Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Puntland ayaa dib u dejin rasmiya u samaysay dadkii Somaliland ka soo saaftay Laascaanood. Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa dadkaas dib u dejin uga samaysay degaanka jeexdin halkaas oo saaka loo raray. Mas’uuliyiinta Gaalkacyo ayaa gaadiid badan ku daabulay waxaana la dejiyay dhul dowladdu ka siisay degaanka Jeexdin. Puntland ayaa sidoo kale ballan-qaaday caawinta iyo daryeelka qoysaska halkaas la dejiyay oo u badan dad xaasas iyo maato ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo dib u dejin u samaysay dadkii Somaliland soo barakicisay appeared first on Puntland Post.
  2. Dowladda Canada ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan dalka Itoobiya in ay si deg deg ah kaga soo baxaan dalkaas halka kuwa u socdaalaya dalkaas loogu baaqay in ay ka joogan kadib shaki la geliyay xaaladda Amni ee dalka dhaca geeska Afrika. War ka soo baxay Canada ayaa lagu faray in muwadiniinteeda kanadiyaanka ah ee qorsheynaya in ay Itoobiya tagaan ay ka digtoonaadan khataraha halista ah ee laga soo warinayo dalka oo muddo sanad ah dagaal uu ka socdo. “Muwaadiniinteenna ku sugan Itoobiya si deg deg ah uga baxa dalka, Haddii aad u baahan tahay kaalmo qunsuliyadeed waxaan kuu sameyn doonnaa dadaal kasta oo aan kugu caawin karno , Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiri kara caqabado xaddidi doona awoodda Dowladda Kanada ay ku bixiso adeegyada. Qoraal ka soo baxay dowladda Canada ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Kanada ay muwaadiniinteeda socdaalka galaya ay diyaar u tahay in ay siiso macluumadyo buuxa oo ay khatarta kaga hortagaan. “Go’aanka safarka waa doorashadaada, adiga ayaana mas’uul ka ah badbaadadaada shakhsi ahaaneed ee dibadda. Waxaanu u qaadanaynaa badbaadada iyo badbaadada Kanadiyaanka dibadda si dhab ah waxaanan ku siinaynaa macluumaad lagu kalsoonaan karo oo wakhti ku habboon Talada Safarka si aan awood kuugu siinno inaad gaadho go’aano xog-ogaal ah oo ku saabsan safarkaaga dibadda,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Canada. Sikastaba Itoobiya ayaa laga deyrinayaa xaaladeeda muddooyinkii la soo dhafay taas oo ay weli ciidamada TPLF iyo xulafadooda dagaalka ay ku hareereysan yihiin caasimadda Addis ababa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Khartoum (Caasimada Online) – Militariga Sudan ayaa ogolaaday inuu dib xukunka ugu sii laabto ra’iisul wasaarihii la afgambiyey ee dalkaas Abdalla Hamdok kadib heshiis la gaaray habeenkii Sabtida. Soo laabashada lama filaanka ah ee Hamdok ayaa waxaa wakaaladda wararka Reuters u xaqiijiyey Fadlallah Burma Nasir, oo ah madaxda xisbiga Ummah. Hamdok ayaa soo dhisi doona gole wasiiro oo cusub, waxaana lasii deyn doonaa dhammaan maxaabiista siyaasadeed, taasi oo qeyb ka ah heshiiska militariga iyo xisbiyada siyaasadeed ee rayidka, sida uu maanta shaaciyey Fadlallah. “Waxaa la gaaray heshiis siyaasadeed oo dhex-maray Jeneral Burhan, Abdalla Hamdok, xoogagga siyaasadeed iyo ururada bulshada rayidka si Hamdok uu ugu soo laabto jagadiisa loona sii daayo maxaabiista siyaasadeed,” ayuu yiri Fadlallah. Go’aankan ayaa imanaya ayada oo maalmihii tegay ay dalkaas ka dhacayeen dibad-baxyo rabshado wata oo lagu dilay shacab lagu qiyaasay 40 qof, ayada oo boqolaa kalena lagu dhaawacay. Kooxaha u dhaqaaqa bulshada ayaa dhiiri-gelinayey in lasii wado dibad-baxyada ayaga oo kasoo horjeeda afgambiii lagu riday dowladda Abdalla Hamdok. Hoggaamiyaha militariga Abdel Fattah al-Burhan ayaa 25-kii October ku dhowaaqay xaalad deg deg ah, wuxuuna kala diray dowladdii ku-meel gaarka aheyd, isaga oo xiray hoggaankeeda oo uu ku jiro ra’iisul wasaare Hamdok. Afgambiga ayaa soo afjaray laba sano oo xukun rayid oo ku-meel gaar ah, waxaana uu horseeday cambaareyn calami ah, ayada oo beesha caalamka ay dalbatay in lasoo celiyo dowladda rayidka. Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta oo xiriir dhow la leh militariga Sudan ayaa 4-tii bishan ku biiray Mareykanka iyo Britain ayagoo soo saaray baaq ay ku dalbanayaan in lasoo celiyo dowladdii rayidka. Mowqifka mideysan ee quwadahan Carbeed ayaa imanaya ayada oo Washington ay rajeyneysay in militariga laga dhaadhicin karo inay aqbalaan xal ay sumcaddooda ku ilaashanayaan. Washington ayaa si deg deg ah u hakisay kaalmo dhaqaale oo gaareysa 700 milyan oo dollar oo ay ugu talo-gashay Sudan. Sudan ayaa sidoo kale cadaadis kala kulantay Midowga Afrika oo hakiyey xubnimadeeda “illaa ay dib ugu soo caliso nidaamkii rayidka.” The post Ra’iisul Wasaarihii Sudan ee la afgambiyey oo si lama filaan ah xukunka ugu soo laabtay appeared first on Caasimada Online.
  4. Guddomiyaha degmada Luuq ee gobalka Gedo Cali Kediye Maxamed, ayaa sheegay in saacadihi la soo dhaafay carruur dhowr ah ay biyo la’aan ugu geeriyoodeen degmada Luuq. Cali Kediya ayaa sidoo kale sheegay in maalmihi la soo dhafay afarta ku dhufatay gobalka ay sababtay in dad fara badan ay isaga barakcaan Degmada Luuq iyo deeganada kale ee hoostaga gobalka Gedo. Gudoomiyaha ayaa xusay in carruur gaareysa seddax ay ku geerioodeen degmada Luuq duunya kalena ay ku dhamaadeen abaar xooggan oo ka jirta gobalka gedo. “Dhimashadu waxa ay mareysaa saddex ruux, Dadkaan oo ah reer Miyi ayaa dhex kusoo dhintay, qoysaska degen inta u dhaxeysa Garbahaarey & Luuq waxaa heysa abaar daran oo saameyn xooggan ku reebtay Noloshooda, keliya waxa ay qoysaskaan u baahan yihiin gurmad degdeg ah” ayuu yiri Cali Kadiye. Dhanka kale Cabdullahi Keynaan, oo ka mid ah dadka xoolaha ku dhaqda degmada Dhooley ee isla gobalka Gedo ayaa sheegay in todobaadyo yar gudahood uu ku waayay in kabadan 200 oo Lo’ uu lahaay aheyd kadib markii dhamaan ay ka dishay abaarta. Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo sareen uga digay xaaladda abaaraha ka taagan qeyba ka mid ah dalka in ay ka dhalan karta saameyn ballaaran. Qoraalka Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ka soo baxay shalay ayaa lagu sheegay in 2.3 milyan oo qof oo ku dhaqan Soomaaliya ay wajahayaan xaalada nolol dari ah oo ka dhalatay abaarta gobala badan oo ka tirsan Soomaaliya ku dhufatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibeddda Mareykanka Antony Blinken ayaa Sabtidii ku celiyey in dalkiisa uu “walaac dhab ah” ka qabo ficillada iyo hadallada Ruushka ee ku wajahan Ukraine, ayada oo xiisad ay sare usii kaceyso. “Walaac dhab ah ayaan ka qabnaa dhaq-dhaqaaqyada militari ee aan caadiga aheyn ee Ruushka uu ka wado xuduudda Ukraine. Walaac dhab ah ayaan ka qabnaa hadallada qaar ee aan aragno kana maqalno dhanka Ruushka iyo baraha bulshada,” ayuu Blinken u sheegay weriyayaasha isaga oo booqasho ku jooga dalka Senegal. Blinken ayaa sheegay in walaacyada ay “si weyn ula qabaan” xulufada Mareykanka, hase yeeshee waa uu diiday inuu sheego haddii sirdoonka Mareykanka ay rumeysan yihiin in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu qorsheynayo inuu qabsado dhul ka mid ah Ukraine. “Ma naqaan waxa uu damacsan yahay madaxweyne Putin. Hase yeeshee waxaan ognahay wixii horey u dhacay. Waan ognahay xeeladda ah in la isku dayayo hurinta daan-daansi dhallanteed ah oo ka yimaada Ukraine ama dal kadibna qiil looga dhigto wixii ay Russia horey u qorsheyneysay,” ayuu yiri Blinken. Waxa uu tixraacayey xasaradihii qarxay 2014-kii markii Ruushka ay qabsadeen jasiirad u yaalla Crimea kadib markii la riday dowladdii Ukraine ee diiday tallaabooyin ku wajahnaa Reer Galbeedka. Moscow ayaa sidoo kale xilligaas taageertay gooni u goosato dagaal ka wada bariga Ukraine oo ay degan yihiin dad badankood ku hadla luuqadda Ruushka. Putin ayaa Khamiistii ku eedeeyey dalalka Reer Galbeedka inay kasii darayaan khilaafka Ukraine ayaga oo dhoola-tus ka sameynaya Badda Madow, islamarkaana diyaaradaha xambaara bambooyinka ku duulinaya meel u dhow xuduudda Russia. AFP + VOA The post Muxuu yahay qorshaha Mareykanka walaaciyey ee Ruushku damacsan yahay? appeared first on Caasimada Online.
  6. Dowladda Canada ayaa ugu baaqday dhammaan muwaadiniinta u dhashay in ay si deg-deg ah uga baxaan waddanka Itoobiya. Waaxda Socdaalka dalkaas ayaa war ay soo saartay muwaadiniinta Reer Canada ugu baaqday in ay si dhakhso ah uga baxaan gudaha Itoobiya. “Hadii aad ku sugan tahay Itoobiya, si deg-deg ah dalkaas uga bax. Aad ayay u xaddidan tahay awoodda aan ku bixin karno kaalmada qunsuliyadeed” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Canada. Sidoo kale dowladda Canada waxay muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Itoobiya marka laga reebo dadka sii maraya garoonka diyaaradaha Bole. “Ka fogow dhammaan safarrada Itoobiya, marka laga reebo kan lagu sii-maro garoonka caalamiga ah ee Bole” ayuu sii raaciyay qoraalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Canada oo muwaadiniinteeda ugu baaqday in ay degdeg uga baxaan Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  7. Su’aasha ugu weyn ee jawaabta u baahan maanta waa sababta loo ceyriyey wasiirkii arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaq, looguna dhiibay jagada mid ka mid ah gacanyareyaasha madaxweynaha muddadiisu dhamaatay Maxamed Cabdullahi Farmaajo? Inkasta oo Cabdirisaq naftiisa uu ka gaabsaday jawaabta sababta loo ceyriyey mar ay VOA wax ka weydiisay hadana waxaa uu Twitter qoraal uu soo dhigay ku sheegay inuu la fajacay tallaabada xilka looga qaaday isaga oo intaas raaciyey inuuba miiska saaray iscasilaaddiisa todobaad kahor. Maxamed oo sanad uun kasoo wareegtay markii xilka uu kala wareegay Axmed Ciise Cawad oo jagada uga horeeyey ayaa u muuqda mid laga maarmay. Wararka qaar ayaa sheegaya in Maxamed uu eersaday ceyrinta ku-xigeenkii AMISOM Simon Mulongo iyada oo todobaadkii hore ay Muqdisho degdeg ku yimaadeen wafdi sare oo ka socday Midowga Afrika gaar ahaan xafiiska nabadda iyo amniga. Soomaaliya oo ku jirta doorasho guud ayaa waxaa ay dadka qaar qabaan in wasiirka cusub loo keenay inuu daboolo cadaadiska beesha caalamka ee hufnaan la’aanta iyo boobka doorashada. “Farmaajo waxaa uu doonayaa qof ka difaaci kara sida doorashada u socoto iyo damaciisa boobka ah, oo beesha caalamka aaney raali ka aheyn, sidaas darteed ayuu jagada ugu dhiibtay gacanyarahiisa” wasaa sidaa Goobjoog News u sheegay siyaasi codsaday in magaciisa la qariyo. Cabdi Saciid Muuse, oo ah ninka loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda waxaa uu ahaa agaasimaha Villa Somalia, isaga oo sidoo kale 5-tii sano ee lasoo dhaafay ahaan lataliyaha Farmaajo ee amniga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay saqdii dhexe ka dhacay gudaha degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegayaan wararka la helayo. Dagalkaas ayaa ka yimid, ka gadaal markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Nabadsugida Maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin degmada Dhoobleey, waxaana halkaas ka dhacay dagaal daqiiqado socday. Dadka degaanka qaarkood ayaa waxaa ay kusoo warrameen in rasaas xoog leh laga maqlay aaga Saldhiga Ciidanka Nabadsugida, wallow markii dambe dagaalkaas uu istaagay, xaaladda degmadana ay si caadi ah kusoo laabatay. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday Dhoobley appeared first on Puntland Post.
  9. New details have emerged on how the three terror suspects who escaped from Kamiti Maximum prison ended up in Kitui. Source: Hiiraan Online
  10. Thousands of pastoralists in different parts of Somalia are struggling with water and food shortages due to the drought caused by successive failed rains. Source: Hiiraan Online
  11. Somalia’s “rapidly worsening” drought has left more than two million people facing severe food and water shortages, the United Nations has warned. Source: Hiiraan Online
  12. Weriye Caana oo lagu dilay qaraxa Xalay ka dhacay Muqdisho? Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika wuxuu agaasimaha Raadiyo Muqdisho, wuxuu barnaamijyo dabbagal ah ka diyaarin jiray Al Shabaab. Cabdicasiis Afrika ayaa hadda ka hor dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidanka dowladda, wuxuuna caafimaad u aaday dalka Belgium oo uu muddo ku noolaa, wuxuuna Muqdisho kusoo laabtay dhowr sano kahor. Afrika ayaa qaban jiray barnaamij lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab ee usoo goostay dhanka dowladda ama ay soo qabtaan ciidamada, kaasi oo xog badan ay ku bixin jireen. Cawaa ayuu ku dhintay qaraxa lala beegsaday baabuur uu la socday. Qaran News
  13. Jahwareer ka dhashay Markii Dad boobeen lacag ka daadatay Baabuur Dadka waxay ku xoomeen lacagtii ka daadatay baabuurka Lacag ka daadatay baabuur marayay mid kamid ah waddooyinka Mareykanka ayaa waxaa ka dhashay jahwareer iyo saxmad dhanka waddooyinka ah kadib markii dadweyne ay ku kala yaaceen lacagta. Waxaan xaaladda soo farageliyay booliska si ay u kala eryaan dadkii ku soo xoomay lacagta si ay waddada u furaan. Booliska ayaa xiray qaar kamid ah dadkii jahwareeraka ka dhaliyay goobta markii ay lacagta ay kasoo daadatay baabuur qafilan oo waddada marayay. Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay lacagta oo kasoo daadaneyso baabuurka xilli dadka ay kusoo xoomeen si ay u uruursadaan doolarka ku kala firdhay waddada. Arrintani ayaa saaka ka dhacday gudaha degmada San Diego ee gobolka California dalka Mareykanka. Booliska waxay sheegeen in markii darawaladda ay arkeen lacagta ay baabuurtooda kaga dhex tageen bartamaha waddada taas oo horseeday in waddada ay xiranto. Dad ayaa loo xiray dhacdadan halka dadkii xaabsaday lacagta loogu baaqay inay dib usoo celiyaan. Dhacdadan ayaa ka dhalatay markii ay furantay albaabada mid kamid ah baabuurtii siday lacagta sidaas ayay uga soo daateen boorsooyinkii ay lacagta ku jirtay, lacagtii ayaa qabsatay waddada. “Lacagtii ayaa meel kasta qabsatay markii ay kasoo daadatay baabuur qafilnaa ee waddada marayay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada waddooyinka oo xilliggaas howlgal ka sameeyay waddada weyn ee gasha California. Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay waddada oo xiran xilli dadka maraya waddadaas ay uruursanayaan lacagta halka qaarkood ay ku ciyaarayaan lacagta sida $1 ilaa $20 doolar. “Waa xaaladdii ugu yaabka badneyd ee aan la kulmo abid” ayuu yiri mid kamid ah dadkii ku sugnaa goobta kadib muuqaalka laga soo qaaday halkaas. Arrintan ayaa sababtay in xitaa dadkii ay baabuurtooda uga dhex tegaan bartamaha waddada. Labo qof ayaa loo xiray dhacdadan, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Booliska waddooyinka waxay sheegeen in FBI-da Mareykanka lagu wargeliyay dhacdada, waxay ugu baaqeen dadkii lacagta uruursaday inay isa soo bixiyaan si lacagta ay usoo wareejiyaan. Jim Bettencourt oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada waddooyinka ayaa sheegay in darawal kasta oo baabuurkiisa kaga dhex tagey waddada si uu lacagta u uruursado ‘uu wajahi doono dacwad” “Tusaale ahaan, haddii teleefishinno ay ka dadaataan baabuur waddada marayo ma uruursan kartid” ayuu yiri sarkaalka oo u warramayay wargeyska San Diego Union Tribune. Curtis Martin oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa sheegay in tiro dad ah ay dib usoo celiyeen lacagtii ka daadatay baabuurka oo ay dal-dasheen. “Dadka dib bey usoo celinayaan lacagta” sarkaalka ma uusan sheegin inta ay dhan tahay lacagta lasoo celiyay. Qaran News
  14. Wiil yar oo Bulshada Mareykanka kala qeybiyay Kyle Rittenhouse Wiil yar oo kasoo jeedo Mareykanka ayaa laga beri yeelay dhammaan eedeymihii loo heystay oo la xiriiray labo nin oo uu toogtay, xilli ay dibadbaxyo ka socdeen gobolka Wisconsin. Dadweynaha Mareykanka waxaa kala qeybiyay kiiska Kyle Rittenhouse, oo ay maxkamad daaqadda ka tuurtay dhamaan dacwadihii loo heystay, haddaba waa kuma Kyle Rittenhouse? Kadib markii nin madow ahaa oo la oran jiray Jacob Blake, uu nin boolis ahaa ku toogtay degmada Kenosha, ee gobolka Wisconsin bishii Agoosto ee sanadkii 2020-ka, waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran oo laba maalmood socday. Habeenkii saddexaad, wiilka 17 jirka ah, Kyle Rittenhouse, ayaa rasaas oodda uga qaaday saddex nin, waxaa uu dilay laba nin halka midka kalena uu si xun u dhaawacey. Waxaa wiilkan xilligaasi lagu qabtay gurigooda oo ku yaalla degmada Antioch, ee gobolka Illinois. Maalin kadib waxaa lagu soo oogay dacwado kala duwan, sida in si ula kac ah uu dil u geystay, halka dhinaca kalena lagu soo oogay in si kama ah uu dil u geystay. Muuqaallo xilliggaa la baahiyay waxay muujinayeen wiilka oo howlgal ka sameynayo waddooyinka xilli ay dibadbaxyada socdeen, wuxuu weriyeyaasha u sheegay in shaqadiisa ay tahay in uu ilaaliyo dhismooyinka iyo in uu dawo siiyo dibad baxayaasha. Waa kuma wiilkan yar? Kyle Rittenhouse, ka hor inta uusan waxbarashada iska dhaafin, wuxuu soo qaatay tababar ciidan isaga oo ka tirsanaa laanta dab damiska iyo booliiska. Xogtiisa uu kusoo bandhigay akoonada uu ku leeyahay Baraha Bulshada, waxey muujinayaan inuu taageersan yahay ciidamada amniga. Sawir uu soo dhigey barta uu ku leeyahay Facebook -ga, wuxuu ku xardhay calaamadda buluugga ah ee lagu taageerayey booliiska, xilliggii ay dibadbaxyada ka socdeen qeybo oo kala duwan oo dalka Mareykanka ah, ee loogga soo horjeeday dilka ninkii madowga ahaa Jacob Blake. Qoraallo badan uu soo dhigay baraha bulshada wiilkani, waxaa la arkayay isaga oo ammaanayo booliiska dhintay, xilli ay ku gudo jireen waajibaadkooda shaqada. Wuxuu sidoo kale soo dhigay Facebook-giisa isaga oo ku labisan dareeska ciidamada booliiska. Wuxuu horey uga tirsanaa booliiska maxalliga ah, gaar ahaan wuxuu soo marey barnaamijka tababarka ciidanka, sida ay sheegtay waaxda booliiska Grayslake. Wiilkan wuxuu aad u jecel yahay qoriga. Sawirro uu iska qaaday, ayaa la arkayey isaga oo sita hub xilli uu tijaabinayay, isla markaana kala furfuraya qori. Markii uu waxbarashada isaga tegay, wuxuu qabtay shaqooyin uu kamid yahay waardiyenimo. Maxaa dhacay habeenkaa? Markii ay dhaceen dibadbaxyadii rabshadaha watay ee looga soo horjeeday dilka ninkii madowga ahaa, Jacob Blake, wuxuu wiilkan yar u safray magaalada, isaga oo soo qaatay qoryaha yar yar ee daraandooriga u dhaca , wuxuu sheegay inuu difaacayey hantida dadweynaha, sida laga soo xigtay wiilka. Baabuur ayaa dab la qabadsiiyay xilli dibadbaxyada ay ka socdeen degmada Kenosha ee gobolka Wisconsin dalka Mareykanka Wareysi uu siiyay weriyeyaasha kahor toogashada, wuxuu ku hadlayey luqadda booliiska, “Waa shaqeyda in aan difaaco dadka” Wuxuu habeenkaa kasoo muuqday muuqaallo dhowr ah, mar waxaa la arkayey isaga oo la hadlayey sarkaal booliis ah, oo markaa siiyey biyo. Markii dambe waxaa la arkayay isaga oo ay eryanayeen dad, qof kamid ah dadkaas ayaa u muuqday in rasaas uu hawada u ridayay. Mid kamid ah dacwadihii loo heystay wiilkan, ayaa waxaa kamid ahaa inuu heystay hub halis ah, isaga oo da’diisu ka yar tahay 18 sano, markii dambana dacwaddaas waala baabi’iyey, xilli ay qareenadiisa ku doodeen in sharciga gobolka uu u oggolaanayo qofka haddii uu ka yar yahay 18 sano, inuu qaadan karo hubka. Qaran News
  15. Wargeys Caalamiya oo ka digay kooxo Xagjira oo doonaya inay ku dhuuntaan Dadka ka cararaya Dagaalada Itoobiya inay saameyn ku yeesheen Somaliland & Jabuuti Wargeyska Journal Courier oo laga leeyahay dalka Faransiiska, ayaa War-bixin ka qoray dagaallada ka socda Dalka Itoobiya, kuwaasi oo u dhexeeya Ciidammada Dawladda Federaalka ah iyo Jabhadda Qoomiyadda Tigreega ee TPLF. Wargeyska, ayaa Sawir khatar badan ka bixiyey sida dagaallada u dhexeeya TPLF iyo Ciidammada Dawladda Itoobiya u dhibaataynayaan dadka iyo dalka Itoobiya isla-markaana dhibaatooyinka Colaaddaa ka dhashaa u saamaynayaan amniga Mandaqadda Geeska Afrika. Wuxuu sheegay in Jabhadda TPLF oo gacan ka helaysa Jabhado ta Oromadu ka mid tahay ay kulaalayaan Caasimadda Addis Ababa oo ay doonayaan inay awood kula wareegaan, balse haddii taasi dhacdo ay xaaladdu noqon karto mid aan la saadaalin karin, inkasta oo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu baaq nabadeed u diray labada dhinac, kaasi oo aan la ogayn In wax ka fuli doonaan iyo In kale. Wargeyska Journal Courier wuxuu War-bixintiisa diiradda ku saaray sida colaadda Itoobiya u saamayn karto Dalalka Geeska Afrika ee nabdoon, sida Jabuuti iyo Somaliland. Wuxuu sheegay in nabadda ka jirta labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti ay soo jiidan karto kooxaha Argagixisada ah ee doonaya Maxaabiista dagaal ee baxsadka ah iyo dadka kale ee ka soo cararraya colaadda Itoobiya, si ay uga faa’idaystaan “Gobollada Nabdoon ee Geeska, sida Jabuuti iyo Somaliland, waxay soo jiidan karaan argagixisada doonaysa maxaabiista dagaalka..” ayuu qoray Wargeyska Journal Courier. Waxa kale oo uu tilmaamay In dagaallo sokeeye oo ka abuurma dagaalka TPLF iyo Ciidammada Itoobiya ay uga sii dari karaan xasillooni-darrada ka jirta Suudaan oo lafteeda ay hadda ka taagan tahay is-maandhaaf u dhexeeya dadka u ololeeya dimuqraadiyadda iyo militariga. Dhanka kale, Itoobiya lafteeda, dagaal sokeeye oo dhan walba ah ayuu Wargeysku sheegay inuu noqon ku noqon karo masiibo, taasoo sii hurin karta xiisad ka dhalata Itoobiya oo ka kooban illaa 80 Qoomiyadood. Qaran News
  16. A prominent Somali journalist who was a critic of the Islamist militant group al-Shabab has been killed in a suicide bomb attack in the capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  17. Recently concluded clashes in Guriel town in Somalia’s Galmudug federal state between Ahlu Sunna Wal Jamaa (ASWJ) militants on one side and the regional administration forces backed by the Somali Security Forces (SSF) on the other have killed and wounded dozens of people and forced thousands of residents to flee the town. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxii is-miidaaminta ahaa ee caawa lagu dilay Allah ha u naxariistee weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, oo ahaa agaasimihii Radio Muqdisho. Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fulyey qof ka tirsanaa kooxdaas. Qoraalka Al-Shabaab ayaa lagu yiri “Cabdicasiis Afrika ayaa in muddo ah waxaa ku raad joogay Mujaahidiinta, isagoo loo haystay dambiyo dhawr ah oo uu ka galay Islaamka, iyo inuu ku lug lahaa dilal loo gaystay rag Mujaahidiin ah.” Qoraalka ayaa intaas ku daray in dilka Afrika ay Al-Shabaab uga aargudanayeen xubno ka tirsan kooxda, oo sida ay hadalka u dhigeen, uu dillalkooda “ku lug lahaa,” kuwaas oo uu ka mid ahaa Xasan Xanafi Xaaji. Xasan Xanafi ayaa waxaa dil toogasho ku fulisay Maxkamadda ciidamada Soomaaliya 11-kii April 2016, kadib markii ay ku heshay inuu ku lug lahaa dilal mudo hore loo gaystay suxufiyiin ka shaqayn jirtay magaalada Muqdisho intii uu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku hanjabtay inay beegsan doonto cid waliba oo af ama adin kula dagaalantay nidaamkooda, sida ay hadalka u dhigeen. Sida laga soo xigtay booliska, gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha oo ka yimid dhanka Boondhere, wadada Busley ayaa waxaa halmar daaqadda gaariga ku booday oo qabsadey qofka is-qarxiyey. Allah ha u naxariistee, waxaa isla goobta ku dhintay ku dhintay Cabdicasiis Afrika, halkan Sharmaarke iyo darawalkii gaariga uu garaay dhaawac, waxaana loo qaaday isbital, sida aan xogta ku helnay. Cabdicasiis Afrika ayaa hadda kahor dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidanka dowladda, wuxuuna caafimaad u aaday dalka Belgium oo uu muddo ku noolaa, wuxuuna Muqdisho kusoo laabtay dhowr sano kahor. Afrika ayaa qaban jiray barnaamij lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab ee usoo goostay dhanka dowladda ama ay soo qabtaan ciidamada, kaasi oo xog badan ay ku bixin jireen. The post Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilka Cabdicasiis Afrika, sheegtayna “cidda ay ugu aargudeen” appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii galabta xilka laga qaaday ee arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wareysi siiyey idaacadda VOA, ayaa shaaca ka qaaday cidda iyo sababta ka dambeysa xil ka qaadista uu Rooble ku sameeyey. Maxamed Cabdrisaaq ayaa sheegay sheegay in maalmo ka hor uu codsaday inuu xilka isaga tago, balse ay ka diideen Rooble iyo Farmaajo. Maxamed Cabdirisaaq ayaa muujiyey inuu jiray khilaaf soo kala dhex-galay isaga iyo madaxda ka sareysa, inkastoo uusan sii faahfaahin, balse waxa uu xusay in wax kasta ay ku haboonaayeen in hoos loo dhameeyo. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo wareysigaan siiyey VOA waxaa la weydiiyey cida uu aaminsan yahay inay xilka ka qaaday, waxuuna sheegay in Farmaajo uu ka qaaday, isagoo aan ka filaneyn tallaabadaas. “Hadii ay jireen wax un dhaliilo ah waxay ahaayeen kuwo hoose oo noo gaar ah, shaqadeyda si daacad ah ayaan u gudanayey, waana la yaabay xil ka qaadisteyda, todobaad ka hor anigoo qaba tabasho la xariirta shaqada ayaan dhahay Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha hadii ay jecelyihiin inaan shaqada ka tago diyaar ayaan u ahay oo waa is-casilaa, balse labaduba waa iga diideen waxayna igu dhaheen arrimaha aad tabaneyso waa la xalinaa, kadibna waxaa ku xigtay xilka qaadistaan oo runtii igu noqotay arrin la yaab leh,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq. Maxamed Cabdirisaaq ayaa waxaa lagu beddelay Cabdisaciid Muuse Cali, oo ahaa agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, oo laba bil kahor loo magacaabay markii xilka uu hayey ee la-taliyaha amniga qaranka loo beddelay Fahad Yaasiin. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/11/6aeeaad2-f75e-4994-85cf-05ea1e54ebd4_16k.mp3 The post Maxamed Cabdirisaaq oo shaaciyey cidda ka dambeysa xil ka-qaadistiisa iyo sababta appeared first on Caasimada Online.
  20. Allaah u naxariisto waxaa goordhaw dhaawac ka soo garay qarax ka dhacay Muwdisho u geeriyooday Wariye Cabdi casiis Maxamuud Guuled Afrika. Cabdi casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha radio muqdisho ayaa gaari uu la socday qarax lagula eegtay agagaarka taalada Daljirka Dahsoon. Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa dhaawac ka soo gaaray agaasimihii Talefishinka qaranka Sharmaarke oo isna la socday wariye Afrika. Afrika ayaa ka mid ah wariyayaasha muddada dheer ka soo shaqeynayay saxaafadda dalka. Source: goobjoog.com
  21. Agaasimihii Radio Muqdisho weriye Cabdicasiis Maxamed Guuleed (Afrika) ayaa goordhaweyd u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray qarax ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo ku taalla degmada Shingaani ee gobolka Banaadir, waxaana wararku sheegayaan in uu ahaa mid uu fuliyay qof ismiidaamiyay. Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawacmay agaasimihii Telefishinka Qaranka Sharmaarke Maxamed Warsame oo la socday Cabdicasiis Afrika. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho. Weriye Cabdicasiis Afrika ayaa barnaamijyo dabbagal ah ka diyaarin jiray Al-shabaab, wuxuuna ka mid ahaa suxufiyiinta ugu firfircoon warbaahinta dowladda. Dowladda ayaa weli faahfaahin ka bixin qaraxa dhimashada iyo dhaawaca sababay ee lala eegtay agaasimeyaal ka tirsan warbaahinta ku hadasha afka dowladda. PUNTLAND POST The post Agaasimihii Radio Muqdisho oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  22. Waxaa maanta xariga laga jaray garoonka diyaaradaha Berbera oo dowladda Imaaraadka Carabta ku sameysay casriyeyn iyo dib-u-habayn ballaaran. Garoonka ayaa la beddelay dhabbadii hore ee diyaaradaha oo dhererkeedu ka badnaa 4km, iyada oo lagu sameeyey guluubada habeenkii suurogeliya in garoonku shaqeeyo oo lagu soo wareejiyey xayndaab ku fadhiya 30km oo isku weeran, islamarkaana la dhisay teerminnaallo casri ah oo ku qalabaysan agabkii ugu dambeeyey ee madaarrada dunida lagaga shaqeeyo, sida uu sheegay Maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland Cumar Sayid. Munaasibada lagu daah-furay madaarka Berbera waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, saraakiil sar sare oo ka socday dalka Imaaraadka Carabta, wafdi ka socday shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo marti sharaf kale. Garoonka diyaaradaha Berbera ayaa waxaa maamuli doona dowladda Imaaraadka Carabta oo sidoo kale maamusha dekedda Berbera. PUNTLAND POST The post Imaaraadka oo casriyeyn iyo dib-u-habayn ku sameeyay garoonka diyaaradaha Berbera appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Jubba iyo taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan. Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen agaasimayaasha taleefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho Sharma’arke Maxamed Warsame iyo Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, iyo darawlka gaariga. Allah ha u naxariistee, waxaa qaraxa ku dhintay Cabdicasiis Afrika, halkan Sharmaarke iyo darawalkii gaariga uu garaay dhaawac, sida aan xogta ku helnay. Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlay agagaarka wasaaradda dhalinyarada oo qaraxu uu ka dhacay. Weli ma cadda nooca qaraxa uu ahaa, waxaana warar horudhac ah ay sheegayaan inuu fuliyey qof is-miidaamiyey. Cabdicasiis Afrika ayaa hadda kahor dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidanka dowladda, wuxuuna caafimaad u aaday dalka Belgium oo uu muddo ku noolaa, wuxuuna Muqdisho kusoo laabtay dhowr sano kahor. The post DEG DEG: Agaasimihii Radio Muqdisho oo qarax lagu dilay iyo kii TV-ga qaranka oo dhaawac ah appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Cabdisaciid Muuse Cali u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxuuna bedelayaa Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo xilkaas hayey hal sano oo shalay ku ekeyd. Cabdisaciid waxuu noqonayaa wasiirkii sedaxaad ee Rooble uu u magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda, waxaana Maxamed Cabdirisaaq ka sii horeeyey Axmed Ciise Cawad oo ka mid ahaa xukuumadii uu soo dhisay Rooble markii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, inkasta oo sidoo kale uu xilkaas hayey xilligii Kheyre. Hadaba waa kuma wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse Cali? Cabdisaciid Muuse Cali Koor waxaa uu ku dhashay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe sanadkii 1971-kii, balse qabiil ahaan waxa uu kasoo jeeda Puntland, gaar ahaan beesha Majeerteen. Kahor inta aan maanta la magacaabin waxa uu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya oo laba bil un kahor loo magacaabay. Waxa uu soo noqday La-taliyihii Amniga Qaranka ee ugu waqtiga dheeraa ee Madaxweyne Farmaajo intii u dhaxeysay 2017-kii ilaa Septembar 2021. Sidoo kale Cabdisaciid waxuu masuul ka ahaa kormeerka istaraatijiyadda amniga qaranka iyo maaraynta maalinlaha ah ee siyaasadda amniga Soomaaliya ee ku wajahan hay’adaha militariga, booliska iyo sirdoonka. Cabdisaciid waxuu hormuud ka ahaa horumarinta, ansixinta iyo hirgelinta Qorshaha kala-guurka, isaga oo ka wakiil ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Qorshaha cusub ee kala guurka ee Soomaaliya waxa uu jiho cusub u jiheeyey amniga iyo horumarinta Soomaaliya, wuxuuna taageero xooggan ka helay daneeyeyaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, iyada oo si weyn loo bogaadiyey hoggaaminta Cabdisaciid ee Siyaasadda Amniga Qaranka. Ka hor inta uusan ku biirin Dowlada Federaalka Soomaaliya, Cabdisaciid waxa uu La-taliyaha dhanka Siyaasadda Gobolka u ahaa Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, isaga oo diiradda saari jiray wax ka qabashada xasillooni-darrada siyaasadeed, xagjiraynta iyo argagixisada ee Gobolka. Xilalka kale ee uu Cabdisaciid soo qabtay waxaa ka mid ah Wakiilka Soomaaliya ee Nordic International Support Foundation, iyo La-taliye Sare ee Maaraynta Xuduudaha, ka hortagga xagjiraynta iyo amniga badaha ee IGAD. Cabdisaciid waxa uu sidoo kale doorar cilmi-baaris ah u soo qabtay IGAD, Machadka Adeegga Dibadda ee Kenya, King College London’s Futures Project, iyo Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee La-dagaallanka Argagaxisada ee Addis Ababa. Sidoo kale, waxa uu La-taliye u soo noqday Dowladdii ku-meel-gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Wakaaladda Horumarinta Iskaashiga ee Talyaaniga. Cabdisaciid waxa uu wax ku soo bartay dalalka Netherlands, Boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaana uu shahaadooyin badan ka haystaa heerarka kala duwan ee Tacliinta Sare. The post Waa kuma Cabdisaciid Muuse Cali – wasiirka cusub ee arrimaha dibadda (Taariikh) appeared first on Caasimada Online.
  25. MOGADISHU (HOL) - Somali Prime Minister Mohamed Roble has fired his Foreign Affairs Minister in a mini cabinet reshuffle and replaced him with Villa Somalia chief of staff Abdisaid Muse Ali. Source: Hiiraan Online