-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa goordhow soo baxay go’aanka maxkmadda cadliga adduunka iyada oo kiiska ay Soomaaliya ku guuleystay laakin dhulkii ay rabtay ma wada helin, oo Kenya ayaa qeyb heshay. ICJ marka kiis ahaan la fiiriyo waxay u hiilisay Soomaaliya oo sheegashada equidistant ayaa la qaatay, Kenya waa laga adkaaday, laakin sidoo kale maxkamadda waxay dhulkii Soomaaliya ay sheegayay qeyb ka mid ah u jartay Kenaya. Go’aanka ICJ waxaa ay raacay qaabka xariiqda ay Soomaaliya dooneysay, oo waa uu diiday xagashii qaloocneyd ee Kenya, laakin waxaa ay maxkamadda in Kenya ay siisay dhul ratio ay Soomaaliya heli laheyd 1:1.43 waxay xukuntay in Kenaya ka hesho 1:1.3 Dhulka Kenya loo jaray waxaa horay baaris uga sameeyey shirkado shidaal oo caalamiga ah, arrintaas oo Nairobi u ah guul. GOONJOOG NEWS Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee ku doodaysay in uu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka. Doodda ayaa labada dal ayaa aheyd, ayada oo Soomaaliya uu mowqifkeedu ahaa in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda, halka Kenya ay dooneysay in xariiqda lagu saleeyo loolka. Maxkamadda ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal. Sida ka muuqata xariiqda cusub, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday waxaana loo xukumay Soomaaliya. Hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka. Dhul badeedkii la isku hayey ayaa dhan 100,000 oo isku wareeg KM ah. Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aanka Maxkamadda. Kenya ayaa sidoo kale marar badan ku guul-darreystay isku day ay ku dooneysay in wada-hadal lagu dhameeyo kiiska. Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Maxkamadda ICJ oo Soomaaliya u xukmisay dacwaddii badda appeared first on Puntland Post.
-
Hague (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inta badan kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyey Kenya, ayada oo loo xukumay dhul-badeedkii la isku hayey badankiisa, sida aygo’aamisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ). Maxkamadda ayaa marka hore diiday doodda Kenya ay aheyd inuu jiro heshiis ama is-faham labada dal ay isku raacsan yihiin oo ah inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka, waxayna ayidday doodda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin heshiis noocaan oo kale ah. Maxkamadda ayaa kadib aqbashay codsiga Soomaaliya ee ahaa inay go’aan ka gaarto xuduud badeedka labada dal, waxayna Maxkamadda ICJ ayiday doodda Soomaaliya ee aheyd in xadaynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda. Sida ka muuqata sawirka hoose, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka, waxaana 12 mile kadib xariiqda in yar loo qaloociyey dhanka Soomaaliya. Saddexda sawir ee hoose, midka koowaad wuxuu muujinayaa labada xuduud ee ay kala sheegteen Soomaaliya iyo Kenya. Midka labaad wuxuu muujinaya xariiqda ay Maxkamadda go’aamisay. Midka saddexaadna wuxuu muujinayaa dhul badeedka yar ee laga reebay dhanka Soomaaliya, kaasi oo ka billaabmaya kaliya marka la dhaafo 12 mile oo dhanka badda ah kadib. Kenya ayaa dooneysay in xuduuddu ay ku salaysnaato loolka oo ah in xariiqda loo qaloociyo dhanka Soomaaliya, kaasi oo Soomaaliya ay ku weyn laheyd dhul aad u baaxad weyn oo dhan 100,000 oo isku wareeg KM ah. Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay inaysan aqoonsan doonin go’aanka Maxkamadda ayada oo sheegtay inay diiday sharciyadda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u haysato inay qaado kiiskan, waxayna sheegtay inay ka baxday maxkamadda. “Ka sokow inay ka baxeyso ka qeyb-galkeeda kiiskan, Kenya waxay sidoo kale kula biireysa dalal kale oo xubno ka ah QM kala noqoshada aqoonsiga sharciyadda qasabka ah ee Maxkamadda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Sabtidii. Kenya ayaa ka cabatay in Maxkamadda ay dhinac u janjeerto, islamarkaana aysan ku habooneyn inay xaliso kiiskan. Kenya ayaa bishii March ee sanadkan qaadacday dhageysi oraaheedkii ugu dambeeyey ee kiiska kadib markii Maxkamadda ICJ ay diiday inay mar kale dib u dhigto dhageysiga dacwadda, sida ay codsatay Nairobi. Go’aanka Maxkamadda ayaa ah mid kama dambeys ah oo aan laga laaban karin. Sidoo kale, ma jirto Maxkamad middan ka sareysa oo ay dalalku racfaan u qaadan karaan. Maxkamadda ma lahan awood ay ku fuliso go’aanka ay gaartay. Si kastaba, Soomaaliya ayaan marnaba welwel ka qabin in awood wax looga qaato, waxaana walaaca ugu weyn ee umadda Soomaaliyeed uu ahaa in sharci caalami ah aan ku weyno dhul badeedkeena. Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay Kenya isku dayday inay wada-xaajood ku qaadato qeyb ka mid ah baddeena. The post Soomaaliya oo ku guuleysatay inta badan kiiskii dacwadda badda appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay hay’addaha caalamigga ah ee ka howl-gala Gobolka Bari. Kulanka ayaa waxa looga hadlay xoojin isku xirka maamulka Gobolka Iyo Hay’addaha, is xog-wareeysi mashaariicda ka socda Gobolka iyo kuwa soo socda, saameeyntii ka dhalatay ayaxa ee deegaanada Gobolka, ka hortagga xaalufka dhirta Iyo joojinta dhuxusha,. Shirkan ayaa waxa xirriiri naysay hay’adda UNOCHA. Shirka ayaa waxa ka soo qeyb galay wasiir ku-xigeenka wasaarada arrimaha Gudaha, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Bari, Guddoomiyaha Degmada Bosaaso, hay’addaha ka howl-gala gobolka, NGO yadda, Iyo qeybo ka mid ah isuduwayaasha Gobolka. Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa war-bixino xaaladda taagan iyo mashaariicda socda ka dhageeystay hay’addaha waxa uuna uga mahadceliyey ka soo qeyb galka shirkan isagoonna ku dhiiragaliyey in ay xoojiyaan mashaariicda lagu hormarinayo Gobolka kanna qeyb qaataan xaaladaha taagan. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Bari oo kulan gaar ah la yeeshay hay’adaha Caalamiga ah appeared first on Puntland Post.
-
15-judge bench will determine Somalia’s case on coastline against her neighbour Kenya. Source: Hiiraan Online
-
Wax ka baro 15-ka Garsoore ee maanta go’aanka ka gaadhaya Kiiska Dacwadda Badda ee ka dhexeeya Somalia & kenya Madaxweynaha maxkamadda ICJ, Garsoore Joan Donoghue Maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee Netherlands ayaa lagu wadaa in maanta go’aanay ka gaarto dacwadda xuduud badeedka ee u dhaxaysay dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Xukunka ayaa la filayaa inuu noqdo mid taariikhi ah, waxaana dhici karto inuu cawaaqib ku yeesho xiriirka labada dal iyo soohdimaha badda ee dalalka saaran badweynta Hnidiya. Garsoorayasha maanta xukunka ka soo saaraya kiiska ayaa la filayaa in go’aanka ay kaga dhawaaqaan Qasriga Nabadda (Peace Palace) ee ku yaalla magaalada Hague, saacadda bariga Afrika marka ay tahay 4-ta galabnimo. Waxaan halkan idiin kugu soo gudbineynaa taariikhda 15-ka garsoore ee maanta go’aanka ka gaaraya muranka badda Soomaaliya iyo Kenya: Ronny Abraham – wuxuu ka soo jeedaa dalka Faransiiska, kaas oo ka tirsanaa maxkamadda caddaaladda adduunka tan iyo 2005, wuxuu u dhashay 1951, waana aqoonyahan bartay cilmiga shuruucda caalamiga. Cabdulqawi Axmed Yuusuf – waa xubin ka tirsan garsoorayaasha maxkamadda ICJ. Cabdulqawi ayaa xilka madaxwaynaha maxkamadda ICJ ka degay bishii February ee sannadkan 2021. Cabdulqawi ayaa horey waxaa uu la taliye dhanka sharciga ah uga soo noqday qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey. Dalalka uu wax ku soo bartay waxaa ka mid ah Soomaaliya, halkaasi oo sidoo kale uu bare ka noqday Jaamacaddii Umadda. Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf Garsoore Joan Donoghue – Waxay ku dhalatay magaalada New York, waxay aheyd taliye ku xigeenka arrimaha sharciga wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waa profasoor ka tirsan jaamacadda George Washington gaar ahaan kuliyadda sharciga. Giorgio Gaja – wuxuu u dhashay dalka Talyaaniga, wuxuu maxkamadda ku biiray 6-dii February sanadkii 2012. Garsoore Daiveer Bhandari – Wuxuu kasoo jeedaa Hindiya, wuxuuna maxakamadda ku biiray 2012-kii. Wuxuu muddo ka badan 20 sana garsoore ka ahaa Hindiya. Xue Hanqin – waxay ka soo jeedaa Shiinaha, waa haweeneyda kaliya ah ee kasoo jeedo qaaradda Aashiya ee ka tirsan maxkamadda, waxay ku biirtay sannadkii 2010, waxayna arrimaha sharciga ka dhigtaa jaamacadda Wuhan. Garsoore Peter Tonka – wuxuu ka soo jeeda dalka Solvakia, waana xubin joogta oo ka tirsan maxkamadda, gaar ahaan qeybta xallinta khilaafaadka. Patrick Lipton – wuxuu u dhashay dalka Jamaica. Hal sana ayuu maxkamadda joogaa, wuxuu horey uga soo shaqeeyay Qaramada Midoobey. Garsoore Christopher Greenwood – wuxuu ka soo jeedaa UK, wuxuna maxkamadda ku biiray 2009-kii. Garsoorayaasha maxkamadda ICJ Kirill Gevorgian, Ruushka ayuu u dhashay. Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayuu horey uga soo shaqeeyay, wuxuuna maxkamadda ICJ ku biiray sannadkii la soo dhaafay. Julia Sebutinde – waa garsoore ka tirsan maxkamadda ICJ tan iyo 2012, waana haweeneyda kaliya ah ee ka soo jeedda qaaradda Afrika ee ka tirsan maxkamadda. Waxay shahaadada PhD ka qaadatay Jaamacad ku taalla UK, waxayna ku takhasustay arrimaha sharciga. Garsoore Antonio Augusto Trindade – Wuxuu ku dhashay Brazil sannadkii 1947, wuxuuna shahaadada PhD ka heystaa shuruucda caalamiga, wuxuu ka tirsanaa maxkamadda ICJ, tan iyo sannadkii 2009. Hisashi Owada – wuxuu ku dhashay dalka Japan sannadkii 1932, waa parofasoor cilmiga shuruucda caalamiga ah ka dhiga jaamacadda New York. James Crawford – wuxuu u dhashay Australia. Sannadkii la soo dhaafay ayuu maxkamadda ku biiray, wuxuuna bare iyo garsoore ka ahaa dalkiisa. Maxamed Bennouna – wuxuu ka soo jeeda dalka Morocco, wuxuuna maxkamadda kusoo biiray 2006. Waa bare dhiga culuumta xeerarka caalamiga. Qaran News
-
Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta qaabilay Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Koonfur Galbeed kuwaasi oo Puntland u yimi xaaladda dadkii laga soo barakaciyay magaalada Laascaanood. Wafdiga Wasiirada ah ee ka socda Koonfur Galbeed, ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka la wadaagay dhambaal Mahadcelin ah oo ay Puntland uga wadeen dadka reer Koonfur Galbeed Dowlad iyo Shacaba, kuwaasi oo si weyn uga mahadceliyay sida Puntland usoo dhoweysay dadkii laga soo barakiciyay Laascaanood. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo qaabilay wasiiro ka socda Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
-
Kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo maanta lagu soo gabagabeynayo Hague ayaa waxaa ku lug lahaa 7-badii sano ee lasoo dhaafay dad kala duwan. Hadaba halkan ka akhriso: Dadkii sida tooska ah ugu lugta lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo dacwada maxkamadda ICJ geeyey, kiiskana dhaqaajiyey iyo madaxweyne Farmaajo oo muddadiisa sii waday. Labada waxaa saarnaa mas’uuliyad siyaasi ah, waana kasoo baxeen! Wakiillada Soomaaliya ee Kiiska ku Saxiixnaa markii hore waa: Muna Al-sharmaani, oo aheyd lataliyaha madaxweyne Xasan Sheekh, Axmed Cali Daahir oo ahaa xeer ilaaliyihii hore ee qaranka iyo Cali Saciid Fiqi oo ahaa safiirkii Soomaaliya ee midowga Yurub, Farmaajo ayaa gadaal uga daray Axmed Ciise Cawad wasiirkiisa arrimaha dibadda iyo ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed. Waxaa kale oo isna kaalin muhiim ah ku lahaa Allaha u naxariistee Eng. Max’ed Cumar Saalixi, oo la taliye u ahaa Xasan Sheekh iyo Farmaajo, ku tashasusay cilmiga badaha, ahaana ninka keliya ee Soomaali ah ee hayey file-ka 11-kii sano ee lasoo dhaafay. Qareennada Kiiska u Matalayey Soomaaliya ee kala ahaa: 1. Paul Riichler: Waa abuukaate caalami ah, oo fadhigiisu yahay Washington, D.C, kana soo baxay Harvard Law School, J.D., cum laude 1973 iyo Jaamacadda Tufts, B.A. 1969, waxaa uu ku hadlaa Spanish iyo English. 2. Prof. Philippe Sands:Waa 58 jir fadhigiisu yahay London, waxaa uu wax ka bartay Harvard Law Schooliyo Corpus Christi College, sidoo kale waxaa uu wax ka dhigaa University College London iyo jaamacado kale oo Mareykanka, Canada, Faransiiska iyo Australia ah. 3. Prof. Alain Pellet:Waa 72 jir, waa Abuukaate Faransiis ah, waxaa wax ka dhigaa Université de Paris Ouest – Nanterre La Défense, waxaa uu in badan lataliye u ahaa dowladda Faransiiska, waxaa uu wax ku bartay isla Paris. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye. Source: goobjoog.com
-
WAR SAXAAFADEED: Shirkadaha DP World iyo CDC Group waxay ka wada shaqaynayaan xoojinta ganacsiga Somaliland, Geeska Afrika, iyo guud ahaanba Afrika la leeyihiin caalamka Shirkadaha DP World iyo CDC Group waxay ka wada shaqaynayaan xoojinta ganacsiga Somaliland, Geeska Afrika, iyo guud ahaanba Afrika la leeyihiin caalamka Maalgelinta dekadda Berbera iyo marinka Berbera (corridor) waxay qayb ka tahay wadashaqayn ilaa mustaqbalka taxnaan doonta oo lagu furdaamin doono dheelliga xooggan ee ka jira ganacsiga caalamiga ah, oo lagu dardargelin doono awoodda ganacsi ee Afrika, laguna horumarin doono xaaladda dhaqaale ee malaayiin dad ah. Mashruuca horumarinta dekadda Berberi waa maalgelintii u horraysay ee toos ah ee Somaliland hesho. Waxa la qiyaasayaa in ballaadhinta iminka socotaa ay abuurto dhaqdhaqaaq ganacsiyeed oo u dhigma 6% tacabka idil (GDP) ee Somaliland ee 2035; marka la gaadho 2023, waxa la qiyaasayaa in ganacsiga ay dekaddu sahli doontaa wax u tari doono 53.000 oo shaqo oo Somaliland ah, oo uu wax ka badan rubuc dadweynaha ah u kordhin doono fursadda ay ku helayaan badeecadaha asaasiga ah. Wadashaqaynta DP World iyo CDC waxay sidoo kale sahli doontaa isusocodka loojistikada guud ee marinka Berbera, sida Aagga Dhaqaale ee Gaarka ah (Special Economic Zone) ee laga dhisay duleedka Berbera. SOMALILAND – 12 October 2021 –DP World, oo ah shirkad waarididda caalamiga ah ku shuqlan, iyo CDC Group oo qaabbilsan horumarinta maaliyadeed iyo maalgelinta horumarineed ee Boqortooyada Ingiriisku waxay isla bilaabayaan wadashaqayn mustaqbalka fog sii socon doonta oo lagu labajibbaarayo awoodda Dekadda Berbera, laguna horumarinayo tas-hiilaadka isusocodka loojistikada, si loo abuuro barkulan ganacsiyeed oo heer gobol ah. Arrintani waxay korukac weyn ku keeni doontaa dhaqaalaha Somaliland, waxaanay wax u tari doontaa koboca guud ahaan Geeska Afrika. Maalgelintani waxay qayb ka tahay wadashaqayn ballaadhan oo mustaqbalka durugsan ku taxan oo loogu talagalay in lagu dardargeliyo awoodda ganacsiyeed ee Afrika, laguna horumariyo xaaladda dhaqaale ee malaayiin dad ah, iyadoo laga bilaabayo dekadaha Berbera, Dakar (Sinigaal), iyo Sukhna (Masar). Afrika waxaa ku nool lix meelood meel dadweynaha adduunka, laakiin mugga raridda koontiinarrada adduunka waxay ku leedahay 4% oo keliya. Dekaduhu waxay muhiimad weyn u leeyihiin badhaadhaha iyo bedqabka dadweynaha ee mustaqbalka durugsan. Laakiin dekado iyo tas-hiilaad isusocod oo badan oo Afrika ah ayaa garba duuban oo aan lahayn awood ay ku kaafiyaan baahiyaha baayacmushtarka iyo dhaqaalaha gudaha. Wadashaqayntan oo la soo dhisayay afar sano, gacan weyn bay ka geysan doontaa in arrintaa wax laga beddelo. Waxay furdaamin doontaa dheelliga xooggan ee ka jira ganacsiga caalamiga ah, iyadoo wax ka tari doonta casriyaynta iyo ballaadhinta isusocodka loojistikada dekadaha, iyo gudaha badda ka fog ee Afrika. Wadashaqayntani waa muddo ilaa mustaqbalka fog taxan oo maalgelin ah. DP World waxay marka hore saamigeeda kaga qaybqaadanaysaa saddexdaa dekadood ee hore u sii jiray, waxayna ku han weyn tahay in ay $1 bilyan oo dheeraad ah arrintan ku sii maalgeliso dhawrka sano ee soo socda. CDC waxay marka hore u qoondaysay qiyaastii $320 milyan, waxayna ku han weyn tahay in ay ku maalgashato $400 milyan dhawrka sano ee soo socda. Macaamilkani wuxuu hoos tegi doonaa nidaamyo ansixineed oo korjoogteeya oo kama-danbays ah. Dekadda Berberi lafdhabar bay u tahay dhaqaalaha Somaliland: sannadka 2023 waxa la qiyaasayaa in ay sahasho dhaqdhaqaaq gaancsiyeed oo u dhigma 27% tacabka idil (GDP) ee Somaliland, iyo 75% ganacsiga guud, iyadoo si dadban Somaliland uga abuuri doonta 53.000 oo shaqo. Maalgelinta weyn ee dekadda iyo isusocodka loojistikada ee ku hareeraysani waxay kordhin doonaan heerka ay wax ka badan rubuc dadweynaha ahi ku heli karaan oo weliba iskaga bixin karaan badeecadaha, iyadoo ay faa’idada ugu xoogganna dareemi doonaan dadka ku tiirsan maciishadda asaasiga ah ee la soo dejiyo. Malaayiin dad ah oo ku nool guud ahaan mandiqadda ayaa heli doona faa’idooyin taa la mid ah. Dekadda Berberi sidoo kale waxay kaalin lexaad leh ka qaadataa in gargaarka bini’aadamtinnimo u gudbo mandiqadda, kaas oo gaadha in ku dhow 2 milyan oo qaxooti iyo dadyawga gudaha dalalka ku dhex barakacay isugu jira. Dekaddu waxay sidoo kale noqonaysaa irrid ay baayacmushtarka iyo shirkadleyda Somaliland ka galaan suuqyada caalamiga ah, sidaas oo kalana waxay wax ka tari doontaa koboca sharikaadka dhoofinta ee madaxa la soo kacaya balse isusocodka loojistikada ee maanta kala dhimani uu caqabadda ku yahay. Dhinacyo kala duwan baa la qiyaasayaa in ay ballaadhintan ka faa’idi doonaan, sida ganacsatada dhoofisa xoolaha nool, waxsoosaarka beeraha iyo dalagyada aan kaydka gelin, iyo marmarka iyo qalabka dhismaha. Dekaddu waxay noqonaysaa maalgelintii u horraysay ee toos ah iyo heshiiskii u horreeyay ee caalami ah ee aan macdan la xidhiidhin ee Somaliland abid soo mara. Wadashaqayntan waxa sidoo kale lagu maalgashanayaa mashruucyo isusocodka loojistikada ah oo arrintan la xidhiidha, oo dhankoodana kobcin doona awoodda dhaqaale, sida Aagga Dhaqaale ee Gaarka ah ee laga dhisay duleedka Berbera. Suldaan Axmed bin Sulaymaan, oo ah Guddoomiyaha Guud iyo Madaxa Fulinta ee DP World, ayaa yidhi: “DP World waxay Afrika u aragtaa suuq koboc leh oo mustaqbalka durugsan loo aayayo, fursaduhuna aad bay u sarreeyaan. Wadashaqayntan aannu CDC la yeelanaynaa waxay si weyn noogu saamaxaysaa in aannu dardargelinno oo ka faa’idaysanno fursadahaas, waxayna awood noo siin doontaa in aannu kordhinno maalgelinta aannu ku samayno dekadaha iyo tas-hiilaadka isusocodka ee Afrika. Wadashaqayntani waxay tobanka sano ee soo socda fursado wax-ku-ool ah u abuuri doontaa malaayiin dad ah.” Nick O’Donohoe, oo ah Madaxa Fulinta ee CDC Group, ayaa yidhi: “Dhaqaalaha xasilloon ee kobcaa wuxuu yimaaddaa marka xidhiidh lala leeyahay ganacsiyada caalamiga ah ee qaaradaha u kala goosha. Awoodda Afrika ee dihin waxa xaddida dekado aan ku filnayn iyo mashaakil ganacsiyeed oo lugaha haya, kuwaas oo dib u dhiga koboca dhaqaale ee qaar ka mid ah dalalkii adduunka ee korriinkoodu ugu dhakhsaha badnaa, oo dhantaala kartida adkaysiga bulsheed ee dalalka adduunka ee horumarkoodu gaabinayo. Wadashaqayntani waxay shirkadleyda iyo baayacmushtarka ka caawin doontaa in ay dardargeliyaan kobocooda iyagoo fursad u helaya isticmaalidda marriinno ganacsiyeed oo la isku hallayn karo, waxayna macaamiisha reer Afrika ka caawin doontaa in ay ka faa’idaystaan isku-hallayntaa taabagalka ah iyo qiimaha jaban ee badeecadaha muhiimka ah iyo maciishadda asaasiga ah. “Waa noo sharaf in aannu DP World ka taageerno in ay hawlo badan ka fuliso Afrika, oo jidka loo jeexo ganacsiga reer Afrika ee dacalada caalamka.” Richard Charlton, Agaasimaha Maalgashiga ee CDC Group, ayaa yidhi: “Cusboonaysiinta ku socota tas-hiilaadka ganacsiyeed ee marinka Berbera waxa laga filanayaa in ay si weyn u kordhiso fursadaha dhaqaale ee baayacmushtarka Somaliland, iyo sidoo kale in ay horumariso tayada nololeed ee reer Somaliland iyadoo kordhinaysa heerka adeegyadaa la helayo, oo hoos u dhigto qiimaha badeecadaha muhiimka ah ee la soo dejiyo. Waxaannu rejaynaynaa in maalgashiga CDC uu muujin doono in aaggan la maalgashan karo, oo uu fududayn doono in mustaqbalka ay ganacsiyada gaarka loo leeyahay helaan maalgashi dibadeed oo toos ah. Arrintani waxay kor u qaadi doontaa koboca dhaqaale ee Somaliland iyo guud ahaan marinka Berbera, iyadoo fursado dhaqaale u abuuri doonta dadweynaha.” -Dhammaad- ERAY KU SOCDA TIFAFTIRAYAASHA: Sawir tayadiisu sarrayso ayaa halkan: https://we.tl/t-oReBHHV5kp lagala degi karaa. Please credit all images to DP World. Xidhiidhka warbaahinta: DP World Andre Martin | +971 56 488 7137 | andre.martin@dpworld.com Edelman | +1 (312) 375-8324| alex.scharf@edelman.com CDC Group Clare Murray | +44 (0) 7887 993 356 | press@cdcgroup.com Hudson Sandler| +254 791 398 792 | cdc@hudsonsandler.com Ku saabsan shirkadda CDC Group CDC Group waa shirkadda Boqortooyada Ingiriiska u qaabbilsan maalgelinta horumarineed oo leh khibrad ka badan 70 sano oo ay soo taageeraysay koboca muddo dheer waara oo ay ku tallaabsadaan ganacsiyada Koonfurta Aasiya iyo Afrika. CDC waxaa lagu majeertaa samaynta wadashaqayno dhanka kaabayaasha ah oo Afrika ka hirgalay; shirkadda Globeleq, oo ah mid ka mid ah shirkadaha tamarta dhaliya ee madaxa bannaan ee ugu waaweyn Afrika; adeegga Vodacom/Safaricom oo loo yeelay Wadashaqayntii Caalamiga ahayd ee Itoobbiya (The Global Partnership in Ethiopia); AKFED IPS oo ahaa mashruuc tamar-dhalin ah oo Afrika laga hirgelinayay. Shirkaddu waxay hormuud ka tahay la-dagaallanka doorsoonka cimilada, waxaanay ugu yaboohday wax ka badan $1 bilyan oo cimilada lagu maalgashado afarta sano ee soo socda. CDC waxay sidoo kale xubin asaaskiisa wax ku lahaa ka tahay hindisaha 2X Challenge oo $10 bilyan u ururiyay horumarinta iyo xoojinta horumarka dhaqaale ee dumarka. Shirkaddu waxay maalgashi ku samaysay wax ka badan 1000 ganacsi oo ka jira dalalka dhaqaale ahaan madaxa la soo kacaya, iyo hanti dhan $9.3 bilyan. Sannadkii 2020, CDC waxay lacag ka badan $1.5 bilyan ugu yaboohday ganacsiyo ka jira Afrika iyo Aasiya, waxayna higsanaysaa in ay maalgashiga gaadhsiiso $1.75 bilyan sannadka 2021 – iyadoo diiradda saaraysa koboc loo wada dhan yahay, shaqa-abuur, iyo taageeridda ka-soo-kabashada mushaakilkii dhaqaale ee xanuunka COVID-19. CDC waxaa taageera xukuumadda Boqortooyada Ingiriiska, waxayna hormood ka tahay barnaamijka Qarammada Midoobay ee Yoolasha Horumar Waara. Dhammaan dakhliga ka yimaadda maalgashiga CDC waxa dib maalgashi loogu bixiyaa si loo horumariyo nolosha malaayiin dad ah oo ku kala dhaqan Afrika iyo Koonfurta Aasiya. CDC khibraddeeda darteed ayay ugu soo hiran karaan dhammaan maalgashadayaasha gaarka ah ee ay ka go’an tahay in ay raasamaal xooggan geliyaan in dalalka aadka ugu baahan maalgashiga loo horumariyo dhan bulsheed iyo dhan degaanba. UNCTAD’s Review of Maritime Transport 2020: highlights and figures on Africa – https://unctad.org/press-material/unctads-review-maritime-transport-2020-highlights-and-figures-africa Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay kasoo horjeeddo in hawlgalka AMISOM loo bedelo mid nabad ilaalin oo ay wadajir uga hawlgalaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. War-saxaafeed ay daabacday Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, balse kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay si xooggan u diiddan tahay qorshaha uu ku talinayo hawlgalka wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Maalintii shalay ayaa Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika uu sheegay inuu taageersan yahay qorshaha ku saabsan hawlgalka wadajirka ah. Qorshahaas waxaa markiisii hore soo jeediyey guddi qiimayn ah oo Midowga Afrika usoo diray Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay horey u diidday qorshahaas bishii July ee sannadkan. Qorshan ayaa hadii uu dhaqan galayo waxaa laga doonayaa inay ansixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayna aqbasho dawladda Soomaaliya. Taariikhda la qorsheeyey in howlgalkaas uu billowdo ayaa ah Janaayo 2022. Midowga Afrika ayaa sheegay inuu doonayo in howlgalka lagu fuliyo qodobka VII (7) ee Axdiga QM. Qorshahan ayaa u baahan inuu ansixiyo Golaha Ammaanka QM. Ururka ayaa sidoo kale doonaya in la ballaariyo tirada dalalka ku tabaruca ciidamada Amisom, oo hadda ah shan dal oo kala ah; Ethiopia, Uganda, Burundi, Kenya iyo Djibouti, kuwaas oo ay Soomaaliya ka joogaan19,000. Dawladda Soomaaliya ayaa doonaysa in hawlgalka AMISOM looga gudbo ciidamada AMISOM si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga dalka loogu wareejiyo ciidamada Soomaalida. VOA The post DF oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan qorshaha howlgalka AMISOM loogu beddelayo mid QM ah appeared first on Caasimada Online.
-
Soomaaliya oo diiday qorshaha AMISOM loogu beddelayo howlgal QM iyo Midowga Afrika ah Somalia Coat of Arms Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay kasoo horjeeddo in hawlgalka AMISOM loo bedelo mid nabad ilaalin oo ay wadajir uga hawlgalaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. War-saxaafeed ay daabacday Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, balse kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay si xooggan u diiddan tahay qorshaha uu ku talinayo hawlgalka wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Maalintii shalay ayaa Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika uu sheegay inuu taageersan yahay qorshaha ku saabsan hawlgalka wadajirka ah. Qorshahaas waxaa markiisii hore soo jeediyey guddi qiimayn ah oo Midowga Afrika usoo diray Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay horey u diidday qorshahaas bishii July ee sannadkan. Qorshan ayaa hadii uu dhaqan galayo waxaa laga doonayaa inay ansixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayna aqbasho dawladda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya ayaa doonaysa in hawlgalka AMISOM looga gudbo ciidamada AMISOM si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga dalka loogu wareejiyo ciidamada Soomaalida. Qaran News
-
Wax ka ogow kiisaska muranada Badda ee ay horay u xukuntay Maxkamadda ICJ? Soomaaliya ayaa si buuxda isugu diyaarisay ku dhawaaqista go’aanka, halka Kenya ay sheegtay in aysan qayb ka ahayn Maanta oo Talaado ah ayay garsoorka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ku dhawaaqayaan go’aanka kama dambeysta ah ee kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Wakiillada matalaya Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku sugan magaalada Hague ee xarunta u ah maxkamadda, waxayna isu diyaariyeen si buuxda. Ilo ku dhow dhow wafdiga Soomaalida ayaa muujinaya in ay rajo badan ka qabaan go’aanka maanta ee taariikhiga ah. Dowladda Kenya ayaa qaaddacday hannaanka dacwadda, ilaa haddana ma jierto cid ku mataleysa maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ). Go’aannadii ay horay maxkamadda ICJ uga soo saartay kiisas badan Mxkamaddan oo hoos tagta Qaramada Midoobay waxay awood weyn u leedahay inay qaaddo, go’aannana kasoo saarto kiisaska la xiriira muranka u dhaxeeya dalalka. ICJ doorkeedu waa in haddii dacwad loo gudbiyo ay xal ka gaarto waxyaabaha ay isku mari waayaan dalalka iyadoo la tiigsaneysa sharciga caalamiga ah. Waxay maxkamaddu dhisneyd tan iyo sanadkii 1945-kii, waxaana mararka qaar lagu magacaabaa “Maxkamadda Adduunka”. Waxaa la shaqeeya hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay oo ay isla dhiraandhiriyaan kiisaska ay gacanta ku heyso mar walba. Kiiskii ugu horreeyay ee gacanta maxkamadda ICJ soo gala waxa uu ku saabsanaa muran u dhaxeeyay UK iyo Albania, kaasoo dacwaddiisa loo gudbiyay 22-kii bishii May ee sanadkii 1947-kii. Intii u dhaxeysay 22-kii May, 1947-kii ilaa 5-tii March 2021, waxay maxkamaddu qabatay 179 kiis oo soo galay liiskeeda guud. Kiis la mid ah midka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsan xadka badda waxa ay maxkamaddu kula tacaashay waddamada Costa Rica iyo Nicaragua oo is heystay. Kiiskaas ayaa sidoo kale in muddo ah jiitamaya. Waddanka Nicaragua oo ku yaalla Qaaradda Koonfurta America ayaa waddamo dhowr ah oo daris la ah kula murmay xadka badda, waxaana dacwadahaas oo dhan la wareegtay maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda. Kiisaska kale ee ku saabsan muranka xadka badda, oo qaarkood uu wehliyo khilaaf dhinaca xadka dhulka ah, waxaa ka mid ah: Nicaragua v. Colombia Nicaragua v. Honduras Peru v. Chile Romania v. Ukraine Cameroon v. Nigeria [Equatorial Gueinea oo soo farogelisay] Qadar v. Baxreyn Denmark v. Norway El Salvador iyo Honduras oo isku dhinac ah iyo Nicaragua oo faragalisay Xukun ay horay go’aan uga soo saartay maxkamadda ICJ Bishii January ee sanadkan, Guddi qaabilsan sharciga badaha oo ay sameysay Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay in Britain aysan xaq u lahayn jasiiradaha Chagos oo ay lahaanshahooda ku muransanaayeen waddanka Mauritius. Guddiga ayaa ku dhaliilay UK sida ay ugu guul darreysatay inay jasiiradahaas ku wareejiyo Mauritius oo si sax ah u leh. Go’aanka guddiga Qaramada Midoobay ayaa ayidayay xukun kasoo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) oo isla sidaasoo kale u sheegtay in jasiiradahaas ay ka tirsan yihiin Mauritius, Britain-na aysan xuquuq ku lahayn. Xukunka maxkamadda waxa uu daba socday dacwad ku saabsan murankaas oo loo gudbiyay. Isla go’aankaas waxaa lagu sii xoojiyay codeyn laga qaaday Golaha Loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Jaziiradahaas ku yaalla badweynta Hindiya waxaa meel ka mid ah ka dhisan saldhig ay leeyihiin militariga Mareykanka. Hase yeeshee UK ayaa shegetay in ay dib u celin doonto oo kaliya marka ay ka dhammeysato danaheeda la xiriira dhinaca difaaca. Kiiska Soomaaliya iyo Kenya oo daba dheeraaday Muddo toddobo sano ah ayaa laga dhur sugayay go’aanka ku saabsan kiiska dacwadda badda ee u dhaxeeya Soomalaiya Soomaaliya iyo Kenya, marar badan ayaana dib loo dhigay dhageysiga. Dowladda Kenya ayaa dhawaan qaaddacday ka qayb galka dacwadda kaddib markii ay garsooreyaasha ku gacan seyreen dalab ay ku doonayeen in dib loo dhigo. Wakiillada Kenya ayaa sheegay in aysan diyaar ahayn, maadaama uu saameyn ku yeeshay fayraska safmarka ah ee Corona. Balse maxkamadda ayaa ku adkeysatay in ay go’aanka xukunka soo saarto iyadoo aan dhag jalaq u siineynin tabashada Kenya. Bartamihii bishii February ee sanadkan 2021 ayay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya. Qoraal ay xilligaas soo saartay maxkamadda ayaa lagu sheegay in bisha March la billaabayo dhageysiga kaddibna loo gudbayo xukunka. Markii la gaaray bishii March ee ay maxkamaddu qabatay, Qareennada matalaya Soomaaliya ayaa gudbiyay doodahooda ku aadan muranka badda. ‘In labada dal ay si gaar ah u heshiiyaan’ Labada waddan mid walba wuxuu sheeganayaa inuu leeyahay biyahan oo ku fadhiya dhul lagu qiyaasay 1,000km oo isku wareeg ah Bishii December 2017 ayey Kenya xareysay jawaabteedii ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn in ay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal. Hase ahaatee Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in kiiska aan loo fariisanin miis aan ahayn kan maxkamadda ICJ, tan iyo xilligaasna waxaa labada waddan ka dhex aloosnaa xiisad diblomaasiyadeed oo marba waji yeelaneysay. Qaran News
-
Wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga, Somaliland ee gobolka SARAAR, ayaa maanta soo qabtay saddex xabo oo Harimacad ah oo si sharcidaro ah la doonayay in dalka looga saaro. Isu-duwaha wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland, ee gobolka SARAAR, mudane Mubaarig Ismaaciil Cismaan, ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigeen 3 xabo oo Harimacad ah, balse ay Meesha ka baxsadeen ragi watay. Isu-duwaha wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland, ee gobolka Saraar Mubaarig Ismaaciil Cismaan, ayaa bulshada ugu baaqay inay ka waantoobaan dhoofinta iyo ka ganacsiga Ugaadha. “Waxa aanu ogaanay qorshe lagu doonayay in lagu kala iibsado saddex xabbo oo Harimacad yar yar, soo qabashadooduna waxa ay nagu qaadatay 2:00 duhurnimo ilaa 8:00 habeenimo, ILLAAHEYna waa uu nagu guuleeyay in aanu gacanta ku soo dhigno. Nimankii doonayay inay iibsadaana waa ay naga baxsadeen inkasta oo ay isku dayeen in ay na rasaaseeyaan, haddana ciidankii nala socday awgii ayay ku dhici waayeen. Saddexdii xabo hadda gacantayada ayay ku jiraan, goobta loogu talo galay xannaaneyntooda iyo noloshooda ayaanu gaynayna. Bulshaweynta gobolka SARAAR waxa aanu ugu baaqayna inay ka waantoobaan, dabargoynta iyo ka ganacsiga duurjoogta qaybaheeda kala duwan.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida qaban qaabada shirweynaha 2-aad ee Xisbiga WADDANI ayaa shaaciyay muddo 14 maalmood ah dib loo dhigay shirweynaha Xisbiga. Shirweynaha oo qabsoomi lahaa 30-31 October 2021 ayaa dib loo dhigay waxaanu qabsoomi doona 15-16 November 2021. Guddoomiyaha Guddida Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa sheegay in sababaha dib loogu dhigay shirka ay ka mid yihiin wada hadallo socda iyo tabaabushaha shirka oo aan wali dhammaystirmin. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Nin Afganistaaniya oo Muddo ka kor Khatar ka badbaadiyay M/weyne Joe Biden oo loo abaal Guday+yaa u abaalguday,Maxaase loogu abaalguday? Mr Khalili (qofka saddexaad ee dhanka midig) iyo qoyskiisa Sanadkii 2008-dii, baraf dabeylo xoog badan wata ayaa sababay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay saarnaayeen Mr Biden iyo xildhibaanno kale oo Mareykan ah inay si khasab ah ugu degto meel buuraleey ah, halkaasoo ay halis ugu jireen in lagu weeraro. Aman Khalili ayaa markaas ka mid ahaa shaqaalaha reer Afghanistan ee u shaqaynayay dowladda Mareykanka, ayaa durbadiiba kooxda xildhibaannada ah ee uu Biden ku jiray u kaxeeyay meel amni ah oo ay ku badgalaan. Tan iyo bishii August ee sanadkan, waxa uu codsanayay in laga caawiyo caqabado ka heystay dhinaca dal ku galka si uu uga soo tago Afghanistan. Hadda waxa uu ku biiray kumannaan reer Afghanistan ah oo kasoo qaxay dalkaas iyagoo diiddan inay ku hoos noolaadaan maamulka kooxda Taliban ee la wareegtay xukunka. Maalintii Isniinta, ayuu wakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u sheegay BBC-da in Mr Khalili iyo qoyskiisa “ay si nabad ah uga soo duuleen Afghanistan kaddibna ay safar kale uga soo ambabaxeen Pakistan”. “Sidaas waxa ay ugu suurtagashay caawinaad heer sare ah oo ay si gaar ah uga heleen dowladda Mareykanka, waana u mahad celineynaa dadka kale ee soo caawiyay inta uu waddada kusoo jiray.” Khalili waxaa arrintan u sahlay nasiibkii uu saddex iyo toban sano ka hor u yeeshay inuu la kulmo ninka mustaqbalka noqon doona madaxweynaha Mareykanka – oo ay sidoo kale wehlinayeen senatarrada kala ah Chuck Hagel iyo John Kerry. Waxaa la siiyay dal ku galka Mareykanka ee khaaska ah oo ah nooca loo yaqaanno (SIV) waxa uuna deg deg uga soo dhoofay dalka Afghanistan. Markii ay ciidamada Mareykanka si lama filaan ah uga soo baxeen Afghanistan, islamarkiina ay xaaladda faraha ka baxday, Mr Khalili waxa uu codsi u dirsaday Mr Biden si uu markiisa u badbaadiyo isaga, xaaskiisa iyo shan carruur ah oo uu dhalay. “Waan ku kalsoonahay. Waan aaminsanahay inuu sameyn karo wax walba,” ayuu yiri isagoo la hadlayay telefishinka CNN ee laga leeyahay Mareykanka. Madaxa warbaahinta ee Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa mar bishii September wax laga weydiiyay xaaladda uu ku sugan yahay Mr Khalili tiri: “Waxaan uga mahad celinayaa sida uu u badbaadiyay qaar ka mid ah dadka aan jeclahay xilli ay dhibaato kala kulmeen baraf iyo dabeylo, waxaa kale oo aan uga mahad celinayaa guud ahaan shaqada uu soo qabtay. Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden Mareykanka ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay soo badbaadinta dadka ay saaxiibbada ku ahaayeen Afghanistan. Hay’adda “Human First Coalition”, oo gacan ka geysaneysa caawinta in ka badan 200 oo reer Afghanistan ah oo ku sugan Pakistan, ayaa BBC-da u sheegtay in ay “aad ugu mahad celinayaan” saraakiisha Mareykanka iyo kuwa Pakistan ee ka caawinaya “dadaalkooda ku aaddan in ay soo badbaadiyaan turjumaankii madaxweyne Biden iyo qoyskiisaba”. Dal ku galka khaaska ah ee SUV waxaa loogu talogalay dadka u dhashay dalalka Afghanistan iyo Ciraaq ee lasoo shaqeeyay militariga Mareykanka, xilliyadii ay ku kala sugnaayeen labadaas waddan ee ay kasoo dagaallameen. Wali si toos ah uma cadda in Mr Khalili uu gacanta ku dhigay fiisadaas iyo inuu u safrayo Mareykanka toona. Balse Maraykanka ayaa xaqiijiyay in ay dib u dejin siinayaan ninkani iyo qoyskiisa. Tan iyo sanadkii 2008-dii, qiyaastii 70,000 oo reer Afghanistan ah ayaa dib u dejin loogu sameeyay waddanka Mareykanka, iyagoo la siiyay fiisada khaaska ah ee SIV. Nin turjumaan ah oo u dhashay dalka Afghanistan, oo hadda ka hor badbaadiyay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden xilli uu isagoo senator ah ku go’doomay baadiyaha Afghanistan, ayay hadda u suurtagashay in isaga iyo qoyskiisa laga soo badbaadiyo gobolkaas. Qaran News
-
(SLT-Hague)-Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ, ayaa gelinka dambe ee maanta waxa ay ku dhawaaqeysaa xukunka muranka xuduudda badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ayaa qoraal ay barta Twitter-ka soo dhigtay waxay ku sheegtay in muddada loo qabtay dhegeysiga dacwadda ee maanta ah aysan waxba iska beddelin: Saacadu marka ay tahay 4:00pm (4-ta Galabnimo) xiliga geeska Afrika ayay Maxkamaddu si toos ah ugu dhawaaqi doontaa natiijada. Magaalada Hague ee ay ku taalla xarunta Maxkamada ICJ ayaa waxaa ku sugan mas’uuliyiin Soomaaliya halka ay dowlada Kenya ayna cidna u soo dirsan dhagaysiga natiijada dacwada. Dowlada Kenya ayaa hore ugu dhawaaqday in ayna aqbali doonin natiijada ka soo baxda dacwada u dhexeysa dowlada Soomaaliya iyo Kenya. Dowlada Kenya ayaa geysay ciidamo badan xaafadaha ay Soomaalidu ku badan tahay magaalada Nairobi iyadoo culeys ku saareysa dadka Soomaalida ah inay dhigaan banaanbaxyo ay kaga dabaaldegayaan natiijada xukunka. Source
-
Mogadishu (HOL) - Somalia says that it is confident that it will prevail in its maritime dispute against Kenya at the International Court of Justice. Source: Hiiraan Online
-
(SLT- Algeria)-Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa Axaddii “ixtiraam buuxa” ka dalbaday Faransiiska kadib murankii dhex-maray labada dal ee ku saabsan dal-ku-galka iyo haddallo aan wanaagsaneyn oo Paris ay ka sheegtay dalka ku yaalla Waqooyiga Afrika. Toddobaadkii tegay, Algeria ayaa u yeeratay safiirkeeda Paris, waxayna hawadeeda ka mamnuucday diyaaradaha millatari ee Faransiiska, oo ay si joogto ah ugu adeegsadaan howlgallada lagula dagaalamayo jihaadiyiinta gobolka Sahel. Tallaabooyinkaas ayaa daba socday muran ka dhashay dal-ku-galka Faransiiska oo laga xadiday muwaadiniinta Algeria iyo warbixino warbaahineed oo sheegay in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay hadallo ka dhan ah Algeria. Macron ayaa lagu warramay inuu ku yiri dadkii farcmaya dagaal-yahanadii dagaalkii madax-banaanida Algeria ee 1954-1962 “Algeria waxaa lagu xukumay nidaam-siyaasadeed militari, oo gebi ahaan dib u qoray taariikhdeeda.” Xafiiska madaxweynaha Algeria ayaa ku jawaabay in hadalladaas ay faro-gelin ku yihiin arrimaha gudaha Algeria. Madaxweyne Tebboune ayaa Axaddii markii ugu horreysay si shaacsan uga hadlay muranka Faransiiska, wuxuuna ixtiraam buuxa ka dalbaday dalkii horey u gumeysan jiray. Dib usoo laabashada safiirka Algeria ee Faraniiska “waxaa ku xidhan shuruud ah in dalka Algeria uu helo ixtiraam buuxa”, ayuu Tebboune u sheegay warbaahinta gudaha. “Waan hilmaamnay in Algeria ay mar aheyd maxmiyad Faransiis ah…taariikhda ma ahan in laga been sheego,” ayuu yidhi. “Iskama dhigi karno inaysan waxba dhicin,” ayuu Tabboune ka yidhi taariikda Algeria iyo gumeystihii hore ee Faransiiska. Hadallada Macron oo uu baahiyey wargeyska maalinlaha ee France ee Le Monde ayaa waxaa si aad ah u qaatay warbahainta Algeria oo ku qeexay “naceyb”. Macron ayaa lagu warramay inuu cambaareeyey wax uu ugu yeeray “taariikhda rasmiga ah” ee Algeria ay qoratay, isaga oo sheegay “inysan ku dhisneyn xaqiiqda.” AFP Source
-
(SLT- Queenstown )-Faah faahimo kala duwan ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ganacsade Soomaali ah loogu geystay gudaha waddanka Koonfur Afrika, falkaas oo ay ka dambeeyeen kooxo budhcad Afrikaan ah oo weerar ku qaaday ganasadaha. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Liibaan Faarax Kheyre, waxaana lagu dilay agagaarka goobtiisa ganacsi oo ku taallay magaladda Queenstown gobolka Eastern Cape Ee dalka Koonfur Afrika. Wararka ayaa sheegaya in sida caadada aheyd ay goobta ka baxsatay kooxdii ka dambeysay dilka marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Koonfur Afrika ayaa meesha tegay, kadib dilka iyo boob loo geystay ganacsadahaasi Soomaaliga ah, waxayna sameeyeen baadhitaano kooban. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax miino oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo uu la socday taliyaha nabad sugida Dayniile Cabdishakuur Raage (Cabdi Yare) iyo askar uu watay. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in weerarkan qaraxa ah ay ku dhinteen taliyaha iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, kadib markii ay miinadu haleeshay gaarigooda. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilligaasi taliyaha nabad sugida Dayniile Cabdi Yare iyo ciidanka la socday ay howl-gal amni xaqiijin ah ka wadeen duleedka degmadaasi. Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxaana ay shaacisay inay ku khaarijiisay taliyihii nabad sugidda Dayniile oo bartilmeed u ahaa iyo sidoo kale 11 askari oo ka mid aaah ciidamada ilaaladiisa, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi ay waxyeelada kasoo gaartay ciidamada ammaanka. Weerarkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmo ka hor guddoomiyaha maamulka Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar oo wacad ku maray inuu la dagaalami doono, kana hortagi doono kooxaha falalka ammaan darri ka geystay deegaanada hoos yimaada degmadaasi Dayniile. Qaraxan ayaa ka qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. The post Taliyihii Nabad Sugidda Dayniile iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa oo qarax lagu dilay appeared first on Caasimada Online.