Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirkii amniga Galmudug Xildhibaan Axmed macalin Fiqi ayaa maanta iska Casilay xilkii wasiirnimo kadib Khilaaf soo kala dhaxgalay isaga iyo Madaxweyne Axmed qoorqoor. Axmed fiqi aya qoraal uu ku daabacay bartiisa facebook waxa uu is casilaadiisa ku sababeeyay kala aragti duwanaan ku aadan sida ay Galmudug uwajahayso Ciidamada Ahlusunna oo jimcii hore la wareegay magaalada gurceel. “Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya” ayuu yiri fiqi. Xildhibaan fiqi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Qoorqoor inuu galmudug la doonayo colaad uu dhiig ku daato “ qorqoor waxa doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas” Iscasilaada Wasiirkii amniga Galmudug ayaa kusoo adaysa iyadoo Maamulka uu hogaamiyo Qoorqoor uu wado Guluf ka dhan ah Ciidamo uu wato Sheekh Shaakir oo koowdii bishan October gudaha uagalay magaalada Guriceel. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyey inuu xilkaas iska casilay kadib markii isaga iyo madaxweyne Qoor Qoor ay isku fahmi waayeen habka loo wajahayo xiisadda kala dhaxeysa Ahlu-Sunna. Fiqi ayaa sheegay inuu doonayo in xiisadda Galmudg iyo Ahlu-Sunna lagu dhameeyo wada-hadal balse Qoor Qoor “uu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey” Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Fiqi Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda. Wixii faahfaahin ah waxaan ku sheegi doonaa shir jaraa’id oo aan dhowaan qaban doono ugana hadli doono xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan, fariinna aan ugu diri doono waxgaradka Galmudug ee samaha jecel. Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa hey’adaha Dawladda Galmudug iyo madaxdooda, shacabka dulqaadka badan, si gaar ah hawlwadeenada wasaaradda amniga iyo ciidamada qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ee aan sida wanaagsan u soo wada shaqaynay ee qaarkood ku sugan yihiin dhufaysyada hore ee argagixisada lagula dagaalamayo, iyo sidoo kale deeq bixiyaasha Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah oo si weyn noo garab taagnaa. Allaha ilaaliyo Galmudug & dadkeeda. The post Axmed Macallin Fiqi oo iska casilay xilka wasiirka amniga GALMUDUG + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  3. Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta shaqada ka joojiyay Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange. Wasiir Cabdiqafaar Xaange ayaa maanta ka maqnaa Shirkii Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir-guddoomiyay Ku simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash). Dad kala duwan oo lagu kalsoonyahay ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in Madaxweyne ku xigeenku si rasmiya shaqada uga joojiyay wasiir Xaange kadib markii khilaaf soo kala dhex galay labada mas’uul. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo shaqada laga joojiyay appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helay dil xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya uu askari kale ugu geystay xaafadda Miijiska oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Labada askari ayaa lagu soo warramayaa in ay saaxibo ahaayeen, isla-markaana ay wada daganaayeen guri ku yaalla xaafaddaasi, balse uu muran soo kala dhex-galay, kaas oo sababay in mid ka mid ah askartaasi la dilo isaga oo jiifo, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Muranka ayaa waxa uu ka dhashay, kadib markii askariga dilka geystay oo ay la socotay gabar uu guriga tegay, isla-markaana uu saaxibkiis oo jiifay uu ka dalbaday inuu u baneeyo qolka, si uu ugu shukaansado gabadha, balse uu taasi ku gacan seeray askariga la dilay. “Labadaan nin way murmeen waxayna ku murmeen qolka iiga soo bax gabar ayaan ku shukaansanaa iyo ma bixi karo saaxibow waan jiifanaa iyo haddii aad jiifaneysid naagtaana wataa meel aan geesto malaha adiga ayaan ku dilaa naagtana waan soo gashanaa,” ayuu yiri askariga la dilay walaalkiis oo la hadlay Telefishinka Shabelle ee magaalada Muqdisho. Marxuumka waxaa lagu magacaabi jiray Jibriil Xasan Cali, wuxuun ka tirsanaa guutada 14-ka October, halka askariga dilka geystay uu isna ka tirsan yahay ciidamada Gorgor. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka iyo sidoo kale maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan dhacdadaasi. Arrintan ayaa filan waa ku noqotay dadka deegaanka ee ku nool xaafadda Miijiska ee degmyada Yaaqshiid, kuwaas oo haatan si aad ah u hadal hayo falkaasi dilka ah. The post Daawo: Askari Muqdisho ugu dilay askari saaxiibkiis ahaa qol shukaansi dartiis appeared first on Caasimada Online.
  5. Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in uu xilka iska casilay, kadib markii isaga iyo Madaxweyne Qoor Qoor isku fahmi-waayeen Arrinta Ahlusunna. Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor Qoor uu jidkii Nabadda ka doortay dagaal lagu wajaho Xoogagga Culimada Ahlusunna, isagoo adeegsanaya ciidamo laga keenay Muqdisho. “Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ” ayuu yiri Fiqi. Wasiirka ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta Galmudug aysan wax talo ah ku lahayn abaabulka ciidan ee lagu wado xoogagga Culimada Ahlusunna, islamarkaana arrintaas laga soo abaabulay Muqdisho. Sidoo kale, wuxu sheegay in uu shir jaraa’id ku faahfaahin doono wixi dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor. PUNTLAND POST The post Wasiirkii Amniga Galmudug oo is casilay appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howl-gal qorsheysan oo ciidamada howl-gallada gaarka ah NISA ay ka sameeyeen degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho. Howl-galkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo qabtay shabakad isku xiran, isla-markaana Al-Shasbaab u qaabilsaneyd qeybta galbeed ee gobolka Banaadir. Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in shabakaddan ay ka kooban tahay rag iyo dumar, isla-markaana iyaga iyo hubkoodii gacanta lagu soo dhigay, gaar ahaan qoryaha fud-fudud, rasaasta hoobiyaha, bambooyin iyo qorayga RBG-ga ama baasuukaha. Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada NISA ay mar weliba u taagan yihiin ka hortegga falalka liddiga ku ah amniga caasimada. ”Sirdoonka caasimadda ayaa mar walba heegan u ah ka hortagidda khataraha cadawga argagixisada ah ee caadaystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale laamaha ammaanka ayaa xusay inay sii wadi doonaan howl-gallad ka socda gobolka Banaadir, maadaama lagu jiro xaalad kala guur ah iyo marxalad doorasho. Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri, waxaana ugu dambeeyey askartii shalay lagu dilay degmada Wadajir. The post DF oo shabakad hubeysan ku qabatay MUQDISHO iyo hay’adda sirdoonka NISA oo… appeared first on Caasimada Online.
  7. The arbitrary displacement of more than 1000 people in Las Anod authorised by the Somaliland government constitutes a violation of the United Nations Guiding Principles on Internal Displacement. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - Al-Shabaab militants have attacked a Somali government base in Janaale district in the Lower Shabelle region on Thursday, according to residents. Source: Hiiraan Online
  9. Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo si adag ugu jawaabay Ra’iisal-wasaaraha Somalia Rooble “Raysal Wasaare Somalia ninkii ugu musuq maasuq badnaa ayuu ahaa Maxamed Kaahin ayaa Somaliland ka eryey” Wasiir Saleebaan Cali Koore Xukuumadd Somaliland, ayaa ku tilmaantay Raysal wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble nin ku caan baxay musuq maasuq iyo wax is daba marin muddadii uu ka shaqaynayey guddaha Somaliland.. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa sheegay in Raysal Waraabe Rooble oo markii uu joogay Somaliland u shaqayn jiray Hay’adda ILO, ka mid ah Hay’addaha Qaramada Midoobay, inuu ahaa nin sameeyey musuq maasuq badan oo sababay in markii dambe Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed uu dalka ka eryey, markii loo adkaysan waayey ficiladii musuq maasuq ee uu ku kacay, waxaanu yidhi “Ninkaas Raysal Wasaaraha sheeganayaa, wuxuu ka shaqaysan jiray Hargeysa, wuxuu u shaqayn jiray Hay’ad UN ah oo la yidhaahdo ILO, wuxuu ahaa qofka ugu musuq maasuqa badan ee bi’nidaamka soo mara. Maxamed Kaahin oo Wasiirka arrimaha guddaha ah ayaa Hargeysa ka caydhiyey, markii loo adkaysan waayey musuq maasuqiisii iyo wixii uu Hay’adda ku hayey.” Qaran News
  10. Qodobo Xasaasiya oo lagaga hadlay Fadhigii Golaha wasiirada Somaliland Fadhigii 80aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland oo maanta ku qabsoomay habka Maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Covid-19, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Ugu horrayn, waxa uu Goluhu war-bixin ka dhagaystay Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Covid-19 oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu faahfaahin ka bixiyey xaalada Covid-19, isagoo xusay in saddexdii bilood ee u dembeeyey ay sii kordhayaan dhimashada dadka xanuunku ku dhacayo, iyada lixdii cisho ee u dembeeyey ay u geeriyoodeen 28 qof. Waxa kale oo uu sheegay in ay Guddidu go’aamo ka soo saari doonaan ka hortagga iyo la-dagaalanka Covid-19. Goluhu waxa uu dood dheer ka yeeshay dhibaatada iyo muranka ka jira dhulka miyi iyo magaalaba, waxaana ka mid aha qodobbadii laga xusay: 1. Dhul daaqsimeedkii oo la boobayo, lana oodanayo ama la deegaamayno oo khilaaf iyo shaqaaqooyin ka abuurmaan. 2. Xoolihii dhaqaalaha laf-dhabarta u ahaa oo yaraanaya markii daaqii laga xidhay. 3. Muwaadiniinta oo aan dhulkii u sinnayn oo qaar dhul badan xidheen, qaarna ka faro-madhan yihiin. Waxa kale oo goluhu ku dheeraaday inuu Dastuurku qeexayo Khayraadka dhulka, Dhulka Buuraha ah iyo badda inay masuul ka tahay Dawladdu, hase yeeshee shacabka qaarkood aanay akhriyin dastuurka, waxaana lagama-maarmaan ah in dhammaan muwaadiniintu fahmaan muhiimada uu qaranka u leeyahay in shuruucda dhulka la dhawro. Dood iyo falanqayn dheer ka dib, waxa Guddi loo saaray in ay uruuriso mushkiladaha ka jira dhulka, isla markaana talo ka soo jeediso sidii loo fulin lahaa Sharciga Dhulka. Ugu danbayn, waxa uu Goluhu war-bixin ka dhagaystay Weftigii Wasiirrada ahaa ee hawl-galka nabadgelyada la xidhiidha u joogay Gobolka Sool, waxaanay sharaxaad ka bixiyeen xubnaha golaha wasiiradu hawlaha u qabsoomay illaa hadda, hawlgalkii nabadgelyaduna si fiican ugu socdo, inta u hadhayna ay dhammaystiri doonaan, Goluhuna waxa uu ku boggaadiyey hawlaha xoojinta amniga Gobolka Sool ee ay fuliyeen xubnahaasi. Qaran News
  11. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Taliyaha laanta socdaalka gobolka Sanaag, Siciid Cige Maxammed oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa shaaciyey inay bilaabayaan musaafurinta dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Ceerigaabo. Amarka oo si toos ah uga soo baxay xukuumadda Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay Taliyaha in muddo 15 maalmood gudahood ah lagu fulin doono, ayaga oo bartilmaameedsan doona dadka deegaanadaas kasoo jeeda, oo ay ku jiraan ganacsato. “Waala saarayaa cid been u sheegi kartaana ma jirto, waxay kaga baxayaan muddo 15 cisho ah, xeerkaasi waa xeerka socdaalka, wuxuu dhigayaa in ajaanibka aan u dhalan dalka iyo muwaadiniinta la kala saaro, waxaanu u aqoonsanahay niman Soomaaliyeed oo koonfurta Soomaaliya ka yimid anaguna waxaanu nahay Somaliland,” ayuu yiri Taliye Siciid Cige. Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka uu hore u sii diiwaan-geliyay magacyada shakhsiyaadka la musaafurinayo, ayaga oo loo qabtay in 21-ka bisha ka horeysay ay ka baxaan gobolka Sanaag iyo guud ahaan deegaanada Somaliland. “Horay ayaanu u diwaan galinay dadkan, waa kuwaa sawiradoodi waad aragtaan, anaga waa naga diyaar, hadaanu socdaalka nahay, magacii qofkii iyo sawirkiisii, saacada loo qabtay ee 21 bisha waa in ay ku baxaan, amniga dalkana dowladu amar ayay bixisay.” Dhanka kale, Maxamed Khaliif Nuur waa guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag ahna sii hayaha Gudoomiyaha gobolka oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in dadka la musaafurinayo ay qeyb ka yihiin Itoobiyaanka ku sugan gobolkaas. Waxa uu sheegay in gobolka uu siiyey muddo ku filan dadkaas la musaafurinayo si ay ugu diyaar garooban ayna kusoo aruursadaan deyntooda iyo wixii u kala daadsan. “Waxaa aaminsanahay in muddadaas ay ku diyaar garoobi karaan ka xukuumad ahaan kuna gaari karaan deegaanadii ay hore ugu soo kicitameen, iyagu maaha dad deegaan ah oo waa dad baayac-mushtar ah oo alaab iibinaya ee maaha dad beero iyo guryo sameystay, waana amar kasoo baxay dowladda,” ayuu yiri. “Gobolada bariga waxaa ka dhacay dilal badan markaa iyada oo la doonayo in arrimaha amniga wax laga qabto ayaa keentay in la kala saaro dadka muwaadiniinta ee reer Somaliland iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee deriska la ah Somaliland, dariiqa nabad-galyada loo marayo ayaa keentay in dadkaas la saaro.” Amarka musaafurinta ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan magaalada Laascaanood laga saaray dad la sheegay in ay ka soo jeedaan Koonfurt Soomaaliya, kuwaasi oo aan hore loo sii ogeysiin in la raafayo, taasi oo si weyn loo cambaareeyay. The post Somaliland oo shaacisay magaalada labaad ee ay ka billaabeyso masaafurinta appeared first on Caasimada Online.
  12. Jigjiga (HOL) - The President of Ethiopia's Oromia region travelled to Jigjiga on Thursday to meet his Somali region counterpart. Source: Hiiraan Online
  13. Qatar & Imaaraadka oo isku soo dhowaadey+Waxa isbeddelay? Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa Arbacadii tegay Abu Dhabi, wuxuuna la kulmay dhaxal-sugaheeda, taasi oo ah astaantii ugu caddeyd ee muujineysa in xiriirka labada dal ee Khaliijka uu soo hagaagayo. Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa werisay in dhaxal-suge Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu xarunta al-Bahr ee Abu Dhabi ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani. Warbixinta oo koobneyd ayaa lagu sheegay in labada mas’uul “ay ka wada-hadleen xiriirka xooggan labada dal, iyo hababka sare loogu qaadi karo, si loogu faa’iideeyo danaha labada qaran.” Xiriirka labada dal, ayaa hase yeeshee, ahaa mid aad uga fog xooganaan tan iyo bartamihii 2007, markii Imaaraadka Carabta ay qeyb ka noqotay afar dal oo Carbeed oo qaadacay Qatar, si ay isugu dayaan inay ku qasbaan inay joojiso taageerada ay siiso ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo ururada ku xiran, oo Abu Dhabi ay u aragto inay halis ku yihiin xukunkeeda. Sacuudi Carabiya, Masar iyo Bahrain ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallada qadacaadda oo looga dan lahaa in sidoo kale Qatar lagu cadaadiyo inay xiriirka u jarto Iran. Ugu dambeyntii, kadib saddex sano iyo bar, Sacuudi Carabiya ayaa hormuud u noqotay dadaal lagu soo afjaray khilaafka, waxyar kahor intii aan Joe Biden loo dhaarin madaxweynaha Mareykanka. Xayiraadda la saaray Qatar, oo ay qeyb ka aheyd in duulimaadyada Qatar laga xanibay hawada dalalkan, sidoo kalena laga xiray xuduudaha dhulka, ayaa si kastaba ku guul-darreysatay in laga gaaro ujeedadii laga lahaa oo aheyd in Qatar lagu qasbo inay isbeddel sameyso. Inkasta oo xiriirka diblomaasi ee Qatar iyo Sacuudi Carabiya uu horumar sameeyey, haddana xiriirka Qatar iyo Imaaraadka ayaa weli liita, marka la eego heerka ay la ekeyd kala qeybsanaanta. Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ee Imaaraadka Carabta ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah loo qaaday qaboojinta xiriirka kacsan. Booqashada ayaa timdi wax ka badan bil kadib markii Abu Dhabi ay la-taliyaheeda amniga qaranka Tahnoun bin Zayed Al Nahyan u dirtay Qatar. Kahor Qatar, Sheikh Tahnoun ayaa u safray Turkey – oo ah dal si weyn u taageera Qatar. AP Qaran News
  14. Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta safaro wafdi Wasiiro ah ku tageen Gobollada Gardafuu iyo Karkaar iyo Ansixinta Xeerka Dalxiiska Puntland. Golaha ayaa dood dheer kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Dalxiiska Puntland, oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixino ka dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda, wuxuuna boggaadiyay shaqada socota, isagoo faray Hay’addaha dowladda dhammaan in lasii dardargeliyo shaqooyinka xiligan oo Puntland ay kusoo wajahanyihiin labo Doorasho mida Goleyaasha deegaanka ee hal cod iyo hal qof iyo tan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  15. GALKAYO (HOL) - At least one person who was among hundreds of people evicted from Somaliland has died in Puntland of COVID-19, authorities have said. Source: Hiiraan Online
  16. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa Arbacadii tegay Abu Dhabi, wuxuuna la kulmay dhaxal-sugaheeda, taasi oo ah astaantii ugu caddeyd ee muujineysa in xiriirka labada dal ee Khaliijka uu soo hagaagayo. Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa werisay in dhaxal-suge Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu xarunta al-Bahr ee Abu Dhabi ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani. Warbixinta oo koobneyd ayaa lagu sheegay in labada mas’uul “ay ka wada-hadleen xiriirka xooggan labada dal, iyo hababka sare loogu qaadi karo, si loogu faa’iideeyo danaha labada qaran.” Xiriirka labada dal, ayaa hase yeeshee, ahaa mid aad uga fog xooganaan tan iyo bartamihii 2007, markii Imaaraadka Carabta ay qeyb ka noqotay afar dal oo Carbeed oo qaadacay Qatar, si ay isugu dayaan inay ku qasbaan inay joojiso taageerada ay siiso ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo ururada ku xiran, oo Abu Dhabi ay u aragto inay halis ku yihiin xukunkeeda. Sacuudi Carabiya, Masar iyo Bahrain ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallada qadacaadda oo looga dan lahaa in sidoo kale Qatar lagu cadaadiyo inay xiriirka u jarto Iran. Ugu dambeyntii, kadib saddex sano iyo bar, Sacuudi Carabiya ayaa hormuud u noqotay dadaal lagu soo afjaray khilaafka, waxyar kahor intii aan Joe Biden loo dhaarin madaxweynaha Mareykanka. Xayiraadda la saaray Qatar, oo ay qeyb ka aheyd in duulimaadyada Qatar laga xanibay hawada dalalkan, sidoo kalena laga xiray xuduudaha dhulka, ayaa si kastaba ku guul-darreysatay in laga gaaro ujeedadii laga lahaa oo aheyd in Qatar lagu qasbo inay isbeddel sameyso. Inkasta oo xiriirka diblomaasi ee Qatar iyo Sacuudi Carabiya uu horumar sameeyey, haddana xiriirka Qatar iyo Imaaraadka ayaa weli liita, marka la eego heerka ay la ekeyd kala qeybsanaanta. Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ee Imaaraadka Carabta ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah loo qaaday qaboojinta xiriirka kacsan. Booqashada ayaa timdi wax ka badan bil kadib markii Abu Dhabi ay la-taliyaheeda amniga qaranka Tahnoun bin Zayed Al Nahyan u dirtay Qatar. Kahor Qatar, Sheikh Tahnoun ayaa u safray Turkey – oo ah dal si weyn u taageera Qatar. AP + VOA The post Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo isku soo dhowaanaya – Maxaa shalay dhacay? appeared first on Caasimada Online.
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland, ayaa isna ka jawaabay hadalkii dhowaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ugu baaqay reer Laascaanood inay ka dhiidhiyaan tallaabadii lagu soo masaafuriyey dadkii Soomaaliyeed ee ka soo jeeday dhanka koonfurta. Batuun oo u jawaabayey Rooble ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay amniga dalka Somaliland, isla-markaana uu dhiigoodu kala qaalisan yahay dheeman. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xukuumadda Soomaaliya looga baahan-yahay inay wax ka qabato dhiiga shacabka magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. “Rooble wax aan leeyahay haddii dhiiga dadka Muqdisho micno aanu kula laheyn Adiga Anaga dhiiga dadka Somaliland dheeman nagala qaalisan,” ayuu ku yiri Barkhad Batuun. Waxa kale oo intaasi ku sii daray “Rooble Ummadda malaha waxa ay u heysatay in ra’iisul wasaare Soomaliyeed yahay horta waa ra’iisul wasaare reereed” Dhinaca kale wuxuu Barkhad tilmaamay in ka xisbi Wadani ahaan ay aad uga xun yihiin masaafurinta dadkii laga soo saaray Laascaanood, gaar ahaan kuwa danta yar & dumarka. “Dadka danyarta ah ee dumarka iyo caruurta ah ee dawladdu saartay marnaba Xisbi ahaan ma taageersanin wax dhaqanka, diinta iyo dawladnimada ku fiicanna may aheyn” ayuu sii raaciyey. Dhanka kale dad badan ayaa ka falceliyey jawaabta uu bixiyey xildhibaanka, waxaana qaarkood ay ku dhaliileen inuu wax ka sheego reer Muqdisho, maadaama si weyn looga taageeray guushiisii doorashooyunkii dhowaan ka dhacday gudaha magaalada Hargeysa. Somaliland aoo horey jawaab rasmi ah uga bixisay hadalkii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku tilmaamtay arrin nasiib darro ah, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda lagu yiri “Iyada oo ay ugu wacan tahay hadallo nasiib-darro ah oo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka sheegay arrimo ku saabsan mas’uuliyadaha madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumadda Somaliland waxay dareensan tahay inay ku khasban tahay inay sharaxaad bixiso,”. Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ra’isul wasaare Rooble uu xog aan sal iyo raad toona laheyn ka bixiyey dadkii laga soo masaafuriyey magaalada Laascaanood. Si kastaba, Somaliland ayaa bilowday in deegaanadeed ay kasoo masaafuriso dadka kasoo jeeda koonfurta, waxaana go’aankan uu sameeyey qoysas ku noolaa maamulkaasi. The post Muxuu Barkhad Jaamac Batuun ka yiri hadalkii Rooble? appeared first on Caasimada Online.
  18. Ethiopian Airlines has denied the findings of an investigation by CNN alleging it used its planes to transport weapons to and from Eritrea during the Tigray conflict. Source: Hiiraan Online
  19. Senior officials across the military, police, and civilian components of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), are attending a five-day training programme curated on Monitoring Evaluation and Learning for Peace Support Operations in Africa (MELPAC) by trainers from the Kofi Annan International Peacekeeping Training Centre (KAIPTC), from Ghana. Source: Hiiraan Online
  20. Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa ka dhashay, kadib weerar ay Al-Shabaab saaka ku qaadeen saldhig ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana xigay dagaal toos ah. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka u dhexeeyey labada dhinac uu qaatay dhowr saacadood, isla-markaana uu ka dhashay khasaare isugu jiro dhimash & dhaawac. Saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka, ayna khasaare gaarsiiyeen raggii soo qaaday. Sidoo kale saraakiisha ayaa xaqiijiyey inay dagaalka ku dileen labo xubnood, isla-markaana ay ka qaateen hubkii ay wateen oo ahaa laba qoray oo AK47 ah, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka ka horreeyey ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda. Goobihii lagu dagaallamay waxaa ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada nawaaxiga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post AL-SHABAAB oo khasaare lagu gaarsiiyey DAGAAL ka dhacay magaalada JANAALE appeared first on Caasimada Online.
  21. Xilli Abiy Axmed uu wajahayo eedeymo xusuuq oo dhan ah Tigeyga ayaa warbaahinta afka dheer ee CNN waxaa ay baahisay in diyaaradda Itoobiya ay hub u kala gooshisay Adis Ababa, Asmara iyo xataa Massawasi loogu isticmaalo dagaalka ka dhanka ah Tigeyga. Sida lagu sheegay warbixinta, diyaaraddan oo ah mid ka mid ah diyaaradaha ugu faa’ido sameynta badan Afrika waxay hub u kala qaaday labada dal todobaadka ugu horeeyey ee November 2020. Arrintan ayaa kusoo aaday xilli Abiy Axmed, ra’isul wasaaraha Itoobiya uu markii 2-aad isu caleemo saaray hoggaanka dalkaasi. Sida ay warbixinta sheegeyso, diyaaradda waxaa ay u kala qaaday Addis Ababa iyo Asmara November 9, daad-gureyntan oo ay wadday ilaa November 28, waa shan maalin kadib markii uu Abiy Axmed amray dagaal ka dhan ah Tigray. Fadeexaddan cusub ee kusoo baxday diyaaradda Itoobiya ayaa saameyn ku yeelan doonta magaca shirkadda iyo ganacsigeeda caalamiga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com