Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeybgalay kulan muhiim ah, kaasi oo uu la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem. “Waxa aan kulan muhiim ah oo ay natiijo ka soo baxday la qaatay Madaxda sare ee Bangiga Adduunka oo uu ugu sareeyo Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem iyo shaqaalaha la shaqeeya.” “Waxa aan diiradda saarnay dhameystirka hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo sidii socoshada taageerada Bangiga Adduunka ee wax ka qabashada saameynta COVID-19 ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo Masiibooyinka dabiiciga ah ee goboladeena qaar ka dhaca”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda. PUNTLAND POST The post Wasiir Beyle oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Qaaradda Afrika appeared first on Puntland Post.
  2. Aragtidii M. Siyad Barre iyo Doorashada Barlamanka Somaliland ee Muqdisho? Adam Muse Jibril Dib u Raac Dawyadii shalay, maxaa daal la Korodhsaday. Saaka taariikhdu 29/9/2021, waxaan Idaacada BBCda ka dhegeystey doorashada Barlamaanka Somaliland oo Muqdisho lagu qabanayo, iyo khudbad uu jeedinaayo Prof. Cabdi Ismaciil Samatar oo uu leeyahay “ii hiiliya aan idiin hiiliyee”. Markaas baan xasuustay Xisbi magaciisu aha Hiil-qaran, oo Cabdi iyo Axmed Samater iyo rag kale sameeyeen, kaas oo markii dambe iska baaba’ay. Khudbadda Prof. Cabdi waxaan ka gartay in uu yahay nin baadi ka luntay oo raba in uu soo dhacsado, laakiin ay ka maqan tahay halka iyo cidda ay baadidaasi ku maqan tahay. Baadida ka maqan dadka Somaliland waa xuquuqaha oo ay ugu wayn tahay tan siyaasadu, meesha ay ku maqantahay na waa Muqdisho. Waxaan kaloo xasuustay hadal la yidhi waxuu dhex maray Cabdilqaasim Salaad Hassan iyo Meles Zenawi; Cabdilqasim ayaa ku yidhi madaxdii shirka IGAD fadhiday: “Waxaan dacwad u qabaa Meles Zenawi, oo ah ninka dalkayga kala goynaya”. Meles Zenawi waxuu ku yidhi “Mr. Qaasim, bal marka hore Muqdisho midee? markaa aniga iga dacwood”. Haddaba, Xuquuqda dadka Somaliland soo dhacsadeen 1991 ma kula tahay in si sahal ah loo dhiibi doono mar dambe? Jawaabtu waa maya. Midnimo caddaalad ku dhisan cidda waddaa ma kula tahay inay tahay kuwa wada in Barlamaanka Somaliland Muqdisho laga soo doorto, Jawaabtu waa maya. Kuwa aaminsan hab-Dhaqankii iyo fekerkii 1960kii ee dedafeeyey Xuquuda Somaliland oon midnimo iyo qaranimo Somaliyeed midnaba dan ka lahayn ee ayagu iska wada qaatay dhammaan dheeftii dawladii Somaliyeed, ma kula tahay inay maanta u danaynayan midnimo iyo qaranimo Somaliyeed, jawaabtu waa maya. Kuwii leh hab-dhaqankii Hargeysa iyo Burco burburiyey, ma kula tahay inay maanta Somalinimo iyo midnimo doonayaan, Jawaabtu waa mayaa. Kuwa leh hab-dhaqanka cunaqabataynta saaran shacabka Somaliland, ma kula tahay inay khayr u soo sidaan Somaliland, jawaabtu waa maya. Kuwa leh hab-dhaqankii burburiyey midnimadii ummadda Somaliyeed haddana weli sii kala fogeynayaa, ma kula tahay inay wadaan midnimo caddaalad ku dhisan, Jawaabtu waa maya. Haddaba Noloshu waa koritaan iyo dhicitaan, dawladnimaduna waa sidaas oo kale, Qabiil iyo Qaran waa laba heer oo kala duwan, waana wax koritaanka bulshada la xidhiidha. Dawladnimadii 1960kii waxay ahayd mid dibedda laga keenay oo Gumaysigu samaystay. Dadka Somaliyeed waxaa ka dhexeeyey af-Somaaliga, diinta iyo dhaqanka, wax maamul ah oo ka dhexeeyey ma jirin. Markii ciidamadu qabsadeen maamulkii dawladnimo 1969kii waxay dooneen in ay kor ka dhisaan dawlad Somaliyeed, taasoo noqotay mid keligi talis ah, waxaana laga dhaxlay oo maanta meesha dhibtu ka jirtaa ay tahay Sidee dib loogu dhisi karaa dawlad Somaliyeed: Ma dagaal iyo xoog, iyo in kor laga soo dhiso, mise in hoos iyo wada hadal iyo wax la isla oggol yahay (consensus based Solution arrangements) mise dawlado shisheeye, lacag shisheeye iyo ciidamo shisheeye . Jawaabtu waxay tahay; maanta sida keliya ee Dawlad Somaliyeed loogu dhisi karaa waa qaabka Somaliland u dhistay dawladnimada oo ah: 1) Dibuheshiisiin lagu bilaabay shirar dhaqan-siyaasadeed oo hoos laga soo dhisay, iyo dhaqaalaha oo ka yimaada dalka gudihiisa. 2) Abuurid qaab dawladnimo loo dhan yahay oo laga bilaabay hub ka dhisgis maleeshiyaadkii iyo dhisid ciidan qaran. Maanta waxa isdiiddani waa argtiyo ee maaha dad keliya oo isqabtay, waa aragtidii Somali-wayn ee Siyaad Barre iyo aragtida Somali Dimoqoraadi ah oo la yidhaahdo Somaliland. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Bishan October 12-keeda waxaa la filayaa in maxkamadda Cadliga dunida ee ICJ ay ku dhawaaqdo natiijada muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kadib 6 sano oo kiiska uu yaallay Hague. Inkasta oo guul-darrada aan meesha laga saari karin, hadana qareennada difaacaya badda Soomaaliya ee kala ah Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet ayaa rajo fiican oo gaareysa 99% ka muujiyay guusha kiiskan, taasi oo haddii ay dhacdo noqon doonta guul taariikhi ah oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed. Kiiskan oo 2014-kii ay maxkamadda ICJ geysay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay lacagtiisa bixisay dowladda Imaaraadka, dad badan oo qareenno iyo shacabna ka qeybgaleen isla markaana soo maray labo heer, Soomaaliyana ay ku guuleysatay heerka hore ee ahaa in maxkamadda ay kiiska qaadi karto halka midkii ugu dambeeyey ee ahaa muranka dhul badeedkana loo madalsan yahay October 12 ayaa waxaa soo baxaya in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu maalmahan wado dadaallo la xiriira qabashada xaflado waaweyn, iyada oo laga cabsi qabo inuu siyaasadeeyo guusha kiiska badda, isla markaana u badalo olole siyaasadeed. Xog aan helnay yaa sheegaya in Farmaajo uu khadka telefanka kula hadlay madaxweyneyaal hore, musharaxiin madaxweyne, qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada iyo mas’uul leh heerar kala duwan isaga oo ku marti-qaaday xaflad faneed uu kusoo aadiyey maalinta lagu dhawaaqayo natiijada kiiska badda ee October 12, 2021. Farmaajo keliya ma aha inuu damaashaad sameynayo maalintaas, guushana uu keligiis sheegan doono, ee waxaa kale ee laga cabsi qabaa in taageerayaashiisa ay sameeyaan dibad-baxyo ka dhan ah dowladda Kenya iyo shacabkeeda, iyada oo la kicinayo caadifadda shacabka Soomaaliyeed, lana soo celiyo waddaniyadda iyo qabkii lagu doortay 2017-kii. Inkasta oo su’aalo ka iman doonaan haddii Farmaajo sameeyo qorshahan dabaal-degga iyo sheegashada guusha kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya, hadana Madaxweynaha hore oo muddo xilkeedkiisa dhamaaday 6 bil kahor, ayaa hadda waxaa uu raadinayaa olole uu dib ugu soo noqdo, guusha kiiska badda ayuuna u arkaa fursad uu olole. Haddaba, Halkan Ka Akhriso Sooyaalka Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya May 1972 – Kenya waxay sameysay “Heshiiska Territorial Waters, 1972, No.2” oo ay ku xaddidayey dhul badeedkeed 12 NM. 10 September 1972 – Soomaaliya waxay soo saartay Law No. 37 ee Territorial Sea, Sharcigani wuxuu ka dhigayaa dhul-badeedka Soomaaliya 200 NM. 17 December 1975—Kenya iyo Tanzania waxay isku raaceen halka uu maro xadka badda dalka (Territorial Sea). Xilligan weli lama aqoonsan EEZ( aaga dhaqaalaha) iyo Qalfoofka Qaaradeedka (Contintal Shelf). 13 January 1977 – Soomaaliya waxay samaysay guddiga badda oo uu madax ka ahaa General Maxamuud Geelle Yuusuf, ayna ka mid ahaayeen khubaro ka kala timid hey’adaha dalka. 1977 KENYA – “Territorial Waters Act, No.2” ayay baddashay, waxayna faahfaafhin ka bixisay xadka dhul-badeedkeeda. 28 February 1979 – Madaxweyne Daniel Arab Moi ayaa “proclamation” ama xeer madaxweyne ku soo saaray Territorial Sea (Dhul Badeedka) iyo Exlcusive Economic Zone(EEZ) oo uu la socdo khariidad. Proclamionka Qodobkiisa koowaad ee (b) ee la xidhiidha dhanka Soomaliya wuxu qorayey in loolka iyo dhigta dhul-badeedka uu yhaay “eastern latitude south of Diau Damasciace Island being latitude 1’38’ degrees South.” August 1989: KENYA waxa soo saartay “Maritime Zones Act” ay ku muujineyso “xadka EEZ”. 26 January 1989 – Waxaa dhaqan galay sharciga badda Soomaaliyeed ee Sharci Nambar 5, 26 January 1989. Sharcigani wuxuu dhul badeedka Soomaaliya ka dhigayey 12 NM, kan dhaqaalanah (EEZ), 200 NM. Sharcigan wuxuu bedelay oo buriyey Sharcigii ahaa 1959 Maritime Code iyo Law 37 of 1972. 9 February 1989 – Soomaaliya waxay ansixisay Sharciga Badda ee Qaramada Midoobay. 24 July 1989- Soomaaliya waxay meelmarisay(ratified) sharciga UNCLOS on 24 July 1989. March 1995 – Kenya waxay u gudbisay Qarmada Midoobay khariidad muujinaysa EEZ-keeda. 9 June 2005 – Presidential Proclamation – Kenya waxay wax ku dhawaaqday xuduuddeeda oo ay ka dhigtay “eastern latitude South of Diua Damascian Island being latitude 1°39’34” degrees south.” September 2005. Soomaaliya iyo Kenya waxay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhameystiran oo loogu magac daray Joint Commission for Co-operation (JCC). Heshiiskan weli lama shaacin qodobada uu ka kooban yahay laakiin waxa ka mida meelaha uu taabanayo socdaalka, ganacsiga, dhaqanka, nabadgelyada iyo waxbarashada. October 2008 – Walad Cabdale ayaa bilaabay in la guda galo diyaarinta xogta Soomaalidu ay kula kulmi laheyd macluumaadka ay tahay in Soomaaliya in ay u gudbiso QM ka hore 13 MAY 2009. 10 March 2009 – Waxa Nayroobi lagula shiray Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, anhna Ra’iisal Wasaare Ku-xigeen, Cabdirahamaan Aadan Ibraahim (Ibbi) oo loo sheegay hawsha ay waddo Norway. 12 March 2009 – Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey macluumaadka ay Norway diyaarisey iyagoo aqbalay in loo gudbiyo Qaramada Midoobay. 7 April 2009 – Somaliya iyo Kenya waxay ku kala saxiixdeen MOU(heshiis), magaalada Nairobi. Heshiiskaas waxaa Soomaaliya u saxiixsay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, wuxuuna dhaqan galay 7 April 2009. Nuxurka MOU-gu waa 1- in muran badeed saamaynaya (Continental Shelf and Beyond) uu ka dhexjiro labada dal; 2) in ay isla oggolaadaan labada dal in Commission-ka uu eego xogtooda; 3) in ay labada dal ka wada hadli doonaan xuduud badeedka ay ku muransan yihiin marka uu commission-ku go’aanka gaaro kadib; iyo in isfahamku (MOU) uu dhaqan geleyo maalinta la saxiixay 11 June 2009 – Kenya waxay heshiiska MOUga uga diiwaan galisay Qaramada Midoobay inuu yahay heshiis caalami ah. MOU-ga waxaa lagu faafiyey buugga lagu daabaco heshiisyada caalamiga 1 August 2009 – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday heshiiska MOU ee Soomaaliya iyo Kenya wada-galeen. Waxaa goobjoog ahaa 347 xildhibaan. Waxaa diiday heshiiskii MOUd 334 xildhibaan. Sagaal xildhibaan in gudi loo saaro ayay soo jeediyeen halka afar xildhibaan waxay dalbadeen in dib loo dhigo. 10 October 2009 – RW Cumar Cabdirashiid wuxuu warqad u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Wuxuuna ogeysiiyay go’aanka diidmada baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ku caddeeyey warqada in MOU-ga aan la isticmaali Karin. 8 October 2011 – Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu soo saaray Xeer lagu magacaabay Dhaxal-Dhawr. Xeerkaas waxaa baarlamaanku ka mamnuucay xukuumadda inay gasho heshiisyo ku saabsan arrinka badda. Baarlamaanku waxay mar kale ku celiyeen in Xeer Lam 5 uu yahay Sharciga Rasmiga ah ee Badda Soomaaliya. 30 June 2014 – Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud wuxu shaaciyey (Proclamation) sharci baddeedkii Law No.11 February 1989; Decree No.14 February 9, 1989; Law No. 5, 26 January 1989. Sharcigaa wuxuu madaxweyne Xassan ku caddeeyey in EEZ-ka ama aagga dhaqaalaha Soomaaliya yahay 200 NM. Kadib, wada hadal saddex weji ahaa oo socon waayey, 28 August 2014 Soomaaliya waxay u gudbisay dacwad la xiriirta muranka xuduud-badeedka ka dhexeeya labada dal Maxkamadda Caalamiga ah. Soomaaliya waxay ka codsatay maxkamadda in ay dhammaan eegto (1). Dhul badeedla, (2). Aaga dhaqaalaha) iyo (3). Qalfoofka Qaaradeedka. 7 October 2015 – Kenya waxay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ qoraal ay ku doodayso inaysan maxkamaddu xaq u lahayn inay eegto muranbadeedka ka dhexeeya iyada iyo Soomaaliya. Waxay Kenya ku doodday in labada dal ay galeen heshiis caalami ah (MOU-ga). Heshiiskaas ayaa caddaynaya habka loo abbaarayo xallinta muran-badeedka ayay sheegtay. Maxkamadda Caalamigu markay heshay qoraalkaa Kenya waa ay hakisay dacwadda ilaa inta Soomaaliya jawaabteeda la helayo, waxaa la is dhaafsaday jawaabo. 2, February 2017:– Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. Inkasta oo dhageysiga dacwadda ay in ka badan 4 jeer dib u dhacday, hadana doodo dheer kadib, October 12, 2021-ka ayaa loo fadhiyaa go’aanka kama dambeyska ah. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, E-mail: gurbiyeshow@gmail.com The post Xog: Farmaajo oo isku dayaya inuu olole siyaasadeed ka dhigto guusha kiiska badda appeared first on Caasimada Online.
  4. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu socdo abaabulka mooshin lagu burinayo wax-ka beddelkii xeer-hoosaadka ee Baarlamanka Puntland ansixiyay Kal-fadhigii hore. Xildhibaanno kala duwan oo diiday in magacyadooda la xigto ayaa Puntland Post u sheegay in uu soo noqday abaabul hoose oo ku saabsan in Kal-fadhiga soo socda lagu buriyo wax-ka beddelkii Xeer-hoosaadka Baarlamanka. Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Deni uu guddoonka Baarlamanka ka codsaday in hal maalin lagu daro wakhtiga furitaanka Kalfadhiga oo ku beegan 25-ka bishan October 2021. Wax-ka beddelkii Xeer-hoosaadka ee lagu ansixiyay Kal-fadhigii hore waxa ku jiray qodoba muran dhaliyay oo uu kamid yahay in guddoonka iyo xildhibaannada lagu ridi karo 44 cod. PUNTLAND POST The post Abaabul mooshin oo la hadal-hayo ka hor furitaanka Kalfadhiga Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah madaxda mamaul goboleedyada Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya inaysan doorashada golaha shacabka ku qaban karin laba magaalo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Heshiisyadii doorashada ee September 17 iyo May 27 ayaa labaduba dhigaya in doorashada golaha shacabka ay ka dhacdo laba magaalo halkii maamul goboleedba. Doorashada Golaha Shacabka, oo la filayo in toddobaadyada soo socda la guda galo, ayada oo doorashada Aqalka Sare inta badan lasoo dhameeyey, ayaa xubno ka mid ah madax goboleedyada waxay ku wargeliyeen ra’iisul wasaare Rooble iyo wakiilada beesha caalamka inay aad ugu adag tahay inay laba magaalo doorasho ku qabtaan. Madax goboleedyada illaa hadda wakiilada beesha caalamka ku wargeliyey arrintan ayaa kala ah; madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni. Waxaan weli caddeyn mowqifka madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen. Wakiilo ka socday beesha caalamka ayaa maalmihii tegay socdaal ku tegay qaar ka mid ah caasimadaha maamul goboleedyada, si ay arrimahan ugala hadlaan madaxda maamul goboleedyada, ayada oo ay ugu dambeysay toddobaadkii tegay oo ay tageen magaalada Kismaayo. Axmed Madoobe iyo Guudlaaawe ayaa si cad u sheegay in xaaladaha ka jira Garbahaarey iyo Beledweyne aysan u saamaxeyn inay halkaas doorasho ku qabtaan, halka Saciid Deni uu ku dooday in laba magaalo oo doorasho lagu qabto ay tahay culeys aad u weyn. Madaxda maamul goboleedyada iyo ra’iisul Rooble ayaa la filayaa inay arrintan go’aan ka gaaraan marka lasoo dhameystiro doorashada Aqalka Sare, oo hadda ay harsan yihiin oo kaliya maamul goboleedyada Galmudug iyo Jubaland. The post Madax goboleedyada oo qaatay go’aan caqabad cusub ku noqon kara doorashada appeared first on Caasimada Online.
  6. The Somali government on Thursday called on authorities in the semi-autonomous region of Somaliland to stop forced evictions in the northern part of the country. The Ministry of Women and Human Rights Development also called on the Somaliland administration to halt any activity that would additionally contribute to a coercive environment and lead to a risk of forcible transfer of civilians to other parts of the country against their will. “We call on the regional Somaliland administration to respect the right to the freedom of movement, to exercise maximum restraint and refrain from indiscriminate illegal action in the use of force while ensuring safety and security in northern Somalia,” the ministry said in a statement issued in Mogadishu. The statement came after hundreds of families, many of whom who have lived there for nearly 20 years were arrested and forcefully displaced from Las Canood, Sool region of Somaliland between Oct.2-3. The UN humanitarian agency said on Wednesday that more than 2,800 Somalis have so far been forcibly displaced. The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said it has adopted a planning figure of 5,000-10,000 people who will likely arrive in parts of Puntland State in northeast Somalia, in the coming days. The ministry said several people have been forced to leave their businesses and belongings behind, a clear violation of basic human rights by Somaliland authorities. The regional authorities have cited security as the reason for their evictions but the Mogadishu said conducting such operations without a clear legal basis, procedure, or timely notification of the people affected is illegal and should not be allowed. The ministry said the forced eviction images and videos coming out of Las Canood have been appalling to witness with the majority of those affected being women and children. Enditem Source: Xinhua The post Somalia calls for halt to forced evictions in northern region appeared first on Puntland Post.
  7. Guriceel (Caasimada Online) – Ahlu Sunna oo dareensan in col kaga soo wajahan yahay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa wadda qorshaheedii ugu dambeeyay, ee ay ku doonayso inay ku difaacato gacan ku haynta Magaalada Guriceel. Ujeedka Madaxtooyada Galmudug ayaa u muuqdo in la weeraro Magaalada Guriceel, oo 1-dii bishan ay bilaa dagaal kula wareegeen Xoogaga Ahlu Sunna, iyadoona Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) lagu eedeeyay inuu wadadii wada hadalada ka beeray, uuna doortay dagaal uu la galo Xoogaga Ahlu Sunna. Ahlu Sunna ayaa saacadihii la soo dhaafay ciidan badan gaysay aagga deegaanka Ceeldheere, oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo ah difaaca hore ee Guriceel. Ceeldheere ayaa ku taalo wadada xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel. Ilo wareedyo ayaa sheegaya haddii la weeraro Magaalada Guriceel in Xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol, ay ku dhaqaaqi doonaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug. Bohol waxay qiyaastii 20km dhinaca waqooyi uga beegan tahay Magaalada Dhuusamareeb. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa mar sii horeysay sheegay inaanay iyagu doonayn dagaal ay la galaan Galmudug, balse haddii lagu khasbo aanay gacmaha is dul saaran doonin. Dadaalo ay tan iyo Arbacadii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ka dhex wadeen labada dhinac ayaa u muuqdo kuwo guuldareystay. Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa Khamiistii sheegay in istiqaaladiisa uu u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug, ka dib markii uu sheegay inay isku fahmi waayeen in wada hadal lagu xaliyo xiisadda maamulka kala dhaxeysa Hoggaanka Ahlu Sunna. Nabadoon Cabdi Guure Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku eedeeyay inuu u biro tumanayo dagaal aan natiijadiisa la sii saadaalin karin. Haddii aan laga baaqsan dagaalkan waxa uu galaafan doonnaa nolosha dad badan, waana xilli Shabaabkii Gobolada Dhexe ku sugnaa ay weli haystaan deegaanadii ay horey uga qabsadeen Galmudug. The post Ahlu Sunna oo xoojisay difaaca hore ee Guriceel iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  8. Kunduz (Caasimada Online) – Qarax is-miidaamin ah ayaa burburiyey Masjid ku yaalla gobolka waqooyiga bari ee Afghanistan ee Kunduz maanta, halkaasi oo ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof. Muuqaalo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyey meydad ku hoos jiray burburka Masjidka, oo ay ku cibaadeystaan dad kasoo jeeda qowmiyad laga tiro badan yahay oo Shiico ah. “Warbixino horudhac ah ayaa muujinaya in inka badan 100 qof lagu dilay laguna dhaawacay qaraxa,” waxaa sidaas qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri howlgalka QM ee Afghanistan. Sarkaal u hadlay kooxda Taalibaan oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in ugu yaraan 50 qof ay ku dhinteen weerarka. Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda. Qaraxa ayaa xigay weeraro dhowr ah, oo uu ku jiro mid lagu qaaday Masjid ku yaalla Kabul, oo dhacay toddobaadyadii tagay, kuwaas oo qaar ka mid ah ay sheegatay kooxda Daacish. Weeraradan ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha amni ee ay wajaheyso kooxda Taalibaan, oo bishii August la wareegtay gacan ku heynta Afghanistan, wixii markaas ka dambeeyeyna billowday howlgallo ka dhan ah unugyada Daacish ee Kabul. Dadka degan magaalada Kunduz, oo ah caasimadda gobolka isla magacaas wata ee Kunduz, ayaa AFP u sheegay in qaraxa uu dhacay xilli lagu guda jiray salaadda Jimcaha. Kunduz ayaa ku taalla bar la isaga gudbo oo muhiim u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga Afghanistan kala dhaxeeya dalka Tajikistan. Dadka Shiicada ayaa ah 20 boqolkiiba shacabka Afghanistan. Badankood waxay kasoo jeedaa Hazara, oo ah qowmiyad tobaneeyo sano lagu dhibaateenayey Afghanistan. The post 50 qof oo ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo salaadii Jimce lagu qaaday Masjid appeared first on Caasimada Online.
  9. Maxay Raga kaliya u leeyihiin Xuurul cayn Janada? By:Hussein Saxnuuni Weriye:Hussein Saxnuuni Dadka aan Muslimiinta ahayn gaar ahaan Mustashriqiinta iyo Mulxidiinta Meelaha ay isku dayeen in ay Shaki kaga abuuraan Muslimiinta gaar ahaan Haweenka waxaa ka mid ah sababta Ragga kaliya loogu gaar yeelay Haweenka Xuurul ceynta marka ay Janada galaan iyo waliba Ragga Muslimiinta in loo baneeyay in ay guursadaan Afar Xaas halka Haweenka Muslimiinta ahi aan loo ogolayn wax ka badan hal Nin. Xeeldheerayaasha Islaamka iyo Culumada Diinta Islaamka ayaa si weyn arimahaasi uga hadlay, waxaana Tusaale u soo qaadanayaa Caalimkii waynaa ee reer Masar ee geeriyooday Sheekh Muxammed Metawally Al-Shacrawy oo ka hadlay arintaasi. Sheekh Al shacrawy oo Fasiray Aayada “كَذَلِكَ وَزَوَّجْنَاهُم بِحُورٍ عِينٍ”، waxa uu yiri “Reer galbeedka gaar ahaan qolyaha Mustashraqiinta waxa ay doonayaan marka Xuurul ceynta laga hadlayo in ay yiraahdaan Islaamka waxa uu Mudnaan gaar ah siiyay Ragga, ayaga oronaya Haweenka waxaa lagu dulmiyay Janada dhexdeeda, sababtoo ah bay leeyihiin Ragga waxaa loo gaar yeelay Haween badan oo Daahir ah, ayaga oo waliba loo guurinayo Xuurul ceyn, ayaga o doonaya in ay ka dhigaan in Allah Ragga u gaar yeelay Nicmo uusan siinin Haweenka” Sheekh Al shacraawi oo si adag uga Jawaabay Qolyaha reer galbeedka ee sidaas yiraahda, waxa uuna xaqiijiyay in Qolyahaas ay doonayaan in ay duufsadaan Haweenka si ay ugu diraan Islaamka, waxayse ilowsan yihiin Mustashriqiinta in Haweenku yihiin Jinsi wanaagsan oo aan aqbalayn misana aan jeclayn in raga ay isku bedbedelaan, sidaas darteed marka uusan Allah u banaynin Dumarka in Rag badan guursadaan, arintaasi waxaa weeye kaliya in uu Allah karaameeyay, sharfay oo uu ciseeyay, mana uusan ka yeelin meel ay u soo dhacaan mid waliba uu doonaya in uu ku haraad gooyo. Sheekh Maxamed Al shacrawy ayaa Tusaale u soo qaatay in ay jiraan Haween badan oo dunida ku nool oo muujiyay Karaamada u gaar ah oo diiday in Nin kale ay guursadaan marka uu ka geeriyooday Ninkooda hore, ayaga oo u arka meel ka dhac sharafeed, ayada oo waliba Islaamka u xalaaleeyay arinkaasi. Sidaa darteed buu yiri Sheekh Al shacraawy Islaamku wuu sharfay Haweenka ayada oo la eegayo Dareenka ku abuuran oo dhinaca Sharafta ah. Dhinaca kale, mar Sheekh Shacraawy la waydiiyay isaga oo jooga dalka Mareykanka su’aalo ay ka mid yihiin; Maxay rago Haween badan u guursadaan, oo Dumarka hal Nin ugu ekaadaan? Sheekh Shacraawi oo ka hadlayay arintaasi ayaa yiri “Waxaan ku iri Allah baan idinku dhaariyee Dalkiina miyay banana tahay Dhilaysiga? ! waxay iigu jawaabeen haa Gobolada qaar, dabadeed baan ku iri, sidee u daryeeshaan Caafimaadkooda, si deg deg bay igu yiraahdeen Gabdhahaas Jirkooda ka ganacsada Usbuucii laba mar baa lagu sameeyaa Baaris caafimaad si loo hubiyo in ay ka bad qabaan cudurada xun ee faafa. Intaas baan ku iri hadaba, miyaad baartaan Haweenayda xaaska ah? Waxay ku jawaabeen MAYA, kolkaas baan iri sabab? Dabadeed bay igu yiraahdeen sababtoo ah Dumarka la qabo ee ragooda ku eg kuma dhacaan Jeermisyada xun ee cudarada sababa, sababtoo ah hal Manni (Sperm) ayaa jirkooda gasha oo ah tan Ninkooda, sidaas darteed bay yiraahdeen Jeermisyada sababa cudurada xun xun waxay ka dhashaan Biyaha Raga oo kala duwan oo meel wada gala. Kolkaas baan ku iri hadaba Allah runbuu u sheegay Adoomadiis markuu u baneeyay raga in ay guursadaan Afar xaas, islamarkaasina uu xarimay in Dumarka ay guursadaan wax ka badan hal nin”. Si kastaba ha ahaatee, Xeeldheerayaasha Muslimiinta gaar ahaan Culumada ayaa sheegay in Janadu tahay Daartii Nabada (دار السلام) oo lagu waarayo lagamana yaqaano Dagaa, Cudur, Gabow, Geeri, Maseyr iyo Cuqdad, midna ku darsada Dumarka Aduunka ee Janada Gala ayaa ka qurux badan Gabdhaha Xuurul Caynta Hussein Sahnuni Journalist and Political analyst Cairo-Egypt Qaran News
  10. Markab Mareykanku leeyahay oo Nuclear xambaarsan oo la wareeray+Cida Weerartay Qoraalka sawirka,Markabkan oo lagu magacaabo USS Connecticut waxa uu dekedda ka dhaqaaqay 2018 15 naaquude oo Mareykan ah ayaa dhaawacmay kaddib markii markab nooca biyaha hoostooda quusa ah oo xambaarsan hubka nuclear-ka uu ku dhawacay “wax aan la aqoonin” xilli uu dhex socday biyaha ku dhow badda Koonfurta Shiinaha. Maalintii Sabtida ayuu shilkan ku dhacay markabka oo lagu magacaabo USS Connecticut, naaquudeyaashana waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka. Waxa ay mas’uuliyiintu intaas ku dareen inaan ilaa hadda la aqoonin sababta ay ku dhacday arrintan. Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay in markabkan uu hadda ku wajahan yahay dhulka uu Mareykanku leeyahay ee Guam. “Wax jug ah ma aysan gaarin qaybta nuclear-ka ku tallaalan yahay ee markabka USS Connecticut, si fiican ayayna u shaqeynayaan qaybihiisa kala duwan,” ayuu yiri afhayeenka oo soo saaray bayaan. Waxa uuse intaas ku daray in wali la qiimeynayo waxyeellada shilkaas kasoo gaartay markabkan sida hubka halista ah. Dhacdadan ayaa kusoo aadday xilli xiisadaha ka aloosan gobolkan aadka loogu muransan yahay ay sii xoogeysteen, halka Shiinaha iyo Taiwan oo cadaawad ka dhaxeysana ay isku sii xumaadeen dhawaanahan. Wararkii ugu dambeeyay ee ku aaddan xiisadda Shiinaha iyo Taiwan ayaa sheegayay in Beijing ay ku xad gudubtay hawada difaaca ee Taiwan. Maxay muran u dhalisay Badda Koonfurta Shiinaha? Markabkan waxyeelladu gaartay ee USS Connecticut waxa uu ka howl galayay mid ka mid ah gobollada uu muranka ugu xooggan ka taagan yahay ee caalamka. Dowladda Shiinaha ayaa sheegata in ay leedahay inta badan badda Koonfurta Shiinaha, balse dalalka ku hareereysan iyo Mareykanka ayaa ku gacan seyray sheegashadaas. Waddamada kala ah Philippines, Brunei, Malaysia, Taiwan iyo Vietnam ayaa dhammaantood qayb ka ah muranka, waxayna muddo tobannaan sano ah kasoo hor jeedaan in Shiinaha uu leedahay baddaas, laakiin xiisadda ka dhalatay arrintan ayaa sii xoogeysatay sannadihii ugu dambeeyay. Washington ayaa la safan inta badan waddamadan oo ay ku taageersan tahay muranka ka aloosan dhulkaas. Waxay u xoogeysaneysaa xiisadda ka taagan Asia-Pacific? Dhacdadan ugu dambeysay ee markabka ayaa kusoo beegantay dhowr isbuuc uun kaddib markii dalalka Mareykanka, UK iyo Australia ay kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo ku aaddan amniga gobolka Asia-Pacific, tallaabadaas oo loo arkayay mid ka dhan ah Shiinaha. Heshiiska oo magaciisa loo soo gaabiyo Aukus ayaa ka dhigan in Mareykanka uu xog la wadaago Australia si ay u sameysato maraakiibta badda hoosteeda quusa ee nuclear-ka xambaara oo u gaar ah iyada. Dhanka kale, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in “uu aad uga walaacsan yahay” ficillada hagardaaminaya hannaanka nabadeed ee geeddi-socodka Taiwan, kaasoo kala saaraya Taiwan iyo Shiinaha. Jake Sullivan ayaa sheegay in Mareykanka uu garab istaagayo dalalka saaxiibbadiisa ah iyo kuwa ay xulafada yihiin Waxa uu Mr Sullivan hadalkan jeediyay kaddib markii uu Shiinaha diyaarado militari oo ah kuwii ugu badnaa abid u diray hawada difaaca ee Taiwan, kuwaasoo afar maalmood oo xiriir ah dhaqdhaqaaqyo sameynayay xilligaas. Mar la weydiiyay in Mareykanku uu isku diyaarinayo inuu tallaabo militari u qaadayo si uu u difaaco Taiwan ayuu Mr Sullivan yiri: “Waxa aan dhahayo waa sidan, hadda waxaan qaadeynaa tallaabo aan isugu dayeyno inaan ka hor tagno maalin noocaas ah inay abid nasoo marto.” Arbacdii, wasiirka gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegay in Shiinaha uu u muuqdo inuu diyaar u yahay sidii uu “dagaal buuxa” ugu qaadi lahaa jasiiraddan wixii loo gaaro 2025-ka. Taiwan ayaa isu aragtay inay tahay dowlad madax-bannaan, halka Shiinaha uu dhankiisa u arko inay tahay gobol khiyaanay iyaga ayna tahay in dib loogu soo celiyo Shiinaha, taasna la sameyn doono xitaa haddii ay lagama maarmaan noqoto in xoog loo adeegsado. Qaran News
  11. Kenya oo jawaab adag ka soo saartay go’aanka la filayo in salaada lagu dhawaaqo ee Dacwadda Badda Somalia & kenya Kamau ayaa wareysi gaar ah siiyay BBC-da Kenya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ ee ku saabsan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya. Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go’aanka ka soo baxi doono maxkamadaasi. Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go’aankeeda soo saarto Salaasada oo ku beegan 12-ka October. Kenya ayaa mar sii horreysay ee sannadkan isaga baxday dhageysiga kiiska dacwadda badda ee maxkamadda ICJ. Muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay. Kamau ayaa sheegay in dacwadda badda ay ka baxsan tahay xeyndaabka maxkamadda isagoo sidoo kalana shaki geliyay dhexdhexaadnimada maxkmadda ICJ ee fadhigeedu yahay Hague. Dacwaddan oo ay Soomaaliya gaysay maxkamadda ayuu ku tilmaamay isku day ay Muqdisho ku dooneyso inay ku xadgudubto mdaxbanaanida dhuleed ee Kenya taasi oo “soo billowday 1969.” “Waa muhiim in qof kasta oo Kenyan ah uu fahmo in khatarta ku soo fool leh madaxbanaanideenna dhuleed aysan ahayn mid qayaxan oo toos ah”, ayuu yiri. “Dacwadda ka dhanka ah Kenya ee taalla maxkamadda, iyo in maxkamadda ay gacmaha la gashay dacwad ka baxsan xeyndaabkeeda sharci, waxay marag u yihiin xeeladaha cusub ee loo akeysiinaya caddaaladda si loo minjaxaabiyo madaxbaannaanideena”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya. Kenya ayaa in muddo ahba ku adkeysanaysay in dacwadda badda lagu xalliyo wadahadal halka Soomaaliya ay doorbiday in lagu xalliyo maxkamadda ICJ. Qaran News
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay go’aano waali ah oo u muqda inay ku qiraneyso in looga adkaan doono kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee xukunkiisa la filayo Talaadada. Kenya ayaa maanta sheegtay inay diiday sharciyadda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u haysato inay qaado kiiskan, waxayna sheegtay inay ka baxday maxkamadda. “Ka sokow inay ka baxeyso ka qeyb-galkeeda kiiskan, Kenya waxay sidoo kale kula biireysa dalal kale oo xubno ka ah QM kala noqoshada aqoonsiga sharciyadda qasabka ah ee Maxkamadda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegtay in Kenya aysan aqoonsan doonin xukun kasta oo kasoo baxa Maxkamadda. Qoraalka ayey sidoo kale Kenya kaga cabatay in Maxkamadda ay dhinac u janjeerto, islamarkaana aysna ku habooneyn inay xaliso kiiskan. Kenya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in Soomaaliya ay tan iyo 1969-kii isku dayeysay inay ku xadgudubto xuduudaha Kenya, sida ay hadalka u dhigtay. Kenya ayaa bishii March ee sanadkan qaadacday dhageysi oraaheedkii ugu dambeeyey ee kiiska kadib markii Maxkamadda ICJ ay diiday inay mar kale dib u dhigto dhageysiga dacwadda, sida ay codsatay Nairobi. The post KENYA oo go’aano waali ah soo saartay kahor xukunka kiiska badda ee Talaadada appeared first on Caasimada Online.
  13. Beledweyne (HOL) - At least 100 families who were forcibly removed from Las Anod by Somaliland authorities last week have arrived in Beledweyne on Thursday to be resettled. Source: Hiiraan Online
  14. Kismayo (HOL) - The Somali government said that Al-Shabaab militants were hit with airstrikes on Thursday in southern Somalia. Source: Hiiraan Online
  15. The Somali government on Thursday called on authorities in the semi-autonomous region of Somaliland to stop forced evictions in the northern part of the country. Source: Hiiraan Online
  16. London (UK) - The UK has confirmed that Somalia will be among the 47 countries that will see eased entry starting on Monday, scraping the need for a mandatory ten-day quarantine upon arrival at the traveller's expense. Source: Hiiraan Online
  17. Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna ee dhawaan sida nabadda ah kula wareegay Magaalada Guriceel ee Gobolka Gaduud ayaa bilaabay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Wararka naga soo gaarayo Guriceel ayaa sheegaya in ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay howlgal u aadeen deegaano hoostaga degmada Guiceel sida degaannada Jaw Burujeed & Daadaale, halkaas oo la sheegya inay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidamada Ahlu Sunna oo la hadlay Caasimadda Online ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay sidii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen deegaanada koonfureed ee Degmada Guriceel. Saraakiisha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato xoog leh ku hayaan dadka Shacabka ah ee dagan degaannada Jaw Burujeed & Daadaale isla markaasna ay Ahlu Sunna dooneyso sidii dadka looga qaadi lahaa dhibaatada. Dadka Shacabka ee ku nool degaannada Jaw Burujeed & Daadaale ayaa bilaabay inay isaga qaxaan guryahooda kadib markii ay kusoo dhawaadeen ciidamada Ahlu Sunna iyagoo cabsi ka qabo in dushooda lagu dagaalamo. Hoggaanka Sar Sare ee Ahlusuna Waljamaaca ayaa dhowr jeer waxaa ay ku cel ciyeen in u jeedkooda uu yahau sidii ay ula dagaalami lahaayeen Ururka Al-Shabaab. Howlgalka ay ciidamada Ahlu Sunna ka bilaabeen duleedka Guriceel ayaa kusoo aadayo xilli xiisad ay kala dhaxeeyso Madaxda Galmudug isla markaasna Dhuusamareeb lagu diyaarinayo ciidamadii weerari lahaa Guriceel. The post Wararkii ugu dambeeyey Ahlu Sunna oo weerar ku ah Jaw Burujeed & Daadaale appeared first on Caasimada Online.
  18. Dhusamareb (HOL) - The President of Galmudug State, Abdi Kariye Qoorqoor, met with his cabinet on Thursday to discuss security in the region following the resignation of the state's security minister. Source: Hiiraan Online
  19. (ERGO) – Nur Abdullahi Mohamed, a water seller, has been driving his donkey cart around Hudur with an empty barrel for the past two weeks, as it has been impossible to find water at any of the wells in this town in southern Somalia’s drought-stricken Bakool region. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – David Matsanga, oo ah Gudomiyaha Pan African Forum oo ka shaqeeysa xallinta khilaafadka Africa ayaa warqad qoraal ah uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres usoo jeediyay in Qaramada Midoobay ay soo faragaliso go’aanka ay maxkamada ICJ ku dhawaaqi doonto 12-ka October cidda leh milkiyadda muran biyeedka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya. David Matsanga waa siyaasi khabiirna ku ah arrimaha xallinta khilaafaadka waxa uu sheegay in khatar weyn ay ka dhallan karto ku dhawaaqista go’aanka ICJ. David ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda uu sameeyn doona xasiloonida iyo deganaanshiyaha geeska Africa sida uu isaga aaminsan yahay. Ugu dambeyntii David ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay in go’aanka maxkamadda dib loo dhigo, mana cadda haddii ay Qaramada Midoobay diyaar u tahay inay soo farageliso arrintaan. Maxkamada Caddaalada Adduunka ayaa la filayaa inay 12-ka bishaan go’aanka ka qaadato dacwada Badda ee Somalia iyo Kenya. Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda soo geba-gebeysay 18-ka March 2021. Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda 15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sidoo kale 17-kii March 2021 ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay guul-darreysteen dhammaan wada-xaajoodyadii labada dhinac. The post QM oo loogu baaqay inay hakiso go’aanka ay ICJ ka gaareyso dacwadda Somalia iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.
  21. Cudubyo ka tirsan Xoogagga Ahlusunna ayaa Saaka Hawlgal Qorshaysan ku qaaday degaanno dhaca Bariga iyo Koonfurta magaalada Guriceel halkaas oo laga soo sheegay malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab. Xoogagga Ahlusunna oo ku qalabaysan Gaadiidka Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan gudaha u galay degaanno ay si dhuumasho ah ku imaan jireen Al-shabaab. Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidamada Ahlusunn ayaa laga soo xigtay in ay Al-shabaab ka qabsadeen degaanno kala duwan kadib markii Kooxda Shabaab isaga baxeen dhulkaas. Ahlusunna ayaa maalmahan waday diyaar-garow ku aaddan in Al-shabaab laga xoreeyo dhulka ay kaga sugan yihiin guud ahaan Galmudug gaar ahaanna Gobolka Galgaduud. PUNTLAND POST The post Xoogagga Ahlusunna oo Al-shabaab ka saaray degaano kala duwan appeared first on Puntland Post.
  22. Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ka tacsiyeeyay Geerida S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise (Dhega-dheere) oo Saaka ku geeriyooday Garoowe. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Kusimaha Madaxweynaha Puntland ayaa looga tacsiyeeyay Geerida Marxuumka oo ka tirsanaa Saraakiisha Hoggaanada Taliska Guud ee Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland. “Alle naxariistii jano haka waraabiyo S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise (Dhega-dheere) Hogaankii gaadiidka ee Ciidamada Daraawiishta Puntland oo saaka ku geeriyooday Garoowe.Waan uga tacsiyeynayaa Qoyskii oo uu ugu horeeyo Jaamac Dhega-dheere, Eheladii, Asxaabtii,Ciidamada Difaaca Puntland,Shacacbka reer Puntland iyo kan Soomaaliyeedba.” Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Marxuum Salaad Dhega-dheere uu qayb-wayn ka qaatay dhismaha ciidamada Daraawiishta Puntland. PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo ka tacsieeyay Geerida Marxuum Salaad Dhega-dheere appeared first on Puntland Post.
  23. Abdulrazak Gurnah during the Edinburgh International Book Festival 2017. Simone Padovani/Awakening/Getty Images The Nobel Prize in Literature, considered the pinnacle of achievement for creative writers, has been awarded 114 times to 118 Nobel Prize laureates between 1901 and 2021. This year it went to novelist Abdulrazak Gurnah, who was born in Zanzibar, the first Tanzanian writer to win. The last black African writer to win the prize was Wole Soyinka in 1986. Gurnah is the first black writer to win since Toni Morrison in 1993. Charl Blignaut asked Lizzy Attree to describe the winner and share her views on his literary career. Who is Gurnah and what is his place in East African literature? Abdulrazak Gurnah is a Tanzanian writer who writes in English and lives and works in the UK. He was born in Zanzibar, the semi-autonomous island off the east African coast, and studied at Christchurch College Canterbury in 1968. Zanzibar underwent a revolution in 1964 in which citizens of Arab origin were persecuted. Gurnah was forced to flee the country when he was 18. He began to write in English as a 21-year-old refugee in England, although Kiswahili is his first language. His first novel, Memory of Departure, was published in 1987. He has written numerous works that pose questions around ideas of belonging, colonialism, displacement, memory and migration. His novel Paradise, set in colonial east Africa during the first world war, was shortlisted for the Booker Prize in 1994. Comparable to Moyez G. Vassanji, a Canadian author raised in Tanzania, whose attention focuses on the east African Indian community and their interaction with the “others”, Gurnah’s novel Paradise deploys multi-ethnicity and multiculturalism on the shores of the Indian Ocean from the perspective of the Swahili elite. A distinguished academic and critic, he recently sat on the board of the Mabati Cornell Kiswahili Prize for African literature and has served as a contributing editor for the literary magazine Wasafiri for many years. He is currently Professor Emeritus of English and Postcolonial Literatures at the University of Kent, having retired in 2017. Why is Gurnah’s work being celebrated – what is powerful about it? He was awarded the Nobel for his uncompromising and compassionate penetration of the effects of colonialism and the fates of the refugee in the gulf between cultures and continents. He is one of the most important contemporary postcolonial novelists writing in Britain today and is the first black African writer to win the prize since Wole Soyinka in 1986. Gurnah is also the first Tanzanian writer to win. Copies of Afterlives by Tanzanian-born novelist Abdulrazak Gurnah. Photo by TOLGA AKMEN/AFP via Getty Images His most recent novel, Afterlives, is about Ilyas, who was taken from his parents by German colonial troops as a boy and returns to his village after years of fighting against his own people. The power in Gurnah’s writing lies in this ability to complicate the Manichean divisions of enemies and friends, and excavate hidden histories, revealing the shifting nature of identity and experience. What Gurnah work stands out for you and why? The novel Paradise stands out for me because in it Gurnah re-maps Polish-British writer Joseph Conrad’s 19th century journey to the “heart of darkness” from an east African position going westwards. As South African scholar Johan Jacobs has said, he reconfigures the darkness at its heart … In his fictional transaction with Heart of Darkness, Gurnah shows in Paradise that the corruption of trade into subjection and enslavement pre-dates European colonisation, and that in East Africa servitude and slavery have always been woven into the social fabric. The tale is narrated so gently by 12-year-old Yusuf, lovingly describing gardens and assorted notions of paradise and their corruption as he is pawned between masters and travels to different parts of the interior from the coast. Yusuf concludes that the brutality of German colonialism is still preferable to the ruthless exploitation by the Arabs. Like Achebe in Things Fall Apart (1958), Gurnah illustrates east African society on the verge of huge change, showing that colonialism accelerated this process but did not initiate it. Is the Nobel literature prize still relevant? It’s still relevant because it is still the biggest single prize purse for literature around. But the method of selecting a winner is fairly secretive and depends on nominations from within the academy, meaning doctors and professors of literature and former laureates. This means that although the potential nominees are often discussed in advance by pundits, no-one actually knows who is in the running until the prize winner is announced. Ngugi wa Thiong’o, for example, is a Kenyan writer whom many believe should have won by now, along with a number of others like Ivan Vladislavic from South Africa. Winning puts a global spotlight on a writer who has often not been given full recognition by other prizes, or whose work has been neglected in translation, thus breathing new life into works that many have not read before and deserve to be read more widely. Source: The Conversation The post Nobel Prize winner Abdulrazak Gurnah: an introduction to the man and his writing appeared first on Puntland Post.
  24. Dabley hubaysan ayaa bartamaha Koonfurta Gaalkacyo ku dhacay Gaarigii Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug G/sare Qaasim Shiikhdoon. Wararku waxay sheegayaan in Gaariga la dhacay xilli uu taagnaa aagga Hoteelka Five Star oo ku yaalla Koonfurta Gaalkacyo islamarkaana dhaawac la gaarsiiyay Dareewalkii Gaarigaas. Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa xalay qabsaday Kantaroollada laga soo galo Koonfurta Gaalkacyo. Ciidamadan oo ku hubaysan Gaadiidka Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan xalay halkaas la wareegay kadib markii ay isaga carareen Ciidanka Booliisku. PUNTLAND POST The post Qalalaase ka taagan Koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Jadwalkii doorashada oo ay horey ugu heshiiyeen madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhigayey in 10-ka bishaan October oo ay ka harsan hal maalin la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya inta ka horeysana la dhameystiro doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Laakiin sida muuqata hadda taas suurtagal maahan sababtoo ah weli waxaan la dooran xubnihii kamid noqon lahaa golaha Shacabka iyadoo maamulada qaar aysan soo dhameystiran xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka . Doorashada Soomaaliya oo dhowr jeer dib u dhacday hadda caqabadda ugu weyn ee heysato ayaa ah khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble. Dalka oo ku jiro xaalad xasaasi ah oo doorasho haddana ma muuqato dadaalo lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeyo Farmaajo iyo Rooble inkastoo maamulada qaar ay isku dayeen inay xaliyaan khilaafka taasoo markii dambe guuldaro kusoo dhammaatay. Soomaaliya oo muddo kusoo jirtay colaado sokeeyo, bulshada rayidka ah ayaa hadda walaac ka muujinayo in marxaladda siyaasadeed ee taagan ay sabab u noqoto in shacabka ay ka niyad jabaan rabitaankii dowladnimada ee mudada dheer ku taagnaa. “Khilaafka Madaxda waxaa suuragal ah in uu dib usoo celiyo waxyaabo badan oo laga heshiiyay, runtii dib u dhaca ku yimid doorashooyinka waa mid aan ka walaacsanahay, haddii uu sii socda waxaa suuragal ah in dadku ka niyad-jabaan oo ay dib ugu laabtaan nidaamka qabiilka oo aan haatan loo baahneen” sidaasi waxaa yiri Cismaan Shaatax oo la hadlay VOA. Bulshada Rayidka ayaa xalka keliya looga badbaadiyo karo dib u dhac kale & is qabqabsiga siyaasadeed u aragta in xoogga la saaro qabsoomidda doorashooyinka oo aqal kamid ah labada Gole BFS la doortay. Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dowlad-Goboleedyada, Somaliland & Banaadiriga ka dalbaday in ay ku dhaqaaqaan Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. The post Sidee Khilaafka Roobe iyo Farmaajo u saameeyey dib u dhaca doorashada Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.