-
Content Count
211,346 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
KULMIYE VS WADDANI 13/11/18. 31/05/21- difference KULMIYE. 55% 36..7%. -18.3% WADDANI 41%. 38.3%. -2.7% UCID. 4% 25%. +21% Marka aynu isbarbar dhigno labadii doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada iyo boqoleeyada codadka ay ka kala heleen labada doorasho waxa muuqata in xisbiga Kulmiye 55% ka helay codbixiintii doorashada Madaxwaynuhu uu hoos u dhacay wax ka badan 18% halka Xisbiga WADDANI oo 41% ka helay codbixintii doorashadii Madaxtooyadu uu hoos u dhacay wax ka yar 3%. Labadan xisbi ayaa marka la isku daro ka helay tiradii codbixinta doorashada Madaxtooyada 96%, halka ay ka heleen 75% doorashadii Wakiilada sababtuna ay tahay korodhsiimada UCID oo ah 21%. Tiradan ayaa 2:7 wuxu kala wareegay Xisbiga WADDANI halka 18.3% uu kala wareegay Kulmiye. Hadaba hadii aynu qiyaastan u rogno taageerada shacbiyadda labada xisbi ee waawayn waxa muuqanaysa in xisbiga WADDANI oo doorashadii Madaxtooyada uu Kulmiye ka horeeyay 14% uu kor maray Kulmiye qiyaas 1.4% ah. Hadaba sua’aashu waxay tahay hadii sadexdii musharax ee hore ay mar kale tartamaan November 2022 siday noqon kartaa xaaladda labada xisbi ee Kulmiye iyo WADDANI. Marka hore waxa laga yaabaa in kor u kaca Ucid ee ah 21% ay meesha ka baxdo oo halkiisii hore (4%) ku noqdo. Waxa markaa ay WADDANI iyo Kulmiye ku loolamayaan waa 21% ee Ucid ka wareegi doona yaa badsanaya? Waana sua’aasha milyan doolarka ah. Doorashadiina waxa ka hadhsan 15 bilood oo keliya. Kulmiye oo afartii sanadood ee Madaxwayne Biixi uu xilka hayay hoos uu u sii socday taageerayaashiisii horena uu wada saydhay oo cidla ciirsila kaga dhaqaaqay uu kaga soo kaban karo khasaarahiisa mudo 15 bilood ah gudahood??”Lagama yaabo hadiise ay dhacdo waxay noqon mucjiso yaab leh saw maaha? Xisbiga WADDANI runtii wuu shaqaysanayay. Ugu yaraan wuxu ku guulaystay in horta uu xejisto taageeradii uu haystay markiisii hore haddana 15 bilood wuxu ku dagaalamayaa in uu Kulmiye la boobo taageeradii uu haystay xiligii doorashadii Madaxtooyada ee uu ku loofaray. Xataa hadii 21% ka uu nus ka rito wuu guulaystay ayay ka dhigan tahay. Weliba in uu ka badsan karana u dhaw. Source
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saacadihii tagay aqbalay xil ka qaadista uu ra’isul wasaare Maxamed Rooble ku sameeyey madaxii hore ee basaasiinta Fahad Yaasiin, taasi oo ka dhiggan in lasoo afjaray 4 sano oo Fahad ahaa milkiilaha dowladda federaalka ah, isla markaana uu hey’adda ka dhigay mid siyaasadeysan. Farmaajo keliya kuma ekaan aqbalaadda xil ka qaadista Fahad ee waxaa uu xilka agaasimaha NISA u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, arrintaas oo kahor imaaneysa tallaabada uu ra’isul wasaare Maxamed Rooble isna maalin hor isla jagada ugu magacaabay NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac. Saacado kadib go’aanka Farmaajo, waxaa qoraal soo saaray Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxed Xuseen Rooble isaga oo soo dhoweeyey Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, laakin waxaa uu iska diiday in Yaasiin Fareey oo lug dhigo hey’adda, waxaa uuna faray Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amray in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac. Ra’isul wasaare Rooble, ayaa ka walaacay talaabooyinka uu qaaday Farmaajo isaga oo intaa raaciyey in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas. Arrimahan dhacay saacidihii tagay ayaa waxaa ka horeeyey in ra’isul wasaare 6-dii bisha uu shaqada ka ceyriyey Fahad isla markaana uu magacaabay Bashiir Goobe taasi oo careysiisay Farmaajo, keentana uu dhaho Fahad hasii wato shaqadiisa. Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa hoggaanka amniga iyo doorashada dalka kala wareegay Farmaajo May 1, 2021-kii kadib markii uu sidaasi ogolaaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, laakin waxaa muuqata in Farmaajo uu mar kale awood raadinayo isaga oo fowdo ka dhex bilaabay hey’adaha dowladda. Midowga musharaxiinta oo qoraal soo saaray ayaa taageeray tallaabada ra’isul wasaare Rooble, waxaa isla sidaasi sameeyey aqoonyahanka iyo abwaannada Soomaaliyeed iyo xataa hoggaanka beesha Mogadishu Clan. Dhankeeda beesha caalamka, oo qoraal soo saartay ayaa ku baaqday in la joojiyo wax walba oo kicin kara colaad iyo iska hor imaad. Isjiid-jiidka labada nin ayaa laga cabsi qabaa iney mugdi geliso doorashada 2021-ka ama keentaba in noqoto doorashadan oo hadda socoto bil iyo 10 maalin midd ugu waqtiga dheer caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
La’taliyaha Madaxwaynaha Somaliland Ee Arimaha Doorashooyinka Cabdilaahi Maxamed Daahir ” Cukuse ” Ayaa la’ sheegay inuu ka Cudur-daartay in xil kale loo magacaabo, Cukuse ayaa la’ filayay inuu safka hore kaga jiro Isku-shaandhayntii dhawaan Madaxwaynuhu soo saaray ILaa hadda ma cadda sababta Arintaasi keentay , Balse Cukuse, oo dhankiisa aan isku-dayay inaan arintani wax ka waydiiyo ayaanay ii suurto-galin, Badri Kozar Source
-
(SLT-Muqdisho)-Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble wuxuu soo dhawaynayaa Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisul wasaaraha. Waxaa kale oo uu Ra’iisul wasaaruhu ka walaacsanyahay tallaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaadho kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo hore hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas. Ra’iisul wasaarahu wuxuu mar kale ku adkaynayaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida in ay dardargaliyaan hawlaha Baadhista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hore geeyaan maxkamadda awoodda u leh. Waxaa la farayaa dhammaan taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu hay’adaha Amniga farayaa in ay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaadaan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta Xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Shacabka Soomaliyeed uga baaqayaa in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd Ikraam Tahliil Faarax. Ugu danbayn, Ra’iisulwasaaruhu isaga oo ku hadlaya magaca Golaha wadatashiga Qaranka wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinayaa in la dardargalin doono arrimaha Doorashooyinka dalka oo si wanaagsan u socda, wuxuuna ku baaqayaa in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahayd doorashadu isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah. Source
-
(SLT-Minnesota)-Waaxda booliska magaalada Edina ee gobolka Minnesota ayaa xaqiijisay in la helay meydka Ikhlas Cabdullahi Axmed oo aheyd laba jir ah, taas oo muddo 18 saacadood ah la raadinayay, kaddib markii qoyskeedu ay waayeen. Meydka Ikhlas ayaa laga helay haro biyo oo u dhaw barxadda lagu ciyaarsiiyo carruurta ee Rosland Park oo markii ugu dambeysay ay la joogtay xubno ka tirsan reerkeeda. Ciidamada booliska, dabdamiska iyo kooxaha gurmadka oo dhow magaalo ka kala yimid ayaa baadhitaan dheer kaddib helay Ikhlas oo aheyd gabadh yar oo la xanuunsaneyd cudurka Austism-ka “Anigoo ku hadlaya magaca magaalada Edina, waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro qoyska gabadhan yar, musiibadan xoogga leh waxay saameysay qalbiyadenna” ayuu yidhi taliyaha booliska magaalada Edina Tod Melbourne. Bulshada Soomaalida ah ee ku nool magaalada Edina ayaa xalay iskugu yimid kulan baroordiiq ah iyo duco ahaa. Gobolka Minnesota oo ah gobolka ugu haraha badan Mareykanka ayaa ilaa hadda sanadkan waxaa biyaha ku geeriyooday 26 qof. Source
-
Golaha Midawga Musharixiinta ayaa cambaareyay go’aanadii Farmaajo ka soo baxay ee lagu magacaabay Taliyaha NISA. Midawga ayaa sheegay in Farmaajo uu carqaladeynayo in baaritaanno daah furan lagu sameeyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Musharixiinta ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Farmaajo uu qorsheynayo in uu xagal ka daaciyo doorashooyinka Dalka. Dhanka kale Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday uu qeyb ka ahaa Dilka Ikraan Tahliil sida uu hadalka u dhigay. Cabdiraxmaan Cabishakuur ayaa sheegay in uu Farmaajo uu hor istaagayo cadaalad u helidda Ikraan Tahliil. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa uu ku yiri : Tallaabada uu Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday qaaday saddex eed ayay qoorta u suraysaa. 1- In uu dilka Ikraan Tahliil wax ka ogaa, maadaama uu difaacayo, xalayna uu xilal u magacaabay Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey oo ka mid ah seddaxda ruux ee lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil. 2- Caddaalad isku hor-gudbid (Obstruction of Justice), maadaama uu diiddan yahay in kiiska la baaro, oo laga gungaaro xaqiiqdiisa dhabta ah. 3- Abuuris qalqal amni iyo mid siyaasadeed, si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha Rooble ugu baaqay in uu cadaaladda hor keeno raggii ka dambeyay dilka Ikraan Tahliil. Haddaba, in uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble, ku eedeeyo in uu cadaaladda hortaagan yahay, carqaladayna ku hayo doorashooyinka, tuhunna geliyo in uu kiiska ku lug leeyahay waxay ahayd jawaab sax ah. Ra’iisul Wasaaraha, waxaa laga rabaa in uu Taliye Bashiir xilka ku wareejiyo, xarunta NISA na geeyo. Guddigii uu baaritaanka u xilsaarna waa in ay tillaabo ka qaadaan shakhsiyaadkii hor istaagay baaritaanka oo ay Fahad iyo Fareey ugu horreeyaan. “ ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Dhinaca kale Cabdi Faarax Juxa Wasiirki hore ee arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda Federaalka ayaa sheegay in afarti sano ee Farmaajo ay sii dhamaatay saaxiibadii uu ku lahaa siyaasadda. Juxa ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Farmaajo uu saaka taagan yahay halkii ugu xumeyd ee siyaasadda. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri Juxa “Bilowga dhamaadka sheekada oo wareegtooyin ah: 4 sano oo muddo-xileed ah iyo 8 bilood oo dulqaadasho shacab ah ayaa dhamaaday, saaka ayeyna ugu indho xun tahay. Calaamadihii dhamaadka oo far waaweyn ah ayaa derbiyada ku qoran. Go’aan weliba kan ka dameeya waa ka yaab badan yahay. Dhawaaqa kalsooni-darro ayaa sii kordhaya, saaxiibadii siyaasadduna waa sii yaraanayaan. Keli ah Tani waa kasii daraysaa. Ookiyaalaha iska bixi, hareeraha eeg, codka kalsooni-darro ee shacabka iyo miyuusigga dhamaadka dhegeyso.” Waxaa isa soo taraya siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka saacadihii la soo dhaafay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeynayo in uu diidan yahay in baaris iyo maxkamadeyn lagu sameeyo dadka lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyaan Kiiska Ikraan Tahliil. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa digreeto uu soo saaray ku magacaabay xilal cusub oo uu kamid yahay xilka siihayaha Agaasimaha NISA. Hoos ka akhriso magacaabista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan; Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaadh ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeedhayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan Villa Soomaaliya oo haatan sii xogeysanaya ayaa noqday hadal heynta ugu badan, waxaana dadka Soomaaliyeed ay u arkaan siyaabooyin kala duwan. Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Cismaan Muxudiin Shaatax oo wareysi siiyey VOA ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda siyaasadeed ee ka dhax-qaraxday ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ay ka qabaan wal-wal xoogan, maadaama ay kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jiro marxalad adag iyo doorashooyin guud. Shaatax ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka xoogan ee haatan soo kala dhex-galay madaxda ugu sarreysa ee dalka. “Runtii khilaafyadan siyaasadeed ee hadda soo kordhay 48-kii saac ee ugu dambeeyey waa mid wal-wal badan nagu abuuraayo, iyada oo maanta dalka doorasho u diyaar garoobaayo in hadane khilaaf horleh uu soo kala dhex-galo madaxdii dalka waa wax aad looga xumaado,” ayuu yiri guddoomiyaha bulshada rayidka Cismaan Muxudiin Shaatax. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii saaray in khilaafkan uu saameyn xoogan ku yeelan karo dadka saameeyey, isla-markaana uu wiiqi karo dhaqaalaha dalka. “Waxaan kaloo aad wal-wal uga qabnaa saameynta uu ku yeelan karo dad badan oo Soomaaliyeed khilaafkan, maxaa yeelay khilaafyadii horey usoo taagnaa ee dib u dhaca ku ridday doorashada waxay saameyn badan ku yeesheen dhaqaalihii dalka” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyn guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah ayaa ugu baaqay madaxda qaranka inay u turaan dadka iyo dalka, isla-markaana ay soo afjaraad khilaafkooda. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu cirka isku sii shareeray khilaafka u dhexeeyay Farmaajo iyo Rooble, kuwaas oo xalay soo saaray go’aanno kale oo liddi isku ah. The post Sidee loo arkaa khilaafka xoogan ee hareeyey Villa Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Midawga Musharixiinta ayaa cambaareyay go’aanadii Farmaajo ka soo baxay ee lagu magacaabay Taliyaha NISA. Midawga ayaa sheegay in Farmaajo uu carqaladeynayo in baaritaanno daah furan lagu sameeyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Musharixiinta ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Farmaajo uu qorsheynayo in uu xagal ka daaciyo doorashooyinka Dalka. Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka Midawga Musharixiinta Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka fal-celiyey tallaabadii uu xalay qaaday madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday oo sameeyey magacaabis deg deg ah, xil cusubna u dhiibay Fahad Yaasiin. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah musharixiinta mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka kasoo baxay Farmaajo uu saddex eed qoorta u surayo, kuwaas oo uga sii darayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo kiiska ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax. Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa saddexda arrimood ee ka dhalan kara tallaabadii uu qaaday Farmaajo ku shaaciyey qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa, kuwaas oo kala ah:- 1- In uu dilka Ikraan Tahliil wax ka ogaa, maadaama uu difaacayo, xalayna uu xilal u magacaabay Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey oo ka mid ah seddaxda ruux ee lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil. 2- Caddaalad isku hor-gudbid (Obstruction of Justice), maadaama uu diiddan yahay in kiiska la baaro, oo laga gungaaro xaqiiqdiisa dhabta ah. 3- Abuuris qalqal amni iyo mid siyaasadeed, si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble looga baahan-yahan inuu ku adkeysto go’aankiisa, isla-markaana uu xilka hay’adda nabad sugida ku wareejiyo Bashiir Goobe, kadibna uu gadal-galo kiiska Ikraan. “Ra’iisul Wasaaraha, waxaa laga rabaa in uu Taliye Bashiir xilka ku wareejiyo, xarunta NISA na geeyo. Guddigii uu baaritaanka u xilsaarna waa in ay tillaabo ka qaadaan shakhsiyaadkii hor istaagay baaritaanka oo ay Fahad iyo Fareey ugu horreeyaan” ayuu yiri CC Shakuur. Si kastaba khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble ayaa weji cusub yeeshay, kadib markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu Fahad Yaasiin u magacaabay lataliyaha amniga qaranka waxaana soo baxaya digniinaha la dirayo ee ku aadan xiisadaas. The post ‘Saddex midkooda oo looga dan leeyahay’ tallaabada uu xalay qaaday FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya ayaa ka sii dareysa, waxaana sii xoogeysanaya khilaafka xoogan ee u dhexeeya labada xafiis ee ugu sarreysa dalka, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha. Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa sidoo kale yeeshay weji cusub, kadib markii uu xalay madaxweynaha xil cusub u magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo uu dhowaan shaqo joojin ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble, sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo ay saaxibo yihiin Fahad Yaasiin oo isla soo bilaabeen doorashadii 2016 ayaa u magacaabay inuu noqdo lataliyaha amniga qaranka. “Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa isna kasoo horjeestay tallaabooyinka uu qaaday madaxweynaha, isaga oo tilmaamay in qoraallada kasoo baxay xafiiskiisa ay daba socdaan mas’uuliyiintii amniga iyo doorashooyinka ee uu wareejiyey. “Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha,” ayaa lagu yiri warqad liddi ku ah mida Farmaajo oo ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha. Maxamed Xuseen Rooble ayaa intaasi kusii daray in tallaabooyinka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in laga leeyahay dano gaar ah, isla-markaana la doonayo in lagu carqaladeeyo ka sal-gaaridda kiiska xasaasiga ah ee Ikraan Tahliil, si ay cadaalad u hesho. “Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.” ayaa markale lagu lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble. S kastaba go’aanada ka soo kala baxay labada dhinac ayaa uga sii daraya xiisadda taagan, waxaana khilaafkan uu kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah oo lagu jiro doorashooyinka. The post Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo weji cusub yeeshay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tegaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Madaxweyne Deni, oo muddooyinkii u dambeeyay safar ku joogay magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, ayaa saaka soo dhowayntiisu ka socota Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa sida qorshaysan xarigga ka jaraya garoonka kubadda Cagta Gaalkacyo ee Cawaale Studium oo si casriya loo dhisay. Sidoo kale, wuxu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Odayaasha dhaqanka iyo bulshada kala duwan ee Gaalkacyo. Wararku waxay sheegayaan, in uu sidoo kale kormeer ku tegi doono dhismaha dekedda Garacad oo meel wanaagsan maraya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta Gaalkacyo tegaya appeared first on Puntland Post.
-
A Somali man has been seriously injured after he fell off a cargo container on Tuesday morning, police said. Source: Hiiraan Online
-
Buul, an assistant professor and transfer center director at San Diego City College, was the first Somalia to be hired as a tenure-track faculty member at Southwestern College in Chula Vista, serving as Umoja Program Coordinator, Black Alliance Faculty Chair, and Scholar. .. Senator of a school for counseling and student support. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku soo dhaweyay Aqbalaadda Farmaajo ee xilka qaadista Fahad Yaasiin. Rooble ayaa sidoo kale Taliyaha Cusub ee Kumeel gaarka ah NISA Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ugu baaqay in uu si degdeg ah u guda galo howlahiisa shaqo. Ra’iisul wasaara ayaa wareegtada ka soo baxday xafiiskiisa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Wareegtooyinka Farmaajo ay yihiin kuwa lagu carqaladeynayo Baarista Kiiska Ikraan Tahliil. Hoos Ka Akhriso Warka Ka Soo Baxay Xafiisk Ra’iisul Wasaaraha XFS. Source: goobjoog.com
-
The African Union Commission (AUC) in collaboration with the African Union Mission in Somalia (AMISOM) has started providing electoral assistance to help Somalia conduct credible elections in 2021. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Waqtihiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxa ku magacaabay xilalka Taliyaha Nabadsugidda Dalka, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Lataliye Amni. Farmaajo ayaa wareegtadiisa oo keliya lagu baahiyay Baraha bulshada Villa Soomaaliya waxaa uu aqbalay iscasilaad uu soo gudbistay Fahad Yaasiin oo horay u ahaa Taliyaha Hay’adda NISA, kaas oo uu maalin ka hor ra’iisul wasaaraha xilka ka qaaday. Wareegtada Xafiiska Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin loogu magacabay in uu noqdo la taliyaha Amniga ee Madaxweynaha. Hoos Ka Akhriso Wareegtada Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo Kusimaha HNSQ Muqdisho, Sebteembar 7, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan; 1. Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda. 2. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka. 3. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka. 4. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. DHAMMAAD Source: goobjoog.com
-
Gudoomiye Cirro oo war cusub ka soo saaray Kulan uu la qaatay Wefti ka socda Dalka Norway Waxa aan maanta Hargeysa kulan kula qaatay wefdi ka socda Dawladda Norway oo ay hoggaaminayso Ergeyga gaarka ah ee dawladda Norway u qaabilsan arrimaha wada-hadalka & dib u heshiisiinta Somaliland & Soomaaliya oo uu wehelinayo sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Norway. 1/1 pic.twitter.com/8hoSOZva7j — Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) September 7, 2021 Wefdiga waxa aanu ka sheekaysannay qabsoomidda doorashooyinkii dhawaan dhacay & isbeddelkooda, & u diyaar-garowga doorashooyinka soo socda ee G. Guurtida & Madaxtooyada, anniga oo Norway ku bogaadiyey gacanta dhaqaale ee ay u fidisay SDF-ka iyo taageeridda dimuqraadiyadda JSL 1/2 pic.twitter.com/uVUdFihNrD — Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) September 7, 2021 Qaran News
-
Golaha Midowga Murashixiinta Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay Magacaabistii uu xalay sameeyay Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. War-saxaafadeed ka soo baxay Midowga Murashixiinta, ayaa lagu tilmaamay Go’aanka Madaxweyne Farmaajo mid baalmarsan Dastuurka Sharciga dalka, islamarkaana lagu carqaladaynayo dadaallada uu wado Ra’iisul wasaare Rooble, ee ku aaddan in baaritaan daah-furan iyo caddaalad la marsiiyo Kiiska Ikraan Tahliil. Golaha ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu xagal-daacinayo in doorashooyin daaf-furan ka dhacaan dalka, sidoo kalena khalkhal gelinayo xasiloonida iyo Ammaanka waddanka, waxaana ay Saraakiisha Ciidamada ugu baaqeen in aysan ka amar-qaadan Madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Midowga Murashixiinta oo si adag u cambaareeyay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Hawa Yahia Mire, a candidate for parliament in Canada's September 20 election, is blazing a trail that she hopes other Somali Canadian women will follow. Source: Hiiraan Online