Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray kaga hadlay xiisadda dagaal ee Ahlu Sunna & Galmudug, taas oo ka taagan magaalada Guriceel. Dr Baadiyow ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka Galmudug uu ceeb ku yahay madaxda dowladda dhexe, gaaraan Farmaajo, Rooble iyo dhammaan waxgaradka maamulkaasi. “Dagaalka waxaa ku ceebaysan RW. Roble iyo MW. Farmajo oo reer Galmudug ah, iyo dhammaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Galmudug” ayuu qoraalkiisa ku yiri Dr Baadiyow. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay khalad tahay in Ahlu Sunna ay xoog ku qabsato Guriceel, sidoo kalena laga haboon yahay in Galmudug ay iyaduna dagaal xal u aragto. Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay Ahlu Sunna inay joojiso dagaalka, isla-markaana wax kasta lagu dhammeeyo wada-hadal, si looga baaqsado inuu dhiig daato. “Ahlu-Sunna waa in ay joojisaa dagaalka, nabadgalyada dhawrtaa, wixii tabasho ahna la xaliya” ayuu markale ku yiri qoraalka uu soo saaray Dr Cabdiraxmaan Baadiyow. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey Galmudug iyo Ahlu Sunna ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. Si kastaba, xiisaddan ayaa weji cusub u yeeshay xaaladda Galmudug oo horey dagaal adag ugula jirtay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Galgaduud iyo Mudug. The post Muxuu Dr Baadiyow ka yiri dagaalka Ahlu Sunna iyo Galmudug? appeared first on Caasimada Online.
  2. Guards shot dead six migrants at an overcrowded Tripoli detention facility on Friday, the International Organisation for Migration (IOM) said, the latest violence against migrants following mass arrests in recent days. Source: Hiiraan Online
  3. At just 20 years old, the young Ethiopian migrant had planned to reach the Kingdom of Saudi Arabia (KSA) in search of work. Source: Hiiraan Online
  4. At just 20 years old, the young Ethiopian migrant had planned to reach the Kingdom of Saudi Arabia (KSA) in search of work. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa lagu wadaa in 12-ka bishan oo ku beegan Talaadada todobaadkan inay ku dhowaaqdo xukunka kiiska badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo muddo dheer soo jiitamayey. Yuusuf Cabdi Faarax oo ah Garyaqaan deggan magaalada Melbourne ee wadanka Australia, isla-markaana la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa ka hadlay kiiskan waxa uu noqon karo go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, maadaama Kenya ay shaacisay in aysan aqbali doonin xukunka la filayo inay riddo maxkamadda. Garyaqaanka ayaa marka hore qiray in biyaha ay muranka gelisay Kenya ay leedahay Soomaaliya, isla-markaana ay Kenay dooneysay inay dalkeena uga faa’iideysato daruufaha heysta. “Dabcan badda Soomaali ayaa iska leh, Kenyana shaqo kuma laha ee waxaa dhici kartay daruufaha ay Soomaaliya ku jirto inay kaga faa’iideysan laheyd, laakiinse Kenya way og-tahay in aysan baddaas laheyn,” ayuu yiri Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aanka maxkamadda uu noqon karo inay dib u dhigo xukunka daruufaha ku geedaaman darteed, ama inay riddo oo ay soo hormariso. “Xukunka haddii uu soo baxo wuxuu noqon karaa laba nuuc waa dhicii kartaa daruufta maxkamadda in ay dib u dhigto, waana dhici kartaa inay soo hormariso oo waqtigaas la qabtay ay xukunka riddo. Badda Soomaaliya-baa iska leh Kenya waa ku gar-daran tahay ee maxkamaddana waa og-tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysana waa og-tahay,” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay Kenya ay soo saartay go’aan waali ah oo u muqda inay ku qiraneyso in looga adkaan doono kiiska dacwadda badda Soomaaliya, waxaana sheegtay inay diiday sharciyadda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u haysato inay qaado kiiskan, waxayna sheegtay inay ka baxday maxkamadda. Si kastaba, Soomaaliya oo kiiskan geysay maxkamadda ayaa rajo weyn ka leh inay ku guuleysato dacwaddan oo ay horay fadhiyo kala duwan uga yeelatay ICJ. The post Muxuu noqon karaa go’aanka ICJ, kadib tallaabadii KENYA? appeared first on Caasimada Online.
  6. Amsterdam (Caasimada Online) – Xiisadii u dhexeysay Guddiga masjidka Quba, oo ah masjid ay Soomaalidu maamusho, kuna yaal Magaalada Amsterdam ee waddanka Holland ayaa mar kale soo cusboonaaday saaka, kaddib markii lagu baraarugay Imaamkii masjidka Sheekh Suldaan Gasle oo 14kii bishii September ay boolisku ku wargeliyeen inuu isaga tago masjidka uu dib ugu soo laabtay. Khilaafka masjidka Quba, ayaa u dhexeeya saddexdii xubnood ee hayay maamulka masjidka; kuwaas oo kala ah: Guddoomiyihii guddiga Shiikh Suldaan Gasle oo dhinac ah & Shiikh Ibraahim [Abuu-Khadiija] & Guuleed Wayrax oo dhinaca kale. Khilaafkan waxaa ku soo baxay guddi odayaal ah oo fadghigoodu ahaa Tilburg, guddigaas oo muddo 4 billood ah wadatashi la lahaa darafyada uu khilaafku u dhexeeyo, kaddib na goob fagaare ah ka sheegay in natiijada baaritaankoodu ku soo idlaaday in Shiikh Suldaan laga gar leeyahay, inkastoo Shiikhu inta aysan guddigu ku dhawaaqin natijada uu shaaciyay inuu kala laabtay kalsoonidii uu ku qabay. Ku soo laabashada shalay ee Shiikha, ayaa waxaa soo dhoweeyay Soomaali fara badan, oo u arkayay ka saarista Shiikha ee maamulka masjidka in ay ahayd cadaalad darro & ihaano lagu sameeyay Shiikhii bud-dhiga u ahaa dhismaha & habsami u socoshada howlaha masjidka. Xubnaha soo dhoweeyey ku soo laabashada Shiikha ee masjidka, waxaa ka mid ahaa Guddigii dhexdhexaadinta ee fadhigoodu ahaa Amsterdam, waxaanna guddiga oo si dhow ula shaqeynayay Shiikha ay u soo jeediyeen walaalaha kale ee ay Shiikha is hayaan, in iyaga oo u turaya masjidka in Shiikha ay wadahadalo la furaan, halkaas na khilaafka lagu soo afjaro. Xubnaha Shiikha ka soo horjeeda, kuna haray masjidka ayaa markii uu shalay Shiikhu yimid masjidka, aad kaga carooday, kuna tilmaamay tillaabo sharciga baal-marsan. “Shiikhu, wuxuu sameeyey tillaabo qar iska xoornimo ah. Shiikh Suldaan, wax aan maanta ka fileynay ma ahayn falkan sharci darrada ah ee ah; in masjidkii shalay sifo sharci ah lagaga saaray, loona jaray “warrant” inuu maanta ku soo laabto, waxaan awoodi karnay inaan tillaabo sharci ah qaadno, haddana waxaan go’aansanay in laga aamuso” Ayuu yiri mid ah howlwadeenada sarsare ee masjidka, wuxuuna intaasi raaciyay in aysan aqbali doonin in rabitaanka dadka tirada badan ee khayrka & wanaaga la daba taagan masjidka in niyad-jabiyaan kuwa qalbiga ka jecel in masjidka la xiro. “Dhowrka kun ee Soomaalida ee u heelan ilaalinta sharafta & karaamada masjidka marna ba ma niyad-jebin doonaan 10 ama 15 qofood ee doonaya in ay qalqal geliyaan habsami u socodka howlaha masjidka” Ayuu yiri mas’uulkaasi Guddiga ka tirsan. Inkastoo 2da daraf hadda ay ku wada sugan yihiin masjidka, marka aad u fiirsato aragtida ay kala qabaana ay aad u fogtahay, xaqiiqdu waxay tahay haddii aan la helin waxgarad 2da daraf ay ku kalsoon yihiin oo arrintan ku soo baxa, waxaa marag-ma doonta ah in haddii khilaafku mar kale soo laabto ay suurtagal tahay in masjidku xirmo, taas oo Soomaalidu sharaf dhac in ay ku noqoto ka soke’ lagu waayi doono tiir adag oo ay ku hirtaan ubad iyo waalidiin Soomaali ah oo caruurtooda ay lagu baro culuunta diiniga ah. Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee cid kasta ee qadiyadda khilaafka masjidka Quba ku soo bixi karta MAANTA waxaa kaga bannaan kaalin lagu islaaxinayo walaalaha masjidka wada jooga, haddana isku khilaafsan maamulkiisa. HALKAN KA DAAWO KU SOO LAABASHADII SHIIKH SULDAA W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xassan The post Xiisadda Masjidka Quba ee Soomaalida Amsterdam oo dib usoo laabatay + Video appeared first on Caasimada Online.
  7. Dowladda UK ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka saartay liiska dadka dalkeeda marka ay yimaadaan la karantiilayo. Liiskan ayaa horay Soomaaliya loogu daray kadib markii xukuumadda ra’iisul wasaare Boris ay sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay goobaha uu sida daran ugu faafay safmareenka Covid-19. Golaha Wasiirada UK ayaa hadda go’aan ku gaaray in Soomaaliya laga saaro dalalka xanibaadaha Corona Virus ay UK saartay. UK ayaa horay 47 dal u saartay xayiraadahaas, xilli hadda liiska qadka Cas ee UK ay ku hareen kaliya illa iyo todobada dal kuwaas oo ku teedsan laatin Ameerika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Nairobi (HOL) - Kenya has announced that it rejects the International Court of Justice (ICJ) jurisdiction to rule in a maritime border dispute with Somalia. Source: Hiiraan Online
  9. Nairobi (HOL) - Kenya has announced that it rejects the International Court of Justice (ICJ) jurisdiction to rule in a maritime border dispute with Somalia. Source: Hiiraan Online
  10. Sida ay qortay The Star, Macharia Kamau oo ah xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha dibadda wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay in maxkmadda ICJ aaney ikhtisaas u laheyn kiiska badda, Kenyana ay ka baxday ku qasbaanishaha go’aankeeda, sidaa darteedna aaney aqbali doonin xukunka ay ka gaari doonto kiiska badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Macharia waxaa uu maxkamadda ICJ ku sheegay mid hal dhinac ah oo aan qaadi karin dacwad noocaan ah Xoghaye Macharia waxaa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay isku dayeysay iney qaadato dhulka Keliya tan 1969-kii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Whole Planet Foundation is excited to announce our new partnership with KIMS Microfinance in Somalia! Our three-year, $300,000 project with KIMS will support an estimated 1,000 microentrepreneurs through the group business loan product. This project is Whole Planet Foundation’s first with outreach in Somalia beyond the Somaliland region. Source: Hiiraan Online
  12. The killing of a senior Somali spy, who according to Western officials had knowledge of a secretive regional security accord and the formation of a new elite military unit, has cast a shadow over the war-torn nation’s long-delayed elections. Source: Hiiraan Online
  13. The Norwegian Nobel Committee sent a strong signal of support Friday for independent journalism in an era of increasing threats and crackdowns, awarding the Nobel Peace Prize to editors Maria Ressa of the Philippines and Dmitry Muratov of Russia for their work amid authoritarian pressures in their countries. Source: Hiiraan Online
  14. Guriceel (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka ayaa walaac xoogan ka muujiyay abaabulka ka socdo Magaalada Dhuusamareeb, ee ujeedkiisu yahay in lagu weeraro Magaalada Guriceel, oo toddobaadkii hore ay la wareegeen Xoogaga Ahlu Sunna. Xiisadda Maamulka Galmudug kala dhaxeysa Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa u muuqato mid sii xoogeysatay, ka dib is casilaadda Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo Madaxweynaha Galmudug ku eedeeyay inuu diiday in fursad la siiyo dadaalada lagu xalinayo khilaafka. Nabadoon Cabdi Macalin Cali Xaashi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Guriceel ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay in la barakiciyo dadka deegaanka. “Dadka rayidka ah inuu barakaco oo xilligan lagu dul dagaalamo oo xabado ka dul dhacaan, oo hooyada iyo dadka waayeelka ah ay barakacaan waa wax aad looga xumaado,” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Macalin Cali Xaashi oo la hadlay BBC. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Ciidamo ayay dowladdu ku soo daad-gureynaysaa Dhuusamareeb, ciidankaas oo Gorgor, Haramcad iyo Duufaan isugu jira, waxaana lagu soo weerarayaa Guriceel ayaa nala leeyahay, cabsi aad ah ayaan ka qabnaa.” Waxaa uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka ay dadaal ugu jiraan in la baajiyo dagaal ka dhaca Galmudug, balse aanay dhinacyadu u tixgelinaynin doorkoodaas. “Odayaasha door ayay ku leeyihiin dhibaatooyinka iyo waxyaabaha jira, doorkooda wax ku tixgelinaya oo xubintoodii tabayana way iska yar yihiin,” ayuu yiri Nabadoon Xaashi. Nabadoonka ayaa yiri “Waxaan rabnaa inaan baaq u jeedino oo niraahno arrintaa ka taagan Galmudug ee maanta soo cusboonaatay wada hadal halagu dhammeeyo ee yaan xabad lagu xalinin, sidaas ayuu dadaalkayagu yahay. Waayahaana waa socdeen colaaduhu, in muddo ah ayay soo jiitamayeen, mid Xananbuure ayay ka taagan tahay, mid Balanballe iyo waxay ka taagan tahay Guriceel, dadka kala daggee ka dhex taagan tahay, dhinacaan nimankii Shabaabka ahaa ayaa waxay soo barakiciyeen dad fara-badan oo soo qaxay, waxyaabahaas oo dhan mashquul soo kordhay weeye.” Maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay inay xiisadda ku xaliyaan wada hadal, oo aan xalka laga raadin qori caaraddii, waxaana uu yiri “Waxaan baaq u jeedin lahayn Dowladda Galmudug in arrintaas ay wada hadal ku xaliso aysan xabad iyo xoog, midna ku xalinin” Mar uu baaq u jeedinayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayuu yiri “Ra’iisal Wasaare Rooble soo fara-geli arrimaha noocaas ah, qayb libaax ka qaado, ciidamada lagu soo daabulayo oo aan Shabaab lagula dagaalameen ee nimanka Ahlu Sunna ee meeshaan qabsaday loo soo daabulayo, laguna barakicinayo hooyada iyo dhallaanka, soo fara-geli.” Nabadoon Xaashi ayaa sheegaya in dadka reer Guriceel ay Xoogaga Ahlu Sunna u arkaan nasri ka maqnaa oo dib ugu soo laabtay, isla-markaana aysan yeeli doonin in mar kale ay ka taggaan. “Waad aragteen oo barraha bulshada waad fiirsateen, dad shacab ahoo baahi weyn u qaba ayaa soo dhaweeyay, maantana laguma qancin karo dadkii shacabka ahaa ee baahida weyn u qabay in la yiraahdo ordaha naga tagga, culeys ayaa noo keenteene,” ayuu yiri Nabadoonka oo intaa ku daray “Waxay aaminsan yihiin nasri u yimid, awalna ka tagay inay yihiin ayay dadka shacabka ah u haystaan.” The post Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda u dhaxeysa ururka Ahlu-Sunna iyo Galmudug appeared first on Caasimada Online.
  15. London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa xaqiijisay in Soomaaliya ay ka mid noqon doonto 47 dal oo laga saaray liiska cas ee safarka, ayada oo dadka ka imanaya aan looga baahnaan doonin inay is-karantiilaan 10 maalmood. Go’aankan ayaa markii hore loo soo rogay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka COVID-19, ayada oo Soomaaliya iyo dalalka kale ee liiska lagu daray loo arkay inuu cudurka aad ugu xooggan yahay. Go’aankan ayaa waxaa gaaray golaha wasirada UK, waxaana hadda liiska cas ku haray toddoba dal oo kaliya oo dhammaantood ku yaalla Latin America. Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysya go’aankan, waxayna sheegtay inuu astaan u yahay iskaashiga UK iyo Soomaaliya. Dowladda UK ayaa sidoo kale sheegtay inaysan dadka Soomaaliya ka imanaya uga baahnaan doonin caddeyn muujineysa inay iska tallaaleen cudurka COVID-19. Inkasta oo aysan badneyn dadka isaga kala gooshan Soomaaliya iyo UK, haddana liiskan ayaa caqabad ku ahaa Soomaalida degan UK, oo markii ay Soomaaliya ku qasbanaa inay is-karantiilaan 10 maalmood. Dowladda UK ayaa la filayaa inay mar kale cusbooneysiiso liiska, waxaana lagu soo dari doonaa 35 dal oo cusub, oo ay ka mid yihiin kuwa ku yaalla Afrika sida; Masar, Ghana, Kenya, Morrocco, Nigeria iyo South Africa. The post UK oo ka laabatay liiskii ay horey ugu dartay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  16. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia iyo xulufadooda ayaa weerar cir iyo dhul ah ku qaaday mucaaradka Tigray ee ku sugan gobolka waqooyi ee Amhara, sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay wakaaladda wararka AFP. Weerarada ayaa ka dhacay dhowr goobood oo ku yaalla gobolka Amhara Khamiistii iyo Jimcihii, sida ay sheegeen ilo-wareeydada, ayada oo ay sii kordhayaan wararka ku saabsan in dowladda ay qaadeyso dagaal culus oo ka dhan ah Tigray-ga. Warbixinadan ayaa yimid maalmo kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyey muddo xileed cusub Isniintii, isaga oo wacad ku maray inuu difaaci doono “sharafta Ethiopia,” xilli sii kordheyso cambaareyn caalami ah oo loo jeedinayo dagaalka 11 bilood jirsaday ee waqooyiga dalkaas. Wakiilada gobolka Amhara, saraakiisha federaalka iyo militariga ayaa diiday inay ka hadlaan howlgallada oo ka billowday aagga waqooyiga Wollo iyo goobo kale. Dagaalka Tigray ayaa billowday November 2020, markaasi oo ciidamada Abiy ay deg deg ku qabsadeen gobolka. Hase yeeshee, Tigrayga ayaa soo rogaal celiyey oo dib u qabsaday caasimada gobolka ee Mekele, dabayaaqadii June. Dagaalka ayaa wixii markaas ka dambeeyey ku fiday gobollada Amhara iyo Afar, wuxuuna dhaliyey wax ay QM ugu yeertay “musiibo bani’aadaminimo,” ayada oo boqolaal kun oo qof ay wajahayaan xaalad macluul ah. Waxaa jira warar sheegaya in dagaal culus uu hadda dib u qarxi karo maadaama uu dhamaaday xilli roobaadka, waxaana dalka oo dhan, gaar ahaan gobolka Amhara ka socda ciidan urursi. The post Dagaalka Ethiopia oo weji cusub galay iyo ciidanka Abiy oo weeraray gobolka Amhara appeared first on Caasimada Online.
  17. Cadho ka dhalatay yuhuud loo oggolaaday in ay ku tukadaan masjidka Al Aqsa Garsoore Israa’iil ah ayaa xukumay in Yuhuudda ay si “aamus” ah ugu gudan karaan salaadooda dhismaha masjidka Al-Aqsa, oo ay si weyn u xushmeeyaan Muslimiinta, go’aankaasi oo horseeday caro ballaaran. Al-Aqsa ayaa udub dhexaad u ah khilaafka Israa’iil iyo Falastiin, wuxuuna haatan ka mid noqday bariga Qudus ee ay Israa’iil maamusho, inkastoo uu misaajidka maamulo golaha arrimaha Islaamka ee Waqf. Golaha Waqf ayaa xukunkii Talaadadii ee garsooraha maxkamadda Majisteraytka Qudus Billha Yahalom ku tilmaamay “daandaansi” aan sharci ahayn, halka ra’iisul wasaaraha Falastiin Maxamed Shtayyeh uu uga digay Israa’iil tallaabo kasta oo lagu dhaqan gelinayo go’aankaasi. Xitaa bilayska Israa’iil ayaa racfaan ka qaatay go’aanka, kaas oo jawaab u ahaa codsi ka yimid, Aryeh Lippo, kaasoo 29-kii Sebtember lagu riday ganaax laba toddobaad ah oo looga joojiyay barxadda ka dib markii uu halkaas ku tukaday. Golaha Waqf wuxuu si cagajiid ah u siiyaa Yuhuudda marin xaddidan saacadaha qaarkood, balse joogitaanka Yuhuuddu ee Al-Aqsa ayaa muddo dheer taagnaa iyadoo qaylo-dhaan guud ay soo dirayeen dunida Muslimka ah. Ma jiro sharci Israa’iil oo ka mamnuucaya Yuhuudda in salaadda ay ku tukadaan misaajidka, oo ah goobta saddexaad ee ugu barakaysan Islaamka. Laakiin tan iyo 1967, sanadkii ay Israa’iil qabsatay bariga Qudus oo ay ku jirto Magaalada Qadiimiga ah ee Dagaalkii Lixda Maalmood, mas’uuliyiinta Israa’iil waxay meel mariyeen mamnuucidda salaadda Yuhuudda si looga hortago xiisadaha. Garsoore Yahalom ayaa xukunka riday ka dib markii la sheegay in diiradda la saaray sidii meesha looga saari lahaa xayiraadda Lippo ee fagaaraha. “Ma aanan helin in falalka diimeed ee uu fuliyay Lippo ay ahaayeen kuwo dibadda ah oo muuqda,” ayay xukuntay, iyada oo go’aamisay in salaadda caynkaas ah aysan “jebin tilmaamaha booliiska,” ayna joojiso mamnuucidiisii goobta. Lippo oo ah ninka dacwadda soo oogay ayay, booliisku waxay sheegeen in uu ku kacay “dhaqan aan habboonayn oo ka dhacay goobaha dadweynaha.” Hoggaamiyeyaasha muslimiintu waxay si isku mid ah u cambaareeyeen xukunkii maxkamadda Qudus. “Salaaddaan waxay ka dhigan tahay daandaansi iyo xadgudub ka dhanka karaamada Al-Aqsa,” ayuu yiri agaasimaha masaajidka Sheekh Cumar al-Kiswani oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP. “Go’aankan sidoo kale ma laha wax sharci ah maxaa yeelay ma aqoonsanin sharciga Israa’iil ee Al-Aqsa,” ayuu yidhi. Ururka Iskaashiga Islaamka ee fadhigiisu yahay Sacuudi Carabiya ayaa si adag u cambaareeyay “go’aanka waxa loogu yeero ‘Maxkamadda Qudus’ ee Israa’iil.” Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Yuhuudda ayaa dhanka kale wax weyn ka soo qaadin saamaynta go’aanka. Qaran News
  18. Koox sheegatay Masuuliyada Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Masaajid+Sawirro Weerar is qarxin ah oo dad badan ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen ayaa maanta xiligii Salaada Jimcaha ka dhacay Masjid Shiicada leeyihiin oo kuyaala Gobolka Kunduz ee dalka Afganistan. Kooxda ISIS-K ee ka howlgasha gudaha Afganistan ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan ismiidaaminta ah ee dadka badan ku dhinteen, waxa ayna kooxdan sheegtay in ay beegsadeen koox shiico ah. Weerarkan is qarxinta ah ee fulisay kooxda ISIS-K ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhaw 100-qof halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen, waxaana ku bur buray qeybo kamid ah masjidka la qarxiyay. Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday masjidka la qarxiyay ayaa waxaa ka muuqday dad badan oo hilbahooda ku go’geen iyo dhiig badan oo daadsan qeybo kamid ah masjidka oo xiliga la qarxinayay dad badan joogeen. Kooxda Taalibaan ayaa camaareesay qaraxan ismiidaaminta ah ee masjidka Shiicada lagu qaaday, waxa ayna kooxda sheegtay in baaritaano ku sameeneyso weerarkaasi iyo cidii ka dambeesay. Qaran News
  19. Filim Soomaaliyi jishay oo u tartamaya abaalmarinta caalamiga ah ee Oscars Filimka loogu magac daray ‘Xabaal Qodaha’ Talaadadii la soo dhaafay, filimka lagu magacaabo “Xaaska xabaal qodaha” ee uu sameeyay Khadar Axmed, ayaa loo xushay in uu noqdo filmkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ku matala tartanka abaalmarinta Oscars. Filimkan oo ay jilaayaasha ku jira wada yihiin Soomaali ayaa la sameeyay sannadkan, waxaana lagu baahiyay qaar ka mid ah dalalka Caalamka. Filimka oo uu soo saaray Khadar Cayduruus Axmed, waxaa la sheegay in uu ku saabsan yahay qiso dhab ah oo 10 sano ka hor ku dhacday qoyskiisa. Qaar ka mid ah soo saarayaasha filimka ayaa ahaa ajaaniib. Filimkan waxaa London laga daari doonaa bishan October, xilliga uu qabsoomayo Bandhigga Filimada ee London. Sidoo kale, waxaa laga daari doonaa bandhigga Filimada ee Chicago. Ka dib ayaa loo dhaadhicin doonaa dalka Burkina Faso, oo laga daawan doono xilliga Bandhigga Filimada Afrika ee Ouagadougou. Bisha November ayaa filimkan la gaadhsiindoonaa dalalka Finland iyo Norway. Dalka Faransiiska wuxuu gaadhi doonaa bilowga sannadka soo socda ee 2022. Muxuu yahay Filimkan? Waxaa markii ugu horreysay lagu soo bandhigay dalka Canada., waxaana jilay dhalinyaro Soomaali ah. Goobtii ugu horreysay ee lagu soo bandhigay waxaa filimka lagu gudoonsiiyay abaalmarin. Filimkan oo loogu magac daray ‘xaaska xabaal qodaha’ ayaa lagu jilay luqadda Soomaaliga isla markaana looga hadlayo qoys Soomaaliyeed oo danyar ah iyo marxaladaha kala duwan ay nolosha kusoo mareen iyadoo uu jeceyl dhexyaallo. “Filimka waa xaaska xabaal qodaha,waa qiso uu qoray nin aan walaalo nahay oo Khadar Ceydaruus Axmed la yiraahdo, waa qiso Soomaaliyeed oo Soomaali lagu hadlayo waa filin qof kasta uu daawan karo waana sababta keeneysa in adduun weynaha uu wareego,” ayuu yiri, Cumar Cabdi oo kamid ah jilaayaasha filinka. Mid ka mid ah jilaayada filimka “Xaaska Xabaal Qodaha” Wuxuu ka shekeynayaa qoys Soomaaliyeed oo sabool ah oo ay la soo deristay dhibaato dhanka nolosha ah oo u adkeystay sidii uu uga gudbi lahaa caqabaddaas inkasta oo aysan heysan dhaqaale ay ku maareeyaan arrintaas. Waa filim taabanayo jaceylka xiddideystay ee ka dhex jira qoyska saboolka ah iyo sida uga go’antahay badbaadinta hooyada la daalaa dhaceysay xaaladda caafimaad darro. “Waa qisada hooyo, aabe iyo canug yar oo ay dhaleen, qisada ay xambaarsan tahay waxay ina tusineysaa jaceylka in meel walbo uu dhex yaallo, nolosha farxadda ah in cid kasta ay yeelan karto laakiin lagu kala duwan yahay marka xaaladaha qaar yimaadaan. “ Filimka ayaa diiradda saaraya sheekada nin xabaal qode ah oo sabool ahaa iyo sida uu dadaal ugu galay badbaadinta xaaskiisa oo kiliyaha ka xanuunsatay, inkasta uu la daalaa dhacayay maareynta qoyskiisa haddana wuxuu raadiyay dhaqaale uu ku baadigoobayo in xaaskiisa caafimaad hesho. Khadar Axmed (bidix) Yasmin Warsame, (dhexda) iyo Cumar Cabdi oo ka qeybgalayay goobtii lagu soo bandhigay Filimka ee Toronto. Ka sokow noloshaas adag waxaa weli sii xoogeystay jeceylka dhexyaallo lamaanahan. “Sheekada waxay na tusineysaa inta uu gaarsiisan yahay jaceylka dhex yaalla labada qof, waxay isu sameyn karaan, sida badbaadu ay ku xiran tahay , sida qofkan uu qofka kale u badbaadin karo” ayuu yiri Cumar Cabdi. Filimkan waxaa laga soo dhex xushay kumanaan aflaam ah, wuxuuna kamid ahaa filimadii lagu abaal mariyay Canada. “Filimkayagan laguma dooran filim Soomaali ahaan , waxaa lagu doortay tayada filimka gaar ahaan asalnimadiisa iyo qisadiisa, marka in aan kamid noqono bulshada inta ay tartanto ku guuleysata, 5000 filim laga soo dhex xula” Cumar Cabdi wuxuu sheegay in filimka uu soo bandhigayo muuqaalka dhabta ah ee dadka Soomaalida si aanan loo soo gudbin wararka la xiriira dhibaatooyinka ka dhaca dhulka Soomaalida. “Anagu waxaan dareensanahay Soomaalinimo in anagoo Soomaali aan heerkaa gaarno, wixii looga bartay ay caalamka kasoo daaynayeen ama mar haku tilmaamaan burcad badeed…in dadkayagu aan tusno in dhaqan, dal iyo dad wanaagsan aanu leenahay” Qaran News
  20. Jizan (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dhaawacay weerar xalay lagu qaaday garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Jizan ee Sacuudi Carabiya, ee ku dhow xuduudda Yemen. War-saxaafadeed kasoo baxay xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen, oo ay baahisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa lagu sheegay in “gantaal ay soo tureen cadowga” uu ku dhacay garoonka diyaaradaha King Abdullah. Dadka dhaawacmay ayaa ka kooban lix qof oo Sacuudiyaan ah, saddex u dhashay dalka Bangladesh iyo qof reer Sudan ah. Sidoo kale qaar ka mid ah muraayadaha daaqadaha garoonka ayaa daatay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto ayaa inta badan fulisa weerarada noocan ah. Kooxda Xuutiyiinta ayaa toddobaadyadii tegay xoojisay weerarada gantaallada ah ee ay ku qaado Sacuudiga. Afar shaqaale ayaa Arbacadii ku dhaawacmay kadib markii xulufada ay dhexda ka qabteen diyaarad drone ah oo lagu beegsaday garoonka diyaaradaha Abha, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Sidoo kale, diyaarad Drone ah ayaa isla garoonkaas lagu dhuftay 31-kii August, waxaana ku dhaawacmay sideed qof, ayada oo ay waxyeello kasoo gaartay diyaarad shacab. Faah-faahin dheeri ah lagama bixin weerarkii ugu dambeeyey ee xalad dhacay. The post Weerar culus oo xalay lagu qaaday garoon diyaaradeed ku yaalla Sacuudi Carabiya appeared first on Caasimada Online.
  21. Introduction For many years Lasanod, the capital of the Sool region of northern Somalia, has been claimed by competing authorities—the Somaliland, Puntland, Khaatumo and Sool, Sanaag and Cayn (SSC) administrations. Between 2003 and 2018, Lasanod city and its surrounding territories changed hands several times. The result is a city sand-wiched between two semi-autonomous states—Somaliland to the west and Puntland to the east—and governed by regulations that are different from the rest of Somalil-and. While Lasanod is currently under Somaliland administration and military control, the breakaway republic applies a specific set of trade and tax policies to Lasanod and its surroundings….Read more The post Lasanod: City at the margins appeared first on Puntland Post.
  22. Garowe (PP News Desk) — Puntland Finance Minister Hassan Shire has compared tax evasion by teachers to supporting terrorism. “In our view any teacher who refuses to pay tax is a terrorist, like a member of Al-shabaab. Failure to pay tax affects salaries of troops. If you object to paying tax and close schools, we will hold you accountable” said Shire. Shire likened tax evasion to terrorism Abdiaziz Farah Hersi, a senior teacher in Garowe, described the Finance Minister’s statement as “an outburst”. “Teachers work in difficult conditions. After 1990 they began to teach in shacks. A teacher’s salary is $200, they cannot make ends meet with this salary given expenses such as rent, food and additional expenses. Despite those challenges we are committed to providing quality education. It is absurd to liken us to Al-shabaab. I urge Shire to apologise to teachers” said Abdiaziz. Abdiaziz demanded an apology from Puntland Finance Minister Most teachers in some Puntland regions are from Northern Somalia. “Shire implied that any person who pays tax will never become a member of Al-shabaab. He has turned himself into a lawmaker overnight” said a member of Garowe City Council, who asked for anonymity. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Finance Minister Likens Tax Evasion to Terrorism appeared first on Puntland Post.
  23. Kenya has said it rejected the jurisdiction of the United Nations International Court of Justice (ICJ) ahead of a ruling next week on its long-running maritime border dispute with Somalia. The Horn of Africa neighbours have been feuding for years over a stretch of the Indian Ocean claimed by both nations and believed to hold deposits of oil and gas. “In addition to withdrawing its participation from the current case, Kenya … also joined many other members of the United Nations in withdrawing its recognition of the court’s compulsory jurisdiction,” the foreign ministry said on Friday. Kenya announced in March that it would boycott ICJ hearings in the case after The Hague-based tribunal refused to allow further delays. The final ruling is due to be delivered on Tuesday. “The delivery of the judgement will be the culmination of a flawed judicial process that Kenya has had reservations with, and withdrawn from,” the foreign ministry said, accusing the court of “obvious and inherent bias” in resolving the dispute. “As a sovereign nation, Kenya shall no longer be subjected to an international court or tribunal without its express consent.” Cases at the ICJ, which rules on disputes between states over international treaties, can last many years. Failed talks Somalia, which lies northeast of Kenya, wants to extend its maritime frontier with Kenya along the line of the land border, in a south-easterly direction. Kenya wants the border to head out to sea in a straight line east – a delineation that would give it a bigger share of the ocean. The disputed triangle of water stretches over an area of more than 100,000 square km (40,000 square miles). Nairobi maintains it has had sovereignty over the contested zone since 1979. The two countries agreed in 2009 to settle their dispute through bilateral negotiations. Two meetings were held in 2014, but little progress was made. A third round of negotiations that same year fell through when the Kenyan delegation failed to show up without informing their counterparts, later citing security concerns. Somalia took the matter to court in 2014 after saying diplomatic attempts to resolve the disagreement had led nowhere. But Nairobi – which described itself as “a beacon of peace and stability” in a volatile region – maintained on Friday that it was committed to resolving the dispute through “amicable negotiations”. Kenya charged that the ICJ had no jurisdiction over the case and its takeover of the arbitration amounted to using pseudo-judicial processes to undermine territorial integrity. Rocky relations Next week’s ICJ verdict may further trouble the often rocky relations between the two countries. Somalia has long bristled at what it calls Kenya’s meddling in regions over its border, while Nairobi has accused Mogadishu of using it as a scapegoat for its own political problems. Kenya in 2019 recalled its ambassador to Mogadishu after accusing Somalia of selling off oil and gas blocks in the contested area. It described the move as an “illegal grab” of resources, and reminded Mogadishu of Kenya’s help in the battle against al-Shabab fighters in Somalia. Kenya is a major contributor of troops to the African Union Mission in Somalia (AMISOM), which is fighting the al-Qaeda-linked fighters perpetrating violence across Somalia. Meanwhile, in March last year, Somalia banned the import of khat, a popular mild stimulant plant, from Kenya. Somalia said the ban was to contain the spread of coronavirus, but khat imports from Ethiopia were not stopped. Moreover, Somalia severed ties in December 2020 after Kenya hosted the leadership of Somaliland, a breakaway state not recognised by Mogadishu. However, the two countries agreed to reset relations when Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble held talks with Kenyan President Uhuru Kenyatta in August 2021. The post Kenya rejects UN jurisdiction ahead of Somalia border ruling appeared first on Caasimada Online.
  24. Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen weerarro lagu qaaday garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Jizaan oo u dhow xadka ay wadagaan waddamada Yeman iyo Sacuudi Carabiya. Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee magaceeda loo soo gaabiyo (SPA) ayaa sheegtay in Jimcihi weerar lala beegsaday Garoonka Boqor Cabdallah ee magaalada Jizaan . Dad gaaraya Lix ruux oo kala ah labo Sacuudiyaan ah, saddex u dhalatay Bangladesh iyo hal Suudaan ayaa ka mid ahaa dadka ku dhaawacmay weerarka, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters. Ma jirto cid si toos ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, laakiin dhowr weerar oo lagu bartilmaameedsaday Garoomada Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yeman. PUNTLAND POST The post Weerar khasaare gaystay oo lagu beegsaday garoon diyaaradeed oo ku yaala Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
  25. Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa qorshaynaya in ay diyaarado ku daabulaan dadkii laga soo raafay Laascaanood ee ku sugan Gaalkacyo. Wefdi heer wasiiro ah oo ka tirsan Koonfur Galbeed, ayaa ku sugan magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen mas’uuliyiinta Puntland, si loo diyaariyo qorshaha daabulka dadkaas. Wefdiga ayaa si gaar ah ula kulmay guddi xukuumadda Puntland u xil-saartay Taakulaynta dadka Rayidka ah ee laga soo raafay Laascaanood. Guddiga ayaa qorsheeyay in goobo gaar ah la isugu geeyo dadka, si diyaarado loogu qaado loona gaarsiiyo magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee Dowad Goboleedka Koofur Galbeed. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo diyaarado ku daabulaysa dadkii la soo raafay ee Gaalkacyo ku sugan appeared first on Puntland Post.