Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ganacsatada Soomaalida ee magaalada Ankara oo Amar culus la duldhigay Dowladda Turkiga ayaa dhawaan amar cusub kusoo rogay Ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalkaas, gaar ahaan kuwa magaalada Ankara. Ganacsatadda Soomaaliyeed ee Ankara qaarkood ayaa waxay laamaha amaanka ku wargeliyeen iney ka guuraan xaafada lagu magacaabo Kizilay oo ku taal badhtamaha magaaladaas, taasi oo noqotay xuddunta ganacsiyada Soomaalida ee garabka isku wada haya. Dhibta u weyn ee xiligan wajahayaan Ganacstada Soomaaliyeed ee Ankara ayaa ah arrimo dhanka sharciga ah, waxaana la xidhay tiro meherado ganacsi ah, halka dadkii ka shaqaynayeyna qaarkood xabsiga loo taxaabay, kuwa kalena la masaafuriyey. Sidoo kale Soomaalida ku ganacsta Kizilay ayaa lagu haysta wax lagu macneeyay hab-dhaqan xumo ay bulshada Soomaalida iskugu timaado xaafadaas ku badatay, kuwaasi oo ay tabiyeen qaar kamid ah warbaahinta Turkiga. “Sababta Kizilay loo beegsaday waa in aan ku badanay, waxaa la iisheegay in meesha wax khalad ah lagu gado,” ayuu yidhi Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya ee Ankara oo ka hadlay waxyaabaha maamulka uu ku haysto ganacsatada Soomaalida ee xaafada Kizilay. Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya ee magaalada Ankara ayaa sidoo kale sheegay inay furan yihiin qaar kamid ah ganacsiyada Soomaalida, halka kuwa qaarkood albaabada la iskugu dhuftay. “Anaga oo u socona si xayn-xayn ah, marka aad tagto Kizilay waxaa loo socdo afar iyo qof, jidadkii Turkida ay marayeen ayaa la taagan yahay, shaah ayaa meesha lagu cabayaa bakeerigii Shaaha laga cabay ayaa meesha lagu tuuraya.” Si kastaba, Soomaalida ganacsiyada ku leh dalka Turkiga ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeyso badan, ha ugu darnaato dhanka sharciga iyo baadhitaano kala duwan oo isdaba-joog ah. Qaran News
  2. Somalia’s military expelled al-Shabaab terrorists from four villages in the country’s southwestern Bakol region, an army official said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  3. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo xalay khudbad ka jeediyey casho sharaf loogu sameeyey magaalada Dhuusomareeb, ayaa sheegay inuu ku guuleysatay qorshihii uu u tegay deegaanada Galmudug. “Howlihii aan u imid Galmudug ee arrinta doorashadu ugu muhiimsaneyd waxay ku dhammaadeen guul. Waan ku ammaanayaa madaxweyne Qoor Qoor in uu xilli dhow u qabtay bilaabista doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka,” ayuu yiri Rooble. “Dowlad-goboleedka Galmudug waxaan garab ugu nahay hirgelinta dowladnimada, nidaamka iyo kala dambeynta si bulshada deegaanku horumar u gaarto.” Rooble ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada kale inay sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabaan qabashada doorashada golaha shacabka. Rooble ayaa la filayaa in sidoo kale uu booqasho ku tago caasimadaha maamul goboleedyada kale, si u u dhiiri-geliyo in la billaabo doorashada golaha shacabka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaalida ay ceeb kala kulantay doorashooyinka daba dheeraaday, isaga oo sheegay in maalin kasta ay beesha caalamka weydiinayaan sababta ay u qaban la’yihiin doorashada. Xubnaha beesha caalamka ayaa dalbaday in doorashada golaha shacabka lagu soo dhammeeyo kahor dhammaadka sanadkan 2021, taasi oo aad u adag marka la eego muddada ay qaadatay doorashada Aqalka Sare. Dhinaca kale, Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ka fakaraya inay ku dhowaaqaan gole qaran oo dalka maamula haddii aan doorashada golaha shacabka lagu soo geba-gebeyn illaa dhammaadka sanadkan. The post ROOBLE ‘oo ku guuleystay’ qorshihii uu u tegay Galmudug appeared first on Caasimada Online.
  4. Somalia has strongly condemned the terrorist attacks that killed and injured a number of police personnel and civilians in Kampala and affirms that it stands united with the friendly Ugandan government and people in confronting all terrorist activities. Source: Hiiraan Online
  5. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee S/land oo Tabbabar u furay Xeer-ilaaliyayaal & Qareenno ka socda….. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani), guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin iyo saraakiil ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa Arbacada maanta, tababar socon doona laba cisho, u furay, 35 xubnood iskugu jira garsoorayaal, xeer-ilaaliyayaal iyo qareenno ka tirsan, maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex, xafiiska xeer-ilaalinta guud iyo ururka qareenadda ee SOLLA. Tababarkan oo ay bixinayeen Dr. Ciise Maxamuud Cabdilaahi iyo Dr. Xuseen Xasan Cali ayaa ujeedadiisu ahayd sidii kor-loogu qaadi lahaa nidaamka gar-qaadista dacwadaha, baadhida cadaymaha iyo ilaalinta dhaqanka suuban ee ay inna farayso diinteena Islaamku, taasi oo sal-dhig u ah hufnaanta iyo gaadhida go’aamo cadaaladeed oo ku qotoma axkaamta Islaamka. Ugu horayn waxa furitaankii tababarka ka hadlay wasiirka Diinta iyo aw-qaafta Jamhuuriyadda Somaliland sheikh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani), waxaanu tibaaxay in ay ahmiyad weyn leedahay in garsooruhu aqoon durugsan u leeyahay shareecada Islaamka. Waxaanu wasiirku xusay in garsoorka ay tiir dhaxaad u tahay aqoon iyo cadaalad, waxaanu yidhi iasgoo arrimahaa ka hadlaya “Cadaalada ka dhigta qibladii aad u jihaysanayseen, hadduu madaxweyne yahay, hadduu wasiir yahay, hadduu oday dhaqameed yahay iyo hadduu muxtaram yahay qofna haka yeelina wax liddi ku ah cadaaladda, haddaad ka yeeshaan waa in aad ogaataan in idinka uun idinku dalacan tahay, qofka waad raali galisay laakiin adiga ayay kaa go’an tahay oo rasiidhkaaga xaga aakhiro ayuun bay galaysaa”. Geesta kale guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, ayaa sheegay in garsoorku marka loo eego labada waaxood ee kale ee qaranka, ay yihiin cidda ugu badan ee aqoontooda kordhisa. Sidoo kale waxa uu xusay, in ay biyo-kama-dhibcaan tahay, in dacwadaha loo eego shareecada Islaamka, waxaanu ku tilmaamay in waxbadani ka dhiman yahay dacwada aan loo eegin shareecada. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, oo furay tababarka ayaa xubnihii ka soo qayb galay ku baraarujiyay, in aanay ka daalin cilmi-korodhsiga, waxaanu ugu baaqay in adeega garsoorka ee ay bulshada u hayaan, u qabtaan si daacadnimo, cadaalad, hufnaan iyo All-ka-cabsi ku dheehan yahay. Waxaanu yidhi “Innagu adeeg bulsho ayaynu haynaa, waa in aynu u qabanaa si daacadnimo ah, oo cadaalad ku salaysan, oo hufnaan ah, oo Alle ka cabsi leh, Haddaad dulmi samayso ama aad cadaalad darro samayso qofka aad u samaysay adduu naftaadii dhaawacay. Dulmigu aduu kugu soo noqonayaa. Qofku haddii uu niyad fiican la yimaado oo uu dadaalo, oo cadaaladu waxay la ahayd haleelo xitaa haddii uu khaldamo ajar buu ku yeelanayaa” Sidoo kale waxa uu guddoomiye Aadam Xaaji Cali, dardaaran u jeediyay xeer-ilaaliyayaasha iyo garsoorayaasha isagoo ugu baaqay in ay tacab galiyaan dacwadaha, masuuliyadna iska saaraan. Geesta kale waxa uu u soo jeediyay garsoorayaasha in ay ku dhac yeeshaan oo go’aamada hore u soo saaraan si dacwaduhu u degdegaan. Ugu danbayn waxa uu garsoorayaasha iyo hawl-wadeenada kale ee garsoorka faray in ay ilaaliyaan haybada garsoorka haddii ay tahay direyska iyo arrimaha kale ee la hal-maala, si iyaga iyo bulshadu u kala soocnaadaan. Tababarkan ayaa daba socda qiimeyn lagu sameeyay baahiyaha tababar ee ay u baahan yihiin, hawl-wadeenada waaxda garsoorku. Qaran News
  6. In Somalia, which has long been hit by conflict, political instability and the negative impacts of climate change, the camel becomes the king for many part of the daily life. Source: Hiiraan Online
  7. Dad ku dhintay dab qabsaday guri ku yaala magaalada Hargaysa Wiil yar ayaa ku geeriyooday dab qabsaday gurigooda oo ku yaala xaafada Boqol-jire ee magaalada Hargaysa, sida lagu baahiyay warbixin lagu daabacay boga Facebook ee ciidanka dab-damiska Somaliland. “Alle haw naxariistee wiil yar ayaa ku dhintay guri Jiingada oo dab qabsaday xaafada Boqol-jire ee magaalada Hargeysa” ayaa lagu yidhi warbixinta uu dab-damisku baahiyay. “Ciidanka Dab-demiska ayaa gurmad u fidiyay, waxaanay Maydkii ka soo saareen gudaha hore ee guriga, sidoo kale ciidamada ayaa damiyay dabkaas , kana xakameeyay guryihii kale”. Dab-damiska ayaa ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista oo hawlgalkaa goobjoog ka ahaa ku wareejiyay maydka. Qaran News
  8. Seven wardens from a highly guarded Kenyan prison in the capital Nairobi have been arrested following the escape of three terrorists on Monday, said an official. Source: Hiiraan Online
  9. Dawlada Jabuuti oo shaacisey in khasaar dhan 2 Bilyan oo Dollar ka soo gaadhay Dagaalka Itoobbiya+Sababta Dagaalka Itoobiya waxa uu halis ugu jiraa in uu meesha ka baxo horumarka dhaqaale ee 20 sano ee la soo dhaafay ka socday dalkan yar ee ku yaal Geeska Afrika- Jabuuti. Wasiirka maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaaleh, ayaa BBC u sheegay in 12-kii bilood ee u dambeeyay uu dalku ku khasaaray lacag u dhiganta kala badh hantida qaranka, ama 1.7 bilyan oo dollar, ka dib markii uu hoos u dhacay dakhligii iyo shaqooyinkii. Dhaqaalaha dalkan ayaa markii horeba la halgamayay inuu ka soo baxo saamaynta duulaanka Ayaxa, COVID-19 iyo isbeddelka cimilada. Colaadda muddada sanadka ah ka jirtay waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa sii xumeeyay khalkhal ku yimid silsiladahii sahayda u ahaa ee u dhexeeyay labada waddan iyada oo ganacsigu hoos u dhacay. kaliya 20 boqolkiiba. In ka badan 90 boqolkiiba badeecadaha Addis Ababa waxa ay maraan dekedda Jabuuti, taasoo ka soo gasha qarankan lacag u dhaxaysa 1.5 ilaa 2 bilyan oo doolar. Labada dal ayaa balaayiin dollar ku maalgaliyay dhismaha marin ganacsi oo si toos ah u siinaya Itoobiya inay hesho deked badeed oo ay ku jirto khad tareen oo 470 mile ah oo isku xidha dekedda Djibouti ilaa Addis Ababa, laakiin dhammaan waxa hadda muuqda xaalad mugdi ah, haddii aan si degdeg ah loo gaadhin xal nabadeed oo lagu soo afjarayo xiisaddan. Dagaalka ka socda gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya ee Tigray, saameyn xun kuma yeelan doono mustaqbalka Itoobiya oo kali ah, balse waxaa uu saameyn halis ah ku yaalanayaa dalalka dariska al ah. Qaran News
  10. Taiwan has donated medical supplies to Somaliland to help the East African country combat COVID-19. Source: Hiiraan Online
  11. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa dhawaan amar cusub kusoo rogay Ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalkaas, gaar ahaan kuwa magaalada Ankara. Ganacsatadda Soomaaliyeed ee Ankara qaarkood ayaa waxay laamaha amaanka ku wargeliyeen iney ka guuraan xaafada lagu magacaabo Kizilay oo ku taal badhtamaha magaaladaas, taasi oo noqotay xuddunta ganacsiyada Soomaalida ee garabka isku wada haya. Dhibta u weyn ee xiligan wajahayaan Ganacstada Soomaaliyeed ee Ankara ayaa ah arrimo dhanka sharciga ah, waxaana la xiray tiro meherado ganacsi ah, halka dadkii ka shaqaynayeyna qaarkood xabsiga loo taxaabay, kuwa kalena la masaafuriyey. Sidoo kale Soomaalida ku ganacsta Kizilay ayaa lagu haysta wax lagu macneeyay hab-dhaqan xumo ay bulshada Soomaalida iskugu timaado xaafadaas ku badatay, kuwaasi oo ay tabiyeen qaar kamid ah warbaahinta Turkiga. “Sababta Kizilay loo beegsaday waa in aan ku badanay, waxaa la iisheegay in meesha wax qalad ah lagu gado,” ayuu yiri Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo ka hadlay waxyaabaha maamulka uu ku haysto ganacsatada Soomaalida ee xaafada Kizilay. Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ee magaalada Ankara ayaa sidoo kale sheegay inay furan yihiin qaar kamid ah ganacsatada Soomaalida, halka kuwa qaarkood albaabada la iskugu dhuftay. “Anaga oo u socona si xayn-xayn ah, marka aad tagto Kizilay waxaa loo socdo afar iyo qof, jidadkii Turkida ay marayeen ayaa la taagan yahay, shaaf ayaa meesha lagu cabayaa bakeerigii Shaaha laga cabay ayaa meesha lagu tuuraya.” Si kastaba, Soomaalida ganacsiyada ku leh dalka Turkiga ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeyso badan, ha ugu darnaato dhanka sharciga iyo baaritaano kala duwan oo isdaba-joog ah. The post Ganacsatada Soomaalida ee magaalada Ankara ee Turkey oo amar culus la dul dhigay appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyey shir gaar ah oo ay golaha ammaanka ka yeesheen xaaladda cakiran ee Soomaaliya. James Swan ayaa khudbaddiisa inta badan uga hadlay arrimaha doorashooyinka, isaga oo soo dhoweeyey dhammeystirka Aqalka Sare iyo bilaabista Golaha Shacabka. “Horumar ayaa laga gaaray hannaanka doorashada, in kasta oo ay gaabis yihiin oo aan sinnayn. Waxaan soo dhaweynayaa doorashada dhawaan la soo gaba gabeeyay ee dhammaan 54-ta kursi ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaa dhiirigelin leh in ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, iyadoo 2 ka mid ah 275-tii kursi la soo dhameystiray, iyadoo toddobaadkaan lagu dhawaaqay in doorashada kow iyo toban kursi oo dheeri ah ay bilaabaneyso,”. Dhinaca kale wuxuu ergeygu aad u dhiiri-geliyey 14-ka haween ee loo doortay Aqalka Sare ah, isla-markaana dhowaan la wareegi doono xilalkooda. “Waxaa dhiirigelin leh in 14 haween ah ay dhawaan la wareegi doonaan xilalka Senatarrada, kuwaas oo ka dhigan 26 boqolkiiba Aqalka Sare,” ayuu sii raaciyey. Gabagabadii Swan ayaa dhanka kale soo hadal qaaday doorashadii golaha deegaanka ee bishii October ka dhacday Puntland, taas oo aheyd qof iyo cod, isla-markaana lagu tijaabiyey saddex degmo oo ka tirsan maamulkaasi, wuxuuna tilmaamay inay muujisay suurtagalnimada in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhici karto guud ahaan Soomaaliya. Shirka golaha ammaanka QM ay ka yeesheen xaaladdaSoomaaliya ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka jiraan daruufo adag oo laga dhaxlay kala guurka. The post Aqriso: Nuxurka khudbada Swan ee shirka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka QM appeared first on Caasimada Online.
  13. James Swan welcomed completion of the indirect elections for the Upper House of Somalia’s Federal Parliament, which began in July, and the start of those for the lower chamber, known as the House of the People. While 14 women will be among the 54 Senators in the Upper House, representing 26 per cent of parliamentarians there, Mr. Swan said this figure falls short of the 30 per cent quota for women’s participation. Mr. Swan urged stakeholders to move quickly to conclude the lower house elections before the end of the year. “Although progress is being made, the efforts of Somalia’s political leaders will need to be redoubled in the coming weeks to bring the elections for the Federal Parliament to a successful conclusion, so that the presidential elections can then be held as soon as possible,” he said, speaking via videoconference. “The completion of these elections is more important than ever, so that all effort can return to the key governance, security, and development priorities in Somalia”. Supporting women’s representation The envoy said the UN will continue its engagement and support towards advancing the indirect polls, with clan representatives electing parliamentarians who will then vote for the president. Only two of the 275 seats in the lower house have been filled so far, and 30 per cent are also reserved for women. “We continue to stress that women’s full inclusion and representation in political life, and in all sectors of life, is key for Somalia’s sustainable peace and development”, said Mr. Swan. Somali women’s rights activist Asha Abdulle Siyad, who also addressed the Council, has been among those advocating for the 30 per cent quota. “We are deeply concerned of the delays and the lack of concrete measures and schedules for the completion of the House of the People election”, said Ms. Siyad, Executive Director of the Somali Women’s Leadership Initiative. “Further delay in the election is likely to affect women’s quota negatively as the attention of all concerned, including the Nearly 1,000 civilians have been killed or injured in armed conflict so far this year – with the group responsible for some two-thirds of civilian casualties. Mr. Swan paid tribute to the Somali security forces and troops serving with the African Union mission in the country, AMISOM, who face Al-Shabaab on a daily basis. AMISOM chief Francisco Caetano Jose Madeira told the ambassadors that the militants have stepped up attacks, ambushes, suicide bombings and targeted assassinations of Government officials. “In addition, and of late, Al-Shabaab’s effort is increasingly and deliberately directed at disrupting the electoral process with attacks on some election centres, indirect fire attacks against AMISOM fortified bases, and increased public execution of individuals working with the Somali security forces and AMISOM personnel”, he said. The mission’s mandate expires on 31 December and a plan to progressively transfer security responsibility from AMISOM to the Somali Security Forces is advancing, though slowly. Mr. Madeira called for discussions on the new mission to be concluded as a matter of urgency, noting the talks cover issues such as enhanced coordination and cooperation, complementary approaches, sustained information sharing, and funding. The post Completion of Somalia elections more important than ever: UN envoy appeared first on Caasimada Online.
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamo badan oo ka tirsan Somaliland ayaa maanta u goostay dhanka ciidanka Jabhada SSC ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Boqolaalka Askari ee kasoo goostay Soamlialnd ayaa watay hub fara-badan iyo Gaadiid dagaal, waxayna si rasmi ah Jabhada SSC uga biireen magaalada Buuhoodle. Saraakiil ka tirsan Jabhadda SSC oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxay sheegeen in duruufo kala duwan oo jira ay uga soo baxeen kamid ahaanshaha Ciidamada Somaliland. SSC ayaa waxay goobo kala duwan uga sugan taahy gobolka Cayn, tan iyo markii la aas-aasay oo ay isku fidineysay deegaanadaas, waxayn dagaal adag kula jirta xukuumadda Somaliland. Ciidamadaan u goostay dhanka SSC ayaa waxay Somaliland uga howl-gali jireen deegaano ka tirsan gobolka Sool. Mana aha markii u horeysay ee ciidamo ka tirsan maamulka uu u goosto jiho kale. The post Ciidamo badan oo ka soo goostay Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyay… appeared first on Caasimada Online.
  15. Madrid (Caasimada Online) – Sawir gacmedkii ugu qaalisanaa dunida ee abid la iibiyo ayaa waxaa hoos u dhigay madxaf aad loo qadariyo oo sheegay inaanu masawirin farshaxamiistihii caanka ahaa ee Talyaaniga Leonardo da Vinci balse uu ka ahaa goobjoog kaliya. Sawirka oo lagu magacaabo Salvator Mundi, islamarkaana loo haystay inuu yahay farshaxan da Vinci oo lumay, ayaa waxaa sanadkii 2017 iibiyey shirkadda Christie’s ee New York, waxaana $450 milyan ku gatay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Hase yeeshee, madxafka Prado ee magaalada Madrid ayaa shaaciyey in sawirkaas uu yahay mid uu Leonardo da Vinci amray ama goobjoog ka ahaa sameyntiisa, balse isaga aanu gacantiisa ku sameyn. Shaac ka qaadista uu sameeyey madxafkad qaranka ee Museo Nacional del Prado, oo ah kan ugu weyn ee sawir gacmeedyada ee dalka Spain, ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta qiimaha sawirkaas. Waxay tani ka dhigan tahay, in ayada oo markii horeba dunida ay la yaabtay in Maxamed Bin Salman uu sawir gacmeed ka bixiyo $450 milyan, uu hadda haysto mid aan aheyn sidii looga iibiyey. Sida uu shaaciyey wargeyska The Art Newspaper, hoos u dhigidda Prado ayaa “ah falcelintii ugu weyneyd ee lagu sameeyo sawrika tan iyo markii ay ay iibisay Christie’s” “Waxaa jirtay mar Leonardo ay ku adkaatay inuu wax sawiro sababo la xiriirka mashquulkiisa, waxaana shaqadan qaatay qaar ka mid ardaydiisa,” ayuu yiri madxafka Museo Nacional del Prado. Salvator Mundi waxaa la rumeysan yahay in la sawiray intii u dhaxeysay 1499 illaa 1510-kii. Sawirka ayaa waxaa sanadii 2005 soo gatay ganacsade farshaxan oo ka bixiyey kaliya $1,175 (Kun boqol toddobaatan iyo shan), waxaana kadib lagu sameeyey dayactir. Ganacsade shidaala oo Russian ah ayaa 2011 wuxuu 127.5 milyan oo dollar kaga gatay keydka sawirrada qaranka ee London. Waxaa kadib lagu iibixiyey xaraash ka dhacay xarunta Christies ee New York 2017-kii, waxaana 450 milyan oo dollar ku iibsaday qof la sheegay inuu wakil ka ahaa Maxamed Bin Salman. The post Maxamed Bin Salman oo la dhacay – Sawir gacmeed FAKE ah oo laga siiyey $450 milyan appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa shuruud adag ku xiray inay bixiyaan lacagta weli ku dhiman ee lagu taageerayo qabashada doorashada golaha shacabka ee Soomaaliya, ayaga oo qoraal bah-dilaad u muuqda u diray madaxda Soomaalida. Qoraal loo diray ra’iisul wasaare Rooble, madax goboleedyada iyo guddiyada doorashada heer federaal iyo heer gobol ayey safiirada dalalka Mareykanka, Norway iyo UK uga jawaabeen codsi looga dalbaday lacag gaareysa 3.7 milyan oo dollar oo loogu talo-galay Hay’adaha Maaraynta Doorashada iyo kharashaadka codbixinta iyo macluumaadka dadweynaha Lacagtaas ayaa qeyb ka ah 27.2 milyan oo dollar oo guddiga doorashada uu go’aamiyey inay guud ahaan ku bixi doonto doorashada. Hase yeeshee Mareykanka, Norway iyo UK ayaa ku gacan seeray dalabkaas, waxaana qoraalka lagu yiri “waxaan xuseynaa in lacag idin ku filan aad heli kartaan, oo ay ku jirto mid ka timid deeq bixiyayaasha caalamka, si loogu dhameystiro qeyb muhiim ah oo ka mid ah doorashada golaha shacabka.” “Marka ay noqoto codsiga ku aadan lacag dheeraad ah, dowladaha Mareykanka, Norway iyo UK waxay si wadajir ah u xaqiijin karaan inaan awoodno bixinta lacagta dheeriga ah ee la codsaday oo ah $3.7 milyan. Waxaan tani sameyn doonnaa inanga oo u mareyna barnaamijka taageerada doorashooyinka ee QM ee IESG. Si kastaba, waxaan ka walaacsannahay kalsoonida iyo jadwalka hanaanka doorashada ee sida aadka ah dib ugu dhacay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Saddexdan dal ayaa madaxda Soomaalida u sheegay in lacagtan ay kala bixin doonaan laba goor, oo kala ah, oo tan koowaad ay tahay:- a)- Marka doorashada ay si macno leh oo la isku haleyn karo uga billaabato ugu yaraan saddex maamul goboleed. b)- Marka dhammaan lacagta murashaxiinta xildhibaannimo lasoo xareeyo, islamarkaana la xaqiijin karo qaabka loo istcimaalay. Qeybta labaad ee lacagta ayey Mareykanka Norway iyo UK sheegeen inay bixin doonaan:- 1 – Marka ugu yaraan saddex meelood laba meel kuraasta golaha shacabka lagu soo doorto dhammaan goobaha codbixinta. Waxaa intaas dheer oo ay dalbadeen sharaxaad ku saabsan in laga soo baxay waajibaadka lagu xaqiijinayo qoondada haweenka oo ah 30%. Dalalka Mareykanka, Norway iyo UK waxay kale oo ay sheegeen inaysan awoodi doonin inay bixiyaan lacag intaan dheer oo la xiriirta doorashada haddii ay soo baxdo, taasi oo ay sheegeen in looga baahan yahay inay dhameystirto dowladda federaalka. The post Mareykanka, Norway iyo UK oo qoraal bahdil ah u diray madax goboleedyada iyo Rooble, shuruudna ku xiray… appeared first on Caasimada Online.
  17. Alle haw naxariistee Wiil yar ayaa ku dhintay guri Jiingada oo dab qabsaday xaafada Boqol-jire ee magaalada Hargeysa. Ciidanka Dab-demiska ayaa gurmad u fidiyay, waxaanay Maydkii ka soo saareen gudaha hore ee guriga, sidoo kale ciidamada ayaa damiyay dabkaas , kana xakameeyay guryihii kale. Ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista oo hawlgalkaa goobjoog ahaa ayaa la wareegay maydka. Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshadu inay ka taxadaraan wax kasta oo sababi kara dab. Source
  18. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa walaac hor leh ka muujisay xaalada Ethiopia, ayadoo mar kale ku boorisay muwaadiniinteeda inay sida ugu dhaqsiyaha badan ka baxaan dalkaas. Safaarada Mareykanka ayaa sheegtay in uusan jiri doonin daad-gureyn lamid ah tii kal hore ka sameeyen dalka Afghanistan, taasi oo dhacday maalmo un ka hor qabsashada kooxda Taalibaan. Baaqan oo socday maalmo ayaa waxa uu Mareykanku ku faray muwaadiniintiisa in duulimaadyada rayidka ah uga baxaan Ethiopia, xili laga cabsi qabo in mucaardika usoo ruqaansado caasimada Addis-Ababa. Mareykanka ayaa cabsi ka qaba in markale lagu qasbo in sidii Afghanistan uu uga daabulo kumanaan muwaadiniin ah, ayada oo Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibeedda uu ku sheegay in xaalad gaar ah ay ahey midda Afghanistan. “Waxa aan sidaas u sameyneyno ma ahan inaynan rajo ka qabin nabad balse waa inaan nahay kuwa garowsho leh,” ayuu yiri Ned Price oo ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda. “Wixii aan Afghanistan ka sameynay waxay ahaayeen gaar, hase yeeshee ma ahan wax ay dowladda Mareykanka mar kale ka sameyn karto meel kale oo dunida ah. Ma jirto sabab ay dadka Mareykanka u sugaan illaa daqiiqadda ugu dambeysa si ay duulimaad rayid uga baxaan dalka ku yaalla Geeska Afrika.” Safaaradda Mareykanka ee Ethiopia ayaa ayaduna sheegtay in deyn u yabooheyso dadka aan awoodin inay si deg deg ah u iibsadaan ticket-ka. Mareykanka ayaa xiligii Taalibaan ay galeen caasimada Afghanistan ee Kabul howl-gal daad-gureyn ah kaga soo saaray dad gaaraya 123,000 oo qof, kuwaasi oo isugu jiray shacab Mareykan ah iyo Afghanistiyiin la shaqeyn jiray iyo qoysaskooda. The post ADDIS ABABA oo halis ugu jirta in la qabsado iyo war kasoo baxay Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa haatan kulan deg deg ah isu’gu yeeray Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeen. Madaxweyne Siciid Deni ma sheegin Arrinta uu kala hadli doono Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka. Puntlandpost kala soco wixi ka soo baxa Kulankaas. The post Madaxweyne Deni oo kulan deg deg ah isu’gu yeeray Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoonka Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
  20. Bile Faarax (bidix) iyo Cabdirisaaq Gantaal Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilalkii ka qaaday Taliyihii iyo Taliye xigeenkii Ciidanka Asluubta, Gen. Cali Nuur Cumar iyo Gen. Cabdullaahi Cismaan Liibaan, wuxuuna magacaabay taliyeyaal cusub. Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland u magacaabay S/Guuto Bile Faarax Cali, sidoo kale wuxuu Taliye ku-xigeenka 1-aad u magacaabay S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal). Hoos ka akhriso wareegtada magacaabista Garoowe: 17 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee November 17, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo Wuxuu xeeriyey: Waxaa S/Guuto Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland. Waxaa S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay dalka si rasmi ah uga bilaabatay doorashada iska daba dheeraatay, ayaa waxaa marba sii kordhayay mudada ay madaxweynaha iyo dowladda hadda jira ay dalka ku xukumayaan sharciyad la’aan. Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo bilaabatay 29-kii July, ayaa waxay socotay 108 maalmood, oo ah in ka badan saddex bil iyo bar, waxaana lagu dooranayey mudadaas 54 Senator oo keli ah. Sidoo kale waxaa dhawaan si hordhaca ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, oo ayadu ka baaxad iyo shaqo badan midda Aqalka Sare, taasi oo sii kordhinaysa muddo kororsiga dadban ee ka socda Villa Somalia. Muddo kororsi dadba Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in dalka uu ka socdo muddo kororsigii laga badbaadiyey, kaasi oo dagaal xoogan ka riday magaalada Muqdisho. “Hawl adag ayaa laga soo maray in muddo kororsi dalka laga badbaadiyo, laakiin waxaa socda muddo kororsi dadban. Jiritaanka dowladnimada ayaa ka wayn xukun la helo ama xil bilo lagu sii nagaado. Dano shakhsi ah ayaa dalka u nugleeyeen damacii kooxda muddo kororsi doonka ahayd,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. “Waa in xal la helaa, shacabka Soomaaliyeed gudo iyo debedba waa in ay u diyaargaroobaan in dalka laga samata bixiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo masiir mugdi ah.” Haddaba, Yaa qaadaya mas’uuliyada muddo kororsiga sida dadban u hirgelay? Sida ay qabaan dadka falanqeeya siyaasadda waxaa mas’uuliyada u weyn ee muddo kororsiga dadban ee ka socda Villa Somalia dusha u ridanaya ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Farmaajo ayaa iska wareejiyay gacan ku haynta arrimaha doorashooyinka iyo amniga, taasi oo uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo ah mas’uulka u sareeya ee hagaya doorashada xiligan socota. Rooble waxa uu kasoo bixi waayey mas’uuliyaddii loo dhiibtay, wuxuuna qeyb ka noqday xarig jiidka siyaasadeed ee dalka, isaga oo ku mashquulay khilaafyo siyaasadeed oo aan loo baahneyn iyo xilal magacaabis joogto ah. Ra’iisal wasaaraha ku mashquulsan magacabista wasiiro ilaa agaasimeyaal waa xilgaarsiin aan sharcigu siineynin inuu isbedel weyn ku sameeyo xilalka dowladda, laakiin dowladda Farmaajo ee sanadka sii joogta xilka ayaa sharci-darradaasi caadi ka dhigtay iyadoo uu Rooble ka faa’iideysanayo. Caasimada Online ayaa ogaatay in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo doonaya inuu xilka sii haysto, maadaama madaxweyne cusub ay ka dhigan tahay inuu meesha ka baxayo. Hore waxaa Rooble looga soo xigtay warar sheegaya in Farmaajo uu doonayo in xilliga Doorashada la gaarsiiyo ilaa April 2022, laakiin waxaa hadda muuqata in Rooble uu sidoo kale fursad u arko in Doorashadu sii daahdo si u ay ugu suuragasho inuu dano gaara ku gaaro, taasoo si cad uga hor timid Beesha Caalamka. The post Farmaajo mise Rooble: Yaa qaadaya mas’uuliyada muddo kororsiga cusub ee socda? appeared first on Caasimada Online.
  22. Caaqil Cabdiraxmaan Caaqil Diiriye Caaqil Samatar (Shuuqe) oo ka mid noqonaya odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal ayaa maanta lagu saleema-saaray magaalada Garowe. Munaasabada lagu caleema-saarayay Caaqil Shuuqe oo ka dhacday deegaanka dalxiiska ee Hidda-raac waxaa ka qeybgalay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland, isimo, nabadoono, siyaasiyiin, ganacsato iyo qaar ka mid ah qeybaha bulshada Garowe. Mas’uuliyiintii iyo waxgaradkii munaasabada ka hadlay ayaa Caaqil Shuuqe ku boggaadiyay in uu ahaa shakhsi marwalbo ka shaqeeya nabadda iyo horumarka, waxayna Alle uga baryeen inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday. Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye Samatar waxa uu badelayaa allaha u naxariistee Nabadoon Maxamed Diiriye Samatar oo bilo ka hor ku geeriyooday magaalada Garowe. PUNTLAND POST The post Caaqil Shuuqe oo lagu caleema-saaray Garowe appeared first on Puntland Post.
  23. Ali Abucar Ali, 20, was stabbed to death last Friday while trying to prevent murder of 82-year-old woman in Brentford Source: Hiiraan Online