Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Agaasimaha guud ee hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa ka horyimid xilka qaadis uu maanta ku sameeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweyne Siciid Deni ayaa Agaasimaha cusub ee PSF u magacaabay S/Guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr. Qoraal ka soo baxay PSF ayaa ku tilmaamay xilka qaadista mid baalmarsan sharciyadda xeerka Ciidamada iyo dhaqanka suubban. “Go’aannada aan baraha bulshada ku aragnay oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, waxay baalmarsanyihiin sharciyadda, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban” PSF ayaa sheegay inay la socdaan cidda xiriirada gurracan la samaynaysa cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland islamarkaana ay difaaci doonaan. “Si dhow ayaan u la soconnay xaaladda dalka cidda la sameynaysa xiriirada gurracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon mayaan difaaciina iyo ilaalinta amnigiina”. PUNTLAND POST The post Puntland: Agaasimaha PSF oo ka horyimid xilka qaadistii lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
  2. Dhagey (middig), Cawad (dhexda) iyo Maxamuud (midig) Saddex kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu kala doortay magaalooyin Muqdisho iyo Dhuusamareeb. Doorasho ka dhacday Dhuusamareeb oo natiijadeeda horay loo sii ogaa waxaa lagu doortay Mahad Cabdalla Cawad iyo Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo dhawaan iska casilay Aqalka Sare. Mahad Cabdalla Cawad oo dib loogu doortay kursi uu muddo dheer ku fadhiyay ayaa helay 84 cod, halka musharaxii la tartamayay oo ahayd Haweeney aysan helin wax cod ah. Sidoo kale Yuusuf Geelle Ugaas ayaa helay 82 cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdiqaadir Diiriye uu helay 4 cod. Dhanka kale doorasho kursi ka mid kuraasta Somaliland oo ka dhacday Muqdisho ayaa lagu doortay Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar oo dhawaan ka yimid magaalada Hargeysa, kadib markii looga guuleystay doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland. Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa helay 65 cod, halka labadii musharrax ee la tartamayay Khadra Axmed Ibraahim iyo Cabdiqani Maxamed Maxamuud ay kala helleen 25 cod iyo 7 cod. PUNTLAND POST The post Yaa ku soo baxay doorashadii Golaha Shacabka ee Muqdisho iyo Dhuusamareeb? appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa war-murtiyeed u gaar ah, oo aysan la wadaagin musharaxiinta kale kaso saaray doorashada Golaha Shacabka, kana digay in markale dib u dhac ku yimaado. Sheekh Shariif ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay doorashada Golaha Shacabka ee ka bilaabatay dalka, isagoona sheegay in ku dhawaad sanad ay ka dib dhacday waqtigii dastuuriga ahaa ee loo asteeyay. “Waxaa dalka ka jira abaaro, nabad galyo xumo, hoo u dhac dhaqaale oo baahsan, hubanti la’aan iyo walaac siyaasadeed oo ay keentay dib u dhaca soo noqnoqday ee doorashooyinka, sidaa awgeed waxaa lagama maarmaan ah in loo turo bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan,” ayuu lagu yiri war-murtiyeed uu soo saaray Sheekh Shariif. “In la qabto doorasho hufan, daahfuran oo heshiis lagu yahay waxay fure u tahay nabadda iyo xasiloonida, wadajirka dalka, horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda abaaraha aafeeyay waddanka.” Waxa uu ka digay in markale uu dib u dhac ku yimaado waqtiga loo qabtay dhameystirkeeda, wuxuuna walaac ka muujiyey hanaanka ay u bilaabatay doorashada Golaha Shacabka oo uu sheegay inay keeni karto in muran uu ka dhaco natiijada doorashada. “Waxaa jira cabashooyin ku aadan hanaanka doorashooyinka loo maamulayo, waxayna keeni kartaa inuu muran ka dhaco natiijada doorashada Golaha Shacabka haddaan la ilaalin daah-furnaanta doorashada iyo habraacyadii lagu heshiiyey 17-Sep 2020 iyo 27-May 2021.” Waxa uu soo jeediyay in Golaha Wada-tashiga Qaranka inay xaliyaan tabashooyinka kasoo if-baxaya oo ay wax ka qabtaan cabashada iyo walaaca lagu muujinayo hanaanka loo maamulayo doorashada. Ugu dambeyntiina waxa uu ugu baaqay Guddiyada doorashada heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka doorashada inay dhaqan-geliyaan habraacyadii iyo hanaankii lagu heshiiyay ee doorashada Golaha Shacabka. “Waxaa ku boorinayaa inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara eex iyo musuq-maasuq, taas oo dhaawici kara natiijada doorashada iyo geedi-dhiska dowladnimada.” The post SHARIIF oo qoraal aysan la wadaagin Musharaxiinta kasoo saaray doorashada appeared first on Caasimada Online.
  4. Hadalka ka soo yeedhay M/weyne Erdogan oo sababay xasarad lacageed Turkish Lira Qiimaha lacagta Turkey ee Lira ayaa Talaadadii gaartay heerkii ugu hooseeyey kadib markii madaxweyne Erdogan uu ku adkeystay rabitaankiisa ah in la dhimo dul-saarka, kana digay in dalkiisa “uu ku jiro dagaal madax-banaani dhaqaale ah.” Sarifka lacagta Lira ayaa gaartay 13 halkii dollar-ba, taasi oo ah qiimo dhac 15% ah maalin gudaheed ah, kahor inta aanay xoogaa yar dib usoo kaban. Turkey ayaa wajaheysa xasaraddii lacageed ee ugu xumeyd tan iyo 2018 markii qiimaha Lira uu gaaray heerkii ugu hooseeyey xilligaas oo uu muran kala dhaxeeyey madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Bankiga Dhexe ee Turkey ayaa Khamiistii tegtay u hoggaansamay cadaadiska Erdogan, wuxuuna siyaasaddiisa heerka dul-saar dhimista ka dhigay 15 boqolkiiba, halka markii hore ay ka aheyd 16, inkasta oo dalka uu wajahayo sicir-bar iyo qiimo dhac lacageed. Erdogan oo aad uga soo horjeeda dul-saarka, isaga oo rumeysan in dul-saarka uu mas’uul ka yahay sicir-bararka ee aanu hoos u dhigeyn, wuxuuna mar kale Isniintii difaacay aragtidiisa. “Waxaan aragnaa cayaarta ay kuwaas wadaan ee ku aadan lacagta, dul-saarka iyo sare u kaca qiimaha badeecadda, waxaana tusi doonnaa qorshaha cayaarteena,” ayuu yiri. “Waan ku guuleysan doonnaa dagaalkan madax-banaanida dhaqaale ah, anaga oo kaashaneyna caawimaadda Allah iyo shacabkeena.” Lacagta Lira ayaa lumisay 40 qiimaheeda marka loo eego dollar-ka, tan iyo billowgii sanadkan, waxaana sicir-bararka uu gaaray 20 boqolkiiba, taasi oo afar jeer ka badan bartilmaameedka dowladda. Kadib hoos u dhacii Lira ku yimid Talaadadii, Erdogan ayaa la kulmay guddoomiyaha Bankiga Dhexe Sahap Kavcioglu, hase yeeshee wax faah-faahin ah lagama bixin kulanka Taxliiliyayaasha siyaasadeed ayaa rumeysan in dhibaatooyinka dhaqaale ee Turkey ay cadaadis xooggan saari doonaan Erdogan oo isku diyaarinaya doorashooyinka madaxweyne ee 2023, xilli ay mucaaradka dalkaas dhisayaan isbaheysi. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay Allaha u naxariistee weriye Cabdicasiis Maxamed Guuleed (Afrika). Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sii deysay wareysi laga qaaday ninkaan kahor inta uusan fulin weerarka, wuxuuna magaciisa ku sheegay Ciise Cabdi Cabdulle oo ku magac dheer (Ciise Miskiin). Ninkaan ayaa wareysiga ku sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Murusade, gaar ahaan lafta Habar-Maxamed. Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu ku dhashay deegaanka Dirri oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud. Da’diisa ayuu ku sheegay 27 Jir, wuxuuna kooxdaan kusoo biiray isagoo 17 sano jir ah, isaga oo markii hore ka mid noqday qeybta Jabhadda, gaar ahaan kuwa ka dagaalamo Gobolka Galgaduud kahor inta uusan iska diiwaan gelin qeybta Is-miidaamiyayaasha. Ninkaan ayaa dhammaadka wareysiga uu bixiyey wuxuu kula dardaarmay xaakiisa, isagoo u sheegay inay samarto, islamarkaana ay wiilkiisa Cabdullaahi ku barbaariso Diinta si uu isaga ugu daydo. Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lagu dilay Afrika Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis ayaa yiri “Cabdicasiis Afrika ayaa in muddo ah waxaa ku raad joogay Mujaahidiinta, isagoo loo haystay dambiyo dhawr ah oo uu ka galay Islaamka, iyo inuu ku lug lahaa dilal loo gaystay rag Mujaahidiin ah.” Waxa uu intaas ku daray in dilka Afrika ay Al-Shabaab uga aargudanayeen xubno ka tirsan kooxda, oo sida ay hadalka u dhigeen, uu dillalkooda “ku lug lahaa,” kuwaas oo uu ka mid ahaa Xasan Xanafi Xaaji. The post Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey Cabdicasiis Afrika appeared first on Caasimada Online.
  6. Mas’uul Soomaali ah oo ku dhawaaqay in ku biirayo furrinta hore ee dagaalka Itoobiya Injineer Maxamed Shaale Isxaaq oo ah madaxa xisbiga haya talada Itoobiya ee u qaabilsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa shaaciyay in uu ku biirayo jiidda dagaalka xilli qaar ah mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ay ku dhawaaqeen inay ka qeybgalayaan dagaalka ka dhanka ah jabhadda Tigray. “Waxaan diyaar u ahay in aan tego jiidda hore ee dagaalka, waxaana u hoggaansamayaa baaqa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayuu yiri Maxamed Shaale Isxaaq, sida lagu baahiyay bogga Facebook, xisbiga Prosperity Party. Qaran News
  7. Orodyahan caan ah oo shaaciyey inuu ku biirayo Jiidda hore ee Dagaalka ka socda Gudaha Itoobiya Orodyahanka caanka ah ee ka qeybgalay tartanka olimbikada ee adduunka ee u dhashay dalka Itoobiya Haile Gebrselassie ayaa shaaciyay in uu tegayo jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah dagaalyahanada jabhadda ka dagaallanta gobolka Tigray. Waxaa sidoo kale dagaalka ku biiraya Feyisa Lilesa oo ah orodyahan si weyn looga yaqaanno dalkaas oo sanadkii 2016-kii ka qeygbalay tartankii orodka ee ka socday Brazil kaas soo bandhigay astaantii ay ku caan baxeen dadkii Oromada ee waday dibadbaxadii ka dhanka ahaa dowladda Itoobiya, wuxuu ka carooday sida dowladda ay ula dhaqatay dadka Oromada. Sidoo kale dad caan ah oo u dhashay Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay ka qeybgalayaan dagaalka xilli kooxaha fallaagada ay sheegayaan inay kusii sii siqayaan dhinaca Addis Ababa. Waxay arrintani imaaneysaa xilli baraha bulshada lagu arkay sawirro muujinayo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ku labisan dareeska militeriga oo ay ku hareereysan yihiin ciidamo gaar ah. Ma kala cadda in Abiy Axmed uu tegay jiidda hore ee dagaalka, BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto warkaas. Ergeyga Midowga Afrika ee gobolka, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, ayaa sheegay inay jirto fursadda yar oo lagu wadahali karo. Maamulka Addis Ababa ayaa ugu baaqay dadka inay diiwaan geliyaan hubka. Qaran News
  8. Haweenay Soomaaliyada oo lagu eedeeyay inay lacag ka dhacday dadka ugu caansan dunida? Ciwaanka Twitter-ka ee Safiya ayaa khadka ka baxay, sida uu tebiyay wargeyska Vulture Maalmihii la soo dhaafay, baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta caalamka waxaa qabsaday hadal heyn ku saabsan gabar lagu magacaabay Safiya Nuur, oo la sheegay in ay “si khiyaano ah” lacago kumannaan doolar ah uga qaadatay atooreyaal iyo dad kale oo saameyn ku leh Mareykanka. Sida Twitter-ka laga hadalhayo, gabadhan oo la sheegay in ay heysato dhalasho Canada, balse asal ahaan tahay Soomaali, ayaa lagu eedeeyay in ay siyaabo kala duwan lacagaha uga “dhacday” dad caan ah oo ku sugan magaalada Los Angeles ee dalka Mareyanka. Sida ay qoreen warbaahinta uu ka mid yahay wargeyska ka warrama dadka caanka ah ee Vulture, Safiya waxay dadka “lacagta ka qaadatay u sheegeysay waxyaabo ay ku beer laxowsatay” sida inay “hooyadeed dhimatay oo ay dooneyso lacag ay aas ugu sameyso”. Waxyaabaha kale ee ay dadka u sheegeysay waxaa ka mid ah “inay dhibaato kala kulantay kufsi wadareed loo geystay,” sida uu qoray website Mareykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Meaww. Waxa uu qoraaga bogga intaas ku daray in Safiya ay sheeganeysay in ay “uur u leedahay fannaan caan ah” balse ay la nooshahay qof kale oo Yutuber ah oo caan ah. Qof walba oo ay la kulanto waxa uu moodayay in ay saaxiib la tahay saaxiib kale ee uu garanayo. Sida bogagga qaar iyo Twitter-ka lagu qoray, Inta badan lacagahaas ayaa sida lagu eedeeyay waxa ay ku qaadatay “amaah ahaan”, mar dambena aysan soo celinin ama kuma aysan laabanin dadkii ay ka qaadday. this is sophia nur. somehow, she would always sneak her way into influential spaces to seem like she was *in it*. influencers and celebrities befriended her without questioning who she was because she was ALWAYS around. from LA, to miami, to vegas. she was there. #SurvivingSophia pic.twitter.com/FR8IVKRF1B — ari🥺 (@AriannaDantone) November 19, 2021 Sida bogagga qaar iyo Twitter-ka lagu qoray, Inta badan lacagahaas ayaa sida lagu eedeeyay waxa ay ku qaadatay “amaah ahaan”, mar dambena aysan soo celinin ama kuma aysan laabanin dadkii ay ka qaadday. Balse, dhankeeda lagama hayo war ay isku difaaceyso oo ku saabsan eedda, lamana caddeyn karo in ay tahay qof jira. Laakiin waxaa baraha bulshada qaarkood qabsaday sawirro iyo hal ku dhigyo ku saabsan Safiya. Shakhsiyaadka caanka ah ee la sheegay in gabadhan ay la kulantay, laguna eedeeyay in lacago ay ka qaadday waxaa ka mid ah Jeff Wittek, Denzel Dion, Ricky Thompson iyo dad kale oo isugu jira atooreyaal, atariishooyin iyo dadka taageerayaasha badan ku leh baraha bulshada, gaar ahaan Youtube-ka. Weli wax jawaab ah kama aysan soo bixin fannaanka iyo Youtuber-ka magacyadooda la xusay. BBC-da ilaa hadda uma suurtagalin inay xaqiijiso eedeymaha loo jeediyay gabadhaas oo hadal heyntooda ay socotay maalmihii la soo dhaafay. Sidey ku billaabatay hadal-heynta? Twitter-ka oo aad loogu faafinayay sheekada ku saabsan gabadhan ayaa loo adeegsanayay hal ku dhigga ah #SurvivingSophia. Waxay arrintan markii ugu horreysay soo shaac baxday maalintii Khamiista ee isbuucii la soo dhaafay, markaas oo ay taariikhdu ku beegneyd 18-kii bishan November, 2021. Islmarkii shaaca looga qaaday warka ku saabsan Safiya, waxaa soo baxay dad badan oo ka hadlayay arrinteeda, qaarkoodna ay sheegayeen in ay sidaas oo kale u “dhacday”. Si rasmi ah looma garan karo isku darka tirada lacagta la sheegay in ay “dadka ka qaadatay” balse wararka qaar waxay sheegayaan in ay gaareyso kumannaan dollar halka qaar kalena ayba gaarsiiyeen illaa malaayiin doolar. Marba marka ka dambeysa waxaa soo baxayay dad ku andacoonayay in uu “isla qofka laga hadlayo ku sameeyay qalin shubato”. Barta Clubhouse ayay markii hore ka billowday barashada dadkii ay la kulantay, balse Twitter-ka ayay u waregetay hadal heynta baaxadda leh. Xagey ku dambeysay “Safiya”? Maalmo kooban kaddib markii ay soo baxday hadal heynta gabadhan loogu yeeray Safiya, waxaa laga waayay bogagga la sheegay in ay ku lahayd baraha bulshada. Wargeyska Vulture ayaa soo bandhigay sawir muujinaya ciwaan Twitter-ka ah oo la sameeyay bishii July ee sannadkan 2021-ka. Hase ahaatee isla ciwaankaas hadda lama heli karo. Ma cadda inay iyadu qarisay iyo in ay shirkadda Twitter-ka ka saartay meesha toona. Ilaa hadda wax war ah kama uusan soo bixin gabadhan, BBC-dana uma suuragelin dadaallo ay ku doonaysay inay xiriir la sameyso iyadoo u mareysa cinwaannada la sheegay in ay lahayd. Sidoo kale ma jiro wax baaritaan ah oo la soo tabiyay in ay booliska billaabeen. Waxaase xusid mudan in dhammaan dadka ka hadlayay Safiya Nuur aysan ahayn kuwo eedeynayay balse dadka qaar ay su’aal galinayeen saxnimada eedeynta loo jeedinayay Safiya, iyagoo isweydiinaya in gabadhaas ay tahay mid fiican oo waxa laga sheegayo aysan run ahayn iyo inkale. Qaran News
  9. HARGEISA (HOL) - A senior politician in Somaliland has said continued talks with Somalia undermined the break-away region’s quest for statehood and urged President Muse Bihi to announce an end to future talks. Source: Hiiraan Online
  10. Wasaarada waxbarshada iyo tacliinta sare ayaa maanta ku qabtay iskuulka hoose dhexe ee salaama primary school ee gobolka Mudug Xuska Maalinta musqulaha aduunka xuskaan oo ay kasoo qayb galeen arday gaaraysa 500 oo arday ,waalidiin, macalimiin iyo masuuliyiinta gobolka oo ogu horeeyo kormeeraha gobolka mudug. Halkudhiga sanadkaan Ayaa ahaa muhiimad sare aan siino isticmaalka suuliyada. waxaana si weyn looga hadlay muhiimada ay Nadaafadu u leedahay aadanaha iyo isticmaalka suuli nadiif ah. Maamulaha Schoolka salaama primary school Guray Cabdulaahi khaliif ayaa ardayda ugu baaqay inay kafaaidaystaan munaasabadaan ayna ilaaliyaan Nadaafada iyo fayadhowrka kuna dadaalaan Marwalba inay hagaajistaan suuliyada iskuulka si loo ilaaliyo Caafimaadka ardayga waayo arday caafimaad qaba ayaa leh jir caafimaad qaba. 19-ka november waxaa loo asteeyey maalinta xuska maalinta musqulaha aduunka waxaana Munaasabadaan lagu dhiiragalinayo ardayda inay faraha isticmaal musqulaha sida ugu haboon ayna faraha dhaqdaan lagu qabtay Schoolka salaama primary school ee magaalada Gaalakacyo. Kormeeraha guud ee gobolka mudug ee waxbarashada Maxamad cabdiraxmaan jaamac shufeer ayaa sidoo kale xalfada kajeediyay in lajoogteeyo dayactirka musqulaha iyo isticmaalida saabuun wuxuna xusay nadaafadu inay tahay imaam barkii loona baahanyahay in guriga laga bilaabo nadaafada lana isticmaalo saabuun joogta ah. Ugu danbayntii Cabdishugri Maxamed Faarax dhaashane oo ah Madaxa ku xigeenka Washka ee wasaaradda waxbarashada ayaa ka hadlay muhiimada ay nadaafadu in la isticmaalo musqul nadiif ah ,wuxuu kaloo xusay taariikhada maalintaan iyo inay tahay maalin caalamkoo dhan laga xusayo. waxaa kaloo uu sheegeen inay muhiim tahay in faraha la dhaqdo marka la isticmaalo musqusha xiliyada isticmaalka Suuliga,Cunto cunida kadib iyo kahor, in la nadiifiyo musqulaha iskuulka ,saxanka faradhaqa iskuulka saabuuntuna ay markasta diyaar kutahay meesha faradhaqa iyo ka hor si loo ilaaliyo Nadaafada ardayga iyo tan deegaanka. Waxaa kaloo uu ardada si practical ah ula wadaagay una tusiyay 8 hab ee faraha loo dhaqdo ee ku haboon faradhaqashada iyadoo ardayduna ay si toos ah u sameeyeen markay kasoo baxaan musqusha waxaana uu ardayda ,macalimiinta iyo waalidiinta bahda waxbarshada ugu baaqay inay dhowraan gaar ahaan nadaafada musqulaha iskuulka khaasatan xiliyadaan qaboobaha ah oo uu jiro xanuunka covid-19. Xuska ayaa ku soo dhamaaday guul iyo wacyigelin gartay dhamaan ardada. Halkaan ka eeg Sawirada PUNTLAND POST The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo qabatay kulan wacyi-gelin oo muhiim ah appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa xilka qaadis ku sameeyay Agaasimihii hay’adda PSF Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) sida ku cad dikreeto ka soo baxday Madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Siciid Deni ayaa Agaasimaha cusub ee hay’adda PSF u magacaabay S/Guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr. Halkaan ka akhriso dikreetada Madaxweynaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee November 24, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Agaasime Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragntinimadiisa Ciidanimo Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xilka qaadis ku sameeyay Agaasimihii hay’adda PSF appeared first on Puntland Post.
  12. Mustafe Cagjar: “Cabdiweli Gaas wuxuu ka qeybgalay shir lagu xasilloonitirayo dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.” Jigjiga (Wararka PP) — Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Cabdiweli Gaas) ayaa ka gilgishay eedeyn kulul oo uu Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar dusha ka saaray isaga. “Waxaa la ii fasiray qeybo ka mid ah wareysi Af Amxaari uu bixiyay Mustafe Cagjar. Wuxuu igu eedeeyay inaan ka qeybgalay shirar colaado lagaga aloosayo dowlad-deegaanka. Waxaa jiray shir ku saabsan horumarinta dhaqaalaha dowlad-deegaanka laakiin aanan ka qeybgalin” ayuu Gaas u sheegay telefishinka Dalsan. Cabdiweli Gaas: “ONLF waa cadawga Puntland.” Cagjar wuxuu ka mid ahaa firfircooneyaal siyaasadeed oo aad uga hor yimid meesha Gaas ka istaagay halganka ONLF. Colaadda siyaasadeed ayaa u dhexeysa Gaas iyo Cagjar. Waxay ku saabsan tahay waraysi uu Cabdiweli Gaas siiyay telefishinka qaranka Itoobiya mar uu Addis Ababa booqanay ka hor 2018kii intuu ahaa Madaxweynaha Puntland. “Waa inaynu iska kaashanno cadawga ay Puntland iyo Itoobiya wadaagaan oo kala ah Al-shabaab iyo ONLF (Ogaden National Liberation Front)” ayuu Cabdiweli Gaas yiri. Ma jirin markaas iyo haddaba siyaasad dowladda Puntland dejisay oo ka dhigaysay ONLF urur argagixiso. Cabdullaahi Siciid Samatar wuu ka hor yimid in qof Soomaali ah loo dhiibo Itoobiya. “Waa hadal uu Cabdiweli Gaas jeebka kala soo baxay, ugu gafay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha siyaasadeed ee Puntland” ayuu yiri mas’uul ka tirsanaa maamulkii Gaas oo codsaday in aan la xiganin. “Wasiirkii hore ee Amniga Puntland Cabdullaahi Siciid Samatar sida uu uga dhiidhiyay in qof Soomaali ah loo dhiibo Itoobiya waan xusuustaa. Cabdiweli Gaas waxaa la gudboon inuu raalligelin ka bixiyo tilmaanta foosha xun oo runta baalmarsan uu ka bixiyay ONLF” ayuu Cali Aw Muuse, firforcoone ONLF ka tirsan oo ku sugan San Diego (Maraykanka) telefoon ugu sheegay Puntland Post. © Puntland Post, 2021 The post Maxay Isku Hayaan Cabdiweli Gaas iyo Mustafe Cagjar? appeared first on Puntland Post.
  13. Ilyaas Isxaaq (bidix) iyo Khaalid Axmed (midig) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliye ku xigeenkii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale. Taliye ku xigeenka cusub ee Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa loo magacaabay G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale G/dhexe Khaalid Axmed Cabdiraxmaan u magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Madaxwene Deni oo magacaabay Taliye ku xigeenno cusub appeared first on Puntland Post.
  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad ayaa markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Natiijada doorashadan ayaa aheyd mid horay loo sii ogaa, maadaama Cawad uu isagu keensaday gabadha la tartantay. Ergada ka qeyb-gashay doorashada ayaa gaareysa illaa 101 ergo ah, waxaana 84 ka mid ah ay u codeeyeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle. Arrinta la yaabka leh ee ka dhacday doorashada maanta lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa ah in aysan wax cod ah helin Shukri Cali Faarax, iyada oo ay halaabeen codad gaaraya illaa 17 cod, sida uu shaaciyey guddiga maamulaya kuraasta doorashada ee Galmudug. Dad badan ayey lama filaan ku noqotay natiijada la shaaciyey, waxaana ay su’aallo ka keeneen, sida ay ku dhacday in Shukri Cali aysan helin cod, iyada oo ay khasaareen ku dhowaad 20 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay ee doorashadaasi. Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa kursiga labaad oo isna loo saadaalinayo musharax Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo dhowaan iska soo casilay xubinimadii horay loogu doortay ee Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka. Arrimahan ayaa uga sii daraya, walaaca iyo shakiga la muujinayo qaabka ay ku socota doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya oo haatan ah mid billow ah. Si kastaba, Midowga musharixiinta oo si dhow ula socda doorashadan ayaa ku goodiyey inay gabi ahaan qaadici doonaan doorashooyinka, haddii la sixin khaladaadka jira. The post Mahad Cabdalle Cawad oo dib loo doortay iyo arrin yaab-leh oo dhacday (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 45 ee November 24, 2021 kuna saabsan magacaabid guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Gobolka Bari. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Maxamed Dalmar Bile loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Bari. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. PUNTLAND POST The post Guddoomiye ku xigeen cusub oo loo magacaabay Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Hay’adda Puntland u qaabilsan dhanka maareynta ee magaceeda loo soo gaabiyo HADMA ayaa been abuur ku tilmaamtay warbixin kasoo baxday wasaaradda gargaarka dowladda Soomaaliya, taas oo lagu sheegay in duufaan xawaare sare ku socota laga cabsi qabo inay ku dhufato maamulkaasi, gaar ahaan gobolka Bari. Ugu horeyn qoraal ka soo baxay HADMA ayaa waxaa lagu sheegay inay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in Puntlad ay kusoo wajahan tahay duufan aad u culus. “Annagu ma hayno duufaantaas, mana garanayno meesha ay ka keeneen dadku,” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda HADMA ee Puntland Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ceyrow. Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday in duufaanta la sheegay xawaaraheeda uu aad u hooseeyo, isla-markaana uu yahay illaa 35km saacaddiiba, isaga oo intaasi ku daray in xilligan aanay suurtagal ahayn inay si dhaqsi leh ku soo gaarto xeebaha Puntland. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka inay si dajiyaan, wuxuuna xusay inay marweliba usoo gudbinayaan waribixnada dhabta ah ee la xiriira xaaladaha soo kordha. Si kastaba, wasaaradda gargaarka Soomaaliya waxay warbixinteeda ku sheegtay in duufaant ay ku socota xawaare aad u sarreeya, iyada oo digniin u dirtay dadka degan hareeraha xeebaha ee ku dhaqan gobolka Bari ee hoostaga dowlad goboleedka Puntland. Sanad kaste, marka la gaaro bilaha December iyo november, waxaa Puntland laga fishaa roobab dabeylo wada oo ka yimaada dhinaca xeebaha Cadda Cas iyo Badweynta Hindiya. The post PUNTLAND oo si weyn uga hortimid warbixintii kasoo baxday DF SOOMAALIYA appeared first on Caasimada Online.
  17. (SLT-Hargeysa)-Masuul ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa lagu xukumay laba sanno iyo laba bilood, ka dib markii Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex xukun ku riday Masuulkan oo muddo xidhnaa. Weli Cabdi Jaamac, oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga WADDANI, ayaa xukunkiisu loo cuskaday eeddo uu u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacday doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhanka gobollada waqooyi (Somaliland). Kursigan oo tirsigiisa uu yahay Hop#272 ayaa waxaa ku tartamay illaa saddex musharrax oo kala ah Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, Khadra Axmed Ibraahim iyo Cabdiqani Maxamed Axmed, kuwaas oo marka hore codkooda weydiistay ergada doorashada. Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar ayaa ku soo baxay, wuxuuna helay 65 cod, Khadra Axmed ayaa heshay 25 cod, halka musharax Cabdiqani Maxamed uu isna helay 7 cod. Kursigan oo uu maanta ku guuleystay xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan waxaa horay ugu fadhiyey Guuleed Ceydaruus oo 4-tii sano lasoo dhaafay ka tirsanaa Golaha Shacabka. Guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland) oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in kuraasta kale ee harsan la dardargelinayo doorashadooda, isla-markaana ay ka go’an tahay dhammeystirka xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya. Waa kursigii lixaad oo doorashadiisa lagu qabanayo gudaha Dugsiga Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye, waxaana shalay halkan lagu doortay shan xildhibaan, halka horey loogu doortay laba kursi oo uu mid ka mid ah ku soo baxay Mahdi Guuleed. Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan ka socota gudaha dalka, iyada oo dhinaca kale ay walaac ka muujiyeen musharixiinta mucraadka qaabta ay ku bilaabata doorashada. Si kastaba, Galmudug ayaa iyadana lagu wadaa inay maanta qabato doorashada laba kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka, taas oo ah natiijadeeda mid lasii ogyahay, waxaana loo saadaalinayaa musharax Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) iyo Mahad Cabdalle Cawad. The post Doorashada kursi ka mid ah Aqalka Hoose oo ka dhacday Muqdisho – Yaa kusoo baxay? appeared first on Caasimada Online.
  19. Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan duufaan ku soo wajahan Puntland. Guddoomiyaha hay’adda Musiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed (Ceerow) oo si kooban ula hadlay Puntland Post ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warkaas. “ Annagu ma hayno duufaantaas mana garanayno meesha ay ka keeneen dadku. Waxaan idiin xaqiijinaya in aysan waxba ka jirin wararkaas islamarkaana aan hadda cabsi laga qabin duufaano” ayuu yiri Guddoomiye Ceerow. Warka HADMA ayaa ku soo beegmay saacado kooban kadib markii dowladda Soomaaliya ka digtay duufaan ay sheegtay in ay ku soo wajahantahay degaanno ka tirsan Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo waxba kama jiraan ku tilmaantay duufaan ay ka digtay dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  20. Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarad ah ee UCID, ayaa sheegay in Wadahadaladii muddada soo socday ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya uu joojin doono. Isaga iyo xubno kale oo ka socda xisbiyada mucaaradka ee Somaliland oo ay hoggaaminayaan madaxda xisbiyada, kuna sugan Magaalada Magaalada Nairobi ayaa waxaa ay halkaas u joogaan arrimo ku aaddan doorashooyinka Somaliland. Faysal Cali waraabe oo ka mid ah madaxdaas ayaa BBC u sheegay in ujeedada ay u socdaan ay tahay sidii ay doorashada dabayaaqada sannadka dambe ka dhici doonta Somaliland ugu raadin lahaayeen taageero farsamo iyo mid dhaqaale. Faysal wuxuu kaloo BBC u sheegay in uu weli yahay musharrax mar kale u taagan tartanka madaxtinimada Somaliland. Wxuu intaa ku daray in uu qorshaynayo in uu baarlamaanka hor geeyo in la joojiyo wadahadalladii u dhaxeeyey Somalia iyo Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo khasaare mooyee aan faa’iido ugu jirin. Source