Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa (HOL) — Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdillahi Cirro convened a high-level consultation meeting with former presidents, vice presidents, and a parliamentary speaker on Friday to address pressing political and security issues. Source: Hiiraan Online
  2. WAR-SAXAAFADEED Hargeysa-26-12-2024(Qarannews)- Wefti uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha JSL mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Magalada Jigjiga ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya kulan muhiim ah kula qaatay Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Ciidanka Dawladda Federaalka Itoobiya, uu Hogaaaminayey Taliyaha Aaga Bari ee Ciidamada Itoobiya General Afgado iyo Madax kale oo ka tirsan Dawladda Degaanka uu u horreeeyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo masuulin kale oo muhiim ah. Labada dhinac ayaa si qotodheer uga wada hadlay Xaaladda Degaanka Dacawalay iyo Degaanada kale ee ku xeeran, waxaana isfaham buuxa labada dhinac ka gaadheen Xaalada Degaanka Dacawalay,iyadoo la isla qaatay in la joojiyo dhiiga daadanaya, xaaladdana lagu dhameeyo xal Nabadgalyo ah oo salmi ah si aan wax danbe u dhiciin. Weftiga Somaliland uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha JSL, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Yuusuf Cali, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka. Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Amniga Gudaha JSL. Qaran News
  3. AQNqqef06yrGEk71l9_EURHSUUOEx-KO1wqRuruyCnNGMV42EQxKga5OO69vHz4HMR3eVdvzQ_O7GNjsAAARO-rw Qaran News
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo madaxweyne-ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta kulan wada-tashi ah iskugu yeeray madaxweynayaashii iyo madaxweyne-ku-xigeenadii hore ee Somaliland. Madaxweyne Cirro ayaa madaxweynayaasha iyo madaxweyne-ku-xigeennada uu kulanka wada-tashiga ah la yeeshay maanta ayaa waxaa kamid ahaa: 1. Madaxweynihii 5-aad ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi 2. Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin 3. Madaxweyne-ku-xigeenkii 3-aad Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin 4. Madaxweyne-ku-xigeenkii 2-aad Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Arrimaha muhiimka ah ee uu madaxweynuhu kala hadley madaxweynayaashii iyo ku-xigeenadii hore ayaa ahaa wada-tashi la xidhiidha xaaladaha hadda taagan ee mihiimadda iyo mudnaanta gaarka ah u leh Somaliland . Guntii iyo gaba-gabadii, isku-xidhnaanta madaxda Somaliland ay xilli walba kaga arrinsadaan xaaladaha dalku waa towfiiqda iyo talo-waaga ay Somaliland kaga duwan tahay Soomaalida kale. “Kulankooduna waxa uu ummadda Jamhuuriyadda Somaliland u yahay ISHAARO-SAN iyo YIDIDIILO ah dhinaca adkaynta Qarannimada iyo wadajirka ummadda Jamhuuriyada Somaliland,” ayaa lagu yiri Madaxtooyada Somaliland ay kasoo saartay kulankaan. Dhinaca kale, waxaa isna kulanka qayb ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenkii 4-aad iyo 5-aad Cabdiraxman Saylici, laakiin kulanka ka maqnaa hooyadii oo Boorama ku geeriyootay awgeed, taasi oo ay madaxweynayaasha iyo madaxweyne-ku-xigeenadu ay si wada jir ah uga tacsiyadeeyeen geeridaa ku timid. Sidoo kale, kulanka waxa isaguna qeyb ka ahaa gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax. Waxaa sidoo kale kulankan wada-tashiga ah qeyb ka ahaa balse xaalado caafimaad uga maqnaa madaxweyne-ku-xigeenkii 1-aad ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac, waxayna si wada-jir ah Alle uga baryeen inuu caafimaad taam ah siiyo.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Masar iyo Eritrea waxay si buuxda ula safteen Soomaaliya kadib markii Itoobiya isku deyday inay qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya. Labadaan dal waxaa dhinaca kale Itoobiya kala dhaxeeya khilaafyo ku qotoma danahooda gaarka ah. Saddexda dal ee Masar, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa dhawaan dhistay isbaheysi saddex geesood ah oo ka dhan ah Itoobiya. Waxayna Masar iyo Eritrea qeybsadeen sida loo taageerayo Soomaaliya. Masaarida waxay qaateen taageerida dhinaca hubka, halka Eritrea ay qaadatay inay Soomaaliya u diyaariso ciidan xoog leh. Labadii waddan iyagoo shaqadoodii ku jira oo la xasuusto inay Masaarida laba markab oo hub ah geeyeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayuu dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh heshiis lasoo galay dowladda Itoobiya bishaan, isagoo u fasaxay inay soo gaaran biyaha Soomaaliya. Xubnaha Xasan Sheekh ku dhow-dhow iyo diblumaasiyiinta gobolka iskuma khilaafsna in uusan Xasan Sheekh wax wargelin ah siinin madaxda Masar iyo Eritrea, maadaama ay shirko ku ahaayeen la-dagaalanka Itoobiya. Labada dowladood ayaa la sheegay inay lama filaan ku noqotay inuu Xasan Sheekh u quuri waayey inuu u sheego in heshiis noocaas ah uu galayo, si looga doodo waxa ka dhalan kara iyo haddii uu sii shaqeyn karo isbaheysigii saddex geesoodka ahaa. Markii uu heshiiska dhacay kadib oo Xasan Sheekh uu ogaaday inay dowladihii saaxiibadiis ah ka xanaaqeen hab-dhaqankiisa ayaa la sheegay inuu telefoono ku raadiyay. Hadda wafdi ayuu u direy Masar, isagana wuxuu aaday waddanka Eritrea. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu isku dayaya inuu dejiyo labada dal, laakiin waa adag tahay in la helo caqliyad aad ku wada haysan kartid Masar, Eritrea iyo Itoobiya oo ah saddex dowladood oo dano u gaar ah isku haya. Masaaridu waxay dhamaadka bishaan usoo diri rabeen magaalada Muqdisho markab saddexaad oo hub ah oo kuwii hore ka weyn. Mana cadda inuu hadda qorshahaas dhaqan-geli doono. Sidoo kale waa markii labaad ee uu Xasan Sheekh ballan uga baxo Masar. Waxaa la xasuusta inuu hadda kahor heshiis baddeed la gali rabay Masaarida oo Cabdifataax Al-Siisi uu Xamar imaan lahaa, balse Xasan Sheekh ayaa ka laabtay qorshahaas, wuxuuna heshiiskaas la galay Turkiga. Dhinaca Masaaridu waxay xilligaasi in heshiiskii looga baxay kasoo ogaadeen dhinaca Turkiga. Dad badan waxay hadda isweydiinayaan inay Masaaridu mar saddexaad aamini karto Xasan Sheekh. Waxyaabaha lagu ballansanaa horraanta sanadka cusub waxaa kamid ah inay madaxda Masar, Soomaaliya iyo Eritrea isku arkaan magaalada Qaahira ee waddanka Masar. Sida uu kulankaas u qabsoomi doono hadda su’aal badan ayaa ka taagan, maadaama ay Itoobiya si weyn u diidan tahay inuu isbaheysigaasi sii jiro. Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu rabo inuu isbaheysigaasi qeyb kasii ahaado waa inuu dhinaca kale ku xisaabtama in uusan niyad wanaag iyo wada-shaqeyn ka heli doonin Itoobiya. Waa inuu labada dhinac mid u beera. Masaaridu si guud cilaaqaadka kala dhaxeeya dowladda federaalka waa jirayaa, laakiin markaana shuruudo iyo taxadar ayaa ku jiri doona la-macaamilkooda Villa Somalia, maadaama uu batay guur-guurka Xasan Sheekh. Wafdiga wasiir Fiqi ee tegay magaalada Qaahira marka laga tago howlaha yaryar ee kulamada lagu qurxinayo, haddana doodaha waaweyn ee gobolka taabanaya ee labada dal u dhaxeeya waa arrimo u baahan in dhinaca heer madaxweyne laga eego.
  6. Somalia’s Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi has denied reports that Somalia has agreed to grant Ethiopia access to the Red Sea, dismissing the claims as baseless. “I categorically refute claims that Ethiopia has been granted access to the Red Sea. These baseless assertions lack any foundation. Somalia remains committed to protecting its sovereignty and ensuring transparency on national issues,” Fiqi stated on X. The denial follows a prior statement attributed to Fiqi, suggesting Somalia had agreed to grant Ethiopia Red Sea access as part of the Ankara Declaration, a deal brokered by Turkish President Recep Tayyip Erdoğan on December 11, 2024. The Ankara Declaration aims to resolve tensions between Somalia and Ethiopia, particularly following Ethiopia’s controversial Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland on January 1, 2024. That MoU granted Ethiopia access to the Red Sea while Somaliland sought recognition as an independent state. As part of the agreement, technical committees will be established to address maritime disputes, with a resolution deadline set for mid-2025. However, the deal has sparked controversy, particularly within the Tripartite Alliance of Somalia, Eritrea, and Egypt, which opposes Ethiopia’s ambitions for Red Sea access. Eritrea and Egypt view Ethiopia’s demands as a threat to regional stability. Eritrean Foreign Ministry advisor Abdulkadir Idris criticized the agreement in comments to BBC Somali, arguing that it undermines Somalia’s sovereignty and risks destabilizing the region. “The agreement is hasty and poorly conceived,” Idris warned, expressing frustration over Somalia’s swift acceptance of the deal. He also cautioned that it could strain existing alliances and lead to diplomatic fallout. (Reporting by Kaab TV) Qaran News
  7. Qaahira (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa qabatay kulan heer sare ah oo ay ka soo qeyb-galeen aqoonyahanno Soomaali ah, kaas oo khuseeyay heshiiskii Ankara ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Kulankaan xasaasiga ah waxaa isugu yimid mas’uuliyiin iyo khubaro caan ah, si ay u qiimeeyaan saameynta heshiiska Ankara ku leeyahay iskaashiga gobolka, iyadoo diiradda la saarayo dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo diblomaasiyadda. Soo bandhigidda fikradaha kulankaasi oo uu daadihinayay agaasimaha xafiiska qurbajoogta Ibraahim Guure Maxamed ayaa lagu muujiyay sida hagar la’aanta ah ee ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo horumarinta hadafka istiraatiijiyadeed ee siyaasadda dibadda. Kulankaasi oo inta badan lagu fallan-qeeyay isbarbar-dhigga nuxurka uu xambaarsan yahay baqii Ankara waxaa ka qeyb-galay wasiirka arrimaha dibadda, Danjire Axmed Macalin Fiqi, wasiir ku-xigeenka Isaaq Maxamuud Mursal, xoghayaha joogtada ah Xamza Aadan Xaadoow iyo ku-simaha safiirka Sudan Danjire Ammar Ahmed Babiker. Heshiiska Ankara, oo garwadeen uu ka ahaa madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa muhiim loogu arkaa hagaajinta xiriirka labada dal, oo muddooyinkii dambe ay ka dhaxeysay xiisad xooggan. Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muujinaya isku soo dhawaansho wax weyn u tari kara xiriirka labada dhinac, iyadoo la rajeynayo in dhawaan iskaashi cusub oo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah uu dhex-maro. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddo dheer isku khilaafay arrimo badan oo siyaasadeed iyo istiraatiiji ah, waxaana heshiiska Ankara iyo kulamada xigga la filayaa inay ka dhashaan horumar dhab ah oo dhex-mara labada dal.
  8. Jigjiga (Caasimada Online) – Odayaal sheegtay inay yihiin odayaashii dhaqanka ee nabadeynta u joogay deegaanka Dacawalay ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa warbaahinta kasoo muuqday. Odayaashan ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in la afduubtay, iyagoo sheegay inay si nabad ah ugu sugan yihiin magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Sidoo kale waxay carabka ku adkeeyeen in wararka ku saabsan afduubkooda ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna sheegeen inay halkaas kula kulmeen mas’uuliyiin heer deegaan ah iyo xubnaha Golaha Nabadda iyo Midnimada DDS. Waxay sheegeen inay maanta bilaabi doonaan wada-hadallo muhiim ah oo ku saabsan xalinta xiisadda ka taagan deegaanka Dacawalay. Hadalka odayaasha ayaa imanaya kadib markii xukuumadda Somaliland ay ciidamada Liyuu Booliska ku eedeysay inay afduubteen odayaashii halkaasi u tegay dhex-dhexaadinta iyo daminta colaadda. “Ciidamada Liyuu Booliska waxay deegaanka Dacawalay ka afduubay madax dhaqameed kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo halkaas u tegey ka shaqaynta nabadda iyo daminta colaadda ka dhacday maalmihii u dambeeyey. Tani waa gef iyo xad-gudub cad,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasiirka amniga gudaha ee Somaliland. Xaaladda guud ee Dacawalay oo ah deegaankii lagu dagaalamay Arbacadii ayaa haatan ah mid degan, iyadoo bilowdeen wada-hadallo rasmi ah oo xal loogu raadineyo xiisaddan, kuwaas oo u dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida.
  9. Jowhar (HOL) — Hirshabelle State President Ali Abdullahi Hussein Gudlawe has called on security forces to apprehend those responsible for the brutal killing of six Somali military personnel and their driver in the El-Baraf district of the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa qirtay dilka horjooge sare oo lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Kunyo-Barrow ee yobolka Shabellaha Hoose. Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mire Jaamac oo sidoo kale loo yaqaanay Abuu Cabdiraxmaan ayaa ahaa wakiilka kooxda ee Gobollada oo ay hoos-yimaadaan waxa ay ugu yeeraan “Wilaayaadka Islaamiga”. Ninkan ayaa kamid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee kooxda, sidoo kale wuxuu mar soo noqday hoggaamiyaha kooxdii jabhadda Caanoole ee Jubbooyinka lagu aas-aasay sanadkii 2007, balse markii dambe ku biirtay kooxda Al-Shabaab. Maxamed Mire Jaamac ayaa waxaa shalay lagu khaarajiyay howl-gal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay, kaas oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa in muddo ah ku raad-joogay horjoogahan oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa jira horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo dowladda sheegtay in dhammaantood la haayo macluumaadkooda. Si kastaba, Horjoogahan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu sareeyay ee kooxda ee howl-gal lagu dilo muddo labo sano, iyadoo sanadkii 2022 howl-gal duqeyn ah lagu dilay Cabdullaahi Yare oo madaxiisa mallaayiin dollar la dul-dhigay.
  11. Puntland Defence Forces aim to eradicate terrorist hideouts in mountainous areas. Garowe (PP Editorial) — The counterterrorism operation launched by the Puntland State Defence Force against ISIS and affiliated groups in the mountainous areas of Bari stands as a commendable example of effective anti-terror strategies. Under President Abdullahi Deni, Puntland developed robust policies to combat terror groups, including a zero-tolerance approach toward terrorists and their enablers, which has yielded significant results. In Galkayo, Puntland security forces conducted a two-year investigation that dismantled Al-Shabaab cells responsible for acts of terror since 2007. Over 20 ringleaders were tried, found guilty and executed. Al-Shabaab had employed a secret recruitment and compartmentalised operation model, with assassins, surveillance operatives and hosts working without mutual knowledge. These cells, managed by senior Al-Shabaab officers in Lower Shabelle and Middle Juba, terrorised North Galkayo for over 12 years. Puntland’s decisive action broke this cycle of violence. The enduring lesson from anti-terror operations in North Mudug is the importance of fostering public confidence in the authorities’ ability to combat terrorism. Terror groups rely on local enablers. Novel intelligence-gathering efforts by Puntland State security forces have prioritised preventive measures over reactive responses. In 2016, residents of coastal areas in Mudug and Nugaal repelled an Al-Shabaab attack. More than 200 fighters surrendered. One-third of the detainees were children under 15 years old. The newly declared counterterrorism operation by Puntland State follows a familiar pattern. Puntland Defence Forces aim to eradicate terrorist hideouts in mountainous areas. Despite limited resources, Puntland’s anti-terror strategies — grounded in community ownership — are redefining the fight against transnational terror groups that exploit fear and division. The days of ISIS terrorists hiding in Bari are coming to an end. © Puntland Post, 2024 The post Puntland State Launches Counterterrorism Operations Against ISIS appeared first on Puntland Post.
  12. Sanaa (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay, in duqeymo xagga cirka ah lagu garaacay gegida diyaaradaha ee ugu weyn Yemen Khamiistii, xilli uu doonayay inuu halkaas ka dhoofo. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof lagu dilay tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, weerar ay Israa’iil ku qaadday garoonka caalamiga ah ee caasimadda Yemen ee Sancaa. Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku sugnaa garoonka Khamiistii iyagoo sugayay inay ka dhoofaan markii ay duqeyntu dhacday, waxaana ku dhaawacmay shaqaale ka tirsan Laanta Adeegga Hawada ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephanie Tremblay. “Taawarka laga hago duulimaadyada hawada, qolka nasashada – oo wax ka yar mitir u jira meeshii aan joognay – iyo dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ayaa duqeymuhu waxyeeleeyeen,” madaxa WHO ayaa ku yiri fariin uu soo dhigey bartiisa X. kooxdii Qaramada Midoobay waxay ka tageen garoonka waxayna ku sugan yihiin goo boo ku taala magaalada Sanca oo “ammaan ah waana ay caafimaad qabaan” shaqaalihii dhaawacmayna waxaa lagu daweynayaa isbitaal, ayuu yiri Tremblay. Tremblay waxa uu sheegay in qiimaynta burburka gegida diyaaradaha la samayn doono subaxnimada Jimcaha si loo eego in Tedros iyo kooxda Qaramada Midoobay ay ka bixi karaan Yemen. Tremblay waxa uu sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu cambaareeyey kororka weerarrada u dhexeeya Yemen iyo Israa’iil, wuxuuna sheegay in weerarradii Khamiistii lagu qaaday garoonka caalamiga ah ee Sanca, dekedaha Badda Cas ee Yemen iyo xarumaha korontada ay ahaayeen kuwo walaac leh”. Ciidanka Israa’iil ayaa markii dambe u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press inaysan ka warqabin in madaxa WHO ama wafdigu QM ah ay joogaan Yemen. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen kaabayaasha ay adeegsadaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ku sugan garoonka caalamiga ah ee magaalada caasimadda ah ee Sanca, iyo sidoo kale saldhigyada korontada iyo dekedaha, iyaga oo ku eedeeyay in ay u adeegsan jireen in lagu soo raro hubka Iran iyo in ay ka soo galaan saraakiil sare oo Iiraaniyiin ah. Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan rayidka iyo kaabayaasha rayidka, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, ayuu yiri Tremblay. Guterres wuxuu ku baaqay in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka militariga iyadoo la muujinaayo “xakamaynta ugu badan,” ayuu yiri Tremblay. VOA
  13. Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary of the Federal Republic of Somalia to the Republic of Azerbaijan Fathudin Ali Mohamed has visited the Baku Higher Oil School (BHOS) of SOCAR. Source: Hiiraan Online
  14. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay, in duqeymo xagga cirka ah lagu garaacay gegida diyaaradaha ee ugu weyn Yemen Khamiistii, xilli uu doonayay inuu halkaas ka dhoofo. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof lagu dilay tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, weerar ay Israa’iil ku qaadday garoonka caalamiga ah ee caasimadda Yemen ee Sancaa. Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku sugnaa garoonka Khamiistii iyagoo sugayay inay ka dhoofaan markii ay duqeyntu dhacday. Duqaynta waxaa ku dhaawacmay shaqaale ka tirsan Laanta Adeegga Hawada ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephanie Tremblay. “Taawarka laga hago duulimaadyada hawada, qolka nasashada – oo wax ka yar mitir u jira meeshii aan joognay – iyo dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ayaa duqeymuhu waxyeeleeyeen,” madaxa WHO ayaa ku yiri fariin uu soo dhigey bartiisa X. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqayn ku sigtay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Talo-wadaag ah kula qaatay qaar ka mid ah Dhallinyarada, Aqoonyahanada, Bahda Caafimaadka iyo xirfadleyaal kale. Kulankaan ayaa ujeedkiisu ahaa si uu guddoomiyaha gobolka Banaadir qeybaha kala duwan ee bulshada uga dhageysto talooyinkooda iyo aragtidooda ku aadan horumarinta caasimadda. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay talooyinka iyo aragtiyo la xariira maamul wanaaga, amniga, nadaafada, caafimaadka, waxbarashada, dib u eegista adeegyada ay bixiso dowladda hoose ee Xamar, dib u furista waddooyinaka dhagxaanta ku go’an iyo ilaalinta dhulalka danta guud. Sidoo kale waxaa kulan kagu soo bandhigay xal u helida maareynta biyaha, dhismaha waddooyinka, hirgelinta nidaamka doorashooyinka dadweyne iyo xoojinta la-dagaalanka musuqa. Duqa Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in hirgelinta siyaasadiisa uu ku biirin doonno talooyinka ay caawa soo gudbiyeen dhallinyarada iyo aqoonyahanada, si uu u fuliyo qorshe si wadajir ah ugu yimid bulshada caasimadda. Waxa uuna ka codsaday in lagala shaqeeyo laguna garab istaago sidii magaalada Muqdisho uu ula tartan siin lahaa magaalooyinka kale ee dunida. Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir oo dhawaan la wareegay xilka ayaa dardar-gelinaya howlaha shaqo ee loo igmaday, xilli dadka reer Muqdisho ay muujinayaan inay weli maqan tahay kaalintii gobolka.
  16. Hargeisa (HOL) – Somaliland and the Ethiopian government have reached an agreement to address the recent deadly conflict in the Dacawaley area of Ethiopia’s Somali Regional State, which has killed nearly 50 people over the past two weeks. Source: Hiiraan Online
  17. The Federal High Court, Dire Dawa branch, Jigjiga Criminal Court Rotating Bench sentenced 81 people accused of engaging in “terrorist activities as members of the Al-Shabaab group” to up to 20 years of rigorous imprisonment, state media reported. Source: Hiiraan Online
  18. Militant group al-Shabab said one of its top commanders, Mohamed Mire, was killed in a drone strike near Kunyo Barrow in Somalia’s Lower Shabelle Region. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) – At least six Somali military personnel and their driver were killed, while two other soldiers managed to escape following a clan militia attack in the El-Baraf district of the Middle Shabelle region on Thursday afternoon. Source: Hiiraan Online
  20. The white sand beaches of Kenya’s coastline draw large crowds of locals and tourists on holiday. But lacking safety measures are causing concerns for beachgoers. Collins Adede reports from Mombasa, Kenya. Source: Hiiraan Online
  21. The US military said Thursday it had killed two members of the extremist al-Shabaab group in southern Somalia in an airstrike. Source: Hiiraan Online
  22. Former Prime Minister Raila Odinga has called on President William Ruto’s Kenya Kwanza administration to ensure that enforced disappearances and abductions of Kenyans end this year. Source: Hiiraan Online
  23. Liverpool stretched their lead of the Premier League to seven points on Boxing Day courtesy of a 3-1 comeback win over Leicester City. Source: Hiiraan Online