-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxa fashil ku dhammaaday waan-waan saacadihii la soo dhaafay xildhibaanno ka tirsan Galmudug ka dhex wadeen xukuumadda Galmudug iyo Culimada Ahlusunna. Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in waan-waantu fashilantay kadib markii xukuumadda Galmudug shardi ka dhigtay in marka hore xoogagga Ahlusunna laga saaro magaalada Guriceel kadibna wada-hadalka la bilaabo. Xildhibaanno ku hawllanaa waan-waantaas ayaa laga soo xigtay in ay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo xallin lahaa xiisadda balse gebi ahaanba lagu fashilmay dhex-dhexaadintii socotay . Labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna ayaa maalmihii u dambeeyay ku jiray abaabul ciidan iyo hub urursi iyadoo mar kasta laga cabsi qabo in dagaal ka dhex qarxo. PUNTLAND POST The post Waan-waantii u dambaysay ee laga dhex waday Galmudug iyo Ahlusuna oo fashilantay appeared first on Puntland Post.
-
Taliy ku xigeenkii hore ee hay’adda Sirdoonka dowladda Federaalka ee NISA Gen. Cabdalla Cabdalla ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay mas’uul ka yihiin khilaafka iyo xiisadda u dhexaysa Galmudug iyo Ahlsunna. Gen. Cabdalla ayaa sheegay in Fahad iyo Farmaajo hurinayaan xiisadda colaadeed ee Galmudug ka aloosan si ay carqalad u geliyaan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. “Dagaalka Galmudug waa qorshe Fahad iyo Farmaajo ay ku doonayaan inay doorashooyinka ku carqaladeeyaan” ayuu yiri Cabdalla. Sidoo kale, wuxu ku baaqay in xoogagga Ahlusunna laga daayo hor istaagga islamarkaana loo fasaxo in ay Al-shabaab ka saaraan dhulka Galmudug. “ASWJ waxay u socdaan inay Al-Shabaab la dagaalamaan ee haloo fasaxo, doorashooyinkana ha socdaan.” PUNTLAND POST The post Gen. Cabdalla: Fahad iyo Farmaajo ayaa hurinaya colaadda Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Daahir Maxamed Geelle ayaa markii u horeysay ka hadlay inay dhici karto in Golaha Midowga Musharaxiinta ay ku midoobaan hal musharax, si ay ugu soo baxaan xilka madaxtinimada. Musharax Daahir ayaa sheegay in marnaba aysan dhici doonin in Golaha uu iska soo hormariyo musharax ay ku mideysan yihiin, islamarkaana waxa kali ah ee hadda isku hayo uu yahay in doorasho uu aado dalka. “Waxaa ka mideysanahay doorasho hufan oo dhibaato ka dhicin, barnaamij doorasho oo nin midka kale la wadaagay majiro, kursiga madaxtinimada in loo tartamo ayaa ku midownay mooye majiro nin aan wadano oo soo hormarineyno,” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle. “Marka waqtiga soo dhawaada laga yaaba in dadka qaar (musharaxiinta) ay is kaashadaan laakiin barnaamijdeena doorashada waa kala gedisan yahay oo tartan ayaa dhexdeena ka jira.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha ay ku midoobeen Musharaxiinta Mucaaridka uu ujeedkooda ugu weyn yahay in dalka ka dhacdo doorasho daahfuran oo cadaalad ah, loona dhan yahay. “Midkasta oo anaga naga mid ah waxa uu rabaa in uu barnaamijkiisa idiin sharaxo oo idinka (dadka Soomaaliyeed) ay go’aan ka gaaran qofka hogaamin doona dowladnimada.” Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa inta badan ka mideysan mucaaradnimada dowladda iyo mowqfiyada xaaladaha siyaasadeed, hase yeeshe arrintaan ayaa sii xoojineysa in dhexdooda uu ka jiro xifaaltan siyaasadeed oo adag. The post Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ma waxay ku midoobayaan hal musharax? appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo xiisad dagaal kadib markii xoog lagu qabsaday xaruntii maamulka degmadaas. Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) iyo ciidamo uu wato ayaa xoog ku qabsaday xaruntii maamulka degmada sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Tallaabadaas ayaa sida la sheegayo waxa ka dhashay xiisad dagaal iyadoo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degmadaas laga soo xigtay in ay wada-hadal ugu tagayaan mas’uulka xoogga ku qabsaday xarunta. PUNTLAND POST The post Xaruntii degmada Garbahaarrey oo xoog lagu qabsaday iyo xiisad ka taagan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaarey waxaa ka taagan xaalad ka dhalatay, kadib markii ciidan uu wato Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) ay xoog ku galeen Xarunta Degmada, taas oo aad mooddo inay ku kala qayb samayn Saraakiisha Ciidamada qaarkood. Macalimuu oo Isniintii shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Degmada ayaa sheegay inaanu Gobolka Gedo lahayn wax Gudoomiye ah, isagoona Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ugu baaqay inuu isaga usoo magacaabo Gudoomiyaha Gobolka, si shaqadii gobolka uu u dardargeliyo. Axmed Buule Gareed, Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii ugu dambeysay deegaan ka sameystay Degmada Doolow, qaybta Itoobiya, waana taa midda keentay in Gudoomiyihii hore uu sheego inaanu gobolku lahayn Gudoomiye. Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inaanay waxba ku kala duwanayn Gudoomiyihii hore iyo kan maanta xilka ku magacaaban. “Qoom haddii Ilaahay masiibo la damco, masuuliyiin xun xun baa la daba dhigaa, waa niman ah xamaaliyiintii dowladaha deriska laga soo bilaabo 1997-2020. Niman Addis Ababa iyo Nairobi laga soo carbistay bay nimankaasi ahaayeen. Niman caan ku ah xumaanta baa gobolka looga dhigay Gudoomiye, dadkuna waxay is weydiinayaan Macalimuu iyo Canjeer Buulle Gareed kee baa fiican,” ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xirsi oo Warbaahinta gudaha la hadlay. Aadan Rufle oo dhaliilay Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa yiri “Saddex nin baa Calanka xorta ee buluugga ah inay qaataan idin u qabto oo guriga iyo gaarigaba ay ku xirato, waa Madaxweynaha, Danjire iyo Gudoomiye Gobol. Calankii Wakiilka Madaxweynaha ee Gobolka Gedo wuxuu u hoydaa Dolow Addow. Marka ma Gudoomiyihii Gobolkaa baxsaday oo dal kale isku dhiibay mise dalkayagii baa dal kale loogu daneeyaa? Dadka reer Gedo intaasaa weydiinayaa.” Aadan Rufle oo sii dhaliilaya Gudoomiyaha Gobolka ayaa yiri “Saddex qodob buu ku sifoobay, lagu ababiyay, ku qaangaaray, shaqadiisana ay tahay, waana madiidin cadowga u adeeggo, musuq-maasuq iyo masuuliyad xumo. Militariga Itoobiya baa sanadkii 2000 ka dhigay Gudoomiyaha Degmada Luuq. 2000 illaa 2020 shan jeer buu noqday Gudoomiyaha Degmada Luuq, laba jeer buuna noqday Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo markii labaad ay dowladda hadda Macalimuu ku bedeshay. Intaaba ababintiisu waxay ahayd canshuurta Degmooyinka Gobolka Gedo laga qaado iyo mucaawinada caalamka uu keeno ama ay dowladda ku deeqdo inuu u geeyo Saraakiil Sirdoon dal kale ah, habeenkiina lagula hoydo dal kale.” Korneyl Rufle oo ka jawaabayay hadal uu Macalimuu ka sheegay shirkiisii jaraa’id ayaa yiri “Macalimuu wuxuu sheegay xoogaa mashaariic ah inay ku murmayn Axmed Madoobe iyo dadka reer Gedo, ee wax xumaana iyo wax dhibaato ah oo Axmed Madoobe iyo dadkaa u dhaxeeyay aanay jirin. Markaan dadka reer Gedo ama aan heyb kaga hadlo Jubbooyinka waxaa weeye marsadii Kismaayo iyo Kudhaa, meeraqyada Waamo halka cadowga muushka u degay iyo marinka Nairobi, marwo iyo wixii mudaneyaal meyd is garab yaalay oo magaca reer Sade ah oo cadowgu maansheeyay, mag iyo aar midaan uga gam’o ima soo marin. Dadkaas dadkii laga laayay, hooyooyinkii oo ilmada shubaayo iyo hablihii oo aseey leh baa Garbaharey jooggo.” Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaa ayaan-darro ah inuu wiil xamaali u ah cadowgu uu ka dhex yiraahdo Garbahaarey ereygaas, wax la qaadan karo maaha, mana aqbali doono.” Rufle ayaa dadka reer Garbahaarey iyo Saraakiisha Ciidamada ugu baaqay inaanay la kala safan Macalimuu iyo Gudoomiye Gareed, haddii labaduba aanay ka shaqaynayn sida uu yiri danta dalka iyo dadka. The post Xiisad ka taagan gobolka Gedo kadib markii ay ciidanka Macallimuu xoog ku galeen… appeared first on Caasimada Online.
-
His Highness the Amir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani met Tuesday at his Amiri Diwan office with Somalia's Prime Minister Mohamed Hussein Roble, and his accompanying delegation, on the occasion of their visit to the country. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa amar culus dul-dhigay maamullada iskuullada ka howlgala deegaanada maamulkaas, iyadoo laga dalbaday inay canshuurta bixiyaan, waxaana maamulayaasha iskuullada loogu goodiyey in sharci adag la marsiin doono, hadii aysan bixin canshuurta dowladda. Abgaal oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa macalimiinta iskuullada ka dalbaday inay canshuurta dowladda iska dhiibaan, isagoo hadii ay bixin waayaan ku sifeeyey inay Al-shabaab lamid yihiin. “Waxaan leenahay maamulayaasha iskuullada qofkii canshuur-diide noqda, waxa uu noola mid yahay Al-Shabaab, ninka canshuurta sharciga ah diida iyo ninka Shabaabka ah ee dadka masaajidka ku dilaya waa isku mid, sababtoo ah askariga difaaca ku jira hadii canshuurta la diido mushaar ayuu weynayaa, sababteedana waxaa yeelanaya ninka canshuurta diiday, marka muxuu ninkaas Shabaab uga duwan yahay?” ayuu yiri Wasiir Shire. Wasiirka ayaa sheegay inay sharciga la tiigsan doonan maamulkiisa iskuulkii isagoo ku doodaya canshuurbaa nala weydiiyey ardaydiisa kala dira, “Waxaan heynaa magacyada maamulayaasha sidaas ku goodinaya, sharciga ayaana la tiigsa doonaa, hadii ay qaadaan tallaabadaas,” ayuu yiri. Wasiir Xasan Shire ayaa carabka ku adkeeyey in qofkii canshuurta diida oo bixin waaya uusan dowladnimo rabin, taas oo sida uu sheegay lamid dhigeysa Al-Shabaab oo aan dowladnimo rabin. “Ninkii canshuurta diida waa nin Al-Shabaab garab siinaya, anagu sidaas ayaan u aqoonsaneynaa,” ayuu hadlkiisa ku sii daray wasiirka maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal. The post ABGAAL oo soo rogay amar culus oo cidii fulin weysa lagu calaameynayo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Gabadh iska soo tuurtay Fooq Magaalada Muqdisho+Sababta Dhacdo naxdin leh ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Waaberi kadib markii gabadh ay iska soo tuurtay dabaq. Gabadhaan oo aan weli la helin magaceeda ayaa da’deeda lagu sheegay illaa 20 jir, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan sababta ay gabadhaan isku soo tuurtay. Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in gabadhaan ay aheyd shaqaale ka shaqeeneysay guri dabaq ah oo ku yaalla degmada Waaberi. Gabadha oo uu soo gaadhay dhaawac halis ah ayaa waxaa hadda lagu daweenayaa mid kamid ah Cisbitaalada Magaalada Muqdisho, waxaana xaaladeeda caafimaad lagu sheegay mid halis ah. Sababta ay isku soo tuurtay ayey dadka deegaanka ku sheegeen inay tahay arrimo la xidhiidha jacayl ay u qabtay wiil ay saaxiibo ahaayeen, balse warkaas lama xaqiijin karo illaa gabadha la wareysto. Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya inay gabadhaan isku soo tuurtay culeys ka heystay dhanka qoyskeeda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Ma ahan markii ugu horeysay oo falal noocaan ah ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho, waxaana bilahan danbe dhisme dhawr ah dabaq laga soo tuuray gabadh isla degmada Waaberi. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ururka saxafiyiinta caalamiga ah ee daba-galka oo magaciisa loo soo gaabiyo ICIJ, fadhigiisuna yahay magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka, ayaa Axadii todobaadkaan shaaciyey dokumentiyo maaliyadeed oo muujinaya sida ay madaxda caalamka hantida ugu qarsadeen dibadaha. Dukumentiyada uu ururku soo bandhigay, oo laga helay magacyada dad u kala dhashay 91-dal, ayaa waxay kashifayaan musuqa illaa 35 hoggaamiye oo isugu jira kuwo hadda xilal haya iyo kuwo horey xilal u soo qabtay. Qiyaastii 11.9 milyan oo document oo la dusiyey, isla markaana uu helay ururka suxufiyiinta caalamiga ah ee daba-galka ee ICIJ, ayaa la daabacay Axadii, waxaana warqadahaas oo loogu magac daray “Pandora Papers” ay shaaca ka qaadeen hantida ay dibadaha ku qarsadeen boqolaal siyaasiyiin iyo bilyaneero ah. Hoggaamiyaasha liiskaan kasoo muuqday waxaa ku jira madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Madaxweyne Uhuru oo 59-sano jir ah, waxuu muddooyinkii la soo dhaafay isu muujiyey inuu xooga saarayey la dagaallanka musuq maasuqa. Si kastaba ha ahaatee, warqadahaas loogu magac daray “Pandora Papers” waxay muujiyeen in xubnaha qoyska Uhuru ay sannado badan qarinayaan hantidooda gaarka ah oo lagu qiyaasay 30 milyan oo dollar. Dadka Kenyaanka ah ee taageerada u ahaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa si weyn uga carooday khiyaanada lagu helay qoyska Madaxweynaha, waxayna ku tilmaameyn wax aan la aqbali karin in madaxweyne la’aaminay uu sidaas u dhaqmo. “Waxaan u maleynay in marka aan u codeyno Uhuru Kenyatta uu dalka u horseedi doono isbadal, hase yeeshee wuuna khiyaameeyey, sababtoo ah waxay naga dhacayaan lacago badan, iyagoo u qaadaya dalal shisheeye, ma naqaan waxaan sameyno,” ayuu yiri Daniel Mwangi, oo ah 51-sano jir deggan magaalada Nairobi. “Waxaan ka xaynnaa dhallinyaradeenna iskuulka. Waxaan aadnaa iskuulka, waan helnaa waraaqaha, laakiin markaan imaanno waddooyinka oo aan dooneyno inaan raadino fursado shaqo, waxaan ogaannaa in hantidii dalka oo dhan lagu maalgashaday wadamo shisheeye, runtii waxaan jeclaan lahaa in lacagaha lagu maalgashado gudaha dalka, si dadka u helaan fursado shaqo,” ayuu isna yiri Robert Ongera, oo ah 30-sano jir ku nool caasimadda Kenya. “Marka madaxweyne dal uu lacag ku qariyo waddan kale oo shisheeye, taasi waa khiyaano qaran, wuxuu khiyaameeyay kalsoonidii 50 milyan oo Kenyaan ah, waxaana ka rajaynaynaa inuu is-casilo, sababtoo ah wuxuu ceeb ku yahay qarankeena,” ayuu yiri Boniface Mwangi oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo siyaasadda Kenya. Wuxuu intaas ku sii daray, “Maadaama uu ka soo jeeday qoyska ugu qanisan dalkeenna, Kenyaanku waxay u maleeyeen in uusan xadin ama uusan ku lugyeelan heshiisyo hoose. Uhuru wuxuu lamid yahay kuwa ka ganacsada maandooriyaha, kuwa lacagta xada, kuwa canshuurta ka baaxsada, khiyaamada canshuurta iyo dhammaan noocyada dambiilayaasha.” Inkasta oo hanti la dhigto dibadaha iyo adeegsiga shirkado qarsoon aysan sharci-darro ka aheyn dalalka badankood, hadana warbixintaan shaaca laga qaaday waxay ceebeysay hoggaamiyayaal u ololeynayey miisaaniyad dhimista dowladda ama qaaday dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa. The post Sidee dadka Kenya uga fal-celiyeen fadeexadda kusoo baxday qoyska Kenyatta? appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha wasiirrada Abiy Axmed iyo Qowmiyadaha ay ka soo kala jeedaan Ra’isul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed golahiisa wasiirrada oo 22-ka ka kooban wuxuu maanta horgeeyey baarlamaanka dalkaasi, baarlamaankana waa uu ansixiyey haddaba qowmiyadaha iyo deegaannada ay ka soo kala jeedaan wasiirradaasi halkan kaga bogo. 1. Dhamaqe Makonnin:- Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibadda (Amxaar) 2. Axmed Shide:- Wasiirka Maaliyada (Soomaali) 3. Balate Moolla:- Wasiirka Curinta Iyo Teknoolojiyada (Amxaar) 4. Binnaalfi Andualem:- Wasiirka Nabadda (Axmaar) 5. Chaaltuu Saani:- Wasiirka Magaalooyinka Iyo Horumarinta Aasaasiga (Oromo) 6. Cumar Xuseen:- Wasiirka Beeraha (Oromo) 7. Daagmaawiit Mogas: Wasiirka Gaadiidka Iyo Saadka (Axmaar) 8. Dr Abraham Baley:- Wasiirka Gaashaandhiga (Tigree) 9. Dr Birhaanu Negga:- Wasiirka Waxbarashada (Guraag/Uraaga) 10. Dr Ergoge Tasfaye:- Wasiirka Arimaha Haweenka Iyo Bulshada (Hadiya) 11. Dr Fitsum Asafa:- Wasiirka Qorshaynta Iyo Horumarinta (Sidaama) 12. Dr Gedhiyon Dimatiyos:- Wasiirka Cadaalada (Sidaama) 13. Dr Liya Taadhase:- Wasiirka Caafimaadka (Tigree) 14. Enjineer Ca’sha Maxamed:- Wasiirka Waraabka Iyo Xoola dhaqatada (Cafar) 15. Enjineer Habtaamu Atifa:- Wasiirka Biyaha Iyo Tamarta (Oromo) 16. Gabra-masqal Chala:- Wasiirka Ganacsiga Iyo Isku Xidhka Manadaqadda (Walayta) 17. Laaqe Ayaalew:- Wasiirka Dakhliga (Axmaar) 18. Malaaku Allebal:- Wasiirka Warshadaha (Axmaar) 19. Mufarriyaat Kaamil:- Wasiirka Shaqada Iyo Xirfadaha (Silte) 20. Nasise Chali:- Wasiirka Dalxiiska (Oromo) 21. Qajeela Margaasa:- Wasiirka Dhaqanka Iyo Ciyaaraha (Oromo) 22. Takele Umma: Wasiirka Macdanta (Oromo) Deegaan ahaanna marka loo soo koobana: 1. Deegaanka Axmaarada…6 wasiir uu ra’isl wasaare ku xigeen ku jiro 2. Deegaanka Oromada…6 wasiir 3. Deegaanka Shucuubta Koonfureed…4 wasiir 4. Deegaanka Tigraay…2 Wasiir 5. Deegaanka Sidaama…2 Wasiir 6. Deegaanka Soomlida…1 Wasiir 7. Deegaanka Canfarta…1 Wasiir Qaran News
-
Xeeladihii ay Carabta u adeegsadeen dagaalkii ay la galeen Israa’iil oo la shaaciyay Masaarida waxay ka gudbaan kanaalka Oktoobar 6, Ramadaan 10 bishii Ramadan 1973. Dukumiintiyada Britain ayaa shaaca ka qaaday in midowgii Soofiyeeti “ay kula taliyeen madaxweynihii geeriyooday ee Masar, Anwar Sadat, inuu doorto oo uu duullaanka qaado 6 Oktoobar 1973” si uu uga gudbo Kanaalka Suweys una bilaabo weerarka ciidanka Israa’iil ee qabsaday Sinai. In la qaato go’aanka ah in weerarka uu dhaco maalin Sabti ah oo ku beeganayd maalinta ay dabaaldagaan Yuhuudda ee loo yaqaano Yom Kippur. Weerarkii lagu beegay maalintan oo sidoo kale ahayd 10-ka bisha Ramadaan, waxay ka mid ahayd waxyaabaha la yaabka leh ee naafeeyey Israa’iil, maalmihii hore ee dagaalka. Dhowr bilood ka dib dhammaadkii dagaalka, Ururka gaashaanbuurta “NATO” wuxuu sameeyay daraasad ku saabsan dagaalka, waxayna ujeeddada ahayd si “casharro looga barto” waxaana loo arkayay in dagaalkaas uu u dhaxeeyo Nato iyo gaashaanbuurtii kale ee, oo uu hoggaaminayey Midowgii Soofiyeeti. Daraasaddan waxaa u xilsaartay Taliska Bartamaha Yurub ee NATO oo uu madax ka ahaa Britain, saldhiggiisuna yahay Jarmalka iyo waaxda sirdoonka ee isla gobolkaas. Sida laga soo xigtay natiijadii daraasadda, Soofiyeedka waxay door wayn ka qaateen saamaynta lagu caawiyay qorsheeyayaashii Masaarida inay si adag u hirgeliyaan iyo qorshaha khiyaanada ahaa, kaas oo yimid ka dib markii si taxaddar leh loo darsay khibradda guuldarrada ka dhanka ahayd Israa’iil ee Dagaalkii 6 Maalmood ee bishii Juun 1967. “Weerarkii lama filaanka ahaa” Natiijooyinka, oo loo gudbiyay taliska NATO bishii Maarso 1, 1974 islamarkana ahaa mid ka mid ah dukumiintiyada sida aadka ah loo qariyay ee isbahaysiga, ayaa leh: “Falanqaynta Carabta, oo ay hagayeen la-taliyeyaashii Ruushka, dagaalkii Juun 1967 waxay muujisay in Carabta ay doonayeen inay gaaraan nooc kasta oo guul ah oo ka dhan ah Israa’iiliyiinta. Waxaa weerarka xilligaasi laga lahaa dhowr u jeedo. Midda hore: In la qariyo ujeedooyinkii qarsoonaa iyada oo la abuurayo xaalad siyaasadeed iyo mid militari oo aan u horseedaynin in weerar ay soo qaado Israa’iil oo horudhac ah. Ta labaad: in ay weerarkooda qaadaan kahor inta aysan dhammaystirmin abaabulkii Israa’iil. Macluumaadka sirdoonka NATO, wakhtigaas, waxay tilmaamayaan in “intii lagu guda jiray daraasaddii Masaarida ee dagaalkii Juun, la-taliyaha sare ee Ruushka, General Vasiliovich, uu ku taliyay in xilliga Yom Kippur uu yahay waqtiga ugu wanaagsan ee la weerari karo Israa’iil si ay kadis ugu noqoto”. Madaxwayne Anwar Saadaat oo la taagan saraakiisha Masar Talada waxay ku salaysnayd xaqiiqada ah in maalinta (Yankabur) noloshu gebi ahaanba istaagto marka loo eego hab-dhaqanka dadka Israa’iil. Waxaa warbixinta sirdoonka lagu yiri, “Maalintaas, dadka deggan Israa’il waxay joogaan guriga iyagoo fikiraya, sooman, idaacadduna waa la xiraa.” Natiijooyinka daraasadda NATO ayaa lagu yiri “iyadoo la dooranayay 2 duhurnimo ee maalinta Yom Kippur, waxay in maalintaas iyo waqtigaas lagu aadiyay ay la yaab ku noqotay Israa’iil. Cunsurka yaabka leh waa ka sii badan yahay. Haddii weerar uusan dhicin waaberiga, waxaa jiro arrimo u janjeero dhanka nasashada. Dhinaca kale, weerarka fiidkii wuxuu bixiyaa iftiin yar, taas oo aan wax ka taraynin ka faa’iidaysiga guulaha hore. Weerarkan ayaa Israa’iil ku noqday mid la yaab leh islamarkana waxay ku qaadatay in ay ka jawaab bixiyaan maalmo. Waxyaabaha ay sida gaarka ah u xiisaynayeen khubarada NATO waa suurtagalnimada ah in Midowgii Soofiyeetka uu aad uga warqabay qorshayaasha madaxwaynihii Masar ee xilligaasi Anwar Sadaat. Daraasadda waxay daaha ka qaadday in dayax-gacmeedyada sirdoonka Soofiyeetka “ay la socdeen xaaladda”. Maraykanka wuxuu adeegsaday dayax-gacmeedyadiisii, sida uu markii dambe shaaca ka qaaday Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee xilligaas Henry Kissinger, isagoo ku hagayay Israa’iiliyiinta halka ay ku wajahan yihiin weerarada ugu waaweyn ee Masar. Daraasadda NATO waxay daaha ka qaadaysaa in dayaxgacmeedyadii Soofiyeetka “ay u suurta-gelisay Carabta, dagaalka ka hor, inay hubiyaan dhaqdhaqaaqyada Israa’iil ee lama degaanka Siinaay, iyo inay mar dambe arkaan, ayna markii dambe arkeen Israa’iiliyiinta oo billaabay inay u dhaqaaqaan galbeedka, taasi oo halis ku ahayd Qaahira.” Waa maxay muhiimadda dukumiintiyadan sirta ah? . Jimcihii 12 October, lix maalmood ka dib bilawgii dagaalka iyo ku guuldaraysiga ciidanka Israa’iil in ay difaacaan goobihii ay kaga hortageen ciidamadii Carabta, Maraykanka wuxuu bilaabay in uu dajiyo qorsho uu hub casri ah ugu geeynayo Israa’iil, intii uu dagaalka socday, si looga fogaado Waxa Kissinger ku tilmaamay musiibo. Daraasadda NATO waxaa ku jiray falanqayn sirdoon oo ku saabsan waqtiga iyo qaababka taageerada Mareykanka ee Israel, iyo Soofiyeedka Masar iyo Suuriya. Waxay daaha ka qaadaysaa daraasadda in mugga taageerada Soofiyeetka ee Carabta ay aad uga weyn tahay kana muhiimsan tahay waxa laga ogyahay, dagaalkaas oo afar sano ka dib Sadat uu albaabada u furay heshiis u dhexeeya Carabta iyo Israa’iil, ka dib booqashadiisii taariikhiga ahayd ee Qudus ee November 1977. Madaxweyne Anwar Sadat wuxuu go’aansaday, July 17, 1972, inuu “soo afjaro hawlgalka” khubarada militariga Soofiyeet ee Masar, kuwaas oo dalka Masar keenay Jamal Cabdi Naasir si ay gacan uga geystaan dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Masar ka dib guuldaradii dagaalkii ee 1967 ee ka dhanka ahaa Israa’iil. Sadaat, sida ku cad dukumiintiyada Britain ee hore loo saaray, wuxuu si rasmi ah ugu sheegay in UK ay ka dhab tahay in uu dib u eego xiriirkii uu la lahaa Midowgii Soofiyeet. Khubarada NATO ayaa isbarbar dhig ku sameeyay taageerada Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti – labada dhinac ee iska soo horjeeday – taas oo muujineysa xaqiiqada ku saabsan taageerada Moscow ee Carabta, in kastoo Sadat uu mowqifkiisa ku dhawaaqay. Marka la eego taageerada Mareykanka, uu u fidiyay Israa’iil waxay ahayd mid ballaaran. “Waxay fuliyeen 570 hawlgal militari iyo in ka badan 13,000 oo saacadood oo duulimaad ah, kuwaas oo 22,000 tan oo hub casri ah u qaaday Israa’iil.” Wasiirkii gaashaandhiga Israa’iil ee xilligii dagaalka iyo saraakiil kale Xogta NATO ayaa tilmaamtay in “Diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Maraykanka ay bilaabeen in ay kaalintooda ka qaataan dagaalka, laga bilaabo October 16 iyo wixii ka dambeeya, iyagoo qaadayay ilaa 1,000 tan maalintii, kuna safraya 10,400 kiiloomitir badweynta Atlantic iyo Galbeedka Yurub”. Waxay ku soo gunaanaday “xaqiiqda dhabta ah ee ah in dhinaca Carabta ay lahayd cutubyo badan oo qaran waxay muujisay baahida loo qabay iskaashi wanaagsan.” Waxay daaha ka qaadday in tirada badan ee ciidammada Carabta ee ka qaybgalay dagaalka ay saamayn taban ku yeelatay guulaha ay gaareen ciidamada Masar iyo Suuriya maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka. Macluumaadka NATO ayaa sheegay in heerka iskaashiga iyo isku-duwidda ciidamada Carabta uu hooseeyo. Qaran News
-
Maamulka sare ee Dugsigyada Noradin oo faahfaahin ka bixiyey Dhacdo ugub ka ah oo ka soo kordhay Dugsiga hablaha Maamulka Dugsiyada Nuuradiin Faah Faahin Ka Bixiyay Dhacdadii Koobnayd Ee Maanta Ka Dhacday Dugsiga Sare Ee Hablaha Ee Nuuradiin,kadib markii laba hablood isku dhexlaayeen fasalka Taasi Oo sobobtay In hablo kamid ah Ardayda Dugsiga La Dhigo Cisbitaalka! Waxa maanta oo ah maalin Arbaca ah Taariikhduna ay tahay 06/10/2021, Dugsiga sare ee Hablaha ee Noradin fasal gudihii isku laayay laba hablood oo ka mid ah ardayda Dugsiga dhigata. Labada hablood ee islaayay mid ka mid ah ayaa waxa ay soo qaatay (Defence Spray) magaceeda layidhaahdo (PFEFFER KO JET). Haddii aan sharax kooban ka bixiyo Spray gan, waxa loo isticmaalaa aduunka difaaca shakhsiga ah sida marka uu qofku iska difaacayo tuug soo weerartay iyo wixii dhibaataynaaya, waxyaabaha ay ka samaysan tahay waxa ka mid ah BASBAAS DABIICI AH oo dadka ka ilmaysiiya, qufac iyo hindhisona keena. Labadii hablood markii ay dagaalameen isna gaadhsiiyeen xagtimo wajiga ah ka dib ayay mid ka mid ah lasoo baxday Spray ga la buufiyo oo aan kor ku soo sharaxnay, kuna buufisay fasalka dhexdiisii iyadoo ula jeeday ardayada ay is laayeen in ay ku buufiso, ka dib waxa ay u dhiibtay Spray gii ardayad kale, ardayadii kale ayaa mar labaad Spray- gii buufisay, waxa uu saameeyay ardaydii fasalka ku jirtay, iyadoo islamarkaas arday kooban oo fasalka ah ay ku keentay in ay neef qabatoobaan. Markii ay xaaladaasi dhacday waxa maamulka iyo macalimiintu waxa ay ku dadaaleen in ay maareeyaan xaalada ardayda lasoo gudboonaatay. Waxaan la xidhiidhnay waalidiintii ardaydaas neef qabatoobay si ay noogu yimaadaan, qaar ka mid ah ardaydiina waxaanu u qaadnay dhaktarka wayn si deg deg loogu daweeyo. Sidoo kale waxaanu la xidhiidhnay taliyaha saldhiga booliska ee Ibraahim Kood buur, taliyaha iyo xaajiyad boolis ah oo uu wato ayaa deg-deg noosoo gaadhay, halkaas oo ay kula wareegeen labadii hablood ee dagaalamay iyo ardayadii lagu qabtay Spray gii la buufiyay. Waxa xusid mudan in aan habsami u socodkii waxbarasho ee dugsiga aan wax hakad ahi ku iman oo ay sidoodii usii socdeen. Waxaa sidoo kale dhakhtarka ku booqday ardaydii dhibtu gaadhay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo xubno agaasimayaal ah oo ka tirsan wasaarada. Waxa gacanta ku haya kiiskii laanta amniga ee booliska oo samayn doonaa baadhitaan buuxa oo ku saabsan sida ay wax u dheceen. Waxa aan ilaahay uga mahad celinaynaa In ay wayeeladu koobantahay, ardaydii ay dhibta soo gaadhay intooda badan ay aad u fiican yihiin marka laga reebo laba arday oo dhaktarka ku jira oo iyagana xaaladoodu fiican tahay. Haddaba war ka la qoray ee sheegaya in ay macalimiinta iyo maamulku sun ku buufiyeen ay ku kala kaxaynayaan waa war aan sal iyo raad toona lahayn ahna been abuur cad. Waxa aanu waalidiinta, ardayda iyo dhamaan bahda waxbarashada u sheegaynaa in dhacdadu ahayn arintaas fudud ee aan kor kagasoo waranay. Waxa ay nu ogsoonahay in laba arday oo dugsi ku dagaalamaa ay tahay arin caam ah oo marwalba ka dhacda dugsiyada xalkeeduna fududyahay oo aanay u qalmin wax la buunbuuniyo oo laga dhex raadiyo arimo aan munaasib ahayn. Xafiiska Maamulka Dugsiga Sare ee Hablaha ee Noradin Qaran News
-
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay ilaa 300 oo kalena waa ku dhaawacmeen saacadihii hore ee Khamiistii, kadib markii dhulgariir cabbirkiisu ahaa 5.7 uu ku dhufta koofurta Pakistan, iyadoo in badan oo ka mid ah dadka geeriyooday ay hurdeen, sida uu sheegay maamulka maareynta musiibooyinka ee dalkaas. Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in dadka dhintay badankoodu ay ahaayeen haween iyo carruur. In ka badan 100 cariish ayaa dumay, iyada oo dhismayaal badana ay soo gaartay waxyeello, waxaana muuqallada laga siidaayay telefishanka ay muujinayeen dhaawa soo gaaray guryaha magaalada Hamia oo uu dhulgariirku ku dhiftay. Sohail Ansar oo ah guddoomiye ku xigeenka magaalad kale ee Hamai ayaa wakaaladda wararak ee Reuters u sheegay in boqolaal qof uu guryo la’aan dhigay dhulgariirkan. PUNTLAND POST The post Dhul-gariir dad badan ku dhinteen oo ka dhacay dalka Pakistan appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo khudbad ka jeediyey munaasabad lagu xusaayey sanad guurada 5-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii Maamulka HirShabeelle oo lagu qabtay Jowhar ayaa balan-qaaday in cid kasta wixii ay ka tabaneyso uu ka xalin doono maamulkiisu. Cali Guudlaawe ayaa ku cel-celiyey in dadka reer HirShabeelle uu si cadaalad ah u hoggaamin doono, isagoo cadaaladda maamulkiisa tusaale ugu soo qaatay doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee Jowhar ka dhacday, taas oo wax badan ka duwaneed doorashooyinkii Aqalka Sare ee maamullada kale ay qabteen. “Mudada aan masuuliyadaan hayo waxaa iga go’an in umadaan aan u cadaalad falno, si Alle raali ka yahay oo umaddu ku wada qanacdo ayaan u hoggaami doonaa, waxaana taas cadeynaya xubnihii golaha Aqalka Sare ee halkaan lagu doortay,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa balan-qaaday in doorashada xildhibaanada golaha shacabka ay si cadaalad ah uga dhici doonto deegaanada HirShabeelle. “Hadii Alle idmo golaha shacabka mas’uuliyiinta ku hamineysa, kuwa hadda kuraasta ku fadhiya ama kuwa kale ee ku haminaaya inay u tartamaan, waxaan balan-qaadeynaa in si cadaalad ah oo sinaan ah, aad u tartami doontaan,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle. Sidoo kale Cali Guudlaawe ayaa balan-qaaday in maamulkiisa uu xalinaayo tabasho kasta oo laga qabo, isagoo dalbaday in la joojiyo shuruudaha aan macquulka ahayn. “Hadaan nahay masuuliyiinta HirShabeelle diyaar waxaan u nahay cid kasta oo tabasho qabta inaan ka xalino oo u sameyno wax kasta oo ay dalbaneyso intii macquul ah, laakiin arrintu yeysan naga noqon tabashaan qabaa, ii imaa meysid, kuuna imaan maayo, taasi xal noqameyso ee xalku waxa uu ku jiraa in la isku yimaadee, aan isku imaano, oo wada hadalno, wax kasta oo ay ku daawoobeysana waan ku daaweyneynaa cidii tabasho qabta, Insha Allah,” ayuu khudbadiisa ku yiri Cali Guudlaawe. The post Cali GUUDLAAWE oo war cusub kasoo saaray dadka mucaaradsan xukunkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Peru, Pedro Castillo ayaa maanta wasiirka koobaad ee dalkaasi u dhaariyay haweeneyda lagu magacaabo Mirtha Vasquez, markii uu dhowaan is casilay Ra’iisul wasaarihii hore. Magacaabistan deg-degga ah ayaa timid markii ay saacado ka hor is wada casileen R/wasaarihii hore Guido Bellido iyo dhammaan golihii wasiirrada ee dowladda Peru. Madaxweynaha ayaa sheegay in durba ay xukuumaddu soo magacawday qaar ka mid ah golaheeda Wasiirrada, si loo dardar geliyo howlaha hor yaalla dowladda. PUNTLAND POST The post Dalka Peru oo yeeshay Ra’iisul wasaare cusub appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Su’aalo ayaa ka dhashay qaabkii uu ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu u sharfay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeyb-galay caleemo-saarkii Abiy ee Isniintii ka dhacay Addis Ababa. Farmaajo ayaa Abiy ugu yeera ereyo ay ka mid yihiin “my brother, my friend ama walaalkey iyo saaxiibkey,” wuxuuna ka dhigtay saaxiibkiisa koowaad tan iyo markii uu Abiy xukunka yimid bishii April ee 2018. Hase yeeshee, marka la isku eego sida uu u sharfay iyo mudnaanta Abiy uu siiyey madaxweyanaashii kale ee ka qeyb-gashay caleemo-saarkiisa, iyo sida uu ula macaamilay Farmaajo, ayaa dhaliyey su’aalo ku saabsan haddii jaceylka labada nin uu yahay mid hal dhinac oo kaliya ka socda. Abiy Ahmed ayaa markii uu Farmaajo tegay Addis-Ababa, wuxuu u diray inuu soo dhoweeyo wasiirka maaliyadda Ethiopia Ahmed Shide, oo Soomaali ah. Waxaa suurta-gal ah in Abiy xilligii madaxda ay imaneysay uu aad ugu mashquulsanaa munaasabadda caleemo-saarka, ama uu waqti u wada waayey madaxweynayaasha inuu mid mid usoo dhoweeyo, taasi oo loogu qiil dayi karo. Hase yeeshee, arrinta yaabka leh ayaa dhacday markii la sagootinayey madaxweynayaasha. Abiy Ahmed ayaa garoonka diyaaradaha ka sagootiyey dhammaan madaxweynayaashii ka qeyb-galay caleemo-saarka marka laga reebo Farmaajo kaliya, oo loo diray inuu sagootiyo wasiirka hal-abuurka iyo taknoolajiyadda Dr Abraham Belay, oo maanta loo magacaabay wasiirka difaaca. Madaxweynayaasha ka qeyb-gala munaasabadda ayaa kala ah: Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Senegal Macky Sall, Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir, iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Caasimada Online ayaa arrintan ka ogaatay qoraallada iyo sawirrada ay Facebook soo dhigay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia oo dhammaantood muujinaya in Abiy uu sagootiyey madaxweynayaashii kale marka laga reebo Farmaajo. Inkasta oo haddii Abiy uusan wada sagootin qaar ka mid ah madaxda kale, loogu qiil dayi lahaa inuu waqti u wada waayey, haddana xaqiiqda ah in Farmaajo uu yahay madaxweynaha kaliya ee uusan Abiy sagootin, waxay dhaliyeen su’aalo ku saabsan heerka qadarinta uu u hayo. Hoos ka eeg sawirrada sida loo sagootiyey Farmaajo iyo madaxda kale. The post Su’aalo ka dhashay sida uu Abiy ula dhaqmay Farmaajo kadib caleemo-saarkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
“Every human being shall have the right to be protected against being arbitrarily displaced from his or her home or place of habitual residence.” The arbitrary displacement of more than 1000 people in Las Anod authorised by the Somaliland government constitutes a violation of the United Nations Guiding Principles on Internal Displacement. According to principle six, arbitrary displacement is prohibited “when it is based on policies of apartheid, “ethnic cleansing” or similar practices aimed at/or resulting in altering the ethnic, religious or racial composition of the affected population.” The fact that the people who were arbitrarily displaced from Las Anod have internally displaced people from Southern Somalia in the first place makes the violation more drastic. Somaliland defended the arbitrary displacement under the pretext of dealing with “selected individuals, who had unlawfully settled in the district of Las Anod, provincial capital of Sool region…” A Somali citizen has a right to live in any part of the Federal Republic of Somalia. Although Somaliland unilaterally seceded from Somalia in 1991, it is a part of the Federal Republic Somalia, a fact attested to by the United Nations Security Council Resolutions reaffirming the territorial and political unity of the country. President Muse Bihi of Somaliland administration has authorised the arbitrary displacement of Somali citizens in Las Anod under the pretext that they are foreigners. Some of the people whom Somaliland militias in Las Anod arbitrary displaced were born in Las Anod, some lived in the district for more than 25 years, own business and properties there. The same principle prohibits arbitrary displacement “when it is used as a collective punishment.” Somaliland government justifies the arbitrary displacement in response “to issues pertaining to security”. The Somaliland government looks upon the victims of the arbitrary displacement as “individuals [who] were putting the safety of the local population at risk.” More than 20% of arbitrarily displaced people are children. Some parents were forced to leave behind their children, who were at school when militias rounded up before the expulsion. Somalia has a recognised government whose duty is to protect the right of the Somali citizen to live in any part of the nation state, but it lacks the authority to discharge this constitutional duty. This governance anomaly should have been partly offset by Somaliland government, a subnational entity, in line with the Somali Compact “to address the development needs of the Somali population who are displaced inside the country, or returning from surrounding countries.” How can Somalia’s International Partners help the Federal Government of Somalia to dissuade Somaliland authorities from arbitrary displacement in violation of the human rights of the Somali citizens? Somaliland government has shown that its standards fall short of an entity seeking to secede from a country. Its actions have created distress throughout Somalia given the plight of the helpless internally displaced people whom the Somaliland government had forced to leave Las Anod. People who authorised and abetted the arbitrary displacement in Las Anod must be held accountable for what the victims of the arbitrary displacement are going through. Liban Ahmad libahm@gmail.com The post Somaliland Government Violated Guiding Principles on Internal Displacement appeared first on Puntland Post.
-
Langley (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa weysay basaasiin badan oo ku kala sugnaa caalamka, sanadihii dhowaa, waxaa sidaa lagu sheegay warbixin la daabacay Taladaadii. Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa farriin sir culus ah u dirtay xarumaha ay ku leedahay caalamka iyo saldhigyo, taasi oo ay ku sheegtay in jaajuusiin badan oo laga qoray dalal kale, si ay ugu basaasaan Mareykanka, la qabtay, la dilay ama xogtooda la ogaaday, sida uu daabacay wargeyska New York Times, oo soo xiganay dad xogogaal u ah arirntan. “Farriintan ayaa iftiimeysa dhibaatada ay hay’adda sirdoonka ka mareyso qorista basaasiin dunida ku kala sugan ayna wajaheyso xaalad adag,” ayaa lagu yiri warbixinta New York Times. Farriinta CIA ayaa sidoo kale lagu sheegay in hay’adaha sirdoonka dalal ay ku jiraan China, Iran, Pakistan iyo Russia ay ugaarsi ku hayaan basaasiinta Mareykanka, oo ay xitaa qaarkood u rogayaan laba wajiileyaal. Xaqiiqda ah ay in tiro basaasiin ah ay si fudud ku ogaadeen dalalka caalamka ayaa xasarad ka dhex abuurtay CIA-da. Hay’adda ayaa sheegtay in ayada oo taknoolajiyadda caalamka ay horumar sameyneyso ay fudeyd noqotay in la aqoonsado basaasiinteeda. Dhinaca kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu dib uga dhacay ururinta sirdoonka dalalka cadowg loo arko, sababo la xiriira in labaatankii sano ee tegay uu diiradda saarayey la-dagaalanka argagixisada. Farriinta ayaa sidoo kale xustay dhibaaootin kale oo ay CIA-da wajaheyso oo ay ka mid yihiin shaqo xumo, inay si fudud isaga aaminto xog-ogaalkeeda, inay fududeysato awoodda sirdoonka dalalka kale, iyo inay si fudud u qorato sirdoonka ayada oo aan dareen ku bixin halista ka hor-tagga sirdoon. New York Times ayaa sidoo kale sheegtay in saraakiisha ka shaqeeya kiisaska ee CIA-da mararka qaar lagu dallacsiiyo qorista basaasiin cusub, ayada oo aan dib loo eegin guusha ay soo hayaan sirdoonka ay qoreen, taasi oo dhalisay in la qoro dad aan tayo wanaagsaneyn. The post Xog: CIA-da Mareykanka oo lumisay basaasiin badan oo ay caalamka ku laheyd – Sidee ayey wax u dhaceen? appeared first on Caasimada Online.
-
Somalis in Tech says: The regularity of climate-related shocks in Somali territories is incredibly concerning. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedeyn uu maalin ka hor Xildhibaan Cali Cabdullahi (Cali Afgooye) uu u jeediyey Taliyaha booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, taas oo aheyd in uu degmada Afgooye kasoo afduubtay laba kamid ah nabadoonada beeshiisa. Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay xarunta barista dembiyada booliska ee CID-da ayaa sheegay in Xildhibaan Cali Afgooye uu u gefay booliska Soomaaliya. “Xildhibaanka sida uu qirayba waxaan tusnay labada mawaadin oo lagu hayo CID-da, balse waxaan ka xunahay markii uu ku hubsaday gacanta booliska iyo laanta barista inuu sheegay inay labada muwaadin booliska u afduuban yihiin, dad ma afduubano, mana xukuno ee waa baarnaa qofkii la tuhmo,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya. Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay inay aad u ixtiraamaan xildhibaanada, haatana uu cadeynayo in baaris ay ku socoto dadka uu u doodayo Xildhibaan Cali Afgooye, gal-dacawadeed-koodana ay diyaariyeen, si loogu gudbiyo maxkamadda. “Muwaadiniintaas eedeysanayaasha ah waxaan diyaarinay galkooda, waxaana u gudbineynaa maxkamadda awooda u leh, boolisku wax ma xukumo, siimana daayo amar la’aan, kaliya waxaan baarnaa qofka la tuhmo, waxaan ka xunahay xildhibaankeena anigoo ixtiraamnay oo soo dhaweynay inuu noo gefay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdifitaax Aadan. Afhayeenka oo ka jawaabayey eedeyntii uu xildhibaanku u jeediyey Taliye Xijaar oo aheyd in dadkaas uu Xijaar u afduubtay arrimo siyaasadeed, ayaa sheegay in Taliyuhu uusan wax badan kala socon arrinta odayaashaas oo CID ay leedahay taliye gaar ah, balse Taliye Xijaar uu kaliya ogyahay in qofkii lasoo qabto, baaritaana la marsiiyo, hadii dembi lagu helana maxkamadda loo gudbiyo. “Waxaan u sheegeynaa xildhibaanada qaranka, qofkii ay soo eedeeyaan bulshada Soomaaliyeed ama fal dambiyeed lagu qabto, waxuu booliska Soomaaliyeed xaq u leeyahay inuu ajiibo oo u yeero, si eeda loo heysto uu uga gar-baxo, hadii lagu waayo waxa lagu soo eedeeyey boolisku waa sii daayaa, hadii lagu helana waxa uu hor geeyaa maxkamadda, maxkamaduna waxay eedeysanaha kula wareegtaa cadeyn markii boolisku keeno, intaas kadibna ayada xukunta ama sii deysa,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya. Xildhibaan Cali Afgooye ayaa maalin ka hor warbaahinta ka sheegay in arrinta loo xiray Odayaasha ay tahay mid siyaasadeed, si sharci darro ahna ugu afduuban yihiin Taliye Xijaar iyo Taliye lagu magacaabo Bulac oo maamula CID-da. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka dalbaday in uu soo faro-geliyo arrinta Odayaasha uu sheegay inay si sharci darro ah ugu xiran yihiin Xijaar mudo todobaad ah. The post Taliska Booliska oo war kasoo saaray afduubkii lagu eedeeyey Taliye Xijaar appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ku gacan seeray inuu wax wada-hadal ah la galo kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca oo dhowaan dib u qabsatay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug. Dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo tabinayaa deegaanka, waxayna siyaasiyiinta kasoo jeedo Galmudug aragtiyo kala duwan ka bixiyeen sida loo wajahayo kooxdaan soo rogaal celisay ee Ahlu-Sunna. Inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda 11-ka beel ee ku midoobay Galmudug ayaa si buuxda garab istaag ugu muujiyey maamulka Galmudug, iyagoo Ahlu Sunna ku tilmaamay koox jabhad ah oo qabsatay dhul nabad ah oo uu maamul ka jiro, waxayna ku baaqeyn in maamulka Galmudug lagu garab siiyo inuu xaqiijiyo amniga deegaanka iyo inuu gacantiisa kusoo celiyo deegaankii laga qabsaday dhawaan. Dhinaca kale, waxaa jiro dhowr siyaasi oo kasoo jeedo Galmudug oo ku baaqay in xiisadda taagan lagu xaliyo wada-hadal, balse Galmudug ayaa u aragtay siyaasiyiintaas inay yihiin kuwii ka shaqeeyey in Ahlu-Sunna ay dib usoo rogaal celiso. Ugaaska Beesha Cayr oo markii hore ku baaqay inuu kala dhex galo maamulka Galmudug iyo Ahlu-Sunna ayaa dib uga laabtay mowqifkiisa taasoo loo arkay in Galmudug ay qaadatay go’aan ah inaysan wada-hadal la gelin kooxda Ahlu Sunna . Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, maamulka Galmudug ayaa ka biyo diiday inuu wax wada-hadal ah la galo koox kusoo duushay deegaan nabad ah oo uu maamulkaas ka talinayey. Sida wararka sheegayaan, Qoor Qoor ayaa aaminsan in kooxdaan ay tahay jabhad kusoo duushay deegaan nabad ah, sidaas darteedna uusan marnaba wax wada-hadal ah la geli doonin illaa ay ka baxaan deegaanada ay qabsadeyn. Ahlu Sunna ayaa diiday inay isaga baxdo magaalada Guriceel oo ay dhawaan la wareegtay, waxaana fashilmay isku day la doonayey in magaalada looga saaro. Madaxda Ahlu-Sunna ayaa magaalada Guriceel ku diyaarisaday ciidamo u dhaxeeyo 300 illaa 400 oo askari oo u badan wadaado daacad u ah Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud, waxaana laga cabsi qabaa inuu magaalada ka dhaco dagaal khasaaro xoog leh geysta. Magaalada Guriceel ayaa waxaa ka bilowday barakac xooggan, waxaana magaalada ku haray xoogga Ahlu Sunna oo aad u hubeysan iyo dad shacab ah oo daacad u ah madaxda Ahlu-Sunna. The post Xog: Sababta Qoor Qoor u diiday inuu wada-hadal la galo Ahlu-Sunna iyo arrin uu dalbaday appeared first on Caasimada Online.