Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa lagu sheegay in la hakiyey “ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida” Tiyaatarka Qaranka, isaga oo fulinaya amarka Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta qaranka ay ka keeneen cabasho, ayaga oo isu soo bax shalay ka sameysay Muqdisho. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato. Caasimada Online ayaa og in hakinta ay tahay mid afka un ku kooban oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhalatay dhulkan oo xaqiiq ahaan la iibiyey, islamarkaana qorshaha looga sameynayo goobo ganacsi uu sidiisa yahay. Arrintan yaab leh ayaa ah lacagta la sheegay in dhulka la kireeyey, taasi oo xaqiiq ahaan muujineysa inuusan jirin dhul kireeyey, balse dhulka la iibiyey, sidaas darteedna kireynta ay tahay sheeko lagu daboolayo iibka. Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo kamid ah abwaanada magaca ku leh fanka Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho warbaahinta ayaa shaaciyey in dhulkaas lagu kireeyay lacag dhan 250 dollar. Heshiiska ayaa waxa uu ku tilmaamay mid ihaano ah, islamarkaana ay tahay wax laga xishoodo in lacag sidaas u yar lagu kireeyo xaruntii weyneyd ee Tiyaatarka Qaranka. “Inuu heshiis sameeyey, la galay shirkad maqaayadley ah oo uu yiri 20 sanadood-baan kireynayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dollar, taasina waa ihaano kale, Tiyaatarka in lagu kireeyo 250 dollar, bishii meelaha yar-yar xitaa laguma kireeyo lacagtaas,” ayuu yiri Dhuux. Xadiga lacageed ee lagu kireeyay dhulkaas oo kamid ah Tiyaatarka Qaranka ayaa waxa uu cadeeyey tuhun ah in dhulkaas la iibiyey, maadama aysan maan-gal aheyn in dhul intaas le’eg lagu kireeyo lacagtaas. The post Lacagta yaabka leh ee lagu iibsaday dhulka Tiyaatarka appeared first on Caasimada Online.
  2. Dabley hubaysan ayaa xalay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay askar ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Goob-joogayaal ayaa sheegay in kooxda hubaysan ay degmada Kaaraan ku dileen laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya. Labada marxuum ayaa magacyadooda lagu sheegay Axmed-deey Gadaf iyo Sakariye Cali Aaden. Kooxdii dilka fulisay ayaa midkood goobta lagu toogtay halka intii kalena carartay sida wararku sheegayaan. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka loo gaystay labadaas marxuum eek a tirsanaa ciidamada dowladda. PUNTLAND POST The post Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo Muqdisho lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  3. Ciidanka Mareykanka oo ka wada baxay Afghanistan – Maxaa kadib dhacay xalay? Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagaboobay joogitaankoodii militari ee waddanka Afghanistan, waxaan diyaaradihii ugu dambeeyay ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Kabul hal daqiiqo kahor saqdii dhexe ee Kabul. Gen. Frank McKenzie, oo ah madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhaawaay in Mareykanku soo gabagabeeyay howlgal militari oo qaaday 20 sano. Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa VOA -da u sheegay, “Dhammaan xoogaggii ajinabiga ahaa ee dalka qabsaday waxay daqiiqado kahor ka baxeen dalka.” Madaxa diblomaasiyiinta Mareykanka ee Afghanistan, Ross Wilson ayaa soo raacay duulimaadkii ugu dambeeyay ee C-17. Hawlgalka ka bixitaanka Mareykanka ayaa dhammaaday kahor wakhtigii uu cayimay Madaxweyne Joe Biden oo ku beegan saqda dhexe ee Talaadada. ku dhawaaqista duulimaadyadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ayaa yimid iyadoo dhinaca kale Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ay ballanqaadeen inay sii wadi doonaan caawinta daadgureynta dadka Mareykanka ah iyo dadka reer Afghanistan ee nugul ee ku sugan Kabul ilaa “dhammaadka,” iyagoo ku tilmaamay daadgureynta inay tahay duulimaadkii ugu weynaa ee taariikhda militariga Mareykanka. Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaa sheegay in ilaa horraantii Isniinta, in wadar ahaan 116,700 oo qof la daadgureeyay kadib markii Taliban ay la wareegtay Afghanistan horraantii bishan. ‘Waxaa jirta murugo badan oo la xiriirta ka bixitaankeenna. Ma aynaan soo saarin dad badan oo doonayay inaan ka soo saarno Afghanistan. Haddii aan sii joogi laheyn 10 maalmood oo kale qof kasta dibadda ayaan u soo saari laheyn” ayuu McKenzie u sheegay wariyeyaasha. Madaxweynaha Mareykanka, Biden, ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay xubnaha xisbigiisa iyo kan Jamhuuriga sida uu u maareeyay Afghanistan tan iyo markii Taaliban ay si degdeg ula wareegtay magaalada Kabul. Qaran News
  4. Wasiirka Warfaafinta Somalia oo ka laabatay iibintii Tiyaatarka Somalia+Sababta keliftay Osman Dubbe Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa sheegay inuu hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Warqad kasoo baxday wasiirka bishii June, oo labadii malamood ee lasoo dhaafay soo shaac baxday, ayaa lagu sheegay in dhul ka mid ah tiyaatarka laga kireeyey shirkad gaar ah, si looga sameeyo maqaaxi. Qoraalka uu maanta soo saaray wasiir Dubbe ayuu ku sheegay in go’aanka hakinta kireynta uu yimid kaddib markii qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ay ka keeneen cabasho. “Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda,” ayuu yiri Wasiir Dubbe. Abwaanada Soomaaliyeed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay aad uga soo horjeedaan in la kireeyo qeyb ka mid ah Tiyaatarka. Qaran News
  5. M/weyne Erdogan oo soo bandhigay diyaarad dagaal oo casri ah oo uu dalkiisa sameystay Erdogan oo shaaca ka qaaday diyaaradda bilaa duuliyaha ee hubeysan ee uu dalkiisa sameystay Turkiga ayaa soo bandhigay diyaarad dagaal oo drone ah, taas oo qaadda hub, laguna sameeyay gudaha Dalkaas. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, wuxuu sheegay in tallaabadan looga golleeyahay xoojinta awoodaha militari ee dalkiisa si ay isugu filnaadaan marka ay timaaddo howlgallada ciidan. Wuxuu madaxweyne Erdogan yiri: “Waxaan heysanaa diyaaradda Akıncı UCAV, Turkiga wuxuu kaalinta saddexaad ka galay dalalka heysta teknooloojiyaddan”. Diyaaradda casriga ah ee duuliyaha uusan saarnayn, waxaa sameysay shirkadda Baykar oo soo saarta diyaaradaha Drones-ka oo lagu magacaabo ee Turkiga. Diyaaraddan cusub ee casriga ah waa mid awood leh marka la barbardhigo noocii horey uu dalkaas u soo saaray ee Bayraktar TB2, waxaana ka iibsaday dalalka Poland iyo Ukraine. Madaxweyne Erdogan oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay diyaaradda ayaa sheegay in arrintan ay muujineyso guulaha ay ka gaareen soo saarista hubka casriga ee hawada, isla markaana dunida inteeda kale ay ka warheyso. “Waaxdeena gaashaandhigga waxay kaalin weyn ka qaadatay soo bandhigidda guusha Turkiga ee 19 sano ee lasoo dhaafay”, ayuu yiri. “Heerka aan ka gaarnay teknooloojiyadda qaabilsan hawada sare, waxay astaan u tahay guulaha iyo awoodaheena ku aadan waaxda gaashaandhigga taas oo caalamka uu ka war hayo.” Wuxuu intaas ku daray in diyaaraddan cusub ee loogu magac daray Akıncı UCAV ay tahay astaan muujineyso madaxbannaanida Turkiga ee dhanka hawada. “Waxaan halkan isugu nimid in aan soo bandhigno diyaaradda Akıncı UCAV, waa astaan cusub oo muujineyso awoodaha Turkiga ee dhanka xirfadda Injineernimada iyo madaxbanaanida dhanka hubka,” ayuu yiri Erdogan. Madaxweynaha Turkiga wuxuu u mahadceliyay injineeradii iyo khuburradii soo saartay diyaaradda. Turkiga “wuxuu kaalinta saddexaad ka galay dalalka heystay diyaaraddan casriga ah,” ayuu yiri. Difaacidda aadanaha Madaxweyne Turkiga wuxuu sheegay in mabaadii’dooda ay tahay in ay soo saaraan teknoloojiyad kasta oo dan ugu jirto dhammaan aadanaha. “Haddii aan nahay Turkiga, mabaadii’deena waxaa ka mid in aan adeegsanno teknoloojiyadda sidii ay waxtar ugu noqon laheyd dhammaan aadanaha,” ayuu ka sheegay Erdogan, goobtii lagu soo bandhigay diyaaradda cusub. Turkiga wuxuu hadda ka hore ciidmo u diray dalal ay kamid yihiin Libya iyo Suuriya halkaas oo ay howgallo ka fuliyeen. Madaxweynaha Turkiga oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay in dhibaato bani’aadanimo ay kaga hortaggeen dalalkaas Suuriya, Libya iyo Azerbaijan. “Masiibo bani’aadanimo ayaan kaga hortagnay Suuriya, Libya iyo Azerbaijan, iyadoo lasii ambaqaadayo natiijada kasoo baxda fahanka ku saabsan hubka casriga ah. “Waa sababta ciidamada Turkiga iyo diyaaradaha dagaalka Turkiga ee kala ah UAV iyo UCAV ay howlgal u sameeyaan iyaga oo raadinayo nabadda”. “Turkiga la’aantiisa waxbo lagama qaban karo raadinta nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka iyo adduunka,” ayuu ku faanay madaxweynaha Turkiga, mar uu ka hadlayay munaasabadda xarigga looga jarayay diyaaraddan casriga ah ee hubeysan. Qaran News
  6. Ninka ugu awoodda badan dunida ee aadan ka warheynin Waxaan halkan idiin kugu soo gudibneynaa warbixin ku saabsan ninka aanan aqoont badan loo lahayn ee ay adag tahay in lala socdo xaaladdiisa. Waa ninka qarsoon oo si weyn saameyn ugu leh maamulka Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka. weriyaha BBC-da Gabriel Gatehouse ayaa eegaya ninkan muranka badan dhaliyay iyo arrimaha qarsoodiga ah ee ku gedaaman noloshiisa. Waxaa lagu magacaaba Vladislav Surkov- waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Putin’s Rasputin, oo micnaheedu yahay ninka saameynta weyn ku leh Kremlin-ka. Waa ninka hoggaminaya ololaha Ruushka ee ka dhanka ah Reer galbeedka Ka hor intii uusan madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump adeegsan ereyga ‘Fake news’ ama ‘waa marin habaabin’, Vladislav Surkov wuxuu bilaabay in uu adeegsado xeelad kale. Xukuumadda Moscow waxay adeegsanayesaa xeeladda Vladislav Surkov, si jahwareer siyaasadeed ay ugu abuurto arrimaha dimuqraadiyadda ee Reer Galbeedka. Nin kaaliye ahaan jiray oo la shaqeyn jiray ninkan wuxuu yiri: “Xirfadda Vladislav Surkov waxaa sare u qaaday arrinta ku saabsan markii ay bilaabatay dunida casriga ah wuxuu yiri: ‘wax run ma jiro, runna ma jirto, balse waxaa jira siyaabooyin runta lagu raadin karo’.” Waa nin si lama filaan ah ku noqday awoodda ka dambeysa madaxweyne Putin Wuxuu curiyay fikradda ah ‘dimuqraadiyadda ku saabsan madaxbanaanida’ waa siyaasad ku saabsan in dimuqraadiyadda khiyaaliga ah ay ka soo bixi karto hal natiijo: waa in uu sii socdo maamulka Putin. Mid ka mid dadkii horey ula soo shaqeeyay ninkan ayaa yiri: “Wuxuu gacanta ku hayaa maamulka awoodaha siyaasadeed ee dalkaas.” “Awoodahaas waa kuwa aanan la garan karin, balse Surkov ayaa si weyn u yaqaanna laga bilaabo mucaaradka, axsaabta siyaasadda, xildhibaanada, guddoomiyeyasha gobollada; in la sameeyo ama meesha laga saaro dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ama hay’adaha aan dowliga haeyn, kaniisadaha, warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka”. Wuxuu ahaan jiray waardiye Mikhail Khodorkovsky oo mar ahaan jiray ninka ugu taajirsan Ruushka ayuu ninka markii ugu horreysay u shaqaaleysiiyay inuu ka mid noqdo ilaaladiisa, wuxuu arkay in Surkov uu yahay nin karti leh oo ka maskax fiican ilaaladisii kale. Wuxuu ka dhigtay madaxii xiriirka dadweynaha ee shirkaddiisa, halkaas oo Surkov uu ka bilaabay xirfaddiisa ku saleysneyd khiyaanada iyo in si khaldan uu u hago ganacsiga iyo siyaasadda. Markii ninkii ganacsadaha iyo Surkov ay isku dhaceen, waxaa xabsiga loo taxaabay Khodorkovsky halka Surkov uu bilaabay olole ka dhanka ah ganacsadihii mar ugu taajirsanaa Ruushka. Surkov iyo Vladimir Putin Waxaa mar loo tababaray agaasime tiyaatar Surkov wuxuu tababarka masraxiyadda ku soo qaatay Moscow, balse markii dambe waa laga eryay ka dib dagaal uu ka bilaabay halkaas. La taliye oo ka tirsanaa Aqalka Kremlin ayaa yiri: “Wuxuu isku arkay in uu yahay qofka hagayay barnaamijkii masraxa ka socday, wuxuu isku dayay in uu maamulo dadkii soo bandhigayay barnaamijka”. Wuxuu maamulay koox gooni u goosad ah oo ka dagaalanta Ukraine Dokumentiyo qarsoodi ah oo ka soo baxay Aqalka Kremlin-ka, waxay muujinayaan in Surkov uu maamulo shabakad ay ku mideysan yihiin kooxo ku sugan bariga gobolka Donbas ee Ukraine, halkaas oo kooxaha gooni u goosadka ay dagaal kaga soo qaadaan xukuumadda Kiev iyagoo oo taageero ka helayo Ruushka. Nin horey u hoggaamin jiray fallaagada ayaa sheegay: “Waxaan marar kala duwan la kulmay Vladislav Surkov. Wuxuu ka mid yahay dadka ugu caqliga badan ee aan nolosheyda la kulmay”. Wuxuu qoray buug ka hadlaya ‘dunidan casriga ah ka dib’ Buuggiisa oo ah mid khiyaali ah, waxaa la daabacay 2009. Surkov waa nin aanan naxariis laheyn oo gabyaa ah, waana qof khiyaano badan oo wax daabaca. Wuxuu laaluushaa dadka dhalleeceeya siyaasadda dowladda iyo weriyeyaasha, si ay ugu adeegaan siyaasiyiinta ku howlan musuqmaasuqa iyo in ay leexiyaan waxyaabaha dhabta iyo in ay abuuraan wararka marin habaabinta ah. Qaran News
  7. Al-Jazeera oo wax ka qortay Xilligii ay Soomaaliya Gargaarka u diri jirtay Sacuudiga+Nooca Gargaarkay u diri jirtay Amiirradii ugu horreeyay ee Sacuudiga 1939-kii Warbaahinta Al-Jazeera ayaa afka Carabiga ku qortay maqaal dheer oo ay cinwaan uga dhigeen “Soomaaliya, dalka gargaarka u diri jiray Sacuudiga”. Waxaa maqaalkaan qorey Mucaad Maxamad Al-Xaaji Axmed, oo ah qoraa carbeed oo u dhashay dhulka Falastiiniyiinta. Maqaalka waxaa uu ku billaabanayaa sharraxaad ku aadan xaaladda Soomaaliya ee maanta, oo waxaa uu leeyahay waxa laga maqlo dalkaasi haatan ayaa ah; budhcad badeed, hoggaamiye kooxeed, kooxo hubeysan, dambiilayaal hubeysan, oo way adagtahay in maanta wax wanaagsan laga maqlo Soomaaliya. Qoraaga waxaa uu sheegay in inkastoo horumar la taaban karo uu jiro, haddana waxaa weli maskaxada dunida ku qufulan dhibaatada Soomaaliya, oo intooda badan Soomaaliya tusaale ahaan u soo qaata dadka dunida markay ka digayaan in dal kale uu qaado waddada bur-burka. Balse Soomaaliyada maanta wareersan, ee kala tegtay, dhiigga qabaayaladda dhex-dabbaalatay, weligeed sidan ma ahaan jirin. Xornimadii kaddib, Soomaaliya waxaa looga yeeri jiray “Switzerland-ta Afrika”, maxaa yeelay dadkeeda waxay lahaayeen xoolo badan iyo beero wax soo saar fiican leh. Qooraaga waxaa uu leeyahay Soomaaliya waxay hormuud u ahayd dimuqraadiyadda iyo awoodda oo si nabad ah la isugu wareejiyo, wixii ka horreeyay afgembigii Siyaad Barre ee dhacay 1969-kii. Maxamad Siyaad Barre ayaa xukunka Soomaaliya la wareegay 1969-kii Qoraaga waxaa uu sheegay in xilligii ay dhibaatada badan ka jirtay dhulka Muslimiinta, qofkii lagu badbaaday uu ahaa hoggaamiyihii “boqortooyada cadaaladda”, Axmed Ibrahim, (oo Soomaalidu ay u taqaanno Axmed Gurey). Wuxuu qabriga nebiga ka difaacay isbahaysi ka dhexeeyay xabashida iyo Bortuqiiska, kuwaas oo doonayay inay qabsadaan magaalada Madina, sidoo kalena doonayay inay qaataan Qabrigii Nebiga (SAW), si ay ugu gorgortamaan magaalada Quds oo ay Muslimiinta haysteen. Ugu dambeyntii, Axmed Gurey waxaa u suuragashay inuu ka guuleysto oo uu dilo hoggaamiyihii Bortuqiiska, Vasco Da Gama. Maqaalka wuxuu soo xigtay Qoraaga taariikhda ee Cabdulqadir Bin Cabdalla Ceydaruus, oo sheegay in Axmed Gurey, uu markii dambe gaaray guulo waaweyn, oo uu magaalooyin badan ka furtay Xabashida. Maqaalka waxaa kale oo uu sheegayaa in guulaha uu gaaray Axmed Gurey ay la mid yihiin kuwii la gaaray xilligii Saxaabada. Qoraaga ayaa wuxuu sheegay in nuxurka maqaalkiisa uu yahay in Soomaalida maanta sidan ah ay ahaan jireen dad hodan ah oo Sacuudiga gaarsiiyay gargaar, inkastoo uu sheegay in dadka qaar ay doonayaan inay arrintaasi dafiraan. Soomaaliya ayaa burbur iyo dagaal sokeeye gashay kaddib markii dalka laga saaray Maxamad Siyaad Barre Qoraaga waxaa uu sheegay in intaan la helin betroolka, Sacuudiga uu ahaa dal faqiir ah, dadkiisana waxay ku noolayeen timir iyo caano oo keliya, waxaana taariikhda ku cad, in abaar ballaaran ay ku dhufatay Sacuudiga sanadkii 1909-kii. Waxay dadka cuni jireen caleynta si ay noolashooda u badbaadiyaan. Xilligaasi, Soomaalida aad ayay qani u ahaayeen, oo xitaa waxaa la weriyaa in qofku intuu neef qasho, uu beerka keliya ka cuni jiray, inta kalena uu tuuri jiray. Taariikhdu waxay qoreysaa in Culimada Soomaalida ay xilligaasi fatwoodeen in xoolo sadaqo ah loo diro dadka Sacuudiga, waxaana xigtay in ganacsatada Soomaalida ay billaabeen inay halkaasi u raraan xoolo nool, raashiin iyo xitaa dahab. Soomaaliya maanta waxay ku sugantahay xaalad aan wanaagsaneyn, waxay ahaan jirtay dimuqraadiyad aan xasuusta ka bixi Karin, maantana waxay noqotay maamulo yar-yar oo kala taagan. Waxay horey u ahaan jirtay aag cagaar ah oo leh doomo dunida oo dhan u kala goosho, oo kaalmo gaarsiiyo, hasa yeeshee hadda noqotay dal ay ka jirto gaajo iyo rafaad, balse taariikhda aanan la hilmaami karin. Qaran News
  8. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dalka Turkiga kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu Soo Xerayay saraakiil ka qalin Jabisay Akadeemiyadda Ciidanka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Dalka Turkiga oo ay ka mid yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliya. Waxaa munaasabadda ka soo qeybgalay MadaxweynahaTurkiga iyo Xubno ka tirsan Xukuumadiisa, Sidoo kale Waxaa bilado iyo Shahaadooyin la gudoonsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliya Dalka. Wasiirka Wsaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa halkaas Shahaado Sharaf ku gudoonsiiyay qaar ka mid ah Saraakiisha Soomaaliyeed ee Tababarka usoo idlaaday. Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Dowladda Turkiga ugu Mahadceliyay Tababaradda iyo taageerida ay la garab taagantahay ciidanka XDS. PUNTLAND POST The post Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Turkiga kaga qeyb galay Tababar loo soo xirayay saraakiil appeared first on Puntland Post.
  9. Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagaboobay joogitaankoodii militari ee waddanka Afghanistan, waxaan diyaaradihii ugu dambeeyay ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Kabul hal daqiiqo kahor saqdii dhexe ee Kabul. Gen. Frank McKenzie, oo ah madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhaawaay in Mareykanku soo gabagabeeyay howlgal militari oo qaaday 20 sano. Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan xoogaggii ajinabiga ahaa ee dalka qabsaday waxay daqiiqado kahor ka baxeen dalka. Madaxa diblomaasiyiinta Mareykanka ee Afghanistan, Ross Wilson ayaa soo raacay duulimaadkii ugu dambeeyay ee C-17. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ciidamadiisi u dambeeyay kala baxay Afghanistan appeared first on Puntland Post.
  10. After months of confusion, tension and political theatre, leaders in Somalia have agreed that the country’s long-delayed presidential election will finally be held on October 10. President Mohamed Abdullahi Farmaajo and the leaders of Somalia’s five states had previously been unable to agree on the conditions and stipulations of an election prior to his term elapsing in February, prompting a period of anxious uncertainty as the people wondered where the country was heading. This political uncertainty led to a cycle of violence on the streets of Mogadishu when, in April, the Somalia Parliament unconstitutionally announced a two-year extension to President Farmaajo’s term, a move vehemently condemned by both the United States and the European Union. This backroom parliamentary shakedown was leading Somalia directly back to the very brink of another civil war. Under incredible pressure from sources both internal and external, President Farmaajo reversed the extension mandate and reconvened with state leaders to map a more transparent road to a free and fair election. But here’s the thing. Based on what we already know, how can the good people of Somalia possibly trust that the process created will be a fair one? Based on what we have already seen, how can the good people of Somalia be assured that the shady dealings of the established government won’t continue? The unfortunate answer is that our shared experiences have taught us that it would be reckless to place any amount of trust in the current PM & leaders of member states to do the right thing. It would be unwise to assume that this election could be pulled off without the levels of deception and manipulation that we are all witness to today. And without full transparency, we all know what the outcome will be, because we have already witnessed it first-hand and close-up. In June, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed’s party coasted to a landslide victory despite fervent opposition claims of vote rigging and intimidating and harassing its opponents (the exact same charges being levied against the Farmaajo administration). And when a government can’t be trusted, the consequences are inevitable – just as they were in Ethiopia. Political tensions explode and thousands of people die in ethnic and civil violence, not to mention the fact that foreign investors start to question the ability of the government to assert any level of containment over the inner turmoil. This disorder needs to be avoided at all costs in Somalia. But because of the extent of the distrust that exists today in Somalia, and the extremely tight timeline until the scheduled election, we need to consider other options. We need to consider the installation of an interim Government or, just like Ethiopia, we risk leading this country into more political instability or, much worse, another civil war. In reality, for the safety and security of the people, an interim Government is the only viable option. This interim Government could be established with a simple, but critical mandate. Establish a universal One Person – One Vote rule of election for all upcoming elections and establish an independent judiciary and constitutional court. These are the hallmarks of a democracy and the formation of these tenets cannot be disputed. Our parliamentarians are elected to represent people. And it is part of a basic understanding that each person who casts a vote is equal to every other voter. This is the most essential element to the core theory of a democracy – the people rule, and they do so with equal political authority. The current election is measured by clan formula of 4.5 which is unconstitutional and illegal – In-direct Elections does the opposite of the core theory of a democracy, and our MPs are elected to represent their respective clan rather than their constituency. Likewise, a judiciary and constitutional court independent of the state must be established to prevent the chronic corruption inherent in our legislature. Any attempt to create these institutions by the current administration should cast meaningful doubt on the impartiality of the judicial branch. Two years ago this month, the office of President Farmaajo announced that he is renouncing his United States citizenship, a decision seen by some as an attempt to win support ahead of a run re-election this year. While, behind closed doors, Farmaajo’s campaign is believed to be funded by Qatar, Iran, and Russia in an attempt to increase their influence in one of the world’s most significant geostrategic locations on the planet. This should be a wake-up call to the citizens of Somalia and to the World. And we must do everything we can to prevent any more of this double-dealing chicanery that always seems to be perpetrated under the cover of darkness. We call for the installation of an interim Government to get our country right. History has shown, time and again, that an undemocratic Somalia is a danger to itself and to the international trade and commerce. Ismail D. Osman Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security Former Deputy Director of Somalia National Intelligence and Security Agency (NISA) And the co-author of Mogadishu Then & Now You can reach him at: osmando@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You The post Somalia’s Electoral Crisis – A Chance for True Democracy in Somalia appeared first on Caasimada Online.
  11. Ka dib bilo jahawareer, isjiidjiid siyaasadeed ah, hoggaamiyayaasha Soomaaliya waxa ay isku raaceen in doorashadii madaxtinimada ee dib-u-dhaca dabadheeraaday la daalaa-dhacaysay ay ugu dambeyn qabsoomi doonto 10-ka Oktoober. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda shanta maamulgobaleed ee Somalia waxa ay hore u kari waayeen in ay isku raacaan habka iyo hannaanka loo qabanayo doorashada ka hor inta uusan soo afmeermin muddoxileedka madaxweynaha oo ku ekaa Febraayo, taasina waxa ay horseedday marxalad hubanti-la’aan walaac badan leh oo shacabka ku keentay isweyddiin ku saabsan halka uu Dalku u jiheysan doonno. Hubanti-la’aantan siyaasadeed darted ayaa waxaa waddooyinka Muqdisho ka kacay mawjado fadqalalooyin ah, goortii bishii Abriil uu Baarlamaanka Soomaaliya si Dastuurka baalmarsan ugu dhawaaqay kordhin laba sanno oo loo sameeyay muddo-xileedkii dhammaaday ee madaxweyne Farmaajo, dhaqaaqaas oo si xoog leh ay u wada cambaareeyeen Mareykanka iyo Midowga Yurub. Isbeddelkaas Baarlamaan ee gacantogaaleysiga ahaa waxa uu Somalia dib ugu celinayay dagaal sokeeye oo hor leh. Cadaadis baaxad weyn leh oo ka yimid gudaha iyo dibadda ayaa Madaxweyne Farmaajo ku sandulleeyay in uu ka laabto go’aankii muddo-kororsiga, dibna uu isugu yeero hoggaamiyayaasha maamullada si looga tashto qaabeynta doorasho daah-furan oo xor iyo xalaal ah. Balse waa tan amuurtu. Iyada oo laga duulayo waxa aan durba ogaannay, sidee ayaa ay dadka wanaagsan ee Soomaaliyeed suurtagal ugu tahay in ay aaminaan hannaanka la abuuray in uu noqon karo mid xaqsoor leh? Iyada oo laga duulayo waxa aan durba aragnay, sidee ayaa ay dadka wanaagsan ee Soomaaliyeed uga walwal-la’aan karaan in heshiisyada qarsoon ee xukuumadda jirta aysan sii socon doonin? Warcelinta nasiibxumada ah waa in khibradahayna wadaagga ah ay hore innoo bareen in ay fiirogaabni iyo fududeysi noqonayso haddii in uun kalsooni ah laga qabo in Ra’iisulwasaaraha iyo hoggaamiyayaasha maamulgobaleedyada ay sameeynayaan waxa wanaagsan. Wax aanan maangal ahayn ayay noqon kartaa haddii la iska dhaadhiciyo in ay doorashadu guuleysan karto iyada oo ay jiraan luggooyada, leexinta iyo luqun-jibaarka lagu sameynayo sharciyada iyo heshiisyada ee heerka aan maanta arkeyno leh. Haddii daahfurnaan buuxda la waayana, waxa aan dhammaanteen og nahay sida ay waxa soo baxaya noqon doonaan, maxaa yeelay taas si dhaw oo aanan na loogaga horreyn ayaan hore uga soo marqaati noqonnay. Intii lagu jiray bishii Juun, Xisbiga Ra’isulwasaaraha Itoobiya Aby Ahmed ayaa guul aqlabiyad ballaaran ah ka sheegtay doorashadii dalkaas ka dhacday, in kasta oo ay soo baxeen sheegashooyin xooggan oo ay mucaaradku ku muujinayeen eedeymo ku saabsan ku-shubasho, caga-jugleyn iyo jujuub ka dhan ah xubnaha mucaaradka (waa isla eedeymaha loo jeediyay maamulka Farmaajo). Marka aanay dawladdu ahayn mid lagu kalsoon yahayna, cawaaqibka ka dhalanaya waa kuwa aanan sinnaba looga baaqsan karin– waa isla tabta ay arrimuhu ka ahaayeen Itoobiya. Qalalaaso siyaasadeed ayaa qarxay, kumannaan qofoodna waxa ay ku dhinteen rabshado isir la xiriira. Ku ma sii jirto xaqiiqada ku saabsan in maalgeliyayaasha dibaddu ay su’aal geliyeen awoodda ay dawladdu u leedahay inay maareyso xakameynta xiisadaha gudaha. Qiimo kasta ha ku kacdee, waa in laga fogaadaa nidaam-la’aantaan oo kale inay ka dhacdo Somalia. Hase ahaatee, xaddiga kalsoonidarrada maanta ka jirta Somalia, iyo xaddidnaanta waqtiga ka haray doorashada la qorsheeyay darted, waxaan u baahannahay in aan ka fekerno fursado kale. Waxa habboon in tixgelino suurtagalnimada dhismaha Dawlad kumeelgaar ah, ama in aan sida Itoobiya halis ku galno in Dalka loo horseedo xasilloonidarro siyaasadeed, ama kaba sii darane, in dagaal sokeeye oo kale la galo. Dhab ahaantii, badbaadada iyo nabadgeliyada dadka darted, waxaa khayaarka keliya ee aanan laga gudbi karin ah dhismaha Dawlad kumeelgaar ah. Dawladdan kumeelgaarka ah waxaa lagu dhisi karaa hab fudud, balse leh wakiilasho howled oo adag (critical mandate). Hirgelinta sharci-doorasheed QOF iyo Cod ah oo doorashooyinka soo socda oo dhan lagu hago, iyo yagleelidda nidaam garsoor madaxbannaan iyo Maxkamad Dastuuri ah, kuwaas oo dhan waa astaamaha lagu garto Dimoquraadiyadda, sameynta mabaadii’daasna waa lama-huraan. Xildhibaannadeenna waxaa loo doortaa in ay dadka metelaan. Waana qayb ka mid ah fahamka aasaasiga ah ee ku saabsan in qof kasta oo cod dhiibta uu la mid yahay codbixiye kasta oo kale. Tani waa qaybta ugu muhiimsan ee gundhigga aragtida Dimuquraaddiyadda- awoodda shacabka, waxa ayna isla sidaas u sameynayaan iyaga oo leh awood siyaasadeed oo siman. Doorashada hadda waxaa lagu cabbiray halbeegga qabiilka ee 4.5 oo sharcidarro ah dastuurkana baalmarsan. Doorashada dadban waxa ay sameysaa wax ka soo horjeeddaa aragtida Dimuquraadiyadda, xildhibaannadeennana waxaa loo doortaa in ay metelaan beelahooda intii ay meteli lahaayeen deegaan-doorashadooda. Sidaas oo kale, garsoor iyo Maxkamad Dastuuri ah oo madaxbannaan in la hirgeliyo waa laga-dhaafaan, si looga hortago musuqmaasuqa halista badan ee ku dhex baahay nidaamkeenna sharcidejinta. Isku-day kasta oo maamulka hadda jira uu ku sameynayo hay’adahaan waxa ay shaki ku gedaamaysaa dhexdhexaadnimada faraca garsoorka. Laba sano ka hor bishaan oo kale, xafiiska Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku dhawaaqay in madaxweynuhu uu ka tanaasulay dhalashadii Mareykanka, go’aankaas oo ay dadka qaar u arkeen mid kalsooni loogu sii diyaarinayay tartan dib-u-doorasho oo uu Farmaajo ku talogalayay sannadkan. Taas waxa ay timid xilli daaha gadaashiisa ay ka jirtay xaqiiqo kale oo ah in ololaha Farmaajo la aaminsanaa inay maalgalinayeen Qatar, Iran iyo Ruushka oo quuddareynayay kordhinta saameynta ay ku leeyihiin mid ka mida goobaha ugu muhiimsan xagga juquraafi-siyaasadeedka dunida- waa Somalia e. Tan waa in ay jiifka ka toosisaa muwaaddiniinta Soomaaliyeed iyo dunidaba. Waana in aan wax walba u bixinaa sidii looga hortegi lahaa dheeraad kale oo ah dhaqannadaan dibindaabyada ah ee u muuqda kuwa mugdi lagu maleego. Waxaan ku celinaynaa baaqa ku wajahan dhisidda Dawlad kumeelgaar ah si aan meel san u gaarsiino dalkeenna. Sooyaalku waxa uu mar iyo mar kaleba na tusay in Somalia oo aanan Dimuquraaddi ahayn ay halis ku tahay nafteeda iyo ganacsiga dunida. W/Q. Ismail D. Osman: Qoraa ka faallooda arrimaha Somalia, Nabadgeliyada iyo Juquraafi-siyaasadeedka Geeska Afrika, dawladnimada iyo nabadgeliyada. Waxaad kala xiriiri kartaa: osmando@gmail.com Waxaa Tarjumay: Wariye. Maxamed Abubakar (Dhaaleey) Maqaalka oo ku qoran Afka Ingiriiska Halkan ka akhriso (RIIX) AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Xasaradda doorashada Somalia: Fursad lagu heli karo dimuquraadiyad dhab ah appeared first on Caasimada Online.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujisay Maandooriyaha oo toddobaadyadii u dambeeyay si weyn ugu soo qul-qulayey deegaanadeeda, kaasi oo faro-baas ku haya Somaliland. Halista Maandooriyaha oo ay xukuumaddu si adag uga digtay, ayaa haddana waxaa soo badanaya kiisaska la xiriira ee ay ciidamadu soo bandhigayaan, waxaana 48 saac ee u dambeeyay la qabaty 805 Litir oo khamri ah iyo baabuurtii ay saarnayeen Taliye ka tirsan Booliiska Somaliland oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa shaaciyey in ay inta badan gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay khamriga lasoo geliyay gudaha Somaliland. “Waxaa soo qabanay khamri tiradiisu ay dhan tahay 28 kartoon oo kartoonkiiba ay ku jirto 24 litir oo khamri ah, oo noqoneysa 672 litir, waxaanu ku qabanay gaadhiga number-kiisu yahay 35352 oo Calawi ah, waxa kale oo aanu qabanay 133 litir oo khamri ah oo saarnaa gaadhi Crown ah, number kiisuna yahay 47788,” ayuu yiri. “Gaadhiga hore ee 133 saarnayeen waanu ku qabanay eedaysanayashii, gaadhiga Calawiga ah iyo 672 litir waa na looga cararay, halkan dooxa ayaanu ku qabanay 4:30 am ayay ahayd, saldhiga ayuuna yaalla, waanu aqoonsanay eedaysanayaashii waana ku daba jirnaa.” Sidoo kale waxa uu sheegay inay qabteen qaar ka mid ah eedaysanayaasha loo haysto in ay Somaliland u soo dhoofiyeen khamrigaas, islamarkaana ay ku daba jiraan kuwo baxsad ah. Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan ayaa inta badan sifo sharci darro ah lagu soo galiya deegaanada Somaliland, ayada oo toddobaadyadii u dambeeyay laga deyrinaya halistooda, xili ay dagaal adag kula jiraan ciidamada booliska Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa kal hore shaacisay in xabsiga u taxaabtay muddo kooban gudaheed dad ka badan kun iyo boqol qof, kuwaasi oo loo xiray eedeymo la xiriira ka ganacsiga noocyada kala duwan ee Maandooriyaha. The post Maxay tahay halista ka taagan Somaliland ee laga deyrinayo? appeared first on Caasimada Online.
  13. Kabul (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa si rasmi ah usoo geba-gebeeyey ka bixitaankooda dalka Afghanistan, ayaga oo soo afjaray 20 sano oo dagaal qaraar ah. Rasaas dabaal deg ah ayaa hawada sare loo ridayey Afghanistan saacadaha hore ee Talaadada, waxaana hogaamiyayaasha Taalibaan ay ku qeexeen daqiiqad taariikhi ah. Bixitaanka ciidamada Mareykanka ayaa yimid kadib maalmo xasaasi ah oo ay wadeen howlgal ay dadlaas uga daad-gureynayeen kumanaan qof oo isugu jira shacab Mareykan iyo Afgaaniyiin caawiyey ciidanka Mareykanka. Dagaalka Afghanistan ayaa Mareykanka looga dilay 2,400 oo askari, oo ay ugu dambeeyeen 13 dhintay toddobaadkii tegay, ayada oo lacag ka badan hal trillion oo dollar ay uga baxday. “Waxaan halkan uga dhawaaqayaa soo geba-gebeynta ka bixitaankeena Afghanistan, iyo dhammaadka howlgalka lagu soo daad-gureynayey muwaadiniinta Mareykanka,” waxaa sidaas yiri Jeneral Kenneth oo Isniintii weriyayaasha kula hadlay Washington. Duulimaadkii ugu dambeeyey ee siday ciidamada Mareykanka ayaa Kabul ka baxay 11:29pm, waxyar un kahor inta aanay la gelin Talaado, oo ah maalinka Mareykanka uu qabsaday inuu ugu dambeyn ka baxayo dalkaas. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu khudbad u jeedin doono shacabka Mareykanka, Talaadada. Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa yiri “Afghanistan waxay heshay madax-banaani buuxda,” halka Anas Haqqani oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan uu yiri “waxaan ku faraxsanahay inaan arko daqiiqaddan taariikhiga ah.” The post Mareykanka oo ka wada baxay Afghanistan iyo dabaal-degyo billowday appeared first on Caasimada Online.
  14. Reer Muduggu waxay yiraahdaan “farahayga ayaa oodkac lagu cunay.” Maanta Muqdisho waxaa hadal ka soo saaray abwaanno, fannaaniin iyo laxan sameeyayaal. Waxay diiddanaayeen go’aan dhul ka mid ah Golaha Murtida lagaga dhigi lahaa meel maqaayad laga dhisayo. Dhowr qof ayaa goobta ka halday oo uu Cadikariim Faarax Jiir, laxan sameeye weyn, ka mid yahay. Qaar ka mid hobollada Waaberi oo ka aamusay meel-ka-dhaca loo geystay Abwaan Shube. Hadalka Jiir meesha ka jeediyay aad buu u siyaasadaysnaa. Da’diisa (78 sano) ayuu Cabdikariim Faarax Jiir ku halqabsaday. Abwaannada Meesha ka hadlay waxay raalli ka noqdeen in hortooda loogu gafo guddoomiyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Mudane Cabdulqaadir Cabdi Shube oo uu nin meesha ka hadlay ku tilmaamay qof “go’ Muqdisho la yimid, oo go’ kala bixi doona”. Abwaan-ku-sheeg Abwaan Shube Muqdisho ka sheegtay. Hadalka noocaas ah ayay Cabdikariim Faarax Jiir, Cabdi Dhuux iyo rag kale oo Waaberi ka tirsan u riyaaqeen. Abwaanimoy ba’! Shube ma Wasiir baa? Ma milkiilaha shirkadda doonaysay inay maqaayad ka samaysato dhulka Golaha Murtida baa? Waxaan soo xusuustay hadal dhowaan u Sanbaloolshe oo beesha Mogadishu Clan guubaabinayay u sheegay idaacad. “Nimankaan niman dalka wixii soo maray og waaye. Siyaad Barre Supporter qaxday ma aha” ayuu Sanbaloolshe yiri isagoo ka hadlayay Cali Guudlaawe iyo Qoorqoor (daqiiqadaha 4:09-4:18). Sanbaloolshe afkiisa ayaa caddayn ugu filan. Waa dhagarqabe. Abwaannada iyo fannaaniinta ku hadlay ama ku goobjoogay magaca Waaberi way u gefeen Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube. Sanbaloolshe waxaan kula kulmay Garoowe markuu socday shirweyne siyaasiyiinta Soomaalidu ka soo qaybgaleen. Waan ka xumahay in Cabdikariim Faarax Jiir aan la meeldhigo Sambaloolshe oo dhiigga iyo hantida dadka inuu bannaystay qirtay, waana sababta dowladda Biritayn ugu diidday inuu Safiir Soomaaliyeed ka noqdo Qasriga St James xitaa isagoo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay Boqorad Elizabeth. Cabdikariim Faarax Jiir kama dhiidhiiyin meel-ka-dhicii loo geystay Abwaan Shube. Cabdikariim Faarax Jiir iyo Cabdi Dhuux waxay ka hadli waayeen meel ka dhac loo geystay Abwaan Shube oo isagoo da’yar qaranka u soo shaqeeyay, haddana weli u shaqeeya isagoo gaaray da’ hawlgab. Waxaan rajaynayaa in abwaannada Soomaaliyeed iswaansan doonaan oo raalli-gelin siin doonaan Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube, haddii kale rag farahooda oodkac lagu cunay ayay noqon doonaan. Maxamuud Aadan Orgobbe, Garoowe. The post Maxaa Helay Abwaannada Soomaaliyeed? appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay dhammaan hey’adaha kala duwan ee dowladda ugu wargelineyso inay talaalaan shaqaalahooda, maadaama ay sii kordheyso khatarta cudurka Covid19. “Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka duuleysa saameynta cudurka Covid19 oo hirkiisii seddaxaad uu ku sii faafayo gudaha Soomaaliya iyo talooyinka wasaaradda ee la xariira in laga feejignaado halista cudurka waxay shaqaalaha u soo jeedineysaa inay qaataan talaalka, si ay u badbaadiyaan noloshooda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda. Sidoo kale warqada wasaaradda waxaa lagu cadeeyey in shaqaalaha aan la fasixi karin xilligaan oo ay khasab tahay inay xaadiraan xafiisyada oo shacabka ay u shaqeeyaan. “Waxaa lala socodsiinayaa dhammaan hey’adaha dowladda in guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda uu wasaaradda caafimaadka kala shaqeyn doono sidii dhamaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay u qaadan lahaayeen talaalka Covid19,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka The post DF oo amar culus kusoo rogtay dhammaan shaqaalaheeda appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, oo maanta magaalada Garowe kulan la yeeshay ururada siyaasadda ayaa shaaciyey in aysan wax isbedel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka Eyl, Qardho iyo Ufayn. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre oo kulankaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan wax isbedel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka ee seddaxdaas degmo. Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada tijaabada ee seddexda deegaan ay ku qabsoomayso waqtigii loogu talo-galay oo ah 25-ka bisha soo socota ee October. Warkan maanta ka doo yeeray guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ku soo beegmay, xilli shalay ururada siyaasadda Puntland qaarkood ay sheegeen in doorashada hordhaca ah ee golayaasha degaanka aysan waqtigeeda ku dhici karin. Ururrada siyaasadda ayaa soo jeedintooda u cuskaday in deegaanada Puntland aan laga sameyn wacyi gelin bulsho oo la xariirta qabsoomidda doorashooyinkaan. Sidoo kale waxay sheegeen in Xukuumaddu aysan bixin dhaqaalihii loogu talagalay in lagu kabo ururrada siyaasadda Puntland. Sidoo kale waxyaabihii ay cuskadeen ururrada siyaasaddu waxaa ka mid ahaa saameynta doorashooyinka federaalka iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo doorashada ku saleynaya habka Liistadaxiran. Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka Cadaalada iyo Sinaanta Eng. Maxamuud Khaliif Xasan oo ururkiisu uu ka mid ahaa ururrada dalbaday dib u dhigista doorashada ayaa sheegay in mowqifkoodu uu is bedelay, kadib kulan ay la qaateen xubnaha guddiga doorashada, isla markaana ay ka laabteen codsigoodii hore oo hadda ay diyaar u yihiin in doorashada waqtigeeda lagu qabto. The post Puntland oo beenisay warar laga faafiyey doorashada appeared first on Caasimada Online.
  17. Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Midowga Musharaxiinta oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, turxaanbixinta habraacyadii 24-kii bishan iyo sidii loogu gudbi lahaa wajiga labaad ee doorashda Golaha Shacabka BFS. Rooble iyo Musharixiinta sidoo kale kulankooda lagu gorfeeyay xaaladihii u dambeyay ee arrimaha doorashada. Kulankan ayaana waxaa goobjoog ahaa inta badan xubnaha Golaha Midawga Musharixiinta. Source: goobjoog.com
  18. Tiyaatarka Qaranka Ra’iisul Wasaaraha Dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka Qaranka oo wasiirka warfaafinta u ogolaaday shirkad gaar loo leeyahay. Rooble ayaa amarkan soo saaray markii maanta abwaanada iyo fannaantiinta Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Hobolada Waaberi ay cabasho ka keeneen wareejinta dhulka bannaan ee Tiyaatarka Qaranka. “Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda” ayuu wasiir Dubbe ku yiri qoraal uu goordhaweyd soo saaray. Wasiirka warfaafinta Cismaan Abokor Dubbe ayaa bishii lixaad ee sanadkan warqad uu soo saaray ugu ogolaaday shirkadda Xaawo Taako in ay makhaayad iyo jardiino lagu nasto ka hirgaliso dhulka dambe ee Tiyaatarka. PUNTLAND POST The post Rooble oo joojiyay dhul uu bixiyay Wasiir Dubbe appeared first on Puntland Post.
  19. Xisbiga Waddani Oo Madaxweyne Muuse Biixi Fariin Su’aal Xambaarsan Baraha Bulshadda u Mariyey ?? Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo Fariintani Facebook giisa ku soo qoray waxay u dhignayd Sidan. Mudane madaxwayne; Maanta gobolka aynu ku noolahay iyo dunidaba waxaa ka socda isbeddelo waawayn oo siyaasi ah, saamayna inagu yeelan kara. Sidaas awgeed, waxa aan is weydiinayaa illaa goorma ayaa ay Somaliland sii ahaan kartaa bilaa wasiir arrimo dibadeed?!! Dhan kale Wasiir ku-xigeenka arimaha dibada Somaliland Liibaan Yusuf Cismaan oo u Jawaabaya Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani ayaa yidhi :- “Xoghaye: wasaaraddaha iyo Hayaddaha Dawladu waxay ay leehiyiin qaab dhismeed kala Sareeya (Hierarchical Structure) Hadi cidi Maqantahay Buuxisa Kaalinti Banaan, Mana Ah Sida Xisbiga Aad Xoghayaha Ka tahay Wax Qof Kali Ahi Jeebka ku sito (One Man show) oo la’antii aanay waxba Socon. Duruufaha siyaasadeed Ee geeska ka jira Dawladda kaliya ee Ka dabaalatay, dhan siyaasadeed, Mid dhaqaale Iyo mid Amniba Wa Jamhuuriyadda Somaliland( Aduunka iyo inta Somaliland Jeclbaana Ogg oo ku faanta). Hadal Haynta ereyga Suuqdiga ah ee (Isbadaladda Geeskana) Haku anbanin Xoghaye Xog-ogaal uma Tihide. Wasaaarda Arrimaha Dibaduna wasiir way yeelanaysaa Imikana Baylahi Majirto. Allah Mahadleh. Source
  20. Kadib markaanu aragnay Dadaalka iyo Wadan jacaylka ka muuqda Abokor waxaanu u qaadanay shaqaale ka mid ah Dawladda Hoose ee Hargaysa gaar ahaan waaxda ilaalada Dooxa iyo ka warhaynta Bilicda Dooxa Hargaysa. Abokor waxa uu si wayn uga qayb qaatay isaga iyo Gaadhi Dameerkiisa Ololihii Qashinka lagaga gurayay Dooxa wayn ee Caasimadda Hargaysa. Waaxda warbaahinta Dawladda Hoose Ee Hargaysa Source
  21. Faallo, Al-Jazeera: Xilligii Ay Soomaaliya Gargaarka U Diri Jirtay Sacuudiga (SLT-Riyadh)-Warbaahinta Al-Jazeera ayaa afka Carabiga ku qortay maqaal dheer oo ay cinwaan uga dhigeen “Soomaaliya, dalka gargaarka u diri jiray Sacuudiga”. Waxaa maqaalkaan qorey Mucaad Maxamad Al-Xaaji Axmed, oo ah qoraa carbeed oo u dhashay dhulka Falastiiniyiinta. Maqaalka waxaa uu ku billaabanayaa sharraxaad ku aadan xaaladda Soomaaliya ee maanta, oo waxaa uu leeyahay waxa laga maqlo dalkaasi haatan ayaa ah; budhcad badeed, hoggaamiye kooxeed, kooxo hubeysan, dambiilayaal hubeysan, oo way adagtahay in maanta wax wanaagsan laga maqlo Soomaaliya. Qoraaga waxaa uu sheegay in inkastoo horumar la taaban karo uu jiro, haddana waxaa weli maskaxada dunida ku qufulan dhibaatada Soomaaliya, oo intooda badan Soomaaliya tusaale ahaan u soo qaata dadka dunida markay ka digayaan in dal kale uu qaado waddada bur-burka. Balse Soomaaliyada maanta wareersan, ee kala tegtay, dhiigga qabaayaladda dhex-dabbaalatay, weligeed sidan ma ahaan jirin. Xornimadii kaddib, Soomaaliya waxaa looga yeeri jiray “Switzerland-ta Afrika”, maxaa yeelay dadkeeda waxay lahaayeen xoolo badan iyo beero wax soo saar fiican leh. Qooraaga waxaa uu leeyahay Soomaaliya waxay hormuud u ahayd dimuqraadiyadda iyo awoodda oo si nabad ah la isugu wareejiyo, wixii ka horreeyay afgembigii Siyaad Barre ee dhacay 1969-kii. Qoraaga waxaa uu sheegay in xilligii ay dhibaatada badan ka jirtay dhulka Muslimiinta, qofkii lagu badbaaday uu ahaa hoggaamiyihii “boqortooyada cadaaladda”, Axmed Ibrahim, (oo Soomaalidu ay u taqaanno Axmed Gurey). Wuxuu qabriga nebiga ka difaacay isbahaysi ka dhexeeyay xabashida iyo Burtuqiiska, kuwaas oo doonayay inay qabsadaan magaalada Madina, sidoo kalena doonayay inay qaataan Qabrigii Nebiga (SAW), si ay ugu gorgortamaan magaalada Quds oo ay Muslimiinta haysteen. Ugu dambeyntii, Axmed Gurey waxaa u suuragashay inuu ka guuleysto oo uu dilo hoggaamiyihii Burtuqiiska, Vasco Da Gama. Maqaalka wuxuu soo xigtay Qoraaga taariikhda ee Cabdulqadir Bin Cabdalla Ceydaruus, oo sheegay in Axmed Gurey, uu markii dambe gaaray guulo waaweyn, oo uu magaalooyin badan ka furtay Xabashida. Maqaalka waxaa kale oo uu sheegayaa in guulaha uu gaaray Axmed Gurey ay la mid yihiin kuwii la gaaray xilligii Saxaabada. Qoraaga ayaa wuxuu sheegay in nuxurka maqaalkiisa uu yahay in Soomaalida maanta sidan ah ay ahaan jireen dad hodan ah oo Sacuudiga gaarsiiyay gargaar, inkastoo uu sheegay in dadka qaar ay doonayaan inay arrintaasi dafiraan. Qoraaga waxaa uu sheegay in intaan la helin betroolka, Sacuudiga uu ahaa dal faqiir ah, dadkiisana waxay ku noolayeen timir iyo caano oo keliya, waxaana taariikhda ku cad, in abaar ballaaran ay ku dhufatay Sacuudiga sanadkii 1909-kii. Waxay dadka cuni jireen caleynta si ay noolashooda u badbaadiyaan. Xilligaasi, Soomaalida aad ayay qani u ahaayeen, oo xitaa waxaa la weriyaa in qofku intuu neef qasho, uu beerka keliya ka cuni jiray, inta kalena uu tuuri jiray. Taariikhdu waxay qoreysaa in Culimada Soomaalida ay xilligaasi fatwoodeen in xoolo sadaqo ah loo diro dadka Sacuudiga, waxaana xigtay in ganacsatada Soomaalida ay billaabeen inay halkaasi u raraan xoolo nool, raashiin iyo xitaa dahab. Soomaaliya maanta waxay ku sugantahay xaalad aan wanaagsaneyn, waxay ahaan jirtay dimuqraadiyad aan xasuusta ka bixi Karin, maantana waxay noqotay maamulo yar-yar oo kala taagan. Waxay horey u ahaan jirtay aag cagaar ah oo leh doomo dunida oo dhan u kala goosho, oo kaalmo gaarsiiyo, hasa yeeshee hadda noqotay dal ay ka jirto gaajo iyo rafaad, balse taariikhda aanan la hilmaami karin. Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa hakiyey “ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida” Tiyaatarka Qaranka, isaga oo fulinaya amarka Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta qaranka ay ka keeneen cabasho, ayaga oo isu soo bax maanta ka sameysay Muqdisho. “Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda,” Caasimada Online ayaa Axaddii shaacisay in dhulka laga iibiyey shirkad gaar loo leeyahay, balse warqadda kasoo baxday Dubbe lagu qoray in la kireeyey, si loogu qariyo xaqiiqda iibka. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato. Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka mid ah abwaanada macaga ku leh fanka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyey in maareeyaha Tiyaatarka Abwaan Cabdiqaadir Cabdi (Shube) uu galay heshiiska lagu iibiyey xarunta dambe ee Tiyaartarka, islamarkaana uu 250 dollar uga kireeyey shirkad maqaayadley ah, sida uu hadalka u dhigay. Cabdi Dhuux ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid ihaano ah, islamarkaana ay tahay wax laga xishoodu in lacago yar lagu kireeyo xaruntii weyneyd ee Tiyaatarka Qaranka. “Inuu heshiis sameeyey la galay shirkad maqaayadley ah oo uu yiri 20 sanadood-baan kireynayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dollar, taasina waa ihaano kale Tiyaatarka in lagu kireeyo 250 dollar bishii meelaha yar yar xitaa laguma kireeyo,” ayuu yiri Cabdi Dhuux. The post DF Soomaaliya oo ka laabatay iibintii Tiyaatarka Qaranka appeared first on Caasimada Online.
  23. MOGADISHU (HOL) - A military court in Mogadishu has handed a 10-year jail term to an ISIS cameraman barely a week after another member of the group was sentenced to 15 years. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta markale kulan gaar ah la yeeshay xubnaha golaha midowga musharixiinta, waxayna ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka iyo dardar-gelintooda. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sii gaar ah diiradda loogu saaray in doorashada ay noqoto mid hufan, daah-furan, isla-markaaana waqtigeeda ku dhacda. Sidoo kale xukuumadda iyo musharixiinta mucaaradka ayaa isla gartay in si wada jir ah looga wada-shaqeeyo qabsoomida doorashooyinka billowday ee 2021-ka, sida uu shaaciyey afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim (Macallimuu) “Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee BFS, si dhowna looga wada shaqeeyo arimaha u baahan kala cadeeynta,” ayuu yiri Macallimuu. Afhayeenka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Rooble uu midowga musharixiinta la wadaagay talooyin ku aaddan turxaan bixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen. Labada dhinac sidoo kale ku ballamay shirar kale, si ay usii socdaan wada-hadallada ku aadan arrimaha doorashooyinka dalka oo haatan maraya meel wanaagsan. Rooble waxaa sidoo kale kulankan ku wehlinayey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, sida wasiirka waxbarashada Soomaaliya, wasiir ku xigeenka warfaafiinta iyo mas’uuliyiin kale. Doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana hadda qabsoomay intooda badan doorashooyinka xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. The post Midowga Musharaxiinta iyo R/Wasaare ROOBLE oo hal qodob isku raacay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.