-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saartay amar si toos ah ugu socda dadka degan dhulka war-laliska Radio Muqdisho, kuwaasi oo muddo deganaa dhulkaas. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in dadka degan dhulkaas oo ku yaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ay si dhaqso ah uga guuran. “Maamulka gobolka Banaadir iyo degmada Dayniile iyo taliska qaybta guud ee Booliska ayey wasaaradda ka codsatay in doorkooda ay ka qaataan sidii loo baneyn lahaa dhulka war-laliska Radiomuqdisho ee degmada Dayniile oo baahi degdeg ah u qabto wasaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka laguma xusin waqti cayiman oo la siiyey dadkaas si ay uga guuraan dhulkaas, marka laga imaado in si dhaqso ah u faarujiyaan. Lama oga sababta rasmiga ah ee xiligan keentay in dhulkaas ay dalbato Wasaaradda, kaasi oo ku yaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. The post DF oo amar kasoo saartay dhul dowladeed oo Muqdisho ku yaal oo la degan yahay appeared first on Caasimada Online.
-
Ninkii ugu halista badnaa Adduunka Dr Abdul Qadeer Khan xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla Islamabad 2009 11-kii bishii December sanadkii 2003, koox ka socotay sirdoonka Mareykanka, CIA-da iyo kuwa Britain MI6 ayaa doonayay inay raacaan diyaarad aanan wax astaan ah laheyn oo ku wajahneyd Libya xilliggaas oo saraakiishan loo dhiibay darsan nus ahaa oo ay ku jiraan bashqado. Kooxda waxay qarka u saarnaayeen inay soo afjaraan howlgal qarsoodi ahaa oo ku saabsanaa wadahadallo lala yeelanayay saraakiisha Libya, markii ay fureen bashqadaha xilliggii ay diyaaradda raaceen waxay ogaadeen in la siiyay caddeymihii kama dambeysta ahaa ay u baahnaayeen: waxaana gudaha bashqadaha lagu arkay naqshadda hubka nukliyeerka. Naqshaddaas- waxaa ka muuqday waxyaabo qeexayo barnaamijka nukliyeerka- oo uu soo dhiibayay ninka maanta geeriyooday Dr Abdul Qadeer Khan. Khan wuxuu kamid ahaa dadkii ay ku daba jireen laamaha amniga adduunka nus qarnigii ugu dambeeyay, sheekadiisa waxay u udub dhexaad u aheyd teknooloojiyadda ugu halista badan adduunka oo ay ku loolamayaan dalalka heysta iyo kuwa aanan heysan. Agaasimihii hore ee CIA-da Mareykanka George Tenet ayaa Khan ku tilmaamay in ‘uu yahay nin halis ah oo ugu yaraan lamid ah Osama Bin Laden’ Sirdoonada reer galbeedka waxay Abdul Qadeer Khan ku timaameen in uu ahaa ninkii ugu halista badnaa adduunka balse dalkiisa hooyo ee Pakistan waxaa looga yaqaanaa halyeey, waxyaabaha ku gadamaan arrintani kama turjumeyso oo kaliya ah dhibaatada ninkan balse waa mid qeexeysa sida dunida ay u aragto hubka nukliyeerka. Abdul Qadeer Khan uma uusan imaanin Yurub in uu noqdo sirdoon dhanka nukliyeerka balse wuu kamid noqon lahaa, wuxuu ka shaqeynayay dalka Netherlands sanadihii 1970s xilli dalkiisa Pakistan uu bilaabay tallaabooyin uu ku cusbooneysiinayo hubka xilli looga adkaaday dagaalkii 1971 iyaga oo cabsi ka qabay horumarada Hindiya ay gaareysay hubka nukliyeerka. Khan wuxuu la shaqeynayay shirkad laga leeyahay Yurub oo ku howlaneyd horumarinta Uranium-ka, Uranium-ka waxaa loo adeegsadaa quwadda nukliyeerka ama sameynta hubka. Khan wuxuu fikrad ka qaatay qaabka iyo naqshadda lagu horumariyay maaddada Uranium-ka, wuxuu dib ugu soo laabtay dalkiisa, wuxuu sameeyay shabakad qarsoodi ah oo ay ku jiraan ganacsato reer Yurub ah kuwaas u keeni kara qalabka iyo maaddooyinka uu baahan yahay ee muhiimka ah. Waxaa inta badan loogu yeeri jiray. “Aabihii nukliyeerka” Pakistan, wuxuu kamid ahaa dadkii u udub dhexaadka u ahaa nukliyeerka Pakistan, waxaa lagu tilmaamay ‘halyeey qaran’ oo Pakistan ka badbaadiyay halistii uga imaaneysay dhinaca Hindiya. Wuxuu ku guuleystay in shabakaddii qarsoodiga aheyd inay ku howlanaato dhoofinta iyo soo dhoofinta agabyadii, waxay heshiis la gashay waddamo dhowr ah kuwaas oo intooda badan ay reer galbeedka ku tilmaameen ‘dalal aanan damiir laheyn’ Xarunta nukliyeerka Iran ee Natanz, halkaas oo sanadihii lasoo dhaafay uu caalamka isha ku hayay, ayaa waxaa la raacay markii la sameynayay naqshadda iyadoo la adeegsaday agab uu u keenay Abdul Qadeer Khan. xitaa waxaa jirtay mar koox mataleysay Khan ay la kulmeen saraakiil Iraaniyiin ah oo usoo bandhigay inay ka iibsadaan agab iyo naqshad ku saabsan sameynta nukliyeerka. Khan wuxuu dhowr safarro ku tegay Kuuriyada Waqooyi halkaas la rumeysan yahay in uu ku biiriyay talo ku saabsan teknooloojiyadda nukliyeerka gaar ahaan gantaallada. Markii uu galayay heshiisyadan, arrimaha aanan warka laga heynin waxaa kamid ah in kaligii uu ahaa ama uu fulinayay amaradda dowladda gaar ahaan marka la fiiriyo heshiiska uu la galay Kuuriyada Waqooyi, dhammaan astaamaha waxay sheegayaan in dowladda aysan ka war heynin basle ay si dhaw ugu lug laheyd. Mararka qaar waxaa la sheegay in Khan uu ahaa qof dhaqaale doon ah, nin sahlan ma aheyn, wuxuu si dhaw ula shaqeynayay hoggaanka dalkiisa, wuxuu doonayay in uu meesha ka saaro arrinta ku aadan waddamadii reer galbeedka inay xirteen howlaha hubka nukliyeerka. Wuxuu is weydiyay su’aasha ah, maxaa dalalka qaar loogu ogolaanayaa hubkan si amnigeedu ay u xoojiyaan halka dalalka kalena loogu diiday? wuxuu u arkay munaafiqadda reer galbeedka, wuxuu dhihi jiray, “aniga qof waalan ma ihi, aniga ima jeclo ,waxay i jeedinayaan eedeymo aan sal iyo raad toona laheyn sababta oo ah waxaan carqalad ku noqday qorshahooda” Ciidamo siday meydka seynisyahanka xilliggii la aasayay Sirdoonada Britain iyo Mareykanka ayaa bilaabay inay dabagalaan Khan, waxay dusha kala socon jireen safarradiisa, waxay la socon jireen wicitaanadiisa, waxay dabbin u dhigeen shabakaddiisa qarsoodiga aheyd xitaa waxay malaayiin doolar u ballan qaadeen kooxdiisa si ay u helaan xubno u noqdo wakiilo isla markaana sirta usoo gudbiya. “Waxaan ku suganahay gurigiisa gaar ahaan qolkiisa” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha CIA-da, kadib weerarkii 11-kii September 2001 lagu qaaday Mareykanka waxaa jirtay cabsi ah in kooxaha argagixisada ah in uu gacanta u galo hub khasaare badan dhalin kara, marka dowladda Pakistan waxay ka dhaadhiciyeen in tallaabo ay ka qaadaan Khan. Bishii March sanadkii 2003, Mareykanka iyo UK waxay Ciraaq ugu duuleen arrinta ku saabsan inay leedahay hub halis ah oo khasaare badan dhalin kara kaas oo markii dambe la ogaaday in aanay heysan. Khan waxaa la geliyay xabsi guri xitaa waxaa lagu khasbay in uu jeediyo khudbad uu ku qiranayo waxa uu sameeyay, Pakistan waxaa looga aqoonsan yahay halyeeyay qaran maadama uu ka caawiyay inay hesho hubka balse waxaa laga hor istaagay in uu safro ama wax xiriir ah uu la yeesho caalamka. Qaran News
-
Tehran (Caasimada Online) – Dagaal afka ah iyo dhoolatus milateri oo ay ku lug leeyihiin Azerbaijan, Turkey, Pakistan iyo Iran ayaa dhaliyey cabsi laga qabo inay sii kororto xiisadda ka taagan koonfurta Caucasus Xiisadda u dhaxaysa labada dal ee Muslimka ah ee Iran iyo Azerbaijan oo wadaaga xuduud 700-kilometer (430-mayl) ah, ayaa cirka isku sii shareeraysay toddobaadyadii lasoo dhaafay. Tehran ayaa dhoolatus ciidan oo ballaaran ka samaysay xadka ay la wadaagto dalka ay dariska yihiin bilowgii bishanOctober, toddobaadyo uun kadib markii Azerbaijan iyo xulafadeeda Turkiga iyo Pakistan ay dhoolatus milatari oo wada jir ah ku qabteen Baku. Dhoolatuska ayaa dhacay iyada oo ay Iran sheeganeyso in milatariga Israel la geeyay dhulka xuduuda ay la leedahay Azerbaijan. Dagaalkii sannadkii hore ka dhacay Nagorno-Karabakh, Azerbaijan ayaa goobta dagaalka ku soo daad-gureysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee “Kamikaze” ee Israel, halka Turkigu uu sidoo kale kaalmo hub iyo farsamo siiyay Azerbaijan, taas oo gacan ka geysatay guushii milateri ee dalku ka gaaray Armenia. Inkasta oo xiisadaha hadda ka dhexeeya Azerbaijan iyo Iran ay illaa hadda ku koobnaayeen dagaal afka ah iyo dhoolatus milateri oo ka socda xuduudahooda, haddana waxaa jira cabsi laga qabo in tani ay isu beddesho isku dhac dhan walba ah. Waqooyiga Iran, oo ah xuduudda koonfureed ee Azerbaijan, waxay martigelisaa dad badan oo Azeri ah, oo loo arko inay yihiin qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Iran, taasoo la micno ah in kororku dadkaas uu yeelan karo cawaaqib xun. Xiisadda labada dal ayaa waxay ka dhalatay arrimaha soo socda: 1 – Nagorno-Karabakh Dhibaatada inteeda badan ee u dhaxaysa Iran iyo Azerbaijan waxay salka ku haysaa dagaalkii Nagorno-Karabakh ee sanadkii hore dhex maray Azerbaijan iyo Armenia. Nagorno-Karabakh waa dhul buuraley ah oo lagu muransan yahay oo ay haysteen ciidamada Armenia ku dhawaad soddon sano kahor dagaalkii 2020. Sanadihii sagaashameeyadii, gobolku wuxuu sheegtay inuu ka go’ay Azerbaijan, laakiin weli ma uusan aqoonsi ka helin dal ka mid ah adduunka. Dadka gooni u goosadka ah ee Armenia oo ay taageerto xukuumadda Yerevan ayaa muddo dheer doonayay inay ka go’aan Azerbaijan oo ay ka mid noqdaan Armenia, inkasta oo ay ku guulaysan waayeen. Ka dib dagaalkii 44 maalmood socday ee sanadkii hore, kaas oo soo afjaray xabbad-joojin uu Ruushku dhex-dhexaadinayey, Azerbaijan waxay sheegtay inay dib ula wareegtay dhul badan oo ku yaal Nagorno-Karabakh iyo agagaarkeedii oo ay ku waayeen dagaalkii 1991-94 oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 30,000 oo qof. Iran, oo xuduud la leh labada dal, ayaa inta badan aamusnayd intii ay dagaalladu socdeen, laakiin waxay qiratay aakhirkii in gobolka lagu muransan yahay uu yahay dhulka Azerbaijan, inkasta oo dhaqan ahaan ay xulafo la ahaayeen Armenia. 2- Dhoolatus Militari 12-kii Sebtember, Azerbaijan waxay martigelisay dhoolatus milatari oo ay si wada jir ah u sameeyeen Turkiga iyo Pakistan taas oo u muuqatay in Tehran ay sii kicisay. Dhoolatuskaas oo loogu magac daray “Saddex Walaalo ah 2021” ayey Iran ku sheegtay inuu ahaa mid ka dhan ah qodobbada Heshiiska Xaaladda Sharciga ee Badda Caspian, kaas oo qeexaya in xoogagga hubaysan oo aan ka tirsanayn Azerbaijan, Iran, Kazakhstan, Federation of Russia iyo Turkmenistan laga mamnuucay joogitaanka Badda Caspian. 3- Amniga Ganacsiga Dhowr maalmood ka dib markii ay dhaceen dhoolatusyada, ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Azerbaijan ay xayiraad ku soo rogtay gawaarida Iran ee isticmaalaya waddo hore isku xiri jirtay Armenia iyo Iran – oo ay Azerbaijan qabsatay dagaalkii 2020 kadib. Iran ayaa hore u isticmaali jirtay waddadaas si ay u gaarto Ruushka iyo Galbeedka Aasiya iyada oo aan wax xannibaad ah lahayn. Xayiraadaha cusub waxaa ka mid ahaa isbaarooyinka iyo canshuurta waddooyinka ee laga qaado darawalada Iran, iyo xiritaanka laba darawal, taas oo sida muuqata ka hor imaanaysa qodobbada heshiiska xabbad-joojinta ee uu Ruushka garwadeenka ka ahaa ee ilaalinayey socodka xorta ah ee aagga. Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa arrintan ku soo qaaday wareysi uu dhowaan siiyay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu, isaga oo ku andacoonaya in gawaarida Iran ay “si sharci darro ah” ku soo galeen Karabakh tan iyo dagaalkii 2020. Wuxuu sheegay in ilaa 60 baabuur oo Iran ah ay soo galeen gobolka Karabakh ee Azerbaijan iyaga oo aan haysan wax ruqsad ah intii u dhexeysay 11 August iyo 11-ka September. “Kadib waxaan bilownay inaan xakameyno waddada dhex marta dhulka Azerbaijan, baabuurtii Iran ee mari jiray Karabakh ayaa istaagay,” ayuu yiri, isagoo raaciyay in laga rabo inay bixiyaan canshuurta marka ay soo galayaan dhulka Azerbaijan. 4- Joogitaanka ciidamada Israel ee Azerbaijan Israel oo ah cadowga gobolka ee Iran, ayaa ka mid ahaa taageerayaashii Azerbaijan ee dagaalkii Nagorno-Karabakh. Sidoo kale Israel ayaa ah wadanka labaad ee ugu badan ee hubka keena dalkaas marka laga reebo Ruushka. Sida laga soo xigtay Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm, Israel ayaa ahaa dalka ugu badan ee hubka siiya Azerbaijan dhowrkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo lagu qiyaasay $ 825m oo hub lagu iibiyey intii u dhexeysay 2006 iyo 2019. 6-dii October, diblumaasi sare oo u dhashay Iran ayaa muujiyay “walaac daran” oo ku saabsan joogitaanka Israel ee la sheegay in ay ku sugan tahay Caucasus. “Dhab ahaantii uma dulqaadan doonno isbedelka juqraafiyeed iyo isbeddelka khariidadda ee Caucasus,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Hossein Amir-Abdollahian oo warbaahinta kula hadlay Moscow. “Waxaan welwel weyn ka qabnaa joogitaanka argagixisada iyo Sahyuuniyadda ee gobolkan,” ayuu sii raaciyey Si kastaba ha ahaatee, Azerbaijan ayaa beenisay sheegashada joogitaanka millatariga Israel ee meel u ku dhow xudduudda Iran waxayna ku tilmaamtay inay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. The post Afar arrin oo xuddun u ah xiisadda labada dal ee Muslim-ka ah ee Iran iyo Azerbaijan appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Agaasimayashii wasaaradaha amniga gudaha iyo Wasaarada Qorsheynta, isagoo u magacaabay Agaasimayaal cusub . Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xilka loogaga qaaday Agaasimihii Wasaarada Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiraxmaan Cabdi Raage waxa uuna xilkaas u magacaabay Mukhtaar Maxamed Cabdulle. Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xiriirka Caalamiga Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdulahi Maxamed Xasan isagoo xilkaas u magacaabay Maxamed Muxumad Cabdulle. PUNTLAND POST The post Cali Guudlaawe oo shaqada ka eryay agaasimiyaashii wasaaradaha amniga iyo qorshaynta Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
-
Shiinuhu ma weerari karaa Taiwan?+Xiisada ka dhex aloosan oo Cirka isku shareertay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping. Xiisadda ka dhex taagan Shiinaha iyo Taiwan ayaa mar kale meel adag gaartay, xilli xukuumadda Taipei ay ka walaacsan tahay daandaansiga uga imanaya dhanka Beijing. Hogaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sheegay inay qasab tahay in dalkiisa uu dhamaystiro yoolka midnimada iyo soo celinta Taiwan. Wuxuu tilmaamay in yoolkaas ay doonayaan inay ku gaaraan si nabad ah, balse shacabka Shiinaha ay can ku yihiin diidmada “kala qeybinta”. Taiwan oo ka jawaabaysa hadalkaas ayaa sheegtay in mustaqbalka jasiiraddaas uu gacanta ugu jiro shacabkeeda. Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa ku nuux nuuxsatay inay sii xoojin doonaan ciidamada dalkeeda, si aanay loogu digan jasiiraddaas. “Waxaan sii xoojin doonnaa amnigeena, si aanay u jirin cid nagu qasbi karta waxa ay doonayaan,” ayay sheegtay Tsai Ing-wen “Sababta aan tallaabadaas u qaadanay ayaa ah in qorshaha Shiinaha aanu ahayn mid madax bannaani ama dimuqraadiyad toona u wada shacabka 23-ka milyan ah ee Taiwan,” ayay hadalkeeda raacisay. Taiwan ayaa isu aragta dal ka madax bannaan Shiinaha, halka xukuumadda Beijing ay ku doodayso inay tahay gobol ka tirsan dalkeeda. Waxa ay ku kala go’een dagaalkii sokeeye ee Shiinaha ka dhacay 1940. Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen Inkastoo ay Taiwan leedahay dastuur, calan, madax la doortay iyo ciidan joogta ah, haddana dalal kooban oo caalamka ah ayaa u aqoonsan waddan madax bannaan. Shiinaha ayaa todobaadyadii dambe sare u qaaday cadaadiska milateri ee u uku hayo Taiwan, waxaana markii ugu horreysay hawada jasiiraddaas galay in ka badan 40 diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha oo ay kamid yihiin kuwa xambaara qumbuladaha nukliyeerka. Maxaa dhici kara? Khubarada ka faalloota ammaanka ayaa sheegaya in xiisadda u dhexaysa Shiinaha iyo Taiwan ay ka sii dari karto bilaha iyo sanadaha soo socda, ayna horseedi karto dagaal dhexmara labada dhinac. Qaar kale ayaa tilmaamaya in labada dhinacba aanay ku degdegin doonin dagaal toos ah, sababo dhaqaale iyo siyaasadeed awgood. Wargeyska the Bloomberg ayaa faallo uu ka qoray xiisadda ku sheegay in Shiinaha uu ka baaqsan karo dagaal toos ah, taa bedalkeedana uu hab dibloomaasi, dhaqaale iyo go’doomin isugu jirta u uku muquunin karo Taiwan. Khubarada qaar ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xi uu doonayo inuu soo bandhiggo awooddiisa oo uu shacabkiisa ku qanciyo inuu soo celin rabo dhul ka maqnaa muddo badan. Ian Easton, oo kamid ah agaasimayaasha mashruuca 2049 Institute, ayaa Bloomberg u sheegay inay u muuqato in xiisadda ay ka sii dari karto. “Waxaa suuragal ah in dagaal ka dhex qarxa Shiinaha iyo Taiwan uu caalamka ka dhigi karo mid khatar ah oo ay ku loolamaan dalalka awoodda badan. Shanta ilaa tobanka sano ee soo socda waxa ay noqon karaan kuwo halistooda wata,” ayuu yiri Easton. Awood ahaan, Shiinaha ayaa Taiwan kaga sarreeya dhinac kasta, balse waxaa jira dalal awood badan sida Maraykanka oo la safan xukuumadda Taipie. Muxuu yahay yoolka Shiinaha? Xi Jinping oo ka hadlayay sanad guuradii 110-aad ee ka soo wareegtay markii la afgembiyay boqortooyaddii u dambeysay Shiinaha, ayaa sheegay in la midoobidda Taiwan ay noqon doonto mid si nabad ah ku dhacda, ayna dan u tahay shacabka labada dhinac. “Hawsha taariikhiga ah ee lagu soo gebagabeynayo dib u mideynta dhulkeena ayaa u baahan in la dhamaystiro,” ayuu yiri Madaxweyne Xi. Khubarada ayaa rumaysan in xukuumadda Beijing ay dhinacyo badan ka beegsan karto Taiwan, gaar ahaan nidaamka dhaqaalaha iyo kaabayaasheeda. Sidoo kale maraakiibta Shiinaha ayaa go’doomin dhinaca badda ah ku sameyn kara Taiwan, taasoo dhalin karta in jasiiradda ay wajahdo cunno iyo shidaal la’aan. Waxaa se laga siman yahay aragtida ah in weerar toos ah oo uu Shiinaha ku qaado Taiwan ay ka dhalan karto musiibbo ballaaran, maadaama labada dhinacba ay si weyn u hubaysan yihiin. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa sugeysa natiijo wax ku ool ah oo ka timaado Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ) taasoo la filayo inay xaqiijiso in Soomaaliya ay leedahay xad badeedka lagu muransanaa waqtiga dheer. Dowladda Kenya ayaa ka baxday dacwaddii kala dhaxeysay Soomaaliya ee taalay Maxkamadda, iyadoo sheegtay inay maxkamadda hal dhinac u janjeerto iyo inaysan ixtiraami doonin wax walba oo go’aan ah oo kasoo baxa Maxkamadda. 12-ka bishaan 4-ta galabnimo xilliga geeska Africa ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada maxkamadda. Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay kulanka maxkamadda halka Kenya ay u dhaqaaqday jiho ay kaga baxeyso heshiiska dalalkii saxiixay aqoonsiga maxkamadda cadaaladda Adduunka. Guul weyn ayaa ummadda Soomaaliyeed uso hoyaneysa asbuucaan. Hase yeeshee dood weyn ayaa ka taagan sida siyaasiyiinta Soomaalida uga farcelin lahaayeen guusha laga filayo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka 12-ka bishaan. Waa munaasabad weyn, sidoo kalana waxay ku aadan tahay maalinta Calanka Soomaaliya. Madaxda Soomaalida muddo ayey isku ugaarsanyeen qadiyadaan oo si gaar ah loogu dhaawacay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu qaban qaabinayo xaflad weyn oo lagu soo dhaweenayo guusha Soomaaliya marka maxkamadda 12-ka bishaan sii deyso natiijada, isaga oo doonayo inuu uga faa’iideysto inuu sumcaddiisa sare ugu qaado. Waxaa la sheegay inuu Farmaajo rabo inuu damaashaadka noqdo mid loo dhan yahay oo xitaa mucaaradka kasoo qeyb galaan, laakiin waxaa jiro warar sheegaya in xubnaha mucaaradka isku khilaafeen inay ka qeyb galaan xafladda uu Farmaajo qaban qaabinayo. Midowga Musharaxiinta mucaaradka ayaa la xaqiijiyey inay iyaga go’aansadeen inay habeenka Talaadada ah ee 12-ka bishaan qabsadaan kulan gaar ah oo ay ugu dabaal dagayaan guusha Soomaaliya kasoo gaartay dacwadda Maxkamadda Cadaaladda Adduunka. Waxaa la aamisan yahay inay arrintaan ku fiicneyd in si qaranimo leh oo wada jir ah loogu farxo looguna dabaaldago. Fikirka madaxweyne Farmaajo ee ah inuu kulanka wadajir noqdo oo hal meel habeenkaas madaxda ku dabaaldagto ayaa u muuqda mid macno weyn oo wanaagsan ku fadhiya, laakiin ujeedka dhabta ah ee Farmaajo ayaa mucaaradku rumeysan yihiin inay tahay inuu guusha sheegto, inkasta oo dowladdiisa aysan aheyn midda furtay dacwadda Maadaama dalka uu xilli doorasho ku jiro waxaa musharixiinta qaar walaac ku heysa in hab maamulkaas xafladdaasi uu noqdo mid koox gooni ah u sahla inay sheegato guusha badda, oo haddii qof sheegan karo uu yahay madaxweyne Xasan Sheekh, oo kiiskan Maxkamada geeyey. Intii u taagnaa kiiska Badda, madaxda Soomaalida waxay ku guul-dareysteen inay si qaranimo leh oo siyaasadesneyn u wajahaan kiiskaan, waxaana badnaa is ugaarsigooda, haddana waxaa muuqata in mar kale lagu guul-dareysan doono in si wadajir ah loogu dabaaldago guusha oo halkaas habeen madaxda muujiyaan midnimo qaran. The post Xog: Mucaaradka oo diiday qorshe uu Farmaajo usoo jeediyey Talaadada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa soo saaray qoraal uu ugu jawaabayo wasiirkii is-casilay ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi, waxuuna qoraalka Mahad Salaad ku soo aadayaa, iyadoo Axmed Macalin Fiqi uu galabta qabtay shir jaraa’id, kaas oo uu ku weeraray siyaasiyiin uu ka mid yahay Mahad Salaad. Fiqi ayaa sheegay in dadkii shalay hor taagaanaa mudo kororsiga ay hadda Dhuusamareeb ka dheheen nidaamkii dowladda Galmudug ayaa lagu cayaarayaa, “Wax ka jira maleh , laguma cayaarayo nabad geliyada Galmudug ee faa’iidaa ugu jirta Ahlu-Sunna inay joogto, 10-kii maalmood oo ay joogeena waa laga dareemay deegaanka oo Al-Shabaab waa carareen,” ayuu yiri Fiqi. Waxa uu sheegay in dadkii shalay Farmaajo ka diiiday mudo kororsiga ay maanta u muuqdaan kuwo kala wareegay, oo dhahaya Ahlu-Sunna dagaal halagu qaado, “Soo u ekaa maayaan niman shalay diidanaa nidaamkii iyo madaxweynihii jiray? Laakiin shalay waan ku raacsanaa go’aankaas, balse kan kuma raacsani,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale Fiqi oo u muuqday inuu si gaar ah u weerarayo Mahad Salaad ayaa yiri, “Waxaan aragnaa musharax xil ku raba in dadka reer Gurceel la barakiciyo, aniga waan fahmi waayey kursiga Gurceel yaalla ee dadka loo weerarayo oo nin musharax ah inta meel soo istaago uu leeyahay dadkaas waa in la weeraro, janadii Al-Shabaab naga raadinayey ayuu noola mid yahay kursigaas, musharaxiinta waxaan leeyahay ka fiirsada fidnada socota qeyb haka noqanina.” Mahad Salaad oo u soo jawaabay Axmed Macalin Fiqi ayaa qeyb ka mid ah qoraalkiisa ku yiri, “Abtigey Fiqi waxaan leeyahay durbaanka aad tumeyso waan fahamsanahay Abtiyow ee Ilaahey haku soo nabad aruursho!.” Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran Abtigey Fiqi waxaan leeyahay! Waxa jiray nin oday ah oo mingiska ka tumi jiray deegaanada Galmudug, lana dhihi jiray Dalays oo Cayr ahaa. Waxa xarun u ahaan jirtay meel LACASO la yiraahdo oo Gadoon agteeda ah. Lacoso-na habeenka marka la gaaro nalal ayaa ka shidma, durbaan cid garaacaysa aan la aqoona waa ka yeeraa. Marka waxa la yiraahdaa jinka ayay hoy ama guri u tahay. Dalays meeshii ayuu ku shiiday marka wuxuu go’aansaday in uu ka guuro, farsamadiisana ku shaqaysto. Baanankana inuu u baxo ma rabo ee inuu Cayrka ka dhex qaraabto ayuu rabaa. Marka qolodii Cabsiiye ayuu inta ka soo tagay, ayuu soo dhex degay kuwa kale oo Ayaanle ah! Wuxuu rabaa marka inuu sheego in Jinkii soo guuray isagana soo raacay. Berrin ayuu inta xaarxaartay oo durbaankiisii la soo baxay ayuu ku dhuftay hees uu rabo dadka inuu ku hogga tusaaleeyo in jinigii soo guuray hadana safar ku marayo dhulka Ayaanluhu deganyahay. Marka wuxu yiri: Jinigu Lacasow ka yimid cabsiiyow labo ka dilay, hadana laanlow maraa lag iyo bariyow rabaa ayaanlowna lurahayaa! Abtigey Fiqi waxaan leeyahay durbaanka aad tumeyso waan fahamsanahay Abtiyow ee Ilaahey haku soo nabad aruursho! The post MAHAD SALAAD oo si xun ugu jawaabay AXMED FIQI appeared first on Caasimada Online.
-
Axmed Macallin Fiqi, wasiirkii hore ee amniga Galmudug ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor in uu abaabulayo dagaal ka dhan ah shacabka Guriceel. Fiqi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Qoorqoor diiday wadahadal laga galo Ahlusunna, isla markaana uu dowladda federaalka ka dalbaday ciidamo uusan u dalban jitin Al-shabaab. Axmed Fiqi ayaa taageero u muujiyay Ahlusunna, wuxuuna tilmaamay in mudadii yarayd ee ay ku sugnaayeen qaar kamid ah degaannada Galmudug ay nabad soo kor dhiyeen. Sidoo kale Fiqi ayaa eedeyn u jeediyay dowladda federaalka iyo siyaasiyiintii taageeray Galmdudug, wuxuuna sheegay in madaxda Ahlusunna aysan ka duwanayn Saadiq Joon iyo Xasan Sheekh oo Badbaado Qaran ku difaacaysay xaafado kamid ah Muqdisho. Ugu dambeyn Axmed Fiqi ayaa ugu baaqay shacabka Guriceel in ay difaacdaan Shiikhooda. Daawo Fiqi oo arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaya PUNTLAND POST The post Fiqi oo eedeyn u jeediyay Qoorqoor, taageerana u muujiyay Ahlusunna appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Caafimaadka Jubbaland, Cali Xaaji Nuur Cali ayaa ka warbixiyey shirar maalmihii u dambeeyay u socday Golaha isku magacaabay Aayo ka tashiga iyo dib u dhiska Jubbaland. Cali Xaaji ayaa sheegay in golaha uu xooga saarayo sidii loo heli lahaa maamul cusub oo loo wada dhan yahay, maadama uu ku doodayo in labadii sano ee sharciga aheyd u dhamaatay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. “Golaha waxa ku mideysan dhamaan aqoon-yahanka, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo dhamaan waxgaradka kasoo jeeda Jubbaland, waxaana la aas-aasay 2019-kii, una taagan yahay Jubbaland la wada leeyahay,” ayuu yiri Cali Xaaji. “Maamulka Jubbaland asalkiisaba kuma imaan rabitaanka dadka, qaabkii loogu qabtay doorashada Kismaayo waxay aheyd mid laga soo abaabulay Kenya oo dowlado shisheeye gadaal ka riixayeen, kumana shaqeeyo siyaasadda dadka deegaanka.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha uusan aqoonsaneyn maamulka Jubbaland ee hadda uu hogaamiyo Axmed Madoobe, islamarkaana ay dhisi doonaan maamul loo wada dhan yahay marka ay kulamadaas soo dhamaadaan, lana dhisi doono guddi ka shaqeeya, sida uu sheegay. “Maamul goboleed waxaa noqon kara labo gobol wixii ka badan. Gedo gacan kuma jirto oo waa cadeysteen warkooga in maamulka Axmed Madoobe u hogaansaneyn markii ay cadaalad ka waayeen, Jubbada Dhexe-na awal gacan kuma jirin, meesha kali ah ee Axmed Madoobe joogo waa Kismaayo, labo degmana ma noqon karto maamul.” Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dowladda in doorashada la dadajiyo si Jubbaland loogu dhiso maamul loo dhan yahay, isagoona ka dalbaday shacabka reer Jubbaland inay qeyb ka noqdaan Golaha lagu dhisayo maamulkaas. The post Halkee marayaa dhismaha maamulka cusub ee Jubaland? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo goordhoweyd qabtay shir jaraa’id ayaa waxa uu si faah-faahsan ujeedka uu madaxweyne Axmed Qoor Qoor uu ka leeyahay dagaalka Ahlu-Sunna Waljamaaca. Fiqi ayaa ugu horeyntii sheegay in hogaanka Ahlu-Sunna ay diyaar u yihiin wada-hadal, islamarkaana ay la soo xiriireen, oo uu albaabka ka xirtay Qoor Qoor oo asagu raba in dagaal xoogan uu ku qaado. Waxa uu sheegay in sababta uu madaxweynaha Galmudug u qaatay wadada dagaalka ay tahay mid lagu doonayo inay colaad iyo dagaal Galmudug lagu abuuro, sidaasina doorashadii lagu qaban waayo oo muddo kororsi uga shaqeyso. “Wuu ka diiday (Qoor Qoor) wax wada-hadal ah in uu la galo (hogaanka Ahlu-Sunna), madaxdooda ayaa wada-hadalnay wuxuuna ii dhiibay furaha, waxay rabaan in si nabad-galyo ah ku noolaadan oo maamulka Guriceel dib loogu soo celiyo maamulka, laakiin meel uma socdaan” ayuu yiri. “Madaxweynaha waxa uu yiri nimankaas wax aan dagal aheyn oo anfacaya ma jirto wey nagu soo noolaanayaan oo nagu dhex korayaan oo kobcayaan, taasi waxay noqotay Galmudugtii badhaadheheeda aan ka shaqeynayay la yiraahdo madaxweynaheedii ayaa dadka barakicinaya.” Wuxuu ku eedeeyay Axmed Qoor Qoor inuu dagaalka A-Sshabaab ku fiirsaday dadka Galmudug, siiba Ahlu suna. “Waxaa isku dayey inaan ku qanciyey inuu ka baaqsado dagaal uu ku qaado Ahlu Suna, laakiin wuxuu ku adkeysay inuu la dirirro oo uu sheegay inay uga darran yihiin Alshabaab, kadibna isagoo ila tashan ayuu ku daabulay ciidamo gorgor iyo Haramcad isugu jira, iyadoo Farxaan Qaroole uu Dhuusamareeb u tegay inuu weerar ku qaado Ahlu Suna,” ayuu yiri Axmed Fiqi. Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in hogaanka Ahlu-Sunna uu xiligan diyaar u aheyn dagaal dhex-mara maamulka, hase yeeshe ay rabaan in la iska kaashado la dagaalanka argagixisada. Wuxuu sheegay inay Madaxweyne Qoor Qoor kula ballameen maamul fadhiid ah oo mar kasta daba taagan Villa Somalia, laakiin arrintaasi ay ka fuli weysay dhinaca Madaxweynaha, wuxuuna ku dooday inay waxqabad muuqda gaareen oo ay ka mid tahay dagaalka Al-Shabaab. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xilka uu iska casilay kadib markii soo jeedintiisa iyo in laga baaqdo dagaal uu iska dhago tiray madaxweynaha Galmudug, islamarkaana uu markasta ku taagan yahay wadada wada-hadalka. The post Daawo: FIQI oo shaaciyey ujeedka dhabta ah ee Qoor Qoor ka leeyahay dagaalka Ahlu-Sunna appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka, oo soo xiganeysa il-wareedyo reer galbeed iyo saraakiil ka tirsan QM, ayaa qortay warbixin ku saabsan xog ay haysay Ikraan Tahliil Faarax, oo ay suurta-gal tahay in loo dilay iyo in dowladda Soomaaliya ay isku dayeyso inay qariso xaqiiqda dhimashada Ikraan. Waxaa gudaha Soomaaliya aad looga rumeysan yahay in dowladda ay qarineyso xaaladaha ku hareereysan dhimashada Ikraan, sida ay sheegeen saraakiil Reer Galbeed iyo taxliiliyeyaal la socday kiiskan, ayaa lagu yiri warbixinta Bloomberg. Ikraan ayaa xog hoose ka heysay heshiis amni oo sanadii 2018 dhex-maray Eritrea, Ethiopia iyo Soomalaiya, heshiiskaas oo faah-faahintiisa ay saddexda dal doonayaan inay sir ahaato, sida ay sheegeen saddex sarkaal oo Reer Galbeed iyo QM ah oo ka shaqeeya Soomaaliya, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin, sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inay ka hadlaan qiimeynta sirdoonka. Soomaaliya ayaa muddo ku tuhmeysay dowladda Eritrea inay taageerto kooxda Al-Shabaab, waxaana heshiiska uu yareeyey xiisaddii hay’adaha amniga labada dal, sida ay sheegeen saraakiisha la hadashay Bloomberg. Ilo-wareedyada la hadlay Bloomberg ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska uu dhigayo in saraakiil sirdoon oo Eritrean ah ay saldhigyo ka sameystaan Soomaaliya iyo Ethiopia, taasi oo madaxweyne Isaias Afwerki siisay inuu saameyn ku yeesho gobolka. Eritrea ayaa taageereysay dagaalka uu ra’iisul wasaraaha Abiy Ahmed kula jiro mucaaradka Tigray ee waqooyiga dalkiisa. Shaac ka qaadista nuxurka heshiiska iyo sababaha ka dambeeya dhimashada Ikraan, waxay horseedi karaan xiisad diblomaasiyadeed oo ka qaraxda Geeska Afrika, waxaa sidaas Bloomberg u sheegay Omar Mahmood oo ah khabiirka hay’adda xasaradaha adduunka ee International Crisis Group u qaabilsan Soomaaliya. Ikraan oo tababar dhanka ammaanka internet-ka (cyber-security) kusoo qaadatay xarunta booliska Scotland Yard ee London, 2019, ayaa sidoo kale haysay xog ku saabsan qiyaastii 5,000 oo askari oo Soomaali ah oo loo diray Eritrea, si ay tababar ugu soo qaataan, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha la hadlay Bloomberg. Ikraan “waxay diyaar u aheyd inay kashifto” howlgalkan militari ee muranka dhaliyey, sida lagu sheegay warbixin ay bishii tagtay baahisay International Crisis Group. Bloomberg oo la xiriirtay xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kama aysan jawaabin su’aalo ku saabsan heshiiska saddex geesoodka ee Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia. Sidoo kale, wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel, iyo Billene Seymoum, oo ah gabar afhayeen u ah Abiy Ahmed ayaan jawaabin. Qoyska Ikraan Tahliil iyo xildhibaano matala ayaa shalay sheegay in baaritaan lagu waday in Maxkamadda Ciidamada ay ku sameyso kiiskan uu socon waayey kadib markii uu is-hortaagay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. The post Saraakiil Reer Galbeed ah oo shaaciyey laba xog oo xasaasi ah oo ay ogeyd Ikraan appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Africa Investment Forum roundtable event showcases agribusiness investment opportunities ahead of 2021 Market Days During the roundtable, members of the AIF team presented an outline of the deals to investors ABIDJAN, Ivory Coast, October 10, 2021/ — The Africa Investment Forum held a roundtable event to preview two agribusiness deals worth nearly $400 million as part of the lead-in to its upcoming 2021 Market Days. The investment opportunities, drawn from the Africa Investment Forum’s pipeline, will be presented in full during the Market Days, to be held from December 1-3 in Abidjan. The virtual roundtable, organized by the Atlantic Council, took place on Thursday 7 October, 2021. During the roundtable, members of the AIF team presented an outline of the deals to investors. The first one, which requires $345 million in capital, entails construction and operation of a food market that will serve about 15 million people in an area projected to be Africa’s largest food exchange zone. It would also serve as a marketplace where farmers bring in produce to sell to potential customers at retail or wholesale prices. As well as farmers, the food market will provide livelihood opportunities for fishers, meat and dairy producers and wholesalers. The second showcased deal involves the scaling up of a dairy milk production and packaging company in a Southern African Development Community country. The project sponsors have a good operational record in the agriculture sector, and they have secured an off-take agreement with a major international food and beverage company for the milk production. The deal, valued at $50.2 million, has strategic value for the national government, and provides an opportunity for local production of a commodity that is typically imported. There is also potential for job creation and local development of skills. The roundtable also featured a panel discussion with Begna Gebreyes, Senior VP, Africa Finance Corporation; Deji Adebusoye, Principal, Sahel Capital; and Nimrod Gerber, Managing Partner, Vital Capital. Panelists discussed Africa’s role in global supply chains, bottlenecks to agricultural productivity, infrastructure limitations and other issues relevant to the agri-business sector. They agreed that Africa continues to lack the processing capacity to add value to its raw materials, with cocoa being cited as an example. Agriculture and agri-business is one of five priority investment sectors under the Africa Investment Forum’s Unified Response to Covid-19 pillars (https://bit.ly/3luNb1P), in addition to energy and climate change, health, ICT/Telecoms, and industrialization and trade. Africa Investment Forum Senior Director Chinelo Anohu said, “Agriculture is one of the pillars of the African economy: it is the key employer, and is fundamental to transforming rural areas, reducing poverty, and facilitating economic growth. As a sector, agriculture has been under-supported by investment to date, and the Africa Investment Forum’s vision is to be a catalyst for significant investment to facilitate growth over the next decade, to improve productivity and incomes in an equitable and sustainable manner.” Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Erigavo (PP News Desk) — Somaliland government doubled down on its policy to displace Somalis from Southern Somalia living districts under the control of Somaliland administration. The Deputy Governor of Sanaag appointed by Somaliland administration Mohamed Khalif Noor ordered Somalis from South Somalia to leave Erigavo within two weeks. Khalif: ”We urge any people from Sanaag who are business partners with foreigners to terminate their partnership in an appropriate manner. They have to help their partners to pack up.” “In line with the decision by Somaliland government all foreigners living in Sanaag must return to their countries. Foreign labourers, business owners and teachers must leave Sanaag by 24 October 2021.” said Khalif, although several districts of Sanaag such as Hadaftimo, Badhan and Las Qoray are under Puntland State administration. “We urge any people from Sanaag who are business partners with foreigners to terminate their partnership in an appropriate manner. They have to help their partners to pack up” added Khalif. Last week, the break-away Somaliland administration forcibly displaced 2000 people in Lasanod on the pretext that they are foreigners. Somaliland-affiliated militias looted some businesses owned by the victims of the forced displacement, which, according to a human rights lawyer, will have wider legal repercussions given the suffering the displaced people are going through in Galkayo, Buuhoodle and Galka’yo. © Puntland Post, 2021 The post Deputy Governor Gives Somalis from the South Two Weeks to Leave Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Hague (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holand, si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Wafdigan oo ka baxay Muqdisho, ayaa u tegay magaalada Hague sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen go’aanka kama dnabeysta ah ee kiiskan oo soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2014, xiligaas oo dowladii madaxweyne Xasan Sheekh ay dacwadan geysay maxkamada horteeda. War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague, si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.” Kenya ayaa todobaadkii hore sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ ee ku saabsan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya. Kenya ayaa in muddo ahba ku adkeysanaysay in dacwadda badda lagu xalliyo wadahadal halka Soomaaliya ay doorbiday in lagu xalliyo maxkamadda ICJ oo xukunkeeda soo saareysa todobaadkan. Xukunka Maxkamada Cadaaladda ee ICJ waxaa isha ku haya Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Madaxda DFS, kuwaas oo ay ku jirto rajo ah in Maxdamada Soomaaliya ay u xukunto Badda, maadama Dowladda Kenya ay muran galisay markii hore. The post Wafdi ka socda Soomaaliya oo tegay Hague iyo wararkii u dambeeyey kiiska badda appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - A prominent Somali trader was shot dead in his shop in South Africa Saturday evening. Source: Hiiraan Online
-
Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa soo saartay in ka badan 120 kg, oo ah macdanta uranium-ka ee la kobciyey 20 boqolkiiba, waxaa sidaas habeenkii Sabtida taleefishinka dowladda u sheegay madaxda hay’adda tamarta atoomiga ee dalkaas. “Waxaan ka gudubnay 120 kg,” ayuu yiri Mohammad Eslami, maaxda Ururka Tamarta Atoomiga Iran. “Waxaan hadda haysanaa tiradaas ka badan.” “Shacabkeena way ogyihiin in ayaga (Quwadaha Reer Galbeedka) laga doonayey inay na siiyaan shidaal la kobciyey 20% si aan ugu isticmaalno warshadda Tehran, hase yeeshee taas ma aysan sameyn,” ayuu yiri. Bishii September, Wakaaladda Tamarta Atoomiga Caalamiga ah (IAEA) ayaa sheegtay in Iran ay uranium-keeda kobcisay in ka badan intii loogu ogolaa heshiiskii ay la gashay quwadaha caalamka. Waxay sheegtay in Iran ay haysatay 84.3 kilo oo ah macdanta uranium-ka ee la kbociyey 20 boqolkiiba, taasi oo ka badneyd 62.8 kilo oo hayadda IAEA ay werisay bishii May. Heshiikii la gaaray 2015, ayaa dhigayey in Iran aysan uranium-keeda kobcin karin wax ka badan 3.67%, taasi oo aad uga yar tirada loo baahan yahay si loo soo saaro hub nukliyeer, oo ah 90 boqolkiiba. Heshiiskaas oo Iran ay la galeen Russia, China, France, Germany, UK iyo Mareykanka, ayaa Iran ka qafiifay cunaqabteenada dhaqaale, taasi oo ay ku beddelatay inay dhinto barnaamijkeeda Nukliyeerka. Hase yeeshee, madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa heshiiska ka saaray Washington 2018, waxaan kadib Tehran ay joojisay u hogaansamidda qodobada heshiiska. AFP + VOA The post Iran oo ku dhowaatay inay hesho Nukliyeer iyo xog cusub oo ay maanta shaacisay appeared first on Caasimada Online.
-
Aabbihii Nukliyeerka Pakistan oo geeriyooday+Taariikhdiisa Dr Abdul Qadeer Khan wuxuu ku dhashay Bhopal, intii aan Hindiya la kala qeybin Saynisyahankii nukliyeerka ee Pakistan, Dr Abdul Qadeer Khan, ayaa saaka arroortii geeriyooday, wuxuuna ahaa 85 sano jir. Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan Pervez Khattak ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray warka geerida saynisyahanka isla markaana geeridiisa ku tilmaamay inay murugo weyn u tahay Pakistan. Khattak ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Pakistan mar walba way xushmeyn doontaa shaqada uu Dr. Khan u qabtay dalka. Waddanka mar walba abaal buu Khan uga hayaa xoojinta awooddeeda difaaca. Sida laga soo xigtay Radio Pakistan, Dr Qadeer Khan ayaa la geeyay isbitaal, kaddib markii ay xaaladdiisa caafimaad ka sii dartay. Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa qoraal uu Twitter-ka soo dhigay sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Dr. Qadeer Khan. Deeply saddened by the passing of Dr A Q Khan. He was loved by our nation bec of his critical contribution in making us a nuclear weapon state. This has provided us security against an aggressive much larger nuclear neighbour. For the people of Pakistan he was a national icon. — Imran Khan (@ImranKhanPTI) October 10, 2021 Qoraalkiisa, ayuu Imran Khan ku yiri: “Geerida Dr Abdul Qadeer Khan waa mid aad murugo u leh. Dadka aad bey u jeclaayeen sababo la xiriira doorka muhiimka ah ee uu ku lahaa quwadda nukliyeerka Pakistan. Tan waxay Pakistan ka difaacday dalka deriska la ah ee nukliyeerka ku hubeysan. Wuxuu dadka Pakistan u ahaa dhiirrigeliye. Wasiirka Warfaafinta Pakistan Chaudhry Fawad Hussain, ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Dr. Qadeer Khan. Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka, ayuu Chaudhary Fawad Hussain ku yiri, “Dalka oo dhan waxaa naxdin ku noqotay geerida Dr. Qadeer Khan. Waxa uu dalku u qabtay wax loo dhigo ma laha. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ Deeply grieved at the sad demise of Dr Abdul Qadeer Khan. Great loss! Pakistan will forever honor his services to the nation! Nation is heavily indebted to him for his contributions in enhancing our defence capabilities. — Pervez Khattak (@PervezKhattakPK) October 10, 2021 Waa kuma DR. Khan? Dr Abdul Qadeer Khan wuxuu ku dhashay Bhopal, intii aysan Hindiya kala qeybsamin. Dr. Khan ayaa Pakistan la yimid dhammaan qoyskiisa, kaddib kala go’ii Hindiya. Dr Abdul Qadeer Khan ayaa maalmihii la soo dhaafay isbitaalka lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad. Dr Khan waxaa sidoo kale lagu magacaabaa aabbaha barnaamijka nukliyeerka ee Pakistan. Toddobaadkii labaad ee bishii la soo dhafaay, wuxuu dowladda Imran Khan ku eedeeyay inay dayacday. Abdul Qadeer Khan, wuxuu udub dhexaad u ahaa fadeexaddii nukliyeerka adduunka ee sannadkii 2004. Waxaa lagu eedeeyay faafinta agabka nukliyeerka. Sidoo kale madaxii hore ee ciidamada Pakistan iyo Madaxweyne Pervez Musharraf, ayaa arrintaasi ku eedeeyay Khan. Farriin muuqaal ah, ayuu Dr Khan ku qirtay inuu teknolojiyadda nukliyeerka ka iibiyay Iran, Kuuriyada Waqooyi iyo Libya. Balse markii dambe wuu ka laabtay. Sannadkii 2008, wuxuu Dr Khan wareysi uu siiyay wargeyska Britain ka soo baxa ee The Guardian ku sheegay in cadaadis uu uga imaanayay Madaxweyne Pervez Musharraf, taasina ay tahay sababta uu u codsaday inuu iibiyo. Dr Khan ayaa sheegay in arrintaas uusan ka qiran maskaxdiisa, balse uu cadaadis saarnaa. Wareysiga, ayuu ku sheegay inuu sidoo kale diiday inuu u hoggaansamo baaritaanka Hay’adda Quwadda Atoomikada Adduunka. Dr. Qadeer Khan ayaa yiri: “Maxaan ula hadlayaa? Ima quseyso. Ma aynaan saxiixin heshiiska nukliyeerka. Meel ugama dhicin shuruucda caalamiga ah. Dr Abdul Qadeer Khan Dr Khan ayaa u sheegay Majaladda Dawn, mid ka mid ah wargeysyada ugu caansan Pakistan: “Aad ayaan u niyad jabsanahay. Midna Ra’iisul Wasaare Imran Khan iyo xubin ka mid ah golihiisa isma weydiin caafimaadkeyga.” Dr. Qadeer Khan ayaa sidoo kale loogu yeeraa ‘Mohsin-e-Pakistan’ Ilaaliyaha Pakistan. Sida uu tebiyay Radio Pakistan, waxaa la geeyay isbitaal ku yaalla gudaha dalkaas kaddib markii ay xaaladdiisa ka dartay. Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Pakistan (AAP), Dr Khan ayaa 26-kii August la geeyay Research Laboratories Hospital kaddib markii uu ku dhacay xanuunka Covid-19. ڈاکٹر عبدالقدیر خان کی رحلت پر پوری قوم افسردہ ہے، پاکستان کیلئے ان کی خدمات ان گنت ہیں۔۔۔ خدا غریق رحمت کرے آمین — Ch Fawad Hussain (@fawadchaudhry) October 10, 2021 Kaddib waxaa la geeyay isbitaalka ciidamada oo ku yaalla Rawalpindi, halkaas oo markii ay xaaladdiisa ka sii dartay lagu xiray qalabka qofka Oksojiinta ka caawiya. Markii Dr Khan la geeyay isbitaalka, hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn Pakistan, Shahbaz Sharif ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka walaac kaga muujiyay xaaladdiisa. Qoraalkiisa, ayuu Sharif ku yiri, “Warka Fakhr-e-Pakistan Dr Abdul Qadeer Khan oo lagu xiray qalabka hawada Oksojiinka waa mid aad murugo u leh. Waxaan bulshada ka codsanayaa inay u duceeyaan Dr Khan.” Qaran News
-
Garoowe (Wararka PP) — Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah Boqorka Beesha Daarood ayaa weli ka aamusan barakicintii maamulka Somaliland dad Soomaaliyeed ugu geystay Laascaanood toddobaadkii hore. Laascaanood waa degmo ka tirsan Puntland oo heer federaal metesha degmada. Ma cadda sababta uu Boqor Burhaan ilaa hadda uga hadli la’yahay dambiga barakicinta qasabka ah oo dad Soomaaliyeed loogu geystay Laascaanood. Boqor Burhaan ilaa hadda kama hadlin barakicinta argaggaxa ku ridday dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo uu maamulka Muuse Biixi Laascaanood ka sameeyay. “Waa wax meel-ka-dhac ku ah magaca Puntland iyo magaciisaba hadduu Boqor Burhaan ka gowsgaabsado barakicinta argaggaxa ku ridday dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan” ayuu yiri Adaan Xuseen Aw Daahir oo ku sugan Boosaaso. Madaxdhaqameedyo Soomaaliyeed oo meelo kala duwan kaga nool Soomaaliya ayaa dhaleeceeyay falka maamulka goonni-isu-taagga sharcidarrada ah doonaya uu dad Soomaaliyeed meel ka mid ah dhulkooda kaga barakiciyay. © Puntland Post, 2021 The post Boqor Burhaan oo aan weli ka hadlin barakicintii Laascaanood ka dhacday appeared first on Puntland Post.
-
Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague ee waddanka Nederland.. Wefdiga ayaa ka qayb-galaya kulanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ay ku shaacinayso xukunka kama dambaysta ah ee dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ayaa sida qorshaysan 12-ka bishan October 2021 ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Dowladda kenya ayaa maalmo ka hor sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aan kasta oo ka soo baxa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ. PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda Soomaaliya oo gaaray magaalada Hague appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News