-
Content Count
211,337 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magacaabistii Farmaajo oo laga masaxay warbaahinta dowladda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa laga masaxay/tirtiray wareegtadii magacaabista ee madaxweyne Farmaajo. Bogga Facebook-ga ee Telefishinka Qaranka Soomaaliya oo markii hore lagu daabacay qoraalka madaxweyne Farmaajo ayaa isla markiiba laga tirtiray. Sidoo kale qeybaha kale ee baahineed ee dowladda sida Sonna iyo Radio Muqdisho ayaa baahin qoraalka uu madaxweyne Farmaano ku magaacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka, Kusimaha NISA iyo Agaasimaha Madaxtooyada. Shaqaalaha warbaahinta dowladda ayaa amar lagu siiyay in aysan baahin wareegtada madaxweyne Farmaajo, halka kuwii xafiiska madaxweynaha qaabilsanaa lagala noqday doorkii ay lahaayeen, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha warbaahinta dowladda. Warbaahinta dowladda oo hoostaga wasaaradda warfaahinta ayaa waxaa saameeyay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda dalka. Qoraalka Farmaajo ee laga masaxay SNTV PUNTLAND POST The post Magacaabistii Farmaajo oo laga masaxay warbaahinta dowladda appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal jawaab u ah qoraalkii kasoo baxay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee uu ku aqbalay shaqo ka-joojinta Fahad Yaasiin, uguna magacaabay xil cusub. Rooble ayaa sidoo kale weerar culus ku qaaday Farmaajo isaga ku eedeeyey in tallaabooyinka uu qaadayo ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas. Hoos ka aqriso qoraalka Rooble Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxed Xuseen Rooble wuxuu soo dhawaynayaa Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha. Waxaa kale oo uu Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas. Ra’iisulwasaarahu wuxuu markale ku adkaynayaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida in ay dardargaliyaan hawlaha Baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh. Waxaa la farayaa dhammaan taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu hay’adaha Amniga farayaa in ay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaadaan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta Xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu Shacabka Soomaliyeed uga baaqayaa in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd Ikraam Tahliil Faarax. Ugu danbayn, Ra’iisulwasaaruhu isaga oo ku hadlaya magaca Golaha wadatashiga Qaranka wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinayaa in la dardargalin doono arrimaha Doorashooyinka dalka oo si wanaagsan u socda, wuxuuna ku baaqayaa in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahayd doorashadu isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah. The post Rooble oo ka jawaabay tallaabooyinka uu qaaday Farmaajo, weerar culusna ku qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa cambaareeyey falalka uu ku kacay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo ay sheegeen inay yihiin kuwa baal-marsan dastuurka iyo sharciga dalka ud egsan. Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu la-taliyaha amniga qaranka u magacaabay agaasimihii hore eee NISA Fahad Yaasiin, kadib markii ra’iisul wasaare Rooble uu shaqo ka-joojin ku sameeyey. Sidoo kale Farmaajo ayaa dikreetadiisii wuxuu Taliyaha hey’adda NISA si KMG ah ugu u magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Banaadir Yaasiin Farey, halka Agaasimaha guud ee madaxtooyada uu u magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali. “Goluhu wuxuu u arkaa go’aanadaas inay yihiin kuwa lagu carqaladeynayo dadaallada ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ee ku aaddan in baaritaan daah-furan iyo cadaalad la marsiiyo kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kalena lagu xagal-daacinayo doorashooyin daah-furan, waqtigooduna ku dhaca,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen Golaha Midowga Musharaxiinta. Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ogaadeen in go’aanada Farmaajo ay yihiin kuwo loogu talo-galay in lagu khalkhal galiyo xasilloonida iyo ammaanka aan cagaha badan ku taagneyn ee dalka. “Goluhu wuxuu saraakiisha ciidanka ugu baaqayaa inaysan u hoggaansamin go’aanada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday,” ayey yiraahdeen. The post Midowga Musharaxiinta oo jawaab deg deg ah ka bixiyey falalka uu ku kacay Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraalkii dikreetada ahaa ee caawa ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa laga mamnuucay warbaahinta Qaranka, kadib amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo kale weriyaasha warbaahinta Qaranka u qaabilsan Villa Somalia ayaa laga saaray seddaxda Page ee SNTV, Radio Muqdisho iyo SONNA. Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiskiisa Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka warfaafinta faray in warbaahinta dowladda laga joojiyo wararka ka soo baxaya Villa Somalia, waxaana amarka bixiyey wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, oo fulinaya amarka ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia ayaa sidoo kale laga saaray dhammaan wixii admin ah oo uu ku lahaa bogagga warbaahinta qaranka ee facebook iyo baraha kale ee bulshada. Tallaabadan ayaa ka dhiggan in warbaahinta qaranka ay gacanta ugu jirto ra’iisul wasaare, xilli ay muuqato in dalka uu galay loolan awoodeed, oo u dhaxeeya isaga iyo Farmaajo, taasi oo sida muuqata ay qasab tahay in lagu kala adkaado. Waxay sidoo kale muujineysa in sii xirmayaan albaabada Farmaajo, oo dhowr qof oo faro ku tiris ah kaliya ay ka taageersan yihiin dowladda. Wararka ayaa sheegaya in wasiirka warfafainta Dubbe iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Al-Cadaala, iyo inta badan xubnaha golaha wasiirada ay taageersan yihiin ra’iisul wasaare Rooble. Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa la-taliyihiisa amiga qaranka u magacaabay Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, kaas oo Ra’iisul wasaare Rooble uu dhawaan xilka ka qaaday. Sidoo kale Farmaajo ayaa dikreetadiisii caawa Taliyaha hey’adda NISA si KMG ah ugu u magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Banaadir Yaasiin Farey, halka Agaasimaha guud ee madaxtooyada uu u magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali. Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana sida muuqata uu Farmaajo xasaanad uu isku difaaco u raadinayaa Fahad Yaasiin oo loo heysto dilka iyo afduubkii Ikraan Tahliil, balse Farmaajo ayaa dadaalkiisa isugu geynaya in la baabi’iyo kiiskaas. Kulan lagu dhex-dhaxaadinayey oo maanta ay isugu yimaadeen Farmaajo iyo Rooble ayaa fashil ku soo dhamaaday, kadib markii uu Rooble ku adkeystay in xil ka xayuubintii Fahad Yaasiin, magacaabidiisii taliyaha KMG ah ee NISA Bashiir Goobe iyo baaritaanka kiiska dilkii Ikraan Tahliil. The post Qoraallada Farmaajo oo laga mamnuucay warbaahinta DF appeared first on Caasimada Online.
-
Fahad (bidix), Farey (dhexda) iyo Cabdisaciid (midig) Madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir u magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka, kadib markii la sheegay in uu iska casilay agaasimihii NISA. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey), oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee gobolka Banaadir si KMG ah ugu magacaabay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Cabdisaciid Muuse Cali ayaa isna loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya. Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isugu yeeray Guddiga Amniga Qaranka 18-ka Sebteembar 2021, si looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. PUNTLAND POST The post Fahad Yaasiin oo xil cusub loo magacaabay iyo NISA oo markale Agaasime KMG ah loo magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland government handed over a dumper truck that was allegedly stolen from the neighboring country of Ethiopia on Sunday. Nissan Diesel with a registration number 07221 SM was stolen from Jigjiga, the administrative seat of Ethiopia’s Somali region and recovered by Somaliland police force. Police officers on-duty at Ma’alin Harun police station in Hargeisa, Somaliland capital seized a dumper truck without a registration number at around 2 a.m. The police force of Somaliland launched an investigation which lasted for a period of two months. A businessman who is from Ethiopia’s Somali region showed up at Marodi Jeh regional governor office and had access to all the vehicle circulation license. Ethiopia, Somaliland signed a cooperation agreement, aimed at maintaining prevailing peace and security along common borders. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xil cusub u magacaabay Taliyihii xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin, sidoo kale Farmaajo ayaa hey’adda NISA u magacaabay Taliye kale, halka madaxtooyadana uu u magacaabay Agaasime guud. Qoraal ka soo baxay xafiiska Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin loogu magacaabay la-taliyaha Amniga Qaranka, kadib markii uu iska casilay xilkii hoggaanka NISA, sida lagu sheegay dikreetada Farmaajo. 18-ka bishan ayuu Madaxweyne Farmaajo shir isugu yeeray Guddiga Amniga Qaranka, si buu yiri looga hor jeediyo warbixinta laga dalbaday NISA. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedkan ka soo baxay Villa Somalia Muqdisho, Sebteembar 7, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan: Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. DHAMMAAD The post DEG DEG: Farmaajo oo xilal cusub u magacaabay Fahad Yaasiin iyo xubno kale, shirna iclaamiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Runtu Ma Fantaa-Dimoqoraadiyadu Doorashada keliya maaha Amb. Adam Muse Jibril Doorashadii Somaliland ka dhacday 31/5/021 waxay ku soo dhammaatay guul wayn oo u soo hoyatey Somaliland, taas oo ku soo biirtay guulihii hore, siina xoojisay iftiinka Geedi-socodka dimoqoraadiada iyo horumarka Somaliland, iyo guud ahaan tan Geeska Africa. Sidaas ooy tahay, haddana waxaa kaloo soo baxay god-daloolooyin halis ah oo loo baahan yahay in lagu eego aragti aan ku-danaysi iyo kursi-doon ku salaysnnayn, balse loo maro hanaan Daacadnimo iyo Xeel-dheeri ah, kana bilaabmaysa dib u eegid iyo qiimayn looga jeedo ogaanshaha dhaliilaha ka soo baxay waxii la soo maray ee in la daboolo u baahan. Dhalliisha ugu darran ee ka soo if-baxday Geedi-socodkii dimoqoraadiyada Somaliland waxaa lagu soo koobi karaya Fashalkii ku dhacay Xisbiyada Siyaasadda Somaliland guud ahaan, iyo gaar ahaanba: Xisbiyada siyaasadda Somaliland waxay nuxur ahaan ku dhismeen reernimo ama reero is-garabsada, taas oo la xidhiidha maqnaanshaha aragti siyaasadeed iyo qorshe qaran oo horseed u ah (lack of National political doctrine) oo sababtay inay ka xoroobi waayaan Xayndaabka reernimada una gudbi kari waayeen xisbiyo qaran oo magaca dhaafsiisan. Haddaba, su’aashu waxay tahay; sidee Xisbiyada siyaasadda Somaliland uga gudbi karaan Xayndaabka reernimada una kasban karaan kalsoonida reeraha kale iyo bulshooynka kale ee Somaliland, haddaba, si taas loo helo waxaa baahi wayn loo qabaa in: 1- In Madaxda Xisbiyada siyaasaddu horumarinta Xisbiyada u adeegsadaan adduun-arag isbeddel doon ah (Reform oriented National thinking) oo ku dhisan waayo-argtida iyo aqoon-wadareedka Adduunwaynaha heerka uu maanta gaadhsiisan yahay, taas oo ah waddada keliya ee loo sii marayo ogaanshaha marba waxa ka dhiman dhamays-tirka qore-qarameedka, ugu horreyso qorshe-Xisbiyeedka lagu hormarinayo dhismaha xisbiyada (Party Building Strategy). 2- In la ballaadhiyo aagga aragtida lana derso waxa Afrika ka jira dhinaca dhismaha Xisbiyada siyaasadda, kuwaas oo xilkoodu yahay xaqiijinta ujeedada ah ka gudubka kala qaybsanaanta bulshada Afrika ee reernimada ku salaysan oo loogu gudbi lahaa heerka ummadnimmada. Taasi waxay iman karta haddii la higsado siyaasad isbeddel-doona oo ku salaysan geedi-socod joogtaysan oo ka bilaabmaya in la helo qaab Xisbinimo qaran, Caddaalad, iyo dimoqoraadiyad ku dhisan. 3-Xisbigu waa in uu yahay xarun cilmiyeed (School of Thought) iyo ilaaliyaha Xuquuda dadka dalka oo dhan kana reebanaada mid u taagan xuquuqda reer keliya ama koox qudha, taas beddelkeeda waa inuu xisbigu yahay mid u taagan danta dadka dalka oo dhan. Sidaas darteed, waa in xisbigu daafacaa xuquuqdda bulshada nugul ee reernimadu hadhaysay, sida bulshooyinka laga tirada badan yahay, dumarka, iyo xuquuqda shaqaalaha noocydiisa kala duwan. Xisbina ma gudan karo xil ku dhisan dimoqoraadiyad haddii aanu isaga naftiisu ahayn xisbi dimoqoraadi ah oo go’aannadiisa lagu gaadho qaab wadareed (Collective, Bottom-up based institutional manner) oo ka fog nin-toocsi iyo keli-talis-nimo. Go’aamada xisbigu waa in aanay noqon kuwo dadka korka kaga yimaada, balse noqdaan kuwo ka yimaada hoos-iyo korba. 4-Shaqaaluha iyo loo-shaqeeyuhu waxay leeyihiin xuquuq siman, oo ay tahay in ay isu dheelitirmaan, Sidaas darteed, waa in xisbiyadu yihiin kuwo u taagan xuquuqda maqan nooc kasta ooy tahayba. Waxaa kale oo loo baahan yahay in xisbiyadu dhiirri-gelyaan abuuritaanka iyo horumarinta uruurrada Bulshada (Trade Uinions) si xisbigu u helo taageerada uruurrada Bulshada halkii uu ku tiirsanaan lahaa tageerada reernimada keliya, si xisbigu ugu muuqdo xisbi Qaran. 5-Isku-dheelitirka danaha beelaha Somaliland xagga ka qayb-galka maamulka dawladnimada iyo u sinaanta dhaqaalaha oo ah mabda’a dhextaalka u ah deganaansha, nabdadda iyo dhismaha qaranka, taas oo la’aanteed aanay dimoqoraadiyada iyo Caddaaladi jiri karin. Haddaba Xisbiyada Siyaasadda Somaliland waa inay lahaadaan qorshe qaran oo ku aaddan daboolidda tabashooyinka beelaha darafyada oo ah tan saldhigga u ah dhamaystirka Qaranimada Somaliland. 6-Xisbiyada Qaranka Somaliland waa muhiim inay ogaadaan waxa ka jira Afrika iyo adduunka iyo hanaanka Xisbyada dimoqoraadiga ahi u shaqeeyaan iyo waayo-arragtida ah in dalna aanu noqon karin dimoqoraadi haddii aanu ka jirin xisbiyo dimoqoraadi ahi. Dalalka Afrika ee ay ka hirgaleen xisbiyo hanaqaaday, kuwaa soo xisbiyada Somaliland wax badan ka barran karaan, waxa ka mid ah Suudan, Koonfur Afrika iyo Senegal, iwm. Kuwaas oo ay Xisbiyada Somaliland xidhiidh sokeeye la samaysan karan, si ay wax uga bartaan, ugana korodhsadaan. Ceeb maaah inaad wax bartid, balse waxa ceeb ah inaad waxba baran waydo. Adan Muuse Jibriil Qaran News
-
Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan in muranka ku gedaaman kiiska Ikraan Tahliil Faarax uu abuuro xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeesha hannaanka doorashada dalka iyo habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed wadajir ah oo Beesha Caalamka soo saartay ayey madaxda Soomaalida ugu baaqeen in ay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaanka kiiska Ikraan iyo sidoo kale in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka. Sidoo kale Beesha Caalamka waxay codsatay in si degdeg ah loo xalliyo khilaafka, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada, iyada oo aan dib u dhac kale dhicin. War-saxaafadeedka waxaa soo wada saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil iyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay aad u xoogeystay digniinta ka soo baxeysa xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, taasoo ku aadan in saacadaha soo socda ay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus. Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in weerarada qaraxyada ah eel aga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga. Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa ajnabiga ah ayaa sheegay in weerarada ay ka dhici karaan xarumo dowladeed, hoteelo, maqaayado iyo goobaha dadka isugu yimaadaan, sida garoomada kubadda cagta. Sidoo kale digniinta la soo saaray ayaa waxaa qeyb ka ah in Muqdisho ay soo galeen tobaneeyo dagaalame oo ah kuwa Al-Shabaab u qaabilsan dilalka toogashada ah ee madax-jebinta loo yaqaano. Kooxdaan ayaa la sheegay in badankood ay ku suganyihiin degmooyinka kor ka jira wadada 30-ka, waxayna ka fakirayaan sidii ay uga soo gudbi lahaayeen aagga xiran ee ka korreeya jidka Wadanaha maadaama ay wataan gaadiid isugu jira mootooyinka dhug dhugleyda iyo mooto Bajaajta, halka qaarkoodna ay gaadiid wataan sida ay xogtu sheegeyso. Shacabka magaalada Muqdisho ayaa qaba cabsi badan oo dhanka ammaanka ah, halka qaarkoodna ay u arkaan cabsi gelin iyo mowduuc lagu daminayo xiisada kiiska Ikraan Tahliil. Hay’adaha amniga ayaa xilligan aad u dayacan, ayada oo hay’adda Nabad-Sugidda ee NISA ay hareysay fadeexad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, taasi oo keentay in shaqo ka-joojin lagu sameeyey agaasimihii hay’adda Fahad Yaasiin. The post Xog: Laba digniin oo culus oo ka jirta magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyey kulan is-cafis ah oo siyaasiyiinta reer waqooyi ee Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay kala hoggaaminayeen ay galabta ku qabsadeen Muqdisho ayaa u balan qaaday inuu ka hor istaagi doono cid kasta oo isku dayda inay ku sameyso boob doorasho. Rooble ayaa sheegay inuu kulankaas u soo watay Taliyaha Booliska Jeneraal Xijaar oo sida uu sheegay uu kalsooni ku qabo, isagoo siyaasiyiinta reer waqooyi u balan qaaday inuu u soo diri ciidanka ay ku kalsoonyihiin, sida booliska dalka ama AMISOM, si looga hor tago boob doorasho. “Waxaan diyaar u ahay inaan inka celiyo halaqa, dawacooyinka iyo dhurwaayada geesihiina taag-taagan, nidaamkiina raaca cid idin soo faro-geli karta ma jirto, anigana diyaar ayaan idiin ahay har iyo habeen,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble. Ra’iisul wasaaraha ayaa muujiyey rajo ah in xaaladda uu hadda dalku ku sugan yahay laga gudbi doono, isla markaana aysan jirin cid loo xanibnaanayo. “Waxaan u cadeynayaa shacabka mas’uuliyadda idinkaa noo dhiibtay idinkaan idiin shaqeynaa, qof kasta oo siyaasi ah oo dalkaan mustaqbal ka leh, waxaan u sheegayaa, inuu u hoggaansamo baahida shacabka, cid awooda si qaldan ugu takri fali karta ma jirto, horaa loo soconayaa, shacabku waa tashadeen, intaas la socda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble. Waxa uu sheegay in shaqada ugu horeysa oo uu qabanayo ay tahay doorashada kuraasta Somaliland ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, “Hadii ay daahdo idinkaa daahiyey hadii lagu dhaqsadana idinkaa dedejiyey ee soo diyaar garooba,” ayuu yiri. Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu kulankaas is-cafiska ahaa ka sheegay in habeeno badan uu u dhafray sidii uu u dhameyn lahaa khilaafkii siyaasiyiinta reer Somaliland. “Walaalahey reer Somaliland waxaan idinkula dardaraamayaa, hadii dowladda soo socta ay dhalato fadlan ku dadaalla inaad habraac sameysataan oo mar dambe aan la idin soo faro gelin, xaq maaha in qolo kasta markii ay xukunka qabsato la idinku wareero, tashada oo bilaha ugu horeeya nidaam degsada, si afar sano kadib aad doorashada ugu gashaan,” ayuu yiri RW Rooble. Hoos ka Daawo The post Daawo: Muxuu Rooble ku sheegay khudbaddii uu maanta jeediyey? appeared first on Caasimada Online.
-
Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Kiiska Ikraan Tahliil
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Beesha caalamka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Kiiska Ikraan Tahliil, oo aheyd sarkaalad ka tirsan ciidamada NISA. War ka soo baxay Saaxiibada Caalamka ayaa walaac looga muujiyay xaaladda Kiiska Ikraan, iyadoo ay Safiiradu sheegen in kiiska Ikraan uu abuuro khilaaf siyaasadeed oo cusub. “Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Beeshaa Caalamka. Beesha caalamka ayaa sidoo kale qoraalka ka soo baxay waxa lagu booriyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan fal kasta oo Rabshad keeni karo “Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. War-saxaafadeedka ka soo baaxay Saaxibada caalamka ayaa loogu baaqay in laga wada shaqeeyo heshiisyadii doorashada ee horay loo gaaray “Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.” ayaa lagu yiri markale qoraalka ka soo baxay Beesha caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa walaac looga muujiyey khilaafka Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil, waxayna madaxda ugu baaqeen inay xiisadda dejiyaan oo diiradda la saaro doorashooyinkii socday. Qoraalkaan ayaa lagu amaanay hoggaaminta Ra’iisul Wasaare Rooble, waxayna beesha caalamku cadeysay inay taageereyso in baaritaan lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kalena dib dhac dambe laga dhowro dhamaystirka doorashada dalka. Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka oo dhameystiran Muqdisho, 7 Sebtembar 2021 – Saaxiibada Beesha Caalamku* waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada. Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin. * Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay. The post DEG DEG: Beesha Caalamka oo war kasoo saartay kiiska Ikraan iyo khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Source
-
(SLT-Kabul)-Taalibaan ayaa maanta u magacowday Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ay saaran tahay cunaqabateynta QM, inuu noqdo madaxa xukuumad ku-meel gaadh ah oo ay dhistay. Afhayeenka Taalibaan Zaibullah Mujahid, oo shir jara’aaid ku qabtay Kabul, ayaa sheegay in Abdul Ghani Baradar, oo wax ka aas-aasay Taalibaan, uu noqon doono ra’iisul wasaare ku-xigeenka. Mullah Mohammed Yaqub, oo ah wiilka aas-aasihii Taalibaan Mullah Omar, ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga, halka wasaaradda arrimaha gudaha madax looga dhigay Sirajuddin Haqqani, oo ah hoggaamiyaha shabakadda laga cabsado ee Haqqani. “Golaha Wasiirada ma ahan mid dhameystiran waa ku-meel gaadh,” ayuu yidhi Zabihullah Mujahid. “Waxaan dad kale uga soo dari doonnaa qeybaha kale ee dalka.” Amir Khan Muttaqi, oo ahaa wada-xaajoodihii Taalibaan ee wada-hadalladii Doha, kuna jiray dowladdii hore ee Afghanistan, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda. Weli lama shaacin doorka uu dowladda ku yeelan doono Mullah Haibatullah Akhundzada, oo ah hoggaamiyaha Taalibaan, kaasi oo aan fagaare lagu arag tan iyo markii ay ciidamada shisheeye ka baxeen dalkaas. Magacaabista shakhsiyaadkan caanka ah ee awoodda ku dhex leh kooxda, ayaa muujineysa in Taalibaan ayna wax tanaasul ah u sameeneyn shacab maanta dibad-bax ka dhigay Kabul, oo lagu kala eryey rasaas ay ciidamada Taalibaan kor u rideen. Taalibaan ayaa shacabka Afghanistan iyo dalalka dibedda u xaqiijisay inay dhisi doonto dowlad loo dhan yahay, hase yeeshee magacaabista maanta ma muujin taas. AFP, REUTERS Source
-
Kabul (Caasimada Online) – Taalibaan ayaa maanta u magacowday Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ay saaran tahay cunaqabateynta QM, inuu noqdo madaxa xukuumad ku-meel gaar ah oo ay dhistay. Afhayeenka Taalibaan Zaibullah Mujahid, oo shir jara’aaid ku qabtay Kabul, ayaa sheegay in Abdul Ghani Baradar, oo wax ka aas-aasay Taalibaan, uu noqon doono ra’iisul wasaare ku-xigeenka. Mullah Mohammed Yaqub, oo ah wiilka aas-aasihii Taalibaan Mullah Omar, ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga, halka wasaaradda arrimaha gudaha madax looga dhigay Sirajuddin Haqqani, oo ah hoggaamiyaha shabakadda laga cabsado ee Haqqani. “Golaha Wasiirada ma ahan mid dhameystiran waa ku-meel gaar,” ayuu yiri Zabihullah Mujahid. “Waxaan dad kale uga soo dari doonnaa qeybaha kale ee dalka.” Amir Khan Muttaqi, oo ahaa wada-xaajoodihii Taalibaan ee wada-hadalladii Doha, kuna jiray dowladdii hore ee Afghanistan, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda. Weli lama shaacin doorka uu dowladda ku yeelan doono Mullah Haibatullah Akhundzada, oo ah hoggaamiyaha Taalibaan, kaasi oo aan fagaare lagu arag tan iyo markii ay ciidamada shisheeye ka baxeen dalkaas. Magacaabista shaqsiyaadkan caanka ah ee awoodda ku dhex leh kooxda, ayaa muujineysa in Taalibaan aysan wax tanaasul ah u sameeneyn shacab maanta dibad-bax ka dhigay Kabul, oo lagu kala eryey rasaas ay ciidamada Taalibaan kor u rideen. Taalibaan ayaa shacabka Afghanistan iyo dalalka dibedda u xaqiijisay inay dhisi doonto dowlad loo dhan yahay, hase yeeshee magacaabista maanta ma muujin taas. AFP, REUTERS, VOA The post Taalibaan oo ku dhowaaqday Gole Wasiiro + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiye Cirro Oo Kulan Hadhimo Sharafeedaku maamusay Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga Waddani Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta kulan hadhimo sharafeed ah u sameeyey Guddida qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga ee muddaysan in uu qabsoomo 30-ka iyo 31-ka bisha October 2021. Kulankan oo isugu jiray is xogwareysi iyo dardaaran waxa uu Guddoomiyaha iyo Hoggaanka sare Xisbiguba siiyeen guddida talada iyo tilmaamaha ku aaddan hawlaha loo igmaday ee agaasinka Shirweynaha iyo sidii ay hawlahooda si habsami ah ugu dardargelin lahaayeen. Guddoomiyaha waxa kulanka ku wehelinayay Xubnaha sare ee Hoggaanka Xisbiga oo dhammaantood Guddida qaban qaabada shirweynaha kula dardaarmay in ay si xilkasnimo iyo hufnaan leh u gutaan hawsha Xisbigu u igmaday. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaad Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Maxamed ayaa taageero ballaaran u muujiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoona luuqad adag kula hadlay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii ay soo baxday in uu rabo in la baabi’iyo kiiska Ikraan oo galaaftay Fahad Yaasiin. Waxa uu sheegay in Farmaajo uusan hal maalin ka hadlin inta ay maqan tahay Gabadhooda Ikraan, islamarkaana uu diiday in uu qaabilo qoyska iyo ehelladeed oo uu qeyb ka yahay Ugaaska. “Haddii xaqii dhinac ka dilaacay, Ilaahay ayaa dilaaciyey xaqa, maanta howshii oo meel fiican mareysa sida hore loo sheegay waxba maalin ka qaban (Farmaajo) uu hadda hor-istaago, waxaa leeyahay madaxweyne arrintaas kuguma haboona,” ayuu yiri “Sida naloo sheegayo waxa uu madaxweynaha ka shaqeynaya in uu rabo in uu duugo dhibka ku dhacay gabadheena, warkaas si sir ah ayuu noo soo gaaray. Waxaa leenahay madaxweyne gabadha maqan waxay lamid tahay gabdhaha aad dashay, waxaa leenahay kiiskaas waxay sharaftaada ku jirtaa in cadaalada ka abaarto.” Sidoo kale waxa uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ku dhaliilay in uusan mas’uuliyadiisa ku aadan kiiskaas uusan gudan, islamarkaana ay hadda u baahan yihiin in maxkamad la soo taago cidda ka dambeysay arrintaas. “Ra’iisul wasaarihii wuu dadaalay in aad hor-istaagto kuguma haboona ee madaxweyne arrintaas ha sameyn, waxaa mar labaad u sheegaya Ra’iisul wasaaraha qodxo badan ayaa iman doona in uusan u istaagin oo anaga aan garab taaganahay cid walba oo damaceedu yahay in kiiskaas duugta uusan dhageysan oo sharaftiisa ka weyne.” Ugu dambeyntiina waxa uu raali-gelin ka bixiyey dhalinyaro ku beel ah Ikraan oo falal afduub ah oo aargudasho ah ka sameysay magaalada Beledweyne, isagoona u mahad-celiyay dadkii ka qeyb qaatay sii deynta dadkaas. Hoos ka daawo hadalka Ugaaska The post Daawo: Ugaaska Gaaljecel oo war cusub kasoo saaray kiiska Ikraan, fariin-na u diray Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
UAE Golden Jubilee: Sketch Portrait of UAE’s Founding Father Sheikh Zayed Covers Pleasures Magazine Sept/Oct 2021 Issue Pleasures Magazine is a bi-monthly luxury magazine with offices in Dubai, London and New York ABUJA, Nigeria, September 7, 2021/ — This year marks the 50th founding anniversary of the United Arab Emirates (UAE). To celebrate this golden jubilee, the President of the country, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, declared 2021 as the ‘Year of the 50th’. Celebrating the year of the 50th The “Year of the 50th” as declared by Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan specifically celebrates the significant milestone in UAE’s history, as it witnessed outstanding development in all regions, with a noble yet extraordinary journey in human and nation building. Basically, United Arab Emirates (UAE), a nation shaped by values, sacrifice, and propelled by innovation and inclusiveness, was declared an independent, sovereign, and federal state on 2 December, 1971 and was established by its founding Sheikhs; UAE comprises seven emirates: Abu Dhabi, Dubai, Sharjah, Ras Al Khaimah, Ajman, Umm Al Quwain, and Fujairah. The September/October issue of PLEASURES Magazine is dedicated to celebrating this remarkable journey and incredible growth of the UAE and its people. “Via these pages, we hope the world would learn more about the history of the United Arab Emirates and be inspired by its founding father Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan’s tutelage and legacy of tolerance and understanding between cultures. Sheikh Nahyan’s work thrives everywhere as recorded in the prosperity of the nation, educational development and myriads of business opportunities, and above all, the sustainability of its diverse culture and spirit of brotherhood among all. “On this auspicious occasion, we are also delighted to share with you an incredible collection of UAE photography (past and present), its breathtaking natural beauty and elegance to its ultra-modern, unique architecture, and fascinating history. We truly believe you will want to view these stunning images again and again,” says Adedotun Olaoluwa, President of Dotmount Communications, publishers of PLEASURES Magazine. Legacy of a nation A voyage back in time, reminiscing on the nation’s past and how far it has come. In the past 50 years, the people of the UAE have experienced so many moments and cherished so many memories. Also featured in this edition is the CEO of Octo5 Holdings, a Lagos-based real estate firm. Babajide Odusolu speaks with PLEASURES Magazine about the growth of Octo5 Holdings and what the future holds for the real estate industry in Nigeria. Also, a peep at One57, a luxury living located in the heart of New York, and the latest collections from Boucheron. The French luxury watches and jewellery house headed by Hélène Poulit-Duquesne is one of the most iconic top jewelry brands in the world. Also, our property team explores some of the most desirable properties and luxe interiors from the UAE, UK, US, and beyond. Our travel writers further serve you with some incredibly tempting locations, from the spectacular slopes of Maldives, Switzerland, to the luxury beachfront collection of properties in Zaya Nurai Island. Available in print and digital, for front door delivery, click here (https://bit.ly/3zR2eHC and https://bit.ly/2WXLXCD). Or call +234 902 598 0912 in Nigeria, +233 24 853 5560 in Ghana, +27 63 515 5148 in South Africa, +44 7466 634 694 in the UK, +41 78 955 84 48 in Switzerland and +971 56 826 3211 in Dubai or click here (http://bit.ly/2XidTLM). Also available on Amazon within the United States, as well as U.S. protectorates, including Puerto Rico, U.S. Virgin Islands, Guam, American Samoa, Marshall Islands, Northern Mariana Islands, Palau, and the Federated States of Micronesia. Call Afia Christy on +1 (347) 839-8872. SOURCE Pleasures Magazine Qaran News
-
Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa lagu wada in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo liiska Musharixiinta Aqalka sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle ku matali doona Baarlamaanka 11-aad. Cali Guudlaawe ayaa muddooyinkii u dambeyay kulama siyaasadeed la qaadanayay siyaasiyiinta Hirshabeelle. Liiskaan ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa hareeyay muran fara badan, kaas oo beelaha kuraasta isla leh iyo siyaasiyiinta qaar ay dood ka dhex taagneyd. Hirshabeelle ayaa ah maamulka keliya ee aan weli guda galin howlaha doorashooyinka Aqalka sare, iyadoo dhamaan maamulada dalka ay soo bilaabeen doorashada Aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE African countries to speak in one voice at UN food summit The Summit will focus the discussions on game-changing solutions to transform food systems across the globe in order to achieve all the 17 SDGs of Agenda 2030 ADDIS ABABA, Ethiopia, September 7, 2021/ — The Economic Commission for Africa (ECA), in partnership with the African Union Commission (AUC) and the Africa Union Development Agency (AUDA), is spearheading the conversation that will ensure that African countries speak in one voice at the upcoming United Nations Food Systems Summit (UNFSS) UNFSS will be convened by the UN Secretary-General on September 23 in New York to expedite achievement of the Sustainable Development Goals through game-changing solutions to address food insecurity and build resilience to vulnerabilities and shocks. Vera Songwe, the United Nations Under-Secretary-General and ECA Executive Secretary said the Summit will focus the discussions on game-changing solutions to transform food systems across the globe in order to achieve all the 17 SDGs of Agenda 2030. “In the African context, food systems transformation will help the continent to also achieve all the goals of Africa’s Agenda 2063,” said Songwe. ECA has worked closely with AUC and AUDA between March and July 2021 to further refine Africa’s common position for the UNFSS and has helped to define the process that has led to the endorsement of Africa’s common position at an extraordinary session of the African Union Specialized Technical Committee (STC) on Agriculture, Rural Development, Water and Environment. Africa’s common position builds on the outcomes of the Regional Dialogue on African Food Systems, which was organized by ECA, in close partnership with some of Africa’s major partners and stakeholders in agriculture and food systems. The event, convened within the auspices of the 7th Africa Regional Forum for Sustainable Development, featured high-level technical and policy sessions and was successful in identifying needs, drivers and game-changers for accelerating African food systems transformation. Feedback and inputs were garnered to revise the background document for the Regional Dialogue. Africa’s common position was communicated during the pre-summit event that took place on 26-28 July 2021. It is also expected that Africa’s common position will be voiced out during the UNFSS through the voice of the current President of the African Union. It is expected that the momentum to be created by the UNFSS will result in mobilizing and galvanizing support for the implementation of the identified priorities within the context of Agenda 2063, CAADP Malabo declaration, the Africa Continental Free Trade Agreement (AfCFTA), and other continental frameworks that have the consensus of AU Member States. Within the African context, Ms Songwe said food security in Africa will require essential interventions that include increased investment in research and extension to improve yields, especially of nutritious foods, and to diffuse the adoption of modern technologies, including digitalization and mechanization. “Policies and interventions throughout the food system will be needed to raise yields, lower transaction costs, promote nutritious foods, and reduce health and environmental costs,” Songwe noted. “A common vision, strong political leadership and effective cross-sectoral collaboration, intensively involving the private sector, are essential to identify and implement sustainable solutions to transform food systems for healthy, affordable diets.” Joan Kagwanja, Chief of the Agriculture &, Business Enabling Environment Section (ABEE) says Africans will together seek to address the issues of climate change and food insecurity on the continent at the UNFSS Summit. She said African farming systems are dominated by small-scale family farms due to low diversification; low access to productivity-enhancing inputs, finance, extension, infrastructure, insecure land tenure significantly hindering investments. Ms Kagwanja said 75% of African population cannot afford a “healthy” diet, and more than half cannot afford a “nutrient adequate” diet. This is because African food systems cannot produce food at affordable prices, in addition to dominated low purchasing power income. “The challenges of African food systems include the rise of African middle class, rapid urbanization, which causing shift in food demand; rising competition over African farmland & climate change,” she said. “Increase in food production does not match population growth as there is a widening gap between production and the attendant consumption.” She said the private sector, a key player in addressing the challenges of African food systems, had invested $19 million in agricultural technology in Africa (2016-2019), and agri-tech startups grew by 110%. The ABEE Chief noted that to address the challenges of food insecurity, countries need to turn COVID-19 challenge into an opportunity by shifting from business-as-usual and adopt holistic, multi-sectoral approaches and systems thinking with special focus on building resilience. “African countries need to consider Africa’s peculiarities in designing strategies and plans including recurrent and heightened climate variability, wide-spread land degradation, natural disasters and conflicts,” said Ms Kagwanja. Young people, she said, should be supported to engage in innovative approaches that make food systems attractive for youth engagement. Women should be empowered to end the productivity gap along food value chain, including in enhancing land access and tenure. The UNFSS will be held virtually during the UN General Assembly in New York. The agenda for the Summit include a statement of action from the UN Secretary-General, compendium of the Summit’s two-year preparations, National dialogues, and pathways for food systems to deliver the Sustainable Development Goals (SDGs) by 2030, Coalitions cutting across the five action tracks and incorporating the four levers of change around key areas, a follow-up and review process supported by the UN and its agencies. The UNFSS addresses the sustainable development value of voluntary sustainability standards by pooling resources, synchronizing efforts, and assuring policy coherence, coordination, and collaboration among United Nations agencies. SOURCE United Nations Economic Qaran News
-
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta kulan hadhimo sharafeed ah u sameeyey Guddida qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga ee muddaysan in uu qabsoomo 30-ka iyo 31-ka bisha October 2021. Kulankan oo isugu jiray is xogwareysi iyo dardaaran waxa uu Guddoomiyaha iyo Hoggaanka sare Xisbiguba siiyeen guddida talada iyo tilmaamaha ku aaddan hawlaha loo igmaday ee agaasinka Shirweynaha iyo sidii ay hawlahooda si habsami ah ugu dardargelin lahaayeen. Guddoomiyaha waxa kulanka ku wehelinayay Xubnaha sare ee Hoggaanka Xisbiga oo dhammaantood Guddida qaban qaabada shirweynaha kula dardaarmay in ay si xilkasnimo iyo hufnaan leh u gutaan hawsha Xisbigu u igmaday. Source