-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Gorgor ay maanta ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya. Howl-galkan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa horkacayey Gaashaanle Maxamed Sheekh oo ah taliyaha ururka 7-aad ee ciidamada Gorgor, waxayna ku fashliyeen weeraro qaraxyo ah, gaar ahaan miinooyin ay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ku aaseen dhulka. Qaraxyada la fashiliyey ayaa waxaa la geliyey waddooyinka ay si aad ah u isticmaalayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku socdaala halkaasi. Deegaanada sida gaarka howl-gallada looga sameeyey ayaa waxaa ka mid ah Buushka, Idimow, Cabdow Dibiley oo dhammaan hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose. Saraakiisha Gorgor ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan halkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada howl-galka laga fuliyey iyo guud ahaan Shabeelaha Hoose. Al-Shabaab ayaa inta badan gobolkan ka soo abaabusho weeraro culus oo ay qaraxyo qeyb ka yihiin, waxayna ku leeyihiin saldhigyo, maxkamado iyo xarumo kale oo muhiim ah. The post Sawirro: Ciidamada xoogga dalka oo ka hortegay weerar iyo qaraxyo la qorsheeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaanada Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2022. Fadhiga 12-aad ee Kal-fadhiga Baarlamanka ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda oo ka kooban $354,093,039, islamarkaana ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Puntland. Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 45 mudane ayaa 44 kamid ah u codeeyeen ansixinta Miisaaniyadda, waxaana ka aamusay hal xildhibaan. Sidoo kale, Baarlamanka ayaa loo qeybiyay wax-ka beddelka Xeerka Rugta Ganacsiga, waxaana la fasaxay mudda todobaad ah, si ay u soo akhriyaan. Guddoonka Baarlamanka ayaa sheegay in Fadhiga xiga la isu’gu imaan doono maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyada dowlada lana fasaxay muda Todobaad ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa ka bilaabay kulamo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Lafta Gareen ayaa maanta kulan saacado badan qaatay la yeeshay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxayna iska xog wareysteen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka xubnaha Golaha Shacabka. Sheekh Shariif ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey Lafta Gareen dadaalka uu ugu jiro qabsoomida doorashada baarlamaanka Soomaaliya oo muhiim u ah tan madaxweynaha. Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ah siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin Aadan Madoobe, Senatar hore Ilyaas Cali Xasan iyo xubno kale. Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ujeedka safarkiisa Muqdisho wuxuu la xiriiraa wada-tashiyo ku aadan doorashada, gaar ahaan loolanka loogu jiro mida Golaha Shacabka. Sidoo kale kulankan ayaa imaanaya, iyada oo dhowaan la filayo in maamulka Lafta Gareen uu guda galo qabashada doorashada illaa 9 kursi oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka, waxaana musharixiinta madaxweynaha ay tartan ugu jiraan xildhibaanada soo bixi doono. Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan billow ah, waxaana illaa iyo hadda liiska kuraasta ugu horreysay soo saaray Galmudug, K/ Galbeed iyo gobollada waqooyi. The post Sawirro: Maxay ka hadleen Shariifka iyo Lafta-gareen? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si wadajir warsaxaafadeed uga soo saaray xaaladaha bani’aadanimo ee haatan ka jira gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay saameeyeen abaaraha. Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda gargaarka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ee QM ayaa marka hore walaac looga muujiyey xaaladaha kasii daraya ee ka dhashay abaaraha. “Qoysaska waxay luminayaan xoolahooda oo ah isha ugu muhiimsan ee nolosha waxaa laga yaabaa inay Gaajo u dhintaan bilaha soo socda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa warbixintan lagu shaaciyey in iyaastii 2.3 Malyan ay haatan wajahayaan xaalad nololeed oo aad u adag, gaar ahaan biya la’aan iyo cunta yari baahsan. Dowladda federaalka iyo Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay sabab u tahay korora dayaca xilliga tirada u baahan gargaar iyo badbaadin gudaha Soomaaliya. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo bahanyahay u istaagida sidii looga hortegi lahaa abaarta, si aysan uga sii darin xaaladda bani’aadanimo ee haatan ka jira dalka. “Waa inaan hadda wax ka qabanaa, si aan uga hortegno abaar na cuuryaamiso,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Xaaladda ugu daran ayaa waxaa lagu soo sheegaya gobollada dalka, gaar ahaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. The post DF Soomaaliya iyo QM oo ka deyriyey xaaladda dalka – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga hirgelinta doorashooyinka Gobalada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay xilliga la qabanayo diiwaan gelinta musharixiinta golaha shacabka. Jadwalka guddiga ay shaaciyeen ayaa lagu sheegay in 20/21/22 bishaan ay dhaceyso diiwaangelinta lix ka mid ah sagaal kursi oo horay guddiga u shaaciyeen in doorashadooda la diyaarinayo. Kuraasta lixda ah ee musharixiintooda la diiwaan gelinayo ayaa kala ah : HOP#233, HOP#208, HOP#210, HOP#202, #HOP225, iyo HOP#272. Source: goobjoog.com
-
Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ayaa shaaciyay shuruudaha Musharixiinta golaha shacabka looga baahan yahay. Shuruudaha guddiga ay shaaciyeen ayaa waxaa qeyb ka ah in looga baahan yahay in musharaxa laga rabo warqadda dambi la’aanta oo ay bixiyo C I D iyo shuruudo ay ka mid yihiin bixinta qidmadda musharaxnimada. Galmudug oo lagu wado in todobaadkan ay ka dhacdo doorashada Shan ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay Galmudug. Kuraastaa ayaa kala ah, HOP#043, HOP#054, HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026, kuwaas oo dhamaantoda hadda y ku fadhiyaan xildhibaano ka tirsan Baarlamanka 10-aad ee waqtigooda dhamaaday. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha Samafalka Qaramada Midoobay ayaa ka deyriyay xaaladda abaaraha sii kordhaya ee ka jira guud ahaan Soomaaliya. War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen labada dhinac ayay ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin abaaraha sida xawliga ah uga sii daraya ee dalka ka jira. Qiyaastii 2.3 Malyan ayaa wajahaya biya la’aan iyo cunta yari ba’an iyadoo ay gureen ceelashii iyo biyihii kaydka ahaa sida lagu sheegay war-saxaafadeedka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo walaac xooggan ka muujiyay abaaraha ka jira dalka appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka Koonfur galbeed ayaa soo saaray liiska ilaa 11 kursi oo ka tirsan golaha shacabka kuwaas oo lagu tartami doono. Kuraasta ayaa kala ah: #HOP193, #HOP041 , #HOP042 , #HOP171 , #HOP154 , #HOP180 , #HOP171, #HOP182, #HOP103 , #HOP213 , iyo #HOP189. Arrintan ayaa timid kadib markii Galmudug ay ku dhawaaqday in la galayo ilaa 5 kursi oo ka tirsan golaha shacabaka ee baarlamaanka federaalka ah. Beesha caalamka iyo golaha midowga musharaxiinta ayaa walaac ka muujiyey sida ay wax ku socdaan iyada oo dalbaday in golaha shacabak lasoo gabagabeeyo kahor 2022. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Paris)-Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska Cali Ismaaciil Xasan ayaa ka qayb galay shir lagaga hadlaayey arrimaha Nabada oo ka dhacay magaaladda Paris ee caasimadda Faransiiska. Shirkan oo sannadkiiba hal mar ka dhaca wadanka Faransiiska ayay sidoo kale kasoo qayb galeen wufuud gaadhaysa 2,400 oo qof, kuwaas oo ka kala socday dalal gaadhaaya 45 dal,waxa sidoo kale shirkaas kasoo qayb galay Hay’addo Caalami ah oo ay kamid yihiin Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Hay’addo kale oo caalami ah. Waxa shirkan lagaga hadlay mudadii uu socday xaaladdaha wadamada Geeska Afrika ka taagan, gaar ahaana xaaladdaha wadamada Itoobiya iyo Sudan, waxa sidoo kale lagaga hadlay xaaladaha nabadgelyo ee ka taagan wadamada Galbeedka Afrika. Safiirka Somaliland u fadhiya magaaladda Paris ee caasimada Faransiiska Cali Ismaaciil Xasan ayaa wufuudii kasoo qayb gashay shirkaas warbixino ka siiyey xaaladda Nabadgelyo ee Somaliland,Hannaanka Dimurqaadiga ah ee ka socda iyo sida ay uga qayb qaadan karto xasiloonida Geeska Afrika. Safiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey kaalinta dhaqaale,ganacsi iyo isu socod ee muhiimka ah ee ay Somaliland ku lee dahay gobolka Geeska Afrika,isaga oo wufuudii shirkaas kasoo qayb gashay u sheegay in madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu horraantii sannadkan si cad u beyaamiyey in Somaliland dhex dhexaad ka noqonayso khilaafaadka dalalka Geeska Afrika,isaga oo cadeeyey in Somaliland ay ku baaqayso in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dalalka Geeska Afrika. Shirkan lagaga hadlaayey nabadda ee ka dhacay Paris ayaa waxa hoggaaminaayey madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron,waxaana goob joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris,Madaxweynaha Nayjeeriya Maxamadu Buhari,Ra’isal wasaaraha Bangaladheesh Sheekh Xasiina,iyaga oo shirkaas ka jeediyey khudbado ku saabsan la dagaalanka Sinnaan la’aanta, wax ka qabashada cimilada sii xumaanaysa,caafimaadka adduunka,xannuunka Corona Virus iyo Xuquuqda Aadamaha. Source
-
Muqdisho (Caasimada Onine) – Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa farriintii ugu dambeysay u diray maamullada aan weli ku dhawaaqin liiska xildhibaanada lasoo dooranayo ee Golaha Shacabka, maadaama doorashada golahan ay ka bilaabatay dalka. Axmed Safiina oo ah afhayeenka guddiga doorashooyinka dadban ayaa sheegay in looga baahan yahay Puntland, Jubbaland iyo HirShabelle inay sida ugu dhaqsiyaha badan u guda-galaan doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, si waqtiga looga faa’iideesto. Afhayeenka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in doorashada Golaha Shacabka aysan ka dib mari doonin 24-ka December ee sanadkan 2021-ka. “Waxaan halkan fariin uga direynaa, saddexda maamul goboleed ee haray Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle, inay ku soo dhaqsadaan liisaska kuraasta ugu horeeya ee doorashada, dhamaan doorashada dalka 24-ka December ka gadaal mari-meyso inshallah,” ayuu yiri Safiina. Ugu dambeyn afhayeenka ayaa farriin u diray odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed, wuxuuna ka dalbaday inay soo shaqo galaan, si loo siiyo tababaro ku aadan doorashada. Soomaaliya ayaa waxaa aad ugu dheeraatay xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay doorashooyinka, hayeeshee waxaa haatan meel wanaagsan maraya doorashada baarlamaanka, iyada oo qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo dhammaadka December. The post Guddiga doorashooyinka oo farriin u diray Puntland, Jubbaland iyo HirShabelle appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Jimcihii shalay si ku-meel gaadh ah awoodda madaxweyne ugu wareejiyey madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris, kahor inta aanu qaadan dawada qofka suuxisa si loogu sameeyo baadhitaanka xiidmaha (colonoscopy). Biden ayaa howlgalkan ku maray xarunta caafimaadka Walter Reed, taasi oo qeyb ka aheyd tijaabadiisa caafimaad ee sannadlaha ah, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki. “Si la mid ah markii madaxweyne George W. Bush uu maray howlgalkan oo kale 2002 iyo 2007, iyo ayada oo la raacayo sida dastuurka ku qoran, madaxweyne Biden wuxuu si ku-meel gaadh ah awoodda madaxweyne ugu wareejin doonaa madaxweyne ku-xigeenka inta uu suuxsan yahay,” ayey tidhi Psaki kahor inta aan Biden la suuxin. “Madaxweyne ku-xigeenka waxay muddadaas ka shaqeyn doontaa xafiiskeeda qeybta West Wing.” Kadib markii uu awoodda wareejiyey 10:10 am, Biden ayaa tijaabadiisa caafimaad ee baadhitaanka xiidmaha dhameeyey 11:35 am, wuxuuna dib ula wareegay awooddiisa madaxweyne. Biden ayaa la sheegay inay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay hase yeeshee uu kusii negaan doono Walter Reed, si uu ugu sii nasto, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki. Biden oo maanta oo Sabti ah ay u buuxsami doonto da’da 79-aad ayaa noqday madaxweynihii ugu da’a weynaa ee la doorto taariikhda Mareykanka. Da’diisa ayaa noqotay meel ay mar walba ka wareeraan Jamhuuriyiinta, waxaana tijaabadan caafimaad ay mar kale xiiso ku abuurtay xubnaha Jamhuuriga. In madaxweynaha uu awoodda wareejiyo ma ahan wax caadi ah, waxaana ay dood abuurtay intii uu madaxweynaha ahaa Donald Trump. Trump oo 2019-kii si deg deg loogu qaaday cisbitalka Walter Reed ayaa diiday in la suuxiyo, sababta oo ah ma dooneyn inuu awoodda ku wareejiyo madaxweyne ku-xigeenka Mike Pence. Source
-
(SLT-Riyadh)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday Jimcihii shalay in dib loo furay Safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya. Wasaaraddu waxay sheegtay in ay ka mahadcelineyso dadaalka dowladda Soomaaliya ee fududeynta dib u furista safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Muqdisho ‘taas oo xaqiijinaysa xidhiidhka qotada dheer ee labada dal.’ Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxay sheegtay inay rajaynayso inuu sii xoogeysto iskaashiga Sucuudiga iyo Soomaaliya, si labada dal iyo dadkoodu ay u gaadhaan kobac iyo barwaaqo badan. Dowladda Soomaaliya ayaa hore safaarad ugu laheyd dalka Sacuudiga, balse Sacuudiga ayaan hadda ka hor dib u furin safaaradiisa Muqdisho, kadib burburkii dowaldii Soomaaliya. Source
-
Madaxweynaha Dowad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxweynihii hore dalka Shekh Shariif Shekh Axmed. Kulanka Madaxda oo qaatay Saacado ayaa waxaa ay iska xogwaraysteen Xaalada Dalka Hormarka laga gaaray Arimaha Doorashooyinka iyo sida hore loogu socon lahaa. Madaxweynihii hore Shariif Shekh Axmed ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ku bogaadiyey dadaalka uu ugu jiro sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho wada ogol ah horena loogu socon lahaa. PUNTLAND POST The post Sheikh Shariif iyo Lafta Gareen oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
UN humanitarian chief Martin Griffiths has allocated US$8 million from the Central Emergency Response Fund for early action in response to drought in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Dhoobley (Caasimada Online) – Hadal xoogan iyo dhalleeceyn ayaa ka dhalatay dooro ama digaag ay ciidamada Amisom siiyeen haween Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose. Qoraal lasoo dhigay twitter-ka AMISOM oo ay sawirro la socdaan ayaa lagu yiri “Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa dooro siiyey koox haween ah oo ku sugan Dhoobley si ay ganacsi ugu billaabaan taasi oo qeyb ka ah isku day ballaaran oo dhaqaale ahaan lagu xoojinayo haweenka aagaas.” “Doorada ayaa gacan ka geysan doonta horumarinta suuqa digaagga. Ayada oo la dagaalameysa argagixisada, AMISOM waxay sidoo kale caawineysa horumarinta noloshada bulshada ayada oo loo marayo dhaq-dhaqaayada iskaashiga rayidka iyo militariga.” Dad badan oo Soomaali ah ayaa qoraalka AMISOM uga falceliyey qosol halka qaar kalena ay caro ka muujiyeen kuna macneeyeen igu sawir. Anwar oo ka mid ah dadka ka falciyey ayaa yiri: “Astaan cad oo ku saabsan in AMISOM ay faham gaaban ka haysato dahqanka Soomaaliyeed.” Qof twitter ugu qoran yahay Justice ayaa yiri: “Tani waxay xadgudub ku tahay garashada dadka Soomaaliyeed. Sameeya wax la taaban karo ama naga joojiya qashinka. Sanadkii tegay ciidanka Kenya waxay sheegeen inay dhisayaan garoonka diyaradaaha Dhoobley, waxbana kama aysan qaban. Haddana isla Kenyan-kii ayaa lix dooro ku deeqaya. Ka taga Soomaaliya un.” Qof ay ugu qoran tahay Soomaaliya Ha Noolaato ayaa isna yiri “Umad la sixray haddaad rabtid inaad aragto waa kuwaan. Ka saara Amisom Soomaaliya, hadda.” Cabdiqani ayaa isna yiri “Soomaaliyey dullinimo goorma ayaad ka baxesaan sharafta Allah ha idin ka qaado ma dhahee?” Caadil ayaa isna yiri “War run miyaa waxa meesha ku qoran mise anaa waalan, maxaa waaye dooro 4 xabo ah oo la qeybinayo. 900 milyan ayaa sanad walba ku baxdo AMISOM, nacalad ha ku dhacdo, waxan maxaa waaye.” The post Sawirro: Falcelin caro leh oo ka dhalatay dooro ay Amisom siiyeen haween Soomaali ah appeared first on Caasimada Online.
-
An assault case against Wajir East MP Rashid Kassim Amin was on Thursday withdrawn after Wajir Woman Representative Fatuma Gedi said she had forgiven him. Source: Hiiraan Online
-
M/weynaha Maraykanka oo si ku-meel gaadha u wareejiyey Awooddii Madaxweyne + Sababta keliftay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Jimcihii shalay si ku-meel gaadh ah awoodda madaxweyne ugu wareejiyey madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris, kahor inta aanu qaadan daawada qofka suuxisa si loogu sameeyo baadhitaanka xiidmaha (colonoscopy). Biden ayaa howlgalkan ku maray xarunta caafimaadka Walter Reed, taasi oo qeyb ka aheyd tijaabadiisa caafimaad ee sanadlaha ah, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki. “Si la mid ah markii madaxweyne George W. Bush uu maray howlgalkan oo kale 2002 iyo 2007, iyo ayada oo la raacayo sida dastuurka ku qoran, madaxweyne Biden wuxuu si ku-meel gaadh ah awoodda madaxweyne ugu wareejin doonaa madaxweyne ku-xigeenka inta uu suuxsan yahay,” ayey tidhi Psaki kahor inta aan Biden la suuxin. “Madaxweyne ku-xigeenka waxay muddadaas ka shaqeyn doontaa xafiiskeeda qeybta West Wing.” Kadib markii uu awoodda wareejiyey 10:10 am, Biden ayaa tijaabadiisa caafimaad ee baadhitaanka xiidmaha dhameeyey 11:35 am, wuxuuna dib ula wareegay awooddiisa madaxweyne. Biden ayaa la sheegay inay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay hase yeeshee uu kusii negaan doono Walter Reed, si uu ugu sii nasto, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki. Biden oo maanta oo Sabti ah ay u buuxsami doonto da’da 79-aad ayaa noqday madaxweynihii ugu da’a weynaa ee la doorto taariikhda Mareykanka. Da’diisa ayaa noqotay meel ay mar walba ka wareeraan Jamhuuriyiinta, waxaana tijaabadan caafimaad ay mar kale xiiso ku abuurtay xubnaha Jamhuuriga. In madaxweynaha uu awoodda wareejiyo ma ahan wax caadi ah, waxaana ay dood abuurtay intii uu madaxweynaha ahaa Donald Trump. Trump oo 2019-kii si deg deg loogu qaaday isbitalka Walter Reed ayaa diiday in la suuxiyo, sababtoo ah ma uusan dooneyn inuu awoodda ku wareejiyo madaxweyne ku-xigeenka Mike Pence. Qaran News
-
At least eight people were killed and 13 others wounded in a bomb blast in Somalia’s South West State on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Madaarka Berbera Haloogu Magac Geesigii Somaliland Xoreeyay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaarka Berbera: Haloogu Magac Geesigii Somaliland Xoreeyay, ahaana Madaxweynihii u horreeyay ee Jamhuuriyada Somaliland. Asalaamu Calaykum Saaka waxaa lagu wadaa in Xadhiga laga jaro dhismaha cusub ee magaalada Berbera oo ay inoo dhiseen Dalka aynu Walaalaha nahay ee Imaaraatka Carabtu, waxaana furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo imika Berbera ku sugan. Waxaan soo jeedinayaa oo aan Madaxweyne Musse Biixi ka codsanayaa in uu Madaarka Berbera ku sharfo Geesigii hogaaminayay Ururkii SNM ee xoreeyay Dalkeena ee ay Madaxweyne Muuse halganka soo wada galeen. Allah ha u naxariistee Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur waxa uu Dalkan ku leeyahay Abaal taariikhi ah oo aan weligii duugoobi doonin, Madaxweyne Muuse waxay u horseedi doontaa sharaf iyo wanaag la xusi doono haddii uu Saaxiibkii ku sharfo magaca Madaarka Berbera. Maalinta ay Madaxweyne Muuse tiisu timaadana waxaa lagu sharfi meelo ka sii weyn Madaarka Berbera. Ugu danbayn waan ku faanayaa inaan ka mid ahaa Ururkii SNM gaar ahaan Guutadii Koodbuur ee xoraysay, gacantana ku dhigay magaalada Berbera, kuna dhaawacmay sanadkii 1991. Waxaanan dhawaan idinla wadaagi doonaa sida uu ahaa Madaarka Berbera maalintii u horreysay ee aanu gacanta ku dhignay, kana saarnay ee aanu jabinay Ciidankii Dawladii Maxamed Siyaad Barre. Ma Duugoowdo Taariikhdu Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Qaran News -
Saudi Arabia announced on Friday the reopening of its embassy in Somalia, the Saudi Press Agency reported. Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Jimcihii shalay si ku-meel gaar ah awoodda madaxweyne ugu wareejiyey madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris, kahor inta aanu qaadan dawada qofka suuxisa si loogu sameeyo baaritaanka xiidmaha (colonoscopy). Biden ayaa howlgalkan ku maray xarunta caafimaadka Walter Reed, taasi oo qeyb ka aheyd tijaabadiisa caafimaad ee sanadlaha ah, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki. “Si la mid ah markii madaxweyne George W. Bush uu maray howlgalkan oo kale 2002 iyo 2007, iyo ayada oo la raacayo sida dastuurka ku qoran, madaxweyne Biden wuxuu si ku-meel gaar ah awoodda madaxweyne ugu wareejin doonaa madaxweyne ku-xigeenka inta uu suuxsan yahay,” ayey tiri Psaki kahor inta aan Biden la suuxin. “Madaxweyne ku-xigeenka waxay muddadaas ka shaqeyn doontaa xafiiskeeda qeybta West Wing.” Kadib markii uu awoodda wareejiyey 10:10 am, Biden ayaa tijaabadiisa caafimaad ee baaritaanka xiidmaha dhameeyey 11:35 am, wuxuuna dib ula wareegay awooddiisa madaxweyne. Biden ayaa la sheegay inay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay hase yeeshee uu kusii negaan doono Walter Reed, si uu ugu sii nasto, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki. Biden oo maanta oo Sabti ah ay u buuxsami doonto da’da 79-aad ayaa noqday madaxweynihii ugu da’a weynaa ee la doorto taariikhda Mareykanka. Da’diisa ayaa noqotay meel ay mar walba ka wareeraan Jamhuuriyiinta, waxaana tijaabadan caafimaad ay mar kale xiiso ku abuurtay xubnaha Jamhuuriga. In madaxweynaha uu awoodda wareejiyo ma ahan wax caadi ah, waxaana ay dood abuurtay intii uu madaxweynaha ahaa Donald Trump. Trump oo 2019-kii si deg deg loogu qaaday isbitalka Walter Reed ayaa diiday in la suuxiyo, sababtoo ah ma uusan dooneyn inuu awoodda ku wareejiyo madaxweyne ku-xigeenka Mike Pence. The post Joe Biden oo si ku-meel gaar ah u wareejiyey awoodda madaxweyne + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka baaqday safar la qorsheeyey inuu maanta ku tago magaalada Garoowe, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Rooble ayaa qorshuhu ahaa inuu Garoowe wada-hadallo saddex geesood ah kula yeesho madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo isna ku sugan magaalada. Rooble ayaa horey uga codsaday madaxweynaha Jubaland inuusan ka tegin Garoowe, si ay wada-hadallo saddex geesood ah u yeeshaan, taasi oo uu Axmed Madoobe aqbalay. Si kastaba Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu maanta ka tago Garoowe kuna laabto Kismaayo kadib baaqashadii ku timid safarka ra’iisul wasaaraha. Illaa iyo hadda ma cadda sababta uu Rooble maanta u baajiyey safarkiisa Garoowe, balse waxaa lagu warramay inuu xalay sidaas ku wargeliyey madaxweyne Saciid Deni. Safarka Garoowe ayaa weli taagan, balse waxaa lagu warramay in waqti cusub uu soo qabsan doono ra’iisul wasaaraha. Rooble ayaa sidoo kale sidii markii horeba qorshaha uu ahaa safar kale ku tagi doona Kismaayo. Safaradan ayaa qeyb ka ah kuwa uu Rooble ku marayo caasimadaha dowlad goboleedyada oo ujeedkoodu yahay inuu ku cadaadiyo inay dedejiyaan doorashada golaha shacabka. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa illaa hadda la doortay laba xubnood oo kaliya oo ah kuwa gobollada waqooyi, ayada oo Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay shaaciyeen kuraas dhowr ah oo ay doorashadooda qabanayaan. Hase yeeshee, Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saraeen uga horyimid qaabka loo wado doorashada golaha shacabka, ayaga oo sheegay inaysan aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn. Golaha ayaa ku baaqay in la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda billawga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda. “Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin,” ayaa lagu yiri qoraalka. The post Xog: R/W Rooble oo baajiyey safarkii maanta ee Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday Jimcihii shalay dib loo furay Safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya. Wasaaraddu waxay sheegtay in ay ka mahadcelineyso dadaalka dowladda Soomaaliya ee fududeynta dib u furista safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Muqdisho ‘taas oo xaqiijinaysa xiriirka qotada dheer ee labada dal.’ Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxay sheegtay inay rajaynayso inuu sii xoogeysto iskaashiga Sucuudiga iyo Soomaaliya, si labada dal iyo dadkoodu ay u gaaraan kobac iyo barwaaqo badan. Dowladda Soomaaliya ayaa horay safaarad ugu laheyd dalka Sacuudiga, balse Sacuudiga ayaan hadda ka hor dib u furin safaaradiisa Muqdisho, kadib burburkii dowaldii dhexe ee Soomaaliya. Boqortooyada Sacuudiga waxay ka mid tahay dowladaha dhaqaale ahaan taageera Soomaaliya, balse mararka qaar madmadow ayaa ku jiray xiriirka labada dal afartii sano ee Farmaajo hoggaaminayey Soomaaliya. The post Dowladda Sacuudiga oo shaacisay inay dib u furtay safaaradeedii Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
