Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Marka hore qofka keligi-taliyaha ah wuxuu geed gaaban iyo mid dheer u korayaa sidii uu kursiga ku heli lahaa ka dib maxaa xiga? Wuxuu qoorta u dheereynayaa cid kasta oo mucaarad ku ah, isaga oo ku tilmaamayaa in ay yihiin qaran-dumis (enemies of the people). Markuu hawada ku cuno kuwa halista ku ah, wuxuu ka shaqeyn doonaa sidii uu ku noqon lahaa aabbihii qaranka (father of the nation), isaga oo fannaaniinta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ka dhaadhicin doona in loo heeso, sawiradiisa lagu dhajiyo waddo kasta, xafiis ilaa guri si qofka uusan shaki uga galin cidda madaxda ka ah dalka. Source: Hiiraan Online
  2. President Uhuru Kenyatta has commissioned a new Navy Manda Bay Base in the coastal region of Lamu, where Kenya recently opened a new port. The area is prone to terrorist attacks instigated by the Somalia-based al-Shabaab group. Source: Hiiraan Online
  3. Wuxuu mar ahaa siyaasiga ugu weyn ee taageersan, mar kalena wuxuu noqday hoggaamiyaha xisbiga aan dhalan ee Nabad iyo Nolol, laakiin hadda waxaa muuqata inuu isbedel ku yimid. Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumada xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kusii noqdo awood gaar u taagan, kana baxo isbaheysigii siyaasadeed ee uu kula jiray madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo la noqday taageeradii weyneyd ee doorashada. Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Mahdi Guuleed uu si cad isugu muujiyey inuu leeyahay rabitaan u gaara oo ka duwan dhismaha iyo dib u doorashada Farmaajo, waxaana maalmihii ugu danbeeyay soo baxay shaki ay kooxda Farmaajo ka qabaan. Arrimaha soo socda waxay caddeyn u yihiin sida Mahdi Guuleed ugu xuub siibtay hoggamiye mowqif u gaara leh oo aan lagu tiri karin inuu la socto Farmaajo iyo kooxdiisa Doorashada: QORISTA LIISKII SENATOORADA Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed wuxuu liiska Musharixiinta Senatorada kasoo jeeda Somaliland ku qoray xubno isaga aad ugu dhow, isagoo iska fogeeyay xubno aad ugu dhowaa Farmaajo oo uu doonayey inuu noqdaan musharixiin kusoo baxa Doorashada Aqalka Sare. Shan Senator oo kusoo baxay Aqalka Sare ee Somaliland oo hadda loo tirinayo inay taageere u yihiin Farmaajo waxaa 3 ka mida soo saartay Mahdi Guuleed oo dhinacyo kale gorgortan kula galay, waxaana Farmaajo markaas usoo haraya laba senator oo weliba midkood shaki laga gelin karo. Tusaale Kooxda Farmaajo ayaa dooneysay inay Liiska Musharixiinta kusoo baxdo Naciima Abwaan Qorane oo ka mida taageerayaashooda, laakiin waxaa dhacday inuu Mahdi Guuleed liiska ku qoray aabaheed Abwaan Qorane, iyadoo abwaanka la filayo inuusan ahayn qofkii ay rabeen kooxda Farmaajo. AAMINAAD LA’AANTA MAHDI GUULEED Shakiga ay kooxda Farmaajo ka qaadeen tallaabooyinka uu ku dhaqaaqay Mahdi Guuleed, wuxuu xoogeystay markii ay ku aamini waayeen Kharashkii ay ugu talogaleen inay kusoo saaraan Senatoorada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi, kaasoo ay maamulkiisa wadeen xubnaha xafiiska Farmaajo sida agaasime ku xigeenka Madaxtooyada. Mahdi Guuleed ayaa ka faa’iideystay hoos u dhaca awoodii Maxamed Farmaajo ee timid kadib khilaafkii ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil ee keenay inuu dagaal siyaasadeed dhex maro isaga iyo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna helay awood iyo xoriyad dheeraad ah. XIRIIRKA MUSHARIXIINTA MUCAARADKA Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed waxaa la ogaaday inuu iskiis u soo saartay Senatooro, isla markaana uu doonayo inuu soo saaro xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo wadahadal la furay ugu yaraan laba ka mida Musharixiinta Mucaaradka ee waaweyn, lana xaqiijiyey inay midkood is fahmeen. Arrintan waxay caddeyn xoog leh u tahay inuu si aan la dareemin uga baxay taageeradii Farmaajo, haddana isu bedelay awood si gaara u taagan oo isbaheysiyo doorasho la galayo dhinacyada kale, hadba ciddii ay is fahmi karaan. GABAGABO Ugu danbeyn Mahdi Guuleed oo garabka Farmaajo ka baxa sida muuqata waxay soo afjari doontaa rajadii uu ka qabay in dib loo doorto ama uu saameyn weyn ku yeesho Doorashada, taasoo horeba daqarro waaweyn u soo gaareen. Xigasho: Goobjooge.net The post Saddex arrin oo caddeyn u ah in Mahdi Guuleed uu ka baxay taageeradii Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  4. Soo noqoshada xubinta aqalka sare ee Sen. Cabdi Xaashi waxay astaan u tahay inuu si fudud ku hanto gudoomiyenimada Aqalka sare. Gudoomiyaha ayaa waxaa si weyn u wata kooxaha mucaaradka iyo maamulada qaar, waxaa kale oo codad fiican ka helayaa qaybta reer Somaliland oo uu in badan u doodayey xuquuqdooda. Waxaase cad inuusan jirin Senator kula tartama xilka oo heli kara wareega koowaad codad wanaagsan, hadiiba uusanba soo bixin wareega kowaad. Sabaha soo socda awgood: 1- Cododka 11 ee Puntlnad oo dhankiisa aadaya 2- Codadka 8 ee Jubaland oo dhankiisa aadaya 3- Muuse Suudi, Prof. Dufle, iyo Prof. Abdi Ismaciil oo xaqiiq tahay inay isaga dooranayaan. Codadka aan kor ku sheegay wax waa iska badali karaan, lakiin 90% waa hubaal inuu helayo codadkaas 22 ah. Codaka kale waa suurtagal inuu ka helo qayb fiican, kaliya waxaan xusay codadka ay u badan tahay inuu helo wareega koowaad iyo meelaha ay ka imanayaan. Maamulada Puntland iyo Jubaland maahan kuwo khamaar ku galaya qof cusub oo aysan aqoon isu lahayn inuu kursiga ku soo baxo, labada maamulna waxay heshiis ka yihiin siyaasada guud ee dalka iyo doorashada cida la taageerayo. Labada maamul waxay in badan fagaarayaasha uga doodeen qadiyada kooxda Cabdi Xaashi watay iyagoo mar walba garab sinayey kooxda Gud. Cabdi Xaashi, waxayana sabab u ahaayeen labada maamul iyo mucaaradkuba inuu soo gaaro meeshaan. Ra’iisul Wasaare ku–xigeenka Mahdi Guuleed ayaa dhankiisa raali ka noqonayn inuu kursiga aqalka sare ku soo baxo qof ka socda beesha ay saami wadaaga yihiin ee West Burco Clan, taas oo uu ku ilaashanayo kurigiisa RW kuxigeenimo marlabaad oo rajo ka qabo, waxaa arinkaan saacidaynayaa inuu qof aan Gar-Xajis ahayn soo baxo. Madaama Somaliland kursigaan laga leeyahay ma jiraan loolan adag oo kooxaha siyaasadu ku bixinayaan qofaan Cabdi Xaashi ahayn. Sidaas oo kale musharaxiinta la tartami doonta ayaa adkaanaysaa inay cod ahaan ku soo dhawaadaan wareega koowaad, sababtoo ah waxay noqon doonaan musharaxiintu ugu yaraan 3-5 musharax oo ay qabysamayaan codadkoodu. Abdi Xaashi inkasta oo dagaal adag ay dhex mareen isaga iyo Madaxtooyadu, hadana wali waa nin qadarin badan u hayaan dadka Soomaaliyeed, waxaana u badan tahay in marlabaad loo cumaamado xilka gudoonka Aqalka Sare hadiiba uu marlbaad go’aansado inuu u tartamo. F/G: Tani waa qiyaastayda iyo aragtidayd, waana suurtagal inay wax iska badalaan W/Q: Diraac S Fagaase AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post 3 sabab oo Senator CABDI XAASHI uu mar kale si fudud ugu noqon karo guddoomiye appeared first on Caasimada Online.
  5. Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa digniin adag kasoo saaray dhalinyaro lagu xiray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, wuxuuna maamulka u qabtay in lagu soo sii daayo 48 saac gudahood. Jeneraal Xuud ayaa sheegay in arrin la yaab leh ay tahay in afar will oo dhalinyaro ah la iska xirto, isagoona mas’uuliyada xarigaas dusha u saaray madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe. “Waxaa shalay Jowhar lagu xiray afar wiil, waxaa loo xiray xornimadooda iyo xuquuqda ay leeyihiin in ay soo bandhigaan oo dadka ay tusaan ayaa loo xir-xiray, qof walba oo bini-aadam ah oo aduunyada ku nool waa xor, xaqna wuxuu u leeyahay waxa uu rabo haddii ay xumaan aheyn in dadka uu tuso,” ayuu yiri Jeneraal Xuud. “Edeb-darada loo xiranayo maxay tahay?, ma waxa lagu nisbeyn karaa qabiil ayaa xirtay. Arrintaas oo kale waa ka fogaadaan dadka mas’uuliyiinta in laga aargoosto ilmaha iyo dumarka, ciddii aad ka aargosan laheydeen waa taqaanan waa aniga idinla hadlaya.” Waxa uu ku hanjabay in haddii 48 saac gudaheed lagu soo deyn waayo dhalinyaradaas, uu qaadi doono tallaabo cawaaqib xumadeeda uu qaadayo Cali Guudlaawe. “Haddaa fidno iyo rabsho ka shaqeynayso waa lagala shaqeyna wixii hadda ka dambeya, ogowna in Johwar ay nabad noqoneyn, xawaadle ayaa dagan, waa isku dhar dhiganeyn, haddaad ka noqon gefka noocaas oo kale ah.” Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa hogaamiya gole isku magacaabay Kacdoonka gobolka Hiiraan oo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle ayaa digniin culus soo saaray, waxayna mararka qaar weerar ku qaadan deegaano ka tirsan maamulkaas. Hoos ka daawo muuqaalka The post Jeneraal Xuud oo 48 saac u qabtay HirShabelle kadib arrintii ka dhacday Jowhar appeared first on Caasimada Online.
  6. Marib (Caasimada Online) – Ugu yaraan 100 isugu jira mucaaradka Yemen iyo ciidamada dowladda taageersan ayaa 48-kii saac ee tegay lagu dilay dagaal sii xoogeysanaya oo ka socda magaalada muhiimka ah ee Marib, sida ay sheegeen ilo-wareedyo militari iyo kuwa caafimaad. Sidoo kale, duqeymo dhowr oo ay sameeyeen isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa lala beegsaday maleeshiyada Xuutiyiinta oo sare u qaaday weerarka ay ku hayaan Marib, oo ah magaalada kaliya ee waqooyi ee ku hartay gacanta dowladda. Lixdan iyo sideed Xuutiyiin ah iyo 32 taabacsan dowladda ayaa lagu dilay isku dhacyadii ugu dambeeyey, sida ay ilo-wareedyo militari u sheegeen AFP. Khasaarahan ayaa waxaa xaqiijiyey ilo-wareedyo caafimaad. Mucaaradka ayaan inta badan sheegin khasaarahooda. Hase yeeshee Taleefishinkooda Al-Masirah ayaa ku warramay in 60 duqeymo lala beegsaday Marib, labadii maalmood ee ugu dambeeyey. Boqolaal dagaal-yahan ayaa bishan la dilay kadib markii Xuutiyiinta ay soo cusbooneysiiyeen ololaha ay ka wadaan caasimadda gobolka hodanka ku ah shidaalka. Marib oo 120 km bari ka xigta caasimadda Sanca ee Xuutiyiinta ay haystaan, ayaa ku taalla meel muhiim ah oo xiriirisay gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyi, waxayna muhiim u tahay maamulka waqooyiga Yemen. AFP + VOA The post 100 qof oo lagu dilay dagaal xooggan oo ka socda Marib appeared first on Caasimada Online.
  7. Koox hubeysan ayaa goordhaweyd weerar ku qaaday guriga uu magaalada Garowe ka degan yahay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac. Muddo daqiiqado ah ayaa rasaas laga maqlayay guriga Taliyaha oo ku yaala xaafadda 1-da August oo ah mid aad loo ilaaliyo amaankeeda. Khasaare ka dhashay weerarkaas lama soo werin, sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo hadda ka hadashay. Rasaasta caawa saqdii dhexe ka dhacday guriga Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha Gorowe. PUNTLAND POST The post Garowe: Guriga Taliyaha Booliska Nugaal oo la weeraray appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah Golaha Hogaaminta Beesha Habar-Gidir oo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Galmudug uu laba habeen ka hor ka cudur daartay kulan uu la balansanaa Guddi ka socda Beesha Habar-Gidir. Guddigan ayaa damacsanaa inay Qoor Qoor u gudbiyaan go’aan ka dhan oo ka dhashay garab istaag la sheegay in uu u sameeyay madaxweyne Farmaajo islamarkaana uu ka soo horjeestay Ra’iisul Wasaare Rooble. Qoor Qoor ayaa sheegay in uu xanuunsan yahay oo uusan cidna qaabili karin, hase yeeshee isla habeenkii ayuu qaabilay Agaasimihii hore ee hay’ada nabad sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, Wasiiru dowladaha Wasaarada Gaadiidka Craxmaan Dheere iyo Wasiirka Boostada ee Maamulka Galmudug Aadan Qoryooleey. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in odayaasha Habar-Gidir ay qaateen go’aan ka dhan ah Madaxweyne Qoor Qoor kaasoo ah in uu cadeeyo mowqifkiisa ama in ay joojin doonaan dhamaan wadashaqeyntiisa arrimaha Galmudug. Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa laba jeer ku guul dareestay in uu wadahadal ku dhameeyo khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo gaaray heerkii ugu adkaa, ilaa hadana ma cadeynin Mowqifkiisa ku aadan khilaafka labada masuul. Wuxuu sidoo kale ku fashilmay isku day uu heshiis been ah ugu qiyaami lahaa Rooble, isaga oo ku beddelanaya dhulka Dry Port ee aagga Afisyoone, kadib markii xilli dambe laga war-helay. Qoor Qoor oo lagu tilmaamo madaxweyne goboleedka ugu shaqada iyo tayada xun, inta badanna iska fadhiya Muqdisho, ayaa hadda wajahaya cadaadis kaga imanaya kooxda Ahlu-Sunna ee deegaanada Galmudug oo dib usoo laba kacleyneysa. The post Xog: Qoor Qoor oo u gooyay beesha Habar-Gidir appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad, oo baarlamanka Soomaaliya kasoo galay deegaanada Galmudug, ayaa ka hadlay dagaalka dib uga soo cusboonaaday halkaas ee u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo kuwa Ahlu-Sunna. Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Galmudug waxay leedahay maamul iyo madax la doortay. Ciidamada Qaranka iyo kuwa Galmudug oo furimo cadow ku furanyihiin kuwa dhabarka xabadda ka saaraya waa cadow dadka iyo dowladnimada Galmudug ku soo duulay waana waajib in gacan bir ah lagu qabto.” Waxa uu intaas ku daray “Siyaasiinta maslaxada ka dhex raadinaya kala dhantaalidda iyo cuuryaaminta maamulka Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan. Guul ayaan u rajeynayaa reer Galmudug!” Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka laga helayo deegaanka Bohol ayaa sheegaya in dagaalkii uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba oo dhinacyada dagaalamay ah, waxayna xogtu sheegeysa in ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen dagaalka, ayada oo dhaawacuna uu ka badan yahay 20 qof. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu iska istaagay, islamarkaana ay dhinacyadu iskood ugu kala tageen deegaanka Bohol, waxaana loo badinaya in lagu kala tagay qorax dhaca. Dagaalka ayaa imanaya xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu iska hilmaamay shaqadiisa, islamarkaana noqday fadhiid degan magaalada Muqdisho oo ka shaqeeya danaha madaxweyne Farmaajo. Tan iyo markii uu xukunka qabsaday Qoor Qoor waxaa xoogeystay weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan deeganadaas, kuwaas oo laga nabad qabay muddadii ay Ahlu-Sunna joogtay, waxayna taasi dhalisay in Ahlu-Sunna mar kale ay taageero hesho. The post Mahad Salaad oo war kasoo saaray dagaalka Galmudug iyo soo rogaal-celinta Ahlu-Suna appeared first on Caasimada Online.
  10. PRESS RELEASE Germany commits €100 million to SEFA to unlock private investment in renewable energy The announcement came during the United Nations High-Level Dialogue on Energy, held in New York on 24 September as part of the UN General Assembly ABIDJAN, Ivory Coast, September 30, 2021/ — The German government will contribute €100 million to the African Development Bank’s (AfDB.org) Sustainable Energy Fund for Africa (SEFA) (https://bit.ly/2Y4JEOb), affirming its commitment to efforts to tap Africa’s renewable energy potential and drive its transition to clean energy sources. The announcement came during the United Nations High-Level Dialogue on Energy, held in New York on 24 September as part of the UN General Assembly. The funding will go to unlock private sector investment in green-baseload projects, a SEFA priority focus. Specifically, it will support technical assistance and investment in power generation, transmission and distribution to increase penetration of renewable power in African grids. The funding follows Germany’s initial contribution to SEFA of €50 million, made in 2020. Norbert Barthle, Parliamentary State Secretary of the German Ministry for Economic Cooperation and Development, said during the High-Level Dialogue: “We need to accelerate the global energy transition. This requires the rapid phasing out of all fossil fuels and a massive expansion of renewable energy. The time to act is now.” The financing aligns with the G20 Compact with Africa (https://bit.ly/39QLwNl) launched during Germany’s tenure of the G20 Presidency. The Compact promotes macroeconomic, business and financing reform to attract more private investment in Africa. Dr. Daniel Schroth, the Bank’s Acting Director for Renewable Energy and Energy Efficiency, said, “Germany’s new contribution is a major boost towards SEFA’s capitalization target of $500 million. It is also recognition of the catalytic role SEFA has been playing in accelerating Africa’s energy transition and supporting clean energy access solutions.” SEFA is a multi-donor special fund that aims to unlock private sector investments that contribute to universal access to affordable, reliable, sustainable, and modern energy services for all in Africa, in line with the Bank’s New Deal on Energy for Africa strategy and Sustainable Development Goal 7. SEFA has received contributions from the Government of Denmark, Germany, Italy, Norway, Nordic Development Fund, Sweden, Spain, United Kingdom and United States. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo maanta ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa maamulka Galmudug ku dhex-maray deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo hadda joogsaday, ayaa waxa uu markii hore ku billowday is-rasaasayn goos-goos ah, kadibna wuu sii xoogeystay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka laga helayo deegaanka Bohol ayaa sheegaya in dagaalkii uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba oo dhinacyada dagaalamay ah, waxayna xogtu sheegeysa in ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen dagaalka, ayada oo dhaawacuna uu ka badan yahay 20 qof. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu iska istaagay, islamarkaana ay dhinacyadu iskood ugu kala tageen deegaanka Bohol, waxaana loo badinaya in lagu kala tagay qorax dhaca. Xaalada guud ee deegaanka lagu dagaalamay ayaa hadda degan, waxaana ka taagan cabsi ah in markale uu dagaal ku dhexmaro sidii saaka ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa Galmudug. Hoggaanka Ahlu-Sunna ee horay looga saaray Galgaduud ayaa dib ugu laabtay ayaga oo sheegay inay ka qayb galayaan siyaar ka dhaceysay deegaanka Huurshe, ayada oo midaasi ay abuurtay xiisad dagaal, ayaga oo deegaankaas kaga dhawaaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. The post Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Ahlu-Sunna iyo Galmudug + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  12. PRESS RELEASE Fifteen African countries hit 10% COVID-19 vaccination goal Seychelles and Mauritius have fully vaccinated over 60% of their populations, Morocco 48% and Tunisia, Comoros and Cape Verde over 20% BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), September 30, 2021/ — Fifteen African countries—nearly a third of the continent’s 54 nations—have fully vaccinated 10% of their people against COVID-19. The global goal of fully vaccinating 10% of every country’s population by 30 September was set in May by the World Health Assembly, the world’s highest health policy-setting body. Almost 90% of high income-countries have met this target. Seychelles and Mauritius have fully vaccinated over 60% of their populations, Morocco 48% and Tunisia, Comoros and Cape Verde over 20%. Most of the African countries that have met the goal have relatively small populations and 40% are small island developing states. All these countries have enjoyed sufficient supplies of vaccines, and many could access doses from separate sources in addition to those delivered through the COVAX Facility, the global platform to ensure equitable access to vaccines. Half of the 52 African countries that have received COVID-19 vaccines have fully vaccinated just 2% or less of their populations. “The latest data shows modest gains but there is still a long way to go to reach the WHO target of fully vaccinating 40% of the population by the end of the year. Shipments are increasing but opaque delivery plans are still the number one nuisance that hold Africa back,” said Dr Richard Mihigo, Immunization and Vaccines Development Programme Coordinator for the World Health Organization (WHO) Regional Office for Africa. Nine African countries, including South Africa, Morocco and Tunisia, had reached the 10% goal at the beginning of September and another six managed to sprint ahead to reach the target this month due to rising vaccine deliveries. Twenty-three million COVID-19 vaccines arrived in Africa in September, a ten-fold increase from June. Yet just 60 million Africans have been fully vaccinated so far and 2% of the more than 6 billion vaccines given globally have been administered on the continent. COVAX is working with donors to identify the countries that can currently absorb large volumes of vaccines and send them their way and plans to strengthen its support for countries that do not have other sources of vaccines. WHO has assisted 19 African countries in conducting intra-action reviews, which analyse their vaccination campaigns and offer recommendations to improve them. The reviews show that uncertainty around deliveries has been a major impediment for many countries. By deploying a team of international experts, WHO is providing targeted support to a select group of countries to identify and resolve bottlenecks in their COVID-19 vaccine rollouts, including working with local authorities and partners to identify and address the root causes of challenges to administering vaccines. WHO is also working to share crucial lessons and best practices among African countries to help them accelerate their vaccine rollouts. COVID-19 case numbers in Africa dropped by 35% to just over 74 000 in the week to 26 September. Almost 1800 deaths were reported across 34 African countries in the same period. The Delta variant has been found in 39 African countries. The Alpha variant has been detected in 45 countries and the Beta in 40. “Despite the declining case numbers we must all remain vigilant and continue to adhere to the proven public health and safety measures that we know save lives, such as wearing a mask, washing our hands regularly and physical distancing, especially while vaccination rates remain low,” said Dr Mihigo. Dr Mihigo spoke during a virtual press conference today facilitated by APO Group. He was joined by Dr Pamela Smith-Lawrence, Acting Director, Health Services, Ministry of Health and Wellness, Botswana, and Mrs Fortunate Bhembe, Deputy Director of Pharmaceutical Services, Ministry of Health, Kingdom of Eswatini. Also on hand to answer questions were Dr Fiona Braka, Team Lead, Emergency Operations, WHO Regional Office for Africa, and Dr Thierno Balde, Regional COVID-19 Deputy Incident Manager, WHO Regional Office for Africa. Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihi hore maamul goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa xukuumadda Siciid Deni iyo dowladda hoose ee Garoowe ku eedeyay waxqabad la’aan baahsan. Faroole ayaa sheegay in xukuumadda Deni ay ka gaabisay daboolida baahiyaha bulshada maamulkaas, asaga oo tusaale u soo qaatay duufaan kal hore ka dhacday degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Waxa uu sheegay in dowladda hoose ee Garoowe ay qorsheynayso inay dib u soo celiso Cagaf degmadaas la geeyay xili uu tagayay madaxweyne Deni, aysan dan ka laheyn wado xumada iyo xaalada ka taagan degmadaas. “Eyl duufaan ayaa ka dhacday 7-dii December hal qof ma tagin, Xildhibaan, Wasiir iyo wax u dhaqaaqay ma tagin, aniga oo yaaban ayaa tagay, welina kama soo kaban oo dhul duufaan, waxaa la ii sheegay in Cagaf geeyen si wadada u mariyaan xili uu imanayay Deni,” ayuu yiir. “Cagaftaas maxaa loo geyn waayey maalinkii ay labada Eyl kala xirmeen, xagee maalinkaas jireen, waxaa u sheegaya Dowladda hoose ee Garoowe waa isku imaan doonaaye, Cagaftaas Eyl ayaa qaadatay ee xoghayihiina ceshada, halkaas ayuu oolaya, waxaa u sheegaya madaxweynaha iyo wasiirka dowladaha hoose Cagaftaas reer Eyl ayaa leh.” Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Deni iyo maamulka dowladda hoose ee Garoowe ay ka gaabiyeen shaqadii loo igmaday, xili lagu wado in maamulkaas ka qabsoomto doorasho. The post Faroole oo weerar culus ku qaaday xukuumadda Deni appeared first on Caasimada Online.
  14. PRESS RELEASE Kenya-UK Health Care Workforce Collaboration to facilitate capacity building for Kenyan Nurses The visit is also meant to explore ways of strengthen the health system back in the country to make Kenya have global standards in training and patient care NAIROBI, Kenya, September 30, 2021/ — Health Principal Secretary Susan Mochache is currently in London, United Kingdom to initiate implementation of the Kenya-UK Health Workforce Collaboration. The PS is in the company of Officials from the Ministry of Labour and Social Protection, Ministry of Foreign Affairs, Council of Governors and the Nursing Council of Kenya. This is a follow-up meeting for the Bilateral Agreement between Kenya and the United Kingdom on collaboration on Health Care Workforce signed on 29th July 2021. The purpose of the visit is to discuss key issues including terms, conditions and welfare of Kenyan migrant workers; sourcing job opportunities in UK; facilitating migration of successful candidates among others. The visit is also meant to explore ways of strengthen the health system back in the country to make Kenya have global standards in training and patient care in addition to addressing unemployment for our nurses. During the visit the team will have discussions with implementing agencies including the UK Department of Health and Social Care, National Health Service, Nursing and Midwifery Council, Oxford Hospital Foundation Trust and the University of Manchester and Christie Foundation Hospital. Kenya is set to send the first cohort of Nurses to the UK in October 2021. SOURCE Ministry of Health, Kenya Qaran News
  15. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa maanta xerada Godod ee duleedka magaalada Gaalkacyo tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan ciidamada daraawiishta. Muunasabada soo xirtaanka tababarka waxaa ka soo qaybgalay Guddiga dib u habeynta ciidamada oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Taliye Xigeenka Labaad ee Ciidanka Daraawiishta, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidmadda, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Senator Maxamed Cali Yusuf, Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo lan Gobolka Mudug. Ciidamadan tabarbarka loo soo xiray ayaa ah dufcadii labaad ee ka baxada Dugsiga Gen. Carays ee Godod waxaana la sheegay in ay qaateen tabarbaro isugu jira, khibrada goobaha dagaalka, habka laysu difaaco, akhaalqda ciidanimo, caawinta bulshad Iyo casharo kale oo dhanka ciidamada ah. Guddoomiyaha Guddiga dib u habaynta Ciidamada ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ayaa bogaadiyey ciidanka tabarka loo soo xiray waxaana uu sheegay in ay xuquuqdooda ay u helayaan si joogta ah sowladdana ay ka fo’antahay tayeynta iyo dib u habaynta ciidanka. Dowladda uu hoggaaminayo Madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa horumar ka samaysay dhismaha ciidamada kala duwan ee Puntland. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo tababar loo soo xiray appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii kuraasta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ayaa maanta lagu soo geba-gebeeyey teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu doortay 11 Senator oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomalaiya. Doorashadaas ayaa inta badan looga adkaaday murashaxiinta Aqalka Sare ee uu taageerayey madaxweyne Farmaajo, ayada oo ay soo baxeen kuwa badan oo ay kasoo horjeeda sida Cusmaan Abuukar Dubbe, iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar. Ku-xigeenkii hore ee xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, Garyaqaan Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa ayaa sheegay in sababta guul-darrada Farmaajo ay tahay ayada oo meesha ay ka baxday awoodii Villa Somalia kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu diiday faro-gelin hal dhinac ah oo ka dhacda doorashooyinka. “Qorshe ayey diyaarsadeen (Villa Somalia) laakiin taasi bedelkeeda waxaa ka hortagay Ra’iisul Wasaaraha oo jideeyay hanaanka daah-furnaanta, waxaana dhamaatay hebel baa i wata,” ayuu yiri Garyaqaan Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar. “Dariishada laga wada baxay anagaa wax wadana iyo waa nala wata waa dhamaatay, madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday waxa uu mar walba ku haminayey in marwalba uu soo saarto xubno uu isku haleyn karo oo ku xisaabtami karo, waxaa’se meesha ka saaray go’aanka Ra’iisul Wasaaraha.” Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashada gobollada Waqooyi ay muddo badan ka dhaqaaqi weyday Villa Somalia iyo xubno taabacsan, ayada oo ugu dambeyntii laga adkaaday, sida uu sheegay. Hadalkaan ayaa imanaya xili ay Villa Somalia ku hungoowday dagaal adag oo ay la gashay xubno ay kamid yihii Prof Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Wasiir Dubbe oo ayagu ku soo baxay doorashadii shalay, waxayna taasi ka dhigan tahay in dagaalka lagaga adkaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaada. The post Maxaa sababay guul-darradii uu FARMAAJO kala kulmay doorashadii Afisyoone? appeared first on Caasimada Online.
  17. Gudoomiyaha Maxkamadeed oo Madaxa Budh lagala dhacay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Salaxley Sheekh Axmed ayaa bakoorad madaxa lagaga dhuftay, iyadoo uu dhaawac kasoo gaadhey madaxa, xilli uu ku sugnaa Gudaha Maxkamadda. Guddoomiyaha ayaa waxaa dhaawacay nin maxbuus ah oo ku sugnaa Maxkamadda, kaasi oo bakooradda kala booday qof kale oo isna maxkamadda dhex taagnaa, sida uu ii xaqiijiyay Maayirka degmada Sallaxley Axmed Buraale. Qaran News
  18. Dagaal u dhaxeysa ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta ka dhacday degaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka oo mudda saacado ah ka socday degaankaas inkastoo aan faahfaahin kale laga helin. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo warar ay sheegayaan in ciidamada Ahlu-Sunna ay toddobaadyadii tegay dib isugu urursanayeen deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud. Hoggaamiyayaasha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa toddobaad ka hor dib ugu laabtay gobolka kadib in ka badan sanad iyo bar oo ay ka maqanaayeen. PUNTLAND POST The post Dagaal u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna oo ka dhacay Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  19. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dagaal xooggan oo ka dhaxeeya ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa maamulka Galmudug iyo dowladda oo dhinac ah, ayaa ka socda deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo goor sii horeysay oo maanta ah ku billowday Is-rasaasayn goosgoos ah ayaa hadda sii xoogeystay, waxaana wararka ay sheegayaan in la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Warar horudhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka uu dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, oo gaaraya 8 ka mid ah dhinacyada dagaalamay. Meydadka iyo dhaawacyada ayaa la geeyey magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Huurshe. Galmudug iyo Ahlu-Sunna ayaa midna weli war kasoo saarin dagaalka. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo warar ay sheegayaan in ciidamada Ahlu-Sunna ay toddobaadyadii tegay dib isugu urursanayeen deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud, ayaga oo qorshahoodu yahay inay dib u qabsadaan Galmuudg. War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidamada booliska Galmudug ayaa 27-kii bishan loogu digay hoggaanka Ahlu-Sunna “inay joojiyaan abaabulka iyo colaadda ay ka hurinayaan” deegaanada Galmudug, gaar ahaan gobolka Galgaduud. “Waxaa deegaanka Huurshe soo gaaray taariikhdu markay aheyd 12-09-2021, Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, iyagoo u yimid sida ay sheegeen siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, kadibna isla goobtii ka iclaamiyay abaabul iyo kicin dagaal, ilaa hadane ka shaqeynaya abaabulkaas dagaal oo ay uga soo horjeedaan Maamulka Galmudug, Horumarka iyo Amniga Bulshada,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah war-saxaafadeedka. Hoggaamiyayaasha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa toddobaad kahor dib ugu laabtay gobolka kadib in ka badan sanad iyo bar oo ay ka maqanaayeen, taasi oo ka dambeysay markii looga adkaaday dagaal ka dhacay Dhuusomareeb. Saraakiisha sare ee ururka Ahlu Sunna ayaa 29-kii Febraayo 2020 isu dhiibay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii uu dagaal dhex-maray maleeshiyaadka Ahlu Sunna iyo ciidanka qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna kadib isaga baxeen gobolka. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Ahlu Sunna ayaa xilligaas sheegay in in malayshiyaadkooda iyo hubkoodiiba ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya gaar ahaana taliya guutada 15aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame. The post Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa Galmudug oo socda appeared first on Caasimada Online.