Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,337
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. An accomplice who accepted a plea deal over a deadly 2010 robbery at a Minneapolis supermarket recently claimed that he framed Mahdi Hussein Ali, lying to police that his former friend was the masked gunman seen in surveillance footage gunning down two clerks and a customer. Source: Hiiraan Online
  2. Kenya has officially opened an embassy in Somaliland, a year after the two countries opened talks on collaboration. Source: Hiiraan Online
  3. Wararka ka imaanaya tuulada Af-urur ee Gobolka Bari, ayaa sheegaya in xalay hoobiyaal lagu weeraray saldhiga ciidamada difaaca Puntland ee degaankaas. Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa sida la xaqiijiyay hoobiyaal ku tuuray saldhiga, halka ciidanka dowladdu kaga jawaabay hubka culus. Saraakiil kala duwan oo ka tirsan ciidanka ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas. Sidoo kale, goob-joogayaal ku sugan Af-urur ayaa Puntland Post u sheegay in aysan arkin wax khasaare ah oo dhanka ciidanka gaaray. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerartay Saldhiga Ciidamada Puntland ee Af-urur appeared first on Puntland Post.
  4. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble met with the Commanders of the Armed Forces and the newly appointed Director-General of the National Security and Intelligence Agency in his office on Monday as rifts within the nation's executive branch begin to emerge. Source: Hiiraan Online
  5. Israeli forces on Monday launched a massive manhunt in northern Israel and the occupied West Bank after six Palestinian prisoners escaped overnight from a high-security facility in an extremely rare breakout. Source: Hiiraan Online
  6. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal laba maleeyshiyo beeleed oo wada daga gobalka Hiiraan ku dhex maray deegaanka Kabxanleey oo dhanka Waqooyi ka xiga magaalada Baladweyne. Dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku haayo dhul deegaanka ku yaallo oo ay labada beelood oo wada deegaanka ay isku heystaan. Labada dhinac ayaa illa iyo hadda inta la xaqiijiiyay waxaa dagaalka uga kala dhintay illa iyo 6- qofood, halka dhaawacu uu intaas ka badan yahay. Dagaalka labada beelood ayaa la sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay uu deegaanka ku soo noqnoqday. Xaaladda deegaanka ayaa la soo warinaya in ay saaka tahay mid aad u kacsan dadka deegaanka Kabxanleey ayaana ka cabsi qabo in markale saacadaha soo socda ee maanta dagaalka uu dib u bilawdo, maadama ay labada maleeyshiyo weli ay isku horfadhiyaan deegaanka. Sikastaba maamulka gobalka Hiiraan iyo kan Hirshabeelle ayaan weli kala dhax galin dagaalka labada meleyshiyo beeleed. Source: goobjoog.com
  7. Maamulka Puntland ayaa soo dhaweyay go’aanka ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble uu xilka kaga qaaday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay soo dhaweyneyso xilka qaadista Fahad. Puntland ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha ku bogaadisay dadaalka uu ku bixinayo sidii looga gun gaari lahaa kiiska Ikraan Tahliil. Hoos ka akhriso qoraalka Maamulka Puntland Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka. Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka. Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah. DHAMMAAD Source: goobjoog.com
  8. In Somalia, Turkey and the UAE have competed for influence. In Syria, Turkey still supports fighters opposed to President Bashar al-Assad while the UAE, which once backed rebels fighting him, has opened an embassy in Damascus Source: Hiiraan Online
  9. An ever-growing number of people across Somalia are leaving their homes to escape conflict and the impact of extreme weather events that have devastated the livelihoods of farmers and herders. Source: Hiiraan Online
  10. A fresh political rift between Somalia's president and prime minister appears to be opening a power struggle between the two top leaders of the country, which is struggling to hold elections and prevent frequent terrorist attacks. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Somali Cable, waxa uu ku jeex-jeexay warqaddii kasoo baxday Farmaajo, ee uu kaga horyimid shaqo ka-joojinta agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin. Prof. Xasan ayaa sheegay in Farmaajo uusan haysan wax sharciyad ah, oo uu kaga horyimaado go’aanka Rooble, sababtoo ah buu yiri “ra’iisul wasaaraha wuxuu xilka ka qaadi kara wasiir, ee muxuu yahay agaasime,” Waxa uu intaas ku daray in Rooble uu go’aanadiisa u cuskaday qodobo dastuuri ah, oo cad oo aanu mugdi ku jirin. Prof. Xasan ayaa sidoo kale diida doodda Farmaajo ee ah inuu yahay taliyaha guud ee ciidamada qaranka, wuxuuna sheegay in xilka Fahad uusan aheyn taliye, ee uu yahay agaasime, sidaas darteedna aanu madaxweyne shaqo ku laheyn. “Xitaa haddii uu ahaan lahaa xil taliye, Farmaajo waa madaxweyne hore, wuxuuna muddo xileedkiisa ku ekaa 7-dii Febraayo, sida ku cad dastuurka muddo xileedka madaxweynaha waa afar sano oo ka billaabata maalinta la dhaariyo,” ayuu yiri Porf. Xasan Sheekh Cali. “Warqaddan uu soo qoray ra’iisul wasaaraha xil-gaarsiinta waa inay shaqeysaa, warqaddan uu soo qoray Maxamed Cabdullahi Farmaajo-na saas waayey, ku rid qashinka,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh Cali oo kadibna jeex-jeexay warqaddii Farmaajo. Hoos ka daawo wareysiga The post Daawo: Prof. Xasan Sheekh Cali oo jeex-jeexay warqaddii uu soo qoray FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa haatan yeelatay weji cusub, kadib markii ay xiisad horleh ka dhex-qaraxday hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya, kaas oo ka dhashay shaqo joojintii lagu sameeyey agaasimihii NISA. Dadka falan-qeeyna arrimaha siyaasadda iyo aqoonyahanada ayaa haatan ka digayA sii socoshada khilaafka soo kala dhex-galay ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha uu muddo xilkeedkiisu dhaMmaaday, maadaamo lagu jiro xilli kala guur ah iyo marxlad doorasho. Haddaba khilaafka Farmaajo iyo Rooble ma saamayn karaa hannaanka doorashooyinka? Aqoonyahan Maxamed Cabdi Cumar oo ah bare Jaamacadeed oo u warramay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan-yahay in si deg deg ah xal looga gaaro ismari-waaga ka dhashay shaqo ka fariisiinta Fahad Yaasiin, sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Maxamed Cabdi ayaa sidoo kale xusay, haddii aanan si degdeg ah lagu soo afjarin khilaafkan cusub uu waxyeeleyn doono hannaanka doorashooyinka billowday ee dalka. “Arrintan hadda soo cusboonaatay doorashada waxay ku leedahay saameyn baaxad leh , sababta ay saameynta ugu yeelaneyso waxaa ka mid ah in waqtigii la gelin lahaa doorashada iyo qaabkii horay loogu socon lahaa waqtigaas in la gelin doono is jiid-jiid kale iyo dagaal kale oo aanu ku saleysneyn doorashada,” ayuu yiri aqoonyahan Maxamed Cabdi Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Markasta oo is qabsashada sii fogaato waxaa dib u dhacaya doorashada, ficlana waa wax iska muuqdo, haddii aan hadda si dhaqso ah loo xallin,”. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo xiisada ka qaraxday Villa Soomaaliya ay gaartay meeshii ugu sarreysay, waxaana si aad ah isha loogu hayaa halka uu ku dambeyn khilaafkan cusub. Si kastaba doorashooyinka dalka ayaa marar badan dib u dhacay, waxaana is jiid-jiidkan uu haatan kusoo aadayaa, iyada oo lasoo saaray jadwalka doorashada ee Golaha Shacabka. The post Khilaafka FARMAAJO iyo Rooble ma saameyn karaa hanaanka doorashooyinka? appeared first on Caasimada Online.
  13. Farmaajo gacantiisa ayuu maanta ku abuurtay dagaal kale oo ka sii xaqnimo badan midkii muddo-kororsiga. Haddii ay shalay macnaha iyo culeyska ay leedahay sharcidarro xilka loo kordhisto ahayd mid ay siyaasiyiintu fahmi karaan in ka badan inta ay shacabku fahmi kareen, maanta waxa uu Rooble u taagan yahay mabda’ la wada taageersan yahay oo ah ilaalinta caddaaladda muwaaddinka, iyo socodsiinta doorashada Dalka oo labadaba uu taageero gudaha iyo dibadda ah ku haysto. Konton sano ka dib Farmaajo oo sakaraad ah haddii la yiraa “war waa dhiman rabtaa ee ashahaado”, wuxuu leeyahay “waxaan farayaa Fahad Yaasiin inuu shaqadiisa sii wato”. Dhulka haddii la rogo oo ummaddu wada dhimatona Farmaajo wuxuu soo saari lahaa warqad uu leeyahay “Fahad Yaasiin xilkiisa ha sii wato”. Ninkaan waddanka waxa uu u yimid laba ujeeddo; (1). in uu kursi ku fadhiisto kana kicin inta cimrigiisa ka dhiman, (2). Iyo in Fahad Yaasiin uu agtiisa taagnaado. Maanta labadaas ujeeddaba waqtiga ayaa ka carqaladeeyay mana suurtoobi karaan. Asna waa macangag aanan runta hadal ku maqlin illaa xabbad lagu rido maahee. Sidii aan horeba u aaminsanaa, Raysalwasaare Rooble waxaa la gudboon in uu ku faro-adeygo fursaddaan xag Allah uga timid oo uu dadkiisa iyo dalkiisa ku badbaadinayo. Inta wax garadka ahna waxaa la gudboon inay si buuxda u garabistaagaan Rooble iyo halgankiisa uu ku raadinayo xuquuqda Ikraam kuna badbaadinayo sharcigii ay afar sano ku soo tumanayeen maangaabyada talada Dalka ku soo qaldamay. Soomaaliya doorasho kama dhici doonto illaa la quusiyo damaca xukun-jacaylka indhaha la’ ee Farmaajo, loona xaqiijiyo in uusan Dalku isaga afduub ugu jirin. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Farmaajo oo gacantiisa ku abuurtay dagaal ka xaqnimo badan kii muddo-kororsiga appeared first on Caasimada Online.
  14. Khilaaf u dhexeeyay qaar kamida Culimada Togdheer iyo Mulkiilaha Hotelka Isha Burco oo la soo afjaray+Qodobo laga heshiiyey. Khilaafkii u dhexeeyay qaarkamida Culimada Togdheer iyo hotelka Isha Burco ayaa Caawa la dhameeyay iyagoo ku heshiiyay Qodobadan. 1. In laga heshiiyay khilaafkii culimada Iyo Hotelka Isha Burco. 2.in dhinac looga soo wada jeesto waxkasta oo dhaqanka iyo diinta wax yeelaya 3. Inay kawada shaqeeyaan culimadu iyo ganacsatadu Horumarka gobolka 4. Inay soo dhaweynayaan Cidka kasta oo gobolka horumarkiisa ka shaqaynaysa. Qaran News
  15. Wax ka ogow Taariikhda Fahad Yaasiin Taliyaha Sirdoonka Somalia,laguna tilmaamo Mulkiilaha Dawladda Somalia Fahad Yaasiin Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay kiiska sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar ka tirsaneyd Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya oo la sheegay inay shabaab dishay. Kiiska gabadhan oo la waayay dhammaadka bishii Juun ayaa khilaaf weyn ka dhex dhaliyay madaxweynaya iyo raysal wasaaraha Soomaaliya kadib markii Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay in uu shaqada ka hakiyay Agaasime Fahad Yaasiin. Go’aankaas oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aysan waxba ka jirin. Raysal wasaarahu waxa uu si ku meel gaar ah agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe). Haddaba waa kuma Fahad, ninka xuddunta u ah khilaafka? Si rasmi ah looma oga halka uu ku dhashay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir laakiin waxa ay baasabooradiisu muujinayaan in uu ku dhashay magaalada Mandheera ee dalka Kenya bishii Luulyo 1978. Wax badan lagama oga noloshiisii hore iyo barbaarintiisii carruurnimo, waxaa se la og yahay in uu ku noolaaday magaalooyinka Muqdisho iyo Baled Xaawo. Si banaan yaal ah, weli Fahad ugama sheekeyn waxbarashadiisii, laakiin dad yaqaan waxay BBC u sheegeen in uu waxbarasho u tagay dalka Yemen kadibna uu dib ugu soo noqday Soomaaliya, halkaas oo uu kala jaan-qaaday ururo diimeedyadii ka jiray Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya inuu wax ku soo bartay dalka Bakistaan, sida lagu qoray machkad Mareykanka laga leeyahay ee The American Enterprise Institute. Laakiin BBC-da si madax banaan uma xaqiijin karto. Ururkii Itixaad ee Gedo Dad kala duwan waxay BBC u sheegeen in uu Fahad ka mid ahaa dhallinyaradii ku biirtay xarakooyinkii diimeed ee sida weyn ugu sii faafay Soomaaliya sagaashameeyadii. Waxaa la rumeysan yahay in uu qeyb ka ahaa dhallinyaradii la shaqeyneysay ururka Itixaad ee gobolka Gedo kula dagaalamay ciidamada Itoobiya. Balse ma ahayn askari dagaalama, sida ay sheegeen dad kala duwan. Waxaa lagu tilmaamaa nin si wanaagsan diinta u bartay, kuna adag, isaga oo si wanaagsan ugu hadla afka Carabiga. Fahad iyo shaqada weriyenimada Wuxuu Fahad bilaabay shaqada warbaahinta horraantii 2000kii, isaga oo wax ku qori jiray boggii caanka ahaa, ee sida weyn loo akhrisan jiray ee Somalitalk. Waxa uu wax ka qori jiray shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socday dalka Kenya, siyaasada iyo hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya. Waxa uu Fahad wareystay dad caan ah oo uu ka mid yahay madaxweynihii dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo Muqdisho kula kulmay. Wuxuu qori jiray maqaallo lagu dhaliili jiray hoggaamiya kooxeedyadii Soomaaliya iyo dowladihii ku meel gaarka ahaa ee Cabdiqaasim iyo Cabdullaahi Yuusuf. Shaqadiisii Al- jasiira Sannadihii 2005 ilaa iyo 2011-ka Fahad Yaasin waxaa uu wariye u ahaa telefishinka Al-Jazeera qeybta Carabiga ee fadhigiisu yahay magaalada Doxa ee dalka Qatar. Waxaa uu u uga soo warrami jiray dalalka geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto. Waxaa lagu xusuustaa wareysigii uu la yeeshay Sheekh Xasan Turki oo hogaaminayay ururkii Ras Kambooni. Waxa uu sidoo kale wareystay hogaamiyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab. Qiyaastii 2014 ama 2015 ayuu ku biiray xarunta daraasaadka iyo cilmibaarista ee Jasiira, taas oo u noqotay marin uu kasoo galo siyaasada Soomaaliya. Fahad Yaasin Sida uu siyaasadda Soomaaliya ku soo galay Fahad Yaasin Waxa uu markii ugu horreysay si toos ah loogu arkay siyaasada xilligii uu socday ololaha doorashada Soomaaliya ee 2012kii. Waxaa la sheegaa in uu qeyb ka ahaa kooxda olelaha doorashada musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo markii dambe ku guuleystay doorashada. Waxaa loo magacaabay Fahad Yaasiin in uu noqdo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee xukuumaddii Cumar Cabdirashiid, xilkaas oo uu iska diiday. Waxa uu sanadkii 2016kii hormuud u noqday ololaha doorashada madaxweynenimada ee madaxweynaha hadda xilka haya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo, waxa uu Fahad noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya kahor inta uusan noqonin madaxa Hay’adda Sirdoonka oo markii hore uu ka noqday agaasime ku xigeen. Waxaa lagu tiriyaa in u yahay shakhsiga ugu saameynta badan dowladda madaxweyne Farmaajo, saameyn ballaaran uu ku leh go’aannada iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee madaxweynaha. Waa lagu kala qeybsan yahay kaalinta uu ku leeyahay dowladda. Dadka qaar baa u ammaana, halka qaar kalena ay ku dhaliilaan. Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya waxa uu ku tilmaamay in uu Fahad wax weyn ku kordhiyay dowladnimada Soomaaliya. “Waxkasta oo laga tabanayo iyo waxkasta oo lagu tuhunsan yahay ba, waxaa jirta arrin aan dood ka taagneyn oo ah in uu yahay nin hay’adeed oo karti badan, wuxuu sameeyay xoghayntii ugu horeesay ee madaxtooyada Somaaliya ee sida xoghayn la yaqaano u shaqeysa tan iyo burburkii iyo taliska sirdoonka sida uu u habeeyay tan iyo intii uu ku biiray”, ayuu yiri Ibraahim Faarax Bursaliid oo la hadlay BBC. Laakiin Barafasoor Cabdi Ismaaciil Samatar lama dhacsana hab fikirka iyo dhaqanka siyaasadeed ee Fahad Yaasiin. “Inta aan aniga ka aqaannana ,Fahad ma ahan qof garan kara inuu arko waxa umadda oo dhan u dan ah. Wuxuu arki karaa dowladnimadu inay qabyaalad ku dhisan tahay. Qofka ugu fariidsan ma raadiya ee kan uu isaga wadan kara ayuu raadsadaa. Xaga dambe qofkii ka maamulayay dowladda ayuu isu arkaa, waana taasi sababta loo yiri waa milkiilaha dowladda,” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar oo la kulmay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Fahad yasiin waxay xulafo dhaw yihiin madaxweynaha Soomaaliya “Sanadkii 2012-kii, wuxuu bilaabay inuu door weyn ku yeesho siyaasadda Soomaaliya, isagoo sida la sheegay u isticmaalaya lacag ka timid dalka Qadar, inuu ku gato codadka xubnaha baarlamaanka Soomaaliya. Illaa iyo dhawaan, wuxuu ahaa Fahad mid leh kaalin ay Qatar u isticmaasho siyaasadda Soomaaliya, isaga oo aan muuqaneyn, taasoo gaarsiisay heerka guusha siyaasadda ee uu u tallaabay, ” waa sida lagu qoray machkad Mareykanka laga leeyahay ee The American Enterprise Institute. Dabeecadaha gaarka ah ee Fahad Yaasin Fahad Yaasiin waa nin is qariya, oo aan lagu arkin fagaareyaasha, islamarkaasna aan kasoo muuqan warbaahinta wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo ee 2012kii. Ma jiro sawiro iyo muuqaallo badan oo laga qaaday mudadaas, taas oo astaan u ah in uusan dooneynin in laga helo maclumaadka la xiriira shaqadiisa iyo shaqsiyadiisa ba. Ma leh bog rasmi ah oo loo yaqaan oo ka furan baraha bulshada. Waxaa lagu sheegaa in uu yahay nin aad loo ilaaliyo, oo aan si sahlan lagu arki karin. Intaa waxaa u wehliya in uu ku adag yahay go’aamadiisa siyaasadeed. Dad la kulmay qaarkood oo BBC-da la hadashay oo ka gaabsaday in magacooda la xuso waxay ku sheegeen nin afgaaban oo hadal dhowrsoon misana aad uga fiirsada hadalka afkiisa ka soo baxaya. Qaran News
  16. Dawlada Kenya ayaa soo magacowday wakiilka ufadhiyi doona xafiiska ay ka furayso caasimada Somaliland ee hargaysa kaasi oo ay weheliyaan sadex masuul oo kale kuwaasi madax ka ah waaxaha xafiiskeeda Somaliland. Wasaarada arimaha dibada dalka Kenya ayaa qoraal ay ka soo saartay ku shaacisay magacyada masuuliyiinta ufadhiyi doona xafiiskeeda caasimada hargaysa oo dhawaan la furi doono. Arintan ay dawlada Kenya kusoo magacowday wakiilka ufadhiyi doona Somaliland ayaa daba socotay heshiishkii ay maaxwaynaha Somaliland iyo madaxwaynaha Kenya ku kala sexeexdeen magaalada nariobi. Halkan ka akhri Qoraal rasmiya oo ka soo baxay Kenya: Qaran News
  17. Michael J. Duran waxa uu ahaa duuliye katirsan ciidanka cirka ee Mareykanka, hadda waa Qoraa, waxa uu howlgeb ka noqday ciidamada Cirka ee USA, waa Duuliyihii duulinayey diyaaraddii Nuuca qummaatiga u kaca ahayd ee ku soo dhacday Magaalada Muqdisho intii uu socday dagaalkii u dhexeeyey General Maxamed Faarax Caydiid iyo ciidanka Huwanta ahaa ee Mareykanku horkaceyey ee ka qaybgalay dagaalkii Axad 3-October-1993 ku dhexmaray Muqdisho ciidankaas iyo taageerayaashii Genaral Caydiid. Duran waxa uu hadda u tartamayaa kursiga Senator -ka laga soo dooranayo gobolka Alabama ee Mareykanka, sanadka 2022-ka. Durant wuxuu u ahaa duuliye hawlgalada gaarka ah (special operations pilot for the 160th Special Operations Aviation Regiment (SOAR) laga bilaabo 1988 illaa 2001. Wuxuu shaqada ciidamadanimada howlgeb ka noqday isaga oo haysta darajadda afaraad ee milatariga Mareykanka. Magaciisa wuxuu si weyn caan u noqdey kaddib dhacdadii “Black Hawk Down” ay ka dhacday xaafadda Tokiyo ee magaalada Muqdisho, dhacdadaasi waxa ay kamid tahay sheekooyinka dagaal ee ugu xiisaha badan taariikhda casriga ah ee Mareykanka Intii uu socday hawlgalkii Dagaalkii Muqdisho, Durant ayaa kamid ahaa askartii Ameerikaanka ee u gacan-galay ciidankii AUN, Gen Maxamed Faarax Caydiid kuwaasoo kalkii dambe isaga oo nool sii daayey. Markii la sii daayay, Durant oo maxbuus ahaa muddo 11 maalmood ah wuxuu sii waday gudashadda waajibaadkiisa qaranka illaa aakhiritaankii uu ka fariistey shaqadda ciidanimadda. Sannadkii 2006, Durant wuxuu qoray buugga “Shirkadda Geesiyaasha: Sheekada Shakhsiyeed ee Ka Dambeysa Black Hawk Down,” kaasoo bixiyey tafaasiil fahfaahsan oo ku saabsan dhacdooyinka dhacay. Durant waa madaxweynaha iyo maamulaha Injineerinka hawada sare iyo shirkadda horumarinta wax soo saarka Pinnacle Solutions, Inc, oo ah shirkad ganacsi yaryar leh oo xarunteedu tahay Huntsville. Shirkadda ayaa sidoo kale maamusha goobo dayax-gacmeed oo ku yaal Kentucky iyo California. Pinnacle si lamid ah waxay shuraako la tahay warshado, Waaxda Difaaca Mareykanka iyo NASA. Durant oo siyaasi firfircoon ah ayaa xubin ka ah guddiyada agaasimayaasha ee ururka ay ku mideysan yihiin ciidamada howlgalada gaarka Mareykanka iyo askartii shaqadda ka fariisatay. Sidoo kale wuxuu doorarkii hoggaamineed ka cayaarey ololihii doorashada madaxwayne George Bush ee 2004 iyo sidoo kale ololihii madaxweynenimada 2008 ee Seneator John McCain. Markii wax laga weydiiyay musharraxnimadiisa ku aaddan Senate -ka Mareykanka, Durant wuxuu u sheegay YN inuu si lama filaan ah u qaadan doono go’aan ku saleysan “waxa ay ku jirto danta gobolkayga.” Xigasho: Mustaqbal Media The post Maxbuuskii uu sii daayay Jeneral Caydiid oo xil Aqalka Senate-ka ah u tartamaya appeared first on Caasimada Online.
  18. The Horn of Africa is a region in Eastern Africa home to the countries of Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Somalia. It is also a region that is positioned in such a geographically strategic location, per its proximity to the Middle East oil fields and the Indian Ocean, and the Red Sea trade routes. Historically, these routes attracted the attention of the world powers, including the United States. Because of its strategic location—just south of the Red Sea—foreign powers in the West, the Middle East, and the Far East have long intruded in the region’s affairs to increase their own political influence, gain strategic leverage, and have exclusive access to the most untapped natural resources in the area. Intrusions that continue to this day and intrusions that threaten to shift the geopolitical paradigm with proxy wars and more bloodshed. It is, in essence, a dangerous model of conflict. Lines are drawn and sides inevitably and predictably being formed. Those in contention are lining up against each other. Each is waiting for the other to yield. And the unfortunate result is that the region becomes more unstable, armed conflicts persist, and the neighborhood continues to fracture. The battle for geographic dominance in the Horn of Africa continues to fuel instability in an already volatile region. And at the center of it all is Somalia whose northern coast funnels all maritime traffic to Bab el-Mandeb, a narrow chokepoint through which all ships heading to and from the Indian Ocean and the Red Sea must pass through. It has once again thrust Somalia into the geopolitical spotlight as a focal point of strategic and political importance. And, because of its geographic positioning, the stability of this region is dependent upon the stability of Somalia. And stability won’t come easy as world powers continue to assert themselves deliberately and aggressively in the area. China has built one of its largest military bases abroad in Djibouti. Russia is establishing itself as one of the region’s largest arms dealers and is looking at building a base on the Red Sea to realize its aspirations in the Middle East. And the United Arab Emirates (UAE) & other Gulf Powers continue to expand their role in the region, establishing strategic rivalries with the intention to create further instability in the area to strengthen their foothold in the region. And, of course, the United States continues to pitch itself as a positive alternative, knowing that losing the waterways would have a significant economic and military impact. But while the words of the United States seem to indicate a vested interest in strengthening democratic institutions, improving stability and security, and delivering services for the Somali people, the actions, unfortunately, do not. The United States cannot be content to continue with a foreign policy that seems to be exclusively built around reinforcing the Somalia campaign against al-Shabab while competing for foreign powers (China, Russia, Turkey, etc.) are building bases, armies, hospitals, airports, and shipping ports in one of the most important geostrategic locations on the planet. It’s very clear that the United States cannot stay out any longer. Given the importance of the region and the loss of influence that would likely result, the United States needs to increase its presence both economically and militarily to stabilize the region and promote order in the Horn while protecting itself from the damages of competing and corrupting foreign interests. Spanish philosopher George Santayana once said, “Those who cannot remember the past are condemned to repeat it.” And history doesn’t lie. We have seen what happened in Afghanistan. Presidential elections are scheduled to be held in Somalia in the coming months and the United States needs to engage directly to ensure the integrity of the election process for the sake of inclusive political & economic development in the region. Let’s not condemn ourselves by repeating the mistakes made in Afghanistan. It is certainly a great challenge, but one must face it together for the good of the world. Ismail D. Osman Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him osmando@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You The post Somalia’s Untapped Resources – Geopolitical Paradigm Shift and Proxy Wars appeared first on Caasimada Online.
  19. Amsterdam (Caasimada Online) – Khilaaf in muddo ah soo jiitamayay una dhexeeya guddi Soomaali ah oo maamula masjidul Quba, oo ah masjid Soomaalidu maamusho oo ku yaal Magaalada Amsterdam ayaa weli xal laga gaari la’ yahay. Khilaafkani wuxuu bannaanka u soo baxay markii iimaamkii masjid Quba Shiikh Suldaan uu ka saaray KVK-ga C/risaaq oo guddiga ka tirsan, taas oo sababtay in xubno kale oo guddiga ka mid ah, kana caraysan tillaabada Shiikhu qaadayay in iyagana Shiikh Suldaan ka saaraan KVK-ga, waxaanna khilaafku lugaha la soo galay marxalad cusub, iyada oo maalin ba maalinta ka dambaysa la soo warinayay in xaaladu ka sii darayso. Kaddib, maxaa dhacay? Inkastoo howlihii masjidku si caadi ah u socdaan, xubnaha guddiga ee uu khilaafku ka dhexeeyo-na ay qolo kastaahi howsheeda si caadi ah u gudaneyso, haddana waxaa muuqda walaac ay qabaan qaar ka mid ah dadka bixiya qidmada masjidka lagu caawiyo iyo kuwa ku jira qaybta caymiska oo ay doonaya su’aalo badan oo ay qabaan in jawaabo u helaan. Khilaafku wuxuu u dhexeeyaa iimaamka masjidka Shiikh Suldaan oo dhinac ah & 6 xubnood oo ka tirsan guddiga & maamulka masjidka oo dhinaca kale ah, waxaanna ku soo baxay guddi ka mid ah waxgaradka Soomaalida, iyada oo 2da dhinac ay u madax dhiibteen. Tillaabooyinkan guddigani qaaday waxaa ka mid ahaa; in 2da dhinac ee uu khilaafku u dhexeeyay ka saxiixeen in wixii guddigoodu soo go’aamiyo ay qaadanayaan, taas oo ay aqbaleen, hasse ahaatee ilamaa haatan guddigaasi wuu ka soo raagay in bulshada Soomaaliyeed uu la wadaago natiijada baaritaanadii ay sameeyeen iyo wixii kaga soo baxay. Xubnaha guddiga oo intooda badan ka yimid magaalooyinka Eindhoven iyo Tilburg waxaa tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 10 xubnood, hadda waxaa la leeyahay waxaa ku soo haray 4 xubnood, waxaanna jira xubno guddiga isaga baxay markii ay ula muuqatay in rajada in xal la gaaraa ay fog tahay. “Waxay aheyd ragga culimida ah ee maamulka masjidka haya haddii khilaaf yimid inta aanu bannaanka u soo bixin in ay is xaliyaan, ma dhicin, khilaafkii bannaanka ayuu yimid, waa in ay ogaadaan in habsami u socoshada howlaha masjidka iyaga ka muhiimsan yahay, waxaana ay ku qasban yihiin in ay shacabka la wadaagaan waxa la isku haysto, qof kastana la dhageysto, qofkii ama kooxdii qaldanna howsha laga wareejiyo, culimadii shalay ay bulshadu u soo gurmatay oo hooyooyinku ay dahabkooda u gadeen si masjidka loogu dhiso, dhalinyaradu ay hiil iyo hoo isla garab taageen in la yiraa iyagii baa is haysta waxay ceeb iyo weji gabax ku tahay sumcadooda” Ayuu yiri Xassan Cumar Kaahiye oo ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Amsterdam. Muxuu yahay shirka Sebtida la iclaamiyay? Guddi kale oo fadhigiisu yahay Amsterdam ayaa horay khilaafka ugu soo baxay, lana kulmay labada dhinac, iyaga oo ka dalbaday in ay dhexdhexaadiyaan, maadaama ay yihiin waxgarad Soomaaliyeed oo daggan magaaladu masjidku ku yaal iyo agagaarkeeda, waxaanna dalabkaasi soo dhoweeyey Shiikh Suldaan, halka garabkii kale ay ku gacan sayreen, waxayna doodoodu noqotay: “Howsha dhexdhexaadinta hadda waxaa ku jira guddi kale, aan ka war sugno”. Iyada oo xaaladu ay sidaa tahay guddigii laga dhursugayay na uu waqti dheer qaatay, khilaafkii na uu weli halkiisii joogo, ayaa shalay laga war helay guddigii Amsterdam fadhigiisu ahaa oo Soomaalida waxgaradkeeda ku casuumay in ay kulan isugu yimaadaan maalinta Sebtida ee bishu ku beegan tahay 11, waxaanna kulanka lagu wadaa in looga hadlo khilaafka u dhexeeya guddiga maamul masjidka, iyada oo kulanka lagu wado inuu ka soo qeybgalo Shiikh Suldaan oo ka mid ah labada daraf ee uu khilaafku ka dhexeeyo. Shirkan cusub waxaa ka biyo-diday garab ka mid ah guddiga, waxaanna suurtagal ah in Shiikh Suldaan la wadaago dadka Soomaalida ee madasha ka soo qeybgeli doono waxa la isku haysto & dhumucda khilaafka. Si kastaba, masaajidkan ayaa kaalin muhiim ah kaga jira fidinta diinta, barashada & wacyigelinta mushtamaca Soomaalida ee dalkan ku dhaqan, waxaanna masaajidka adeegyada ugu muhiimsan ee uu Soomaalidu u hayo ka mid ah aaska meytida & in ay u fududeeyaan ehelada dadkoodu ay dalkan ku xijaabtaan, ee doonaya in dalkeenii lagu aaso. W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan The post Amsterdam: Maxaa kusoo kordhay khilaafkii guddiga masjidka Quba ee Soomalida? appeared first on Caasimada Online.
  20. The death of a Somalia intelligence officer laid bare a rift within the nation’s executive, and could increase instability in the nation ahead of crucial elections scheduled for next month. President Mohamed Abdullahi Mohamed, popularly known as Farmajo, on Monday asked spy chief Fahad Yasin to continue in his role in a rebuke of Prime Minister Mohamed Hussein Roble’s earlier decision to suspend him. The disagreement came in the wake of the alleged failure to investigate the death of Ikran Tahlil, an agent whose demise gripped the nation after the intelligence agency said she was killed by al Shabaab, an al-Qaeda-linked group. The insurgents, however, denied any involvement in Tahlil’s death. Roble, named prime minister last September, and the intelligence agency are key to the holding of peaceful elections planned for October. The postponement of balloting in February triggered violence and a plan for the president to remain in power without a vote prompted the U.S. to consider sanctions. Farmajo is expected to seek to renew his mandate. The Federal Electoral Implementation Team announced on Saturday that parliamentary elections will be held from Oct. 1 to Oct. 18. It hasn’t said yet how this timetable affects the presidential vote earlier set for Oct. 10. The Horn of Africa nation is struggling to rebuild after two decades of civil war. The federal government, with help from neighboring states, the U.S. and the European Union, is also still battling al Shabaab. — With assistance by David Malingha Source: Bloomberg The post Spy’s death exposes new faultline in Somalia before elections appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu goordhow madaxtooyada kula kulmay agaasimaha ku-meel garaka ah ee NISA Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe.” Illaa iyo hadda ma cadda waxa uu Farmaajo kala hadlay Bashiir Goobe, oo magacaabistiisa uu kaga horyimid warqad uu soo saaray subaxnimadii Isniinta, warqaddaas oo uu sidoo kale ku amray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin inuu shaqadiisa sii wato. Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in la-kulanka Bashiir Goobe ay u muuqato inuu Farmaajo ku aqbalay magacaabistiisa, kana tanaasulay mowqifkii uu ku diiday shaqo ka-joojintii agaasimaha NISA Fahad Yaasiin. Haddii ay sidaas tahay, way adag tahay in la fahmo waxa beddelay maskaxda Farmaajo wax ka yar 24 saac gudahood, hase yeeshee waxay u muuqan kartaa inuu garowsaday inaysan waxba gacanta ugu jirin, oo awoodda dalka uu si buuxda u haysto ra’iisul wasaare Rooble. Rooble ayaa fiidnimadii Isniinta la kulmay taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA iyo dhammaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida, taasi oo dad badan ay ku macneeyeen inuu haysto taageeradooda, fariin culusna u dirtay Farmaajo. Haddii Farmaajo uu aqbalo xil ka-qaadista Fahad Yaasiin, waxay si rasmi ah u xaqiijin doontaa in talada dalka ay gacantiisa ka baxday, wixii hadda ka dambeeyana uu yahay madaxweyne sharafeed kursiga sii gaarsinaya madaxweynaha beddeli doona. Go’aanka uu Farmaajo ku taageeray Fahad Yaasiin ayaa dhaliyey caro xooggan, sababtoo ah kiiska Fahad ma aheyn mid siyaasadeed, balse wuxuu la xiriiray dilka gabar yar oo dowladda lagu aaminay, taasi oo muuqaal xun ka bixisay Farmaajo. Farmaajo ayaa afartii sano ee uu dalka maamulayey caan ku ahaa inaanu mar kasta ka fiirsan go’aanada uu qaadanayo, waxaana marar badan ku dhacday inuu ka laabto go’aano qaldan oo uu qaatay kadib markii ay meel mari waayeen, ayada oo ay ugu dambeysay isku daygiisii muddo kororsiga. The post Xog: Farmaajo oo la kulmay agaasimaha cusub ee NISA appeared first on Caasimada Online.
  22. Puntland ayaa taageertay go’aanka uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada kaga joojiyay agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Qoraal ka soo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey agaasimihii hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan dastuurka dalka” “Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda dastuuriga ah” ayaa qoraalka lagu daray. Puntland waxay sheegtay in ay Ra’iisul Wasaare Rooble ku bogaadinayso doorkiisa hoggaamineed ee dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga qaranka, hirgelinta doorashada iyo hoggaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka. Ugu dambayna Puntland waxay ku baaqday in cid walba ay illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka. PUNTLAND POST The post Puntland maxay ka tiri shaqo ka joojinta Fahad Yaasiin? appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa baaq nabadeed u diray maleeshiyo beeleed ku dagaalamaya deegaanka kabxanlay ee Waqooyiga Magaalada Beleddweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah, waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan, isla markaana wax walba ku xaliyaan wadahadal. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka, Hay’addaha Amniga, Nabadoonada, Waxgaradka iyo Culuma’udiinta Gobolka Hiiraan in si deg deg ah ay ugu baxaan joojinta colaada beelaha walaalaha ah. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka kabxanlay ee Waqooyiga Magaalada Beleddweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Guudlaawe oo amar deg deg ah siiyay Laamaha Amniga maamulkaas appeared first on Puntland Post.