-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Odayaasha beesha Habar-eji oo goordhoweyd guriceel warbaahinta kula hadlaya ayaa Sheikh Shaakir ka dalbaday inuu isaga baxo Guriceel, oo aan lagu dul dagaalamin magaalada. Waxa ay sidoo kale carabka ku dhufteen odayaasha Habar-aji in ay u tageen Sheekh Shaakir uuna si cad ugu sheegay in uu dhufeys ka dul-galayo dadka dhacabka ah uuna ka diiday in uu Ciidamada ka dulqaado xaafadaha dadwaynaha magaalada ka barakacay dhowrkan maalmood. Odayaasha ayaa dhinaca kale Madaxweyne QoorQoor u cadeeyay in uu isagu Mas’uul ka yahay amaanka shacabka, loona baahanyahay in laqaato dhabaha wada hadalka, iyado laga fogaanayo gacan ka hadal. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's Minister of State for Foreign Affairs Bilal Mohamed Osman has said that the Kenyan government will not benefit from deteriorating relations with Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Qeybta 27-aad ee Milateriga Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaal dhawaan degmada Kaaraan la sheegay inuu ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan qeybtaas. Taliyaha ayaa beeniyay in ciidamo ka wada tirsan qeybta ay ku dagaalameen Kaaraan, ayaa sheegay in ciidamada ay dagaal kula jiraan kooxaha argagixisada, islamarkaana ay gudaha caasimada ka abuurin qalalaase iyo dagaal. “Waxaa u cadeynayaa (mas’uuliyiinta) in ciidamada qeybta 27-aad ay ku jiraan howl-galo, waxay baacsanayaan cadowga Al-Shabaab waxayna la dagaalamayaan argagixisada kale ee burcadka ah ee shacabka ku dhibaateeya waddooyinka, waxba kama jiraan waxa la sheegayo.” “Ciidamo aan ka tirsaneyn qeybta 27-aad ayaa jira oo wata direyska ciidanka oo gaadiidkoodana ku buufsan yahay astaanta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo magaalada Xamar dhex orda, taasina waxaa loo baahan yahay in wax laga qabto.” Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada xooga dalka aysan marnaba shaqo ku laheyn dagaalada soo noq-noqday ee ka dhaca caasimada, islamarkaana laga been abuurto. Waxa uu maamulka gobolka Banaadir ka dalbaday in la kala saaro xuduudaha iyo deegaanada la isku haysto ee gobolka, isagoona nasiib darro ku tilmaamay in ciidamada qeybta 27-aad loo saariyo dagaalo aysan waxba ka ogeyn. “Kaaraan iyo waxa ka socda qeybta 27-aad shaqo kuma laha, dadka aad ku tilmaameysan ciidamada xooga dalka ma aha, waxaa wadnaa shaqadii qaranka iyo umadda Soomaaliyeed u haynay.” Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in wax la hubsado oo aan sharciga loo soo dhaafin, sida uu hadalka u dhigay. Arrintan ayaa imaneysa xili uu dhawaan maamulka uu sheegay in ciidamo ka wada tirsan millateriga ay ku dagaalameen degmada Kaaraan iyo agagaarkeeda, kuwaasi hore uga howl-gali jiray gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle. The post Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda dagaal ee Kaaraan iyo Taliye war soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa sii xoogeysanaya weerarada cirka iyo dhulka ah oo ay ciidammada Itoobiya iyo xulafadooda la beegsanayaan xoogagga gadoodsan ee ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidammada Tigreega Arbacadii shalay, isagoo sheegay in ay la kulmeen khasaaro aad u badan. Getachew Reda, oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga (TPLF) ayaa telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in millateriga Itoobiya iyo xulafadiisa ka soo jeeda gobolka Amxaarada ay dhowr jiho kula dagaallamayaan ciidamada Tigreega, gaar ahaan labada gobol ee Amxaarada iyo Canfarta oo deris la ah Tigray. Afhayeenka milatariga Itoobiya ayaan markiiba ka jawaabin codsi ku saabsanaa warbixinta dhinacooda. Milatariga iyo dowladda ayaan qiran weerarkan cusub, oo ay kooxda TPLF sheegtay inuu ku bilowday weerar xagga cirka ah toddobaadkii hore, maalmo kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyay in uu xilka sii hayo shanta sano ee soo socota. “Waa dagaal socda, tirada dhaawacuna aad bay u badan tahay,” ayuu yidhi Getachew oo intaas ku daray inuusan faahfaahin ka bixin karin tirada dhimashada iyo dhaawaca. Wuxuu sheegay inuu dagaalku ka dhacay meel u dhow magaalada Weldiya ee gobolka Amxaarada, halka dagaalkana uu dib uga bilowday gobolka Canfarta, deegaanada Haro iyo Chifra oo ku dhow xadka Amxaarada. Dagaalkan ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay sii xumaato xasilloonida waddanka geeska Afrika oo ay ku nool yihiin 109 milyan oo qof, isla markaana horseedidoona gaajo baahsan oo ka dhacda gobolka Tigray. Source
-
(SLT- Limpopo)-Kooxo hubeysan oo ah budhcad u dhalatay dalka Koofur Afrika ayaa Xalay ganacsade Soomaali ah waxay ku dileen deegaanka lagu magacaabo Tempisa oo ka tirsan gobolka Limpopo. ganacsadaha Soomaaliga ee lagu dilay Koofur Afrika ayaa lagu magacaabi jiray Shaafici Cabdulle Saneey, kaasoo budhcadu ay ku dhex dileen goobtiisa ganacsi. Meydka Marxuumka waxaa goobtiisa ganacsi ka dhex qaaday muwaadiniin kale oo Soomaali ah oo goobo ganacsi kulahaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta lagu dilay marxuumka. Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sida caadada u aheyd dilka kadib waxay tageen halka uu dilka ka dhacay, iyagoona sameeyay baadhitaano ay ku baadi goobayeen raggii ka dambeeyay falkaas oo durbadiiba goobta isaga baxsaday. Dilalka loogu geysanayo Muwaadiniinta Soomaalida Dalka Koonfur Afrika ayaa maalmihii dambe sii kordhaya, waxaana toddobaadkan gudahiisa lagu dilay dalkaas ilaa afar muwaadin oo dalkaasi kulaa goobo ganacsi. Dhinaca kale warar ka imaanaya magaalada Port Elizabeth ayaa sheegaya in dukaamo xalay lagu gubay Dulleedka Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika. Sedax Dukaan Oo Ajaanib ay leedahay ayaa dab la qabadsiiyay saqdii dhexe waxaana laba ka mid ah dukaamadaasi ay ku yaaleen tuulada Kwazakhele Iyado dukaanka kale sedaxaad ee lagu gubay tuulada Zwide sida laga so xigtay Afhayeenka booliska Col Priscilla Naidu. Dhacdada dukaamada lagu gubay ayaa la rumeeysanyahay in ay daba socoto isku dhac shalay galinkii dambe Xaafadda Korsten ku dhaxmaray darawalada Taksileeyda iyo Soomaalida degan xaafadahaasi waxaana shalay la gubay in ka badan 10 gawaadhi nooca caasiyada loo yaqaano. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in marnaba aysan labada dal u wanaagsaneyn in xiriirkooda uu mad-madow soo galo, islamarkaana ay marnaba ka tanaasuli doonin arrinta badda. Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Bilaal Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaaci doonto baddeeda, ayna marnaba midaasi kala xaajoon doonin dhigeeda Kenya. “Waxaa aaminsanahay in shacabka iyo dowladda Kenya ay ogyihiin in aysan wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka labada dal, waxaan ka shaqeyn doonaa dhankeenna in uu wanaagsanaado xiriirka labada dal,” ayuu yiri Bilaal Cusmaan. “Haddii ay diidaan waxyaabaha ay nabaddu ku hagaageyso, dowladda Soomaaliya waxa ay u taagan tahay oo mas’uuliyadeedu tahay difaaca dadkeeda, dalkeeda, diinteeda iyo biyaheeda.” Waxa uu carabka ku adkeeyay haddii ay diido dowladda Kenya in xiriirka labada dal u wanaagsanaado, kaasi oo dan u ah labada shacab ay Soomaaliya marnaba ka gor-gortami doonin difaaca baddeeda. Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa imanaya xili ay dhawaan Maxkamadda caddaalada adduunka ee ICJ ay inta badan Soomaaliya u xukumisay kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyay Kenya, taasi oo ay ka biyo diiday xukuumadda Nairobi, oo ayadu dalbatay in wada xaajood lagu dhameeyo kiiska laga go’aan gaaray. The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay waxa u qorsheysan haddii ay Kenya nabad diido appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xasuusnaan doono dareenkii murugada lahaa ee ka dhashay weerarkii arxan darrada ahaa ee ay ku dhinteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo u taagnaa in ay door weyn ka qaataan horumarka dalka. “Alle ha u wada naxariisto Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar. Waxaa ay ahaayeen muwaadiniin mudnaa nolol qurux badan, balse ay argagixisadu u qoonsadeen noloshoodii sharafta badnayd. Inkasta oo ay dhacdadaasi tahay mid uurkutaallo badan inagu reebtay, misna waxa ay ahayd dhacdo daaha ka feydey sida wanaagsan ee ay shacabka Soomaaliyeed isu caawiyaan, oo isu garab istaagaan.” Ayuu yiri Farmaajo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo shacabka la wadaagay farriin ku aadan Xuska Qaraxii Soobe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, haatanna ah Madaxa Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal, Xuseen Macalin ayaa ka hadlay isbedel fikradeed oo ku yimid kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay dhawaan bilaabeen inay ka hadlaan qoddobada ay dhibsadeen ee ku jira Dastuurka. Xuseen Macalin ayaa sheegay in Shabaabka ay dib u soo nooleynayaan doodii dowladnimada ee la isku hayey, islamarkaana ay wax ka badalmeen xiriirkii ay la lahaayeen kooxihii kale ee xagjirka. “Waxaa ugu yaraan laga fahmi karaa inay hadda rabaan in markale dadka ay maran-habaabiyaan oo doodii ay qabeen ka dhigaan wax sal iyo raad leh, dalkuna uu ku jiro xili kala guur ah,” ayuu yiri. “Waxay isku aadinayaan dowlada hadda aad looga qalbi jabsan yahay ee sidii la rabay aan u wiiqin oo u dhameystirin, arrinta barigana waxay si weyn niyada ugu dhistay kooxihii xagjirka ahaa oo la dirirayey dowladihii haystay kalsoonidii shacabka, inay arrintaas ka faa’iideystaan waa xaaladaha kusoo aadiyey.” Sidoo kale waxa uu sheegay in xiligaan ay Al-Shabaab rabto wada-hadal, hase yeeshe ay barnaamijyadaas ka leedahay baranbogaado iyo inay caqliga ka xadaan cid kasta oo ay maran-habaabin karaan. “Wada-hadalka koox aad is haysaan nabada ayey soo dhaweysa, marka laga soo tago mab’da, waxaa aaminsanahay dowladaan Soomaaliyeed ee dadka shacabka ah siiyeen raali ahaanshaheeda, marka dowladda ay diyaar u tahay wada-hadaladaas oo awoodeeda ay leedahay la gali karaa.” “Marka hore waa in dowlada ay is xoojiso oo midnimadeeda iyo is-fahamka gudaheeda ay xoojiso oo cudad millateri ay diyaarsato, kadib markaas Shabaab in miiska lala fariisto haddii ay ogol yihiin waa soo dhaweynayaa.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in loo baahan yahay wacyi-gelin ka dhan ah barnaamijyada maran habaabinta ee Al-Shabaab, ayna muhiim tahay in la dhiso ciidamo awood leh oo ka amar qaata Dastuurka oo shaqsiyaad gaar ah ka amar qaadan, si loo muquunin karo kooxaha xagjirka ah, xataa haddii ay dhacdo in lala galo wada-hadal. Hoos ka daawo wareysiga Xuseen Macallin The post ‘Isbeddel ka muuqda fikirkii Al-Shabaab kadib arrimo ay dhowaan ka hadleen’ + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Haku Dan seegin Taageerida Cid markay Awooda Haysayba aan Wax kuu qaban! W/Q: Mohamed Raygal Waxa la yidhi beryihii Nebigu (scw) dhintay baa xuunsho lagu yidhi “Xuunshoy, Nebigii Dhimay.” Markaas bay iyadoo niyadjab ka muuqdo tidhi “Intuu noolaa ba xaarkaan cunayey!” Haatan waxan leeyahay maxaa iiga dan ah dhisidda dad markay awoodda haysteen ba aan agtooda ku dulmanaa ama iyagu ba i dulmiyey, waxqabad ha joogee. Siyaasaddu waa maslaxad iyo mabda’. Waa inaad ku xisaabtanto yaa wax ii qaban doona oo dheef ii keeni doona (ama dhib i haysta iga kor qaadi doona). Taas waa dan (ama maslaxad xagga af Carabiga). Waxa iyana muhim ah inaad taageerto mabda’ ama qaddiyad sax ah oo aad aaminsan tahay taas oo ku anfacaysa adiga ama anfacaysa dadkaaga, If iyo Aakhiro mid uun, sida qaddiyadaha diinta iwm. Waxii labadaas ka soo hadhay qofkii ama qabiilkii taageera waa u doqonnimo iyo dan la’aan. Liidnimo ka weyn ma jirto inaad cid ku taageerto qabyaalad ama hebel iyo reer hebel oo aan is xigno baa maslaxad & mansab helaya, kuwaas oo aan kugu cusbayn ee markay mansabka hayeen ba aan ku xasuusan ama ku dulmay ba. Markaa waa inay baraarugaan reeraha mar walba lagu guuro ee aan hadhow na dib loo xusuusan ama la colaadiyo ba. Taas waa tii reeraha. Xagga shakhsiyaadka na Soomaali haddaan nahay qof walba waa inuu ka baxaa dan la’aanta oo qof waliba ka shaqeeyaa dantiisa gaarka iyo tan guud inta kaga soo beeganta iska na illaawaa doqonnimada iyo inuu ku tiirsanaado qof ama qabiil iwm (self-reliance). Marka qof waliba isagu is dhiso ee dantiisa gaarka ah ka adkaado ayuu cid kale na waxtari karaa ama danta guud wax ku soo kordhin karaa (contribution) laakin haddii adigu adiga oo sagxadda yaalla hadda na aad dan la’aan meel afka haanraawe ah dhigayso ama ag fadhido oo ku dan seegto taageerada qof kale oo aad “magac guud” isugu timaaddaan dee markaa adna baaba’day dalkii na baaba’ oo horumar lama gaadhayo weligeed illeyn horumarka dalku waa wadarta horumarka dadka oo la isu geegeeyay iyo waxii dowladdu ku biiriso. Ha ku dan seegin dhisidda qof (ama qabiil) aad si fiican isu barateen oo aan waxba kuu qaban markii awooddu gacantiisa (gacantooda) ku jirtay; waa iga dardaaran. Salaam. Qaran News
-
Haweeney Guulo ka soo hoysay Ciyaarihii Olombikada Adduunka oo Meydkeeda la helay Agnes Tirop, oo heysata rikoorka adduunka, taasoo u dhalatey Kenya, ayaa laga helay meydkeeda gurigeeda, kaasoo ku yaalla magaalo dhacda galbeedka Kenya, oo la yiraahdo Iten. Booliiska ayaa sheegay in ninkii ay u dhaxdey uu yahay qofka koowaad ee loogga shakisan yahay dilkeeda. Laba jeer oo ay ku guuleysatey biladda Naxaasta ee Ciyaaraha fudud ee dunida, iyadoo kaalinta afraad ka gashey ciyaarihii kama danbeysta ee Olympic-kada, oo la ordayey masaafo dhan 5,000m, kuwaasoo dhamaadey laba bilood ka hor. Waxey dhawaan noqotey 25 sano jir. Baaritaan danbi ayaa haatan lagu bilaabey dhimashada gabadhan, iyadoo booliisku ay sheegeen in ninkeedii la waayey. Arbacaddii oo maanta ah, baarayaasha dambigani ayaa waxey tageen guriga Tirop, taasoo booliisku ay sheegeen in aabaheed waa gabadha dhimataye, lagu soo war galiyey in isna la waayey habeenimadii Talaadada. Tom Makori, oo ah madaxa booliiska ee agagaarka ay dhibaatadu ka dhacdey, ayaa sheegay markii booliisku ay gaareen guriga, waxey ka heleen meydka Tirop oo saaran sariirta, waxaana jirey dhiig badan oo daad sanaa dhulka. Booliiska ayaa intaa ku darey in gabadhani lagaga dhuftey mindi qoorta, iyadoo halkaasi uu kasoo gaarey, lana rumeysan in taasi tahay waxa sababey dhimashadeeda. Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa Arbacadii sheegay in Turkey “ay sameyn doonto wax kasta oo lagama maarmaan u ah amnigeeda” kadib wax uu ugu yeeray weeraro sare u kacay oo maleeshiyada Kurdish-ka Syria ee YPG ay ka fulisay xuduudda. Madaxweyne Erdogan ayaa Isniintii sheegay in weerar ay Ankara ku eedeysay kooxda YPG, oo Mareykanka uu taageero, kaasi oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis Turkish uu ahaa mid dulqaadka ka dhameeyey, islamarkaana Ankara ay ka go’an tahay inay cirib-tirto halista kaga imaneysa waqooyiga Syria. Turkey ayaa sheegtay in boolis ku sugnaa gobolka waqooyiga Syria ee Azaz lala beegsaday gantaallada la hago Axaddii, kaasi oo ay ku eedeeysay YPG. Sidoo kale Isniintii ayaa gantaalo laga soo tuuray deeganada ay haysato YPG waxa ay ku dhaceen magaalada Karkamis ee koonfurta Turkey, sida ay sheegtay Ankara. Isaga oo ka hadlayey Ankara, ayaa Cavusoglu wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Ruushka aysan kasoo bixin ballan-qaadkooda ahaa inay xaqiijin doonaan in maleeshiyada YPG ay ka baxdo aagga xuduudda Syria. “Weeraradan ugu dambeeyey, Ruushka iyo Mareykanka ayaa mas’uul ka ah maadaama aysan kasoo bixin ballan-qaadkooda,” ayuu yiri Cavusoglu. “Maadaama aysan ka dhabeeneyn ballan-qaadyadooda, waxaan sameyn doonaa waxa lagama maarmaanka u ah amnigeena.” Turkey ayaa maamusha qeybo badan oo ka mid ah waqooyiga Syria ayada oo gacan ka heleysa mucaardka Syria ee xulufada la ah, kadib markii aagaas ay ka fulisay howlgallo ka dhan ah Daacish iyo YPG. Kadib heshiisyo kala gooni ah oo ay la gashay Moscow iyo Washington 2019, Turkey ayaa hakisay howlgalladii waqooyiga Syria, ayada oo ku beddelatay in maleeshiyada YPG ay 30 km uga baxdo xuduudda Syria. REUTERS + VOA The post Turkey oo wacad ku martay jawaab adag kadib weeraro dhowr ah oolagu qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Shan qof oo lagu dilay weerar Qaanso & Leeb loo adeegsaday oo ka dhacay Norway Ciidanka Booliska Norway ayaa sheegay in la qabtay qof lagu tuhunsan yahay weeraro dhowr qof lagu dilay oo ka dhacay ee degaanka Kongsberg oo ku dhow Magaalada caasimada ah ee Oslo, fiidnimadii Arbacada. Booliiska ayaa booqday goobta kadib markii ay heleen farriimo dhowr ah abaaro 6:13 fiidnimo kuwaasoo sheegaya in degaanka Kongsberg uu dad badan ku laayey nin wata qaanso iyo leeb. Eedeysanaha ayaa ku dhawaad 30 daqiiqo si aan kala sooc lahayn u laynayey dadka Ugu yaraan afar qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen. Waxaana mas’uuliyiintu ay hubinayaan in weerarka uu salka ku hayo ujeedo argagixiso iyo in kale. Taliyaha booliiska Oeyvind Aas ayaa yiri: “Ninka waa la xiray “Dhowr qof ayaa dhaawacmay, dhowrna waa dhinteen.” Duqa magaalada, Kari Anne Sand, ayaa iyana tiri: “Tani waa dhacdo naxdin leh, wax kale oo la sheego ma jiraan. Hadda waa inaan isku daynaa inaan daryeelno dadka deegaanka sida ugu wanaagsan ee aan awoodno” Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dhacdadan foosha xun ay ka bilaabatay Dukaanka Coop. Wicitaanada gurmadka ayaa la sameeyay 6:13 pm. waqtiga maxalliga ah, halka sawirrada fallaadhaha la tuuray lagu wadaagay warbaahinta bulshada. Qeyb weyn oo magaalada ka mid ah ayaa weli xiran. Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay magaalladda Drammen oo qiyaastii 40 KM u jirta. Toban sano ayaa laga joogaa markii ka tirsanaa kooxda garabka midig oo la yiraahdo Anders Behring Breivik uu 77 qof oo ay ku jiraan carruur badan ku dilay caasimadda Norway ee Oslo iyo jasiiradda Utøya. Qaran News
-
Haweenay Dhakhaatiirii khiyaantey oo Ilma-galeenkeeda loo faa’iideystay Daweynta Casriga ah oo lagu badbaadiyey Malaayiin qof Henrietta Lacks, a tobacco farmer, was buried in an unmarked grave in Virginia in 1951 Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa maamuustay haweeney madow ahayd oo u dhalatay dalka Mareykanka, taas oo unugyada jirkeeda ay sabab u noqdeen guushii ugu waynayd ee xilliga casriga ah laga gaaray baaritaan dhanka caafimaadka ah. Henrietta Lacks waxay dhimatay iyadoo 31 sano jir ah, waxayna xilligaas ahayd sannadkii 1951. Waxay u dhimatay Kansarka Ilmo-galeenka. Dhakhaatiirtii daweyneysay waxay ku sameeyeen baaritaanno iyadoo aysan ogeyn qoyskeeda iyo xitaa iyada, intii ay noolayd. Waxay ka qaadeen deecaanno iyo waxyaabo ay baaritaan caafimaad u adeegsadeen. Waxay ahaayeen unugyadii ugu horreeyay ee la qaaday ee ku sii labada jibbaarmay bannaanka jirka bini-aadamka. Waxaa loo adeegsaday baaritaannada la xiriira tallaalka xanuunka Dabeysha, qaabeynta hido-Sidaha, iyo daweynta IVF. Guulahaas la gaaray waxay sababeen in Henrietta Lacks loo magacaabo “hooyada” daweynta iyo dawada casriga ah. “Arrinta ku dhacday Henrietta way qaldanayd,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus. Wuxuu hadalkaas ka sheegay munaasabad gaar ah oo ka dhacday Geneva, Arbacadii. “Henrietta Lacks waa la khiyaamay. Waxay ka mid tahay dumarka aan caddanka ahay ee seynisyahannada ay si khaldan u adeegsadeen maydadkooda. “Waxay aamintay hannaanka caafimaadka si loo daweeyo. Balse hannaankaas ayaa jirkeeda wax kala baxay iyadoo aan ogeyn oo anan u oggolaanin,” ayuu yiri Dr Tedros. Unugyada The HeLa – waa magaca laga soo gabiyay magaceeda Henrietta Lacks – waxaa sidoo kale loo adeegsaday sameynta tallaalka kansarka ilmo-galeenka, kaas oo ah cudurka ay u dhimatay. Wiilkeeda oo 87 sano jir ah hadda, lana gudoonsiiyay abaalmarinta lagu sharfay hooyadii, wuxuu sheegay in ay ahayd haweeney cajiib ah, taas oo dunida sii caawineysa muddo ka dib geerideeda. Henrietta Lacks, qabrigeeda lama garanayo, sababtoo ah waxaa lagu aasay qubuuro si gaar ah loogu sameeyay dadkii la faquuqayay ee ku dhintay Isbitaalka Baltimore, ee Maryland. Henrietta Lacks. Sida Henrietta Lacks sheekadeeda ay ku billaabatay? Dad aad u yar oo taariikhda dawada ku suntan ayaa la dhihi kara waxay badbaadiyeen nolol ka badan inta ay badbaadisay Henrietta Lacks. Mid ka mid ah haweenka madow ee da’ yarta ah ayaa xaq u leh sheegashada macquulka ah ee ah in ay samaysay mid ka mid ah waxtarka ugu weyn daawada casriga ah – iyadoo aan waligeed ogeyn inay iyadu falkaasi fashay. Henrietta Lacks waxaa laga helay kansarka ku dhaca makaanka afkiisa 1951 iyadoo 31 jir ah, wax yar uun ka dib markay dhashay cunugeedii shanaad. Waqtigaas, Isbitaalo badan oo ku yaala dalka Mareykanka ayaa wali ku jira xaalka kala sooca dadka madow iyo dadka cadaanka ah, sidaa darteed waxaa jiray ikhtiyaarro yar oo iyada ah oo ay ku raadsato daaweyn markii ay bilaawday calaamadaha xanuunkaas. Waxay u leexatay Isbitaalka Johns Hopkins ee ku yaal Baltimore, Maryland, maadaama uu ahaa kii ugu dhowaa gurigeeda. Qaybta ay gashay waa qaybta George Gey, oo ah cilmi-baare isku dayay inuu ku kobciyo unugyada aadanaha shaybaarkiisa muddo tobanaan sano ah. Intii lagu guda jiray daaweynta si looga jaro buradaasa, dhaqtarkeedu wuxuu u diray shaybaadh yar oo unugyada ah iyada oo aan ogolaansho ka helin George Gey. Illaa waqtigan, isku dayga lagu doonayo in lagu koriyo unugyada aadanaha meel ka baxsan jidhka ayaa ahaa mid guuldarraysta. Laakiin wax yar oo ku saabsanaa unugyada Lacks ayaa beddelay xaalkaasi. Henrietta Lacks, si kastaba ha noqotee, ka hor dhimashadeeda shaybaar yar oo unugyadeeda ah ayaa laga qaaday iyada oo aan ogeyn, unugyadani ma dhiman. Si ka duwan shaybaar kasta oo hore ee unugyada aadanaha, kuwani waxay sii wadeen inay koraan oo tarmaan welina sidaas ayey maanta sameeyaan. Dadka badankood habka dabiiciga ah ee loo yaqaan ‘duqoobiddu’ wuxuu xad u yeelaa inta ay noolaan karaan unugyadu. Is beddelka waa wax ku xidhan gabowga: maadaama unugyadu kala baxayaan oo tarmayaan waqti ka dib. Isbeddelladaas waxay u eg yihiin inay la xidhiidhaan kansarrada iyo cudurrada kale ee da’da ay keento. Caadi ahaan unugyada aadanaha waxay awoodaan inay qeybsamaan ilaa 50 jeer ka hor intaysan gaadhin xilligii ay ku hawlgabi lahaayen . Laakiin unugyada Lacks way ka duwanaayeen. Unugyadeeda waxay awood u yeesheen inay qaybsamaan oo ay oo iskusoo noqdaan si aan xad lahayn. Waxay ka dhigtay iyaga kuwo ku habboon cilmi baarista caafimaadka maadaama dhaqanka unugyada isku midka ah dhaqso loo korin karo. Si dhakhso leh, saynisyahannada adduunka oo dhami waxay u qaadayeen qaybo unugyada Lack’s si ay u baadhaan. Nooca unugyadeeda ee loogu magac-daray “HeLa” oo lagu sharfayo Lack, waa khadka ugu horreeya uguna badan ee la isticmaalo ee ku jira daawada. Malaayiin dad ah ayaa noloshooda waariyeen unugyada laga qaaday iyada – unugyadeedii ay soo saartay ayaa loo isticmaalay in lagu abuuro tallaalkii ugu horreeyay ee cudurka dabaysha, dawooyinka kansarka iyo bacriminta ku jirta fitamiinnada. Sheekadeedu sidoo kale waa mid ka mid ah sheekooyinka anshax ahaan murugsan. Sannadkii 1951 fikradda oggolaanshaha bixinta unuguyadeeda lagama wargelin oo lagalama tashan iyada iyo cid qoyskeeda ah taas oo noqtay wax aan caqligal ahayn, sidaa darteed qoyskeedu wax fikrad ah kama haysan tabarucaadkaas inantooda illaa weriye Rebecca Skloot ay 50 sano kadib dib ubaadhay DNA-geeda oo sheeko ka samaysay. Qaran News
-
Waxaa magaalada Guriceel oo Galgaduud ka dhacay Barakac ballaaran, kadib markii ay la wareegeen kooxda Suufiyada ah ee Ahlu sunna. Wararka ayaa sheegaya in dadka ay u qaxeen duleedka magaalada, halkaas oo ay ku heyso dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunno yari. Odeyaal u hadlay deegaanka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dadka barakacay, gaar ahaan caruurta uu ku dhacay Shuban biyood. “Nimanka culimada ee yimid Guriceen, ee dhufeyska ilmaha ka dhex qodanaya, waxaan leenahay naga kor qaada, colka naga dulqaada, haddii aas Islaam tihiin, diinta aad sheeganeysaan ku dhaqantaan, Guriceel dowla ma joogto, ilmaheenna iyo naagaha naga dhex jooga ayaad dhufeys ka dul qodaneysaan, duurka ayey ku qaxeen, shuban biyood ayaa ku dhacay” waxaa yiri mid ka mid ah odeyaasha Guriceel. Arrimahan banii’aadamnimada ee ka jira Guriceel iyo deegaannada ku dhow ayaa imaanaya iyada oo aanu jirin wada hadal u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Ahlu sunna, lagana cabsi qabo dagaal qarxa. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Adaan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixisay halka ay marayaan dadaalada wax lagaga qabanayo abaaraha ka jira qeybo badan oo Jubaland kamid ah, iyadoo wasaaradu ay sharaxaad ka bixisay qorshayaasha ay u dajisay gurmadka loo samaynayo dadka abaaraha ay sameeyeen. Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa sheegtay in xoolo ku dhow sadex kun oo neef inay u dhinteen abaarta iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira deegaanka. Wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo howlaha lagu samaynayo biyo xireeno iyo howlo lagaga hortagayo fatahaadaha uu sameeyo wabiga Juba. Ugu danbayntii Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo mashruux shaqo abuur loogu samaynayo dadka uu sameeyay ayaxa ku habsaday qeybo kamid ah Jubaland, iyadoo qeybta ugu horaysa lagu bilaabayo todobo iyo toban kun oo qoys si hordhac ah. PUNTLAND POST The post Xanuuno la garan waayay iyo abaaro ba’an oo Jubaland ku dilay xoola gaaraya saddex kun oo neef appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay sarkaakil ka tirsan dowladda Mareykanka, gaar ahaan kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Afrika. Wasiirka iyo Mary oo wasaaradda dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay doorashada Soomaaliya ee 2021-ka. Mareykana ayaa shaaca ka qaaday in looga baahan-yahay Farmaajo iyo Rooble in ay xalliyaan khilaafka dhexdooda ah, si loo dadajiyo doorashooyinka billowday. Labada dhinac ayaa sidoo kale kulankooda inta uu socday ku soo hadal qaaday arrimaha gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xaaladihii ugu dambeeyey ee soo kordhay. Dhinaca kale dowladda Mareykanka, gaar ahaan waaxdeeda arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ballan qaatay inay xoojin doonaan taageerada Mareykanka ee Soomaaliya, gaar ahaan garab istaagga dowladda iyo shacabka. Mareykanka ayaa si gaar ah u shaaciyey inuu xoojin doono ka qeyb qaadashada howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna howl-gallo dhanka cirka ah ku beegsadaa xoogaga Al-Shabaab ee dagaalka ka wada gudaha dalka. Si kastaba, ballan-qaadka cusub ee uu Mareykanka u sameeyey Soomaaliya ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta ay ku beegan tahay xuska sanad guurada 4 ee qaraxii Zoobe. The post Mareykanka oo war cusub ka soo saaray khilaafka ka dhex taagan Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - Today marks four years since a truck loaded with 1200kg bomb drove into an afternoon traffic in Mogadishu's Zobe junction killing over 500 and maiming close to 700 others. Source: Hiiraan Online
-
Maanta waxa ay ku beegan tahay 14 October 2021, waxaana 4 sano kahor maanta oo kale qarax xooggan uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Waxa ay ahayd xilli Casir ah, wadada Zoobe waxa ay ahayd mid aad iyo aad u mashquul ah, waxaana dhan walbo oo isgoyska iyo meelaha ku dhow ah ku sugnaa boqolaal shacab ah. Gaari weyn oo ka yimid dhanka wadada Afgooye ayaa si lama filaan ah ugu qarxay meel qiyaas ahaan wax ka yar 10 Mitir u jirta isgoyska Zoobe, taas oo sababtay iney ku dhintaan in ka badan 600 halka dhaawaca lagu sheegay 700, iyada sidoo kale ay ku waxyeeloobeen hanti ka badan $6 milyan oo doolar. Qaraxan ayaa noqday midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Afrika, waxaana ilaa hadda aan la dhisin qaar ka mid ah guryihii wax ku noqday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
