Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xubno ka mida Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal (FEIT) iyo Heer Dowlad goboleed Galmudug (SEIT) ayaa maanta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta labaad ee loo asteeyay Doorashada dowlad goboleed ka Galmudug. Xubnaha Guddiga Waxa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay maamulka Gobolka iyo kan degmada, Odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka. Guddoomiyaha Guddiga maamulka Doorashada heer dowlad goboleed Galmudug (SEIT) Mohamed Dahir iyo afhayeenka guddiga Doorashada heer Federaal Amb Ahmed Aadan Dagaal (Safiina) ayaa sheegay inay magaalada Gaalkacyo u yimaadeen dardargelinta Doorashada iyo diyaarinta Goobaha doorashada magaalada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Gudiga Doorashooyinka Federaalka oo gaaray magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  2. Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida DDS ayaa maanta madaxweyne rasmiya u doortay, Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar). Mustafa Cagjar ayaa sannidhii lasoo dhaafay sharci ahaan soo ahaa madaxweyne ku-xigeen. Hase yeeshee xisbiga uu ka tirsan yahay ee Barwaaqo ayaa ku guulaystay doorashadii bishii hore ka dhacday degaanka Soomaalida. Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida ayaa sidoo kale maanta afhayeen u doortray Ayaan Cabdi oo noqonaysa gabadhii ugu horraysay ee hoggaamisa baarlamaanka maamulkaas. PUNTLAND POST The post Baarlamanka dowlad degaanka Soomaalida oo madaxweyne rasmiya u doortay Mustafe Cagjar appeared first on Puntland Post.
  3. Jaaliyadda Somaliland ee Toronto oo Si Weyn U Xusay 37-guuradii Kasoo Wareegtay Maalinta Shuhaadada SNM… Hargeysa()-jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Dalka Canada, ayaa si weyn u xusay 37-guurada kasoo wareegtay maalinta shuhadada SNM oo ay sannaadkan si mug leh u xustay Jaaliyaddu. Munaasibad Balaadhan oo casho ah, oo ay jaaliyadda caawa u qabatay xuska maalinta shuhaadada SNM, oo ku beegnayd 17-kii October 1984-kii. Xuska 37-guuraada kasoo wareegtay, ayaa waxa kasoo qaybgalay haldoor kala duwan, Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale oo kamid ah jaaliyadda Somaliland ee Toronto. kulankan cashada ah, waxay jaaliyaddu si gar ah ugu maamuseen Mujaahid Cali Cabdi Dheere oo kamid ahaa Halgamayaashii xaq-u-diriirka ahaa ee SNM, kuwasoo Somaliland ku xoreeyey Dhiig badan iyo Halgan adag. Jaaliyadda Waxay Ilahay uga baryeen intii dhimatay Mujaahidta inuu Jano-fardawsa ka waraabiyo, intaa weli la daranyaysan dhaawacyadii soo gaadhay Allah caafimaad sareecan ah ha siiyo. Qaran News
  4. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta la kulmay safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz. War ka soo baxay xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay Labada mas’uul ayaa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriiirka ganacsi iyo maal-gashi ee labada dal. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada-hadlay Arrimaha Maal-geshiga appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxda ka tirsan dowladda Puntland ayaa Kulan la qaatay ciidamadda ilaaladda Xeebaha puntland ee midowga yurub. Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo gadiidka badda puntland Senetor Mohamed Abdi Majiino iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta Hor-umarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ahna Duqa Degmada Bossaso Abdiqani Ahmed Ismail (Deera-dile) ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Ilaalada badda Puntland ee midowga Yurub, Admiral Alejandro Cuerda. Kulanka oo ka dhacay dusha sare mid ka mida maraakiibta howlgalada Midowga yurub Ayaa looga hadlay xoojinya iskaashiga Amniga xeebaha Puntland Xakamaynta Tahriibka joojinta Kallumaysiga sharci darada ah ilaalinta Hubka kasoo dega eeriyada xeebaha Bossaso iyo arimo kale oo muhiim ah. Duqa degmada Bossaso ayaa ku booriyey ciidamadda ilaaliyaha xeebaha puntland ee midowga yurub shaqada ay ahaan wuxuna sheegay in la xoojiyo lagana wada shaqeeyo ilaalinta iyo la dagaalanka wax walba oo sharcidaro ah una keeni kara Amni xumo Xeebaha Puntland. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo kulan gaar ah la yeeshay Taliska Ciidanka Badda Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
  6. MCB updates safety guidance amid reports of threats against some British Somalis since death of Southend MP Source: Hiiraan Online
  7. Turkish Cooperation and Coordination Agency (TİKA) built a modern poultry farm with a total floor space of 198 sq. meters in Mogadishu, the capital of Somalia, as part of the “Project for Developing Layer Poultry Farming in Somalia,” implemented in cooperation with the Ministry of Agriculture and Forestry of the Republic of Turkey, IHH Humanitarian Relief Foundation, and Zamzam University. Source: Hiiraan Online
  8. Police gathered more evidence from homes in London on Sunday as they continued to question 25-year-old suspect Ali Harbi Ali over the murder of Sir David Amess MP. Source: Hiiraan Online
  9. London (Caasimada Online) – Xarbi Cali Kulane ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xariga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, isaga oo wargeyska The Sunday Times u xaqiijiyey in loo xiray dilka xildhibaan David Amess. Xildhibaan Sir David Amess ayaa Jimcihii dhintay kadib markii sida la tuhunsan yahay uu Cali ku weeraray mindi, ayada oo la rumeysan yahay inuu ku dhuftay ugu yaraan 12 jeer, xilli uu ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London. “Daqiiqaddan la joogo waxaan mareynaa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh,” ayuu Xarbi Cali Kulane, oo mar la taliye u ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, u sheegay wakaaladda wararka Reuters oo uu email ugu jawaabay. “Ma ahan waxaan filayey ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kulane ku yiri wareysi kale oo uu siiyey The Sunday Times. “Sababo la xiriira baaritaanka horudhaca ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,” ayuu yiri Xarbi Cali Kulane, oo sidoo kale mar soo noqday agaasimihii warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid. Booliska Britain ayaa Axaddii baaritaan ku sameeyey guriga Cali Xarbi Cali ee waqooyiga magaalada London. Dhinaca kale, qoyska Sir David Amess ayaa baaq u diray shacabka Britain. “Dhinac iska dhiga naceybka, kana shaqeeyaa midnimada. Midabka, diinta ama aragti siyaasadeed kasta oo midkiin uu haysto, isku dulqaata,” ayey ku yiraahdeen bayaan ay soo saareen oo ay sii daayeen booliska UK. Cali Xarbi Cali – oo weli aan dacwado lagu oogin – ayaa waxaa su’aalo weydiinaya booliska si loo ogaado haddii uu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada caalamiga ah. Ilo-wareedyo amni oo xog-ogaal ah ayaa wargeyska Daily Mail u sheegay in Cali uusan ka mid aheyn dadka ay isha ku hayeen sirdoonka gudaha UK ee MI5, inkasta oo sanado kahor ay beegsadeen Prevent, oo ah barnaamijka dowladda ay ku beddesho dadka la xagjireeyey. Warbixino horduhac ah ayaa tilmaamaya in Cali uu weerarka kaligiis qaaday, islamarkaana isaga kaligiis uu xagjir noqday kahor weerarka. Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in tuhmanaha uu ku nool yahay London, islamarkaana uu tareen u raacay magaalada Essex si uu weerarka uga fuliyo. Waxaa la sheegay inuu weerarka qorsheeyey toddobaad ka hor, islamarkaana uu ballan u goostay inuu ka qeyb-galo kulan uu qabanayey xildhibaanka. Tuhmanaha ayaa Amess oo 69 jir ahaa mindida ku dhuftay 12 jeer, wuxuuna ku dhintay goobta. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Cali markii uu weerarka fuliyey oo uu mindida kala daalay Sir David uu muddo shan daqiiqo ah dul taagnaa, illaa ay ka yimaadeen booliska, oo kadib ka qaaday mindida islamarkaana xireen. Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah. Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah. The post Aabaha Soomaaliga lagu tuhmayo dilka xildhibaan Sir DAVID AMESS oo hadlay appeared first on Caasimada Online.
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa markale dib u billaabmay xiisadii xooganeyd ee u dhaxeysay xukuumadda Somaliland iyo hay’addaha Qaramada Midoobay, kadib eedeyn culus oo labada dhinac is dhaafsadeen Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa hay’adda arrimaha bini-aadantinimada u qaabilsan QM ee OCHA ku sifeeyay “laba wajiilenimo”, markii ay dhawaan ka hadashay musaafurinta ay billowday xukuumada Biixi ee dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya. “Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa qaybta la yidhaahdo OCHA waxaan filayaa wixii ay ku hadleen in aanu dan u ahayn dadka Laascaanood laga raray, waxay yimaadeen iyagoo qaxoonti ah oo caydh ah maalin qudha booyad biyo ah may siin, maalin qudha bac may siin, maalin qudha kiniin kaneecada ay iskaga ilaaliyaan may siin,” ayuu yiri Madaxweyne Biixi. Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay hay’adda OCHA inay dhaqaale ku raadsanayaan dadka laga musaafuriyey magaalada Laascaanood, taasi oo uu sheegay inay ceeb ku tahay QM “Soddonkaas sano maxay ku darsadeen? maxay u qabteen hadday OCHA ka naxayso dad qaxooti ah? maxay meel ugu sameyn waayeen? maxay u gar-gaari waayeen? OCHA maxay maanta u qaylisay? waa laba wajiilenimada jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, dadkayaga aanu Laascaanood ka rarayno in lacag lagu doono waa ku ceeb Qaramada Midoobey” Hay’adda Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku shaacisay in tirada dadka Somaliland kasoo musaafurisay magaalada Laascaanood iyo deegaanada u dhaw-dhaw ay gaareyso 7,250 qof, kuwaas oo badankood ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. OCHA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in 24 qoys oo kale la dejiyay tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle, halka ilaa 400 qoys ama dad gaaraya 2,400 lagu wargeliyey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaaro 21-ka bishan October. Musaafurinta khasabka ah ee dadkaas ayaa walaac ku abuurtay dadka ku nool deegaanada Somaliland ee kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska OCHA ee Soomaaliya. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka lasoo barakaciyey ay sheegeen inay kala lumeen dad ehelkooda ah iyo carruur, hantina ay kasoo tageen, taasi oo ay si weyn uga biyo diiday Somaliland. The post Xiisaddii Somaliland iyo QM oo dib u qaraxday iyo Muuse Biixi oo weerar culus qaaday appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qarax ay la eegatay kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo isaga kala gooshayey deegaano dhaca xadka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay qaraxaas ay jidka u galiyeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya ee ku sugan xadka. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay qaraxan miino ay ku dishay ugu yaraan 8 askari oo Kenyaan ahaa, isla-markaana ay ku dhaawacday tiro kale oo intaasi ka badan. Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Kayunga ee Gobolka Lamu & Sangur, sida lagu shaaciyey warka kasoo baxay Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro weli xad hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya, kuna aadan qaraxaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in haatan ciidamada Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-gallo ay ka wadaan gobolka ee Laamu. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Kenya iyo kuwa isaga kala goosha xadka Soomaaliya iyo Kenya. The post Al-Shabaab oo shaacisay inay qarax ku dishay askar ka tirsanaa ciidanka Kenya appeared first on Caasimada Online.
  12. With the maritime dispute between Somalia and Kenya over, Somalis are making sense of the judgement and the belated admission of leadership failure by the troika — former President Sharif Sheikh Ahmed, former Prime Minister Omar A. Sharmarke and former Minister Abdirahman Abdishakur. None of them has apologised for giving Kenya a chance to lay claim on a part of Somalia’s maritime territory. Let us not forget that the Memorandum of Understanding contained a sentence that showed that the leaders of the Transitional Federal Government had not read the text. “The claims of the two coastal States cover an overlapping area of the continental shelf which constitutes the area under dispute” reads the MoU. Sharmarke (left), Abdishakur (middle) and former President Sharif have not apologised for endangering Somalia’s national interest. What Abdishakur Abdirahman signed is a document that accepts Kenya’s claim that a maritime territory of Somalia’s belongs to Kenya . It is noteworthy that the 2009 Transitional Federal Government was led by the Alliance for the Reliberation of Somalia. The nationalist fervour gave way to a treasonous act that cost Somalia a part of its maritime territory. Abdirahman Ibbi, in an interview, incorrectly claimed that the MoU prevented Somalia from having its maritime territory run by UN the “way Boutros Boutros-Ghali, the former UN Secretary General let the UN run the airspace of Somalia in 1993.” In 1993 Somalia did not have a national government. Ibbi was a member of ARS and also a minister when Abdishakur signed the MoU. In March the former Attorney General Ahmed Ali Dahir made a similar comment to the effect that the MoU signed by Abdishakur had boosted Somalia’s case. Several nights ago Abdishskur said that he never suspected something was wrong with MoU when the “Prime Minister instructed me to sign it.” Why did a transitional government sign an MoU on sea in the first place? Sharmarke said that Kenya had taken advantage of Somalia after the two countries signed an MoU and that Norway drafted the MoU. Ibbi corroborated the role of Norway but neither he nor Sharkmarke explained why Somalia agreed to sign MoU drafted by a country that had offshore drilling interests in Kenya. Ibbi: “Without the MoU the United Nations would run Somalia’s maritime territory.” “While the two coastal States have differing interests regarding the delimitation of the continental shelf in the area under dispute, they have a strong common interest with respect to the establishment of the outer limits of the continental shelf beyond 200 nautical miles, without prejudice to the future delimitation of the continental shelf between them” the MoU reads. Which country legally owns “the area under dispute”? Before 2009, there was no a maritime area of Somalia’s that Kenya claimed. The MoU gave Kenya an advantage: the ARS-dominated TFG sleepwalked into an unnecessary maritime dispute. The risk of similar political naivety railroading Somalia into questionable agreement still exists. The Federal Government of Somalia signs agreements despite maintaining no coercive powers throughout sovereign Somalia. It is largely dependent upon AMISOM. Kenya, a key member of troop-contributing countries, has rejected the International Court of Justice’s ruling, which, in the eyes of an expert who spoke to Puntland Post on the condition of anonymity, struck a meticulous balance between the two countries’ competing claims. “Somali political leaders could repeat the maritime dispute. Political accountability is in short supply in Somalia” said Mohamud Ali, a political analyst in Garowe. Ali proposes a moratorium on agreements signed by the Federal Government of Somalia with foreign countries. “If this smacks of emasculating federal legislatures, the sub-national legislatures must be granted an oversight on agreement initiatives before the government signs them with a foreign country” said Ali. Political vulnerabilities exposed by the maritime dispute with Kenya still cripple good governance in Somalia. © Puntland Post, 2021 The post Maritime Dispute Exposed Somalia’s Political Vulnerabilities appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi ay ku midoobeen xubnihii laga saaray guddiyada doorashooyinka Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa soo jeediyey cabashooyin ay qabaan oo la xariira xaalado amni oo ay wajahayaan iyo xuquuq uga maqan dowladda, taas oo aan la siin mudadii ay shaqeynayeen. Xubnahaan oo isugu jira kuwii laga reebay guddiyada doorashada heer federaal, heer dowlad goboleed iyo xalinta khilaafaadka ayaa sheegay inay shaqeynayeen ku dhawaad todoba bilood, isla markaana afar bilood oo ka mid ah aysan wax mushaar ah helin. Sidoo kale xubnahaan waxay sheegeen in khataro amni ay wajahayaan, qaarkood ayaa ka soo jeeda deegaanada Somaliland, waxayna sheegeen inay u dakanoobeen dowladda Soomaaliya oo dib aysan ugu laaban karin deegaanadoodii. Waxay sheegeen in marar badan ay codsiyo u dirteen ra’iisul wasaare Rooble oo xukuumadiisa ay ku eedeeyeen in aysan siin xuquuqdii iyo maasuusii ay ka mudnaayeen, mudadii ay la shaqeynayeen. Mid ka mid ah xubnaha shirka jaraa’id qabtay ayaa yiri, “Waxaan ka xunahay in guddiyada doorashooyinka nala ka saaray, oo nala yiri ma meteli kartaan umadda Soomaaliyeed, wax na qabta maaheyn taas, laakiin xalbaa la mooday, hadda waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka in xuquuqdeenii nala siiyo.” “Habraacyada iyo xeerarka ay maanta Soomaaliya doorashada ku gashay anagaa sameynay, bal iska daa in nala maamuusee xaqeenii ayaan weynay, anagoo markii hore shacab aheyn ayaa madax nala ka dhigay, hadda waxaan wajaheynaa riskiyo badan, xaalado dhaqaale iyo mid amni ayaan wajaheynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradii hadashay. Xubnahaan ayaa ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ka codsaday inay helaan xuquuqdii ay dowladda ku lahaayeen mudadii ay shaqeynayeen, waxay sheegeen in loola dhaqmay sidii dad dembi galay, balse ay yihiin dulmaneyaal ku baxay hardan u dhaxeeyey siyaasiyiin. Ku dhawaad 40 xubnood ayaa bishii June ee sanadkaan laga saaray heerarka kala duwan ee guddiyada doorashooyinka dalka, kuwaas siyaasiyiinta mucaaradka ah ay u arkayeen in aysan dhexdhaxaad ka noqon karin hardanka doorashada, oo ay isugu jiraan shaqaale dowlo, askar iyo taageerayaal daacad ah. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee xubnahaas The post Daawo: Xubnihii laga saaray guddiyada doorashada heer federal oo farriin culus soo saaray appeared first on Caasimada Online.
  14. (SLT-Nairobi)-Macluumaad ay idaacadda VOA ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kadib xadaynta ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ICJ ka samaysay xuduudda badda Soomaaliya iyo Kenya ay inta badan xidhmooyinka la tuhunsan yahay inay ku jiraan shidaalka iyo khayraad kale ay marayaan dhinaca Soomaaliya ee xuduudda cusub. Khabiir arrimaha badda ah oo darsay xukunka maxkamadda oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, arrimahan oo xasaasi ah dartood, ayaa VOA u sheegay in mid ka mid ah toddobada xidhmo ay martay dhinaca Kenya, afar-na dhinaca Soomaaliya, halka labada kale ay xuduuddu dhexmarayso oo ay labada dhinac ah u kala qaybsameen inkastoo dhulka ay ku fadhiyaan xidhmooyinkaasi badankiisu marayo dhinaca Soomaaliya. Khabiirkaasi waxa uu u sheegay VOA in xidhmada dhinaca Bari ugu xigta oo astaanteedu tahay L-26 ay martay dhinaca Kenya, halka qaybo ka mid ah xidhmooyinka L-23 iyo L-24 ay sidoo kale mareen dhinaca Kenya. Xidhmooyinka soo haray oo kala ah L-5, L-13, L-21, L-22 iyo inta badan ee xidhmooyinka L-23 iyo L-24 ayaa maraya dhinaca Soomaaliya, sida auu khabiirkaasi sheegay. Khabiirkaasi waxa uu xaqiijiyey in xidhmada ay khubarada baddu aamisan yihiin inay ugu khayaaradka badan tahay ay martay dhinaca Soomaaliya. Dawladda Kenya waxay sheegtay inaysan marnaba aqbalayn go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay oo kale in Kenya ay doonayso in qaab nabadeed iyo wadaxaajood lagu xalliyo arrinta iyadoo la marayo Midowga Afrika. xigasho: VOA Source
  15. Dardaaran Ku Socda Dhalinyaradda Farxad bay ii tahay inaan qormadan kooban si gaar ah ugu hibbeeyo Dhalinyaradda Reer Somaliland. Ugu horreyntii dhalinyaradu waa hormuudka ama hoggaanka dal ama umadd, waana tiirka ay leedahay umaddaasi. Dhallinyaro waxaad tihiin jiilka iyo xooga dalkeenu leeyahay, awoodna u leh inay hormarkasta gaadhsiiyaan. Duruufaha jira ee qabyaaladu ka kaw tahay waxay wiiqday awoodii aad kaalin muuqata kaga dhex muuqan lahaydeen dhinacyada Hal-abuurka Ganacsiga, Waxbarashada, iyo Hoggaanka Dalka, balse maaha dhib iyo dhaxal aad ka tagteen ama aad bilawdeen, ee waa arrin soo jireen ah oo jiil ba jiil ka dhaxlay. Baahi iyo bukaan uma tihiin qabyaalada dhalinyaro, mana gaydaan in laydiin kala abtiriyo oo dano han hoose ah la idiin addeegsado, waxaad dhalinyaro wax ku tihiin waa isku duubni, iyo aragti mid ah oo aad ku waajahdaan mawjadaha qabyaalada ee dalkeena abaabulkeedu aad uga socdo ama looga darreemayo. Guud ahaan dhalinyarada waxaan kula dardaarmayaa inay u jiheeyaan yoolkooda sidii Mustaqbal san adduun iyo aakhiro ba ay u heli lahaayeen, uga na fogaan lahaayeen aafada qabyaalada ee curyaamisay horumarkii bulsho iyo dal ee aynu ku talaabsan lahayn. Nabaadiino. Bashe Awil Haji Omar Source
  16. 20 BILOOD KA DIB HARAMKA SALAATUL FAJARKA MAANTA OO GARBAHA ISKU DHEGGAN OO LAWADA TUKADAY! Makkah Al Mukarramah, Sunday October 17th,2021 Masjidul Xaraamka Markii Uu Soo Ifbaxay Cudurka Dilaaga Ah Ee Karoona Feyruska Oo Caalamka Oo Idil Asiibey 20 Bilood Ka Dib Maanta Salaatul Fajarka Ayaa La Maqlay Immaamka Xaramka Oo Oranaya ISTAWUU, ICTADILUU, AQIIMUU SUFUUFAKUM WATARAASUU, Oo Ah Toos, Toosiya Safafka, Oo Isku Dhega! Isla Markiiba Dad Badan Ayaa Calool Gaddoomay Si Aadna Waa Loogu Farxay, Muslimiinta Halkaa Kuwada Tukaday Waxay Alle Ka Baryeen Inuu Naga Dulqaado Caabuqaa Dilaaga Ah, Waayo Boqortooyada Sacuudiga Markay Ka Guulaysatay La Dagaallanka Caabuqa Karoona Feyruska Oo Uu Aad U Yaraaday Waxay Ku Dhawaaqday In Dalka Bandowgii Ixtiraaska Ahaa Ay Ka Qaaday Maanta Si Dadweynaha Hawlahoodii Ay U Fushadaan Si Kaamil Ah Oo Dhammaystiran Iyo Iskuuladii Iyo Cimradii Iyo Wax Waliba Ay Noqon Doonaan Si Caadi Ah. Ali Sheikh Adan adam783@rocketmail.com Sent from Yahoo Mail for iPhone Qaran News
  17. PRESS RELEASE United States Donates 1.6 Million More COVID-19 Pfizer Vaccines to Egypt This is part of more than 8 million Pfizer vaccine doses the United States is sending to Egypt CAIRO, Egypt, October 17, 2021/ — U.S. Ambassador Jonathan R. Cohen welcomed the arrival of a second shipment of Pfizer’s COVID-19 vaccines to Cairo. The shipment of an additional 1.6 million Pfizer doses is part of a 500-million-dose donation from the United States to the countries of the African Union through COVAX, and will help protect Egyptians from COVID-19 and prevent the spread of the virus’s dangerous new strains. At the arrival ceremony, also attended by Pfizer, WHO, and UNICEF partners, Ambassador Cohen noted, “I am so pleased to celebrate the arrival of this vaccine shipment, the second direct donation of 1.6 million doses of Pfizer from the people of the United States to the people of Egypt. This is part of more than 8 million Pfizer vaccine doses the United States is sending to Egypt. Today’s vaccine donation underscores our continuing commitment to support Egypt through this global health crisis.” Dr. Naeema Al Gasseer, WHO representative in Egypt stated, “the arrival of the second shipment of Pfizer’s COVID-19 vaccines to Egypt from United States is yet another act of solidarity and cooperation towards reaching the goal of 40% vaccination coverage and helping vaccinate the most at – risk population especially the front-line health workers. WHO is extremely thankful to United States’ generosity that will contribute to tackling vaccine inequity.”  “Reliable cold chain is essential to keeping vaccines effective. The procurement and delivery of Pfizer vaccines, prompted many countries including Egypt to upgrade their cold chain equipment to keep up with the new technology requiring ultra-cold conditions. So far, we have successfully delivered and installed 20 ultra-low temperature freezers in 6 governorates across the country. At UNICEF, we are pleased to be supporting Egypt in this upgrade and we would like to extend our thanks to the COVAX donors who make this possible, so that more vaccines can be delivered while preserving their potency to protect the people in Egypt and to keep them safe from COVID-19”, said UNICEF Representative in Egypt, Jeremy Hopkins. U.S. cooperation with Egypt in fighting the pandemic is wide-ranging. At the outset of the pandemic, Egypt sent medical supplies to the United States. The U.S. government, through USAID, has provided more than $55 million to support Egypt’s Coronavirus response, already reaching nearly 18 million people with needed health and economic support. USAID programs train health care workers, improve tracking of and response to the pandemic, provide food assistance to families affected by the pandemic, and support small businesses. Just this week, the U.S. Government announced an additional $5 million in assistance to Egypt to support health workers administering vaccines and strengthen the supply chain for vaccines. This support builds on more than $1 billion in the United States has invested over the past 40 years to improve the health of all Egyptians. These Pfizer doses will be swiftly dispatched to Ministry of Health and Population facilities in Cairo, Port Said, Daqahlya, Behaira, Luxor, and Assiut, and stored in UNICEF-funded ultra-cold storage equipment used exclusively for the Pfizer vaccine. The U.S.-Egypt partnership is saving lives and helping Egypt move towards economic recovery. As President Biden said, “From the beginning of my presidency, we have been clear-eyed that we need to attack this virus globally as well. This is about our responsibility—our humanitarian obligation to save as many lives as we can—and our responsibility to our values. We’re going to help lead the world out of this pandemic, working alongside our global partners.” Worldwide, the United States has delivered more than 180 million COVID-19 vaccines and hundreds of millions more are on their way. Embassy – Cairo, Egypt. Access Multimedia Conten SOURCE U.S. Embassy – Cairo, Egypt Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo aysan weli soo dhamaan doorashadii xubnaha Aqalka Sare ayaa dhinaca kale wuxuu Ra’iisul Wasaare Rooble isku dayayaa inuu furo qaanadda doorashada xubnaha Golaha Shacabka, maadaama lala kulmay dib u dhac xooggan. Dhowr jeer ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble weydiistay madaxda maamul Goboleedyada inay soo dhameystiraan doorashada xubnaha Aqalka Sare si loo billaabo doorashada Aqalka Hoose, laakiin cidna kama soo jawaabin baaqiisa. Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo xoogeystay wararka la xiriira inay madaxda maamul Goboleedyada wada-shaqeyntii u gaabiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay danahooda kale ku mashquuleen, islamarkaana ay meel iska dhigeen doorashada. Rooble wuxuu hadda u muuqdaa inuu raadiyey waddo kale oo uu ku furi karo cutubka doorashada Golaha Shacabka. Isagoo xalay hadal ka jeedinayey kulan loogu mahad celinayey xubnihii dowladda ku matalayey kulankii maxkamadda Adduunka ee Soomaaliya loogu xukumay badda ayuu Rooble sheegay inuu ballan-qaad ka heysto Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahadi Guuleed, ballankaas oo ah inay asbuucaan diyaar garoobayaan kadibna ay asbuuc xiga bilaabi doonaan doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee Reer Woqooyiga. Reer woqooyiga ayaa lagu ammaanay sidey usoo afjareen khilaafkii mudada u dhaxeeyey una qabteen doorashadii Aqalka Sare. Rooble awoodda doorasho ee qura ee uu illaa iyo hadda heysto ama cidda uu maamul iyo talo toos ah ugu leeyahay waa Reer Woqooyiga, doorashada Aqalka Hoose ee Maamul Goboleedyada ugama furno Ra’iisul Wasaare Rooble wax aan baaq aheyn iyaguna uma muuqdaan kuwa diyaar u ah baaqa Ra’isulwasaaraha. Haddii ay dhab noqoto sida uu sheegayo Rooble oo asbuuca dambe la billaabo doorashada Aqalka Hoose ee Reer Woqooyiga, waxaa halkaas maamul Goboleedyada qaar uga dhiman doono qorshihii ay ku doonayeen in wax laga badalo heshiiskii 17-ka September, gaar ahaan qodobka deegaan doorashada, waxayna ka dhigan tahay inay doorashada toos u billaaban doonto. Inkastoo maamul Goboleedyada aysan macno weyn u sameeneyn doorashada xubnaha Reer wooqyiga ee Muqdisho taalo, haddana haddii lagu guuleysto in la bilaabo waa astaan muujin doonta in la galay jawi doorasho oo aan dib loo laaban karin balse la daahin karo. Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu wajahayaa cadaadis caalami ah, sidoo kalana waxaa cadaadis kan lamid ah wajahaya madaxda Maamul Goboleedyada, wuxuuna madaxweyne Farmaajo u hangal taagayaa inuu mar kale helo awooddii maamulka doorashada haddii uu Rooble awoodi waayo inuu maamul Goboleedyada ku qanciyo inay si deg deg ah u qabtaan doorashada. The post Rooble oo qorshe kale degay kadib markii ay wada-shaqeynta u gaabiyeen madax goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
  19. Garowe (HOL) - A military court in Galkayo has released 14 men believed to be members of the militant insurgent group Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) - Somalia's PM, Mohamed Hussein Roble, announced on Sunday that the country's Lower House election would begin next week. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe). Kulankaas ayaa caawa ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif, waxaana diiradda lagu saaray howlaha doorashooyinka dalka. Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhiirragaliyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe sidii uu u maareeyey doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee ka dhacday Jowhar, taas oo loo maamulay si ka duwan doorashooyinkii ka dhacay xarumaha dowlad goboleedyada kale. “Waxaan ku bogaadinayaa Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe doorkiisa hogaamineed ee dhameystirka qabashada doorasho tartankeedu furan yahay oo ku dayasho mudan oo lagu doortay 8-da xubnood ee Aqalka sare ku matalaya dowlad goboleedka, doorashadani waxay ku soo aaddan 5 sano guurada ka soo wareegtay markii la dhisay Hirshabeelle, waxayna muujisay biseyl iyo horumar,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed. Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale ka wadahadlay dedajinta doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xoojinta hufnaanka hannaanka doorashada. Doorashada dalka ayaa haatan ku jirta hakad aan la shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa, waxaana weli dhiman oo aan lasoo dooran lix ka mid golaha Aqalka Sare, sidoo kale weli lama bilaabin doorashada xildhibaanada golaha shacabka. The post Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Shariif & Guudlaawe? appeared first on Caasimada Online.
  22. Baidoa (HOL) - Somalia's military said that an Al-Shabaab fighter has defected from the militant insurgent group and surrendered to their soldiers. Source: Hiiraan Online
  23. Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Axmed Toorno,Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo Maayarka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa si wadda jir ah ugu muquurtay inay ka soo qayb-gallaan xaflad shalay ka qabsoontay Magaalada Hargeysa,taas oo uu soo qaban-qaabiyey ururka indhoolayaasha Somaliland. Munaasabadan oo ahayd xuska maalinta wacyigelinta usha cad ee adduunka oo ka qabsoontay Huteel Maansoor,ayaa waxa haawanayey kuraastii loogu tallo-galay masuuliyiintaas lagu soo marti-qaaday,waxaanay qaban-qaabiyayaashii munaasabadu ay sheegeen inay masuuliyiintaas ay ballan-qaadeen inay imanayaa, balse ay ka muquurteen,taas oo ay ku tilmaameen wax laga xumaado “Xafladdu si wanaagsan ayey noogu qabsoontay,waxa aanu uga mahadnaqaynaa dadka nagala soo qayb gallay xaflada, lakiin waxa runtii nasiib darro ah aad-na aanu uga xunahay haddii aanu nahay ururka indhoolayaasha ee SOOBO in masuuliyiin fara baddan oo wakhti baddani nagaga baxay oo annu soo casuunay oo ballan-qaaday inay imanayaa in aanay maanta noo iman,kuwaas oo uu kamid yahay Maayarka Caasimada Hargeysa iyo Wasiirka Wasaaradda wax-barashada iyo Xildhibaanno ilaal lix Xildhibaan oo aanu ku soo marti qaadnay cidi nooma ay iman,hal masuul nooma iman,taas oo aanu garan weynayn sababta.”ayey sheegeen Waxa kale oo ay sheegeen in masuuliyiintaas oo ay mid mid ugu geeyeen kaadhadhkii marti qaadka ay ballan-qadeen inay imanayaa,waxaanay ka maq-naanshaha iyo ka muquurashada munasabadaas ee masuuliyiintaas ay ku noqotay wax ay ka xumaadaan,taas oo aad u damaqday “Haddii iskuul yar laga qalin jabin lahaa waa la soo buuxin lahaa,lakiin annaga ciddi nooma iman, masuuliyiintii aanu casuunayna,wey noo jareen.” Si kastaba ha-ahaatee Masuuliyiintan ka tirsan Xukuumadda iyo Maayarka Hargeysa iyo Xildhibaannadanku wacad furay ayaan ilaa hadda ka haddal sababta ay uga maqnadeen xafladan qiimaha lahayd ee lagu martiqaaday,maddaama oo ay tixgelin gaar ah in la siiyo ay muddan yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qabba Cabdi Saxafi csaxafi@gmail.com Qaran News
  24. Hargeisa (PP News Desk) — President of Somaliland administration Muse Bihi Abdi today defended the decision to forcibly displace more than 6,000 Somali citizens in Las Anod. “We hosted those people for more than thirty years. Now that we found ourselves unable to host them any longer we have decided to return them to Somalia” said Bihi. President Bihi has criticised the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) for characterising the expulsion of Somali citizens as forced displacement. “OCHA publicises suffering of people when it raises funds in Muslim countries. It has never done anything for the people who lived in Las Anod” said President Bihi. President Bihi criticised OCHA for highlighting the plight of Somali citizens whom Somaliland government forcibly displaced from Las Anod. OCHA reported that more than 6,000 Somalis had been forcibly displaced in Las Anod. “The forceful displacement of scores of families from Laas Caanood has raised protection concerns. The displaced have reported separation of families, child abandonment and loss of property” reported OCHA. “President Bihi took full responsibility for forcibly displacing Somali citizens in Las Anod. OCHA’s use of the phrase ‘forced displacement’ points to the fact that what Somaliland authorities did in Las Anod is a crime under the international law” said Issa Mohamed, a human rights lawyer in Nairobi. © Puntland Post, 2021 The post President Bihi Defends Forced Displacement of Somalis in Las Anod appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Onlie) – Inkasta oo ay degan tahay xaaladda Xaafadaha Kaaraan iyo Gubadley oo ay ku dagaalameen ciidamo taabacsan Gaashaanle sare Saney Cabdulle iyo Gaashaanle sare Cusmaan Xaadoole oo labaduba ka tirsan saraakiisha Militariga Soomaaliya, haddana waxaa weli la dareemayaa abaabul dagaal iyo hub aruursi.. Weli xal lagama gaarin colaadii dhex martay labadaan sarkaal, waxaana weli is horfadhiyo ciidamadii dagaalamay, balse waxaa labadaba dul saaran amar uu bixiyey taliyaha ciidamada Xogga dalka Genera Odawaa Yuusuf Aadan oo safar ugu maqan deegaanada maamulka Galmudug. Taliyaha ciidamada xogga dalka ayaa loo xil saaray inuu kala qaado ciidamadii dagaalamay kuwaas oo ku wada sugan deegaanka Gubadley ee duleedka Muqdisho lana xaliyo dhibaatadii ka dhacday deegaanka, balse wuxuu u baxay safar lama filaan ah, waxaana dib loo dhigay wada-hadaladii laga dhex sameyn lahaa labada sarkaal. Caasimadda Online ayaa ogaatay in labada sarkaal ay heleen gurmad ciidan oo xooggan, waxaana dagaalka gadaal ka riixaya siyaasiyiin xilal sare kasoo qabtay dalka oo ay ku jiraan kuwa wasiiro soo noqday. Sidoo kale, hurinta dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ah xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, ganacsato iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliya. Sida xogaha aan helnay ay sheegayaan, sababta ugu weyn ee dagaalka keentay ayaa ah gacan ku heynta Xaafadda Gubadley oo dhawaan la filayo inay noqoto degmo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir. Qorshaha degmo looga dhigayo Gubadley waxaa sidoo kale ku lammaansan in iyagana degmooyin laga dhigo Garasbaaley iyo Daaru Salaam oo ah laba xaafad oo soo buuxiyey shuruudihii loogu mid noqon lahaa degmooyinka Gobolka Banaadir. Sarkaal kamid ah labadaba sarkaal ee isku hayo Gubadley ayaa ku doodayo in reerkiisa ay yihiin kuwa ugu badan ee ka xoogsado Gubadley sidaas darteedna uu isaga mudan yahay inuu hoggaamiyo dadaalada degmo looga dhigayo, halka sarkaalka kale uu ku doodayo inuu ka shaqeeyey ammaanka Gubadley iyo inay u diyaar garowdo kamid noqoshada degmooyinka Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa ka gaabiyey doorkii ay aheyd inuu ka qaato dadaalada xalka loogu raadinayo dagaalka ka dhex qarxay labadaan sarkaal oo kala heysto ciidamo awood badan. The post Xog: Dhinacyo kale oo ku lug yeeshay xiisadda Saney Cabdulle iyo Xaadoole iyo arrinta la isku hayo appeared first on Caasimada Online.