Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha Qaranka ayaa bam siyaasadeed ku qarxiyey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku jira maalmihii ololihiisa dib u doorashada. Madaxweyne Farmaajo wuxuu muddo dheer ahaa siyaasi ku dooda inuu ka maran yahay musuq-maasuq, wuxuuna rabay inuu cinwaanka ololihiisa ee sanadkaan noqdo siyaasi aamin ah, laakiin qoraalkii uu soo saaray Hanti-dhowraha Qaranka ayaa cagta mariyey hal ku dhigii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo. Hanti dhowrka wuxuu soo faagay waxyaabo badan oo dhacay 18-kii bilood ee lasoo dhaafay, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed lama filaan ku noqday. Lacago badan ayaa la dhacay, sida ay sheegtay warbixinta Hanti-dhowraha, waxaa la sameystay Akoono gaar ah, deeq lacageed ayaa maqan, waxaana kaloo yaab ah inay jiraan lacago lagu xaday Safaaradaha iyo qaar aan lasoo marin habraacii miisaaniyadda Dalka. Waxyaabaha uu Hanti-dhowrka soo bandhigay waxaa kamid ah Kharash bixin dhan 9 Milyan oo Dollar oo aan heysan caddeymo ku filan, taas oo ka dhigan inaan la aqoon sida loo adeegsaday lacagtaas. Heshiisyo laga sameeyey lacag dhan 31 Milyan oo Dollar oo aan lasoo diiwaan gelin ayaa ku jirta fadeexadda uu Hanti-dhowraha soo bandhigay . Lacag dhan 17 Milyan oo deeq ah oo la helay ayaan lasoo dhex marsiin nidaamka Maaliyadda dalka, taas oo ka dhigan in si gooni ah loo isticmaalay. Akoono ka baxsan khasnadda Dowladda oo la furtay oo lacago lagu gurto ayaa kamid ah warbixintii uu Hanti-dhowraha soo bandhigay, taas oo muujineysa inuu socdo boob cad. Dhakhli dhan 178 kun oo Dollar oo safaaradaha Soomaaliya aruuriyeen ayaan lagu soo darin xisaabta Dowladda, taas oo u dhigan in si shakhsi ah loo qaatay lacagahaas. Xogta mushaarka ciidanka ayuu Hanti-dhowrku sheegay in aysan ku xirneyn nidaamka maareynta xogta Maaliyadda dalka taasoo iyadana u muuqata in la qarinayo xogta mushaarka ciidanka si tiro aan jirin loogu dhex darsado oo lacago xaaraan ah looga dhex sameeyo. Warbixinta uu saaray Hanti-Dhowraha waa warbixin culus, faahfaahsan oo si gaar ah u dul istaageysa musuqa ka dhex socda Hey’adaha Dowladda Federaalka ah. Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayey sidoo kale warbixintu sheegtay inaysan soo gudbin xisaab celinta lacag dhan 78 Milyan oo Dollar oo ay ka heleyn Dowladda Dhexe. Warbixintaan waxay si toos ah u dileysaa sheegashadii madaxweyne Farmaajo ee aheyd inaysan dowladiisu sameyn wax musuq-maasuq ah . Hanti-Dhowraha wuxuu u muuqdaa Nin ku shaqeeyey si madax banaan, laakiin xubno kamid ah kooxda Ololaha ee Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday inay arrintaan tahay mid loogu talagalay in lagu dhaawaco sumcadda Madaxweyne Farmaajo oo ku mashquulsan sidii uu ugu soo laaban lahaa xafiiska. Warbixintaan wax weyn ayey u tari doontaa kooxaha kasoo horjeedo Farmaajo, waxayna ka dhigan karaan mid ay ku darsadaan ajandayaashooda ololaha ka dhanka ah Farmaajo kaasoo ugu dambeyn laga jajabiyey cinwaankiisii aaminaada ee uu rabay inuu mar kale ku iibsado madaxtinimada dalka. Lama ogo inuu jiro khilaaf shakhsi ah oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Hanti-dhowraha Qaranka, sidoo kale xukuumadda Ra’isulwasaare Rooble ayey arrintaan dhex istaajineysaa fadeexo. Qof ka tirsan howl-wadeenada Villa Soomaaliya wuxuu sheegay inay ka shakisan yihiin in gacmo kale ay ku lug leeyihiin warbixinta Hanti-dhowraha oo kusoo aaday waqti doorasho. Shaki la’aan warbixintaan waxay abuuri doontaa xiisad cusub oo dowladda dhexdeeda ah, Dowladda Farmaajana way ku adkaan doontaa inay iska leexiso eedaha musuq ah ee loo soo jeediyey. The post Hanti-dhowraha qaranka oo dagaal toos ah ku qaaday Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  2. The UN University for Peace (Upeace) has launched applications for the 5th intake for the campus in Somalia. Interested students who wish to pursue MA and PhD Programs are invited to apply until the 5th of December for various academic courses. UPEACE is pleased to announce that the call for applications is now open and will close on the 5th of December. A Series of academic programmes that are hoped to produce future leaders will be available for potential students who wish to pursue higher Education. The academic courses which are in line with Somalia’s main pillars are hoped to shape the future leaders who would help steer the recovery and peace-building efforts for the country’s post conflict peace building and development agenda. These comprehend peace and governance, environment and development, Humanitarian affairs, and international human rights. The academic progrms include Master’s and PhD Programmes as well as certificate courses on different fields. For further details, click this link. https://share-eu1.hsforms.com/1N7077qCjRSGqGUP4llbg3wf1p1y Background: The United Nations University for Peace (UPEACE) was created on December 5th, 1980 by the General Assembly of the United Nations through Resolution 35/55 with headquarters in Costa Rica, Central America. It has Regional Centres in Addis Ababa, Ethiopia, China, Philippines, Columbia and joint programmes in Austria, South Korea, Monaco and Honduras. Through the Africa Regional Centre based in Addis Ababa, Ethiopia, UPEACE implements Master and Doctoral Programmes and strengthens the capacity of African Universities, Research Institutes, Think tanks, Regional Economic Communities as well as the African Union and United Nations agencies through teaching, training, research and publication and community outreach. UPEACE has functional capacity building agreements with 27 institutions in Africa. The post This is how you can join University for Peace, Somalia Program appeared first on Caasimada Online.
  3. Qardho (PP News Desk) — As a part of an intensive security reform Puntland State President Said Abdullahi Deni today witnessed the graduation of seven hundred police officers who underwent a thorough training in policing at a training facility in Qardho. The newly trained batch of officers consists of men and women, secondary school leavers and graduates from the nine regions of Puntland, an indication that Puntland State government puts premium on a new approach to policing. President Deni said that his government had honoured the election promise to address security problems. President Deni commended newly trained police officers for their knowledge of the due process when a suspected gets arrested. “When my government took over, the security situation in some districts was so dire to the point that people had to flee districts. Young miscreants would rob people of mobile phones; rapists killed their victims and escaped justice. That deplorable situation no longer obtains in Puntland” said President Deni. President Deni thanked the Puntland security reform committee for bringing the security plan into fruition. President Deni said that the remarkable improvement of the security situation in Galkayo reflected the success of the security reform in Puntland. “The two main duties of a government are to keep law and order and to provide public goods such as social services. The newly trained officers have demonstrated their knowledge of the due process when a suspect is taken into custody. We have diverted resources to efficiently addressing the security problems that plagued Puntland” said President Deni. © Puntland Post, 2021 The post Puntland State Trains 700 Police Officers appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa maanta si rasmi ah isugu sharxay kursiga HOP67 ee golaha shacabka kadib maalmo ay socotay hadal haynta arrintan. Kursigan ayaa waxaa leh jufo ka tirsan beesha Waceysle, waxaana hadda ku fadhiya Cabdullaahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddow Cali Gees. Hase yeeshee, waxaa jira qodob ka mid ah habraaca doorashada golaha shacabka oo Yaasiin Farey u diidaya inuu is-sharxo, haddii aanu buuxin shuruudda laga doonayo. Qoddobkan oo ah midka 8-aad ee Shuruudaha Musharaxiinta ayaa waxa uu dhigaya in Saraakiisha iyo ciidamada dowladda ee raba inay u tartamaan kuraasta Golaha Shacabka ay is-casilaan marka hore. “Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa banaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex (3) todobaad ka hor wakhtiga diwaan gelinta musharaxiinta,” ayuu leeyahay qoddobka 8-aad ee Shuruudaha Musharaxiinta. Yaasiin Farey ayaa illaa hadda aan gudbin wax istiqaalad ah oo la ogyahay, wuxuuna ka degay magaalada Dhuusamareeb isagoo Taliye ah, islamarkaana ay ilaalainayeen ciidanka NISA ee uu xiligan madaxda u yahay. Guddiga doorashada Galmudug oo aan la xiriirnay way diideen inay arrintan ka hadlaan. Haddii uu taliye Yaasiin Farey sidan ku noqdo xildhibaan waxay su’aal badan gelin kartaa hufnaanta doorashada golaha shacabka. Horey waxaa u jirtay in musharaxiin ku bahoobay Kursiga Xildhibaan ee #HOP067 oo war-saxaafadeed soo saareen ay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku eedeeyeen inuu kursigaas u boobayo sarkaal ka tirsan Nabad-Sugida. The post Qodob taliye Yaasiin Farey u diidaya inuu xildhibaan isku sharxo oo la dhinac maray appeared first on Caasimada Online.
  5. Hadalka kasoo yeeray Xeer ilaaliyaha CQS Cabdullahi Buulle Kameey, maaha mid sharciga waafaqsan, sabaha soo socdo dartood; 1. Xeer ilaalintu baaritaanka kiiska ayeey leedahay mooyee go’aankiisu iyada ma lahan, xaqna uma lahan ineey baahiso. 2. Waxeey aheyd in caddeeymaha baaritaanka ay heleen garsoorka ku simaan, garsoorkana su’aalo ka weeydiiyo tuhmanayaasha goob maxkamad oo fagaare ah oo la dhageeysanaayo, sida kiisas badanba la sameeyay. Waxaa ugu danbeeyay kiiskii Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun oo eedeeysanayaashii kiiskaas meel fagaare ah garsoorku su’aalo ku weeydiiyeen iyagana xaq u yeeshay ineey is difaacaan. 3. Maxkamadda ayaa ugu danbeeyn go’aanka ugu danbeeya laheyd, kadib marka ay ku cabir qaadato eedeeymaha loo jeediyay tuhmanayaasha iyo isdifaacooda. Go’aankaas ayaana noqon lahaa mid ama lagu qanco ama lala qoonsado oo la aado rafcaan. Waxyaabaha sharciga hareermarsan ee ay xeer ilaalintu warbaahinta ka sheegtay waxaa kamid ah in tuhmanayaasha ay u ogolaadeen in la baaro kiisnka. Sidee tuhmane xog uu gacanta ku haayo danbi isaga lagu tuhmaayo caddeyntiisa looga heli karaa? Waa waxyaabaha aan maanka galeyn ee hareeyay kiiska. Innaga kiiska Ikraan waxaan geeynay maxkamadda CQS iyaga ayaana ka dhowreynaa ineey gal baariseedkaas go’aan ka gaaraan. Maxkamadda CQS waxaan ka codsanayaa in kiiska ay u qaaddo sidii kuwii ka horeeyay ee ay gashay. Ugu danbeeyn shacabka soomaaliyeed waxaan leeyahay, Ikraan maanta idinka ayeey garab idiinkaga baahantahay, haddii manta aan Ikraan caddaalad u heliddeeda la garab istaaginna maalinba qof beey iridda uga soo galeeysaa. Ikraan Tahliil Faarax, ama hadhawaato ama ha dheeraato waan hubaa ineey caddaalad heleeyso oo aan marnaba looga hareeyn dadka lagu tuhmayo kiiskeeda. Wabillahi toowfiiq Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi The post Xildhibaan Aamina oo soo bandhigtay qodobo shaki gelinaya natiijada kiiska Ikraan appeared first on Caasimada Online.
  6. As part of continued efforts to expand access to the digital economy and drive financial inclusion in Somalia, MyBank, Mastercard and Network International have partnered to launch a new Mastercard debit card that seamlessly enables online shopping in Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar oo wareysi siiyey Telefishinka EZ ayaa eedeymo yaab leh u jeediyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas. Cagjar ayaa ku eedeeyey Gaas uu dhinaca xuduudda Puntland iyo deegaanka Soomaalida kasoo geliyey ciidamo islamarkaana uu duulaan ku yahay amniga deegaanka, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa jira isku dayo ay TPLF rabeen inay ku dhibaateeyaan deegaanada Soomaalida, waan ka hortagnay, waxaa kamid ah shirkii Washington ka dhacay ee lagu abuuray 9 urur, arrintaas waxaa dabada ka riixayey taageerayaashii hore ee Cabdi Iley, kuwa aan u dhallan deegaanka oo kasoo jeedo Puntland sida madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo shir ku qabtay Washington, islamarkaana ku aruuriyey lacago,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafa. Ma cadda sida uu Gaas ku abaabuli karo ciidanka uu sheegay Cagjar, maadaama uusan iminka wax xil ah ka hayn Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale. Madaxweyne Mustaf ayaa sheegay in TPLF ay dhibaato xoog leh uga tageen deegaanada Soomaalida, wuxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas la abuuray marar badan. Wuxuu sidoo kale sheegay in waxyaabihii lagu go’aamiyey shirkaas ay qeyb ka aheyd in la kala jabiyo ciidamada maamulkiisa, islamarkaana ciidamo kale laga soo geliyo dhanka xuduudda, isagoo xusay inay la wadaageen hay’adaha sirdoonka laguna guuleystay in la fashiliyo. Madaxweyne Mustafe ayaa xusay in dowladda Mareykanka ay gadaal ka riixeyso shirqooladaan si ay Itoobiya ugu ekeysiiso meel dagaal oo gabaad u noqota argagixisada. Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in Dowladda Kenya ay qeyb ka tahay qalqal gelinta lagu hayo Itoobiya, wuxuuna sheegay in Nairobi ay ka dhaceyn shirar lagu taageerayo TPLF. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inay soo wajahday cabsi xoog leh oo ku saabsan in dagaal looga soo qaado dhanka Soomaaliya, isagoo si gaar ah u sheegay in kooxda Al-Shabaab laga yaabo inay dagaal kusoo qaado gudaha Itoobiya. The post Mustafa Cagjar oo Cabdiweli Gaas ku eedeeyey shirqool yaab leh oo ka dhan ah… appeared first on Caasimada Online.
  8. Somaliland, the self-declared independent region north of Somalia, on Saturday officially launched a renovated Berbera International Airport, seeking a slice of the growing aviation earnings in the region. Source: Hiiraan Online
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharaxiinta iyo odayaasha kursiga HOP104 ee uu hadda ku fadhiyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyey in fara-gelin qaawan lagu sameeyay kursigooda. Odayaasha warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Musharaxiintii la tartami laheyd Mahad Cawad laga hor istaagay qaadashada warqada CID-da ee dembi baarista iyo diiwaan-gelinta musharaxnimadooda. Mahad Cawad ayaa maanta la siiyey shahaadada murashaxnimo ayada oo murashaxiintii kale loo diiday warqadda CID, si tartanka looga reebo. Odayaasha ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug in uu diiday in hab furan loogu tartamo kursigaas, kaasi oo si gaar ah ugu xiray Mahad Cawad, sida ay sheegen. “Sida aan maqaalo ku hayn madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Kaariye Qoor-Qoor uu si bareer ah u yiri Nin ayaa heshiis kula galay, marka hore madaxweyne kursiga nin iskama laha ee beel dhan ayaa iska leh, waxaana mas’uuliyadeeda qaadaya iskana leh Odaayasha beesha Saleebaan Cabdalle oo ka kooban sideed jufo.” “Waxaa gaarnay heer laga hor istaago Musharaxiintii u taagna kursigaas inay doontaan warqadii dembi la’aanta ee CID-da oo la yiraahdo kasoo qaata amar Guddiga, ayagana ay telefoonada iyo albaabka xirteen, taasi oo macnaheeda yahay ma ogolin in cid kale arji u soo qorato kursigaas.” Sidoo kale waxay sheegen in maamulka Galmudug iyo Guddiga doorashooyinkiisa si bareer ah ugu tunteen qoddobadii kasoo baxay Madasha Wada-tashiga Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. “Arrintaan waxay ceeb ku tahay siyaasada Soomaaliyeed meel uu kasoo galana majirto. Waxaa aad uga xunahay in arrintaan taala Galmudug aysan aheyn doorasho wax u eegna aysan aheyn. Waxaa jira boob iyo dhac loo geysanayo beeshii laheyd kursigaas,” ayuu yiri Musharax kamid ah kuwa laga hor istaagay kursigaas. Ugu dambeyntiina waxay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ka codsadeen in wax laga qabto boobka lagu hayo kursigaas oo sumadiisa tahay HOP104, markale uu isku soo taagay Mahad Cawad. The post “Kursigan nin ayaan heshiis kula galay” – Qoor Qoor oo diiday in loo tartamo HOP104 appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar u soo xiray dufcadii 4-aad oo ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo muddo Lix bilood ah tababar ku qaatay Dugsiga tababarka Ciidamada ee Xorgoble. Madaxweynaha Puntland ayaa u hambalyeeyay Ciidamada maanta tababarka dhameystay, waxaana uu kula dardaarmay in dalkooda iyo dadkooda ay ugu shaqeeyaan casharadii iyo tababarkii ay qaateen, iyagoo kaalin muhiim ah ka qaadanaya sugida amniga iyo la dagaalanka maan dooriyaha. Ciidamada Booliska ah ee maanta tababarka loo soo xiray oo ka badan 700 oo askari oo isugu jira wiilal iyo gabdho qeybtood aqoon Jaamacadeed leeyihiin, waxay ka kala yimaadeen gobolada Puntland waana dufacadii 4-aad oo Ciidamo Boolis ah ee ay dowladda madaxweyne Deni soo saarto. PUNTLAND POST The post Deni oo tababar u xiray 700 oo ka tirsan Booliska Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. Gudoomiyaha Waddani oo safar debedeed u baxaya ayaa Shaaciyey ciduu u igmaday Ku-sime Gudoomiye Qoraalkan ayu soo dhigay Bartiisa Face-book-ga:- Like Comment Share Qaran News
  12. Guddiga doorashooyinka heer Galmudug ayaa maanta musharax xildhibaan Golaha Shacabka u diiwaangeliyay Ku-simaha Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Soomaaliya (NISA) Yaasiin Cabdullaahi Farey. Yaasiin Farey ayaa u tartamaya kursiga sumadiisu tahay HOP#067 oo ah kan ugu hadal haynta baban 5 kursi ee maalmaha soo socda doorashadooda lagu qaban doona Dhuusamareeb, waxaana kursigan horay ugu fadhiyay Caddow Cali Gees. Yaasiin Farey yaa shalay laga beri-yeelay kiiska Ikraan Tahliil oo ay ku eedeysnaayeen isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda NISA. Qodob ka mid ah shuruuhada musharaxiinta Golaha Shacabka wuxuu dhigayaa saraakiisha ciidamada in aysan tartami karin, haddii aysan iscasilin saddex todobaad ka hor. PUNTLAND POST The post Taliyaha NISA oo loo diiwaangeliyay musharax xildhibaan appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya Iyo Mahad Salaad ayaa si weyn u difaacay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Cabdikariin Guuleed ayaa ugu horeyntii sheegay in Rooble uu ku amaanan yahay doorka uu ku leeyahay doorashada iyo dardar-gelinteeda, islamarkaana mas’uuliyada dib u dhaca ay leeyihiin madaxda dowlad goboleedyada iyo gudiyadooda. “Waxaan wada ognahay in masuuliyadda doorashada ay saaran tahay Golaha Watashiga Qaran guud ahaan, gaar ahaanna madaxda dowlad gobaleedyada iyo gudiyadooda oo ayagu la gaar ah masuuliyadda fulinta doorashooyinka,” ayuu yiri. “Haddii dhaliil iyo gaabis uu jirana runtii xagooda ayey jirtaa oo fartu ku godan tahay. Waana xaqiiq dhab ah in dhaliilo waaweyn ay ka jiraan habsami u socodka doorashooyinka. Haddii ay ahaan laheyd jiitanka iyo daaha ama xagga hufnaanta iyo kalsoonida lagu qabi karo sida ay wax u socdaan.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Rooble looga baahan yahay xiligaan inuu sii laba laabo dadaaladiisa uu ku doonayo qabsoomida doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo. Mahad Salaad ayaa asaguna su’aal geliyay sababta xiligan weerarka loogu qaadayo Rooble, islamarkaana indhaha looga qarsanayo maamulada iyo siyaasiyiin uu ku sheegay inay yihiin doorasho diid. “Farmaajo doorashada dalka ka socota dibad joog ayuu ka yahay in muddo ah. Dalabkeedana waxaa lahaa maamulada qaarkood iyo mucaaradka! Rooble si gaar wuxuu ugu xilsaarnaa doorashada Somaliland. Aqalkii Sare si sharaf leh ayuu u qabtay. Golaha Shacabkana maalmaha soo socda ayay bilaabanaysaa,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlad goboleedyadii xulafada la ahaa Villa Somalia ay doorashadii wataan, gaar ahaan Dhuusamareeb iyo Baydhabo, isagoona xusay in Jowhar-na jidka ay ku soo jirto. “Haddaba waxaa in la isweydiiyo mudan sababta Rooble loo xagxaganayo oo indhaha looga qarsanayo maamulada iyo siyaasiinta doorasho diidka ah ee ilaa hada lagu kari la’yahay halla bilaabo doorashadii Golaha Shacabka?!. Markaan oo kale adeerkey Maxamuud Sabriye AUN wuxuu dhihi jiray “HADALKAAGU WAA TUMBURYO KU DHUKAYO” oo uu ula jeedo hadalka aad ii sheegayso maangal caqligu oggolyahay ma’ahan, inlee gacantaada faraheeda oo laaban dhegtaada geli ee ku dhukayo suurtaggal ma’ahane.” Hadalka Mahad Salaad iyo Guuleed ayaa imanaya kadib un markii uu Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha uu si lama filaana weerar dhanka afka ah ugu qaaday ra’iisul wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa marka hore su’aallo badan ka keenay xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan sida uu ku soo dhammaaday kiiska Ikraan Tahiil oo uu ra’iisul wasaaruhu horay u ballan qaaday inay heli doonto cadaalad, dib u dhaca ku yimid doorashooyinka 2021, iyo dhalinyaradii loo qaaday wadanka Eritrea. “Raysalwasaare Rooble waxaa lagu aaminnay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin. Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqanna warkooda iska daa,” ayuu yiri. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in arrimahan oo idil ay ku soo aadayaan, kadib safarkii Rooble uu ku tegay Qatar oo uu ku tilmaamay inuu shaki weyn ka dhashay. The post Mahad Salaad iyo Guuleed oo jawaab lama filaan ah ka bixiyey weerarkii uu CC Shakuur ku qaaday Rooble appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) - The family of Ikraan Tahlil Farah have denounced the findings of a report that exonerated top members of Somali's intelligence apparatus in the disappearance and killing of her daughter, describing the report as unfair and a coverup. Source: Hiiraan Online
  15. Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa maxkamadda sare ka codsaday in ay ansixiso natiijada doorashadii laga qabtay saddexda degmo ee Qardho Eyl iyo Ufayn. Warqad ka soo baxday guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa maxkamadda sare loogu gudbiyay codsi ku saabsan in ay ansixiso natiijadaas. Guddoomiye Guuleed Saalax Barre ayaa warqadda uu maxkamadda u qoray ku sheegay in aysan jirin wax cabasho ah oo ka timid natiijada doorashada saddexda degmo sidaas darteedna ay tahay in la ansixiyo. Halkaan ka akhriso warqadda PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo codsi u gudbiyay maxkamadda sare ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali iyo wasiir ku-xigeenka Maxamuud Cabdi Xasan Pekos ayaa maanta loo dhaariyay xilalka. Wasiirrada ayaa lagu dhaariyay munaasabad ka dhacday xarunta guddoonka iyo guddiyadda Golaha Shacabka ee Villa Hargaysa, waxaana dhaariyey Hab-dhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cabdilaahi Xasan, waxaana munaasabadda dhaarinta ka qayb galay xubno ka tirsan goleyaasha dowladda ee xukuumadda iyo baarlamaanka. Ka dib munaasabadda dhaarinta, wasiirka iyo wasiir ku-xigeen arrinaha dibadda ayaa booqasho iyo salaan ugu tegey guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isaga oo guddoomiyuhu ugu hambalyeeyey wasiiradda mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday. PUNTLAND POST The post Wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka cusub ee arrimaha dibadda oo xilalka loo dhaariyay appeared first on Puntland Post.
  17. Salah Haji Jimale swallows his pride at a car-wash after losing his farm and home to river Shabelle floods/Maryan Abdi Sheikh/Ergo Salah Haji Jimale, once a well-off farmer in Somalia’s breadbasket Middle Shabelle region, is now working in a carwash to stave off hunger for his family living in an IDP camp. River Shabelle floods destroyed Salah’s farm and property in Mansoor village, 15 kilometres west of Mahaday Weyne town, in May. They had no choice but to flee south to Jowhar, where he settled in Tawakal IDP camp with his wife, seven children, and his two elderly parents. “I was a wealthy man with a four-hectare farm. I used to plant sesame, beans, maize, mangos, bananas, and lemons. The floods washed away the farm and destroyed our four-roomed house. We fled with nothing but our lives. We have not even carried our beddings and utensils,” Salah told Radio Ergo. He now works at a car wash in Jowhar, making at most 40,000 Somali shillings ($1.5). The money he earns is not enough to feed his family of 11. His wife washes clothes earning 60,000-100,000 Somali shillings ($2.3-$3.8) when she finds work, hoping to put two meals a day together for the family. His 12-year-old daughter is also working as a housemaid for a family in Jowhar, earning $20 a month, although sometimes she does not get paid on time. Salah is bitter at the blow he and his family have been dealt. He had taken a loan of $450 to buy seeds and inputs for his farm and was hoping to pay off the loan after harvesting. “I never thought I would be working at a car wash in my life! I am doing this job so that my children don’t sleep hungry, otherwise this is not something I would do,” he said. “If I was alone and didn’t have children, I wouldn’t have done this job.” Struggling to adapt to urban life, the first time he washed a client’s car he poured water on the seats, angering the car owner who refused to pay. A fellow worker appeased the client and helped clean up. Salah misses their former life as independent farmers, living in their own house with everything they needed. Although four of his children are attending a secular school supported by NGOs who provide books and uniform, it is not the education that he wants for his children. “Life in the IDP camp is not good at all. In the village we didn’t have a school, but my children went to madarassa. When we came here, I took three of my children to a madarassa near the camp, but I was asked to pay $3.8 monthly fee for each child. I don’t have that money, so they stopped going,” he complained. “Here at the car wash, I don’t make money, some days I go home empty handed. This is not life! My wife goes around the villages asking the locals if they have laundry jobs. It is just like being a beggar, as sometimes people turn her away, shutting the door in her face!” Salah asked well-wishers to help him rebuild his flood-destroyed house and pay off his debts so he can return to the village and resume his livelihood. “I have seen what life in the town looks like. This is not a place suitable for me to live. You need to have money to lead a decent life here. I request aid organisations and Somalis of good will to support me,” he said. Source: Radio Ergo The post Shabelle floods strip successful farmer of family livelihood and dignity appeared first on Puntland Post.
  18. A committee assigned to investigate the murder of Ikram Tahlil, a spy with Somalia’s National Intelligence and Security Agency (Nisa) who disappeared on June 26 this year, has concluded that her bosses had no role in her death. General Abdullahi Bulle Kamey, a member of the investigative committee who is also the chief prosecutor of the Armed Forces Court, said the team’s investigation found no evidence linking Nisa to her disappearance and murder. He said that the committee, appointed by Prime Minister Mohamed Hussein Roble in September recorded statements from Nisa acting boss, Colonel Yasin Abdullahi Mohamud alias Yasin Farey, the Former Director Fahad Yasin and the Former Nisa Chief of Staff Abdullahi Adan Kullane, all of whom were accused by her family of involvement in her death. The perception of Nisa’s involvement in her demise was widely supported by many Somalis who denounced the agency and demanded justice. But Kamey, in a statement issued yesterday, said: “We (the investigators) visited Nisa headquarters in Mogadishu and had access to CCTV footage at the agency. During the investigation, we had not encountered even the smallest evidence that suggested that Nisa was in any way involved,” adding that the team had received reasonably good cooperation from the spy agency. When it first emerged that she was missing in early September, Nisa boss Yasin issued a statement saying that Ms Tahlil had “fallen in the hands of Al-Shabaab.” He added that she was killed by the jihadist group. However, Al-Shabaab promptly – and unusually – came out to deny murdering her. Her family also rejected the narrative that the terror group was involved. Political crisis The case led to a political crisis in Somalia’s top leadership, widening the rift between the President Mohamed Abdullahi Farmaajo and PM Roble. Roble had sacked Nisa boss Yasin and appointed General Bashir Mohamed Gobbe to replace him. However, Farmaajo nullified the decision just hours later. A tit-for-tat between the PM and the President since has gone on to affect Somalia’s electoral process, causing delays. In late October, President Farmaajo and PM Roble agreed to normalise their relations after months of tension and public disagreements. They agreed, among others, that the case of the missing spy is to be left to the judiciary. Source: The East African The post Somalia spy murder: Probe team says Nisa bosses not to blame appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii loo xil saaray baarista kiiskii Ikraan Tahliil Faarax ayaa xalay soo saaray natiijo horu-dhac ah oo kasoo baxday baaritaankii ay ku sameeyeen kiiskii loo xil saaray. Guddiga ayaa sheegay in baaritaankooda ay ku waayeen wax caddeymo ah oo muujinaya in sarkaalad Ikraan Tahliil ay ku maqan tahay gacanta hay’adda NISA. Warqad cusub oo kasoo baxday NISA 3-dii November, oo ay maanta heshay Caasimada Online ayaa xog badan ka bixineysa sida baaritaanka kiiska ugu soo dhammaaday muddo laba toddobaad oo kaliya ah. Warqadda ayaa soo baxday maalin kadib markii Barnaamijka Galka Baarista ee VOA uu sheegay in guddiga ay caqabad kala kulmeen NISA. Hase yeeshee, warqaddan oo kasoo baxday taliyaha NISA ee ku-meel gaarka ah Yaasiin Farey ayaa 3-doo November lagu bixiyey amar ah in guddiga barista si buuxda loola shaqeeyo. Marka laga billaabo waqtiga ay hey’adda NISA ogolaatay in la billaabo baarista kiiskan iyo xalay oo lagu dhowaaqay natiijada ayaa waxa u dhaxeeya 18 maalmood. Warqadda ay Hay’adda NISA ku ogolaatay baarista kiiska ayaa kusoo aaday hal todobaad kadib booqashadii uu Ra’iusul Wasaare Rooble ku tagay xarunta Hay’adda NISA 26-kii October, markaasi oo uu madaxda Hay’adda faray inay la shaqeeyaan guddiga loo saaray baarista Kiiska Ikraan. Kooxda baarista ayaa heshay warbixin ka kooban 38 bog oo ay soo saartay NISA, iyadoo lagu faahfaahiyay shaqada Ikraan iyo sida ay ugu gacan gashay kooxda Al-Shabaab. Warbixinta ayaa lagu caddeeyey in kooxda Al-Shabaab ay Ikraan dishay 14-ka Bishii July, inkastoo qoyska Ikraan ay weli rumeynsan yihiin in gabadhooda ay nooshahay. Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay la waayay 26-kii bishii June sanadkan. Muddo kadib ayaa qoraal ay soo saartay hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka qaranka waxaa lagu sheegay in ay Al-Shabaab afduubteen ka dibna ay dileen. Balse Al-Shabaab ayaa dhankooda beeniyay warkaasi iyaga oo sheegay in aysan ku lug lahayn kiiska Ikraan. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda NISA The post Warqad kasoo baxday NISA oo muhiim u ah baaritaanka kiiska Ikraan oo aan helnay appeared first on Caasimada Online.
  20. Guddiga doorashooyinka galmudug ayaa maanta bixiyay qaar ka mid ah shahaadooyinka musharaxnimada xildhibaanada golaha shacabka. Kuraasta musharixiintooda maanta shahaadada la siiyay ayaa waxa ka mid ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#043, HOP#054, HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026. Musharixiinta shahaada qaatay ayaa waxaa ka soo dhax muuqday Taliyaha kumeel-gaarka ah ee Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Yaasin Fareey oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#67, oo muran badan muddooyinkii la soo dhaafay uu ka taagna. Durba waxaa soo baxaya dhaleeceyn iyo eedeyn loo jeedinayo guddiga doorashiinka, kuwaas oo lagu eedeyay in ay sifo aan waafaqsaneyn heshiiskii dorashada iyo shuruudaha musharixiinta kuraasta aqalka sare oo horay guddiga FEIT u soo saareen 17 Augusto ee sanaadkaan taas lagu cadeeyay shuruudaha laga rabo musharixiinta isku soo taageysa kuraasta golaha shacabka. Doodda ayaa ka dhalatay shahaada la siiya Yaasiin Fareey oo ah taliyaha NISA, taas oo sida ku cad shuruudaha musharixiinta guddiga horay ay u soo saareen ka hor imaaneysa. Guddiga doorashada ayaa horay u shaaciyay in shuruudaha laga rabo musharixiinta ay ka mid yihiin, In saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa banaan ee qaranka haddiui ay tartamayaan looga baahan yahay in xilkooda ay iska casilaan muddo seddax todobaad ka hor ah inta aan la diiwaan gelin. Yaasin Fareey ayeey xusid mudan tahay sidoo kale in uu ka mid ahaa xubno NISA ka tirsan oo lagu tuhunsanaa dilka Sarkaalad Ikraan Tahliil balse xeer ilaalinta ciidamada ay beri yeeshay shalay, xilli ay waalidiinta Ikraan ay sheegeen in ay natiijada soo baxday ay tahay mid aysan ku qancin, Hoos ka akhriso shuruudaha musharixiinta golaha shacabka Source: goobjoog.com
  21. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa si rasmi ah isugu sharxay kursiga HOP67 ee golaha shacabka kadib maalmo ay socotay hadal haynta arrintan. Kursigan ayaa waxaa leh jufo ka tirsan beesha Waceysle, waxaana hadda ku fadhiya Cabdullaahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddow Cali Gees. Guddiga Doorashada Galmudug ayaa maanta sheegay inuu gudoonsiiyey shahaadada murashaxnimo xubno soo buuxiyey shuruudaha musharnimada oo uu ka mid yahay Yaasiin Farey, oo u taagan kursiga HOP67, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga. Tallaabadan ayaa imaneysa maalin kadib markii musharaxiin ku bahoobay Kursiga Xildhibaan ee #HOP067 oo war-saxaafadeed soo saareen ay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku eedeeyeen inuu kursigaas u boobayo sarkaal ka tirsan Nabad-Sugida. Sidoo kale musharixiinta ku midoobay kursigaas ayaa sheegay in ergo aan aheyn kuwa kasoo jeedo beeshooda loo xulay inay dootaan kursigaas, taasi oo ay ku sheegeyn inay tahay mid baalmarsan hannaanka doorashada ee lagu heshiiyay 17 September 2020 iyo Heshiiskii 27 May 2021. Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa kadib markii xalay guddiga baarayey kiiska Ikraan Tahliil Faarax ay soo saareen natiijo horudhac ah oo ay ku sheegeen inaysan jirin wax caddeymo ah oo muujinaya in Ikraan ay ku maqan tahay gacanta NISA. Yaasiin Farey ayaa ka mid ah xubnaha ay guddiga baareen, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Jeneraal Cabdullaahi Kameey. Kadib go’aanka guddiga ayaa waxaa aad u xoogeystay hadal hayn ku aadan in sababta natiijada loogu dhowaaqay inay tahay in Yaasiin Farey la bari yeelo kahor inta aanu si rasmi ah isugu sharxin xildhibaannimo. The post DEG DEG: Yaasiin Farey oo si rasmi ah isugu sharxay kursi xildhibaannimo appeared first on Caasimada Online.
  22. MOGADISHU (HOL) - Acting National Intelligence and Security Agency (NISA) director-general Yasin Farey was today awarded the certificate of participation to allow him to run as an MP for Galmudug in the upcoming Lower House elections barely a month after he joined the intelligence agency. Source: Hiiraan Online
  23. Booliiska Kenya oo Baadhaya Dhimashada Weriye u dhalatay UK oo meydkeeda laga helay Nairobi Kate Mitchell waxaa la helay jimcihii iyadoo meyd xilli ay ku sugneyd caasimadda Kenya ee Nairobi Booliska Kenya ayaa billaabay baaritaan ku aadan dhacdada weriye ka tirsaneyd BBC-da oo ku geeriyootay magaalada Nairobi. Kate Mitchell, oo u dhalatay Ingiriiska lana shaqeyneysay BBC Media Action isla markaana ka howlgaleysay dhowr dal oo Afrikaan ah ayaa geeriyootay Jimcihii xilli ay ku sugneyd huteelkii ay ka dagganeyd magaaladaas. BBC Media Action waa hay’ad caalami ah oo qaabilsan baarnaamijyada samafalka iyadoo mashaariicdeeda ay diiradda ku saarto si warbaahinta iyo isgaarsiinta loogu adeegsado waxkaqabashada sinaan la’aanta ka jirta adduunka. Iyadoo aanan la ogeyn sababta ka dambeysay dhimashada gabadhan, booliska Kenya waxay warbaahinta gudaha u sheegeen inay baarayaan dhimashada iyo sababaha la is dhihi karo wey ka dambeeyeen. “Dambiilaha looga shakisan yahay falkan ayaa iska soo tuuray dabaqa siddeedaa ee huteelka kadib markii uu ogaaday in ilaaladii huteelka ay ku dabo jirtay” waxaa sidaas weriyeyaasha u sheegay, taliyaha booliska Nairobi, Augustine Nthumbi. Kate Mitchell waxay dhawaan ka howlgashay xafiiska BBC Media Action ay ku leedahay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. “Dhammaanteen waxaan ka argagaxnay oo inaga nixiyay warka naxdinta leh ee ku saabsan dhimashada weriyaha” ayay tiri madaxa guud ee BBC Media Action kadib bayaan ay kasoo saartay dhacdadan. “Kate waxay aheyd shaqaale inaga tirsaneyd oo aad loo jeclaa, waxay mar aheyd maamule sare oo qaabilsaneyd dhanka mashaariicda hay’adda, muddo 14 sana ah ayay inala shaqeyneysay, si weyn ayaa looga yaqaanay gudaha hay’adda gaar ahaan kooxdeena ka howlgasha Itoobiya, South Sudan, Zambia iyo London” Madaxa BBC Media Action waxay hadalkeeda raacisay “Waxaan tacsi u direynaa qoyska ay ka baxday gabadha iyo saaxibadeed ku sugan guud ahaan caalamka” Qaran News