Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. New York (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa kula safatay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka hortimid qorshaha howlgalka AMISOM loogu beddelayo howlgal wadajir ah oo ka kooban QM iyo Midowga Afrika, sida uu dhowaan soo jeediyey Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika. Go’aankan ayaa waxaa shaacisay safiirka UK ee QM Barbara Woodward oo shalay khudbad ka jeediyey kulan uu Golaha Ammaanka QM ka yeeshay xaaladda Soomaaliya. Barbara Woodward ayaa sheegtay in aragtidooda ay tahay in taageerada amniga ee caalamka uu siiyo Soomaaliya ay noqoto mid la awoodi karo oo suurta-gal ah, ayna taageeraan u gudbidda hanaan amni oo Soomaaliya ay hogaamineyso, taasi oo qeyb ka ah Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya (Somalia Transition Plan), marka ay baxaan AMISOM. “Aragtideenu waxay tahay in hanaanka howlgalka dhinacyada badan ee ka kooban Midowga Afrika iyo QM ee ay soo jeediyeen Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika uusan middaas ku guuleysaneyn,” ayey tiri Barbara. “Wuxuu ka hor-imanaya fikradda horusocdka ah ee u gudbidda mas’uuliyad amni oo si buuxda ay u leeyihiin Soomaalida.” Safiirka UK ayaa sheegtay in heshiis laga gaaro hindisaha Midowga Afrika iyo QM, ayada oo wadatashi lala sameynayo dowladda federaalka, ay ka dhigan tahay in laga gudbo is-mari waaga hadda taagan, lana helo heshiis horey loogu dhaqaaqo. “Hindisaha noocan ah wuxuu ka tarjumayaa hadafyada aan wadaagno ee ah inaan ilaalino guulaha lagu soo dhibtooday ee AMISOM ay gaartay balse aan billowno ka gudbidda taageero dibedda ah iyo u gudbidda in Soomaalida ay si buuxda u qaataan mas’uuliyadda amniga, si waafaqsan qaraarkii Golaha Ammaanka ee 2568,” ayey tiri safiirka UK ee QM Barbara Woodward. Safiirka ayaa dhinaca kale sheegtay inay muhiim tahay in Soomaaliya ay soo gaba-gebeyso hanaanka doorasho ee hadda socda, taasi oo ay sheegtay inay muhiim u tahay amniga iyo barwaaqada dalka ee muddada fog. Go’aanka UK ayaa garab weyn u ah dowladda federaalka oo horey ugu gacan seertay in howlgalka AMISOM loo beddelo mid QM iyo Midowga Afrika ah, islamarkaana dalka ka ceyrisay ku-xigeenkii eregyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo, sababo ay arrintan qeyb ka tahay. The post UK oo la safatay DF, kana hortimid qorshaha muranka dhaliyey ee Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.
  2. Khartoum (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ayaa toogasho ku dilay ugu yaraan 15 qof kaddib markii ay kumanaan qof oo reer Suudaan ah isugu soo baxeen waddooyinka Arbacadii shalay, taasoo ahayd maalintii ugu dhimashada badneyd muddo bil ah oo ay socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo xukunka milateri. Dibad-baxayaashan oo kasoo horjeedat afgambigii bishii hore ee Oktober 25-keedii ka dhacay caasimadda Khartoum iyo magaalooyinka Bahri iyo Omdurman, ayaa dalbanayay in si buuxda dib loogu soo celiyo maamulkii rayidka ahaa iyo in hoggaamiyeyaasha afgambiga la soo taago maxkamad. Ciidamada ammaanka ayaa riday rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa, si ay uga hortagaan isku imaatinka saddexda magaalo, waxaana la jaray isgaarsiinta telefoonnada gacanta, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Telefishinka dowladda ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo soo gaaray dibadbaxayaasha iyo booliiska. “Ciidamada inqilaabku waxay u adeegsadeen rasaas nool meelo kala duwan oo caasimadda ah, waxaana jira tobanaan dhaawacyo ah oo qaarkood ay xaaladoodu halis tahay,” ayay yiraahdeen Golaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan, oo ah koox la safan dhaqdhaqaaqa dibadbaxa, waxayna intaas ku dareen in dhimashada ugu badan ay ka dhacday magaalada Bahri. Hoggaamiyaha militariga General Abdel Fattah al-Burhaan ayaa sheegay in la ogolyahay mudaaharaad nabadeed, sidoo kalena milatarigu aanu dilin dibad-baxayaasha. Dhimashada Arbacadii ayaa 39 qof ka dhigtay tirada guud ee dhimashada tan iyo markii uu dhacay inqilaabka militari. VOA + Reuters. The post Wararkii ugu dambeeyey toogasho ka dhacday Suudaan + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  3. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyihii hore ee Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa saaka xafiiska ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga WADDANI ee lagu soo doortay Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan. Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa si rasmi ah xilkii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ugu wareejiyay Mudane Xirsi Cali X Xasan oo ah Guddoomiyaha Cusub ee Xisbiga WADDANI, isla markaana ugu duceeyay in uu Alle u fududeeyo xilka Guddoomiye-nimo ee Xisbigu u doortay. Source
  4. Iyada oo lasoo gabagabeeyey doorashadii aqalka sare ee baarlamaanka 11-aad, qaadatayna 4 bil ayaa waxaa dhaqaaqi la’ middii golaha shacabka ee ka kooban ilaa 275 xildhibaan taasi oo loo aaneynayo sababo badan oo isbiirsaday. Haddaba, Halkan Ka Akhriso ilaa 4 Sabab oo ugu Waawweyn sababaha hortaagan doorashada: Diidmada Labo Deegaan Doorasho: Xogo aanu ka helnay madaxtooyooyinka maamul goboleedyada qaar ayaa sheegaya in doorashada aqalka hoose ay u bilaaban la’dahay sababo la xiriira labo oo deegaan doorasho, iyada oo maamul goboleedyada intooda badan ay doonayaan in doorashada golaha shacabka lagu qabto caasimadaha maamul goboleedyada, oo laga daayo labada deegaan doorasho. Maalgelinta La’aanta Doorashada: Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada waxaa muuqata in aaney dooneyn maalgelinta doorashada Soomaaliya iyo iney jeebkooda wax kasii qabtaan iyada oo la sugayo $27 Milyan ee maalgelinta doorashada halka kooxda beesha caalamiga ahna ay lacagta doorashada bixinteeda ku xirtay shuruud ah in ay aragto doorasho hufan, oo ugu yaraan saddex maamul goboleed si caadi ah uga socota. Amniga iyo Awood Laáanta maamullada: Caqabada 3-aad ee doorashada heysato waa khilaafaadka iyo arrimaha amniga iyada oo maamulka Jubbaland aanu tagi karin Gedo, Hirshabellana ku adagtahay Beledweyn, waxaa intaa dheer dagaallada ka socda Galmudug, Baraawe oo go’doon ah iyo arrimo kale. Kalsooni La’aan DF iyo Dowlad Goboleedyada ah: Waxaa jirta kalsooni darro u dhaxeysa dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada oo la xiriirta xoogista kuraasta golaha shacabka, cid gaar ah in loo xiro, hufnaanta iyo arrimo kale. Waxaa jirta cabsi laga qabo in doorashada golaha shacabka ay gaarto ilaa Febraayada 2022, taasi oo ka dhigan in Farmaajo uu Villa Somalia joogayo sanad dheeraad ah, keeni kartana in midowga musharaxiinta ay ku fekeraan tallaabooyin ka dhan ah muddo kordhintaas dadban. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Riyadh)-Sawir gacmedkii ugu qaalisanaa dunida ee abid la iibiyo ayaa waxaa hoos u dhigay madxaf aad loo qadariyo oo sheegay inaanu masawirin farshaxamiistihii caanka ahaa ee Talyaaniga Leonardo da Vinci balse uu ka ahaa goobjoog kaliya. Sawirka oo lagu magacaabo Salvator Mundi, islamarkaana loo haystay inuu yahay farshaxan da Vinci oo lumay, ayaa waxaa sannadkii 2017 iibiyey shirkadda Christie’s ee New York, waxaana $450 milyan ku iibsaday dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Hase yeeshee, madxafka Prado ee magaalada Madrid ayaa shaaciyey in sawirkaas uu yahay mid uu Leonardo da Vinci amray ama goobjoog ka ahaa sameyntiisa, balse isaga aanu gacantiisa ku sameyn. Shaac ka qaadista uu sameeyey madxafkad qaranka ee Museo Nacional del Prado, oo ah kan ugu weyn ee sawir gacmeedyada ee dalka Spain, ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta qiimaha sawirkaas. Waxay tani ka dhigan tahay, in ayada oo markii horeba dunida ay la yaabtay in Maxamed Bin Salman uu sawir gacmeed ka bixiyo $450 milyan, uu hadda haysto mid aan aheyn sidii looga iibiyey. Sida uu shaaciyey wargeyska The Art Newspaper, hoos u dhigidda Prado ayaa “ah falcelintii ugu weyneyd ee lagu sameeyo sawrika tan iyo markii ay ay iibisay Christie’s” “Waxaa jirtay mar Leonardo ay ku adkaatay inuu wax sawiro sababo la xidhiidhka mashquulkiisa, waxaana shaqadan qaatay qaar ka mid ardaydiisa,” ayuu yidhi madxafka Museo Nacional del Prado. Salvator Mundi waxaa la rumeysan yahay in la sawiray intii u dhaxeysay 1499 illaa 1510-kii. Sawirka ayaa waxaa sannadii 2005 soo gatay ganacsade farshaxan oo ka bixiyey kaliya $1,175 (Kun boqol toddobaatan iyo shan), waxaana kadib lagu sameeyey dayactir. Ganacsade shidaala oo Russian ah ayaa 2011 wuxuu 127.5 milyan oo dollar kaga gatay keydka sawirrada qaranka ee London. Waxaa kadib lagu iibixiyey xaraash ka dhacay xarunta Christies ee New York 2017-kii, waxaana 450 milyan oo dollar ku iibsaday qof la sheegay inuu wakil ka ahaa Maxamed Bin Salman. Source
  6. Laba kamid ah urur siyaasadeedyada ka dhisan Puntland ayaa lagu wadaa in ay dhowaan isku biiraan islamarkaana noqdaan hal urur siyaasadeed. Labada urur siyaasadeed ee Sinnaan & Caddaalad iyo Run & Caddaalad ayaa bilaabay wada-hadal toos ah oo ku saabsan sidii ay ku midoobi lahaayeen. Hoggaanka labada urur siyaasadeed oo Kulamo hoose yeeshay ayaa ku ballamay in la dhiso guddi ka shaqeeya isku biirista labada dhinac si ay u noqdaan hal urur siyaasadeed. Hawshan oo muddooyinkii u dambeeyay si hoose u socotay ayaa hadda laga war-helay inkastoo hoggaanka labada urur aysan war rasmiya ka soo saarin. PUNTLAND POST The post Xog: Laba kamid ah urur siyaasadeedyada Puntland oo isku biiraya appeared first on Puntland Post.
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee Galmudug ayaa goor dhow shaaciyey liiska kuraasta ugu horreyso ee doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya maamulkaasi, isla-markaana lagu dooranayo deegaanada maamulkaasi. Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyey illaa 5 kursi oo lambaradooda ay kala yihiin HOP#043, HOP#054 ,HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026, kuwaas oo ay horay ugu kala fadhiyeen xildhibaanada kala ah Xuseen Qaasim Yuusuf, Cabdishakur Cali Mire, Mahad Cabdalle Cawad, Cabdullahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees) & Ikraan Aadan Absuge. Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in maalmaha soo socda la guda-geli doono qabashada doorashada shantaasi kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee Soomaaliya. Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya uu guda-gali doono diiwaan-gelinta odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo ergada wax dooraneysa. Arrintan ayaa daba socota khudbaddii uu xalay jeediyey Qoor Qoor oo ku dhawaaqay in maamulkiisa uu qabanayo doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka. “Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Galmudug, waxaan diyaar u nahay in aan maalinta barri ah guda gali doono 5-ta xubnood ee ugu horreysa doorashada Aqalka hoose. Guddiga doorashada ayaan ka sugeynaa dardargelinta doorashada golaha shacabka BFS,” ayuu yiri. Si kastaba, waxaa shaacinta liiska shantan kursi ka imaanaya Galmudug ay ku soo aadeysaa, iyada oo haatan Rooble uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb. The post Galmudug oo shaacisay kuraasta ugu horreyso ee doorashada BF Somalia appeared first on Caasimada Online.
  8. Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shaaciyay shan kursi oo ka kamid ah kuraasta golaha shacabka kuwaas oo maalmaha soo socda doorashadooda la qaban doono. Kuraastaa shaaciyay ayaa kala ah, HOP#043, HOP#054, HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026, kuwaas oo dhamaantoda hadda y ku fadhiyaan xildhibaano ka tirsan Baarlamanka 10-aad ee waqtigooda dhamaaday. Liiska Kuraastan la shaaciyay ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu doorto deegaan doorashadoo. Galmudug ayaa noqonaya maamulki labaad ee shaaciya kuraas ka tirsan golaha shacabka doorashadooda kadib bartamihii todobaadkan markii ay guddiga hirgelinta doorashada gobalada waqooyi oo shaaciyay liiska sagaal ka mid ah kuraastooda. Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani), guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin iyo saraakiil ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa Arbacada maanta, tababar socon doona laba cisho, u furay, 35 xubnood iskugu jira garsoorayaal, xeer-ilaaliyayaal iyo qareenno ka tirsan, maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex, xafiiska xeer-ilaalinta guud iyo ururka qareenadda ee SOLLA. Tababarkan oo ay bixinayeen Dr. Ciise Maxamuud Cabdilaahi iyo Dr. Xuseen Xasan Cali ayaa ujeedadiisu ahayd sidii kor-loogu qaadi lahaa nidaamka gar-qaadista dacwadaha, baadhida cadaymaha iyo ilaalinta dhaqanka suuban ee ay inna farayso diinteena Islaamku, taasi oo sal-dhig u ah hufnaanta iyo gaadhida go’aamo cadaaladeed oo ku qotoma axkaamta Islaamka. Ugu horayn waxa furitaankii tababarka ka hadlay wasiirka Diinta iyo aw-qaafta Jamhuuriyadda Somaliland sheikh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani), waxaanu tibaaxay in ay ahmiyad weyn leedahay in garsooruhu aqoon durugsan u leeyahay shareecada Islaamka. Waxaanu wasiirku xusay in garsoorka ay tiir dhaxaad u tahay aqoon iyo cadaalad, waxaanu yidhi iasgoo arrimahaa ka hadlaya “Cadaalada ka dhigta qibladii aad u jihaysanayseen, hadduu madaxweyne yahay, hadduu wasiir yahay, hadduu oday dhaqameed yahay iyo hadduu muxtaram yahay qofna haka yeelina wax liddi ku ah cadaaladda, haddaad ka yeeshaan waa in aad ogaataan in idinka uun idinku dalacan tahay, qofka waad raali galisay laakiin adiga ayay kaa go’an tahay oo rasiidhkaaga xaga aakhiro ayuun bay galaysaa”. Geesta kale guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, ayaa sheegay in garsoorku marka loo eego labada waaxood ee kale ee qaranka, ay yihiin cidda ugu badan ee aqoontooda kordhisa. Sidoo kale waxa uu xusay, in ay biyo-kama-dhibcaan tahay, in dacwadaha loo eego shareecada Islaamka, waxaanu ku tilmaamay in waxbadani ka dhiman yahay dacwada aan loo eegin shareecada. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, oo furay tababarka ayaa xubnihii ka soo qayb galay ku baraarujiyay, in aanay ka daalin cilmi-korodhsiga, waxaanu ugu baaqay in adeega garsoorka ee ay bulshada u hayaan, u qabtaan si daacadnimo, cadaalad, hufnaan iyo All-ka-cabsi ku dheehan yahay. Waxaanu yidhi “Innagu adeeg bulsho ayaynu haynaa, waa in aynu u qabanaa si daacadnimo ah, oo cadaalad ku salaysan, oo hufnaan ah, oo Alle ka cabsi leh, Haddaad dulmi samayso ama aad cadaalad darro samayso qofka aad u samaysay adduu naftaadii dhaawacay. Dulmigu aduu kugu soo noqonayaa. Qofku haddii uu niyad fiican la yimaado oo uu dadaalo, oo cadaaladu waxay la ahayd haleelo xitaa haddii uu khaldamo ajar buu ku yeelanayaa” Sidoo kale waxa uu guddoomiye Aadam Xaaji Cali, dardaaran u jeediyay xeer-ilaaliyayaasha iyo garsoorayaasha isagoo ugu baaqay in ay tacab galiyaan dacwadaha, masuuliyadna iska saaraan. Geesta kale waxa uu u soo jeediyay garsoorayaasha in ay ku dhac yeeshaan oo go’aamada hore u soo saaraan si dacwaduhu u degdegaan. Ugu danbayn waxa uu garsoorayaasha iyo hawl-wadeenada kale ee garsoorka faray in ay ilaaliyaan haybada garsoorka haddii ay tahay direyska iyo arrimaha kale ee la hal-maala, si iyaga iyo bulshadu u kala soocnaadaan. Tababarkan ayaa daba socda qiimeyn lagu sameeyay baahiyaha tababar ee ay u baahan yihiin, hawl-wadeenada waaxda garsoorku. Ibraahim Maxamed Cali Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare. Wa bilaahi tawfiiq Source
  10. (SLT-Nairobi)-Madaxii xabsiga Kenya ayaa shaqada laga ceydhiyay maalmo kadib markii saddex maxbuus oo u xidhnaa dambiyo la xidhiidha argagixisanimo ay ka baxsadeen xabsiga ugu sareeya ee ammaanka. Bayaan uu soo saaray madaxweyne Uhuru Kenyatta ayuu ku sheegay in Wycliffe Ogalo la bedeli doono si degdeg ah si loo dardargeliyo isla xisaabtanka hoggaanka dhammaan laamaha ammaanka. Mr. Kenyatta ayaa sidoo kale faray hay’adaha ammaanka inay adeegsadaan wax walbaoo la heli karo si loo baacsado maxaabiista baxsadka ah. Eedeysanayaasha baxsadka ah waxaa ku jira Maxamed Cali Abiikar oo lagu helay inuu ka dambeeyay weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015-kii lagu dilay 148-qof. Ninka labaad ayaa la xidhay sanadkii 2012-kii, waxaana loo xidhay weerar la fashiliyay oo lagu doonayay in lagu qaado Baarlamaanka Kenya, halka midka seddexaadna uu isku dayay inuu ku biiro Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama Somaliya. Maamulka ayaa sidoo kale codsi u diray shacabka, iyagoo ku yaboohay 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 178,000; £132,000 (£132,000) si loo helo xog ku saabsan saddexda qof ee baxsaday. Source
  11. (SLT- Cape Town)-Sida ay qorayaan Wargaysyada Koonfur Afrika, Dhac ganacsi oo ka dhacay deegaanka Vrygrond oo ku dhow Xeebta Muizenberg ee Magaalada Cape Town, ayaa waxaa ku dhintay 31 jir Soomaali ah, kaas oo dhowr jeer Minddi ay ku dhufteen budhcad weerartay. Afhayeenka Booliiska, Joseph Swartbooi, ayaa sheegay in Booliska Muizenberg ay tageen goobta Vrygrond Avenue saacadu markay ahayd 3:45 galabnimo ee isniinta, ayna heleen Maydka Muwaadinka oo ay dadka deegaanku u yaqaaneyn Suleymaan. “Markii ay yimaadeen goobta fal-dembiyeedka ee Vrygrond Avenue, waxay heleen meydka nin 31 jir ah oo jidhkiisa dhaawac ka soo gaadhay. “Dhibanaha ayaa shaqaalaha caafimaadku sheegeen inuu goobta ku dhintay. “Sida ay sheegayaan wararka, laba tuhmane oo aan la garanayn ayaa soo galay dhismaha, iyagoo Tooriyeeyey Marxuunka, ka dibna waxay goobta uga baxsadeen jihada aan la sheegin iyagoo wata Cadad Lacageed oo aan cadadkeeda la sheegin oo laga soo qaatay goobta dembiga welina lama qaban,” ayuu yidhi Swartbooi. Source
  12. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ayaa sheegay inuu quus ka joogo sida ay maamul goboleedyada ugu dheggan yihiin doorashada golaha shacabka. Rooble oo ka hadlayey xaflad ka dhacday caasimadda Dhuusamareeb, ayaa warkan sheegay kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor uu dhawaaqay inuu qabanayo 5 kursi oo golaha shacabka, taasi oo keentay in ra’isul wasaare Rooble uu ugu baaqo maamul goboleedyada kale iney ku deydaan Qoorqoor isaga oo yiri “Aniga Nafteyda Qadiyaan Ayaan Taaganahay, Waxaan Taaganahay Allow Kasoo Saar”. Dhankiisa, Madaxweyne Qoorqoor ayaa mar sii horeysay waxaa uu yiri “Aniga oo ku hadlaya magaceyga dowladda Galmudug waxaan diyaar u nahay in maalinta berri ah guda gali doono 5ta xubnood ee ugu horreysa doorashada aqalka shacabka ee BFS”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Riyadh (Caasimada Online) – Mareykanka iyo dalalka ay xulufada yihiin ee Khaliijka ayaa Arbacadii ku eedeeyey Iran inay xasarad Nukliyeer iyo xasillooni darro Bariga Dhexe uga abuureyso gantaalladeeda ballistic-ga iyo diyaardaah drone-ka. Digniintan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen kooxda qaabilsan Iran ee Mareykanka iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka kadib shir ay ku yeesheen Sacuudi Carabiya. “Dhammaan ka qeyb-galayaasha waxay ku booriyeen maamulka Iran inuu ka faa’iideysto fursadda diblomaasiyeed ee hadda” ee ka dhalaneysa dib u bilaabidda wada-hadallada Vienna ee looga dan leeyahay badbaadinta heshiiska Nukliyeerka Iran, ayna “ ka hortagaan dagaal iyo xasarad,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Wada-hadalladan aan tooska aheyn ee Mareykanka iyo Iran ayaa la hakiyey kadib markii ay Iran dooratay madaxweyne cusub bishii June, waxaana hadda la waqtiyeeyey inay dib u billowdaan dhammaadka bishan. Waxaa looga gol leeyahay in dib loo cusbooneysiiyo heshiiska Nukliyeerka Iran ee 2015. Mareykanka ayaa heshiiskaas ka baxay 2018 intii uu madaxweyne ahaa Donald Trump, wuxuuna dib usoo celiyey cunaqabateynadii saarnaa Iran, waxaana ayada oo ka jawaabeysa Iran ay joojisay u hoggaansamidda heshiiska. “Iran waxay qaaday tallaabooyin aan baahi rayid ah laheyn balse muhiim u ah barnaamijkeeda hubka Nukliyeerka,” ayaa lagu yiri bayaanka oo ay si wadajir ah usoo saareen Mareykanka, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Qatar, Baxreyn, Cumaan iyo Kuweyt. Dalalkan ayaa sidoo kale cambaareeyey wax ay ugu yeereen “siyaasado halis iyo daan-daansi ah, oo ay ku jiraan adeegsiga gantaallada ballistic-ga iyo diyaaradaha drone-ka.” “Taageearada Iran ay siisay maleeshiyooyinka hubeysan ee gobolka iyo adeegsigeeda barnaamjka gantaalalda ballistic waxay halis cad ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka. Qaar ka mid ah dalalka Khaliijka sida Qatar iyo Cuman ayaa loo arkaa inay marin u yihiin Mareykanka si uu ula xiriiro Iran. Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale bilihii dhowaa u muuqatay inay qaboojisay xiisdda Iran ayada oo labada dal ay wada-hadallo dhowr ah ku yeesheen Ciraaq. AFP + VOA The post Mareykanka iyo dalalka Khaliijka ioo qaaday tallaabo wadajir oo ka dhan ah Iran appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, ayaa sheegay in maanta oo khamiis ah lagu wado in la shaaciyo liiska shanta kursi ee ugu horeyso golaha shacabka ay galmudug ku leedahay. Qoor-Qoor ayaa hadalkaan ka yiri kulan soo dhaweyn ah oo maamulka Galmudug xalay magaalada Dhuusa-mareeb ugu qabta Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo. “Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Galmudug, waxaan diyaar u nahay in aan maalinta barri ah guda gali doono 5ta xubnood ee ugu horreysa doorashada aqalka hoose,” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye. Qoor-Qoor ayaa sidoo kale ugu baaqay in guddiga hergelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Galmudug ay dardargeliyaan doorashada Golaha shacabka. “Guddiga doorashada ayaan ka sugeynaa dardargelinta doorashada golaha shacabka BFS,” ayuu yiri Qoor-Qoor. Sikastaba hadalka Qoor Qoor ayaa imanaya xilli Maalin ay ka soo wareegatay waqtigi loogu talagalay in ay dhamaan dalka ka bilaabmaan doorashooyinka golaha Shacabka. Goobjoog News . Source: goobjoog.com
  15. Ra’iisul wasaare Rooble oo hadal kooban ka jeediyay Casha Sharaf xalay loogu sameeyay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay dib u dhaca doorashada Golaha Shacabka. Ra’iisul wasaaraha ayaa soo dhoweeyay hadal uu kulankaas ka sheegay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor kaas oo ahaa in Galmudug maalmo gudahood ku bilaabayso doorashada. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa madaxda dowlad goboleedyada kale ka codsaday in ay mudda 24 saac gudahood ah ku bilaaban doorashada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Wuxu sheegay in shacabka Soomaaliyeed sugayaan in doorashada Golaha shacabka la soo geba-gabeeyo ka hor inta uusan dhammaan sannadkan 2021. PUNTLAND POST The post Rooble oo dowlad goboleedyada ka dalbaday in ay 24 saac gudahood ku bilaabaan doorashada appeared first on Puntland Post.
  16. Ergayga xoghayaha guud ee qarmada Midoobay u qaabilsa arrimaha Soomaaliya danjire James Swan ayaa khudbad dhinacya badan taabaneyso oo uu kaga hadlayay xaaladda Soomaaliya ka jeediyay fadhiga golaha Ammaanka. Golaha oo kulan ka yeeshay xaaladda Amni iyo doorasho ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay kulanka dhamaan xubnaha ku mideysan golaha. Hadaba Goobjoog News Waxa ay kula wadaageysa khudbadda James Swan uu ka jeediyay fadhigii xalay oo loo rogay Afka Soomaaliga . —- Mudane Madaxweyne, Xubnaha sharafta leh ee Golaha, Waad ku mahadsantihiin fursadda aan Golaha kaga warbixiyo xaaladda Soomaaliya. Waxaan ku faraxsanahay inaan markale lasoo jeediyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira. Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay inaan warbixintan idiin soo gudbiyo iyadoo ay ila socoto Marwo Caasha Siyaad oo ka mid ah aasaasayaalka Hindisaha Hogaamineed ee Haweenka Soomaaliyeed xubinna ka ah Danjirayaalka Niyadda San, Caasha waxay in badan u ololeysaa sidii ay haweenka uga qoodadooda 30 boqolkiiba uga heli lahaayeen doorashooyinka. Horumar ayaa laga gaaray hannaanka doorashada, in kasta oo ay gaabis tahay oo aan sinnayn. Waxaan soo dhaweynayaa doorashada dhawaan la soo gaba gabeeyay ee dhammaan 54-ta kursi ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaa dhiirigelin leh in 14 haween ah ay dhawaan la wareegi doonaan xilka sanatarnimo, tiradaas oo ka dhigan 26 boqolkiiba xubnaha Aqalka Sare. Tani waa koror ku yimid tiradii doorashooyinkii hore ee 2016, inkastoo ay weli ka yar tahay bartilmaameedka 30 boqolkiiba. Sidoo kale waxaa dhiirigelin leh in ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, iyadoo 2 ka mid ah 275-kii kursi la soo dhameystiray, waxaana toddobaadkaan la shaaciyay in doorashada 11 kursi oo dheeri ah ay bilaabaneyso. Marka laga soo tago diyaargarowga doorashada heer qaran, waxaa si nabad ah ku qabsoontay doorashooyin toos ah oo ka dhacay saddex degmo oo ka tirsan Puntland bishii Oktoobar, taasi waxay muujisay suurtagalnimada in doorasho hal qof iyo cod ah ay ka dhici karto – waxayna hoosta ka xariiqday rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qaybgalka siyaasadda iyadoo la raacayo nidaamka caalamiga ah ee doorashooyinka. Iyadoo la aqoonsan yahay horumarkan, ayaa hadda laga joogaa in ka badan hal sano tan iyo markii hoggaamiyayaasha siyaasadda ee Soomaaliya ay saxiixeen heshiiskii doorashada 17-kii Sebtembar, sidoo kale ku dhawaad ​​lix bilood ayaa laga joogaa markii ballan-qaadkoodii markale ku celiyeen heshiiskii 27-kii May. Doorashada kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka Federaalka ayaan wali bilaaban, waxaana loo baahan yahay in la dardar geliyo diyaar garowga amniga doorashada, iyo in la soo saaro liiska 30% kuraasta Golaha Shacabka ee haweenka loo qoondeeyay. Waxaan sii wadeynaa inaan carrabka ku adkeyno in ka mid noqoshada haweenka iyo matalaaddooda siyaasadda oo dhameystiran, iyo matalaaddooda dhammaan qaybaha nolosha, ay fure u tahay nabad waarta iyo horumar joogto ah ee Soomaaliya. Dhambaalkan ayaa waxaa hoosta ka xariiqay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Afrika booqashadoodii ugu dambeysey ee ay ku tageen Soomaaliya. Qaramada Midoobay waxay sii wadeysaa la shaqaynta iyo taageeridda saamileeyda muhiimka ah si loo horumariyo hannaanka doorashada. Tani waxaa ka mid ah wadahadalka diblomaasiyadeed, oo ay ku jiraan booqashooyinka wadajirka ah ee aan ku gaareyno xarumaha dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo goobaha cod bixinta iyo baaqyadda sida wadajirka ah usoo jeedineyno, iyo sidoo kale taageerada farsamo ee aan u fidino Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada, Kooxaha Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo sidoo kale isku isku dubidda iyo isku xirka deeqaha dhaqaale ee doorashooyinka. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si degdeg ah ugu dhaqaaqaan soo gabagabeynta doorashada Golaha Shacabka ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, si loo dhameystiro doorashada baarlamaanka ka hor dhammaadka sanadkan. Waxaan sidoo kale ku baaqayaa in si buuxda loo ixtiraamo xuquuqaha aasaasiga ah ee ololaha iyo xilliyada doorashada, oo ay ka mid yihiin isu shirarka iyo isusoo-baxa nabdoon, xoriyada safarka, ururrada, iyo hadalka. Waxa sidoo kale ku faraxsanahay inaan xuso, Mudane Madaxweyne, in marka laga hadlayo horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya, in khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ka dhex curtay bilihii Agoosto iyo September, uu ka dhashay laba arrimood oo kala ahaa magacaabista saraakiisha sarsare ee nabadsugidda iyo sidii loo maamuli lahaa. Baaritaanka lagu hayo sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee la waayay, ayaa la sheegay in xiisadahaasi ay hadda yaraadeen. Kadib dadaalo dhex dhexaadin ah oo ay sameeyeen mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad badan oo Soomaali ah, xal tanaasul ka muuqdo oo si weyn loo soo dhaweeyay ayaa lagu dhawaaqay dhamaadkii Oktoobar. Mudane Madaxweyne, Nasiib darro, xaaladda ammaan ee Soomaaliya weli waa mid kacsan. Waxaan bogaadinayaa dadaalka iyo naf-hurnimada ciidamada Amniga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee maalin walba hortaagan Al-Shabaab. Al Shabaab ayaa weli khatar weyn ku ah amniga Soomaaliya, awoodna u leh in ay joogteyso dhaqdhaqaaqyo xoog leh, oo ay ku jiraan isticmaalka walxaha qarxa ee joogtada ah, iyo kororka adeegsiga ismiidaaminta. Muqdisho, Weerarkii ugu dambeeyay ee loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa dhacay 25-kii Sebtembar, kaas oo lala beegsaday Koontaroolka laga galo Villa Soomaaliya, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan oo ay ku jirto la-taliye sare oo ka tirsan dowladda. Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarada Al Shabaab, waxaana tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dhibanayaasha. Ilaa hadda sanadka 2021-ka, UNSOM waxa ay diiwaangelisay 964 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay iskahorimaad hubeysan. Al-Shabaab ayaa weli ah dembiilayaasha ugu weyn, iyadoo mas’uul ka ah ku dhawaad ​​saddex meelood laba meel dhaawacyada rayidka ah. Waxaase wax laga xumaado ah in xiisadaha siyaasadeed ay sidoo kale sii wadaan hurinta colaadaha Soomaaliya. Muddadii u dhexeysay 23-kii ilaa 26-kii October waxaa magaalada Guriceel ka socday dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo ciidamada Galmudug oo garab ka helaayey ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Iska horimaadkan oo ahaa mid hubeysan ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan, waxaana ka dhashay barakac ballaaran oo soo gaaray dadka rayidka ah, iyo burbur xooggan oo soo gaaray xarumaha danta guud iyo guryaha gaarka loo leeyahay.Iyada oo ay wehlinayaan bah-wadaagta ayey Qaramada Midoobay dhammaan dhinacyada kala hadashay arrimahan, iyada oo ku baaqaysa in la joojiyo colaadda lana raadiyo wadahadal si wax looga qabto khilaafaadka siyaasadeed. Dhaqangelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya ee ku saabsan wareejinta tartiibtartiibka ah ee mas’uuliyadaha amniga ee AMISOM ku wareejinayso Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa horumaraya, laakiin weli dib ayuu uga dhacsan yahay jadwalka loo qorsheeyay. Marka la eego hirgelinta qaraarka tirsigiisu yahay 2568 ee March 2021 ee khuseeya qabanqaabada amniga ee 2021 ka dib, Xoghayaha Guud wuxuu la socodsiin doonaa Golaha wixii soo kordha, sidaas darted anigu ma bixin doono faahfaahinta arrintan. Waxaa inagu filan in doodo dheeri ah laga yeesho dhinacyada muhiimka ah ee amniga si heshiis looga gaaro ujeedooyinka istaraatijiyadeed, baaxadda iyo qaabka uu noqon doono howlgalka mustaqbalka Midowga Afrika ee loogu talagalay in lagu taageero isbedelka amniga ee Soomaaliya sida ugu waxtarka badan. Arrintaan, waxaan soo dhaweynayaa booqashadii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay dhawaan ku yimaadeen Soomaaliya, taasoo fursad muhiim ah u siisay doodaha dhex mara dad badan oo ay khuseyso. Mudane Madaxweyne, Dib-u-dhacyada socda ah ee geeddi-socodyada doorashada ayaa sii wada inay hakiyaan horumarradii laga sameeyay dhinacyada kale ee muhiimka ah, waxayna caqabad ku yihiin gaaritaanka hortebinnada qaranka ee ka baxsan doorashooyinka, oo ay ku jiraan dib-u-habaynta dastuurka iyo dhinaca caddaaladda, sare u qaadidda ajendaha horumarinta iyo dib-u-habaynta maaliyadeed, oo ay ku jiraan gaaritaanka Barta Dhamaystirka Hindisaha ee 2022 waddamada saboolka ah ee qaameysan. Xaaladda bini’aadamnimo ee Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u xun, waxaana u sii dheer colaado, barakac iyo cudurro dillaacay. Soomaaliya waxay sidoo kale safka hore kaga jirtaa jahawareerka cimilada ee soo noqnoqda, taasoo uga sii dareysa xaaladda degdegga ah ee bini’aadamnimo. Bah-wadaagta arrimaha bini’aadamnimo ayaa qiyaasaya in 7.7 milyan oo Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar bini’aadannimo sanadka 2022. qiyaastii 1.2 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano ayay u badan tahay in ay nafaqo darro ba’an hayso 2022-ka iyada oo aan la helin daaweyn degdeg ah. Ilaa 2.9 milyan oo qof ayaa lagu qiyaasay inay ku barakacsan yihiin gudaha dalka oo dhan, mid ka mid ah tirada ugu badan ee barabaxayaasha adduunka. Xaaladdan oo kale, waxaan aad uga walaacsanahay in Qorshaha Ka jawaabista Bani’aadamnimada ee 2021 hadda boqolkiiba 51 keliya la maalgeliyo. Waxaan uga mahadcelinayaa deeq-bixiyeyaasha caawintooda deeqsinimada leh ee ay ilaa hadda bixiyeen, laakiin kor u qaadis muhiim ah ee hawlaha bani’aadamnimada ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay. Mudane Madaxweyne, Aan ku soo gaba gabeeyo anigoo carrabka ku adkeynayo in inkastoo horumar la samaynayo haddana dadaallada ay wadaan madaxda siyaasadda Soomaaliya ayaa loo baahan yahay in la laba jibbaaro toddobaadyada soo socda, si doorashada baarlamaanka federaalka ay ugu soo dhamaato guul, si markaas doorashada madaxweynaha loogu qaban karo sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah. Dhameystirka doorashooyinkan ayaa ah kuwa aad uga muhimsan sidii hore, si dadaal kasta uu dib ugu soo laabto arrimaha mudnaanta u ah dowladnimada, amniga, iyo horumarka Soomaaliya. Mahadsanid. Source: goobjoog.com
  17. Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa saaka shaaciyay in uu bilaabayo doorashada shan kursi oo kamid ah Golaha Shacabka. Warqad ka soo baxday guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Galmudug ayaa lagu shaaciyay shan kamid ah kuraasta Golaha shacabka oo maalmaha soo socda la qaban doono. Halkaan ka akhriso Warqadda PUNTLAND POST The post Galmudug oo si rasmiya u shaacisay doorashada shan kursi oo Golaha Shacabka ah appeared first on Puntland Post.
  18. Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) ayaa ka tagay kursigii Aqalka Sare ee dhowaan dib loogu doortay isagoo doortay in uu u tartamo golaha shacabka. Warqad uu u diray madaxweynaha Galmudug ayuu sababta uu kursiga isaga casilay ku sheegay inuu rabo in reerka uu ku matalo Baarlamaanka uu ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta sida uu sheegay Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay ku dhawaaqay in doorashada shan kursi oo kamid ah golaha shacabka ay bilaabaneyso maalmaha soo socda. PUNTLAND POST The post Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo laga soo doorto Galmudug ayaa is casilay appeared first on Puntland Post.
  19. Senator Yuusuf Gelle Dhageey oo ka mid ah senatorada Aqalka sare ee dowlad gobaleedka Galmudug laga soo dortay ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka senator nimo oo uu dhawaan ku soo guuleystay. Source: goobjoog.com
  20. Beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa qoraal wadajir ah oo ay la wadaageen ra’isul wasaare Rooble iyo guddiyada doorashada ku sheegay in bixinta lacagta doorashada $27.2 Milyan ay ku xiran tahay in ugu yaraan saddex maamul ay guda-galaan doorashada golaha shacabka, lacagta laga qaadayo musharaxiintana la dhigo bangiga dhexe. Dhanka kale, beesha caalamka waxaa ay ka hadashay in lacag dheeri ah oo xog baahinta la xiriira ay codsadeen guddiga doorashada, laguna qiyaasay ilaa $3.7 milyan ay diyaar tahay. Source: goobjoog.com
  21. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo dadku badi u yaqanaan Dhageey Geelle ayaa ka tagay kursigii Aqalka Sare ee dhawaan dib loogu doortay. Warqad uu 15-kii bishan u diray madaxweynaha Galmudug, oo ay heshay Caasimada Online, ayuu sababta uu kursiga isaga casilay waxaa uu ku sheegay inuu rabo inuu reerkiisa ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta. “Anigoo dareensan mas’uuliyadda iga saaran dalka, gaar ahaan Galmudug oo aan matalo iyo reerka aan kursiga xisaabtooda ku fadhiyay, anigoo raba in bulshadu kuwada qanacdo hab maamulka madaxda Galmudug, anigoo jecel in la daaweeyo dhammaan walaallaha kursigan ka dhaxeeyo, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kursigii Aqalka Sare ee dib la iigu doortay 12-kii bishii August ee sanadkan, si aan tolkeyga dhexdiisa uga abuuro jawi siyaasadeed oo caafimaad baba,” ayuu Senator dhagey ku yiri qoraalka uu isku casilay. “Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, guddoonka baarlamanka Galmudug iyo dhammaan xildhibaannada waxaan idinka rajeynaya in aad aqbali doontaan is-casilaadeyda iyo inaad dib ugu laaban doontan reerkii kursigan xisaabta u lahaa si loo helo xubintii buuxin laheyd booskan,” ayuu sii raaciyey. Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Dhagey ayaa la filayaa inuu u tartamo Aqalka Hoose, waxaana la filayaa inuu kamid noqdo shanta xubin ee uu maanta ku dhawaaqayo guddiga doorashada Galmudug. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda uu isku casilay oo ay nuqul kamida heshay Caasimadda Online The post Senator YUUSUF GEELLE oo iska casilay AQALKA SARE appeared first on Caasimada Online.
  22. Somaliland oo digniin kama danbaysa siisay dadka kasoo jeeda Koonfur-galbeed Soomaaliya Booliiska Somaliland laantiisa gobolka Sanaag, ayaa digniin kama danbays ah siiyay dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ee ku dhaqan gobolka Sanaag, waxayna sheegeen in ay qab qaban doonaan cidii Somaliland ka bixi wayda. Taliyaha booliiska Somaliland ee gobolka Sanaag gashaanle sarre Saleebaan Ducaale Ubaxle, ayaa digniin siiyay dadka wali magaalada ku hadhay, isagoo sheegay in ay guryaha gali doonaan oo soo qab qaban doonaan iyaga oo sharciga u maraya. “Wuxuu maanta halkan ciidanku u diyaar garoobay oo uu ku dhaqaaqayaa, dadkii ajaanib ka ahaa ee dowladu tidhi haka baxaan, wixii joogayaana sharci hasoo samaystaan, nimanka guryaha gudahooda ku dhuumaalaysanaya iyo kuwa qarinayaba hadhaw bay odhan lanooma digin, anagoo sharciga u marayna, waaran u goosanayna, qofkasta guriga uu joogo ayaanu ugu tagaynaa” ayuu yidhi Ubaxle. Taliye Ubaxle ayaa sidoo kale, digniin siiyay dadka reer Somaliland ee iyagu ka caawinaya in ay guryahooda ku dhuuntaan isagoo sheegay in talaabo laga qaadi doono. “Kaa la yidhi bax ee amarkii diiday ee dowlada iska dhaga marinaya, iyo ka gacan siinaya, iyo ka gurigiisa ku qarinayaba iskumid ayaanu anagu u aqoonsanaynaa, hadhow buu odha doonaa muwaadinkaasi warbixin booliisku iskama soo horaysiin, in badan baanu kula hadlaynay waa digniintii saddexaad” ayuu yidhi Ubaxle. Xukuumada Somaliland ayaa wali wada raaf ay ciideeda kaga saarayso dadka aan Somaliland u dhalan khaasatan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo lagu eedeeyay amni daro ka dhacday gobolo Somaliland ka tirsan. Qaran News
  23. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay ku dhowaaqay in maamulkiisa uu qabanayo doorashada shan kursi oo ka mid ah golaha shacabka. Qoor Qoor ayaa hadalkan kaga dhowaaqay xafalad casho sharaf ah oo xalay loo sameeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna sheegay in doorashadaas la guda galayo maanta. “Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Galmudug, waxaan diyaar u nahay in aan maalinta barri ah guda gali doono 5-ta xubnood ee ugu horreysa doorashada Aqalka hoose. Guddiga doorashada ayaan ka sugeynaa dardargelinta doorashada golaha shacabka BFS,” ayuu yiri Qoor Qoor. Qoor Qoor ayaa intaas ku daray in shantaas kursi ay calaameysan yihiin, islamarkaana soo saaristooda aysan qaadan doonin wax ka badan saddex maalmood. Waxa uu faray guddiga doorashada heer gobo lee Galmudug inay isla maanta billaabaan isku keenista odayaasha qabaa’ilka shantaas kursi, si loogu dhowaaqo murashaxiinta. “Doorashada dalku waxay u tahay dawada kaliya ee maaanta hortaalla dowladnimada Soomaaliya, waa in doorashu dhacdo, oo doorashadu qabsoonto,” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor. Maamulka Galmudug ayaa ahaa kii ugu dambeeyey ee dhameystira doorashada Aqalka Sare, waxaana Qoor Qoor lagu eedeeyey inuu si ula kac ah u dheereeyey doorashada Aqalka Sare isaga oo muddo kororsi dadban kala shaqeynaya Villa Somalia oo ay xulufo yihiin. The post Qoor Qoor oo ku dhowaaqay doorashada shan kursi oo ka mid ah golaha shacabka appeared first on Caasimada Online.
  24. Maraykanka,Norway & UK oo qoraal bahdil ah u diray Madaxda Somalia, Shuruud Adagna ku xidhay… Qaran News
  25. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyay in Galmudug maalmaha soo socda qaban doonto shan kursi oo kamid ah doorashada Golaha Shacabka. “Galmudug doorashada Golaha Shacabka wey galeysaa waxaa rajeynayaa inaan caddeeyo shanta kursi ee ugu horeysay waa calaameysan yihiin waa la soo deynayaa, guddiyada doorashada inay berri iclaamiyaan, illaa saddex berri gudahood waa soo baxeysaa” ayuu yiri Qoor Qoor. Kulan Casho ah oo xalay lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayuu Madaxweyne Qoor Qoor hadalkaas ka sheegay. Ra’iisul wasaare Rooble oo isna Kulankaas ka hadlay ayaa soo dhoweeyay hadalka Qoor Qoor wuxuuna Dowlad Goboleedyada kale ugu baaqay in ay bilaaban doorashada. PUNTLAND POST The post Galmudug oo sheegtay in ay qabanayso doorashada shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.