-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baarlamaanka Puntland ayaa maanta warbixin ka dhegeystay wasiirka Caafimaadka Siciid Jaamac Qorsheel, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Caafimaadka. Wasiir Siciid Jaamac Qorsheel, oo ay wehliyaan wasiiru-dawlaha, Ku-simaha agaasimaha guud iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda, ayaa golaha Baarlamaanka la wadaagay warbixin ku saabsan waxqabadka wasaaradda, guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira. Intaasi kadib, xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo ku saabsan heerka fulinta qorshayaashii caafimaad ee wasaaradda, sababaha keena dib-u-dhac ku yimaada gaarsiinta adeegyada caafimaadka ee gobollada & degmooyinka fog iyo tirada iyo tayada shaqaalaha caafimaadka. Sidoo kale, waxay wax ka weydiiyeen xaaladda isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka, gaar ahaan kuwa ku yaalla degaannada ka baxsan magaalooyinka waaweyn; miisaaniyadda iyo maareynta kharashaadka caafimaadka iyo sida loo hubiyo in ay si hufan u adeegaan baahiyaha bulshada; iyo heerka wada shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera caafimaadka Puntland. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo maanta warbixin ka dhegeystay wasiirka Caafimaadka Siciid Jaamac Qorsheel appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada kulan salaam iyo xogwarran ah kula qaatay Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Kulankan waxa labada madaxweyne ku wehelinayey shir-guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyaha maxkamadda sare. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan salaan iyo xogwarran ah kula qaatay Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Kulankan waxaa labada madaxweyne ku wehelinayey shir-guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyaha maxkamadda sare. Qaran News
-
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Kulankan oo ah mid salaam iyo is xogwaraysi ah ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin sare, oo ay ku jiraan shir-guddoonka labada gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Madaxweynuhu waxa uu Madaxweynaha cusub la wadaagay talooyin iyo xog ku saabsan xilwareejinta maamulka iyo sidii loo xoojin lahaa isbeddelka hufan ee hogaaminta Somaliland. Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha muhiimka ah ee mudnaanta u leh Somaliland, sida amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo dardar-gelinta siyaasadda gudaha iyo dibadda. Kulankan ayaa astaan u ahaa sida hufan ee Somaliland ugu guulaysatay in ay maareyso doorashooyinka iyo isbeddelada hoggaamineed si dimuqraadi ah oo nabad ah. Waxaa la filayaa in xafladda xilwareejinta madaxweynenimada ay dhowaan ka dhacdo caasimadda Hargeysa. Source: goobjoog.com
-
London (Caasimada Online) – Odoyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa warqad cabasho ah ka gudbiyey safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis, oo ay ku eedeeyeen inuu ku dhex-milmay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya. Odayaasha ayaa warqad furan u diray Rt Hon David Lammy oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK, waxayna uga hadleen walaaca ay ka qabaan waxay ugu yeereen eexda dowladda Ingiriiska ee arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Warqadan ayaa ku eedeysay danjire Michael Nithavrianakis inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u oggolaaday inuu hadallo siyaasadeysan ka jeediyo, xilli uu ku jiray dabbaaldegga dhalashadii Boqorka Charles III ee safaaradda UK ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu ku booriyay dawladda UK in ay tallaabo ka qaado wuxuu ugu yeeray “qaswadayaasha” siyaasadda, ereygaas oo ay odayaashu u fasirteen in uu tixraac u yahay hoggaamiyeyaasha ama gobollada ka soo horjeeda qaabkiisa doorasho. Odoyaasha ayaa ku doodaya in inkastoo rajada doorasho hal qof iyo hal cod ay tahay wax lagu ammaano, haddana iyadoo aan la isku raacsanayn ay wiiqayso horumarka Soomaaliya. Waxay ka digeen in dadka dhaliila lagu tilmaamo qaswadayaal ay halis u tahay inay dhaawacdo dadaallada dowlad-dhisidda Soomaaliya, ee u baahan isla xisaabtan, sinnaan iyo isu-duubni. Odayaasha ayaa ku baaqaya in UK ay ilaaliso dhexdhexaadnimada doorkeeda diblumaasiyadeed, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in u eexashada hogaamiye ama xisbi kasta ay ku xad gudubto madax bannaanida dalka. Waxay ku booriyeen dawladda UK inay ka fogaato falalka dublamaasiyadeed ee wax u dhimi kara sumcadda ay ku leedahay Soomaaliya ama caqabad ku noqon karta safarka dheer ee qaranku ugu jiro xasilloonida iyo dimuqraadiyadda.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay arrimo la xiriira doorashada ka socota Jubbaland, ee uu wado madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe oo ka biyo diiday qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh. Wasiirka batrolka iyo macdanka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo kamid ah wasiirada aadka ugu dhow madaxweynaha ayaa mashruuc faneed ku tilmaamay doorashada ka socota Kismaayo isaga oo si weyn u dhaliilay xulista xildhibaanada iyo doorashada guddoonkooda. Cabdirisaaq ayaa sidoo kale ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu doonayo in uu mar kale isku caano shubo, si uu usii hoggaamiyo maamul goboleedka Jubbaland, balse waxa uu xusay in aanay dhici doonin, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka batrolka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda dhexe aysan marnaba aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashadaasi oo uu ku tilmaamay mid boob ah. “Iyadoo la waafajinayo qorshaha dowlad dhisidda DFS waxaa ka go’an in laga gudbo doorashada dadban ee ku saleysan qabiilka loona gudbo doorasho toos ah oo qof iyo cod ah. Xukuumadu ma aqoonsan doonto natiijada mashruuc faneedka ee lagu soo xulay xildhibaanada, afhayeenka baarlamaanka iyo tan doorashada Madaxweynaha” ayuu yiri. Hadalkan waxaa ka horreeyay go’aan kale oo horay uga soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo lagu diiday doorashada Jubbaland, waxaana isna bayaankaas lagu sheegtay in aanay dowladdu aqbali doonin doorashada lagu deg-degayo ee Jubbaland. Waxaa kale oo jirta in beesha caalamka ay iyaduna ka hortimid qorshaha Axmed Madoobe, iyada oo ugu baaqday inuu kusoo laabto shirka golaha wadatashiga qaranka, si loo dhameeyo xiisadda u dhexeyso isaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Si kastaba, Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday qorshaha dowladda dhexe, wuxuuna sidoo kale dhegaha ka fureystay baaqyada loo dirayo, isaga oo si wata jadwalkiisa doorashada oo dhaceysa 25-ka bishan, waxaana iska cad in Axmed Madoobe uu xajisan doono kursigiisa.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar saaka lagu qaaday Hotelka Agan oo ku yaalla magaalada Kismaayo, kaas oo ay fuliyeen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland. Weerarkan ayaa sababay khasaare nafeed iyo dhaawacyo, wuxuuna xiisad ka dhex abuuray dadka deegaanka. Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku tilmaamay falkaasi mid khatar ah oo looga gol leeyahay in lagu huriyo dagaal sokeeye oo dhex mara shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah. Wasiirka ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda iyo in la iska kaashado nabad ku soo dabbaalida Kismaayo. Wararka laga helayo israsaaseynta ayaa sheegaya in weerarka uu ku dhintay darawalkii Senator Ilyaas Gaboobe, oo dhawaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax u tartamaya xilka Madaxweynaha Jubbaland. Dhacdadan ayaa loo arkaa mid sii xumeyneysa xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland. Dowladda Federaalka ayaa ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan wax walba oo sababi kara gacan ka hadal dheeraad ah, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay wada-hadalka iyo xasilinta xaaladda. Waxaa la filayaa in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo sababaha ka dambeeyay weerarka iyo cidda sida rasmiga ah uga dambeysa dhacdadan argagaxa leh. Source: goobjoog.com
-
Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) ayaa maanta meel mariyay xeer muhiim ah oo ku saabsan Doorashooyinka Qaranka. Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano badan oo ka kala socda labada Gole. Intii ay socotay codbixinta, 169 xildhibaan ayaa taageeray xeerka Doorashooyinka Qaranka, halka labo xildhibaan ay ka soo horjeesteen, midna uu ka aamusay. Xeerkan ayaa ah mid muhiim u ah habsami u socodka nidaamka doorashooyinka dalka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay xildhibaanada ansixinta xeerkan, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo dalka u qaadeyso dhinaca dimoqraadiyadda iyo isbeddelka. Waxaa sidoo kale xusid mudan in xeerkan uu yahay mid muhiim u ah in dalka uu u gudbo doorashooyin qof iyo cod ah oo si toos ah uga dhacda guud ahaan Soomaaliya. Waxaa la filayaa in madaxweynaha Jamhuuriyadda uu saxiixo xeerkan si uu dhaqan-gal rasmi ah u yeesho. Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan dadaallada ku aaddan horumarinta sharciyada dalka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay dagaal maanta ka dhacay Kismaayo oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Fartaag ayaa marka hore si adag u cambeereeyay falka ka dhacay Kismaayo, wuxuuna ku eedeeyay in Axmed Madoobe uu ka dambeeyay, uuna weeraray shacab iyo siyaasiyiin degenaa hoteel ku yaalla magaaladaasi. “Waxaan rabaa inaan cambaareeyo weerarka uu Axmed Madoobe ku qaaday hoteelka ay daganaayeen siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah ee magaalada Kismaayo nabadda ku joogay” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbalad uu ka hurinayo dagaal sokeeye oo la’isaga horkeenayo dadka ehelka ah wada dega maamulkaasi. “Arritan waxa ay tilmaameysaa sida Axmed uga go’an tahay inuu dagaal sokeeye ka dhex dhaliyo dadka ehelka ah ee ku wada nool Jubbaland” ayuu mar kale yiri Fartaag. Wasiirka soo sii hadlaya ayaa ciidamada joogga Kismaayo uga digay inay ku milmaan siyaasad iyo in loo adeegsado in lagu fushado dano gaar ah. Dagaalka oo daqiiqado socday ayaa si gaar ah uga dhacay aagga hotel AGAN ee ku yaalla bartamaha Kismaayo, kadib markii musharraxa oo lagu magacaabo Ilyaas Beddel Gaboose iyo ilaaladiisa loo diiday inay gudaha u galaan hoteelka oo uu ka socdo dhaq-dhaqaaq la xiriira doorashada. Ilyaas Beddel Gaboose oo sidoo kale ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ayaa dhowaan Kismaayo uga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, wuxuuna kamid yahay xubnaha sida wayn uga soo horjeedo Axmed Madoobe. Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Kismaayo ka socoto doorashada Jubbaland oo uu muran xoogan ka taagan yahay, waxaana loo ballansan yahay in madaxweynaha lasoo doorto 25-ka bishaan, iyada oo ay u badan tahay inuu isku caano shubo Axmed Madoobe.
-
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Khamiista maanta ah soo saartay amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant, iyo sidoo kale taliyaha milatariga Xamas Mohammed Deif. “Garsoorayaasha waxay soo saareen amar lagu soo xirayo laba qof, Mr Benjamin Netanyahu iyo Mr Yoav Gallant, oo loo haysto dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo dambiyo dagaal oo la galay ugu yaraan intii u dhaxeysay October 8 2023 illaa ugu yaraan May 20 2024, maalintii ay xeer-ilaalintu soo gudbisay codsiyada amarka xiritaan,” ayey bayaan ay soo saartay ku tiri Maxkamadda ICC ee fadhiggeedu yahay magaalada Hague. Waxay sidoo kale soo saartay amar lagu soo xirayo Deif, sida lagu yiri bayaanka. Amarrada xiritaan ayaa lagu sifeeyay “sir” si loo ilaaliyo marqaatiyaasha iyo habsami u socodka baaritaanada, ayay tiri maxkamada. “Si kastaba, garsoorayaasha ayaa go’aansadey in la sii daayo xogta hoos ku qoran maadaama ay u muuqato in dhaqan la mid ah kii lagu xusay amarka xiritaan uu socdo,” ayay tiri maxkamadda. “Intaa waxaa dheer, garsoorayaasha waxay u arkaan inay dani ugu jirto dhibanayaasha iyo qoysaskooda in la ogeysiiyo jiritaanka amarka xiritaan.” Dacwad-oogaha sare ee ICC Karim Khan ayaa bishii May ka codsaday maxkamadda inay soo saarto waaran qabasho oo ka dhan ah Netanyahu iyo Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada oo ka dhacay Gaza. Netanyahu ayaa Gallant ka ceyriyay xilkii wasiirka gaashaandhigga 5-tii November. Khan ayaa sidoo kale dalbaday waaran xiritaan oo ka dhan ah madaxda sare ee Xamas oo uu ku jiro Mohammed Deif oo looga shakisan yahay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Dacwad oogaha ayaa laalay codsigii Haniyeh 2-dii Agoosto “sababtoo ah duruufaha isbedelay ee ka dhashay dhimashada Mr Haniyeh” ee Tehran July 31, ICC ayaa goor sii horeysay sidaas ku sheegtay bayaan. Sida ay sheegtay Israel, Deif waxaa lagu dilay weerar 13-kii July ka dhacay koonfurta Gaza, inkastoo Xamas ay beenisay inuu dhintay. Tan iyo markii Xamas ay fulisay weerarkeedii October 7, 2023, oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa taariikhda Israa’iil, Israa’iil waxa ay dagaal ka wadday Gaza, oo ay maamusho Xamas. Wasaaradda caafimaadka dowladda Xamas ee Marinka Gaza ayaa Khamiista maanta ah sheegtay in ugu yaraan 44,056 lagu dilay 13 bilood oo Gaza uu ka socday dagaalka, halka 104,268 qof oo kale ay dhaawacmeen. Source
-
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in weerar ay ciidamadiisu ku qaadeen bariga Ukraine ee magaalada Dnipro subaxnimadii Khamiista, uu ahaa mid loo adeegsaday “gantaal cusub oo ah kuwa riddada dhexe”. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa isna dhankiisa sheegay, in adeegsiga Ruushka ee gantaalkan cusub uu ahaa mid xaaladda dagaal uga sii daraysa. Khamiistii shalay ahayd, Ukraine ayaa markii ugu horeysay gantaalada riddada dheer ee Storm Shadow ee UK ku riday bartilmaameedyo ku yaala gudaha Ruushka. Putin ayaa sheegay in gantaalka nooca Oreshnik, inuu jawaab u ahaa adeegsiga Ukraine ee gantaallada riddada dheer ee Mareykanka iyo Ingiriiska oo lala bartilmaameedsaday gudaha qeybo kamid ah dalka Ruushka. Putin ayaa intaa ku daray, in Ruushku uu weerari karo xarumaha militariga ee dalalkaas ee Ukraine u ogolaaday in hubkooda qaabkaas u adeegsadaan. Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Ukraine u fasaxay inay adeegsato gantaallada nooca riddada dheer ee ATACMS iyo gantaalada riddada dheer ee Storm Shadow ee UK. Dalka ay dagaalladu aafeeyeen ayaa hore loogu xaddiday in uu gudaha Ruushka u isticmaalo gantaallada riddada dheer. Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa marar badan ugu baaqay xulafada reer galbeedka ee Kyiv inay ogolaadaan adeegsiga gantaalada riddada dheer ee lagu bartilmaameedsanayo gudaha Ruushka, isagoo sheegay inay tahay habka kaliya ee lagu soo afjari karo dagaalka. Source
-
Shir balaadhan oo lagu taageeraayo oo loogu ducaynaayo madaxweynaha cusub ee la doortay iyo ku xigeenkiisa ayaa hada ka socota Hotel Maamuus ee bariga Hargeisa. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen dhalinyaro,aqoonyahano,cuqaal, haween iyo salaadiin uu horkacaayo suldaanka guud ee beesha Isaxaaq Care Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray. Kulankan waxa aad loog hambalyeeyay madaxweynaha la doortay iyo ku xigeenkiisa waxa sidoo kale loogu duceeyay madaxweynaha xilka banaynaaya iyo sidii uu doorashooyinka u qabtay. Waxa sidoo kale shirkan loogu mahad naqay beelaha dega gobolka Awdal iyo bariga Burco sidii ay dalka u bad baadiyeen isbedelkana u keeneen ayaa aad loogaga dheeraaday shirka La soco xaflada oo dhamaystiran Qaran News
-
Maxkamadda Derejada Koowaad ee Gobolka Bari ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Maxamed Abshir Muuse Bootaan. Ninkaan ayaa lagu helay dilkii Khaalid Cali Khaalid Aw Muuse, guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee Jaamacadda Bariga Afrika. Dilkan ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso bishii Luulyo ee sanadkan. Maxkamaddu waxay sidoo kale sagaal sano oo xabsi ah ku xukuntay Axmed Maxamuud Maxamed, oo lagu helay inuu bixiyay gaarigii dilka loo adeegsaday. Maxkamadda ayaa sidoo kale sii deysay Laba kale oo dilka lala xiriirinayey kadib markii dembi lagu waayay. Ehelada marxuumka ayaa soo dhaweeyay xukunka, iyaga oo sheegay inay heleen caddaalad. Ehelada ayaa diiday in ay qaataan diyo. Source: goobjoog.com
-
Maxkamad ku taalla Waqooyiga Ireland ayaa maanta lix bilood oo xabsi ah ku xukuntay Cabdullaahi Salaad, oo ah 23 jir Soomaali ah, ka dib markii lagu helay inuu isku day kufsi ah ku sameeyey kalkaaliso caafimaad iyo sarkaalad booliska ka tirsan. Garsooraha Maxkamadda Degmada, Nigel Broderick, ayaa amar ku bixiyey in Salaad uu muddo todobo sano ah iska diiwaangeliyo liiska dambiyada dalkaasi si loola socdo Dacwad-oogaha maxkamadda ayaa sharaxay in dhacdadii ugu horreysay ay ka dhacday cusbitaalka Causeway 29-kii November sanadkii hore, xilligaas oo Salaad uu si kadis ah kula kulmay kalkaalisada oo isku day fal ka baxsan Anshaxa. Markii booliska la wacay oo Salaad la xiray, ayuu mar kale ku kacay fal galmo ah, isagoo markan gacan saar la sameeyey sarkaalad boolis ah xilliga ay ku guda jirtay shaqadeedii. Qareenka Salaad Grant Powles, ayaa maxkamadda ka sheegay in eedeysanaha uu qaxooti ku yahay Ireland islamarkaana uu xaalado caafimaad oo maskaxeed sheeganayo, sida maqalka codad aan jirin. Source: goobjoog.com
-
NATO iyo dalka Ukraine ayaa la filayaa in Talaadada soo socota ay kulan deg deg ah ka yeeshaan, kaddib marki uu Ruushka uu Khamiitii gantaallo culus ku tijaabiyay magaalo k Dnipro ee bartamaha Ukraine. Khudbad laga sii daayay telefishannada Ruushka ayuu madaxweyne Vladimir Putin uga digay reer Galbeedka, in gantaallada riddada dhexe ee Oreshnik ay ahaayeen mid ay Moscow uga aargudaneysay xukuumadda Kyiv oo Ruushka ku ridday gantaallada riddada dheer ee ay sameeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska. Kaddib 33 bilood oo uu dagaalka Ruushka iyo Ukraine socdo, ayuu dagaalka hadda galay wajigii kala baxa sida uu Jimcihii sheegay Ra’iisul wasaaraha Poland Donald Tusk. Fadhi uu yeelan lahaa baarlamaanka Ukraine ayaa shalay la baajiyay sababo dhinaca amniga ah oo xiriir la leh, gantaallada Ruushka. Saraakiisha millatariga Ukrain ayaa sheegay in gantaalka lagu tijaabiyay magaalada Dnipro uu gaaray xawaare sare isla markaana uu lahaa lix madax oo xambaari kara hubka niyukleerka, kuwaas oo midkiiba uu sii daayay lix madfac. Source: goobjoog.com
-
Ilyas: ”The unity of the Puntland people was demonstrated in 2016 in Suuj and Garmaal, when citizens repelled a surprise Al-Shabaab attack on North Mudug and Nugaal. Every individual in Puntland took up arms.” Garowe (PP News Desk) — The Puntland State of Somalia has announced a military campaign against terrorist groups hiding in a remote mountainous area of the Bari region. The Vice President of Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, said that the government “is launching a unified offensive aimed at eliminating terrorist groups.” Lugatoor urged the people of Puntland to support the campaign against terrorism and act as a civil defence force to help cleanse Puntland’s regions of extremists. “The unity of the Puntland people was demonstrated in 2016 in Suuj and Garmaal, when citizens repelled a surprise Al-Shabaab attack on North Mudug and Nugaal. Every individual in Puntland took up arms. The Puntland State will carry out a similar campaign to fight extremists,” said the Vice President. “This will be a war that unites Puntland. Everyone, including women preparing food for soldiers and civil defence forces, will contribute to ridding Puntland of these terrorists,” he added. The Vice President’s statement comes at a time when reports suggest that ISIS militants have strengthened their presence in the Cal Miskaad mountains of the Bari region. The Puntland State government successfully rooted out Al-Shabaab cells in North Mudug, resulting in a marked decrease in Al-Shabaab assassinations in Mudug and Bari. This success was achieved through cooperation between the Puntland security service and police. More than 35 Al-Shabaab operatives were tried, found guilty of terror crimes, and executed by firing squad. © Puntland Post 2024 The post Puntland Mobilises Forces to Counter ISIS Presence in Cal Miskaad Mountains appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa saaka oo Sabti ah magaalada Boosaaso lagu qisaasay xukmane Maxamed Abshir Muuse oo lagu helay dilkii guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda jaamacadda Bariga Afrika Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayay ku sheegeen in Saaka oo Sabti ah xukun dil ah lagu fuliyay Maxamed Abshir Muuse oo lagu helay dilkii guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda jaamacadda Bariga Afrika. Taliska Booliska ayaa sheegay in maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ay magaalada Boosaaso ku qisaastay gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse oo horay 29 July 2024 Boosaaso ugu dilay guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda Bariga Afrika marxuum Khaalid Cali Khaalid Aw Muuse. “Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse” ayaa lagu yiri warka Booliska. PUNTLAND POST The post Xukmane Maxamed Abshir Muuse oo saaka lagu qisaasay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
WII scientist R Suresh Kumar, who is monitoring the bird’s migratory route, said “Chiuluan2” set out on an onward non-stop journey from Guhagar in Maharashtra’s Ratnagiri on Sunday One of the two satellite-tagged Amur Falcons (Falco amurensis) “Chiuluan2” named after a village in Manipur’s Tamenglong district has reached its first stopover site in Somalia in five days and 17 hours after flying non-stop and crossing the Arabian Sea. Wildlife Institute of India (WII) scientist R Suresh Kumar, who is monitoring the bird’s migratory route, said “Chiuluan2” started an onward non-stop journey from Guhagar in Maharashtra’s Ratnagiri on Sunday morning around 10.30am and reached Somalia on Tuesday around 7pm (India time). Divisional forest officer Kh Hitler Singh said Guangram, another satellite-tagged female falcon, is still in the Chiluluan roosting site in Tamenglong. The Manipur forest department, WII team, and residents released the two Amur falcons, the world’s longest travelling birds, on November 8 after radio-tagging them with satellite transmitters to study the route of the migratory birds and the environmental patterns from Tamenglong. Chiuluan and Guangram are two roosting villages of Amur falcons in Tamenglong. Kumar said “Chiuluan2” was in the flight path of Scotora Island, which is at the tip of the Great Horn of Africa, on Monday. The Manipur forest department and WII team also released nine other Amur falcons on November 8. Radio-tagging of Amur falcons was taken up for the first time in Manipur’s Tamenglong district in November 2018. Five birds were radio-tagged in 2019. Amur falcons are protected under the Wildlife Protection Act. They spend summers at their breeding grounds in southeast Russia and northeast China. The falcons migrate to their wintering grounds in Africa. They start their return journey in April-May through Afghanistan and East Asia, undertaking a yearly journey of about 20,000km. In between, they stop in India’s northeast and Somalia. The pigeon-sized raptors, locally known as Akhuaipuina, arrive in October in the northeast including Nagaland and Manipur. They leave the region in November after having enough food for their non-stop flight to Africa where they spend their winter The Ninth Amur Falcon festival is scheduled at Tamenglong on November 21 as part of the state forest department’s efforts to protect these migratory birds with the support of the local bodies and residents. Hindustan times Qaran News
-
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Puntland, oo uu hoggaaminayo Wasiir Siciid Jaamac Qorsheel ayaa Saaka oo Sabti ah hortegay Golaha Baarlamaanka Puntland. Wasiirka Caafimaadka Siciid Qorsheel oo ay weheliyaan Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa hortegay Fadhiga Saaka ee Golaha Wakiilada Puntland, si uu halkaasi uga jeediyo Warbixinta Waxqabadka Wasaaradda Caafimaadka. “Ajandaha fadhiga ayaa ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukuumadda, waxaana Golaha hor imanaya maanta mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland” ayaa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Baarlamaanka. Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo ku guda jira La-xisaabtanka Xukuumadda ayaa lagu wadaa in ay Wasiirka Su’aalo ka weydiiyaan Xaaladda Caafimaad ee Puntland, kadib markii uu Warbixintiisa jeediyo. PUNTLAND POST The post Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Saaka hortegay Golaha Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
MUNICH: A second-half Harry Kane hat-trick took Bayern Munich to a 3-0 home win over Augsburg on Friday, sending them eight clear atop the table ahead of Tuesday’s Champions League clash with Paris Saint-Germain. Source: Hiiraan Online
-
Kenya's President William Ruto has cancelled two major deals involving Indian billionaire Gautam Adani, after the tycoon was indicted for fraud by US prosecutors. Source: Hiiraan Online