay diyaar u yihiin kulan ka dhaca Moscow oo ay ka qaybgalayaan Taalibaan, iyo dhinacyada kale, si loo siiyo ururkan aqoonsi caalami ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in Taalibaan ay hub ka hesho Ruushka, inkasta oo Ruushku marar badan uu beeniyay inay hubeeyeen dagaalyahannada kooxda. Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi (Midig) invited waxaa uu la kulmay wefdi ka socda Taliban Shiinaha Markii ugu horraysay ee Taalibaan ay xukunto Afghanistan, sannadkii 1996, Shiinaha waxay diideen in ay aqoonsadaan, waxayna xireen safaaraddii ay Kabul ku lahayeen. Laakiin hadda dawladda Shiinuha waxay noqotay waddankii ugu horreeyey ee taageeray Taalibaan. Kacdoonka Shiinaha ayaa yimid laba toddobaad uun ka hor markii wasiirka arrimaha dibadda, Wang Yi, uu wafdiga Taliban ka socday ku soo dhoweeyay waqooyiga Tianjin, maadaama ay ku jireen marxaladihii ugu dambeeyay ee xilka looga tuurayay Madaxweyne Ashraf Ghani, oo Axaddii dalka ka baxsaday. Wang wuxuu ammaanay kooxda, isagoo sheegay in ay leeyihiin “mas’uuliyado muhiim ah” si ay u maamulaan Afgaanistaan. Hadalkaas wuxuu sii xoojiyay Taalibaan iyo sharci ahaanshiyaha waxyaabaha ay sameynayaan, iyada oo ay jirto in dad badan ay dhaliileen ficiladooda dhiirrigeliya argagaxisada iyo cadaadinta haweenka. Shiinaha wuxuu ka baqayaa in xagjirnimada Islaamiga ah ay ka so ifbaxdo bulshada laga tirada badan yahay ee Uyghur, oo cadaadis badan kala kulmaya dalkaas. Shiinaha ayaa sidoo kale doonaya in uu sii wado kobcinta dhaqaalaha, iyada oo u sii mareysa beesha caalamka, dhaqaalahaas oo gaaraya $14.7 tiriliyan – oo 17 jeer ka badan dhaqaalihii 1996. Laakiin xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha ayaa keenay in Shiinaha uu sii wado xoojinta galaangalkiisa iyo inuu yareeyo awoodda Maraykanka ee waddammada uu Maraykanka xididdada u siibay. Taas waa fursad uu Madaxweyne Xi Jinping uu doonayo in uu adeegsado si uu cadawgiisa, gaar ahaan Mareykanka, uu uga saaro goobaha xuduudahiisa ugana hortago in loo soo dhawaado. Tani waa waxa ka dhigaya in Shiinaha uu u ekaado dalka ugu weyn ee galaagalka ku yeesha Afghanistan iyadoo Taalibaan isu diyaarinayaan in ay ku dhawaaqaan in ay dalkaas ku xukumayaan shareecada Islaamka. Asad Majeed Khan Pakistan Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Cimran Khan ayaa Isniintii sheegay in Afghanistan ay jebisay, iskana saartay silsiladihii addoonsiga, ka dib markii ay burburtay dowladdii dalkaas. Mid ka mid ah danjirayaashii Pakistan ee ugu galaangalka badnaa, Asad Majeed Khan, ayaa mar uu ka hadlayay shirkii nabadda ee USIP, July 7, 2021, waxaa uu ka sheegay: “Maalgashiga nabadda ee Afghanistan waa sida kaliya ee lagu yareyn karo argagixisada.” Laakiin maxay uga dhigan tahay in Taalibaan ay la wareegto talada Afghanistan? Marka la soo koobo, Mareykanka iyo muwaadiniin badan oo Afghanistan u dhashay, waxay ka xanaaqeen tallaabada ay Pakistan ku taageertay Taliban, taas oo keentay in xiriirka Pakistan iyo Mareykanka uu xumaado. Wararka ayaa sheegaya in guusha Pakistan ay tahay mid ay dano gaar ah ka leedahay inkastoo ay saraakiisha dalkaas nukliyeerka haysta ay beeniyeen arrintaas. Sida lagu sheegay warbixinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa jirto in ka badan 6,000 oo argagixiso ah oo ka hawlgala xadka Afghanistan, kuwaas oo xiriir la leh Taalibaan. Maadaama Taliban ay taageereyso Pakistan, waxaa laga yaabaa inay dareento ammaan. Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in dhawaaca Taliban ee muddadii 20 sano ahayd lagu daweyn jiray dalka Pakistan. Qatar Qatar ayaa xubin muhiim ah ka ahayd geedi socodka nabadeynta Afghanistan, waxayna waday wadahadallo nabadeed oo dhexmarayay xukuumadii la riday iyo Taalibaan. Waxa kale oo ay si weyn u taageertay ururka Taalibaan, oo lagu tilmaamay inay taageerto garabkooda siyaasadda, si ay u siiso aqoonsi caalami ah. Taalibaan hadda waa awoodda maamusha Afghanistan. Qadar ayaa noqon karta dalka helo faa’iideystaha ugu horreeysa, ka dib markii ay sidoo kale gar-wadeen ka ahayd wadahadaladii Mareykanka iyo Taliban. Wada-xaajoodkaas ayaa ka caawiyay Mareykanka inuu ciidamadiisa kala baxo Afghanistan, iyo sii-daynta maxaabiista siyaasadda iyo militariga ee xabsiyada Afghanistan ku xirnaa. Ka dib markii ay Taliban la wareegeen awoodda, waxaa la filayay in kooxda ay taageero maaliyadeed oo weyn ka hesho Qatar, oo sidoo kale la filayo in ay sii xoojiso dadaalladeeda Bartamaha Aasiya iyo nawaaxigeeda ee dhaqdhaqaaqyadeeda dhaqaale. Qaran News
-
Lacag Gaadhaysa Laba Milyan iyo Badh Dollar oo su’aali ka taagan tahay halka ay ku dhacdo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa soo bandhigay lacag ka badan laba milyan oo doollar oo ay sheegeen in ay ku dhacdo jeebab dad gaar ah, halka kuwii shaqaynayey ee lacagtaasi soo saarayeyna ay ka mushahar la’yihiin bishan dhammaadka ku sii dhow. Lacagtan, ayaa Xisbiga Waddani sheegay in ay ka soo xarooto Mishiinka Shaybaadhka cudurka COVID19, ee yaalla Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo ay khasab tahay in qofkasta oo dhoofayaa inuu iska sii baadho, iyada oo sannadkii uu shaqaynayey lagu qiyaasay dad ka badan 60 kun in ay iska baadheen. Xoghayaha Arrimaha bulshada ee Xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme oo arrintan ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Mishiinka COVID-19 ee yaal cusbitaalka guud waxa lagu baadhay illaa hadda 60,570 qof waxa laga qaada qofka $45 maalintii waxa la baadhaa 250 illaa 300 oo qof, sannadkaa uu shaqaynaayay waxa laga sameeyay $2.5 million, qalabka lagaga shaqeeyo waa deeq, shaqaalaha ka hawlgaa mushahar bishaan dhammadka ah may qaadan, lacagta intaa leeg waxay ku dhacdaa jeeb gaara”, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Kabul (Caasimada Online) – Wiilka hoggaamiyihii ugu caansanaa ee la dagaalamay Taalibaan ayaa sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin inay qaadaan iska caabin wax ku ool ah, balse wuxuu Mareykanka ugu baaqay inay hub iyo rasaas siiyaan maleeshiyadiisa. Faallo uu Arbacadii ku qoray wargeyska Washington Post ayuu Ahmed Massoud ku yiri “Mareykanka wuxuu weli hub weyn u noqon karaa dimoqraadiyadda,” isaga oo taageeraya maleeshiyadiisa. “Waxaan maanta kasoo qorayaa Dooxada Panjshir, waxaan diyaar u ahay inaan qaado raadkii aabahey, aniga oo haysta muajaahidiin diyaar u ah inay mar kale ka hortagaan Taalibaan,” ayuu yiri. Aabihiis Ahmed Shah Massoud, oo loo yaqiin Libaaxii Panjshir, ayaa hoggaamiyey iska caabintii ugu adkeyd ee ka dhan ah Taalibaan, isaga oo ku sugnaa dooxada ku taalla waqooyiga Kabul oo uu ku xooganaa, ilaa laga khaarijiyey sanaddii 2001. Isaga oo rajeynaya inuu raaco “raadkii aabnihiis” ayaa Massoud waxa uu sheegay inay kusoo biireen xubno ka mid ah ciidamadii gaarka ahaa ee Afghanistan “oo ka niyad jabay is-dhiibitaanka taliyayaashooda.” Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya madaxweyne ku-xigeenka Afghanistan Amrullah Saleh oo la kulmaya Massoud, waxayna u muuqataa in labadooda ay diyaarinayaa dhaq-dhaqaaq jabhadeyn oo ka dhan ah Taalibaan. “Hase yeeshee waxaan u baahannahay hub dheeri ah, rasaas dheeri ah, iyo sahay dheeri ah,” ayuu yiri. Massoud ayaa sheegay in Taalibaan ay halis ku yihiin wax ka baxsan xuduudaha Afghanistan. “Inta ay xukumeyso Taalibaan, Afghanistan waxay shaki la’aan noqon doontaa saldhigga argagixisada Islaamiyiinta xagjirka ah; shirqoolo ka dhan ah dimoqraadiyadda ayaa mar kale halkan lagu diyaarin doonaa.” Massoud ayaa sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin dagaalka imanaya balse ay u baahan yihiin kaalmada Mareykanka. Tan iyo markii ay xukunka la wareegeen, Taalibaan ayaa soo bandhigayey hub, rasaas iyo qalab baaxad leh oo ay ka qabsadeen ciidamada Afghanistan – oo badankood uu u qeybiyey Mareykanka. Massoud ayaa sheegay in 20 sano kadib, Mareykanka iyo Afghanistan ay wadaagaan “mabaadi’ iyo halgan,” wuxuuna ka codsaday Washington inay taageerto “qadiyadda xoriyadda” intii ay Afgaaniyiinta uga tagi lahaayeen Taalibaan. “Waxaad tihiin rajadeena kaliya ee hartay,” ayuu yiri. AFP + VOA The post Wiilka Ahmed Shah Massoud oo ku dhowaqay dagaal ka dhan ah Taalibaan appeared first on Caasimada Online.
-
Bannaan-bax xooggan oo ka dhan ah ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka dhacay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho. Dibad-baxan waxa abaabulay ehelada iyo qoysaska ay ka soo jeedaan dad lagu eedeeyay in ciidmada AMISOM ay ku dileen magaalada Golweyn ee gobolka Shabeella Hoose. AMISOM ayaa diiday qirashada dilka dadkan shacabka ahaa, hase ahaatee waxay sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso dhacdan. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay dilka dadkan rayidka ah ayaa sheegay in askartaas sharciga la horkeeni doono, isagoo dhinaca kale xusay inay la xaajoonayaan ehelada dadkii la dilay. PUNTLAND POST The post Bannaan-bax ka dhan ah AMISOM oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Bannaan-bax xooggan oo ka dhan ah ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka dhacay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho. Dibad-baxan waxa abaabulay ehelada iyo qoysaska ay ka soo jeedaan dad lagu eedeeyay in ciidmada AMISOM ay ku dileen magaalada Golweyn ee gobolka Shabeella Hoose. AMISOM ayaa diiday qirashada dilka dadkan shacabka ahaa, hase ahaatee waxay sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso dhacdan. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay dilka dadkan rayidka ah ayaa sheegay in askartaas sharciga la horkeeni doono, isagoo dhinaca kale xusay inay la xaajoonayaan ehelada dadkii la dilay. Magaalada Muqdisho waxa maanta lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu xusay toban sana guuradii ka soo wareegatay dib u noolaynta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga. Munaasabaddan waxa ka qayb-galay qaar ka mid ah Madaxda dalka ugu saraysa iyo masuuliyiin ka socda safaaradda Turkiga iyo xubno kale. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiriirkoodii Taariikhiga ahaa dib usoo celiyay July 2011-kii, markii uu Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo markaa ahaa Ra’iisul wasaare. Xilligaas oo ay gacmaha ka laabatay Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan dalka ka taagnaa abaaro ba’an iyo macaluul galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, wuxuuna mudane Erdogan soo gaarsiiyay dalka sahay gargaar oo kala duwan. PUNTLAND POST The post Dib-u-curashadii xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta Muqdisho laga xusay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa casuumaad rasmi ah u fidisay golaha wada-tashiga qaranka, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo aadan Rooble iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka ay tegi doonaan magaalada Riyadh ee caasimadda wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay wada-hadallo kula galayaan madaxda sare ee dalkaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online socdaalka wafdigan culus ayaa salka ku haya arrimo la xiriira xoojinta xirriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga oo hooseeyey sanadiihii dambe. Rooble ayaa haatan ku maqan dalka Masar, halka madaxda maamul goboleedyada ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho oo ay uga qeyb-galayaan shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka, walow uu maanta dib u dhac ku yimid shirkaasi. Safarka ayaa soo shaac baxday, xilli xasaasi ah, isla-markaana xukuumadda xil-gaarsiinta ay ku howlaneyd arrimaha doorashooyinka iyo xoojinta xiriirka dibadda, waxaana wafdi ka socda xukuumadda oo uu horkacayo Rooble ay booqasho ku kala tageen Nairobi & Qaahira. Sacuudiga ayaa la sheegay inuu qorshe weyn ka damacsan-yahay casuumadda Rooble iyo madax goboleedyada, maadaamna doorasho la galayo, waxaana tani oo kale ay dhacday sanadkii 2016, kadib markii dowladda Imaaraadka Carabta ay casuumaad wadajir ah u sameeysay madaxdii maamul goboleedyada ee xilligaas, waxayna kala hadsashay arrimaha doorashooyinka ee markaasi iyo sidoo kale in is-bedal laga sameeyo doorashadii 2017-kii. Si kastaba, warkan oo illaa iyo hadda aysan ka hadlin dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa hadal heyn badan ka dhaliyey baraha bulshada, maadaama uu kusoo aaday, xilli xasaasi ah, Soomaaliyana ay haatan ku jirto xaalad adag oo kala guur ah. The post Dowladda Sacuudiga oo u yeertay ROOBLE iyo madax goboleedyada dalka + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaaamiyaha Daalibaan, Hibatullaahi Akhundzada waxa uu amar ku bixiyey in la sii wada daayo dhamaan Siyaasiyiinta ku xiran Xabsiyada dalkaasi. Qoraal uu Afhayeenka Daalibaan, Qaari Yuusf Axmedi soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku shaaciyey Amarka uu Hoggaamiyahooda ku bixiyey in la sii daayo Siyasiyiinta xiran, iyadoo Guddoomiyayaasha Goballadda la amray inay si shroud la’aan ah u sii daayaan Maxabiista Siyaasadda ee darajadahoose iyo Xilalka sare hayey. Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in Maxaabiista la sii daynayo lagu wareejiyo Qoysaskooda maalinta berrito ee Jimcaha ah. Maleeshiyada Daalibaan waxay bishan 15-dii gudaha u galeen caasimadda dalkaasi ee Kabul, taasi oo soo dedejisay Burburka Dowladdii ay Maraykanka taageerayeen. PUNTLAND POST The post Hogaamiyaha Taalibaan oo amray in la sii daayi maxaabiista siyaasada u xiran appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ay dhigeen dadweyne ka careysnaa dadkii ay ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ku laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dadweynahan ayaa isugu soo baxay fagaaraha Taalada Daljira Daahsoon oo ku yaalla degmada Boondheere, waxayna wateen boorar lagu soo xardhay eradyo ka dhan ciidamada AMISOM, sida dil gar-darro ah dooni meyno, xasuuq dooni meeyno iyo erayo kale. Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa cambaareyn xoogan u jeediyey AMISOM oo dalka u joogta howlo nabad ilaalin ah, waxayna ay ku eedeeyeen inay dishay shacab badan. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, sida guddoomiyaha degmada Boondheere Seynab Yuusuf Weheliye ayaa ka qeyb-gashay dibad-baxa, waxayna dadka ugu baaqday in si dajiyaan, isla-markaana ay si degan ku raadiyaan cadaaladda. Dhankeeda Shamso Yabarow oo banaan-baxa ka hadashay ayaa iyaduna tiri “Annaga in AMISOM ay naleyso xaq u malaha, mana dooneyno annaga oo Soomaali ah oo dalkeena joogno inay naleyso horta taas qalad waayey Soomaaliyey,”. Qaar ka mid ah dadka dhigayey dibad-baxa ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay arrintaan soo farageliyso, ayna wax ka qabatao dil wadareedkii loo geystay dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dibad-baxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo aadaya, xilli madaxweynaha Uganda oo ka hadlay dhacdadan uu qiray in ciidamadiisa ay dad shacab ahaa ku dileen Soomaaliya, isla-markaana la xiray askartii ka dambeysay falkaasi, misana maxkamada la geyn doono. Yoweri Musaveni ayaa sidoo kale sheegay in magdhow ay siinayaan ehalada dadkii ay ciidamadiisa dilka ugu geysteen gudaha Soomaaliya. Dhacdadan ayaa timid, kadib qarax ciidamada Uganda lagula eegtay Golweyn, iyagoo kadib toogasho ku dilay 7 qof oo shacab ah oo ku xugnaa deegaanka uu weerarka ka dhacay. The post Shacab careysan oo maanta banaan-bax xooggan ka dhigay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka, gaar ahaan hay’adda USAID ayaa sheegtay in lacag malaayiin dollar ah ay ugu deeqday Soomaaliya, taas oo loo soo marin doono sanduuqa caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF qeybteeda Soomaaliya. USAID ayaa shaaca ka qaaday in lacagtaasi ay tiro ahaan gaareyso illaa $20 milyan oo dheeraad ah, isla-markaana qeyb ka ah kaalmaha la siinayo dowladda Soomaaliya. Sidoo kale hay’adda hay’adda USAID ayaa warbixinteeda ku sheegtay in deeqdaan lacageed loogu-talagalay in Soomaaliya looga caawiyo la dagaallanka Covid-19. Ujeedka kaalmahan laga leeyahay ayaa sidoo kale ah taageerida ururka iyo la-howlgalayaashiisa si loo xoojiyo adkaysiga bulshooyinka iyo wax-ka-qabashada saameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo dhibaatooyinka kale ee horyaa dalka. “Maaliyaddan cusub ma’aha oo kaliya in ay gacan ka geysaneyso yareynta saameynta masiibada, laakiin waxay sidoo kale xoojin doontaa ilaalinta carruurta ee adeegyada, caafimaadka, nafaqada, iyo sidoo kale bixinta biyo nadiif ah iyo fayadhowr wanaagsan,” ayaa lagu yiri warbixinta. Dhinaca kale kaalmadani cusub ayaa waxay keeneysaa maal-gelinta USAID ee UNICEF Soomaaliya in ay gaartay $ 34.7 milyan sanadkan aynu ku jiro ee 2021-ka. Si kastaba Soomaaliya waxaa markii saddexaad fara ba’an ku haya cudurka Coronavirus, waxaana haatan isa soo taraya dadka uu soo ridinayao xanuunka iyo kuwa u dhimanaya. The post Mareykanka oo malaayiin dollar ugu deeqay Somalia – Maxaa lagu qabanayaa? appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka oo maanta lagu balansanaa in uu Muqdisho uga furmo madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka. Shirkan oo yimid kadib markii 15-kii bishaan ay kulan dhanka fogaan aragga ah ay wada yeesheen madaxda ayaa lagu waday in looga wada hadlo xaaladdaa doorashooyinka, si gaar ah doorashada golaha shacabka oo maalmaha soo socda ka dhaci doona dalka. Madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa dhamaan ka maqan magaalada Muqdisho oo uu shirka ka furmi lahaa. Rooble ayaa safar seddax maalin ah ugu maqan dalka Masar halkaas oo uu kulamo kula qaadanayo mas’uuliyiinta dalkaaas. Illaa iyo hadda ma cadda maalinta rasmiga ah ee uu furmayo shirka wadatashiga doorshooyinka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ay xalay dabley ka tirsan kooxda Daacish ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari, kaas oo lagu dilay mas’uul sare oo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in mas’uulka lagu dilay weerarka uu ahaa guddoomiyihii degaanka Balli-Dhidin ee gobolka Bari, kaas oo ay khaarijiyeen xubno ka tirsan kooxda Daacish. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Muumin, waxaana la sheegay in ilaaladiisa ay iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka fuliyey. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dilka ka dambeysay oo ka tirsan Daacish ay goobta isaga baxsadeen, kadib toogashada guddoomiyaha. Dhinaca kale Puntland ayaa war kasoo saartay dilka Marxuum Maxamed Axmed Muumin, waxaana qoraal uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad tacsi loogu diray ehellada marxuumka iyo reer Puntland. Dhabancad ayaa sidoo kale Marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadii Fardowsa, samir iimaana uu ka siiyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. “Aniga oo ku hadlaaya magaciisa, kan masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda, iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee guddoomiyaha Alle “SWC” uga baryayaa Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatu Fardawsa, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumka,” ayuu yiri. Daacish iyo Al-Shabaab oo weli ku xoogan dhulka buuraleyda ee Puntland ayaa weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka geysta magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi. The post DAACISH oo weerar ku dishay mas’uul ka tirsanaa Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa qorshuhu ahaa in maanta oo ku beegan 19-ka August ka furmo shirka golaha wada-tashiga qaran, kaas oo u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Dib u dhaca ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu sababay safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku aaday dalka Masar oo illaa iyo hadda uu ku maqan yahay. Sidoo kale waxaa weli caasimada soo gaarin madaxda kale ee dowlad goboleedyada oo iyaguna imaashiyahooda Muqdisho dib u dhigay, sababo la xiriira safarka Rooble. Shirka golaha wada-tashiga qaran oo lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah ayaa waxaa iclaamiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo aaladda ZOOM-ka kulan kula yeeshay hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ka jira & sidoo kale duqa magaalada Muqdisho. Intiisa badan waxaa shirkan, hadii uu qabsoomo diirada lagu saarayaa u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka iyo miisaanadda doorashooyinka dalka ee 2021. Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in shirka lagu soo qaadi doono dib u dhaca ku yimid jadwalkii doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, maadaama laga daahay. Doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxaladoo kala duwan iyo is jiid jiid muddo soo taagnaa oo sababay in doorashada lagu qaban waayo xilligii loo asteeyey. The post Maxaa keenay dib u dhaca ku yimid shirka golaha wada-tashiga qaran? appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Dubai)-Ashraf Ghani oo markii ugu horeysay khudbad soo jeediyey tan iyo markii uu ka baxsaday waddanka Afghanistan ayaa sheegay inuu isaga baxay Kabul si halkaasi uusan uga dhicin dagaal uu dhiig badan ku daato. Madaxweynihii xukunka laga tuuray ayaa dhinaca kale beeniyey warar sheegaya inuu hore usii qaatay boorsooyin ay ka buuxaan lacag, arrintaasi oo uu ku tilmaamay dacaayad lagu sumcad dilayo. Dhinaca kale kooxda Talibanka ee xukunka Afghanistan la wareegtay ayaa kulan la yeelatay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Hamid Karzai iyo Wasiirkii hore ee arrimaha Dibada Abdullah Abdullah. Madaxweyne Ghani ayaa sheegay inuu isaga soo dhaweenayo wadahadaladan. Kooxda Talibanka ayaa sheegtay inay dooneyso inay soo dhisto dowlad loo dhan yahay, isla markaana meesha ka saartay inay dib usoo celin doonaan ficiladii xagjirnimada ahaa oo ay ku xukumi jireen dalkaasi kahor intaan xukunka laga tuurin 2001. Source