Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Alle ha u naxariistee, waxaa Saaka Garoowe ku geeriyooday S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise (Dhega-dheere) oo ka tirsanaa Saraakiisha Hoggaamada Taliska Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland. Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa war kooban oo uu soo saaray kaga tacsiyeeyay Geerida Marxuumka. Taliyaha ayaa tacsi u diray dhammaan Shacabka iyo Dowladda Puntland, gaar ahaanna Qoyska uu ka baxay marxuum Salaad Maxamuud Ciise (Dhega-dheere). “Marxuum-ka wuxuu ka mid ahaa S/kiisha Hogaamada Taliska Guud kuna magacaaban Hogaanka Gaadiidka qayb wayna ka qaatay dhismaha Ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland.” Ayuu yiri Gen. Yaasiin Cumar Dheere PUNTLAND POST The post S/Guuto Salaad Dhega-dheer oo Garoowe ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  2. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay gadooday, iyaga oo la wareegay kastamka Canshuuraha lagu qaado ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo Galmudug. Koontoroolka ay Ciidamada gadoodsan la wareegeen ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug, hayeeshee ay si nabad ah uga tageen markii ay u yimaadeen Ciidamada katirsan daraawiishta Maamulka Galmudug. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Ciidamada ay ka gadoodeen mushaar la’aan ay ka cabanayaan kadib markii Ciidamada kale ee Galmudug uu mushaarka u soo dhacay. Axmed Falagle waxa uu kala fogeeyay wararka la isla xiriirinayo ee ah Ciidanka Gadoodka ka sameeyay Gobolka Mudug & Is casilaadda Wasiirkii Amniga DG Galmudug sida uu hadalka u dhigay Wasiir Falagle. “Gadoodka Ciidanka lug kuma laha is casilaadda Wasiirkii Amniga, balse gadoodkoodu waxa uu salka ku hayaa mushaarka oo kasoo daahay, xalkooda ayaa la wadaa si loo siiyo xuquuqdooda” ayuu yiri Wasiir Falagle. Dhowr jeer ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee ku sugan degaannada Mudug & Galgaduud ay sameeyeen gadood, balse markii dambe la xaliyay. Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug ayaa dhanka kale tilmaamay in la kordhinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, arrimaha ciidanka ee taagan ay yihiin kuwo lagu xoojinayo xasiloonida sida uu hadalka u dhigay. Golaha Wasiirada DG Galmudug oo uu shir Guddoomiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoorayaa diiradda lagu saaray Xaaladda guud ee Amniga & arrimaha Doorashooyinka sida lagu sheegay qoraal kulankaas kaddib sida ay shaacisay Madaxtooyada Galmudug. The post Maxaa ka jiro in ciidamada daraawiishta Galmudug ay u gadoodeen is casilaadda Fiqi? appeared first on Caasimada Online.
  3. Toban sano ka hor maamulka Somaliland wuxuu yabooh u diray dad ku tabaaloobay macaluul ka dhacday qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya. Dad badani waxay is weyddiinayaan sababta dareenkaas damqashada leh uga dhammaaday garashada madaxda siyaasadeed ee maamulka Somaliland. Source: Hiiraan Online
  4. “We had the opportunity to collaborate and help our kids learn and maintain and retain their first language, but also learn English,” said Ibrahim, who’s also an author and educator. Source: Hiiraan Online
  5. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa shir xasaasi ah isugu yimid xalay xilli maamulka uu wajahayo xiisad dagaal oo kala dhaxeysa ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca. Ahlu-Sunna oo dhowaan soo rogaal-celisay ayaa qabsatay magaalada muhiimka ah ee Guriceel iyo deegaano kale oo yaryar, waxaana laga cabsi qabaa inay sidoo kale qabsato magaalada Dhuusomareeb. Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan caawa shir guddoomiyay shirka Golaha wasiirada Galmudug oo caawa ka qabsoomay xarunta madaxtoyada Dowlada Galmudug.” Sida uu sheegay Qoo Qoor, kulanka ayaa diirrada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin; xaaladda guud ee amniga Galmudug iyo arrimaha doorashooyinka. Dood iyo falanqayn dheer kadib, golaha wasiiradu Galmudug waxay soo saareen saddex qodob oo kale ah: 1- Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug, 2- Goluhu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah. 3- Goluhu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka ayadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso in ay gutaan waajibaadkooda. Kulanka ayaa imanaya ayada oo shalay uu is-casilay wasiirkii amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, oo sheegay in isaga iyo Qoor Qoor ay isku khilaafeen sida loo wajahayo arrinta Ahlu-Sunna. Fiqi ayaa sheegay inuu doonayo in wada-hadal lagu dhameeyo xiisaddan, balse sida uu yiri, Qoor Qoor ay ka go’an tahay in dagaal lagu kala baxo. The post 3 qodob oo laga soo saaray shir xasaasi ah oo ay yeesheen golaha wasiirada Galmudug appeared first on Caasimada Online.
  6. HE the Minister of Commerce and Industry and Acting Minister of Finance, Ali bin Ahmed al-Kuwari met with his counterpart Abdirahman Dualeh Beileh, Minister of Finance of the Federal Republic of Somalia and the accompanying delegation during their visit to Doha. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Al-Fanaan Nimcaan Hilaac ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland. Fiqi iyo Nimcaan ayaa waxay naqdiyeen hadalka Barkhad uu ugu Jawaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble, islamarkaana uu uga hadlay dadka Koonfurta ee ay Somaliland bilowday raafkooda. Batuun oo u jawaabayey Rooble ayaa waxa uu sheegay in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay amniga dalka Somaliland, uu dhiigooduna kala qaalisan yahay dheeman, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha ku tilmaamay mid reereed oo aan qaran aheyn. Fiqi ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Ninikii heyb sooca ka sheeganayey ee taageerada badan arrintaas Soomaali oo Idil uga helay ayaa durbaba kursigii marka uu ku fariistay dad heyb-sooc lagu soo tarxiilay xuquuqdoodii dafiraya kuwii falkaas geystayna u muujinaya garab istaag.. Barkhad meel xun buu talaabo qaadka ka bilaabay!.” Nimcaan Hilaac ayaa isagna yiri “Barkhad Jaamac Batuunow. Cilaajkeenu wuxuu lahaa Cid gaara oo inoo qaabilsan cayda koonfureed iyo inay ku digtaan, saaka iyagiibaad horbooday. Gobonimo koonfurbaa leh Allaha nabadeeyo.” Si kastaba, Hadalka Barkhad ayaa si weyn loogu naqdiyay baraha bulshada, inkasta oo uu sheegay in ka xisbi Wadani ahaan ay aad uga xun yihiin masaafurinta dadkii laga soo saaray Laascaanood, gaar ahaan kuwa danta yar & dumarka. The post Fiqi iyo Nimcaan Hilaac oo si cajiib ah ugu jawaabay Barkhad Jaamac Batuun appeared first on Caasimada Online.
  8. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si kulul ugu cambaareysay Sacuudi Carabiya inay ku adkeysatay xukun 20 sano oo xabsi ah oo lagu riday shaqaale gargaar oo lagu eedeeyey inuu twitter soo dhigay qoraal ka dhan ah dwladda. “Waxaan ka niyadjabsanahay xaqiijinta xukunka lagu riday Abdulrahman al-Sadhan sababo la xiriira inuu si nabad ah u muujiyey xuquuqdiisa xoriyadda hadalka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Ned Price. “Si dhow ayaan ula soconay kiiskiisa waxaana ka walaacsanahay tuhunada ku saabsan in Al-Sadhan loola dhaqmay si xun, oo uusan awoodin inuu la xiriiro qoyskiisa, islamarkaana xuquuqdii uu u lahaa maxkamad caddaalad ah aan la qadarin,” ayuu Price ku yiri bayaan uu soo saaray. Sida ay sheegeen qoyskiisa, Abdulrahman al-Sadhan oo ah shaqaale ka tirsan Bisha Cas ayaa laga watay xafiiskiisa magaalada Riyadh March 2018, sababo la xiriira qoraal lasoo dhigay twitter aan la aqoon qofka leh, kaasi oo cambaareeyey xukunka boqortooyada. Waxaa markii ugu horreysay xukun lagu riday bishii April ee sanadkan, taasi oo sidoo kale dowladda Mareykanka ay aad u cambaareysay. Walaashiis Areej al-Sadhan, oo haysata dhaslada Mareykanka, ayaa Talaadadii ku qortay twitter in 20 sano oo xabsi ah ku riday, taasi oo ay ku xigi doonto 20 sano oo mamnuuc dhanka safarada ah. The post Dowladda Mareykanka oo cambaareysay go’aanka boqortooyada Sacuudiga appeared first on Caasimada Online.
  9. Maxamed bin Salmaan oo iibsaday Koox ka mid ah horyaalka Premier League Horyaalka Premier League ayaa ansixiyey in Sacuudi Carabiya ay iibsato kooxda Newcastle United, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ay soo saareen. “Premier League, Newcastle United Football Club iyo shirkadda St James Holdings Limited waxay maanta heshiis ka gaareen iibsashada kooxda ee PIF (Public Investment Fund),” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Premier League. Heshiiska ayaa ku kacaya 305 milyan oo pound, wuxuuna hirgalay isla maaanta PIF waa sanduuqada lacagta dadweynaha ee dowladda Sacuudi Carabiya. Inkasta oo uusan si rasmi ah u magacowneyn, haddana milkiilaha rasmiga ah ee Newcastle ayaa hadda loo arkaa Maxamed Bin Salman maadaama uu yahay ninka ugu awoodda badan dowladda Sacuudiga, islamarkaana sanduuqa PIF uu hoos tago. Madaxa PIF Yasir Al-Rumayyan ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan noqoo milkiilayaasha cusub ee Newcastle United, oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu caansan England.” Heshiiskan ayaa waxa uu hadda kahor burburay 2020 markii Premier League uu ku adkeystay in la kala saaro PIF iyo dowladda Sacuudiga, sidoo kalena Sacuudi Carabiya ay dalkeeda u ogolaato in lagad daawo taleefishinka Qatar ee beIN Sports. Taageerayaasha kooxda Newcastle ayaa dabbaal-deg ka sameeyey dibadda garoonka St. James Park, ayaga oo ku faraxsan in kooxda laga wareejiyey gacanta milkiile Mike Ashley oo loo arkay nin kooxda la degay oo aan dhaqaale gelin. Qaran News
  10. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo xoogan ka taagan tahay deegaanka Turbi oo hoostaga degmada Balanballe ee gobolkaas. Xiisada dagaal ayaa waxay u dhaxeysa labo maleeshiyo Beeleed, kaasi oo salka ku haya falal aanooyin qabiil iyo dagaalo soo laab-laabtay oo muddooyinkii dambe ka dhacay deegaanka Turbi. Sida ay sheegen dadka deegaanka maalmo ka hor un baa deegaankaas lagu dilay labo qof oo shacab ahaa, midaasi oo sare u sii qaaday xiisada dagaal ee ka taagan deegaankaas. Cabsi iyo walaac hor leh ayaa soo food-saartay dadka deegaanka Turbi, oo la xiriirta in labada maleeshiyo Beeleed ay ku dul dagaalaman, ayna kasoo gaarto dhibaato hor leh. Ma aha markii u horeysay ee xiisad dagaal beeleed laga dareemo deegaano ka tirsan maamulka Galmudug, hase yeeshe waa mid sanadihii u dambeeyay lala daala dhacayey dagaalka salka ku haya aanooyinka qabiil, kuwaasi oo maamulka Qoor-Qoor uu ku fashilmay wax ka qabashadiisa. The post Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal oo ka taagan qeybo ka mid ah Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
  11. Boqor amray in loo jebiyo telefoonka xaaskiisa si sirteeda uu u helo Amiirad Xaya iyo Sheikh Mohammed Maxkamadda sare ee Britain ayaa soo sheegtay in hogaamiyaha Dubai Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum uu oggolaaday in la jabsado taleefoonnada xaaskiisii ​​hore iyo qareenkeedii iyadoo la siticmaalayo barnaamijka basaasnimada ee Pegasus intii uu socotay dacwad sharci oo ku saabsan labadooda carruur ah. Maxkamaddu waxay xukuntay inuu sidoo kale oggolaaday in barnaamijka Pegasus loo adeegsado qareenka amiirad Xaya, kaaliyaheeda gaarka ah iyo laba xubnood oo ka tirsan kooxda amnigeeda qaabilsan. Amiirad Xaya waxay u qaxday London bishii Abriil 2019 iyada iyo labadeeda carruurba, taasoo dhalisay dagaal sharci oo ku saabsan haynta iyo taageerada maaliyadeed ee carruurta. Sannadkii hore, maxkamad ku taal Ingiriiska ayaa ogaatay in Sheekh Maxamed “uu amray sidoo kalana abaabulay” afduubka laba gabdhood oo uu dhalay iyo in si qasab loogu celiyo Dubai. Sheekha ayaa iska fogeeyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay. Dacwaddan ayaa dhaawac ku ah Amiirkan maalqabeenka ah ee jecel in aan la ogaan arrimihiisa u gaarka ah isla markaasna neceb buuqa iyo is jiid jiidka, si la mid ah sida hoggaamiyeyaasha kale ee Khaliijka. Saxaafadda Ingiriiska ayaa si gaar ah arrintan isha ugu haysay tan iyo markii ay soo shaac baxday, ayadoo saxaafadda Ingiriiskuna ay aad diiradda u saarto dabagalka wararka ku saabsan dadka caanka ah iyo kuwa maalqabeenka ah. Warbaahinta ingiriiska ayaa sidaas si la mid ah u qaadaa dhigtay sheekada la xiriirta markii 19 sano ka hor gabadh uu dhalay Mohammed bin Rashid, oo la yiraahdo Shamsa ay isku dayday in ay kaga baxsato beertiisa ku taal Koonfuta Ingiriiska, laba bilood kaddibna arrintaasi way iska dhammaatay walina lama oga sida amiiraddan 38 jirka ah ay ku tagtay Dubai, walina gabadhaasi meel fagaare ah kama soo muuqan. Waxaa sidaas si la mid ah sannadkii hore isku dayday in ay Dubai ka baxsato Amiirad Ladiifa oo walaasheed ah, balse dib ayaa loo soo celiyey kaddib markii ciidamada Imaaraadka ee sida gaarka ah u tababaran ay hawgal ku soo qabteen. Warbaahinta Ingiriiska ayaa ogaatay in si weyn loo ilaaliyo xubnaha qoyska Sheekh Maxamed bin Raashid ee ku sugan Britain, marka ay guryahooda joogaan iyo markay bannaanka joogaanba ayagoo ilaalo la raaciyo marka ay ku sugan yihiin daaraha dhaadheer ee qoyskaasi ay ku leeyihiin England iyo Scotland. Waa kuma Sheekha hoggaamiye dhaqameedka ah Maxamed bin Raashid wuxuu sannadkii 1949-kii ku dhashay gobolka Shindagha ee Dubai, waana da’da saddexaad ee carruurta afarta ah ee uu dhalay Sheekh Raashid Bin Saciid. Aabbihiis sheikh Rashid wuxuu xukunka imaaradda Dubai hayey intii u dhexaysay 1958 iyo 1990, waxaana imaaraddaas si gaar ah u ilaaliya Ingiriiska marka loo eego imaaradaha kale ee Khaliijka. Maxamed Bin Raashid wuxuu waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare ku dhammaystay Imaaraadka, asagoo dugsigiisa sare dhammeeyey sannadkii 1965-tii. Sannad ka dib wuxuu u wareegay dalka Ingiriiska asaga iyo ina adeerkiis, Sheikh Mohammed bin Khalifa Al Maktoum, si uu u soo barto luuqadda Ingiriiska, wuxuuna ku biiray Iskuulka Luuqadaha ee Bell oo kuyaal Cambridge. Markii uu dhammaystay barashada afka Ingiriisiga, wuxuu ku biiray kulliyadda ciidmaada Britain ee Munz, halkaas oo uu ka soo qaatay koorso lix bilood ah. Maxamed bin Raashid wuxuu ka mid noqday dadkii bud dhigga u ahaa mashruucii lagu dhisay dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taas oo ka koobnayd gole ay ku midaysan yihiin Imaaraadkii Carabta ee heshiiyey, waxaana xigay heshiis kii ay sannadkii 1968-dii ku midoobeen amiirkii hore ee Abu Dhabi sheikh Saayid bin Suldan iyo amiirkii hore ee Dubai Sheekh Raashid, tallaabadaas oo la oran karo waxay gogol xaar u ahayd dhismaha isutagga imaaradka. Sannadkii 1969 ayaa Maxamed bin Raashid wuxuu madax ka noqday booliiska iyo ammaanka guud ee Imaaradda Dubai, waana xilkii dawladeed ee ugu horreeyey ee uu qabtay. Sannadkii 1971-dii, waxaa xeebta Jumayra ee Dubai lagu saxiixay dastuurkii ugu horreeyey eek u meel gaarka ah si loo dhiso dawlad ay leeyihiin Isutagga Imaaraadka Carabtu. Maalmihii xigayna waxaa la soo dhisay golo wasiirro oo uu madax ka ayhaay Sheekh Maktoum, wuxuuna walaalkiis u dhiibay wasiirka difaaca, wuxuuna noqday wasiirkii difaaca ee ugu da’da yaraa caalamka ee xilligaas. Go’aanadii ugu adkaa ee uu qaatay in uu wasiiirka difaaca ahaa waxaa ka mid ahaa in ciidamo Isutagga Imaaraadka ka socda ay ka qayb qaataan xulufadii uu Maraykanku hoggaaminayey ee ciidmada Ciraaq looga saarayey dalka Kuwait sannadkii 1990-kii. Dubai ayaa noqotay xarun ganacsi iyo mid dalxiis intii uu talada hayey Sheekh Raashid, kaas oo wiilashiisii u dhiibay mashaariic fara badan oo horumarineed. Hawliii uu u xilsaaray wiilkiisa Maxamed waxaa ka mid ahaa in uu dhiso dekad ay doonyuhu ku xirtaan, iyo in uu madax ka noqdo guddiga madaarka Dubai ee caalamiga ah, iyo sidoo kale shirkadda shidaalka Dubai, oo loo arko isha Dhaqaalaha ugu weyn ee imaaraddaas. Markii uu geeriyooday Sheikh Raashid sannadii 1990, waxaa xukunka kala wareegay Sheekh Maktoum. Sannadkii 2006-dii ayaa Maxamed Bin Raashid wuxuu qabtay xukunka Imaaradda Dubai, ka dib markii oo uu dhintay walalkiis Maktoum Aala Makhtoum. Sida uu sheegay wargayska Forbes, hantida amiirka Dubai waxay hoos ugu soo dhacday 6 bilyan oo dollar sanaddkii 2009-kii, sababo la xiriira qalalaasihii dhaqaalaha caalamka, waxaana “hantidiisa haatan lagu qiyaasaa 4 bilyan oo dollar” sida laga soo xigtay hay’adda Business Insider. Qaran News
  12. Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in weerar lagu yahay, gaar ahaan nabad-gelyada ay haysato, islamarkaana koox argagixiso ah ka xun tahay amaanka ka jira deegaanada Somaliland. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin iyo Wasiirka Warfaafinta, Saleebaan Koore ayaa arrintaas ka sheegay munaasibad xariga looga jarayay Xarun ay Ciidamada Gurmadku ku yeelanayaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Waxay carabka ku adkeeyen in dilalka iyo falalka ka dhanka ah amaanka ee muddooyinkii dambe ka dhacayey gobolka Sool ay ka dambeeyan Al-Shabaab iyo dad lamid ah oo ka xun amaanka Somaliland. Sidoo kale waxay ugu baaqeen Bulshada ku nool deegaanada gobolka Sool inay amnigooda ka shaqeeyaan, islamarkaana ay kasoo horjeestaan cid kasta oo lidi ku ah amniga magaalada Laascaanood. Magaalada Laascaanood ayaa muddooyinkii dambe ka dhacayey dilal si gaar ah loogu beegsanayay mas’uuliyiin reer Somaliland iyo dad Haldoor ah, kuwaasi oo si weyn isku soo tarayay. Somaliland oo ku andacooneysa amaan darada Laascaanood soo foodsaartay ayaa dhawaan billowday musaafurinta dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, si wax looga qabto amaanka gobolka, sida ay sheegtay. The post Somaliland oo sheegtay in weerar lagu yahay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  13. FOOLAAD IYO FAHAMKAYGII _========================= Intii uu ka hilaacay kacaankan buugaag qoristu guud ahaanba magaalooyinka ay soomaalidu degto gaar ahaan ka ka muuqday caasimada somaliland ee Hargaysa wuxuu daaha ka rogay iftiimiyeyna taariikho la daahfuray halisna ugu jiray inay lumaan waan u mahad naqayaa cidkastoo dadaalkaa ka qayb qaadatay ama ku hamiyaysa inay ka mid noqoto, u suxul duubanayaasha bulsho si ay u ilaaliyaan dhaqanka sooyaalka iyo taariikhda dadkan iyo dalkanba,tani waa horumar ay gaadheen jiilkan wakhtigoodu casriga yahay duruufo badanina ay saacidayaan,inkastoo ay jiraan caqabado badan oo ku hor gudban,kuwaasoo aad ka dareemayso marka aad akhrido waxsoo saarkooda,iyo sida tixraacyadoodu u yar yihiin taasna waxaa sababtay inaan dhaxal hore loo tusmayn iyo in cimriga afkan wax lagu qorayey uu yaraa Makaan intaas ka gudbo 20kii sano ee u danbeeyey akhrinta buugaagtu aad bay iigu yarayd,aniga iyo dadka kaleba duruufo jira awgood waxaanse nasiib u helay inaan indhaha ku nasiyo buugii iigu horeeyey mudadaas oo aan akhriyo kaasoo kamid ahaa dhawr buug oo si isku dhawdhaw loogu soo bandhigay magaalada Hargeysa badhtamihii sabadkan 2021ka kuwaasoo ay ka mid ahaayeen FOOLAAD,HAWAALAWARAN,JALAMQALAM,ASTAAN HALGAN iyo qaar kaloobadan dhamaantoodna ay xanbaarsan yihiin taariikh iyo nololo badan oo xardhan, bulshada dhexdeedana inbadan qiimo ku dhex lahaa, hadaba kii iigu horeeyey ee aan nasiib u helo inaan akhriyaa caawana aan jecelahay inaan wax ka idhaahdaa waa buuga toolmoon ee FOOLAAD,. Foolaad sida ka muuqata magaca inta aanan u fiirsan aan u mahad naqo siduu sheegay qoraagu cidii lahayd magac bixintiisa abwaan Xasan Daahir WEEDHSAME, waxaan leeyahay meel gaara oo libineed iyo qalbi degan oo gundheer ayaad ka soo saartay waxaanu noqday kii hirgalay ee mahadsanid markale. Buugan FOOLAAD oo ka sheekaynaya taariikhdii macalin Fanaan Halgamaa Maxamed Mooge Liibaan AHU waxaa qoray qoraa iyo abwaan Cabdikariin Xigmaawi ma doonayo inaan qoraaga ka sheekeeyo waxse keliya oo aan doonayaa inaan idhaahdo,waajibka guud ee dadka ama ummadda wada saaran qofka ka furta wuxuu geyaa in la yidhaahdo mahadsanid weliba ku mahadsanid hawl inoo wada taalay kuna wadeecoobi lahayd dhexdeena hadaad naga furatay anaga ayaad si gaar waxtar noogu noqotay manfacna waxaad u ahaan doontaa jiilasha soo koraya. Buugan FOOLAAD qoraagu aad ayuu isugu hawlay runtii waana gundhig wanaagsan iyo bar bilow sees looga dhigi karo taariikh mug wayn oo in si fudud loo ururiyaa ay dhib iyo hawl badan leedahay,FOOLAAD micnaha eraygu waa mid gun balaadhan oon eray lagu fasiri karin,Foolaad WAA BULSHO HORMUUDKEED bulshada dhan walba inta labeenteeda ah ayaa la yidhaahdaa waa FOOLAAD. Sida dhiganahan ka muuqda hadaad si niyada aad u dheehatid maxamed intuu noolaa iyo intuu mootan yahay waxaad arkaysaa inay aad isugu dhawdahay bal eeg 1984_2021 oo buugu soo baxay 37 sanadood ayuu mootan yahay waana sababta fogaysay xog badan iyo taariikh dahabiya oo laga heli lahaa,waxaad halkaa ka garan kartaa in inbadan oo ehel iyo asxaaba la ahayd uu wakhtiga iyo waayuhu kala kexeeyeen,weliba qaar badan oo maktabad inoo noqon lahaa ay hayaameen siiba wakhgiyadii danbe asxaabtii ay safka halganka ku wada jireen oo inta ka nooliba ay yartahay,bal eeg xaga kalena sida qoran 40 jir ayuu ku godgalay 1944 tii oo uu dhashay iyo godgalkiisii 1984tii. Sida ku cad dhigaalkiisa Foolaad Maxamed mooge noloshiisii tolmoonayd marka laga reebo waayihiisii caruurnimo ardaynimo,iyo qaangaadhnimoba waxa uu wakhti yar oo gaaban uu ummada soomaaliyeed ugaga faa’iideeyey inay ku liqaan magaciisa, uu noqdana todobaatanaadkii Soomaalidu qofka keliya ee ay kor u qaadaan magac iyo maamuusba, waana ta keentay kana dhigtay in foolaad laagu wanqalo sooyaalka taariikhda laga qoray. Buuga FOOLAAD sida ku cad bogiisa 106aad heestiisii u horaysay maxamed ala ha u naxariistee wuxuu qaaday 1968dii taasoo uu u qabtay radio Hargeysa, waa Heestii MAHIIGAAN, ereyada waxaa lahaa Maxamed Cumar Huryo,laxanka waxaa raaciyey Rashiid Bulo, codkuna wuxuu ahaa maxamed Mooge illaahay dhamaantoodba haw naxarariistee, Waxaana midhaheedii ka mid ahaa, Maraan xalayto toosoon Muxibada la sara kacay Oon midigta kaa deyey Meelaad kamaqan tahayOon bidix miliilicay Meel aadan joogin Oon meelo dheer iyo Marna dayey hortaydaa Masanuunshay inanyey Muuqaagu sidu yoo taasi waxay inoo muujinaysaa marka aynu si kale u dhigno in maxamed mooge mudo aad u yar uu ku hantiyey qalbiyada dadka soomaaliyeed. Mar hadii maxamed alle ha u naxariistee uu qaaday heestiisii u horaysay ee si caam ah loo maqlo 1968, marka laga jaro dhimashadiisii, waa16 sanadood oo keliyaayuu ku dhex jiray fanka, inta badana halgan iyo xabsi uu ku soo jiray, wuxuuna ku gaadhay derejo aan umadu cidna la wadaajin, uu noqdayna umadan foolaadkeeda,sida aan ka dhegaystay waraysi uu bixiyey cabdikariin qaaray mulaxamaystihii qaariga ahaa,waraysigaas oo youtube ka ku jira, weriye Dulyarna uu muqdisho kaga qaaday, wuxu yidhi maxamed mooge Alle haw naxariistee waxaa iigu danbaysay aragtidiisa 1975 kii waa xiligii fanaankii cabdilahi hanuuniye loo bixiyey markay dadku maqleen codkiisa Shoodhe Mooge taasina waa markhaati kale oo muujinaysa inuu mudo yar oo 7 sanadood ah ku noqday dayax shin dhalada nuurkiisuna arlada wada gaadhay waa shan iyo tobnaade, Maxamed AHN intaan dhigaalka FOOLAAD ka daalacday wuxuu ahaa fannaan ay ku taagsadeen awoodoodana ay isugu geeyeen labeentii hal abuurkii Soomaaliyeed ee taariikhda galay todobaatanaadkii, inamadii la holin waayey ee lahaa Hadraawi,cabdi qays,Huryo,Axmed Saleebaan bide,Cali Saleebaan Bide,Xasan Sheekh muumin,Xuseen Aw Faarax,Cisman Diiriye Kulane,Aadan Tarabi,iyo qaar kaloo badan waana inta aan is leeyaha Maxamed waa sababta u saamaxday inuu noqdo dayax xidigo ku dhex jira. Maxamed wuxuu ahaa fanaan ay ku urureen hal abuuro badan weliba kuwii ugu qaalisanaa geyiga,wuxuu ahaa laxamayste iyo muusiishan labadaba intiise aan akhriyayey buuga Foolaad ee dhiganaha taariikhdiisa waxaan ka halacsaday bogga 168aad heesta la baxday DEDDA’ GOOYE heestaan way ka duwan tahay kuwii hore ee loo dhiibi jiray,Maxamed isagaa heestan hal abuuray,laxameeyey,muusiga saaray,tumaya,codkana isagaa ku qaadaya waxaanu si dareen le ula hadlayaa kamankiisii uu magacan ugu wanqalay kamankaas oo illaa maanta nool waxaaney tidhi heestu. Anigoo dagaal Dood iyo colaad Iyo dirir ka imi Oo dabeecadaydii Tahay midaan dadkuba U dulqaadan karin Dejiyaha naftoow Daadihiyahaw Maxaan kula dulmaray Sida farshaxanka leh ee maxamed uu midhahan iyo inta aan ka tegayba uu isugu sar jaray awooda uu u lahaa hal abuurnimada ayay muujinaysa,waayo hal yaqaan kasta bilowga weedhihiisa ayaa laga gartaa awooda tuducyadiisu ku dhisan yihiin iyo qotada qaafiyadeed ee uu isticmaalay,taasoo ay tahay maxamed alle haw naxariistee waxaad arkaysaa inuu sarkaxaadiyey hal abuur mahdiya, taanoo keliya maahee dhiganaha sooyaalka maxamed mooge ee Foolaad bogiisa 243aad waxaa ku xardhan heestiisii caanbaxday ee FARIIN WAALID,sharaxa heesta qoraaga buuga iyo qoraa isna boobe yuusuf ducaalaa ku fara yaraystay anigu waxaan u soo qaatay inaan cadeeyo hal abuurnimadiisii iyo fanaanku siduu maarka(lakabka) suugaanta uu u helay, waxay ina tidhi heestii fariin waalid. Ha i hiifin aabow Oo hay habaarine Kama hadhine haybtay Anigow horeeyoo Halgankiyo dagaalkana Waxa lagu hogaanshaa Hawraarta maansada Hanaanka iyo luuqdiyo Guubaabo heeskiyo Waa hadaladaydee Sawtaan horow idhi Tola’ay reer hargeysaw. Waan hubaa buugani inuu hor dhac u yahay taariikh mug weyn oon ku koobnayn qof keliya ee ay wadaagaan asxaab badan oo waayo nolosha qaybaheeda saaxiibo ku ahaa, tiraab iyo toyoshabana ay ka dheexaysay, maadaama uu gundhiga intaa qarada le’eg uu yahay, dhaliil ma samaynayso iyo ceebayn toona balse dhinaca kale khaladaadka intaan ku arkay buuga amintii aan akhriyayey ee ka dhex muuqda marka la eego,waxaa kow u ah hab qoraalka, siiba heesaha,murtidu had iyo jeer qaafiyad ayay leedahay,qoraalka hadaan la hagaajin lagana fiirsana qaafiyadaa lunta,sidaa daraadeed dibu huf iyo hagaajin ayuu u baahan yahay. halku dhigyada la isticmaalay,micnaha ereyada qaarkood, Sida ku cad sooyaalka taariikhda maxamed mooge AHN boga 33aad illaa boga 41aad wuxuu ku ururiyey hal’muceedyo ama hal ku dhigyo laga soo ururiyey heesuhuu qaaday fanaanku, oo dhamaantood ah intooda badani murti afeed umadu leedahay ooy bulshadu halhays u leedahay, sidaa ay dadku u adeegsadaana ay iyana u adeegsadeen murti dhaadhiyadu, fanaankuna ku luuqeeyey sida. La joojiyaana banaan La jiifiyaana banaan Sidoo kale waxaa ku jira Haweenka iyo geelaba Waa la hido raacaa Sidoo kale waxaa kamida Waxay sheegtaba hawaydee Waaba lagu shareeraa Had iyo jeer hal abuur maahmaah iyo halku dhig kay noqotaba inuu adeegsado abwaanku, waxay ka mid tahay af aqoonimada ama cabqari sanaantiise, markase taariikh laga reebayo ama ay qoraal gelayso, taasi fanaanka ma mulkisiinayso inuu ka tegey halku dhigyo uu leeyahay, sidaa darteed waxaan isleeyahay taasina sixid bay u baahan tahay. Ta kale Afka Soomaaligu waa af micnaha ereyadiisu aad u fog yihiin weliba lahjaduhu waxay keeneen kala duwanaasho badan taasoo shey keliya dhawr magac oo kala duwan loo yaqaano waana sababta afka u samaysa muunadda markase la micnaynayo erayga waa haboon in si feejigan looga fiirsado maadaama uu qoraal gelayo tusaale ahaan CIRJIIDH=JEEGAAN ayaa buugu ku micneeyey mana aha ee cirjiidhi waa xidig ta aduunyadu u taqaano jupitar sidoo kale LADH=WAA CILAD laabta kasoo kacda inta badana waxaa keena liqinyada,dheregta,ama xanuun, DOOJI= WADAANTA marka biyaha lagu soo qaadayaa la dhahaa ASARAAR= MURAN BAYR= CABSI,BAQDIN,hebel bayr buu leeyahay ama jacaylka bayrbuu ka leeyahay DIRGAN WAAYEY=DHAQAAQI WAAYEY GOOF=WAA CEEL qodistiisa dhexda lagaga tegey ama aasmayba,aan biyo lahayn. Inkastoo aanay dhaliilaha buugu badnayn hadana intii aan akhriyayey buuga waxaan dareemay in silsilada sooyaalka fanaanku aan in badan ku wareeray oo ay marba meel ila aadaysay,anigu waxaan jeclaa in taariikhda iyo heesuhuba siday u kala horeeyaan loo wado,balse qoraaga ayaa door biday inuu cutubyada sidan u dhigo. waxaase ka badan kana mug wayn wanaaga ka buuxa dhextiisa iyo in weliba dabacaad kasta oo lagu sameeyaa ay daah furayso lib ka badan tii hada laga gaadhay.waxa kale oon ku talin lahaa in inbadan laga waraysto abwaanada ay kulmeen inta maanta ka nool dadka iyo asxaabtiisiiba. taariikhda marxuumkan aan ka sheekaynaynaa Foolaadna uu aad u lafa guray waa bad aan laga gayoonayn dhanay kaa xigtana aanad garanayn, waxaanse qoraaga buugan foolaad kula dardaarmayaa inaanu ka fadhiisan raadinta iyo dabagalka taariikhdan inta weli dahsoon,inta khaladaad ee jirtana uu dib u saxo, waxaan mar kale hawsha qoraalka buugan ugu mahad naqayaa qoraaga buuga oo aan leeyaha hanbalyo hawshanaad qabatay ku mahadsanid kun jeer,maalmo kale oo sidan ka bedelana insha Allah waynu ku kulmi doonaa hadba inteena nool. Akhristayaasha mudana waxaan leeyahay Wixii qaldan ama aad karahsataa anay iga ahaatay iga raali ahaada hana ii qabanina wixii wanaagsana eebaa i waafajiyey haygu hanbalyayn ee ii bari eebe inuu ii denbi dhaafo Mohamed Yaasiin Mohamed myaasiin143@hotmail.com Belgium Qaran News
  14. ETHIOPIA OO DIB U DOORATAY ABIY AHMED ALI IYO HOGAAMINTA LAGA FILAYO SHANTA SANADOOD EE SOCOTA Ethiopia waa dawlad ka mid ah dawladaha aduunka ugu da’da weyn marka taariikhda la raaco , waa dal taariikh weyn oo mug leh ku leh aduunyada iyo qaarada Africa . Waxaa ku nool qoomiyado kala duwan oo lagu qiyaaso ilaa 82 qoomiyadood , dalka Ethiopia waxa uu soo maray nidaamyo maamul oo kala duwanaa oo ay ka mid yihiin. 1- Boqortooyo 2- Maamul Ciidan 3- Nidaam rayid oo taladu urursan tahay ( Autocracy) 4- Nidaam dimuqaradi ah. Habka ugu dambeeya ee dimuqaradiyada tooska ah waxaa hindisay oo aragtideeda watay markii uu talada dalka Ethiopia yimid Raisal wasaare Abiy Ahmed sanadkii 2018kii bishii April , xiligaasi oo kacdoono joogsan waayey mudo labasanadood ahi ay dhaliyeen in uu talada dalkaasi lagu wareejiyo qoomiyada oromada oo ahayd dadka kacsanaa. Horaantii taladiisa waxa u qabsoomay wax aan soddonkii sanadood ee u dambeeyay Ethiopia ka qabsoomin oo ahayd in uu la heshiiyey maamulka Asmara oo ay Addis-Ababa isku hayeen soohdinta u dhaxaysa labada dal ee Badhame ( Badame ). Halkaasi waxa uu ku mutaystay Abiy Ahmed in la siiyo abaal marinta nabada aduunka ee loo yaqaano “Noble peace price ” sanadkii 2019kii waxaana uu magaciisu gaadhay aduunka oo dhan oo waxa uu noqday hogaamiye African ah oo saameyn iyo wax la yaab leh soo kordhiyey. Sanadkii 2020 bishii Aug waxa dalka Ethiopia ka qorsheysnaa in doorashooyin ka dhacaan xiligaasi oo ahaa xiliyadii uu xanuunka #Coronavirus aduunka sida halista ah uga jiray waxaana dib loo dhigey doorashooyinka Ethiopia. Ethiopia waa dal federal ah oo ka kooban 9 maamul goboleed , doorashooyinkaasi waxa diiday maamulkii iyo dawladii gobolka waqooyi ee Tigray, oo marka horeba saluugsanaa talada Abiy Ahmed una arkayey in uu duulimaad ku yahay qoomiyada ay yihiin oo dalka Ethiopia 27 sanadood talada u hayey , iyo waliba in uu bixiyey dhul Ethiopia leedahay oo ay ku wayday dad iyo duunyo badan oo aan qiyaas lahayn. Sidoo kale waxaa la beegsaday dhamaan madaxdii maamulkaasi oo la qoray dambiilayaal oo jeelal lagu guray badhna dibadaha u yaaceen , waxaana uu arinkaasi ula muuqday mid ka dhan ah xukuumadii EPRDF ee Ethiopia ka talinaysay todoba iyo labaatanka sanadood oo ay gadhwadeen ka ahayd TPLF. Bishii Nov 2020 waxaa dagaal lagu qaaday saldhigii ugu weynaa ciidamada Ethiopia oo ku yaalay gobolka Tigray , waxaana bilaabmay dagaal dawlada Ethiopia iyo TPLF u dhexeeya , xiligaasi waxa uu sheegay Abiy Ahmed in lagu kalifay in uu dagaal qaado sharcina ay tahay in uu difaaco qaranimada dalka Ethiopia. Dagaalkaasi waxa ka soo baxday natiijo aan wanaagsanayn oo waxa la duqeeyey magaalooyin dhisan , dumar iyo caruur aan waxba galabsan ayaa ku dhintay badhkoodna ku barakaceen dalka Ethiopia dhexdiisa iyo dawlada deriska la ah ee Sudan , waxaa dhacay xaalad bini-adenimo oo xumaatay iyo dhibaato badan oo dhacday. Dawladaha Caalamka , hay’adaha gargaarka binu adenimo , ururada xuquuqal insaanka iyo bulshada rayidka ah u dhaq-dhaqaaqda binu ademku waxa ay cambaareeyeen waxii ka dhacay gobolka Tigray , waxaana Ethiopia la saaray cadaadis diblomaasiyadeed oo ilaa hadda meelo badan ka haysta. Dalalka xulafada la’ ahaa Ethiopia oo ay Somalia iyo Erateria ahaa ayaa lagu eedeeyey in ay dagaalkaasi dhan ka ahaayeen , waxaa sidoo kale taageeray dagaalkaasi dawlado gobolka Geeska Africa ah oo Ethiopia ay dano isku qabaan , waxaa xataa la tuhunsan yahay in dawlada Ethiopia gargaar ka helaysay dawlado ka baxsan gobolka oo badhkood saldhigyo ciidan ku leeyihiin mandaqadda. DOORASHADII ABIY AHMED ALI 27 June 2021 waxaa dalka Ethiopia ka dhacday doorasho heer federaal iyo mid dawlad goboleed ah , walow aanay ka dhicin sadexda gobol ee Somalida , Tigray iyo Adarida oo soomaalida ay ka dhacday bishan Oct 2021. Waxaa aqlabiyadii kuraasida dalka Ethiopia helay xisbiga uu hogaamiyo Raisal wasaare Abiy Ahmed ee PP (Ethiopian prosperity party ) waxaana 5 Oct 2021 mar labaad loo caleemo saaray hogaamiyaha shanta sanadood ee soo socota Abiy Ahmed Ali. MAXAA LAGA FILAYAA HOGAAMINTIISA MARKAN LABAAD ? Hadii aan dul istaago hawlaha iyo waxyaabaha laga sugayo xiligani oo ay Ethiopia meelo badan xaalado wanaagsanayni ka jiraan ayaa aan odhan karaa ; 1- Adkaynta midnimada iyo wadajirka dalka Ethiopia. 2- Dhameynta khilaafyada dawlad deegaanada sida Somalida iyo Canfarta , Amhara iyo Tigray isaga oo hore ugu guuleystay Somalida iyo Oromada khilaafkoogii. 3- nooleynta iyo soo celinta xidhiidhka Ethiopia iyo aduunka dawlado badan oo ka mid ah . 4- Ka garaabista xaaladaha binu-adenimada ee ka taagan waqooyiga Ethiopia iyo xal waara sidii loogu dhameyn lahaa. 5- khilaafkii biyo xidheenka ee ay isku hayeen Sudan iyo Masar. 6- Adkaynta cilaaqaadyada dawladaha gobolka oo aan isku san banaanayn iyo kaalinta ay ka ciyaari karto Ethiopia oo ah mid ka duwan qaabkii xulafooyinkii sadex geesoodka ahaa. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
  15. Toban sano ka hor maamulka Somaliland wuxuu yabooh u diray dad ku tabaaloobay macaluul ka dhacday qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya. Dad badani waxay is weyddiinayaan sababta dareenkaas damqashada leh uga dhammaaday garashada madaxda siyaasadeed ee maamulka Somaliland. Waanadiii Guddoomiye Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Aqalka Sare, u soo jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi waxay ku saabsanayd xilka ka saaran madaxda Somaliland dhowrista magaca dadka ay siyaasad ahaan metelaan. Waa ayaandarro haddii madaxda xisbiyada mucaaradku aamminsan yihiin doodda Madaxweyne Muuse Biixi in dadka Laascaanood lagu boobay oo laga barakiciyay ay shisheeye yihiin. Dadka la barakiciyay ma aha qaranlaawe (stateless). Xeeldheere sharci Mubaarak Aar iyo Guuleed Dalfac, u doode xuquuqda aadanaha, ayaa labadaba ciqaab wadareed ku tilmaamay falka dad Soomaaliyeed lagaga barakiciyay Laascaanood. Dhanka siyaasadda marka aan eego, eeddu waxay sidoo kale saaran tahay madaxda dowladda federaalka waayo heshiiskii 2013kii sida gaarka ah Somaliland yabooha loogu siiyo (Special Arrangement) wuxuu ku salaysnaa horumarin iyo dhowrista xuquuqda barakacayasha. “Somaliland way goosatay laakiin lama aqoonsan, sidaas darteed waa inay u hoggaansato dastuurkeeda iyo sharciga caalamiga oo aan bannaynaynin falka loo geystay dad Soomaali ah oo ku noolaa Laascaanood” ayuu yiri Muubarak Aar. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay sheegtay inay ka go’an tahay hirgelinta siyaasadda qaran ee barakacayaasha iyo qaxootiga dalka ku soo noqday si “dadka Soomaaliyeed looga dhowro barakicin ula kac ah…” Ilaa hadda dowladdafederaalka Soomaaliyeed si faahfaahsan ugama hadlin barakicinta ka dhacday Laascaanood. Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa gubaabiyay dadka reer Laascaanood. Muxuu dalku u samaystay siyaasadda barakacayaasha haddii madaxdu aysan ku dhiirran karin in ay siyaasiyiinta xusuusiyaan waajibaadka ka saaran dhowrista xaqa qofka Soomaaliyeed marka gaboodfal uu dhaco? Waxaa mudan in la dul istaago lagama-maarmaannimada in hay’adaha sharci-dejinta heer federaal curiyaan sharci lagu dhowrayo xaqa qofka Soomaaliyeed meel kasta uu ka joogo dalkiisa hooyo. Eedda gabood-fal loogu geysto qof Soomaaliyeed meel ka mid ah Soomaaliya waxay saaran tahay awoodda siyaasadeed (political authority) meeshaas ka jirta. Waa arrinta xildhibaan Idiris Dhakhtar uu taabtay markii uu eedeynta u soo jeediyay maamulka Somaliland: isla xisaabtan siyaasadeed baa jiri doona. Gaboodfalka Laascaanood ka dhacay waa ku ceeb dabarka dhaqan iyo diin isku keen haya ummad ahaan; waa wax soo noqnoqon kara haddii aysan Soomaali wax iskaga ogaanin, oo kuwa falkaas ka dambeeyay si dhab ah loola xisaabtami waayo. Idiris Dhakhtar: “Waxaa jiri doona isla xisaabtan siyaasadeed.” Waan la yaabay markii Faysal Cali Waraabe, Cali Waran Cadde iyo Cali Cantar ku doodeen in dadka Laascaanood ay ka timid talada dad Soomaaliyeed lagu barakiciyay. Waa seddex nin oo wax aan sal ahayn si ku talagal ah u sheegay iyagoo doonaya in faca soo koraya ay ku ababiyaan ka fogaanshaha run sheegista. Sidoo kale Maxamed Cismaan Jawaari, Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Federaalka, wuxuu isku dayay inuu go’aanka siyaasadeed ee maamulka Somaliland isha ka laalo si uu eedda dusha uga saaro dad aan go’aammo siyaasadeed qaadan karin. Warqaddii dowladda Somaliland ku difaacday barakicinta ayaa Jawaari ka dhigtay siyaasi isagoon is ogeyn taageeray barakicinta. Jawaari wuxuu isku dayay inuu eedda ka leexiyo maamulka Somaliland. Madax dhaqameedka Laascaanood qaarkood way hadleen oo caddeeyeen in dambi laga galay dad Soomaaliyeed oo dhulkooda jooga. Hoggaamiye dhaqameedka aan weli hadlin waa Garaad Jaamac Garaac Ismaaciil, oo haddii mowqifkiisu noqdo mid taageera xaqa dadka la barakiciyay, ku sifoobi doona Garaad ka hor yimid dulmiga loo geystay dad Soomaaliyeed, sida uu dhowr toddobaad ka hor uga hor yimid in dadka loo diido inay calanka qaranka sidashadiisa muujiyaan. Aamusnaan markan oo kale waa taageerid dambi iyo dulmi, kana sii xun kuwa beenta ka sheegay dadka Laascaanood. Garaad Jaamac wuu og yahay in Soomaali badan dalal shisheeye ku nool yihiin oo leeyihiin xuquuq la mid ah dadka dalka u dhashay. Sidoo kale xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ka mid ahaa dadkii Xamar ka soo qaxay 1991kii, wuu soo arkay xanuunka barakucu leeyahay. “Waa inuu ka hadlo barakicinta loo geystay Soomaali ina aammintay oo koonfur ka timid, nala degtay, koboc dhaqaale soo kordhisay” ayuu yiri ganacsase Laascaanood ku sugan. Garaadka iyo Xildhibaanku waa reer Laascaanood, oo waajib ayaa ka saarnaa inay ka hortagaan gaboodfalkii dhacay, oo uu weli Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif, ka aamusan yahay. Aamusnaan ayaa la mid ah taagerid. Garaad Jaamc Garaad Ismaaciil oo faras Laascannodd ku guddoonsiinaya Madaxweyne Muuse Biixi. Waxaan aad u la yaabay in dad magangelyo ka helay dalalka Galbeedka oo saxiixay inaysan gaboodfal taageeri doonin ay maanta taageerayaan boobka iyo barakicinta loo geystay dad ku noolaa Laascaanood. Madaxweyne Muuse Biixi waa inuu ogaado in waxyaabaha aannu wadaagno ka weyn yihiin xuduudo gumeyste sameeyay. Marnaba xuduudahaas uma aannu cuskan karno kala fogeynta Soomaalida. Xudduudahaas jiray ka hor 1dii Luulyo 1960kii macnahoodu ma aha in qof Soomaaliyeed oo koonfurta ka yimid uusan Soomaali ahayn markuu joogo gobollada qaarkood. Waxa ka dhacay Laascaanood waa fal dambiyeed iyo xilkasnimo-darro siyaasadeed oo is-huwan. Dowladda Somaliland waxay jabisay mabaadii’da hagta siyaasadda barakacayaasha ee Qaramada Midoobay. “Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in aan laga barakicinin gurigiisa ama gurigeeda ama meesha uu caadi ahaan ku nool yahay” waa mabda’ ka mid ah mabaadii’da ay dowladda Somaliland ku tumatay. Liibaan Axmad libahm@gmail.com The post MAXAYNU KA BARANNAY BARAKICINTA MAAMULKA SOMALILAND KA GEYSTAY LAASCAANOOD? appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Midowga Murashaxiinta ay ku kala qeybsameen xiisaodda ka taagan Galmudug, halkaasi oo ay kooxda Ahlu-Sunna qabsatay dhowr magaalo. Ilo-wareedyo ka tirsan Midowga Murashaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay inay kala noqdeen dhinacyo taageersan Ahlu-Sunna, dhinacyo taageersan maamulka Qoor Qoor iyo kuwa dhex-dhexaad ah oo aan meelna jirin. Khilaafkan ayaa hor-istaagay in Golaha uu war-saxaafadeed lagu mideysan yahay kasoo saaro xiisadda, oo aanay illaa hadda si isku duuban uga hadlin arrintan, kadib markii la isku raaci waayey qaabka loo dhigayo qoraalka. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo jeediyey in si buxuda loo taageero maamulka Qoor Qoor oo awood ciidan ay ku dhistay xukuumaddii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa. Waxaa sidoo kale in Qoor Qoor la taageero soo jeediyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hase yeeshee xubno kale oo ka mid ah Golaha oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa soo jeediyey in taageero shaacsan oo loo muujiyo Qoor Qoor iyo isku day awood sheegasho ay kasii dari karto xaaladda, oo ay horseedi karto dagaallo horleh. Guuleed iyo Kheyre ayaa soo kala saaray laba bayaan Talaadadii, waxaana laga dareemi karay aragtidooda. Guuleed wuxuu ku baaqay xal iyo in si nabadeed wax lagu dhameeyo, halka Kheyre uu yiri “Si aan leex leexad laheyn ayaan u garab taaganahay nidaamka dowliga ah ee maamul goboleedka Galmudug, cid kasta oo ka hor timaada dowladnimada meel ha looga soo wada jeesto.” Dhinaca kale, xubno kale oo Golaha ka tirsan ayaa laga soo xigtay inaysan taageersaneyn Ahlu-Sunna balse ay rumeysan yihiin in Qoor Qoor aanu mudneyn garab istaag, sababo la xiriira sida indho la’aanta ah ee uu u taageersan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xubnahan ayaa soo jeediyey in lasoo saaro war-saxaafadeed aan meelna jirin oo nabad ku baaq ah, balse xubnaha tagaeersan Qoor Qoor ayaa sheegay inay taas ka dhignaan doonto taageerada Ahlu-Sunna. Ma cadda sida uu khilaafkan ku dhammaan doono, waxayse u badan tahay inaanu marnaba golaha soo saarin war-saxaafadeed wadajir ah oo la xiriira xiisadda Ahlu-Sunna iyo Galmudug. The post Midowga Murashaxiinta oo ku kala qeybsamay Ahlu-Sunna iyo Galmudug – Sidee u kala raacsan yihiin? appeared first on Caasimada Online.
  17. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa weli ku adkeysanaya mowqifkiisa ah in Ahlu-Sunna ay kusoo wareejiyaan gacan ku haynta magaalada Guriceel, markaas kadibna uu la furi karo wada-hadal. Sida aan xogta ku helnay, waxaa Ahlu-Sunna u tegay guddi u geeyey dalabka Qoor Qoor, kuwaas oo kula kulmay magaalada Guriceel. Kulanka oo si gaar ah ugu dhaxeeyay wafdi ka socday Galmudug oo shalay gaaray Guriceel, Saraakiisha hogaamineysay ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca ee qabsaday Guriceel iyo hogaankooda sare ayaa fashil kusoo dhamaaday kadib markii Ahlu-Sunna ay ku gacan seereen in maamulka degmada Guriceel lagu wareejiyo Qoor-Qoor. Xogta ayaa sidoo kale sheegaysa in mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu-Sunna oo la kulmay wafdiga Galmudug ay ku wargeliyeen in sida ugu dhaqsaha badan iskaga baxaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ahlu-Sunna ayaa ka madax adeygaysa inay si rasmi ah u wareejiso gacan ku haynta magaalada Guriceel, waxayna hogaankooda sheegen in magaalada u furan tahay cidkasta. Wafdiga oo u badan xildhibaano baarlamaanka Galmudug kasoo galay Ahlu-Sunna ayaa waxay markale maanta isku dayayaan inay la kulmaan madaxda Ahlu-Sunna, si xiisada loogu soo afjaro wada-hadal. Arrintan ayaa imaneysa xili ay dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ay wadaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoog leh, oo ay ku rabaan in dagaal kula wareegan deegaanada ay gacan ku hayntooda la wareegtay Ahlu-Sunna haddii wada-hadalada wax guul ah laga gaari waayo. The post Xog: Ahlu-Sunna oo loo geeyey arrin uu dalbaday Qoor Qoor – Maxaay ku jawaabeen? appeared first on Caasimada Online.
  18. In full: 47 places from red list The following destinations will be removed from the red list from 04:00 BST on Monday: Afghanistan, Angola, Argentina, Bolivia, Botswana, Brazil, Burundi, Cape Verde, Chile, Congo (Democratic Republic), Costa Rica, Cuba. Eritrea, Eswatini, Ethiopia, French Guiana, Georgia, Guyana, Indonesia, Lesotho, Malawi, Mayotte, Mexico, Mongolia, Montenegro, Mozambique, Myanmar, Namibia, Nepal, Paraguay, Philippines, Réunion, Rwanda, Seychelles, Sierra Leone, Somalia, South Africa, Sudan, Suriname, Tanzania, Thailand, Trinidad and Tobago, Tunisia, Uganda, Uruguay, Zambia and Zimbabwe. Source: Department for Transport Qaran News
  19. Liiska Xubno M/weyne Muuse Biixi Xilalkii ka qaaday+Kuwo uu bedel & isku-shaandheyn ku sameeyay 1- Jamaal Cabdi Muuse, Agaasimihii Wasaaradda Hawlaha Guud 2- Maxamed Deeq, Agaasimihii Guud ee Komishanka Maamul Wanaagga. 3- Maareeyihii Haamaha Shidaalka Xasan Embassy 4- Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga 5- Agaasimihii Guud Wasaaradda Caddaaladda 6- Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Biyaha 7- Agaasimihii Guud ee Beeraha 8- Agaasimihii Guud Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha 9- Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Beeraha. 10- Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Deegaanka 11- Agaasimihi Guud ee Komishanka AIDS-KA Xubnaha la isku beddelay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Maalgashiga ayaa loo bedelay Agaasimaha Komishanka Maamul Wanaagga. Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caddaaladda ayaa loo beddelay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka Baanka oo bannaanaa Agaasimihii Guud ee Qorsheynta ayaa loo beddelay Komishanka AIDS-ka, Guddoomiyihii Hay’adda tayo dhawrista, ayaa loo beddelay Guddoomiyaha Komishanka Tamarta, halka Guddoomiyihii Komishankaasi la geeyey tayada. Qaran News
  20. Liiska Xubno M/weyne Muuse Biixi Xilal u magacaabay & Wasaaradaha loo magacaabay Garaad Maxamed Caynab Cabdiraxmaan oo lo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaandhiga Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Waxa loo magacaabay Axmed yaasiin Muxumed Cadde Abdirashiid Caydiid ayaa isna loo magacaabay agaasimaha Guud ee Wasaarada dhalinyarada Agaasimaha Guud ee maalgashiga waxa loo magacaabay Maxamed Soomaali. Ibraahim Ali ayaa loo magacaabaý Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha gudaha. Cabdi Faarax Belel ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Biyaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta Cabdilaahi Maxamed Maxamuud Cilmi Qaran News
  21. Gudoomiyaha maxakamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed aya aya sameeyay magacaabis iyo dalacsiin garsooyaal ka hawlgeli doona maxkamadaha degmooyinka iyo Gobolka banaadir. Cabdirisaaq Macalin Cabdi iyo ibraahim Nuur Cali ayaa loo dalacsiiyay Garsoorayaal maxkamadda racfaanka Gobolka badaandir. Degmooyinka karaan, xamar jajab, xamar weyne, wadajir iyo cabdi casiis ayuu sido kale gudoomiye baashe umagacaabay midlasta oo kamid ah gudoomiye maxakmadeed. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  22. Newcastle (Caasimada Online) – Horyaalka Premier League ayaa ansixiyey in Sacuudi Carabiya ay iibsato kooxda Newcastle United, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ay soo saareen. “Premier League, Newcastle United Football Club iyo shirkadda St James Holdings Limited waxay maanta heshiis ka gaareen iibsashada kooxda ee PIF (Public Investment Fund),” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Premier League. Heshiiska ayaa ku kacaya 305 milyan oo pound, wuxuuna hirgalay isla maaanta PIF waa sanduuqada lacagta dadweynaha ee dowladda Sacuudi Carabiya. Inkasta oo uusan si rasmi ah u magacowneyn, haddana milkiilaha rasmiga ah ee Newcastle ayaa hadda loo arkaa Maxamed Bin Salman maadaama uu yahay ninka ugu awoodda badan dowladda Sacuudiga, islamarkaana sanduuqa PIF uu hoos tago. Madaxa PIF Yasir Al-Rumayyan ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan noqoo milkiilayaasha cusub ee Newcastle United, oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu caansan England.” Heshiiskan ayaa waxa uu hadda kahor burburay 2020 markii Premier League uu ku adkeystay in la kala saaro PIF iyo dowladda Sacuudiga, sidoo kalena Sacuudi Carabiya ay dalkeeda u ogolaato in lagad daawo taleefishinka Qatar ee beIN Sports. Taageerayaasha kooxda Newcastle ayaa dabbaal-deg ka sameeyey dibadda garoonka St. James Park, ayaga oo ku faraxsan in kooxda laga wareejiyey gacanta milkiile Mike Ashley oo loo arkay nin kooxda la degay oo aan dhaqaale gelin. The post DEG DEG: Maxamed bin Salmaan oo iibsaday koox ka mid ah horyaalka Premier League appeared first on Caasimada Online.
  23. DHUSAMAREB (HOL) - Galmudug security Minister Ahmed Fiqi has resigned citing differences with President Ahmed Qoorqoor on the response to the recent resurgence of Ahlu Sunna Waljamaa. Source: Hiiraan Online
  24. DHUSAMAREB (HOL) - Galmudug security Minister Ahmed Fiqi has resigned, citing differences with President Ahmed Qoorqoor on the response to the recent resurgence of Ahlu Sunna Waljamaa. Source: Hiiraan Online
  25. Afgooye (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellda Hoose ayaa sheegaya in maanta halkaasi iska horimaad ku dhexmaray laba ciidan oo ka kala tirsan milatariga iyo booliiska Soomaaliya. Ilo wareedyada ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhashay muran u saabsan lacagaha laga qaado mid ka mid ah baraha kontorool ee Afgooye, taasi oo labada ciidan ay isku qabteen. Sida aan xogta ku helnay dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan laba qof, waxaana lagu soo warramayaa in xaaladda magaalada ay hadda dean tahay. Sarakiisha dawladda ee Afgooye ayaan ilaa hadda rasmi ahana uga hadlin iska horimaadkaas. Ciidamada militariga iyo booliska Soomaaliya ayaa marar badan waxaa dhex maray dagaallo ka dhashay lacagta laga qaado baraha kontorool, taasi oo muujineysa in lacagtaas aysan ku dhicin qasnadda dowladda. Ciidanka xoogga dalka ayaa laba maalin kahor howlgallo culus ku qaadaayey isbaarooyin la dhigtay deegaanada dhaca inta u dhaxaysa magaalada Muqdisho iyo degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe. Abaanduulaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Saalax Yacquub ayaa warbaahinta dowladda Soomaaliya u sheegay in qaar ka mid ah raggii ay isbaarooyinkaas u yaaleen ay gacanta ku dhigeen, qaarna ay weli ku daba jiraan. The post Khasaare ka dhashay dagaal dhex-maray ciidamo ka tirsan DF – Maxaa la isku qabtay? appeared first on Caasimada Online.