Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waan-waan kale oo xalay la isu dayay in lagu dhex-dhexaadiyo hoggaanka Galmudug iyo Ahlusunna, ayaa fashil ku dhammaatay, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, oo waan-waantaas waday ayaa madaxweyne Qoor Qoor hor dhigay saddex qodob oo Ahlusunna ogolaatay, si loo bilaabo wada-hadalka. Qodobada waxay ahaayeen in maamulka degmada Guriceel ay dib ugu laabtaan magaalada, in Taliyaha Qaybta Booliiska Guriceel isna dib u soo laabto iyo in ay shaqeeyaan kastamyada Canshuuraha magaalada Ha yeeshee, madaxweynaha Galmudug ayaa diiday qodobadaas wuxuuna shardi ka dhigay in Ahlusunna si buuxda u wareejiyaan maamulka degmada Guriceel. Labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna ayaa weli sii wada abaabulka ciidan iyo hub urursiga. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo kordhay xiisadda Galmudug iyo Ahlusunna? appeared first on Puntland Post.
  2. Somalia’s journalists could be bearing the brunt of broken institutions and old laws in a country where leaders have been discussing the much-missed deadlines on laws and elections. Source: Hiiraan Online
  3. Mid ka mida Qoraayaashii ugu wanaagsanaa bulshada Soomaalida oo geeriyooday Allah ha u naxariiste waxaa magaalada London ee dalka UK ku geeriyooday qoraagii caanka ahaa Dr. Maxamed Daahir Afrax, oo ka mid ah qorayaasha ugu wanaagsan Soomaalida.. Dr. Maxamed ayaa maalmihi la soo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaal ku yalla London kaas oo uu ugu dambeyntii goordhaw ugu geeriyooday xanuunka safmareenka ah ee COVID-19. Maxamed Dahir Afrax ayaa ahaa qoraa caan ku ah qoridda sheeko faneedyada iyo curinteeda, waxa uuna mudda dheer ku dhef jiray howlaha Afka iyo dhaqanka. Aqoonyahan Maxamed Daahir ayaa sideetameeyadii soo saaray sheekafaneedkii ugu horeyay ee taariikhda casriga ah taas oo lagu qoro Afka Soomaaliga, iyadoo sheekadaas oo ka mid ah sheekoyinka loogu akhriska badan yahay lagu magacaabo ‘Maana Faay’. Waxa uu hadda ahaa guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida Dr. Maxamed isaga oo yiri :Waxaan Qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariiatee Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka.” “Marxuum Afrax waxa uu ahaa aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed ku xeel dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, wax weyna ku biiriyay horumarinta dhaqanka iyo qoraalka Afkeenna hooyo. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka iyo ummada Soomaaliyeedna sabir iyo Iimaan Allaha ka siiyo.” Qaran News
  4. Qarax xooggan ayaa saaka laga maqlay bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland. Qiiq iyo uuro ayaa sidoo kale laga arkay goobta qaraxaas ka dhacay. Wararka qaar ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan hay’adda Sirdoonka Jubaland lala beegsaday qaraxa inkastoo aan faahfaahin sugan laga helin. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa iyadoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan qaraxyada ka dhaca Kismaayo. PUNTLAND POST The post Qarax xooggan oo ka dhacay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  5. Recently shortlisted for the 2021 Booker prize, Nadifa Mohamed’s third novel, The Fortune Men, is a fictionalised retelling of the story of Somali seaman Mahmood Mattan, who was wrongfully convicted of murder in Cardiff in 1952. Born in Hargeisa in 1981, Mohamed is the first British-Somali author to feature in the Booker shortlist. Source: Hiiraan Online
  6. Military officers serving under the African Union Mission in Somalia, AMISOM, and the Somali National Army (SNA) have completed a five-day training course aimed at enhancing joint capabilities in mitigating the threat posed by Improvised Explosive Devices (IEDs). Source: Hiiraan Online
  7. F.C.Waraabe oo Xukuumadda S/land ugu Baaqay in Laanta Socdaalka Tukaraq loo Raro Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa siyaasiyiinta reer Muqdisho ku eedeeyay in raafka Laascaanood ay ka dhigteen barnaamij ay kursiga ku gaadhaan, waxaanu sheegay in dadkii 1960 iyo ka hor Somaliland dagaana kaliya ay muwaadiniin yihiin. Faysal ayaa sheegay in sida Dastuurka Somaliland sheegayo kaliya ciddii Somaliland daganayd xornimadii ka hor ay yihiin muwaadiniin rasmi ah. Guddoomiye Faysal isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Dagaal baa laynagu soo qaaday innagu lixdankii dalbaynu ahayn, oo ictiraaf ayaynu helnay, waynu la ambanay, waan la soo noqonay, Distoorka Somaliland wuxuu leeyahay muwaadiniinta Somaliland waa dadkii lixdankii iyo wixii ka horeeyay daganaa, horta, Wala-weyntu taa ha ogaato, in aanay lixdankii iyo intii ka horaysay aanay daganayn ha ogaadaan.” Faysal ayaa sheegay in madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya ay horay ugu mashquulsanaayeen dugsiga Abaarso haddana ay ku mashquuleen tarxiilka xukuumadda Somaliland ay ka wado magaalada Laascaanood, isla markaana, ay ka dhigteen barnaamij ay doorashada ku galaan. Waxaanu yidhi.”Maalma dhawayd oo dhan waxay ku mashquulsanaayeen iskuul keena Abaarso, imikana, waxay ku mashquulsanyihiin Laascaanood, waxayba ka dhigteen wado lagu doorto in ay yidhaahdaan ‘dalku waa Soomaali, aloore waa Soomaali’, wuxu ku leeyayay ‘Faysal caruurtiisa iyo caruurtoodu waa habra wadaage xagay kala tagayaan’, waxaan u sheegaya in caruurtayda qaar Jarmal ah habro wadaag yihiin. Ninka leh carruurtayda iyo taadu waa Habrawaag, waxaan leeyahay meeshaada jog waxba ilama lihide,. Doorashadeena aynu nabadgelyo ku qabsano, anaga siyaasiyiin ayaa naga xidhan ee xadhiga hala joojiyo, sharcigana hala ilaaliyo.” Faysal isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in Kaantaroolka Tukaraq la geeyo ciidamada Laanta socdaalka si dadka dalka soo galaya, ay Fise ama dal ku gal loogu soo gooyo. Faysal ayaa waxaa uu soo jeediyay in wixii dalka jooga ee Soomaaliya ka soo jeeda wakhti la siiyo si ay u dalbadaan Iqaamado.“Xarunta laanta socdaalka Somaliland, degaanka Tukaraq halaga dhigo, halka Fise ama dal ku gal halagu soo siiyo kii soo galaya, ee hagaagsan, kii kale halkaasi halaga celiyo, haddii ILLAAHEY yidhaaho. Wixii joogana hala siiyo wakhti ay ku soo dalbadaan iqaamado iyo sharci, asxaantii ayaa waxa ay keentay in la yidhaaho dalku waa ‘Soomaali,” Qaran News
  8. Ra’iisul wasaarihi dalka Austria Sebastian Kurz ayaa xilka iska casilay kadib eedeymo musuqmaasuq oo loo jeediyey dartood. Mr. Kurz oo la hadlay telefishinka ayaa yiri “Dalkeyga ayaa iiga muhiimsan qofkeyga. Waxa hadda loo baahan yahay waa xaalado deggan. Waxaan rabaa inaan meel u banneeyo si aan uga hortago fowdada oo aan u xaqiijiyo xasilloonida.” Xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Austria ayaa baaraya Kurz iyo xubno ku dhow kooxdiisa oo looga shakisan yahay inay ku kaceen falal musuqmaasuq. Hoggaamiyaha xisbiga Greens iyo guddoomiye ku xigeenka Werner Kogler ayaa dhankooda soo dhoweeyay iscasilaadda Kurz. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaarihii dalka Austria oo is casilay appeared first on Puntland Post.
  9. The killing of a senior Somali spy, who according to Western officials had knowledge of a secretive regional security accord and the formation of a new elite military unit, has cast a shadow over the war-torn nation’s long-delayed elections. The plebiscite was originally scheduled for February, but was delayed by a dispute over voting modalities, and subsequent plans to hold it on Sunday were derailed by administrative glitches. A new date has yet to be set and there are fears that militant groups Al-Shabaab and the Islamic State could fill a power vacuum should the political process collapse. Al-Shabaab, which wants to impose its version of Islamic law, has waged an insurgency in Somalia since 2006 that’s spilled over into neighboring countries and threatened regional stability. The African Union has deployed almost 20,000 troops to try and shore up the government and maintain stability, and a failure to hold credible elections will make their task substantially more difficult. President Mohamed Abdullahi Mohamed, who is widely known as Farmajo, was due to face off against an array of contenders in his bid for another term. They include Hassan Sheikh Mohamud, his predecessor, and Abdirahman Abdishakur, the leader of the Wadajir Party and one of his most vocal critics. Farmajo’s prospects of winning have been clouded by a dispute with his prime minister and one-time ally Hussein Roble over his handling of the killing of 24-year-old Ikran Tahlil, a cyber-security expert at Somalia’s National Intelligence and Security Agency. While the agency blamed the spy’s death on al-Shabab, the al-Qaeda-linked Islamist group denied involvement. Roble accused Farmajo of obstructing a probe into Tahlil’s disappearance in June, and a five-member panel has been established to seek justice in the case. The U.S., which sees Somalia posing a major terror threat and has pushed for stability to be maintained, last month called on the two leaders to resolve their dispute “immediately and peacefully.” There is widespread belief in Somalia that the government is trying to cover up the circumstances surrounding Tahlil’s death, according to Western officials and analysts who’ve been tracking the case. Her family have also alleged the probe into her killing is flawed because the intelligence agency is participating. Tahlil possessed intimate knowledge of a security agreement forged in 2018 between Eritrea, Ethiopia and Somalia, details of which the three nations wanted to keep secret, according to three United Nations and Western officials, who work in Somalia and spoke on condition of anonymity because they aren’t authorized to discuss confidential intelligence assessments. Somalia had long suspected Eritrea’s government of lending support to al-Shabab, and the accord helped ease tensions between the two nations’ security forces, the officials said. They also revealed that the tie-up saw Eritrean intelligence officers being stationed in Somalia and Ethiopia, giving its President Isias Afwerki an important foothold in the region. Eritrea has been backing Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed’s fight against dissidents in the northern Tigray region. Revelations about the substance of the accord and the reasons behind Tahlil’s death could stoke diplomatic tension in the Horn of Africa region, said Omar Mahmood, Somalia expert for the International Crisis Group. Uganda, Kenya and South Sudan, who are members of the Intergovernmental Authority on Development, a regional body in charge of peace and security, are among those likely to be unnerved by the emergence of a new power bloc. Tahlil, who spent several months training in forensic cyber-security at London’s Scotland Yard in 2019, also possessed sensitive information related to about 5,000 Somali soldiers, who were sent to Eritrea last year to participate in military exercises, according to one of the officials. About 450 of those troops were recruited into an elite fighting unit whose whereabouts and exact role remain unclear, he said. Tahlil was “poised to blow the whistle” on the controversial military operation, according to a report released last month by the International Crisis Group. Ongoing Probe The Somali probe has yet to be completed, and it remains to be conclusively established why Tahlil was killed. The Somali presidency and prime minister’s office didn’t respond to queries on the tripartite security accord, the unit or Tahlil’s disappearance. Yemane Gebremeskel, the Eritrean Information Minister, and Billene Seymoum, Abiy’s spokeswoman, also didn’t reply to questions. Clan groupings and leaders from the Puntland and Jubaland regions are aggrieved by his decision to change the voting system to allow universal suffrage, rather than allowing clan leaders to chose their lawmakers. Opposition officials have also accused the president of changing the rules in order to cling to power. The saga isn’t the only threat to Farmajo’s hold on power. Source: Bloomberg The post Murdered spy’s saga casts shadow over vote in Somalia appeared first on Caasimada Online.
  10. London (Caasimada Online) – Allah ha u naxariiste waxaa magaalada London ee dalka UK ku geeriyooday qoraagii caanka ahaa Dr. Maxamed Daahir Afrax, oo ka mid ah qorayaasha ugu wanaagsan Soomaalida.. Dr. Maxamed ayaa maalmihi la soo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaal ku yalla London kaas oo uu ugu dambeyntii goordhaw ugu geeriyooday xanuunka safmareenka ah ee COVID-19. Maxamed Dahir Afrax ayaa ahaa qoraa caan ku ah qoridda sheeko faneedyada iyo curinteeda, waxa uuna mudda dheer ku dhef jiray howlaha Afka iyo dhaqanka. Aqoonyahan Maxamed Daahir ayaa sideetameeyadii soo saaray sheekafaneedkii ugu horeyay ee taariikhda casriga ah taas oo lagu qoro Afka Soomaaliga, iyadoo sheekadaas oo ka mid ah sheekoyinka loogu akhriska badan yahay lagu magacaabo ‘Maana Faay’. Waxa uu hadda ahaa guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida Dr. Maxamed isaga oo yiri :Waxaan Qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariiatee Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka.” “Marxuum Afrax waxa uu ahaa aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed ku xeel dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, wax weyna ku biiriyay horumarinta dhaqanka iyo qoraalka Afkeenna hooyo. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka iyo ummada Soomaaliyeedna sabir iyo Iimaan Allaha ka siiyo.” The post Mid ka mid ah qoraayaashii ugu wanaagsanaa bulshada Soomaalida oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa war ka soo saaray kulan maanta uu Rooble la yeeshay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, kaas Ra’iisul Wasaaraha loogu gudbiyey cabasho la xariirta caqabado ku hor-gudban in la guda galo baaritaanka kiiska Ikraan. Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in kulankaas maanta ka dhacay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ay qoyska Ikraan Tahliil ku soo bandhigeen cabasho ay ka qabaan caqabado ay sheegeen in ay ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada oo loo xil-saaray baaritaanka kiiskaas. “Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan qoyska Ikraan Tahaliil Faarax oo ay ku jirtay hooyada dhashay Ikraan ee Qaali Maxamuud Guhaad, kuwaas oo mar kale ka soo codsaday Ra’iisul Wasaaraha in ay kulan la qaataan una soo gudbiyaan cabasho la xiriirta caqabado ay sheegeen in ay ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada, si ay u dhaqaajiyaan kiiska Ikraan, ayna u helaan baaris madax bannaan iyo caddaalad,” ayuu Macalimuu ku yiri qoraalka uu soo saaray. Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu galabta mar kale ku celiyay in dhankiisa aanu wax gorgortan ka gali doonin kiiska Ikraan, ayna ka go’an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin un, ha dhawaato ama ha dheeraatee. “Waxa uu RW Rooble qoyska Ikraan Tahaliil uga garaabay xanuunka ay ku heyso gabadhooda oo aan nolol iyo geeri midna lagu heynin ,waalidna uu yahay oo uu qiyaasi karo murugadooda, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in arintaas ay maxkamad hortaallo, inshallah maalin maalmaha ka mid ah gacanta lagu dhigi doono dambiilayaashii ku lugta lahaa kiiska,” ayuu afhayeenka xukuumaddu ku yiri qoraalka uu soo saaray. Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo Hooyada dhashay Ikraan Tahliil, Maama Qaali Maxamuud Guhaad oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey in maxkamadda ciidamada ay ku war-gelisay in baaritaanka kiiskaas uu ka dhaqaaqi waayey saraakiisha uu Farmaajo u magacaabay taliska NISA ee Habar-Khadiija jooga, halkaas oo ah xaruntii lagu waayey, kana ka howlgeleysay Ikraan. The post Rooble oo war cusub kasoo saaray kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo caawa mar kale ka hadashay kiiska gabadheedii Ikraan Tahliil Faarax ayaa shaaca ka qaaday in maxkamadda ciidamada ay ku wargelisay in la is-hortaagay baaaritanka kiiska Ikraan. Hooyo Qaali Maxamuud ayaa sheegtay in Farmaajo uu ka hor istaagay meel kasta oo baaritaanka kiiska gabadheeda laga bilaabi lahaa, iyadoo maxkamadda ciidamada ay qoyska Ikraan u cadeysay in taliska NISA uu Farmaajo u magacaabay uu hor istaagay baaritaanka kiiskaas. Waxay umadda Soomaaliyeed ka dalbatay in aysan ka daalin garab istaagooda, illaa inta ay cadaalad ka helayaan, iyadoo fariin u dirtay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Farmaajo. “Waxaan leeyahay Farmaajow Ilaaheygii ku abuurtay uga baq kiiska gabadheydii masaakiinta aheyd ee dalkeeda iyo dadkeeda ugu timid inay wax u qabato, inay cadaalad hesho,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud. Waxay intaas ku sii dartay, “Kiiskaan dadka ku lugta leh waxay ku badbaadi karaan in gabadheydii oo nool la keeno, cid wax u raaca meyno markaas, gabadheena gacantaan ku dhageynaa waan wadaneynaa, laakiin hadii aad disheen ka wareega baaritaanka, waxaan ku qanci karnaa in tiirka la geeyo dadkii dilay Ikraan.” Waxay sheegtay in kiiskaan uusan weligiis ka hari doonin kuwii ku lugta lahaa oo meel kasta ay dacwo ka furanayaan, iyadoo dadka Soomaaliyeed iyo dadyowga kale ee adduunka ka dalbaday inay ku garab siiyaan cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil. “Dadka u mooda in kiiskaan uu iska demaayo, taasi ma dhaceyso, waxaa jooga Aabaheed, adeeryaasheed, iyo abtiyaasheed, wax aan cadaalad aheyn kuma qanceyno, waxaan u sheegayaa Farmaajo, Alle ka baq, hadii Ikraan kuu xiran tahay soo daa gabadheyda, hadii aad disheena ku kuwii dilay tiirka hanaloo geeyo, si kale kuma qanceyno,” ayey tiri. Ugu dambeyntii Hooyo Qaali waxay sheegtay in maanta ay la kulmeen Ra’iisul wasaare Rooble, si ay ugala hadlaan kiiska Ikraan, “Rooble waxuu taagan yahay mowqifkiisii shalay oo ah in Ikraan ay cadaalad hesho, waan uga mahad celinaa taas, waa nin Islaam ah oo u taagan in gabadheydii ay cadaalad hesho, Allaha xafido ayaan leeyahay Rooble, waxaan ahay Hooyo dhibane ah, oo markii umaddu seexato murugo lasoo jeeda, qofkii maanta cadaaladda cunugteydii hor taagan, Ilaahey ayaa xaq kasoo ifi doona,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud. Hoos ka daawo The post Daawo: Hooyo Qaali oo shaacisay arrin ay maxkamadda ciidamada ku war-gelisay appeared first on Caasimada Online.
  13. Qarax qasaaro nafeed gaystay oo ah nuuca dhulka lagu aaso aya caawa ka dhacay degaanka jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxan Miino Oo Caawa Fiidkii Ka Dhacay Deegaanka Janaale ayaa sida ilo degaanka ah uxaqiijiyeen GOOBJOOG NEWS Waxa Ku Geeriyoodey Saddax Qof Oo Laba Ka Mid Ah Ay Yihiin Ciidanka NISA, Halka Kan Seddaxaad Uu Yahay Canug 12 Jir Oo Ah Goobta Qaraxa Ka ag Dhiwaa, Ma Jiro Dhaawac Uu Geystay Qaraxyo. Qaraxyada lagu aaso wadooyinka iyo weerarada dhab-galka ayaa waxa si joogto ah degmooyinka gobolka uga gasyta Alshabaab. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  14. Allaha u naxariiste waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday qoraagii caanka ahaa Dr Maxamed Dahir Afrax. Dr Maxamed ayaa maalmihi la soo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaal ku yalla London kaas oo uu ugu dambeyntii goordhaw ugu geeriyooday xanuunka safmareenka ah ee Covid-19. Maxamed Dahir Afrax ayaa ahaa qoraa caan ku ah qoridda sheeko faneedyada iyo curinteeda, waxa uuna mudda dheer ku dhef jiray howlaha Afka iyo dhaqanka. Aqoonyahan Maxamed Daahir ayaa sideetameeyadii soo saaray sheekafaneedkii ugu horeyay ee taariikhda casriga ah taas oo lagu qoro Afka Soomaaliga iyadoo sheekadaas oo ka midka ah sheekoyinka loogu akhriska badan yahay ayaa lagu magacaaba ‘Maana Faay’. Waxa uu hadda ahaa guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka. Source: goobjoog.com
  15. Waxaa goordhow geeriyoodey Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ahaa guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka iyo madaxa Akadeemiya-Goboleedda Af-Soomaliga kadib xanuun in muddo ah hayey. Haddaba, Halkan Ka Akhriso Taariikh Nololeedkiisa Maxamed Daahir Afrax oo ku geeriyoodey 70 jir, waxaa uu ahaa qoraa caan ah oo lagu yaqaano horumarinta Afka Soomaaliga. Dhanka shaqada, waxaa ahaa nin dhaq-dhaqaaqo oo 4-tii June 2015 lagu badalay booskii ay banneysay Marwo Caasho Geelle -ka ee guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka, waxaa uuna guddiga ka noqday Madax. Maxamed Daahir Afrax Waa Qoraa caan ah oo bulshada Soomaaliyeed si fiican u taqaano, Waxaa uu qoray bugaag iyo sheekooyin sida Maana-faay. Afrax, waxaa uu muddo dheer ka shaqeeyay hor-umarinrinta Afka Soomaaliga iyo isku xirka Bulshada ku hadashada afka Soomaaliga ee degan Geeska Afrika. Waa aqoon yahay hesyta PhD, Qoraa iyo Bare aad loogu yaqaano cilmiga afafka, waxaa uu Madax ka ahaa hay’ado badan oo daryeela Qoraalka Afka Soomaaliga. 2000-shirkii Carte waxaa uu ahaa Dadkii dajiyay qorshada Shirka, Lataliyaha Madaxweynaha Djabuti iyo wakiilka xogheyaha Qaramada Midoobey isagoo shirka ka dib ka mid noqday Baaralamaanka iyo goloha Wasiirada. 2006-dii, Waxaa uu u bandhigay Madaxweynaha Djabuti Cismaaciil Cumar Geelle in dalka Djabuti u dabaaldago maalinta Afka hooyo 21 February. Waxaa kaloo uu ka mid ahaa dadkii ku taliyay in Djabuti xarun ka dhigtaan hay’ado London xaruntooda aheyd sida: Naadiga Pen ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed uu Mudane Afrax ku aasaasay markii hore Magaalada London. 2011: Xoghaye Guud u noqdo guddi ay magaalada Jigjiga ee dalka Ethiopia ay ku magacaabeen Ururka Midowga Afrika, Qeybta Horumarinta Luqadaha Qaaradda Afrika. 2012-kii shir ay Djabuti isugu yimaadeen Madaxda iyo aqoonyahada bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha ee geeska Afrika, Waxaa lagu dhisay Akadeemiya-Goboleedda Af-Soomaliga, Mr. Afrax ayaa Gudoomiye looga dhigay. Waxaa uu sidoo kale Tifaftire ka ahaa Wargeys xiliyeedka”Hal Abuur” ee dhaqanka iyo Suugaanta oo ku soo baxa Afafka Ingiriiska iyo Soomaaliga. Waxaa uu qoray Buugaag Caan ah, waxaa ka mid ah, Mid Masraxa ka sheekeynaya iyo Buugaag kale oo lagu daabacay Afka Ingiriiska. Waxaa uu sidoo kale qoray Buugaag Siyaasadda ka hadla sida Dal dad waayey iyo Duni Damiir Beeshay. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  16. Climate change is expected to kill millions of working animals over the next decade. Drought, natural disasters, and environmental catastrophes are expected to kill millions of working animals around the world in the coming decade, according to scientists. More than 200 million working animals, such as horses, donkeys, camels, oxen, and elephants, help at least 600 million people in the world’s poorest areas. However, flooding, cyclones, and wildfires are wreaking havoc on working animals and the families they support in low-income countries around the world. According to official data in India, 17,000 animals, including oxen and buffaloes, were killed by storms in 2020, and about one million livestock are expected to be lost each year due to flooding. In addition, the catastrophic drought that afflicted east Africa in 2017 claimed the lives of up to 80% of Somaliland’s cattle. As the COP26 United Nations climate summit approaches its November 1st start date, global animal charity SPANA (the Society for the Protection of Animals Abroad) is urging nations to take steps to protect the “silent victims” of climate change. SPANA’s Chief Executive, Linda Edwards, stated: “The escalating climate catastrophe has risen to the top of the political agenda. However, the terrible impact on animals is almost largely ignored. “Drought and climate change extremes are wreaking havoc on animals, who are paying the ultimate price in large numbers. “There is also a significant human cost to the extinction of these species, since many households in the world’s poorest regions rely on them for life. We’ve reached a tipping point: the disastrous consequences of extreme weather are wreaking havoc on the lives of working animals and those who rely on them every day. SPANA’s Chief Executive Officer, Linda Edwards “We’ve reached a tipping point: the disastrous consequences of extreme weather are wreaking havoc on the lives of working animals and those who rely on them every day. “It is critical that strong international commitments be made to address climate change’s broader effects.” SPANA is giving a lifeline to working animals in many of the world’s poorest communities in response to the rising situation. The nonprofit provides free veterinarian care and vaccination programs, as well as emergency projects to en Source en.brinkwire. Qaran News
  17. Alle ha naxariistee, Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Madaxbannaan ee Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada London ee waddanka Ingiriiska. Geerida marxuumka waxa xaqiijiyay xubno ka tirsan Qoyskiisa waxaana durba ka tacsiyeeyay dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed. Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxu ahaa Qoraa Soomaaliyeed oo ku xeel-dheer Luuqadda Soomaaliga Sidoo kalena as’aasay Akademiyad qaabilsan Ilaalinta Af-Soomaaliga. PUNTLAND POST The post Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ku geeriyooday Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo caawa warbaahinta la hadashay ayaa shaacisay in saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay u xaqiijiyeen in baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax ay billaabi waayeen oo caqabado badan ay hareeyeen. Xildhibaan Aamina iyo qoyska Ikraan ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ay kala hadleen baaritaanka kiiska. “Sida aan ka warqabno baaritaankii kiiska Ikraan Tahliil ee aan geeynay maxkamadda wuu dhaqaaqi la’yahay sababo la xeriira dadka kiiska lagu tuhmayay oo awoodda dowladda isku qarinaya. Maxkamadda iyo xeer ilaalinta waxa ay noo cadeeyeen in kiiska iyo halkii laga abaari lahaaba ay is-hortaagtay madaxtooyada iyo hogaanka ay u aqoonsan yihiin taliska NISA,” ayey tiri Xildhibaan Aamina. Xildhibaan Aamin ayaa sheegtay in kiiskaan ay ku geedaaman yihiin caqabado badan oo aan suurta-gelineyn in si dhab ah loo baaro, sida ay la wadaageen saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ra’iisul wasaare Rooble uu u xil-saaray baaritaanka kiiska Ikraan. Waxay soo bandhigtay afar qodob oo saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida ay u sheegeen inay kala kulmeen Taliska NISA ee Farmaajo magacaabay, kuwaas oo ay ku cadeynayaan inay u suurta gelin weysay guda-galka baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, kuwaas oo kala ah: 1 – In Taliska NISA ee Habar-Khadiijo oo ah xaruntii ay ka howl-geli jirtay Ikraan loo diiday baarayaasha maxkamadda ciidamada qalabka sida. 2 – In Taliska NISA uu joogo Yaasiin Farey oo ka mid ah saraakiisha NISA ee ku eedeysay afduubka iyo dilka Ikraan, taas oo aan suurta gelineyn inuu bilowdo baaritaanka kiiskaas. 3 – In saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida loo diiday kaamirooyinkii ku xirnaa xarunta Nabad sugidda iyo agagaarkeeda, iyadoo loo sheegay in dhamaan la tirtiray muuqaaladii ay kaamirooyinkaas. 4 – In Saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka si cad loogu sheegay in aan loo faxi doonin baaritaanka kiiskaas oo aysan heli doonin cid kasta oo ay rabaan inay wareystaan. Waxay ku eedeysay saraakiisha NISA ee Farmaajo magacaabay inay ku howlan yihiin baabi’inta caddeeymihii kiiska oo ay ugu horeeyaan kaamirooyinkii in la tirtiro. Xildhibaan Aamina ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeysay inuu cadeystay in kiiskaan uu wax ka ogyahay, marka la fiiriyo tallaabooyinka uu qaaday ee ku carqaladeynayo iyo sida uu uga aamusan yahay. Intaas kadib waxay sheegtay Xildhibaan Aamina in iyada iyo qoyska Ikraan ay la kulmeen Ra’iisul wasaare Rooble oo ay kala hadleen kiiska Ikraan iyo waxa uga qorsheysay, waxayna sheegtay inuu mar kale u balan qaaday in kiiska Ikraan uusan marnaba gorgortan ka galeyn ilaa caddaalad loo helo. Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaan Aamina oo shaacisay 4 caqabad oo laga baari waayey kiiska Ikraan appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddiyada doorashooyinka heer federaalka iyo guddiga maamulka doorashada kuraasta BFS ee gobollada waqooyi. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulankaas warbixin uga dhageystay guddiyada doorashooyinka heer federaal (FEIT) iyo kan maamulka doorashada gobollada woqooyi ee (SEIT). Xubnahaan loo xil saaray maamulka doorashooyinka dalka ka socda ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyey warbixino ku saabsan halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada xildhibaannada golaha shacabka ku matali doona Somaliland. Sidoo kale kulankii galabta waxaa ka qeyb galay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddiyada kala duwan ee uu la kulmay waxa uu kula dardaarmay inay dardar-geliyaan howlaha horyaalla oo ay ugu horeyso soo xulista ergooyinka iyo bilaabidda doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad. Dhanka kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay xareynayaan qaar Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la soo dhameystiro inta ka dhiman kuraasta golaha Aqalka Sare oo lix kamid ah ay ku dhimantahay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug. Waxaana markii lasoo dhameystiro Aqalka Sare la bilaabi doonaa doorashada golaha shacabka oo haatay ay qaban qaabadeedu socoto. The post Doorashada AQALKA HOOSE oo la billaabayo kadib kulan ka dhacay xafiiska ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
  20. Mogadishu (HOL) - Somaliland opposition politician Feisal Warabe has lashed out at politicians from Mogadishu for criticism over the Las Anod evictions noting those evicted were not bonafide 'citizens' of Somaliland. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) kana mid ah guddiga ay Soomaaliya u xilsaaratay dacwadda Badda Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka hadlay sida uu noqon doono go’aanka la filayo inuu 12-ka bishaan kasoo baxo Maxkamadda ICJ. Faarax Qarre ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay iyada muran gelisay badda ay leedahay Soomaaliya, taasina ay keentay in dacwad laga wada furto Maxkamadda ICJ haddana an Kenya laga aqbali karin inay dhahdo waan ka baxay. “Annaga waan ognahay inaan badda leenahay, Kenya iyadaa muran gelisay baddeena markii maxkamadda dacwadda loo gudbinayey way aqbashay, dhowr kulan oo maxkamadda ahna way kasoo qeybgashay, hadda markii ay ogaatay in dacwadda looga adkaan rabo lagama yeelayo waan ka baxnay,” ayuu yiri Faarax Qarre. Mar wax laga waydiiyey go’aanka ay qaadan karto Soomaaliya haddii loo xukmiyo lahaanshaha badda ayuu yiri “Soomaaliya waxay leedahay dowlad, tallaabada ay qaadi doontana way caddahay, waxaana la sugeynaa waqtigeeda marka la gaaro”. Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay inaysan aqbali doonin go’aanka maxkamadda ICJ ee soo baxayo 12-ka Bishaan, waxayna sheegtay inaysan aqoonsaneyn maxkamadda. Kiiska muranka baddeena ayaa dhowr jeer dib loo dhigay dhageysigeeda, ayada oo markii dambe ay maxkamadda dhageysigiisa guda gashay, ayada oo ka maqan tahay Kenya, oo la fahamsan-yahay in sheegashadeeda ay tahay mid aan sharci ku dhisneyn. Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda soo geba-gebeysay 18-ka March 2021. Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda 15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto. Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay guul-darreysteen dhammaan wada-xaajoodyadii labada dhinac. Hoos ka dhageyso Faarax Qare The post Faarax Qare oo shaaciyey tallaabada ay Soomaaliya qaadeyso haddii ay ku guuleysato kiiska badda appeared first on Caasimada Online.
  22. Kenya’s Foreign Affairs Ministry PS Macharia Kamau addressing the press on withdrawing from the ICJ on October 8, 2021. /AFP Kenya on Friday said it rejected the jurisdiction of the UN’s International Court of Justice ahead of a ruling next week on its long-running border dispute with Somalia. “In addition to withdrawing its participation from the current case, Kenya also joined many other members of the United Nations in withdrawing its recognition of the court’s compulsory jurisdiction,” the foreign ministry said. Kenya in March said it would snub hearings after the Hague-based court refused to allow further delays in the case. The final ruling is due to be delivered on Tuesday. The Horn of Africa neighbours have been feuding for years over a stretch of the Indian Ocean claimed by both nations that is believed to hold deposits of oil and gas. Somalia, which lies northeast of Kenya, wants to extend its maritime frontier with Kenya along the line of the land border, in a south-easterly direction. Kenya wants the border to head out to sea in a straight-line east, giving it more territory. The disputed triangle of water stretches over an area of more than 100,000 square kilometers (40,000 square miles). Nairobi maintains it has had sovereignty over the contested zone since 1979. Somalia took the matter to court after saying diplomatic attempts to resolve the disagreement had led nowhere. Next week’s ICJ verdict may further trouble the often-rocky relations between the two countries. Somalia has long bristled at what it calls Kenya’s meddling in regions over its border, while Nairobi has accused Mogadishu of using it as a scapegoat for its own political problems. Kenya in 2019 recalled its ambassador to Mogadishu after accusing Somalia of selling off oil and gas blocks in the contested area. It described the move as an “illegal grab” of resources and sought to remind Mogadishu of Kenya’s help in the battle against Al-Shabaab jihadists in Somalia. Kenya is a major contributor of troops to AMISOM, an African Union military operation fighting the Al-Qaeda-linked fighters waging a violent insurgency across Somalia. Somalia severed ties in December 2020 after Kenya hosted the leadership of Somaliland, a breakaway state not recognized by Mogadishu. But the two countries agreed to reset relations when Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble held talks with Kenyan President Uhuru Kenyatta in August 2021. Source(s): AFP Qaran News
  23. Paris (Caasimada Online) – Madaxweynihii ugu horreeyey Iran ee kadib kacaankii Islaamiga ee 1979-ka Abolhassan Banisadr ayaa Sabtida maanta ah ku geeriyooday isbital ku yaalla magaalada Paris, isaga oo 88 jir ah. Abolhassan Banisadr, ayaa tobaneeyo sano ahaa dibad-joog kadib markii uu baarlamanka dalkaas eryey. “Kadib xanuun muddo fog, Abolhassan Banisadr waxa uu Sabtida ku geeriyooday isbitalka Pitié-Salpêtrière Hospital ee koonfurta bari Paris,” waxaa sidaas tiri IRNA, oo ah wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran, oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ku dhow madaxweynihii hore. Qoyskiisa oo ku nool Faransiiska ayaa sidoo kale xaqiijiyey geeridiisa. “Waxaan jecenlnahay inaan ku wargelino dadka sharafta leh ee Iran iyo kuwa u dhaqaaqa xoriyadda iyo madax-banaanida in…Abolhassan Banisadr uu geeriyooday…kadib muddo uu la xarbinayey xanuun,” ayey ku yiraahdeen war-saxaafadeed. Qoyskiisa ayaa Banisadr ku amaanay inuu “difaacay xoriyadaha”. Hase yeeshee Cadaaladda Iran ayaa Banisadr ku cambaareysay “inuu sanadahan dhan ku hoos jiray sirdoonka Faransiiska iyo Reer Galbeedka, islamarkaana uusan ka baaqsan inuu aflagaadeeyo shacabka iyo nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah.” Banisadr ayaa ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee xor ah ee Iran ka dhacday 1980-kii, sanad kadib kacdoonka Islaamiga ah ee Iran. Hase yeeshee waxaa 1981-kii eryey baarlamanka, kadib markii uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeyey hoggaamiyihii sare ee hore ee Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini. Wixii markaas ka dambeeyey wuxuu si dibad joog ugu noolaa France. The post Madaxweynihii hore ee dalka Iran oo maanta geeriyooday appeared first on Caasimada Online.