-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arirmaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday inuu la yaabay xil ka qaadista uu maanta ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble. Maxamed Cabdirisaaq ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in toddobaad kahor uu is-casilaad u gudbiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. “Sheekada ku saabsan in la beddelay aad ayaan ula yaabay si la mid ah qof kasta oo kale balse waxay daba socotaa yabooh is-casilaad oo aan gudbiyey toddobaad kahor. Angaa ayaa qof kasta la socod siin doono marka waqtigeeda la gaaro, hase yeeshee aad ayaan ugu faraxsanahay inaan u adeegay qaranka Soomaaliyeed, badalkeygana waxaan dabcan u rajeynayaa kheyr.” The story of my replacement is a surprise to me, as much as everyone else but follows my offer of resignation a week ago. I will update everyone in due course but it has been a pleasure to serve the Somali nation and ofcourse wish my replacement all the best. — Mohamed Abdirizak (@MAbdirizak) November 20, 2021 Qoraal goor sii horeysay kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).” Xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibedda ayaa ku timid si lama filaan ah, mana cadda waxa dhiiri-geliyey. Si kastaba, in wasiirka arrimaha dibedda loo magacaabo Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa muujin karta in Rooble uu aad ugu dhowaaday madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay ka heshiiyeen khilaaf u dhaxeeyey. Cabdi Saciid ayaa ka mid ah ragga aadka ugu dhow Farmaajo, wuxuuna ku magacownaa agaasimaha madaxtooyada, oo laga dhigay markii xilka la-taliyaha amniga qaranka oo uu hayey laga qaaday loona dhiibay Fahad Yaasiin. The post DEG DEG: Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee xilka laga qaaday oo shaaciyey sheeko ka duwan tan Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud. Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali, halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaraddaas u magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos). Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibada Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna soo noqday la-taliyaha amniga Madaxweyne Farmaajo ka hor intii aan lagu baddelin Fahad Yasiin. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale isku baddelay wasiiradii Xannaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa iyo Howlaha Guud Guriyeynta & Dib u dhiska. Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) ayaa loo baddelay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa, halka Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen (Badni) loo baddelay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta & Dib u dhiska. PUNTLAND POST The post Wasiirkii Arrimaha Dibada Soomaaliya oo xilkii laga qaaday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo u xilsaaran u gurmadidda dadka la il-daran abaaraha ka dhacay meel badan ee waddanka ah. Guddigan oo ka kooban 7 Wasaaradood ayaa kala; 1- Wasaaradda Gargaarka 2- Wasaaradda Maaliyadda 3- Wasaaradda Qorshaynta 4- Wasaaradda Caafimaadka 5- Wasaaradda Beeraha 6- Wasaaradda Warfaafinta 7- Wasaaradda Biyaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray guddig in ay si deg-deg ah u howlgalaan oo ay daraasad dhab ah ku soo sameeyaan xaaladda dhabta ah. Dhinaca kale, Rooble ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay u istaagaan samatabixinta dadkeenna la dhibaateysan abaaraha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay doorka shariifka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gurmadka xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca dalka iyo garab-siinta dadkeenna nugul, waxa uuna tilmaamay in xilligan baahi weyn loo qabo sidii loo mideyn lahaa, loona dardar gelin lahaa gurmada abaaraha ka jira dalkeenna. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan khayraadka ceegaaga dalkeenna, si uu kor ugu kaco waxsoosaarka dalka, loogana baxo saboolnimada iyo duruufaha nagu xeeran. Rooble ayaa ka warbixiyey kobaca fursadaha maalgashi ee dalka iyo sida ay muhiimka u tahay in ganacsatadeennu ay u mideeyaan cududdooda iyo caqligooda oo aas-aas u ah horumarinta dhaqaalaha iyo shaqaaleynta dhallinyarada Soomaaliyeed. The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddi cusub soona saaay baaq culus appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi heer wasiirro ah oo u xilsaaran u gurmadka dadka la il-daran abaaraha ka dhacay dalka. Guddiga ayaa ka kooban wasiirada wasaaradaha Gargaarka, Maaliyadda, Qorshaynta, Caafimaadka, Beeraha, Warfaafinta iyo Biyaha. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray guddig in ay si deg-deg ah u howlgalaan oo ay daraasad dhab ah ku soo sameeyaan xaaladda dhabta ah ee abaaraha la jira dalka, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in la soo caawiyo dadka tabaalaysan. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo guddi u magacowday abaaraha appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE ‘Extremely Worrying’, Severe Drought Grips Most of Somalia as Seasonal Rains Fail a Third Time Most parts of the country are now experiencing a severe drought which has already had a devastating impact on rural livelihoods in the Somalia is enduring its third consecutive poor rain season since late 2020 according to the latest Drought Bulletin issued by FAO’s Somalia Water and Land Information Management (FAO SWALIM) Unit in Mogadishu yesterday. The southern regions of Somalia are now enduring severe drought while the north-eastern regions of the country are facing a widespread moderate drought. If drought conditions are to worsen as expected in December 2021 and into the first quarter of 2022, it could lead to a similar situation witnessed in 2016/2017, FAO SWALIM said. The impacts of climate change and variability in Somalia are major causes of the current climatic hazards that the country has faced over the last decade. “Climate change continues to induce recurrent droughts and erratic weather patterns resulting in widespread displacement, hunger, malnutrition and increased poverty. The negative rainfall anomalies, coupled with the outlook of depressed rainfalls in the country in November, indicate that they will not be enough to mitigate the drought conditions we’re witnessing,” said Ugo Leonardi, SWALIM Technical Adviser. On the run from hunger as drought grips south, central Somalia The severe drought conditions come at a time when an estimated 3.5 million Somalis already face acute food insecurity, and the number of severely malnourished children is also on the rise. The drought conditions triggered by failed rains have already destroyed crops and killed livestock. Farmers and herders are forced to walk increasingly long distances in search of pasture and water, and the drought has had a devastating impact on their lives and livelihoods. Some pastoral communities in Juba and Galmadug regions have already been displaced and are making their way to towns and IDP camps after losing most of their livestock. In addition, the persistent drought conditions have contributed to rapidly declining household purchasing power. A situation that is worsening as international prices reached a ten year high in October with imported rice prices in northern and central Somalia up by 50 percent and the prices of maize and sorghum up 30-60 percent in southern markets due to low supply. With current weather forecasts and persistent conflict present in parts of the country, food insecurity is projected to worsen significantly through May 2022, with many families expected to experience increased hunger and erosion of their capacity to cope with these multiple crises. Doubling Down on Drought Response Efforts Without urgent and scaled up support to the communities in these affected regions, the situation will likely deteriorate further in the first half of 2022. The increasing humanitarian needs are coming at the end of an already challenging year. Government, humanitarian and resource partners must step up to meet this latest challenge. “The impact of the worsening drought on vulnerable rural populations is extremely worrying. Without rapid action by all actors, rural communities will face difficult choices in coming months as they become unable to feed their families,” said FAO Representative Etienne Peterschmitt. “in 2017 we were able to avert a devastating crisis in Somalia as a result of early action at scale thanks to substantial and timely commitments by resource partners. We must not forget these lessons now. It’s time again for the humanitarian community to double down on its response efforts to safeguard lives and livelihoods in Somalia,” he said. FAO urgently requires USD2.35 million to protect pastoralist assets through livestock treatment for 15 million animals and USD1.8 million to meet the food needs of 12,500 rural households in southern Somalia. FAO emergency response in Somalia saves lives and livelihoods by providing cash transfers to vulnerable rural households to meet immediate food needs, while providing critically needed supplementary livestock feed, water and treatment to pastoral communities. Additionally, the emergency response provides drought tolerant seed varieties and supplementary irrigation to protect the livelihood of rural farming households.e Organization (FAO). Food and Agriculture Organization (FAO) Qaran News
-
Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa shacabka heysta qalabka qaab militeri ahaan loo adeegsan karo ka codsatay inay diiwaan geliyaan. Laanta dowladda u qaabilsan xogta arrimaha amniga iyo Internetka ayaa shaacisay in ‘ololaha ay Itoobiya u adeegsaneyso sidii lagu badbaadi lahaa’ taas oo ay ugala jeeddo dagaalka muddada sanadkan ah ee ka socad gobolka Tigray. Qalabka ay dowladda ugubaaqday shacabka heystay inay diiwaan geliyaan waxaa kamid ah, Teleenoonada Sattelite-ka, diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka, qalabka GPS-ka iyo qalabka masaafada fog wax looga eegi karo ee Binoculars Qaran News
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha dibadda Xukumadda Federaalka. Rooble oo xilkan ka qaaday Maxamed Cabdirisaaq isagoo xilka ka qaaday Cabdi Saciid Muuse Cali. “Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos),” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah: Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Maxamed Cabdirisaaq, wuxuuna xilkaas u magacaabay Cabdi Saciid Muuse Cali. Rooble ayaa sidoo kale xilka ka qaaday wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda dibedda, wuxuuna xilkaas u magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos). Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).” Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah: Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska. Xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibedda ayaa ku timid si lama filaan ah, mana cadda waxa dhiiri-geliyey. Si kastaba, in wasiirka arrimaha dibedda loo magacaabo Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa muujin karta in Rooble uu aad ugu dhowaaday madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay ka heshiiyeen khilaaf u dhaxeeyey. Cabdi Saciid ayaa ka mid ah ragga aadka ugu dhow Farmaajo, wuxuuna ku magacownaa agaasimaha madaxtooyada, oo laga dhigay markii xilka la-taliyaha amniga qaranka oo uu hayey laga qaaday loona dhiibay Fahad Yaasiin. The post Rooble oo xilka ka qaaday Wasiirka Arrimaha Dibedda, magacaabayna mid cusub + Isku shaandheyn kale appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - It is yet another milestone achievement for Hormuud Telco to officially launch the e-Sim support, becoming the first telecommunication company to roll out the service in the country with a view to embracing the ever-growing technological advancements in the industry. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dacwad ka dhan aheyd xildhibaan Rashid Qaasim oo ah Soomaali laga soo doorto Bariga Wajir oo ka tirsan baarlamanka Kenya ayaa la baabi’iyey kadib markii xildhibaan Faduma Gedi, oo horey ugu eedeysay inuu feeray ay sheegtay inay cafisay. Ayada oo ka laabaneysa dacwadda, ayaa xildhibaan Faduma waxay sheegtay inay go’aansatay “inay cafis walalakeed.” Faduma ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonaan is gacan qaad dhex-maray ayada iyo Rashid oo ay billaabeen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga. Faduma ayaa sheegtay inay Rashid kala shaqeyn doonto sare u qaadidda midnimada maamulka Wajir, oo labadauba ay baarlamanka Kenya kasoo galeen. Faduma iyo Rashid ayaa sidoo kale ballan-qaaday inay is-taageeri doonaan hadda kadib. Xildhibaan Rashid ayaa ayaa uga mahad-celiyey Faduma inay aqbashay cudur daarkiisa. Garsooraha maxkamadda dacwadda laga furay Martha Nanzushi ayaa kiiska ku calaameysay in laga laabtay. Rashid ayaa 2019-kii lagu eedeeyey inuu Faduma ku feeray xarunta baarlamanka Kenya ee Nairobi. Maxkamadda ayaa dhageysatay in xilli barqo ah uu Rashid ku weeraray Faduma halka baabuurta la dhigto ee xarunta baarlamanka uuna dhaawac gaarsiiyey. Kahor weerarka Rashid iyo Faduma ayaa la sheegay inay dhex-martay dood kulul. Dhacdada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo diiwaan-geliyey xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamanka. Rashid ayaa ka careysnaa in Faduma oo ka tirsan guddiga maaliyadda ee baarlamanka aysan miisaaniyadda ku darin lacag uu u rabay deegaanka laga soo doorto. The post Xildhibaan Faaduma oo ka laabatay dacwadii xasaasiga ee ay ka gudbisay Rashiid appeared first on Caasimada Online.
-
Shirka Todobaadlaha ah ee amniga Gobolka Bari ayaa maanta ka qabsoomay xarunta maamulka Gobolka Bari. Waxa looga hadlay Todobaadkan shirka xaaladda guud ee amniga, ka war qabka xogta cadowga iyo la dagaalkan kooxaha nabadiidka ah ee shabaab iyo Daacish, isbarasho iyo is xog-wareysi Taliyaha qeybta G/sare Cabdiqaadir jaaamac Dirrir Iyo Maaamulka Gobolka Iyo saraakiisha Booliska Gobolka. Shirka ayaa waxa Todobaadkan ka soo qeyn galay Taliyaha ciidanka Booliska Dowladda Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi, Taliyaha hooganka isgaarsiinta iyo bariista dabiyada, Maxkamdaha darajada 1aad iyo racfaanka, Maxkamada danbiyada culus, xeer ilaalasha labada maxkamadood, taliyeyaasha laamaha tubatariyada, CID iyo taraafikada taliyaasha hay’adaha PMPF Iyo PSF, iyo saraakiisha laamaha amaanka Gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Shirka Amniga Gobolka Bari oo lagu qabtay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Saraakiil ka socota hay’ada UNCDF. Shirka ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa Isbedelka Cimilada, Abaaraha, Arrimaha qaxoontiga iyo shaqo abuurka dhallinyarada reer Puntland. Ugu dambayn madaxweyne ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey hay’adda UNCDF doorka muuqda ee ay ka qaataan mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland (JPLG). PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulmay madax ka socotay hay’adda UNCDF appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday shuruudaha Musharixiinta golaha shacabka looga baahan yahay. Shuruudaha guddiga ay shaaciyeen ayaa waxaa qeyb ka ah in looga baahan yahay in musharaxa laga rabo warqadda dambi la’aanta oo ay bixiyo CID iyo shuruudo ay ka mid yihiin bixinta qidmadda musharaxnimada. Shuruudaha ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in qofka musharaxa ah uu heysto Shahaado Dugsiga Sare ama wax u dhigma. Sidoo kale waxaa shuruudaha kamid ah in musharaxa uusan wax xiriir ah la laheyn kooxahaa argagixisada. Galmudug oo lagu wado in todobaadkan ay ka dhacdo doorashada Shan ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay Galmudug. Kuraastaa ayaa kala ah, HOP#043, HOP#054, HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026, kuwaas oo dhamaantoda hadda ay ku fadhiyaan xildhibaano ka tirsan Baarlamanka 10-aad ee waqtigooda dhamaaday. Halkaan hoose ka akhriso shuruudaha oo dhameystiran The post GALMUDUG oo shaacisay shuruudaha laga doonayo musharaxiinta xildhibaanimo appeared first on Caasimada Online.
-
Madaarka Berbera Haloogu Magac Geesigii Somaliland Xoreeyay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaarka Berbera: Haloogu Magac Geesigii Somaliland Xoreeyay, ahaana Madaxweynihii u horreeyay ee Jamhuuriyada Somaliland. Asalaamu Calaykum Berri subax waxaa lagu wadaa in Xadhiga laga jaro dhismaha cusub ee magaalada Berbera oo ay inoo dhiseen Dalka aynu Walaalaha nahay ee Imaaraatka Carabtu, waxaana furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo imika Berbera ku sugan. Waxaan soo jeedinayaa oo aan Madaxweyne Musse Biixi ka codsanayaa in uu Madaarka Berbera ku sharfo Geesigii hogaaminayay Ururkii SNM ee xoreeyay Dalkeena ee ay Madaxweyne Muuse halganka soo wada galeen. Allah ha u naxariistee Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur waxa uu Dalkan ku leeyahay Abaal taariikhi ah oo aan weligii duugoobi doonin, Madaxweyne Muuse waxay u horseedi doontaa sharaf iyo wanaag la xusi doono haddii uu Saaxiibkii ku sharfo magaca Madaarka Berbera. Maalinta ay Madaxweyne Muuse tiisu timaadana waxaa lagu sharfi meelo ka sii weyn Madaarka Berbera. Ugu danbayn waan ku faanayaa inaan ka mid ahaa Ururkii SNM gaar ahaan Guutadii Koodbuur ee xoraysay, gacantana ku dhigay magaalada Berbera, kuna dhaawacmay sanadkii 1991. Waxaanan dhawaan idinla wadaagi doonaa sida uu ahaa Madaarka Berbera maalintii u horreysay ee aanu gacanta ku dhignay, kana saarnay ee aanu jabinay Ciidankii Dawladii Maxamed Siyaad Barre. Ma Duugoowdo Taariikhdu Waxa Qoray Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed. Source -
MOGADISHU (HOL) - The coffee house, Java has opened its first branch in Somalia adding to an increasing number of foreign investments in the country amid relative stability. Source: Hiiraan Online
-
Iran oo gacanta ku dhigtay Markab siday shidaal Ilaalada kacaanka Iran ayaa shaaciyay in markabka ay ku qabteen gacanka khaliijka,kadib markii lagu eedeyay in uu tahriibinayey shidaal. Korneyl ka tirsan Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in 11 ka mid ah shaqaalihii markabka ajnabiga ay leeyihiin la xiray. Korneylka ma uusan sheegin magaca dalka laga leeyahay markabka iyo xilliga ay gacanta ku dhigeen. Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee dhacdooyiin is xig-xigay oo ka dhacday gacanka khaliijka, halkaas oo dhawrkii sano ee la soo dhaafay lagu weeraray maraakiib ama la qabsaday. Qaran News
