-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Taliban ayaa u sheegtay maamulka Mareykanka inay “marin ammaan ah” u ogolaan doonaan garoonka diyaaradaha Kabul oo weli ay maamulaan ciidamada Mareykanka, sida uu sheegay la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan. Sullivan ayaa xaqiijiyey in garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Hamid Karzai uu hadda shaqeynayo, islamarkaana duulimaadyada daad-gureynata muwaadiniinta Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeya ay socdaan, kadib markii si ku-meel gaar ah loo hakiyey Isniintii. “Taliban waxay nagu wargeliyeen inay diyaar u yihiin inay marrin ammaan ah siiyaan shacabka ku socda garoonka, waxaana kula xisaabtami doonnaa ballan-qaadkaas,” ayuu yiri Sullivan. Inkasta oo ay jireen warar sheegayey in Taliban ay xanibtay waddooyinka loo maro garoonka, Sullivan wuxuu sheegay in dhammaan dadkii doonayey inay ka tagaan dalkaas ay awood u yeesheen inay gaaraan garoonka. “Xaqiiqdii, dad badan ayaa awood u yeeshay inay gaaraan garoonka oo ay isa soo bandhigaan,” ayuu yiri Sullivan. “Waxaa jiray xaalado aan helnay warbixino sheegayey in dadka qaar la celiyey ama la garaacay, waxaana arrintaas kala hadleynaa Taliban si ay u xaliyaan.” Sullivan oo dhowr mar ugu yeeray dagaalka Afghanistan “dagaal sokeeye”, ayaa difaacay go’aanka madaxweyne Joe Biden uu ciidamada Mareykanka uga soo saarayo Afghanistan. Waxa uu sheegay in ikhtiyaarka Washington uusan aheyn inay caawiyaan dowladda Afghanistan ama ay diidaan, balse uu ahaa inay ciidamadooda lasoo baxaan ama ay diraan kumanaan askari oo kale, si ay dagaal uga qeyb galaan. “Waxaa nasoo gaari lahaa khasaare. Rag iyo dumar Mareykan ah ayaa dagaalami lahaa oo mar kale dhiman lahaa,” ayuu yiri. Taliban oo shalay Kabul ku qabatay shirkeedii jaraa’id ee ugu horreeyey tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kabul, ayaa sheegtay inay doonayso xiriir nabadeed oo ay la yeesheen dalalka kale ee caalamka, ayna ilaalin doonaan xuquuqda haweenka. Sullivan ayaa sheegay inaan hadda la go’aamin karin in Taliban ay kasoo baxeyso ballan-qaadyadaas iyo in kale. “Ugu dambeyntii Taliban ayey u taallaa inay dunida inteeda kale tusto cidda ay yihiin iyo sida ay damacsan yihiin inay ku socdaan. Sooyaalkoodii hore ma wanaagsaneyn,” ayuu yiri. The post TAALIBAAN oo hal arrin ka ogolaatay Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Jubaland iyo dagaallamayaasha Al-shabaab, ayaa ka dhacay degaanka nawaaxiga Baar-sanguuni, oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose. Wararku waxay sheegayaan, in Ciidamada Jubaland ay weerar xooggan ku qaadeen rag ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa aga’gaarka Baar-sanguuni, halkaas oo uu ka dhacay dagaal khasaare gaystay. Khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray ciidamada Jubaland iyo Al-shabaab, ayaan weli faahfahin dhammaystiran laga helin, iyadoo labada dhinac uusan midna weli ka hadlin dagaalkaas. Ciidamada Jubaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab, waxay ka wadeen degaanno ka tirsan Gobolkaas Jubada Hoose. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo Jubaland iyo Al-shabaab ku dhexmaray Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa isku dayeysa inay qasab ka dhigto in manhaj ay diyaarisay laga dhigo iskuullada ku yaalla magaalda Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online. Al-Shabaab ayaa u yeeray maamulayaasha qaar ka mid ah Iskuulada Muqdisho, si ay arrintan ugala hadlaan, waxayna ku amreen in ay qaataan manhaj cusub oo waxbarashada ah oo ay saareen dagaalamayaasha Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa u sheegay barayaasha iyo maamulayaasha Iskuulada in ay qasab-tahay qaadashada manhajka cusub ee Iskuulada Hoose – Sare, kaasoo ay sheegeen in uu yahay kan saxda ah ee laga bixin doono guud ahaan dalka, sida ay hadalka u dhigeen. Arrintaan ayaa durba caqabad ku noqotay maamulayaasha Iskuulada, iyagoo ka walaacsan sidii ay ka yeeli lahaayeen amarka Al-Shabaab maadaama aysan didi karin, sidoo kalane aysan aqbali karin, maadaama Muqdisho ay ka taliso dowladda federaalka. Guud ahaan Soomaaliya marka laga reebo degaanada Puntland iyo Soomaaliland waxaa hadda ka dhaqan galay Manhajka ay soo saartay dowladda Soomaaliya, kaas oo ka kooban ilaa dugsiga Sare. Lama oga sida xal loogu heli karo qorshaha Al-Shabaab oo halis ku ah waxbarashada Soomaaliya iyo ammaanka dalka hadii uu dhaqan galo. Dowladda Soomaaliya ayaa wali ka hadlin arrintaan oo hadda soo ifbaxeyso. Al-Shabaab ayaa horey amaro badan uga dhaqan-gelisay Muqdisho, sida inay ka qaado canshuur, hase yeeshee arrinta manhajka ayaa ah mid ka duwan maadaama ay tahay wax muuqda, oo aan sida canshuur bixinta loo qarin karin. The post Al-Shabaab oo qasbeysa in MUQDISHO laga hirgeliyo manhajkeeda waxbarasho appeared first on Caasimada Online.
-
Jakarta (Caasimada Online) – Hay’adda la socodka kalluumeysiga Indonesia ee loo soo gaabiyo DFW ayaa sheegtay inay heshay ashtako ku saabsan 13 kalluumeysato oo dalkaas u dhashay oo muddo sideed bilood ah lagu haysto Soomaaliya. Isku xiraha qaranka ee hay’adda DFW, Abdi Suhufan ayaa sheegay inay dowladda ku wargeliyeen dhacdadan 29-kii June. “Waxaa jiray dadaallo ay sameysay dowladda Indonesia, hase yeeshee illaa iyo hadda kuma guuleysan inay soo qaado shaqaalahan Indonesian-ka ah ee ku xaniban Soomaaliya,” ayuu Abdi ku yiri bayaan uu soo saaray Isniintii. Shaqaalahan ayaa, sida uu sheegay u shaqeynayey maraakiib iyo doomo kalluumeysi oo ay leedahay shirkadda Liao Dong Yu, ee dalka Shiinaha. waxay ay haysteen qandaraas hal sano ah oo kasoo billowday December 2019, kuna ekaa December 2020. “Kooxda Shiinaha ayaa kala shaqeysay dhinacyo ku sugan Soomaaliya in dadka ay sii xabisnaadaan oo lagu hayo goob cidlo ah,” ayuu yiri Abdi, oo intaas ku daray inaan la aqoon halka rasmiga ah ay dadkan kaga sugan yihiin Soomaaliya. Abdi ayaa sheegay in dadkan oo xiriir lasoo sameeyey ay u sheegeen inay ku sugan yihiin xaalad cabsi, xanuun iyo walaac ah, uuna ka cabsi qaba inay sameeyaan ficillo ay isku dili karaan ama naftooda halis gelin kara. Waxa uu intaas ku daray in illaa hadda uu dhintay hal qof oo ka mid ah, mid kalena la’ayahay. Abdi ayaa sheegay in dhimashada iyo qofka la la’yahayba ay ka dhaceen doonta ay leedahay shirkadda Shiineeska oo magaceeda iyo lambarkeedu yahay Liao Dong Yu 571. “Dowladda Indonesia waa inay tallaabo qaadaa, oo ay soo bad-baadisaa, dalkoodana kusoo celisaa 13-kan qof, oo hadda ku sugan Soomaaliya,” ayuu yiri Abdi. The post 13 qof oo Indonesian ah oo lagu haysto gudaha Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa diiday habraacii Doorashada Golaha Shacabka ee shalay baxay Guddiga doorashada heer Federaal. War-saxaafadeed ay soo saareen xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Federaal ayaa lagu sheegay in aan la isku raacsaneyn habraacii lasoo saaray, iyagoona shaaciyay in habraacyada aysan ahayn kuwo sax ah. Xubnahaan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qeyb yar oo kamid ah Guddiga doorashada ee uu hoggaamiye Guddoomiye Maxamed Xasan Ciro ay soo saareen habraac aan waafaqsaneya wadajirka Guddiga. PUNTLAND POST The post Gudiga doorashooyinka heer Federaal oo isku khilaafsan Habraaca Doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro ayaa baaq u direy madaxda dowlad goboleedyada aan weli soo dhameystirin doorashada xubnaha Aqalka Sare, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga. Cirro ayaa madaxda ku booriyey in xil weyn iska saaran kasoo dhalaalidda ballamihii iyo heshiisyadii ay saxiixeen si shacabka Soomaaliyeed u helaan dowlad sharci ku dhisan, oo matasha doonitaanka shacabkeeda. “Guddiga waxa uu cod dheer ugu baaqayaa Maamul Goboleedyada dhammaan in ay xil adag iska saaran fulinta heshiisyadii horey loo gaaray oo runtii ah is-afgarad sahlaya in aan si nabdoon ku gaarno nidaam sharci ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga. Sidoo kale waxa uu guddiga doorashooyinka heer Federaal soo dhaweeyay natiijada doorashada Aqalka sare ee 15-kii Agoosto ka dhacday caasimadda kumeel gaar ka ah ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, taasi oo lagu soo dhameystiray xubnihii ku harsanaa maamulkaas. Doorashada Aqalka Sare ayaa waxa soo dhameystiray Puntland iyo Koonfur Galbeed, halka dowlad goboleedyada kale laga sugayo inay soo dhameystiraan, midaasi oo sii dheereynaysa waqtiga doorashada. Si kastaba, Guddiga ayaa xiligaan wada dar-dar gelin uu ku rabo in lagu socodsiiyo habsami u socodka iyo dedejinta doorashada, si ugu yaraan loogu dhawaado waqtigii doorashada dalka hore loogu asteeyay. The post Guddiga doorashada oo hal mid ka dalbaday madaxda maamul goboleeedyada appeared first on Caasimada Online.
-
Halkay Hubka & Lacagta ka helaan Taalibaan oo la ogaaday Kooxda Taalibaan waxay muddo 20 sano ah dagaal kula jirtay ciidamada dowladda Afghanistan ee taageerada ka heystay militariga Mareykanka iyo xulafadiisa. Dhaqaalaha ku baxayay dowladda Afghanistan waxaa daboolayay Mareykanka, balse waxaa la isweydiinayay halka ay Taalibaan ka hesho kharashka ay muddadaas dheer u adeegsaneysay dagaalka. Waxaa la aaminsan yahay in kooxdan ay dhaqaale badan ka hesho gudaha iyo dibadda – labadaba. Sidoo kale su’aasha kale ee ugu weyn waxay ku qotontaa cidda hubka siiso kooxdan. Intuu la egyahay dhaqaalaha ay hesho Taalibaan? Kooxda Taalibaan waxay horay dalka Afghanistan u xukumayeen intii u dhaxeysay 1996-kii ilaa 2001-dii, xilligaas oo maamulkooda uu ahaa mid si adag u dhaqan galiyay Shareecada Islaamiga ah. Tan iyo markii maamulka laga faromaroojiyay, waxay wadeen iskacaabbin waqti dheer qaadatay, illaa ugu dambeyn ay hadda dib u qabsadeen waddankaas. Inta badan qiyaas kaliya ayaa lagu sheegaa qaabka ay dhaqaalaha u hesho kooxdan sababtoo ah Taalibaan ma shaaciso xogta la xiriirta meesha ay lacagta ka helaan. Balse wareysiyo ay BBC-da la yeelatay khubaro ku sugan guaha iyo dibadda Afghanistan ayaa muujiyay in kooxda ay leedahay shabakad lacag ugu aruurisa qaab aan si weyn loo fahansaneyn. Waxaa kale oo ay aruuriyaan canshuur si loogu bixiyo howlgallada ay fuliyaan. Ilaha ay dhaqaalaha kasoo galaan waxaa ka mid ah iibinta maandooriye ka baxa waddankaas oo dibadda loo dhoofiyo. Ciidamada Mareykanka ayaa sannadihii dambe isku dayayay in ay duqeymo la beegsadaan xarumaha lagu keydiyo maandooriyaha la iibiyo ee la aaminsan yahay in dhaqaalaha uu ka soo galo Taalibaan. Hase yeeshee kharashka soo gala kooxdan ma aha oo kaliya mid ka imaada ganacsiga Opium-ta. Qaramada Midoobay ayaa 2012-kii ka digtay in la qaato fikirka ku aaddan in isha dhaqaale ee ugu muhiimsan Taalibaan ay tahay tan iibinta daroogada. Laga soo billaabo sannadkii 2011-kii, dhaqaalaha sanadlaha ah ee soo gala Taalibaan waxaa lagu qiyaasayay $400m (£316m). Laakiin waxaa la rumeysan yahay inuu aad u kordhay sannadihii ugu dambeeyay, oo uu gaaray ilaa $1.5bn. Daroogada Opium, canshuurta iyo baadda Afghanistan waa waddanka ugu weyn ee soo saara dhirta daroogada ah ee loo yaqaanno “opium”. Waa geedka laga sameeyo daroogada qaaliga ah ee lagu magacaabo heroin. Qiimaha sannad walba kasoo xarooda dhoofinta maandooriyahaas waxaa lagu qiyaasay $1.5 -$3bn. Waa dhir si aad ah looga jecel yahay meelo badan oo ka mid ah dunida. Inkastoo geedkan uu ka baxo meelo ka mid ah magaalooyinka ay gacanta ku heysay dowladda Afghanistan, dhulka uu sida weyn looga beerto waa meelaha ay 20-kii sano ee ugu dambeeyay gacanta ku hayeen xoogagga Taalibaan. Taalibaan waxay jabisay ciidamadii dowladda Afghanistan ee la dagaallamayay Taalibaan waxay lacago kale ku helaan canshuur heerar kala duwan ah oo ay kusoo rogaan shacabka. 10% ka mid ah canshuurtaas waxaa laga qaadaa dadka beerta opium-ka. Canshuurta waxaa laga soo aruuriyaa sheybaarrada opium-ka loogu baddalo daroogada heroin-ta. Sidoo kale waxaa lacagtaas laga qaadaa dadka sida sharci darrada ah maandooriyaha u dhoofiya. Lacagta ay Taalibaan ka heleysay daroogada aan sharciga ahayn waxaa sannad walba lagu qiyaasay $100m-$400m. Xubnaha kooxdan ayaa la sheegay lacago kale ku heli jireen qaab baad ah oo si khasab ah looga qaato dadka ganacsatada ah. Macdan qodista Dalka Afghanistan wuxuu qani ku yahay dhagaxyada qaaliga ah, kuwo badan oo ka mid ahna waxay gacanta ugu jireen dad gaar ah maadaama uu waddanka hareeyay dagaal. Dhaqaalaha ka soo xarooda dhagaxyada qaaliga ah ee Afghanistan waxaa lagu qiyaasay $1bn. Inta badan dhagaxyada waxaa lo qotaa qaab sharci darro ah. Dhgaxyada qaaliga ah ee Afghanistan oo lagu iibinayo Kabul Kooxda Taalibaan waxay maamushaa godad laga qodo macdanta, lacagona waxay ka qaadataa dadka sida sharci darrada ah u qota iyo kuwa sharciga waafaqsan labadaba. Sannadkii 2014-kii, warbixin ay soo saareen kooxda kormeerka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Taalibaan ay sanadkiiba $10m ka helaan 25 ilaa 30 god oo macdanta laga qodo, oo ku yaalla gobolka koonfureed ee Helmand. Maalgalin dibadda ka imaata Saraakiil isugu jira Mareykan iyo Afghaanistaaniyiin ayaa muddo dheer ku eedeynayay dalal gobolka ku yaalla inay dhaqaale ku taageeraan kooxda Taalibaan. Dowladahaas waxaa ka mid ah Pakistan, Iiraan iyo Ruushka, laakiin si joogto ah ayay mar walba u beeniyaan eedeyntaas. Sidoo kale waxaa jiro warbixinno horey loo daabacay oo sheegaya in shaqsiyaad u dhashay Pakistan iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka, sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qadar ayaa la aaminsan yahay inay si iskood ah lacago ugu taageeraan kooxda. Inkastoo aysan suuragal ahayn in la ogaado tirada saxda ah ee ay lacagtaas dhan tahay, dadka khubarada ah waxay ku qiyaaseen inay gaari karto ilaa $500m, sanad walba. Xaguu hubka uga imaadaa Taalibaan? Inkastoo taariikh ahaan ay jirtay cadaawad ka dhaxeysay Taalibaan iyo Ruushka, haddana Mareykanka ayaa aaminsan in xukuumadda Moscow ay dhinaca qalabka militariga ka taageerto kooxdan. Ruushka ayaa dhankiisa gaashaanka u daruuray eedeyntaas. Xubnihii asaasay Taliban waxa ay qayb ka ahaayeen Mujaahidiintii la dagaalamayay Midowgii Soofiyeet, 1980-meeyadii. Markii ay Soofiyeetka ka baxeen Afghanistan, Ruushka waxa ay taageero dhaqaale iyo mid militari siin jireen kooxihii ka soo horjeeday Taliban. Balse markii ay Mareykanka soo galeen Afghanistan, ka dib weerarkii 9/11 ka dhacay Mareykanka, waxa ay Taliban arkeen fursad ay Ruushka kula shaqayn karaan. Saraakiil sarsare oo ka tirsan Mareykanka ayaa sheegayay in Moscow ay hub siiso kooxda Taalibaan, sida khubaro ay sheegeen 2018-kii. Gen Nicholson Waraysi ay BBC horay ula yeelatay abaanduulaha ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, Gen John Nicholson, wuxuu ku sheegay in eedeynta ku saabsan in Ruushka uu hubeeyo kooxda Taalibaan ay sax tahay. Dad badan oo u kuur gala xaaladdan waxay arrintaas u arkayeen wax u muuqday dagaal qaboow oo mar kale ka dhex taagan Mareykanka iyo Ruushka. Janaraal Nicholson waxa uu shaaca ka qaaday in hubka ay Ruushka siiyaan Taliban ay u sii mariyaan dhanka xuduuda dalka Tajikistan. “Waxa aan haynaa hub la keenay xaruntan taasi oo ay noo soo gacan galiyeen hogaamiyayaasha Afghanistan, waxa ayna noo sheegeen in Ruushka uu siiyay Taliban,” ayuu yiri Gen John Nicholson. Ruushka iyo Taalibaan si kala gooni gooni ah ayay u beeniyeen hadalka hadalka Gen Nicholson uu u sheegay BBC-da, waxay ayna sheegeen in arrintan aan caddeyn loo hayn. Safaarada Ruushka ee Kabul iyo wasaarada arrimaha dibadda ee Ruushka labaduba way beeniyeen sheegashadaas oo ay ku tilmaameen mid aan sal iyo raad toona lahayn. Qaran News
-
Shir jaraa’id: War cusub oo ay soo saartay Taalibaan Shirka jaraa’id ee Taliban Taliban Taalibaan ayaa maanta Kabul ku qabatay shirkeedii jaraa’id ee ugu horreeyey tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada, waxayna ku dhowaaqeen inay doonayaan xiriir nabadeed oo ay la yeesheen dalalka kale ee caalamka. “Ma dooneyno cadow gudaha iyo mid dibedda ah,” waxaa sidaas yiri afhayeenka kooxda Zabihullah Mujahid. Zabihullah Mujahid wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in xuquuqda haweenka lagu ilaalin doono xuduudaha shareecada Islaamka, loona ogolaan doono inay shaqeeyaan oo ay wax bartaan, “ayna ka dhex muuqaan doonaan bulshada, si waafaqsan shareecada Islaamka.” Zabihullah Mujahid ayaa yiri inaan cidna loo ogolaan doonin inay dhulka Afghanistan u adeegsato inay ka qaado weeraro ka dhan ah dalal kale. “Waxaan jeclahay inaan u xaqiijiyo bulshada caalamka, oo uu ku jiro Mareykanka, inaan cidna la waxyeeleyn doonin,” ayuu yiri Mujahid. “Waxaan jeclahay inaan u xaqiijiyo deriskeena, iyo dalalka gobolkeena inaan ogolaan doonin in dhulkeena loo adeegsado mid ka dhan ah cid kale ama dal kale oo caalamka ka mid ah. Marka dhammaan bulshada caalamka oo dhan ha xaqiiqsadaan inay naga go’an tahay middaas, oo aan la idin waxyeeleyn doonin.” Waxa uu intaas ku daray in Taalibaan aysan raadin doonin inay ka aargudato askartii iyo xubnihii dowladdii reer galbeedka uu taageeri jiray ee dalkaas. Mujahid ayaa sheegay in la cafiyey askartii hore ee dowladda, qandaraasleyaasha iyo tarjumaanadii la shaqeeyey ciidamada caalamiga ah. “Cidna idinma waxyeeleyn doonto. Cidna albaabka idiin ma soo garaaci doonto,” ayuu yiri. Afhayeenka Taalibaan ayaa sidoo kale sheegay in kooxda ay dooneyso in warbaahinta gaarka ah “ay sii ahaato mid madax-banaan,” hase yeeshee wuxuu suxufiyiita ku adkeeyey “inaysan ka shaqeyn wax ka dhan qiyamka qaranka.” Ballan-qaadyadan ayaa hadda looga fadhiyaa Taalibaan inay ka dhabeyso, waxayna sida ay uga dhabeeyaan ku xirnaan doona sida ay beesha caalamka u wajahdo aqoonsiga dowladdooda. Qaran News
-
Uganda oo qaadaneysa 2000 oo ka mid ah Qaxootiga reer Afghanistan ee Dalkooda ka yaacaya+Sababta Qaxooti reer Afghanistan ah Uganda ayaa qaadaneysa laba kun oo qaxooti reer Afghanistan ah, ka gadaal markii dagaal yahanada Taliban ay la wareegeen awoodda dalkaasi axaddii. Kooxda uggu horreysa ee shanta boqol ee reer Afghanstan ah, ayaa la filayay iney soo gaaraan galinka danbe ee maanta oo talaado ah garoonka diyaaradaha Entebbe. Heshiiska ayaa yimid, kadib markii ay dowladda Mareykanka ka codsatey, sida ay BBC-da u sheegtay wasiirka qaxootiga Uganda, Esther Anyakun. Dalka Uganda, ayaa leh taariikh dheer, oo ah soo dhoweynta qaxootiga, iyadoo haatan ay hoy siisay ku dhawaad 1.3 milyan oo dad ah, kuwaasoo kasoo cararey dagaallo iyomasiibooyin kalaba. Dalkan ku yaalla Bariga Africa, ayaa marti galiyay qaxootiga uggu badan ee dal ku yaalla qaaradan magan galyo siiyo, halka uu kaga jiro kaalinta afraad marka la eego dunida. Qaxootigan cusub ee reer Afghanistan-na, ayaa laga baari doonaa cudurka Covid19, iyadoo lagu karantiili doonno goobo gaar ah, sida ay sheegtay Anyakun. Dowladda Mareykanka, ayaa lagu wadaa iney bixiso qarashka ku baxaya dhammaan adeegyada loo sameynayo qaxootiga reer Afghanistan ee imanaya dalka Uganda. Qaran News
-
Madaxweyne ku-xigeenkii Afghanistan oo farriin soo direy Kaabul Amrullah Saleh Madaxweyne kuxigenkii Afghanistan, Amrullah Saleh, oo u ahaa kuxigeen Madaxweynihii baxsadey ee Ashraf Ghani, ayaa sheegay inuu isagayahay madaxweynaha kumeel gaarka ee dalkani. Saleh, ayaa farriin cod ah, oo uu soo duubay waxaa baahisay BBC-da Wuxuu xaqiijiyey inuu isagu jooggo Afghanistan, isagoo intaa ku darey in aanu dagaalku dhammaan. Si lama filaan ah ayey Taliban ula wareegeen caasimadda Afghanistan ee Kabul. Dalalka caalamka ayaa walaac waxa ay ururkani ka damacsan yihiin dalkani. Afhayeenka Taliban, kaasoo qabanayey shirkiisii jaraa’id ee uggu horeysay, ayaa sheegay in dhammaan jihooyinka xuduudaha ay iyagu gacanta ku hayaan. Soo shaac bixista Madaxweyne kuxigeenkii hore farriintiisa, ayaan la ogeyn waxa aykaga jawaabi doonaan ururka Taliban. Qaran News
-
Hargeisa:Meydadka Askar la laayey 30 sanno ka hor & Derejooyinkoodii oo la Helay Shalay iyadoo lagu guda jiro mashruucii biya balaadhinta Hargeysa oo dhulka la qodayo si loogu aaso beebabka biyaha waxa ay cagaftu soo saartay xabaal wadareed qofkii u horeeyey ee ka soo baxayna waxa uu noqday mid ka mid ah askartii ciidamada qalabka siday oo dirayskii iyo darajadiiba xidhan, askarigan oo ka kid ahaa dadkii sida arxan darrada ah hayb ahaanta loo laayey. Xafiiska dabagalka xasuuqa ayaa la wareegay goobtaas si lafaha dadkaas si sharaf leh dib loogu aaso goobo ku haboon. Warshadda caanaha Hargeysa agagaarkeedu waxa ay ka mid ahayd goobaha xabaal wadareedyada waxaana ku jira dad aad u tiro badan la xasuuqay wakhtigii rajiimkii Siyaad Barre. Qaran News
-
Taliyaha Booliiska ayaa shaaciyey in Qof kastoo masuuliyad loo diyaarinayo haddaanu salaada tukan uu been sheegayo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Guuto Maxamed Adan Saqadhi ayaa sheegay in qof kastoo masuuliyad loo diyaarinayo, haddaanu salaada tukan, uu been sheegayo, maadama aanu ninka Ilaahay SW been u sheegay, dadka run u sheegi karin, waxna qaban karin, mar uu shalay tababar u furayey ciidan layli sarkaal ah. Munaasibad lagu qabtay dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Lixle ee Mandheera oo Taliyaha Hogaanka Hawlaha Ganshale Sare Ibraahim,Taliyaha Hogaanka Tababarka Ciidanka Booliiska Ganshale sare Faysal Xiis Cilmi iyo Taliyaha Kuliyadda tababarka Ciidanka Booliiska Lixle Ganshale sare Jaamac khudbado uga jeediyeen ciidamada layli sarkaal loo tababarayo oo tiradooda guud tahay 155 askari, ayaa yidhi, “Layli sarkaal waa nin hoggaamin loo tababarayo, waa inuu qaato casharada laha bilaabo kuwa garoonka-gaardi, barashada qoriga ama tab ha noqotee, ilaa casharada fasalka lagu bixiyo.”ayuu yidhi Hoggaanka Hawlahu “Taliyaha Ciidanku waxuu idiin furayaa tababarkii layli sarkaal oo ah kii ugu horeeyey ee dugsiga tababarka Mandheera ee Lixle lagu qabto.” ayuu yidhi Hoggaanka tababaradu Faysal Xiis “Tirada u diyaar ah in tababarka layli sarkaal loo furo waa 155 askari, oo u kala baxa 97 ciidanka booliiska, 41 Ciidanka Badda, 17 Ciidanka Immigration-ka.” ayuu yidhi Taliyaha Dugsiga Mandheera Ganshale Sare Jaamac Khudbad uu Talliyaha Booliisku Sareeyo Guuto Maxamed u jeediyey ciidamada kala duwan ee tababarku u furmayey ayaa si adag ugula dardaarmay inay waajibaadka Ilaahay SW ee salaadu u horeyso gutaan, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa, “Haddaynu waajibaadka Ilaahay SW garano, waxyaalaha kale la inoo abuuray waynu garran doonaa. Qof masuuliyad loo diyaarinayo, haddaanu salaada tukan, been buu sheegayaa, ninka Ilaahay SW been u sheegay, dadka run uma sheegi karo.” Taliyaha Ciidanka Booliiska Saqadhi ayaa sheegay in tababaradii ciidamada laba dugsi loo qeybiyey, qeyb Dugsiga Mandheera laga dhigay, halkan oo booliiska, Ciidanka Badda iyo Immigration-ka lagu tababaryo iyo Ciidanka Qaranka, Asluubta iyo Sirdoonka oo Dararweyne lagu tababaryo, isagoo faahfaahin ka bixinayey nasiibka ciidankan layli sarkaal loo tababaro ayuu yidhi, “Waxaad tihiin rag waaya-aragnimmo ciidan leh, oo waddanka tacab badan soo geliyey, xaqna u leh in saraakiil la idiin diyaariyo. Aqoontii hoggaaminta ayaa la idin barayaa.” Taliye Saqadhi oo ka hadlayey muhiimada casharada ciidanka la barri doono ayaa sheegay in sarkaalka saldhiga haysta, haddaanu lahayn aqoon uu khaladaad baadhaha kiiska ka dhaca ku ogaan karo, aanu cadaalad samayn karin, hoggaamintiisana wax ka dhiman yihiin, waxaanu yidhi, “Dulmi baa dhacaya, khaladaad ayaa soo baxaya, maxaad wax ku maamulaysaa oo xaqaaga ku ilaalinaysa, ama xaqa dadkana kaa ilaalinaya, hadaanad xeerka booliiska baran? Tababarkan oo muddo lix bilood ah u socon doonta ciidamadan kala duwan ee saraakiisha loo tababaro ayuu Taliyaha Booliiska kula dardaarmay inay noqdaan kuwo aqoonta la barayo weeleeya, si ay bulshada ay ku noqonayaan ugu adeegaan, waxaanu yidhi, “Waa inaad weelaysaan aqoonta laydin dhigayo, si ay shaqada aad bulshada u qabanayso u hagto. Akhlaaqda wanaagsan ee halkan aad kala tagtaan qofka ayey anfacaysa, oo ummada ayaad ku anfacaysaan.” Taliye Saqadhi ayaa sheegay in ciidanka booliiska inta badan cabasho laga sheegto, iyagoo dedaala oo hawlo ka culays badan qabta, balse muhiim tahay inay iska gufeeyaan meelaha dhaliilahu uga imanayaan, waxaanu yidhi, “Innagoo waxqabad muuqda samayna, haddana inta la innagaga cabanayo waa inaynu iska dhaafnaa, hadii aynaan dadka dhaqan, wada shaqeyntooda ma helayno, ciidanka halkan fadhiya oo u badan kuwii SNM ee dadka u soo dagaalamay, inaad xil weyn iska saartaan sidaad bulshada si fiican ugu shaqeyn lahaydeen ayaa la idiinka doonayaa.” Ayuu yidhi Taliye Saqadhi, isagoo raaciyey, “Waxa la idiin tababarayaa inaad noqotaan hayinkii dadku rarranayey, oo isagoo dusha ku sida dadka la socon lahaa, halku-dhigeenu waa kaa,” Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeyo Guuto Maxamed ayaa digniin u jeediyey ciidanka layli sarkaal loo tababarayo, waxaanu yidhi, “Kuliyaddu xeerar ayey leedahay, qofkii jebiya, degdeg ayaa looga saarayaa xerada. waxaan idiinku dardaarayaa maanta hadaad ahaydeen qof masuuliyad keligii saarnayd, masuuliyada weyn ee aad qaadaysaan waa inuu nin walba u diyaargaroobaa.” Qaran News
-
Maraykanka, Uganda iyo Waqooyiga Mesedooniya ayaa sheegay inay qaabili doonaan Kumanaan Qaxooti ka soo baxsanayao Qalaalasaha ka taagan dalkooda. Milliteriga Maraykanka waxay diyaarinayaan Hoyga 22,000 oo Qaxooti Reer Afganistan ah, kuwaasi oo la dejin doono Saldhigyo Milliteri. Dhinaca kale, Uganda ayaa oggolaatay Codsi uu Maraykanka kaga dalbaday inay si Ku-meel-gaar ah u qaabilaan 2,000 oo Qaxooti u dhashay Afganistan. Wasiirada Samafalka, U diyaargarowga Masiibooyinka iyo Qaxootiga ee Uganda, Esther Anyakun Daviniya ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Museveni oggolaaday Codsiga qaabilaada Qaxootigaasi. Waxay kaloo sheegtay in Dufcadii u horeysay ee Qaxootigaasi oo tiradoodu dhan tahay 500 oo qof uu qorshuhu ahaa inay Uganda soo gaaraan bishan 16-di I, balse aysan Uganda soo gaarin. PUNTLAND POST The post Dalal shaaciyay in ay qaabilayaan Qaxootiga Afganistan appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 47 Muhaajiriin Afrikaan ah, ayaa ku geeriyootay Dooni ku cilladowday Badweynta Atlantic, gaar ahaan meel ku dhow Xeebaha dalka Mauritania. Saraakiil ka tirsan Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM ayaa sheegayin ay Muhaajiriinta saarnaayeen Dooni Badda sabaynaysay muddo 2 isbuuc ah. Wargeyska El Paso ayaa qoray in 7 Muhaajiriin oo ka badbaaday Doonida laga helay Xeebaha dalka Mauritania, kuwaasi oo kala ah 6 Haween iyo hal Nin iyadoo 4 ka mid ahna ay xaalladooda aad u liidato. Muhaajiriinta la socotay Doonidaasi waxay ka soo kala jeedaan dalalka Mali, Senegal, Mauritania, Ivory Coast iyo Gini. PUNTLAND POST The post Muhaajiriin Afrikaan ah oo ku geeriyooday xeebaha dalka Mauritania appeared first on Puntland Post.
-
At least five soldiers in central Somalia were killed – including one senior official – and 10 wounded Tuesday in a fierce firefight with al-Shabaab terrorists, said local media reports. The fighting broke out at the Galmudug state paramilitary forces base in the vicinity of Shebelow in the central region of Mudug after al-Shabaab fighters attacked the camp. Maj. Mohamed Ali Salaad, the commander of Horseed battalion of Galmudug Darwish forces, was also killed in the fighting, according to Somali National Television. Omar Mustaf, a local official in Galmudug, told Anadolu Agency over the phone that the Galmudug Darwish forces repulsed the al-Shabaab attack. “There are casualties on the side of Galmudug forces but I can’t confirm any numbers killed or injured in the fighting,” he said. He said al-Shabaab suffered huge casualties in the fighting, without giving details. Shebelow, where the attack took place, is located on the outskirts of the town of Ba’adweyne, which the Somali national army backed by Galmudug state forces recently liberated from terrorist group al-Shabaab. Al-Shabaab was behind a truck-bombing attack in October 2017 in the capital Mogadishu that took some 600 lives, the worst attack in the Horn of Africa country’s history. Source: Anadolu Agency The post Al-Shabaab attack in central Somalia kills senior military official appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa (HOL) - Somaliland security forces have arrested Sheikh Mohamed Sheikh Ismail, a prominent cleric in Somaliland and many other parts of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu fasaxay laba diyaaradood oo hub wada oo laga dejiyay magaalada Gaalkacyo. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa diyaaradahaan ay laba toddobaad kahor ka dageen Gaalkacyo, waxayna wadeen rasaas, hubka fudud iyo saanad kale oo ciidan, ayada oo lagu wareejiyay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo codsaday hubkaas. Hubka laga dejiyay Gaalkacyo ayaa loo qorsheeyay in Al-Shabaab looga saaro degaanada Koonfurta Gobalka Mudug ee Soomaaliya, waxaana dagaalkaas saraakiisha hogaamineyso kamid ah taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Jeneral Biixi iyo saraakiil kale. Ciidamada huwanta ah ayaa hadda ku dhow degmada Xarardheere ee gobalka Mudug, iyagoo soo qabsaday dhul ballaaran oo hoostaga gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda degaanada dhaca Koofurta gobalka Mudug ayaa jawaab u ah weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Wasil ee gobalka Mudug daba-yaaqada bishii Juun ee sanadkaan weerarkaas oo ay Al-Shabaab ku dileen ku dhowaad 50 qof oo shacab u badan. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegay inay ka go’an tahay inuu xaqiijiyo in dowladda Soomaaliya, oo uu hadda awoodaheeda fulinta si buuxda gacanta ugu hayo, ay si kasta oo ay awoodda uga qeyb qaadato in Al-Shabaab laga xoreeyo deegaanda Galmudug. The post Xog: R/W Rooble oo saanad ciidan u diray GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.
-
Wakhti siiya Xubnaha Baarlamanka iyo Xukuumada ! Asalaamu Calaykum Shaqo kasta oo ku cusub qofka aadamiga ahi waxay u baahan tahay wakhti uu ku barto, kuna fahmo si uu ugu guto sida saxda ah ee laga rabo inuu u guto shaqada loo diray. Waxaa kale oo jirta in ay aad u kala duwan tahay sawirka guud ama fikirka uu qofku ka haysto shaqada marka uu debada ka joogo iyo marka uu shaqada bilaabo ee uu dhex galo. Xubnaheena Baarlamanka oo ah xubno sharaf leh, una badan dhalinyaro aqoon fiican leh, waxa garbaha u saaran masuuliyad aad u culus, waxaana xubin kastaa uu ku hamiyayaa xaqiijinta himilooyinka waaweyn ee ay ka filanayaan dadkii soo doortay, sidoo kale waxaa jira dareen culus oo aad u weyn oo qalbiyadooda iyo maskaxdooda shidaya xubnaha cusub oo ah xaqiijinta guulo waaweyn oo dhakhso ah si ay Shacbiga u tusaan inay yihiin kuwo aan lagu hunhoobin oo gudanaya waajibkii loo doortay. Hadaba cusaybka shaqada iyo culaysyadaas saaran ee aan tilmaanay waxay horseedi karaan inay khaladaad ka dhici karaan, taasina waxa waxa ay keeni kartaa in si aan ku talo-gal ahayn oo aan cidna qorshayn oo hab kama’a ah ku dhalata ay geeska isu gelin karaan Xukuumada oo iyada lafteeda ay dhici karto inay dareen ama didmo ka qabi karto Golaha Wakiilada ee cusub ee Mucaaridku uu hogaaminayo. Si hadaba loo helo Gole Baarlaman oo si sax ah u guta waajibaadkooda iyaga oo Xukuumada kala shaqaynaya hawlaha ay Qaranka u hayso, waxaa waajib ku ah oo loo baahan yahayn in Xukuumada iyo Baarlamanku ay noqdaan kuwo isku duuban oo si bilaa khilaaf ah uga wada shaqeeya danaha Qaranka, iyaga oo kala madax-banaan oo dhinac kastaa uu ku shaqaynayo nidaamka uu dastuurku u dejiyay. Waxaa kale oo aad u muhiim ah in Xubnaha cusub ee Golaha Wakiiladu ay ka fogaadaan degdega iyo inay raacaan sanqadh kasta ama buuq kasta oo dhanka Xukuumada laga soo sheego. Tusaale ahaan haddii ay Laamaha Amniga Qaranku ay xidhaan muwaadin ka mid ah shacbiga, waa in laga fogaadaa in markiiba warbaahinta lagu yaaco oo la yidhaa maxaa loo xidhay qofkaas. Suurto-gal maaha inay Laamaha Ammaanku TV yada soo fadhiistaan oo qof kasta oo ay xidhaan ay warbaahinta ka sharraxaan, sidaasi mahaa wax suurto gal ah, waxaanay wax u dhimaysaa shaqada ay inoo hayaan laamaha Ammaankeena ee geesiyaasha ah ee habeen iyo maalinba usoo jeeda ilaalinta Nabadgelyada Dalkeena. Hubaal waxa ah in ficilada ka muuqda Xildhibaanadeena cusubi ay yihiin wanaag muujinaya inay doonayaan inay u shaqeeyaan Dadkooda iyo Dalkooda, waxa keliya oo ay u baahan yihiin inay taxadir badan iyo degenaansho badan ay muujiyaan. Danta Dalkeena ayaa ku jirta Baarlaman iyo Xukuumad gacmaha is qabsada oo si middaysan ugu shaqeeya Qarankeena, kana fogaada khilaaf aan dani ugu jirin Dalkeena. Somaliland ha Guulaysto Kaysar Maxamed Cabdilaahi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen ugaasyo, odayaal dhaqan iyo beeralayda gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada Hoose, kaas oo looga arrinsanayey dadkii shacabka ahaa ee AMISOM ay dil wadareedka ugu geysatay deegaanka Golweyn. Bayaan ka soo baxay shirkaas waxay ku cadeeyeen waxgaradkii maanta isuyimid in AMSOM ay weli diidan tahay inay qirato dilka dadkii shacabka ahaa ee Golweyn ay ku leysay. Falkaas waxa uu Golweyn dhacay 10-kii bishan, waxayna waxgaradkii maanta Muqdisho ku shiray bayaan ay soo saareen ku sheegeen inay aad uga caroodeen sida ay ula dhaqantay AMISOM, markii ay dadkaas dileen kadib. “Caradeenu kama dhalan kaliya xasuuqii dadkeena ee waxaa dabka ku sii shiday sida ixtiraam darrada ah oo ay noola dhaqmeen saraakiisha AMISOM markii aan isku daynay inaan kala hadalno dadkii ay naga dileen iyo inkiraad ay ku kacayaan, iyadoo wax kasta ay cadyihiin,” ayaa lagu yiri bayaanka. Sidoo kale warka ka soo baxay waxgaradkii maanta kulmay waxaa lagu sheegay in AMISOM ay xasuuq joogto ah ku heyso shacabka ku nool gobollada Shabeellooyinka, iyagoo ku baaqay in kacdoon culus laga sameeyo falkaan, go’aana ku soo saaray in meydadka dadkaan aan la aasi doonin ilaa AMISOM ay ka qirato dilkoodii. Ugaaska beelaha Mudullood, Ugaas Maxamuud Ugaas Cali oo kulankaas kadib VOA la hadlay ayaa sheegay in dhowr jeer ay arrintaas kala kulmeen saraakiisha AMISOM, balse ay si cad u diideen inay qirtaan dadka ay laayeen, waxuuna mar kale wacad ku maray inaan la aasi doonin meydadka dadkaas oo weli qaboojiye ku jira. “Markii aan mudo wadahadalnay waxay saraakiisha AMISOM na yiraahdeen guddi nagu dara, aan soo aragno meesha dadka lagu dilay, markii meesha la tegay waxaa la wada qiray in dadkaas ay ahaayeen shacab si gar-darro ah loo dilay, kadib waxaan ka sugeynay inay qirtaan inay falkaas ka dambeeyeen, balse waaa ka meer-meereen, iyagoo og inay dhibaatadaas geysteen,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud. Waxa uu sheegay in arrintaan aysan ka hari doonin ilaa dadkaas ay cadaalad ka helaan, “Haba yaraatee rajo lagama qabo inaan arrintaan ka harno, wado kasta oo sharcigu noo ogolyahay ayaan mari doonaa, waa daali doonaan hadey AMISOM is leedahay, ma daali doono,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas. Hoos ka dhageyso wareysiga Ugaaska https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/08/09b30baa-353b-4c73-9abd-4ac1279842b0_16k.mp3 Hoos ka daawo bayaanka ka soo baxay shirkii waxgaradka The post Beesha dadkii lagu laayey Golweyn oo go’aan culus kasoo saartay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha la dilay Qarax maanta oo Talaado ahayd ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay guddoomiyihii deegaankaas Maxamed Abuukar Afrax. Qaraxa ayaa sida la sheegay ahaa miino nooca dhulka lagu aaso oo lala beegsaday gaari uu saarnaa guddoomiyaha oo marayay inta u dhaxaysa degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey, gaar ahaan waaxda Foorilow. Waa guddoomiyihii labaad ee deegaankaas ee sanadkan qarax lagu dilo, 21 bishii Maajo 2021 ayaa sidaan oo kale qarax lagu dilay guddoomiyihii kan ka horreeyay Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare. Sidoo kale 19 Jannaayo 2021 waxaa qarax lagu dilay guddoomiye xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee Garasbaaley Cali Maxmed Macalin iyo guddoomiyihii dhalinyarada Cabdirashiid Dubbad. Dhammaan weerarada lagu dilay mas’uuliyiinta Garasbaaley waxaa sheegtay ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya. Deegaanka Garasbaaley ayaa sanadkan noqday meesha ugu badan gobolka Banaadir ee qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ka dhacaan. PUNTLAND POST The post Afarta mas’uul oo ka mid ahaa maamulka Banaadir ee sanadkan halka deegaan lagu dilay appeared first on Puntland Post.