Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,337
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Midawga Musharixiinta ayaa cambaareyay go’aanadii Farmaajo ka soo baxay ee lagu magacaabay Taliyaha NISA. Midawga ayaa sheegay in Farmaajo uu carqaladeynayo in baaritaanno daah furan lagu sameeyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Musharixiinta ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Farmaajo uu qorsheynayo in uu xagal ka daaciyo doorashooyinka Dalka. Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka Midawga Musharixiinta Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka fal-celiyey tallaabadii uu xalay qaaday madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday oo sameeyey magacaabis deg deg ah, xil cusubna u dhiibay Fahad Yaasiin. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah musharixiinta mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka kasoo baxay Farmaajo uu saddex eed qoorta u surayo, kuwaas oo uga sii darayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo kiiska ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax. Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa saddexda arrimood ee ka dhalan kara tallaabadii uu qaaday Farmaajo ku shaaciyey qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa, kuwaas oo kala ah:- 1- In uu dilka Ikraan Tahliil wax ka ogaa, maadaama uu difaacayo, xalayna uu xilal u magacaabay Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey oo ka mid ah seddaxda ruux ee lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil. 2- Caddaalad isku hor-gudbid (Obstruction of Justice), maadaama uu diiddan yahay in kiiska la baaro, oo laga gungaaro xaqiiqdiisa dhabta ah. 3- Abuuris qalqal amni iyo mid siyaasadeed, si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble looga baahan-yahan inuu ku adkeysto go’aankiisa, isla-markaana uu xilka hay’adda nabad sugida ku wareejiyo Bashiir Goobe, kadibna uu gadal-galo kiiska Ikraan. “Ra’iisul Wasaaraha, waxaa laga rabaa in uu Taliye Bashiir xilka ku wareejiyo, xarunta NISA na geeyo. Guddigii uu baaritaanka u xilsaarna waa in ay tillaabo ka qaadaan shakhsiyaadkii hor istaagay baaritaanka oo ay Fahad iyo Fareey ugu horreeyaan” ayuu yiri CC Shakuur. Si kastaba khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble ayaa weji cusub yeeshay, kadib markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu Fahad Yaasiin u magacaabay lataliyaha amniga qaranka waxaana soo baxaya digniinaha la dirayo ee ku aadan xiisadaas. The post ‘Saddex midkooda oo looga dan leeyahay’ tallaabada uu xalay qaaday FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya ayaa ka sii dareysa, waxaana sii xoogeysanaya khilaafka xoogan ee u dhexeeya labada xafiis ee ugu sarreysa dalka, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha. Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa sidoo kale yeeshay weji cusub, kadib markii uu xalay madaxweynaha xil cusub u magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo uu dhowaan shaqo joojin ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble, sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo ay saaxibo yihiin Fahad Yaasiin oo isla soo bilaabeen doorashadii 2016 ayaa u magacaabay inuu noqdo lataliyaha amniga qaranka. “Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa isna kasoo horjeestay tallaabooyinka uu qaaday madaxweynaha, isaga oo tilmaamay in qoraallada kasoo baxay xafiiskiisa ay daba socdaan mas’uuliyiintii amniga iyo doorashooyinka ee uu wareejiyey. “Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha,” ayaa lagu yiri warqad liddi ku ah mida Farmaajo oo ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha. Maxamed Xuseen Rooble ayaa intaasi kusii daray in tallaabooyinka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in laga leeyahay dano gaar ah, isla-markaana la doonayo in lagu carqaladeeyo ka sal-gaaridda kiiska xasaasiga ah ee Ikraan Tahliil, si ay cadaalad u hesho. “Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.” ayaa markale lagu lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble. S kastaba go’aanada ka soo kala baxay labada dhinac ayaa uga sii daraya xiisadda taagan, waxaana khilaafkan uu kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah oo lagu jiro doorashooyinka. The post Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo weji cusub yeeshay appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tegaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Madaxweyne Deni, oo muddooyinkii u dambeeyay safar ku joogay magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, ayaa saaka soo dhowayntiisu ka socota Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa sida qorshaysan xarigga ka jaraya garoonka kubadda Cagta Gaalkacyo ee Cawaale Studium oo si casriya loo dhisay. Sidoo kale, wuxu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Odayaasha dhaqanka iyo bulshada kala duwan ee Gaalkacyo. Wararku waxay sheegayaan, in uu sidoo kale kormeer ku tegi doono dhismaha dekedda Garacad oo meel wanaagsan maraya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta Gaalkacyo tegaya appeared first on Puntland Post.
  5. A Somali man has been seriously injured after he fell off a cargo container on Tuesday morning, police said. Source: Hiiraan Online
  6. Buul, an assistant professor and transfer center director at San Diego City College, was the first Somalia to be hired as a tenure-track faculty member at Southwestern College in Chula Vista, serving as Umoja Program Coordinator, Black Alliance Faculty Chair, and Scholar. .. Senator of a school for counseling and student support. Source: Hiiraan Online
  7. Somali President Mohamed Farmajo on Tuesday received credentials from the new Chinese Ambassador to Somalia, Fei Shengchao, replacing Qin Jian whose term ended. Source: Hiiraan Online
  8. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku soo dhaweyay Aqbalaadda Farmaajo ee xilka qaadista Fahad Yaasiin. Rooble ayaa sidoo kale Taliyaha Cusub ee Kumeel gaarka ah NISA Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ugu baaqay in uu si degdeg ah u guda galo howlahiisa shaqo. Ra’iisul wasaara ayaa wareegtada ka soo baxday xafiiskiisa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Wareegtooyinka Farmaajo ay yihiin kuwa lagu carqaladeynayo Baarista Kiiska Ikraan Tahliil. Hoos Ka Akhriso Warka Ka Soo Baxay Xafiisk Ra’iisul Wasaaraha XFS. Source: goobjoog.com
  9. The African Union Commission (AUC) in collaboration with the African Union Mission in Somalia (AMISOM) has started providing electoral assistance to help Somalia conduct credible elections in 2021. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) - Somalia's international partners worry that the current constitutional crisis is "creating political tensions" and urged its leaders to prioritize the upcoming national elections. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynaha Waqtihiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxa ku magacaabay xilalka Taliyaha Nabadsugidda Dalka, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Lataliye Amni. Farmaajo ayaa wareegtadiisa oo keliya lagu baahiyay Baraha bulshada Villa Soomaaliya waxaa uu aqbalay iscasilaad uu soo gudbistay Fahad Yaasiin oo horay u ahaa Taliyaha Hay’adda NISA, kaas oo uu maalin ka hor ra’iisul wasaaraha xilka ka qaaday. Wareegtada Xafiiska Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin loogu magacabay in uu noqdo la taliyaha Amniga ee Madaxweynaha. Hoos Ka Akhriso Wareegtada Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo Kusimaha HNSQ Muqdisho, Sebteembar 7, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan; 1. Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda. 2. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka. 3. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka. 4. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. DHAMMAAD Source: goobjoog.com
  12. Gudoomiye Cirro oo war cusub ka soo saaray Kulan uu la qaatay Wefti ka socda Dalka Norway Waxa aan maanta Hargeysa kulan kula qaatay wefdi ka socda Dawladda Norway oo ay hoggaaminayso Ergeyga gaarka ah ee dawladda Norway u qaabilsan arrimaha wada-hadalka & dib u heshiisiinta Somaliland & Soomaaliya oo uu wehelinayo sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Norway. 1/1 pic.twitter.com/8hoSOZva7j — Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) September 7, 2021 Wefdiga waxa aanu ka sheekaysannay qabsoomidda doorashooyinkii dhawaan dhacay & isbeddelkooda, & u diyaar-garowga doorashooyinka soo socda ee G. Guurtida & Madaxtooyada, anniga oo Norway ku bogaadiyey gacanta dhaqaale ee ay u fidisay SDF-ka iyo taageeridda dimuqraadiyadda JSL 1/2 pic.twitter.com/uVUdFihNrD — Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) September 7, 2021 Qaran News
  13. Golaha Midowga Murashixiinta Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay Magacaabistii uu xalay sameeyay Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. War-saxaafadeed ka soo baxay Midowga Murashixiinta, ayaa lagu tilmaamay Go’aanka Madaxweyne Farmaajo mid baalmarsan Dastuurka Sharciga dalka, islamarkaana lagu carqaladaynayo dadaallada uu wado Ra’iisul wasaare Rooble, ee ku aaddan in baaritaan daah-furan iyo caddaalad la marsiiyo Kiiska Ikraan Tahliil. Golaha ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu xagal-daacinayo in doorashooyin daaf-furan ka dhacaan dalka, sidoo kalena khalkhal gelinayo xasiloonida iyo Ammaanka waddanka, waxaana ay Saraakiisha Ciidamada ugu baaqeen in aysan ka amar-qaadan Madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Midowga Murashixiinta oo si adag u cambaareeyay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  14. Hawa Yahia Mire, a candidate for parliament in Canada's September 20 election, is blazing a trail that she hopes other Somali Canadian women will follow. Source: Hiiraan Online
  15. "We didn't kill you in Somalia and now you have freedom in the UK, but we will silence you on Facebook" - this warning was given to a UK-based Somalia-born women's rights activist. Source: Hiiraan Online
  16. Minnesota (Caasimada Online) – Ilkhlaas Cabdullaahi Axmed oo aheyd labo jir Soomaali ah, isla-markaana la weysanaa 18-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa ugu dambeyn meydkeeda laga helay haro biyo ah oo ku taalla magaalada Edina ee gobolka Minnesota. Booliska Edina oo si weyn uga qeyb-qaatay raadinta Ikhlaas ayaa xaqiijiyey geerida gabadhaasi, waxaana Booliska uu sheegay in meykeeda laga helay agagaarka barxada lagu ciyaarsiiyo caruurta ee Rosland Park oo markii ugu dambeysay ay la joogtay qoyskeeda. Sidoo kale taliyaha booliska ee magaalada Edin ayaa tacsi u diray ehellada gabadha yar, isaga oo tilmaamay inay la xanuunsanayaan. “Anigoo ku hadlaya magaca magaalada Edina, waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro qoyska gabadhan yar, musiibadan xoogga leh waxay saameysay qalbiyadenna” ayuu yiri taliyaha booliska magaalada Edina Tod Melbourne. Ilkhlaas Cabdullaahi Axmed oo labo sano jir aheyd ayaa sidoo kale la xanuunsaneyd cudurka Austism-ka, sida ay shaaciyeen xubno ka tirsan qoyskeeda. Dhanka kale bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edina ayaa iskugu yimid kulan duco ah, si ay tacsiga iyo xanuunka ula wadaagaan ehellada gabadha yar. Minnesota waa gobolka ugu waraha badan ee dalka Mareykanka waxaana sanadkan biyaha ku geeriyooday 26 qof, sida ay shaaciyeen waaxaha booliska ee magaalooyinka dalkaasi The post Labo jir Soomaali ah oo meydkeeda laga helay gobolka MINNESOTA appeared first on Caasimada Online.
  17. A village in Somalia has banned tree cutting as a way of protecting the environment, and anyone found cutting down any tree is expelled from the community immediately. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) - The cracks in Somalia's national executive continue to widen on Tuesday as both the PM and President issued new competing directives and appointments. Source: Hiiraan Online
  19. Waa kuma Maxamed Xasan Akhund – madaxa xukuumadda cusub ee Taliban? Hoggaamiyaha dowladda cusub ee kooxda Taliban ay soo dhistay Maxamed Xasan Akhund, waxuu muddo dheer madax u ahaa golaha ugu awooda badan ee hogaanka ama shuurada ‘Rahbari Shura’ ee Taliban, waxuuna ahaa wasiirkii arimaha dibadda ee ugu horeeyey xukuumaddii Taliban sanadkii 1990-kii. Sababta uu Mullah Akhund awoodaan dheeriga ah ku helay ayaa ah inuu aad ugu dhawaa asaasihii ururka Taliban Mullah Mohammed Omar iyo in uu ka soo jeedo Kandahar oo ah magaaladii lagu aas-aasay kooxda Taliban. Hoggaamiyahaan ayaa waxa uu ku jiraa liiska cunaqabateynta Qaramada Midoobey, kaas oo lagu daray markii lagu eedeeyey in uu xiriir dhow la lahaa, sidoo kalena uu la taliye arimaha siyaasadda u ahaa hogaamiyihii hore ee Taliban Mullah Omar. Akhund waxuu ka soo jeedaa qowmiyadda Pashtuga oo aad ugu awood badan dalka Afghanistan, waxuuna ku abtirsadaa ninkii dhidibada u taagay Afghanistan, Ahmed Shah Durrani oo isagu aas-aasay Afghanistanta, qarnigii 17-aad. Taas ayaana ka dhigeysa in uu awood ballaaran ku yeesho ururka dhexdiisa uuna noqdo mid ay aad u qadariyaan hohgaanka sarsare ee Taliban. Dadka wax falanqeeya ayaa u arka Akhund oo lagu qiyaaso inuu kor u dhaafay da’aada lixdameeyada, nin siyaasadda aad ugu janjeera, marka loo barbar dhigo xagga diinta. Sidoo kale mudada uu madaxda u ahaa golaha hoggaanka waxay fursad u siineysaa in uu awood ku dhex yeesho ciidanka. Qaran News
  20. Ra’iisul-wasaare Rooble oo ganafka ku dhuftay Magacaabidii Farmaajo+Weerar culus oo uu ku qaaday Farmaajo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal jawaab u ah qoraalkii kasoo baxay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee uu ku aqbalay shaqo ka-joojinta Fahad Yaasiin, uguna magacaabay xil cusub. Rooble ayaa sidoo kale weerar culus ku qaaday Farmaajo isaga ku eedeeyey in tallaabooyinka uu qaadayo ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas. Hoos ka aqriso qoraalka Rooble Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxed Xuseen Rooble wuxuu soo dhawaynayaa Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha. Waxaa kale oo uu Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas. Ra’iisulwasaarahu wuxuu markale ku adkaynayaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida in ay dardargaliyaan hawlaha Baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh. Waxaa la farayaa dhammaan taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu hay’adaha Amniga farayaa in ay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaadaan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta Xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu Shacabka Soomaliyeed uga baaqayaa in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd Ikraam Tahliil Faarax. Ugu danbayn, Ra’iisulwasaaruhu isaga oo ku hadlaya magaca Golaha wadatashiga Qaranka wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinayaa in la dardargalin doono arrimaha Doorashooyinka dalka oo si wanaagsan u socda, wuxuuna ku baaqayaa in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahayd doorashadu isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah. Qaran News
  21. Farmaajo oo u Magacaabay Taliye cusub Ha’yada Sirdoonka Somalia+Taliyihii hore Fahad Yassin oo uu xil cusub u magacaabay WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan; Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. DHAMMAAD Qaran News
  22. Taalibaan oo ku dhowaaqday Gole Wasiiro + Magacyada Taalibaan ayaa maanta u magacowday Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ay saaran tahay cunaqabateynta QM, inuu noqdo madaxa xukuumad ku-meel gaar ah oo ay dhistay. Afhayeenka Taalibaan Zaibullah Mujahid, oo shir jara’aaid ku qabtay Kabul, ayaa sheegay in Abdul Ghani Baradar, oo wax ka aas-aasay Taalibaan, uu noqon doono ra’iisul wasaare ku-xigeenka. Mullah Mohammed Yaqub, oo ah wiilka aas-aasihii Taalibaan Mullah Omar, ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga, halka wasaaradda arrimaha gudaha madax looga dhigay Sirajuddin Haqqani, oo ah hoggaamiyaha shabakadda laga cabsado ee Haqqani. “Golaha Wasiirada ma ahan mid dhameystiran waa ku-meel gaar,” ayuu yiri Zabihullah Mujahid. “Waxaan dad kale uga soo dari doonnaa qeybaha kale ee dalka.” Amir Khan Muttaqi, oo ahaa wada-xaajoodihii Taalibaan ee wada-hadalladii Doha, kuna jiray dowladdii hore ee Afghanistan, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda. Weli lama shaacin doorka uu dowladda ku yeelan doono Mullah Haibatullah Akhundzada, oo ah hoggaamiyaha Taalibaan, kaasi oo aan fagaare lagu arag tan iyo markii ay ciidamada shisheeye ka baxeen dalkaas. Magacaabista shaqsiyaadkan caanka ah ee awoodda ku dhex leh kooxda, ayaa muujineysa in Taalibaan aysan wax tanaasul ah u sameeneyn shacab maanta dibad-bax ka dhigay Kabul, oo lagu kala eryey rasaas ay ciidamada Taalibaan kor u rideen. Taalibaan ayaa shacabka Afghanistan iyo dalalka dibedda u xaqiijisay inay dhisi doonto dowlad loo dhan yahay, hase yeeshee magacaabista maanta ma muujin taas. Qaran News
  23. Ra’iisul Wasaare Maxmed Xuseen Rooble oo ka jawaabaya magacaabistii madaxweyne Farmaajo ayaa faray Agaasimihii uu KMG ugu magaacbay hay’adda NISA in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa. War-saxaafadeed ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu baahiyay warbaahinta dowlaadda ayaa lagu sheegay in qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu weli daba socdo mas’uuliyadihii uu wareejiyay ee doorashooyinka iyo amniga. Sidoo kale Rooble ayaa tallaabooyinka uu qaaday Madaxwayne Farmaajo ku tilmaamay kuwa lagu carqaladaynayo gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo sida uu sheehay horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan kiiskaas. Rooble ayaa markale faray xeer-ilaalinta iyo maxkmadda ciidammada qalabka sida in ay dardargaliyaan hawlaha baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax, si degdeg ahna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh. Ra’iisul Waasare Rooble ayaa ku baaqay in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahaayeen doorashooyinka dalka, isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah. PUNTLAND POST The post Rooble muxuu ka yiri magacaabistii uu sameeyay Farmaajo? appeared first on Puntland Post.