-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
5 qof ayaa ku dhintay tirro kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Maqaaxida-inanta ee duleedka galbeed ee magaalada Hargaysa. Shilka ayaa ka dhashay kadib markii gaadhi Nooha ah oo dad sida iyo baabuur Dhayne ahi isku dhaceen, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal katirsan Ciidanka Booliiska Somaliland oo ku sugan Isbitaalka Guud ee Hargaysa oo la dhigay maydadka dadka dhintay, isla markaana, lagula tacaalayo dhaawacyada. “Waxa shil aad iyo aad u xanuun badani ka dhacay Maqaaxida-inanta, ilaa hada 5 qof ayay dhimashadu maraysa 3 dumar ah, ilmo-yar iyo ninkii Noohada waday ayaa dhintay” ayuu sarkaalku warbaahinta u sheegay. Ehelada dadka dhibaatadu soo gaadhay ayaa ku soo xoomay Isbitaalka Wayn ee Hargaysa, oo la dhigay maydadka dadka shilka ku dhintay isla markaana, lagu dabiibayo dadka dhaawacmay. Hol Qaran News
-
XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA Qoraalka sawirka,Waxaa baroor-diiq lagu qabtay meel u dhaw goobtii lagu dilay Sir David Amess Booliiska dalka Britain ayaa waxay shaaciyeen magaca nin Soomaali ah oo loo haysto dilkii xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka dalkaasi. Ninkani oo magaciisa lagu sheegay Cali Xarbi Cali – ayaa la rumeysan yahay in uusan ku jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5. Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in ninkani loo xiray tuhunka ah inuu dilay xildhibaan David Amess, uu horey uga qeyb galay barnaamij dowladda UK ay fulisay oo looga hortagayay xagjirnimada. Cali Xarbi Cali-oo 25 jir ah oo haysta dhalashada Ingiriiska , balse asal ahaan Soomaali ah ayaa lagu xiray goobtii lagu tooriyeeyay xildhibaanka. Booliiska ayaa Sabtidii baaray laba cinwaan oo ah aagga London islamarkana ma jiro qof kale oo ay imika ku raad-joogaan. Booliisku ayaa weerarkii ka dhacay Essex imika u baaraya sidii dhacdo argagixiso, oo laga yaabo inay la xiriirto xagjirnimada Islaamiyiinta. Dhanka kale, waxaa socday baroor-diiq loo sameynayo xildhibaanka la dilay iyada oo shumacyo la dhigayo halkii uu weerarku ka dhacay, si loo xusuusto noloshii Sir David. Wuxuu ninkani ku xiran yahay imika Saldhigga Boliska ee Essex, halkaasi oo ay Su’aalo ku waydiin doonaan waaxda booliiska ee ka hortagga Argagixisada. Booliiska ayaa laga yaabaa inay sii hayaan ninkan illaa Talaadada ka hor intaanay ku soo oogin dacwad, ama aysan sii daayaan. Ilo -wareedyo ka tirsan dowladda ayaa BBC -da u sheegay in sua’aalaha ilaa iyo imika la waydiiyay ninkan u dashay UK uu u muuqday inuu asal ahaan yahay soomaali. Weriyaha BBC u qaabilsan amniga Frank Gardner ayaa sheegay in saraakiisha Whitehall ay sheegayaan in ninka la xiray uusan ku jirin liiska dadka looga shakisan yahay argagixisada. Heerka Feejignaanta UK ayaa wax wayn iska badalay tan iyo Jimcihii taasoo la micno ah in weerar argagixiso la filan karo. Sir David, oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa xisiga muxaafid tan iyo 1983, ayaa kulamadiisii caadiga ahaa ee jimcihii la lahaa xubno ka tirsan kaniisadda Belfairs Methodist markaasi oo dhowr jeer tooreey lala dhacay. 69 jirkan ayaa waxaa uu ifka uga tagay afar gabdhood iyo wiil. Waa xildhibaankii labaad ee la dilo sanadihii la soo dhaafay, kadib dilkii Jo Cox oo ka tirsanayd xisbiga shaqaalaha taasi oo la dilay bishii July 2016. XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA Qoraalka sawirka,Sir David Weerarkan ugu dambeeyay wuxuu dhaliyay walaac ku aaddan badqabka mudanayaasha, oo badankoodu kulamo ku qabta deegaanadooda kuwaasi oo qof walba uu ka soo qeyb geli karo. Xoghayaha arrimaha gudaha Britain Priti Patel ayaa sheegtay in la diyaariyay tallaabooyin lagu sugayo amniga xildhibaanada, balse waxay ku adkaysatay inay sii wadi doonaan u adeegidda dalka si carqalad la’aan ah. “Waan sii wadi doonnaa, waxaan ku dhex nolnahay bulsho furan oo dimuqdimuqraadiyad ah,” ayay tiri mar ay booqatay goobtii uu weerarku ka dhacay iyada o ay la socdaan ra’iisul Wasaare Boris Johnson, hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha Sir Keir Starmer iyo afhayeenka baarlamaanka Sir Lindsay Hoyl. “Ma jirto Shakhsi na cabsi galin kara ama dhiirigalin kara inuu naga joojiyo inaan shaqeyno, si aan ugu adeegno dimuqraadiyadda aan dooranay.” Ms Patel waxay carabka ku adkeysay in kulamada fool-ka-fool ah ee lala yeelanayo dadka soo doortay ay sii socdoonaan. Si kastaba ha ahaatee, Tobias Elwood – oo xildhibaan ka tirsan xisbiga Muxaafidka wuxuu soo jeediyay in mudanayaashu taleefoonka kula hadlaan dadka soo doortay ama ay kulan kula qaataan aaladda Zoom-ka. Xildhibaan Diane Abbott oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ayaa sheegtay inay doorbideyso in iyada oo ay muraayad u dhaxeyso la kulanto dadka soo doortay si ay uga hortagto weerarro toorreyda loo adeegsado . XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA Qoraalka sawirka,Dadka ayaa ubaxyo dhigayay goobta ay tacsida ka socoto Dareenka shacabka deegaanka xildhibaanka la dilay Dareenka shacabka Leigh-on-Sea, oo uu Sir David matalayay muddo tobanaan sano ah, ayaa ah mid uu jahwareer ka muuqdo. Shacabka magaalada Essex ayaa isugu soo uruuray bannaanka Kaniisadda Methodist halkaas oo ahayd goobtii lagu weeraray xildhibaanka muddada dheer xilka hayay. Baroor-diiqa loo sameeynayo Sir David oo Jimcihii la dilay ayaa wali ka sii socota deegaankii uu matalayay muddada dheer bbcsomali Qaran News
-
Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Galmudug iyo Xoogaga Ahlu Sunna oo dhinaca kale ah ayaa dhadhaqaaqyo iska soo horjeeda ka wada Gobolka Galgaduud. Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo ka dhaqaaqay deegaanka Ceeldheere ayaa la soo sheegaya inay ku sii siqayaan Magaalada Guriceel. Labada ciidan ayaa xalay ku sugnaa halka lagu magacaabo Tuulo Sadiiq, oo ku taala inta u dhaxeyso Ceeldheere iyo Guriceel. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in ciidamada ay waddada ugu safrayaan, si taxadar badan laga arki karo, maadaama goobahaasi ka ag-dhow yihiin dagaal-yahanada u daacadda ah Ahlu Sunna, mar kastana ay suurtagal tahay in dagaal uu ka dhex qarxo. Xoogaga Ahlu Sunna ayaa dhinacooda abaabul ka wada Magaalada Guriceel iyo deegaanada ka baxsanba, kuwaa oo yoolkoodu yahay inay difaacdaan gacan ku haynta magaaladaasi. Sidoo kale Xoogaga Ahlu Sunna oo wata gaadiidka dagaalka ayaa shalay socod ku maray wadooyinka iyo xaafadaha Magaalada Guriceel. Ciidamada waxaa magaalada loogu arkaya si ka duwan, maalmihii la soo dhaafay. Xoogaga Ahlu Sunna ayaa sidoo kale gelinkii dambe ee shalay bar kontorool ka sameystay waddada looga leexdo Garoonka Diyaaradaha Guriceel, halkaasoo ay ku baarayaan gaadiidka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb. Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda ayaa baqdinta ku kordhiyay dadka reer Guriceel, kuwaa oo intooda badan isaga barakacay magaalada. Xiisadda ka jirta gobolka ayaa dhabaha u xaartay in hakad uu ku yimaado dhaqdhaqaaqii ganacsi ee magaaladaasi. Jimcihii ayay ahayd markii Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe uu Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka u sheegay inaanay ka bixi doonin magaalada. Dhanka kale Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka mid ah Saraakiisha Xoogaga Ahlu Sunna ayaa shalay ku dhaawacmay shir gaari, oo uu ku galay miyiga Koonfurta Guriceel. Cabdullaahi Cabdi waxaa lagu tilmaamaa Saraakiisha aadka ugu dhow Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax. The post Wararkii ugu dambeeyey ee duulaanka GURICEEL iyo ciidanka DF oo ku dhowaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo saaka dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shababa ku qaadeen saldhig ciidamada ammaanka Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee gobolka Bari. Weerarka oo ku billowday madaafiic ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo xoogagii weerarka soo qaaday, kaas oo saacado qaatay. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, isla-markaana aysan cadeyn karin khasaaraha rasmiga. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey. Al-Shabaab ayaa dhica kale guullo ka sheegatay weerarkan, waxaana ay shaacisay inay khasaare gaarsiiyeen ciidamada Puntland, ayna isaga baxeen saldhigga la weeraray. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada ammaanka Puntland ay howl-gallo ka bilaabeen nawaaxiga deegaanka Af-urur oo hoostaga Boosaaso. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Puntland. The post Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigga Af-urur appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay munaasabad soo dhaweyn ah u qabtay Ergadii Soomaaliya ee Kiiskii difaaca Baddeenna oo uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen difaacan Qaran, isaga oo dul istaagay halgankii dheere ee lagu bixiyey sidii looga hor istaagi lahaa Kenya damaca ay ku doonaysay in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliyeed. Rooble ayaa bogaadiyey isku duubnida shacabka Soomaaliyeed iyo sida wadajirka ah ay ugu istaageen dacwadda lagu difaacayey baddeenna, isaga oo tilmaamay in taas ay ka tarjumeyso biseylka iyo wadaniyadda ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed. Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha weheliyey ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha munaasabaddan maamuuska ah, iyagoo adkeeyey qorsheyaasha lagu sii ilaalinayo madaxbannaanida iyo qarannimada dalkeenna. Maxkamadda ICJ ayaa Talaadadii guusha kiiskii dacwadda badda u xukmisay Soomaaliya, ayada oo meesha ka saartay doodda Kenya ee aheyd inuu jiro heshiis ama is-faham labada dal ay isku raacsan yihiin oo ah inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka, waxayna ayidday doodda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin heshiis noocaan oo kale ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aamisay in xariiqda xuduudda labada dal ay noqoto mid toos ah oo ah sida ay Soomaalida codsatay, halkii ay xariiqda ka noqon laheyd mid lool ah oo ah sida ay Kenya dalbatay, waxayna Maxkamadda 75% dhul-badeedkii la isku hayey siisay Soomaaliya. The post Sawirro: Ergada Soomaaliya ku matalayay kiiska badda oo si weyn loo maamuusay appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE WFP and Khalsa Aid International strike partnership to support most vulnerable in two critical food crises The World Food Programme (WFP) welcomes a contribution of US$ 2.75 million from Khalsa Aid International as part of a three-year programme to support school children in Yemen and refugees from the Tigray Crisis ROME, Italy, October 16, 2021/ — A partnership between WFP and Khalsa Aid International will deliver vitally needed support to Yemen and to refugees who have fled from Ethiopia’s Tigray region to Sudan. This collaboration will help WFP to maintain programmes that provide vulnerable children and women with the nutrition they need to survive and thrive. In Yemen, Khalsa Aid International’s contribution will go towards WFP’s Healthy Kitchens programme, supporting collective kitchens that employ vulnerable members of the community – 80 per cent of whom are women – to prepare fresh, healthy meals for almost 10,000 school children. The meals are made with locally sourced ingredients and respect domestic food culture, while also providing local producers with regular business. In Sudan, the partnership will facilitate essential nutrition assistance to refugees who have fled the Tigray crisis in neighbouring Ethiopia. This assistance will help protect and support tens of thousands of individuals, particularly children under five and pregnant and breastfeeding women who are at risk of suffering from malnutrition. “Through this partnership, we will reach more communities with more of what they need most: food, help, and hope. We thank Khalsa Aid International for its shared commitment to building a world without hunger and for its trust in WFP’s ability to deliver for the people we serve,” says Tim Hunter, Director of Private Sector Partnerships and Fundraising at WFP. Ravi Singh, Founder and CEO of Khalsa Aid International, says: “Khalsa Aid International is proud to do what we can to provide vitally needed support to the most vulnerable in two critical food crises in Yemen and Sudan. We are delighted with the partnership we have formed with WFP, which builds on our previous humanitarian initiatives, and have selected programmes that provide vulnerable children and women with the nutrition they need to survive. Feeding people nutritious food is at the core of Khalsa Aid’s work, in line with the Sikh philosophy of langar (free community kitchen) and seva (meaning selfless service to humanity), which is at the core of all our current global programmes. Through this partnership, Khalsa Aid has further extended its reach in feeding the hungry globally. I envisage this is just the start of a long partnership to help feed the world’s hungry.” SOURCE World Food Programme (WFP) Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Ugu yaraan 5-qof ayaa ku geeriyootay 8 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray shil gaari oo caawa ka dhacay magaalada Hargeysa, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Agaasimaha isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa iyo Taliyaha heeganka ciidanka booliska Somaliland. Taliyaha oo banaanka isbitaalka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in laba gaari oo kala ah Noha iyo Dheyne ay isku dhaceen, isla markaana shan qof ay goobta ku geeriyoodeen. Sidoo kale dhaawacyada sideed qof oo kale ayuu xaqiijiyey taliyuhu in la dhigay isbitaalka, kuwaas oo laba ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato, sida uu sheegay. Waxa uu sheegay in shilkaan oo ka dhacay gudaha magaalada ay gurmad deg deg ah u fidiyeen dadkii uu khasaaruhu ka soo gaaray, isla markaana haatan dhaawacyada lala tacaalayo xaaladooda caafimaad. Hoos ka daawo The post Shan qof oo caawa ku geeriyootay Hargeysa iyo dhaawacyada 8-kale (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Dhamaan shaqaalaha iyo hawl wadeenada shabakada caalamiga ah ee Qarannews, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan reer Jaamac Ahmed Yusuf (Boosa laaye). Anaga oo ka tacsiyadaynayna geerida naxdinta lahayd ee ku timid aabahood marxuum Jaamac Ahmed Yusuf (Boosa laaye) oo caawa fiidkii ku geeriyooday magaalada Oodweyne ee Somaliland, halkaasi oo bari oo Axad ah lagu aasi doono. Waxa aanu tacsi khaasa u diraynaa Eng. Maxamed Jaama Ahmed oo uu marxuumku aabahii ahaa. Waxa aanu marxuumka Ilahay uga baryaynaa in uu naxariistii Jano ka waraabiyo. Aamii Qaran News
-
Munaasabad soo dhoweyn iyo mahadcelin isugu jirta oo loo dabaaldagayo go’aanka maxkamadda ICJ ayaa haatan ka socota Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Munaasabadda oo uu goobjoog kayahay Ra’isul wasaare Rooble waxa ku wehliyaha, xubno ka tirsan Golaha wasiirada sida, mahdi Guuled Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Cabdullaahi Maxamed Nuur wasiirka amniga, Cabdiraxmaan Beyle wasiirka Maaliyada, Cabdulkaadir Maxamed Nuur wasiirka Cadaaladda. Maxkamada cadaallada ICJ ayaa 12 Bishan October waxa ay go’aan kama dambays ah oo ay kasoo saartay Murankii Soohdinta Badda ee Kenya Iyo Soomaaliya waxa ay inta badan biyaha uxukuntay Mogdisho, hase ahaate Nairobi aya ku gacan seyrtay go’aankaasi. GOOBJOOG NEWS Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Turkiga ka dalbatay inay ka iibsato diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn, ee loo yaqaano Biraktar TB2, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters, waxaana akhbaartaan la helayaa iyadoo dowladda Turkigu ay muddooyinkaan diyaaradeheeda casriga ah ay ka iibisay dhowr dal oo dhaca waqooyiga qaaradda Afrika. Mid ka mid ah diblomaasiyiinta arrintaan sida dhow ula socta ayaa sheegay in Itoobiya ay qorsheyneyso inay soo iibsato diyaaradaha nooca Drone-ka ee ay Turkiga farsameeyeen, wax faahfaahin ahna laga bixin qorshaha ay Itoobiya ku soo iibsanayso diyaaradahaan. Heshiiska ayaa waxaa sida la sheegay qeyb ka ah bixinta qalabka dayactirka iyo in Itoobiya loo tababaro shaqaale, inkastoo ilo -wareedyadu aysan wax badan ka sheegin tirada diyaaradaha ay Itoobiya doonayso inay ka iibsato Turkiga. Marka loo eego xogta ka soo baxday Shirka Ganacsatada Dhoofinta Turkiga, Itoobiya ayaa qalabka difaaca cirka waxay Turkiga ka soo dhoofsatay saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkaan, taas oo gaartay $203,000 illaa $51 milyan. Warbixinta Reuters waxay daaha ka rogtay in qorshaha Itoobiya ay Turkiga uga iibsaneyso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay aad uga carootay dowladda Masar. Laba ka mid ah sarkaasha gaashaandhigga Masar ayaa u sheegay Reuters in Masar ay ugu baaqday Midowga Yurub iyo Mareykanka inay soo faro-geliyaan si looga hortago heshiis kasta oo suuragal ah in Itoobiya iyo Turkiga ay ka gaaraan arrimaha gaashaandhiga, walaaca ugu weyn Masar waxaa ku haya muranka biyo xireenka wabiga Nile ee kala dhexeeya Itoobiya. Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Tigray ee woqooyiga Itoobiya, waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada dawladda Itoobiya ay diyaaradahaan u adeegsadeen weerarada ka dhanka ah xoogagga TPLF. Warbixintan waxaa lagu xusay in dowladda Morocco ay heshay qeybtii koowaad ee diyaaradahaan, kuwaas oo ay dalbatay bishii May ee sanadkii 2020. Itoobiya, Morocco iyo Turkiga ayaan dhankooda ka hadlin qorshahan, balse Reuters ayaa sheegtay in codsi faahfaahin ah oo ay u diratay aysan wax jawaab ah ka soo bixin. Sidoo kale waxaa hadda aad u liita xiriirka ka dhaxeeya Turkiga iyo Masar, sarkaal ka tirsan dowladda Masar ayaa Reuters u sheegay in Turkiga looga baahan yahay inay la tashadaan Masar ka hor inta uusan heshiis la gaarin Itoobiya. Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Biractar TB 2 ayaa ah mid heerkeedu sareeyo, kana tayo badan kuwa laga soo saaro dalal badan oo caalamka ah, waxaa diyaaradaan soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan. Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay hadda ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan. Bishii May dalka Poland oo xubin ka ah gaashanbuurta NATO, ayaa heshii ay ku iibsanayso 24 diyaaradood waxay la gashay Turkiga, wasiirka gaashaandhigga Poland ayaa u sheegay idaacadda lagu magacaabo Radio 2 oo ka howlgasha dalkaas in diyaaradahaan ay muujiyeen ‘kartidooda dagaalka.’ Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Sacuudiga ay sidoo kale muujiyeen inay danaynayaan inay iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga lagu sameeyo. Diyaaradaan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada, waxayna ka howlgeli kartaa masaafo dhan ilaa 300 oo KM. The post Masar oo aad uga walaacsan qorshe ay wadaan Turkey iyo Itoobiya oo la doonayo in… appeared first on Caasimada Online.
-
5 qof ayaa ku geeriyooday shilkan oo ka dhacay daqiiqado kahor duleedka Galbeed ee Hargeysa meel aan ka fogeyn Kaantaroolka siduu ii xaqiijiyay Xildhibaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo jidka ku safrayay . Laba gaadhi ayaa isgalay waxaana sii dul maray gaadiidkii kale ee safarka goobta ku marayay qaarkood. Alle haw naxariisto dhaawacana haw booga dhayo, halkan hoose ka DAAWO Source
-
Musharax xildhibaan Dr.Cumar Aadan Rooble oo kursigiisu yaalo galmudug ayaa ka hadlay xaaladda amni iyo Siyaasadeed ee ka jirta maamulka Galmudig si gaar magaalada Guriceel. Dr cumar oo lahadlay GOOBJOOG ayaa eedeyn culus ujeediyay hogaamiyaha Ahlusuno Sheekh Shaakir oo Ciidamadiisu ay laba todobaad ku suganyihiin Guriceel. “Guriceel waa in ay si deg deg ah ugu soo laabataa gacanta Dowladda Galmudug, hadii shabaab ay la dirarayaan wadaadadu waa in ay umaraaan darooqa saxda ee ma aha in ay dhabar jabiyaan ciidmada dawladda ee shabaab la diriraya” ayuu yiri musharaxu. Waxa uu sidoo kale siyaasigu wax laga xumaado ku tilmaamay in siyaasiyiin ree Galmudug oo qaarkood xilal ka hayeen maamulka ay qeyb ka noqdaan ama tageeraan duminta maamulka. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in caawa uu ka dhacay shil gaari. Shilka ayaa la sheegay in uu ka dhacay wadada dhanka galbeed looga baxo magaalada halkaas oo ay adeegsanayeen Gawaarida kala duwan. Inta la xaqiijiyay shilka ayaa waxaa ku dhintay 5 qof. Macadda sidoo kale khasaaraha kale ee shilka goordhaw dhacay ka dhashay. Inta badan waddooyinka xiriiriya Hargeysa iyo magaaloyinka ku dhaw dhaw ayaa waxaa ku soo noq noqda shilalka noocan oo kale ah . Source: goobjoog.com
-
Inkasta oo lasoo gabagabeeyey kiiska Badda, Soomaaliyana ay ka guuleysatay Kenya hadana 7-badii sano ee dacwadu taallay ICJ, waxaa jiray in dalalka ay caalamka ay la kala safteen Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa xusid mudan in kiiska dartiis u xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan wixii ka dambeeyey shirkii London ee February 2019-kii, laakin ma jirin wax dhedhexaadin ah oo dalalku sameeyeen. Haddaba, Waxaan Halkan Kusoo Koobeynaa Sidad Dalalka ugu Kala Qeybsameen Kiiska badda: Dalalka La Jiray Kenya: Mareykanka: Dalka Mareykanka waxaa uu la jiray Kenya, oo uu in badan soo marsiiyo danahiisa uu ka leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada iyo heshiisyo badan oo labada dal ay galeen. Faransiiska: Dalka Faransiiska waxaa uu la jiray Kenya, waayo shirkadda TotalEnergies SE ayaa ka mid ah shirkadaha maalgeshtay dhulka muranka ka jiray, iyada oo heshiisyo shidaal qodis ah la gashay Kenya. Qatar: Dalka Qatar waxaa uu ka mid ahaa dalalka la safnaa Kenya, waayo shirka Qatar Petroleum ayaa sheegtay 2019-kii in heshiis la gashay shirkada ENI iyo Total, si ay saammi 25% ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Laamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya. Qatar waxaa ay iibsatay xisadada 13. 75 oo ay ka iibsatay ENI iyo 11.25 oo ay ka iibsatay Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin. Dalalka La Saftay Soomaaliya Imaaraadka: Dalka Imaaraadka waxaa uu ka mid ahaa kuwa taageersan Soomaaliya, waayo waxaa uuba bixiyey lacagta la siiyey qareennada iyo inta badan qarashka kiiska badda, waxaa uu sidoo kale damac ka leeyahay dekada Soomaaliya ee dhaca gacanka Cadan iyo badda Cas. Ingiriiska: Dalka Ingiriiska marka laga soo tago in shirkadihiisa ay lahaayeen sahmin iyo xataa rajada shidaal qodis iyo iibsashada bologyada, haddana sababta Ingiriiska ula safteen Soomaaliya waxaa xoojiyey iyada oo aad u xumaa xiriirka dalkaasi iyo Uhuru Kenyatta, oo lagu eedeeyey falal ka dhan banii’aadnimada. Norway: Dalka Norway waxaa la safatay Soomaaliya, shirarka lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, shirkadaha ugu badan ee dalabaadka soo gudbista waxay ahaayeen Norway, waxaa kale oo intaa dheeraa ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo ahaa Norwegian. Isha: Goobjoog News The post Kiiskii badda: Dalalka la kala saftay Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Las Anod (PP News Desk) — The municipality of Las Anod today issued an order obliging property owners to seal off alleyways between houses. “Assassins use alleyways to escape. Therefore, the municipality of Las Anod orders property owners to seal off alleyways between houses within one week” said Abdirahim Ali Ismsil, the Mayor of the disputed district. Members of Las Anod municipality briefing the media. Mounting insecurity in Las Anod resulted the division of the district into twenty seven neighbourhoods, added the Mayor. Two weeks ago Somaliland government forcibly displaced more than 1,500 Somalis on the pretext that they were behind spate of assassinations against officials working for Somaliland government. Las Anod municipality threatened tough measures against property owners that defy the order to seal off alleyways. © Puntland Post, 2021 The post Las Anod Municipality Orders Residents to Seal Off Alleyways appeared first on Puntland Post.
-
Despite the hostile rhetoric and threats of closure, the presence of refugees in the camps in northern-eastern Kenyan has benefited the host communities. Source: Hiiraan Online
-
In 2019 Somalia became “the 30th African country to sign the Kampala Convention” (African Union Convention for the Protection and Assistance of Internally Displaced Persons in Africa.” The Kampala Accord commits Somalia to protect people against “displacement based on policies of racial discrimination or other similar practices aimed at/or resulting in altering the ethnic, religious or racial composition of the population” and “displacement used as a collective punishment.” Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha midowga musharixiinta ayaa dib boorka uga jafay walaaca ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka Aqalka Hoose, oo u muuqata mid billowgeeda uusan dhoweyn. Khudbooyinkoodii ugu dambeeyey ee xalaadda dalka ayey ku muujiyeen rajo xumo. Mashruuca doorashada Soomaaliya ayaa si gaabis ah ku socda, waxaana kaloo xooggan walaaca ku saabsan inaysan doorashada golaha Shacabka xilli dhow qabsoomi karin. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu isaga ku mashquulsan yahay doorasho deegaan umana muuqda nin ahmiyad siinaya doorashada heer Federaal, waxayna xogta sheegeysaa inuusan rabin inuu bilaabo doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya illaa ay ka dhammaaneyso doorashada deegaanada hoose ee Puntland oo dhawaan bilaaban doonta sida uu qorshaha yahay. Deni ayaa waxaa hadda ku socda cadaadis caalami ah oo dalbanaya inuu billaabo doorashada Golaha Shacabka, lamana yaqaano waxa iska badali doona. Hogaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariiye Qoor Qoor isaga waxaa lagu imtixaana kooxda Ahlu Sunna oo isku dayeysa inay awood ahaan dib usoo noqoto. Qoor Qoor waxaa weli ku harsan doorashada laba xubnood oo Aqalka Sare ah. Waayahaan wax ku saabsan doorasho Federaal ah kama uusan hadlin. Xubnaha ku dhow dhow waxaa laga soo xigtay inuusan wax doorasho ah ka hadleyn illaa uu kooxda Ahlu Sunna kasoo afjaro xeelad ama xoog middii ay noqotaba, waana loolan furan oo aan la aqoon waqtiga uu dhammaan doono. Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen isaga waxaa weli laga fujin la’yahay laba deegaan doorasho. Waa hoggaamiye goboleedka kaliya ee weli ku dhagan in la isticmaalo laba deegan doorasho. Lafta Gareen waxaa mabda’ u ah inuu ku shaqeeyo wax walba oo uu xal u arko madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dhowr jeer oo la isku dayey in lagu qanciyo in wax laga badalo qodobka deegaan doorashada ee ku jiray heshiiskii 17-kii September waxaa la sheegay inuu aad uga madax adeegay. Hadda koox Farmaajo ku dhow dhow ayaa kula talineysa inuu qabto doorshada Afar illaa Shan Kursi oo Aqalka hoose ah oo uu ku qabto Baraawe iyo Baydhabo si loo soo afjaro damaca ku aadan in loo laabto hal deegaan doorasho, mana cadda inuu sidaas ku dhaqaaqi doono. Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) weli wuxuu raajicinayaa hal deegaan doorasho isagoo rabo in kuraasta taalo Garbahaarey lagu soo celiyo Magaalada Kismaayo oo uu maamulkiisa ku xooggan yahay. Doodiisa ugu badan waa in dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba la qaban karin laba deegaan doorasho. Axmed Madoobe weli waxaa ku harsan doorashada Afar kursi oo Aqalka Sare ah. Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale la sheegay inay isku aragti ka yihiin damaca hal deegaan doorasho. Madaxweyne Farmaajo isaga waqti qabow ayuu ku qaadanayaa Villa Somalia, umana muuqdo in rabo inay deg deg wax kusoo dhammaadaan, wuxuuna fursad weyn u arkaa in aysan jirin cid ku eedeyn karta fashilka doorashada maadaama uu Maalin cad iska wareejiyey mas’uuliyadda doorashada iyo amnigeeda. Mucaaradka waxaa dhiig baxaya jeebkooda, ma ahan sida dowladda oo ma heystaan shidaal badan, waxay jeclaan lahaayeen in doorashada deg deg loo qabto, waxaana aad u badan qeylo dhaantooda. Dhawaan waxay sheegeen in golaha wada-tashiga Qaran uu qaadanayo mas’uuliyadda fashilka doorashada. Mucaaradka waxay ku doodayaan in hubanti la’aanta doorashada ay sababtay inay hoos u dhacdo rajadii shacabka, inuu mugdi hareeyey maal-gashigii, kaalmadii caalamiga, deyn cafintii iyo mataladii Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah. Waxaa muddooyinkii u dambeeyey hoos u dhacday rajadii laga qabay in doorashada Baarlmaanka ay ku dhammaato inta ka harsan sanadkaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa 8 bilood oo dheeri ah joogo xafiiska, Afar bilood ayuu u baahan yahay si uu u qaato Hal Sano oo muddo kororsi ah, waxaana xataa jirin rajo ah in 8-da February 2022 la qaban karo doorashada madaxweynaha. The post Madax goboleedyada oo si isku mid ah u diidan in doorashada lasii wado + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Dhusamareb (HOL) - Ahlu Sunna Waljama'a (ASWJ) forces held a military parade on Saturday in the town of Guriel in the Galgadud region, where they took control a few weeks ago. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Muqdisho Mehmet Yilmaz . Rooble ayaa safiirka kala hadlay xiriirka lamada xukuumad iyo taagerada ciidan iyo dhaqaale ee Turkiga uu siiyo Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya & arrimaha doorashooyinka dalka.”. Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE UK provides almost £30 million to humanitarian catastrophe in northern Ethiopia UK Minister for Africa Vicky Ford, announces an additional £29m of humanitarian aid for northern Ethiopia on World Food Day 2021 LONDON, United Kingdom, October 16, 2021/ — The Minister for Africa Vicky Ford has announced an additional £29m of humanitarian aid to people affected by the catastrophic conflict in northern Ethiopia. The announcement marks World Food Day today [16 October] and increases the UK’s commitment to the crisis to more than £75m – making the UK the second largest donor. The Minister is also calling on all parties in Ethiopia to urgently agree a ceasefire to allow humanitarian aid through and for the Ethiopian Government to lift the de facto blockade of humanitarian relief into the Tigray region. The people of Tigray need 500 trucks of critical assistance per week, but less than 10% of this has been met since June. The conflict has caused a humanitarian catastrophe, with the UN estimating that 5.5 million people face acute food insecurity. Over 400,000 people in northern Ethiopia are experiencing famine-like conditions – more than in all of the humanitarian crises in the rest of the world combined. Minister for Africa, Vicky Ford, said: The Ethiopian people are facing a humanitarian catastrophe and are in urgent need of support. This pledge will provide vital food, water and healthcare to the hundreds of thousands of people facing famine in northern Ethiopia. This is a man-made crisis. I urge all parties to urgently agree a ceasefire to allow humanitarian aid to reach starving people. The new funding comes as the UK’s Special Envoy for Famine Prevention and Humanitarian Affairs, Nick Dyer, recently concluded his third visit to Ethiopia since the start of the conflict in November 2020, where he pressed for improved humanitarian access to the areas affected by conflict. Special Envoy Nick Dyer said: On my third visit to Ethiopia since the start of the Tigray conflict, I saw a further deterioration of the crisis and the conditions for humanitarian operations. We are pleased to provide more funding but humanitarian agencies need access into all areas where people are in need now, so that lives can be saved and catastrophic famine avoided. The conflict in northern Ethiopia has spread beyond the borders of Tigray now, so we are expanding UK funding to reach those in urgent need in Afar and Amhara. The funding will be delivered by UN agencies and NGOs, including the WFP, UNICEF, and the Ethiopia Humanitarian Fund. Our partners expect to deliver lifesaving nutrition treatment for more than 100,000 malnourished children, and 27,000 pregnant and new mothers. The pledge will also deliver clean water and sanitation for 26,000 people and provide services to prevent and respond to gender-based violence for almost 3,000 women and children. It will also support people who have been forced to flee their homes by the spread of conflict across northern Ethiopia, providing shelter, healthcare, and support to children who have been separated from their families and to survivors of sexual violence. SOURCE Government of UK Qaran News
-
Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna ee gacanta ku hayo magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta howlgalo militari ka sameeyey gudaha magaalada, xilli laga cabsi qabo in magaalada ay soo weeraraan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug. Ciidamo tiro badan, islamarkaana ku hubeysan hubka fudud iyo kuwa culus iyo gaadiidka dagaalka ayaa maanta lagu arkay gudaha magaalada Guriceel halkaas oo laga cabsi qabo inuu dagaal ku dhex maro ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna. Taliyaha guud ee Ciidamada Ahlu Sunnam Cali Faarax oo saxaafadda kula hadlay gudaha magaalada Guriceel ayaa sheegay in magaalada ay tahay mid dagan. “Magaalada Guriceel annagaa gacanta ku heyna, nabad galyadeedana waxaa ka shaqeenayo ciidamada Ahlu Sunna, ma jirto cid aan magaalada uga heebeysaneyno, waa meeshii laga soo bilaabay jihaadka ka dhanka ah Khawaarijta, waxaa joogo ilmihii ay dhaleen shuhadadii ku dhintay dagaalkii khawaarijta lala galay,” ayuu yiri Cali Faarax. Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada Ahlu Sunna ay difaacyo adag ka sameysteen gudaha iyo bannaanka magaalada, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Ahlu Sunna isagoo carabka ku adkeeyey inaysan marnaba ka bixi doonin magaalada. “Howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab laba sano ayey gaabsi galeyn, waxaana rabnaa inaan hadda dib u bilowno oo aan dagaalka gaarsiino meelaha ay ku sugan yihiin khawaarijta,” ayuu sii raaciyey taliye Cali Faarax. Taliye Cali Faarax ayaa ayaa wuxuu uga digay dadka barakinayo shacabka inay joojiyaan arrintaan oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aan wanaagsaneyn oo aysan u baahneyn dadka deegaanka. “Waxaan rabnaa in dadka baraha bulshada dhigaya waxyaabaha qaladka ah ee dadka qaxinaya u sheego, dadkaan uma baahna qax, waxay u baahan yihiin nabad, nabadiina anagaa ka shaqeeneyna dadkana diyaar ay u yihiin inay nagala shaqeeyaan, laakiin dadka waxaa ku jira kuwa laaluush qaatayaal ah oo anaga waxaan diidnay qaatay,” ayuu yiri taliye Cali. Howlgalka ay Maanta Ciidamada Ahlu Sunna ka sameeyeen gudaha Magaalad ayaa kusoo aadayo xilli ay meel sare gaartay xiisadda Ahlu Sunna iyo Galmudug lagana cabsi qabo inay ku dagaalamaan gudaha Magaalada. The post Daawo: Ahlu Sunna oo soo bandhigay awood ciidan kadibna soo saaray war culus appeared first on Caasimada Online.
-
XIGASHADA SAWIRKA,HOUSE OF COMMONS Booliska UK ayaa fal argagixiso ah u aqoonsaday dilka loo geystay xildhibaan ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka oo lagu magacaabi jiray Sir David Amess, kaasoo dilkiisa loo adeegsaday toori. Sir David ayaa dhowr jeer lagu dhuftay toorrida xilli uu Jimcadii ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea oo ka tirsan gobolka Essex, oo ah halka laga soo doortay. Taliska booliska magaalada ayaa sheegay in falkan “ay suuragal tahay inuu salka ku hayo argagixisnimo”. Nin 25 jir ah oo British ah ayaa lagu xiray goobta isagoo loo heysto tuhunka ku aaddan falka dilka ah, booliskuna waxa ay sheegeen inaysan cid kale u raadineynin mas’uuliyadda falkaas dhimashada sababay. Booliska ayaa qayb ka mid ah baaritaankooda hadda ku baaraya labo goobood oo ku yaalla magaalada London, sida ay sheegeen saraakiisha. Waxa ay boolisku aaminsan yihiin in ninkaas uu kaligiis ku dhaqaaqay ficilka balse ay wali wadaan baaritaanno la xiriira sababaha keenay dhacdadaas. Ninka la tuhunsan yahay ayaa ku xiran gobolka Essex, sida ay boolisku sheegeen. Xubno ka tirsan dowladda ayaa BBC-da u sheegay in ninka heysta dhalshada Britain ee falkaas u xiran uu u muuqdo inuu asal ahaan yahay Soomaali. XIGASHADA SAWIRKA,ANTHONY FITCH Qoraalka sawirka,Ciidamo hubeysan ayaa isku gadaamay goobta lagu dilay xildhibaanka Sir David, oo 69 jir ahaa, baarlamaankana ku matalayay deegaan baarlamaaneedka Southend West, ayaa kulan la lahaa dadka soo doortay, isagoo kala hadlayay waxyaabaha ay u baahan yihiin. Xildhibaanka iyo dadkiisa ayaa Jimcadii ku shirayay meel kaniisad ah markii la weeraray abaare 12:05 BST. Taliyaha booliska gobolka Essex, BJ Harrington ayaa sheegay in Sir David uu “si sahlan u gudanayay waajibaadkiisa markii uu naftiisa waynayay”. Booliska ka howl gala magaalada ayaa sheegay in ciidankooda la dagaallanka argagixisada ay ku howlan yihiin baaritaanka, iyagoo kaashanaya khubaro ka socda qaybta howlgallada khaaska ah ee magacooda loo soo gaabiyo ERSOU. Saraakiisha ayaa ka codsanaya dadweynaha inay lasoo wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhacdadaas, iyagoo si gaar ahna dalbaday inay lasoo xiriiraan dadka haya muuqaallada CCTV-ga ama noocyada kale ee duubay falka. Markii uu weerarka dhacay kaddib, wasiirka amniga gudaha, Priti Patel, ayaa ka codsatay dhammaan laamaha booliska inay dib u eegis ku sameeyaan xaqiijinta amniga xildhibaannada “tallaabadaasna ay sida ugu dhakhsiyaha badan u qaadaan”. Ms Patel ayaa sheegtay in dilkaas “uu ahaa weerar argax darro ah oo lagu qaaday dimuqraaddiuadda”, iyadoo intaas ku dartay in “su’aalo sax ah la iska weydiiyay amniga dadka shacabka matalaya”. Sir David waxa uu xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 1983-kii, waxa uuna ahaa aabe dhalay shan carruur ah. Waa xildhibaankii labaad ee isagoo baarlamaanka ka tirsan la dilo shantii sano ee lasoo dhaafay gudahood. Sanadkii 2016-kii ayaa la dilay Jo Cpx oo ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga shaqaalaha. Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa xildhibaanka la dilay ku tilmaamay in uu ka mid ahaa dadka “ugu naxariista badan, ugu wanaagsan, uguna macquulsan dhinaca siyaasadda”. Afhayeenka Aqalka Baarlamaanka, Sir Lindsay Hoyle, ayaa BBC-da u sheegay in boolisku ay la xiriirayaan dhammaan xildhibaannada si ay u hubiyaan amnigooda, ayna dib ugu xaqiijiyaan nabad galyadooda kaddib dilka loo geystay xildhibaan Sir David. Waxa uu sheegay in isaga qudhiisa si caadi ah u gutay waajibaadkiisii ku aaddanaa la kulanka dadka ku dhaqan deegaan baarlamaaneedka laga soo doortay, isagoo intaas ku daray inay muhiim tahay in xildhibaannada oo dhan ay sii wadaan xiriirka kala dhaxeeya dadkooda. “Waa inaan xaqiijinno in dimuqraaddiyaddu ay sii jirto dhacdadan kaddib,” ayuu yiri. Balse xildhibaanka xisbiga Conservative-ka, Tobias Elwood, ayaa u sheegay BBC-da inuu soo jeedin lahaa in xildhibaannada ay joojiyaan kulamada fool ka foolka ah ee ay la yeelanayaan shacabka ku sugan deegananadooda wixii ka dmabeeyay dilkii toorida loo adeegsaday ee Sir David. “Waxaad kulamo ku qaban kartaa Zoom… waxaad xitaa howlo aad u waaweyn ku fulin kartaa telefoonka,” ayuu yiri. Dhanka kale, Kim Leadbeater, oo ah gabadha la dhalatay xildhibaanaddii hore ee la dilay, Ms Cox, oo qudheedana ah xildhibaan ayaa sheegtay in seygeeda uu ka codsaday inay xilka iska casisho kaddib dilka Sir David. Kumuu ahaa Sir David Amess? XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Ku dhawaad afartan sano ayuu ahaa siyaasi u taagan xisbiga Asalraaca ah ee loo yaqaanno Conservative-ka, waxaana uu baarlamaanka ka tirsanaa tan iyo sanadkii 1983-kii. Baarlamaanka wuxuu kusoo galay inuu noqdo xildhibaanka Basildon. Kursiga waxa uu la wareegay sanadkii 1992-kii, balse waxa uu u wareegay deegaan baarlamaaneedka ku dhow ee Southend West, kaasoo uu kusoo baxay doorashadii dhacday 1997-kii. Ninkan oo kusoo barbaaray diinta Roman Catholic, waxaa lagu yaqaannay inuu ahaa siyaasi u janjeera dhinaca bulshada, waxa uuna caan ku ahaa dadaalka uu ugu jiray taageerada ololaha ka dhanka ah ilmaha la iska soo xaaqo iyo sidoo kale arrimaha la xiriira xoojinta xannaanada xayawaanka. Waxyaabaha kale ee lagu bartay waxaa ka mid ahaa inuu hormuud u noqday Southend, howshiina waxaa qaby ka ahayd inuu u horseeday darajada magaalanimad Dhanka kale, waxaa iska soo daba dhacayay tacsida loo dirayay qoyska Sir David oo ka imaaneysay siyaasiyiinta u badan deegaankiisa. Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa ku ammaanay xildhibaanka la dilay “inuu hindise sharciyeedyo aad u badan u hirgeliyay si loogu caawiyo dadka nugul”, isagoo intaasna ku daray: “Maanta waxaan weynay nin fiican oo u adeegi jiray shacabka iyo saaxiib aan jecleyn oo sidoo kalena shaqo naga dhaxeysay”. Qoraalka Muuqaalka,Boris Johnson ayaa sheegay in Sir David Amess uu ka mid ahaa dadka “ugu naxariista badan, ugu wanaagsan, uguna macquulsan dhinaca siyaasadda” Jeff Woolnough, oo ah baadariga Catholic-ga ee deegaanka lagu dilay xildhibaanka ayaa Sir David ku qeexay “nin aad iyo aad u wanaagsan, ku fiicnaa diintiisa, saaxiibna la ahaa dhammaan dadka”. “Waxa uu dhintay isagoo howshaas lafteeda dhexda uga jira, taasina waa arrin xusid mudan. Waxa uu geeriyooday isagoo u adeegaya shacabka,” ayuu yiri. Baadarigan ayaa galinkii dmabe ee Jimcaha hoggaamiyay dadweyne maamuus u sameynayay Sir David, isagoo ku naaneysay “Mr Southend”. Guddoomiyaha maamulka Southend, John Lamb, ayaa sheegay in Sir David uu ahaa “nin aad u wanaagsan, xildhibaan shaqo badan u hayay deegaankiisa, qof walbana u adeegay”. Sidoo kale hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha, Sir Keir Starmer, ayaa sheegay “in ay u adayd maalin madow oo naxdin leh”, isagoo intaas ku daray in waddanka “uu horay sidan oo kale u dareemay” markii la dilay Jo Cox. Qaran News
-
Situation overview At the launch of the emergency appeal, the following numbers of the affected population were reported nationwide: Out of a population of 12.3 million in Somalia, 5.6 million people were estimated as food insecure and a fifth of the population, 2.8 million people, could not meet their daily food requirements. Several areas across the nation have shifted in the severity of food insecurity levels, either from severe (IPC2) to crisis (IPC3), or from crisis to emergency (IPC4), and the latest assessment carried out by the Food Security and Nutrition Analysis Unit–Somalia (FSNAU) projects that the food insecurity is expected to further deteriorate. This prognosis and the high level of emergency needs highlights the urgent and critical need for further funding to be able to appropriately and timely respond to critical needs and mitigate the impacts of the expected prolonged drought conditions. To date, the Emergency Appeal, which seeks CHF 8.7 million, is only 7% funded. Further funding contributions are very urgently needed to enable the Somalia Red Crescent Society, with the support of the IFRC, to respond quickly to the very large humanitarian needs. Without sustained humanitarian assistance, the number of people classified as Crisis (IPC3) and Emergency (IPC4) nationally is expected to rise from 2.2 million (July-September) to 3.5 million (October-December). An additional 3.7 million people are expected to become Stressed (IPC Phase 2), bringing the total number of people facing acute food insecurity to 7.2 million between October and December . The food insecure population is expected to remain elevated until at least January 2022 , with some projections stating the consequences of food insecurity will carry on through mid-2022 . The Inter-Agency Standing Committee (IASC) is predicting a high likelihood that failure of upcoming rain seasons will lead to an additional 500,000-1,000,000 additional people in Somalia in need of humanitarian assistance. The main drivers of acute food insecurity in Somalia include the compounding effects of poor and erratic rainfall distribution, flooding, desert locust infestation, socio-economic impacts of COVID-19, and conflict. Poor rains and extended drought over multiple seasons have had a major impact on rural livelihoods and food security in Somalia. The Gu’ rain season, April to June, ended early in 2021, with a poor rainfall performance in many parts of Somalia even though there were heavy rains and flooding in parts of the country in late April and early May. On 1 May 2021, the Government of Somalia declared a National Emergency due to the drought situation and called for support in responding to the humanitarian crisis. The start of the June to August hagaa rains, which are localized to southern Bay and southern coastal districts, began with low intensity in late June and have been below average. The latest weather forecasts for the rest of 2021 and early 2022 indicate a greater likelihood of below-average rains in most of Somalia, and average rainfall in Sool, Sanaag, Bari and Nugaal. The deyr rains (late September-early December) are expected to be delayed by 1-3 weeks. Below average hays rains in December to January are considered likely in north-western Somalia, and below-average rainfalls for the 2022 gu season (March-April) are also considered likely. Furthermore, warmer than average temperatures are expected for October through December. These forecasts are consistent with regional forecasts, indicating the increased probability of La Niña and negative Indian Ocean Dipole events, both associated with below-average rains in East Africa. Mild to moderate drought conditions are foreseen to persist across the country in the coming months. Dry conditions will contribute to the likelihood of crop losses and deterioration in pasture and water availability in some areas. The combined impact of drought and floods are likely to exacerbate the already critical food security situation in Somalia. In addition to weather shocks, food availability and access are constrained by conflict in southern and central Somalia, uncertainty over the parliamentary and presidential elections, and rising staple cereal prices linked to low domestic production and high global food prices. Relief web Qaran News
