Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Minnesota Department of Employment and Economic Development (DEED) will begin accepting applications for the Main Street COVID Relief Grants Program on Sept. 20. Source: Hiiraan Online
  2. Camel cappuccinos, camel pizza and camel quesadillas — those are just a few of the items that stand out on the menu at Kulan Café in the bustling Eastleigh neighborhood of Nairobi, Kenya. Source: Hiiraan Online
  3. MOGADISHU (Xinhua) -- Somalia and UN agencies on Friday urged health facilities, healthcare workers and other stakeholders to redouble efforts to ensure mothers and newborns remain safe in the midst of the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  4. Kenya is among eight other countries that will be removed from the red list by the United Kingdom effective 4 am on September 22, 2021. Source: Hiiraan Online
  5. The U.N. Security Council held emergency consultations Friday on Somalia´s worsening political crisis, which could threaten long-delayed national elections and further destabilize the east Africa region Source: Hiiraan Online
  6. Bayaankan oo uu soo saaray Madaxweynaha Maraykanka Joe biden, oo ku saabsan Xaalada Ethiopia, ayaa lagu yidhi sidan tan “Colaadda ka aloosan woqooyiga Itoobiya ayaa ah masiibo sababaysa dhibaato aad u weyn oo bani’aadamnimo waxayna halis ku tahay midnimada dawladda Itoobiya, Ku dhawaad ​​hal milyan oo qof ayaa ku nool xaalado macluul waxayna Qarka usaaran yahiin geeri’, malaayiin kalena waxay la kulmaan cunno yari ba’an oo toos uga dhalatay rabshadaha” Waxa uu sido kale sheegay madaxweyne Biden in hay’adaha samafalka itoobiya iyo kuwa caalamiga ah ay lakulmeen dhibaatooyin intii usocday dagaalku… “Shaqaalaha samafalka ayaa la xanibay, la dhibaateeyay, lana dilay, Waxaan ka xunahay warbixinnada naga soo gaaraya Ethiopia ee ku saabsan Dil wadareedyo, kufsi, iyo xadgudubyo kale oo galmo kuwaas oo lagula kaco Dadka Rayidka ah” Dhanka kale madaxweyne Biden waxa uusheegay in Mareykanka ka go’antahay inuu Tageero itoobiya si xaalada Colaaded nabad logu xaliyo khilaafkana looso afjaro, isagoo ballan qaaday in ay taageero buuxda siin doonaan kuwa hormuudka u ah dadaallada dhexdhexaadinta, oo uu ku jiro Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Geeska Afrika Olusegun Obasanjo. Mar uu ka hadlayay dhanka cuno qabtaynada Madaxweyne Biden aya yiri:- “Amarka Fulinta ee aan saxiixay maanta wuxuu ogolaanayaa in cunaqabateyn cusub lagu soo Rogo cid walba oo ka qayb qadatay, Gabood fallada ka dhacay Waqooyiga Ethiopia inago ku Bartilmaansayna cid walba oo mas’uul ka ah, ama ku lug leh, sii Wadida colaadda Itoobiya, ama hor ishor-taagta gargaarka bani’aadamnimo, ama ka hortagga xabbad -joojinta. Waxa uu sii raaciayay madaxweyne Biden “Waxaan siinayaa Waaxda Hanti -dhowrka awoodda lagama maarmaanka u ah inay la xisaabtanto Saraakiil ku jira Dowladdaha Itoobiya, Iyo Eritrea, Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga ee TPLF, Dowlad-deegaanka Amxaarada, iyo kuwo kale, oo doonaya inay sii wadaan colaadda si ay u waxyeeleeyaan shacabka Itoobiya. Ugu dambeeyn waxa uu tilmamay mr Biden in xayiraahdahan dhaqaale aysan saameyn ku yeellan doonin shacabka dalaka Itoobiya iyo Ereteria:- “Cunaqabatayntani ma aha mid ku wajahan dadka Itoobiya ama Ereteriya, ee waxaan ku Beegsannay shakhsiyaadka iyo hay’adaha rabshadaha wada”. Tallaabadan uu qaaday Aqalka cad aya kuso aadaysa iyado itoobiya ay kasocdaan haatan coladihii ugu cusla muddo 11 Bilood ah, waxana dhinacyadu foodda isku darayaan gobolada amxaarada iyo cafarta. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku sii shareereysa cabashada qaar ka mid ah musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee aan weli la dooran ee HirShabeelle, gaar ahaan kuraasta beelaha ka soo jeeda gobolka Hiiraan, sida Xawaadle iyo Jijeelle. Cusmaan Axmed Macow oo afartii sano ee la soo dhaafay Aqalka Sare ku metelayey beesha Jijeele iyo Cabdinuur Ibraahim Nuur oo sanadkaan u tartamaya kursigaas ayaa warbaahinta u sheegay inay isaga soo carareen magaalada Jowhar, kadib markii dil loogu hanjabay. Musharax Cabdinuur Ibraahim Nuur oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in Jowhar ay isaga soo carareen, kadib markii dil loogu hanjabay isaga iyo Cusmaan Axmed Macow oo kursigaas beesha Jijeelle ku metelaayey afartii sano ee la soo dhaafay. Cabdinuur ayaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabeelle Mahad Xasan Cusmaan ku eedeeyey in musharaxa sedaxaad ee kursiga beeshooda oo ah Xasan Iidow Maxamed (Xasan Kobac) uu la rabo in loo xiro kursigaas, isagoo fulinaya amarka Fahad Yaasiin, sida uu sheegay. Sidoo kale Musharax Cabdinuur Ibraahim waxa uu sheegay in guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabeelle Mahad Xasan uu si toos ah dil ugu hanjabay isaga iyo musharaxa kale Cusmaan Axmed Macow, taas oo keentay in diyaarad khaas ah ay ka soo raacaan Jowhar oo Muqdisho ay soo galaan. “Waxaa nasoo wacay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka HirShabeelle Mahad Xasan Cusmaan waxuu nagu yiri ka hara kursigaas, Xasan Kobac ayaa loo wadaa, arrintaan madaxweynaha ayaa ila og, waxiina ayaa la idiin celinaa, hadii aad diidaana, waxaa dhaceysa in la idin khaarajiyo,” ayuu yiri Musharax Cabdinuur Ibraahim Nuur. Musharaxiintaan ayaa ugu baaqay madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe inuu kahiyo doorashada kursiga beeshooda, ilaa inta ay ka helayaan damaanad buuxda oo u saamixi karta, inay dib ugu laabtaan Jowhar oo tartanka ay ka qeyb galaan. Dhawaan ayaa lagu wadaa in Jowhar ay ka bilaabato doorashada 4-ta kursi ee xubnaha ka haray senatorrada Aqalka Sare kasoo gelaya HirShabeelle, waxaana sidoo kale jirta xog aan helnay oo sheegeysa in khilaaf iyo loolan adag uu wajahayo kursiga Aqalka Sare ee beesha Xawaadle. Ilaa afar musharax ayaa ku tartameysa kursiga beesha Xawaadle, waxaana la sheegay in madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa iyo Yuusuf Dabageed ay kala wataan laba musharax oo isku mowqif aysan ka aheyn doorashada kursigaas, taas oo doorashada ku keeni karta loolan siyaasi ah iyo culeys hor leh. Hoos ka daawo war-saxaafadeedka musharaxiinta ka soo carartay Jowhar The post Video: Musharaxiin ‘dil loogu hanjabay’ oo kasoo cararay Jowhar – Yaa ka dambeeya? appeared first on Caasimada Online.
  8. Telefishinka Qaranka Aljeeriya ayaa Shaaciyay geerida madaxweynihii hore ee dalkaas, Cabdicasiis Bouteflika, isagoo 84 jir ah. Mr Bouteflika ayaa ahaa madaxweynihii toddobaad ee dalkaas tan iyo markii uu xorriyadda ka qaatay Faransiiska sannadkii 1962 -kii, wuxuuna la wareegay madaxtinimada Algeria sannadkii 1999 -kii kaddib ku dhawaad ​​labaatan sano oo uu ka maqnaa Talada dalka. Bishii Abriil 2004, Bouteflika ayaa ku guuleystay mar labaad kadib olole doorasho oo aad u kulul oo uu wajahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaasi Ali Benflis, kolkaas oo uu ka helay 84.99 boqolkiiba codadka, halka Benflis uu helay 6.42 boqolkiiba. Bishii Abriil 2009, Abdelaziz Bouteflika ayaa mar saddexaad la doortay isagoo helay codad aqlabiyad ah oo gaaraya boqolkiiba 90, kadib isbeddel uu kusameeyay dastuurka, sanadkii 2008 kaas oo meesha ka saaray xadidaadii madaxweynaha ee laba xilli-doorasho oo kali ah, taas oo si weyn loo dhaliilay. Bouteflika ayaa mar afaraad ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Aljeeriya bishii Abriil 2014, markaas oo natiijadii doorashadu ay muujisay inuu ku Horeeyay isaga, oo codbixiyeyaashu u codeeyay ay gaarayeen 81.53 boqolkiiba. Bouteflika ayaa is casilay Abriil 2, 2019 kadib muddo bilo ah oo ay socdeen mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeeday inuu isku sharaxo kursiga markiisii shanaad. Ku dhawaad ​​20 sano oo uu xukunka hayay, 1999 ilaa 2019, waa madaxweynihii ugu xukunka dheeraa Aljeeriya. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  9. ONLF oo iskaga baxday doorashada Itoobiya Hoggaanka ONLF Cabdi Mahdi, oo ah madaxa ururka ONLF ayaa sheegay in xisbigu uu isaga baxayo wareegga labaad ee doorashooyinka soo socda ee dhici doona 30-ka bishan September. Wuxuu sheegay in go’aankan la gaaray dhowr sababood dartood. Wuxuu yiri, “Cabashadenna waxba lagama qaban, taageerayaasheenna looma diwaan gelin inay codeeyaan, inta badanna kaararka codbixinta waxaa lagu koobay xubnaha xisbiga talada haya,” isagoo raaciyay, “Wax micno ah ma sameyneyso cayrsashada doorasho mar hore la go’aamiyay.” Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in xisbiyada kale ee mucaaradka ee ku sugan Dowlad Deegaanka Soomaalida ay isaga baxeen doorashada, iyadoo ONLF ay ka cabaneyso guud ahaan hannaanka, sida ay ku shaacisay baraha bulshada. Sidoo kale ururka ONLF ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku faahfaahinayaan sababaha ka dambeeya go’aankooda iyo qorshaha mustaqbalka ee xisbiga. Warbixinta ayaa u qorneyd sidan, “Guddiga sare ee ONLF wuxuu kulankiisii caadiga ahaa ku yeeshay Jigjiga, Dowlad Deegaanka Soomaalida, intii u dhaxeysay September 7-10, iyo 16, 2021 wuxuuna aad uga fekeray xaaladda daran ee ka jirta Geeska Afrika, Itoobiya, iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida. “Guddiga sare ayaa xoojiyay sida ay uga go’an tahay rabshad la’aanta iyo hiigsashada ujeeddooyinkiisa siyaasadeed ee loo marayo wada xaajood iyo hannaan nabadeed inkastoo ay jiraan caqabadaha badan iyo caddaalad darrada lagula dhaqmo ONLF tan iyo intii ay heshiiska nabadeed kala saxiixdeen ONLF iyo dowladda Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ONLF. Warsaxaafadeedka ONLF ayaa intaa ku daraya in guddiga uu qiimeeyay ka qeybgalka ONLF ee doorashada soo socota isla markaana uu kala tashaday xubnaha ururuka, sidaas darteedna lagu go’aansaday in ONLF ay isaga baxdo doorashada 2021. Waxay ONLF ku eedeysay Xisbiga PP inuu ku guul darreystay inuu shuruud ka dhigo doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda gobolka Soomaalida. Wuxuu ururka ONLF sheegay in go’aankan uusan ku imaan si fudud. Wuxuu sheegay in “muhiimadda ugu weyn ee ururku uu hubka u dhigay ay tahay in si nabad iyo dimuqraddiyad ay ku dheehan tahay uu ugu adeego xuquuqda dadka Soomaalida”. Magaca ONLF (Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya) ONLF waxaa la aasaasay 36 sano ka hor. Urukana weli wuxuu wataa magaci lagu aasaasay, haddaba BBC waxay Axmed Maxamed oo ah xubin ka tirsan guddiga f ulinta ururka ONLF waydiisay, mar haddii aad nabad qaadateen Itoobiyada cusubna aad la jaanqaaddeen, maxaa idinka hortaagan in aad baddashaan magaca ururka? “Waa su’aal fiican. Magaca ururka kuma baddalmayo isbeddel yimid. Magaca ururka wuxuu ka yimid rabitaan shacab oo ma aha mid ay hoggaanka ururka ama shaqsiyaad ay go’aansanayaan. “Itoobiya in aan ka sii mid ahaanno ama aan ka go’nana waxay ku xirnaan doontaa natiijada ka soo baxda aftida shacabka laga qaado. Madaxda Itoobiyana haddii ay shacabka kasbanin ama ay soo jiidanin mowqifkaas ma aha mid si fudud lagu baddalayo”, ayuu yiri. “Su’aasha inta badan suxufiyiinta ay na weydiiyaan aad baan ula yaabnaa, maxaa yeelay gooni isu taagga maxaa idin daba dhigay? Gooni isu taagga waxaa oggol dastuurka dalka Itoobiya uu ku dhaqmo, marka ha isku wareerinina.” Ayuu yiri Axmed. Qaran News
  10. Mareykanka oo qirtay in dad aan waxba galabsan uu ku laayay Kaabuul Mareykanka ayaa haatan qirtay in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday magaalada Kaabuul ee dalka Afqaanistaan maalmo uun ka hor inta aysan ciidamadiisu ka bixin dalkaasi ay ku dhinteen 10 qof oo aan waxba galabsan, sida uu CBS News u sheegay sarkaal Mareykan ah. Baaritaan ayaa lagu ogaaday in duqeyntaasi oo dhacday 29 -kii Ogosto lagu dilay shaqaale samafal oo aan waxba galabsan iyo sagaal xubnood oo qoyskiisa ka tirsan, kuwaa oo ay ku jiraan toddoba carruur ah. Cannuga ugu da’da yar ayaa la sheegayaa in uu jiray laba sano oo kaliya. Sirdoonka Mareykanka ayaa muddo siddeed saacadood ah ku raad joogay gaariga uu watay ninkaasi, iyagoo rumeysnaa in uu xiriir la lahaa kooxda la baxday dowladda Islaamka ee gobolka Khorasan. Duqeyntaasi ayaa ahayd falkii ugu dambeysay ee ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan gudaha dalka Afqaanistaan, ka hor inta aysan soo afjarin howlgalkooga milatari ee ay ka wadeen gudaha dalkaasi muddo 20 sano ah. Baaritaan uu sameeyay taliska dhexe ee Mareykanka ayaa lagu ogaaday in baabuurka ninkaasi samafalka ka shaqeynayay lagu arkay goob lagu tuhmayay kooxdaasi Dowladda Islaamka ee Khorasan iyo in dhaqdhaqaaqiisa uu la tuhun geliyay sirdoonka oo la socday qorshayaashe la sheegay in kooxdaasi ay damacsan tahay in ay weerar ku qaado garoonka diyaaradaha ee Kaabuul. Intii lagu raad joogay gaariga ninkaasi ayaa diyaarad aan duuliye lahayn oo wax basaasta ayaa aragtay rag qeybta dambe ee baabuurka ku ridaya wax u muuqday walxaha qarxa, balse markii dambe waxaa la ogaaday in waxaasi ay ahaayeen weelal biyo lagu shubto. Jeneraal Kenneth McKenzie ayaa duqeyntaasi ku tilmaamay mid khaldan oo naxdin leh isla markaana ay tahay wax aan macquul ahayn in la yirahdo qoyskaasi wuxuu xiriir la lahaa kooxdaasi ama uu khatar ku ahaa ciidamada Mareykanka. “Waxay ahayd khalad, waxaanan ka bixinayaa raalligelin buuxda”, ayuu yiri jeneraalkani. Duqeyntaasi ayaa dhacday xilli ninkaasi samafalka ka shaqeynayay oo lagu magacaabo Zamairi Akmadhi – uu soo galay waddada soo gasha gurigiisa oo 3km u jirta garoonka diyaaradaha. Duqeyntaasi ayaa waxaa markii hore ka dhashay qarax weyn oo labaad, kaasi oo markii hore saraakiisha Mareykanka ay sheegeen in uu caddeyn u yahay in gaariga uu siday walxaha qarxa. Balse baaritaan kaddib ayaa la ogaaday in ay u badan tahay in qaraxa labaad uu ka dhashay haan uu ku jiray gaaska wax lagu karsado oo waddada tiilay. Ehelada dadkii ku dhintay duqeyntaasi ayaa BBC-da u sheegay in dhibbaneyaashu ay codsadeen in loo qaado dalka Mareykanka isla markaana ay sugayeen wicitaan loogu sheegayo in ay aadaan garoonka diyaaradaha oo ay halkaa ka dhoofaan. Mid ka mid ah dadka ku dhintay duqeyntaasi Mareykanka, Ahmad Naser, ayaa turjubaan u ahaa ciidamada Mareykanka. Dhibbanayaasha kale ayaa horey ugu soo shaqeeyay hay’ado caalami ah, waxayna haysteen dal-ku-gal u oggolaanaya in ay galaan dalka Mareykanka. “Waa khalad, waa weerar wuxishnimo ah, oo ku yimid xog khaldan,” ayuu yiri Ramin Yuusufi, oo ka mid ah ehelada dadkaasi lagu laayay duqeynta. Wuxuu intaas ku daray, isaga oo ilmeynaya: “Maxay u laayeen qoyskayaga? Carruurtayada? Aad bay u gubteen oo xitaa ma aqoonsan karayno jirkooga iyo xitaa wajiyadooda.” Qaran News
  11. Bulshada Caalamka oo War cusub ka soo saartay Khilaafka & Muranka ka dhex oogan Farmaajo & Rooble War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen UNSOM, IGAD iyo dalalka ku lugta leh siyaasadda Somalia ayaa labada mas’uul ee dalka Somalia ugu sareeya loogu baaqay in khilaafkooda ay dhinac dhigaan oo ay culeyska saaraan arrimaha doorashada. War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka waxay aad uga walaacsan yihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.” War-saxaafadeed ayaa madaxda Somalia ugu baaqay in helidda hanaan siyaasadeed oo loo dhan yahay uu yahay lagama maarmaan “Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.” War-saxafadeedkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu wali taagan yahay khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo RWe Rooble. Qaran News
  12. Dawlada Faransiiska oo shaacisay in Mareykanka & UK ay dhabarka ka toogteen Mareykanka iyo UK ayaa wajahaya cambaareyn caalami ah oo ku saabsan heshiiska cusub ee ammaanka ee ay la saxiixdeen Australia. Heshiiskan – oo loo arko dadaal lagula dagaallamayo Shiinaha – ayaa Mareykanka iyo UK waxay Australia ku siiyeen teknolojiyad lagu dhiso maraakiib badda hoostiisa ah oo ku shaqeeya quwadda nukliyeerka. Balse tallaabadan ayaa ka careysiisay Faransiiska, oo sheegay in “dhabarka laga toogtay”, halka Shiinaha ay saddexdan dal ku eedeysay inay wadaan “Dagaal Qabow”. Heshiiskan ayaana sare u qaaday cabsida ah inuu sababi karo dagaal lala galo Shiinaha. Isbahaysigan, oo loo yaqaanno Aukus, ayaa waxaa Arbacadii ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson iyo dhiggooda Australia Scott Morrison. Inkastoo aysan soo hadal qaadin Shiinaha, haddana Aukus ayaa loo arkaa dadaal lagula loollamayo saameynta Beijing ee Badda Koofurta Shiinaha. Johnson ayaa mar dambe xildhibaannada u sheegay in heshiiska “aanan loola dan lahayn in la isugu tago” Shiinaha. Balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa su’aal weydiisay Theresa May oo xilkaas kaga horreysay, taas oo ku saabsaneyd in heshiisku uu Britain ku hoggaamin karo dagaal lala galo Shiinaha. Waxay Ra’iisul Wasaaraha weydiisay “cawaaqib xumada” ka dhalan karto isbahaysiga iyadoo Shiinuhu uu heysto Taiwan. Johnson ayaa ku jawaabay: “UK waxaa ka go’an difaaca shuruucda caalamiga ah taasina waa talada ugu awoodda badan ee aan siin lahayn saaxiibbadeen caalamka, waana talada ugu awoodda badan ee aan siin lahayn dowladda Beijing.” Taiwan ayaa isku heysata dal madax bannaan, balse Beijing ayaa kordhisay cadaadiska ay saarto jasiiraddaas oo ay u aragto ismaamul gobol oo dalkeeda ka tirsan. ‘ Xilli ay xaaladdu aad u hooseyso’ Dhanka kale Washington ayaa isku dayday soo afjaridda carada Paris ee hesiiska, oo ay ku kacayso malaayiin doollar. Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa arrintaasi ku tilmaamay “dhabar toogasho”. Wuxuu ku tilmaamay “go’aan xaasidnimo leh, si keli ah loo qaatay oo aan la saadaalin karin” kaas oo soo xusuusiyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Diblomaasiyiinta Faransiiska ee Washington ayaa aargoosi ahaan u baajiyay xaflad loogu dabaal degi lahaa xiriirka Mareykanka iyo Faransiiska. “Waa xilli aad u hooseeya,” ayuu yiri safiirkii hore ee Faransiiska u fadhiyay Mareykanka, Gérard Araud. “Mareykanka wuu ogaa in qandaraaskan iyo qandaraaskan istaraatiijiyadeed ay muhiim u yihiin danaha Faransiiska, Mareykankuna dan kama gelin.” Xoghayaha arrimaha gudaha Mareykanka Antony Blinken ayaa Faransiiska ku tilmaamay “saaxiib muhiim ah” wuxuuna sheegay in Washington ay weli “si dhow” ula shaqeyn doonto Paris. Xoghayaha Warbaahinta ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa meesha ka saartay tabashada Faransiiska. “Waxaa jira dhowr iskaashi oo uu Faransiisku ku jiro iyo kuwo uusan ku jirin, waxayna iyaguba iskaashiyo la leeyihiin dalal kale oo aynaan annagu ku jirin,” ayay tiri. “Taasina waxay qeyb ka tahay sida ay u shaqeyso diblomaasiyadda caalamka.” ‘Isbeddel istaraatiijiyadeed oo weyn’ Heshiiska, oo sidoo kale ay dalalkan is bahaystay ku wadaagayaan awoodaha internet-ka iyo teknolojiyado kale, ayaa la taliyaha ammaanka qaranka ee UK Stephen Lovegrove wuxuu ku tilmaamay inuu muujinayo “isbeddel istaraatiijiyadeed oo weyn”. Waxay la micno tahay in Australia ay noqon doonto dalkii toddobaad ee dunida ee adeegsada markab quwadda nukliyeerka ku shaqeeya. Lovegrove ayaa sheegay in heshiisku uu yahay “iskaashiga awoodeed ee ugu muhiimsam ee ka dhaca meel dunida ka mid ah 60-kii sano ee la soo dhaafay”. Shiinaha, ayaa dhanka kale, ku eedeysay isbahaysiga inay ku fekerayaan dagaal qabow kaas oo dhaawici kara danahooda gaarka ah. Wargeyska ay dowladda Shiinaha leedahay ee Global Times ayaa ka digay soo safidda ciidan, isagoo intaa raaciyay in ciidamada Australia ay u muuqdaan inay noqonayaan “kuwa ugu horreeya ee ku dhinta” “iska caabbinta” Shiinaha. Maantana, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in quwadaha shisheeye aan loo oggolaan inay farageliyaan arrimaha dalka. “Mustaqbalka horumarka dalka waa inuu si adag ugu jiraa gacmaheenna,” ayuu yiri, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda. Balse wasiirka gaashaan dhigga Australia, Peter Dutton, ayaa iska riixay falcelinta Beijing. “Tani maaha markii ugu horreysay ee aan aragnay sida uu Shiinuhu uga careysan yahay Australia,” ayuu yiri. “Waxaynu nahay dimuqraaddiyad aan ku faanno. Waxaynu deriskeenna ku garab taagannahay hubinta nabadda, iskaashiganna wuxuu gobolka ka dhigayaa mid ammaan ah. Taasi waa xaqiiqda dayaacad kastana ma dafiri karto xaqiiqda.” Dhanka kale, Shiinaha ayaa Khamiistii codsatay inay ku biirto heshiiska muhiimka ah ee ganacsiga Asia-Pacific iyadoo uga dan leh xoojinta halka ay kaga jirto gobolka. Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas, ayaa si kastaba, beenisay in tallaabada loogu biirayo heshiiskan ay jawaab u tahay kan isbahaysiga UK, Mareykanka iyo Australia. Haddii ay ku biirto heshiiska CPTPP, oo ay sanadkii 2018 saxiixeen 11 dal oo ay ku jiraan Australia iyo Japan, ayaa wuxuu xoojin doonaa awoodda ganacsi ee Shiinaha Qaran News
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in la qorsheynayo in xeer laga soo saaro Siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in xeerkaas uu ciqaab u noqonayo Siyaasiyiinta sheegta in Somaliland ay metelaan ee ku jira hay’addaha dowladda Soomaaliya iyo Siyaasadeedaba, sida uu sheegay. “Xeer in la soo saaro ayaa doonayna, xeer dadka halkaa tagay ee magaceena ku shaqeysanaya ee xumaanteena korkooda lagu sameynayo, xeerkii ciqaabeed ha la soo saaro, haddii kale in aan la ogol-nahay ayaa la moodaya,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Sidoo kale waxa uu naqdiyay hadal kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif oo asagu soo dhaweeyay heshiiskii Siyaasiyiinta Somaliland ee kuraasta gobolada Waqooyi, kadib muddo uu khilaaf ka taagna. Guddoomiye Faysal Cali ayaa waxa kale oo uu sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo halgankii Somaliland, ee ictiraaf raadinta iyo iska dhicinta Xamar, waa sida uu hadalka u dhigaye. Ugu dambeyntiina waxa uu bogaadiyey war uu sheegay in uu helay oo sheegaya in madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uusan raadineyn muddo xileedkiisa marka uu dhamaado muddo kororsi, halka madaxdii hore ay sameysan jireen kordhis billaa sharci ah. The post Somaliland oo damacsan in ay qaado tallaabo ka dhan ah siyaasiyiinta Xamar ku metela appeared first on Caasimada Online.
  14. Sheikh Shakir is so far keeping a low profile in Galmudug. Galkayo (PP News Desk) — The former leaders of Ahlu Sunna paramilitaries Sheikh Shakir and Mo’allim Mohamud retuned to Galmudug state last week to attend religious commemorations in Huurshe village. In March 2020, the Somali Federal Government forces captured several Ahlu Sunna strongholds including Dhuusomareeb, forcing the two leaders to capitulate to the government forces and disband their militias. Sheikh Shakir and Sheikh Mohamud agreed to not engage in politics during their stay in Galmudug. Sheikh Mohamud oversaw the disbanding of Ahlu Sunna militias following the group’s defeat at the hands of the Somali Federal Government forces in 2020. BBC Somali Service reported that the two Sheikhs had a plan to visit South Galkayo. Galmudug forces are fighting Al-shabaab militias in parts of Galmudug. “Sheikh Shakir and Sheikh Mohamud vowed not to organise militias or resort to any incendiary remarks against Galmudug or the Federal Government of Somalia” said Ali Mohamud, a journalist based in Mogadishu. “Ahlu Sunna loyalists cannot wage a war against a Federal Member State. The return of the former Ahlu Sunna leaders does not portend a conflict in Galmudug” Mohamud added. © Puntland Post, 2021 The post Return of Former Ahlu Sunna Leaders “Does not Portend” Conflict in Galmudug appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ka digay faragelinta ciidamada shisheeye ee gobolka, iyada oo Australia ay iska fogeysay cadhada sii kordheysa ee Beijing ,taas oo la xiriirta in dalkaasi uu doonayo in uu helo maraakiibta quuusta ee ku shaqeeya quwadda nukliyeerka ee Mareykanka. Khudbad uu Madaxweynuhu ka hor jeediyay Ururka Iskaashiga Shanghai Jimcihii, wuxuu ku boorriyay madaxda dowladaha gobolka inay gabi ahaanba iska caabiyaan xoogagga dibedda oo uu ku tilmaamay in ay wadaan faragalin shisheeye. Mr. Xi Jinping waxaa uu ballan qaaday in uu difaaci doono sarreynta sharciga hawada sare iyo biyaha badda,gaaar ahaan dhulalka Jasiiradaha ah ee la isku hayo. Hadalladaan ayaa daba socda ku dhawaaqistii Mareykanka, Ingiriiska iyo Australia ee ah inay samaystanayaan ​​iskaashi xagga amniga iyo difaaca ah, iyo go’aanka Australia ee ah inay Maraykanka ka iibsanayso maraakiibta quusta ee ku shaqeeya quwadda nukliyeerka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Shiinaha oo ka digay faragelin shisheeye appeared first on Puntland Post.
  16. Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay khilaafka ka dhex taagan Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo, kaas oo ka dhashay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Warsaxaafeed kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa loogu baaqay labada mas’uul in si nabad ah ay ku xalliyaan khilaafka dhexdooda, islamarkaana diiradda la saaro Arrimaha doorashooyinka dalka. Beesha Caalamka ayaa wadda dadaallo kala duwan oo xal loogu keenayo khilaafka Rooble iyo Farmaajo, si looga hortaggo dib u dhac mar kale ku yimaada arimaha doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo war ka soo saaray Khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa shaaciyey inay shir iskugu imaanayaan maalinta Talaadada ee toddobaadka soo socda, kaasi oo ka dhici doona magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb geli doona madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, ayaa looga hadli doono dar-dargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, wuxuuna socon doona 21 illaa 24 bishaan September. Hase yeesheem, shirka Garoowe kuma casuumna Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo asagu ah hogaamiyaha u sareeya ee loo igmaday hanaanka doorashada iyo amniga, waxaana la isweydiinayay sababta xilligaan keentay shir u gaar ah madaxda dowlad goboleedyada, ayada oo uu jiro Golaha Wadatashiga Qaranka. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya oo arrintaas ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in mugdi badan uu ku gadaaman yahay shirka Garoowe. “Ma muuqato sabab ay Dowlad Goboleedyadu kaligood doorashada uga shiraan. Waa in Ra’iisal Wasaare Rooble uu shirka Golaha Wadatashiga Qaran isugu yeeraa si loo dardar geliyo doorashooyinka dalka,” ayuu yiri. “Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland mowqifkoodu wuu caddaa, waxayna taageereen in hoggaanka doorashooyinka iyo amniga dalka looga danbeeyo Raysalwasaaraha, halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay dhexdhaxaadin kaga siibteen in ay mowqif qaataan. Markii uu Farmaajo diiday dhex-dhaxaaintii ay wadeena way kala tageen.” Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxda dowlad goboleedyada ay ka tirsan yihiin Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, ayna arrinta doorashada lagu jaangooyo un Golahaas. “Golaha Wadatashiga Qaranka deg-deg ha iskugu imaado, Ra’iisul Wasaarahana lagu taageero in asaga uu hore u wado oo uu dadajiyo doorashooyinka, aan shirar kale lagu dhinac qaban ee shirka Golaha lagu wado arrimaha doorashooyinka.” Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Rooble uu dalka bad-baado u yahay, islamarkaana uu hayo wadada keliya ee xilligaan ku samata-bixi karto Soomaaliya, oo kal hore ku sigatay dagaal siyaasadeed aan la mahdin. The post Madax goboleedyada ‘oo albaabka ka xirtay’ ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka oo muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay khilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Goodax Barre ayaa ugu horeyntii sheegay in Farmaajo uu kasoo daray, kadib markii uu shalay soo saaray Wareegto uu ku sheegay inuu ku hakiyay awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoona u soo jeediyay Wasiirka koowaad ee xukuumadda in uu qaado tallaabo adag. Wareegtadaas oo Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay mid baalmarsan sharciga, ayaa waxa uu Goodax ku macneeyay mid awood aan jirin uu isku bidayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna cadeyn u tahay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu go’aansaday in isbaaro aan dhamaad laheyn uu hordhigo doorashooyinka dalka. “Waxaa cad oo marqaati ah oo umadda Soomaaliyeed u muuqata in Ra’iisul Wasaaraha uu aad u qadariyey oo ugu samray in madaxweynaha wax badan oo isbaaro ah oo wadanka dhibaato ku ah, waxaa leeeyahay intaas ha ku filnaato sharaftii iyo qadarintii la siiyey madaxweynaha,” ayuu yiri. “Mar hadduu cadeystay in uu hor-istaago umadda Soomaaliyeed waxay ila tahay in tallaabo ka duwan sidii loola dhaqmi jiray uu Ra’iisul Wasaaraha ula dhaqmo.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu qeyb ka qaadayo mas’uuliyada waddanka lagu curyaaminayo haddii uu qaadi waayo tallaabo adag oo looga hortagayo isbaarooyinka horta leh ee uu Farmaajo hordhigayo dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble. Goodax ayaa ugu dambeyntiina arxan darro ku tilmaamay waxa hadda socda, waxa kali ah ee daawo u ah ay tahay qabsoomida doorashada dalka, isagoona carabka ku adkeeyay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu door ku laheyn arrintaas, oo ay shaqadooda billaabaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada. The post Goodax Barre oo Rooble ugu baaqay tallaabo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) - The international community is alarmed that Somalia's current constitutional crisis that has paralyzed that national executive will hinder efforts at organizing federal elections. Source: Hiiraan Online
  20. Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada. War-saxaafadeed wadajir oo goordhaweyd ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “saaxiibbada Beesha Caalamka waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada”. “Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin” ayaa warka Beesha Caalanka lagu daray. War-saxaafadeedka waxaa soo wada saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Norway, Qadar, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka: “Farmaajo iyo Rooble waa in ay degdeg u xalliyaan khilaafkooda” appeared first on Puntland Post.
  21. Mogadishu (HOL) - Djibouti's Foreign Minister Mahmoud Ali Youssouf released a statement on Friday denying any involvement in the alleged detainment of embattled former National Security Agency chief Fahad Yassin at a Djibouti City airport. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) - Djibouti's Foreign Minister Mahmoud Ali Youssouf released a statement on Friday denying any involvement in the alleged detainment of embattled former National Security Agency chief Fahad Yassin at a Djibouti City airport. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho, 17 Sebtembar 2021 – Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada. Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin. Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday. Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war-Saxaafadeed ka soo saartay khilaafka adag ee soo kala dhex-galay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana labada dhinac loogu baaqay inay xakameeyaan is-weydaarsiga qoraallada xaaladda ka sii daraya. Sidoo kale beesha caalamka oo qoraalkeedu u muuqdo mid dhex-dhaxaad ah ayaa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ugu baaqday inay deg deg u xaliyaan khilaafkooda, isla markaana la dardar geliyo fulinta heshiisyadii doorashada. Qoraalka beesha caalamka oo ahaa mid aad loo sugayey ayaa ku soo aadaya sanad kadib caawa oo kale markii Muqdisho lagu kala saxiixday heshiiskii doorashada ee 17-kii September, sidoo kalena uu Madaxweyne Farmaajo soo magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble oo haatan uu khilaaf adag kala dhaxeeyo. Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka oo dhameystiran Muqdisho, 17 Sebtembar 2021 – Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada. Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin. Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday. War-saxaafadeedkaan waxaa wadajir u soo saaray dalalka iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Norway, Qadar, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha caalamka oo qoraal kulul kasoo saartay khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.