Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay si kulul uga hadlay dadkii laga barakiciyay magaalada Laascaanood, wuxuuna eedeyn u jeediyay Puntland iyo hay’adda Qarmada Midoobay ee OCHA. Muuqaalka Muuse Biixi Muuse Biixi ayaa sheegay in ka hadalka hay’adda OCHA dadka laga barakiciyay Laascaanood uu yahay mid ay lacag ku doonayso, hase ahaatee aysan u jeedadoodu ahayn in ay wax u qabtaan dadkaas. Puntland oo soo dhaweysay dadkii laga soo barakiciy Laascaanood ayuu Muuse Biixi sheegay in ay dhankooda dilaan dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo ka hadlay dadkii laga barakiciyay Laascaanood, eedeyna u jeediyay Puntland iyo OCHA appeared first on Puntland Post.
  2. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa dib u fasaxday in si toos ah loogu tukado Maskidka barakeysan ee Kacbada. Sacuudiga ayaa tan iyo markii uu soo bilabaamay xanuunka safmareenka Covid-19 waxa ay yareysay tirada dadka ku tukanaya maskidka kacbada. Dadka ayaa tan iyo markii uu soo bilaawday corona virus, salaadda u tukanaya hab kala fogaan ah oo looga taxatarayo caabuqa in uu ku faafo. Dowaldda Sacuudiga ayaa hadda fasaxday si siman loo oogo salaadda oo garbaha leysa saari karo, kadib mudda dheer oo dadka si kala fog ay u tukanayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Visitors to the mosque will still be required to wear face masks and make reservations through the relevant apps Workers at the mosque on Saturday were seen removing stickers reminding people to socially distance RIYADH: The Grand Mosque in Makkah is ready to receive pilgrims and worshippers at full capacity on Sunday as Saudi Arabia loosens COVID-19 restrictions, an official said. The Under-Secretary-General for the Affairs of the Grand Mosque, Dr. Saad bin Mohammed Al-Muhaimid, said that a plan has been implemented for the mosque to operate at full capacity whilst ensuring the safety of all. Al-Muhaimid added that visitors to the holy mosque will still be required to wear face masks and make reservations to perform Umrah and prayers through the Tawakkalna and Eatmarna applications. Workers at the Grand Mosque on Saturday evening were seen peeling stickers reminding people to socially distance off the floor, marking an end to the era of people in the Kingdom praying with 1-2 meter gaps between them due to the coronavirus pandemic. As of Sunday, social distancing will no longer be mandatory at social gatherings or in public settings including on public transport and in restaurants, cinemas, and malls. Face masks will no longer be mandatory in outdoor settings, except for certain specific locations including the two holy mosques. Arab news Qaran News
  4. Depression: waa xaalad caafimaad oo qofka la soo derista taas oo Khalkhal gelisa nolol maalmeedkiisa. Waa xaalad caafimaad oo bedesha fekerka, dhaqanka, iyo dareenka qofka. Waa xaalad uu qofku dareemo murugo iyo tiiraanyo is-daba jooga iyo rajo la’aan baahsan. Taas oo mararka qaar qofka ku keenta in noloshan uu noolyahay aanay uba qalmin. Maxaa sababa Debression-ka?. Depressionka ma sababaan xaalado cayimani. Waxaaa keeni kara asbaabo -doora oo ka dhasha xaalado kale geddisan. Depressionkuna maaha xaalad si kedis ah kuula soo dersaysa ee waa xaalad xillli dheer imaanaysa. Hadaba waxaa jira afar shay oo si aaada u sababa depression-ka, waxaana kamid ah: Dhibaatada Qoyska, iyada oo aanay jirin hiddasidayaal la aqoonsaday oo layska dhaxlo, keenina kara depressonka, hadana waxaa layska qirsanyahay in qoyskaaga qaar kamid ahi haddii ay qabaan depression ay suurogal tahay in aad qaado. Xanuun iyo xaalado caafimaad: xanuunada jidhka, ama dhaawac soo gaadha xubno muhiim ah oo saamayn ku yeesha maskaxdu waxay keeni karaan dhibaato maskaxeed. Xanuunada soo jiitama ee uu qofku la noolaado waxay keenaan isbedel ku dhaca hab-nololeedka qofka kaas oo maskixiyan u saameeya aakhrikana keena isku buuq jooto ah. Xaaladaha ugu badan ee keeni kara isku buuqa maalin laha ah waxaa kamid heerka sonkorta oo hoos-u-dhaca, xaaladda caada haweenayda, iyo saamalaylka badan ee keena hurda la’aanta baahsan. Daroogada, alkoosha iyo daawooyinka qaar: daawooyinka qaar baa keena in ay sababaan side-effect ama saamayn taban oo aan ahayn habkii daawanimada ee loo adeegsaday. Markaad bilawdo daawo waxaa suurogal ah inaad dareento isbedel ama isku buuq aadan hore u lahayn. Qofku haddii uu yahay daroogayte aad u adeegsada noocyada daroogada waxa la soo dersa depression iyo isku-buuq joogto ah, taas oo aakirka galaafata noloshiisa. Daroogada keenta isku buuqa waxa ugu horreeya alkoosha, xashiishadda, qaadka iyo noocyo kale. Shakhsiyadda qofka: sida abuurka dadku ukale duwanyahay ayaa ay ugu kale adkaysi badanyihiin isbeddelka nolosha. Shakhsiyadda qofku haddii ay tahay mid aan u adkaysan karin dhibta badan, werwerka iyo culaysyada nolosha, shakhsiyaddaasi waa mid isku buuqa noloshana u nugul. Ugu danbayntii, waxyaabaha kale ee keeni kara iskubuuqa nolosha waxaa kamid ah: inuu qofku waayo qaar kamid ah qaraabadiisa, in ay la soo deristo shaqo-la’aan baahsani, inuu noqdo qof keligii socod ah, in ay qofka ay kale tagaan lamaanihiisa, inuu ka shaqeeyo haqo aad u adag, iyo inuu waayo jacaylkiisa. Sadam Osman Kaabash. Freelance editor. Hargeysa Somaliand Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad ay idaacadda VOA ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kadib xadaynta ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ICJ ka samaysay xuduudda badda Soomaaliya iyo Kenya ay inta badan xirmooyinka la tuhunsan yahay inay ku jiraan shidaalka iyo khayraad kale ay marayaan dhinaca Soomaaliya ee xuduudda cusub. Khabiir arrimaha badda ah oo darsay xukunka maxkamadda oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, arrimahan oo xasaasi ah dartood, ayaa VOA u sheegay in mid ka mid ah toddobada xirmo ay martay dhinaca Kenya, afar-na dhinaca Soomaaliya, halka labada kale ay xuduuddu dhexmarayso oo ay labada dhinac ah u kala qaybsameen inkastoo dhulka ay ku fadhiyaan xirmooyinkaasi badankiisu marayo dhinaca Soomaaliya. Khabiirkaasi waxa uu u sheegay VOA in xirmada dhinaca Bari ugu xigta oo astaanteedu tahay L-26 ay martay dhinaca Kenya, halka qaybo ka mid ah xirmooyinka L-23 iyo L-24 ay sidoo kale mareen dhinaca Kenya. Xirmooyinka soo haray oo kala ah L-5, L-13, L-21, L-22 iyo inta badan ee xirmooyinka L-23 iyo L-24 ayaa maraya dhinaca Soomaaliya, sida auu khabiirkaasi sheegay. Khabiirkaasi waxa uu xaqiijiyey in xirmada ay khubarada baddu aamisan yihiin inay ugu khayaaradka badan tahay ay martay dhinaca Soomaaliya. Dawladda Kenya waxay sheegtay inaysan marnaba aqbalayn go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay oo kale in Kenya ay doonayso in qaab nabadeed iyo wadaxaajood lagu xalliyo arrinta iyadoo la marayo Midowga Afrika. VOA The post Xog: Sida ay Soomaaliya iyo Kenya u kala heleen xirmooyinka shidaalka oo la ogaaday appeared first on Caasimada Online.
  6. Xiisad colaadeed oo heerkoodu saarreeyo ayaa maanta ka jirta magaalada guriceel ee Goblka galgaduud, ka gadaal markii Ciidamada xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug oo is garabsanaya ay kusoo dhowadeen magaalada. Warar ay Heshay GOOBJOOG NEWS waxa ay sheegayaan in barakac xoogan uu ka socdo Magaalada, oo intii dad ku hartay Guriceel ay naftooda kala baxsadeen, dadka shacabka ah ayaana maalmihii lasoo dhaafay horay uga qaxay. Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dawladda waxa uu GOOBJOOG NEWS uxaqiijiyay Gulufkan isaga oo tilmaamay in ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay, oo ay Guriceel dib ugula wareegayaan. Ilo kale oo ku sugan gudaha Guriceel waxa ay inoo sheegeen in dhankooda Ciidamada Shiikh Shaakir ay daafaha magaala ka sameysteen dhufayso iyo fariismo hor leh, si ay isaga cabiyaan ciidamada kusoo wajahan. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  7. Aabbaha dhalay ninka looga shakisan yahay inuu mindi ku dilay xildhibaan sare oo ka tirsan xisbiga Conservative -ka ayaa sheegay in weerarkaasi uu ku reebay argagax. Warbaahinta UK ayaa daaha ka qaaday in qofka looga shakisan yahay inuu dilay Sir David Amess, oo 69 jir ahaa, kana mid ahaa xubnaha sare ee Conservative -ka ee Baarlamaanka Southend West, uu yahay muwaadin British ah oo asalkiisu Soomaali yahay. Cali Xarbi Cali oo 25 jir ah ayaa ah qofka ugu horeeya ee lagu tuhunsan yahay dilka siyaasiga UK, waana wiilka Xarbi Cali Kullane oo mar soo noqday la taliyaha sare ee dhanka isgaarsiinta ee Ra’iisul Wasaarihii hore, Cumar Cabdirashiid Sharma’arke. Kullane oo ah Aabbaha dhalay eedeysanaha oo warbaahinta kula hadlayay UK, ayaa xaqiijiyay in wiilkiisa ay booqdeen saraakiil ka katirsan Scotland Yard oo argagixiso la dirirka ah. “Aad ayaan u dareemayaa argagax. Ma aha wax aan filayay ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kullane u sheegay The Sunday Times. Eedeysanaha ayaa loo jaray waaran maxkamadeed, waxaana uu sii xirnaan doona ilaa 22 -ka Oktoobar, sida uu dhigayo Xeerka Argagixisada. Madaxda jaaliyadda Soomaalida ee London ayaa cambaareeyay dilka xildhibaan David Amess oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska. HOL Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyay munaasabad soo dhaweyn ah oo u qabtay Ergadii Soomaaliya ee Kiiskii difaaca baddeenna ayaa sheegay in loo baahan yahay fulinta xukunka maxkamadda ICJ. Rooble ayaa ugu horeyntii u mahad-celiyay dowladihii iskaga dambeeyay tallada dalka ee doorka muuqda ku lahaa kiiska badda, isagoona farxad weyn ku tilmaamay in aan leenahay xuduud baddeed cad. “Guushii maxkmadda maxaa ku xiga? waxaa ku xiga fulinteeda oo u baahan dad sax ah oo ka shaqeeya oo hore u sii wado waxa ay walaalaheen soo hooyeen.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan-qaaday in ergadii Soomaaliya ee kiiskaas uu garab ku siin doono si loo helo nidaam cad iyo hab fulineed oo ku aadan dhulka maxkamadda ay inta badan u xukmisay Soomaaliya. “Waxaa loo baahan yahay oo ballan-qaadaya ergadii ka qeyb-gashay oo soo hoysay guushaas taariikhiga ah aan garab ku siiyo istiraatijayad iyo nidaam cad oo lagu fulinayo inta noo hartay oo ah in la fuliyo xukunka maxkamadda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble. “Dowladda Kenya ee deriska nahay waa dad aan deris nahay waa isku qasbanahay in aan ka shaqeyno wada-noolaasho, daris iyo nabad ku wada noolaano, waxaana cadeynayaa in shacabka Soomaaliyeed diyaar u yihiin in aan ka helno dadka aan deriska nahay ee Kenya.” Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddiisa ay dadaal badan ku bixineyso dhammeystirka doorashada, si looga faa’iideysto waqti kooban ee haray. “Habeen kasta waxaan ku duceystaa in doorashada ay soo geba-gabowdo, iyada oo aysan cidna xag-xageyn, cidna waxba u dhimin, sidoo kale aysan jirin cid dhibaato loo geysto,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayey doorashooyinka. The post Daawo: Rooble oo shaaciyey tallaabooyinka la qaadayo kadib xukunkii kiiska badda appeared first on Caasimada Online.
  9. (SLT-Khartoum)-Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa Sabtidii isugu soo baxay xarunta madaxtooyada ee Khartoum ayaga oo ku baaqay in Militariga uu awoodda dalka la wareego, xilli ay Sudan wajaheyso qalalaase siyaasadeed ugu weynaa ee labada sano ee ay ku jirtay xaaladda kala guurka. Militariga iyo kooxaha rayidka ayaa awoodda dowladda wadaag ku ahaa tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir 2019-kii. Hase yeeshee kadib isku day afgambi oo fashilmay bishii September, kaasi oo lagu eedeeyey ciidamo daacad u ah Al-Bashiir, hoggaamiyayaasha militariga ayaa dalbanayey isbeddel lagu sameeyo isbaheysiga Xoogagga Isbeddelka Xoriyadda (FFC), iyo in la beddelo qaar ka mid ah wasiirada. Hase yeeshee hoggaamiyayaasha rayidka ayaa ku eedeeyey inay damacsan yihiin awood maroorsi. Dibad-baxii dhacay Sabtida ayaa waxaa ku baaqay garabka militari ee isbaheysiga FFC. Dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey “ha dhacdo dowladda baahan” waxayna dalbadeen in General Abdel Fattah al-Burhan, oo ah madaxa ciidamada dowladda iyo madaxa Golaha Madax-Banaanida ee dalka maamula, inuu billaabo afgambi uu ku ridayo dowladda. Si ka duwan dibad-baxyadii hore, banaan-baxayaasha ayaa awood u yeeshay inay gaaraan albaabada xarunta madaxtooyada, mana jirin boolis badan oo joogay. Kahor dibad-baxa ayaa ciidamo aan la aqoon waxay qaadeen dhagxaan lagu gooyey aagga madaxtooyada, waxayna ka horistaageen booliska iyo ciidamada amniga inay isku diyaariyaan dibad-baxa, sida uu war-saxaafadeed ku sheegay barasaabka Khartoum Ayman Khalid. Khudbad uu jeediyey Jimcihii, ayaa ra’iisul wasaaraha rayidka ah Abdalla Hamdok wuxuu kusoo bandhigay qariidad looga gudbi karo xasaraddan, wuxuuna ka digay in haddii lagu guul-darreysto in xal la helo uu halis geli doono mustaqbalka dalka. REUTERS Source
  10. Beirut (Caasimada Online) – Madaxa xisbiga Ciidamada Kirishtanka Lubnaan (LF) ayaa Jimcihii beeniyey in kooxdiisa ay qorsheysay rabshado ka dhacay waddooyinka magaalada caasimada ah ee Beirut oo ay ku dhinteen toddoba qof, wuxuuna sheegay in kulan ay yeesheen maalin kahor uu ahaa mid siyaasadeed oo kaliya. Rabshadaha oo dhacay Khamiistii ayaa billaabmay markii shacabka ay ka qeyb-galeen banaanbax ay ku baaqday kooxda Shiicada ah ee Xizbullah oo looga soo horjeedoay garsoore baaraya qaraxii dekedda Beirut ka dhacay sanadkii tegay. Waxay ahaayeen rabshadihii ugu xumaa ee Lubnaan ka dhacay muddo tobanaan sano ah, waxayna dib usoo nooleeyeen xusuusta dagaal diimeedkii dalkaas ka dhacay 1975 illaa 1990. Samir Geagea ayaa u sheegay raadiyaha Voice of Beirut International in kulan ay Arbacadii yesheen kooxaha ku mideysan xisbiga LF uu ahaa mid ku saabsan waxa la sameyn karo haddii uu guuleysto isku dayga ay Xizbullah ku tuureyso garsooraha. Geagea ayaa sheegay in arrinta la isku raacay ay aheyd in la sameeyo shaqo joojin dadweyne, islamarkaana aysan jirin wax kale. Kooxda Xizbullah ayaa Jimcihii sare u qaaday eedeymaha ay u jeedineyso LF, waxayna sheegtay in dhimashada toddobada qof ee Shiicada ah ay dalka ku jiideyso dagaal sokeeye. Rabshadaha oo ka dillaacay xuduudda xaafadaha Kirishtanka iyo Shiicada ayaa sii kordhiyey wallaaca laga qabo xasilloonida dalka Lubnaan, oo ah dal ay shaca badan hub haystaan, kaasi oo hadda wajahaya xaalad dhaqaale xumo. Mar waxa laga weydiiyey haddii joogitaanka xubno ka mid ah kooxda LF ee xaafadaha Ain al-Remmaneh iyo Teyouneh ee markii toogashada ay dhacaysay, ay la macno tahay in dhacdadan ay qorsheysneyd, Geagea ayaa ku jawaabay in mar walba xaafdahaas joogaan xubno ayaga ka mid ah. “Ciidamada waxay xireen dadka toogashada sameeyey, marka middaas ayaa kala caddeyn doonta inay annaga naga tirsanaayeen iyo in kale,” ayuu yiri. Qiyaastii 19 qof ayaa illaa hadda loo xiray dhacdadan. Geagea, oo xisbigiisa uu xiriir dhow la leeyahay Sacuudi Carabiya, ayaa cambaareeyey madaxweyne Michel Aoun, oo ay taleefon ku wada-hadleen. Aoun, oo xisbigiisa FPM uu yahay midka ugu weyn kirishtanka Lubnaan, ayaa xulufo la ah Xizbullah. “Ma jecleysan taleefonkan, waayo Aoun wuxuu sameeyey eedeymo la mid ah kuwa Xizbullah,” ayuu yiri Samir Geagea. The post Lubnaan oo qarka u saaran dagaal Shiico iyo Kirishtan ah – Maxaa la isku hayaa? appeared first on Caasimada Online.
  11. PRESS RELEASE Ugandan troops feted with medals for contribution to peace and stability in Somalia The soldiers, who deployed to the Mission in September 2020, are due to rotate out having completed their one-year tour of duty MOGADISHU, Somalia, October 17, 2021/ — The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has awarded medals and certificates to Ugandan soldiers for their contribution to the ongoing peace and stabilisation effort in Somalia. The soldiers, from Battle Group 30, were awarded medals at a ceremony in Mogadishu, Somalia, presided over by the AMISOM Force Commander, Lieutenant General Diomede Ndegeya, and attended by senior AMISOM military officers and the commander of Ugandan troops in Somalia, Brigadier General Don William Nabasa. The soldiers, who deployed to the Mission in September 2020 under the command of Colonel Jimmy Nabiyu Musoke, are due to rotate out having completed their one-year tour of duty. They will be replaced by Battle Group 33, commanded by Colonel Ezra Mwinyi Byaruhanga. Lt. Gen. Ndegeya applauded the soldiers, who were tasked with securing the Lower Shabelle and Banadir region, for their courage and steadfastness in the implementation of the Mission’s mandate amidst difficult conditions. “For this, we, as AMISOM, gracefully decorate you with well-deserved AMISOM medals,” said Lt. Gen. Ndegeya at the ceremony on Wednesday. Only a small section of the soldiers rotating out of the Mission attended the symbolic event, as part of the COVID-19 preventive measures. Lt. Gen. Ndegeya noted that the Ugandan army has over the years contributed a great deal towards the stabilisation of Somalia and paid glowing tribute to the soldiers who lost their lives in the line of duty. “Allow me to pay special tribute to our gallant soldiers who lost their lives in their efforts to help restore peace in Somalia. Their lives have not been lost in vain, as remarkable stability has been achieved in this country,” the Force Commander said. Deployed in Forward Operating Bases (FOBs) in the Lower Shabelle and Banadir regions, Battle Group 30 helped secure key government installations including Villa Somalia (State House), Mogadishu seaport, Somalia’s Parliament, the AMISOM main Base Camp, and strategic locations such as Arbiska, Albao, Lantabur, Afgooye and Baledogole. Additionally, the Battle Group facilitated the handover of Afgooye FOB to the Somali National Army (SNA) in line with the Somali Transition Plan (STP), secured main supply routes, conducted joint targeted offensive operations with the SNA and other partners to degrade Al-Shabaab, and implemented a number of Quick Impact Projects (QIPs) to win the ‘hearts and minds’ of the local communities. “The period of one year in the Mission area has been quite a testing and challenging experience in the wake of the COVID-19 pandemic and other operational hazards. However, Battle Group 30 managed to adapt,” said Col. Musoke, the outgoing commander of Battle Group 30. Brig. Gen. Nabasa, praised the soldiers for serving with discipline and valour, and congratulated them for the successful completion of their tour of duty. “Your contribution to peace and stability in Banadir and some parts of Lower Shabelle as well as Somalia at large is unquestionable. Thank you for the discipline and professionalism during your one-year tour of duty,” said Brig. Gen. Nabasa. Brig. Gen. Nabasa later presided over a handover ceremony in which Col. Musoke handed over instruments of power to Col. Byaruhanga. Brig. Gen. Nabasa urged Col. Byaruhanga to take on the responsibility with dynamism while keeping in mind the changing tactics by the extremist group Al-Shabaab. On his part, Col. Byaruhanga thanked Brig. Gen. Nabasa for orienting him to the Mission, saying he is ready for the task ahead. “I take this opportunity and honour to accept to take over Command from Battle Group 30 all responsibilities within the area of operation as the commander of Battle Group 33,” said Col. Byaruhanga. Distributed by APO Group on behalf of African Union Mission in Somalia. SOURCE African Union Mission in Somalia Qaran News
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dadka kasoo jeeda Koonfur Soomaaliya ee deeganadooda ka musaafurineyso, kuwaasi oo u badan dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Muuse Biixi ayaa sheegay arrin yaab leh oo ah sababta dadkaas loo musaafurinayo, taasi oo ah markii xukuumadiisa ay awoodi kari weyday sugida amnigooda, taasi oo ka duwan sababtii ay markii hore sheegeen mas’uuliyiinta kale ee Somaliland oo aheyd in dadkaas ay halis ku yihiin amniga Somaliland. “Anaga waa qaadi kari weynay miisaankooda nabad-galyo ahaan iyo dhaqaale ahaan, waxaa saarnay in ka badan 30 gawaadhi ah, waxaana gaadhi walba oo la saaray waxaa ka bixinay 1,300 oo dollar waxaana saarnay xataa daawo,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi. Sidoo kale waxa uu sheegay in gawaadhida ay ku musaafuriyeen dadkii kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee ku sugnaa Laascaanood la socdeen ciidamo suga amnigooda illaa inta ay ka gaarayeen xuduuda maamulka Puntland. “Gobolada kale ee aad u hadlaya ee leh waa soo dhaweynayna (dadkaas) ee ka tirsan Soomaaliya, waxaa leenahay 30 sanno ayey joogeen oo majiro qof reer Baydhaba ah oo lagu dilay Somaliland oo hanti laga dhacay majiro.” “Puntland oo aad durbaan u tuntay, iyadu maalin qudha ayey 17 cunug oo labaatan gaarin intay soo qabteen yiraahdeen dil baa ku xukunay oo iyaga wax dilayey.” Madaxweynaha Somaliland ayaa ku eedeyay madaxda dowladda Soomaaliya inay dayaceen Shacabkooda oo maalin kasta lagu xasuuqo magaalada Muqdisho. “Xamar ka hadli maayo oo af aan kaga hadlo iima banaano, meel dhiiga bini-aadamka laga baayac-mushtarayo, kuwa ugu dulmiga badan ee lagu laayo waa dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in la buun-buuninayo musaafurinta dadkaas oo uu ku dooday inay si wanaagsan oo bini-aadantimo uga saareen deegaanadooda, islamarkaana ay kharash badan geliyeen daad-gureyntooda. The post Biixi oo markii ugu horeysay ka hadlay dadka laga raafay Somaliland, sheegayna arrin yaab leh appeared first on Caasimada Online.
  13. Mogadishu (PP News Desk) — Do-gooders giving with one hand and taking it back with the other hand is a common feature of the corporate philanthropy. Hormuud, a leading conglomerate, and Dahabshiil Group, a financial services behemoth, have made donations to Somalis forcibly displaced from Las Anod by Somaliland authorities. Through its foundation Hormuud contributed $200,000 to efforts to resettle displacement victims in the South West State, matched by $300, 000 by Dahabshiil Group. Both companies said they made donations to people “deported from Las Anod”. Dahabshiil Group and Hormuud are of the opinion that Somalis forcibly displaced from Las Anod are deportees, and inadvertently support Somaliland government’s ‘deportation’ narrative. “It is misleading to describe forced displacement as deportation. Dahabshiil Group and Hormuud communications team should know better. Through this very use of language the two companies are inadvertently legitimizing forced displacement” said Hassan Ali, a radio journalist in Mogadishu. UNHCR’s Protection and Return Monitoring Network (PRMN) reported that “the number of people who have been forcibly displaced from Laas Caanood and surrounding areas has risen to more than 7,250.” Somaliland government claimed it deported foreigners from Somalia despite Somaliland-controlled districts being a part of the Federal Republic of Somalia. “Dahabshiil and Hormuud should not be politicizing their timely and commendable donations” added Hassan. © Puntland Post, 2021 The post Dahabshiil and Hormuud Accused of “Legitimizing Forced Displacement in Somalia” Through Language appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Hargeysa)-Hay’ada shaqaalaha Dawladdu waxay ku War-galinaysaa shaqaalaha Dawladda Inay shaqadda Qaranka Fasax-ka-yihiin Maalinta berri Munaasibada Dhalashadda Nabiga (NNKH) Awgeed, Halkan hoose ka akhriso Source
  15. Amar ku Saabsan Goorta kama Dambaysta ah ee Caasimadda Hargaysa laga Saarayo Dhamaan Xoolaha Kala Duwan ee Lagu dhaqdo Gudaha Caasimadda. Maamulka Caasimadda Hargaysa waxa uu ku wargalinayaa dhamaan muwaadiniinta xoolaha ku dhex dhaqda caasimadda Hargaysa in ay xoolahooda kaga saaraan Caasimadda mudada hoos ku xusan . 1: Geela mudo 15 ( 18 /10/2021) Ilaa 02/11/2021. 2: lo’da 30 cisho oo ka bilaabmaysa 18/10/2021 ilaa 17/11/2021. 3: Adhiga 60 cisho oo ka bilaabmaysa 18/10/2021 ilaa 17/12/2021 Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu xeer ilaalinta qaranka u gudbiyey dacwad ka dhan ah Suldaan Maxamed Jaamac Cumar oo uu u jeediyey eedeymo culus. Maareeye ayaa sheegay in Suldaan Maxamed Jaamac uu mar kasto aflagaadooyin kula kaco dad mas’uuliyiin oo uu isagu ka mid yahay, isla-markaana ay kula xisaabtamayaan. “Maanta halkan xeer ilaalinta qaranka waxaan ku xareynay gal-dacwadeed lambarkiisu yahay G12377 oo ah dacwad lid ku ah ninka aan kor kusoo sheegay,” ayuu yiri Maareeye. Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Waxaan rajeyneynaa inaanan wixii hadda ka dambeeya horgeyn doono sharciga, si looga qaado tallaabo sharci ah,”. Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Suldaan Maxamed Jaamac Cumar uu horay uga tirsanaa ciidamada badda Somiland, isla-markaana ay soo adeegsadeen dad kale, sida uu hadalka u dhigay Maareeye. “Koley dadbaa noo soo adeegsaday, laakiin hadda wixii ka dambeeya waa lagula xisaabtamayaa,” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan Suldaan Maxamed Jaamac uu weerar afka ah ku qaaday Boqor Buurmadow iyo siyaasiyiin kale oo uu ujeediyey dhaliilo xoogan. The post Maareeye oo dacwad ka gudbiyey Suldaan Maxamed kadib lacagtii Imaaraadka ee uu shaaca ka qaaday (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  17. (SLT-Qaahira)-Shirka Baarlamaanka Carabta oo lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan go’aankii maxkamadda ICJ, arrimaha doorashooyinka iyo amniga. Ugu horreyn xubnaha Baarlamaanka dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa si weyn u soo dhoweeyey go’aankii kasoo baxay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo Soomaaliya inta badan loogu xukumay dacwaddii badda ee kala dhexeysay dowladda dalka Kenya. Warsaxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay inay u riyaaqeen guusha ay Soomaaliya ka gaadhay dacwadda badda ee muddada soo jiitameysay. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha Soomaaliya uga qeyb-galay shirkaasi ayaa faah faahin ka bixiyey qoddobada kasoo baxay shirka, wuxuuna sheegay in Baarlamaanka dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ay u hambalyeeyeen Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddada ay soo socotay dacwaddan ay hiil iyo codba la garab taagnaayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Go’aankii ay soo saartay maxkamadda caalamig ah oo ay Soomaaliya ku guuleysatay dacwaddii kala dhexeysay dowladda dariska aan nahay ee muranka gelisay badda Soomaaliya in muddo ahna soo jiitameysay, isaga oo baarlamaanka carabta mar weliba la barbar taagnaa hiil iyo hoo ama cod iyo taageerid ayaa waxa ay uga dhigneyd guusha ay gaartay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba ay baddeedii iyada kusoo ceshatay si sharci ah mid ay aad iyo aad runtii ugu riyaaqeen, ayna soo dhoweeyeen go’aankaasi,” ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Dalxa ayaa sidoo kale intaasi ku daray in shirka lagu soo qaaday arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka, gaar ahaan sidii looga gacansiin lahaa dowladda Soomaaliyeed. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Khamiistii maxkamadda ICJ ay shaacisay xukunka biyaha Soomaaliya ee ay muranka gelisay Kenya, kaas oo doodiisa ay soo bilaabatay 2014-kii, waxaana ku guuleysatay Soomaaliya oo inta badan loo xukumay biyihii la’isku hayey. Source
  18. (SLT-London)- Aabaha ninka lagu tuhunsanyahay dilka Sir David Amess ayaa wargayska THE SUNDAY TIMES ee ka soo baxa dalka Ingiriiska u sheegay inuu aad uga naxay xariga wiilkiisa oo lagu xiray goobtii lagu tooriyeeyay Xildhibaanka. Xarbi Cali Kullane, oo hore u ahaa la -taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya – ayaa xaqiijiyay in wiilkiisa oo 25 jir ah oo haysta dhalashada Ingiriiska uu hadda gacanta ugu jiro booliska, Xarbi ayaa sidoo kale sheegay in booliiska la-dagaallanka argagixisada ee Scotland Yard ay soo booqdeen. Isagoo ku sugan guriga walaashiis oo ku yaala waqooyiga London ayaa Kullane wuxuu yiri: “Aad ayaan u dareemayaa naxdin. Ma ahan wax aan filayay ama xitaa ku riyooday. ” Booliisku ayaa weerarkii ka dhacay Essex imika u baaraya sidii dhacdo argagixiso, oo laga yaabo inay la xiriirto xagjirnimada Islaamiyiinta. Dhanka kale, waxaa socday baroor-diiq loo sameynayo xildhibaanka la dilay iyada oo shumacyo la dhigayo halkii uu weerarku ka dhacay, si loo xusuusto noloshii Sir David. Wuxuu ninkani ku xiran yahay imika Saldhigga Boliska ee Essex, halkaasi oo ay Su’aalo ku waydiin doonaan waaxda booliiska ee ka hortagga Argagixisada. Booliiska ayaa laga yaabaa inay sii hayaan ninkan illaa Talaadada ka hor intaanay ku soo oogin dacwad, ama aysan sii daayaan. Source
  19. (SLT-Tehran)-Wasiirka arrimaha Dibedda dalka Iran Hossein Amirabdollahian ayaa wada hadal la yeeshay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi, iyagoona kulankooda uga hadlay heshiiska nukliyeerka Iran. Wadahadal Wasiir Hossein Amirabdollahian iyo Wang Yi ayaa waxaa barbar socday xidhiidhka labada dhinac iyo horumarka gobolka iyo kuwa caalamiga ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Iran. Labada diblomaasi ee ugu sarreeya labada dal waxay ku wada hadleen khadka taleefanka, iyagoo ka wada hadlay xaaladdii ugu dambeysay ee Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabad ee Wadajirka ah (JCPOA), ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan. JCPOA waa magaca rasmiga ah ee heshiiska nukliyeerka. Dhinaca kale Wasaaradda ayaa Bayaanka ay soo saartay ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo laba geesood ah, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jiraan “xidhiidhka Iran iyo Midowga Yurub, Afgaanistaan, iyo wada xaajoodyada ku saabsan qaadista cunaqabateynta ka dhanka ah Iran.” Source
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xorriyadooda u celisay 14 nin oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, kuwaas oo muddo u xirnaa inay weeraro ka geysteen maamulkaasi. Guddoomiyaha maxkamadda Gaashaanle Dhexe, Cabdiraxmaan Warsame Jaamac oo ku dhowaaqay go’aanka maxkamadda ee lagu sii daayey raggaasi ayaa sheegay in lagu waayey 14-kaasi nin dambiga lagu soo eedeeyey ee ah inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. “Maxkamaddu waxa ay xorriyadooda siisay afar iyo tobankaas nin taliyaha xabsiga, taliyaha saldhigga cirka waxaa la la farayaa in ay xabsiga ka sii daayaan eedeysanayaashaasi afar iyo tobanka ah. Waa billaahi towfiiq,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Warsame. Ragga lasii daayey ayaa kala ah:-1- Cabdiqaasim Maxamed Cabdulle, 2- Maxamed Careys Faarax, 3- Najiib Xuseen Cali, 40- Maxamed Cusmaan Ibraahim, 5- Ismaaciil Axmed Maxamed, 6- Xuseen Maxamed Xuseen, 7- Aadan Bashiir Cabdi, 8- Jaamac Dayib Xaaji Maxamuud, 9- Deeq Jaamac Xasan, 10- Cismaan Cabdiraxmaan Shaafici., 11-Isaaq Xasan Aadan Shariif, 12- Cabdi Maxamed Isaaq, 13- Cabdulllaahi Muyxadiin Cabdullaahi iyo 14- Mustafe Ismaaciil Aadan. Qaar ka mid ah raggaan oo la hadlay wariyeyaasha, kadib markii ay dib u heleen xorriyadooda ayaa shaaca ka qaaday inay aad ugu faraxsan yihiin go’aanka maxkamadda, waxaana ay u mahadceliyeen dhammaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay sii deyntooda. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in si wanaagsan loola dhaqmay muddadii ay xirnaayeen, gacantana ugu jireen ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland. Puntland ayaa horey xukuno kala duwan ugu ridday shaqsiyaad lagu helay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay howl-gallo ka dhacay maamulkaasi. The post Puntland oo go’aan kasoo saartay 14 nin oo loo haystay inay yihiin AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
  21. (SLT-London)-Wararka ka imanaya dalka Britain ayaa sheegaya in lag dhawaaqay Booliska dalka Britain ay ku dhawaaqeen magaca ninka asalkiisu yahay oo haysta dhalashada British ee dilay xildhibaan David Amessan oo ka tirsanaa baarlamaanka Britain. Ninka loo haysto dilka xildhibaanka ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Xarbi Cali,oo aan hore loogu tuhunsanayn in uu kamid yahay dadka ay hay’adaha sirdoonka Ingiriiska ku tuhunsanayeen argagaxiso. Cali Xarbi Cali-oo 25 jir ah oo haysta dhalashada Ingiriiska , balse asal ahaan Soomaali ah ayaa lagu xidhay goobtii lagu tooriyeeyay xildhibaanka. Booliiska Britain ayaa ku tilmaamay falka dilka xildhibaanka inuu yahay mid argagaxiso. Wararka ayaa sheegaya in ninkan loo haysto dilka Xildhibaanka la soo taagi doono maxkamad maalinta salaasada iyadoo sidoo kalana haatan su’aalo la weydiinayo. Source