Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,311
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliyaha Sirdoonka Somalia Fahad Yassin oo jawaab adag siiyey Ra’iisul Wasaare Rooble “Akhriso warqadda uu u diray” Qaran News
  2. Madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hor yimid xil ka qaadis Ra’iisul wasaaraha dalka uu ku sameyay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin. Farmaajo ayaa wareegte uu soo saaray ku sheegay in ay sharciga Baalmarsan tahay xil ka qaadista Fahad, waxa uuna Amray in uu shaqadiisa sii wato. Hoos ka akhriso Wareegtada Farmaajo MADAXWEYNE FARMAAJO OO FARAY MUDANE FAHAD YAASIIN IN UU SII WADO HOGGAAMINTA HAY’ADDA SIRDOONKA IYO NABADDA SUGIDDA QARANKA Sibteembar 06, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsan shaqo ka joojinta Taliyaha HNSQ iyo magacaabista Taliye Kumeel Gaar ah; Markii uu arkay; qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, uuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida; Markii uu arkay; qodobada 97-aad iyo 100 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee JFS oo hagaya awoodaha Laanta Fulinta iyo Xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xilka-qaadista Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ku eg talo-soojedin iyo fulinta howlaha horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyada isagoo dareensan muhiimadda ay amniga dalka u leedahay hay’adda Nabad Sugidda iyo kaalinta ay kaga jirto ka hortagga khataraha argagaxisadu ku hayaan Soomaaliya iyo saaxibbada caalamkaba; Madaxweynaha JFS oo ilaalinaya masuuliyadda ka saaran joojinta tillaabo kasta oo dhiirrigelin u noqon karta kooxaha arrgaxisada, wiiqaysana sumcadda iyo kaalinta shaqo ee laamaha amniga. Wuxuu soo saaray qodobadan; 1. Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka. 2. Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay. 3. Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa la farayaa in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka. 4. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka. DHAMMAAD Source: goobjoog.com
  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxa uuna si KMG ah Agaasimaha guud ee NISA ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac. Ra’isul wasaaraha ayaa faray xeelilaalinta ciidamada qalabka sida in ay baaris rasmi ah ku samayso kiiska ikraan tahliil kadibna ay horgeeyaan maxakamadaha. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo wareysi siiyey warbaahinta Hanoolaato, ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil oo lagu waayey gacanta Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Waare ayaa sheegay in tan markii kooxda Nabad iyo Nolol ay la wareegtay taliska Soomaaliya la waayey dad badan oo uu sheegay inay ugu dambeysay Ikraan Tahliil, taasoo kiiskeeda laga ogaaday muuqaalo ay duubtay Kaamiroyinka qarsoon ee CCTV. Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa ku baaqay in si dhab ah loo fiiriyo dhacdooyinka joogtada ah ee ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan dad badan oo maqan ama la dilay oo dhinacyo kale dusha loo saaray. Wuxuu sheegay in cabsida ugu weyn ee Soomaaliya ka jirto islamarkaana uu sida weyn uga cabsanayo ay tahay in qofkii lala baxo aan dib dambe loo arag, taasi oo uu ku sheegay inay halis ku tahay dalka iyo dadka. “Qof weliba gacanta ayuu dhabanka saartay, waxa ugu weyn ee laga cabsanayo waa in guryaha la iska baxo, Kiisaska waddankaan ka dhacay waxa ay Ikraan uga duwan tahay waa dumar dhalinyaro ah oo hadda soo baxday,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare. Waare ayaa dalbaday in cadaaladda loo sinaado, islamarkaana la helo isla xisaabtan dhab ah si meesha looga saaro cabsida weyn ee soo wajahday ummadda Soomaaliyeed. Hadalka kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa kusoo aadayo xilli Hey’adda NISA ay sheegtay Jimcihii in Ikraan Tahliil ay dishay kooxda Al-Shabaab inkastoo ay kooxdana iska diiday eeda loo soo jeediyey. The post Waare oo shaaca ka qaaday dad kale oo u maqan sida Ikraan Tahliil Faarax oo kale appeared first on Caasimada Online.
  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka SoomaaliyaMaxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku meel gaar ah Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ugu magacaabay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo hadda ahaa Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed. Gen. Bashiir Goobe Rooble ayaa faray Fahad Yaasiin in uu muddo saddex berri ah xilka ku wareejiyo Agaasimaha ku meel gaarka ah ee la magacaabay. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida in baaris rasmi ah oo dhameystiran ku sameeyo kiiska Ikraan Tahliil, kadibna u gudbiyo maxkamad sharci ah oo awood u leh. Shaqo joojinta Fahad Yaasiin ayaa timid kadib markii uu codsaday in uu warbixinta kiiska Ikraan ee Ra’iisul Wasaare Rooble faray uu ka hor akhriyo Golaha Amniga Qaranka. PUNTLAND POST The post Fahad Yaasiin oo shaqo joojin lagu sameeyay iyo Bishiir Goobe oo KMG loogu magacaay NISA appeared first on Puntland Post.
  6. Mogadishu (HOL) - Somalia's Prime Minister, Mohamed Hussein Roble, has sacked Fahad Yasin, Director General of the National Security and Intelligence Agency (NISA), on Sunday and has appointed Bashir Mohamed Gobe as the agency's interim director. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilkan ugu magacaabay taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliya Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”. Bashiir Goobe ayaa sidoo kale ahaa taliyaha NISA, intii u dhaxeysay 2013 illaa 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh. Rooble ayaa Fahad ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah, oo ka billaabata marka uu warqadda saxiixo Rooble, uu xilka ugu wareejiyo Bashiir Goobe. Rooble ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay inuu shaq ka-joojinta Fahad u adeegsaday qodobka 13-aad ee dastuurka oo ka hadlaya xaqa nolosha, taas oo loo fasiran karo inuu ku eedeynayo dilka Ikraan Tahliil Faarax. Wuxuu sidoo kale adeegsaya qodobka 127-aad ee dastuurka ee ka hadlaya inay ciidamada dhex-dhexaad ka noqdaan siyaasadda, wuxuuna sheegay in Fahad u uku milmay siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Rooble ayaa dhanka kale xusay warqaddii uu Fahad soo saaray habeenkii Isniinti ee uu ka madax-adeegay amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa inuu warbixin buuxda uga soo gudbiyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, muddo 48-saac gudaheed ah. Warqadaas ayuu Fahad kaga dalbaday Rooble in la fariisiyo Golaha Amniga Qaranka, si uu warbixin uga siiyo arrinta Ikraan, taasi oo dad badan ay ku macneeyeen amar-diido Fahad ugu sheegay Ra’iisul Wasaaraha inaanu warbixin siin doonin. Golaha Amniga Qaranka waxaa ku jira madaxweyne Farmaajo, Rooble, Taliyayaasha Ciidamada, Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo madaxda goboleedyada. Muddada 48-saac ah ee uu Rooble u qabtay Fahad inuu ku keeno warbixinta kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxa ay ku ekeyd qiyaastii 7:00pm ee xilliga Muqdisho. Dadka fallanqeeya siyaasadda iyo amniga ayaa si kastaba rumeysnaa in Rooble aysan aheyn inuu xilligaas sugo, maadaama warqaddii uu Fahad u diray Rooble ay ku macneeyeen mid uu si toos ah ugula baratamay awoodaha ra’iisul wasaaraha. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray xeer-ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida Cabdullaahi Buulle Kamaay inuu baaris rasmi ah ku sameeyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Hoos ka aqriso warqadda uu Rooble shaqo joojin ugu sameeyey Fahad Yaasiin The post Rooble oo shaqo ka-joojin ku sameeyey Fahad Yaasiin appeared first on Caasimada Online.
  8. Somalia will this week expect a report from a team appointed by Prime Minister Hussein Roble to investigate circumstances under which seven people were killed in a raid by African Union Mission forces in Somalia (Amisom). Source: Hiiraan Online
  9. Somalia's electoral body has again delayed the start of indirect parliamentary and presidential elections which were due to start in September and October respectively. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa ra’iisul wasaare Rooble u diray warqad jawaab ah kadib markii uu ka dalbaday warbixin buuxda oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax inuu kusoo gudbiyo 48 saac gudahood. Hase yeeshee, warqadda Fahad Yaasiin ayaa bixisay macno ka weyn jawaabta laga sugayey, waxayna si cad u muujisay in Fahad uu waxba kama jiraan kasoo qaaday Rooble iyo amarkiisa, una sheegay in talada amniga dalka aanu isagu laheyn. Warqaddan waxaa ka muuqda dhowr diidmo, xaqiraado, amar-diido iyo awoodo la wareejiyey. Diidmada 48-ka saac Markii uu Fahad dalbaday in guddiga amniga qaranka la shirayo, wuxuu si cad ugu sheegay Rooble inaanu warbixin ku siin karin 48 saac gudahood, oo xilliga ay warqadda soo baxday ay ka harsaneyd qiyaastii 24 saac. Dalbashada kulanka guddiga amniga qaranka, waxay ka dhigan tahay in Fahad uu waqtiga dheereystay, ayada oo ay adag tahay in kulanka guddigan, oo aa shirin muddo sanad ah lagu qaban-qaabiyo 24 saac gudahood. Diidmada Rooble Fahad ayaa qoraalkiisa ku yiri “Waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan khuseyso.” Jumladdaas waxa uu macnaheedu yahay in Fahad uu diiday inuu warbixin siiyo Rooble, taa beddelkeedna uu dooanyo inuu siiyo guddiga amniga qaranka, haddiiba ay sidaas dhab ka tahay. Xaqiraadda Rooble Fahad ayaa si dadban ugu sheegay Rooble inuusan laheyn mas’uuliyadda amniga qaranka, waxaana laga garan karaa qeyb kale oo warqadda ka mid ah, oo uu ku yiri “Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranku waxay codsi rasmi ah u dirtay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadama uu yahay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida.” Jumladdaas wuxuu Fahad ugu sheegay Rooble in muddo xileedkiisu dhammaaday, isagoo ku calaameynaya “guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida,” xilli amniga qaranka dalka uu mas’uul ka yahay Farmaajo oo horey amniga dalka ugu wareejiyey Rooble. Maxaa u baahan inaan ogaanno? Qoraalka Fahad ayaa u muuqda xeelad kale oo awoodda dalka dib loogu celinayo Farmaajo, oo uu muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhamaaday, mas’uuliyadda amniga dalkana meel fagaare ah ugu wareejiyey Rooble. Golaha Amniga Qaranka ee fahdiggoodu uu dalbaday Fahad, muddo ka badan wax shir ah isuguma iman, waxayna tani u muuqata waqti dheereysi iyo ila-meereyso cusub oo kiiska Ikraan lagu xagal daacinayo. Warqadda Fahad uu u diray Rooble ee ogta lagu siiyey guddoomiyaha baarlamanka Maxamad Mursal, oo aan Golaha Amniga ka tirsanayn, waxaa loo arkaa hajnabaad mooshin oo loo jeediyey Rooble. Rooble iyo Fahad midbaa haraya Tallaabada uu qaaday Fahad, waxay ka dhigan tahay in Rooble iyo isaga aysan sii wada heyn karin labada xil ee ay ku kala fadhiyaan ee taliyaha NISA iyo ra’iisul wasaaraha dalka. Haddii Fahad uu ku guuleysto in Rooble uusan wax tallaabo ah qaadin kadib 48-ka saac, islamarkaana isku keeno Golaha Amniga Qaran, waxay ka dhiggan tahay inuu ka adkaaday Rooble, oo uu yahay awoodda ugu sarreysa dalka, sida la rumeysnaa markii horeba. Rooble waxaa hadda horyaalla su’aal ah; sidaas inay dhacdo miyuu ogolaan doonaa, mise wuxuu qaadayaa tallaabo ka dhan ah Fahad, taasi oo haddii uu ku dhaqaaqo ka dhigan in awoodda ugu sarreysay dalka uu leeyahay. The post Fahad vs Rooble: Maxaan ka fahannay warqaddii lagu xaqiray Rooble? appeared first on Caasimada Online.
  11. Agaasimaha Taliska NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir ayaa jawaab ka bixiyay amar uga yimid ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble . Rooble oo xalay 48- saacadood u qabtay Fahad Yaasin si uu jawaab uga soo bixiyo kiiska Ikraan Tahliil ayaa loogu soo jawaabay in uu qabto shir ay isugu yimaadaan Golaha Ammniga Qaranka. Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay in uu doonayo in uu ka bad baado qorshaha Rooble ayaa Ra’iisul wasaaraha ka dalbaday in shir la isugu keeno golaha Amniga qaranka oo aan kulmin muddo sanado ah. Agaasimaha NISA, ayaa war qad uu soo saaray ku sheegay si uu warbixin uga bixiyo kiiska Ikraan loo baahan yahay in kulan la isugu keeno Golaha Amniga Qaranka. Warqadda ka soo baxday NISA ayaa la rumeysan yahay in ay fursad kale ay siineyso Madaxweynaha Waqtigiisa uu dhamaaday taas oo uu markale talada iyo go’aanada dalka ku hogaamiyo kadib markii uu ku wareejiyay Ra’iisul wasaaraha. Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arimaa Ammaanka iyo siyaasadda ayaa sheegay in Warqadda Fahad Yaasin uu ku doonayo in waqtiga uu ku sii dheereysto maadama wax ka yar 24 saac ay ka dhiman tahay waqtigi loo qabtay. Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay warqad uu Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin uu u diray Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo uu uga dalbanayo in kulan uu shir guddoominayo uu ku soo bandhigo warbixin la xariirta kiiska Ikraan Tahliil, taas oo laga sugayo saacado kooban gudahood. Sidoo kale warqadaan waxaa ogeysiis laga siiyey guddoomiyihii golaha shacabka ee waqtigu ka dhamaaday Maxamed Mursal, kaas oo aan ku jirin golaha amniga Qaranka oo Fahad uu dalbanayo in loo balamiyo si warbixintaas uu uga hor jeediyo. Golaha Amniga Qaranka oo aan hadda jirin ayaa ka koobnaa Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, waxaana mar uu shiro u dambeysay sanadkii 2018-kii, xilligaas oo xubnihii golahaas ay shirkoodii ugu dambeeyey ku yeesheen magaalada Baydhaba. Qoraalka Fahad ayaa u muuqda in awoodda dalka dib loogu celinayo Farmaajo, oo uu muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhamaaday, mas’uuliyadda amniga dalkana meel fagaare ah ugu wareejiyey Rooble. Hoos ka aqriso warqadda uu Fahad u diray Farmaajo Hay adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka XTC/HSNQLD/013/21 September 05, 2021 KU: – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Md. Maxamed Cabddulaahi Farmaajo OG:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya. Md. Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan. OG:- Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Md. Maxamed Xuseen Rooble OG:- Wasiirka Amniga Gudaha. Md. Xasan Xundubeey Jimcaale Ujeedo: – Codsi Soo Jeedin Warbixin Amni. Mudane Madaxweyne, naga guddoon salaam qadarin ku dheehantahay. Anagoo garawsan marxaladda muhiimka ah ee uu wadanku marayo, hadana fulinayna amarka Raysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaailya, xeerinayna xaq u lahaanshaha Hay’adaha kala duwan ee ka midka ah Golaha Amniga Qaranka, kiisaska iyo warbixinada xasaasiga ah ee taabanaya amniga qaranka, tixgelinayna xasaasiyadda kiiska sarkaalad Ikraan Tahlil iyo Jihooyinka kala duwan ee ay taabanayso, waxaan si xushmad iyo sharafi ku dheehan tahay kaaga codsanaynaa inaad naga ogalaato inaan warbixinta kiiska Sarkaaladaas, ku soo bandhigno shirka Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan. Waxaana diyaar u nahay jeedinta warbixintan taariikhda loo xadido inuu dhaco kulankaas. Waxaan rajaynayaa inaad naga aqbasho codsigeena. Mahadsanid FAHAD YAASIIN AGAASIMAHA GUUD EE NISA The post Maxaa ku qornaa warqaddii uu Fahad u diray Farmaajo? – Aqriso appeared first on Caasimada Online.
  13. Fathia Absie, the Somali-American journalist, activist and YouTuber, last month stirred a hornet’s nest when she argued that a husband could be committing rape if he slept with his wife without her consent. To some clerics, her intervention smacks of “promotion of marital values alien to the Somali culture.” Describing a facet of conjugal intimacy as rape in a country where rapists benefit from a pact from the political system and traditional leaders is a stretch. Absie occasionally defends the Somaliland government, but accuses activists such Abdulmalik Oldon of “waging a war against education of girls.” Oldon is in jail for calling to attention a tweet by the Lagos-based Elevation Church to which pastor Joy Isa, the President of Barwaaqo University” belongs. The tweet described Joy’s presence in Hargeisa as a missionary endeavour. The church had had to retract the tweet. Fathia Absiye’s activism animates the Somali debating scene. A photo of Absie posing with Joy was malevolently shared on social media networks to allege that the Absie “is involved in proselytisation”. Absie’s detractors missed the opportunity to defend her against calumny and character assassination. There is a moral void in the Somali debating culture. Why does a mere difference of opinion lead to mutual character assassination? Why do clerics fail to understand the complexity of certain issues that call for political, sociological and theological discussions? On her part Absie took criticisms personally. She believes that she leads a campaign to protect women’s rights against Somali sexual predators and misogynists. In one of her YouTube viewpoints, Absie has singled out Sheikh Dirir for harsh criticism. At a recent major conference for Somali religious educators held in Hargeisa, Sheikh Dirir was asked to share one of the most bizarre cases he had had to resolve. “A woman has come to me to complain about her husband, whom she accused of fondling their daughter.” Sheikh Dirir told the audience. He said that the case reflected the extent to which people have become irreligious. “I have resolved the case” he added. “Some women have told me that they no longer revere Sheikh Dirir” Absie said in an attempt to portray the Sheikh as a person who condones incest. Absie should not be insulting the intelligence of her viewers. Sheikh Dirir should not have shared the case with the public without the permission of the family in question. What can prevent the father from carrying on with the alleged incestuous attention towards his daughter? Getting clerics involved in sensitive marital cases shows the need for professional and culture-specific marriage counselling. Marriage counsellors can help a family cope with a traumatic experience such as incest. Mixed bag activism Absie has a YouTube channel, and has interviewed several women who had shared traumatic experiences. The stories of two women stand out. One woman shared her tribulations dating back to the late 1980s. She was kidnapped by several militia men in refugee camp in Ethiopia to have her forcibly married off to a man whose advances she had rejected. At one evening, several men who said their evening prayers, had tried to manhandle her to help the man sleep with her by force. “I have never accepted the engagement proceedings officiated by a Sheikh,” she told Absie. A kind man who owned a lorry helped her escape to the refugee camp where, even some of her relatives, had said that “I was happy to elope with the man.” The woman, 18 years at the time of kidnapping, was the breadwinner of her family, following the murder of her father by the Somali government forces. Another woman, based in Germany, shared the story of a twelve-year girl, who was raped and impregnated by her uncle at a village near Hargeisa. “The family of the rapist has a history of rape and incest,” the woman said. The girl gave birth to a daughter currently being looked after by a couple who use her as a means to get sympathy from people they ask for financial help. “It is common in Somaliland that the honour of the clan or subclan is more important than the rights of a girl or woman. Not all members of the subclan are good people. If one person misbehaves, he or she should take responsibility,” said the woman, who is raising money to have the baby daughter reunited with her child mother. “The couple is asking for $5,000 to release the baby daughter so that the child mother can look after her” added the woman. The hybrid political system of Somaliland has matured at the expense of women’s rights. Almost all rape cases get resolved out of court. “Elders from the rapist’s subclan and the victim’s subclan come to the police station to demand the release of the suspect on grounds that the two sides have resolved the issue through traditional adjudication” said a senior Somaliland police officer. “It is not uncommon that rape victims are married off to rapists,” the officer added. Fathia Absie deserves credit for her activism. She needs to exercise caution to avoid generalisation or being seen as the purveyor of practices from a third, foreign party engaged in a culture war. Adan M. Dawad © Puntland Post, 2021 The post Fathia Absie and Somaliland’s Hybrid Political System appeared first on Puntland Post.
  14. The fate of Guinea's President Alpha Condé is unclear after an unverified video showed him surrounded by soldiers, who said they had seized power. Source: Hiiraan Online
  15. MOGADISHU (HOL) - Somali intelligence chief has called on President Mohamed Farmaajo to convene a National Security Council meeting so that he can divulge information surrounding the murder of a female spy agent supposedly turning down a 48-hour ultimatum by Prime Minister Mohamed Roble. Source: Hiiraan Online
  16. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ay dileen Al-shabaab Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa codsaday in warbixinta uu dalbaday Ra’iisul Wasaare Rooble ee kiiska Ikraan Tahliil uu ka horjeediyo shir ay ku wada dhanyihiin Golaha Amniga Qaranka. Fahad Yaasiin oo warqad qoraal ah maanta ku diray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa yiri “anagoo fulinayna amarkaaga, maanakana ku hayna xasaasiyadda kiiska sarkaal Ikraan Taliil oo noqotay mid heer qaran, gudanayana waajibka naga saaran amniga qaranka, fahansanna in dhacdadaan ay si toosa iyo si dadban u quseyso xafiisyo iyo hay’ado kale duwan oo dowladda ka wada tirsan, xaqna u leh inay ogaadaan xaqiiqda dhacdadaan iyo xogta ay xambaarsan tahay warbixitaan aad naga dalbatay, ayaan waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan quseyso”. “Si taasi ay u fusho, Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, waxay codsi rasmi ah u dirtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadaama uu yahay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida” ayuu qoraalka raaciyay. Fahad Yaasiin ayaa qoraalka uu u diray Rooble ku soo gabagabeeyay “Mudane Ra’iisul Wasaare waxaan ku kalsoonahay in aan la wadaagayno Golaha warbixinta buuxda oo daaha u furaysa xaqiidada, halkaasna lagu gaaro go’aan taabanaya dhamaan hay’adaha uu quseeyo kiiskan” PUNTLAND POST The post Fahad Yaasiin oo u jawaabay Rooble appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray aad ugu naqdiyey codsigii Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin uu u diray Ra’iisul wasaare Rooble ee ahaa in warbixinta kiiska Ikraan Tahliil ay NISA ku soo bandhigto kulan ay yeeshaan guddiga amniga Qaranka oo Farmaajo uu shir guddoon ka yahay. Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka kooban lix qodob ayaa seddax qodob lagu naqdiyey codsiga Fahad, seddaxna qodobna talo loogu jeediyey Ra’iisul wasaare Rooble. Hoos ka akhriso qoraalka CC Shakuur Qoraalka uu soo qoray Fahad Yaasiin, Farmaajana la ogyahay nuxur sharci iyo mid dawladeed midkoodna ka maran, waana:- 1- Xaqiraad (contempt) iyo xagal daacin lagu sameeyey go’aankii Raysalwasaare Rooble. 2- Waa farsamo kale oo awooda dib loogu celinayo Farmaajo oo uu muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhamaaday, masuuliyada amniga dalkana meel fagaare ah Raysalwasaaraha kula wareejiyey. 3- Gole Amni Qaran meel iskuma sheego, shirna sanado iskuguma imaanin, ogta la siiyey Maxamad Mursal oo aan Golaha Amniga ka tirsanayna waa hanjabaad loo jeedinayo RW Rooble. Haddaba maxaa Raysalwasaare Rooble la gudboon 1- Maadaama uu Fahad Yaasiin amarkiisii diiday, si toos ahna isku dhirririyey, waa in uu tilaabtii uu qaadi lahaa la sugin inta ka dhiman 48 saac. 2- In dhamaan dadkii kiiska ku lug lahaa tilaab laga qaado, lana xanibo. 3- In Guddi uu madax u yahay shakhsi khibrad iyo hufnaan leh loo magacaaba baarista kiiskan. Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, gaar ahaan kuwo Muqdisho waa in aan xaqa ku garab istaagnaa Raysalwasaare Rooble, kana hortagnaa rajiimka fidno huriska ah ee gabalkiisu dhacay. The post CC Shakuur oo 3 macno ka bixiyey warqadda uu Fahad Yaasiin u diray R/W Rooble appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin, oo Muqdisho dib ugu soo laabtay, ayaa ka jawaabay amarkii ra’iisul wasaare Rooble uu uga dalbaday warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Rooble ayaa shalay sheegay inuusan ka qancin sheegashada NISA ee ah in Al-Shabaab ay dileen Ikraan, oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda NISA, wuxuuna dalbaday inay 48 gudahood ay madaxda NISA kusoo gudbiyaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan kiiskan. Warqad uu Fahad u diray Rooble, oo ay heshay Caasimada Online, ayuu dalbaday in la fariisiyo guddiga amniga qaranka, si uu warbixin uga siiyo arrintan. Golahan waxaa ku jira madaxweyne Farmaajo, Rooble, Taliyayaasha Ciidamada, Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo madaxda goboleedyada. Fahad ayaa warqadda uu u diray Rooble ku yiri “Anagoo fulinayna amarkaaga, maanakana ku hayna xasaasiyadda kiiska sarkaal Ikraan Tahliil oo noqotay mid heer qaran, gudanayna waajibka naga saaran amniga qaranka, fahansanna in dhacdadaan ay si toosa iyo si dadban u khuseyso xafiisyo iyo hay’ado kale duwan oo dowladda ka wada tirsan, xaqna u leh inay ogaadaan xaqiiqda dhacdadaan iyo xogta ay xambaarsan tahay warbixitaan aad naga dalbatay, ayaan waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan khuseyso.” “Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranku waxay codsi rasmi ah u dirtay madaxweynaha inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadama uu yahay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida,” ayuu yiri Fahad. Ma cadda sababta Fahad u diiday inuu warbixinta siiyo Rooble, waxaase suurta-gal ah inay tahay qorshe uu xubnaha kale ee guddiga amniga qaranka kaga raadinayo taageero iyo inay ku qancaan warbixinta, taasi oo gees u riixi karta Rooble. La-taliyihii hore ee amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa arrintan ku macneeyey ila-meereyso cusub, oo uu Fahad ku doonayo inuu khilaaf uga dhex-abuuro dowladda. Waxa uu sidoo kale sheegay in laga yaabo in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay isla ogyihiin qorshaha fariisinta guddiga. Hoos ka aqriso warqadda Fahad The post Fahad Yaasiin oo u jawaabay Ra’iisul Wasaare ROOBLE (Aqriso warqadda uu u diray) appeared first on Caasimada Online.
  19. Conakry (Caasimada Online) – Cutub ka mid ah ciidamada xulka ee dalka ku yaalla galbeedka Afrika ee Guinea ayaa ku dhaqaaqay afgambi, ayaga oo sheegay inay gacanta ku dhigeen madaxweyne Alpha Conde, islamarkaana ay kala direen dowladdii. Askari aan la aqoonsan oo hugan calanka Guinea, islamarkaana ay ku hareereysan yihiin sideed askari oo kale, ayaa taleefishinka dowladda ka sheegay inay qorsheynayaan inay dhisaan dowlad ku-meel gaar ah, ayna faah-fahain dheeri bixin doonaan goor dambe. “Waxaan go’aansanay in kadib markii aan gacanta ku dhignay madaxweynaha inaan baabi’ino dowladda,” ayuu yiri askariga. Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in xuduudaha dhulka iyo cirka ee Guinea la xiray. Hase yeeshee xaaladda dhabta ah ayaan weli kala caddeyn, ayada oo dowladda Conde ay sii deysay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in “la iska caabiyey,” weerar ay madaxtooyada kusoo qaadeen ciidamada gaarka ah ee dalka. Rasaas culus ayaa subaxnimadii Axadda ka qaraxday meel u dhow madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Conakry, ayada oo il-wareedyo dhowr ah ay sheegeen in cutub ka mid ah ciidamada xulka ee dalkaas, oo uu hoggaaminayo Mamady Doumbouya oo horey uga tirsanaa ciidamada Faransiiska ay ka dambeeyaan xasillooni darrada. Conde ayaa markii ugu horreysay xukunka qabtay 2010, kadib markii dalkaas ay ka dhacday doorashadii ugu horreysay ee dimoqraadi ah, tan iyo markii uu madax-banaanida ka qaatay Faransiiska, 1958-kii. Dad badan ayaa madaxweynenimadiisa u arkay bilow cusub oo uu yeeshay, dalka oo ay hareeyeen tobaneeyo sano oo musuq-maasuq iyo xukun kali-talis ah. Si kastaba, mucaaradka ayaa sheegay inuu ku guul-darreystay inuu horumariyo nolosha shacabka, oo badankood ah ku nool saboolnimo, xilli dalka uu hodan ku yahay kheyraad badan oo macdanta iyo dahabka ay ka mid yihiin. Conde ayaa 2011-kii wuxuu si dirqi ah uga baxsaday isku day lagu khaarijin lahaa kadib markii dabley ay hareereeyeen gurigiisa xilli habeen ah, kuna dhufteen gantaallo. Sidoo kale bam lagu tuuray guriga ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa. The post DEG DEG: ‘Afgambi militari oo ka dhacay’ mid ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika appeared first on Caasimada Online.
  20. Ugu yaraan inta la xaqiijiyay Laba qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii ay rasaas fureen ciidamada dowladda kuwaas oo ku sugna afaafka hore ee Madaxtooyada Guinea. Ciidamada militeriga ayaa xukunka ka tuuray madaxweynaha dalkaas Alpha Conde, kadib Afgambi ay kula wareegen talada dalka. Afaafka hore ee qasriga madaxtooyada ayaa lagu arkayaa kolonyo gadiidka ciidamada Militeriga ah kuwaas oo hareeyay guriga madaxweynaha. Madaxweyne Alpha Conde, ayaa iminka gacanta ugu jira ciidamada Militeriga, sawira laga soo qaaday ayaana muujinaya madaxweynaha oo ay ku hareereysan yihiin ciidamo hubeysan. Dowladda Soomaaliya ayaa horay xiriirka uu jartay dalkaan kadib markii 2019-kii uu madaxweynaha Somaliland booqasho ku tagay dalkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. *******Falanqayn Kooban: Buugga Hadraawi ee Hawaale Warran******* Buugan waxaa qoray Maxamed Ibrahim Warsame “Hadraawi”—2012. Waxaa tifaftiray Maxamed Saleebaan Cumar—2021. Waxaana daabacday shirkadda Sagaljet oo xafiiskeeda guud ku yaallo magaalada Hargeysa. Wuxuu ka kooban yahay 234 bog iyo lix cutub oo uu u qaybsan yahay. Waxaa loo nashqadeeyay qaab heer sarreysa iyada oo waraaqaha lagu daabacayna ay yihiin qaar indhaha akhristaha soo jiidanaya iyada oo jaldiga iyo sawirka loo doorayna si wacan ugu soo baxayo aqoonta iyo waayo aragnimada uu xambaarsan yahay buuggu. Waxaa kale oo buuga jaldigiisa ku qoran kalmado kooban oo ay ka yidhaahdeen rag waawayn oo Hadraawina garasho dheeri ka dhaxayso buugana si gaara loogu xushay in ay soo akhriyaan, talo ka dhiibtaan kalmad ku habboonna ku darsadaan oo ay ka mid yihiin Rashiid Gadhweyne, Dr Afrax & Abwaan Gammuute. Wuxuu ka kooban yahay lix cutub oo u habaysan qaab isku dhafan oo ah mid taariikheed & mid mawduuceedba. Waxa ay u muuqataa in tifaftiraha iyo odayaasha kale ee buuga qoraalkiisa talada ku lahaa in ay sidan u hormeeyeen. Cutubyada hore waxa ay ka hadlayaan noloshii hore ee Somaalida, dhaqankoodii, dhaqaalahoodii, xoolahoodii, guurkoodii & geeddigoodii nololeed. Cutubka afaraad wuxuu kaga hadlayaa xilligii gumaysiga, magaalogalka, isbadalka ku dhacay bulshada, doodda ku saabsan haweenka, qurbaha, kudaal iyo suudalka dadka Soomaalida. Cutubka shanaad wuxuu kaga hadlayaa Abuurta iyo Iblayska. Cutubkan wuxuu Hadraawi ku lafagurayaa sida ay muhiimka u tahay diinta islaamku, noloshu sida ay ku bilaabantay iyo dagaalka Ibliis ee la kowsaday abuuritaankii Nabi Adam & hooyadeen Xaawa, doorka culimada looga baahan yahay, halka maanta laga taagan yahay ku dhaqanka diinta, Jidkii dayacan oo la qaaday, Ilaah-diidnimada, qofku markuu diinta ka fogaado sida uu noqonayo, saadaasha dunida iyo erey dhaanwade oo uu ku soo xidhayo qaybtan. Cutubka ugu danbeeya oo ah kan ugu dheer wuxuu kaga hadlayaa sidii gumaysigu ku yimi dhulka Somalida, xornimadii & dawladnimadii cusbayd, Doonistii shanta Soomaaliyeed iyo israacii Waqooyi & koonfur, maamul xumadii dawladihii rayidka ahaa & kacaankii askarta, caddaalad darradii & musuqmaasuqii kacaanka, dareenkii dadka reer waqooyiga & cadaadiskii askarta, Suugaantii dareennadaasi keeneen & Siinley/Deelleydii, jabhadihii hubaysnaa iyo ridistii Siyaad Barre IHN, Kala noqoshadii & dib u dhiskii Somaliland, Somaliland iyo aqoonsiga, Xaaladda maanta lagu jiro, dhibaataynta deegaanka/dhirta/xoolaha iyo xayawaanka kale, Dawladnimada iyo ugu danbayn talooyin ku saabsan dalka iyo dadka. Marka aynu u nimaadno qaabka buuggu u qoran yahay waxaad arkaysaa in cutubyada iyo mawduucyada uu qoraagu ka hadlayaa ay qaab isku mid ah raacayaan. Tusaale ahaan cutub kasta wuxuu ku bilaabmayaa hal ku dhigyo loogu dooray si xeeldheeri ku jirto. Waxaanay kala yihiin: 1. “Haddii anshaxu lumo waxa yimaadda jahli sababa in qofku dareenka dadnimadu ka guuro”. 2. “Qofka camalkiisu waxa uu qurux badan yahay marka uu hibo waafaqsan u leeyahay”. 3. “Si nololwadaaggu u fududaado, waa in wax isu ahaani jirto, dadkuna yeesho xeer iyo xadhig wax ka dhexaysiiya”. 4. “Hu’gu qofka waxba uma taro haddii aanu huwanayn hu’ga anshaxa iyo hufnaanta”. 5. “Ibliis halna ma aha, laakiin wixii aan hal ahayn ee marinhabaaba ayuu hannahaybsan ku carraabiyaa”. 6. “Dalka dadka ayaa wax ka dhiga, Dadkana dalka ayaa wax ka dhiga”. Waxaa sidoo kale qoraaga buuggu si farshaxannimo leh uu u adeegsanayaa suugaan kala duwan oo uu markhaati uga dhigayo marba mawduuca uu ka hadlayo kuwaas oo u badan tuducyo ka mid ah maansooyinkiisii iyo gabayadiisii iyaga oo aanay meesha ka maqnayn suugaan uu soo ergisanayo kuwaas oo ay leeyihiin abwaanno kale oo ay ka mid yihiin Qammaan Bulxan IHN, Adan-carab IHN, Ismaaciil Mire IHN, Qaasim IHN, Cabdi-gahayr IHN, Timacadde IHN, Abwaanad Canbaro Iqk. Waxaynu qaybta 2aad kaga hadli doonaa sida buuggan Hawaale warran kuu barayo toban Haddraawi oo ka duwan midka aynu ku naqaannay Abwaannimada kuwaas oo kala ah: Taariikhyahan, Aftahan, Dhaqanyaqaan, Dhulyaqaan, Filoosafar, Aqoonyahan, Hogaamiye, Waayo arag, Xaq u dirir, Diin yaqaan. Waxaynu kale oo si faahfaahsan ugaga hadli doonaa aragtiyaha falsafadeed ee qoraagu halkan ku soo gudbinayo. Waxaynu kale oo eegi doonnaa sida uu nolosha u arko qoraagu iyo doorka qofku ku leeyahay. Waxa aynu sharrixi doonnaa tiirarka ugu waawayn ee qofka Soomaaliga ah lagu qiimeeyo bulshada dhexdeeda. Waxaynu sidoo kale soo bandhigi doonaa murti, maahmaahyo iyo sheekooyin uu qoraagu buugan inagula wadaagay. Waxaynu sidoo kale eegi doonnaa sideebuu Hadraawi u arkaa dawladnimada, Somaliland, reer galbeedka, Ibliiska, diinta, dadka iyo dunida. Waxaynu ku soo gabagabayn doonnaa dhaliilaha buugga, meelaha uu ka gaabiyay iyo wixii talooyin ah ee aynu u soo jeedinayno qoraha buuga iyo tifaftirahaba Insha Allah. ALLAA MAHAD LEH Cabdifataax Rashiid Maxamed Hargeysa, Somaliland cabdifataax.rashid@gmail.com Qaran News
  22. PRESS RELEASE UNESCO awards International Literacy Prizes to Innovative Projects Boosting Literacy in Covid Times The awards will be presented during a virtual International Conference entitled “Literacy for a human-centred recovery: Narrowing the digital divide PARIS, France, September 4, 2021/ — UNESCO has selected six outstanding literacy programmes from Côte d’Ivoire, Egypt, Guatemala, India, Mexico and South Africa as winners of its International Literacy Prizes, awarded on the occasion of International Literacy Day (8 September). During the COVID crisis, these programmes continued to help students learn to read and write through accessible technologies. “These programmes have literally changed the lives of thousands of children, young people, women and marginalised adults. Literacy empowers individuals and it expands people’s capabilities and freedom of choice.” Audrey Azoulay, UNESCO Director General At least 773 million youth and adults globally still cannot read and write, and 250 million children are failing to acquire basic literacy skills. There are more non-literate women than men, and women are also increasingly left behind in the digital environment. This situation is expected to worsen, as COVID-19 school disruptions have caused learning losses. 23.8 million additional children and youth worldwide may drop out or not have access to school in 2021 due to the pandemic’s economic impact alone. The awards will be presented during a virtual International Conference entitled “Literacy for a human-centred recovery: Narrowing the digital divide,” which UNESCO will host on 8 and 9 September. The online event will bring together representatives of governments, development partners, experts and educators to explore how literacy can contribute to building a solid foundation for a human-centred recovery, with a special focus on the interrelation between literacy and the digital skills that half of the world’s population still lacks. A special session focusing on inclusive distance and digital learning will be held with the prizewinners on 9 September(1.30pm to 2.45pm CET). The three awards of the UNESCO King Sejong Literacy Prize for work contributing to mother language-based literacy development, sponsored by the Government of the Republic of Korea, will be awarded to: ‘Broadcasting Bilingual Stories: Promoting interactive literacy programming in rural Guatemala’ of Limitless Horizons Ixil (LHI), Guatemala. LHI is a non-governmental organization that has been working to address gender disparities and improve educational outcomes in Chajul, Guatemala, since 2004. The programme’s objective is to promote literacy through distance learning for Maya Ixil youth, who are at risk of dropping out of school due to the COVID-19 pandemic. The organization develops educational broadcasts providing inclusive digital literacy programming for Maya Ixil children and youth. The programme utilizes accessible technology such as radio and television and provides book-lending and academic support in a community library. ‘Enabling the education of people with disabilities through technology-enabled inclusive learning material, with specific focus on Indian Sign Language based content’ of the National Institute of Open Schooling (NIOS), India. NIOS is an autonomous organization under the Indian Ministry of Education, providing quality education to all through open and distance learning. It is one of the largest open schooling programmes in the world with a cumulative enrolment of millions of learners. Since its establishment in 2016, the programme has focused on the educational needs of persons with disabilities and other minority groups. It offers an inclusive environment, giving learners the flexibility to choose subjects they want to study. Learners are therefore not only able to enhance their academic skills, but can acquire vocational skills through courses of variable length. NIOS uses digital tools and local languages to help persons with disabilities and provides learners with Indian Sign Language-based content. ‘Using digital technologies to promote children’s literature in South Africa’s indigenous languages’ of Puku Children’s Literature Foundation, South Africa. Puku is a non-governmental organization established in 2009 with the objective of promoting reading and book development to help all children, especially those living in the most economically deprived areas, have access to books in all South African languages. The programme conducts workshops and social media activities to train storytellers, writers, teachers, librarians, language practitioners, cultural and literary activists and academics in indigenous language communities, and enable them to teach children. During the COVID-19 pandemic, Puku organized the first ever webinar series in indigenous languages within and between linguistic communities, through radio and social media, to promote the production of book catalogues in all indigenous languages of South Africa. Each of the three UNESCO King Sejong prizewinners will receive a medal, a diploma and a cash prize of US$20.000. The three awards of the UNESCO Confucius Prize for Literacy, for work that contributes to functional literacy, leveraging technological environments, in support of adults in rural areas and out-of-school youth, supported by the Government of the People’s Republic of China, will be given to: ‘Building & Growing’ of Construyendo y Creciendo, Mexico. Founded in 2006, the non-profit organization provides people a second chance to obtain a quality, officially-recognized, and comprehensive education to people with low or no literacy skills, in particular construction workers and their communities. The organization’s mission is to promote literacy, including functional literacy, and support adult education. The ‘Building & Growing’ programme focuses on providing digital and inclusive literacy education at construction sites, and in mobile and distance classrooms, bringing the learning environment to learners. Through academic and personal development, as well as training, the programme tackles economic, social, and psychological barriers to education, and provides crucial digital skills. Experience in organizing online literacy classes for rural areas in Egypt of Ain-Shams University, Egypt. Ain-Shams University was established in 1950, making it the third oldest university in Egypt. The University’s Society Service and Environment Development Department, which works on community development services to poor, marginalized, and needy villages and settlements. The project uses digital technology in literacy training to empower learners in rural areas of Egypt and participates in the National Literacy Project. It provides educational, economic, and social services and uses incentives and training programmes to encourage university students to join the project as literacy teachers. Throughout the COVID-19 crisis, there has been an increased focus on technology and distance learning in the university’s literacy programmes, through the use of printed materials, television, text messages and online platforms such as YouTube. ‘Functional literacy for vendors in Abidjan through the use of ICT’ of the Association of Literacy Teachers Who Use Information and Communications Technology’ (GA-TIC), Côte d’Ivoire. Created in 2017, the non-governmental organization specializes in capacity-building of functional literacy through digital technology for women vendors in Côte d’Ivoire. The objective of the programme is to empower beneficiaries, 95% of whom are women, and help them improve their reading, writing, and arithmetic skills in order to manage their income-generating activities better. Learning was adapted to individual needs in terms of content and timing through hybrid learning modality. Each of the three UNESCO Confucius prizewinners will receive a medal, a diploma and a cash prize of US$30.000. SOURCE United Nations Educational, Scientific and Cultural Organization (UNESCO) Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Khaalid Muxumed Gaabane oo kamid ah Aqoonyahanka beesha Reer Aw-Xasan ayaa si adag uga hadlay afduubka aargudashada ah ee ka billowday magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Khaalid ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in gabadh ay qaraabo yihiin loo afduubtay kiiska Ikraan Tahliil, islamarkaana loo gacan geliyay kooxda Al-Shabaab, ayna dileen, sida uu sheegay. “Bulshada Soomaaliyeed waxaa laga yaaba inay ogyihiin un wiilasha la afduubtay oo media-ha laga soo daayey laakiin labo asbuuc ka hor waxaa ka horeysay gabadh qaraabada ah oo la yiraahdo Anfac Sheekh Xuseen in laga afduubay magaalada Beledweyne oo loo gacan geliyay Al-Shabaab, looguna sheegay inay tahay askariyad ka tirsan ciidamada HirShabelle,” ayuu yiri. “Waxaa eedaas iyo tuhunkaas qabnaa inay ka dambeeyan kuwa hadda afduubteen oo shar-wadayaasha ah markay ku filnaan weysay in gabadhaas si dulmi ah ugu geeyaan Al-Shabaab, waxaan rabnaa in bulsho weynta Soomaaliyeed la socodsiino sida reerka iyo qoyska Ikraan dhibanayaal u yihiin, anagana waxaa nahay dhibanayaal oo lagu haysto wax aysan galabsan.” Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan ka fal-celin doonin falalka afduubka ah ee ay qaadeen maleeshiyada qaraabada la’ah Ikraan Tahliil, islamarkaana ay diyaar u aheyn inay qeyb ka noqdaan colaad loo yeerinayo, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay cadaalad rabaan, sida qoyska Ikraan Tahliil u rabaan, maadama uu ku doodayo in gabadh la qaraabo ah la dilay, kadib markii ay maleeshiyada qaraabada dhow yihiin Ikraan u gacan geliyeen Al-Shabaab. Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay kooxda hubeysan ee afduubka ka geysatay magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan dadka u afduuban, haddii aan si dhab ah loo gelin arrinta Ikraan Tahliil. Kooxdaan oo qaraabo la’ah Ikraan Tahliil ayaa sheegay in ilaa afar qof oo rag ah u heystaan kiiska Ikraan, kuwaas oo dhamaantood ku heyb ah taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo kasoo jeeda beesha Reer Aw-Xasan. Xiisada kiiska Ikraan ayaa mareysa meel xasaasi ah, waxaana weli magaalada Muqdisho ka socda kulamo xal loogu raadinayo xiisada culus ee ka dhalatay kiiskaas oo ay hay’adda NISA sheegtay in Al-Shabaab ay dileen, balse ay kooxda iska fogeysay arrintaas. Hoos ka daawo Khaalid The post Daawo: Beesha Reer Aw-Xasan oo shaacisay in gabar laga afduubtay loona dilay kiiska Ikraan dartiis appeared first on Caasimada Online.
  24. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Kulan la yeeshay Wakiilka UAE u qaabilsan Arimaha Somaliland Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Dawladda Imaaraadka u qaabilsan Somaliland Mr Abdulla Al-Naqdi. Ujeeddada guud ee kulankan ayaa ahayd isbarasho, waxaana intii uu kulanku socday lagaga wadada hadlay sidii wada shaqayn looga dhex abuuri lahaa baarlamaanka Somaliland iyo baarlamaanka dawladda Imaaraad-ka. Shirguddoonka iyo Wakiilka ayaa isla afgartay in ay baarlamaannada Imaaraadka iyo Somaliland iska kaashadaan dhanka aqoonta iyo waayo aragnimada shaqada, islamarkaana ay weftiyo labada dhinac ah is waydaarsadaan. Qaran News