Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada S/land oo Hadallo xanaf & Xajiin badan isu mariyey Warbaahinta Saaxiibkey, Xildhibaan Cali Malable waxa aan leeyahay: Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed muddadii koobnayd ee uu golaheena hoggaaminayay waxa uu gaadhsiiyey guulo wax ku ool ah. Waxa ka mid ah: dhismaha guddi hoosaadyo, dhammaystirka xeerka golaha, dhismaha iyo dayactirka xarunta golaha, tayaynta shaqaalaha goolaha, tabobarida xildhibaanada goolaha, soo kordhinta lataliyayaal khuburo ku ah sharciga, dhaqaalaha, afka, iyo Xidhiidhka baarlamaanada caalamka. Dabci uma laha aargoosi iyo uurxumo. Waxa uu muddadaas muujiyey odeynimo iyo isku haynta gole waynaha, waxaas’e layaab leh cidda canaan iyo cay uga dhigaysa bulsho abaal ku leh Cabdirisaaq sidee ayuu ugu mahadceliyey? Haddii aanad adigu ogaal u laheyn ciddi codka ku siiyey iyo xisbigaagii, Cabdirisaq waa yaqaannaa dadkiisa iyo ciddi dooratayba. Golawaynaha ayaa laga tilmaami kara lagana toosin kara haddii khalad u galo guddoomiyihu, laakiin in saxaafadda laga canaanto waxa aan waxba aheyna cay looga dhiga waxa ka dhalanaysa anshaxmarin. Xeerka goolaha iyo xurmada xildhibaannino waa in aynu dhowrnaa. Xil-Barkhad Batuun . “Anigu sxbkay xildhibaan Barkhad Batuun magaciisa qayiri maayo magackalena u bixin maayee laakin waxa aan ogaa adiga oo ah Afhayeenka xisgiga Wadani kugumana ogayn in aad noqotay afhayeenka Guddoomiyaha Gollaha wakiilada waa shaqo cusub oo kuu soo korodhay. Runtii waan bogaadinayaa in markii aad weyday in aad Guddoomiye ka noqoto guddiyada golaha in halkaa wax lagaga baadh baadhay waanan kugu hanbalyeynayaa shaqadaa cusub ee aad hayso.” Xildhibaan Cali Qaran. Qaran News
  2. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in kullamo gaar gaar ah uu kula yeeshay Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera xubno haldoorka Beeshiisa ah,kuwaas oo ay iska xog-warraysteen qorshayeeshiisa siyaasadeed ee mustaqbalka iyo dumaasha Guddoomiyenimadda Xisbiga KULMIYE iyo arrimo kale. Madaxweyne Biixi oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaan shirar doceed-yo iyo wadda tashi uu la yeellanayey xubnaha Beeshiisa kuwooda uu bidayey inay wax ku biirin karrayaan,ayaa xoggo uu wargeyska Waaberi helay ay sheegeen in inta baddan qoddobada uu kale hadlay ay ugu mihiimsanayeen saddex qoddob ,kuwaas oo kale ahaa in doorashada Madaxtooyadda ay ka go’antay inuu wakhtigeeda uu ku qabto iyo dumaasha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Musharrax-nimadiisa Kullamadan oo kii ugu dambeeyey uu toddobaadkan ka dhacay Magaalada Berbera ayaa la sheegay in ay inta baddan xubnaha uu Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera uu kulamada kula yeeshay in ay hal qoddob ay si isku mid ah u soo dhaweeyeen,kaas oo ahaa in doorashada Madaxtooyadda uu wakhtigeedii ku qabanayo,waxaanay qoddobkan u soo dhaweeyeen si weyn, kaas oo ay arkaan inuu yahay mihiim,isla markaana uu taariikhda u gellayo Madaxweynaha ka soo jeeda Beeshooda iyo guud ahaan-ba Beesha Subeer Awal oo ay u arkaan in arrintani ay sharaf u tahay. Dhanka kalene Xoggaha ayaa sheegay xubnaha kale duwan ee uu Madaxweyne Biixi kullamada gaar gaarka ah uu kula yeeshay Hargeysa iyo Berbera ee Beeshiisu ay qoddobka labaad ee wareejinta Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ay u arkayeen mid uu la soo daahay,isla markaana aan hadda wax-ba u tarayn loona baahnaa inuu wakhti hore uu tallaabaadaa qaado,haseyeeshee waxay kula taliyeen in ciddii uu dantiisa ka arko Gafaadhi iyo Maxamed Kaahin uu ku wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE marka la gaadho shirka golaha dhexe ee KULMIYE. Sidoo kalena xoggaha ayaa sheegay in qoddobka Musharraxnimadiisa ay ku kale qaybsameen,waxaana la sheegay in qaarkood ay ugu baaqeen in aanu doorashada Madaxtooyadda isa soo sharraxin,taas oo ay ku sababeeyeen in tageerayaashiisii uu lumiyey,isla markaana ay iyaga laftoodu ay jiraan dad baddan oo beeshooda ah oo aan u coddaynay Madaxweyne Biixi mar dambe,marka laga yimaado beelaha kale,waxaanay u sheegeen in gelinka hore lagaga guulaysan doonno doorashada Madaxtooyadda,taas oo ay u sheegeen in aanay sharaftiisa iyo ta beesha u wanaagsanayn, halka xubnaha reer Berbera ee uu la kulmayna ay u sheegeen inuu isa soo sharraxo,isla markaana ay beesha subeer awal diyaar u tahay,haseyeeshee loo baahan yahay inuu la yimaado qorshayeel kale oo uu ku kasban karro beelaha kale iyo qorshayaal kale. Si Kastaba ha-ahaatee waxa la sheegay in Madaxweyne Biixi uu ku adkaystay in tartanka doorashada Madaxtooyadda inuu ka qayb-gallo,isla markaana uu wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,halka uu doorashada Madaxtooyaddana uu wakhtigeeda ku qaban doonno,waxaynu dhawrnaa waa halka ay saldhigato xaajadu iyo in Madaxweyne Biixi uu ku adkaysto inuu tartanka doorashada Madaxtooyadda gallo iyo inuu ka baqdo oo uu taa beddelkeeda curiyo muddo kordhin. Source
  3. Waxaa la soo gabagabeeyay sharsiga afaraad iyo kan shanaad ee kuraasta golaha shacabka gobalada waqooyi. Axmed Cismaan diiriye iyo Maxamed Haaruun Cabdillahi ayaa loo dortay in kuraasta tirsigoodu yahay HOP#233 iyo HOP#208. Labad musharax ee ku soo baxday xildhibaanimada golaha shacabka baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa noqon doono kuwa afarta sano ee soo socota Somaliland ku matala golaha shacabka. Waxaa sidoo kale la soo gabagabeeyay shan kursi oo maanta guddiga doorashooyinka gobalada waqooyi ay qabteen doorashadooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Soomaali wadatay Gaadhi ay saaran yihiin walxaha Qarxa oo lagu qabtay Yuganda+Halka la geeyay & Magacyadooda Ciidammada ammaanka ee waddanka Uganda ayaa waxa ay xireen ugu yaraan 100 qof kaddib qaraxyadii mataanaha ahaa ee todobaadkii hore ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Kampala. Wararku waxa ay tilmaamayaan in dadka la qabtay ay ku jiraan Soomaali deggan magaaladaasi Kampala. Ugu yaraan todoba qof oo laga shakisan yahay ayaa la dilay kaddib markii la sheegay inay ka dhaga adaygeen in la soo xiro. “Booliska waxay xireen labo qof oo laga shakisan yahay markii lagu helay walxaha qarxa, labo qof ayaa imika lagu hayaa xabsiga” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Uganda. Sarkaalka wuxuu intaa ku daray in dadka laga shakisan yahay ay kamid yihiin dad Soomaali ah. “Baaritaanada horudhaca ah waxay muujinayaan in walxahan qarxa ay booliiska soo qobteen ka dib markii la baaray gaari cad oo ah nooca tooyootada , gaarigan waxaa waday Cabadi Kariim Mayow oo ah 25 jir Soomaali ah kana mid ah dadka deegaanka” “Wuxuu ninkan ku andacooday in gaariga la soo kireystay oo uu ka soo kireystay nin lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ah nin Somaali ah oo 28 jir ah oo u sheegay in uu ka soo qaaday Monyonyi qaraabadiisa oo kala ah hooyadii iyo walaalihii oo uu ku soo qaaday walxahan qarxa, waxaan xirnay Cabdi Kariin Mayow iyo Maxamed Xasan, waxaan sidoo kale xirnay xubnaha kale ee qoyska” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska. Boolisku waxa uu weerraradaasi ku eedeeyay ururka loo soo gaabiyo ADF oo ah urur Islaami ah oo maxalli ah hasayeeshee , saldhiggiisu uu yahay waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, kaas oo xiriir la leh ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah. Qaran News
  5. Sababaha Hindiya ku qasbaya horumarinta diyaaradaha drones-ka oo ay ku hawlan tahay Hindiya ayaa isku dayaysa in ay kordhiso awooddeeda ciidan iyada oo isticmaalaysa curintooda ku aaddan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno drone-ka, xilli ay adeegsanayso ikhtiraac gudaha ah iyo iibsi shisheeye, halka dhanka kalena weli ay taagan tahay xiisadda u dhexeysa iyaga, Shiinaha iyo Pakistan oo deris la ah. Bandhigii ugu dambeeyay ee tignolajiyadeed ee qalabkan, Machadka Cilmi-baadhista iyo Horumarinta Difaaca Hindiya (DRDO), ayaa soo bandhigay ‘tiro badan oo Drone ah’, bishii Noofambar 17. Kuwaas oo dhammaantood noocyada aan duuliyaha lahayn, waxayna gaadhayeen tiro gaareysa 25 xabbo. Sida laga soo xigtay Hindustan Times, abaabulkii ugu horreryay ee diyaaradahan aan duuliyaha lahayn, waxaa sameeyay militariga Hindiya bishii Janaayo ee sanadkan. Ka dib 75 diyaaradood oo waddani ah, laguna sameeyey dalkaas ayaa isku mar la bilaabay tijaabintooda. Diyaaradahaan ayaa sidoo kale fuliyay howlgalo kala duwan oo ay ka mid yihiin weerarro. War qoraal ah oo lagu faafiyey Twitter-ka ka dib bandhiggoodii Noofambar 17, DRDO waxay ku sheegtay “in ay ku shaqaynayaan tijnoljiyadda casriga ah, si ay kor ugu qaadaan awoodda ay leeyihiin ciidankooda millitariga.” Si kastaba ha ahaatee, xulafada ay Hindiya la samaysanaysy dalal ay ka mid yihiin Israa’iil iyo Maraykanka, sannadihii u dambeeyay, ayaa muujinaysa in Hindiya ujeedkeeda ugu weyni yahay helidda awooddii ay ku burburin lahayd cadawgeeda iyada oo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Marka la eego xaaladda amni ee deegaanka ka jirtay, sanadihii u dambeeyay, waxay sidoo kale noqdeen diyaaradahaas wax ay Hindiya si dhab ah ugu baahan taha. Xilli ay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, DRDO ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in weerarka ay ciidamada cirka Hindiya ka geysteen Pakistan, bishii Febraayo 2019, uu waxtar badan yeelan lahaa haddii sidoo kale la isticmaali lahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. In muddo ah, Hindiya waxa ay isku dayaysay in ay u adeegsato weeraradeeda ay fuliyaan diyaaradahan aan duuliyaha lahayn, marka laga soo tago kuwa sirdoon ee ay fuliyaan. Dhanka kale, casharradii laga bartay dagaalkii u dhexeeyay Azarbayjan iyo Armeniya ee sannadkii hore ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay baahida ay Hindiya u qabto aaladdan. Khubarada militeriga iyo kuwa difaaca ee caalamka ayaa isku raacay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay qeyb weyn ka ahaayeen guusha Asarbayjan ay ka gaadhay dagaalkaas. Warbaahinta dalka Hindiya ayaa ku warrantay dagaalkaas xilligii uu socday in hoggaanka ciidamada dalkaas ay isha ku hayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee la adeegsnayey, gaar ahaan Azarbijaan oo u isticmaalaysay si baaxad leh. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Tirada ugu badan ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Asarbayjaan ayaa ku sugan Israa’iil iyo Turkiga. Hindiya waxay horey u isticmaashay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil iyada oo u adeegsanaysa hawlaheeda basaaska. Suxufiga iyo falanqeeyaha dhanka difaaca eeShekhar Gupta, ayaa maqaal uu soo saaray kaga digay in dalka ay dariska yihiin ee Pakistan, laga yaabo inay Turkiga ka iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan, maadaama hoggaanka siyaasadda ee labada dal uu aad ugu dhow yahay dalkaas. Sida ay sheegayaan wararku, bishii Ogosto ee sannadkan, shirkadda Hindiya ee DCM Shriram, ayaa boqolkiiba 30 ka heshay shirkadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee Zyron Dynamics. Wadashaqeynta labada shirkadood ee gaarka loo leeyahay ayaa la rumeysan yahay in ay dalacsiisay dowladda Hindiya, waxaana markii heshiiska lagu saxiixay Istanbul goobjoog ka ahaa safiirka Hindiya ee dalkaas Sanjay Panda. Waxaa sidoo kale lagu iftiimiyay warbixinnada warbaahinta in DCM Shriram iyo shirkadaha kale ee Zen Technology, ay ka faa’iideysan karaan siyaasadda cusub ee Drones-ka ee Dowladda Hindiya. Ujeedada siyaasadda cusub ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ah in Hindiya laga dhigo xudunta horumarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn marka la gaadho 2030. Siyaasaddan, shirkadaha gaarka loo leeyahay waxaa la siin doonaa jawi ku habboon horumarinta iyo cilmi baadhista tignoolajiyada diyaaradahaas. Sanadihii la soo dhaafay, dowladda Hindiya waxay xoojisay dadaalkeeda ku aaddan abaabulka weerar gardaro ah oo lagu qaado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Predator iyo Reaper ee Mareykanka. Xaaladdan oo kale, Hindiya waxaa laga yaabaa inay hesho 20 nooc oo ah kuwa loo yaqaan Sky Guardian iyo 10 kale oo ah Sea Guardian, iyo weliba MQ-9 Reaper oo ka yimaadda dhanka Maraykanka. Waxaa la rumeysan yahay in Mareykanka uu Hindiya siin doono diyaaradahan aan duuliyaha lahayn, waxaana ku baxaya lacag lagu qiyaasay 3 bilyan oo dollar. Sida laga soo xigtay warbixin uu soo saaray Dainik Jagran, Hindiya ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay dalbato diyaaradahan, bisha December ee sannadkan. Dhanka kale, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday India Today, waxaa sidoo kale bilaabanaya hannaan lagu geynayo dalkeeda nooca loo yaqaan Heron drone oo ay sameeyaan Israa’iil. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina ayaa markii u horeysay ka hadlay Musharaxiinta la diiwaan-gelinayo ayada oo aan lasoo xulin ergooyinkii soo dooranayay, taasi oo siyaasiyiinta qaarkood ku tilmaameen tallaabo khaldan. Axmed Safiina oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in diiwaan-gelinta ergooyinka iyo diiwaan-gelinta musharraxiinta ay kala tahay labo shaqo oo kala madax-bannaan, islamarkaana ay shaqadoodu ay ku socoto si sax ah. “Dabcan diiwaangelintu way socotaa, ergadu waa 101 oo tiro badan ma aha, waxaana diiwaan-gelinaya xafiis u gaar ah oo ka gooni ah xafiiska qabanaya arjiyada murashaxiinta, waxaana qoraya oo gacantooda ku keenaya odayaasha dhaqanka ee loogu talo-galay inay soo xulaan kursigaas. Marka waa labo shaqo oo kala madax bannaan oo aan isu xannibnaaneynin,” ayuu yiri Afhayeenka gudiga doorashooyinka heer federaal. Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan jirin illaa hadda cid si rasmi ah cabasho uga soo gudbisay hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka dalka, xili ay mucaaridka iyo musharaxiinta qaarkood ay cabasho xoogan ka muujiyeen doorashooyinka. “Qof kasta oo cabanaya wuxuu xaq u leeyahay inuu noogu imaado xarunta, noo sheego waxa uu ka cabanayo oo ah habraacii oo la jebiyay. Ilaa hadda ma aannaan arkin musharax ka cabanaya ama suldaan ka cabanaya qof ama ergo.” Afhayeenka ayaa carabka ku adkeeyay in diiwaan-gelinta musharaxiinta iyo midda ergada is-khuseyn, laakiin ay isku qorshe yihiin, maadama ay isu codeynayaan, islamarkaana ay diiwaan-gelintooda kala labo tahay. “Ergada gooni ayaa loo diiwaan-gelinayaa murashaxiintana gooni ayaa loo diiwaan gelinayaa. Ergada waxaa lagu dabaqayaa habraacooda goonida ah murashaxiintana habraaca u gaarka ah baa lagu dabaqayaa.” Si kastaba, Siyaasiyiinta mucaaridka qaarkood ayaa tallaabo khaldan ku tilmaamay qaar kamid ah siyaasiyiinta u taagan kuraasta baarlamaanka oo la diiwaan-geliyay iyadoo aan la soo xulin ergooyinkii dooran lahaa. The post Guddiga doorashada heer federaal oo war kasoo saaray arrin muran xoogan dhalisay appeared first on Caasimada Online.
  7. Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabatay xuska maalinta Fara-xalka Adduunka kaas oo ardayda iskoollada lagu wacyi-gelinayay in ay gacmaha dhaqdaan si aysan jeermiska isugu gudbin. Boqollaal arday ah oo wax ka barta dugsiga hoose dhexe ee Mudug ayaa wasaaradda u jeedisay wacyi-gelin ku saabsan muhiimadda Fara-xalku leeyahay si loo ilaaliyo nadaafadda iyo caafimaadka qofka. Cabdishakuur Maxamed Faarax Dhaashane oo wasaaradda Waxbarashada Puntland u qaabilsan Faya-dhawrka iyo Caafimaadka Iskoollada ayaa si weyn ardayda ugu boorriyay in aysan ka daalin fara-xalka islamarkaana gacmaha ku dhaqdaan biya nadiif ah oo saabuunleh. Cabdishakuur Maxamed Faarax ayaa sheegay in dhammaan xanuunnada ku dhaca caloosha iyo guud ahaan jirka ay sababto wasakhda raacda faraha haddii aan la iska dhaqin. Sidoo kale macallimiinta iyo ardayda oo ka hadlay xuskan ayaa bogaadiyay dadaal xooggan ee wasaaradda Waxbarashada Puntland ugu jirto ku-wacyi-gelinta ardayda fara-xalka iyo nadaafadda si loo ilaaliyo caafimaadkooda. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo xustay maalinta Fara-xalka Adduunka appeared first on Puntland Post.
  8. Wararka ka imaanaya degaanka Yubbe oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay maanta halkaas ka wadaan dhaqdhaqaaq xooggan oo ku jihaysan dhinaca magaalada Hadaaftimo. Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ku hubaysan in ka badan 18 gaadiidka dagaalka ah ayaa sida la xaqiijiyay ka ruqaansaday degaanka Yubbe islamarkaana waxay ku sii jeedaan dhinaca Hadaaftimo oo Puntland gacanta ku hayso. Dhaqdhaqaaqa Somaliland ayaa bilowday kadib markii maanta uu Hadaaftimo booqday Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo sida la sheegay halkaas u tegay arrima la xiriira diiwaan-gelinta Ciidamada. Dhinaca kale wax dhaqdhaaaq iyo abaabul ah lagama soo werin Ciidamada difaaca Puntland oo fadhiya jiidda Kalgubataale ee u dhexaysa Yubbe iyo Hadaaftimo. PUNTLAND POST The post Somaliland oo dhaqdhaqaaq ciidan iyo xiisad dagaal ka wadda Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda, General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo qaar ka mid ah musharixiinta u taagan kursiga tirsigiisa uu yahay HOP067 ee deegaan doorashadiisuna ay tahay Galmudug ayaa markale shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka digay ‘boobka’ lagu hayo kursigaasi. General Tuuryare oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku eedeeyey in boobka kursigan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Galmudug iyo Villa Somalia. “In kursigii la boobo oo la kufsado ayuu go’aansaday maamulka Galmudug waxaana riixaya oo arrinkaas ku taageeraya oo looga amar qaadanayaa Villa Somalia,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka markii hor loo dhisay maamulka uu hoggaamiyo Qoor Qoor ay aheyd in lagu boobo doorashooyinka xildhibaanada baarlamaanka. Tuuryare oo u sharaxan kursiga HOP067 ayaa sidoo kale xusay in kuraasta taalla Glamudug loo qeybsaday laba qeybood, qeybta ugu badana ay soo qoraneyso Villa Soomaaliya. “Waxaan xog ahaan ku heynaa oo la wada ogyahay kuraasta Galmudug taalla in loo qeybsaday laba qeybood, qeybta badan oo Villa Somalia soo qoraneyso, ayna ka gadaneyso maamulka iyo qeyb yar maamulka xaggiisa ka imaaneyso oo iyaguna ah dadkii wax u xoogay oo saaxibo siyaasadeed u ah oo markii isaga madaxweynaha laga dhigaayey u xoogay intaas ayuu ku leeyahay, waana inyar,” ayuu markale yiri General Tuuryare. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Kuraasta saddex marka loo dhigo labo dhig oo ka mid ah waxaa loo xoogayaa Villa Soomaaliya lambaro ayaana ku qoran lambaradaasna dad ayaa magacyo ku soo hoos qortay ayaa la yiri,”. Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamo laga qaaday magaalada Muqdisho la geeyey Dhuusamareeb, si loogu daro ergada, looguna boobo kursiga HOP067. “Waxaan maqleynaa in magaalada Muqdisho laga rartay ciidan qaarkood aysan aheyn dadka kursiga iska leh, lana geeyey magaalada Dhuusamareeb, si loogu xoogo kursiga,” Ugu dambeyn taliyihii hore ee hay’adda NISA ayaa ka digay xaqiraad uu sheegay in lagu hayo dadka uu ka dhexeeyo kursiga HOP067 oo si weyn loogu loolamayo, wuxuuna ka dalbaday ra’iisul wasaaraha iyo midowga musharixiinta inay soo fara-geliyaan arrintaasi. Muranka hareeyey kursigan ayaa sii xoogeystay, kadib markii uu shalay si rasmi ah isugu soo sharaxay agaasimaha KMG NISA Yaasiin Farey oo gaaray magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana qaatay shahaadada musharaxnimada, taas oo su’aallo badan sii dhalisay. The post Kuraasta Golaha Shacabka ee GALMUDUG taalla ‘oo laba loo kala qeybsaday’ + Video appeared first on Caasimada Online.
  10. Afhayeenka Kulmiye Buuni waa marfuucul-qalam…….Ku-simaha Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Afhayeenka KULMIYE Buuni waa marfuucul-qalam, waxyaabaha uu ku hadlana aniga oo dumara ayaan ku hadal oo ka xishooda, xisbigayagana lama xaraashin ee si xor iyo xalaal ah ayaa lagu doortay XIRSI. Waa ii farxad in aniga oo gabadh Ah aan qabto xilka guddoomiyaha xisbiga WADDANI, arintani waxa ay dhiirigalin u tahay haweenka dalka,” Marwo Milgo Sanbalooshe kusimaha Gudoomiyaha xisbiga WADDANI. Qaran News
  11. Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay laba kalena dhaawacyo culus baa ka soo gaaray shil haatan ka dhacay magaalada Garoowe. Shilkan ayaa ka dhacay nawaaxiga goobtii laga raray kantaroolka bari ee caasimadda Garoowe. Shilka ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo nooca Raaxada ah sida ay sheegeen goob-joogayaal. PUNTLAND POST The post Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  12. Itoobiya, Soomaalida iyo Madaxweyne Cagjar. Itoobiya wax baa ka socda. Dabcan wax baa ka socda, waana la wada ogyahay. Amuurta aan la ogayni waa natiijada u dambaysa iyo waxaas socdaa halka uu ku dhamaan doono. Caabi Axmed maanta waxa uu sheegay in uu safafka hore ee dagaalka xarun ka dhigan doono. Taasi dabcan ma aha sida uu hogaamiye sameeyo – ma ogi in ay taladu ka wareertay iyo in uu wax cusub ku soo kordhinaayo taariikhda hogaaminta ama hogaamiyaha. Anigu koleyba, Itoobiyada cusub iyo Caabi Axmed iyo Mustafe oo Jigjiga fadhiya waa taageersanahay sida ay wax u wadaan. Anigu waxa aan doonayaa mid uun – in Itoobiyada Caabi Axmed ay gacan sarayso oo aan Tigrey dib loo arkin, iyaka iyo ilmaadeeradood Amxaaro na la ogolaysiiyo maamul-goboleedyada ay u dhasheen oo keliya. Dadka Itoobiya xog-ogaalka u ah oo dhami waxa ay sheegaayeen tan iyo bilowgii dagaalka, in xaalku laba midkood ku dambaynaayo – (1) In dagaalku daba dheeraado, oo guul muuqata dhinacna gaadhi waayo, iyo (2), in sidii Soomaaliya oo kale 1991, ay Itoobiya kala daadato. Labada xaaladood iyo wax kasta oo kale oo dhaca ba anigu dhib kuma qabo – keliya in dawladnimada Itoobiya oo sideeda u taagan, uu Tigrey soo laabto uun baan u arkaa foolxumo iyo masiibo mid la jaad ahi aanay jirin. Tamar iyo tag ba waa in la isugu geeyo sidii taasi aanay u dici lahayn. Soomaali la ficiltamaaya Soomaali kale, sababo qabiil ama xukun raadis awgeed, ayuunbaa taas diidi kara, laakiin dantu Tikrey ma ku jirto. Haa, ma ku jirto dani, maxaa yeelay waxa ay yihiin ba waa la soo arkay. Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa qaba wax kasta oo dhacaba horta in aan la ogolaanin in Tigrey soo laabto. Wuxu sheegay in uu ciidamo Soomalaiyeed abaabulaayo oo Addis ka dagalama hadii ay dhacdo in Tigrey caasimadda yimaadaan ama soo aadaan. Taas dadka qaarkood baa dhaliilay oo yidhi ma aha in aan dhex galno waxa meesha ka socda, laakiin kuwaasi shaki la’aan waa qaldanyihiin, taariikhda na geesta gurracca ah ayay ka joogaan. Dadka sidaas ku dooda waa laba jaad uun – qayb Ogaadeen u badan oo ficiltan iyo qabyaalad hoose darted sidaas u leh, iyo qayb aan waxbaba ogayn oo keliya iska hadlaaya uun. Qolada hore mar uu dhawaan Mustafe la hadlaayay, waxa uu ku yidhi – mustaqbalkeena in aynu cid kale ku xidhno, oo nidhaahno hadba cidda Addis qabsata uun aan sugno, wixii la inoogu taliyo na aan aragno, sax ma aha. Dabcan runtii weeye oo sax ma aha, waana mawqif shariif ah. Soomaalida Itoobiya ku dhaqan waxa la gudboon in ay ka shaqeeyaan natiijada ay doonayaan in ay ka soo baxdo dagaalka haatan socda. Dagaalku sidiisaba, waa waxyaabaha taariikhda bedela ee jihada saacaddu u socoto dhab u leexiya. Taariikhdu jihada ay u kacayso, iyo midhaha aad goosan doonto ama aanad goosan doonin waxa ay ku xidhanyihiin hadba tacabka aad geliso hawsha socota iyo hadba wixii kaaga meel yaalla waayaha taagan. Caabi Axmed iyo Oromo ma aha in aynu raacno ee aan dadka is haysta isu dayno, waa dood si walba doqon u ah. Soomaalida Itoobiya waa in ay hoos u wada hadasho, oo wax is waydiiso, wixii ay ku tashato na ku shaqayso. Si kastaba, lama huraan waxa ah Mustafe in uu abaabulo dood daakhili ah. Taariikhda is qoraysa looga ma qayb qaadan karo muran iyo qaybsanaan. Doodda loo baahanyahay waa mid istraatiiji ah oo aan meel soke ahayn. “Caabi ma taageernaa mise maya”, sheekadu in ay ku ururto ma aha. Sheekadu waa in ay ahaato inaka maxaa dan innoo ah. Dabcan dawladda dhexe in la taageero baryo maba aha. Kol hadii wadanku dagaal kula jiro jabhad qarriban, oo hore loo arkay ficilkooda, waa in dawladda dhexe la taageero. Dooddu taas ma aha, laakiin dooddu waa in ay noqoto, dawladda dhexe maxaa heshiis hoose ah ee aynu kula shaqaynaynaa? Sidoo kale, waa in laga doodo sidii midnimada gudaha ee Soomaalida loo xoojin lahaa, bidhaanta dawladnimo ee soo muuqatay dhawrkii sanno ee dambe na, loo kobcin lahaa. Jigjiga mar aan tegay sanadkan dhexdiisii, dadku runtii mafsuud ayay ahaayeen, waayaha jira na, qalad iyo saxba si bilaa cabsi ah ayay u ga sheekaysanaayeen. Waxa ay sheegaayeen musuq abaabulan oo faraha ka baxay, laakiin in xataa la sheegsheego ayaaba ila ahayd horumar, maxaa yeelay taasi suurtagal ma ahayn wakhti yar ka hor. Soomaalidu sidii ay isu ogolaan lahayd ha laga shaqeeyo, danteeda sidii ay u raacan lahayd na ha loo hawl galo. Qaran News
  13. Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi Somaliland ayaa maanta lagu doortay Muqdisho. Maxamed Cabdi Maareeye ayaa markii labaad la soo doortay, isaga oo ka guuleystay musharrax Cabdiraxmaan Warsame Saciid. Waxaa sidoo dib loo soo doortay xildhibaan Aamino Cumar Jaamac kadib markii ay tanaasushay Aamino Cismaan Diiriye oo la tartameysay. Sidoo kale Faadumo Xasan Cali ayaa la doortay kadib markii sida la sheegay loo tanaasulay. Maxamed Haaruun Cabayaa isna doorashadiisa uga adkaaday Axmed Cali Maxamed oo la tartamay. PUNTLAND POST The post Shan kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu doortay appeared first on Puntland Post.
  14. Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa Maanta shaaciyay in Maalinta Berito ah lagu qaban doono Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka. Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo lahadalay warbaahinta ayaa sheegay in labada kursi ee ugu horreeysa 5 Xildhibaan ee lagu dooranayo Dhuusamareeb beri la dooranayo, kuwaas oo kala ah HOP26 oo ay ku fadhido Ikraan Aadan Absuge & HOP104 oo uu ku fadhiyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad. Afhayeenka ayaa ergada wax dooraneysa ugu baaqay inay hoolka doorashada soo xaadiraan 8:00 Subaxnimo halka 9: 00 Subaxnimo la doonayo inay yimaadaan musharrixiinta labada kursi ku taratamaya. PUNTLAND POST The post Doorashada Golaha Shacabka oo berri ka bilaabmaysa Galmudug appeared first on Puntland Post.
  15. Maayarkaa Gabiley Oo Cidlo Taagan Ka Dib Markii Ku-Xigeenkiisii uu La Saftay Xildhibaano ka soo horjeeda Khilaafkii u dhaxeeyay Golaha Deegaanka ee Magaaladda Gabiley ayaa mar kale soo labo kacleeyay, kaas oo aan xal loo helin, ka dib markii si lama filaan ah uu ku xigeenkii duqa Magaaladaasi ugu biiray xubnaha Mucaaradka ah. Dr. Cabdilaahi Ismaaciil ayaa ku biiray xubnaha aqlabiyadda ee doonaya in meesha laga saaro Mayorka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo ay ku eedeeyeen in uu lugaha kula jiro fadeexado musuqmaasuq. Xukuumadda Somaliland ayaa Xubnahan hore uga hor joogsatay in ay fadhi isugu yimaadaan si meesha looga saaro duqa Magaaladaasi. Khilaafka ka taagan Golaha Deegaanka ee Magaaladda Gabiley ayaa ah kan sida wayn isha loogu Wada hayo, waxaana uu hadda Gabi ku soo ciiray Duqa Magaaladdaasi kaas oo uu ka dhaqaajiyay ku xigeenkiisii uu sida wayn isugu halaynayay. Qaran News
  16. MOGADISHU (HOL) - Two women- Fadumo Hassan Ali and Amina Omar Jama are among three MPs who have since been elected in the ongoing voting for Somaliland MPs in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye. Maareeye ayaa ku soo baxay codad aad u badan, kadib markii uu la tartamay, kana adkaaday musharrax Cabdiraxmaan Warsame Saciid. Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gobollada waqooyi Maareeye ayaa helay 96 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 3 cod, sidoo kale waxaa hallaabay saddex cod Guusha Maareeye ee kursiga HOP#225 ayaa aheyd mid horay loo sii saadaalinayey, maadaama musharaxa la tartamayey uu isagu keensaday, si uu usoo baxo. Kursiga xiga waxaa sidoo kale mar labaad ku soo baxday Xildhibaan Aamino Cumar Jaamac oo cod gacan taag ah loo qaaday, kadib markii ay tanaasushay gabadhii la tartameysay Aamino Cismaan Diiriye oo madasha ka hadashay, sheegtayna inay ka hartay tartanka. Sidoo kale Faadumo Xasan Cali ayaa iyaduna loo tanaasulay, waxayna cod gacan taag ah ay ku heshay 91 cod, halka ay ka aamuseen 10 qof oo ka mid ah ergada. Waxaa sidoo kale kursiga afaraad oo isna tartan loo galay kusoo baxay Maxamed Haaruun oo helay 99 cod, wuxuuna ka adkaaday Axmed Cali Maxamed oo aan helin wax cod ah. Si kastaba, kuraasta maanta la qabanayo doorashadooda ayaa ka mid ah 9 kursi oo uu horay u shaaciyey guddiga maamulaya doorashada kuraasta Somaliland, waxaana intooda badan ay yihiin kuwo isku ergo ah, sida uu horey u shaaciyey afhayeenka doorashooyinka. The post Xildhibaano cusub oo lagu doortay MUQDISHO – Yey yihiin xubnaha soo baxay? appeared first on Caasimada Online.
  18. Police have arrested a Somali National who was caught trying to enter a Kampala Hotel with an explosive detonator, The TowerPost reports. Source: Hiiraan Online
  19. Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Mursal ayaa waxaa garoonka diyaaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid yahay guddoomiyaha golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cali Saciid Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Baydhabo u tegay arrimo la xiriira doorashada, gaar ahaan ka qeyb-galka tartanka loogu jiro doorashada baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa doonaya inuu markale difaacdo kursiga HOP182 maadaama uu ka mid ah yahay kuraasta la shaaciyey ee Koonfur Galbeed. Afhayeenka baarlamaanka oo si dhow saaxib ula ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa rajo weyn ka qaba dib u soo laabashadiisa, waxaana kursigiisa uu ka mid yahay kuwa ugu horreeya ee lagu dooranayo Baydhabo. Waxaa sidoo kale inta uu joogo Baydhabo guddoomiyuhu la kulmi doonaa madaxda Koonfur Galbeed iyo qeybaha bulshada, isaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada. Koonfur Galbeed ayaa dhowaan shaacisay qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid ah doorashada Golaha Shacabka, taas oo ka dhaceysa deegaanada maamulkaasi. ors The post Wararkii ugu dambeeyey ee loolanka kursiga Mursal iyo qorshihiisa BAYDHABA appeared first on Caasimada Online.
  20. Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay kursigi shanaad oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ay gobalada waqooyi ku leeyihiin sidoo kalena ah kursiga seddaxaad ee doorashada maanta ka socota dugsiga tababarada ee Generaal Kaahiye. Kursigaan tirsigiisu uu yahay HOP#210 ayaa waxaa kuwada tartamayey Musharixiinta kala ah Xildhibaanad Faadumo Xasan Cali iyo Hoodo Xildhibaanad Faadumo Xasan Cali ayaa ku guuleysatay kursiga kadib markii ay u tanaasushay musharaxaddi la tartameysay Hoodo, waxaana sidaas cod gacan taag ah ku guuleystay Xildhibaanad Faadumo Xasan Cali . Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka gobalada waqooyi ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#210 oo ay ku guuleysatay Xildhibaanad Faadumo Xasan Cali. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay kursigi afaraad oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ay gobalada waqooyi ku leeyihiin sidoo kalena ah kursiga labaad ee doorashada maanta ka socota dugsiga tababarada ee Generaal Kaahiye. Kursigaan tirsigiisu uu yahay HOP#202 ayaa waxaa kuwada tartamayey Musharixiinta kala ah Xildhibaanad Aamina Cumar Jaamac iyo Aamina Cismaan Diiriye. Xildhibaanad Aamina Cumar Jaamac ayaa ku guuleysatay kursiga kadib markii ay u tanaasushay musharaxaddi la tartameysay Aamina Cismaan Diiriye, waxaana sidaas cod gacan taag ah ku guuleystay Xildhibaanad Aamina Cumar Jaamac oo heshay 101 cod. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka gobalada waqooyi ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#202 oo uu ku guuleysatay Xildhibaanad Aamina Cumar Jaamac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay kursigi saddexaad oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ay gobalada waqooyi ku leeyihiin sidoo kalena ah kursiga koowaad ee doorashada maanta ka socota dugsiga tababarada ee Generaal Kaahiye. Kursigaan tirsigiisu uu yahay HOP#225 ayaa waxaa kuwada tartamayey Musharixiinta kala ah Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Cabdiraxmaan Warsame Siciid. Maxamed Cabi Xayir Mareeye oo ku guuleystay kurasiga ayaa helay codad gaaraya 96 , oo ah codadka ergada halka Musharax Cabdiraxmaan Warsame Siciid uu helay 3 cod. Hadaba Waa Kuma Maxamed Cabi Xayir Mareeye Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta loo magacaabey wasiirka warfaafinta, Maareeye waxaa uu ka soo jeedaa gobollada waqooyiga Soomaaliya, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade. Shirkii Mbagathi kadib, waxaa uu noqday Xildhibaan, sidoo kale wasiirka warfaafinta ayuu ka ahaa xukuumaddii Cali Maxamed Geedi. 2012-kii, Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada ugu saameynta badnaa, kadib 2 January 2015, waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta ee xukuumaddii Cumar Cabdirashid . December 10, 2016: Wasiir Maareeye oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee golaha shacabka ee Doorashada ka dhacday Muqdisho. January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, iyo markii 3aad loo magacaabey wasiirka warfaafinta, maanta ayuu noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka 11aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com