-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Paris)-Dalal kale ayaa muwaadiniintooda u sheegay inay isaga baxaan dalka Itoobiya, halkaas oo uu sii xoogaysanayo dagaal sannad ka badan socday oo u dhexeeya ciidammada federaalka iyo ciidamada ka soo jeeda gobolka Tigrayga ee woqooyiga dalkaas, kaasoo u muuqda inuu waji cusub yeelanayo. Raysal wasaare Abiy Axmed ayaa goor dambe oo isniinti ah ku dhawaaqay inuu safka hore tagi doono salaasadii shalay si uu u hogaamiyo askartiisa, isagoo ku dhawaaqay: “Waxaan hadda ku jirnaa heerkii ugu dambeeyay ee badbaadinta Itoobiya.” Faransiisku wuxuu kula taliyay muwaadiniintiisa inay ka baxaan Itoobiya, Jarmalka ayaa sidoo kale ugu baaqay muwaadiniintiisa inay dalka ka baxaan duullimaadyadii ugu horreeyay ee ganacsi ee la heli karo, iyadoo la raacayo talooyin la mid ah oo ay siiyeen Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska toddobaadyadii la soo dhaafay, iyagoo sabab uga dhigaya xaaladda amniga oo sii xumaaneysa. Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay si ku meel gaadh ah u rari doonto qoysaska shaqaalaha caalamiga ah ee ka imaanaya Itoobiya, iyadoo intaa ku dartay in shaqaalaheeda ay sii joogi doonaan dalka. Source
-
Kampala (Caasimada Online) – Booliska Uganda oo wada howlgallo kadib qaraxyadii toddobaad kahor ka dhacay dalkaas, ayaa sheegay inay xireen afar qof oo Soomaali ah oo walxo qarxo keenay hotel lagu wado inuu toddobaadkan booqdo madaxweyne Yoweri Museveni. Afhayeenka booliska Fred Enanga ayaa sheegay in walxha qarxa lagu qabtay baaris lagu sameeyey baabuur yaallay hotel-ka Speke Munyonyo. “Kooxda wada-jirka ah ee ka hortagga argagixisanimada waxay gacanta ku hayaan afar qof Soomaali ah,” waxaa sidaas yiri Enanga oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. Hotelkan caanka ah, oo horey u marti-geliyey kulan madaxeedyo, ayaa lagu wadaa in Khamiista berri ah lagu qabto kulanka golaha wasiirada, oo uu guddoominayo madaxweyne Yoweri Museveni. Booliska ma shaacin magacyada Soomaalida la xiray. Booliska Uganda ayaa adkeeyey amniga dalkaas toddobaadyadii tegay kadib markii Uganda ay wajahday weeraro dhowr ah oo dhimasho leh, oo uu ku jiro weerar is-miidaamin ah oo dhacay toddobaadkii tegay, kaasi oo ay sheegatay kooxda Daacish. Labada qarax oo isku xigay ayaa dhacay daqiiqado gudahood, waxaana fuliyey laba qof oo is-miidaamiyey, oo watay mootada loo yaqaan “boda boda”, ayaga oo beegsaday meel u dhow saldhigga booliska iyo xarunta baarlamanka ee magaalada Kampala. Qaraxyada ayaa daba socday laba qarax oo dhacay bishii tagtay – mid lala beegsaday bas marayey meel u dhow Kampala oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, iyo mid ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda oo haweeney ay ku geeriyootay. Booliska ayaa bishii tagtay sheegay in labada qarax ay fuliyeen dagaal-yahanada kooxda ADF. Uganda ayaa sidoo kale ADF ku eedeysay qarax la fashiliyey oo bishii August lala beegsan lahaa tacsida Jeneraal lagu naaneysi jiray “Libaaxa Muqdisho,” oo Al-Shabaab kula dagaalamay Muqdisho. Kooxda aadka looga cabsado ee ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taraiikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumanaan qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Kaniisadda Katooliga ee Congo ayaa sheegtay in ADF ay dileen qiyaasti 6,000 oo qof tan iyo 2013. The post Afar qof oo Soomaali ah oo qaraxyo wata oo lagu qabtay hotel uu Yoweri Museveni… appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa goordhaw lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ay ka bilaabato doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. Guddiga hirgelinta doorashooyinka maamulka Galmudug ayaa sheegay iney soo gabagabeeyeen diiwaan gelinta iyo Shahaado siinta shan ka mid ah Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka Hoose, hayeesha maanta la qabanayo laba kursi oo ay soo hormariyeen doorashadooda. Kuraasta goordhaw la filayo in doorashadooda bilaabato ayaa kala ah tirsigooda HOP 26 iyo HOP 104, kursiga koowaad ee HOP 26 waxaa horay igu fadhiyay Xildhibaanada lagu magacaabo Ikraan Aadan Absuge, kursiga labaad ee HOP 104, isna waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad. PUNTLAND POST The post Doorashada Kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo goor dhow ka bilaabanaysa Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya digniinta caalamiga ah ee ku aaddan in laga baxo magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia, xilli ay kusoo dhowaanayaan mucaaradka dalkaas. QM ayaa ku amartay in halkaas ay deg deg uga baxaan qoysaska shaqaalaheeda, halka France ay noqotay dalkii ugu dambeeyey ee Reer Galbeed ah oo muwaadiniintiisa u sheega inay ka tagaan Ethiopia. Ciidamada Tigray-ga ayaa soo gaaray magaalo 220km u jirta Addis Ababa, kadib markii ay wax ka yar bil gudaheed kusoo jareen dhul 100 km ka badan. Amar amni oo kasoo baxay QM, oo ay aragtay wakaaladda wararka AFP, ayaa lagu sheegay in dhammaan qoysaska shaqaalaha QM ay dalkaas uga baxaan ugu dambeyn 25-ka November. “Ayada oo la eegayo xaaladda amni ee dalka iyo taxaddar dartiis, QM waxay go’aansatay inay si ku-meel gaar ah u yareyso shaqaalaheeda ayada oo dib u dejin u sameyneysa dhammaan xubnaha qoysaskooda,” ayuu afhayeenka QM Stephane Dujarric. France ayaa sidoo kale ku waanisay muwaadiniinteeda inay dalka Ethiopia ka baxaan “ayaga oo aan dib u dhigin,” taasi oo ka dambeysay talo-bixin noocaas ah oo ka timid Mareykanka iyo UK. Hase yeeshee Addis-Ababa ayaa ku gacan seertay digniinaha ay bixinayaan Reer Galbeedla “Dacaayadda iyo argagaxa ay faafinayaan warbaahinta reer galbeedka waxay khilaafsan yihiin xaaladda nabadeed ee magaalada, sidaas darteeda diblomaasiyiinta ma ahan inay cabsadaan,” waxaa sidaas yiri Kenea Yadeta oo ah madaxa xafiiska amniga iyo nabadda ee Addis Ababa. Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa Isniintii wacad ku maray inuu tegi doono furinta dagaalka si uu hoggaamiyo ciidanka. “Waxaan hadda ku jirnaa wejigii ugu dambeeyey ee badbaadinta Ethiopia,” ayuu yiri Abiy Ahmed. Abiy ayaa ciidamada dowladda u diray gobolka Tigray bishii November ee 2020, kadib markii uu TPLF ku eedeeyey inay weerareen xero ay leeyihiin ciidamada dowladda. Kadib bilo ay haysteen gobolka, ayaa wax walba waxay isbeddeleen bishii June ee sanadkan kadib markii TPLF ay dib ula wareegtay gobolka, ciidamada dowladdana ay ka baxeen. Wixii markaa ka dambeeyey TPLF ayaa isku ballaarisay gobollada deriska la ah ee Amhara iyo Afar. Waxay sidoo kale isbaheysi la sameysatay kooxo kale, oo ay ku jirto kooxda OLA ee Oromada, taasi oo ku xooggan gobolka Oromia ee deriska la ah Addis Ababa. The post Wararkii ugu dambeeyey ee Addis-Ababa oo ay kusoo dhowaadeen mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE FIFA Welcomes New European Parliament Report on Sport In line with FIFA’s ongoing transfer system reform, the document recalls the need to “regulate the activities of agents” and acknowledges the importance of recent reforms ZURICH, Switzerland, November 23, 2021/ — Report focuses on key issues such as good governance, safe sport, inclusiveness and anti‑discrimination; FIFA’s (www.FIFA.com) transfer system reform gains support as part of improving good governance and integrity. FIFA has welcomed the report on EU sports policy, prepared by Member of the European Parliament (MEP) and former professional football player Tomasz Frankowski, which was adopted today by the European Parliament (EP) plenary. This report will be an important step for the development of EU sports policy in the years to come. In line with FIFA’s ongoing transfer system reform, the document recalls the need to “regulate the activities of agents” and acknowledges the importance of recent reforms, including “the establishment of a clearing house, licensing requirements for agents and caps on agents’ commissions.” “The European Parliament report clearly confirms that FIFA’s ongoing efforts in relation to the transfer system reform not only go in the right direction but are essential to shape the football of the future, which should be based on the principles of good governance and solidarity by all those involved,” commented FIFA Chief Legal & Compliance Officer Emilio García Silvero. “The transfer system reform has gained consistent support by key political actors, which is very much in line with FIFA’s commitment to modernise the regulatory framework, thereby ensuring that transparency and accountability are safeguarded on a global scale.” Support from political actors on the transfer system reform The EP report follows the publication of another report by the Council of Europe (https://fifa.fans/3nS6W4F) in June this year that recognised FIFA’s ongoing efforts to reform the transfer system, stressing that the soon‑to‑be‑operational FIFA Clearing House would “represent a milestone in achieving comprehensiveness, transparency and integrity of the transfer system for football players around the world”. Other entities supporting FIFA’s ongoing efforts in relation to the transfer system reform have been the G20 Anti-Corruption Working Group and the United Nations Office on Drugs and Crime (UNODC). FIFA tackling “significant imbalance” As highlighted by FIFA President Gianni Infantino at the 71st FIFA Congress (https://fifa.fans/3qZmdT3), there is still a significant imbalance in world football: the global spend on player transfers (which amounted to USD 7 billion in 2019) is not reflected in the payment of compensation to training clubs (totalling just USD 70 million, also in 2019), which is far less than agents’ fees (USD 700 million in the same year). To remedy this, the FIFA Clearing House will help enforce training compensation and solidarity payments, potentially raising the amount to USD 300 million per year. Since 2017, and in line with the FIFA President’s blueprint The Vision 2020-2023: Making Football Truly Global (https://fifa.fans/3xi9Z8Z), FIFA has made major steps towards the establishment of a fairer and more transparent transfer system, with the FIFA Council endorsing three reform packages (https://fifa.fans/3DM2OZk). An overview of the main achievements in relation to the reform of the transfer system is available here (https://fifa.fans/3cI7UKk). On good governance and integrity, the report hails, among others, the “reforms and measures to improve transparency and accountability in the player transfer market across sports,” while stressing the importance of making “further efforts” in the same direction. Safeguarding The report also calls for all relevant actors to prioritise policies that safeguard children, promote healthy and active lifestyles and ensure safe, inclusive and equal sport. “We support the principles of the report and in particular, we take note of the European Parliament’s call to safeguard children from any form of abuse in sport,” said Joyce Cook, FIFA Chief Social Responsibility & Education Officer. “We have already launched in 2019 the FIFA Guardians Programme (https://fifa.fans/30Uqn3p), to strengthen child and vulnerable adult safeguarding measures across football, and we are now taking the initiative to establish an independent, multi-sport, multi‑agency, international entity to help sports judicial bodies investigate and appropriately manage cases of abuse. We are ready to work together with EU Institutions to further advance our work in that respect,” she added. SOURCE FIFA Qaran News
-
Dab ayaa xalay qabsaday qayba kamid ah xaafadda Barakacayaasha Washington ku taalla dhanka bari ee caasimadda Garoowe. Dabka ayaa qabsaday guryo iyo sandaqado waxaana markiiba u gurmaday dab-demiska magaalada iyo ciidanka Booliiska islamarkaana ku guulaystay in ay demiyaan. Khasaaraha ka dhashay dabka ayaa sida wararku sheegayaan ku kooban min hantiyeed oo keliya balse lama soo werin wax khasaare nafeed ah. Sidoo kale weli tira-koob rasmiya lagama hayo guryaha iyo sandaqadaha ku gubtay dabkaas xalay ka kacay Kaamka Washington. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta dab ka kacay xaafadda Barakacayaasha Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE Kenya And South Africa Sign Eight Agreements, Ushering In A New Dawn Of Bilateral Cooperation The eight agreements included MoU’s in transport, health, diplomatic consultations and training as well as tourism and migration NAIROBI, Kenya, November 23, 2021/ — President Uhuru Kenyatta and President Cyril Ramaphosa witnessed the signing of the agreements shortly after they led their delegations in bilateral talks at Union Buildings in Pretoria, the official seat of the South African Government. The eight agreements included MoU’s in transport, health, diplomatic consultations and training as well as tourism and migration. Others were a Bilateral Air Services Agreement (BASA) as well as MoU’s on Government Printing Works and the return of nationals refused entry and illegal entrants. Addressing the press after the signing ceremony, President Kenyatta said the Kenya-South Africa diplomatic relationship of close to 30 years had come of age. “In addition to strong bilateral relations which span a wide range of areas, Kenya and South Africa are close partners at the regional and global stage,” said President Kenyatta, on the second day of his three-day State Visit to the Southern Africa country. President Kenyatta, once again, reaffirmed Kenya’s commitment to work with South Africa in driving the aspirations of the people of the two countries through the promotion of the African agenda. “…you will agree with me that it is only by working together that we can achieve the desired outcomes for closer bilateral cooperation and strategic partnerships. We have definitely made good strides. However, there is scope to even do better,” President Kenyatta said. At the same time, President Kenyatta commended President Ramaphosa for his exemplary leadership during his tenure as chairman of the African Union last year. “The Africa Bureau that you led, and which I was delighted to be a part of, established the Africa Joint Continental Strategy for COVID-19 which continues to guide our successful response to the pandemic to date,” President Kenyatta said. The Kenyan leader further thanked his South African counterpart for the support that enabled Kenya to join the United Nations Security Council as a non-permanent member for the period 2021 to 2022. On his part, President Ramaphosa said President Kenyatta’s State Visit has provided an opportunity to take stock of the current state of bilateral relations and explore new areas of mutual interest and benefit for the people of the two countries. Saying South Africa owes a debt of gratitude to the people of Kenya for the unwavering support during the struggle for its freedom, President Ramaphosa emphasized the need to elevate the two countries’ ties to a strategic partnership. “President Kenyatta and I have reaffirmed the strategic importance of bilateral relations between our two countries and reiterated our desire to elevate the nature of the relationship, which would include the conclusion of a Strategic Partnership Agreement,” the South African President said. Earlier, President Kenyatta was formally received by his host President Ramaphosa in an elaborate state reception that included a 21-gun salute, a military ceremony reserved for Heads of State and Government. Thereafter, President Kenyatta was invited to inspect a guard of honour mounted by a detachment of the South African military before he proceeded for one-on-one talks with President Ramaphosa. President Kenyatta was accompanied by Cabinet Secretaries Raychelle Omamo (Foreign Affairs), Betty Maina (Industrialization, Trade and Enterprise Development), Najib Balala (Tourism and Wildlife), Mutahi Kagwe (Health) and James Macharia (Transport, Infrastructure and Housing) as well as Kenya’s High Commissioner to South Africa Catherine Muigai Mwangi. Other senior Government officials in the President’s delegation included State House Chief of Staff Nzioka Waita, Housing and Urban Development Principal Secretary Charles Hinga and Deputy State House Comptroller George Kariuki. SOURCE Presidency of the Republic of Kenya Qaran News
-
While Ethiopia’s conflict rages in the north of the country, another enemy is looking to exploit the situation in the east. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda midowga musharixiinta mucaaradka ayaa la kulmay xubno kamid ah guddiga doorashada heer Federaalka, waxayna la wadaageen walaacooda ku saabsan sida ay ku bilaabatay doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka. Kulankaan oo ka dhacay Muqdisho waxaa si weyn loogu gorfeeyey nooc doorasho oo boob ah oo mucaaradka u arkaan habka ay wax ku wadaan madaxda Maamul Goboleedyada. Mucaaradka waxaa laga xirtay dhammaan albaabadii ay kasoo geli lahaayeen doorashada Golaha Shacabka, waxaana aad u yar xubnaha fursadda u heysta inay Xildhibaano soo saartaan. Waxay guddiga doorashada gaarsiiyeen walaac iyo hanjabaad wada socda. Xubin sare oo kamid ah guddiga doorashada heer Federaal ayaa noo xaqiijiyey inay mucaaradku ku hanjabeen inay qaadici doonaan geediga doorashada, haddii aysan waxba iska badalin habka ay wax ku bilowdeen. Dooda mucaaradka waxay u muuqataa mid maangal ah, laakiin cidda arrintaan wax ka qaban karta ma ahan guddiga doorashada ee heer Federaal oo aysan waxba gacanta ugu jirin hadda. Doorashadaan socoto awoodda ugu badan waxaa ku leh madaxda maamulada, laakiin mucaaadka illaa hadda waxay ka dhuumanayaan inay madaxda maamulada toos u wajahaan, runta u sheegaan, dhaliilaan, u hanjabaan oo ay doodooda bannaanka la yimaadaan, kuna toosiyaan cidda canaanta leh. Xubinta warbixinta nala wadaagay wuxuu layaab ku tilmaamay inay mucaaradka tahay cidda ugu horeysa ee u hambalyeysa xildhibaanada soo baxa, haddana waana isla cidda ugu horeysa ee ka cabata xubnahaas, taas oo aan is qaban karin, marka hoos loo eego xaaladda. Haddii ay mucaaradka qaadacaan guud ahaan doorashada waji cusub ayuu geli karaa dalka. Dadka qaar waxay guuxa iyo hanjabaada ka imaaneysa dhanka mucaaradka ku fasireen niyad-jab ka heysata natiijada soo bixi karta doorashada, maadaama illaa hadda ay wax u socdaan sida uu Farmaajo rabo. Mucaaradka malahan hal musharax, dhinaca kalena waxaa aad u yar saameyntooda guud ee doorashada, laakiin marka la eego saameynta ay Caasimadda ku leeyihiin waxay awoodaan inay abuuraan jawi tir-tiri kara shaqada socota ee doorashada. The post Mucaaradka oo ku hanjabay inay qaadacayan doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Ugandan police, in a security crackdown following deadly suicide bombings, said Tuesday they had arrested four Somalis for bringing a suspected explosive device into a resort due to host President Yoweri Museveni this week. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga dalka ee Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlayey xaaladda kala guurka ah ee dalka ayaa digniin culus u diray saraakiisha iyo ciidamada kala duwan ee Soomaaliya. Biixi ayaa uga digay dhammaan ciidamada dowladda ku milanka arrimaha siyaasadda ee iska soo horjeeda iyo doorashooyinka socda ee 2021-ka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in doorka ciidamada uu yahay kaliya sugida ammaanka doorashooyinka iyo guud ahaan dalka, isaga oo intaasi ku daray in aysan wax lug ah ku yeelan karin siyaasadaha is diidan ama mashruuc kasta oo guuleysta ama guul darreysta. Taliyaha ciidamada Lugta oo hadalkiis sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan saraakiisha iyo askartooda looga baahan yahay inay sidoo kale ka fakaraan ammaanka deegaanada ay ka howl-galayaan, si dalka looga bad-badaado xasilooni darro timaada. Hadalkan ayaa daba socda, kadib markii ay xubnaha mucaaradka walaac badan ka muujiyeen, kuna eedeeyeen dowlada, inay siyaasad u adeegsaneyo ciidanka qaranka. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaaladda kala guur ah oo ka dhalatay doorashooyinka daahay ee baarlamaanka iyo mida madaxweynaha oo hadda si weyn la’isugu hayo. Si kastaba, waxaana haatan loolanka ugu xoogan uu ka jiraa xiubnaha Golaha Shacabka oo doorashadooda ay ka bilaabatay Muqdisho & qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka. The post Taliye Biixi oo soo saaray digniin la xiriirta ciidamada iyo doorashooyinka 2021 appeared first on Caasimada Online.
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno deegaanka Yube ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in deegaankaas dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoogan ka bilaabeen kuwa Somaliland. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Somaliland ayaa ku wajahan dhinaca deegaanka Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, xili ay halkaas meel u dhow fariisimo waaweyn ka sameysteen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland. Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay wataan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiid dagaal oo gaaray illaa 18, kuwaasi oo ku wajahan deegaanka Hadaaftinimo. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sidoo kale ka bilowday qeybo kamid ah deegaanada gobolka Sanaag, waxayna imanayaan xili ay dhawaan halkaas tageen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Puntland ay laftigoodu wadaan dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul ciidan, waxaana deegaanadaas laga dareemaya cabsi weyn oo soo food saartay dadka ku nool. Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa dhowr jeer ku dagaalamay gobolka Sanaag, wuxuuna inta badan murankoodi ku saleeyay maamulka deegaanada xaduudka. The post Xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Sanaag (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Mudane Feysal Cali Waraabe oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyeen wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo haatan hakad galay. Feysal Cali Waraabe oo wareysi siiyey BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin illaa iyo hadda wax horumar ah oo laga sameeyey wada-hadalladaasi, wuxuuna taasi bedalkeeda xusay in Somaliland ay kala kulantay dhibaato aad u weyn, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay in wada-hadalladu ay dib u dhigeen, sida uu shaaciyey ictiraafka ay Somaliland raadineyso, tan iyo wixii ka dambeeyey 1991-dii. Sidoo kale wuxuuu intaasi ku daray in fasiraad qaldan laga bixiyey wada-hadallada, isla-markaana lagu sheegay inay labada dhinac ka wada-hadlaay sidii la’isugu soo noqon lahaa markale, sidaas daraadeedna ay gabi ahaan joojin doonaan sii socoshada wada-hadallada. “Annagu wada-hadalladaas waaan joojineynaa haddii uu alle yiraahdo wada-hadalladii horeyna khasaare ayey innoo keeneen, dhibaato ayey innoo keeneen waxaa loo tarjumaaday markaan wada-hadallada billownay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wad-hadlayaan sidii ay mar dambe isugu noqon lahaayeen,” ayuu warsigan ku yiri Mr. Waraabe. Waxa kale oo uu yiri “Taas waxa ay keentay in wadamadii na doonayey inay na ictiraafaan ay dib u joogsadaan, marka hadii uu ku adkeysan waayo madaxweynaha inuu keeno go’aankaasi waxaan dooneynayaa inaan baarlamaanka geyno, maadaama aysan wax faa’iido ah noogu jirin,” Ugu dambeyn guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa hoosta ka xariiqay inay haatan ka fakirayaan in si toos ah ay ula macaamilaan adduunka intiisa kale, si ay uga dhabeeyaan go’aankooda ee ay ku raadinayaan madax bannaani, su u helaan ictiraaf gooni ah. Hadalkan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo shantii sano ee ugu dambeysay aan horay loo sii dhaqaajin wada-hadalladan oo ka kala dhacay Jabuuti, Imaaraadka, Turkiga iyo Ingiriiska. The post Somaliland oo shaacisay inay joojineyso wada-hadallada Soomaaliya + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ee ayaa maanta lagu wadaa inay ka billaabato magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, halkaasi oo lagu soo xulayo laba xildhibaan oo dooran. Maamulka Guddiga Doorashada Galmudug ayaa sheegay laba ka mida shantii kursi ee Khamiistii la iclaamiyay in maanta lagu dooran doono Dhuusamareeb. Labada kursi ayaa kala ah: HOP26 iyo HOP104, waxaana sida aan xogta ku helnay kusoo bixi doono Yuusuf Geelle Ugaas oo cidna aysan kula tartami doonin HOP26, iyo Mahad Cabdalla Cawad oo loo xiray kursiga HOP104. Axmed Aadan Safiina, Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa dhankiisa sheegay in labadaasi kursi ay soo dhameystirmayn diiwaangelinta musharaxiinta ku tartamaysa iyo weliba ergada wax dooranaysa, iyadoona ergada la tababaray, sida uu yiri. Axmed Safiina ayaa musharaxiinta u taagan labadaasi kursi ugu baaqay in sagaalka (9:00) subaxnimo ee maanta ku soo xaadiraan hoolka doorashada ee Dhuusamareeb. “Labadaas kursi waxaan codsanayaa musharaxiinta ku tartamaya inay sagaalka subaxnimo ku soo diyaargaroobaan hoolka doorashada ee Magaalada Dhuusamareeb,” ayuu yiri Axmed Safiina oo intaasi ku daray. Odayaasha beesha Saleebaan Cabdall ee Dir ayaa horey u sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uu diiday in si dhab ah loogu tartamo kursiga HOP104 “Axmed Kaariye Qoor-Qoor uu si bareer ah u yiri Nin ayaa heshiis kula galay, marka hore madaxweyne kursiga nin iskama laha ee beel dhan ayaa iska leh, waxaana mas’uuliyadeeda qaadaya iskana leh Odaayasha beesha Saleebaan Cabdalle oo ka kooban sideed jufo,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha beesha. The post Doorashada LABA xildhibaan oo dooran oo maanta ka dhaceysa Dhuusomareeb appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's Prime Minister declared a state of emergency on Tuesday due to the widespread drought in the country following an emergency cabinet meeting in Somalia's capital. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku dhawaaqay in dalku galay xaalad degdeg ah oo bani’aadanimo, taasoo ka dhalatay abaaraha sii baahaya. Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirradu ka yeesheen xaaladda abaaraha ayaa yiri “waxaan ku dhawaaqayaa in uu dalku galay xaalad degdeg ah oo bini’aadanimo, loona baahan yahay gurmad degdeg ah gudaha iyo dibadaba”. Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyabaha kala ee shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in ay si degdeg ah uga qeybqaataan taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo looga dhawaaqay xaalad degdeg ah oo bani’aadanimo appeared first on Puntland Post.
-
Turkey will continue to provide all kinds of support to Somalia, says Hulusi Akar Source: Hiiraan Online
-
Duufaan cusub ayaa laga cabsi qabaa in ay 24 saac ee soo socda ku dhufato qeybo ka mid ah gobolada Bari ee Puntland, sida ay sheegtay hay’adda Soomaaliya u qaabilsan ka digista halis-wadareedka. Duufaantan oo ka soo kacaysa badwaynta Hindiya ayaa la saadaalinayaa in ay ku dhufato Caluula, Xaafuun, Iskushuban iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolada Bari, Gardafuu, Karkaar iyo Nugaal. Deeganno ka tirsan Puntland ayaa hadaba la daalaa dhacaya waxyeelo ay u geysteen duufaano ay ka mid yihiin Pawan 2019 iyo Gati 2020. PUNTLAND POST The post Duufaan laga cabsi qabo in ay ku dhufato gobolo ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.
-
To refresh our memory, the idea of an indirect election based on 4.5 clan power sharing formula for troubled Somalia was meant to be a way of finding an acceptable temporary solution to long standing mistrust among the people and to bridge to a multi-party election in 2012/2016. It has not been the case then and now and the indirect election is seen by some as the preferred political path to power for the foreseeable future. In the meantime, the country’s leadership have promised political stability, lasting peace, national reconciliation so that credible census and universal suffrage will take place within the next four years. It’s worth mentioning that previous attempts to prepare for the alternative –one-person-one -vote – fell short of its target due to unnecessary delays or perhaps lack of expertise and timely oversight of the work to be done by the electoral commission. Here we go again in 2021/2022 that finally the implementation of the delayed election is underway albeit on a gradual approach. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ayaa shaaciyay in ay beri oo arbaca ah qabanayaan doorashads laba kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee ku matalaya dowlad gobaleedka galmudug. Kuraasta doorashadooda la shaaciyay ayaa waxaa ay kala yihiin, HOP#24 iyo HOP#104. Musharixiinta u taagan qabashada xilka labadaas kursi ayaa la sheegay in ay isdiiwaan geliyeen, sidoo kalana waxaa dhammaan la diyaariyay ergooyinkii dooran lahaa xildhibaanada. Doorashada ayaa qabsoomeysa inta u dhaxeysa 9:00 am illa 6:00 pm ee beri. Source: goobjoog.com
