-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
London (HOL) - The father of the man suspected of knifing a senior Conservative lawmaker to death on Friday said that the attack has left him "traumatized." UK media has revealed that the suspected killer of Sir David Amess, 69, a senior Conservative Member of Parliament of Southend West, is a British national of Somali origin. Source: Hiiraan Online
-
Qaahira (Caasimada Online) – Shirka Baarlamaanka Carabta oo lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan go’aankii maxkamadda ICJ, arrimaha doorashooyinka iyo amniga. Ugu horreyn xubnaha Baarlamaanka dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa si weyn u soo dhoweeyey go’aankii kasoo baxay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo Soomaaliya inta badan loogu xukumay dacwaddii badda ee kala dhexeysay dowladda dalka Kenya. Warsaxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay inay u riyaaqeen guusha ay Soomaaliya ka gaartay dacwadda badda ee muddada soo jiitameysay. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha Soomaaliya uga qeyb-galay shirkaasi ayaa faah faahin ka bixiyey qodobada kasoo baxay shirka, wuxuuna sheegay in Baarlamaanka dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ay u hambalyeeyeen Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddada ay soo socotay dacwaddan ay hiil iyo codba la garab taagnaayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Go’aankii ay soo saartay maxkamadda caalamig ah oo ay Soomaaliya ku guuleysatay dacwaddii kala dhexeysay dowladda dariska aan nahay ee muranka gelisay badda Soomaaliya in muddo ahna soo jiitameysay, isaga oo baarlamaanka carabta mar weliba la barbar taagnaa hiil iyo hoo ama cod iyo taageerid ayaa waxa ay uga dhigneyd guusha ay gaartay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba ay baddeedii iyada kusoo ceshatay si sharci ah mid ay aad iyo aad runtii ugu riyaaqeen, ayna soo dhoweeyeen go’aankaasi,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Dalxa ayaa sidoo kale intaasi ku daray in shirka lagu soo qaaday arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka, gaar ahaan sidii looga gacansiin lahaa dowladda Soomaaliyeed. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Khamiistii maxkamadda ICJ ay shaacisay xukunka biyaha Soomaaliya ee ay muranka gelisay Kenya, kaas oo doodiisa ay soo bilaabatay 2014-kii, waxaana ku guuleysatay Soomaaliya oo inta badan loo xukumay biyihii la’isku hayey. The post Maxay Jaamacada Carabta ka tiri go’aankii ICJ? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa socdaal ku imaanaya qaaradda Afrika, halkaas oo uu dalal dhowr ah isugu mari doono. Erdogan ayaa socdaalkiisa waxa uu salka ku haya sida ay sheegtay Ankara arrimaha ganacsiga iyo siyaadaha uu ka leeyahay qaaradda. Dalalka Angola, Nigeria iyo Togo, oo dhaca bartamaha,koonfurta iyo galbeedka Afrika ayaa lagu wada in uu soo gaaro madaxweynaha halkaas oo uu ku sugnaan doono muddo Afar cisho. Turkiga ayaa iskaashi dhaqaale iyo mid maalgalinba ka fulinaya dalalkaan oo uu rabo in uu xoojiyo xiriirkooda si uu u adkeeyo saameyntiisa qaaradda. Ankara oo isku diyaarineysa in ay xoojiso awoodeda kadib guusha weyn ee ay sugeyso 2023, ayaa xoojinaya dhamaan saaxiibadiisa uu ku leeyahay caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa war ka soo saaray go’anki dhawaan maxkamadda ICJ ay ugu kala xukuntay badda Soomaaliya iyo Kenya. Dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan go’aanka maxkamadda ee Soomaaliya loogu xukumay in ay ku guuleysatay doodeeda ku aaddan in ay biyaha iyada leedahay. War-saaxafadeed ay soo saareen uururka Jaamacadda carabta ayaa lagu sheegay in guusha Soomaaliya ay aheyd guul weyn. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo Soomaaliya Shirka Jaamacadda Carabta oo dhawaan qabsomay uga qeyb galay ayaa sheegay in ururka ay sidoo kale isku raaceen in la xoojiyo taageridda ay siiyaan dowladda iyo dadka Sooamaaliyeed. Jaamacadda Carabta ayaa Soomaaliya sidoo kale ugu baaqday in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka 2021 ee dalka ka socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalaka sida Soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi ciidan ah ku ridday labo askari oo lagu helay inay dhac baahsan u geysteen Carwada Kaah Electronic oo ku taal degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Faarax Cabdullaahi Calasow (Faaraxey) iyo Maxamed Abshir Maxamed (Camey) oo maqane ayaa markii ugu horraysay ka soo Muuqday Camerada Carwa Kaah Electronic oo ku taal Taleex ,gaar ahaan 29-kii June Sanadkan iyaga oo dhac u gaysanayo Carwada. Labada eedeysane ayaa Carwada ka qaaday IPHONE, SAMSUNG iyo agab kale oo electronic ah oo qiima ahaan ku kacayo $12945 Dollar. Ciidamada ammaanka ayaa goor dambe ku guuleystay in la soo qabto laba Alifle Boliis Faarax Cabdullaahi Calasow (Faaraxey) oo laga dhex aqoonsaday muuqaalka Camerada, waxaana labadii July lagu wareejiyay kay’adda dambi baarista Boliiska ee CID. Baaris dheer kadib ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay billowgii August sanadkan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo xilligaasi ka codsaday garsoorka in loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan. Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa isku howlay sidii ay u samayn lahaayeen baaris kale oo ay ku xaqiijinayaan eedeymaha Boliiska, waxa ayna billowgii Oktoobar bishan codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad ka dhan ah Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah. Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga dacwadda 12-kii Bishan. Maxamed Cabdullaahi Khaliif oo kamid ah Xeer Ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku eedeeyay labada eedeysane ee midi baxsadka yahay in ay magaallada dhac baahsan ka gaysteen balse ay tahay Camerada kaah meesha kaliya ee laga helay cadayntooda, waxa uu sidoo kale soo bandhigay dambiya kale oo uu gaystay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida dhaawac uu hore dhibane ugu gaystay. Maxkamadda ayuu ka codsaday in lagu xukumo ciqaab u dhiganto qodobada ay ku soo eedeeyeen. Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kala xaalaan Carwa Kaah magta qaybtooda, sidaas darteed ay Maxkamadda ka ogolaatay in laga qafiifiyo xukunka. Dable Asluub Maxamed Abshir Maxamed “Camey” ayay Maxkamadda amar soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ah u jartay hay’adaha amniga 26-kii September sanadkan. Garsoorayaasha Maxkamadda oo fursad u siiyay dhinacyada dacwadda kaalintooda Maxkamadeeda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo bixinta qiimaha lacageed ee ku xusan Dambiga ay galeen sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayaasha heerka Koowaad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30 cisho. The post Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku ridday askar dhac ka geysatay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun xabsi ciidan ah ku ridday laba eedeysano oo bila ka hor ka soo muuqday baraha bulshada xilli ay dhac u geysanayeen carwo lagu iibiyo qalabka Elektorinikiska . Eedeysanayaashaan oo lagu kala magacaabo Maxamed Abshir Maxamed iyo Faarax Cabdullahi Calasoow ayaa ka kala tirsana ciidamada Booliiska iyo Asluubta. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in labada eedeysane ay Carwada ka dhaceen hanti gaareysa illa iyo $ 12,945 dolar. Eedeysanayaasha ayaa ka soo hor muuqday baraha bulshada iyaga oo dhac geysanaya xilligaas oo ay duubtay muuqaal duubaha qarsoon ee loo yaqaano CCTV. Carwada ay dhaca ka geysanayeen raggan oo hubeysana ayaa waxaa ku sugna shaqsiga Carwada gadayay xilligaas oo uu mid ka mid ah eedeysanaha uu ku qabtay Biskoolad halka kan kale uu guda galey hantida in uu u soo dhaco. Labada nin ee maxkamadda ay xukuntay ayaa mid yahay maqane halka kan kale ay ciidamada gacanta ku soo dhigeen. Cadadka hantidi ay dhaceen Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliyam Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad si weyn loogu maamusayey ergada Soomaaliya ee kiiska badda ayaa soo hadal qaaday doorashooyinka. Rooble ayaa shaaca ka qaaday in si deg-deg ah loo guda-galayo doorashada xildhibaanada aqalka hoose, isla-markaana la bilaabayo todobaadka soo socda, sida uu hadalka u dhigay. Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in lagu hormari doono doorashada 46-da kursi ee gobollada ee waqooyi ku metalaya baarlamaanka soo socda, taas oo ka dhaceysa gudaha Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu arrintaasi kala hadlay guddoomiyaha aqalka sare iyo ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, ayna ku ballaan in la dadajiyo doorashadaasi. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay ra’iisul wasaaruhu in xukuumaddiisa ay dadaal badan ku bixineyso dhammeystirka doorashada, si looga faa’iideysto waqti kooban ee haray. “Habeen kasta waxaan ku duceystaa in doorashada ay soo geba-gabowdo, iyada oo aysan cidna xag-xageyn, cidna waxba u dhimim, sidoo kale aysan jirin cid dhibaato loo geysto,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayey doorashooyinka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo madaxda maamul goboleedyada qaar ay weli ka caga jiidayaan doorashada golaha shacabka, waxaana xusid mudan in xittaa Jubbaland iyo Galmudug aysan weli dhammeystirin doorashada xubnaha golaha aqalka sare Soomaaliya. The post R/W Rooble oo war cusub kasoo saaray doorashada golaha shacabka Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo gobalka Bari ayaa sheegaya in xubna ka tirsan ururka Al-shabaab ay saaka waaberigi hore weerar ku qaaden saldhig ciidamada Puntland ay ku leeyihiin gobalka. Kooxa hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen saldhigga ciidamada difaaca Puntland ee ku yaalla tuulada Af-uru ee gobalka bari. Weerarka ayaa ku bilaawday madaafiic ay kooxdi weerarka soo qaadda ku dhufatay saldhigga ciidamada xilli ay ku sugnaayeen. Ciidamada dowlad gobaleedka Puntland ayaa dhankooda iska caabiyay weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab, wallo aysan faahfaahin ka bixin ciidamada. Illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weraraka Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada difaaca Puntland ee ku yaalla tuulada Af-uru ee gobalka bari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig ciidamada difaaca dowladda Puntland ku leeyihiin tuulada Af-Urur oo ka tirsan Gobolka Bari. Wararku waxay sheegayaan, in Al-shabaab madaafiic ku rideen saldhiga, kadibna ciidamada difaaca Puntland ay kaga jawaabeen hubka culus. Saraakiisha Ciidamada ayaa Puntland Post u sheegay in ay iska caabiyeen weerarka, balse kama hadlin haddii uu khasaare jiro. Dad kala duwan oo ku sugan tuulada Af-Urur ayaa sidoo kale sheegay in subaxnimadii hore ee saaka maqleen rasaas ka dhacaysay dhinaca saldhiga ciidamada. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay tuulada Af-Urur appeared first on Puntland Post.
-
Dhammaan Shaqaalaha dowladda Puntland ayaa la fasaxay maalinta Talaadada ah oo ku beegan xuska barakaysan ee Dhalashada Nebi Muxamed SCW (Mowliidka). Qoraal wargelin ah oo ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland ayaa lagu fasaxay dhammaan shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda si loo maamuuso Mowliidka Nebiga (NNKH) Wasaaradda ayaa sidoo kale ku wargelisay shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa hay’adaha Caalamiga ah in ay fasax yihiin maalintaas. PUNTLAND POST The post Shaqaalaha Puntland oo la fasaxay si loo maamuuso xuska Mowliidka appeared first on Puntland Post.
-
Wefdi uu hoggaminaayo Madaxa Xafiiska Hay’adda UNCHR ee Soomaaliya Magatte Guisse ayaa booqasho ku tegay Xarunta qaabilaadda Qaxootiga ee magaalada Boosaaso. Wefdiga waxa kormeerka ku wahelinayey Sarakiisha Hay’adda UNHCR ee Gobolka Bari gaar ahaan Boosaaso. Wefdiga waxa halkaas ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta xarunta Xarunta qaabilaadda Qaxootiga magaalada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland. Labada dhinac ayaa yeeshay shir ku saabsan dar-daar galinta howlaha shaqo ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adda UNHCR. Shirka waxaa sidoo kale shirka goob joog ahaa Sarakiisha Hay’addaLaanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dekadda Bosaaso. PUNTLAND POST The post Madaxa UNHCR Soomaaliya oo booqday xarunta qaabilaadda Qaxootiga ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa min 10 sano oo xabsi ciidan ah ku ridday Faarax Cabdullaahi Calasow (Faaraxey) iyo Maxamed Abshir Maxamed (Camey) oo lagu helay in ay dhac u gaysteen Carwa Kaah Electronic oo ku taal degmada Hodan ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Taleex 29-kii June Sanadkan. Waxa xusid mudan in Maxamed Abshir Maxamed (Camey) la xukumay isago maqane ah. Halkaan ka akhriso xukunka oo faahfaahsan PUNTLAND POST The post Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo xukuntay laba nin oo dhac u gaystay Carwo Ganacsi appeared first on Puntland Post.
-
Booliiska dalka UK ayaa shaaciyay magaca nin Soomaali ah oo loo heystay dilka xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas oo Jimcihii lagu dilay Essex. Ninkaan magaciisa booliiska ay sheegen oo la qabtay kadib markii uu dilka dhacay ayaa sidoo kale booliisku cadeeyen in uusan horay ugu jirin liiska dadka ay baadigoobayeen sirdoonka boqortooyada England. Eedeysanaha booliiska ay soo bandhigeen ayaa lagu magacaaba Cali Xarbi Cali , kaas oo ah 25-jir heysta dhalasha UK asal ahaanna ka soo jeeda Soomaaliya. Cali ayaa hadda ku xiran saldhigga booliiska Essex, halkaas oo su’aallo ay ku weydiinayaan ciidamada dambi baarista. Xildhibaanka dilkiisa loo heysto ninkaan ayaa jimcihii lagu dilay weerar loo adeegsaday Middi (Toorey), xilli uu dadki soo doortay kulan kula lahaa Kaniisad ku taalla Essex. Wasiirka Amniga UK ayaa durba amray in Booliiska ay adkeeyaan ammaanka xildhibaanada dalka oo dhan, si looga hortago falalka noocan ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddiga ku-meel gaarka ee Gargaarka dadkii laga soo musaafuriyey Magaalada Laascaanood. Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeyn Guddiga ka dhagaystay warbixin ku qotonta waxyaabaha u qabsoomay iyo socdaalkii ay ku tageen Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe ee Puntland. Guddiga ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen sidii dadkii laga soo musaafuriyey Magaalada Laascanood ay dib ugu soo celiyaan Magaalada Baydhabo iyo sida dib udejin ugu samayeen Dadkii dalbaday in Puntland ay kusii shaqaystaan. Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u mahadceliyey Guddiga, isla markaana waxaa uu ku boggaadiyay dadaalkooda ay ku bixiyeen ugar-gaarida dadkii ay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. PUNTLAND POST The post Gudi loo saaray dadkii Laascaanood laga soo raafay oo warbixin siiyay Madaxweyne Lafta Gareen appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in waqtiga ugu dhow ama todobaadka soo socda ay bilaaban doonto doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka gaar ahaan kuwa Gobolada Waqooyi ee Somaliland. Rooble oo xalay ka hadlayay kulan soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Ergadii Soomaaliya ee kiiska Badda ayaa sheegay in siyaasiyiinta Sar sare ee Gobolada Waqooyi uu kala hadlay arrinta doorashada Golaha Shacabka, isla markaana uu ka dalbaday inay dedejiyaan. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in habeen kasta uu ku duceysto in doorashada ay u soo geba-gabowdo, iyada oo aysan cidna xag-xageyn, cidna waxba u dhimim, sidoo kale aysan jirin cid dhibaato loo geysto. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu sheegay in doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland ay daadihin doonaan Guddoomiyaja Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed loogana dambeyn doono. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo shaaciyay xilliga ay bilaabanayso doorashada Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
-
Mohamed Kuulow Ali, oo ka tirsanaa horjoogayaasha Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Ururka 260-aad, Guutada 9-aad, Qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka. Horjooge Maxamed Kuulow ayaa maleeshiyada A-Shabaab ka mid ahaa Mudo 1-sano ah, wuxuuna ka soo howlgalay tuulooyin iyo deegeano hoostaga gobolka Bokool. Wuxuu sheegay mudadii uu ku jiray Al-Shabaab inuu la kulmay horjoogayaasha sare ee Al-Shabaab, sagoona ka soo qeyb qaatey dagaalo Dhowr. Horjooge Mohamed Kuulow Ali, ayaa Saaxibadiisa eeli ku jira Kooxda Nabad-diidka Alshabaab ugu baaqey in ay Dowladda isku soo dhiibaan. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo isu dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Munaasabad loogu mahad celinayay wefdigii Soomaaliya ku matalayay dacwaddii badda uuna goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ka qabsppntay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka. Xafladdan oo uu soo agaasimay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Masuuliyiinta Golayaasha dowladda iyo Qeybaha Bulshada Rayidka. Munaasabadda ayaa loogu mahadceliyay Madaxdii Soomaaliya ku matalayay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ kuwaa oo dhabar adayg iyo karti muujiyay intii ay socotay Dacwadda Badda ee ay Soomaaliya ugu danbeyn guusha kala soo hoyatay. PUNTLAND POST The post Gudigii Soomaaliya ka matalayay Kiiska badda oo Munaasabad mahadcelin ah loo qabtay appeared first on Puntland Post.
-
China on Saturday donated a batch of humanitarian assistance to Somalia amid flourishing bilateral ties. Source: Hiiraan Online
-
Qatar voiced its strong condemnation of an explosion at a police station in the Somali city of Beledweyne, which left two dead and injured several others. Source: Hiiraan Online
-
London (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka UK ayaa shaaca ka qaaday magaca ninka Soomaali British-ka ah ee lagu tuhmayo dilka xildhibaan David Amess oo Jimcihii lagu dilay toorey, deegaanka Leigh-on-Sea oo qiyaastii 65 km u jirta London. Tuhmanaha ayaa waxaa lagu magacaabay Cali Xarbi Cali, waxaana dhalay Xarbi Cali Kulane oo xilal dowladeed kasoo qabtay Soomaaliya, sida ay qoreen Wargeysyada The Sunday Times iyo Daily Mail. Xarbi Cali Kulane, wuxuu horey usoo noqday agaasimaha warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha ee xilligii Cumar Cabdirashiid. Wuxuu sidoo kale 2014-kii soo noqday wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Galmudug. Cali Xarbi Cali – oo weli aan dacwado lagu oogin – ayaa waxaa su’aalo weydiinaya booliska si loo ogaado haddii uu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada caalamiga ah. Ilo-wareedyo amni oo xog-ogaal ah ayaa wargeyska Daily Mail u sheegay in Cali uusan ka mid aheyn dadka ay isha ku hayeen sirdoonka gudaha UK ee MI5, inkasta oo sanado kahor ay beegsadeen Prevent, oo ah barnaamijka dowladda ay ku beddesho dadka la xagjireeyey. Warbixino horduhac ah ayaa tilmaamaya in Cali uu weerarka kaligiis qaaday, islamarkaana isaga kaligiis uu xagjir noqday kahor weerarka. Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in tuhmanaha uu ku nool yahay London, islamarkaana uu tareen u raacay magaalada Essex si uu weerarka uga fuliyo. Waxaa la sheegay inuu weerarka qorsheeyey toddobaad ka hor, islamarkaana uu ballan u goostay inuu ka qeyb-galo kulan uu qabanayey xildhibaanka. Afhayeen u hadlay booliska Scotland Yard ayaa yiri “ayada oo qeyb ka ah baaritaanka, waxaan tagnay saddex guri oo ku yaalla hareeraha London oo aan baaritaano ka sameynay.” Dhinaca kale, dambi-baarayaasha ayaa loo ogolaaday in illaa Jimcaha ay xabsi kusii hayn karaan Cali, ayaga oo aan dacwado rasmi ah kusoo oogin. Sir David Amess ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, markii Cali Xarbi Cali oo dilka lagu tuhmayo, uu billaabay weerarka mindida oo ka dhacay magaalada Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London. Tuhmanaha ayaa Amess oo 69 jir ahaa mindida ku dhuftay 12 jeer, wuxuuna ku dhintay goobta. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Cali markii uu weerarka fuliyey oo uu mindida kala daalay Sir David uu muddo shan daqiiqo ah dul taagnaa, illaa ay ka yimaadeen booliska, oo kadib ka qaaday mindida islamarkaana xireen. Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah. Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah. The post Ninka lagu tuhmayo dilka xildhibaan David Amess oo noqday wiilka mas’uul xilal kasoo qabtay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyey Boqor Cusmaan Buurmadow, isagoo sheegay in lacago loo adeegsanayo in lagu rido madaxweyne Farmaajo uu ka soo qaaday dowladda Imaaraadka Carabta. Boqor Maxamed ayaa sheegay in Boqor Buurmadow uu mudo sanad ah u sheegayey in Imaaraadka ay ka wada shaqeynayaan sidii uu uga soo qaadi lahaa lacag xukunka looga tuurayo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “Imaaraadka ayaa u soo dhiibay Boqor Burmadow lacag uu rabo inuu dalka ku burburiyo waliba madaxwayne Farmaajo in lagu rido, arrintaas xogteeda haya’adaha baarista aniga ayaa siinaya, ninkaas iyo wasiir Maareeye dalka halaga qabto,” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac. Sidoo kale Boqor Maxamed ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka uu uga digayo inay lacag lagu carqaladeeyo doorashada Soomaaliya ay u soo dhiibto Boqor Buurmadow. “Dowladda Imaaraadka waxaan leeyahay ka joojiya Soomaaliya carqaladda, gaar ahaan walaalkey Boqor Cusmaan Buurmadow ha u soo dhiibina lacag, yuusan idinka iyo Soomaaliya dhibaato ugu geysan lacagtaas anigaa idinka aqaan ninkaas waa ina adeerkey,” ayuu yiri. Sidoo kale odagaan ayaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hey’adaha ammaanka waxa uu ugu baaqay inay dalka ka ilaaliyaan in lasoo geliyo lacagtaas uu sheegay in Imaaraadku uu soo dhiibayo Boqor Cusmaan Buurmadow. Dhanka kale Boqor Maxamed Jaamac ayaa Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ku eedeeyey inuu kala qeybinayo beeshiisa, isagoo ku eedeeyey inuu afduubtay xubno ka mid ah reerka uu baarlamaanka ku metelo. “Maareeye dad badan ayaa u afduuban, mar kasta oo xilli doorasho la gaaro meel hoose iyo inuu dadka handado ayuu ka soo bilaabaa, masuul kasta waxaan uga digayaa in ninkaas ‘burcadka ah’ uu soo galo xafiiskiisa iyo xisbigiisa,” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac. Hoos ka daawo The post Boqor Maxamed Jaamac oo shaaciyey mas’uuliyiin dal kale kasoo qaaday lacag lagu rido Farmaajo (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
