-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia’s transition to democracy cannot happen in an environment where freedom of expression and media freedom are disregarded and abused at will by the political class, a local media watchdog has warned amid the horn of African nation is in preparation to hold presidential elections in October. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho ( Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxayaa dagaal haatan ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dagaalka oo ah mid culus ayaa ka qarxay inta u dhexeysa isgoyska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer oo ku yaalla degmada Hodan. Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu u dhexeeyo ciidaamo boolis ah iyo kuwa milatari oo uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Cali Yare oo war kooban soo saaray ayaa sheegay in dagaalkan uu sababay muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi. Sidoo kale Cali Yare ayaa meesha ka saaray in dagaalkan uu salka ku hayo arimo la xiriira siyaasad ama xiisada ka taagan Muqdisho. “Waxaa jira is-rasaaseeyn muran dhul la xariirta. Kuma lug lahan wax siyaasad ah,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir. Taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax, saraakiil kale iyo askar ayaa ku dhaawacmay dagaalka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Waxaa sidoo kale jira khasaare soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa goobta lagu dagaalamay, iyada oo ay dhaawacmeen illaa saddex qof oo rayid ah. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana is hor fadhiya ciidamada ku dagaalamay aaga isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. The post Wararkii ugu dambeeyey DAGAAL saaka ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Turkey conveyed condolences to Somalia over Tuesday’s deadly terror attack in the capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa dagaal uu ku dhaxmaraya Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Iska hor imaadkan ayaa u dhaxeeya Ciidanka Harmacad iyo kuwa Militiriga , waxana dagaalkan uu saameyn ku yeeshay adeegyadii ka jiray isgoysyada Banaadir iyo Soobe Dagaalkan ayaa salka ku haya muran ka dhashay , dhul ku yaalla dhabarka dambe ee Masjidka Cabdullaahi Ciise ee Banaadir. Askar ka tirsan Dowladda Federaalka ee dagaalka uu dhaxmaray ayaa la sheegay in ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhawaacmeen. Taliye ku xigeenka ciidanka ah ee Harmacad Cabdixamiid Abdullaahi Fanax ayaa la xaqiijinayaa inuu ka mid yahay saraakiil ku dhaawacmay dagaalkan , waxa sidoo kale jira dad kale oo shacab ah oo waxyeelo ay soo gaartay. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee la xiriira dagaalkan. Wixii ku soo kordha halkaan kala soco. GoobjoogNews Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo jeediyay in faraha kala baxaan kiiska Ikraan Tahliil madaxweynaha muddo xileedkiiska uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, xili uu khilaaf hor leh ka dhashay kiiskaas. Cabdiwali Gaas oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa qaba in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hay’addaha garsoorka iyo maxkamadda ku shaqada leh, islamarkaana xilligaan xooga la saaro habsami u socodka hanaanka doorashada dalka. “Is-qabqabsiga hoggaanka dalka wuxuu salka ku hayaa kiiska Ikraan Tahliil, waa in loo daaya hay’adaha shaqadoodu tahay ee cadaaladda, xeer-ilaaliyaha iyo maxkamadda ciidamada, waxaad moodaa in qof walba uu siduu doono u isticmaalayo arrintaan,” ayuu yiri Cabdiwali Gaas. “Waxay noqoneysa labadoodaba arrintaasi (waraaqaha iska hor-imaanaya ee Farmaajo iyo Rooble) in ay dhib ku keento mustaqbalkooda siyaasadeed. Labadoodaba eedeysanayaal ayey noqonayaan. Waxaa kula talinayaa Ra’iisul Wasaaraha in uu u jeesto qabashada doorashada.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha guushiisa iyo guul-daradiisa siyaasadeed ay halbeeg u noqoneyso qaabka ay u dhacdo doorashada, hase yeeshe aan lagu cabiri doonin kiiska Ikraan oo uu dalbaday in uu faraha kala baxo, una daayo hay’addaha shaqada ku leh. “Kiiska Ikraan meel la’aan ma dhici doono, aduunka oo dhan ayaa ku soo jeeda, Soomaalida oo dhan ayaa ku soo jeeda, markaa waxaa loo baahan yahay in aan lagu mashquulin arrintaan hay’addaha ku shaqada leh loo daayo.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xilligaan uu dalka u baahan yahay cadaadis caalami ah si hoos loogu dhigo xiisadaha ka aloosan gudaha, islamarkaana ay dib ugu joogsan lahaayeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha, sida uu sheegay. The post Farmaajo iyo Rooble oo laga dalbaday inay faraha kala baxaan kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.
-
As the foreign policy community continues to reflect on United States’ withdrawal from Afghanistan and grapple with the failure of decades-long efforts to support political stability in the country, broad areas of consensus have emerged from the diversity of perspectives on what went wrong. Nearly universally, policymakers and analysts agree that part of the problem was the delusion that the deeply corrupt government in Kabul was a viable authority or an attractive alternative to the Taliban. Source: Hiiraan Online
-
Mas’uuliyiinta degmada Garoowe, oo ay weheliyaan saraakiisha Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe ku burburiyay shan boqol iyo afar dhalo oo khamri ah. Khamrigan ayaa lagu qabtay hawlgal Booliisku ka sameeyay tuulada Kalabayr oo ka tirsan Gobolka Nugaal, islamarkaana qiyaastii 60km dhanka koonfureed kaga beegan Garoowe. Saraakiisha ayaa sheegay in Khamrigan oo lagu siday gaari Maarked ah ay ku soo wargeliyeen bulshada ku nool Kalabayr, kadibna sidaas Booliisku ku soo qabteen. Shakhsigii gaariga waday oo Booliiska ka cararay ayaan weli gacanta lagu dhigin, sida ay sheegeen saraakiishaas. PUNTLAND POST The post Khamri badan oo lagu burburiyay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa naqdiyey hadal jeedin uu dhawaan sameeyay Cabdullaahi Sanbaloolshe, Agaasimihii hore ee NISA, kaasi oo ku saabsanaa siyaasadda iyo damiirka. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in siyaasadda aysan u sameyn siyaasiga damiir iyo anshax hor leh ee isaga oo wata ama ka maran uu yimaaddo, halka taasi badalkeed uu qabo Sanbaloolshe oo dhawaan sheegay in Siyaasaddu moral laheyn. Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad oo dhameystiran: Mudane Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaan daawaday oo ka hadlay siyaasadda iyo damiirka ama aan si kale dhahee Anshaxa Siyaasadda. Mowduuc aad u muhiim ah ayuu soo qaaday waana uga mahadcelinayaa inkasta oo aan ku kala ra’yi duwan nahay. Maaddaama uu yir siyaasaddu moral ma laha, waxay ila noqotay in aan aragtidaas oo keliya lagu sii deyn dhallinyarada. Waxay ila noqotay in mid kale la dhinac dhigo si ay u noqoto dood furan oo keenta in ay culuumta iyo taariikhda siyaasadda dunida ay wax uga baaraan. Waxaan u dhihi lahaa sidan: Siyaasadda ka hor ayuu siyaasigu ahaa qof qaangaar ah oo ugu yaraan dad la macaamilay. Siyaasiyiinta qaarkoodna siyaasadda ka hor ayay lahaayeen khibrad shaqo, qaar kalena waxaa u wehlisay mid maamul oo isugu jirta dejin istaraatijiyad, maamul miisaaniyad iyo maareynta Shaqaale iyo wax soo saar ama adeeg. Kuwan dambe waxay hore u qaateen go’aammo saameynaya nolosha iyo horumarka dad ay iyagu mas’uul u yihiin. Sidaa darteed siyaasaddu uma sameyso siyaasiga damiir iyo anshax hor leh ee isaga oo wata ama ka maran ayuu yimaadaa. Awoodda ay siineyso iyo xaaladaha adag ee ay dhex taageyso awgood, siyaasaddu waa ay saameyn kartaa damiirka midka aan wax u kala soocneyn, kaan aqoon xudduudaha lama dhaafaanka ah iyo kan aan ku dhiirran karin in uu maya yiraahdo. Siyaasiga fekeraya, wax isku falaya, dhaarta xusuusan, og in uu xafiiska ka tegi doono, siyaasaddu waa ay imtixaantaa damiirkiisa, su’aalo adag oo badan ayay ku furtaa maskaxdiisa laakiin saameyn kale kuma laha. The post Yuusuf Garaad Cumar oo naqdiyey hadal kasoo yeeray Cabdullaahi Sanbaloolshe appeared first on Caasimada Online.
-
Roob xooggan oo khasaare gaystay ayaa xalay ka da’ay tuulada Xiriiro oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari. Khasaaraha Roobku gaystay ayaa lagu sheegay mid hantiyeed, kadib markii uu dumiyay gurya kala duwan oo ku yaal tuulada Xiriiro, gaar ahaanna ka samaysnaa jiingado iyo cariishyo. Wararku waxay sheegayaan, in sidoo kale Roobku burburiyay gooba ganacsi oo ku yaalla tuuladaas Xiriiro, balse xog dhammaystiran lagama helin khasaaraha dhabta ah. Roobabka dayrta ayaa ka curtay degaanno ka tirsan Gobolka Bari, halkaas oo uu meelaha qaarkood ka gaystay khasaare kooban. PUNTLAND POST The post Roob khasaare gaystay oo ka da’ay Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa todobaadkan beeniyey war lagu faafiyay warbaahinta, kaas oo sheegayay in uu kulan ka diiday dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping. “Run ma ahan,” ayuu yiri Biden markii ay wariyeyaashu weydiiyeen inuu ka xun yahay in Xi uusan doonayn inuu la kulmo La-taliyaha amniga qaranka ee Biden, Jake Sullivan, ayaa bayaan uu soo saaray isna ku sheegay in warbixintan “gabi ahaanba aysan ahayn sawirka sax ah oo ku saabsan wadahadalkii labada hoggaamiye’. Safaaradda Shiina ee Washinton ayaan ka jawaabin mar la weydiiyay jiritaanka arrintan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Maraykanka oo beeniyay war laga faafiyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu isaga beriyeelay in si gaar ah uu saaxiib ula yahay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo sheegay in laga faafiyey warar been abuur ah. Xildhibaanka oo aad loogu xagliyo xubnaha siyaasad ah u janjeera dhanka Farmaajo ayaa sheegay in Farmaajo iyo Rooble ay u siman yihiin oo labadaba uu saaxiib la yahay. “Kooxo aan heybtooda la aqoon ayaa waxey baraha bulshada kusoo qorayeen maalmahan inaan anigu ahay nin Rooble liddi ku ah, taas badalkeedana aan ahay nin ujanjeera dhanka Farmaajo. Waxaan caddeynayaa inaan ahay oday Soomaaliyeed. Rooble iyo Farmaajo waa rag saaxiibadey ah, waxaana naga dhaxeysa hal shaqo oo ah in qarankan si Soomaalinnimo ah ugu adeegno,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Xildhibaan Zakariye. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in doorka uga furan khilaafka Farmaajo iyo Rooble uu yahay in si odaytinimo ku jirto uu xalkiisa uga qeyb qaato. “Madax markeey shaqo qaranka uhayaan waxaa khasab ah ineey aragti kala duwanaasho meesha imaato, Taasna waxaa iiga furan inaan si cilmiyeysan oo odaytinnimo ahaan ah uxalliyo, Sheegana sida xalku uu yahay, laakiin igama suurtowdo in waxyaabaha la iga baahinayo ee been abuurka ah oo kale aan ku dhaqmo. WAR XUMOOW LAGU WAAAAA!” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi. Khilaafka Ra’isul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana guul-dareystay wadahadallo xal loogu raadinayey khilaafka oo ay wadeen xubno ay hor ka cayeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed. The post Xildhibaan Zakariye oo iska fogeeyey warar laga faafiyey oo la xiriira R/W ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay xalay meel kamid ah dalkaas kudileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalkaas. Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mahad Dheere ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay ku dileen dukaankiisa oo kuyaala Degmada Mamelodi ee hoos tagta Magaalada Pretoria ee Dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday. Ciidama ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu falkaasi dilka ah ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen dableeydii ka dambeeysay dilka muwaadinka Soomaaliyeed walow ay ku guuleysan inay soo qabtaan. Mid kamid ah Soomaalida kunool dalka Koonfurka kuna sugnaa Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in ka hor dilka muwaadinka ay wada murmeen kooxaha Burcadda ah iyo muwaadinka Soomaaliyeed sidaaasna uu dilka u dhacay. PUNTLAND POST The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada xildhibaanada Gobolada Waqooyi ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare ku-xigeen Mahdi Maxamed Guulleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Cabdi Xaashi Cabdilahi inay Soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland. Qoraal kasoo baxay Guddiga oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Guddiga Khadar Xariir Xuseen ayaa waxaa lagu sheegay in iyada oo la raacayo heshiiskii doorada ee 17-September lana raacayo Shaxda doorashada ay deg deg codsigaas dirayaan. Codsiga kasoo baxay guddiga ayaa imaanayo xilli dhawaan ay Muqdisho heshiis ku wada saxiixdeen guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’isulwasaare ku xigeenka. Labada mas’uul oo uu mudda ka dhaxeeyey khilaaf ayaa ku heshiiyey in si siman ay u qeybsadaan xubnaha aqalka sare ee Gobolada Waqooyi, waxaana xafladda heshiis ka qeyb galay Ra’isulwasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada gobolada waqoyi The post Mahdi iyo Cabdi Xaashi oo dalab deg deg ah loo diray appeared first on Caasimada Online.
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Minnesota ayaa Arbacada maanta ah laashay xukunkii dilka darajada-saddexaad ahaa ee lagu riday Maxamed Nuur, oo ahaa Somali-American ka tirsan booliska Minneapolis, kaasi oo afar sano kahor toogtay gabar soo wacday 911. Maxamed Nuur ayaa sidoo kale lagu helay dil kama’ ah oo darajada-labaad ah oo la xiriira dhimashadii Justine Ruszczyk Damond ee 15-kii July 2017, xukunkaas oo weli taagan Sarkaalkaas hore ayaa hadda dib loogu xukumi doona dilka kama’ ah oo kaliya, si ka duwan xukunku 12-ka sano iyo barka ahaa ee lagu riday 2019-kii. Maxamed ayaa hadda wajahaya xukun u dhaxeeya 41 illaa 57 bilood, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay xeer-ilaalinta degmada Hennepin County. Haddii Maxamed lagu rido xukun afar sano oo ah dil kama’a oo darajada labaad ah, wuxuu sharci u yeelan doonaa in lasii daayo, sababtoo ah wuxuu mar hore qaatay laba meelood saddex meel xukunka, sida uu sheegay qareenkiisa racfaanka Peter Wold. Maxamed Nuur ayaa xabsiga ku jiray tan iyo 30-kii April 2019. “Maanta ayaan la hadlay Maxamed, waa farxad, farxad weyn,” ayuu Wold u sheegay taleefishinka NBC News. Maxkamadda sare ayaa xukmisay in dacwad-oogayaasha aysan caddeyn in Maxamed uu ficilka dilka sameeyey “ayada oo maskaxdiisa ay dulmi ku talo-gashay, oo aan txigelineyn noloshada aadanaha,” taasi oo loo baahan yahay si loo rido xukun dil darajada-saddexaad ah. Dacwad-oogayaasha ayaa ku dooday in Maxamed uu buuxiyey qeexitaankaas, sababtoo ah toogashadii uu ku dilay Damond, waxay sidoo kale dhaawici kartay sarkaal boolis ah oo la socday ama qof meesha marayey. Si kastaba, maxkamadda sare ayaa xukuntay inay caddeyd Maxamed Nuur uu beegsanayey kaliya haweeneyda uu dilay. Gabadha la dilay ee Damond ayaa wacday 911, xilli habeen saq-dhexe ah, ayada oo aaminsan inay maqashay haweeney ay deris yihiin oo lasoo weeraray. Markii ay Damond usoo baxday bannaaka si ay ula hadasho Maxamed iyo sarkaal la socday oo lagu magacaabo Matthew Harrity ayey cabsi gelisay. Maxamed oo argagaxay ayaa kadib toogtay Damond. The post Maxkamadda Sare ee Minnesota oo laashay xukunkii lagu riday Maxamed Nuur appeared first on Caasimada Online.
-
FARRIINTA MUQDISHO: MA AQBALAYNO KELITALISNIMO QABIIL OO DAMBE Dawladnimadu maaha hanti gaar ah oo uu leeyahay qof, koox, ama qabiil balse waa hanti guud oo ay xuquuq ahaan ummaddu u wada leedahay una simantahay sida loogu simanyahay waajibaadka dalka. Dawladnimada ta ugu xun ee ummad ku habsata waa ta ku salaysan kelitalisnimo qabiil oo wax ummadda ka dhaxeeya lagu naaxiyo laguna koriyo qabiil gaar ah inta kalena lagu dhibaateeyo looguna geysto tacadiyo dabadeedna ay cadaawad biirtay oo ka dhalata dulmigaas qaraxdo lagana dhaxlo dagaallo sokeeye oo lagu hoobto sida kelitalisnimadii qabiilka ee Siyaad Barre. Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaa uu markiiba ka baxay dhammaan ballanqaadyadii uu u sameeyay ummadda Somalia markii uu u tartamayay doorashada madaxweynaha dalka. Waxaa uu xukunkiisa ku bilaabay burburin maamul-goboleedyada, baarlamaanka iyo garsoorka dalka si uu u noqdo keliyaliye sida la aaminsanyahay ay kula tasheen kelitaliye Abiy Ahmed iyo kelitaliye Isaias Afwerkii oo qaybweyn ku leh maamulidda Somalia, waana sababta uu Farmaajo u horjoogo in dalka laga qabto doorasho xalaal ah oo uu ku tago. Waxaa uu bilaabay dhisidda kelitalisnimo labaad ee Mareexaan, waxaanu laalay Dastuurkii iyo dhammaan shuruucdii dalka kuna bedelay wareegto uu gacantiisa ku qoro kuna xukumo dalka sidii Taliskii Siyaad Barre. Farmaajo waxa uu samaystay koox qabiil isku bahaystay oo dejiya qorshaha kelitalisnimada qabiilka iyo koox u dhalatay Somalia siiba Muqdisho iyo koox ka timid Somaliland, NFD, Somali Galbeed iyo Jabuuti oo dadka Muqdisho u laba-dibleeya una garba-duuba si uu ugu sandulleeyo kelitalisnimada qabiilka, beeshiisana ugu naaxiyo xuquuqda dawladnimada ee ummadda ka dhaxaysa, sida uu hadaba ugu taxay jagooyinkii, derajooyinkii, ganacsigii, mashaariicdii horumarinta, safiiradii, qunsuladii ka dhaxeeyay ummadda iwm isla markaana ugu tagrifalay hantidii ummadda, hubkii dalkana gacanta u geshay beeshiisa sidii Siyaad Barre, taas oo macnaheedu tahay qabiil raba inuu ummad dhan u gumeeyo una dulleeyo kelitalisnimo qabiil. Kooxahaas oo laaluush-ku-nool, xaraan ku-naax-ah waxay buste saaraan kelitalisnimada qabiilka ku dhisan ee Farmaajo waxayna ku wacdiyaan dadka Somalinimo, wadaninimo iyo dawladnimo been ah oo ay ku qaraabtaan. Kooxahaas, oo ah calooshood-u-shaqaystayaal, dan kama laha dadka iyo dalka midna. Kooxda Mareexaan ee maanta Baraha Bulshada ka difaacda Farmaajo kana ammaanta waxay iskugu jiraan laba qaybood. Qayb da’weyn oo iyagu la yaab aan lahayn inay dulmiga ku taageeraan Farmaajo waayo waxay arkaan in marlabaad loo ilduufay oo dawladnimadii Somaliyeed ee ay hore ugu mameen, dhibaatooyin laxaad lehna ku geysteen xilligii Taliskii Siyaad Barre. Qaybta kale waa dhallinyaro dhalatay kadib rididii Taliskii Siyaad Barre oo malaha maqla waalidkood oo weli ammaana Taliskii Siyaad Barre una sheegin ubadkooda in xukunkii Siyaad Barre dad iyo dalba lagu dumay, Somali ku kala tagtay, sidaas daraadeedna aanay marnaba habboonayn in ubadka loo ammaano (To praise Siyad’s Regime and call it glorious rule) xukun kelitalis ah oo laga dhaxlo dagaal sokeeye, qax iyo burbur weyn. Waxaad moodaa in Beesha Mareexaan si fudud u ilowday cawaaqib-xumadii laga dhaxlay xukunkii Siyaad Barre oo aanay waayaha waxba ku qaadan isna qaban, oo haddii ay ku fashilmeen inay Soomaali ka qabtaan Siyaad Barre ay waajib ku ahayd inay kan maanta, Farmaajo, ka qabtaan. Mareexaan waxaa uu maanta magac iyo sharafba ku yeelanlahaa haddii inta ay isku tagaan qabtaan Farmaajo oo dhammaystay 4tiisii sano kana fujiyaan kursiga Soomaali ka dhaxeeya ee uu ku dheganyahay, dadka iyo dalkuna ka badbaadilahaa burbur labaad, iyaguna ka badbaadilahaayeen taariikh xumo tii hore ka xun oo aan dib dambe loo aamineen haddii Farmaajana dagaal dhibaato keena lagu rido. Mudadii 4ta sano ahayd ee Mohamed Abdullahi Farmaajo xukumayay dalka waxa uu madax dalal shisheeye (Itoobiya iyo Eratariya) la galay heshiisyo sharcidarro ah oo la xiriira isku darka Somalia iyo cadowgeeda Itoobiya si ay Somalia u liqdo iyo dekado uu u saxeexo cadowgaas kuwaas oo uu ka qariyay baarlamaanka dalka iyo ummadda oo xaq u lahaa inay ogaadaan kana doodaan dabadeedna diidaan ama oggolaadaan, arrintaasuna waxay lid ku tahay dawladnimada iyo qaranimada Somalia waana khiyaamo qaran. Farmaajo waxaa kale oo uu ku kacay arrimo badan, sida hoos ku qoran, oo iyaguna lid ku ah xasiloonida, nabadda, dawladnimada iyo qaranimada Somalia, horseedna u ah kelitalisnimo qabiil oo fool xun. Mohamed Farmaajo oo ay soo dhaweysay, sharaftayna Muqdisho loona dooratay madaxweyne oo la aaminay ayaa markiiba intuu ummadda iyo dalkaba ku wacad-furay noqday: 1. Nin sharaftii, xurmadii iyo maqaamkii dawladnimo tuuray oo laalay iskuna-bedelay kelitaliye, ciil-qabe cadow ah oo u haliilsan cabbudhinta iyo laynta dadkii doortay kuna bilaabay weeraro iyo dilal qorshaysan. Waxaa shacabka Muqdisho markiiba lagu bilaabay in jidadka magaalada laga xiro taas oo si joogto ah u cunaqabataysa nolosha iyo dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka ee magaalada iyada oo maamulku isku magacaabo: “NOLOL IYO NABAD.” 2. Nin go’aansaday inuu ciidamo sir ah samaysto si uu si toos ah iyo si dadbanba ugu ugaarsado una laayo birmageyda, madaxda iyo dhallinyarada isla markaana dhistay ciidan qabiil si shacabka loogu sandulleeyo kelitalisnimada qabiilka. 3. Nin cashuurta uu Muqdisho ka qaado aan waxba ugu qaban balse qayb tolkiisa iyo degaankiisa ku bixiya, qayb Facebookga ku kiraysta kooxo (CBB) qabyaalad sumaysan iyo danaystinimo isku bahaystay iyo warbaahinno si sharafta iyo milgaha dadka ay u aflagaadeeyaan una caayaan iyaga oo Diin, dhaqan iyo xeer midna dhawran, taariikh aan rabin mid xun mooyee oo wadaninimada, qaranimada iyo dawladnimada siista sandareerto xaaraan ah, Farmaajana, sidii Siyaad Barre, u miisa ammaan aanu marnaba kasban balse ah dhaqanka foosha xun ee kelitalisnimada, qaybna ku bixiya laaluush uu siiyo kaba-qaadayaal uu ku fushado danihiisa gaarka ah ee KURSI isku dhejinta iyo kelitalisnimada isla markaana iskaga-horkeena dadka si uu dullinimo iyo gunnimo wax ugu xukumo. 4. Nin hubkii dalku wada lahaa barna degaankiisa u raray barna haysta si uu dadka ugu cabburiyo uguna laayo. Nin yiri dadku iguma banaanbixikaraan oo ra’yigooda ma cabbirikaraan haddii ay isku dayaana xabbad ayaan la dhacayaa sidii dhacday 18kii, 19kii February 2021 oo lagu diligaaray madaxweynayaashii hore ee Somalia Hassan Shiikh Mohamuud, Shiikh Shariif Shiikh Ahmed, Ra’iisal wasaarihii hore, Hassan Ali Khayre, iyo musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur, shacabna kas loogu dilay, taas oo ah arrin halis ah iyo qiso ku ugub taariikhda Somalia, waa casharada ay bixiyaan kelitaliyayaasha manaxaanka ah sida Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki. 5. Nin inta la doortay ummadduna rajo weyn ka muujisay, haddana 3 sano horjoogay lana dagaalamayay in doorasho dalka laga qabto welina diidan isla markaana xagal-daaciya oo fashiliya wadahadalkasta iyo kulankasta oo doorashada lagaga hadlayo si uu Somalia xoog ugu xukumo oo ummadda iyo beesha caalamkuba la yaabanyihiin. 6. Nin si cad ugu leh dadka Muqdisho: “Ama MUQDISHO ayaan dhulka la simayaa ama xoog ayaa idinku xukumayaa idinkuna gumaynayaa oo xataa fahmila’ in sharafta dadku ka qiimo badantahay daaraha uu u dhaaranayo oo haddii ay dumaan la dhisankaro. Waxa uu fahmila’yahay in daar dheer oo qurux-badan oo qofku ugu dhex-noolaado dullinimo iyo gunnimo ay ka sharaf badan tahay in burburka xoraynteeda uu qofku ugu dhex-noolaado sharaf iyo cisi. Waxa xoraynta u baahan waa dadka iyo dhulka ee maaha daar. Magaalooyin badan oo qurux-badan ayaa dhulka lala simay maantana kuwo kasii qurux-badan ayaa dib looga dhisay dhulkoodii. 7. Nin nacaybka, xumaanta, dhagar-qabnimada, ciilqabnimada iyo macangagnimada uu qabo aan weli wax la mid ah aanay Soomaali soo marin kana tegidoona dhaxal xumo in badan oo maanta jecel ay ka qoomamayn taageeradiisa haddii dagaal xukunka looga tuuro, waana arrin taariikhda dhacda oo aan la hurin. Siyaad Barre ayaa intuu xukunkii dalka ku qabsaday afgembi 21kii October, 1969 una bixiyay KACAAN si aan loo fahmin qabyaaladiisa dabadeedna dalka ku xukumayay kelitalisnimo qabiil 21 sano, markii dambana qabiilkaasu isaga oo mindida daabkeeda haya ku duulay Isaaq, Somaalina ku kiciyay nacayb awgeed una geystay gummaad iyo burburweyn oo noqotay taariikh ma-guurto ah, kuwii cadaawadaas ka dambeeyayna ka dhaxleen taariikh xun oo aan weligood ka harayn. Maantana waxaa la rabaa in dhibaatadii loo geystay Isaaq mid la mid ah loo geysto Mogadishu Clan iyo Somalia inteeda kale, dhaxal xumaase laga qaadi. 8. Nin caqabad ku noqday cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil Faarax si uu u qariyo dembiilayaasha ka dambeeya dilkeeda ama maqnaashaheeda Farmaajo waxbadan ayaa looga digay maamulka kelitalisnimada qabiilka ee uu markiiba dalka ka bilaabay, waxbadan ayaa loo sheegay inuu dalka ku wado jid aad u khaldan, waxbadan ayaa loo qeexay in dulmiga iyo tacadiyada uu dalka ku hayo ay horseedikaraan dagaal sokeeye. Farmaajo intaba dhegaha ayuu ka furaysta. Maanta waxa Muqdisho taagantahay: Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa. #Dagaal wax lagu degdego maaha, Farmaajo iyo kooxdiisana wax la sii daawankaro maaha. Haddii aanu si deg deg ah uga tanaasulin kelitalisnimada qabiilka kana harin doorashada maadaama uu dembiyo galay mardambana aan la aaminkarayn, sharaftii ummadda Somaliyeed iyo dawladnimadiina uu dhulka ku jiiday waa in la iska xoreeyaa. Allaah (SWT) waxaa uu naftiisa ka xarrimay dulmiga, mana oggola in adoomihiisu is-dulmiyaan, sidaas ayay waajib ku tahay in dagaal lala galo Farmaajo iyo kooxdiisa oo laga xoreeyo dalka, dadka iyo dawladnimda Somalia. Taariikhda halgamada lama hayo ciidan xaq u dirir ah oo lagaga adkaado dhulkiisa oo ay taakulaynayaan dadweynihiisu, hubkastaba nacabku ha haysto, inkastaba dagaalku ha qaatee. Waxaa Somalia qabsaday kelitaliye waxa uu ku hadlo ay been tahay, waxa uu bixiyo ay laaluush tahay, waxa uu amrana ay dhagar tahay. Waa koox qawlaysato ah oo ku milantay Shabaab oo u dhaqanta sida maafiyda oo aan dawladnimo iyo qaranimo midna rabin balse danahooda shakhsiga iyo qabyaalad u burburiyay sumcadii Somalia, hantida ummadana si xun u booba. Waa koox Adduunyada iyo Aakhiraba ka dooratay dulmi iyo fasaad ay masiirka ummad Muslim ah ku geliyaan halis. Waa koox sharaftii iyo karaamadaii dadka, dalka, qaranimada iyo dawladnimada Somalia ku riday god dheer, oodana u rogtay. Muqdisho waa weyrax, way caraysantahay, waa soo jeesatay waxayna la mid “WARAABE DAALAY, DIRIRTIISAA LOO TAGAA.” Haddii xaaladdu sidan ku sii socoto, doorasho xalaal ahna ay rajo-beel noqoto, MUQDISHO waa ma hurto inuu ka bilowdo dagaal sokeeye la iskaga xoraynayo gunnimada iyo dullinimada kelitalisnimada qabiilka ee Farmaajo laguna soo celinayo sharaftii, karaamadii ummadda, dalka, qaranimada iyo dawladnimada Somalia. Muqdisho marnaba ma aqbalayso kelitalisnimo qabiil oo dambe. #Ibrahim Hassan Gagale ibrahim_hg@yahoo.com September 15, 2021 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog la isku haleyn karo oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inay goosteen qaar ka mid ah ciidamada Duufaan ee ka tirsan hay’adda NISA, kuwaas oo maalmahaan dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday qeybo ka mid ah Muqdisho. Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Hay’ada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Askar gaareysa ugu yaraan 15 Askari oo wata hub casri ah ay goosteen dhowaan markii la geeyay aagga Habar Khadiijo ee xarunta Nabad Sugidda Soomaaliya. Ragga goostay oo markii hore ka tirsanaa Al-Shabaabkii lagu dhaqan celiyay xerada Serandi ee degmada Xamar Jajab ayaa ilaa hadda la ogeyn halka ay ku dambeeyaan. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya askartaan goosatay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga goostay ay Al-Shabaab u galeen iyaga iyo hubkooda, halka warar kalane ay sheegayaan in ay joogaan xaafado ka mid ah Muqdisho, isla markaana ay hubka dhigeen kadibna ay dib ugu laabteen ehelladooda. Warkii u dambeeyay ee laga maqlo dhalinyarada goosatay ka hor inta aysan bixin ayaa ahaa “Xerada ayaa nagala soo qaaday mana naloo sheegin in dagaal naloo wado waana nala qiyaanay,” intaas kadib waxaa lagu baraarugay in dhallinyaradii ay baxsadeen. Ciidamada Duufaan ayaa u badan dhallinyaro Al-Shabaab ka tirsanaa oo lagu dhaqan celiyay Xerada Serandi iyo qaar laga keenay gobalka Gedo, waxayna toos uga amar qaataan madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Ciidanka Duufaan ayaa ah kuwa hadda jooga isgoyska ku dhow xarunta NISA, ee diidan in taliyaha cusub ee NISA Bashiir Goobe uu xarunta u gudbo, halka gudaha xarunta NISA ay haystaan ciidamada Waran oo taageersan ra’iisul wasaare Rooble. The post Xog: Qaar ka mid ah ciidanka Duufaan ee NISA oo goostay appeared first on Caasimada Online.
-
Hirshabeelle: Dr. Dufle oo kursigiisii Aqalka Sare xajistay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dr. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa mar labaad loo doortay in uu ka mid noqdo xubnaha Hirshabeelle ku matala Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dr. Dufle waxaa tartan adag la galay Raage Xasan Cismaan iyo Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, wuxuuna wareegii labaad ee doorashada 68 cod kaga guuleystay Raage Xasan. Kursiga Dufle ku guuleystay oo ahaa mid kaliya ee caawa doorashadiisu ka dhacday Jowhar ayaa noqonaya kursigii afraad Aqalka Sare ee ay doortaan xildhibaannada Hirshabeelle. Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in berri oo Khamiis ah la soo gabagabeeyo oo la doorto 4-ta kale ee kursi. Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle waxaa mid hufnaanta iyo kala aragti duwanaanta siyaasadeed kaga duwan doorashooyinkii kale Aqalka Sare ee dowlad goboleedyada. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle: Dr. Dufle oo kursigiisii Aqalka Sare xajistay appeared first on Puntland Post. -
Hirshabelle: Dr. Osman Dufle re-elected to Somalia's senate
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Jowhar (HOL) - Elections for the Federal Upper House of Parliament in Jowhar on Wednesday with a fourth member being elected. Source: Hiiraan Online