-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
SEOUL (Yonhap) -- The South Korean action film based on a true story of the life-and-death escape by South and North Korean diplomats during the Somali civil war in the 1990s will represent South Korea in next year's Oscars. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Gunmen have shot dead four people at the Hawa-Tako intersection in Mogadishu's Wadajir district on Wednesday, according to witnesses. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada dhalinyaro ay maxkamadda Puntland ku xukuntay dil toogasho kadib markii lagu soo eedeeyey Al-Shabaabnimo ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay inuu soo farageliyo arrintaan. Ehelladan oo kasoo jeedo Beesha Murusade ayaa sheegay in wiilashooda aysan ka tirsaneyn Al-Shabaab, islamarkaana lagu qasbay inay sheegtaan wax aysan aheyn. “Wiilasheena meel ay joogaan ma naqaan, xukun been ah ayaa lagu xukumay, Puntland way diiday in loo soo wareejiyo maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa Ra’iisul Wasaare Rooble inuu arrintaan soo farageliyo,” ayey tiri hooyo kamid ah dadkii isku soo baxay oo la hadashay idaacadda Kulmiye. Dadka isku soo baxay ayaa Maamulka Puntland uga digay inay dalka u celiyeen qabiilkii laga soo gudbay, waxayna ku eedeeyeen Puntland inay dadkaan u beegsaneyso qabiil ahaan. “Waxaan codsaneynaa in dadkaan dambiyada ay galeen lagu soo caddeeyo, haddii aan la caddeyn dilkooda iyo xukunkooda waa sharci darro, taasina waxay keeneysaa jahligii qabiilka ahaa ee laga soo gudbay in mar kale loo laabto, dadka dad ayey leeyihiin anaga dambiilayaal ma taageersanin, haddii aan lasoo deyn dadkaasna waxaa dhici doono aar gudasho,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii isku soo baxay. Qoysaskaan ayaa shalay isugu soo baxay magaalada Muqdisho kadib markii Maxkamadda Racfaanka Puntland ay ayidday xukun dil ah oo lagu riday dhallinyaradaan lagu soo eedeeyey inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin, kadib markii ay racfaan kasoo qaateen maxkamadda ciidamada qalabka sida oo dil toogasho horey ugu xukuntay. Maamulka Puntland oo horey uga hadlay cabashada qoysaskaan ayaa sheegay in aysan jirin cid qabiil ahaan loo beegsanayo balse dhallinyaradaan ay yihiin kuwa ka tirsan Al-Shabaab isla markaasna ay iyaga xataa qirteen. The post Daawo: Beesha Murusade oo ka digtay cawaaqib ka dhalan kara go’aanka PUNTALND appeared first on Caasimada Online.
-
PM replaces defence, peace ministers, his office says inclusion of three opposition members in cabinet reflects ‘commitment to inclusivity’. Source: Hiiraan Online
-
Bancroft and DC restauranteur bring luxury dining to Halane
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - Bancroft Global Development, a DC-based private military contractor that receives tens of millions in state department funding, partnered up with one of DC's most successful restauranteur's to provide staff in Halane with fine dining options. Source: Hiiraan Online -
MOGADISHU (HOL) - The quest to end female genital mutilation (FGM) in Somalia got a boost this week with the launch of a new campaign in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta codka kalsoonida siiyay xukuumadda Cusub, ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo ka kooban 22 wasiir. Abiy Axmed ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo wasiirka gaashaandhigga u magacaabay nin kasoo jeeda gobolka Tigray, oo dagaal xooggan uu kala dhaxeeyo Abiy Ahmed. Arrinta yaab leh ayaan aheyn inuu Abiy magacaabay wasiir Tigray ah, hase yeeshee inuu ku aaminay xilka wasiirka gaashaandhigga oo muhiim u ah dagaalka ayaa su’aalo badan abuurtay. Abraham Belay, oo madax ka ahaa maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray -ga oo ay dawladdu samaysay ka hor intii aanay xoogagga kacdoonku dib u qabsan gobolka ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga. Saddex xubnood oo ka tirsan hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa kusoo baxay liiska golaha wasiirada cusub Abiy, taasi oo iyana lama filaan kale noqotay. Saddexda xubnood ee mucaaradka ayaa kala ah: Professor Birhanu Nega oo ka tirsan xisbiga EZEMA, oo loo magacaabay wasiirka waxbarashada, Belete Mola oo ka tirsan xisbiga NAMA oo loo magacaabay wasiirka hal-abuurka iyo taknoolajiyadda, iyo Merdasa Tulu oo ka tirsan xisbiga OLF oo loo magacaabay wasiirka cayaaraha iyo dhaqanka. Sidoo kale, Ahmed Shide oo ah Soomaali, islamarkaana aad ugu dhow Abiy Ahmed ayaa dib loogu magacaabay wasiirka maaliyadda. Halkaan hoose ka akhriso liiska golaha wasiirada oo dhameystiran 1. Demeke Mekonnen Hassen – Ra’iisul Wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda 2. Abhrham Belay (PhD) – Wasiirka Difaaca 3. Ahmed Shide – Wasiirka Maaliyadda 4. Muferihat Kamil – Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka 5. Oumer Hussen Oba – Wasiirka Beeraha 6. Engineer Aisha Mohammed – Wasiirka Waraabka iyo Horumarinta dhulka 7. Engineer Habtamu Itefa Geleta – Wasiirka Biyaha iyo Tamarta 8. Professor Birhanu Nega – Wasiirka Waxbarashada 9. Dagmawit Moges – Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka 10. Gebremeskel Chala – Wasiirka Ganacsiga iyo Is-dhexgalka Gobolka 11. Melaku Alebel – Wasiirka Warshadaha 12. Binalf Andualem – Wasiirka Nabadda 13. Gedewon Timotewos (PhD) – Wasiirka Cadaaladda 14. Dr. Lia Tadesse – Wasiirka caafimaadka 15. Belete Mola – Wasiirka Hal-abuurka iyo Taknoolajiyadda 16. Ambassador Nasise Chali – Wasiirka Dalxiiska 17. Lake Ayalew – Wasiirka Dakhliga 18. Chaltu Sani Ibrahim – Wasiirka Kaabayaasha iyo magaalooyinka 19. Engineer Takelle Uma Benti – Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka 20. Kejela Merdasa Tulu – Wasiirka Dhaqanka iyo Cayaaraha 21. Ergoge Tesfaye (PhD) – Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Bulshada 22. Fitsum Asefa (PhD) – Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta The post Aqriso Magacyada: Abiy oo ku dhowaaqay gole wasiiro, qaadayna laba tallaabo oo lama filaan ah appeared first on Caasimada Online.
-
After almost three years away (two years and 9 months to be exact), I traveled back to Beledweyne for a short assignment. The last time I was there was in December 2018. That previous trip was my first return to the town after 8 years away. At that time, I wrote a blog post titled ‘Back to Beledweyne eight years later’. I was excited to go back to the town again. I spent three good years in Beledweyne between 2006 and 2009 studying at a secondary school. These three years shaped my life in many ways. I also learned many tough lessons from the fragile security situation, recurrent floods, and armed clashes. Source: Hiiraan Online
-
Waa Kuma Wasiirka keliya ee Soomaalida Itoobiya ee ka mid noqday Golaha Cusub ee Wasiirada Abiy Axmed Axmed Shide Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada ee xukuummaddiisa u maamuli doono shanta sano ee soo socota. Wasiiradaas waxaa ku jiro hal qof oo Soomaali ah oo keli ah, waana Axmed Shide oo markale xilka wasaaradda Maaliyadda loo magacaabay. “In kasta oo aan kala duwannahay, haddana waa in aan qaadanno dhaqan wada shaqeyn ah,” ayuu Abiy u sheegay baarlamaanka. “Ku darista kuwa kale iyo la shaqayntoodaba, waxay xisbiyada siyaasadda ka caawin doontaa inay aasaas u noqdaan mustaqbalka.” Dib u soo noqoshada Axmed Shide ee xilka Wasaaradda Maaliyadda, ayaa muujinaysa sida ay uga go’an tahay in uu la sii shaqeeyo ra’iisul -wasaare Abiy oo dadaal ugu jira in isbadal dhaqaale uu ka hirgeliyo dalkaas, gaar ahaan in dib u eegis lagu sameeyo hayadaha ganacasiga ee dowladda u xiran. Waxaa liiska cusub ee golaha wasiirada ka mid ah seddax qof oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha mucaaradka. Abraham Belay, oo madax ka ahaa maamulka ku-meel -gaarka ah ee Tigray-ga oo ay dawladda samaysay ka hor intii aanay xoogagga kacdoonka dib u qabsan gobolka, ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga. Abiy Axmed waxaa laba maalmood ka hor loo dhaariyay in shanta sano ee soo socota uu hoggaamiyo dalkaasi, kaddib markii uu xisbigiisa ku guulaystay doorashadii muranka badan uu ka dhashay ee Itoobiya ka dhacday bishii June ee sanadkan. Waa kuma Axmed Shide? Waa siyaasi muddo dheer ka soo dhex muuqday Siyaasadda Itoobiya, haatana waxa uu noqday wasiirka keliya ee Soomaalida ah ee soo noqday. Axmed Shide waxaa uu culuunta maareynta kheyraadka iyo xallinta khilaafaadka kusoo bartay mac-had ku yaala dalka Netherland. Ka dib wuxuu shahaadada koowaad ee arrimaha horumarinta ka qaatay jaamcadda Salix ee dalka Britain. Waxaa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, oo ay ka mid yihiin ku xigeenka madaxa xafiiska beeraha iyo horumarinta deegaanada, gudoomiyihii guddiga arrimaha xoola dhaqatada oo uu ahaa sannadkii 2003-da iyo madaxa xafiiska wanaajinta adeegyada bulshada. Nin lagu magacaabo Girma Gutema oo sheegay inay saaxiibo dhaw yihiin Axmed ayaa tilmaamay in Shide uu ku soo barbaaray magaalada Nageyle ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ku soo qaatay waxabarashadiisa dugsiga hoose dhexe iyo dugsiga sare. Sannadkii 2008 ayaa markii ugu horreeysay loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda. Sidoo kale bishii Nofeembar ee 2016-kii waxa uu noqday Wasiirka Gaadiidka. 19 April 2018 waxaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxa Xafiiska Arrimaha Isgaarsiinta Dowladda. 12-kii bishii August 2018-kiina waxaa uu noqday Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaaliyeed (SPDP) isagaoo baddalay madaxweynhii hore ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar. Waxaa kale oo uu horay u soo noqday wasiirkii warfaafinta ee Itoobiya. Xisbigiisa ayaa markii dambe la midobay xisbiga Burwaaqo taariikhda markii ay ahayd 1-dii bishii Diseembar 2019-kii. Shide ayaa 16-kii bishii Oktoobar 2018-kii markale loo magacaacay Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Itoobiya. Maantana oo taariikhdu tahay 6-da Oktoobar 2021 waxaa uu Raysal wasaare Abiy Axmed markale u magacaabay isla wasiirka Maaliyadda. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - Ibrahim Ali Ma'ow's kidneys failed to work normally 14 years ago forcing him to start a weekly dialysis session. Back then, he lived in Saudi Arabia where the service was available to him for free. Now, he is in Mogadishu where he gets the same at Daru-Salam hospital, which provides this service through the financial support of Hormuud Salaam Foundation. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mulkiilaha Maqaayada Dabayare oo habeen hore uu ka dhacay dagaal noociisu ku cusub yahay magaalada Muqdisho kuna dhex-maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa beeniyay in dagaalka uu ka bilowday Muufo. Maxamed Yuusuf Dabayare ayaa sheegay in dagaalka uu ka bilowday kadib markii dhalinyaro cuntooyin kala duwan ka cuneen maqaayada ay diideen inay bixiyaan lacagta cashada, kuwaasi oo markii dambe wacday ciidamo millateri ah. Ciidamada millateriga iyo kuwa amaanka oo uu la hadlay maamulka maqaayada ayaa iska hor-imaad ku dhex-maray gudaha maqaayada, taasi oo ay ku dhaawacmeen saddex qof, halka uu ku geeriyooday hal qof oo kale. “Dadka isla dhex-maraya in Muufo la isku dilay, Muufo keli ah la iskuma dilin ee dadka waxay ahaayeen toddoba qof waxay cuneen raashin kala duwan kitchen, bariis, baasto iyo muufo intaba waa la cunay” ayuu yiri mulkiilaha maqaayada Dabayare. “Anaga dad ganacsato ah ayaa nahay waxaa noo ciidan ah ciidamada amniga, wuxuu dagaalka ku bilowday ciidamo la wacday ee Muufo la iskuma dilin. Khasaaro xoog leh ayaa naga soo gaaray oo dadkii casheynayay ayaa naga kala cararay.” Ma aha markii u horeysay ee ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda uu iska hor-imaad dhexmaro, hase yeeshe waxaa la yaab ku noqotay bulshada in ciidamo isku rasaaseyan dhalinyaro bixin waayey lacagtii cashada. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Arrin been ah oo laga sheegay dagaalkii la sheegay inuu ka dhashay muufada appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE AstraZeneca and the Royal Academy of Engineering announce new partnership to bolster support for African health tech entrepreneurs Joint venture aims to strengthen healthcare innovation, nurture local talent, and boost economic progress across Africa Access Multimedia Content JOHANNESBURG, South Africa, October 6, 2021/ — Earlier today, AstraZeneca (www.AstraZeneca.com) and the Royal Academy of Engineering (the Academy) officially announced a new partnership to establish connections between African healthcare innovators and AstraZeneca’s A.Catalyst Network of more than 20 global health innovation hubs. The joint venture seeks to drive the development of engineering solutions that have the potential to address local challenges with a focus on health tech. As part of its commitment to building international partnerships and solving global challenges, in 2014 the Academy founded The Africa Prize for Engineering Innovation (https://bit.ly/3Ah0FC8), an annual award that grants crucial commercialisation support to ambitious innovators across sub-Saharan Africa. To date, over 100 innovators are part of the Africa Prize alumni network. AstraZeneca’s A.Catalyst Network brings together digital, R&D and commercial resources to reimagine the future of healthcare, working with partners to co-create solutions and establish integrated and strong health systems that benefit the whole patient experience. By connecting Africa Prize entrepreneurs to A.Catalyst Network, as well as the AstraZeneca supply chain and wider ecosystem (including investors), the AstraZeneca-Academy partnership hopes to further strengthen the work of both organisations to nurture local talent and strengthen healthcare innovation and creativity on the African continent. As part of the collaboration, AstraZeneca will join the Prize’s network of expert mentors, offering training support for Africa Prize entrepreneurs, giving them access to tailored expertise and experience to help them develop their projects. AstraZeneca will also take part in a webinar series for the Africa Prize alumni network and current cohort, sharing knowledge and insights on health tech and other subjects. Aleksandr Bedenkov, VP, Medical International at AstraZeneca said: ‘We want to offer entrepreneurs in emerging markets like Africa the same kind of platform and opportunities that their counterparts in other countries would benefit from. A.Catalyst Network offers exciting opportunities for health tech entrepreneurs to connect and collaborate with a truly global network of expertise and experience, helping to accelerate innovation and ensure that more patients can get access to the latest health tech solutions.’ Barbara Nel, Country President, African Cluster at AstraZeneca, said: ‘This partnership with the Royal Academy of Engineering is integral to our unwavering commitment to improve health access and create sustainable impact in Africa. We recognise that breakthrough science and healthcare don’t happen in isolation; they are the result of collaboration and partnerships to strengthen healthcare innovation and creativity. We are looking forward to supporting our Africa Prize entrepreneurs in developing their innovative projects and working together to seek answers to our health challenges for the benefit of all patients in Africa.’ Ana Avaliani, Director of Enterprise and Sustainable Development at Royal Academy of Engineering said: ‘Our partnerships are crucial to delivering the breadth and depth of support we can offer, which in turn allows the programme to accelerate African entrepreneurial capacity, producing scalable, local solutions to global challenges. We believe that while one innovator can change a community, a network can transform a continent, and the Africa Prize network truly represents the brightest minds tackling the greatest challenges. We are looking forward to working with AstraZeneca to amplify the impact of our innovators in harnessing the power of engineering and building a sustainable society and inclusive economy that works for everyone.’ Going forward, AstraZeneca and the Academy will continue to collaboratively explore further partnership opportunities to support the healthcare system in the region and beyond. Distributed by APO Group on behalf of AstraZeneca. For media enquiries please contact: AstraZeneca Ana Zainaghi Ana.Zainaghi@astrazeneca.com The Royal Academy of Engineering Jane Sutton jane.sutton@raeng.org.uk About AstraZeneca: AstraZeneca (LSE/STO/Nasdaq: AZN) is a global, science-led biopharmaceutical company that focuses on the discovery, development, and commercialisation of prescription medicines in Oncology, Rare Diseases, and BioPharmaceuticals, including Cardiovascular, Renal & Metabolism, and Respiratory & Immunology. Based in Cambridge, UK, AstraZeneca operates in over 100 countries and its innovative medicines are used by millions of patients worldwide. Please visit AstraZeneca.com and follow the Company on Twitter @AstraZeneca. About A.Catalyst Network: A.Catalyst Network is an interconnected global network of more than 20 AstraZeneca health innovation hubs, made up of physical locations and virtual partnerships. The network embodies our commitment to Growth Through Innovation (https://bit.ly/3lgCQ9s) and is a key part of our Patient Centricity workstream, as ‘a catalyst’ for the development of new solutions to support patients. It aims to address healthcare challenges, increase access to healthcare, and scale and showcase patient‑enabled innovation around the world. About The Royal Academy of Engineering: The Royal Academy of Engineering is harnessing the power of engineering to build a sustainable society and an inclusive economy that works for everyone. In collaboration with our Fellows and partners, we are growing talent and developing skills for the future, driving innovation and building global partnerships, and influencing policy and engaging the public. Together we’re working to tackle the greatest challenges of our age. About the Africa Prize for Engineering Innovation: The Africa Prize for Engineering Innovation, founded by the Royal Academy of Engineering, is Africa’s biggest prize dedicated to engineering innovation. It awards crucial support to ambitious African innovators developing scalable engineering solutions to local challenges, demonstrating the importance of engineering as an enabler of improved quality of life and economic development. The programme is designed to help engineers achieve commercial success from their innovations. Following an eight-month training and mentoring period, the Africa Prize for Engineering Innovation is awarded to a chosen winner, who receives £25,000, while three runners-up receive £10,000 each. SOURCE AstraZeneca Qaran News
-
Baku (Caasimada Online) – Azerbaijan ayaa beenisay eedeymo kaga yimid Iran, oo ah in militari Israeli ah ay joogaan dalkaas, kadib markii Tehran ay dhoola-tus militari ka sameysay xuduudda labada dal, taasi oo sare usii qaaday xiisadda ka dhex-oogan deriskan. Iran ayaa eedeymaha ku saabsan cadowgeeda Israel sameysay Khamiistii, waxaana maalin kadib ay taleefishinada dowladda muujiyeen taankiyo iyo diyaarado dagaal oo duqeynaya bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga galbeed ee dalkaas, meel ku dhow xuduudda. Israel ayaa ah dal hub badan siiya Azerbaijan, oo sanadkii tegay dagaal kaga adkaatay deriskeeda Armenia, oo ay isku qabteen gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Azerbaijan Leyla Abdullayeva ayaa sheegtay in sheegashooyinka Iran aysan sal alehyn. “Waan diideynaa tuhunada ah in dhinacyo saddexaad ay joogaan xuduudda Azerbaijan iyo Iran, eedeymaha noocan ah, gebi ahaan waa kuwa aan sal laheyn,” ayey tiri Leyla. Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran Hossein Amir-Abdollahian ayaa toddobaadkii tegay u sheegay safiirka Azerbaijan in dalkiisa uusan u dul qaadan doonin joogitaanka iyo dhaq-dhaqaaqyada Israel ee “meel ku dhegan xuduuddeena,” wuxuuna wacad ku maray inay qaadi doonaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah. Hase yeeshee madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa cambaareeyey dhoola-tuska dagaal ee Iran isaga oo wareysi siiyey wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu, wuxuuna is-weydiiyey “maxay tahay sababta iminka, maxay tahay sababta xuduudeena?” Azerbaijan iyo Iran ayaa muddo waxaa ka dhaxeeyay xiisad ka dhalatay taageerada Tehran ee Armenia ee dagaalka sanadaha badan jiray ee Karabakh. Tehran ayaa sidoo kale muddo ka welwelsaneyd isku day gooni u goosed oo ay sameeyaan qowmiyadda Azerbaijan oo ah 10 milyan oo ka mid ah 83-ka milyan ee shacabka Iran. AFP + VOA The post Maxaa ka jira in militariga Israel ay tageen Azerbaijan oo ay is-hayaan Iran? appeared first on Caasimada Online.
-
Raysal wasaare Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay xubnaha golaha wasiirada xulkuumaddiisa cusub. Liiska golaha wasiirada xukuumadda cusub ee raysal wasaare Abiy oo ka kooban 22 xubnood ayaa waxay kala yihiin:- 1. Wasaaradda Beeraha 2. Melaku Alebel – Wasaaradda Warshadaha 3. Wasaaradda Ganacsiga iyo Xiriirka Gobolada 4. Injineer Takele Uma – Wasaaradda Macdanta 5. Danjire Nassie Chali – Wasaaradda Dalxiiska 6. Marwo Muffrihat Kamil – Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha 7. Mudane Axmed Shede – Wasiirka Maaliyadda 8. Mr. Lake Ayalew – Wasaaradda Dakhliga 9. Dr. Fitsum Asfaw – Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta 10. Mudane Belete Molla – Wasaaradda Hal -abuurka iyo Farsamada 11. Injineer Sileshi Bekele – Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka 12. Marwo Khaltu Sani – Wasaaradda Magaalooyinka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha 13. Injineer Habatamu Hitefa – Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta 14. Injineer Caaisha Muusa – Wasaaradda Waraabka iyo Deegaanka Dhulka Hoose 15. Dr. Berhanu Nega – Wasaaradda Waxbarashada 16. Dr. Leah Tadesse – Wasaaradda Caafimaadka 17. Dr Ergoge. Haweenka iyo Arrimaha Bulshada 18. Qojalle Mardasa. Wasaaradda Dhaqanka iyo Ciyaaraha 19. Dr. Abraham Belay – Wasaaradda Gaashaandhigga 20. Raisulwasare-xigeen+Wasiirka Arrimaha Dibadda – Demeke Mekonnen 21. Dr. Gideon Timothy – Wasaaradda Caddaaladda 22. Mudane Benalif Andualem – Wasiirka Nabadda Qaran News
-
Xabsiga Berbera Cadaabta Ifka ! Xabsiga Berbera wuxuu ka kooban yahay 12 qol oo cidhiidhi ah, waxa lagu xidhaa qol kasta 30 maxbuus, waa dhisme dhagaxa oo qadiimiya waxaana dhisay gumaystii ingiriiska, malaha marawaxad, qaboojiye iyo daaqado waaweyn xilliyada xagaaga maxaabiista waxa ka baxa dubka iyo diirka, kulaylka ka dhaca ma malayn karro, Xaaladda nololeed awgeed waxa naftooda ku waayay maxaabiis badan, 11-28-2016 waxa isku daldalay 2 maxbuus, qaar kalena xaalad caafimaad oo hallis ah ayay galaan. maanta waxa ku jira qolka 6-aad maxaabiis la ildaran qaash iyo nabarro kulaylku kasoo saaray oo naf ka dhawrida ah, waajib waxa ku ah Wasaaradda Caddaalada iyo maamulka gobolka in aan Xabsiga Berbera aadame ku noolaan karin cimilo iyo dhisme ahaan. Waxa qoray Maxamed Sidiiq Dhamme Qaran News
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Union of Somali Presidential Candidates has denounced the arbitrary displacement of more than 2000 people in Lasanod following a decision by Somaliland government that views the victims as foreigners. “We deplore the action by Somaliland government in Lasanod to arbitrarily displace Somali citizens living and working in a part of the their homeland . It is a violation of human rights precepts” reads the a press statement shared with the media in Mogadishu. Union of Somali Presidential Candidates: “We deplore the action by Somaliland government in Lasanod to arbitrarily displace Somali citizens.” The Union of Presidential Candidates denounced collective punishment of citizens for crimes committed by unidentified individuals still at large. “We call on traditional leaders, intellectuals and religious leaders in Somaliland to speak up against arbitrary displacement of Somali citizens in Somaliland. The Somaliland government defended the arbitrary displacement of Somali citizens in Lasanod on grounds that “they are foreigners who settled in Lasanod illegally.” © Puntland Post, 2021 The post Union of Somali Presidential Candidates Decry Arbitrary Displacement by Somaliland Government in Lasanod appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Wararka PP) — Odayaal ka hor yimid falkii maamulka Somaliland iyo maliishiyadiisu Laascaanood kaga barakiciyeen dad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Koonfurta ayaa sheegay in ay maamulka Koonfur Galbeed u gudbin doonaan galka magacyada rag taageeray barakicinta iyo kuwo ka tirsan maamulka gobolka iyo degmada. Wariye madaxbannaan ayaa wada aqoonsaday rag sheegtay inay magaca magaalada ku hadlayaan iyagoo taageeray dambigii laga galay dadkii magaalada uu maamulka Somaliland ka barakiciyay. Dhammaan magacyada iyo wajiyada ragga taageeray barakicinta oo la aqoonsaday. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka dalbaday dowladda Somaliland inay fasiraad ka bixiso go’aankii dad gaaraya 2000 oo qof lagaga soo barakiciyay Laascaanood. Maamulka Somaliland, oo shalay warqad soo saaray, ayaa dadka uu barakiciyay ku tilmaamay “dad sharci-darro ku deggenaa Laascaanood.” © Puntland Post, 2021 The post Odayaasha Sool oo Maamulka Koonfur Galbeed La Wadaagi Doona Magacyada Dadkii Taageeray Barakicintii Somaliland Abaabushay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo naxdin leh ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Waaberi kadib markii gabar ay iska soo tuurtay dabaq. Gabadhaan oo aan weli la helin magaceeda ayaa da’deeda lagu sheegay illaa 20 jir, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan sababta ay gabadhaan isku soo tuurtay. Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in gabadhaan ay aheyd shaqaale ka shaqeeneysay guri dabaq ah oo ku yaalla degmada Waaberi. Gabadha oo uu soo gaaray dhaawac halis ah ayaa waxaa hadda lagu daweenayaa mid kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho, waxaana xaaladeeda caafimaad lagu sheegay mid halis ah. Sababta ay isku soo tuurtay ayey dadka deegaanka ku sheegeen inay tahay arrimo la xiriiro jaceyl ay u qabtay wiil ay saaxiibo ahaayeen, balse warkaas lama xaqiijin karo illaa gabadha laga wareysto. Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya inay gabadhaan isku soo tuurtay culeys ka heystay dhanka qoyskeeda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Ma ahan markii ugu horeysay oo falal noocaan ah ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho, waxaana bilooyinka ka ah dabaq laga soo tuuray gabar isla degmada Waaberi. The post Gabar iska soo tuurtay dabaq ku yaalla Muqdisho iyo sababta oo… appeared first on Caasimada Online.
-
Cuqaasha & Wax-garadka Gobolka Sool oo ku taageeray Xukuumadda S/land Hawlgaladay ka wado Laascaanood Cuqaasha Haldoorka & Waxgaradka Gobolka Sool ayaa hoosta ka xaqiiqay inuu ahaa fikir ka yimi bulshada Lascaanood in magaalada laga saaro dad ka soo jeeda Soomaaliya, isla markaana si weyn u tageersan yihiin hawlgalada dawlada & ciidamada amaanku ku sugayaan amaanka magaalada Laascaanood. Kulan shalay isugu yimaadeen Cuqaasha ugu waaweyn gobolka Sool ayaa tilmaamay inay garab taagan yihiin talaabooyinka xukuumadu u qaaday sugitaanka amaanka, isla markaana ku baaqay in qof kastoo ay ku caddaato la dilo, la xidho ama laga mastaafiriyo magaalad aLaascaanod iyo Somaliland. Cuqaal badan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay ku taageerayaan Madaxda iyo ciidamada jooga gobolka Sool hawlaha ay wadaan, qaarkoodna bilaabeen ee ka saarida dadka u dhashay Soomaaliya magaalada laascaanod hadii nabadgelyadu xalkeedu halka galay iyo halkii kale ee u galaba. Dawladda, ciidamada iyo wefdiga yimi Gobolka iyo Laascaanod ayey shaaciyeen sid ay ugu garabtaagan yihiin wax ka qabashada amniga, isla markaana sheegeen inay u daba fadhiisanaynaa sugitaanka amniga. Waxaanay u soo jeediyeen qolyo sheeganayey inay Guddi yihiin, in laga wanaagsan yahay in saxaafada laga qeyliyo ama dawlada hawlaheeda laga horyimaado. Cuqaasha ayaa sheegay inay xukuumada iyo wefdiga yimi gobolka Sool, caasimadiisa Laascaanood kula ballameen inay raadiyaan xal u helida dilalka, isla markaana cidkastoo ay gasho ama sababsato xalinta arrinkaana talaabo laga qaado, hadday inla dilo, la xidho, ama laga saaro magaalada noqotana ku taageerayaan xukuumada. Caaqil kale oo madasha ka hadlay ayaa nasiibdaro ku tilmaamay dilalkii faraha badnaa ee magaalada Laascaanood ka dhacay, waxaanu sheegay hadii wakhtigan xukuumadu bilowday xal u helideeda in bulshada Laascaanood, rag, dumar, cuqaal, haween, arday, aqoonyahan dhamaan qeybaha bulshadu looga baahan yahay inay muujiyaan sida ay ugu taageersan yihiin, in cid kastoo eedahaasi galaan talaabo laga qaado. Qaar ka mid ah Cuqaashii kulanka ka hadlay ayaa dhaliilay dad warbaahinta ka sheegay inay ka soo horjeedaan, isla markaana ku dhaliilay inay goobjoog u ahaayeen dilalka dhacayey hadday wax ka qabanayeen, ugun baaqeen xukuumada inay waajibaadkeeda sugida amaanka gobolka Sool qabsato. Xukuumada Somaliland ayaa ka talisa oo dawlad u ah Gobolka Sool, maamulka laga rabaa amniga dadka iyo dalka inay sugto, isla markaana waxay caddeeyeen in fikrada saaritaanka dadka ka soo jeeda Soomaaliya ka timi bulshada magaalada Laascaanood si nabadgelyadooda loo sugo. “Fikir bulshada gobolka ka yimi ayuu ahaa in la saaro dadka Soomaaliya ka soo jeeda si nabadgelyada dalka iyo magaalada Lascaanod loo sugo.” ayuu sheegay cuqaashii kulanka ka hadlay midkood Dhamaan cuqaashii, waxgaradkii, odeyaashii kulanka ka hadlay ayaa isku waafaqay inay taageersan yihiin talaabooyinka xukuumada Somaliland ka wado Gobolka Sool ee lagu sugayo amaanka, isla markaana loogu celiyey Soomaaliya dad ka soo jeeda ee hore u degenaa gobolka Sool caasimadiisa Laascaanood, waxaanay uguna baaqeen xukuumada iyo ciidamada amaanka inay wax kastoo arrinkaa xalkeedu noqonayo ku dhaqaaqaan, kuna garab taagan yihiin. Qaran News
-
Wasiirka Wasaarada Maaliyada S/land oo Daah furay Adeeg Cusub Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in xafiiska wadajirka innaga caawin doono sidii xogtii dadka ajaanibka ay u wadaagi lahaayeen saddexda hay’adood midwalba qeybtii ka khusaysa, isla markaana tahay guul in dhalinyaro reer Somaliland diyaariyeen. Kulan uu ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Md Mustafe Cali Bile, Taliyaha Ciidanka Socdaalka S/Guuto Dayib Cismaan Caalin, Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada Cabdirashiid iyo hawlwadeeno ka socday sadexda hay’adood ayaa lagu daahfuray xafiis qaabilsan hawlaha Jinsiyadaha, fiisayaasha iyo ogolaanshaha ruqsadaha shaqada ajaanibka. Xafiiska adeegyadda wadajirka oo ay ka wada hawlgalaan shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, Shaqada iyo Laanta Socdaalka ayaa lagu qabtaa adeegyo la xidhiidha Jinsiyadaha, fiisayaasha, iyo ogolaanshaha ruqsadaha shaqada Ajaanibka, isla markaana ujeedadiisu tahay in lagula socdo hanaanka kombuuterka mudadda fiisayaashooda iyo wakhtiga ay dhacayaan, goobaha ay ka shaqeeyaan iyo hanaanka loo raacay shaqo gelintooda. Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo faahfaahin ka bixinayey hawlaha xafiisku qabanayo iyo muhiimada uu u leeyahay qaranka Somaliland ayaa sheegay in saddex hay’adood wadajir isaga kaashanayaan shaqooyinka xafiiskani qaban doono. “Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada & Ciidanka Socdaalka ayaa iska kaashanaya shaqada xafiiskan oo fududeynaya hanaanka adeegyada ajaanibka dalka yimaada, oo xilliyadii hore caqabado kala kulmi jireen.” Dr Sacad ayaa sheegay in muhiimada xafiisku tahay iyadoo adeegyadii sadexda hay’adood masuuliyadooda ahayd xilligan goob keliya laga wada helayo, iyadoo hanaan casri ah loo qaabeeyey. “Waxuu abuurayaa xafiiska wadajirka in xogtii dadka ajaanibka la wadaago, saddexda hay’adoodna qeybtii ka khusaysay ay ogaanayso. Waxuu sahlayaa in la sii ogaado xogta dadka doonaya inay dalka yimaadaan, hadday dalxiis yihiin, degenaansho doonayaan ama ka shaqeeya.” Dr Sacad ayaa u mahadceliyey Wasiirka Shaqada & Taliyaha Socdaalka oo u sheegay inaanay la’aantood hawshani suurtagal noqoteen, waxuu sidoo kale uga mahadceliyey dhalinyarada dhinaca IT-ga u qaabilsanayd saddexda Hay’adood ee ka wada shaqeeyey isku xidhka shaqadan. “Runtii waa hawl Qaran ahaan aynu ku faanayno in diyaarinta & isku xidhka hawsha ay fuliyeen muwaadiniin oo aanu joogin qof ajaanib ah innaga caawiyey.” Qaran News