Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - Somalia presidential candidate and Wadajir party leader, Abdirahman Abdishakur Warsame, said monuments should be erected to commemorate his government's role in saving Somalia's sea's. Source: Hiiraan Online
  2. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay inuu go’aansaday in howlgalka uu hadda ka fuliyo Soomaaliya ee AMISOM loo beddelo mid QM iyo Midowga Afrika ay ku mideysan yihiin. War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inay ayideen qiimeyn uu sameeyey guddi madax-banaanka oo Midowga Afrika ka tirsan, kaasi oo soo jeediyey in howlgal wada-jir ah oo laga fuliyo Soomaaliya. Taariikhda la qorsheeyey in howlgalkaas uu billowdo ayaa ah Janaayo 2022. Midowga Afrika ayaa sheegay inuu doonayo in howlgalka lagu fuliyo qodobka VII (7) ee Axdiga QM. Qorshahan ayaa u baahan inuu ansixiyo Golaha Ammaanka QM. Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka “uu xaqiijin doono maalgelin sanado badan ah oo la saadaalin karo lana joogteyn karo oo uu helo howlgalka mustaqbalka, ayada oo loo marayo tabarucaad ay QM qiimeysay.” Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u diiday qorshahan, waxayna ku adkeysatay doorka taageerada howlgalka Midowga Afrika ,ayada oo mas’uuliyadda amniga, si tartiib tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya. Hase yeeshee Midowga Afrika ayaa doonaya wada-tashi deg deg ah oo ay la yeeshaan QM iyo dowladda Soomaaliya iyo saamileyda kale si looga shaqeeyo u gudbidda howlgalka cusub ee lasoo jeediyey. Ururka ayaa sidoo kale doonaya in la ballaariyo tirada dalalka ku tabaruca ciidamada Amisom, oo hadda ah shan dal oo kala ah; Ethiopia, Uganda, Burundi, Kenya iyo Djibouti, kuwaas oo ay Soomaaliya ka joogaan19,000. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika, QM iyo dowladda Soomaaliya ay go’aan ka gaari doonaan hadafyada, sharciyadda, iyo xaddiga howlgalka cusub. VOA The post Ciidamada Amisom oo lagu beddelayo kuwa ka socda QM iyo Midowga Afrika oo gaaray go’aan xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweyne Muse Biixi Oo Ka Qaybgalay Munaasibad Lagu sagootiyey Arday Ka Qalinjebisay Jaamacadda Edna University. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey 341 Arday oo ka qalinjabiyey Jaamacadda Edna Aadan. Munaasibadda qalinjebinta oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, safiirro, hormuudka kala duwan ee jaamacadda Edna, macallimiinta Ardayda maanta qalinjebisay iyo waalidiintooda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana madasha laga soo jeediyey hadallo lagu bogaadinayo da’yarta cilmiga baratay laguna hogo-tusaalaynayo sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba ugaga faa’iidayn lahaayeen aqoontooda. Mustafe Xasan Daahir oo ku hadlayey magaca maamulka Jaamacadda Edna oo halkaas ka hadlay, ayaa u mahadnaqay madaxweynaha qaranka iyo masuuliyiinta kala duwan ee munaasibadda ka qaybgashay, waxana uu bogaadiyey Ardayda maanta qalinjebisay oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan. Haboon Abibakor Qalinle oo ku hadashay magaca Ardayda maanta qalinjebisay, ayaa ku dheeraatay dedaalkii ay Arday ahaan naftooda geliyeen sidii ay halkan usoo gaadhi lahaayeen, iyada oo u mahadnaqday waalintoodii, macallimiintii wax soo bartay iyo dhammaanba madaxda qaranka ee maanta munaasibadda farxaddooda kala qaybgalay. Aasaasaha, ahna madaxweynaha jaamacadda Edna, Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo halkaas khudbad dheer ka jeedisay, ayaa si qoto dheer u sharraxday dedaalka iyo naf-hurnimada ay jaamacad ahaan geliyeen geliyeen Ardayda maanta qalinjebisay, waxana ay hoosta ka xarriiqday inay kalsooni badan ku qabto aqoonta Ardayda, islamarkaana ay yihiin kuwo isbeddel muuqda bulshadooda ugu horseedi kara bulshadooda, iyadoo ku adkaysay inay noqdaan kuwo qarankooda ilaashada oo feejigan. Maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo munaasibadda ka hadlay, ayaa hambalyeeyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu ku waaniyey inay dedaalkooda waxbarasho sii labanlaabaan, maankana ku hayaan in mustaqbalkii dalkooda iyo koodiiba uu gacantooda ku jiro. Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa isaguna bogaadiyey Ardayda qalinjebisay, waxana ku adkeeyey inay yareeyaan ku tiirsanaanta dadka kale, naftooda horumariyaan, aqoonta ay barteenna ku shaqo tagaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay Ardayda qalinjebisay, ayaa si kal iyo laab ah u hambalyeeyey Ardayda, waalidintooda iyo macallimiintii ku tacabtay, waxana uu kula dardaarmay inay muujiyaan midhaha tacabkii la geliyey, kaalintoodana ka qaataan horumarka qarankooda. Madaxweynuhu waxa uu quruxda Ardayda qalinjabisay ku tilmaamay mid qaranku ku faani karo, isaga oo bogaadiyey cid kasta oo kaalin ka qaadatay inay kaalintan soo gaadhaan, gaar ahaan Marwo Edna Aadan oo dedaalkaas ku suntan, “Hambalyo inta qalinjebisay maanta, Hambalyo waalidiinta kusoo tabcay, hambalyo shaqaalaha iyo madaxda jaamacadda, hambalyo wasaaradda Waxbarashada, si gaar ah hambalyo Dr. Edna Aadan Ismaaciil, hambalyo dhammaan qaranka Somaliland ee ay maanta usoo baxeen intan oo mutacallimiin ahi.” Ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu halkaas shahadooyin iyo abaalmarinno kala duwan ku guddoonsiiyey Ardaydii kaalmaha hore ka gashay kulliyadaha kala duwan ee ay jaamacaddu ka kooban tahay, kuwaas oo bartay qaybaha kala duwan ee caafimaadka. Qaran News
  4. ADDIS ABABA (HOL) - The African Peace and Security Council has adopted the proposal to deploy a joint AU-UN force to replace AMISOM by the end of this year. Source: Hiiraan Online
  5. Amaawiir Xukumada Dul-dhigtay Hotelada & Shirkadaha Daabacadaha Hargeysa+Joojin Shir-beeleed Halkan ka Akhri warkaas oo faahfaahsan:- Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa war xasaasi ah kasoo saaray dib u dhaca markale ku yimid jadwalka doorashooyinka dalka. Qoraalka kasoo baxay musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in dib u dhacan oo ah kii saddexaad oo ku yimaada jadwalka doorashooyinka uu sababay in dalka uu galo firaaqo dastuuri ah iyo xaalad hubanti la’aan ah oo saameyn ballaaran ku yeelatay xasiloonida. Sidoo kale golaha ayaa shaaca ka qaaday in ay ka wel-welsan yihiin in illaa iyo hadda aysan caddeyn xilliga rasmiga ah ee ay qabsoomeyso doorashada golaha shacabka. Warsaxafaadeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in mas’uuliyadda dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka uu qaadayo golaha wada-tashiga qaran oo ka kooban ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka. “Goluhu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in Golaha Wadatashiga Qaran uu qaadayo mas’uuliyadda dib u dhaca doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Hay’adihii dowladda federaalk oo muddo xiloodkoodii sharciga ahaa dhammaatay waxey keentay hubanti la’aanta siyaasadeed oo sababtay in yididiilladii shacabka yaraato, mugdina hareeyo maalgashigii ganacsi, heshiisyadii caalamiga ahaa, kaalmooyinkii dhaqaale, dayn cafinta, iyo mataaladdii Soomaaliya ee fagaarashayaasha caalamiga ah,”. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo jadwalkii ugu dambeeyey doorashooyinka uu dib u dhac ku yimid, kaas oo dhigayey in doorashada madaxweynaha ay dhaceyso 10-ka bishaan October oo shalay ku beegneyd, iyada oo aan weli la dhameystirin doorashada Aqalka Sare. The post Midowga Musharaxiinta oo WEERAR culus ka qaaday Golaha Wadatashiga Qaran appeared first on Caasimada Online.
  7. Abdirisaq Khalif Ahmed,the Speaker of Somaliland Parliament, and Las Anod MP. In 2019 Somalia became “the 30th African country to sign the Kampala Convention” (African Union Convention for the Protection and Assistance of Internally Displaced Persons in Africa.” The Kampala Accord commits Somalia to protect people against “displacement based on policies of racial discrimination or other similar practices aimed at/or resulting in altering the ethnic, religious or racial composition of the population” and “displacement used as a collective punishment.” In the National Policy on Refugee-Returnees and Internally Displaced Persons (IDPs) the Federal Government of Somalia fully commits itself to protect citizens against use of forced displacement resulting from “policies relating to clan affiliation…, collective punishment and other human rights abuses…” [and] forced eviction of individuals, families or communities from the homes or land that they occupy, without the provision of and access to appropriate forms of legal or other protection.” Yasin Haji Mohamud Hir, Las Anod MP in Somaliland Parliament. In light of the forced displacement of more than 1,500 persons in Las Anod by Somaliland government, which views Somalis from the South as foreigners who have settled illegally in districts under its control, it is important to note that forced displacement is a serious crime under the international law. Somaliland government cited security reasons to displace Somali citizens (collective punishment). Somaliland is a part of the Federal Republic of Somalia. Its claim that territories under its control are no longer a part of Somalia predisposes itself to resort to forced displacement. Forced displacement is classified as a crime against humanity and falls within the scope of the international law. “In the case of a crime against humanity, the forced displacement has to be committed as part of a widespread or systematic attack directed against a civilian population, regardless of the existence of or connection with an armed conflict” wrote Federico Andreu-Guzmán. Ahmed Hassan Ali (Asowe), Las Anod MP in Somaliland Parliament. The Somali victims of the forced displacement are internally displaced persons (IDPs) who fled the Southern regions of Somalia to live in the Northern Somalia regions. The decision to forcibly displace the Somali citizens was preceded by community discussions in Las Anod about appropriate response to the planned assassinations in the disputed town. The Somaliland government Ministers visiting Las Anod unilaterally made the decision to displace Somalis from the South, many of whom were born in the Las Anod. The committee of elders appointed by Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil denounced forced displacement of Somali citizens – business owners, labourers, builders, children, women and elderly — whom Somaliland government wrongly views as foreigners, in total violation of their citizenship rights “to be protected against being forcibly displaced from his or her home, region or place of habitual residence”. Saleeban Yusuf Ali Koreh, Somaliland Minister for Information, and Taleh MP. There is risk of wider forced displacement in districts under the Somaliland administration. The Deputy Governor of Sanaag Mohamed Khalif Noor called on locals to end their business partnerships with “foreigners, who have two weeks to leave Sanaag”. Failure to address the forced displacement in Northern Somalia will promote impunity in Somalia. Forced displacement will become more widespread and a form of reprisal in Somalia if the Federal Government choses not to invoke the National Policy on Refugee-Returnees and Internally Displaced Persons, which is binding on all Somalia’s political authorities. Mohamed Kahin, Somaliland Minister for Interior. Urging Somaliland to stop forced displacement and allow Somali citizens to return to their place of habitual residence before could prevent civil action against politicians and traditional leaders involved in the forced displacement of Somali citizens in Las Anod. Possible targets for civil actions include Somaliland MPs from Sool, the Speaker of Somaliland Parliament, the Minister for Interior, the Minister for Information, the Minister for Transport and Roads Development, and traditional leaders from Sool. Forced displacement is an incipient national security threat that can tip Somalia into a new cycle of a civil war. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, a paramount chief of Las Anod. Some MPS and traditional leaders based in areas under the control of Somaliland were once refugees, who now hold citizenships of host countries. Somaliland leaders should rethink the decision that resulted in the forced displacement of Somalis in Las Anod, and honour its obligation to protect internally displaced persons (IDPs) who live or work in districts under its control. Describing the Somali IDPs as foreigners amounts to denationalisation – the involuntary removal of citizenship or nationality by the state [or an authority]. Liban Ahmad Libahm@gmail.com The post Forced Displacement by Somaliland Government is a Crime Against Humanity appeared first on Puntland Post.
  8. Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in uu go’aansaday in howlgalka AMISOM loo beddelo mid ay ku mideysan yihiin Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Qoraal ka soo baxay Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay xoojiyeen qiimeyn uu sameeyey guddi madax-banaanka oo Midowga Afrika ka tirsan, kaasi oo soo jeediyey in howlgal wada-jir ah oo laga fuliyo Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka uu xaqiijin doono maalgelin sanado badan ah oo la saadaalin karo lana joogteyn karo oo uu helo howlgalka mustaqbalka, ayada oo loo marayo tabarucaad ay QM qiimeysay. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u diiday qorshahan, waxayna ku adkeysatay doorka taageerada howlgalka Midowga Afrika ,ayada oo mas’uuliyadda amniga, si tartiib tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya. Hase yeeshee Midowga Afrika ayaa doonaya wada-tashi deg deg ah oo ay la yeeshaan QM iyo dowladda Soomaaliya iyo saamileyda kale si looga shaqeeyo u gudbidda howlgalka cusub ee lasoo jeediyay. PUNTLAND POST The post Hawlgalka AMISOM oo loo beddelay mid ay ku midaysan yihiin Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maanta gaaray Baledweyn ayaa kulan la qaatay xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee shalay gaaray Magaalada Beledwyene ee xarunta Gobolka Hiiraan Madaxweynaha iyo xubnha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa kawada hadalay Arrimaha doorashooyinka dalka waxana Guddiga Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ay ka codsaday inay kala Shaqeeyaan sidii loo dardar gelin lahaa doorashada Aqalka Hoose iyo adkeynta Amniga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Xubanaha Guddiga Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa sidokale inta ay halkaa ku suganyihin waxa ay kulama laqaadan doonaan Bulshada qaybaheed kala duwan PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Heer Federaal appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatey wakiilo ka socdey beesha caalamka oo ay uga horeyso kuxigeenka Wakiilka qaramadda midoobe ee soomaaliya ayna qeyb ka ahaayeen safiirada UK iyo Midowga Yurub. kulanka waxaa looga hadley Xaalada Dadkii laga soo musaafuriyey Laascaanood,Amniga guud Iyo Doorashooyinka Aqalka hoose ee La filayo in ay ka bilaabadaan deegaanada Dowlad gobaleedka koonfur galbeed PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed iyo Beesha Caalamka oo shir ka yeeshay dadkii laga soo raafay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  11. Golaha midawga musharixiinta ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid doorashada golayaasha baarlamaanka iyo tan madaxweynaha Soomaaliya. Midawga ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin in tiro seddax jeer ah uu dib u dhaco jadwalka doorashada Soomaaliya, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in shacabka iyo saamileydaba lala socod siiyo sababaha dib u dhaca keenay. Musharixiinta ayaa sheegay in mas’uuliyadda dib u dhaca doorashada ay qaadayaan Golaha wadatashiga qaranka. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Midawga Musharixiinta. Source: goobjoog.com
  12. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa soo dhaweeyay go’aanka ururka midawga Afrika madaxweynaha dalka Sudan uu ku dhexdhexaadinayo dagaalka sanad jirsaday ee Itoobiya iyo TPLF. Afhayeenka Madaxweynaha Sudan Ateny Wek Ateny, ayaa sheegay in Jimcihii in hoggaamiyaha Itoobiya, Axmed Abiy uu si rasmi ah u aqbalay soo jeedinta urur -goboleedka oo Salve Kiir u aqoonsaday inuu yahay qof ku habboon gobolka si uu u dhex -dhexaadiyo colaadda ka aloosan Itoobiya. “Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu hadda aqbalay soo jeedintii dowladda oo ka codsatay Madaxweyne Salva Kiir inuu dhexdhexaadiyo wadahadalka sharci -darrada ku ah Dowladda Itoobiya iyo walaalaha ka soo jeeda Tigray,” ayuu yiri Ateny. Afhayeenka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in goordhaw la bilaabayo wadahadalada lagu dhexdhexaadinayo Abiy iyo TPLF. Bishii Sebtember, Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk oo sidoo kale ah Guddoomiyaha IGAD ayaa Kiir ku tilmaamay in uu yahay qofkii ku haboonna dhexdhexaadinta. Hamdok ayaa markii dambe xaqiijiyey in Kiir uu mar walba ka codsado inuu Dhexdhexaadiyo Cooper -ka, oo ah Xifaaltannada aan sharciga ahayn ee Itoobiya. Gobolka woqooyiga Itoobiya ayaa dagaalada ka socdeen tan iyo Noofambar 2020, markii Abiy uu ciidamo u diray Tigray si ay u xakameeyaan dhaqdhaqaaqyada Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF). Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Matabaan (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay isaga baxeen guud ahaan degmada Matabaan, taas oo ay dhowaan la wareegeen, kadib markii ay ku soo rogaal celisay gobollada dhexe. Ciidamada Ahlu Sunna oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inay saaka faarujiyeen xarumihii ay ku sugnaayeen ee gudaha degmada Matabaan, waxaana ay gaareen deegaan dhaca xadka kala qaybiya labada gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay halkaasi ka sameysteen Kastam cusub oo ay gaadiidka uga qaadi doonaan lacago Canshuuro ah. Ma cadda illaa iyo hadda sababta ka dambeysa in Ahlu Sunna ay dib uga soo baxdo degmadaasi oo dhowaan ay si nabadoon kula wareegtay. Wararka ayaa intaas ku sii daraya in Kastamkii ay ku sugnaayeen ciidamada Ahlu Sunna ay haatan dib ula wareegay maamulka Matabaan oo ka bilaabay qaadiida Canshuuraha. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Ahlu Sunna Waljamaaca iyo maamulka degmada oo ku aadan arrintaasi. Dib u gurashada Ahlu Sunna ee dhinaca degmada Matabaan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo haatan xiisad culus ay ka taagan tahay degmada Guriceel oo laga cabsi qabo inay weerar ku qaadaan ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. The post Ciidamada Ahlu Sunna oo isaga baxay Matabaan iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  14. Wararka naga soo gaarayo degmada Matabaan ee kala qeybisa gobalada Hiiran iyo galgaduud ayaa sheegaya in maanta ay isaga baxeen ciidamada Ahlu sunna oo muddooyinkii u dambeyay ay ku sugnaayeen. Ciidamada Ahlu-sunna ayaa todobadyo ka hor la wareegay degmada Matabaan iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobalka Galgaduud. Saaka ayaa la sheegay in ciidamada iyo gaadiidkoodaba ay isaga baxeen degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan. Illa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in ay isaga baxaan ciidamada Ahlu-sunna degmada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa shaaciyay in ay wel-wel aad u weyn ka qabaan dib u dhaca doorashada iyo sidoo tafaraaruqa siyaasadeed ee ka jira dalka, waxaana sidoo kale ay carrabka ku dhufteen in dalku uu marayo xaalad hubanti la’aan ah oo dhanka doorashooyinka ah. Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in Goluhu uu ka xun yahay in jadwalkii doorashada ee horay la isugu raacay ay Seddex jeer dib uga dhacday dhammaan waqtiyadii loo asteeyay. Qoraalka Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay niyad jab iyo walaac ku abuurtay hubanti la’aanta dhanka doorashooyinka, waxaana yaraaday maalgashiyadii caalamiga ahaa ee dalka. Midowga Musharaxiinta ayaa hoosta ka xarriiqay in Golaha Wadatashiga Qaran uu qaadayo mas’uuliyadda dib u dhaca doorashooyinka dalka, iyagoo sida qoraalka lagu shegay ay yaraadeen maalgashigii ganacsi, heshiisyadii caalamiga ahaa, kaalmooyinkii dhaqaale, dayn cafinta, iyo mataaladdii Soomaaliya ee fagaarashayaasha caalamiga ah, taasi oo eedeynteeda ay dusha u saareen Golaha Wadatashiga Qaran. PUNTLAND POST The post Miwoga Musharrixiinta oo war ka soo saaray dib u dhaca doorashooyinka dalka appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhinaca deegaanka Gubadley ayaa sheegaya in goordhow dagaal u dhexeeyo ciidamo ka wada tirsan milatariga dowladda Soomaaliya uu ka qarxay halkaasi Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamada Korneyl Saney Cabdulle iyo kuwa kale oo taabacsan Cismaan Xaadoole oo isna ka mid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya, kana howl-gali jiray gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu hadda ka socdo halka loo yaqaano Xaawo Casir iyo Suuqii hore xoolaha ee Xirgadheere, iyada oo haatan la soo warinayo in dagaalka uu usii durgayo dhinaca deegaanka Gubadley oo fariisin ciidan u ah Saneyl Cabdulle oo dhowaan loo xil-saaray amniga waddada dheer marta dhinaca xeebta. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dagaalka uu yahay mid la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale ma cadda waxa ay isku hayaan ciidamada dagaalamaya, balse waxaa muddooyinkii dambe taagnaa khilaaf culus oo u dhexeeyey Kornleyl Saney & Xaadoole. Dhinaca kale dadka deegaanka ee ku nool Gubadley iyo agagaarkeeda ayaa waxa soo food saartay cabsi xoogan, maadaama dagaalka uu sii xoogeysanyo marba marka ka dambeysa. Faafh faahinta kala soco: Caasimada.net The post DEG DEG: Dagaal culus oo ka socda duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  17. Dhuusamareeb (Caasimada) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in lagu guuleystay xalinta tabashada ciidankii daraawiishta ee dhowaan gadoodka ka sameeyey koonfurta Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Falagle ayaa sheegay in ciidamadaas ay ugu dambeyn dib ugu laabteen saldhigyadooda, kadib wada-hadal dheer oo lala galay saraakiisha hoggaamineysay, lana qanciyey. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay baneeyeen Kastamka Canshuuraha ee magaalada Gaalkacyo oo ay maalmo ka hor qabsadeen ciidamadaasi, wuxuuna ballan qaaday inay sidoo kale heli doonaan mushaaraadka ka maqan ee keenay inay gadoodka sameeyaan. Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay bulshada Galmudug inay is dajiyaan, wuxuuna ka digay in looga sii daro xaaladda maamulkaas oo culeys wajahaya. Arrintan ayaa qaboojineysa xaaladdii cakirneyd ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ka taagneyd Gaalkacyo, tan iyo markii ay ciidamadu la wareegeen Kastamka Canshuuraha oo ay heysteen saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, iyaga oo ka saaray Booliiskii heystay. Xilliga ay gadoodka sameeyeen ciidamadan ayaa ku soo aaday, markii uu iscasilay wasiirkii amniga ee Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan,waxayna dadka qaar ay shaki weyn ka muujiyeen waxa isku soo aadiyey iscasilaada iyo gadoodka. Si kastaba, Galmudug ayaa lugaha la hashay xiisad horleh, kadib markii Ahlu Sunna ay dib usoo rogaal celisay, isla-markaana ay qabsatay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. The post Maxaa lagu qanciyey ciidmadii gadooddka ku qabsaday Kastamka Gaalkacyo? appeared first on Caasimada Online.
  18. Xoogagga Ahlusunna ayaa saaka isaga baxay degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan halkaas oo kamid ahayd magaalooyinka ay qabsadeen. Goob-joogayaal ayaa sheegay in Ciidamada Ahlusunna oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ay saaka isaga baxeen magaalada Matabaan ee Gobolkaas Hiiraan. Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Ahlusunna hadda ku sugan yihiin Tuulada Lebi-Hiiraan oo ku taalla xadka labada Gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud. Weli faahfaahin lagama helin sababta keentay in Ciidamada Ahlusunna ka baxaan degmada Matabaan xilli ay dhinaca Guriceel ka jirto xiisad u dhexaysa Galmudug iyo Ahlusunna. PUNTLAND POST The post Ciidamada Ahlusunna oo ka baxay degmada Matabaan appeared first on Puntland Post.
  19. Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug, oo ka gadoodsan mushahar la’aan, ayaa lagu qanciyay in ay ka baxaan kastamka Canshuuraha koonfurta Gaalkacyo. Ciidamadan ayaa mudda saddex maalmood ah haystay Kastamka Canshuuraha koonfurta Gaalkacyo, kadib markii ay halkaas ka saareen ciidankii Booliiska. Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sida wararku sheegayaan ku guulaystay in ay ciidamada ka qaadaan Kastamka Canshuuraha, islamarkaana dib ugu celiyaan saldhigyadoodii hore. Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada u sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo xallinayo tabashada dhanka mushahaarka iydoo sidaas lagu qanciyay. PUNTLAND POST The post Ciidamo xoog ku haystay Kastamka Canshuuraha koonfurta Gaalkacyo oo dib saldhigyadoodii loogu celiyay appeared first on Puntland Post.
  20. Baraawe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta ciidamo Boolis ah geeyey gudaha magaalooyinka Baraawe iyo Dhuusamareeb oo xarumo u ah dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Galmudug, Soomaaliya. Ujeedka ciidamadan ayaa ah sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen amniga doorashooyinka ka dhacayaa magaalooyinkaasi. Baraawe iyo Dhuusamareeb ayaa qorshuhu yahay inay ka billowdaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka, iyada oo ay ka socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay. Booliska AMISOM ayaa si gaar ah loogu wareejin doonaa xarumaha doorashooyinka, si loo adkeeyo ammaanka inta ay socota doorashada xildhibaanada baarlamaanka 11-aad. Gen. Augustine Magnus Kailie oo ah taliyaha Booliiska AMISOM ayaa qorshahaan ku tilmaamay mid lagu xaqiijinayo xasiloonida meelaha loo qorsheeyey doorashooyinka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tababar dheeraad ah la siiyey ciidamadan, si ay gacan uga geystaan amniga doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka. Ciidamadan maanta la geeyey Baraawe ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ka socotay doorashada golaha deegaanka ee degmadaasi, taas oo walaac laga muujiyey maadaama la bilaabayo doorashada aqalka hoose. Si kastaba, heshiiska doorashooyinka ee lagu gaaray Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ahaa in ciidamada Booliska AMISOM ay qeyb ka noqdaan ilaalinta doorashooyinka dalka ee 2021ka. The post AMISOM oo ciidamo boolis ah geysay labo magaallo oo dalka ka mid ah + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  21. When the Covid-19 crisis hit the country last year, President Uhuru Kenyatta challenged Kenyan scientists, doctors, pharmacists and researchers to come up with an alternative way of dealing with the pandemic. Source: Hiiraan Online
  22. Ra’iisulwasaarada xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan dhanka fogaan aragga ah la yeeshay guddiga kiiska dacwadda Badda Soomaaliya. Wafdiga guddigaan oo uu hogaaminayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku sugan dalka Holland oo lagu wado in ICJ ay beri ku dhawaaqdo go’aanka kiiska badda. Ra’iiusl wasaaraha ayaa ku dhiirageliyay guddiga dadaalka ay ugu bixinayaan in ay soo dhiciyaan baddeenna ay muranka gelisay Kenya. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed xuseen Rooble ayaa kulan dhiirrigelin ah habka fogaan aragga kula yeeshay wefdiga DFS ee ka qeyb galaya ku dhawaaqista go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee dacwadda badda,isagoo guul u rajeeyay Ummadda Soomaaliyeed”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Ra’iisulwasaarada xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayay Amniga doorashooyinka dawladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho kuwaas oo dhawaan qabsoomaya. Shirka waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Gudiga Kumeel Gaarka ah ee Doorashooyinka (TPEC) iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland. Sidoo kale shirka waxaa qeyb ka ahaa saraakiil sare oo amni oo ay ka mid yihiin Lataliyaha Amniga Madaxweynaha, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, Agaasimaha Waaxda Amniga, Hay’adda Sirdoonka Puntland iyo saraakiil kale oo amni. Shirka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo go’aamo lagu sugayo amni doorashooyinka Dawladdaha Hoose ee soo foodaleh. PUNTLAND POST The post Shirka Amniga doorashooyinka dowladaha hoose oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  24. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo wareegto cusub soo saaray ayaa xilal ka qaadis ku sameeyey agaasimeyaal ka tirsan wasaaradaha maamulkaas, isaga oo sidoo kale magacaabay kuwa cusub oo kumeel gaar ah. Wareegto ka soo baxday xafiiska Cali Guudlaawe ayaa waxaa xilalkii looga qaaday agaasimeyaasha wasaaradaha amniga iyo qorsheynta ee maamulkaasi, kadib soo jeedin ka timid wasiirada labadaasi wasaaradood. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in xilka Agaasimihii Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xiriirka Caalamiga Dowlad goboleedka Hirshabeelle loo magaabay Maxamed Muxumad Cabdulle, waxaana xilkaas horay u hayey oo laga qaaday Cabdulahi Maxamed Xasan. Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdi Raage oo ahaa agaasimihii wasaaradda Amniga ayaa shaqada laga eryey, waxaana xilkaas loo Magacaabay Mukhtaar Maxamed Cabdulle. “Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Wasaarada Amniga Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Raage waxa uuna xilkaas u Magacaabay Mudane Mukhtaar Maxamed Cabdulle” ayaa lagu yiri wareegtada Cali Guudlaawe ayaa faray in lala shaqeeyo mas’uuliyiinta cusub oo uu amray inay si deg deg ah ula wareegaan xilalkooda. Shalay ayey aheyd markii uu madaxweynaha HirShabelle oo xilal ka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii hay’adda qaxootiga maamulkaas iyo sidoo kale guddoomiyihii maxkamadda gobolka Shabeelaha Dhexe, isaga oo u magacaabay mas’uuliyiin kale. The post Guudlaawe oo xilal ka qaadis & magacaabis sameeyey appeared first on Caasimada Online.
  25. As the audience filed into the Great Hall Friday evening, the scene was reminiscent of a high fashion show. A sea of black ties, floor-length gowns and multi-colored hijabs filled the room — even a hot-pink bedazzled cowboy hat made its way through the crowd. Source: Hiiraan Online