Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ardayda Soomaaliyeed ee reer Puntland ayaa maanta si weyn u xusay maalinta calanka 12-ka Oktoobar oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor. Munaasabado lagu xusay maalinta calanka Soomaaliya ayaa dhacay iskuulo ku yaalla magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxaana baraha bulshada aad ugu faafay sawiro muujinaya araday oo ku labisan calanka. Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Roonle ayaa Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta calanka ee 12ka Oktoobar . Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku yiri “Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor”. “Calankeenna ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda” ayuu qoraalka raaciyay Rooble. PUNTLAND POST The post Ardayda Puntland oo si weyn u xustay maalinta Calanka appeared first on Puntland Post.
  2. THE HAGUE (Reuters) - The International Court of Justice (ICJ) on Tuesday hands down its judgment in a case filed by Somalia against Kenya over contested parts of the Indian Ocean believed to be rich in oil and gas. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayey maalinta Calanka ee 12-ka October oo maanta ku beegan. Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Villa Soomaaliya, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay guddoomiyaha golaha shacabka, guddoomiyaha maxkamadda sare, taliyeyaasha ciidamada, duqa magaalada Muqdisho, xildhibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale. Ujeedka munaasabaddan ayaa wuxuu ahaa in lagu weyneeyo maalinta aas-aaska Calanka ee 12-ka October, waxaanana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga. War kasoo baxay xafiiska Farmaajo, kadib munaasabadda ayaa waxaa marka hore hambalyo loogu diray shacabka Soomaaliyeed, iyada oo looga hadlay muhiimadda Calanka. “Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 67 sanno ka hor halyey Maxame Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Villada. Sidoo kale madaxweyna muddo xileedkiisi dhammaaday ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan. Dhanka kjale Rooble ayaan ka qeyb-gelin munaasabaddan oo lagu xusayey maalinta qaran ee Calanka Soomaaliya, waxayna tani ay muujineysaa in weli meeshii ugu sarreysay uu taagan yahay khilaafka ka aloolsan Villa Soomaaliya ee u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble. Ra’iisul wasaaraha ayaa isna dhankiisa si gaar ah ugu hambalyeeyey dadka Soomaaliyeed, kadib qoraal uu soo saaray goor sii horreyay wuxuuna yiri “Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor. Calankeena ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda,”. Sanad walba maanta oo kale 12-October ayaa si weyn loo xusaa maalinta Calanka, iyada oo la qabto xaflado iyo damaashaadyo kale oo lagu weynaynayo markii ugu horeysay oo la isku raacay Calan Soomaaliya leedahay waxaana inta badan laga sheekayaa taariikhdiisa. The post Farmaajo oo ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday VILLA SOMALIA + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  4. Indifferent: Yasin Haji Mohamoud Hiir, the Las Anod MP in the secessionist administration’s parliament. Las Anod (PP News Desk) — Nearly two weeks after Somaliland government used its militias in Las Anod to forcibly displace more than 1,500 citizens, Yasin Haji Mohamoud Hiir, an MP who represents Las Anod in the secessionist administration’s parliament, remains reluctant to denounce the policy that renders Somali citizens in a part of their country foreigners who can be forcibly displaced and whose properties can be looted. Members of the South West State community in the United Kingdom have reportedly telephoned Hiir, a British citizen, but he had not taken the calls. “Yasin is the first person we hold liable for the forced displacement of our people in Las Anod. As the MP of Las Anod in Somaliland Parliament he has a lot of explaining to do” said Adan Hussein, a lawyer in London. The Somaliland government describes victims of the forced displacement as foreigners who illegally settled in Las Anod. “If Yasin does not stand by the position of Somaliland government why has he refused to denounce forced displacement? Why does he deny Somali citizens from the South West their right to live and work in Las Anod? Did not Yasin pledge not to get involved in any human rights violations when he applied for British citizenship?” Aden told Puntland Post over the phone. “The humanitarian community deeply regrets the arrest and subsequent forced displacements of more than 1,000 women, children and men from Las Canood, Sool Region on 2 and 3 October” tweeted The United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. “Forced displacement is a crime against humanity” added Adan. © Puntland Post, 2021 The post Las Anod MP in Hargeisa Still Silent Over Forced Displacement by Somaliland Government appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo booqasho labo maalin ah ku jooga xarunta qaramada midoobey ee magaalada New York ayaa maanta oo talaado ah lagu wadaa inuu shir guddoomiyo golaha ammaanka oo ah hey’adda ugu awoodda badan qaramada midoobey. Uhuru Kenyatta ayaa khudbad uu maanta golaha ammaanka ka jeedin doono waxaa uu ka hadli doonaa kala duwanaanshaha, dhismaha dawladnimada iyo nabadda gaar ahaan geeska Afrika sida Soomaaliya iyo Itoobiya. Arrintan waxaa ay imaaneysaa kadib markii dalkiisu uu January 1 ee sanadkan noqday xubin aan jooga aheyn ee golaha ammaanka, bishan October-na uuba golaha madax ka yahay. Shalay ayey aheyd markii madaxweyne Kenyatta uu xarunta qaramada midoobey kulan gaar ah kula qaatay xogheyaha guud ee ururka Antonio Guteress isaga oo uga warbixiyey xaaladda gobolka oo ay ku jirto dagaalka Tigreyga. Khudbadda uu galabta Uhuru Kenyatta ayaa ku aadeysa iyada oo hey’ad ka tirsan Qaramada Midoobey oo ICJ ah ay kala xukmin doonto dalkiisa iyo Soomaaliya, go’aankaas oo fulintiisa laga doonayo hey’adda uu maanta madaxweynaha u yahay ee golaha ammaanka. Waxaa galabta 4-ta xilliga Muqdisho loo balansan yahay dhageysiga gunaanadka kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya kaas oo soo jiitamay tan iyo 2014-kii. Maxkamadda Cadliga adduunka ee ICJ ayaa lagu wadaa iney soo saarto go’aan kama dambeys ah oo ku aadan kiiska iyada oo natiijada noqon doonto mid ay ku khasban yihiin dhinacyada. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
  6. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay isaga baxeen gudaha deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda ay si nabadoon dib ula wareegeen deegaankaasi. Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay fariisimo ka sameyteen duleedka deegaanka Ceeldheere, iyagoo halkaasi ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub. Ma cadda sababta ay dib ugu gurteen ciidamada Ahlu Sunna oo maalmo ka hor la wareegay gacan ku heynta deegaankan oo u dhow caasimada Dhuusamareeb. Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ayaa kusoo aadaya, iyada oo xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Guriceel oo ay horay ula wareegtay Ahlu Sunna Waljamaaca. Galmudug ayaa wadda abaabul xoogan, iyada oo qorsheyneyso in dagaal culus ay ku qaado ciidamada Ahlu Sunna, si looga saaro deegaanada maamulkaasi. Xiisadda haatan soo korortay ayaa weji kale u yeeshay xaaladda Galmudug oo horay dagaal ugula jirtay Al-Shabaab oo deegaano & degmooyin ka heysata maamulkaasi. Si kastaba, shalay ayey aheyd markii Ahlu Sunna ay ciidamadeeda kasoo saartay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, taas oo ka mid aheyd meelaha ay dhowaan la wareegtay. The post Ahlu Sunna oo ka baxday Ceeldheere iyo Galmudug oo dib ula wareegtay appeared first on Caasimada Online.
  7. Waxaa galabta 4-ta xilliga Muqdisho loo balansan yahay dhageysiga gunaanadka kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya kaas oo soo jiitamay tan iyo 2014-kii. Maxkamadda Cadliga adduunka ee ICJ ayaa lagu wadaa iney soo saarto go’aan kama dambeys ah oo ku aadan kiiska iyada oo natiijada noqon doonto mid ay ku khasban yihiin dhinacyada. Kiiskan oo August 2014-kii uu maxkamadda geeyey madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo maray heerar kala duwan iyada oo February 2017-kii ay isla maxkamadda xukmisay iney qaadi karto kaib markii ay Kenya muran ka keentay, waxaana maanta loo fadhiyaa in ay gaarto cidda iska leh goobta xadka ah ee muranka ka jiro. Haddii maxkamadda ICJ ay maanta go’aan gaarto, waxaa fulinta isla leh golaha ammaanka ee qaramada midoobey oo ah hey’ad awood leh oo ka tirsan UNka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Maanta oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta calanka Soomaaliyeed, sidaasi ay tahay waxaa ay ku aaday iyada oo Soomaaliya u dhego tageyso natiijada kiiska badda ee ICJ taas oo iyada la filayo galabta, waa labo munaasibad oo ku weyn qaranka. Haddii maanta ay Soomaaliya ku guuleysto kiiska badda ee kala dhaxeeya Kenya, October 12 waxaa la xusi doonaa labo Munaasibad. Maalinta calanka, haddii aan wax ka dhaho, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 67 sano ano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka Soomaaliyeed, Calankeeda waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba lagu faani karo. Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay Maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayyo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga. Sida uu ii sheegay halgamaaga Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay dastuur cusub iyo qodobo badan oo aan laga gudbi karin iyo calanka. Calankii Habeenkaas, waxaa laga dhigay calan leh bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta farood oo midnimo iyo wada jir ah. Lakin Markii Talyaaniga uu la wareegay maamulka Soomaaliya 1950-kii, gumeytaha Ingiriiska waxaa uu ku dhaqaaqay talaabooyin waalli ah, ingiriis-ka waxaa uu qaatay waqooyiga Soomaaliya, NFD waxaa uu siiiyay gumeystaha Kenya, Xeebta ama Djabuti waxaa xoogay Faransiiska, Ingiriiska sidoo kale Itoobiya waxaa uu siiyay Somali Galbeed, waxaa arin culus noqotay in dhulkaas iyo dadka degan la isku keeno. SYL, markii ay aragtay in Somaliweyn faraha ka sii baxeyso, Waxaa ay ku fakirtay in la sameeyo Calan qiimo badan oo Soomaaliweyn ka tarjumaya, waliba ka hor inta aan xuriyadda la gaarin 1960-ka. Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii Calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada. Maxamad Cawaale Liibaan, Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, laakin waxaa uu noqday calan umadda Soomaaliyeed ka tarjuma, isagoo soo bandgigay Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay. Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga hardhan tahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954. Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran. Dhinaca kale, Heesta Calanka, waxaa ay leedahay taariikh gaar ah, heestan, waxaa miraheeda lahaa (AUN) Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, Waxaa laxanka lahaa (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe). Abwaanka Alifay heesta ayaa ka sheekeeyay in heestaas ay ku jirtay riwaayaddii ay isku barteen Xuseen Aw Faarax iyo Abwaan Qarhse oo Waqooyi ka yimd iyo Fanaaniintii reer Muqdishu. Heesta waxaa ay ku jirtay riwaayad lagu eegayey fanka labada abwaan, Xuseen Aw Faarax waxaa uu sheegay in riwaayadda marka ay dhaxda mareyso oo ay qaadeen heesha calanka in isaga iyo qarhse la siiyay Diploma lagu abaalmarinayo labaadsi abwaan, Diploomadaasi lama bixin ka hor xiligaas ama kadiba, Waxaa ay sidoo kale isla riwaayaddaas ka dhigeen Djabuti iyo Cadan. Xilliga riwaayaddaas Muqdishu lagu dhigay waxaa ay aheyd 1956-dii, labo sano ayuu jiray calanka Soomaaliya, hees sidan u qiimo badan cid u qaatay ma jirin xiligaas ka hor. Miraha Heesta Waxaa ka mid ahaa: Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee Cishadad dhalataad calooshayadii sidii culaygii cidaad marisee Allow ha ku celin cawoy dhaha. Ugu dambeyntii, June 5, 2001 ayuu Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada. Soomaalida Maanta: Waxaan hubaa in Soomaali badan dhiiga iyo damiirkoodu u dhaqaaqay maqalka heesta, Lakin marka aan runta isu sheegno, heesta calanka maanta ma laha dhadhankii hore, dalka waxaa loo kala qeybiyay gobolo, qabiilo, dowlad goboleedyo, ma jirto labo isku fikrad ah, ma jirto labo ka sheekeysta Somaliweyn, Midnimo iyo Mustaqbalka dalka, dadka iyo diinta! Sida uu ii sheegay Jen. Jaamac Maxmed Qaalib, dadkii hore waxaa ay ku faani jireen Calanka, Ciidanka qaranka iyo Soomaalinimada halka maanta lagu faano Maamulka goboleedyada, taageerada iyo lacagaha loo uruuriyo maamul goboleedka ayaa ka xamaadsad badan taageerada Qaranka. Maanta Soomaaliya waxaad ku arkeysaa callamo badan, gobol walba waxaa uu leeyahay calan u gaar ah iyo heesta calankaas, gobol walba waxaa uu leeyahay Dastuur iyo calan ka duwan midka qaranka, Madaxweynayaal tiro badan, waxaa meesha ka baxay micnihii weynaa heesha calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed. W/Q: Abdi Aziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
  9. Hague (Caasimada Online) – Maxkamada cadaaladda aduunka ee ICJ ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta oo ku beegan 12-ka October inay ku dhowaaqdo go’aankeeda kama dambeysta ah dacwadda badda Soomaaliya ee ay muranka gelisay dowladda Kenya. ICJ ayaa natiijada shaacineyso 4:00 galabnimo, waxaana haatan xarunta maxkamadda oo ku taalla Hague ku sugan wafdi ka socda Soomaaliya, isla-markaana uu horkayaco ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar). Soomaaliya ayaa aad ugu rajo weyn inay ku guuleysato dacwaddan, iyada oo xeer ilaaliyaha qaranka oo goobjoog noqon doono ICJ uu niyad wanaag muujiyey. “Waxaan ku niyad samahay in àan guulaysanayno haddii alle idmo,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Sulleymaan Maxamed Maxamuud. Dhankiisa xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo la hadlay VOA-da ayaa sharraxaad ka bixiyey heerarka ay soo martay dacwadda oo ay diidmo ka keentay Kenya. “Kenya oo dhowr jeer laga dalbaday soo gudbinta caddeymo waxa ay uga falcelisay waraaqo diidmo ah, kiiskaan waxa uu soo maray heerar kala duwan” ayuu yiri Axmed Cali Daahir. Dooda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo bilaabatay bishii August ee 2014-kii, xilligaas oo ay dowladdii Xasan Sheekh ICJ u gudbisay dacwadda kala dhexeysa Kenya. Si kastaba, xukuumadda Nairobi oo quus ka taagan dacwadda badda ayaa maalmo, ka hor shaacisay in aysan aqoonsan doonin go’aanka la filayo inuu kasoo baxayo maxkamadda ICJ, waxaana hadalkaas uu noqday mid lama filaan ah oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah. The post ICJ oo maanta shaacineyso natiijada kiiska badda – Waa sidee rajada Somalia? appeared first on Caasimada Online.
  10. Xoogagga Ahlusunna ayaa isaga baxay degaanka Ceeldheere oo u dhexeeya magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb. Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa la wareegay degaanka Ceeldheere kadib markii ay isaga baxeen Ahlusunna. Ahlusunna ayaa todobaad ka hor Galmudug ka qabsatay degaankaas Ceeldheere oo qiyaastii 28km dhanka koonfureed ka xiga magaalada Dhuusamareeb. 24 saac ee la soo dhaafay Ahlusunna waxay ka baxeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo degaanka Ceeldheere oo ka tirsan Galgaduud. PUNTLAND POST The post Ciidamada Galmudug iyo kuwa Federaalka oo Ahlusuna kala wareegay Ceeldheere appeared first on Puntland Post.
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka ee maamulkaasi iyo rag hubeysan. Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Puntland oo ku jiray roondo & rag ka ganacsada maandooriyaha oo xilligaas la socday gaari nooca raaxada ah. Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada amniga ayaa ku dhintay israsaaseynta labada dhinac, waxaana ku dhaawacmay tiro kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ahaa raggii hubeysnaa, halka kuwa kalena ay baxsadeen, kuwaas oo lagu raad-joogo. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkan oo dhacay xalay saq-dhexe, waxaana saaka xaaladdu tahay mid deggan. Puntland ayaa haatan dagaal adaga kula jirta kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaalooyinka maamulkaasi, isla-markaana dhibaato ku haya bulshada deegaanka. Dhowaan ayey aheyd markii madaxweyne Saciid Deni uu amar ku bixiyey in laga hortego oo gacan bir ah lagu qabto dadka maandooriya soo galiya Puntland & kuwa ganacsada. The post Ciidamada Puntland iyo rag hubeysan oo dagaal culus uu ku dhex-maray Garoowe appeared first on Caasimada Online.
  12. The UN's top court will rule in a bitter border dispute between Somalia and Kenya on Tuesday, delivering a verdict with potentially far-reaching consequences for bilateral ties and energy extraction in the region. Source: Hiiraan Online
  13. For years, Dr Mohamed Dahir Afrah, a Somali author who had been living in London, was seen as the face of the diaspora for the Horn of Africa country. Source: Hiiraan Online
  14. Somalia is facing another round of devastating drought, adding to the country’s security woes and indicating just how dangerous irregular climate is becoming to the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  15. Guriceel (Caasimada Online) – Is-casilaadda Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi waxay ahayd jug weyn oo Madaxtooyada Galmudug ku dhacday, kana hor istaagtay in la weeraro Xoogaga Ahlu-Sunna, oo 1-dii bishan la wareegay gacan ku haynta magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Is-casilaadda Wasiirka waxay timid saacado yar uun ka hor, xilli la qorsheeyay in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ay weeraraan Guriceel. Wasiir Fiqi ayaa Khamiistii Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ku eedeeyay inuu diiday in fursad la siiyo dadaalada socdo ee lagu xalinayo khilaafka maamulka kala dhaxeeya Hoggaanka Ahlu-Sunnada Gobolada Dhexe. Saacado ka dib is casilaaddii Wasiir Fiqi, ciidan ka tirsan Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay gacan ku haynta Kontoroolka Koonfurta Gaalkacyo. Ciidamadan ayaa la rumeysan yahay inay ka gadoodeen is-casilaadda Wasiirkii Amniga, waana xilli Fiqi loo tiriyo inuu yahay maskaxdii ka dambeysay dhismaha ciidamadaasi. Galmudug ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2020 yeelatay ciidamo Daraawiish ah. Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa Jimcihii beeniyay in ciidamadaasi ka gadoodeen is casilaadda Wasiir Fiqi, balse ay ka gadoodeen sida uu yiri mushaar la’aan, xilli sida uu sheegay ay ciidamada kale qaateen mushaaraadkoodii. Wasiir Fiqi oo hadlayna waxaa uu mar kale ka digay in la weeraro Magaalada Guriceel, weerarkaasi ayuu ku sheegay mid aan loo baahnayn. Ciidamada Daraawiishta ee Galmudug ayaa habeen hore baneeyay Kontoroolka Koonfurta Gaalkacyo, iyagoona dib ugu laabtay Xerada Indha-qaris oo 40km u jirta Magaalada Gaalkacyo, halkaas oo markii horeba ay ka yimaadeen. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ay qaarkood labada dhinac dib uga dhex bilaabeen dadaaladii ay ugu kala dab qaadayeen, si looga baaqsado dagaal uu dhiig ku daato. Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Galmudug oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee haatan taagan ay tahay Ahlu-Sunna oo doonaysa inay ku gorgortanto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla-markaana ay maamusho kastamka canshuuraha ee Degmada Matabaan. Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa kuu sheegaya in ujeedka ugu weyn Ahlu-Sunna ee xilligan uu yahay, sidii xubno ku feker ah loogu soo dari Golaha Shacabka, si lamid ah sidii dhacdayba sanadihii 2012 iyo 2016. Xeeldheere-yaashu waxay sheegayan in doorashadan ay muhim u tahay Ahlu-Sunna, lamase oga sida ay xilligan ku suurtageli karto inay xubno ku yeelato Baarlamaanka Federaalka. Ilo muhiim ah oo ku dhow dhow Ahlu-Sunna ayaa sheegay, haddii metelaad rasmi ah ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda, ay Galmudug ka caawin doonaan la dagaalanka Al Shabaab. Ahlu-Sunnada Bartamaha Soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa mid khibrad badan u leh dagaalka Al-Shabaab, Maamulka Galmudug-na aanu waxba ka faa’iidi doonin dagaal uu xilligan adag kala hortaggo Ahlu-Sunna. Laba iyo toban sano oo Ahlu-Sunna ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayay dhulkii ay maamuleysay ka dhigtay mid ay ka caagaan Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama. Ma cadda dadaalada socdo inay guuleysan doonaan iyo in kale, Galmudug-na uma muuqato mid saami Golaha Shacabka ka siinaysa Ahlu-Sunna, haddii aanay waxba iska bedelin siyaasadda Villa Somalia. The post Xog: Dhowr Arrimood oo dib u dhigay weerarkii uu Qoor Qoor ku qaadi lahaa Guriceel appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayey xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed ee 12-ka October oo maanta ku beegan ayaa farrriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo u hambalyeeyey maalinta Calanka. Rooble ayaa ugu baaqay guud ahaan Ummadda Soomaaliya in laga shaqeeyo midnimada iyo horumarka dalka, si ay horey ugu sii socoto dowladnimada Soomaaliya. “Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu. Sidoo kale Rooble ayaa sii raaciyey “Calankeena ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda.” Sanad walba maanta oo kale 12-Oktoobar ayaa si weyn loo xusaa maalinta Calanka, iyada oo la qabto xaflado iyo damaashaadyo kale oo lagu weynaynayo markii ugu horeysay oo la isku raacay Calan Soomaaliya leedahay waxaana inta badan laga sheekayaa taariikadiisa. Calanka Soomaaliyeed waxaa naqshadiisa la soo bandhigay sanadkii 1952-dii, iyada oo ay QM ay ogolaatay sanadkii 1954 markaas oo uu u tegay Cabdullaahi Ciise. Xuska ayaa sanadkan ku soo aaday xilli muhiim ah, isla-markaana aad isha loogu hayo kiiska badda oo ay maanta shaacineyso ICJ, iyada oo guusha loo saadaalinayo Somalia. The post ROOBLE oo farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
  17. Cabsi xoogan oo ka jirta Suuqa Ganacsiga Soomalida Islii-Nairobi+Boob laga baqaayo in loo geysto Hantida Soomaalida Cabsi xoog leh ayaa soo wajahday dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya, gaar ahaan ganacsatada xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii, halkaas oo looga baqayo inay rabshado ka qarxaan. Salaadada Maantai ayaa lagu wadaa in maxkamadda ICJ ay soo saarto xukunka dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, go’aanka maxkamadda ayaa la saadaalinayaa inuu jiho kale u weeci karto xidhiidhka iyo wada-noolaashaha shucuubta iyo dowladaha labada dal. Waxaa laga baqayaa in banaanbaxyo xoog leh ay dhigaan dadka reer Kenya oo boob loo geysto ganacsiga Soomaalida ee Nairobi, hadii Soomaaliya loo xukmiyo badda, maadaama dadka Kenyaanka ah ay aad ugu han-weyntihiin sida Soomaalida in xukunka badda ay ku guuleystaan. Guddi ay ku mideysan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa caawa la kulmay guddiga amniga qaranka ee wadanka Kenya, waxayna kala hadleen khatarta ka dhalan karta hadii shacabku ka gadoodo xukunka maxkamadda. Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah guddiga ganacsata Soomaalida ah ee ku nool Kenya oo caawa warbaahinta kula hadlay Nairobi ayaa sheegay in kulankaas kadib ay dowladdu u balan qaaday inay diyaarineyso ciidamo boolis ah oo ka howlgala Islii. “Anagoo ah guddiga ganacsatada iyo guddiga amniga waxaan diyaarinay laamaha amniga, waxaa naloo soo dirayaa ciidamo boolis ah, si xaafadda Islii ay mudo 24-saac ah noola joogaan oo tallaabo ay ka qaadaan cid kasta oo ku xad gudubta sharciga wadanka,” ayuu yiri Maxamed. Ganacsatada ayaa dadka reer Kenya ka codsaday inay aysan berri dhigin wax banaanbax ama dabaal deg ah, cid kasta oo ay guushu raacdo, si looga badbaado isku dhacyo rabshado wata oo ka dilaaca dalka. “Arrintaan waa mid dowladda khuseysa, arrin shacab khuseysa maaha, waxaan ku war gelineynaa Soomaalida ku nool wadankaan Kenya, in wax ficil ah aysan sameyn, masaajidaan tagnay oo culumada ayaan kala hadalnay arrintaas in la demiyo oo wax ficil ah aan laga sameyn xukunkaas,” ayuu Maxamed Ismaaciil hadalkiisa ku sii daray. Qaran News
  18. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar iyo wefti uu hoggaaminaayo, ayaa ka qeyb-galay shirka dawladaha dhex-dhexaadka ka ah isbahaysiyada ka jira caalamka oo si rasmi ah uga furmay caasimada Beldgrade ee wadanka Serbia. Shirka waxa qeyb-galay in ka badan 105 wadan oo ay Soomaaliya ka mid tahay iyo wufuud kale oo caalami ah. Shirka ayaa socon doona muddo laba maalmood ah oo Madaxda ka soo qeyb-gashay ay khudbado ka jeedin doonaan, ayaa lagu xusayaa sanad-guurada 60aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aas-aasay dhaq-dhaqaaqan oo ay Soomaaliya ka mid tahay aas-aaseyaashii isbahaysiga. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay shir caalami ah appeared first on Puntland Post.
  19. Mekele (Caasimada Online) – Mucaaradka Tigray ee dalka Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada militariga dowladda federaalka Ethiopia ay kusoo qaadeen weerar “jiho kasta ah”, oo uu ka mid yahay gobolka Amhara. Xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ma uusan xaqiijin warkan oo yimid xilli ay jirtay xan ah in ciidamada militariga ay qorsheynayaan howlgal weyn, hase yeeshee wuxuu sheegay in dowladda uu waajib ka saaran yahay inay shacabka ka badbaadiso jabhadda TPLF. “Weerarka uu Abiy Ahmed ku hanjabay inuu dib ugu qabsanayo Tigray si rasmi ah ayuu u billowday,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku yiri Jabhadda TPLF. “Subaxii 11-ka October 2021, militariga Ethiopia oo taageero ka helaya ciidamada Amxaarada, waxay billaabeen weerar isku xiran oo jiho kasta ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Ka sokow boqolaal kun oo maleeshiyo ah, ciidamadan xasuuqa damacsan, waxaa taageerayada taankiyo, diyaarado dagaal iyo kuwa drone ah, taasi oo aan shaki gelineyn damacooda ah gumaadka.” Dowladda Abiy ayaa carabka ku adkeysay in howlgalka militari ee waqooyiga lagu beegsanayo TPLF, oo ay si rasmi ah ugu calaameysay urur argagixiso, ee aan loola jeedin shacabka. Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa sheegay in inkasta oo uu jiro weerarka cusub, haddana ciidamada aysan weli soo gaarin Tigray. Waxa uu sidoo kale sheegay in TPLF aysan ka war hayn wax ku lug lahaansho oo ciidamada Eritrea ah, kuwaas oo horey militariga Ethiopia u taageeray intii uu socday dagaalka 11-ka bilood ah. “Dowladda Ethiopia waxay mas’uuliyad ka saaran tahay inay shacabkeeda ku sugan dalka oo dhan ay ka badbaadiso ficillada argagixisada,” waxaa sidaas tiri Billene Seyoum oo ah afhayeenka Abiy Ahmed. “Dowladda Ethiopia waxay sii wadi doontaa inay ka hortagto burburinta TPLF, rabshadaha iyo dilalka ka dhacay gobolka Amhara ee meel kasta oo kale.” The post Tigray-ga oo lagu qaaday weerar jiho kasta ah appeared first on Caasimada Online.
  20. ICJ oo War cusub ka soo saartay Dacwadda Muranka Xuduudaha Badda ee u dhaxeeya Somalia & Kenya Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ, ayaa lagu wadaa in maanta 3:00PM ay soo saarto xukunkeeda ku aaddan, muranka xuduudda badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Labada dalba waxa ay sheeganayaan lahaanshaha 160,000 oo kilomitar, oo ah saddex geesood isku-wareeg ah oo ku yaal Badweynta Hindiya, halkaas oo loo malaynayo inay ceegaagaan gaas iyo shidaal. Maxkamadda ayaa qoraal ay barta Twitter-ka soo dhigtay waxay ku sheegtay in muddada loo qabtay dhegeysiga dacwadda ee maanta 3:00PM aysan waxba iska beddelin REMINDER: the #ICJ will deliver its Judgment in the case concerning Maritime Delimitation in the Indian Ocean (#Somalia v. #Kenya) tomorrow, Tuesday 12 October 2021, at 3 p.m. (The Hague) https://t.co/DEmqUsl7m0. Watch live on @UNWebTV pic.twitter.com/hhnLtbRgZY — CIJ_ICJ (@CIJ_ICJ) October 11, 2021 Qaran News
  21. Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa dil xalay muwaadin Soomaaliyeed loogu geystay gudaha wadanka Koonfur Afrika, falkaas oo ay ka dambeeyeen kooxo burcad Afrikaan ah oo weerar ku qaaday ganasadaha. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray jiray Liibaan Faarax Kheyre, waxaana lagu dilay agagaarka goobtiisa ganacsi oo ku taallay magaladda Queenstown gobolka Eastern Cape Ee dalka Koonfur Afrika. Wararka ayaa sheegaya in sida caadada aheyd ay goobta ka baxsatay kooxdii ka dambeysay dilka marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Koonfur Afrika ayaa meesha tegay, kadib dilka iyo booka loo geystay ganacsadahaasi Soomaaliyeed, waxayna sameeyeen baaritaano kooban. Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika oo ka hadlay dilka loo geystay marxuumka ayaa walaac ka muujiyey, waxayna ugu baaqeen dowladda inay wax ka qabato dilalka, dhaawaca iyo boobka joogtada ah ee lagu hayo ganacsatada ku dhaqan dalkaasi. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida, waxaana aad u sii badanayey dilalka lagu hayo ganasatada dalkaas. Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh magaalooyinka waa weyn ee waddankaasi. The post Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.
  22. Nin Maraykanku Madaxiisa Dul-dhigay 5 Milyan oo Dollar oo la qabtay? Dowladda Ciraaq ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay madaxa maaliyadda ee ururka isku magacaabay dowladda Islaamka. Saami Jasim al-Jaburi, ayaa lagu qabtay hawlgal ay goob aan la shaacin ka fuliyeen sirdoonka Ciraaq, sida uu bartiisa Twitter ku shaaciyay ra’iisal wasaare Mustafa al-Kadhimi. Wuxuu intaa raaciyay in Sami oo sidoo kale loo yaqaan Xaaji Hamid uu ahaa kuxigeenka hogaamiyihii ururkaas ee uu Maraykanka ku dilay Suuriya sanadkii 2019, Abubakar al-Baghdadi. Maraykanka ayaa Saami madaxiisa dul dhigay lacag ah 5 milyan oo dollar, taasoo la siinayo cidda keenta xog lagu soo qaban karo ninkaas. Hay’adda FBI ayaa sheegtay in Sami uu udub dhexaad u ahaa maamulka maaliyadda ee ururka dowladda Islaamka, isla markaana uu dusha kala socon jiray dhaqaalo ururinta, iibinta shidaalka iyo macdanta kadib markii uu ururkaas qabsaday qeybo kamid ah Ciraaq iyo Suuriya sanadkii 2014. Warbaahinta Ciraaq ayaa ku warrantay in ninka la qabtay uu aad ugu dhawaa hogaamiyaha cusub ee ururka oo lagu magacaabo Amir Maxamed Saciid Cabdiraxmaan al-Mawla oo lagu bedalay Baghdadi. Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Ciraaq ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in hawlgalka lagu qabtay Saami uu ka dhacay gudaha Turkiga. Xukuumadda Ankara ayaan ka hadlin arrinkaas. Horraantii sanadkan, dowladda Ciraaq ayaa shaacisay inay dishay hogaamiye ku xigeenka ururka dowladda Islaamka oo ay magaciisa ku sheegtay Jabir Salman Salax al-Cisawi. Ururka ayaa mar gacanta ku hayay dhul dhan 88,000 km2 oo ah min bariga Ciraaq ilaa galbeedka Suuriya, wuxuuna xukunno adag ku soo rogay ku dhawaad 8 milyan oo qof oo ku hoos noolaa. Inkastoo lagu jabiyay dagaalladii ka dhacay Ciraaq iyo Suuriya sanadihii 2017 iyo 2018, ayaa haddana waxaa la rumaysan yahay inuu weli kumannaan dagaalyahanno ah ku leedahay gudaha labadaas waddan. Wuxuu sidoo kale joogitaan muuqata ku leeyahay Afghanistan iyo Mozambique oo Afrika ah. Qaran News
  23. Maxaa ka dhalan kara marka hilibka cas aad loo cuno? Dhibaatada ka dhalatay cudurka Gout Souleymane Sy wuxuu ahaan jiray shaqaale dowladeed, waxaa ku dhacay cudur la yiraahdo Gout kadib markii uu aad u cunay hilibka cas. Waa cudur horseeda in aashatada Uric ay ku badato dhiigga banii’aadanka taas oo keenta in maddada Purine ay gasho jirka. Maddada Purine waxay ku badan tahay cuntooyin uu kamid yahay hilibka cas. Hilibka cas waa halis Souleymane Sy wuxuu inta badan cuni jiray hilibka cas haatan waxaa gacantiisa ka muuqdaa barar isla markaana wey biyo gashatay. “Waxaan aad u badsaday hilibka cas, markasta oo aan shaqada ku jiray waxaan cuni jiray hilibka cas, waxaan tegi jiray kawaanka si aan uga soo iibsado kiilo hilibka cas ah, marka si aad ah ayaan u cuni jiray hilibka cas, haatan waxaan dareemay dhibaatadiisa” Mararka waxay ka shaleyn jiray in si aad ah aan u cuni jiray hilibka cas balse waxaa adag inuu iska joojiyo maadama dalka Niger si weyn looga isticmaalo hilibka cas gaar ahaan nooc dalkaas looga yaqaano Kilishi. Dr Alassane Amadou Seydou, Nigerien oo ka howlgala dalka Nigeria ayaa sheegaya in maddada Purine ee laga hela hilibka lala xiriiriyay cudurro kale. Hilibka Kilishi oo caan ka ah Niger “Waxaa ka dhashaa cudurro kale sida xanuunada ku dhaca dhiigga, kansarka dhiigga” Wuxuu intaa ku daray in xanuunka haya ninkan sidoo kale lala xiriiriyay qaadashada badan ee dawooyinka sida kuwa lagu daweeyo qaaxada ama wadnaha. Souleymane wuxuu la daalaa dhacaya xanuunka uu kala kulmaya gacanta barartay xitaa uu habeenkii ka seexan la’yahay. Xanuunka Gout ragga kaliya ah kuma dhaca balse wuxuu sidoo kale ku dhacaa dumarka, waana mid si weyn u saameya xubnaha laabma ee jirka banii’aadanka sida jilbaha iyo gacmaha. “Wax kasta oo aan lahaa waan iibiyay” Xanuunka Gout wuxuu si weyn u saameeyay Souleymane, wuxuu iska iibiyay hantidiisa oo idil si uu caafimaad u helo. Dr Alassane Amadou Seydou wuxuu leeyahay xanuunka Gout waa mid la daweyn karo balse waa in qofka uu si weyn uga taxaddaraa cuntada uu qaadanayo iyo in si joogta uu adeegsado dawooyinka la siiyo. “Halkan Niger, dadka uu ku dhaca Gout waxaan kula talinaa inay iska dhaafaan cunidda hilibka cas iyo nooca hilibka caanka ka ah halkan ee la yiraahdo Kilishi si jirka banii’aadanka looga ilaaliyo in uu ku bato aashatada Uric” “Waxaan dadka kula talinnaa inay badsadaan isticmaalka qudaarta iyo miraha” ayuu yiri Dr Alassane Amadou Seydou. Qaran News
  24. The African Union says it will extend and expand its military operations against Al-Qaeda-linked Islamists in Somalia to include other member states, as its current mandate nears an end on December 31. The Horn of Africa nation has faced renewed instability in recent months, with long-running election delays and an ongoing row between its president and prime minister sapping attention from an insurgency waged by Al-Shabaab jihadists. Despite the militants’ ouster from Mogadishu a decade ago, Somalia’s government controls only a small portion of the country, with the crucial help of some 20,000 soldiers from the African Union Mission in Somalia (AMISOM). AMISOM late Sunday said the AU’s Peace and Security Council had agreed to shift to a joint mission with the UN that would enable “other willing and interested AU Member States” to join operations against the Islamists. The plan will need to be endorsed by the UN Security Council and the government in Mogadishu. The AU expressed “grave concern at the worsening security situation in Somalia,” where there had been a “worrying resurgence” of Al-Shabaab activities. The militants regularly stage deadly attacks against civilian and military targets in the capital and elsewhere. The UN Security Council in March extended AMISOM’s mandate until December following fractious talks between Western countries and African members of the council over funding for the peacekeepers. Sunday’s AU statement asked the UN Security Council “to consider a technical roll-over of the AMISOM mandate, while discussions continue on the details and modalities for transition towards the post-2021 arrangement.” The statement also urged President Mohamed Abdullahi Mohamed, widely known as Farmajo, and Prime Minister Mohamed Hussein Roble to resolve their differences and “re-focus on concluding the overdue elections without further delay”. “The ongoing political stand-off between the Office of the President and the Office of the Prime Minister is contributing to the worsening security situation, as the political authorities find their attention distracted from governance matters,” the statement said. AFP The post African Union to broaden Somalia operations appeared first on Caasimada Online.