Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dad iibsaday keliyahoodii oo loo lagu qanciyey….. Dadka halkaan ka muuqda qofkasta wuxuu iibsaday mid kamida labadiisa kilyood, waa dallka Nepal, gaar ahaan tuulo lagu magacaabo kidney. Waxay ku iibsadaan qiimo lacageed oo dhan $222.58, halka kuwa kala baxay ee ka ganacsada ay ku sii iibsadaan lacag intàas sadex laabkeed ka badan. Dadkan marka kilyaha lagala baxayo waxaa lagu qancinjiray in ay markale usoo dhalanayso killidu, balse waxaa la leeyahay hadda ayaa dadka tuulado waxay ku baraarugeen in aysan killidu markale soo dhalan. Xiliyadii hore qof kasta oo dadkan ka mid ah si hoose ayuu killidiisa u iibsanjiray, laakiin hadda ayay isku soo baxeen dadkii tuulada oo hal dhinac ka jeeexan. Dalka Nepol sanadkii dadka kilyahooda iibsada waxaa lagu khiyaasay todobo kun oo qof, waxayna u badanyihiin dadka tuulooyinka ku nool. Kelidaada ayaa kaaga qaalisan aduun walbaa Qaran News
  2. Magaalada Berbera oo ku guulaysatey Abaalmarin Qaaliya,Maxay ku mutaysatey ,yaase siiyey! Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF, ayaa ku dhawaaqday in magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland, ay ku guulaysatay abaalmarinta maamulka magaalooyinka carruurta u fiican. UNICEF ayaa sheegtay in maamulka magaalada Berbera uu ku guulaystay inuu adeegyada asaasiga ah u dhaadhiciyo gudaha. Hay’adda waxay sheegtay in tan iyo 2014, ay magaalada dhaqangelinaysay hannaanka adeegyada dadka lagu gaarsiiyo waxyaabaha aasaasiga ah, iyadoo maamulka magaalada uu wax ka qabtay adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waxbarashada iyagoo la shaqeynaya dowladda Somaliland iyo UNICEF-ba. Sida ay sheegtay UNICEF, Intaas waxaa sii dheer in dowladda hoose ee Berbera ay sare u qaadday miisaaniyadda iyagoo kharashka magaalada uga soo xarooda u adeegsaday bixinta adeegyada asaasiga ah, oo ay miisaaniyadda waxbarashada iyo caafimaadka ka soo qaadeen illaa $40,000 oo doolar oo la isticmaali jiray 2014 halka ay 2021 gaarsiiyeen $1,339,872 oo dollar. Maayirka magaalada Berbera, Cabdishakuur Cidin Maayirka magaalada Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Cidin, oo ka hadlayay abaalmarinta ay magaaladiisa ku guulaysatay ayaa sheegay: “Guulaha ugu waa wayn waxaa ka mid ah in dhaqaalaha ka soo xarooda degmada, iyadoon meel kale laga doonayn, in isla degmada lagaga shaqeeyo.” “Guulaha la taaban karo waxaa ka mid ah in caafimaadka iyo waxbarashada ay heleen adeegyo iyo dhaqaale aanay markii hore heli jarin oo aanay degmada ka heli jirin,” ayuu yiri maayir Cidin. Hay’adda UNICEF waxa ay sheegtay in xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya waaxda waxbarashada iyo maalgashi buuran oo dhinacaas la galiyay uu horseeday in iskuullada Berbera, intii u dhaxaysay 2014 illaa 2020, ay 38% sare u kaceen ardayda iska diiwaangelisay. Dowladda hoose ee magaalada Berbera waxa ay taageertaa 10,000 oo arday ah oo 46% ay gabdho yihiin kuwaas oo wax ka barta 47 iskuul oo magaaladaas ku yaal. Barkhad Cabdikariim oo maamulo mid ka mid ah iskuullada magaaladaasi, oo la hadlay UNICEF, ayaa dowladda hoose ee magaaladaas ku amaanay sida ay u gacanqabato iskuullada: “Isbedelka uu ku tallaabsaday iskuulka inta ay dowladda hoose gacanta ina siinaysay waxaa ka mid ah dhismaha fasallo cusub, qalabaynta fasallada, gunnada la siiyo macallimiinta iyo waardiyayaasha iskuulka ka howlgala.” Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhallaanka ee UNICEF ayaa sheegtay in maamulka magaalada Berbera uu soo bandhigay in dowladaha hoose ay dowr muhiim ah ka ciyaari karaan horumarinta adeegyada asaasiga ah. Waxyaabaha ay magaaladaasi ku hormartayna waxaa ka mid ah in dowladda hoose ay kordhisay dhaqaalaha ay ku bixiso adeegyada asaasiga ah ee waxbarashada iyo caafimaadka, dhaqaalahaas oo waayadii hore aanan la heli jirin, iyadoo sidaas lagu helay adeegyo tayo leh oo bulshada waxtar u leh. Maayirka Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa tilmamay in sida loogu baahan yahay in dowladaha hoose ay ka soo dhalaalaan howsha loo xilsaaray: “In la helo dowlad hoose oo awood leh in ay dhisi karto, qalabayn karto, la socon karto goobaha xannaanada.” Dhanka kale maamulka magaalada Berbera waxa uu xoogga saaray goobaha caafimaadka oo ay ka caawiyaan dhaqaalaha, qalabka, dawada iyo bixinta gunnooyinka. Maayir Cidin ayaa sheegay in markii tallaaba ay qaadaanba ay midkale soo baxayso, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in hiigsigooda uu yahay “in aannu noqono kuwo ku filan baahida dadkooda, maadaama ay magaaladu fidaysana waxaannu qorshaynaynaa in aan sii calaamadayno goobaha ay carruurta ku ciyaari doonaan.” Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Shir looga hadlayey doorashooyinka dalka, gaar ahaan xaqiijinta qoondada Haweenka ee Golaha Shacabka ayaa shalay lagu soo geba-gebeeeyey magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay kuraasta gobolada Waqooyi iyo kuwa Banaadiriga oo yaalla caasimada. Kulanka oo ay kasoo qeyb-galeen haween iskugu jira musharaxiin kuraasta baarlamaanka, xildhibaano ka tirsanaa baarlamaankii 10-aad iyo xubno ka socday wasaaradda haweenka Soomaaliya. Shirka ayaa laga soo saaray digniin ku aadan in haweenka la duudsiiyo kuraasta Golaha Shacabka, ayaga oo sheegay in Sagaal kursi oo ah kuwa gobolada Waqooyi, islamarkaana dhawaan la shaaciyey ay ku jiraan labo kursi oo mad-madow badan ku gadaaman yahay. “Waxaa Sagaalkaas ku jira afar gabdhood, labo kamid ah sagaalkaas koontada ayey ku xaqiijisan yihiin oo wax muran ah kama jiro laakiin labadii kale weeyi, waxaa leenahay koontada ay ku fadhiyaan gabdhaha ha ku tartamaan gabdhaha Soomaaliyeed.” “Haweenka ayaa ilaalin kara qoondada oo Nin ma ilaalin karo,” ayey sidoo kale tiri haween kamid ah mas’uuliyiinta iskugu yimid shirkaan oo lagu eegayay xaqiijinta qoondada Haweenka 30%. Waxay sheegen in doorashadii Aqalka Sare ay u dhacday si wanaagsan, islamarkaana uusan jirin xad-gudub ka dhan ah qoondada Haweenka, islamarkaana loo baahan yahay in doorashada Golaha Shacabka la doodsiin koontadooda. Heshiiskii doorashada ee ay hore u gaareen madaxda sarre ee dalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa qeyb ka ahaa ilaalinta qoondada oo markale looga arrinsanayey magaalada Muqdisho. The post Maxaa kasoo baxay shirkii DOORASHADA ee lagu soo geba-gebeeyey MUQDISHO? appeared first on Caasimada Online.
  4. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay shaacisay in dagaalka Ethiopia uu saameyn xoogan ku yeeshay dhaqaalaheedii, taasi oo meesha ka saari karta horumarka dhaqaale ee 20-kii sano ee lasoo dhaafay ka socday dalkaas. Wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in dalkiisu uu khasaaray lacag u dhiganta kala bar hantida qaranka 12-kii bilood ee u dambeeyay. Jabuuti ayaa 1.7 bilyan oo dollar lumisay ka dib markii uu hoos u dhacay dakhligii iyo shaqooyinkii dalkaas, kadib markii dagaalka uu sii xumeeyay khal-khal ku yimid silsiladihii sahayda u ahaa ee u dhexeeyay labada wadan. Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay la daala dhaceysay saameyntii ka dhalatay cudurka Covid-19, duulaanka Ayaxa iyo isbedelka cimilada, kuwaasi oo dhaawac gaarsiiyey dhaqaalaha dalkaas. In ka badan 90% badeecadaha Addis Ababa waxa ay maraan dekedda Jabuuti, taasoo ka soo gasha qarankan lacag u dhaxaysa 1.5 ilaa 2 bilyan oo doolar. Dagaalka ka socda gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya ee Tigray, saameyn xun kuma yeelan doono mustaqbalka Itoobiya oo kali ah, balse waxaa uu saameyn halis ah ku yaalanayaa dalalka dariska al ah. The post Jabuuti oo khasaare xoogan kala kulantay DAGAALKA ka socda Ethiopia (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  5. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Sabtida ku soo wajahan Garoowe ayaa ka codsaday labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland in aysan kala tegin inta uu ka imaanayo si ay shir wadajir ah u yeeshaan. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku sii sugnaan doona Garoowe inta uu ka imaanayo Ra’iisul wasaare Rooble waxaana lagu wadaa in Ra’iisul wasaaruhu Shir gaar ah la yeesho Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland. Shirka ayaa sida wararku sheegayaan looga hadlayaan Arrimaha ku saabsan Doorashada gaar ahaanna Doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo Sabtida ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo loo yaqaan Dhagey Geelle ayaa 15-kii bishan qaaday tallaabo lama filaan oo uu uga tegay kursigii Aqalka Sare ee uu ku guuleystay bishii August, sida ku cad warqad uu u diray madaxweyne Qoor Qoor oo maanta soo shaac baxday. Yuusuf Geelle oo sharxaya sababta uu kursiga uga tegay ayaa qoraalkiisa ku yiri “Anigoo dareensan mas’uuliyadda iga saaran dalka, gaar ahaan Galmudug oo aan matalo iyo reerka aan kursiga xisaabtooda ku fadhiyay, anigoo raba in bulshadu kuwada qanacdo hab maamulka madaxda Galmudug, anigoo jecel in la daaweeyo dhammaan walaallaha kursigan ka dhaxeeyo, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kursigii Aqalka Sare ee dib la iigu doortay 12-kii bishii August ee sanadkan, si aan tolkeyga dhexdiisa uga abuuro jawi siyaasadeed oo caafimaad qaba.” Caasimada Online ayaa ogaatay in is-casilaadda Yuusuf Geelle ay ugu wacan tahay xiisad iyo dood dhowaanahan ka dhex jirtay beesha Duduble oo ku aadan hab qeybsiga shanta kursi oo ay ku leeyihiin baarlamanka (Afar golaha shacabka ah iyo hal aqalka sare ah.) Jufada hoose ee uu kasoo jeedo Yuusuf Geelle ayaa isku haysatay laba kursi oo mid uu ku fadhiyey Yuusuf Geelle, halka mid kale oo ah golaha shacabka ay ku fadhiso Ikraan Aadan Absuge. Kadib markii Yuusuf Geelle uu ku guuleystay kursiga Aqalka Sare markii labaad, ayaa waxaa dood culus ay dhex-martay beesha Duduble, waxaana lasoo jeediyey in jufada Yuusuf Geelle ay sanadkan ka tagto kursiga golaha shacabka. Yuusuf Geelle ayaa kadib jufadiisa kala hadlay arrintan, hase yeeshee, sida aan xogta ku helnay waa ay ku gacan seereen, taasi oo keentay in Yuusuf Geelle uu isaga tago kursiga Aqalka Sare si loogu qanciyo jufooyinka kale. Yuusuf Geelle oo ah nin magac iyo sumcad ku dhex leh beesha, sidoo kalena ah reer Ugaas, ayaa khalad u arkay in kursigiisa uu cuqad iyo xiisad ka dhex-abuuro beesha Duduble. Yuusuf Geelle ayaa hadda qorsheynaya inuu u tartamo kursiga #HOP26 ee golaha shacabka oo ay ku fadhiso Ikraan Aadan Absuge. The post Xog: Xiisadda beeleed ee keentay in Yuusuf Geelle uu iska casilo Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu kulan la yeeshay Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Kulankan Madaxweynaha iyo Suldaan Cabdillaahi, hase yeeshee, sida warar Xogogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Saxansaxo, Kulan oo dhawr qodob lagaga wada hadlay, ayaanay wax natiijo ahi ka soo bixin, ka dib markii Suldaan Guud ka cudur daartay qodobo Madaxweynuhu u soo bandhigay inuu kala shaqeeyo. Kulankan oo toddobaadkan qabsoomay, ayaa la sheegay inuu ka soo shaqeeyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa qodobada uu Madaxweyne Biixi uu u soo bandhigay Suldaan Cabdillaahi inuu kala shaqeeyo, waxa ka mid ahaa kala reebista Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi oo labaduba shaaciyey in ay u tartamayaan Guddoomiyenimada Kulmiye iyo qodob kale oo la xidhiidhay sidii dib loogu soo celin lahaa Kalsoonida Salaadiinta Bariga Burco iyo Madaxweynaha.labada Wararku waxa ay intaasi ku dareen in Suldaanku u sheegay Madaxweynaha in aanu arrimahaasi waxba kala qaban karin, maadaama oo labada masuul ee uu doonayo inuu kala reebo ay yihiin shaqaalihiisa amma masuuliyiinta uu maamulo, oo ay tahay hawl isaga u taalla. Halka qodobka kalena, uu Suldaanka tilmaamay in muddo laba sanno ah uu hawlo caafimaad iskaga mashquulsanaa, isla maarkaana aanu wakhtigan diyaar u ahayn inuu hawlahaasi galo, oo uu xaalad caafimaad iska jiro. Waxa kale, oo uu Suldaanka ka dhawaajiyey in uu Suldaan u yahay bulsho Mucaarad iyo Muxaafidba isugu jirta oo aanu diyaar u ahayn in uu galo arrimo siyaasaddeed oo lagu kala qaybsan yahay. Source
  8. Muqdisho (Casimada Online) – Doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan soo idlaatay, iyadoo dhinaca kale laba kursi laga doortay midda Golaha Shacabka. Inkasta oo ay doorashadu daahday, haddana Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu u muuqdaa nin awoodiisa dhan isugu geeyey inuu ka dhabeeyo geedigaan doorasho. Mucaaradka oo si weyn uga careysan inay doorashadu daahday, dhinaca kalena laga aamisan yahay inay dhaqaale la’aan ku dhacday, ayaa hadda ka fakaraya inay abuuraan mowjad cusub iyo qalqal amni. Waxaa bannaanka usoo baxday inay ka fakarayaan dhismaha gole kumeel gaar ah oo dalka gaarsiin kara doorasho guud, sida ay iyagu qabaan, balse aan faham fudud laga heysan, sida ay suurtagalka ku noqon karto. Inuu gaabis doorasho jiro waa muuqataa, dhinaca kalase waxaa la dafiri karin inay doorashadii socoto oo Aqalkii Sare lasoo doortay, golihii shacabka ayaa sidoo kale laba xubnood laga doortay. Todobaadkaan gudihiisa waxaa la iclaamiyey doorashada sagaal kursi. Ra’isul wasaare Rooble ayaa kala hadlay maamulka Galmudug inay doorashada dadajiyaan oo kuraasta ugu horeysa la iclaamiyo iyo in madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’isul wasaaraha ay ku heshiiyeen in doorashada Golaha Shacabka deg deg loo qabto ayaa kamid ah waxyaabaha aan la dafari karin ee muujinaya in doorashadu dhaqaaqday. Markii xaaladahaas la akhriyo waxaa muuqata rajo doorasho, taas oo dili karta, beenin karta ama hor istaagi karta inuu shaqeeyo qorshaha ay mucaaradka mar labaad kaga fakarayaan gulufkii Badbaadi Qaran. Tan iyo markii uu soo baxay qorshaha cusub ee Midowga musharixiinta mucaaradka, su’aasha ugu badan ee la is waydiinayo waa cidda ay mucaaradka u socdaan, Ra’isul wasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada. Rooble wuxuu gacan buuxda ku leeyahay oo xafiiskiisa si dhow ula fal galaa doorashada Gobollada Waqooyiga, si fudud ayuuna aqalkoodii sare ku qabtay, doorashadoodii Golaha Shacabka waa bilaabatay, waxaana la sheegayaa inuu Ra’isul Wasaare Rooble uu rabo in seddaxda todobaad ee soo socota gudahooda uu ku soo afjaro doorashada kuraasta reer Woqooyiga. Dhanka maamul Goboleedyada doorka Ra’isul wasaare Rooble waa kaliya cadaadis, waxaana la rumeysan yahay in safarkiisa Dhuusamareeb uu kamid yahay cadaadiska uu ku doonayo in la dadajiyo doorashada, wuxuuna sidoo kale tagi doonaa, sida xogta sheegeyso Gobolada kale, si uu maamul kasta ugu cadaadiyo inay doorashada qabtaan. Wax intaas ka badan oo uu sameyn karo Ra’isul wasaare Rooble ma jiraan. Waxaa laga wada dharagsan yahay in cidda doorashada ku fadhisa, diidan ee dibin daabiyada wado inay yihiin madaxda maamul Goboleedyada, haddaba mucaaradka waxaa laga sugayaa inay xaqiiqada wajahaan. Sida ay wararku sheegayaan xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka rajo sii dhimaneysa ayey madaxda maamulada qaar ka leeyihiin. Haddii xubnaha mucaaradka ku guuleystaan inay sameeyaan Badbaado Qaran 2 meesha ay dhibaatadu saameyn karto waa magaalada Muqdisho, balse Muqdisho ma ahan meesha ay hadda u xayiran tahay doorshada, sidoo kalena xukuumadda wax badan kuma xayirna dhankeeda. Maadaama gulufka cusub ee Badbaado Qaran uusan ka shaqeyn karin Kismaayo, Dhuusamareeb, Baydhaba, Jowhar iyo Garoowe, waxaa loo arkaa inay mucaaaradka ku rafanayaan meel cidla ah. Illaa hadda xubnaha mucaaradka farriimo adag uma dirin madaxda maamul Goboleedyada oo sida muuqata ku fadhiya doorashada, sidoo kalena ma aysan bogaadin Ra’isul wasaare Rooble oo u muuqda inuu kaligiis doorasho doon yahay, taas oo si weyn u daciifin karta toogashada mucaaradka, sidoo kalena xiisaha ka qaadi doonta qorshahooda cusub oo ay rabaan inay ku dhisaan Gole Qaran oo kumeel gaar ah. Inkastoo ay jiraan xubno mucaaradka ka mid ah oo geediga doorashada ku qanacsan, haddana dhinaca kale waxaa muuqata in madaxda maamullada aynan weli daacad ka aheyn in dalka laga gudbiyo xilligaan adag. The post Mucaaradku ma Rooble ayey u socdaan mise madaxda gobolleedyada? appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweyne Muuse Biixi & wefti uu hogaaminayo oo Safar Ugu Baxay Berbera Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo Safar shaqo maanta kaga ambobaxay caasimadda Hargeysa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyinka Dacar-budhuq, Abdaal iyo tuulooyinka kale, waxana ay gaadheen laguna qaabiley magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre) xubno ka tirsan golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo madax kala duwan oo xukuumadda katirsani, ayaa markii ay gaadheen magaalada Dacar-budhuq ee xarunta degmada Laasgeel, waxa halkaas soo dhaweyn diirran ugu sameeyey shacabka reer Dacar-budhuq oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ay hoggaaminayaan masuuliyiinta degmadu, waxana uu madaxweynuhu halkaas ka jeediyey khudbad uu shacabka ugaga mahadnaqayo soo dhaweynta waddaniyaddu ka muuqato ee ay ku qaabileen. Dadweynaha degmada Abdaal, ayaa iyaguna markii ay madaxweynaha iyo weftigiisu soo gaadheen si mug leh halkaas ugu soo dhaweeyey, waxana ay ku qaabileen wejiyo farxad leh oo ay ka muuqato taageero iyo niyadsami waddaniyad huwani. Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa markii ay gaadheen magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxa halkaas soo dhaweyn aan kala hadh lahayn ugu sameeyey qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay hormuud u yihiin maamulka gobolka Saaxil, xildhibaanno iyo siyaasiyiin gobolka kasoo jeeda, waxana madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay hareero socdaan Boqollaal dadweyne ah oo soo dhaweeyey socod lug ah ku mareen shaaracyada waaweyn ee magaalada Berbera. Wabilaahi awfiiq Qaran News
  10. Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa sheegay in ay walaac xoog leh ka qabaan dib u dhaca isdaba-joogga ah, daahfurnaan la’aanta iyo daaha ula kaca ah ee doorashooyinka federaalka Soomaaliya. Golaha oo saaray war-saxaafadeed ayaa tilmaamay in xaaladda uu dalku ku sugan tahay aysan ahayn mid xamili karta doorasho loo daahiyo dano gurracan ama la boobo, taasina ay horseedi karto xaalad cakirnaan iyo colaad sokeeye. Goluhu wuxuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu tixgeliyo kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadeed siiyeen, mas’uuliyadiisana uu si dhab ah uga soo dhalaalo. Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyay Lix (6) qodob oo kala ah: 1- In la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda billawga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda. 2- In ay doorashu noqoto mid si daahfurnaan leh ku dhacda, loona madaxbanneeyo odayaasha dhaqanka beesha kursiga ku astaysan soo xulista ergada, fursad simanna loo siiyo tartamayaasha oo idil, goobta doorashadu ka dhacaysana loo sinnaado. 3- Madaxda Dowlad Goboleedyadu waxay awood u lahaayeen magacaabista kuraasta Aqalka Sare. Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba waxay marag ka ahaayeen sidii loogu takrifalay doorashadii Aqalka Sare marka laga reebo meelo kooban. 4- Goluhu wuxuu ka dhigayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in la boobo doorashada kuraasta Golaha Shacabka. Dalkeenu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, doorasho la boobana natiijadeedu waa colaad sokeeye, sidaas darteed waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa boobka doorashada. 5-In la helo korjoogto ka socota bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, si loo hubiyo hufnaanta doorashada. 6- Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin. PUNTLAND POST The post Midowga Musharaxiinta oo war ka soo saaray doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saraeen uga horyimid qaabka loo wado doorashada golaha shacabka, waxayna ka digeen cawaaqibka ka dhalan kara haddii xaaladda ay sidan ku socoto. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Golohu wuxuu dadaal xooggan ku bixiyey in uusan muddo kororsi dalka ka hirgelin, wuxuuna weli u taaganyahay in uu hor istaago muddo kororsi dadban iyo doorasho boob ah, taasoo baalmarsan dastuurka dalka, caddaalada iyo habraacyada doorasho. Xaaladda uu maanta dalkeenna ku suganyahay ma aha mid xamili karta doorasho loo daahiyo dano gurracan ama la boobo, sababtoo ah daaha doorashada ama boobka doorasho waxey dalka u horseedaysaa xaalad cakirnaan iyo colaad sokeeye. Goluhu wuxuu ku boorinayaa Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu dalka ku hoggaamiyo sida dastuurka waafaqsan oo ay dalka ka qabsoomaan doorasho xor iyo xalaal ah, daahfurnaan leh, waqtigooduna cayimanyahay. Ra’iisul Wasaaraha waa inuu tixgeliyaa kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadeed siiyeen, masuuliyadiisana uu si dhab ah uga soo dhalaalo. Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyay Lixdaan qodob. 1- In la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda billawga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda. 2- In ay doorashu noqoto mid si daahfurnaan leh ku dhacda, loona madaxbanneeyo odayaasha dhaqanka beesha kursiga ku astaysan soo xulista ergada, fursad simanna loo siiyo tartamayaasha oo idil, goobta doorashadu ka dhacaysana loo sinnaado. 3- Madaxda Dowlad Goboleedyadu waxay awood u lahaayeen magacaabista kuraasta Aqalka Sare. Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba waxay marag ka ahaayeen sidii loogu takrifalay doorashadii Aqalka Sare marka laga reebo meelo kooban. 4- Goluhu wuxuu ka dhigayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in la boobo doorashada kuraasta Golaha Shacabka. Dalkeenu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, doorasho la boobana natiijadeedu waa colaad sokeeye, sidaas darteed waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa boobka doorashada. 5- In la helo korjoogto ka socota bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, si loo hubiyo hufnaanta doorashada. 6- Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin. The post Murashaxiinta oo ka horyimid habka loo wado doorashada, dalbadayna lix qodob appeared first on Caasimada Online.
  12. Seattle, WA (Somali Bridge) - The Somali community in the greater Seattle area recently celebrated historic wins in this year’s elections. This year's elections brought out an unprecedented.... Source: Hiiraan Online
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey damaca madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ee ah inuu isku sharxo xilka madaxweynaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay xubno uu la hadlay. Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka baarlamanka Puntland, kulankaas oo qorshaha Deni lagu shaaciyey Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Madaxweyne, Siciid Deni uu yahay Musharrax u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana u baahan in la garab Istaago. Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka loogu yeeray in ay taageeraan Musharraxnimada Madaxweyne Siciid Deni, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada oo diiday in magacyadooda la xigto iyo qaar ka mid ah xubnihii ka qeyb galay kulanka. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Puntland iyo Jubaland ay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabayaan Doorashada Golaha Shacabka, balse wax faahfaahin ah ma raacin. Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka, ayaa soo dhoweeyay qorshaha Musharraxnimada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana ay u ballan-qaadeen taageero buuxda. Madaxweyne Siciid Deni kama hadin wax ku saabsan Musharraxnimadiisa balse wuxu sheegay in kulanku xiranyahay habeenka Jimcuhu soo galayana (Caawa) ay jirto Casha Sharaf lagu sagootinayo Madaxweyne Axmed Madoobe. Hoggaamiyaha maamulka Puntland waxa uu bisha January ee sanadka soo socdo u dabaal dagi doonaa seddex sano guurada kasoo wareegtay madaxtinimadiisa Puntland, waxaana markaas xafiiska uga harsan laba sano. Doorashada heer Federaal waa dhaafi doontaa xilliga uu Deni xusayo saddex guuradiisa, wuxuuna kamid yahay ragga xilligaan soo gaarsiiyey doorashada heer Federaal. Waxaa lagu eedeeyaa inuu dhowr xaaladood isku aadinayey. Saciid Deni waa musharax madaxweyne oo heer Federaal ah, dhowr bilood ka hor si qarsoodi ah ayaa loo dhihi jiray kalmadaas, laakiin muddooyinkii lasoo dhaafay si toos ah ayuu u bilaabay ololihiisa, wuxuuna soo saartay xildhibaano. Saciid Deni wuxuu ku doodaa haddii uusan tartamin inuu kursiga mar kale kusoo noqon doono madaxweynaha hadda talada ka dhammaatay ee Maxamed Cabdulalahi Farmaajo, taasoo ka dhigan inuu isku arko ninka qura ee Farmaajo ka hor istaagi kara kursiga. Isha: Puntland Post The post Xog: Axmed Madoobe oo si rasmi ah u xaqiijiyey damaca iyo qorshaha Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka Puntland. Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo kulanka hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in Madaxweyne, Siciid Deni uu yahay Musharrax u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana u baahan in la garab Istaago. Axmed Madoobe, wuxu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka loogu yeeray in ay taageeraan Musharraxnimada Madaxweyne Siciid Deni, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada oo diiday in magacyadooda la xigto. Mudane Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Puntland iyo Jubaland ay sida ugu dhakhsaha badan u bilaabayaan Doorashada Golaha Shacabka, balse wax faahfaahin ah ma raacin. Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka, ayaa soo dhoweeyay Qorshaha Musharraxnimada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana ay u ballan-qaadeen taageero buuxda. Ugu dambayn, Madaxweyne Siciid Deni kama hadin wax ku saabsan Musharraxnimadiisa balse wuxu sheegay in Kulanku xiranyahay Habeenka Jimcuhu soo galayana (Caawa) ay jirto Casha Sharaf lagu saagootinayo Madaxweyne Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay kulankii Xalay ka dhacay Madaxtooyada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  15. Once a formidable force that commanded the respect of the US, the Ethiopian army has suffered such heavy losses on the front lines that the government has taken the extraordinary step of calling on ordinary citizens to join the war against the Tigrayan rebels. It marks a dramatic change in the military’s fortunes. A year ago it ousted the Tigray People’s Liberation Front (TPLF) as the ruling party in the northern Tigray region – now the group’s fighters are taking towns on the way to the capital, Addis Ababa. “TPLF fighters first bled the army through guerrilla warfare in Tigray by carrying out hit-and-run attacks,” US-based Horn of Africa analyst Faisal Roble explains. “Then they went into combat to finish it off.” However, Achamyeleh Tamiru – an Ethiopian economist and political commentator – believes the TPLF’s advances are only “temporary”. “Ethiopians from all walks of life are rising to defend and salvage Ethiopia,” he said. The rebel force is made up of tens of thousands of fighters The tactics of the TPLF fighters remind former BBC Tigrinya editor Samuel Ghebhrehiwet of his life as a young Eritrean guerrilla who, alongside Tigrayans, fought Ethiopia’s Mengistu Haile Mariam regime until it was overthrown in 1991. They were “lightly armed, highly agile, living on survival food, and showing deep resilience and determination”. Eritrea went on to win its independence, while the TPLF took power in Ethiopia – though its political dominance came to an end in 2018 following mass protests. Its leaders retreated to Tigray from where the group fired the first shots in the current conflict in early November 2020 by launching an assault on a federal military base with the support of loyalists in the army – including commanders and soldiers – who then defected to its ranks. Not only was a huge stockpile of weapons seized, but high-ranking officers and soldiers who resisted were killed or captured in their thousands. “The night-time attack on the base has effectively created a vacuum that literally makes Ethiopia without a federal army,” Mr Achamyeleh said. However, the military – with crucial help from the Eritrean army, and forces and militias from Ethiopia’s Amhara region – overcame the setback, launching air strikes and a ground offensive that led to the TPLF being dislodged from power in Tigray in under a month. But, Mr Samuel said, as they committed widespread atrocities against civilians – including raping, killing and burning crops – Tigrayans from “all sections of society then joined the TPLF to protect their dignity”. “Parents told their children: ‘Rather than die at home go and fight.’ It became a war between the people of Tigray and the army – not just a war between the TPLF and the army.” Air strikes by Ethiopia’s military have caused many casualties in Tigray According to Mr Roble, former generals who had retired or defected went to Tigray’s mountains and caves to form the Tigray Defence Force (TDF) as the TPLF’s military wing to ensure that the tens of thousands of new recruits were well organised. “These generals felt it was their duty to protect the citizens of Tigray. With their inside knowledge of the army they plotted its defeat,” Mr Roble said. With Tigrayan fighters now less than 300km (185 miles) from the capital, it is clear they currently have the upper hand over an army that used to be one of the most powerful in Africa, he says. “Ethiopia was America’s number-one partner in the so-called war on terror in the Horn Africa, especially in Somalia, where it overthrew the Union of Islamic Courts[a precursor of al-Shabab]. America funded the military, armed it, and even supplied its soldiers with ready-to-eat meals,” Mr Roble said. “And the African Union relied on it for peacekeeping missions, but Ethiopia itself is now unstable and its military is a shadow of its former self.” Desertions and demoralisation Trouble for the TPLF began when Prime Minister Abiy Ahmed took office in April 2018 after huge numbers of people from Ethiopia’s two biggest ethnic groups – Oromos and Amharas – staged protests against its 27 years at the helm of government. Mr Abiy proposed sweeping reforms, causing deep rifts with the TPLF. “Tigrayans make up only about 6% of the population and when the TPLF was in power, it created a federal system which gave ethnic groups their own regional states,” Mr Roble said. “The TPLF felt Mr Abiy [an Oromo] wanted to centralise power. It caused a massive fall-out between them and eventually led to the war,” Mr Roble said. Alex de Waal, executive director of the US-based World Peace Foundation, said that Mr Abiy also set out to overhaul the military to ensure it was loyal to him, and to address concerns about Tigrayan dominance. “Tigrayans made up about 18% of the whole army, and about twice that in the officer corps. Their numbers were disproportionate compared to the size of the population. Mr Abiy started reforms to push out Tigrayans, and created an Emirati-trained Republican Guard loyal to him,” said Prof De Waal. “The changes demoralised the army, and it ceased to be a cohesive force. Mr Abiy did not have time to reconstitute it before the war started.” He said of the army’s 20 divisions, 10 – made up of about 5,000 soldiers each – had been routed, with at least 10,000 soldiers killed and a similar number captured. The BBC tried to get comment from the Ethiopian National Defence spokesman, but he did not respond. Human-wave attacks After recapturing most of Tigray in June, the TPLF launched an offensive in the neighbouring Amhara and Afar regions, while Mr Abiy called on all able-bodied Ethiopians to join the army and militias to help defeat the rebels. Like Tigrayans, Amharas have been victims of atrocities “To halt the Tigray advance, the army organised [in Amhara] human-wave attacks by peasants, students and urban youth. They were passionate to defend their land but they only had basic training of a few weeks, and would charge TDF positions,” Prof De Waal said. “Sometimes, the second wave wouldn’t even have guns. Thousands of them – possibly even tens of thousands – were killed by the TDF.” “It creates a complicated human rights situation because it blurs the distinction between combatant and civilian. It also increases animosity between people – in this case Amharas and Tigrayans – and makes it more difficult to achieve peace and reconciliation.” Mr Achamyeleh disputes this was a tactic, saying young men had to defend communities under attack from the rebels when no troops were around. “They could not sit at home idly when the TPLF was going door-to-door to hunt down Amharas, massacring mothers and raping their daughters.” In the latest move to regain the initiative, the federal government declared a state of emergency, giving it the power to conscript “any military age citizen who has weapons” and recalling retired officers to duty. The Amhara regional government also announced its own measures, ordering the closure of all government offices and asking citizens to make their vehicles available. Prof De Waal said the moves were unlikely to be effective. “They can mobilise large numbers but the command-and-control structure of the army has disintegrated. An army is an institution built over years, with common purpose, common doctrines, and common practices.” But Canada-based security expert Ann Fitz-Gerald believes the TPLF fighters have suffered much higher losses, saying it was the TPLF that was using “human waves” as a desperate measure to seize control of strategic routes and to acquire negotiating power. The military is currently holding its position, Prof Fitz-Gerald says, with local reports suggesting that it has thwarted 12 attempts by the TPLF to take Mille – a town close to the road that leads to the ports of Djibouti – access which is vital for the landlocked country. Negotiation not capture The TPLF is also involved in an offensive aimed at putting Addis Ababa – which has a population of more than five million – under siege. Thousands of Ethiopian soldiers have been captured by the rebels “The TPLF wants to put the government under pressure to negotiate. I don’t think they will enter Addis Ababa. They are very unpopular there,” says Mr Samuel. Prof De Waal says the government faces a “military defeat, but the TPLF cannot claim victory because winning is political. “They need support and the co-operation of a sufficient number of political actors, which they do not have. “So there will have to be negotiations, and the TPLF’s focus will be on securing the future of Tigray.” Source: BBC The post Ethiopia’s Tigray conflict: How the TPLF has outflanked the army appeared first on Puntland Post.
  16. Ujeedada Kulan Komishanka Doorashooyinka S/land la yeesheen Hogaanka Sadexda Xisbi Ucid,Waddani & Kulmiye Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay Hogaanka Saddexda Xisbi qaran ee Somaliland. Komishanka Doorashooyinka ayaa sheegay in Bisha 1aad ee Sannadka 2022 ay bilaabayaan hawlihii doorashada madaxtooyada gaar ahaana hawlihii Diwaan galinta. Sidoo kale kulan-kan intii uu socday waxaa laysla qaatay in Saddexda Xisbi Ay Safar ugu baxaan magaalada Nairobi si ay ulasoo hadlaan Deeq bixiyeyaasha. Qaran News
  17. Maxaabiistii Kenya ka baxsatay oo la qabtay iyagoo Soomaaliya ku sii jeeda Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay gacanta ku soo dhigeen saddex qof oo ku lug lahaa dambiyo argagaxisnimo oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo. Raggaan ayaa laga soo qabtay keymaha Enzio ee Mwingi iyagoo ku sii jeeda Soomaaliya. Maxaabiistan baxsatay ee hadda dib lo soo qabtay waxaa ka mid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xukunaa 41 sannooo loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof. Waxaa sidoo kale la soo qabtay Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarlamaanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo horraan lagu qabtay magaalada Beledxaawo ee ku xadka Soomaaliya iyo Kenya si uu ugu biiro Al Shabab. Raggani ayaa waxaa hadda loo soo wadaa Nairobi si dib loogu celiyo xabsigii ay ka baxsadeen. Toddobo kamid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray kadib markii saddex maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi. Seddaxda rag ee la soo qbatay oo ku sugan Mwingi Arbacadii madaxweynaha Kenyatta , Uhuru Kenyatta ayaa shaqada ka eryay taliyaha xabsiyada dalkaas, Wycliffe Ogallo. Wuxuu magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo John Warioba. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay laamaha amniga in ay adeegsadaan wax kasta oo ay awoodi karaan si loo soo qabto maxaabiista. Shaqada ka eryidda sarkaalkan ayaa imaaneysaa xilli Kenya ayaa ku raad joogto maxaabiis ka baxsatay xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kamiti. Qaran News
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay dib gacanta ugu dhigtay saddex maxbuus oo loo heesto falal la xiriira argagixisanimo oo Axadii lasoo dhaafay ka baxsaday xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kamiti ee ku yaalla Nairobi. Ciidamada Booliska Kenya ayaa eedeysanayaashan oo baxsad ahaa ku qabtay bariga dalka Kenya, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Kenya. Raggan ayaa waxaa xilliga la qabanayey la sheegay in ay doonayeen inay usoo baxsadaan dhinaca Soomaaliya, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya. Saddexda nin oo uu mid ka mid ah yahay Soomaali ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cali Abiikar, Musharraf Abdalla iyo Joseph Juma. Maxamed Cali ayaa waxaa lagu helay inuu ka qeyb qaatay weerarkii 2015-kii ee Jaamacadda Gaarisa, kaas oo lagu dilay 148 qof, halka mid ka mid ah ragga kale ee la soo qabtay oo la xiray 2012-kii lagu eedeeyay weerar lagu fashiliyay baarlamaanka Kenya Sidoo kale eedeysanaha saddexaad ayaa isna loo heestaa inuud doonayey ku biirista kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo sidoo kale wadanka Kenya. Baxsashada raggan ayaa xiisad weyn ka dhex abuurtay dowladda kenya, waxaana ay keentay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu shaqada ka eryo taliyihii xabsiyada dalkaasi Wycliffe Ogallo, wuxuuna u magacaabay taliye cusub oo la yiraahod John Warioba. Si kastaba, eedeysanayaasha ayaa haatan loo soo gudbin doonaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, si dib loogu celiyo xabsiga. The post Maxaabiistii Al-Shabaab lala xiriiriyay ee ka baxsaday Kenya oo laga soo qabtay… appeared first on Caasimada Online.
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa weerar afka ah ku qaaday Ahlu Suna Waljamaaca. Rooble ayaa marka hore soo hadal qaaday shaqaaqooyinkii iyo dadaalladii dhowaan ka dhacay Galmudug, kadib dib u soo rogaal celintii xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay inuu aad uga xun yahay in xilligan arko Galmudug dad caqabad ku ah horumarkeeda iyo midnimadeeda, sida uu hadalka u dhigay. “Sidaad la socoteen Galmudug caqabado yaryar ayaa qabsaday isbuucyadii u dambeeyey, taasoo ay keeneen kooxo ama group aan ka shaqeynin nabadda runtiina aad ayaan yga xumahay in Galmudug lagu dhex arko dad carqalad ku ah midnimada, dowladnimada iyo jiritaanka Galmudug,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ku goodiyey in dowladda Soomaaliya ay ka hortagi doonto cid kasta oo isku deyda inay carqaladeyso Galmudug, ayna ku qaban doonto gacan bir ah. “Haddaa nahay dowladda federaalka waxaan naga go’an cid kasta oo isku deydo oo Galmudug ku deydo inay caqabad ku noqoto jiritaankeeda, kana hortimaada midnimada iyo dowladnimada Galmudug inaan gacan bir ah ku qabano,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Ugu dambeyn Rooble ayaa xusay in dowladda federaalka aha aysan aqbali doonin cid kasta oo ka hortimaada nabadda Soomaaliya, isla-markaana ay ka hortagi doonaan. Dowladda Soomaaliyeed ma aqbaleyso, mana aqbali doonto cid kasta oo ka hortimaada nabadda Soomaaliya,” ayuu markale yiri ra’iisul wasaaruhu. Hadalkan ayaa ku soo aadayao, iyada oo dhowaan dagaallo u dhexeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug ay ka dhaceen Guriceel, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burur, waxaana Ahlu Sunna ay ku sugan tahay duleedka Dhuusamareeb. The post Daawo: ROOBLE oo weerar culus ku qaaday Ahlu-Sunna appeared first on Caasimada Online.
  20. MOGADISHU (HOL) - Three donor countries have demanded that Somalia meets two conditions before it releases additional funding for the upcoming Lower House elections. Source: Hiiraan Online
  21. Wasiir Cali Mareexaan oo eryay Maareeyihii Wasaarada Biyaha Burco,Mid cusubna magacaabay Qaran News
  22. Madaxweynaha Mareykanka Joe Bidden ayaa kaxeeyey markii ugu horeysay gaadhi koronto ku shaqeeyo oo lagu sameeyay gudaha Mareykanka,M/weyne Biden ayaa sheegay in mustaqbalka la kaxaysan doono gaadiidka korontada ku shaqeeya. Waxay u eegtay in laga maarmi dooni shidaalka Gacanka Carabta , Meelo Aasiya ka mida , Afrika iyo Latin America laga soo saaro Qaran News
  23. Guddoomiyihii hore ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa saaka xafiiska ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga WADDANI ee lagu soo doortay Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan. Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa si rasmi ah xilkii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ugu wareejiyay Mudane Xirsi Cali X Xasan oo ah Guddoomiyaha Cusub ee Xisbiga WADDANI, isla markaana ugu duceeyay in uu Alle u fududeeyo xilka Guddoomiye-nimo ee Xisbigu u doortay. Qaran News