-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga Amniga iyo Nabadgalyada Baarlamanka Puntland ayaa Aqalka Wakiillada ugu yeeray Wasaaradda Amniga iyo DDRta Cabdisamad Gallan. Ujeeddada ayaa ahaa is xog-wareysi u dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda, Wasiirka Amniga iyo DDRta Mudane, Cabdisamed Maxamed Gallan oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane, Maxamed Iimaan Cabdulle iyo Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Faysal Cabdullahi Farateeb ayaa waxay ka warbixiyeen guud ahaan xaaladaha amniga ee dalka, waxyaabaha u qabsoomay, caqabadaha haysta Wasaaradda iyo weliba baahiyaha jira, iyadda oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen. Intaa kadib, Guddiga ayaa isla qaatay inay u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira, doorkooda ka qaadanayaan. Sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Qodobkiisa 62.5 Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada waxa uu u xil-saaran yahay La socodka xaaladaha nabadgelyo iyo amni ee dalka, Ururinta dhacdooyinka nabadgelyo iyo amni xumo ee u baahan in degdeg wax looga qabto. PUNTLAND POST The post Puntland: Guddiga Amniga Baarlamanka oo u yeeray Wasiir Gallan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka dhinaca warbaahinta Qaranka ee u dhexeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha ayaa ka sii daraya marba marka ka dambeysa, kaas oo sameyn weyn ku yeeshay shaqada Tv-ga & Raadiyaha dowladda. Khilaafka sii xoogeysaneya ayaa waxa uu dhaliyey in wararka qaar ee ka imaanaya dhinaca madaxweynaha aan laga sii deyn warbaahinta qaranka, gaar ahaan Tv-ga iyo Raadiyaha. Dooda ayaa kasii dartay xalay, kadib markii xilli dambe khudbadda madaxweynaha ee go’aanka ICJ laga sii daayey Telefishinka Qaranka, taas oo hadal heyn badan dhalisay. Agaasimaha Telefishinka Sharmaake Maxamed Warsame oo war qoraal ah soo saaray ayaa iska fogeeyey eedeymaha loo jeediyey Tv-ga ee ku aadan inay daahiyeen khudbadda Farmaajo, wuxuuna shaaciyey in goor dambe loo soo diray, kadina ay sidaasi ku daayeen. “Maamulka Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in khudbaddii Madaxweynaha ee xalay ay na soo gaartay goor dambe, isla markii ay na soo gaartayna aannu soo gelinay TV-ga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maamulka. Sidoo kale maamulka Telefishinka Qaranka ayaa eeda dhabarka u saaray dhanka xafiiska madaxweynaha, wuxuuna ku dhaliilay in xarumo kale oo warbaahineed uu ku horreysiiyey muuqaalka, gaar ahaan khudbadda uu xalay jeediyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). “Daahista khudbaddu waxa ay ka timid xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada oo meelo kale ku horreysiiyey,” ayaa lagu yiri markale qoraalka ka soo baxay maamulka Tv-ga. Dhinaca kale wuxuu maamulku beeniyey in taageerayaal badan ay Followers iyo Like-ta kala laabteen Page-ka Tv-ga Qaranka oo haatan heysta in ka badan hal milyan oo qof. “Ma jirto taageeryaaal (followers) ka laabtay page-ka SNTV, waxa na follow gareeyay 1.2 million oo qof waana sidoodii. Sidoo kale waxa SNTV jecel ama like siiyey 762 kun oo qof. Hadalka ka soo yeeray maamulka Telefishinka Qaranka ayaa ku soo aadaya, xilli xalay agaasimaha dhanka warfaafinta ee Villa Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi, ka hor khudbadda madaxweynaha uu shaaciyey in dadka Soomaaliyeed ay ka daawan karaan Telefishinka Universal, taas oo muujineyso in weli uu meel sare gaarsiisan yahay khilaafka madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday iyo Rooble oo sameeyey hay’adaha kale. The post Dagaalka warbaahinta qaranka ee Farmaajo iyo Rooble oo sii xoogeystay appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta xafiiska kula shiray Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta DPL Mudane Axmed Bashir Muuse ( Cirro) Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdiqaadir Shiikh Maxamuud. Shirka ayaa waxa looga hadlay diyaarinta Qorshaha Naqshadeynta magaalada Bosaaso, Tirakoobka guryaha Iyo sidii loo bilaabi lahaa laami saarida wadadda dhinaca galbeed ee Magaaladda Bosaaso, waxa ayna taggi doonaan degmooyinka Gobolka. Guddoomiyaha Gobolka Bari Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa xafiiska ku soo dhoweeyey wasiirka Iyo Agaasimaha waxa uuna uga warbixiyey xaalada guud ee Gobolka waxa ayna isla garteen qorshaha naqshadeynta degmooyinka Gobolka. PUNTLAND POST The post Magaalada Boosaaso oo Naqshadayn loo samaynayo appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo gaaray Dhuusamareeb ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaas oo caasimad u ah Galmudug. Odowaa ayaa si gaar ah ula kulmay saraakiisha ciidanka qaybta 21-aad, kuwa horkacaya ciidamadii dhowaan laga qaaday magaalada Muqdisho ee la geeyey Dhuusamareeb. Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa saraakiisha uu la kulmay ka dhageystay warbixino ku aadan xaaladaha soo kordhay iyo howl-gallada ka socda Galmudug. Taliyaha ayaa sidoo kale booqan doono saldhigyada ciidamada, si uu ugu sameeyo kormeer guud oo uu ku qiimeynayo xaaladaha ciidamada ku jira xeryahaasi. Socdaalka Odowaa ee Dhuusamareeb ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi oo ay Galmudug ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna Waljamaaca. Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada Xoogga dalka kadib booqashadiisa Dhuusamareeb uu aadi doono dhanka HirShabelle, gaar ahaan Jowhar. Si kastaba, booqashada Odowaa ee xarumaha maamul goboleedyada ayaa salka ku heyso arrimaha ammaanka, maadaama la guda-galayo doorashooyinka Golaha Shacabka. The post Taliye Odowaa oo kulamo xasaasi ah ka bilaabay Dhuusamareeb + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ugu baaqay in hay’adaha gurmadka ay gargaar bini aadanimo gaarsiiyaan Abaaro daran oo ku dhuftay deegana ka tirsan Jubbaland. Qeyba ka mid ah deeganada dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa ku dhuftay maalmihii la soo dhaafay Abaaro ba’an kuwaas oo galaaftay noloshada dadka iyo duunyada. Deeganada Jubbaland ayaa sidoo kale waxaa ka dilaacay cuduro aan la garanin nooca ay yihiin kuwaas oo soo ritay dadka ku dhaqan deeganada Abaarta ay ka kacday. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda qeybo badan oo kamid ah Jubaland taas oo khatar ku ah nolosha dad badan oo kamid ah bulshada deegaanka.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale hadalkiisa intaas sii raaciyay “Madaxweynaha ayaa tilmaamay in abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay yihiin kuwo u baahan gurmad caalami ah iyo gargaar deg deg ah oo ay helaaan dadka tabaalaysan.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Itoobiya ayaa dib u hawl-gelisay warshadda hilibka Dameeraha ee Magaalada Assela ee deegaanka Oromiya, kadib toddoba sannadood oo ay xidhnayd. Ugu yaraan maalinkii waxa ay qali kartaa 300 oo dameero ah, waxaana shaqo abuur ka helaya 200 oo qof. Rhong Chang oo ah shirkad shiinays ah ayaa ku maalgelisay kawaanka hilibka dameeraha lacag ka badan 60 Milyan oo Birr. Shirkadda ayaa hilib qiimihiisu dhan yahay 80,000 oo doollar bishii hore u dhoofisay suuqyada Bariga Aasiya. Source
-
Dubai (Caasimada Online) – Shirkadda weyn ee dekedaha Dubai ee DP World iyo wakaaladda dowladda Britain u qaabilsan horumarinta maaliyadda ee CDC Group ayaa Talaadadii sheegay inay qorsheynayaan inay si wadajir ah kaabayaasha saadka ee qaaradda Africa ugu maal-galiyaan illaa $1.72 bilyan dhowrka sano ee soo socda. Maal-gashigaan ayay ku sheegeen inay ugu horreyso casriyeynta saddex dekedood, iyada oo marka hore diiradda lagu saari doonaa ballaarinta dekadaha ay maamusho DP World ee kala ah Ain Sokhna ee dalka Masar, dekada Dakar ee dalka Senegal iyo dekedada Berbera ee Somaliland, sida ay sheegtay CDC. DP Word oo ay dowladdu leedahay ayay ka go’antahay inay maal-geliso $1 bilyan sanadaha soo socda, halka CDC ay ballan-qaadday $320 milyan oo ay suuragal tahay inay ku darto illaa $ 400 milyan oo maal-galin kale ah. Maal-gashiga wadajirka ah ayaa aakhirka lagu ballaarin doonaa dalalka kale ee Afrika, taas oo ay rajaynayaan DP World iyo CDC inay dardargelin doonto ganacsiga gudaha iyo dibedda ee qaaradda. “Waxaan leenahay aragti isku mid ah inaga iyo DP World, taas oo ah inaan doonayno inaan maal-gashi ku sameyno dekado badan oo qaaradda oo dhan ah intii suurtagal ah,” ayuu Madaxa CDC Tenbite Ermias u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters. Iskaashiga labadan shirkadood ayaa sidoo kale qorshayna inay maal-galiyaan, kaabayaasha dhaqaalaha, sida kaydka konteenarada iyo saldhigyada xarumaha ganacsiga. CDC ayaa yeelan doonta saamiga wax ka yar kalabar saddexdan dekedood, sida uu sheegay Ermias, iyada oo DP World ay ku wareejinayso saamiyada dekadahaas. Ballaarinta saddexdan dekedood ayaa sida ay sheegtay CDC, waxay hagaajin doontaa helitaanka badeecadaha muhiimka u ah 35 milyan oo qof, oo ay ku jiraan waddamada deriska ah, iyagoo sidoo kale abuuri doona 5 milyan oo shaqo, isla markaagana ay $51 bilyan ku dari doonaan ganacsiga guud marka la gaaro sanadka 2035. VOA + Reuters The post UK oo ka mid noqoneysa saamileyda dekedda Berbera appeared first on Caasimada Online.
-
Waxa la galay xili uu bilaabmay ololeyaal iyo is xulafaysiyo siyaasadeed iyo doorasho oo xiligoodii ka soo horumaray oo ay sababtay mucaaridka oo xisbigii talada hayey kaga guuleystay maayeradii dalka intoodii badnayd , aqlabiyadii golaha wakiilada iyo shirgudoonkii golaha wakiilada. Waxaa la kala jiidanayaa siyaasiyiinta dibad jooga ka ah axsaabta iyo kuwa xisbiyada ku jira ee saameynta shaqsiga ah iyo ta deegaanba ku leh siyaasada Somaliland, waxa sidoo kale soo baxay damaca hogaaminta mustaqbalka ee siyaasiyiin door ah oo midwaliba xisbigiisa rabo in uu ka soo dhex muuqdo. Xaaladahani waxa ay ku soo beegmeen xili uu madaxwaynaha Somaliland ku soo celiyey Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland Xeer lr-14 oo ahaa xeerkii ururada iyo axsaabta siyaasada oo fursad iyo fakaag u ahaa siyaasiyiin badan oo aan ku qanacsanayn sadexdan xisbi qaran , sidoo kale ahaa xaq dastuurka iyo xeerarka ka farcamaa siiyeen muwaadiniinta 10 kii sanadood ba mar. Arinkaasi waxa uu abuuray in lagu qasbanaado in sadexda xisbi ee hadda jooga qofwaliba ka uu door moodo , u arko dan ama damiciisu ugu dhex muuqdo in uu xagiisa u kaco , dhacdooyinkani ayaa abuuray shirar siyaasadeed, qaar beeleed oo dalka Somaliland gobol walba ka socda iyaga oo aayo ka tashi siyaasadeed uu saldhigoodu yahay. Hadii aynu u soo noqono siyaasada Somaliland waxa uu Salkeedu yahay qabiilka oo halkii deegaan doorashada ku jira , sidaasi oo ay tahay ayaa siyaasiyiintu kala jiidanayaan beelahooga , sidoo kale la unkayaa xulafooyin siyaasadeed ama qaar hore oo jiray boodhka dib looga tumayaa. Ilaa hadda damaca ugu badan iyo cida axsaabta siyaasada jamhuuriyada Somaliland ku foogan tahay isla markaana siyaasiyiintooda baarqabka ahi fagaarayaasha u soo baxeen waa beesha degta bariga gobolka togdheer, bariga saaxil , Galbeedka sool , Galbeedka iyo waqooyiga sanaag oo ah beesha uu ka soo jeeday madaxweynihii hore ee Somaliland Siilaanyo. Beeshani waa beel saameyn ku leh siyaasada marka ay wax u doonayaan siyaasigooda iyo marka ay wax la doonayaan mid ay xulafo yihiin , waana beesha sadexaad ee ugu codka badan beelaha Somaliland sidaasi darteed ayuu dulsudhan yahay calanka guusha kursiga madaxweynaha ee 2022 oo uu xisbi waliba doonayaa in uu taageeradooda hello. Xisbiga Kulmiye oo xalay shir Hargeisa ku qabsaday ayuu shirkaasi u muuqday mid ay dib boodhka uga jafayaan jeegaantii siyaasadeed oo baryahaa saaxada siyaasada laga suuliyey , waxaana badheedhehiisa ka dhiibtay sida ku jirta warbaahinta iyo baraha bulshada wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo ah gudomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye oo yidhi waa markaygii. Xisbiga ugu awooda badan mucaaridka ayaa isaguna sheegay in uu shirweynihiisii dib u dhigey isaga oo ku sababeeyey in ay ku soo biirayaan siyaasiyiin miisaan leh iyo taageerayashoodii , waxaana muuqata in axsaabta siyaasadu is jara-raacayaan oo la is eeganayo, sidoo kale xilalka iyo xooga kaambaynka qolo waliba rabto in ay ku bixiso marka ay arkaan shaxda kuwa kale. Ilaa hadda waxa loolamaya siyaasiyiinta deegaanadaasi aynu kor ku soo xusnay ka soo jeeda oo jaangoynta guusha kursiga madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ee 2022 ku xidhan tahay oo ay ugu waaweyn yihiin ; 1- Muj Maxamed Kaahin Axmed 2- Siyasi Maxamuud Xaashi Cabdi 3- Wasiir Xasan Maxamed Gaafaadhi 4- Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Siyaasiyiintani waxa ay isugu jiraan qaar dibad joog ka ah axsaabta siyaasada, iyo qaar ku kala jira xisbiyada waaweyn ee Kulmiye iyo Waddani oo midwaliba taageerayaashiisa ku dhex haysto . Waxa kale oo ay xaaladu ku adag tahay murashaxiinta madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ee xisbiyada Kulmiye iyo Waddani oo halka ay nin ka qaataan nin kale kaga tagi doona , taasi oo laga yaabo in ay xisbigiisa iyo hiigsigiisaba dhaawacdo. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Source
-
(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee qeybta libaax Muqdisho ka siiyay murankii badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya. Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aanka Maxkamadda ICJ ay inta badan baddii lagu muransanaa ay ku siisayay Soomaaliya uu waxyeelayn doono xidhiidhkii ka dhaxeeya labada dal. Madaxweynaha Kenya waxa uu gebi ahaanba ku gacansaydhay xukunka ay maxkamadda ka soo saartay badda la sheegay inay ceegaagaan gaaska iyo naaftada, isagoo sheegay in arrintaasi ay isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba, ayna halis gelin doonto ammaanka gobolka Geeska Afrika. Waxa uu markale ku celilyay baaqiisii ahaa in wadahadal oo kaliya lagu soo afjari karo muranka. Madaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa Kenya ugu baaqay inay ixtiraamto sarraynta qaanuunka caalamiga ah. Xukunkii Maxkamadda ICJ Maxkamadda ugu sareysa ee Qaramada Midoobeey ayaa sidii Soomaaliya ay dooneysay u xukuntay muranka xuduudda badda ee kala dhexeeya Kenya. Dowladda Kenya ayaa horey maxkamadda ICJ ugu eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna tilmaamtay in aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya oo la hadashay weriyaha BBC Ferdinand Omondi, waxay sheegtay in ay ku adkeysaneyso go’aankeedii isbuucii hore ee ahaa in aysan aqoonsaneynin xukunka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka. Aagga ama nawaaxiga la isku haysto wuxuu gaarayaa 100,000km oo isku-wareeg ah, oo seddax xagal ah, kuna yaalla Badweynta Hindiya, waana aag loo maleynayo in shidaal iyo gaas badan ay ku jiraan Khilaafka xuduudda badda wuxuu ahaa mid muddo soo jiitamayay oo labada dal ka dhex dhaliyay muran dhanka diblumaasiyadda ah. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu ku faraxsan yahay xukunka, uuna Soomaalida oo dhan ugu hambalyeynayo soo celinta dhulka. Illaa 10-kii sano ee la soo dhaafay, Kenya waxay ku doodeysay in leenka xuduudda uu u leexanayo dhanka bariga, halkaas oo ay u arkeysay in xadka labada dal ee badda uu yahay. Balse Soomaaliya ayaa maxkamadda ka sheegtay in aysan ahayn in leenka xuduudda badda uu si toos ah u raaco midka xadka dhulka ee labada dal. Garsooreyaasha oo ka koobnaa 14 ee u fadhiistay go’aan ka garidda khilafka, waxay sheegeen in Soomaaliya aysan caddeynin in horey ay u ansixisay heshiiska xuduudda ay sheeganeyso. Maxkamadda ICJ ayaa la timid leen cusub oo laba u kala qeybinaya baddii lagu muransanaa, inkastoo qeybta ugu badan ay aaday dhanka Soomaaliya. Madaweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ee ku saabsanaa muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, uu yahay mid caddaaalad ah. Balse inkastoo Kenya ay horey u diiday in ay aqbaleyso go’aanka maxakamadda, haddana ma cadda waxa ay sameyn doonto. ICJ awood uma lahan meelmarinta xukunkeeda. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dooday in Kenya ay ku xadgudubtay madaxbannaanideeda, iyadoo howlgallo ka sameysay biyaheeda, waxayna dalbatay magdhow. Balse garsooreyaasha maxkamadda ayaa dooddaas Soomaaliya diiday. Sannadkii 2009, labada dal waxay isla gaareen is-afgarad ay taageereysay Qaramada Midoobeey, si xal looga gaaro khilaafka xuduudda iyadoo loo marayo wadahadal, taas oo baarlamaanka Soomaaliya uu diiday. Balse, shan sano ka dib xilligaas, Soomaaliya waxay sheegtay in wadahadalladii ay fashilmeen, waxayna dacwad u gudbisay ICJ. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Soomaaliya waxay ka carootay in Kenya ay iibisay shatiyo ku saabsan aaggii lagu muransanaa, sannadkii 2012. Isagoo hadlayay ka hor go’aanka maxkamadda, Mahdi Maxamed Guuleed oo ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, wuxuu BBC u sheegay: “Waan aaminsannahay in xukunka uu yahay hannaan… Waa sababta aan u nimid maxkamadda”. Maxakamaddan ICJ waxaa loogu talagalay in ay xalka ugu dambeeya ka gaaro khilaafaadka u dhexeeya dalalka. Haddii Kenya ay diiday xukunka, waxaa arrinta loo gudbin doonaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobeey, sida ay sheegtay Wareiyaha BBC ee Hague, Anna Holligan. Source
-
Lamu fishermen have vowed to continue plying their trade along the rich Kiunga fishing grounds regardless of the verdict of the Kenya-Somalia maritime dispute. Source: Hiiraan Online
-
At least three people were killed and several wounded Tuesday evening when a suicide bomber blew himself up at a busy restaurant in Mogadishu's Yaqshid district, according to a police official. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Itoobiya ayaa bilaabay guluf dagaal oo ka dhan ah jabhadda TPLF ee ku sugan gobalka Amxarada ee dalka Itoobiya. Hogaanka TPLF ayaa dhankooda sheegay in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo aysameynayaan ciidamada Isbiheysiga Itoobiya. Afhayeenka TPLF Getachew Reda, ayaa sheegay in ciidamada Amxarada oo garabsanaya kuwa Itoobiya ay bilaabeen is aruursi dagaal oo ka dhanka ah ciidamada Tigrayga. Billene Seyoum, oo ah afhayeenka ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo la weydiiyay in la qaaday weerar dhulka ah ayaa sheegtay “in dowladda Itoobiya ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay muwaadiniinteeda ku sugan dhammaan qeybaha dalka ka ilaaliso falal kasta oo argagixiso.” “Dowladda Itoobiya waxay sii wadi doontaa ka hortagga burburinta, rabshadaha iyo dilalka TPLF ee gobolka Amxaarada iyo meelo kaleba,” ayay raacisay hadalkeeda Afhayeenka Abiy. Amxaarada iyo Tigreega ayaa muddo tobanaan sano ah ku muransanaa dhul ka dib markii Tigray ay ballaarisay xuduudaheeda rubuc qarni ka hor, oo ay ku jirto dhul beereed baxaad weyn oo ku yaalla xadka labada dhinac kaas oo ay sheegteen qowmiyadda Amxaarada. Amxaaradu waxay ciidan u dirtay dhulkaas – oo si rasmi ah loogu yaqaanno Galbeedka Tigray – markii uu dagaalku billowday bishii Nofeembar ee u dhexeeyay ciidanka qaranka iyo xoogagga jabhadda TPLF, welina gacanta ayuu ku hayaa. Bishii Juun, ciidamada Tigreega ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta inta badan Tigray, taas oo ku qasabtay milatarigii qaranka in uu meesha ka baxo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda qeybo badan oo kamid ah Jubaland taas oo khatar ku ah nolosha dad badan oo kamid ah bulshada deegaanka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay yihiin kuwo u baahan gurmad caalami ah iyo gargaar deg deg ah oo ay helaaan dadka tabaalaysan. Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay Dhammaan Hay’adaha gargaarka iyo cid walba oo tageero ka gaysan karta dhibaatada taagan inay tahay hada xiliga ugu haboon ee gurmad deg deg ah loo baahan yahay. Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ay wado dadaalo wax lagaga qabanayo xaalada hada taagan isla markana qiimaynta ay ilaa hada sameeyeen ay muujinayso in loo baahan yahay gargaar Caalami ah oo wax lagaga qabto saamaynta abaaraha jira ay gaysanayaan. PUNTLAND POST The post Jubaland oo gurmad deg deg ah ka dalbatay hay’adaha Caaalamiga ah appeared first on Puntland Post.
-
To: Mr. Abdirizak Khalif Ahmed. Speaker of the House of Representatives, Hargeisa Mr Speaker, . I take this opportunity to remind you of your obligation not remain silent over the forced displacement of Somali citizens in Las Anod. You know that many people whom Somaliland government had forcibly displaced were born and raised in Las Anod. As the Speaker of the break-away administration’s legislature and an MP from Las Anod your silence can mean indifference or support for what the United Nations has described as “forced displacement”. It is a crime under the international law. Abdirizak Khalif Ahmed is an MP of Las Anod in the secessionist administration’s legislature. Mr Speaker, you hold an important position and are one of the influential people in Somali politics: you have the obligation to speak up against forced displacement in your constituency. You should not be ignoring the plight of your fellow citizens whom Somaliland government has illegally designated as foreigners. Mr. Speaker, no African country has ever stripped people of their citizenship. Legal experts in Hargeisa voiced their concerns about the consequences of forced displacement, a crime punishable under the international law. Responsibility for forced displacement will lie with individuals — politicians and traditional leaders — who supported the forced displacement of more than 1,600 persons in Las Anod directly or indirectly. Mr. Speaker, I take this opportunity to remind you of your responsibility to protect people in your constituency against forced displacement. That is why your silence is puzzling. In a situation like this silence implies acquiesce or tacit support. I urge you to speak up before it is too late. Defend the rights of Somali citizens who were forcibly displaced in Las Anod. Suhaib H. Sahardiid, Las Anod The post A Letter to the Speaker of the House of Representatives in Hargeisa appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya Gobolka Lamu ee waddanka Kenya ayaa sheegaya in qarax xooggan halkaas lagula beegsaday kolonyo ka tirsan Milatariga dowladda Kenya. Ilaa 14 askari oo ka tirsan Milatariga Kenya ayaa ku geeriyooday kadib markiii qarax miino lala beegsaday kolonyo ciidan oo marayay jidka u dhexeeya Milimani iyo Baargooni ee Gobolka Laamu. Warbaahinta gudaha Kenya ayaa laga soo xigtay wararka ku saabsan qaraxa oo lagu sheegay miino dhulka loo geliyay kolonyada halkaas maraysay. Dhinaca kale malayshiyaadka Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas. PUNTLAND POST The post Qarax lagu laayay askar ka tirsan Milatariga Kenya oo ka dhacay Gobolka Laamu appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha waddanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si adag ugu gacan-sayray xukunkii dacwadda badda ee shalay ka soo baxay maxkamadda Caddaalada Caalamiga ah ee ICJ. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladda kenya aysan aqbalin islamarkaana aqoonsan doonin xukunkaas dacwadda badda ee ay soo saartay maxkamadda. “Ma aqbalayno mana aqoonsanin xukunka ka soo baxay Maxkamadda ICJ waana mid wiiqi doona xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya” sidaas waxa yiri madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Sidoo kale, wuxu sheegay in isagoo ah taliyaha ciidamada qaranka Kenya uu qaadi doono tallaabo kasta oo uu awoodo si looga hortago go’aankaas. “Ma doonayo inaan ka tago dhaarteydii qaranka; waxaana sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodo, ka taliyaha Ciidamada Qaranka ahaan, si aan u ilaaliyo dhulka Jamhuuriyadda Kenya” PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Kenya oo si adag uga horyimid xukunkii dacwadda badda appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Joe Biden ayaa ku martigelin doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kulan ka dhici doona Washington berri oo Khamiis ah. Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanka uu qiimeynayo cuanqabateyn uu saaro dhinacyada colaadu u dhaxeyso ee dalalka dariska la ah Kenya ee Bariga Africa. Kulanka Aqalka Cad ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu Biden la qaato hogaamiye African ah. Afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtey in labada hogaamiye ay ka wadahadli doonaan dadaallada lagu difaacayo demoqraadiyada, xuquuqda aadanaha, laguna hiigsanayo nabadda iyo xasilloonida iyadoo sidoo kalena sare loo qaadayo kobcinta dhaqaalaha si loola tacaalo isbedelka cimilada. Kenya ayaa hadda heysa kursiga wareegtada ah ee golaha ammaanka QM bishan. Mareykanka iyo Kenya ayaa leh wadashaqeyn dhinaca dhaqaalaha iyo ammaanka oo ay soo raacdo la dagaalanka argagixisada. PUNTLAND POST The post Biden oo Aqalka Cad kula kulmaya Uhuru Kenyatta appeared first on Puntland Post.
-
Malayshiya-beeleed hubaysan ayaa xoog kula wareegay dekedda magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug kadib markii lagu murmay badeecado ganacsi oo laga dejin lahaa halkaas. Wararka ayaa sheegaya in malayshiyaadkaas lacag weydiisteen ganacsato doonayay in ay badeecado ka dejistaan dekedda magaalada Hobyo kadibna ganacsatadu diiday in ay bixiyaan lacagtaas. Malayshiyaadka ayaa dalbanaya in la siiyo cadad lacageed oo cayiman si ay u fasaxaan dekedda islamarkaana looga soo dejiyo badeecadaha ganacsiga ee xanniban. Tallaabadaas ayaa xiisad ka abuurtay degmada Hobyo kadib markii ganacsatada qaarkood la soo baxeen hubkooda. PUNTLAND POST The post Malayshiya-beeleed xoog ku qabsaday dekeda Hobyo appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Mareykan ayaa ugu baaqday Kuuriyada Waqooyi inay ka waantowdo ficillada sii kordhaya ee meesha ka saari karo wadahadalada iyo iskaashiga u dhexeeya labada Kuuriya iyo Mareykanka. Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan, bayaan uu soo saaray kadib kulan uu kula qaatay Washington dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Suh Hoon ayuu sheegay in ay wanagsantahay in Pyongyang ay joojiso waxyaabaha sababi karo carqaladeeynta iskaashi ee ay la leedahay Caalamka intiisa kale. Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in horumarinta hubka ay lama huraan u tahay si looga hortago siyaasadaha cadaawadda leh ee Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed. Khudbad uu ka jeediyay Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, bandhiggii horumarinta difaaca Pyongyang ayaa kordhineysay xiisadda soo cusbonaatay ee keentay in Washington ay ka falceliso. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo baaq u jeediyay kuuriyada Waqooyi appeared first on Puntland Post.
-
Waxa xalay ku soo geba geboobay huteel Guuleed ee Magaalada Hargeysa, shir balaadhan oo muddo afar sacadood halkaas ka socday, kaas oo lagaga hadlayey arrimo ku saabsan Xisbiga Kulmiye iyo mustaqbalkiisa. Shirkan, ayaa waxa ka qayb galay ergooyin ka badan 100 oo ka soo jeeda Deegaannada ay degaan Beesha Bariga Burco, iyada oo shirkana goob joog uu ka ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, ahna Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed. Xogaha uu Wargeyska Saxansaxo ka helay Shirkan ayaa tibaaxay in muddadii uu socday hadallo kala duwan laga jeediyey, iyada oo ay madashaasi hadallo ka jeediyeen dad lagu qiyaasay 16 qof, oo isugu jiray Siyaasiyiin, Xildhibaanno hore, Waxgarad, aqoonyahanno iyo Odayaal. Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa halkaas ka jeediyey hadal dhinacyo badan taabanaya, waxaana oo Nuxurka hadalkiisu xambaarsanaa ka mid ahaa; ■ In Madaxweyne Muuse Biixi ahna Guddoomiyaha Kulmiye, inuu diyaar u yahay inuu Beesha Bariga Burco ku soo wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga ■ In uu Maxamed Kaahin ahaan, maadaama oo uu yahay Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga uu doonayo in lagu dhiso Guddoomiyenimada Kulmiye. ■ Inuu yahay ninka ugu mudan maanta in la dhiso, taasna uu ka filayo Waxgaradka deegaankiisa iyo Salaadiintaba in ay taageero siiyaan. ■ In uu yahay nin Waddanka u soo shaqeeyey, una soo halgamay, maanta aanay jirin cid ka mudan inuu noqdo Hoggaamiyaha Siyaasadda ee beeshiisa, Siillaanyo debbadii. ■ In lagu Ixtiraamo damaciisa, maadaama oo oo isaguba 30 sanno ee u dambeeyey iyo muddadii Halganka SNM Lagu jirayba, oo ixtiraamayey, una tanaasulayey, siyaasiyiintii ka waaweynaa ee Beeshiisa, isaga oo tusaale u soo qaaday inuu soo dhisay Siillaanyo iyo Saleebaan Maxamuud Aadan, labaduba uu sheegay in ay xataa SNM-ta ugu yimaadeen. ■ In sidii uu u soo dhisay Siillaanyo iyo Saleebaan isagana markiisa la dhiso, oo aan la barbar cararin. ■In uu maanta u baahan yahay garab istaag iyo in damaciisa Kulmiye lagu dhiso. ■In aanu doonayn inuu wax ku doono wax ka hooseeya magac guud ee deegaanada Beeshiisa. ■ In la adkeeyo isxulafaysigii siyaasaddeed ee jiray, boodhkana laga jaro, isaga oo hoosta la xariiqay in aanay cidna xuluf la’aan is bixinayn. Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay waxgarad kale duwan, oo sheegay in ay diyaar u yihiin in haddii Xisbiga la soo wareejinayo in ay ku dhisayaan Wasiir Kaahin. Xigasho: Saxansaxo Source
-
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku gacan seeray go’aanka ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ka gaartay kiiska murankii badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ayaa go’aamisay in xariiqda xuduudda labada dal ay noqoto mid toos ah oo ah sida ay Soomaalida codsatay, halkii ay xariiqda ka noqon laheyd mid lool ah oo ah sida ay Kenya dalbatay, waxayna Maxkamadda inta badan dhul-badeedkii la isku hayey siisay Soomaaliya. Isaga oo ka hadlaya go’aanka, ayaa Kenyatta wuxuu sheegay in natiijada ay aheyd mid “labada dhinac uu mid la laabtay waxba,” wuxuuna sheegay in Kenya aysan aqbaleyn oo aysan aqoonsaeyn. Kenyatta ayaa yiri “ma damacsani inaan ka tago dhaarteeda qaranka; waxaana sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodo, ka taliyaha Ciidamada Qaranka ahaan, si aan u ilaaliyo dhulka Jamhuuriyaddan weyn.” Waxa uu ku dooday in go’aanka uu tusaale u yahay “sii socoshada ka ka tallaabsashada sharci ee ICJ, uuna abuuray su’aal aas-aasi ah oo ku saabsan xushmadda ay dalalka madax-banaan u hayaan hanaanka cadaaladda caalamiga ah.” “Xaqiiqdii, Kenya waxay shaki ka qabtaa in dal uu kasoo dhex muuqan doono kiis sidan oo kale ah,” ayuu yiri. “Maxkamadaha caalamiga ah waxay sharciyadooda la egtahay inta dal uu u ogol yahay,” ayuu yiri isaga oo ku sugan New York, halkaasi oo uu ku guddoomiyey shirka Golaha Ammaanka. “Sidaas darteed, Kenya waxay ugu baaqaysaa bulshada caalamka inay abuuraan deegaan awooda raadinta heshiis laga wada-xaajooday. Go’aankan wuxuu wiiqi doonaa xiriirka labada dal.” Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale ka digay inay suurta-gal tahay in go’aankan uu sii xumeeyo xaaladda nabadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika oo markii horeba aan cago adag ku taagneyn, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay sheegay in Soomaaliya ay aqbashay go’aanka Maxkmadda ICJ ay maanta ka gaartay kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya. “Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay u hoggaansameyso go’aanka maxkmadda, anagoo ka rajeyneyna dowladda aan deriska nahay ee Kenya inay ilaaliso sareynta sharciga caalamiga ah, aysan iska ilaawdo damaceeda marin habaabinta ah, taas bedelkeedna ay go’aanka maxkamadda u qaadato fursad lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah,” ayuu yiri Farmaajo. Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Kenya inay aqbasho go’aanka Maxkamadda, islamarkaana iska deyso boor isku qariska iyo carqaladeynta ay ku hayso baddeena. The post Uhuru oo jawaab ka bixiyey go’aankii ay Maxkamadda ICJ ka gaartay kiiska badda appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ayaa go’aankii la sugayey ee dacwadda Xadaynta Xuduudka Badda Soomaaliya iyo Keenya soo saartay maanta. Soomaaliya ayaa 2014kii waxa ay maxkamadda u gudbisay dacwad ay ku codsanayso in la calaammadeeyo xad badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Keenya illaa dhul badeedka ka dambeeya qalfoof badeedka. Labada dal waxa ay gudubsadeen dooddoodii oo qoraal ah iyo jawaabo qoraalladaas khuseeya. Dhagaysiga dacwadda Keenya wey ka maqneed, laakiin maxkamaddu way guda gashay sida uu qabo xeerka maxkamadda. Waxa aan hoos si kooban ugu faahfaahinayaa go’aanka maxkamadda. 1. Waa jireen heshiisyo ay galeen dalalkii gumaysaneyey Somaaliya iyo Keenya ee Talyaaniga iyo Ingiriiska oo khuseeyey barta xuduudka,laakiin xad badeedka u dhaxeeya labada dal weligiis qaab sharci ah looma xadeyn. Keenya dhulka dacwaddu khusayso waxay ay ka ijaaatay shirkado inta aan dacwaddu billaaban. Dowladda Soomaaliya way ku saxsaneed in ay maxkamadda weydiisato in si joogto ah loo xadeeyo xuduud badeedka labada dal u dhexeeya. 2. Dooddii Keenya oo ahayd xudduud badeedka labada dal u dhexeeya waa xadaysan yahay oo heshiis ayaa lagu yahay isaga oo ku salaysan xarriiqa ku dherersan xadka (parallel of latitude). Waxa ay Keenya sheegtay in ay 1979kii iyo 2005tii sheegteen xadkooda, Soomaaliyana ayna ka hor imaan oo aamusnaan ku aqbashay. Maxkamaddu waxa ay sheegtay in Xeerka Biyaha Badda ee Keenya oo soo baxay 1972dii iyo Xeerka Qaybaha Badda oo 1989kii oo Keenya oo soo baxay ay ka hor imaanayaan sheegashadaas. Sidoo kale sharciyo Soomaaliya soo saartay 1988 iyo 1989 ayaa diidaya doodda Keenya oo ah Somaaliya way aqbashay cabirka Keenya.Tan kale, gudbintii codsigii kordhinta qalfoof badeedka oo ka dambeeya 200 bayl badeed ee Soomaaliya iyo Keenya gudbiyeen 2009kii ayaa taas ka hor imaanaya. Waxa kale oo maxkamaddu sheegtay in Heshiiskii Isafgaradka ahaa ee Soomaaliya iyo Keenya galeen uu sheegashadaas ka hor imaanayo isaga oo qorayey in aan xuduudku calaamadaysayn oo labada dal ka heshiin doonaan. Maxkamaddu waa diidday doodda Keenya oo waxa ay sheegtay in ayna Soomaaliya si cad oo joogto ah u aqbalin xuduudkaas Keenya sheegatay, xad badeedka labada dal u dhexeeyana uuna xadaysnayn. 3. Keenya waxa kale oo ay ku doodday haddii laga diido in xad badeedka labada dal u dhexeeya uu callaamadaysan yahay, in hadda la xadeeyo iyada oo xarriiqa lagu dhererinayo barta xadka (parallel of latitude). Maxkamaddu dooddaas way ka diidday dalka Keenya oo waxa ay qaadatay qaabkii Soomaaliya dalbatay oo ahaa nidaamka equidistance. Maxkamaddu waxa ay qaabkaan u martaa saddex waji sida ay ku sharraxday kiiskii Xadaynta Badda Madow oo ku dhexeeyey Romania iyo Ukraine. Marka hore waxaa la samaynayaa xariiq ku meel gaar ah. Wejiga labaad waxaa la qiimeeyaa haddii ay jiraan duruufo keenaya in laynka la qalloociyo oo adjustment lagu sameeyo. Midda saddexaadna waxaa la fiiriyaa in xariiqa ama sidiisa ha ahaado ama hala qalloociyee uu saami ahaan saxan yahay (proportionality test). 4. Keenya waxa ay ku doodday in ay jiraan shan arrimood oo keenaya in xarriiqa la qalloociyo.Tan koowaad, waa arrin amniga khusaysa oo walwal ayaan ka qabnaa ammaanka marka la fiiriyo xaalka Soomaaliya ayey ku doodday. Maxkamadda waa diidday dooddaas oo waxa ay sheegtay in xaalka Soomaaliya ahayn mid joogto ah oo uu isbeddeli doono, ammaan darrada dhulkana ayna qasab ahayn in ay badda saamayso. Tan labaad, Keenya waxa ay ku doodday in dhaqanka gobolka iyo sida ay badda u xadeeyaan ay keenayso in xarriiqa la qalloociyo. Maxkamaddu waa diidday dooddaas. Tan saddexaad Keenya waxa ay ku doodday in kalluumaysatadeeda ayna helayn meel ay maraan. Maxkamadda taasna waa diidday oo waxaa ay sheegtay in meelaha kalluumaysatadu ku xirtaan inta badan ayna ahayn dhulka dacwadu khusayso. Tan afaraad Keenya waxa ay ku doodday in dhaqanka labada dal oo ku aadan baaritaanka shidaalka iyo kormeerka ciidammada badda ay tahay in xarriiqa la qalloociyo. Maxkamaddu dooddaanna way diiday. Tan afaraad oo Keenya ku doodday ayaa ahayd in ay marinka badda ka soo xirmayo oo aad u yaraanayo. Maxkamadda iyada oo xiganaysa kiis Arbitral Tribunal qaadday oo u dhexeeyey Guinea/Guinea-Bissau in gobolka Galbeedka Afrika oo dhan la tixgeliyey. Hadda ay maxkamaddu tixgelisay xadka Soomaaliya, Keenya iyo Tanzania. Maxkamaddu waxa ay caddeysay in ayna heshiiska Keenya iyo Tanzania ayna saamayn ku lahayn tixgelinta. 5. Maxkamaddu waxa ay go’aamisay in biyaha badda Soomaaliya (territorial waters) oo ah 12 mayl badeed laynka sida Soomaaliya u rabtay ahaanayo oo aan la qalloocinayn ama adjustment lagu samaynayn. 6. Maxkamaddu waxa kale oo ay go’aamisay in xarriiqa dhanka waqooyi loo qalloociyo laga billaabo dhamaadka biyaha Soomaaliya illaa 12 mayl badeed wixii ka dambeeya taas oo lagu yaraynayo soo xirmidda xeebta Keenya iyada la tixgelinayo tan Soomaaliya , keenya iyo Tansaaniya taas oo keentay sida ay joqoraafi ahaan u samaysan yihiin xeebaha dalalkaas. Maxkamaddu inta badan dalalka dacwadu dhextaal ayey xeebahooda tixgelin jirtay ee gobolka oo dhan ma tixgelin jirin. 7. Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah waxa ay si sharci ah oo kama dambays ah u xadaysay xad badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo keenya. Waxa ay aqbashay dooddii Soomaaliya inta badan. Xaqiiqa dhanka waqooyi loo qalloociyey waxa uu dhulkii dacwaddu khusaysay qayb aan badnayn siinayaa Kenya. Maxkamadda marka ay tixgelisay doodaha, xaaladda gobolka sidaas ayey xal u aragtay. Waxaad moodaa in qaab guul-guul ah ay ku dhamaysay oo ayna qaanuunka keliya ku ekaan. 8. Go’aanka maxkmadda meela badan kama waafaqsanayn sida ay maxkamaddu go’aanka u gaari jirtay oo waxa aad mooddaa in ay xaaladda gobolka iyo siyaasadda caalamka tixgelisay. Garsoore Dr Abdiqawi Yusuf oo ah khabiir Soomaaliyeed oo kamid ah garsoorayaasha maxkamadda ayaa fikir gooni ah oo uu go’aammada qaar ku diiddan yahay soo bandhigay. Tusaale ahaan waxa uu duray meesha laga billaabay xariiqa oo uu tilmaamay in ayna sax ahayn. Tan kale waxa uu diiday oo khalad ku tilmaamay in aan tixgelinta lagu ekayn Soomaaliya iyo Keenya laakiin Gobolka dhan la tixgeliyey oo uu ugu yeeray ““judicial refashioning of geography”. Waxa kale oo Garsoore Abdulqawi in soo xirmidda badda Keenya(serious cuff-off) ayna ahayn mid la arki karoo o aan meesha oollin. 9. In kasta oo sidii aan wax u rabnay aanan u wada helin , haddana Soomaaliya go’aankaan guul weyn ayey u tahay. Waa midda koowaad, dalkayaga oo ah dal ka soo kabsanayey colaado daba dheeraaday, in aan Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah kiis gaynay oo aan helnay xadayn sharci ah oo kama dambayn ah. Tan labaad, maxkamaddu waxa ay aqbashay inta badan dooddihii Soomaaliya. Tan saddexaad, dhul badeedkii kiisku khuseeyey inta badan waxaa loo xukmiyey Soomaaliya. 10. Labada dal oo deriska ah Soomaaliya iyo keenya waxaa la gudboon in ay aqbalaan go’aanka maxkamadda, laguna wada noolaado deris wanaag. Dalalka kiisaskooda lagu qaado maxkamadda inta badan waa kuwo deris ah, kamana dhigna in ay cadow isku yihiin. Xaqeennii si wanaagsan ayaan u difaacannay, waana muhiin in midnimo la muujiyo. Ahmed Ali M Khayre, PhD – Waxa uu sharciga caalamiga ah ka bartay Birkbeck School of Law ee University of London. Wuxuu sidoo kale Daraasaadka Sharciyada Caalamiga ah iyo Yuurb ka bartay Utrecht University School of Law The post Fallanqeyn sharci ah: Muxuu ka dhigan yahay go’aanka Maxkamadda Caddaaladda? appeared first on Caasimada Online.
-
Nuxurka Qodobadii lagu lafoguray Shir-doceedkii Wasiir Maxamed Kaahin & Qaar ka mida Waxgaradka Beeshiisa ee Hargeysa ku qabsoomay Waxa gordhawayd ku soo geba geboobay huteel Guuleed ee Magaalada Hargeysa, shir balaadhan oo muddo afar sacadood halkaas ka socday, kaas oo lagaga hadlayey arrimo ku saabsan Xisbiga Kulmiye iyo mustaqbalkiisa. Shirkan, ayaa waxa ka qayb galay ergooyin ka soo jeeda Deegaannada ay degaan Beesha Bariga Burco, iyada oo shirkana goob joog uu ka ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, ahna Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed. Xogaha Warbaahintu ka heshay Shirkan ayaa tibaaxaya in muddadii uu socday hadallo kala duwan laga jeediyey, iyada oo ay madashaasi hadallo ka jeediyeen dad lagu qiyaasay ilaa dhawr iyo Toban qof oo isugu jiray Siyaasiyiin, Xildhibaanno hore, Waxgarad, aqoonyahanno iyo Odayaal. Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa halkaas ka jeediyey hadal dhinacyo badan taabanaya, waxaana oo Nuxurka hadalkiisu xambaarsanaa ka mid ahaa:- ■ In Madaxweyne Muuse Biixi ahna Guddoomiyaha Kulmiye, inuu diyaar u yahay inuu Beesha Bariga Burco ku soo wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga ■ In uu Maxamed Kaahin ahaan, maadaama oo uu yahay Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga uu doonayo in lagu dhiso Guddoomiyenimada Kulmiye. ■ Inuu yahay ninka ugu mudan maanta in la dhiso, taasna uu ka filayo Waxgaradka deegaankiisa iyo Salaadiintaba in ay taageero siiyaan. ■ In uu yahay nin Waddanka u soo shaqeeyey, una soo halgamay, maanta aanay jirin cid ka mudan inuu noqdo Hoggaamiyaha Siyaasadda ee beeshiisa, Siillaanyo debbadii. ■ In lagu Ixtiraamo damaciisa, maadaama oo oo isaguba 30 sanno ee u dambeeyey iyo muddadii Halganka SNM Lagu jirayba, oo ixtiraamayey, una tanaasulayey, siyaasiyiintii ka waaweynaa ee Beeshiisa, isaga oo tusaale u soo qaaday inuu soo dhisay Siillaanyo iyo Saleebaan Maxamuud Aadan, labaduba uu sheegay in ay xataa SNM-ta ugu yimaadeen. ■ In sidii uu u soo dhisay Siillaanyo iyo Saleebaan isagana markiisa la dhiso, oo aan la barbar cararin. ■In uu maanta u baahan yahay garab istaag iyo in damaciisa Kulmiye lagu dhiso. ■In aanu doonayn inuu wax ku doono wax ka hooseeya magac guud ee deegaanada Beeshiisa. ■ In la adkeeyo isxulafaysigii siyaasaddeed ee jiray, boodhkana laga jafo, isaga oo hoosta ka xariiqay in aanay cidna xuluf la’aan is bixinayn. Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay waxgarad kale duwan, oo sheegay in ay diyaar u yihiin in haddii Xisbiga la soo wareejinayo in ay ku dhisayaan Wasiir Kaahin. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah u soo jeediyey inay meel iska dhigaan danaha shakhsiga ah oo ay muujiyaan walaalnimo, wadajirna ay u soo dhaweeyaan guusha ay Soomaaliya ka soo hoysay kiiska badda ee xukunkiisa kama dambeysta ah ay riday maxkamadda ICJ. Farmaajo oo aad u soo dhaweeyey xukunkii maxkamadda, isla markaana sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqbashay, una hoggaansameyso xukunkaas ayaa sheegay in guushaan aysan sheegan karin cid gaar ah. Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay fagaare ka qiray wanaag uu sameeyey madaxweynihii isaga ka horeeyey Xasan Sheekh Maxamuud. “Waxaa xusid mudan, doorkii sharafka lahaa ee walaalkey madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo bilaabay geedi socodkii cadaaladeed ee lagu difaacayey badda Soomaaliyeed oo ay sheegatay Kenya,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sheegay in Mucaarad iyo Muxaafid aysan kala laheyn guushaan Soomalaiya uga soo hoyatay kiiska badda ay muranka gelisay Kenya, isagoo ku tilmaamay guushaan ay dhaxli doonaan jiilka dambe ee Soomaaliyeed. “Guushani ma aha mid u soo hoyatay cid gaar ah, mana kala lahan muxaafid iyo mucaarid, mana aha libin ay leeyihiin shakhsiyaad kooban balse waa guul ka dhaxaysa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waana guul ay dhaxli doonaan jiilasha soo socda,” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale intii uu jeedinayey khudbadaas waxa uu sheegay in isagoo ka faa’iideysanaya fursadaas uu siyaasiyiinta kale ee ka soo hor jeeda uu ka codsanayo inaay muujiyaan midnimo iyo farxad xukunkaan maxkamadda awgiis. “Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’idaysto inaan ku dhiirrigeliyo siyaasiyiinta walaalahay ah inay muujiyaan midnimo, isku duubni iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta danaha qarankeenna, annaga oo meel iska dhigayna danaha shakhsiga ah iyo aragtiyada kala duwan ee aan ka leennahay siyaasadda dalka,” ayuu yiri madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo. The post FARMAAJO oo markii ugu horreysay amaanay Xasan, fariinna u diray mucaaradka appeared first on Caasimada Online.