Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. In 1982, Mr Yarrow Adan Bashir, now 58, left Mandera for Meru to venture into the miraa (khat) business. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa markii u horeysay ka hadlay hadal haynta qodob ka mid ah habraaca doorashada Golaha Shacabka oo Yaasiin Farey u diidaya inuu is-sharxo, haddii aanu buuxin shuruudda laga doonayo. Qoddobkan oo ah midka 8-aad ee Shuruudaha Musharaxiinta ayaa waxa uu dhigaya in Saraakiisha iyo ciidamada dowladda ee raba inay u tartamaan kuraasta Golaha Shacabka ay is-casilaan marka hore. “Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa banaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex (3) todobaad ka hor wakhtiga diwaan gelinta musharaxiinta,” ayuu leeyahay qoddobka 8-aad ee Shuruudaha Musharaxiinta. Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo arrintaas ka hadlay ayaa yiri in eedeynta qoddobkaas ay ku saxan yihiin, hase yeeshe habraacu uusan cidna ka reebeynin doorashada, sida uu hadalka u dhigay. “Doorashadan waa doorasho dadban, waxaana u aasaas ah heshiis iyo is afgarad siyaasadeed. Madashii Wada-tashiga Qaranka shirkii ugu dambeeyay ee ay magaalada Muqdisho ku yeesheen waxaa laga soo saaray habraaca lagu dhaqayo doorashada, habraacaasi ma sheegayo oo ma xadidayo muwaadinka Soomaaliyeed ee xilal haya, xil dowladeed ama xil ciidan, inuu iska soo casilo kursiga uu hayo,” ayuu yiri. “Doorashadii Aqalka Sare waxaa ka qayb-galay safiirro, qaarkoodna ay ku guuleysteen ama ku guul-darreysteen, imikana waxaa u sharraxan saraakiil ciidan iyo safiirro, habraacaasina ma dhigayo inay isa-soo casilaan 7 maalmood ka hor.” Hadalkan ayaa imanaya xili siyaasiyiinta mucaaridka qaarkood iyo musharaxiinta u taagan kursiga uu isku soo sharaxay Yaasiin Farey ay sheegen in is-diiwaan-gelintiisa ay sharci ku dhisneyn, maadama ay sheegen in uu jabiyay qoddobkaas, marka laga imaado eedeymaha kala ee dul hoganaya. Yaasiin Farey oo u sharaxan kursiga HOP67 ayaa la filayaa in maanta lagu doorto magaalada Dhuusomareeb, kadib markii laga reebay murashaxiintii la tartami lahaa, sidoo kalena ergo ciidan u badan oo Xamar laga qaaday loo geeyey Dhuusomareeb, si ay ugu codeeyaan. The post Guddiga doorashada oo war kasoo saaray musharaxnimada taliye YAASIIN FAREY? appeared first on Caasimada Online.
  3. With rebel forces advancing toward the capital, the civil war in Ethiopia is alarming immigrants from Ethiopia in Minnesota, which is home to the world’s largest Oromo diaspora community. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga doorashooyinka heer federaal oo war-saxaafadeed ka soo saaray doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka ayaa xaqiijiyey inay jiraan cabashooyin ka soo gaaray qaar ka mid ah 10 kursi ee illaa hadda la doortay, waxuuna guddigu balan qaaday in baaritaan dhab ah ay ku sameyn doonaan cabashooyinka laga keenay doorashada kuraastaas. Sidoo kale qoraalka guddiga ayaa daneeyayaasha siyaasada, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa loogu balan qaaday in guddigu uusan ogolaa doonin in doorashada lagu sameeyo wax is daba marin, “Si looga fogaado wax is daba marin iyo daah furnaan la’aan doorashada ku dhacda, waxaa guddigu farayaa guddiyada doorashooyinka heer maamul goboleed in ay dhowraan, ishana ku hayaan daah-furnaanta, caddaaladda, xeerarka iyo habraaca doorashooyinka hadda socda,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka: Waxaa si habsami leh u socda Doorashooyinka golaha shacabka Soomaaliya oo soo bilaamatay 1 November 2021ilaa haddana toban kursi ayaa doorasho loo galay siday natiijooyinka hor dhac ahi tilmaamayaan. Waxaa kale oo inoo dhamaaday kuraastii Aqalka Sare. Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) wuxuu ku shaqeynayaa hanaan waafaqsan habraacii ay soo saareen madatasha wadatashiga qaranka, iyadoo aysan jirin habraac kale oo siyaasi, maamul ama masuul siyaasadeed soo saaray oo lagu dhaqayo doorashada, hanaankaas oo ay si wada jir ah u saxiixeen madaxweynayaasha maamullada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra’isuulwasaaraha Soomaaliya. Doorashada oo wakhtiyo kala duwan dib u dhac ku yimid, ayaa wakhtiga kama danbaysta ah ee guddigu u asteeyey in lagu soo gebagebeeyo ay tahay 24 Disembar, 2021, Haddaba guddiga oo ilaalinaya hufnaanta iyo shuruucda doorashada, waxaan siyaasiyiinta iyo cid kastoo danaynaysa doorashada u sheegaynaa in wax kastoo cabasho ah oo ka soo baxday kuraastii la doortay uu dib u eegi doono guddigu, doorasho kasta oo aan waafaqsanayn hanaanka loo asteeyey in loo maro guddiga xulista ergada iyo ergada wax dooranaysa uu noqon doono mid dhab ah loo baadho, go’aan ku haboonna laga gaadhayo. Haddaba si looga fogaado wax is daba marin iyo daah furnaan la’aan doorashada ku dhacda, waxaa guddigu farayaa guddiyada doorashooyinka heer maamul goboleed in ay dhowraan, ishana ku hayaan daah-furnaanta, caddaaladda, xeerarka iyo habraaca doorashooyinka hadda socda. Guddiga ilaa iyo hadda waxaa soo gaaray cabashooyin iyo talooyin ku aaddan doorashooyinka socda. Sidaadarteed, wuxuu guddigu ku samaynayaa badhitaanno dhammaan cabashooyinka. Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegaynaa in wax kastoo baal marsan hufnaanta doorashada uusan guddigu marna aqbali doonin. Annagoo ugu baaqayna tartamayaasha iyo daneeyayasha doorashada in ay wixii cabasho ah u maraan hanaanka loo dejiyey in wax looga qabto murannada doorashada, iyadoo ay dhisan yihiin guddiyaddii loogu tala galay in ay wax ka qabtaan. Guddiyada doorashooyinka maamulaya waa guddiyo ka madax-bannaan siyaasadda iyo fara-gelinta siyaasi. Sidaa awgeed, waxaan faraynaa dhammaan guddiyada in ay waajibaadkooda u gutaan si madax-bannaan oo caddaalad ah. Waxaa kale oo aan madaxda Qaranka ku boorinaynaa in ay u madax baneeyaan hawlahooda doorashada, ayna ka caawiyaan adeegyada muhiimka ah ee ay u bahan yihiin, sida amniga iyo taakulaynta saad. Ugu danbayn, waxaan ummadda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ugu baaqaynaa in ay guddiyada ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda, si ka madax banaan fara gelinta siyaasadda iyo in ay shaqadooda u gutaan si hufan. Si doorashada golaha shacabku ugu dhammaato wakhtigii loogu tala galay, iyadoo marxaladdaan looga gudbi karo in doorashadu wakhtigeeda ku dhammaato, lana soo dhiso baarlamaanka 11. <Dhammaad> The post Guddiga doorashada heer federal oo shaaca ka qaaday inuusan aqbali doonin… appeared first on Caasimada Online.
  5. Ankara (Caasimada Online) – Turkey iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya balaayiin doolar, oo ay qeyb ka yihiin taknoolajiyadda iyo tamarta kadib sanado ay xiisad siyaasadeed ka dhaxeysay labada dal. Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Ankara kadib wada-hadallo ay yeesheen madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan. Booqashada Sheikh Mohammed ee Ankara, oo aheyd tii ugu horreysay muddo toban sano ah, ayaa timid ayada oo labada dal ay ka shaqeynayaan inay hagaajiyaan xiriirkooda, xilli ay jirto xasarad lacag oo ka taagan Turkey, ayada oo qiimaha lacagta Lira ay hoos u dhacday. Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday shirkadda horumarinta ee Abu Dhabi Development Holding (ADQ) iyo sanduuqa dhaqaalaha Turkey ee Turkish Wealth Fund (TVF) iyo sidoo kale xafiiska maal-gashiga ee madaxweynaha Turkey. Heshiisyada ayaa astaan u ah in labada dal ay u jiheysteen iskaashi kadib sanado ay ku dagaalamayeen saameynta gobolka tan iyo markii uu kacdoonkii gu’ga Carabta qarxay toban sano kahor. Sheikh Mohammed ayaa sheegay inuu wada-hadallo miro-dhal ah, oo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal, la yeeshay Erdogan “Waxaan sugayaa inaan sahmino fursado iskaashi oo cusub oo u faa’iideeya labadeena dal, islamarkaana horumariya hadafyadeena horumarineed,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Heshiiska labada dal ayaa ku kacaya 10 bilyan oo dollar oo Imaaraadka ay maal-gasho uga sameynayaan Turkey. Turkey oo xiisad ay kala dhaxeysay dalal badan oo ka mid ah kuwa Bariga Dhexe ayaa bilihii tegay billowday dadaallo ay ku abuureyso xiriir wanaagsan, ayada oo wada-hadallo la furtay dalal ay ka mid yihiin Masar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka. Turkish President Tayyip Erdogan and Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan, the UAE’s de facto ruler, review a guard of honour during a welcome ceremony in Ankara, Turkey, November 24, 2021. Murat Cetinmuhurdar/Presidential Press Office/Handout via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES. Turkish President Tayyip Erdogan and Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan, the UAE’s de facto ruler, review a guard of honour during a welcome ceremony in Ankara, Turkey, November 24, 2021. Murat Cetinmuhurdar/Presidential Press Office/Handout via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES. Turkish President Tayyip Erdogan and Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan, the UAE’s de facto ruler, pose for a picture during a welcome ceremony in Ankara, Turkey, November 24, 2021. Murat Cetinmuhurdar/Presidential Press Office/Handout via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES. Turkish President Tayyip Erdogan shakes hands with Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan during their meeting in Ankara, Turkey November 24, 2021. Murat Cetinmuhurdar/Presidential Press Office/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS – THIS PICTURE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES. Turkish President Tayyip Erdogan shakes hands with Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan during their meeting in Ankara, Turkey November 24, 2021. Murat Cetinmuhurdar/Presidential Press Office/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS – THIS PICTURE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES. Turkish President Tayyip Erdogan and Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan, the UAE’s de facto ruler, meet in Ankara, Turkey, November 24, 2021. Murat Cetinmuhurdar/Presidential Press Office/Handout via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES. Turkey’s Central Bank Governor Sahap Kavcioglu and Suhail bin Mohammed Al Mazrouei, UAE’s Minister of Energy and Infrastructure, attend a signing ceremony as Turkish President Tayyip Erdogan and Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan applauds during their meeting in Ankara, Turkey November 24, 2021. Presidential Press Office/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS – THIS PICTURE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES. The post Sawirro: Erdogan iyo Bin Zayed oo heshiis galay kadib sanado loolan iyo xifaaltan ah appeared first on Caasimada Online.
  6. 31 Qof oo Tahriibayaala oo ku geeriyooday marin biyoodka u dhaxeeya Ingiriiska & Faransiiska . Ugu yaraan 31 qof oo tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalka Ingiriiska ayaa ku qaraqmay English Channel oo ah marin biyood u dhaxeeya dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska una dhow magaalada Calais ka dib markii ay la degtay doonidii ay la socdeen dadkaasi.Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa sheegay in falkaani uu yahay khasaarahii ugu weynaa ee hal mar ah tir badan oo dad ah ku dhintaan. Raiisel wasaare Ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegay inuu aad uga naxay waxa dhacay, isaga oo intaa ku daray in UK ay sameyn doonto tallaaba kasta si wax looga qabto kooxaha dadka tahriibiya.Waxaana lagu wadaa inuu guddoomiyo kulan degdeg ah oo arrintaan looga hadlayo. Doon nooca kaluumaysiga ayaa dirtay qaylo dhaan gelinkii dambe ee maanta kadib markii dadkii doontasi kaluumaysiga saarnaa ay arkeen dadka tahriibayaasha ah ee ku qaraqmay meel u dhow xeebaha badda Faransiiska. Masuuliyiinta Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa wada hawlgal samatabbixin ah oo cirka iyo badda ah si ay u ogaadaan haddii ay cid heli karaan. Mr Johnson waxa uu sheegay in dhimashadu ay tahay “musiibo”, isaga oo intaa ku daray inay muhiim tahay in la “jabiyo” dadka ka ganacsada rahriibinta dadka, kuwaas oo uu sheegay in ay “si dhab ah uga baxsanayaan dilka”.Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto sidii loo joojin lahaa dambiilayaasha abaabulan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri: “Waxaa sidoo kale muhiim ah in aan hadda sare u qaadno dadaalkeenna aan ku jebineyno qaabka ganacsi ee burcadda sidaan dadka ugu diraya badda.”Mr Johnson ayaa qiray in dadaallada ilaa hadda lagu joojinayo qulqulka muhaajiriinta isticmaalaya doomaha yar yar uu yahay mid aan ku filneyn. Ra’iisul wasaaraha Faransiiska Jean Castex ayaa sheegay in doonida degtay ay ahayd “musiibo” dadka dhintayna ay dhibanayaal u yihiin “dambiileyaal wax tahriibiya”.”Waxaan la dareemayaa xanuunka kuwa badan oo maqan iyo kuwa dhaawacmay, oo ay dhibaateeyeen mukhalasiinta dambiilayaasha ah ee ka faa’iidaysta dhibtooda iyo dhaawacyadooda,” ayuu yiri Jean Castex. Jean-Marc Puissesseau, oo ah guddoomiyaha dekedaha Calais iyo Boulogne, ayaa BBC-da u sheegay in 50 qof ay saarnaayeen doonta, ilaa “shan ama lix” qofna la helay ilaa iyo hadda. Tiro dad ah ayaa la rumeysan yahay inay doonyo yar yar ku gaareen UK Arbacadii maanta.Wariye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda 25 doomood ay isku dayeen inay u gudbaan dhanka Uk saacadihii maanta. Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo ay jiraan tiro badan oo muhaajiriin ah oo ka gudbaya Faransiiska kuna sii jeeda dalka Ingiriiska . In ka badan 25,700 oo qof ayaa doomo yar yar ku tagay UK,kuwaas oo ka badan marka la barbar dhigo sanadkii hore. Marinka Dover ayaa ah marinka ugu mashquulka badan caalamka waxaana uu galaafatay nolosha dad badan oo isku dayayay in ay uga sii gudbaan dalka Ingisriiska iyagoo wata doomo la buufiyay.Waxaa loo maleynayaa in ugu yaraan 10 qof oo kale ay dhinteen dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay iyagoo isku dayaya inay halkaa ka gudbaan. Qaran News
  7. Muqdisho:Kursi ay isku haystaan Laba Taliye Sirdoon Waxaa maanta magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho ka dhacay doorashada xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo saartay xildhibaannadii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka iyagoo sheegay in doorashadaasi ay tahay sidii ay ku bilaabatay. Dhanka kale se waxaa soo baxaya cabasho ay qabaan qaar ka mid ah odayaasha deegaan doorashada kuraastooda ay ka dhacayso magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo sheegaya in ergo aan sax ahayn la xaraynayo kuwii reerkana laga tegay. Waxaa odayaashaas ka mid ah Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) oo sheegay inuu yahay odaygii rasmiga ahaa ee kursiga uu tirsigu yahay HOP#67, wax uu ka ogyahayna aanay jirin ergada joogta magaalada Dhuusamareeb, isagana laga hor istaagay inuu magaaladaas tago. Kursiga doodda dhaliyey muxuu yahay? Dood ayaa ka dhalatay tallaabo ay guddiga doorashada ay waqradaha aqoonsiga diiwaangelinta ku guddoonsiiyeen taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanno Yaasiin Fareey, arrintaas oo lagu tilmaamay mid hareer marsan habraacii doorashada. Musharraxiinta war saxaafadeedka soo saaray iyo siyaasiyiin kaleba waxay si gaar ah caro uga muujiyeen go’aankaas, iyagoo sheegay in xeerka la isku ogyahay uu ahaa mid dhigaya in sarkaal xil haya aan loo oggolaanin doorashada ilaa uu iska casilo saddex isbuuc ka hor waqtigaas. Guddiga doorashada ayaase sheegay in qodobkaas ay ku saxan yihiin, habraacuna uusan cidna ka reebeynin doorashada. “Doorashadan waa doorasho dadban, waxaana u aasaas ah heshiis iyo is afgarad siyaasadeed. Madashii wadatashiga qaranka shirkii ugu dambeeyay ee ay magaalada muqdisho ku yeesheen waxaa laga soo saaray habraaca lagu dhaqayo doorashada, habraacaasi ma sheegayo oo ma xaddidayo muwaadinka Soomaaliyeed ee xilal haya – ama xil dowladeed ama xil ciidan – inuu iska soo casilo kursiga uu hayo. “Doorashadii Aqalka Sare waxaa ka qayb galay safiirro, qaarkoodna ay ku guuleysteen ama ku guul darreysteen, imikana waxaa u sharraxan saraakiil ciidan iyo safiirro, habraacaasina ma dhigayo inay isasoo casilaan 7 maalmood ka hor,” ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada ee guud. Boqor Cabdullaahi Geedii iyo qaar ka mid ah musharaxiinta kursigaas Yaa ka mid ah dadka kursigaas cabashada ka muujiyey Xulista ergada kursigaas ayaa durba dhalisay muran badan iyadoo dhinacyo kala duwan, qolaba iskeed u sheegaynayso in ay xaq u lahaayeen in ay soo xulaan ergadaas. Nabadoon Cali Xasan oo ku magac dheer Cali Jeesto ayaa BBC-da u sheegay in uu isagu yahay qofka xaqa u leh soo xulista ergada kursiga 67. “Waxaan ahay nabaddoon beelaha .. oo lagu metelo tirsigiisu yahay 67 oo deegaan doorashadiisu tahay dhuusamareeb, waxaana lagu wargeliyey kursigi in la soo dhejiyey, waxaanu u istaagnay sidii doorasho hufan aanu u qaban lahayn. “Akhyaartii iyo intii talo ku lahayd oo dhan ayaan is wacnay waxaanu diyaarinay ergadeedii, annaga oo hawsheedii ku jirna ayaa ergo kale iyo rag ciidamo ah oo is wataa meeshii tageenn anagana in aan tagno ciriiri aa nalagaga geliyey, intaasaan ka cabanaynaa oo kursigaas saxiixihiisii anigu aaan ahay.” Dhanka kale afhayeenka doorashada dadban ee Soomaaliya, Axmed Aadan Dagaal (Safiina) ayaa sheegay in ergada kursigaas 67 uu soo xulay Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor oo ah odayga guud ee reerkaasi iyo nabadoonno kale oo la socday, kuwaas oo uusan ku jiran Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto). Waxaana sida oo kale baraha bulshada laga arkayey sawirrada Boqor Cabdullaahi Geeddi oo ay la joogaan qaar ka mid ah musharraxiinta kursigaas ku tartamayey. Waxaana dadkaas ka mid ahaa Yaasiin Farey oo ah ninka musharraxnimadiisa uu muranka ugu badani ku gedaaman yahay. Musharrixiinta isku haysa kursigaas Kursigan waxaa muranka ugu culusi dhex yaallaa laba masuul oo midna hadda ka tirsan yahay Haayadda NISA midna hore uga tirsanaa haayaaddaas. Kuwaas oo kala ah Taliyihii hore ee Haayada Nabad sugida (NISA) Janaraal Abdirahman Tuuryare iyo ku simaha taliyaha NISA ee hadda, Gaashaanle Sare Yaasin Cabdullaahi Fareey. Waxaa se iyana jira musharrixiin kale oo kursigan hunguraynaya oo raba in ay ku tartamaan oo gaadhaya ilaa iyo shan, waxaana ka mid ah: Murashax Cabdiraxman Axmed Cumar (cabdi barre) Murashax Cismaan Xassan (Ow-gaab) Musharrax Cali Caraaye Cosoble (Gacmaduule) Musharrax Maxamed Cali Culusoow iyo rag kale oo aan weli magacyadooda shaacin Kursigan ayaa ka mid ahaa shanta kursi ee ay Galmudug sheegtay in ay ku bilaabayso doorashada, waxaana illaa hadda la doortay laba, wuxuuna ka mid noqon doonaa saddexda dhiman. Kursigan waxa hore ugu fadhiyey Caddow Cali Geesay, oo isagu hadda iskaga hadhay tartankaan. Maalmaha soo aaddan ayaa la filayaa in la doorto, inkasta oo durba shakiga hadheeyey kaas oo u muuqdo mid aan si fuduf ku xallismayn. Dhawr musharrax ayaana xilli horeba sii qaatay shahaadadii ay tartanka kursigaan ku geli lahaayeen. Qaran News
  8. Washington (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo maalmihii dambe ku sugnaa caasimada dalka Mareykanka ee Washington ayaa kulan la qaatay Safiirkii hore ee dowlada Mareykanka u qaabilsanaa gobolka Saahil ee Afrika, Ambassador J. Peter Pham. Wafdiga Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Dr Ciise Kayd Maxamuud ayna qeyb ka yihiin Marwo Edna Aadan iyo Wakiilka Somaliland ee Mareykanka ayaa waxay ka wada-hadleen dadaalada ictiraaf raadinta. Ambassador J. Peter Pham oo inta badan ka hadla arrimaha khuseeya qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland iyo siday Somaliland xaq ugu leedahay inay Beesha Caalamku aqoonsato, ayaa halkaa kulan soo dhaweyn ah kula yeeshay Wafdiga ka socda Somaliland. “Waan ku faraxsanahay inaan la kulmo wafdiga Jamhuuriyadda Somaliland ah oo booqasho ku jooga Washington, kuwaasi oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Ciise Kayd, Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Edna Aadan & Wakiilka Somaliland ee Maraykanka,” ayuu Peter Phamku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Sidoo kale waxa uu sheegay in caalamka uu si weyn ula daahay in uu aqoonsi buuxa siiyo Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, hase yeeshe uu aduun weynaha ula tacaamilo maamul ka tirsan Soomaaliya. Wafdiga Somaliland ayaa sidoo kale waxay magaalada Washington kula kulmeen Safiirkii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa dalalka Gini iyo Ethiopia, Tibor Nagy. Tibor Nagy ayaa si weyn usoo dhaweeyay wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka cusub ee Arrimaha dibedda Somaliland, isagoona guul u rajeeyay dadaalada ictiraaf raadinta ee ay wadaan mas’uuliyiintaas. Waxa kale oo uu diblumaasigani sheegay in Somaliland tahay meesha keliya ee xilligan uu War wanaagsan ka yimaaddo, marka la eegayo Afrika, islamarkaana uu ka jiro nidaam dimuquraadiyadeed oo nabdoon. Dadaalada ictiraaf raadinta ee Somaliland oo muddooyinkii dambe uu ka muuqday gaabis badan ayaa xiligan markale ay xukuumadda Muuse Biixi dar-dar cusub ku billowday, waxaana hadda ka gacan siinaya Ambassador J. Peter Pham, oo asagu inta badan u ololeeya qadiyada gooni-goosaadka Somaliland. The post Somaliland oo olole ictiraaf raadin ah MAREYKANKA ka wada – Yaa ku gacan siinaya? appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo qoraal ka soo saaray doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa ugu horeyn bogadiyey guddiyada doorashooyinka heer federal iyo kuwa Somaliland, Galmudug iyo Koofur Galbeed oo si rasmi ah u bilaabay doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, isagoo fariin u diray guddiyada dowlad goboleedyada kale. “Ra’iisul Wasaaraha waxa uu farayaa Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay ka hor dhammaadka 2021 ka,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amray guddiyada doorashooyinka, “Inay ilaaliyaan madax-banaanidooda una hoggaansamaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktobar 2020, 27-kii May iyo 24 August 2021.” Rooble ayaa qoraalkaan ku sheegay in hufnaanta doorashada ay muhiim u tahay in doorashada u dhacdo si nabad-gelyo ah iyo in xilligaan kala guurka ah uu noqdo mid looga gudbo si xasilooni ku jirto. “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay isha ku hayaan hufnaanta doorashada oo saldhig u ah xasilloonida dalka, sidaas darteed Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku adkeynayaa guddiyada doorashooyinka in ay arrintan iska saaraan mas’uuliyad iyo taxadar dheeri ah,” ayaa qoraal lagu yiri. Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday madaxda dowlad goboleedyada inay guddiyada doorashooyinka u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda, kuna dhiirigeliyaan guddiyada in ay si madax-bannaan oo hufan u fuliyaan howlaha doorashada. The post R/W Rooble oo amar siiyey gudiyada doorashada, fariina u diray madax goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
  10. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa si weyn isku soo taraya guuxa kursiga sumadiisu tahay HOP67, tan iyo markii uu dhawaan si rasmi ah iskugu soo taagay Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey. Loolanka kursiga aya waxaa uu ka dhex billowday Musharaxiin dhowr ah oo ku bahoobay kursigaas iyo Yaasiin Farey oo dhinac ah, waxaana xusid mudan in Musharaxiinta hirdanka adag ku jira aysan is-diiwaan-gelin kadib markii ay sheegen in loo diiday. Kursigan ayaa waxaa leh jufo ka tirsan beesha Waceysle, waxaana hadda ku fadhiya Cabdullaahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddow Cali Gees. Sidoo kale musharixiinta ku midoobay kursigaas ayaa sheegay in ergo aan aheyn kuwa kasoo jeeda beeshooda loo xulay inay doortaan kursigaas, taasi oo ay ku sheegeyn inay tahay mid baalmarsan hannaanka doorashada ee lagu heshiiyay 17 September 2020 iyo Heshiiskii 27 May 2021. Sida ay ogaatay Caasimada Online, marka laga imaado Musharaxiinta dhowrka ah ee isku soo taagay kursigaas, waxaa uu loolanka ugu xoogan uga dhaxeeya labo nin oo midna uu hore uga tirsanaa, midna uu hadda ka tirsan yahay Hay’adda NISA. Kuwaas oo kala ah Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugida (NISA) Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare iyo Ku-simaha taliyaha NISA ee hadda, Gaashaanle Sare Yaasin Cabdullaahi Farey. Waxaa soo baxaya in madaxweynaha maamulka Galmudug uu si hoos kursigaas heshiis kula galay Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, islamarkaana uu siiyey Yaasiin Farey. Arrinta fadeexada ah ee dul hoganeysa kursigaan marka laga imaado heshiiska hoose ee la sheegayo inuu galay Qoor-Qoor, ayaa waxay tahay in Odayaasha leh kursigaas loo diiday inay ka dagaan magaalada Dhuusamareeb. Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) oo sheegay inuu yahay odaygii rasmiga ahaa ee kursiga uu tirsigu yahay HOP#67 oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa cabasho ka muujiyey in kursigii saxiixihiisa uu yahay loo diido. “Waxaan ahay nabaddoon beelaha oo lagu metelo kursiga tirsigiisu yahay 67 oo deegaan doorashadiisu tahay Dhuusamareeb, waxaana lagu wargeliyey kursigii in la soo dhejiyey, waxaanu u istaagnay sidii doorasho hufan aanu u qaban lahayn,” ayuu yiri. “Akhyaartii iyo intii talo ku lahayd oo dhan ayaan is wacnay waxaanu diyaarinay ergadeedii, annaga oo hawsheedii ku jirna ayaa ergo kale iyo rag ciidamo ah oo is wataa meeshii tageenn anagana in aan tagno ciriiri ayaa nalaga geliyey, intaasan ka cabanaynaa oo kursigaas saxiixihiisii anigu aaan ahay.” The post Wararkii ugu dambeeyey ee loolanka kursiga HOP67 oo ay fadeexad hareysay appeared first on Caasimada Online.
  11. Kampala (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa ka hadashay muwaadiniintii Soomaaliyeed ee booliska dalka Uganda ay u qateen tuhunnada la xariiray inay ku lug la haayeen qaraxyo lagu diyaariyey hotel uu qorsheynayey inuu booqdo madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni. Ciidamada booliska Uganda ayaa howlgallo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Kampala waxay ku soo qabteen ilaa todoba qof oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu tuhmay inay wax ka ogyihiin qaraxyo lagu diyaariyey hotel-ka Speke Munyonyo oo toddobaadkan uu qorsheynayey inuu booqdo Madaxweyne Yoweri Museveni. Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Uganda Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in dadka la xiray oo gaaraya todoba qof uu kala xariiray dowladda Uganda, isla markaana ay ku guuleysteen in la sii daayo hal gabar oo dadka xiray ku jirtay. Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in dowladdu ay ku war-gelisay in lixda qof ee kale ay baaritaano ku socdaan, isla markaana illaa hadda aysan jirin wax cadeymo ah oo dadkaas Soomaliyeed lagu helay. “Wax weyn maaha oo dadka baaritaan ayaa ku socda, wasaaradda arrimaha dibadda Uganda waxaan ka codsanay in dadkaas naloo sii daayo hadiisan cadeymo ku heynin, waxayna noo sheegeen in ilaa hadda baaritaanada hordhaca ah ee lagu sameeyey aysan wax cadeymaa ku helin, waxaan rajeynaa in lasoo daayo dadkaas ilaa Jimcaha, jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaana waxaan ka codsanaa inay is dejiyaan,” ayuu yiri Danjire Cali Cagabaruur. Afhayeenka booliska Fred Enanga ayaa sheegay in walxha qarxa lagu qabtay baaris lagu sameeyey baabuur yaallay hotel-ka Speke Munyonyo, sidoo kale Safiirka ayaa qiray in ninkii gaariga lahaa uu ka mid yahay dadka xiran. “Kooxda wada-jirka ah ee ka hortagga argagixisanimada waxay gacanta ku hayaan afar qof Soomaali ah,” waxaa sidaas yiri Enanga oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. Booliska ma shaacin magacyada Soomaalida la xiray. Hotelkan caanka ah, oo horey u marti-geliyey kulan madaxeedyo, ayaa lagu wadaa in Khamiista berri ah lagu qabto kulanka golaha wasiirada, oo uu guddoominayo madaxweyne Yoweri Museveni. Booliska Uganda ayaa adkeeyey amniga dalkaas toddobaadyadii tegay kadib markii Uganda ay wajahday weeraro dhowr ah oo dhimasho leh, oo uu ku jiro weerar is-miidaamin ah oo dhacay toddobaadkii tegay, kaasi oo ay sheegatay kooxda Daacish. Hoos ka dhageyso wareysiga Safiirka Soomaaliya ee Uganda https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/11/410ded98-879f-4cd9-8fac-6440906a3d7d_16k-1.mp3 The post Xog laga bixiyey Soomaali loo xiray inay qarax geeyeen hotel uu madaxweyne… appeared first on Caasimada Online.
  12. MOGADISHU (HOL) - Prominent Somali musician and oud composer Jiim Sheikh Muumin who honed his mastery of the trade at the golden era of Somali music in the 1960s and rose into rose star status in later years has bowed out. He was 76. Source: Hiiraan Online
  13. Ethiopian Olympic heroes Haile Gebrselassie and Feyisa Lilesa say they are ready to go to the front line in the war against rebel forces. Source: Hiiraan Online
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada Amaanka Puntland ayaa si adag uga horyimid xil ka-qaadis uu madaxweynaha maamulkaas, Saciid Deni ku sameeyay agaasimihii hore ee hay’adda PSF ee ciidanka dowlad goboleedka Puntland. War kasoo baxay hogaankii iyo ciidamada PSF ayaa waxa lagu sheegay in xil ka qaadist iyo magacaabista uu sameeyay madaxweyne Deni ay tahay mid baalmarsan sharciyada, xeerka ciidanimada iyo dhaqanka suuban. “Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada PSF. “Si dhow ayaan ula soconay xaaladda dalka cidda la sameynayasa xiriirada guracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon maayan difaaciina iyo ilaalinta amnigiina.” Sidoo kale waxay mas’uuliyiinta PSF sheegen in lama filaan ku noqotay tallabada sharciga baalmaran ee uu qaaday Deni, oo ay ka arkeen keliya baraha bulshada oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, sida ay sheegen. Qoraalka kasoo baxay hogaankii hore iyo ciidamada PSF ayaa imanaya saacado un kadib markii uu madaxweynaha maamulka Puntland uu S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr u magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF ee ciidanka Puntland. The post Ciidamada PSF ee Puntland oo ka horyimid tallaabo uu maanta qaaday Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.
  15. Turkey’s lira nosedived 15 percent on Tuesday in its second-worst day ever after President Tayyip Erdogan defended recent sharp rate cuts, and vowed to win his “economic war of independence” despite widespread criticism and pleas to reverse course. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa eedeyn kulul u jeediyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo la xiriira geedi socodka doorashada Soomaaliya. Cabdiweli Gaas oo wareysi siiyey telefishinka Dalsan ee Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble loo madax banaaneeyey howlaha doorashada, balse uu ka gaabiyey inuu si wanaagsan u maamulo. “Waxaan rajeynayaa in Ra’iisul Wasaaraha loo madax baneeyey howsha doorashada, waxaadna moodaa dhankiisa inuu ka jiro xoogaa gaabis ah, in marba 5 kursi lasoo tuuro wax qaldan ayey ila tahay, waa in doorashada watigeeda lagu qabto lana dadajiyo,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas. Cabdweli Gaas ayaa sheegay inaysan jirin marmarsiiyo dib ay ugu sii dhici karto doorashada Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay kaliya u muuqato in sababta loo daahinayo doorashada ay tahay inaan la qaban doorasho xor iyo xalaal ah. “Ma jiro marmarsiiyo muuqda oo hor istaagi karo in doorashada waqtigeeda lagu qabto, arrinta dhaqaalaha waxaa aaminsanahay inay ku filan tahay midda laga qaado dadka u tartamayo kuraasta, waxaana loo istcmaali karaa amniga doorashooyinka iyo shaqooyinka kale, mana garan karo aniga waxa illaa hadda ay doorashada la jiitameyso oo aan ka aheyn inaan la rabin doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas. Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan kaliya laheyn eedda doorashada balse ay sidoo kale leeyihiin madaxda maamul Goboleedyada oo ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu weyn ee doorashada. Mar wax laga waydiyey in madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayuu sheegay inuusan arrintaan weli ka maqlin afkiisa. “Madaxweynaha Puntland haddii uu tartamayo xaq ayuu u leeyahay waa nin Soomaali ah, weli ma maqlin isagoo ku dhawaaqaya inuu musharax yahay, taas waqtigeeda ayaan u deyneynaa, laakiin mas’uuliyadda doorashada inta badan waxay saaran tahay madaxda maamulada iyaga ayaana la rabay inay dardar geliyaan,” ayuu yiri Gaas. Hadalka kasoo yeeray Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadaya xilli ay billaabatay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka inkastoo ay jirto walaac laga qabo waqtiga ay kusoo dhammaan karto. The post Cabdiweli Gaas oo weerar ku qaaday R/Wasaare Rooble appeared first on Caasimada Online.
  17. The Somali government has condemned Tuesday’s suicide attacks in the Ugandan capital Kampala in which six people were killed and 36 others injured. Source: Hiiraan Online
  18. Los Angeles (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay si weyn baraha bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta caalamka looga hadal hayey Gabadh Soomaaliyeed oo lagu magaacaabo Safiya Nuur, taasi oo la sheegay in qaab khiyaano ah ku dhacday lacago malaayiin doolar ah. Gabadhaan oo haysata dhalasho Canada, asal ahaan ah Soomaali, ayaa waxaa lagu eedeynaya in hab kala duwan lacago uga dhacday dad caan ah oo ku sugan magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, kuwaas oo qaarkood ka mid ah jilayaasha Hollywood-ka. “Lacagta ay Safiya ka qaadatay dadkaa waa mid ay ku beer laxowsatay, sida hooyadeed oo dhimatay oo ay dooneyso lacag ay ku aasto,” ayaa lagu yiri warbixin uu daabacay wargeyska ka warama dadka caanka ah ee Vulture. Sida ay baahiyeen warbaahinta caalamka Safiya waxay sidoo kale lacagahaas ku qaadatay inay dhibaato kala kulantay kufsi wadareed loo geystay. Sheekada xatooyada ee lala xiriirinayo Safiya ayaa waxa kale oo sheegayaan in lacagahaas qaarkood ku qaadatay qaab amaah ahaan ah, ayada oo markii dambena la goosatay oo aan u celinin dadkii ay ka qaadatay. Shakhsiyaadka caanka ah ee la sheegay in gabadhan ay la kulantay, laguna eedeeyay in lacago qaab khiyaano ah uga qaadatay waxaa ka mid ah Jeff Wittek, Denzel Dion, Ricky Thompson iyo dad kale oo isugu jira atooreyaal, atariishooyin iyo dadka taageerayaasha badan ku leh baraha bulshada, gaar ahaan Youtube-ka. Arrintaan ayaa waxay soo shaac baxday maalintii Khamiistii ee asbuucii lasoo dhaafay, markaas oo ay taariikhdu ku beegneyd 18-kii November 2021-ka. Tan iyo markaas waxaa isa-soo tarayay dadka sheeganayay in qaab xatooyo ah ay u dhacday, waxaana xusid mudan in dadka ka hadlayey arrinta Safiya Nuur aysan ahayn kuwo eedeynayay oo keliya, balse dadka qaar ay su’aal galinayeen saxnimada eedeynta loo jeedinayay. Marka laga imaado eedeymaha loo jeedinayo iyo hadal haynta arrintaas, illaa hadda mjiro wax war oo kasoo baxay Safiya, oo ay iskaga difaaceyso eedeymaha xatooyo ee loo jeediyay. The post Yey tahay GABADHA Soomaalida ee loo haysto inay dhacday malaayiin dollar? appeared first on Caasimada Online.
  19. Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Ucid & Waddani ayaa kulan Nairobi kula yeeshay Waddamada iyo Hay’addaha Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka. Sida xogguhu tibaxayaan Kulankan dhexmaraya Labada Dhinaca ayaa laga wadahadlay Arrimo ku taxaluuqa Qabsoomida Doorashada madaxtooyada ee dabayaaqada sannadka soo socda la filaayo. Qaran News
  20. Waxaa goordhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho ku geeriyooday mulaxamiistaha weyn ee caanka ah ee Jiim Sheekh Muumin. Muumin oo ku shaacbaxay aaladda kabanka ayaad sameeyey heeso badan oo ay qaadaan fanaaniinta ugu magaca dheer Soomaaliya. Fanaanka ayaa muddo ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, waxaa uuna maanta ku geeriyooday isla magaalada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kursi kale oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah, kursiga oo tirsigiisu ahaa HOP#272 ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kala 1. Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar 2. Khadra Axmed Ibraahim 3. Cabdiqani Maxamed Maxamuud Mudane musharax xildhibaan ayaa helay 65 cod, Marwo 25 cod, halka musharax xildhibaan Cabdiqani Maxamed Maxamuud uu helay 7 cod. Sidaa daraadeed natiijada Hordhaca ah waxa kusoo baxay mudane Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Waxaa goordhow lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug doorashada labo kursi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey ayaa ku guuleystay kursiga golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee sumadiisu tahay #HOP026 Mahad Cabdalla Cawad ayaa isna ku guuleystay kursiga #Hop104, isaga oo ka adkaaday haweeney. Labadan xildhibaan ayaa horay ugu fadhiyey kuraasta ay maanta mar kale ku guuleysteen. Goobjoog News Source: goobjoog.com