-
Content Count
211,337 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa bilaabay baadigoob xooggan kaddib markii lix maxbuus oo Falastiiniyiin ah ay habeenkii ka baxsadeen mid ka mid ah jeelasha sida wayn loo ilaaliyo. Ragga ayaa la rumaysan yahay inay god ka qodeen qolkii ay uga jireen xabsiga Gilboa, kaddibna ay godka ka duseen oo dhanka kale kaga tallaabeen darbiga hoostiisa. Saraakiisha ayaa waxaa wargeliyay beeralay arkay raggaas oo bannaanka ordaya. Raggan baxsadka ah ayaa waxaa ku jira hogaamiyihii hore ee maleeshiyada Shuhadada Al-Aqsa iyo shan xubnood oo ka tirsan ururka Islamic Jihad. Sarkaal ka tirsan adeegga jeelasha ee Israa’iil ayaa baxsadkaas ku tilmaamay guuldarro wayn oo dhanka ammaanka iyo sirdoonkaba ah.” Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa dhankooda ku tilmaamay halyeynimo. PUNTLAND POST The post Maxaabiis ka baxsaday xabsi ku yaal Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa taageero buuxa u muujisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseeen Rooble oo shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.” Dowladda Puntland ayaa sidoo kale boggaadisay, soona dhaweynaysay dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah. “Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Puntland. “Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.” Puntland ayaa noqoneysa maamulkii labaad ee taageera ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo raacday maamulka Jubaland. Qoraal ay saaka soo saartay Jubaland ayaa lagu yiri “Dowladda Jubaland waxay bogaadineysaa doorka iyo go’aanka xilkasnimada iyo mas’uuliyadda ay ku dheehan tahay ee uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ka qaatay maareynta iyo ka gun-gaaridda arrinka sarkaalad Ikraan Tahliil.” “Sidoo kale, Dowlada Jubaland waxay soo dhoweeneysaa go’aamada ra’iisul wasaaraha uu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, islamarkaana ku magacaabay agaasimaha ku-meel gaarka ah ee hay’addaas, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.” The post PUNTLAND oo war kasoo saartay tallaabadii uu qaaday Ra’iisul Wasaare ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
-
Rooble Oo Kulama La Qaatay Hogaanka Ciidamada Iyo Garsoorka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ahaa kulama kala gedisan la qaatay Hogaanka qeybaha kala duwan ciidamada dalka iyo Maxkamadda ciidamada Qalabka sida. Rooble ayaa kulanka hore fiidnimadii caawa la qaatay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir. Halka kulanka kale uu Rooble Caawa la qaatay dhamaan Taliyayaasha ciidamada Qaranka. Rooble ayaa kala hadlay dhamaan saraakiisha xaaladda Amni ee dalka iyo sugidda Amniga caadimadda. Kulamada ayaa sidoo kale la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen Kiiska Ikraan Tahliil. Ra’iisul wasaaraha ayaa la sidoo kale la sheegay in Taliyaba cusub NISA iyo Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida kale hadle sidii cadaalad loogu heli laha Qosyka Ikraan Tahliil Faarax. Source: goobjoog.com -
Mogadishu (Commentary) — The Prime of Minister of Somalia Mohamed Hussein Roble fired the Director of the National Intelligence and Security Agency Fahad Yasin. Under the draft constitution, it is the prerogative of the President to appoint or fire the NISA Director. Roble’s decision was annulled by President Mohamed Abdullahi Mohamed, who instructed Fahad to carry on with his duties and submit a report on the death of Ikran Tahlil to the national security committee. Roble instructed the Attorney General to begin investigations into the death of Ikran. Several days ago Roble instructed Fahad to write a report on the case “within 48 hours”. With only 9 weeks to go before the Presidential Elections, the renewed disagreement over the limited powers of the two leaders of the two executive branch might affect the electoral process. Roble seems to have acted on recommendations from the the alliance of presidential candidates, who, on several occasions, called for the sacking of Fahad. The fragility of federal institutions necessitates a careful handling of political disagreements. The Somali Federal Parliament in 2014 resolved a similar power struggle involving the sacking of a NISA Director by a Prime Minister. The grounds for sacking Fahad are not only dubious; they hint at a pattern of hasty decision-making on the Prime Minister’s part from a visit to Kenya to a controversial renegotiation of electoral modalities to grant Federal Member States more powers to influence the selection of the new MPs. As a political leader, Roble is required to act impartially — getting close neither to the presidency nor the self-styled opposition politicians. Mogadishu is still grappling with the legacy of 1991. Questions are being raised about the merits of the limited security reform; sections of the security forces can easily be rebranded as National Salvation Forces modelled on pre-2007 warlord militias. Roble had better de-escalate the political tension and allow for level-headed members of the political leaders to have a role in preventing power struggles that could delay elections. By Mohamud Budul Ashkir The post Political Misjudgment of Prime Minister Roble appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadalka jeediyey kulan ay ka yeesheen xaaladda dalka ayaa si adag uga hadlay isku dayga uu Farmaajo ku doonayo inuu xilka hoggaanka NISA sii hayo Fahad Yaasiin, isagoo fariin u diray madaxda dowlad goboleedyada. Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn cambaareeyey warqadii uu madaxweyne Farmaajo ka soo daba saaray go’aankii uu Ra’iisul wasaare Rooble xilka uga qaaday Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, isagoo sheegay in hadii aan laga hor tegin fidnada ka soo socota go’aannadaas is diidan ay wax badan halaabi doonaan. “Ma aqbaleyno qaabka uu Farmaajo ku doonayo in loo baabi’iyo kiiska Ikraan Tahliil, waxaan digniin u jeedineynaa madaxweynihii hore Farmaajo, warqadii uu soo saarana waan cambaareyneynaa, waxayna ficilladiisu keeni karaan fidno weyn, horumarka iyo doorashada la hiigsanaayo ayeyna caqabad ku tahay,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Dhanka kale Nabadoon Xaad ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan ay soo dhaweynayaan tallaabadii Ra’iisul wasaare Rooble, “Go’aankii uu qaatay si uu qaranka u badbaadiyo waan soo dhaweyneynaa, waxaana leeyahay Rooblow cudur jiray waayahaan oo dowladnimada ragaadiyey ayaad go’aan sax ah ka qaadatay,” ayuu yiri. Sidoo kale Nabadoonka ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada inay taageeraan oo garab istaagaan go’aanka ra’iisul wasaaraha, siyaasiyiinta iyo shacabka ayuu sidoo kale ka dalbaday inay ra’iisul wasaaraha taageeraan. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Xaad ugu baaqay beesha caalamka inay la shaqeeyaan ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa, maadaama uu Farmaajo kolhore wareejiyey mas’uuliyadda amniga iyo doorashada dalka. Hoos ka daawo muuqaalka Xaad The post Odayaasha beelaha Mogadishu Clan oo soo saaray DIGNIIN ku socota Farmaajo (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay soo baxeen waraaqaha is-khilaafsan ee ay soo saareen xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee ku aadan shaqo joojinta iyo ku celinta Fahad Yaasiin, ayaa waxaa ka dhashay su’aalo badan ku gadaaman awooda Farmaajo. Taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA, Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa sheegay in Farmaajo uusan xaq u laheyn in uu shaqada kusoo celiyo Fahad Yaasiin, maadama uu ka dhawaajiyey in awood fulin ama maamul uusan laheyn. Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo uu magac sharafeed keliya u sito “Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida,” oo aysan aheyn taliyo-nimo xaqiiq ah. “Shaqo joojin waa hab anshax marin ah si KMG laguna fuliyo mas’uul shaqadii uu hayay ku dhex sameeyay fal keeni kara anshax marin ama baaris fal-dambeiyeed laga shakiyey inuu dhacay, waxaana xaq u leh madaxda sare ee haysa shaqo maamul, sida; Taliye ciidan ayaa sameyn kara, DG Wasaarad, Wasiir, Ra’iisul Wasaare, laakiin madaxweyne JFS xataa marka uusan waqtiga ka dhamaan malaha awoodaas maxaa yeelay malaha awood fulin ama maamul,” ayuu yiri. “Macnaha inuu yahay Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida waa sharafeed ee maaha taliyanimo xaqiiq ah. Madaxweynaha amaaha taliye ciidan, awoodaha madaxweynaha waqtigiisa 4 sano ah haysta waxaa caddeynaya Dastuurka KMG ah.” Jeneraal Cabdalla ayaa waxa uu ugu dambeyntii usoo jeediyay Farmaajo iyo Fahad inaysan isku sii fogeyn midida oo ay sharciga u hogaansamaan baarista xeer ilaalinta ka war-sugaan, sida uu hadalka u dhigay. The post Muxuu Cabdalla Cabdalla ka yiri isku dayga Farmaajo ee shaqo kusoo celinta Fahad? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa caawa kala eryay dad isugu soo baxay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhigaayey banaanbax ay ku taageerayaan xilka qaadistii uu Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey Taliyihii NISA Fahad Yaasiin. Banaanbaxaan oo galabta aad la isugu balansaday baraha bulshada ayaa caawa 7:00 pm fiidnimo ka bilaawday isgoyska Banaadir, balse ciidamada Haramcad oo durba goobta gaaray ayaa rasaas ku kala ceyriyey dadkii isku soo baxay. Sidoo kale ciidamada ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah dhalinyaradii isugu soo baxday banaanbaxaas, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, ciidamada ayaa hareeraha wadada Maka al-Mukarama dhigtay gaadiidka dagaalka, iyagoo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa dadweynaha. Qaar ka mid dhalinyarada la kala ceyriyey oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay inay banaanbaxaas ku taageerayeen go’aankii Ra’iisul wasaaraha, isla markaana ay ku dalbanayeen in Ikraan Tahliil Faarax ay cadaalad hesho. Waa markii labaad oo ciidamada ammaanka ay dhiciseeyeen banaanbax ay dhalinyarada Muqdisho ku dalbanayeen in Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo gacanta NISA ay cadaalad hesho, waxaana maalin ka hor sidaan oo kale ay ciidamadu u kala ceyriyeen dhalinyaro isugu soo baxday isgoyska KM-4, kuwaas oo qaarkood jirdil loo geystay. Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay gabadha lagu waayey nolol iyo geeri ee Ikraan Tahliil ayaa maanta mar ay warbaahinta la hadashay waxay aad ugu mahad celisay dhalinyaradii isugu soo baxday si ay cadaalad ugu dalbaan walaashood Ikraan. The post Shacab caawa dibad-bax ka dhigayey Muqdisho oo awood ciidan la isku hortaagay appeared first on Caasimada Online.
-
Maxamed ayaa ka mid ahaa dhalinyaro boqolaal ah oo ku dibadbaxayey agagaarka Banaadir ee degmada Hodan. Booliiska ayaa la sheegayaa in Maxamed ay ka wateen goobta kadibna ay qaateen, lama oga halka ay la aadeen. Dhalinyaradan ayaa taageerayey go’aanka ra’isul wasaare Rooble uu ku ceyriyey agaasimihii Hore ee NISA Fahad Yaasiin oo lagu eedeeyey ka gaabis waajibkiisa. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay jahwareerka siyaasadeed ee ka dhashay shaqo joojintii Fahad Yaasiin. Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in marnaba aysan noqon karin mas’uuliyada dalka mid dayacan, islamarkaana ay tahay in xiliga kala guurka loo hoggaansamo isbedallada uu sameynayo Rooble. “Xilliga lagu jiro oo xasaasi ah awgeed, masuuliyadda dalku ma noqon karto mid dayacan, cid walba daraf ku dhagantahay iyo sharciyad habawsan. Waxaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qaatay masuuliyadda guud iyo maareynta xilliga kala guurka ah waana in lagula shaqeeya oo loo hoggaansamaa isbadallada uu sameeyay,” ayuu ku yiri Cabdikariin Guuleed qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook. “Farmaajo waa madaxweyne xiligiisu dhamaaday oo aan wax awood sharciyeed laheyn, waana inuu taas garwaaqsadaa. Dalku ma xamili karo qalalaase cusub.” Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in marnaba aan la iska indho-tirin caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo qoyskeeda, laguna garab siiyo arrintaasi Ra’iisul Wasaaraha. Dalku ma xamili karo qalalaase cusub. Waa inaan dhammaanteen masuuliyad iska saarnaa hirgelinta doorasho hufan oo aan daahin si loo badbaadiyo miraha Dowladnimada, sidoo kale waa inaan la iska indho-tiran caddaalad u raadinta Ikran Tahliil iyo qoyskeeda oo aan arrintaas ku garabsiinaa ra’iisul wasaaraha. Cabdikariin ayaa dalbaday in xiligan xasaasiga ah mas’uuliyad weyn la iska saaro hirgelinta doorasho hufan oo an daahin, si buu yiri loo bad-baadiyo miraha dowladnimo. “Waxaan ku baaqaya in laga foggaadaa dib u dhac cusub iyo in loo turo nidaamka Dowliga ah ee dalka, oo aan dhamaanteen wehel ka dhiganaa tanaasulka.” Xiisada cusub ee ka dhalatay shaqo joojinta Fahad Yaasiin iyo shaqo ku soo celintiisa oo kasoo kala baxay xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa horseed u noqon kara dib u dhac cusub oo ku yimaada hanaanka doorashooyinka dalka. The post Guuleed oo Farmaajo u sheegay inuu hal mid garwaaqsado appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta la kulmay taliyaha uu sida KMG ah ugu magacaabay NISA, hoggaanka maxkamadda ciidammada qalabka sida iyo taliyeyaasha nabad-sugidda iyo booliska gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray xeer ilaalinta iyo maxkamadda ciidammada qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo degdeg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Agaasimaha uu u magacaanay NISA Bashiir Goobe iyo taliyeyaasha nabad-sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan. Kulanka uu Ra’iisul wasaare la qaatay Gen. Bashiir Goobe iyo saraakiisha kale ayaa ku soo aadaya, iyadoo madaxweye Farmaajo diiday shaqo joojintii Fahad Yaasiin. PUNTLAND POST The post Muxuu Rooble kala hadlay taliyaha uu u magacaabay NISA? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Bashiir Maxamed Jaamac, oo uu xalay ku beddelay Fahad Yaasiin. Kulanka oo ka dhacay xafiiska Rooble ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir, Yaasiin Farey iyo Farxaan Qaroole. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax, oo lagu tuhmayo hay’adda NISA. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan. Kulankan ayaa imanaya saacado kadib markii uu Rooble shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasin, taasi oo uu ka horyimid madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Kulankan ayaa muujinaya in Rooble uu si buuxdo u haysto taageerada taliyayaasha ciidamada ee saameynta leh, taasi oo meesha ka saareysa isku dayga madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu rabo inuu xilka ugu sii hayo Fahad Yaasiin. The post DEG DEG: Rooble oo la kulmay taliyaha cusub ee NISA iyo taliyeyaal kale + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hay’adda NISA ayaa ka hadashay xil ka qaadistii lagu sameeyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Hooyo Qaali ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uga mahadcelisay go’aankii uu xilka kaga qaaday Fahad Yaasiin oo ay ku tilmaamtay inuu yahay go’aan cadaalad loogu raadinayo gabadheeda Ikraan. “Waxaan Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahad celinayaa go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay, taasoo aheyd wax uu horey uga ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka codsanayaa inuu horey usii wado cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil,” ayey tiri hooyo Qaali oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho. Dhinaca kale, Hooyo Qaali ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga digtay inuu hor istaago cadaaladda loo raadinayo gabadheeda. “Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan uga digayaa inuu hor istaago cadaaladda loo raadinayo gabadheed oo uusan fiirin saaxiibtinimada kala dhaxeyso Fahad Yaasiin oo uu fiiriyo cadaaladda ay gabadheeda u baahan tahay,” ayey tiri mar kale. Hooyo Qaali ayaa Farmaajo u sheegtay inay u joogaan gabdho iyo wiilal, islamarkaana waxay si naxariis leh ugu baaqday inuusan nabsi ka gelin oo uu la dareemo xanuunka ay Maanta dareemeyso. Ugu dambeyntii Hooyo Qaali ayaa u mahadcelisay dhallinyaradii shalay Muqdisho ka dhigay banaanbaxii cadaaladda loogu raadinayey gabadheeda Ikraan Tahliil Faarah kuwaas oo ay ciidamo boolis jir dil u geysteen. Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee hooyo Qaali The post Daawo: Hooyada Ikraan Tahliil oo si qiiro leh uga hadashay dagaalka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Islamic Development Bank Group (IsDB Group) PRESS RELEASE Islamic Development Bank (IsDB) Group Private Sector Institutions Hosted the Private Sector Forum 2021 The Private Sector Forum highlighted the IsDB Group activities, services, initiatives and joint solutions in member countries on the investment, trade and insurance fronts Access Multimedia Content TASHKENT, Uzbekistan, September 6, 2021/ — The private sector institutions of the Islamic Development Bank (IsDB) Group (www.IsDB.org): the Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC), the Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD), and the International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) in cooperation with IsDB Group Business Forum (THIQAH) organized the “Private Sector Forum” on September 2, 2021, in Tashkent – the Republic of Uzbekistan, in conjunction with the 46th Annual Board of Governors Meeting of the Islamic Development Bank Group, under the theme “Respond, Restore, Restart: Post-COVID Resilience and Prosperity for all”. The Private Sector Forum highlighted the IsDB Group activities, services, initiatives and joint solutions in member countries on the investment, trade and insurance fronts. The Private Sector Forum provided a unique platform to network and establish business relations and partnerships with other leading representatives and stakeholders from the business community to share their related experience, success stories and best practices, while jointly exploring the investment and trade opportunities offered by CIS countries. Furthermore, the forum connected business communities in member countries by arranging parallel B2B and B2G scheduled meetings. H.E. Dr. Muhammad Al Jasser Chairman of IsDB said “All IsDB Group entites are catalysts of development. Every dollar spent by them brings more activities. I invite you to take advantage of the technical know-how present here. Private sector has a huge role to play in rebooting economies and buildingback better.” The Forum discussed the future outlook to overcome the COVID-19 pandemic. In addition, the Forum highlighted the IsDB Group’s US$ 2.3 billion Strategic Preparedness and Response Program (SPRP) for COVID-19 under its 3Rs approach “Respond, Restore and Restart”. Key outcomes from this session noted considerable progress in terms of launching and implementing the projects involving the growth of trade, investment and insurance in member countries. The sessions also addressed the key challenges limiting the business community and concerned trade and investment authorities of the countries in both CIS and other member countires by nurturing an environment where the parties can benefit from the opportunities that exist. In his opening address, Mr. Oussama Kaissi, said: “The pandemic is not yet over, but one thing we are certain of is that ICIEC will continue supporting its member countries through its full suite of Shariah-compliant credit and political risk mitigation solutions to overcome this crisis together and adjust to the new collective reality, stronger and more resilient than before.” Eng. Hani Salem Sonbol said: “In line with its pandemic Response Plan, ITFC allocated $1.1 billion of financing and launched several development programs to support member countries’ recovery that targeted improving food security, building resilience, and supporting the health and export sectors. Out of the $1.1 billion approved, around $400 million was directed to SMEs, reflecting the focus on supporting SMEs recovery, sustaining agriculture value chains and building capacities. ” Mr. Ayman Sejiny said “The IsDB Group ‘Strategic Preparedness and Response Facility’ can underpin our joint efforts to not only cope with the crisis, but to overcome it with a concrete, actionable blueprint. ICD’s geographical outreach across 55 member countries, along with its network of over 100 financial institutions and 5 regional offices and their local linkages, has doubled our collective capabilities and potential to efficiently mitigate the pandemic’s short-term fallout. This collaborative facility is the first of its kind and designed to unite the power of the public and private sectors to serve humanity in times of emergency.” The Forum gathered more than 1,000 participants from multiple sectors across the globe such as government officials, Chairmen, Presidents & CEOs of local and international companies, multilateral and financial institutions, Chambers of Commerce & Industry, business associations, investment promotion agencies, individual investors, entrepreneurs, hundreds of policy and decision-makers, as well as their Excellencies the Governors of the Islamic Development Bank. Distributed by APO Group on behalf of Islamic Development Bank Group (IsDB Group). About Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC): ICIEC is a member of the Islamic Development Bank (IsDB) Group. ICIEC was established in 1994 to strengthen the economic relations between member countries of the OIC. Over 27 years, ICIEC has insured in trade and investment more than USD78 billion. USD 62.3 billion represents support for exports and imports, while USD 15.6 billion covered foreign direct investments into ICIEC’s member countries. ICIEC is Rated Aa3 by Moody’s. ICIEC’s cover has been provided to its 47 member countries across the Muslim world, assisting in their economic prosperity, development and diversification. ICIEC is recognized as the preferred enabler of trade and investment for boosting sustainable economic development in Member Countries, facilitating trade and investment between member countries and the world through Shariah-compliant risk mitigation solutions and tools. ICIEC.IsDB.org SOURCE Islamic Development Bank Group (IsDB Group) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay baraha bulshada si weyn ugu faafay warar sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo koofiyad casta ah la dul-dhigay dhismaha xarunta wasaaradda warfaafinta, kadib xiisada ka dhalatay shaqo joojinta lagu sameeyay Fahad Yaasiin. Il-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan jirin ciidan qabsaday xarunta wasaaradda warfaafinta, xaaladduna ay caadi tahay. Sidoo kale, madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay in ciidamo dheeraad ah la geeyay dhismaha wasaaradda warfaafinta, si loola wareego warbaahinta dowladda ee ka howl-gasha xaruntaas. Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu markale khilaaf ka dhex qarxay ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, kadib markii uu Rooble shaqada ka joojiyey Fahad Yaasiin, halka uu Farmaajo amray in uu shaqadiisa sii wato. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilkaas ugu magacaabay taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliya Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”. Bashiir Goobe ayaa sidoo kale ahaa taliyaha NISA, intii u dhaxeysay 2013 illaa 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh. Rooble ayaa sidoo kale Fahad ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah, oo ka billaabata marka uu warqadda saxiixo Rooble, uu xilka ugu wareejiyo Bashiir Goobe, wuxuuna sheegay in uu shaqo ka-joojinta Fahad u adeegsaday qodobka 13-aad ee dastuurka oo ka hadlaya xaqa nolosha, taas oo loo fasiran karo inuu ku eedeynayo dilka Ikraan Tahliil Faarax. Farmaajo ayaa go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ku tilmaamay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka. “Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay,” ayaa lagu yiri qoraalka Farmaajo. The post Maxaa ka jira in ciidamo ay qabsadeen xarunta wasaarada warfaafinta ee Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo war-murtiyeed soo saaray ayaa halmbalyo u diray taliyaha kumeel gaara ah ee Hey’adda NISA Sarreeye Guud Bashiir Maxamuud Jaamac, isagoo u rajeeyey inuu guul ka gaaro mas’uuliyadda culus loo idmaday. Warqadda kasoo baxday xisbiga UPD ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu yahay qofka mas’uulka ka ah dhammaan hey’adaha fulinta dalka. “Ra’iisul Wasaaraha waxa uu mas’uul ka yahay dhammaan hay’adaha fulinta dalka oo ay ku jiraan kuwa ammaanka, jiritaanka hay’ado ammaan oo aan ka amar qaadanna waxa ay albaabka u fureysaa xasillooni darro iyo sameysanka kooxo hubeysan oo aan sharci ahayn, isla markaana dalka u horseeda burbur,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga. Xisbiga UPD ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay Ra’isulwasaare Rooble ku garab siiyaan dadaallada uu caddaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hey’adda NISA. Sidoo kale, Xisbiga ayaa ugu baaqay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ka waantoobo carqadaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaare Rooble. “Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waa in uu ka waantoobaa carqaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaaraha, maadaama uu baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ugu wareejiyay mas’uuliyadda dalka, kadib markii uu muddo xileedkiisu dhamaaday,” ayuu mar kale yiri qoraalka. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Agaasimihii NISA, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kahor yimid tallaabadaas. The post Xisbiga Xasan Sheekh oo si cajiib ah uga hadlay xil ka-qaadista Fahad Yaasiin appeared first on Caasimada Online.
-
Taalibaan oo Guul ka gaadhay Dagaalkii ay la gashay Kooxda Dooxada Banjshir ee uu hogaamiyo Ahmed Massoud Ciidamada gaarka ah ee Taalibaan Kooxda Taalibaan ayaa maanta sheegatay inay si buuxda u maamusho Afghanistan, ayaga ku dhowaaqay inay ku guuleysteen dagaalkii muhiimka ahaa ee Dooxada Panjshir, oo aheyd halkii ugu dambeysay ee ay joogeen kooxo diidan xukunkeeda. Kadib markii ay Afgahnistan inteeda kale qabsadeen, islamarkaana dalka ka baxeen ciidamadii shisheeye, Taaliibana ayaa u jeesatay dagaal ka dhan ah ciidamo mucaarad ah oo isku urursaday buuraha Dooxada Panjshir. Taalibaan ayaa maanta guul ka sheegatay dagaalkaas, waxaana afhayeenkeeda uu ka digay isku dayo kale oo looga hor-imanayo xukunkooda, isaga oo ku booriyey ciidamadii hore ee amniga ee dalka inay kusoo biiraan taliska kooxda. “Ayada oo aan gaarnay guushan, dalkeena waxaa si buuxda looga saaray dagaal halis ah,” ayuu yiri afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid, oo shir jar’aaid ku qabtay Kabul. “Imaaradda Islaamiga ah aad ayey xasaasiyad uga qabtaa muqaawaminada. Qof kasta oo isku dayo inuu billaabo muqaawamanimo, si xoog leh ayaa loo dhufan doonaa. Mid kale ma ogolaan doonno,” ayuu yiri. Sawir ay Taalibaan ku baahisay baraha bulshada ayaa muujinaya dagaalyahandeeda oo ku sugan xafiiska barasaabka gobolka Panjshir. Jabhadda Iska-caabinta Qaranka (NRF) ee Panjshir — oo ka koobneyd maleeshiyo diidan Taalibaan iyo ciidamadii hore ee Afghanistan — ayaa Axaddii qiratay guul-darro xooggan, waxayna ku baaqeen xabad-joojin. Kooxda ayaa Isniinta qoraal twitter ah ku sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay weli haystaan “goobo muhiim ah” oo ka mid ah dooxada, waxayna wacad ku mareen inay sii dagaalami doonaan. Ciidamada NRF waxaa ku jira kuwa daacad u ah Ahmed Massoud – wiilka hoggaamiyihii caanka ah ee diidanaa soviet-ka iyo Taalibaan Ahmed Shah Massoud, iyo ciidan ka haray dowladdii hore ee Afghanistan. Qaran News
-
Kismayo (HOL) - Jubaland's regional government has lent its support to Prime Minister Roble in his decision to suspend Fahad Yasin, the Director-General of Somalia's National Intelligence and Security Agency (NISA). Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa xoggaanka Villa Soomalaiya ayaa haatan ka sii dareysa, waxaana ay ka dhalatay, kadib markii uu Rooble shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii hay’adda NISA, kadibna uu ka horyimid madaxweyne Farmaajo. Siyaasiga mucaaradka ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah uu taxliiliyey go’aannadan ayaa shaaciyey inay labada dhinac ku kala duwan inuu mid u hiiliyey cadaaladda, halka midka kalena uu hor istaagayo cadaaladdii, sida uu hadalka u dhigay. “Go’aanada Rooble iyo Farmaajo waxay ku kala duwan yihiin, midna caddaaladda ayuu u hiiliyey, xuquuqda muwaadinka buu ilaaliyey, damiirkiisana waa u nadiif, halka kan kale uu caddaaladdii hor istaagay, xuquuqdii muwaadinka ku tuntay, damiir gubanaya saaxiibkiis ku difaacay,” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in go’aanka kasoo baxay madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday uu u muuqdo mid uu ku taageerayo Fahad Yaasiin, isla-markaana laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah. “Waa laba midkood; in uu Fahad la ogaa afduubka iyo dilka Ikraan, ama uu ka arradanyahay damiir masuuliyadeed, damqasho waalidnimo iyo dan qaran,” ayuu raaciyey. Gabagabadii hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa xusayn in arrintan ay tahay mid guud, isla-markaana labada go’aaan midka taageero bato uu geli doono diiwaanka taariikhda. “Siyaasiyiinta, ciidanka, bulshada Rayadka ah, madaxda dowlad goboleedyada iyo shacabkaba labada go’aan kii ay taageeraan ayaa taariikhda loogu diiwaan gelinayaa,” Si kastana siyaasiiyinta mucaaradka ayaa taageero weyn u muujiyey ra’iisul wasaaraha, iyaga oo taageeray tallaabadii uu shaqada uga joojiyey agaasimihii hay’adda NISA The post Maxay ku kala duwan yihiin go’aanada ay kala qaateen FARMAAJO iyo ROOBLE? appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku guuleystay inay dib xorriyaddooda u helaan dhalinyaradii dhowaan lagu afduubtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Dadaallada lagu soo daayey dhalinyaradan oo saddex ahaa, isla-markaana ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad ku heyb ah Ikraan Tahliil ayaa waxaa ka qeyb-qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne ee maamulka HirShabelle. Sidoo kale arrintan waxay ku timid wada-hadallo dhex-maray odayaasha iyo waxgaradka labada beelood, si loo qaboojiyo xiisadda ka dhalatay ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax. Dhinaca kale siyaasiga caanka ah ee Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa soo dhoweeyey dadaallada guuleystay ee lagu soo daayey dhalinyaradaasi, wuxuuna u mahad-celiyey odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo sidoo kale mas’uuliyiinta deegaanka. “Waxaan bogaadinayaa in uu miro dhalay, dadaalkii iyo howsha hagar la’aanta ahayd ee ay qabteen odayaasha dhaqanka, mas’uuliinta iyo aqoonyahannada labada beelood ee walaalaha ah, oo saaka ku guulaystay in ay xorriyadoodii u soo celiyeen seddexdii dhallinyarada ahayd ee lagu haystay degamada Baladweyne, iyaga oo bad qaba” ayuu yiri. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa odayaasha dhaqanka, masuuliinta iyo qoyska ay ka dhalatay Ikraan Tahliil Faarax oo muujiyay dadaal dheeraad ah,”. Ugu dambeyn Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa ku baaqay in la wada ilaaliyo wanaaga iyo darisnimada, lana adkeeyo nabad-geylada deegaanka. “Waxaan mar kale ugu baaqayaa in walaalaha wada deggan deegaanka ay ilaashadaan daris wanaagga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka wada dhaxeeyo, lana adkeeyo nabadgelyada iyo wadajirka bulshada wada daggan Degmada Baladweyne, ayuu raaciyey. Si kastab arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli ay haatan soo shaac-baxday xiisad ka dhalatay kiiska Ikraan, taas oo sababtay in shaqada laga joojiyo agaasimihii NISA. The post Wararkii ugu dmabeeyey ee xaaladda dhalinyaradii loo afduubtay kiiska IKRAAN appeared first on Caasimada Online.