-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
TORONTO, Canada, September 8, 2021/ — The Canada-Africa Chamber of Business (www.CanadaAfrica.ca) and APO Group, the leading Pan-African communications consultancy and press release distribution service, today further announced details of the largest ever conference to promote business, trade and investment between Canada and Africa in the organization’s 27-year history. The Accelerating Africa 2021 conference (https://bit.ly/3gsTfVA) will take place from 26 to 28 October 2021, with a programme of online and in-person events that bring together ministers, CEOs, entrepreneurs, thought leaders and policy makers from Canada and all over Africa. With a primary focus on Canada’s role in Africa’s economic restart after COVID-19, the conference will address challenges and advance opportunities for greater trade and investment between Canada and the African continent. APO Group is the Chamber’s Public Relations Strategic partner, and it joins Ivanhoe Mines Ltd, the lead sponsor of the Accelerating Africa 2021 conference, which is open to all for complimentary virtual attendance – thanks to the organization’s generous supporters (register here https://bit.ly/3jPdaAa) The Chamber joined forces with APO Group earlier this year, and the two organizations have worked together on major engagements in Canada and Africa, following the visit of Canadian Prime Minister Justin Trudeau to the African Union, the African Continental Free Trade Agreement leadership, and several African heads of state and cabinet ministers. “Our existing work with APO Group has seen millions of dollars in media exposure across the African continent,” said Sebastian Spio-Garbrah, Chair of the Board of The Canada-Africa Chamber of Business. “We believe APO Group will be key to making a success of the biggest conference in our 27-year history, and our partnership will continue to play an important strategic role in Canada-Africa trade and investment.” APO Group has a peerless reputation within African media and Public Relations. Through its game-changing partnerships with globally-renowned organizations like Bloomberg and Getty Images, APO Group is able to deliver uniquely African stories to new international audiences, demonstrating to the world that Africa is open for business. “We see it as our responsibility to ensure Africa gets the international recognition it deserves,” said APO Group Founder and Chairman, Nicolas Pompigne-Mognard ( www.Pompigne-Mognard.com). “The Canada-Africa Chamber of Business is uniquely placed to drive trade and investment opportunities by bringing together all the major stakeholders across both markets. Ultimately, we share the same goal, which is to challenge negative perceptions about Africa and remove barriers to investment. Events like Accelerating Africa 2021 provide the perfect forum for facilitating new conversations and relationships that promote economic success all over Africa.” Mr. Pompigne-Mognard is a member of the Senior Advisory Council of The Canada-Africa Chamber of Business. Register: https://bit.ly/3gsTfVA View 2021 Partnership Options: https://bit.ly/3zcokEj Qaran News
-
PRESS RELEASE International partners urge Somali leaders to reduce political tensions and focus on electoral process We continue to engage a wide range of Somali leaders to urge for a rapid resolution of this dispute MOGADISHU, Somalia, September 8, 2021/ — International partners* are concerned that the controversy surrounding the disappearance of Ms. Ikran Tahlil Farah is creating political tensions that could impact on the functioning of the Federal Government of Somalia and disrupt the electoral process. We urge Somali leaders to de-escalate the political confrontation surrounding this investigation and, in particular, avoid any actions that could lead to violence. We call on Somalia’s leaders to work together to advance the implementation of the 27 May Agreement toward the holding of elections, recognizing the progress made to date by the National Consultative Council under the effective leadership of Prime Minister Mohamed Hussein Roble. We continue to engage a wide range of Somali leaders to urge for a rapid resolution of this dispute, including a credible investigation of Ikran’s disappearance and the completion of the electoral process without any further delay. * African Union Mission in Somalia (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Ethiopia, European Union, Finland, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Poland, Qatar, Russian Federation, Sweden, Switzerland, United Kingdom, United States, and the United Nations. SOURCE United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad u dhaxeysa laba ciidan oo ka tirsan hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa maanta ka taagan xarunta looga arrimiyo hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee Habar-Khadiijo. Dhaq-dhaqaaq ciidan ee ka jira aagga Isgoyska Jubba oo ay ku taalla xarunta NISA ayaa yimid kadib markii ay maanta ciidamada Duufaan ee Nabad-Sugidda Soomaaliya hareeyeen ciidamo kale oo xarunta ku sugnaa. Ciidamada Duufaan ayuu qorshahooda ahaa in Yaasiin Fareey oo Madaxweyne Farmaajo xalay u magacaabay Agaasimaha NISA in ay geeyaan xafiiska ugu sarreeya ee hay’adda NISA, balse waxaa la sheegay in loo diiday in uu furto xafiiska agaasimaha, laakiin uu tagay xaruntii uu marka hore ku shaqeyn jiray oo isla NISA ku taalla. Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ah taliyaha ciidanka Waran ee hay’adda NISA, oo ah ciidanka ilaaliya xarunta taliska ayaa diiday qorshihii Villa Somalia maanta ka damacsaneyd xaruntaas, iyadoo xiisad muddo taagneed kadib ay dib u gurasho sameeyeen ciidankii Duufaan. Maxamed Xasan, oo ku beel ah ra’iisul wasaare Rooble ayaa la sheegay inuu yahay sarkaalkii hadda kahor diiday inuu weeraray hotelka Ma’ida ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugnaa, taasi oo keentay in la xiro, inkasta oo markii dambe lasii daayey. Ciidanka Waran, ayaa lagu warramay inay si buuxda uga amar qaataan Maxamed Xasan, islamarkaana ay yihiin kuwa hadda haysta xarunta NISA, ayaga oo taabacsan ra’iisul wasaare Rooble. Xaaladda ayaa wali qasan waxaana dhici karta in isku dhacyo dhaxmaraan ciidamo kawada tirsan hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo wajaheysa fadeexad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qorshuhu ahaa inuu maanta tago xarunta NISA, waxaana lagu warramay inuu dib u dhigay isaga doonaya inuu xaqiijiyo inuusan dhiig ku daadaan. Ciidanka Duufaan ayaa hadda laga dhaadhicinayaa inay isaga tagaan meelaha ay joogaan, haddii kale awood looga saari doono. The post Waa kuma sarkaalka Yaasiin Fareey u diiday inuu tago xafiiska looga taliyo NISA? appeared first on Caasimada Online.
-
Halkan ka Daawo Muqaalka Warkan:- WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulan la qaatay masuulin ka kala socda xafiiska horumarinta mashaariicaha Dalka Uk, shirkada Trade Mark East Africa (TMEA) iyo xafiiska Uk ay ku leedahay Jamhuuriyada Somaliland. Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay dardar-gelinta dhismaha waddada Berbera Corridor oo isku xidhi doonta, marin ganacsiyeedka Tog-wajaale iyo Berbera, oo ay barbar socoto dhismaha waddada Hargeisa Bypass. Sidoo kale waxa laga wada hadlay mustaqbalka wixii la iska kaashan karo ee ay ka mid tahay horumarinta kaabayaasha ganacsiga. Waxa kale oo lagu lafo-guray kulankaasi qodobo ay ka mid yihiin horumarinta kastamyada waa weyn ee kuyaala xuduudaha dalk, si loo fudaydiyo Allaabooyinka ganacsi ee isaga gudbaya dalalka Geeska Afrika iyo fursadaha kale ee maalgashi ee la xidhiidha horumarinta ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaale. Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirradda wasaaradaha Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Bade, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash, Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin). Dhinaca masuuliyiinta madaxweynuhu qaabiley waxay kala yihiin, Frank Matsaert, Dominic McVey, Damon Bristow, Chris Loughran, Stuart Brown, Abdi Osman iyo Cris Pym. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
Warsaxaafadeed 8/09/2021 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay maanta soosaartay warbixinteedii Afar Biloodlaha ah ee 2021. Warbixinta Xaruntu ay soo saartay waxa ay tilmaamaysaa tacadiyo ka dhana xuquuqda aadamaha oo dalka ka dhacay afartii bilood ee lasoo dhaafay. Tacadiyadaasi, oo isugu jira xabadeyn, xadhigyo sharci daro ah, caqabadaha ka taagan cabirka rayiga xorta ah, iyo sidoo kale tacadiyadda haweenka ka dhanka ah oo baryahan danbe Somaliland kuso badanaya. 19/04/2021, nin booliis ah oo ka tirsan Saldhiga Qudhacdheer, ayaa todoba xabadood labada lugood kaga dhuftay Cabdi-casiis Cabdilaahi Cabdi, oo ah wiil 19 jir ah oo degan magaalada Hargeysa. Muddo bil ah ayuu xidhnaa askarigaasi waana lasiidaayay. Cabdicasiis waxa uu ilaa hadda u jiifaa dhawicii xabadahaas kasoo gaadhay. Qodobka 24(2) ee Dastuurka Somaliland waxa uu leeyahay“Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa, waxaana reeban in waxyeelo loo geysto” Dhinaca kale, waxa hada sifo sharci daro ah muddo todobaad ka badan u xidhan Xoghaye ku Xigeenki Warfaafinta Gobolka Awdal ee Xisbiga Mucaarad ka ah ee Ucid, Saleebaan Cawaale Good, kaasoo laxidhay 28/08/2021, xadhiga xoghaye ku xigeenku ku waxa uu yimid ka dib markii uu dhaliilo usoo jeediyay Badhasaabka Gobaolka Awdal. Xadhiga xoghaye ku xigeenku waxa uu lidi ku yahay Dastuurka Somaliland, majiro waaran sharci oo loo-adeegsadey xadhigiisa ilaa hadana Maxkamed lama horkeenin. Dastuurka Somaliland Qodobka 25 (1) waxa uu dhigayaa “ Qofna xoriyadisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn” Sidoo kale Qodobka 32 (1) waxa ku cad oo uu leeyahay “Muwaadin kasta waxa u xor u yahay in uu rayigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal suugaan ama qaabkale. Xaruntu waxay walaac xoogan ka qabtaa dhamaan tacadiyadaas oo ah inta badan ah mkuwo soo noqnoqda. Ø Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland in la helo meel iyo xeer lagula garnaqsado gefefka sharci ee booliisku gaystaan iyo in booliiska dib u habayn balaadhan lagu sameeyo. Ø In si bilaashuruud ah loosii daayo Xoghaye ku xigeenka xisbiga Ucid ee Gobolka Awdal. Ø In la joojiyo xadhigyada sharci darada ah een Dastuurka waafaqsaneyn. Ø Sidoo kale in xeer ugaara loo helo tacadiyada alaaba ay wajahaan haweenku, inta xeer saxa la helayana lagusii dhaqmo xeerkii hore ee –xeer 2018. Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Hargeysa Somaliland hrcsomaliland@gmail.com Twitter: @hrcsomaliland Qaran News
-
Halkan ka Daawo Muqaalka warkan:- WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaabiley madaxa Bangiga Adduunka Marwo Kristina Svensson oo ay wehelinayso Marwo Kaltuun Xasan oo ka mid ah masuuliyiinta sar-sare ee Bangiga Adduunka. Waxaanu madaxweynuhu uga xog-waramay qadiyada madax-bannaanida Somaliland oo uu xusay in qarankani halkan ku soo gaadhay wada jirka xukuumadda iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xiidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhinac ee Somaliland iyo Bangiga Adduunka iyo sidii loo balaadhin lahaa, loona horumarin lahaa mashaariicda horumarineed ee bangiga adduunku ka wado gudaha Jamhuuriyadda Somaliland. Dhinaca weftiganu waxay ballan qaadeen inay dar-dar gelin ku samayn doonaan, sidii loo wada shaqaynlahaa, dedaal iyo juhdi badana ay gelin doonaan mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka waddo Somaliland. Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirradda wasaaradaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Bade, Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo La-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Dr Cismaan Sheekh Axmed. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
JOWHAR (HOL) - HirShabelle state president Ali Gudlawe has released the list of candidates who will contest in the senate race. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in muddo toddoba maalin ah lagu daray waqtigii uu u qabtay maamullada Isbitaalada Jazeera iyo Yardimeli inay soo wareejiyaan labadaas isbitaal. Afhayeenka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta ay ku ekeyd waqtigii loo qabtay in lagu soo wareejiyo, balse wuxuu sheegay in lagu daray toddoba maalmood oo dheeri ah, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo lasoo wareegista maamulida labadaas Isbitaal, sida uu hadalka u dhigay. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in toddobadaas maalin lagu diyaarin doono qaabkii uu maamulka ula wareegi lahaa labadaas Isbitaal, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in maamulada Isbitaaladaas ay ka biyo diideen amarka kasoo baxay Cumar Finish. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 1-dii Bishan September soo saaray amar ku socda labadaan Isbital, oo ah in muddo Todobaad ah lagu soo wareejiyo maamulka labadaan isbitaal. Labadan isbitaal ee Yardameeli iyo Jaziia ayuu maamulka gobolka Banaadir ku eedeeyay in adeegyada ay u qabtaan bulshada ay tahay kuwo dhaqaale badan loogaga qaato. “Isbitaaladaa kor ku xusan oo loogu talo-galay in bulshada gobolka Banaadir ugu shaqeeyan si lacag la’aan ah uu ka war helay maamulka gobolka in hanaankii loogu talo-galay in loogu adeego bulshada hanaan aheyn oo u muuqda mid ganacsi iyo mid gaar ahaaneed u adeegayaan isbitaaladaas,” ayuu yiri afhayeenka gobolka Banaadir oo shir jaraa’id qabtay maanta. Hoos ka daawo afhayeenka maamulka The post Gobolka Banaadir oo war cusub kasoo saaray amarkii lagu soo rogay isbitaallada Yardimeli iyo Jaziira + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiye Cirro oo ka qeybgalay Munaasibad loo qabtay Arday ka qalinjebisay Jaamacada Gollis Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta magaalada Hargeysa kaga qayb galay munaasibad loo qabtay qalin jabinta dufcaddii 32-aad ee ardayda Jaamacadaha GOLIS. Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyay madasha waxa uu ardayda qalin jabisay ku bogaadiyay farxadda qalin bedelashada iyo dedaalka ay ka midho dhaliyeen. Guddoomiyuhu waxa uu kula dardaarmay in ay aqoonta ay barteen ku anfacaan dalkooda iyo dadkooda siina wadaan geeddiga waxbarashada Qaran News
-
Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa manta howlgalo ay sameeyeen ku qabtay lacago Faalso ah oo iskugu jirtay Doolar iyo EURO oo la donaayya in si qarsoodi ah lagu geliyo magaalada Bosaaso. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa soo bandhigay Lacagtaan faalsada oo gaaraysay in ka badan 2Milyan iyo lix boqol iyo sodon kun, taas oo iskugu jirtay lacagaha dolarka iyo yuurooda, islamarkaana waraaqaha lacagaha ay isugu jireen oo ku qornaa midkiiba boqol kun, iyo Toban kun, iyo kun. Goobta lagu soo bandhigay lacagtan been abuurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa duqa magalada Boosaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil Taliyaha Booliiska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud iyo Maamulaha Bangiga Bosaaso Muuse Ow Xuseen Ducaale. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari, Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay lacagaha faalsada ah, ayaa sheegay in ciidamada Booliiska ay ku guulaysteen qabashada lacagtan iyo dadkii watay isagoo sheegay in ciidamada ay dadka iyo dalka ka badbaadiyeen in shacabka lagu dhaco laguna dhibaateeyo, taas oo wadata khatarteeda hadii ay gali lahayd suuqyada magaalada Bosaaso. Taliyaha ayaa ugu danbayntii sheegay in sharciga la horgayn doono cidii wadatay lacagtaas sidoo kalana u mahad-celiyay ciidamada Booliiska oo ku guulaystay in gacanta lagu soo dhigo lacagtaas. PUNTLAND POST The post Booliiska Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay in ka badan laba malyan oo lacag Faaliso ah appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaaa Galabta si rasmiya xariga uga jaray garoonka Ciyaaraha Gaalkacyo ee Cawaale Stadium, oo hab isku-tashi ah lagu dhisay. Madaxweyne Deni oo ka soo laabtay safar uu muddooyinkii u dambeeyay ku joogay magaalada Nairobi ayaa saaka gaaray magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa sida lagu wado Gaalkacyo ka bilaabi doona kulamo kala duwan oo uu la qadanayo Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada magaaladaas. Sidoo kale, waxa la filayaa in kormeer ku tegi doono dekedda magaalada Garacad oo dhismaheedu meel wanaagsan marayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Galabta xariga ka jaray Garoonka Ciyaaraha Gaalkacyo ee Cawaale Stadium appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa soo saaray liiska musharixiinta 8-da kursi oo ay HirShabelle ku leedahay Aqalka Sare ee Soomaaliya. Liiska Musharixiinta ee uu soo saaaray Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka muuqda inu yahay liis furan oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin magaca ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana ugu adag kursiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow. Kursiga Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxaa ku tartamayo illaa 4 musharax oo kale, wuxuuna noqon doonaa kursi si weyn loogu tartamo, waxaana kurisgan ku tartamayo. 1- Muuse Suudi Yalaxow 2- Cabdullaahi Sheekh Xasan 3- Axmed Xasan Caddo 4- Xaaji Muxyadiin Xasan Afrax 5- Dr. Xasan Caddaay Cali Sidoo kale, kursiga uu ku fadhiyo Dr. Cusmaan Dufle ayaa la filayaa inuu tartan adag ka dhasho, waxaana murashaxiinta u taagan lagu soo daray safiirrka Soomaaliya ee Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. Inta badan kuraasta Aqalka Sare ee HirShabele ayaa waxaa ku tartamayo 4 illaa 6 musharax, wuxuuna Cali Guudlaawe noqday madaxweynaha kaliya ee ogolaaday in musharixiinta ay si cadaalad ah u tartamaan. Caasimada Online ayaa horey u sheegtay in Guudlaawe uu liiska ka dhigi doono mid furan sababo la xiriira cabsi uu ka qabo in dagaal uu ka dhaco Jowhar, oo ay sameeyaan beelaha qaar, haddii kuraasta uu ka dhigo kuwa u xiran shaqsiyaad gaar ah. Halkaan hoose ka akhriso liiska oo dhameystiran The post DEG DEG: Guudlaawe oo soo saaray liiska murashaxiinta Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shaaciyay liiska sideeda kursi ee dowlad gobaleedka Hirshabeele ku leeyahay Aqalka sare. Liiska xubnahan uu magacabay Madaxweynaha ayaa ka dhigan maamulki ugu dambeyay ee soo saara xubnahiisa Aqalka sare Hoos ka akhriso magacyada Liiska Xubnaha uu soo magacaabay madaxweynaha Hirshabeelle Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (PP News Desk) — Puntland and Jubaland leaders have rejected a proposal from the Prime Minister of Somalia Mohamed Hussein Roble to renegotiate key terms of the electoral modalities. Last month, Roble convened a summit for the heads of Federal Member States to make changes to an electoral agreement that broke a political deadlock resulted by a controversial term extension. The amendements to the electoral agreement grant more powers to heads of Federal Member States to decide who could be selected as an MP. Amendments further complicate the already shaky electoral modalities that allegedly made easier for heads of Federal Member State to handpick senators for the Upper House. MPs of Federal Member States’ parliaments had selected the senators after the role of the traditional elders was confined to the selection of MPs. “The rejection from Puntland and Jubaland affects the mandate of Roble to prepare Somalia for indirect elections,” an analyst told Puntland Post. Roble has proposed to have some articles in the amended agreement revised to ensure transparency in the electoral process. © Puntland Post, 2021 The post Jubaland and Puntland Decline Renegotiation of Somali Electoral Modalities appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, Sept 8 (Reuters) – Somalia’s two most powerful leaders were locked in a deepening standoff on Wednesday after they named different men to head the politically unstable Horn of Africa nation’s intelligence service. The open row between President Mohamed Abdullahi Mohamed and Prime Minister Mohammed Hussein Roble, nominally over a murder investigation, marks an escalation of months of tension between them in a country already riven by militant attacks and clan rivalries. It was triggered on Monday when Roble suspended Fahad Yasin, the director of the National Intelligence Service Agency (NISA), saying he had failed to deliver a report on the case of one of its agents who disappeared in June. Roble appointed another man, Bashir Mohamed Jama, as interim head of NISA. The president called Roble’s move unconstitutional and, late on Tuesday, named a third man, Yasin Abdullahi Mohamed, to head the agency. The president’s appointee took over at a handover ceremony Wednesday morning, NISA said in a tweet. Security around the agency’s headquarters was tight, local residents said. The African Union, U.N. and foreign donor nations including Britain and the United States on Tuesday urged a de-escalation of the row and called on the president and prime minister to “avoid any actions that could lead to violence.” Roble and Mohamed had clashed in April, when the president unilaterally extended his four-year term by two years, prompting army factions loyal to each man to seize rival positions in the capital Mogadishu. read more The confrontation was resolved when the president put Roble in charge of security and organising delayed legislative and presidential elections. That process was supposed to be concluded next month but several days ago was pushed back again. In his late Tuesday statement, the president also named Yasin, the man Roble had sacked, as his personal security advisor. Also late on Tuesday, Roble accused Mohamed of “obstructing effective investigation of Ikran Tahlil Farah’s case,” referring the agent who went missing while working in the intelligence agency’s cybersecurity department. Her family have said publicly they believe she was murdered, and that they hold the agency responsible. The agency has not responded to the family’s allegation. Reporting by Abdi Sheikh; Writing by Duncan Miriri; Editing by Maggie Fick and John Stonestreet The post Somalia on edge as president, PM clash over intelligence chief appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Political tensions between Somali President Mohamed Farmaajo and Prime Minister Mohamed Roble took an unexpected turn on Wednesday morning following the announcement by Somalia's intelligence agency that Farmaajo's appointee had taken up office as the nation's spy chief. The statement came less than 12 hours after Roble directed his pick to report to the office. Source: Hiiraan Online
-
Farmaajo-Roble battles extend to control of state-run media
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - The political battles between Prime Minister Mohamed Roble and President Mohamed Farmaajo escalated Tuesday night and extended to who would control Somalia's state-run media. Source: Hiiraan Online -
Xilka Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa waxa saaka la wareegay G/sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Yaasiin Faray, sida lagu sheegay war ka soo baxay NISA. “Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.” Ayaa lagu yiri warkaas. Madaxweyne Farmaajo, ayaa xalay sheegay in uu Yaasiin Faray u magacaabay Agaasimaha ku meel gaar ah ee NISA, kadib markii uu xilka iska casilay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo uu horay shaqada uga joojiyay Ra’iisul wasaare Rooble. Balse, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka horymid magacaabidda Yaasiin Faray wuxuuna sheegay in xilka hay’adda lagu wareejin doono S/Guuto Bashiir Maxamed Jaamac oo isagu magacaabay. PUNTLAND POST The post Hay’adda NISA oo sheegtay in Yaasiin Faray xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Habar Khadiijo oo ku taalla degmada Shibis ayaa haatan laga dareemayaa xiisad xoogan iyo sidoo kale dhaqaqaaq ciidan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa NISA lagu arkay agagaarka xarunta iyo waddooyinka laga galo, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo. Sidoo kale saacado ka hor ayey aheyd markii barta Twitter-ka ee NISA lagu shaaciyey inuu si rasmi ah xilka ula wareegay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo uu xalay si KMG ah xilkaasi ugu magacaabay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday. Xiisaddan ayaa daba socota khilaafka u dhexeeya Rooble iyo Farmaajo, kaas oo ka dhashay kiiska ‘dilka ah’ ee Ikraan Tahliil Faarax. Dhinaca kale waxaa maanta ay ku beegan-tahay waqtigii uu ra’iisul wasaaraha u qabtay Fahad Yaasiin, si uu xilka usoo wareejiyo, loona guda-galo baarista kiiska Ikraan Tahliil. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhinaca xafiiska ra’iisul wasaaraha ay ka socdaan dadaallo kale oo lagu doonayo in Bashiir Goobe lagu geeyo xarunta NISA, taas oo keeni karta isku dhac, maadaama taliyihii Farmaajo magacaabay uu ku sugan yahay halkaasi. Si kastaba xaaladda ayaa haatan aad u kacan, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac. The post Xiisad culus oo ka taagan xarunta NISA iyo wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa soo saaray Liiska musharixiinta ku tartamaya Sideed kursi oo Hirshabeelle ku matali doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Hirshabeelle oo shaaciyay liiska xubnaha Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidanka Socdaalka JSL (Immigration) oo maanta ku soo bandhigay Xaruntooda Hargeisa Dad u dhashay wadanka Neyjeeriya iyo hal qof oo Somali ah, kuwaas oo ku hawlanaa samayn lacago foojari oo ay doonayeen inay ku khalkhal galiyaan dhaqaalaha Wadanka. Taliyaha Ciidanka Socdaalka Sareeye Guuto Maxamed Calin (Dayib) ayaa hawl gal ay sameeyeen waxay kusoo qabqabteen islamarkaana kusoo bandhigeen Eedaysanayaashii iyo agabkii kale ee ay faldambiyeedka ku galen,Nimankan oo saaka Lagu soo bandhigay Taliska Ciidanka Socdaalka. Sidoo kale waxa lagu qabtay Aqoonsiyo been abuur ah. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lasoo dhigay twitter-ka rasmiga ah ee NISA ayaa lagu sheegay in agaasimihii uu sida KMG ah xalay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud uu maanta xilka kala wareegay Fahad Yaasiin. Qoraalka lagu taabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu yiri “Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.” Sidoo kale warka qoraalka ah ayaa lagu yiri “Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday.” Ma jirto cid xaqiijin karta xil kala wareegistan lagu sheegay bogga twitter-ka ee NISA, oo uu maamulkiisa hayo agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, oo la rumeysan yahay inuu dalka ka maqan yahay. Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii uu xalay Farmaajo sameeyey magacaabis deg deg, kadib wareegta uu soo saaray, waxaana Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi si KMG ah loogu dhiibay NISA, halka Fahad Yaasiin loo magacaabay la-taliyaha amniga qaranka. Ninka haatan la wareegay NISA ayaa horey u ahaa agaasimihii nabad sugida ee gobolka Banaadir ‘wuxuuna ka mid yahay’ shaqsiyaadka lagu eedeynayo kiiska Ikraan Tahliil. Si kastaba talaabadan ayaa uga sii dareysa xiisada u dhexeysa ra’iisul Rooble iyo Farmaajo, maadaama ra’iisul wasaaraha uu dhankiisa agaasimaha NISA u magacaabay Bashiir Goobe. The post Twitter-ka NISA oo sheegtay in Yaasiin Farey uu maanta la wareegay xilka agaasimaha appeared first on Caasimada Online.
-
Camaara (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo sidoo kale dalka uu kasoo jeedo ninkii fuliyey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay deegaanka Camaara ee koonfur gobolka Mudug, kaas oo geystay khasaare xoogan. Magaca ninka fuliyey qarixii ismiidaaminta ahaa ee uu ku billowday warkaasi ayey kooxda Al-Shabaab ku sheegtay Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali oo magaciisa afgarashaduna uu ahaa (Haashim), kaas oo oo ay shaacisay inuu sidoo kale ka soo jeedo wadanka dariska Kenya. Sidoo kale Idaacadda Andaluus oo baahisay wareysi laga qaaday ninkaasi, ka hor inta uusan weerarka geysan ayaa sheegay inuu ka dhashay magaallo xeebeedka Mombasa, kuna barbaaray, isaga oo markii dambe kusoo biiray Al-Shabaab, kadib markii uu kasoo safray Kenya. Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali (Haashim) ayaa wareysiga marka laga qaadayey ku hadlayey luqadda Sawaaxiliga, wuxuuna farriin u diray dhammaan dadka muslimiinta ah. “Farrinteda ugu horreyso waxaan u dirayaa muslmimiinta ku nool dhulalka gaalada waxaana leeyahay soo haajira,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali. Haashim ayaa sidoo kale sheegay inuu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2014-kii, isla-markaana uu ka qeyb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay gudaha Soomaaliya. Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Camaara oo uu xigay dagaal toos ah ayaa dhaliyey khasaare xoog leh oo soo gaaray qaar ka mid ah ciidamada huwanta iyo saraakiisha, waxaana sidoo kale Al-Shabaab au ku qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal. The post Al-Shabaab oo shaacisay MAGACA iyo dalka ninkii fuliyey weerarkii Camaara appeared first on Caasimada Online.