Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kampala (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyo mataano ahaa oo Talaadadii ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, kuwaas oo dilay saddex qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen. Daacish ayaa bayaan ay soo dhigtay Telegram ku sheegtay in saddex qof oo ismiidaamiyey ay ka qeyb qaateen qaraxyada, ayada oo mid ka mid ah weerarada lagu beegsday saldhig boolis, halka kan kalena lala eegtay xarunta baarlamanka. Booliska ayaa fashiliyey qarax saddexaad, ayaga oo walxo qarxa kasoo qaaday guriga ismiidaamiye la tuhunsan yahay, kaasi oo la toogtay lana dhaawacay, sida uu sheegay afhayeenka booliska Fred Enanga. Booliska Uganda ayaa qaraxyada ku eedeeyey “koox argagixiso oo gudaha ah” oo xiriir la leh kooxda ADF, ee dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Bishii April 2019, kooxda Daacish ayaa billowday inay baraha bulshado ku sheegato qaar ka mid ah weerarada ADF, ayada oo kooxda u bixisay magaca Kooxda Daacish ee Gobolka Bartamaha Afrika ama ISCAP. “Uganda waa mid ka mid ah dalalka ka qeyb-qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Daacish ee Bartamaha Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka ay kooxda soo saartay. Dowladda Mareykanka ayaa bishii March waxay ADF si rasmi ah ula xiriirisay Daacish. Qaraxyada mataanaha ee shalay ayaa daba socda laba qarax oo dhacay bishii tagtay – mid lala beegsaday bas marayey meel u dhow Kampala oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, iyo mid ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda oo haweeney ay ku geeriyootay. Booliska ayaa bishii tagtay sheegay in labada qarax ay fuliyeen dagaal-yahanada kooxda ADF. Uganda ayaa sidoo kale ADF ku eedeysay qarax la fashiliyey oo bishii August lala beegsan lahaa tacsida Jeneraal lagu naaneysi jiray “Libaaxa Muqdisho,” oo Al-Shabaab kula dagaalamay Muqdisho. Kooxda aadka looga cabsado ee ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taraiikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumanaan qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Kaniisadda Katooliga ee Congo ayaa sheegtay in ADF ay dileen qiyaasti 6,000 oo qof tan iyo 2013. The post Kooxda fulisay qaraxyadii shalay lagu qaaday Kampala oo shaaca laga qaaday appeared first on Caasimada Online.
  2. Wargeyska Financial times oo maqaal dheer ka daabacay Somaliland ayaa waxa uu si gaara uga hadlay isbadalka cimilada iyo saameynta uu ku yeeshay Somaliland. Wargeysku waxaa uu si gaara diirada u saaray dhanka wax soo saarka beeraha iyo biyaha , dhaqaalaha bulshada Somaliland galiyeen iyo dhaqaalaha ay ka heleen baananka iyo wadamada dibada. Waxaa uu sheegay in qurbe joog farabadan ay u jeesteen maal gashiga beeraha iyo xoolaha yaga oo goobo cimiladu saameyn ku yeelatay dib ugu guuleystay inay wax uga soo saaraan dhinaca dalaga beeraha iyo dhaqashada xoolaha ( Geella ) . Masuuliyiin ka tirsan xukuumada oo ay kamid yihin maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood iyo agaasimihi hore ee wasaarada beeraha Rooble Cabdi Muuse ayuu wargeysku daabacay mar uu wax ka weydiiyay dhinacyada biyaha iyo beeraha . Ganacsato uu ka kid yahay Ismaacil Axmed aas-aasaha xawaaladda Wold remet , aqoon yahano ku xeel dheer arimaha biyaha Iyo ganacsato kale oo maal galin sameeyay qaarkoodna fudaydiyeen ayaa warbixintan uu wargeysku soo xigtay . Waxaana taasi muujinaysa dadaalka iskaashiga ee Somaliland ka hirgalay ee lagaga hor tagay in uu saameyn weyn ku yeesho bulshada isbadalka cimiladu iyo qurbaha jooga maal gashiga gudaha usoo jeestay wakhtigan ee beeraha iyo xoolaha dhaqashadooda ku foogan oo aad u kordhay. Hoos ka akhri warbixintaasi https://www.ft.com/content/78d1b4ac-263a-4b3a-a3d3-1bfa38a06fa8?fbclid=IwAR1w3KmfmNtk_87FzxvQJmurOR2DNe-z-_0_Bde0Pbyw1mC_F8jdLiJo-h8 https://www.ft.com/content/78d1b4ac-263a-4b3a-a3d3-1bfa38a06fa8?fbclid=IwAR1w3KmfmNtk_87FzxvQJmurOR2DNe-z-_0_Bde0Pbyw1mC_F8jdLiJo-h8 Source
  3. WASHINGTON (HOL) - A business owned by three Somalis has won the New Business of the Year award in Seattle, USA. Source: Hiiraan Online
  4. The Somali National Army (SNA) received military vehicles, including trucks and ambulances, donated by Turkey on Tuesday as part of Ankara’s support for the nation’s military. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa maanta ka qeyb galay kulan casuumaad ah oo waxgaradka beelaha Mudullood ay u fidiyeen Boqorka, waxuuna casuumaadka kadib la hadlay warbaahinta. Boqor Buurmadow ayaa sheegay in ka Dir-waqooyi ahaan ay abaal weyn u hayaan beesha Mudullood, abaalkaas oo ay u galeen xilligii ay socdeen duqeymihii uu amray Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee ka dhacay magaalooyin ay Hargeysa ugu horeyso. Waxuu sheegay in waxgaradka beesha Mudullood ay xilligaas ku dhiiradeen inay Shirib ka tiriyaan dhibaatadii uu Maxamed Siyaad ka geysanayey waqooyiga Soomaaliya. Sidoo kale waxuu xusay in duuliye Axmed Dheere oo ka soo jeeda beesha Mudullood uu abaal weyn u galay dadka dega waqooyiga Soomaaliya, kadib markii uu diiday amar lagu siiyo inuu duqeeyo magaalada Hargeysa, xilligaas oo diyaaradii uu waday uu ula goostay dalka Jabuuti. “Walaaleen beesha Mudullood hadii ay noo imaan waayeen markii aan kala tagnoo aan wax kala tirsanay, maanta anagoo miisaan leh waxaan go’aasanay inaan walaaleheen u hoyano, oo la qeybsano waxa ay tirsanayeen, shiribkii ay noo tiriyeen xiliyadii adkaa, meel fog ayuu nooga yaallaa, waxaa kaloo meel adag nooga taalla ninkii Mudullood ka soo jeeday Axmed Dheere ee nagala xishooday inuu na duqeeyo ee naftiisa qatarta noo geliyey,” ayuu yiri Boqor Buurmadow. Sidoo kale Boqor Buurmadow ayaa beelaha Mudullood ku amaanay ilaalinta dhaqanka iyo kala dambeynta oo sida uu sheegay ay uga horeeyaan beelaha kale ee Soomaaliyeed. Hoos ka daawo The post Daawo: Boqor Buurmadow oo sheegay arrin uu abaal uga hayo beesha Mudullood appeared first on Caasimada Online.
  6. Kooxo hubeysan ayaa Xaafad ku taalla Suuqa Juungal ee degmada Yaaqshiid waxaa ay ku dileen Nabadoon Maxamed Xassan Nuur Muuse oo kamid ahaa Odayaasha Dhaqanka Muqdisho. Ragga hubeysnaa ayaa Nabadoonka ku dhex dilay Gurigiisa, xilli uu akhrisanayay Kitaab Qur’aanka Kariimka, sida ay Risaala u sheegeen qaar kamid ah Ehelladiisa. Gooboogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga dilka geystay oo laba Ruux ahaa ay dilka kadib goobta ka baxsadeen, isla markaana meydka Nabaddoonka la geeyay Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID-da. Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo batay dilalka qorsheysan oo ay geeysanayaan Al-Shabaab, kuwaas oo aad u yaraa Saddexdii Sano ee la soo dhaafay. PUNTLAND POST The post Nabaddoon lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Mustafa Duale grabs his binoculars to check on 450 camels grazing on what used to be barren land in western Somaliland — an unrecognised state in the Horn of Africa, between encroaching desert and the Gulf of Aden, which declared independence from Somalia in 1991. Source: Hiiraan Online
  8. Waxaa xalay Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo howlo Shaqo u jooga Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladda Guud ee dalka Soomaaliya iyo dardar galinta doorashada Xildhibaanada Golaha Sacabka Baarlamaanka Soomaaliya. ” Waxaan isla qirnay muhiimada ay leedahay dedejinta iyo daah furnaanta doorashada iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in ugu dambeyn la soo gabogabeeyo doorashada Xildhibaanada ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay Magaalada Muqdisho ka wadeen kulamo kala duwan ,iyaga oo walaac ka qaba dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Sheekh Shariif iyo Guudlaawe oo ka wada-hadlay Arrimaha doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee degmada Kismaayo ayaa si adag uga horyimid amar shalay kasoo baxay xafiiska Duqa degmada Kismaayo, kaasi oo lagu hakiyey dacwadihii dhulka. Warqada uu maanta soo saaray Guddoomiyaha maxkamada darajada Koowaad ee degmada Kismaayo ayaa la fahamsan yahay inay banaanka usoo saartay khilaaf huursana oo kala dhaxeeyay Duqa degmada. Guddoomiye Muuse Cismaan Geedi ayaa sheegay in warqada Duqa degmada Kismaayo ayna laheyn wax saldhig qaanuuneed ah, islamarkaana ay kasoo horjeedo awoodda garsooridda ee maxkamaddaha. “Waxaa cadaynayaa in warqadda Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada ee kor ku xusan aysan laheyn saldhig qaanuuneed, waxaana ka dhalanaya ku xadgudub awoodaha dastuuriga ah iyo shuruucda kale ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee degmada Kismaayo. “Waxaa u sheegaya bulshada Jubbaland, gaar ahaan bulshada degmada Kismaayo in dacwadihii ay u socdaan sidii caadiga aheyd aysanna jirin wax isbadel ah oo ku yimid habsami u socodkii shaqada garsoorka.” Guddoomiye Geedi iyo Duqa Kismaayo ayaa isku haya hab qaadista dacwadaha dhulka, oo uu shalay hakiyay Duqa degmada, taasi oo si adag uga horyimid Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee degmadu. The post Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka JUBBALAND appeared first on Caasimada Online.
  10. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dhuusamareeb kulamo kala duwan kula yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug oo uu kala hadlay xoojinta kaalintooda nabadgelyada, dib u heshiisiinta iyo doorashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka ee kulanka ka qeybgalay, kuwaasi oo la wadaagay kaalinta uga aadan arrimaha doorashooyinka iyo Nabadgelyada. Rooble ayaa kulamo kala duwan ka wada Magaalada Dhuusamareeb e xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana arrimaha lag wada hadlay ka mid ah arrimaha doorashooyinka dalka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Odayaasha dhaqanka Galmudug appeared first on Puntland Post.
  11. New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale ka shiraya xaaladda guud ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in kulankooda uu si rasmi ah u furmo gelinka dambe ee maanta oo Arbaco ah, kuna beegan 17-11-2021-ka. Ugu horreyn golaha ayaa warbixin ka dhageystay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo ka hadli doono xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan caqabadaha weli hortaagan doorashooyinka, amniga iyo qodobo kale oo xasaasi ah. James Swan ayaa sidoo kale la filayaa i khudbaddiisa uu diiradda ku saaro walaaca weli ku aadan dib u dhaca doorashooyinka oo aad uga daahay qabashada, xilligii loo qorsheeyey. Sidoo kale waxaa kulankan isna warbixin ka jeedin doono Danjire Francisco Madeira oo ah madaxa AMISOM oo isna diiradda saari doono arrimaha ammaanka ee doorashooyinka. Golaha ammaanka ayaa sidoo kale kulankooda la filayaa inay ku soo qaadaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha haatan ka jira gudaha dalka. Kulankan ee ay xaaladda Soomaaliya ka yeelanayaan golaha ammaanka ayaa daba socda qoraalkii dhowaan kasoo baxay beesha caalamka ee looga walaacay doorashooyinka dalka. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirtay xaalada kala guur ah oo ka dhalatay doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha oo uu ku yimid u dhac ballaaran. The post Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya xaaladda cakiran ee ka taagan Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo maanta soo kormeeray dhismaha ka socda wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad uu sheegay inay caqabad ku yihiin dhismaha wadadaas. Kormeerkan ayaa waxa Wasiir Cabdullaahi Nuur ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xil. Maxamed Aadan Macalin Soomaali Mas’uuliyiinta Shirkadda dhisaysa Wadada Muqdisho iyo Jawhar, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Injineero kasocday Wasaaradda Hawlaha Guud. Mas’uuliyiinta ayaa waxay warbixin ka dhageysteen Injineerada gacanta ku haysa dhismaha wadadaas, ayaga oo indha-indheynta ka bilaabay halka uu yaalo qalabka dhismaha ee wadada lagu dhisayo iyo halka laga qodo kaawada lagu dhisayo wadada. Wasiir Cabdullaahi Nuur ayaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marnaba aan dhismaha wadada loo joojin doonin shaqsiyaadka uu sheegay inay caqabad ku yihiin habsami u socodkeeda, isagoona u digay shaqsiyaadkaas. Waxa uu dadka deegaanka uga mahadceliyay sida ay markasta u garab taagan yihiin dhismaha Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Dhismaha wadada ayaa waxa lasoo gebagabeeyay intii badneyd, ayada oo kaalin weyn ay ka qaateen habsami u socodkeeda ciidamada amaanka iyo dadka deegaanka oo isku duuban. The post Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur oo digniin u diray shaqsiyaad caqabad ku ah… appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu raali gelin ka wado gabood falladii ay xukuumadda Somaliland u geysatay dadka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Boqorka ayaa sheegay in isaga iyo salaadiin kale ay tegi doonaan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, si walaalaha degan halkaas ay uga raali geliyaan musaafurintii khasabka aheyd ee loogu geystay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. “Safarkeyga waxaa ku jirta oo ii qorsheysan oo naga go’an aniga iyo odayaasha kale ee Dir ee ila socday, inaan booqasho ku tagno magaalada Baydhaba, oo aan ka raali gelino walaalihii Laascaanood loogu geystay ciqaab wadareedka,” ayuu yiri Boqor Buurmadow. Sidoo kale Boqorka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay ciqaab wadareedkii ay Somaliland u geysatay dadka laga soo musaafuriyey Laascaanood, iyadoo loo beegsanayo heyb sooc. “Dad walaalo ah oo magaalo degan in lagu sameeyo ciqaab wadareed, oo khasab lagu musaafuriyo, iyagoo aan ka diyaar garoobin oo hantidoodii qaadan, inaan taas ka raali gelino ayaan Baydhaba u tegeynaa aniga iyo odayaasha kale ee ila socda,” ayuu yiri Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmadow. Hoos ka daawo The post Daawo: Boqor Buurmadow oo si lama filaan ah u shaaciyey arrin uu u tegayo Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa qorsheynaya in dhisaan gole qaran oo si ku-meel gaar ah dalka maamula inta ay ka dhaceyso doorasho oo dowlad cusub laga helayo, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Arrintan ayaa lagu soo qaaday kulamo maalmahan u socday Midowga oo ay muuqato hubanti la’aan doorashada kadib markii daahitaan weyn uu ku yimid jadwalka doorashada oo marar badan dib u dhacay. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Midowga Murashaxiinta ay rumeysan yihiin in doorashada Golaha Shacabka ay qaadan doonto dhowr bilood ama ku dhowaad, kadib markii doorashadii Aqalka Sare ay qaadatay ku dhowaad afar bil. Dhismaha golaha ayaa looga dan leeyahay in cadaadis xooggan lagu saaro madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada. Golaha qaran ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo haddii aan doorashada golaha shacabka lagu dhameyn inta ka harsan sanadkan ama ugu yaraan aan meel wanaagsan oo geba-gebo ku dhow la gaarsiin. Dhismaha golaha qaran ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona in mar kale ay ciidamada Badbaado Qaran soo galaan caasimadda Muqdisho, si la mid ah bishii April markii la fashiliyey muddo kororsigii Farmaajo. Murashaxiinta ayaa rumeysan inay socoto muddo kororsi dadban, sida uu maanta qoraal uu soo saaray ku shaaciyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah Midowga. “Hawl adag ayaa laga soo maray in muddo kororsi dalka laga badbaadiyo, laakiin waxaa socda muddo kororsi dadban. Jiritaanka dowladnimada ayaa ka wayn xukun la helo ama xil bilo lagu sii nagaado. Dano shakhsi ah ayaa dalka u nugleeyeen damacii kooxda muddo kororsi doonka ahayd,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. “Waa in xal la helaa, shacabka Soomaaliyeed gudo iyo debedba waa in ay u diyaargaroobaan in dalka laga samata bixiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo masiir mugdi ah.” Caasimada Online ayaa rumeysan in daahitaanka doorashada iyo muddo kororsiga dadban uu qeyb ka yahay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo doonaya inuu xilka sii haysto, maadaama madaxweyne cusub ay ka dhigan tahay inuu meesha ka baxayo. The post Xog: Midowga Murashaxiinta oo dhisaya gole qaran oo dalka maamula + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta la kulmay wafdi ka socda Bangigga Adduunka oo uu hoggaaminayay Madaxa Mashruuca tayeynta hay’adaha dowladda Gregory Kasunko. Sida lagu sheegay qoraaal ka soo baxay madaxtooyada Puntland waxaa kulanka looga hadlay dardagelinta mashaariicda Bangiga Adduunku ka wado Puntland. Kulanka waxaa ka qeybgalay agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo mas’uuliyiinta dowladda Puntlland ee wadashaqeynta la leh Bangigga Adduunka. PUNTLAND POST The post Deni oo la kulmay wafdi ka socda Bangigga Adduunka appeared first on Puntland Post.
  16. Mr.President, The Russian Federation abstained in the vote on the UNSC draft resolution prepared by the UK on the extension of the Somalia sanctions regime. We regret that the UNSC was once again unable to reach consensus, even though that possibility was well within reach. We cannot agree with the retention of the paragraphs on Djibouti and Eritrea in the document. Sanctions against Eritrea were lifted by the UNSC back in 2018. The current state of relationship between Djibouti and Asmara does not pose a threat to international peace and security. The outstanding issues between these two countries can be settled through bilateral diplomacy. This is the assessment of the situation that has been repeated in the UN Secretary-General’s annual report to the UNSC for the last 4 years. We believe that the afore-mentioned provisions are outdated and have nothing to do with the Somalia sanctions regime. We regret if their retention in this UNSC document is meant to serve the bilateral goals of certain UNSC members or is used as a means of putting pressure on those they dislike. In this context, we also condemn the practice of using or threatening to use illegal unilateral sanctions. Mr.President, We also cannot agree with the wording included in operative paragraph 38 which compels panels of experts to advance gender issues across all areas of their mandates without taking country specificities into account. We believe that such actions are artificial and politicized. Thank you for your attention. Source: Permanent Mission of the Russian Federation to the United Nations The post Statement by Deputy Permanent Representative Anna Evstigneeva after UNSC vote on a draft resolution on the extension of the Somalia sanctions regime appeared first on Puntland Post.
  17. Somaliland: Waa kuma Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Waddani? Xigashada Sawirka, . Qoraalka sawirka,Xirsi Xaaji Cali , qoraha buugga ‘Miyiga illaa Madaxtooyada’ Shirweynihii xisbiga Waddani oo maalintiisii labaad ka socda Jamhuuriyadda iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland, maanta Guddoomiyaha xisbigaas loogu doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan, halka uu musharraxa madaxweyne ee xisbigaasi yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Xisbiga Waddani ayaa ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee Somaliland. Maalmihii u danbeeyey waxaa magaalada Hargeysa ka socday shirweynaha Xisbigaas, kaas oo ay ugu sii diyaar garoobayaan doorashada la filayo sannadka soo aaddan in ay ka dhacdo Somaliland. Waa kuma Xirsi? Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu dhashay sannadkii 1966, waxaanu waxbarashadiisii ​​hoose-dhexe dhammaystay 1987-kii. Markii uu dhamaystay waxbarashadiisii ​​sare, Xirsi waxa uu ku biiray Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM horraantii sagaashamaadkii. Muddo ka dib, markii Somaliland gaar ugu dhawaaqday goonni isu taaggeeda, Xirsi waxa uu waxbarashadiisii dib uga bilaabay Somaliland, kaddibna wuxuu sii aaday India iyo UK, isaga oo xoogga saaray culuumta teknolojiyadda ICT iyo Maamulka. Sidoo kale, wuxuu dhawaa Sharciga iyo Shareecada ka bartay labada jaamacadood ee Alpha iyo Beder. Waxa uu ku bilaabay khibraddiisa shaqada mid iskaa wax u qabso ah ka dibna waxa uu ku biiray qaybta xawaaladaha ee Dahabshiil Group. Waxa uu noqday maamulaha guud ee shirkadda Somtel oo qayb ka ah shirkadda isgaadhsiinta ee Geeska Afrika.Xirsi waxa uu ka guuray ganacsigii wuxuuna u wareegay siyaasadda. Xilligii Xisbiga Kulmiye uu ahaa Mucaaridka, waxaa loo doortay in uu ku metelo komishanka, isaga oo noqday Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ka dib wuxuu xilkaas hayay muddo sannad ah, wuuna iska casilay markii dambe. Qoraalka Codka,Xisbiga mucaaradka Wadani oo shir uu uga furmay Hargeysa Markii xisbigiisa uu hoggaaminayey Madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay talada Somaliland, sannadkii 2020, waxa uu Xirsi u magacaabay Madaxa Golaha Wasiirada, isaga kaddibna noqday Wasiirka Madaxtooyada, wuxuuna xilkaas iska casilay 2015. Wuxuu muddo kaddib ku biiray Xisbiga Waddani. Wuxuu bilawgii xisbigaasi ka noqday Hoggaamiyaha. Iyada oo haddana uu noqday Guddoomiyaha cusub ee xisbigaas. Xirsi waa qoraaga buugaag dhowr ah oo kala ah: Miyiga illaa Madaxtooyada & Hodanka Baahan iyo Himiladayda. Sidee ayuu u arkaa xilkaa loo doortay? Xirsi Cali Xaaji ayaa waraysi gaar ah oo BBC Somali uu siiyey ku sheegay in xisbigan uusan ku cusbayn horena uu hawlaha ka soday ula socday, hadddana uu halkii sii wadi doono. “Runtii waxaan u arkayaa masuuliyad aan qadaay, ilaahay waxaan ka rejaynayaa in uu igu garab galo. Halkii uu joogay ayaan ka sii qaadi doonaa, wixii aan awoodana waan ku biirin doonaa, qorshena waannu lahaynoo kaas baan hirgelinayaa”, ayuu yidhi Xirsi Xaaji Cali Xasan. Xisbiga Waddani ayaa ka mid ahaa ururradii 2012-kii u soo dallacay xisbinnimada Somaliland, waxaana tan iyo xilligaas guddoomiye ka ahaa Cabdiraxmaan Cirro, halka uu sida oo kalena guddoomiyaha ku meel gaadhka ahaa Cabdiqaaddir Jirde. Xirsi ayaa si weyn loogu xasuustaa markii uu ahaa wasiir ka tirsan dawladdii Madaxweyne Siilaanyo, waxaan algu tilmaami jirey mid ka mid ah wasiirradii ugu awoodda badnaa ee xilligaas. Dhanka kale Xirsi oo ka jawaabayey in uu yahay qof adadag, oo badanaa aan tixgelin ra’yiga ka duwan ayaa eeddaasi iska fogeeyey isaga oo sheegay “in aanu halkan soo gaadheen haddii qofkaa yahay.” bbcsomali The Best .com Qaran News
  18. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay in guddigu ay si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta Xildhibaannimo ee yaalla Galmudug. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa adkeeyey ballan-qaadkii Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho daah-furan, laguna kalsoonaan karo, lana xaqiijinayo qoondada haweenka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, diiradana la saaro qabsoomidda doorashada. Rooble ayaa xusay masuuliyadda hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka uu mudnaan siinayo, isagoo kula dardaarmay xubnaha guddiyada Doorashada in ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey. Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa kulankan ku weheliyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Guddoonka Guddiyada Heer Federaal ee Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka, mas”uuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Maamulka heer-dowlad Goboleed ee Galmudug. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka Galmudug appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in dalka uu ka socdo muddo kororsigii laga badbaadiyey, kaasi oo dagaal xoogan ka riday magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in damaca koox gaar ah uu ka weynaaday jiritaanka dowladnimada, islamarkaana uu si dadban u dhaqan galay muddo kororsigii, taasi oo uu sheegay inaysan marnaba aqbali dooni. “Hawl adag ayaa laga soo maray in muddo kororsi dalka laga badbaadiyo, laakiin waxaa socda muddo kororsi dadban. Jiritaanka dowladnimada ayaa ka wayn xukun la helo ama xil bilo lagu sii nagaado. Dano shakhsi ah ayaa dalka u nugleeyeen damacii kooxda muddo kororsi doonka ahayd,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale waxa uu sheegay in loo baahan yahay samata-bixin deg deg ah, oo uu dalka sidan sii ahaan karin, isagoona shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan in dalka laga saaro xaalada halista ee u horseeden kooxda muddo kororsi doonka ah. “Waa in xal la helaa, shacabka Soomaaliyeed gudo iyo debedba waa in ay u diyaargaroobaan in dalka laga samata bixiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo masiir mugdi ah.” Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda ku jira bishii sagaalaad ee xukunka tan iyo markii waqtigiisa uu dhammaaday, waxaana la rumeysan yahay in uu kursiga kusii fadhin karo muddo intaas ka badan, maadama uu gaabis badan ka jiro habsami u socodka doorashada. The post ‘Muddo kororsi dadban oo socda’ xilli la filayey doorasho appeared first on Caasimada Online.
  20. Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa Isniintiii dhalasho siisay koo ajaaniib ah oo isugu jira dhaqaatiir, culimo iyo aqoonyahano, isaga oo noqday dalkii labaad ee ka tirsan Khaliijka ee sidaas sameeya. Tallaabadan ayaa ka dambeysay dikreeto Khamiistii tagtay uu soo saaray boqorka oo dhalasho lagu siinayo “ajaaniibta hibada gaarka ah leh,” kuwaasi oo gacan ka geysan doono kobaca boqortooyada, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA. Ajaanibta Sacuudiga ayaa inta badan dalkaas ku jooga dal-ku-gal badanaa sharci ah kaliya dhowr sano, oo lagu xiro inay shaqo haystaan. Barnaamijka cusub ee dhalashada lagu bixinayo ayaa raadinaya dadka dalka ku jooga mixnadaha Islaamiga ah, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, cayaaraha iyo taknoolajiyadda. Qorshaha ayaa ah in dalku ceshto dadka hibada gaarka ah iyo aqoonta leh, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka loogu magac daray Vision 2030, oo dalkaas uu doonaya inuu uga maarmo in dhaqaalaha dalka uu ku tiirsanaado kaliya shidaalka. Sida ay shaaciyeen warbaahinta gudaha, kooxda dhalashada la siiyey ayaa waxaa ku jiro culimo horey u taageeray mowqifka boqor Salmaan ee lagu qafiifiyey xeerarkii adkaa ee diimeed ee dalkaas ka jiray, khubaro maaliyadeed, dhaqaatiir, iyo aqoonyahano ku takhasusay injineeriyadda, kimistariga iyo isgaarsiinta. Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo Sacuudi Carabiya ay raadineyso inay xarun u noqoto gobolka ayada oo loo marayo maal-gashiga dibadeed iyo aqoonta dadka hibada leh ee ajaaniibta ah. Bishii Janaayo, Imaaraadka Carabta ayaa ku dhowaaqay barnaamij dhalasho lagu siinayo maal-gashtayaasha iyo xirfadlayaasha kale, oo ay ku jiraan saynisyahanada, dhaqaatiirta iyo qoysaskooda. Imaaraadka ayaa sanado badan ahaa xarunta ganacsiga iyo maaliyadda ee Khaliijka, hase yeeshee waxaa hadda loolan xoogan uga imanayaa Sacuudi Carabiya. The post Sacuudiga oo billaabay inuu dhalasho siiyo qaar ka mid ah ajaaniibta dalkaas + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  21. PRESS RELEASE East Africa GDP Set for Full Recovery in Two Years The bloc’s growth is likely to reach an average of 4,1 percent this year, up from 0,4 percent posted last year, according to the African Development Bank’s (AfDB) latest economic outlook report for the region TEL AVIV, Israel, November 16, 2021/ — The East African economic growth is projected to recover this year despite COVID-19 setback thanks to sustained public spending on infrastructure and improved performance of the agricultural sector. The bloc’s growth is likely to reach an average of 4,1 percent this year, up from 0,4 percent posted last year, according to the African Development Bank’s (AfDB) latest economic outlook report for the region. The report showed that next year average growth is projected to hit 4,9 percent. According to the report’s findings, COVID-19 containment measures and global supply and demand disruptions hit businesses and livelihoods hard and increased poverty, while political fragility in some countries and limited economic diversification in others were significant impediments to growth. The Somali Finance Minister, Mr. Abdirahman Dualeh Beileh, warned when launching the report late last month that the pandemic could continue to impede progress toward inclusive growth. “The contraction of economic activities, increase in fiscal deficits due to high public spending to respond to the COVID-19 pandemic amidst reduced public revenues, and exchange rate depreciation following reduced income from commodity exports, created fiscal and debt distress risks in the region in 2020,” Minister Beileh said. The flagship report reviews the socio-economic performance of 13 countries namely Burundi, Comoros, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Somalia, South Sudan, Sudan, Tanzania, and Uganda. The report, themed “Debt Dynamics in East Africa: The Path to Post-Covid Recovery”, notes that the rapid recovery of the region is being driven by sustained public spending on infrastructure, improved performance of the agricultural sector, and deepening regional economic integration. According to the report, while East Africa is undergoing a shift toward a more service-oriented economy, some countries are experiencing deindustrialisation. To accelerate recovery and build post COVID-19 resilience, the report recommends that countries accelerate structural transformation through digitalisation, industrialisation, economic diversification and consolidation of peace, security, and stability. The outlook report projects a full recovery from 2023, due to the increased roll-out of vaccines, recovery in the global economy, rising commodity prices, and growing economic diversification in the region. “A mix of policy interventions is needed to accelerate East Africa’s economic recovery and build post COVID-19 resilience. These include scaling up vaccinations, designing and implementing economic stimulus packages and stabilizing public debt by dealing with debt related to state enterprises, among others,” said Ms. Nnenna Nwabufo, the AfDB’s Director General for East Africa. The region’s resilience in last year was due to relatively higher economic diversification and governments’ swift policy responses to counter the pandemic’s impacts. Still, Marcellin Ndong Ntah, a lead economist at the AfDB, warned that the risks to the region’s positive outlook remain substantial due to the uncertainties surrounding the longevity and severity of the pandemic, the slow uptake of vaccines, rising global oil prices for the non-oil exporting countries in the region, the slow pace of structural transformation, conflicts and civil unrest, and weather-related shocks and locust invasions in the region. Mr. Emmanuel Pinto Moreira, Director of the Bank’s Country Economics Department, said many East African economies continue to need short-term debt relief and emergency external financing from multilateral lenders. He added that many had received budget support under the Bank’s COVID-19 Response Facility, and emergency financing from the International Monetary Fund. Economic experts attending the launch called for better economic governance, notably clearing domestic arrears, improving debt management and transparency, and dealing with debt related to state-owned enterprises. “For countries with substantial external financing risks, innovative financing instruments like non-debt equity, risk-sharing with the private sector, including through collateralization and increasing foreign investor participation in local-currency debt markets, should be explored to diversify the sources of development finance,” said Edward Sennoga, lead economist at the Bank. This, he added, will insulate the region’s economies from global volatility shocks. Louis Kasekende, Executive Director of the Macroeconomic and Financial Management Institute of Eastern and Southern Africa, pointed out that policies to diversify public financing sources, improve public revenue mobilization and prioritize infrastructure investments will be critical to ensure debt sustainability. “Public debt, if used correctly, can help boost essential services, leading to improved economic growth,” he said. Though, the sub-region avoided recession last year but political fragility and limited economic diversification impacted growth in some countries Until last year when Coronavirus pandemic invaded the region, East Africa was the fastest growing economy on the continent but it appears, the sub-region will cede its position to central and southern Africa in this year and to North Africa next year due to strong recoveries expected in those regions. Distributed by APO Group on behalf of Embassy of the United Republic of Tanzania Tel Aviv, Israel. SOURCE Embassy of the United Republic of Tanzania Tel Aviv, Israel Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Amb. Abuukar Daahir Cismaan Baalle ayaa ka hadlay go’aankii uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu markale dib cusbooneysiiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Danjire Baalle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya awood buuxda loo siiyay in hub walba oo galaya gudaha Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland iney ogaato, xilli go’aanka Golaha Amaanka ee QM uu dhigayo in Soomaaliya sii saarnaato muddo sanad ah xayiraada hubka. Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in xiligan la qaado dhamaan tallaabooyinka cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya, taasi oo lagu soo rogay tan iyo 1992, sannadkii kadib markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, xilligaas oo uu hubkii dowladda uu gacanta u galay dad shacab ah. “Waxaan carrabka ku adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ogaado halbeegyada si cad loo qeexay, waaqici ah iyo kuwa la qiyaasi karo, iyadoo lala tashanayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in si buuxda looga qaado dhammaan tallaabooyinka cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya,’ ayuu yiri danjire Baalle. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanadihii u dambeeyay sii cusbooneysiinayay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, gaar xayiraadda ka saaran soo iibasashada hubka cul-culus. Waxa ay goluhu tilmaameen in sidoo kale ay mamnuuc tahay ka iibinta ama u daabulka Soomaaliya walxaha qarxa iyo dhoofinta dhuxusha oo la sheego inay dhaqaale ka hesho Al-Shabaab. Golaha ayaa qaba inay weli ay sii wadaan carqaladeynta xasiloonida Soomaaliya dhaq-dhaqaaqa xiriirka la leh kooxaha argagixisada iyo Al-Shabaab, waxayna dowladda federaalka ugu baaqeen inay xoojiso dagaalka ka dhan ah kooxahaas, si loo wiiqo awoodooda. The post DF oo jawaab ka bixisay go’aankii Golaha Ammaanka QM uu ka gaaray Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal oo loogu tala-galay inay ku howl-galaan Ciidanka xoogga dalka, ee dagaalka kula jira argagixisada. Gaadiidkan ayaa waxaa si gaar ah loogu tala-galay inay isticmaalaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gor-Gor, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga. Waxaa la wareegay gaadiidkan Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka xoogga dalka, kuwaasi oo ku wareejiyeen Xubno ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan TURKISOM Xubnaha ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka xoogga dalka ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay Gaadiidkaan, iyada oo aysan aheyn markii ugu horreeysay oo dowlada Turkiga ay gaadiid ku wareejiso dowladda Soomaaliya, ayada oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale ugu wareejisay. Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya kaa caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dhismaa ciidamada, waxaana saldhig weyn uu ku lee yahay magaalada Muqdisho. Caawimaada Turkiga ayaa qeyb weyn ka ciyaarta dadaalada ay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka ay ku tayeynayaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Ururka Al-Shabaab. The post Sawirro: Turkiga oo gaadiid dagaal ku wareejiyay DF iyo qorshaha loo adeegsanayo appeared first on Caasimada Online.