Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. CAIRO The foreign ministers of Egypt and Sudan held talks in Cairo on Sunday to discuss water security and support for the Horn of Africa country of Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. In a region where economic opportunities often feel scarce, the HIKMA Foundation is changing the narrative by empowering women and youth traders with seed grants, training, and resources to scale their businesses. Source: Hiiraan Online
  3. In a region where economic opportunities often feel scarce, the HIKMA Foundation is changing the narrative by empowering women and youth traders with seed grants, training, and resources to scale their businesses. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu si weyn hoos ugu dhacay saameynta Faransiiska ee Qaaradda Afrika, iyadoo Faransiisku lumiyay awooddiisa dalal badan oo ku yaalla Geeska iyo galbeedka Afrika, Paris ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u soo celin lahayd saameyntii hore iyo sidii ay u ilaalin lahayd waxa ay ka haysato. Sida ay sheegayaan qaar ka mid ah khubarada iyo dabagalayaasha xaaladaha siyaasadeed ee Afrika, hadalladii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hawlgallada ciidamada Faransiiska ee qaaradda ayaa kiciyay su’aalo iyo sharaxaadyo badan oo ku saabsan qorshayaasha Paris ee soo celinta saameyntii ay lumisay ee Afrika. Hoos u dhaca saameynta Faransiiska ee Afrika Kadib guul darradii weynayd ee Faransiiska, iyadoo ay lumisay saameyntii ay ku lahayd dalalka Saaxil (Mali, Niger, iyo Burkina Faso) iyo Jamhuuriyadda Afrika Dhexe, Faransiiska ayaa dhawaan ka mid noqday dalalka kale ee aan ka jirin saameyn xoog leh, sida Chad iyo Senegal, kuwaasoo ku dhawaaqay dhammaadkii Noofambar ee 2023 inay joojiyeen joogitaanka milatariga Faransiiska iyo heshiisyadii iskaashiga difaaca ee jiray. Tallaabooyinkaas ayaa ku waajibiyay ciidamada Faransiiska inay ka baxaan dalalkaas. Qorshaha Soo Celinta Saameynta Faransiiska ee Afrika Sida uu sheegay Maxamed Cali Gabaani, khabiir ku xeeldheer arrimaha Afrika, hadalladii uu sheegay Macron iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada Faransiiska ee qaaradda waxay muujinayaan qorshe cad oo Faransiisku uu doonayo inuu ku soo celiyo saameyntiisa, gaar ahaan laga bilaabo xeebaha Badda Cas iyo Geeska Afrika, iyadoo la tixgelinayo kororka saameynta Turkiye ee gobolka. Faransiisku wuxuu u arkaa Jabuuti inay tahay “xisaabtiisa xoogga ugu weyn” ee Afrika, sidaas darteed waxay noqon doontaa saldhigga ciidamada Faransiiska ee ka hawlgelaya dalalka deriska ah, si ay ugu soo celiyaan awoodda badda Cas. Jabuuti: Xarunta Guud ee Faransiiska Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn Faransiiska ee Afrika, ayaa loo arkaa inay muhiimad weyn u leedahay qorshaha Faransiiska. Faransiisku wuxuu sidoo kale heshiis cusub la galay Jabuuti oo lagu kordhinayo iskaashiga milatariga ee 10 sano kale, iyadoo la kordhinayo awoodda ciidan ee Faransiisku ku leeyihiin Jabuuti, si ay u noqoto xarunta laga bilaabo hawlgallada milatariga Faransiiska ee gobolka. Faransiisku wuxuu ku raacsan yahay inay Jabuuti noqon doonto xarunta ugu muhiimsan ee ka hawlgelaysa dalalka kale ee ku yaalla Geeska Afrika. Faransiisku wuxuu ku lug leeyahay xaaladaha gudaha ee Afrika Intaas waxaa dheer, Faransiisku wuxuu si qarsoodi ah uga shaqeynayaa kordhinta saameyntiisa gudaha dalalka Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, halkaas oo uu si cad uga taageerayo mucaaradka dalka iyo sidoo kale in la abuuro xaalad khilaaf, si loo saameeyo siyaasadda gudaha ee dalalkaas. Faransiisku wuxuu qorsheynayaa inuu ka faa’ideysto mucaaradka gudaha iyo xaaladaha siyaasadeed, si uu dib ugu soo celiyo saameyntiisa. Turkiye iyo Saameynta Korortay ee Geeska Afrika Dhinaca kale, saameynta Turkiga ee Geeska Afrika iyo badda Cas ayaa noqotay caqabad weyn oo ku wajahan Faransiiska. Dalalka ugu muhiimsan Geeska, sida Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku jira saameyn xooggan oo ka timaadda Turkiye, waxaana jira iskaashi milatari iyo heshiisyo ganacsi oo labadaas dal uu Turkigu la galay. Tani waxay Faransiisku u arkaan inay tahay khatar weyn, maadaama Soomaaliya ay tahay meel muhiim ah oo ay Faransiisku doonayaan inay saameyn ku yeeshaan. Macron iyo Itoobiya Macron wuxuu sidoo kale muujiyey taageeradiisa Itoobiya ee codsigeeda ah inay heli karto marin badeed oo loo aqoonsado inuu yahay “dalab sax ah,” isagoo sidoo kale ballan-qaaday taageero dhaqaale iyo iskaashi milatariga oo dheeri ah. Sudan iyo Xiisadda Gobolka Dalka Sudan ayaa sidoo kale ku jira siyaasadda Faransiiska, iyadoo la sheegay in Faransiisku uu si qarsoodi ah ugu taageero kooxaha qaarkood sida “Difaaca Xoogga” ee ay taageerto. Iskaashigaan ayaa noqon kara qayb ka mid ah dadaalka Faransiiska ee loogu talagalay inuu ka faa’ideysto xaaladda siyaasadeed ee gobolka. Gabagabadii, dhaq-dhaqaaqyada Faransiiska ee Afrika iyo kororka saameynta dalalka kale sida Turkiga waxay keeni kartaa khilaaf iyo khalalaase waaweyn oo saameyn ku yeelan doona nabadda gobolka. W/Q: Maxamed Saadig oo ah cilmi-baare ku takhasusay arrimaha Bariga Dhexe iyo Afrika.
  5. Tobanaan qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay waddo ku taalla gobolka Sidama ee koofurta Itoobiya. Mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa xaafimaadka ee Isbitaallada ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 71 qof ay ku dhinteen Shilkaasi oo ka dhacay degmada Bona oo ku taalla bariga Sidama. Sidama ayaa dhanka koofureed uga beegan magaalada Addis Adaba. Mate Mengesha, oo ka mid ah madaxda dowladaha hoose ee degaanka ay masiibadu ka dhacday ayaa warbaahinta u sheegay, in shilku ka dhacay webiga Galana oo 125 u jira magaalada Hawassa ee caasimadda Ismaamulka Sidama. Wuxuu sheegay in baabuur kuwa xamuulka ah oo waday rakaab fara badan uu ka baxay buundo ama bariij uu marayay kaddibna ku dhacay webiga. Dadka dhintay ayaa isugu jiray 68 rag ah iyo saddex dumar ah. Dhibanayaasha ayaa la sheegay in ay kasoo laabanayeen xaflad aroos, kuna sii jeedeen guryahooda. PUNTLAND POST The post In ka badan 70 qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  6. Laamaha nabad-gelyada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka fuliyeen ku soo qabtay rag hubaysan oo la sheegay inay maan-dooriye ka ganacsanayeen. Howlgal ay fuliyeen ciidamada amniga ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay 4 eedeysane oo hubeysan iyo 7 Loor oo maan-dooriyaha nooca loo yaqaanno Xashiishka ah, kaas oo la sheegay inay ka ganacsanayeen. howlgalkan oo ka dhacay degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir ayaa qeyb ka ahaa howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya, kuwaas oo ay maalmihii la soo dhaafay laamaha nabad-gelyadu wadeen. Source: goobjoog.com
  7. immy Carter, the 39th President of the United States, passed away today at the age of 100. His presidency from 1977 to 1981 coincided with significant international events that shaped U.S. foreign policy during a complex era of the Cold War. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa musuq maasuq ku eedeeyey Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdi Warsame Maalin. Jeneraal Odowaa ayaa soo saaray dikreeto uu ku reysteeyey Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee xoogga dalka, waxaana ku bilowday baaritaan ka dhan ah musuqa lagu eedeeyey. “Laga bilaabo maanta, S/Guuto Cabdi Warsame Cismaan Maalin, wuxuu reysto ku yahay gurigiisa, ilaa inta laga dhameynayo baaritaanka ku bilaabanaya kiiskiisa,” ayaa lagu yiri dikreeto ka soo baxday xafiiska Taliyaha Xoogga oo Caasimada Online ay heshay. Taliye Odowaa ayaa hoosta ka xariiqay in baaritaankaan uu wada saameynayo Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana jira tuhun musuq maasuq oo sababtay in la reysteeyo Taliyaha. “Sababta reystadaan u uku muteystay waa musuqmaasuq, waxaana shaqada Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidanka Xoogga Dalka sii wadaya G/Dhexe Cabdiwaaxid Cali Afrax,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday xafiiska Taliyaha Xoogga Jeneraal Odowaa. Yuusuf. Warqada lagu reysteeyey Taliyaha oo Caasimada Online ay heshay waxaa lagu socodsiiyey labo xafiis oo kala ah, Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha iyo Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana la amray inay ka gudtaan waajibkooda. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa ayaa la sheegay inay soo gaareen dacwado badan oo uga yimid Taliska Ciidanka Badda, taas oo sababtay in ugu dambeyn uu reysto ku dhufto taliyihii ugu sareeyey taliskaas, kadibna amro in lagu sameeyo baaritaan musuq maasuq. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa loo sameeyey hoggaan gaar ah oo dabagalka qaabilsan, kaasi oo baara musuqa, basaaska iyo wax kasta oo ka baxsan shaqada qaranka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay u dhaarteen.
  9. Tuktuk drivers in Mogadishu frequently complain about paying taxes but receiving no protection from extortion by traffic police officers. (Image credit: Kaab TV). Mogadishu (PP News Desk) — Earlier today in the Hamarweyne district of Mogadishu, a traffic police officer shot a tuktuk driver for refusing to transfer $5 into the officer’s mobile money account. “I am a tuktuk driver, and I am here with my fellow tuktuk drivers not to demonstrate or cause disturbances. We are sending our condolences to the family of a tuktuk driver who has lost a family member and had another injured. The President, Prime Minister and the Mayor of Mogadishu remain indifferent to our plight. Every year, soldiers kill tuktuk drivers, but no one holds them accountable for the crimes they commit,” said Hassan, one of the tuktuk drivers who spoke to a Kaab TV reporter. Hassan explained that the incident began when a traffic police officer asked the tuktuk driver to produce a driving licence. “The tuktuk driver said, ‘I don’t have it with me now.’ Then the traffic police officer demanded a $5 bribe to be wired into his [EVC] account. When the driver said he didn’t have $5, the officer killed him,” Hassan added. Tuktuk drivers in Mogadishu frequently complain about paying taxes but receiving no protection from extortion by traffic police officers. The traffic police officer who killed the tuktuk driver fled the scene. © Puntland Post, 2024 The post Traffic Officer Shoots Tuk-Tuk Driver Dead for Refusing to Pay Bribes in Mogadishu appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Burundi uga mahadcelisay kaalintii ay ka soo qaadatay howlgalladii AMISOM iyo ATMIS, maadaama ay xalay ku dhawaaqday inay ka hareyso howlgalka cusub ee 2025 ka bilaabanaya Soomaaliya oo loo bixiyey AUSSOM. Dowladda Burundi ayaa ka carootay tirada yar ee dowladda Soomaaliya ay u qoondeysay, maadaama 1,000 askari loo ogolaaday inay ku soo darsadaan ciidanka loo qaadanayo howlgalka cusub ee AUSSOM, Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ayaa ka hadlay dalabka Burundi ay uga hareyso howlgalka cusub. Ugu horeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa muujiyay sida ay dawladda Soomaaliya uga mahadcelinayso ciidamada Burundi ee ka soo qeyb qaatay howlgalladii AMISOM iyo ATMIS, naf-hurnimadii, taageeradii, soo nooleyntii amniga Soomaaliya iyo la dagaallankii kooxaha argagixisada ah. “Geesinimadooda Ciidamada Burundi waxay ku duugan tahay taariikhda, Soomaaliyana waligeed way uga mahadceli doontaa dhaxalkooda ka qeyb qaadashadii dowlad-dhiskeeda,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi. Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa Wasiirka Difaaca Qaranka iyo Ciidamada Jamhuuriyadda Burundi, isagoo yiri, “Inkastoo aan ka xunahay in la isku afgartay tirada aad saluugteen ee loo qoondeeyey doorka howlgalkaas ee Burundi, hadana waxaan ixtiraamaynaa go’aankaaga, waxaan ku qasbanahay in aan qirno ka qaybgalka aan BNDF ee AUSSOM.” Qoraalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray “Anagoo taas ka duulayna, waxaan si xushmad leh uga codsanaynaa xafiiskaaga Mudane Wasiir, inuu noo soo diro koox farsamo oo si habsami leh u bilaaba doorka ciidanka Burundi ee dhamaadka shaqada ATMIS iyo ku wareejinta amniga ee ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.” Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada Burundi uga mahadcelisay naf-hurnimadii iyo garab istaagii ay u muujiyeen, “Waligeen ma iloobi doono abaalka Burundi” ayey dheheen wasiirrada difaaca iyo arrimaha dibadda Soomaaliya.
  11. AQP2WhFnD0gW2Zl_HVE8FWXiDdS_y36getTdvs6m5E4Nv5PiFFJcIpA9jbFaFRMox50LmmV3DEAWGzrNRjHHdzHV Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa caawa u hoyday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, sida saaraakiil ka tirsan Taliska Xoogga ay Caasimada Online u sheegeen waxaa taliyaha u bilowday safar uu ku marayo degmooyinka ay yaallaan difaacyada ugu dambeeya uga jiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Safarka Taliye Odowaa Yuusuf ayaa ku soo aadaya xilli maanta ilaa shalay ay meelo kala duwan ka soo yeereen warar sheegaya inay furimaha dagaalka isaga baxeen ciidamo ka gadooday dil wadareedkii askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay maleeshiyaad hubeysan qaab qabiil ugu geysteen deegaanka Ceelbaraf ee Sh/Dhexe. Taliyaha ciidamada Gorgor ee degmada Xarardheere Cali Cagey ayaa maanta beeniyey in ciidamada xoogga dalka ay ka baxeen furimaha dagaalka ee degmadaas, isagoo sheegay in marnaba aysan jebi doonin amarka dowladda iyo difaaca qaranka oo ay u dhaarteen. Sidoo kale dowladda ayaa xalisay ciidankii shalay gadooday ee ka soo baxay furimaha deegaanka Xawaadley ee galbeedka degmada Balcad, kuwaas oo ka carooday in saaxiibadood kala tirsanaa ciidanka jidka loo galay oo aano qabiil loo dilay. Taliyaha xoogga ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu isku maro fulimaha ay joogaan ciidamada xoogga dalka, sidoo kale waxaa socota qiimeynta qaabka loo bilaabi karo howlgallo cusub oo dalka inta ay ka joogaan looga xoreynayo Khawaarijta. In ciidanka xoogga dalka ay caroodaan oo qeylo dhaan cusub ay ka soo yeerto furimaha dagaalka waxaa sababtay dhacdadii naxdinta laheed ee maalmo ka hor maleeshiyo beeleed hubeysan ay ku dhaqaaqeen, kuwaas oo jidka u galay kadibna laayey 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka. Askarta la laayey ayaa ka baxday deegaanka Xawaadley, halkaas oo laga fasaxay si reerahoodii oo degan gobolka Hiiraan ay u soo booqdaan, balse rag ka soo jeeda beesha Agoonyar ee Abgaal ayaa u galay jidka, gaar ahaan aagga deegaanka Ceelbafar, halkaas ayaa lagu laayey, waxaana loo dilay inay ka soo jeedaan beesha Xawaadle. Arrintaan waxay noqotay mid aad looga murugooday, dalka oo dhan waxaa is qabsatay qeylo dhaan sababtay, in meelaha qaar ay ciidanku gadoodaan, Taliyaha Xoogga Jeneraal Odowaa ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii dib loo soo magacaabay u baxay furimaha, wuxuuna caawa ku hoyanayaa Ceeldheer oo ka mid ah magaalooyinka ay ka soo yeertay qeylo dhaanta gadoodka ciidanka xoogga ee ka damqaday wixii ka dhacay Ceelbaraf.
  13. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with Djibouti's President Ismail Omar Guelleh on Sunday at the Presidential Palace in Djibouti to discuss regional security, political developments, and strengthening bilateral cooperation. Source: Hiiraan Online
  14. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle. Labada madaxweyne oo ay wehelinayaan Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan labada dowladood ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladda gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha Jabuuti soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa xusay in Soomaaliya maanta ay soo gaartay dhammaadka howlgalkii Nabad Ilaalinta Soomaaliya (ATMIS), haatanna uu bilaaban doono howgal kumeel gaar ah oo muddo kooban socon doona (AUSSOM). Waxa uu tilmaamay in qorshaha uu yahay in dhawaan ay si buuxda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne oo ay wehelinayaan Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti, xaaladda Gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada Labada shacab. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya maanta ay soo gaartay dhammaadka howlgalkii Nabad Ilaalinta Soomaaliya (ATMIS), haatanna uu bilaaban doono howgal kumeel gaar ah oo muddo kooban socon doona (AUSSOM), qorshuhuna uu yahay in dhawaan ay si buuxda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Source: goobjoog.com
  16. AQOhg_Tk3nwyuHc46Ojd-gviSglCLQKQcSC1U29rBCSidnhoJjaGYqxIpLvjScDLYVI7ysmWC3rxFl-b5EhePqo_ Qaran News
  17. Mohamed Abdiwahab: “In Garowe’s central police station, there are 153 detainees awaiting prosecution. One of them has been in detention for nine months. No warrants or court orders were issued for their detention.” Garowe (PP News Desk) — Addressing a justice conference in Garowe, Puntland State’s Minister of Justice, Mohamed Abdiwahab, revealed that discrimination and human rights violations “are occurring in police stations throughout Puntland.” He noted that suspects accused of offences are often detained unlawfully before being brought to trial. The minister stated that most victims are non-locals of the areas where they are detained. “Some suspects have been held in detention unlawfully without being brought before a court,” said Abdiwahab. He further explained that local suspects accused of crimes frequently escape justice and move freely in cities. Meanwhile, Somali citizens from other regions, accused of similar offences, face inhumane treatment within Puntland’s justice system. “In Garowe’s central police station, there are 153 detainees awaiting prosecution. One of them has been in detention for nine months. No warrants or court orders were issued for their detention,” the Justice Minister said. “We summoned senior officers from the Criminal Investigation Department of the Puntland Police Force to question them about these unlawful detentions. They failed to provide satisfactory answers” said Abdiwahab. The minister expressed fear of divine punishment for those responsible for the grave injustices. He emphasised the need to address the systemic abuse within Puntland’s justice system. In 2020, the Nugaal Police Division was accused of power abuse, raising concerns about policing practices, access to justice and adherence to due process in Puntland. Puntland State President Said Abdullahi Deni, speaking at a police graduation ceremony in Qardho in 2021, acknowledged efforts to improve the security situation and policing standards. “The two main duties of a government are to maintain law and order and provide public services. Newly trained officers have demonstrated their understanding of due process when suspects are taken into custody. We have allocated resources to address Puntland’s security challenges efficiently,” Deni said at the event, where 700 officers graduated after comprehensive training. © Puntland Post, 2024 The post Puntland Justice Minister Denounces Police Discrimination and Unlawful Detentions appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa. Ujeedka kormeerkan ayaa lagu sheegay u kuurgalida hawlaha baaxadda leh ee wasaaraddu u hayso dadka Soomaaliyeed. Intii uu kormeerka ku guda jiray Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay mas’uuliyiinta wasaaradda, kuwaas oo uga warbixiyey adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u fidiyaan, gaar ahaan xannaanada xoolaha, ilaalinta dhirta, iyo horumarinta daaqa. Ra’iisul wasaare ku-igeenka ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha wasaaradda lagu waafajiyo qorshaha isbeddelka qaran (NTP), kaas oo ahmiyad ballaaran siinaya isku tashiga dadka Soomaaliyeed iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Waa in aan ka faa’iidaysannaa khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu xusay in qorshaha isbeddelka qaran uu diiradda saarayo maalgelinta beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale. Ugu dambeyntiina ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ku boorriyey mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa in ay sii xoojiyaan dadaalladooda. Tan ayaa dhabaha u xaareysa si loo xaqiijiyo himilooyinka qorshaha isbeddelka qaran, loona gaaro horumar waara oo ay ka faa’iidaystaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhowaaqay inuu bilaabanayo howl-gal culus oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda maamulkaasi. Dhawaan ayey ahayd markii uu maamulka Puntland soo bandhigay hub iyo ciidan uu sheegay in ay ka qeyb qaadan doonan dagaalka ka dhanka ah Daacishta Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay inay ka go’an tahay cirib-tirka kooxdan oo sanooyinkii h dambeeyay sare u qaaday dhaq-dhaqaaqeeda maamulka, iyadoo lacago baad ah ka aruursata ganacsatada maamulka Puntland. “In badan ayay buuraha gaadmo ka wadeen , beec-mushtarka ayay soo faragaliyeen, dadkey dhibeen, culumo ayay laayeen, waxgarad bay laayeen oo cuqaal bay laayeen,” ayuu yiri wasiir Dirir oo la hadlay BBC-da. Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda Puntland waxay go’aansatay in buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan oo ah dhul qorfa ah oo adag oo boqolala kilo mitir dheerarkoodu dhan yahay inay soo afjarto.” Sidoo kale waxa uu sheegay inay diyaariyeen ciidamo gooni ab oo ay u qorsheeyeen howl-galkan cusub, isagoo caddeeyay in maamulka uu fursad siinayo xubnaha kooxda ee doonaya in ay isaga baxaan kahor inta uusan bilaaban dagaalka. “Howlgalka waa uu bilaabmay oo ciidamadii waa la geeyay meeshii ay ka gaari lahaayeen oo nimanku ay ku dhuumanayeen oo buuraha ahaa waa la geeyay, waad maqlaysay in ciidamadii iyo saraakiishii ay isa soo taageen iyaga oo diyaarsan howlgalkaasi daqiiqad kasta wuu bilaaban karaa” ayuu yiri wasiirka. Waxa uu intaas kusii daray wasiir Ceydiid “Waxaan jeclan lahayn inay isa soo dhiibaan dhaqan-celin ayaa loo sameynayaa gurigii iyo meeshii uu ka yimid ayaa loo celin doonaa.” Ugu dambayntiina wuxuu caalamka ugu baaqay ka qeyb qaadashada howl-galkan oo uu sheegay in muddo diyaarineysay, ayna ku dooneyso in kooxda ku cirib-tirto, si meesha looga saaro khatarteeda. “Dadka reer Puntland iyaga iyo dowladooda isku tashaday, saaxiibada caalamka ah, dagaalkani waa dagaal caalami ah. Argagixiso weeye. In uu aduunku ka qeyb qaato waan ugu baaqeynaa uma saaxiibo la’in.”
  20. Mogadishu (HOL) — At least 11 people, including civilians, have been killed and 20 others injured in renewed clan conflicts in the western Mudug region over the past two days. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — Somali Security Minister General Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag announced the federal government's intention to conduct one-person, one-vote elections in several districts of Jubbaland State, including the interim capital, Kismayo, by 2026. Source: Hiiraan Online
  22. Dowladda Puntland ayaa markii u horraysay qiratay in caddaalad-darro iyo dulmi-baahsan ka jiro saldhiga Booliska ee lagu xiro dadka ku eedaysan danbiyada kala duwan. Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo hadal ka jeediyay shir ku saabsan Caddaaladda oo lagu qabtay Garoowe ayaa xaqiijiyay in saldhigyada Booliska ay ka jiraan dhibaatooyin ka baxsan xaquuqda aadanaha oo dulmi iyo eex ka dhashay. Wasiir Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in dulmi iyo caddaalad-darro ba’an saldhigyada Puntland loogu geysto dadka aan u dhalan degaanka, islamarkaana qaarkood sannado badan si sharci-darro ah loogu hayo xabsiyada, iyadoo aan maxkamad la geyn. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in danbiilayaasha u dhashay Puntland uusan sharcigu qaban oo ay magaalooyinka joogaan, halka muwaadiniinta ka soo jeeda degaannada kale si bini’aadanimada ka baxsan loogu dhibaateeyo saldhigyada Booliska Puntland. “Saldhiga dhexe ee Garoowe 153 qof oo ku xiran baa loogu tegey. Qofka ugu badan 9 bilood buu ku xirnaa. Dadkaasi waaran kuma xirna amar maxkamadeed kuma xirna, waxay u xiran yihiina ma jirin.” “Waxaan u yeernay qoladii Waaxda danbi baarista ee C.I.D, waxaan weydiinay war dadkani maxaa lagu haystaa, kadibna waa kala carareen” ayuu yiri wasiirka Caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo arrintaasi ka hadlayay. Wasiirka ayaa sheegay xitaa in uu ka cabsaday in mas’uuliyiinta dowladda “Adduunka lagu cadaabo” kaddib markii uu arkay caddaalad-darrada iyo dulmiga ka jira saldhigyada Booliska Puntland oo aan haddana waxba laga qaban. PUNTLAND POST The post Wasiir Maxamed Cabdiwahaab “Dulmi baahsan ayaa ka jira saldhigyada Booliska Puntland” appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dhacdadii argagaxa lahayd ee dhowaan ka dhacday deegaanka Ceel Baraf oo lagu laayay askar Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan. Warsame ayaa marka hore cambaareeyay falkaasi, isaga oo tacsi u diray ehellada askarta lagu dilay halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay muujineyso in loo baahan yaay in la sameeyo dib u heshiisiin dhab ah, sidoo kalena soo bandhigtay sida ay ciidamada ugu nugul yihiin saamaynta taban ee ka dhalaya colaadaha sokeeye. “Dhacdada Ceelbaraf waxay daaha ka qaadaysaa ahmiyada ay dib u heshiisiintu leedahay, waxay kaloo dibadda soo dhigtay hoosaynta heerka dib u habaynta ciidanka iyo sida uu ugu nugul yahay saamaynta taban oo ka dhalata colaadaha iyo xasillooni la’aanta siyaasadeed ee degaanka ka jirta” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran;- Waxaan cambaaraynayaa falka lagu laayey askartii ka tirsanayd Ciidanka Xoogga Dalka ee ka dhacay degaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaan u tacsiyeynayaa ehelka askarta la laayey, waxaana Alle uga baryayaa in uu naxariistiisii jano siiyo. Waa fal argagax leh oo ka baxsan dhammaan xeerarka dowladnimada. Si loo xakameeyo dhacdadaan waa in muggeeda lagu wajaho, jidka ay mudan yihiinna la marsiiyo kuwii ka danbeeyey fal danbiyeedka. Waxaa ayaan darro wayn ah in ciidankii ku jiray jiidda hore ee dagaalka, horfadhiyayna cadowga, halkii uu ka heli lahaa dadka degaanka garab iyo gaashaan ay kala kulmeen cadowtooyo iyo dhabarjebin. Dhacdada Ceelbaraf waxay daaha ka qaadaysaa ahmiyada ay dib u heshiisiintu leedahay, waxay kaloo dibadda soo dhigtay hoosaynta heerka dib u habaynta ciidanka iyo sida uu ugu nugul yahay saamaynta taban oo ka dhalata colaadaha iyo xasillooni la’aanta siyaasadeed ee degaanka ka jirta. Dib u heshiinta iyo xasilloonida siyaasadda waa udub dhexaadka dowlad dhiska iyo dhammaynta colaadaha dalka ka tagaan, waana kan uu hoggaanka dalka ku guuldaraystay in uu mudnaanta koowaad siiyo. Haddii aan siyaasadda heshiis laga ahayn, waxaan suuroobi karin in si wadajir ah loo wajaho caqabadaha kale
  24. Hadal Jeedinta Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane. Maxamed Cali Aw Cabdi ee Kulanka Aqoon-is-waydaarsiga Golaha Wasiirrada oo Maalintii 2aad Galay Kulankii Aqoon-is-waydaarsiga Golaha Wasiirrada JSL ee Xukuumada WADAJIR iyo WAX-QABAD ee uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa halkiisii ka sii socday maalintii 2-aad. Waxaana kulanka khudbad qiimo leh ku furay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi. Khudbadaasi waxay salka ku haysay Hufnaanta Dawladnimada, Maamul wanaaga, caddaalada, u xaqsoorka bulshada Somaliland, adkaynta midnimada iyo wax wada lahaanshaha ummadeena. Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Xubnaha Golaha Wasiirrada ku baraarujiyey in ay si rasmi ah u fahmaan culayska uu leeyahay Xilka loo dhaariyey ee ay Qaranka u hayaan. Khudbadda Madaxweyne ku xigeenku waxay u dhignayd sidan: Hufnaanta Dowladnimo Madaxweyne xigeenka Jamhuuriyada Somaliland 29-12-2024 Bismillaahi Raxmaani Raxiim, ILAAHAY AYAA KELIDII MAHAD LEH Madaxweynaha Qaranka, Golaha Wasiirrada, Xubnaha Aqoonyahanka ah ee Bixinaya Tababarka iyo Shaqaalaha Madaxtooyadaba waad salaaman tihiin dhamaantiin. Salaam ka dib; Waxa aan rejaynayaa in Aqoon iswaydaarsigan Mudada labada Cisho inoo socda uu noqon doono mid si dhab ah uga muuqda dowladnimada aynu ku taamayno in aynu gaadhno, si gaar ah Qorshaha 100 Maalmood ee u horaysa aynu fulin doono. Mudanayaal lyo Marwooyin, Hufnaanta Dowladnimo waxa ay ka bilaabantaa Masuuliyiinta la doortay iyo Masuuliyiinta ay sii doortaan, waxayna ku dhamaataa adeeg bixinta Shacabka la siinayo, taas oo muraayad u ah Hufnaanta Dowladnimo. Dowladnimadeena Curdinka ah waxa laga maarmaan u ah in aynu la nimaadno isla xisaabtan iyo hufnaan shaqo oo la taaban karo; waxa waajib diini ah inaga saaran yahay shaqada aynu ummada u qabanayno in aynu sida la inoogu dhaariyay uga soo baxno. Waxa inoo taala in aynu dhisno dowlad wanaagsan oo ka caagan musuq-maasug, Eex iyo dib u dhac hoggaamineed; waxa shacabku inaga sugayaa in aynu la nimaadno Isbadelkii aynu ku soo ololaynay. Cida laga rabo in ay rejadii shacabka rumaysana waa idinka, waxa la idinka rabaa in aad si dhab ah u qabataan shaqooyinka hortabinta leh ee idin horyaala. Mudanayaal iyo marwooyin, Waxa ina horyaala in aynu soo celino kalsoonidii shacabku ku qabeen dowladdooda, waxa waajib inaga saaran yahay in aynu la nimaadno, fikrado wax dhisaya, oo qalbiga u qaboojinaya shacabkeena. Hufnaanta Dowladnimo waxa uu ku dhisan yahay in aynu samaysano Qorshayaal Dhow, mid dhexe iyo mid dheerba (Proper Strategic Plan), Qorshahaas oo wata isla xisaabtan (Accountibility) iyo Hufnaan shaqo. Waxa aan idinkula dardaarmayaa in aad ka *****saan Barnaamij Siyaasadeedkii uu Xisbiga Waddani doorashada ku galay oo si dhab ah uga turjumayay Baahiyaha Shacabka. Guntii iyo Gebabadii waa in aynu kordhinaaa Sinaanta iyo Cadaalada, korna loo qaadaa adeega shacabka loo qabanayo. Waad Mahadsan tihiin, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  25. Garbahaarey (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo weli ku sugan degmada Garbahaarey ayaa dhaq-dhaqaaqyo ku aadan hirgelinta dorashaha Villaha Soomaaliya ka wada gobolka Gedo. Fartaag oo maanta booqasho ku tegay taliska ciidanka booliska degmada Garbahaarey ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, wuxuuna sheegay in doorashooyin qof cod ah dalka uu aaday, gobolka Gedo-na uu qayb ka yahay. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in doorashooyinkaasi ay ka dhici doonaan illaa lix degmo oo ka tirsan gobolka Gedo iyo laba degmo oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose. “Waxaad nasiib u hesheen haddii aad tihiin gobolka Gedo, ama Jubbaland dhulka la yiraahdo in 8 degmo ay nooga soo hagaagtay in loo asteeyo deegaan doorashada, waxaa weeye magaalada Kismaayo, magaalada Afmadow iyo lix degmo oo Gedo ah” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu amar siiyay ciidamada uu la hadlay iyo guud ahaan kuwa dowladda ee ku sugan Gedo, isaga oo faray inay u diyaar garoobaan sugidda amniga doorashooyinkaasi. “Cidda doorashada fulineysa oo amnigeeda qaadeyso waa ciidanka booliska Soomaaliyeed, iyaga oo kaalmeysanayo ciidamada kale ee qalabka sida, waaa inaad u diyaar garowdaan qaybta aad ku leedihiin ee idin kaaga soo aaday doorashadaas ay Soomaaliya u guurtay” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga gudaha Soomaaliya. Ugu damebyn wasiir Fartaag ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka iyo shacabka, isaga oo ku amaanay inay qaateen fikirka dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah. Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo ayada oo haatan Gedo ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhowaan ku dagaalamay degmada Doolow ee gobolkaasi.