-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nuxurka War-saxafadeed ka soo baxay Shirkadaha DP World & CDC Group WAR SAXAAFADEED: Shirkadaha DP World iyo CDC Group waxay ka wada shaqaynayaan xoojinta ganacsiga Somaliland, Geeska Afrika, iyo guud ahaanba Afrika la leeyihiin caalamka Shirkadaha DP World iyo CDC Group waxay ka wada shaqaynayaan xoojinta ganacsiga Somaliland, Geeska Afrika, iyo guud ahaanba Afrika la leeyihiin caalamka Maalgelinta dekadda Berbera iyo marinka Berbera (corridor) waxay qayb ka tahay wadashaqayn ilaa mustaqbalka taxnaan doonta oo lagu furdaamin doono dheelliga xooggan ee ka jira ganacsiga caalamiga ah, oo lagu dardargelin doono awoodda ganacsi ee Afrika, laguna horumarin doono xaaladda dhaqaale ee malaayiin dad ah. Mashruuca horumarinta dekadda Berberi waa maalgelintii u horraysay ee toos ah ee Somaliland hesho. Waxa la qiyaasayaa in ballaadhinta iminka socotaa ay abuurto dhaqdhaqaaq ganacsiyeed oo u dhigma 6% tacabka idil (GDP) ee Somaliland ee 2035; marka la gaadho 2023, waxa la qiyaasayaa in ganacsiga ay dekaddu sahli doontaa wax u tari doono 53.000 oo shaqo oo Somaliland ah, oo uu wax ka badan rubuc dadweynaha ah u kordhin doono fursadda ay ku helayaan badeecadaha asaasiga ah. Wadashaqaynta DP World iyo CDC waxay sidoo kale sahli doontaa isusocodka loojistikada guud ee marinka Berbera, sida Aagga Dhaqaale ee Gaarka ah (Special Economic Zone) ee laga dhisay duleedka Berbera. SOMALILAND – 12 October 2021 –DP World, oo ah shirkad waarididda caalamiga ah ku shuqlan, iyo CDC Group oo qaabbilsan horumarinta maaliyadeed iyo maalgelinta horumarineed ee Boqortooyada Ingiriisku waxay isla bilaabayaan wadashaqayn mustaqbalka fog sii socon doonta oo lagu labajibbaarayo awoodda Dekadda Berbera, laguna horumarinayo tas-hiilaadka isusocodka loojistikada, si loo abuuro barkulan ganacsiyeed oo heer gobol ah. Arrintani waxay korukac weyn ku keeni doontaa dhaqaalaha Somaliland, waxaanay wax u tari doontaa koboca guud ahaan Geeska Afrika. Maalgelintani waxay qayb ka tahay wadashaqayn ballaadhan oo mustaqbalka durugsan ku taxan oo loogu talagalay in lagu dardargeliyo awoodda ganacsiyeed ee Afrika, laguna horumariyo xaaladda dhaqaale ee malaayiin dad ah, iyadoo laga bilaabayo dekadaha Berbera, Dakar (Sinigaal), iyo Sukhna (Masar). Afrika waxaa ku nool lix meelood meel dadweynaha adduunka, laakiin mugga raridda koontiinarrada adduunka waxay ku leedahay 4% oo keliya. Dekaduhu waxay muhiimad weyn u leeyihiin badhaadhaha iyo bedqabka dadweynaha ee mustaqbalka durugsan. Laakiin dekado iyo tas-hiilaad isusocod oo badan oo Afrika ah ayaa garba duuban oo aan lahayn awood ay ku kaafiyaan baahiyaha baayacmushtarka iyo dhaqaalaha gudaha. Wadashaqayntan oo la soo dhisayay afar sano, gacan weyn bay ka geysan doontaa in arrintaa wax laga beddelo. Waxay furdaamin doontaa dheelliga xooggan ee ka jira ganacsiga caalamiga ah, iyadoo wax ka tari doonta casriyaynta iyo ballaadhinta isusocodka loojistikada dekadaha, iyo gudaha badda ka fog ee Afrika. Wadashaqayntani waa muddo ilaa mustaqbalka fog taxan oo maalgelin ah. DP World waxay marka hore saamigeeda kaga qaybqaadanaysaa saddexdaa dekadood ee hore u sii jiray, waxayna ku han weyn tahay in ay $1 bilyan oo dheeraad ah arrintan ku sii maalgeliso dhawrka sano ee soo socda. CDC waxay marka hore u qoondaysay qiyaastii $320 milyan, waxayna ku han weyn tahay in ay ku maalgashato $400 milyan dhawrka sano ee soo socda. Macaamilkani wuxuu hoos tegi doonaa nidaamyo ansixineed oo korjoogteeya oo kama-danbays ah. Dekadda Berberi lafdhabar bay u tahay dhaqaalaha Somaliland: sannadka 2023 waxa la qiyaasayaa in ay sahasho dhaqdhaqaaq gaancsiyeed oo u dhigma 27% tacabka idil (GDP) ee Somaliland, iyo 75% ganacsiga guud, iyadoo si dadban Somaliland uga abuuri doonta 53.000 oo shaqo. Maalgelinta weyn ee dekadda iyo isusocodka loojistikada ee ku hareeraysani waxay kordhin doonaan heerka ay wax ka badan rubuc dadweynaha ahi ku heli karaan oo weliba iskaga bixin karaan badeecadaha, iyadoo ay faa’idada ugu xoogganna dareemi doonaan dadka ku tiirsan maciishadda asaasiga ah ee la soo dejiyo. Malaayiin dad ah oo ku nool guud ahaan mandiqadda ayaa heli doona faa’idooyin taa la mid ah. Dekadda Berberi sidoo kale waxay kaalin lexaad leh ka qaadataa in gargaarka bini’aadamtinnimo u gudbo mandiqadda, kaas oo gaadha in ku dhow 2 milyan oo qaxooti iyo dadyawga gudaha dalalka ku dhex barakacay isugu jira. Dekaddu waxay sidoo kale noqonaysaa irrid ay baayacmushtarka iyo shirkadleyda Somaliland ka galaan suuqyada caalamiga ah, sidaas oo kalana waxay wax ka tari doontaa koboca sharikaadka dhoofinta ee madaxa la soo kacaya balse isusocodka loojistikada ee maanta kala dhimani uu caqabadda ku yahay. Dhinacyo kala duwan baa la qiyaasayaa in ay ballaadhintan ka faa’idi doonaan, sida ganacsatada dhoofisa xoolaha nool, waxsoosaarka beeraha iyo dalagyada aan kaydka gelin, iyo marmarka iyo qalabka dhismaha. Dekaddu waxay noqonaysaa maalgelintii u horraysay ee toos ah iyo heshiiskii u horreeyay ee caalami ah ee aan macdan la xidhiidhin ee Somaliland abid soo mara. Wadashaqayntan waxa sidoo kale lagu maalgashanayaa mashruucyo isusocodka loojistikada ah oo arrintan la xidhiidha, oo dhankoodana kobcin doona awoodda dhaqaale, sida Aagga Dhaqaale ee Gaarka ah ee laga dhisay duleedka Berbera. Suldaan Axmed bin Sulaymaan, oo ah Guddoomiyaha Guud iyo Madaxa Fulinta ee DP World, ayaa yidhi: “DP World waxay Afrika u aragtaa suuq koboc leh oo mustaqbalka durugsan loo aayayo, fursaduhuna aad bay u sarreeyaan. Wadashaqayntan aannu CDC la yeelanaynaa waxay si weyn noogu saamaxaysaa in aannu dardargelinno oo ka faa’idaysanno fursadahaas, waxayna awood noo siin doontaa in aannu kordhinno maalgelinta aannu ku samayno dekadaha iyo tas-hiilaadka isusocodka ee Afrika. Wadashaqayntani waxay tobanka sano ee soo socda fursado wax-ku-ool ah u abuuri doontaa malaayiin dad ah.” Nick O’Donohoe, oo ah Madaxa Fulinta ee CDC Group, ayaa yidhi: “Dhaqaalaha xasilloon ee kobcaa wuxuu yimaaddaa marka xidhiidh lala leeyahay ganacsiyada caalamiga ah ee qaaradaha u kala goosha. Awoodda Afrika ee dihin waxa xaddida dekado aan ku filnayn iyo mashaakil ganacsiyeed oo lugaha haya, kuwaas oo dib u dhiga koboca dhaqaale ee qaar ka mid ah dalalkii adduunka ee korriinkoodu ugu dhakhsaha badnaa, oo dhantaala kartida adkaysiga bulsheed ee dalalka adduunka ee horumarkoodu gaabinayo. Wadashaqayntani waxay shirkadleyda iyo baayacmushtarka ka caawin doontaa in ay dardargeliyaan kobocooda iyagoo fursad u helaya isticmaalidda marriinno ganacsiyeed oo la isku hallayn karo, waxayna macaamiisha reer Afrika ka caawin doontaa in ay ka faa’idaystaan isku-hallayntaa taabagalka ah iyo qiimaha jaban ee badeecadaha muhiimka ah iyo maciishadda asaasiga ah. “Waa noo sharaf in aannu DP World ka taageerno in ay hawlo badan ka fuliso Afrika, oo jidka loo jeexo ganacsiga reer Afrika ee dacalada caalamka.” Richard Charlton, Agaasimaha Maalgashiga ee CDC Group, ayaa yidhi: “Cusboonaysiinta ku socota tas-hiilaadka ganacsiyeed ee marinka Berbera waxa laga filanayaa in ay si weyn u kordhiso fursadaha dhaqaale ee baayacmushtarka Somaliland, iyo sidoo kale in ay horumariso tayada nololeed ee reer Somaliland iyadoo kordhinaysa heerka adeegyadaa la helayo, oo hoos u dhigto qiimaha badeecadaha muhiimka ah ee la soo dejiyo. Waxaannu rejaynaynaa in maalgashiga CDC uu muujin doono in aaggan la maalgashan karo, oo uu fududayn doono in mustaqbalka ay ganacsiyada gaarka loo leeyahay helaan maalgashi dibadeed oo toos ah. Arrintani waxay kor u qaadi doontaa koboca dhaqaale ee Somaliland iyo guud ahaan marinka Berbera, iyadoo fursado dhaqaale u abuuri doonta dadweynaha.” -Dhammaad- Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka nolosha ee haataan ka jira deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan Jubbiooyinka iyo Gedo. Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin ay ka dilaaceen qeybo ka mid ah maamulkaasi, loona baahan yahay gurmad deg-deg ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray abaaraha iyo xanuunadaasi ay haatan dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda ku dhaqan deegaanada hoostaga Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka inay gurmad deg-deg ah la soo gaaraan dadka shacabka ah ee ku dhibaateysan halkaasi. “Abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland WAXA ay yihiin kuwo u baahan gurmad caalami ah iyo gargaar deg deg ah oo ay helaaan dadka tabaalaysan,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay wadaan dadaallo xoogan oo lagu samata bixinayo dadka dhibaateysan, si ay gurmad iyo caawinaad u helaan. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay qeylo dhaan kasoo yeereysay dadka ku dhaqan Jubbaland oo haatan wajahaya xaalado bani’aadanimo The post Xanuuno aan la garanaynin oo ka dilaacay Jubbaland appeared first on Caasimada Online.
-
ICJ oo diiday kiiska Kenya ee muranka Badda ee ka dhexeeyay Soomaaliya Maxkamadda ugu sareysa ee Qaramada Midoobeey ayaa sidii Soomaaliya ay dooneysay u xukuntay muranka xuduudda badda ee kala dhexeeya Kenya. Dowladda Kenya ayaa horey maxkamadda ICJ ugu eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna tilmaamtay in aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya oo la hadashay weriyaha BBC Ferdinand Omondi, waxay sheegtay in ay ku adkeysaneyso go’aankeedii isbuucii hore ee ahaa in aysan aqoonsaneynin xukunka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka. Aagga ama nawaaxiga la isku haysto wuxuu gaarayaa 100,000km oo isku-wareeg ah, oo seddax xagal ah, kuna yaalla Badweynta Hindiya, waana aag loo maleynayo in shidaal iyo gaas badan ay ku jiraan. Khilaafka xuduudda badda wuxuu ahaa mid muddo soo jiitamayay oo labada dal ka dhex dhaliyay muran dhanka diblumaasiyadda ah. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu ku faraxsan yahay xukunka, uuna Soomaalida oo dhan ugu hambalyeynayo soo celinta dhulka. Illaa 10-kii sano ee la soo dhaafay, Kenya waxay ku doodeysay in leenka xuduudda uu u leexanayo dhanka bariga, halkaas oo ay u arkeysay in xadka labada dal ee badda uu yahay. Balse Soomaaliya ayaa maxkamadda ka sheegtay in aysan ahayn in leenka xuduudda badda uu si toos ah u raaco midka xadka dhulka ee labada dal. Garsooreyaasha oo ka koobnaa 14 ee u fadhiistay go’aan ka garidda khilafka, waxay sheegeen in Soomaaliya aysan caddeynin in horey ay u ansixisay heshiiska xuduudda ay sheeganeyso. Maxkamadda ICJ ayaa la timid leen cusub oo laba u kala qeybinaya baddii lagu muransanaa, inkastoo qeybta ugu badan ay aaday dhanka Soomaaliya. Madaweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ee ku saabsanaa muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, uu yahay mid caddaaalad ah. Balse inkastoo Kenya ay horey u diiday in ay aqbaleyso go’aanka maxakamadda, haddana ma cadda waxa ay sameyn doonto. ICJ awood uma lahan meelmarinta xukunkeeda. Sidii uu ahaa Baddii lagu muran sanaa Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dooday in Kenya ay ku xadgudubtay madaxbannaanideeda, iyadoo howlgallo ka sameysay biyaheeda, waxayna dalbatay magdhow. Balse garsooreyaasha maxkamadda ayaa dooddaas Soomaaliya diiday. Sannadkii 2009, labada dal waxay isla gaareen is-afgarad ay taageereysay Qaramada Midoobeey, si xal looga gaaro khilaafka xuduudda iyadoo loo marayo wadahadal, taas oo baarlamaanka Soomaaliya uu diiday. Balse, shan sano ka dib xilligaas, Soomaaliya waxay sheegtay in wadahadalladii ay fashilmeen, waxayna dacwad u gudbisay ICJ. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Soomaaliya waxay ka carootay in Kenya ay iibisay shatiyo ku saabsan aaggii lagu muransanaa, sannadkii 2012. Isagoo hadlayay ka hor go’aanka maxkamadda, Mahdi Maxamed Guuleed oo ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, wuxuu BBC u sheegay: “Waan aaminsannahay in xukunka uu yahay hannaan… Waa sababta aan u nimid maxkamadda”. Maxakamaddan ICJ waxaa loogu talagalay in ay xalka ugu dambeeya ka gaaro khilaafaadka u dhexeeya dalalka. Haddii Kenya ay diiday xukunka, waxaa arrinta loo gudbin doonaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobeey, sida ay sheegtay Wareiyaha BBC ee Hague, Anna Holligan. Khilaafka wuu sii soconayaa – Falanqeynta Ferdinand Omondi Ma jirin dal doonayay in xukunka uu sidan u dhaco, balse Soomaaliya ayaa faraxsan. Waxay heshay inta badan dhulkii ay sheeganeysay, Kenya dhankeedana waxay ku hanjabtay in aysan waxyarna ka tagi doonin. Madaxda Soomaalida ayaa shucuurtooda ku cabiray farriimaha ay baraha bulshada soo dhigayaan. Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya waxay sheegtay in ay ku taagan tahay go’aankeedii isbuucii hore ee ahaa in aysan aqbaleynin xukunka ICJ. Su’aasha waxay tahay, maxaa xiga arrintan, yaase meel marinaya xukunka maxkamadda? Kenya waxay muujisay in ay dagaal u gali karto sidii ay u difaaci lahayd “dhulkeeda” – Saldhig ciidamada badda ay ku leeyihiin nawaaxiga lagu muransan yahay ayaa dhowaan la sii hormariyay. Soomaaliya ma lahan ciidamo bad oo awood badan leh, balse waxay leedahay dalal saaxiibbo la ah. Balse dagaalka ma ahan arrinta ugu horeysa ee labadan dal laga filayo. Waxaa dhici kara wadahadallo kale, ama khilaaf diblumaasiyadeeda. Ama labadaba. Kenya waxay ku doodeysaa in aysan marka horeba ahayn in ICJ la soo dhexgeliyo arrintan “maadaama uu jiray is-afgarad”. Balse bishii March ee sannadkan ayay si rasmi ah uga baxday kiiska maxkamadda, ka dib markii laga diiday in dib loogu dhigo dhageysiga maxkamadda. Waxay sidoo kale cuskatay in garsooreyaasha maxkamadda uu ka mid yahay qof Soomaali ah, waxayna dalbatay in laga saaro. Isbuucii la soo dhaafay waxay Kenya ku dooday in kiiska uu yahay “hannaan garsoor oo khaldan”. Waxay intaa ku dartay in “eex iyo cadaalad darro ay ku dhexjirto”, iyo in maxkamadda ay tahay meel aan u qalmin in khilaafka xal loogu helo. Qaran News
-
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Xafiskiisa Ku Qaabilay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) iyo Heer Mamaul Goboleed (GMDHDX) ee Puntland. Kulankaan ayaa la iskaga xog wareystay Xaladaha iyo diyaar Qabashada Kuraasta Aqalka Hoose oo dhawaan sida uu qorsha yahay lagu qaban doono Magalada Bosaaso. Taliye Xuseen ayaa Gudigaan u sheegay in xili horeba ay u diyaar u noqdeen sugida amniga isagoona sheegay in waxwalba ay Booliska Gobalka Bari diyaar ka yihiin, Muuse Geelle Faroole oo ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in ay tahay arin wanagsan sida ay Bosaaso diyaar ugu tahay qabsoomida Dorashadaan isagoona u mahadceliyay Booliska Gobalka Bari iyo Bulshada Bosaaso isagoona sheegay in ay tahay wax lagu farxo arintaan. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo kulan gaar ah la yeeshay Saraakiisha Booliiska appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xaliimo Biritish oo ka mid ah haweenka qurba joogta ah ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa iyadoo jawaab deg deg ah ka bixineysa go’aankii wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye waxay lacag dhan $20,000 (Labaatan kun oo dollar) ku wareejisay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland. Wasiirka gargaarka XFS Xildhibaan Khadiijo Diiriye ayaa shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabatay waxay ku soo bandhigtay lacag $15,000 ah, taas oo ka mid ah lacag 20,000 oo dollar ah oo ay dooneysay in Xildhibaan Barkhad Batuun ay gaari ugu iibiso, balse ay ka ceshatay markii ay dhageysatay sida uu uga hadlay dadkii sida qasabka ah ay Somaliland uga soo musaafurisay magaalooyin ay Laascaanood ugu horeyso. Xaliimo Biritish oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegay in Wasiir Khadiijo ay u muuqatay qof doonaya inay bedesho mowqifka Xildhibaan Barkhad Batuun, isla markaana qorshahaas ay la wadeen dad kale oo sida ay hadalka u dhigtay dano gaar ah ka leh Somaliland. “Hadalka Khadiija waxaan u arkayey inuu yahay mid laga dambeeyo oo gadaasheeda Somaliland laga tooganayo, aniguna waxaan isku arkayey askari Somaliland ilaalinaya, sidaas ayaana uga jawaabay oo waa tan aan Barkhad ku wareejiyey lacag dhan 20,000 oo dollar,” ayey yiri Xaliimo Biritish. Sidoo kale Xildhibaan Barkhad Batuun oo lacagtaas ka guddoomay Xaliimo Biritish ayaa sheegay in lacagtaas uu ku dhisi doono goob caafimaad oo laga hir-geli doono xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa oo beesha kursiga uu ku metelo ay aad u degto. “Anigu ma doonayo in lagactaan aan gaari ku wato, waxaan ku sameyn doonaa wax Xaliimo wanaag u ah, shacabkana wax u taraya, xaafadaan aan deganahay ee dadka ku nool aan xildhibaanka u ahay, waxay u baahan yihiin MCH (Xarun caafimaad) aniguna waxaan ku darayaa 10,000 oo dollar, $30,000 kun waxaan deg deg ugu wareejinayaa odayaasha xaafadda, anigoo faraya inay xruntaas deg deg u dhisaan,” ayuu yiri Barkhad Batuun. Sidoo kale mar uu u jawaabayey Wasiir Khadiijo Diiriye ayuu yiri, “Waan arkayey walaashey Khadiijo oo hadleysay, anigu ma ihi nin dumarka la tirsada, ixtiraam ayey iga mudan tahay Khadiijo, dadka aniga i jecelna waxaan leeyahay Khadiijo waa hooyo ee yaan intaas loo dhaafin.” Dhanka kale odayaasha xaafadaas oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahad celiyey Xaliimo Biritish iyo Xildhibaan Barkhad oo ka gacan ka siiyey in duruufta caafimaad ee xaafadda ka jirta ay daboolaan, sidoo kale laba ka mid ah odayaasha ayaa $5,000 ku daray lacagtaas lagu dhisayo xarunta caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka. The post Haweeneyn $20,000 siisay BARKHAD JAAMAC kadib lacagtii ay la noqotay Khadiija appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si kulul uga hadlay go’aankii maxkamadda sare ee Qaramada Midoobey ee ahaa in Soomaaliya gacanta loo gelinayo inta badan biyaha badweynta Hindiya ee markii hore ay muranka galisay Nairobi, mandaqadaas oo la filayo in ay qani ku tahah saliid iyo gaas. “Maadaama an ahay Madaxweynaha iyo taliyaha guud ee ciidamada, waxa an sameyn doonaa wax kasta si aan u ilaaliyo jamhuuriyaddeena weyn” ayuu ku hanjabay Uhuru oo ka hadlayay go’aanka ICJ. Kenyatta ayaa Sheegay in dowladdiisu “ay diideyso gebi ahaanba oo aysan aqoonsaneyn natiijada go’aanka” ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee fadhigeedu yahay The Hague, inkastoo ICJ ay Nairobi siisay qeyb yar oo ka mid ah biyaha ay marii horeba iyadu muranka galisay ee xeebta Bariga Afrika. Iyadoo Kenya ay diidan tahay inay aqoonsato waxa ay ku tilmaantay awoodda maxkamadda “eexda” ah, ayaa hadana waxaa isha lagu hayaa tallaabada xigta ee Nairobi ay ka sameyso biyahan oo dhaca mid kamid ah marinada ugu muhiimsan adduunka. Soomaaliya ayaa dacwad ku soo oogtay Kenya sannadkii 2014 -kii ka dib markii sannado badan ay socdeen dadaalo lagu doonayay in lagu xaliyo muranka kenya ay galisay dhul baaxaddiisu dhan tahay 100,000 km oo laba jibaaran, Garsoorayaasha ICJ ayaa si wadajir ah u go’aamiyay in uusan jirin “xuduud badeed la isku raacsan yahay” ayna maxakamadu sameeysay xuduud cusub oo u dhow tii ay Soomaaliya kudooday. Si kastaba ha ahaatee hanjbaadda Uhuru ayaa kusoo aadaysa iyadoo Kenya ay heshay qayb ka mid ah biyihii ay muranka galisay ee 100,000 km oo labajibaaran, sida ay sheegtay Joan Donoghue madaxa garsoorayaasha ICJ. Xukuumadda Nairobi ayaa todobaadkii hore sheegtay inaysan aqoonsan doonin xukunka maxkamadda, iyadoo ku eedeysay in hannaanka garsoorku uu yahay “eex cad” W/Q: Yaxye Soocade. GOOBJOOG NEWS Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa caawa Muqdisho lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen inta badan siyaasiyiinta reer Muqdisho oo ay ugu horeeyaan golaha midowga musharaxiinta, waxaana kulankaas lagu soo dhaweynayey go’aankii ay maxkamadda ICJ ka qaadatay kiiska badda ay sanadihii lasoo dhaafay isku heysteen Soomaaliya iyo Kenya, waxaana kulanka khudbado ka jeediyey siyaasiyiin u badan xubnaha midowga musharaxiinta. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo mudo dheer lagu eedeynayey saxiixa heshiis la xariira badda ayaa ka mid ahaa xubnaha ka hadlay goobta, waxuuna sharaxay nooca uu ahaa heshiiska ay xukuumaddii uu ka tirsanaa ee Sheekh Shariif ay Kenya la saxiixatay, kaas oo sida uu sheegay badbaado u noqday badda Soomaaliya. Cabdiraxmaan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku amaanay inuu Qaramada Midoobey ka diiwaan geliyey EAZ-ka Soomaaliya, kaas oo dowladda Soomaaliya lagu xujeyn jiray markii ay ka dacwooto kalluumeysiga sharci darrada ah. Cabdiraxmaan oo tusaale u soo qaatay qiso ku dhacday Caaisha RAC ayaa sheegay in aduunka wax been abuurka ka xun aysan jirin, “Waliba waxaa ka sii daray markii lagu been abuurto ee aad weyso qof ku dhaha war waxaas ninkaan kama suurtoobaan ee ka leexda,” ayuu yiri CC Shakuur oo u muuqday inay kuleyl badan ku heysay in dad badan ay ka dhaadhacsaneed inuu badda gatay. Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi oo goobtaas ku raali geliyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Wiilkeyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur raali ha iga noqdo, sababtoo ah waxaan ku jiray dadkii qabay inuu galay heshiis uusan shaqo ku laheyn oo badda lagu iibsaday, baarlamaankii aan xilligaas ku jiray ee 8-aadna waxaan qabaa inuu sameeyey hal arrin uu aad u fiicneed, go’aan waxaan qaadanay aan u bixinay ‘dhaxal dhowr’ kaas oo dhigayey ilaa inta dowlad Soomaaliyeed ay ka imaaneyso in bad iyo biri aan laga wadahadli karin dhulka Soomaaliyeed.” Cabdi Xaashi oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Caawa laba dareen ayaan qabaa, kan koowaad waa dareen farxadeed oo ku aadan xukunka maxkamadda, waxay ICJ cadeysay oo noo ogolaatay waixii aan xaqa u laheyn, dareenkeyga labaad waxa uu yahay, waxaad moodaa 1947-kii halkii aan joognay inaan caawa taaganahay, goortaas oo aheyd xilli ay Soomaaliya isku heysteen dalal awood badan, marka waxaan is leeyahay amay maanta u egtahay sidii berigaas oo gumeysi la idin geliyaa? Taasna waxaa noogu wacan inaan ku guuldarysanay inaan dadkeena isku keeno oo mideyno.” Dhankiisa madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo dalka xukumayey markii uu soo bilaawday muranka galabta lasoo afjaray ee badda ayaa ka hadlay goobtaas, isagoo ku adkeystay in heshiiska la sheegayo inay galeen Kenya iyo xukuumadiisii uu hoggaaminayey Cumar Cabdirashiid uusan waxaba ka ogeyn. “Xilligii murankaan soo bilaawday xaalka ayaa nagu adkaa oo Muqdisho lix degmo kaliya ayaa gacanteena ku jirtay, waxaana dowladda Kenya u sheegay in arrimaha badda aana kala hadli karin, kadib waxaa dadaallo bilaabay dowladda Norway iyo UN-ka.” “Xukuumadeydii waxaa lagu qanciyey inay lagama maarmaan tahay in anaga iyo Kenya aan badda wax iska dhahno Cumar Cabdirashiid oo xukuumadda hoggaaminaayey iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsanaa ayaa go’aanka qaatay. Aniga la ilama soo socodsiin arrintaas, subaxdii heshiiskaas la saxiixaayey waxaa isoo wacay Cabdiraxmaan oo iguyiri madaxweynow waxaa la rabaa in heshiiskaas la saxiixo ee maxay kula tahay? Waxaan iri Ra’iisul wasaaraha warkiisa yeel, waxii Alle naga siiyaba,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Waxuu intaas ku sii daray, “Intaas kadib waxaan wacay r/wasaare Cumar waxaana dhahay maxaa arrintaan iiga qarisay? Waxuuna iigu jawaabay waxaan moodayey inaad ogtahay, oo halkaan ka ogahay? Wixii markaas ka dambeysay qeylo dhaan ayaa is qabsatay, waxaana magaalada gashay in badii la gatay, waxay noqotay in Cumar iyo Cabdiraxmaan aan ka shakiyo, seddaxdeenu weligeen iskama aanaa warsan arrintaas, nin kasta ninka kale markii uu arko waa ka sii jeesa jiray, marka Ilaahaa mahad leh oo hadda naga xoreeyey kiiskaas.” The post Sheekh Shariif iyo CC Shakuur oo soo bandhigay runta heshiiskii badda ee Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's President Mohamed Abdullahi Farmajo made a public address to the nation on Tuesday after the UN's top court ruled in Somalia's favour in its maritime border dispute with Kenya. President Farmajo blasted the Kenyan government for years of political interference aimed at disrupting the case. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Wakiilkii hore ee Somaliland u joogay Kenya Baashe Cawil Cumar, ayaa ku tilmaamay aqoonsi dadban maal gashi ay dalal Somaliland ku jirto ay ku samaynayso Hay’adda Maalgashiga Horumarinta u Qaabilsan Dawlada Ingiriiska. Qoraal uu bartiisa Facebook-ga uu soo dhigay, ayaa waxa uu ku yidhi “Hay’adda Maalgashiga Horumarinta u Qaabilsan Dawlada Ingiriiska ee marka la soo gaabiyo loogu yeedho CDC Group PLC, ayaa maanta shaacisay in ay galisay maalgashi dhan 100M dollar Dakeda Berbera, arinkan ayaa u muuqda in ay u tahay guul Somaliland, maadaama CDC leedahay boqolkiiba Boqol Dawladda UK, arrintanna tahay tallaabo wanaagsan oo horseedi doonta shaqo abuur dhan 53,000 oo shaqo, indhaha dalal kale oo dhaqaale leh na u soo jeedin doonta sidii ay ugu dhiiran lahaayeen maalgashi toosa oo ay ku sammeeyaan Somaliland. CDC Group plc waa hay’ad maaliyadeed oo horumarineed oo ay leedahay dawladda UK. Xafiiska Arrimaha Dibedda, Barwaaqo -sooranka iyo Horumarinta ayaa mas’uul ka ah CDC, waana saamilayda keliya.Waxay leedahay faylal maalgashi oo lagu qiimeeyay ku dhawaad US $ 5.3 bilyan tan iyo 2011kii waxay diiradda saareysaa suuqyada soo koraya ee Koonfurta Aasiya iyo Afrika. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jeediyey khudbad uu uga hadlay xukunka badda ee maxkamadda ICJ, isagoo weerar afka ah ku qaaday Kenya iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, waxuuna sheegay in culeys badan uu kala kulmay kiiskaan, intii uu xukunka joogay. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in seddax bilood kadib markii uu xukunka la wareegay ay hoggaanka Kenya go’aansadeen inay si bareer ah u bilaabaan faro-gelinta siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya. “Waxay gudaha dalkooda kasoo abaabuleen ururo siyaasadeed oo ay doonayeen in culeys iyo xasilooni darro siyaasadeed ay uga abuuraan gudaha dalkeenna, u jeedada ka dambeysana waxay aheyd inay nagu khasabto inaan dib ula soo noqono dacwadda badda, cadaadis awiis, kadib markii ay Kenya ku guuleysan weysay cadaadiskaas waxay bilaawday inay xad-gudub toos ah ku sameyso qaranimadeena,” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale waxa uu sheegay in hoggaanka dowladda Kenya uu maal iyo waqti badan geliyey in Soomaaliya la go’doomiyo, iyagoo naga gudbinaya sawirro xun oo fool-xumo ah. “Hoggaanka dowladda Kenya waxay abaabul ciidan oo liddi ku ah madax-banaanideena ay ku fulisay duqeymo shacab Soomaaliyeed ay ugu geysatay dhibaato naf iyo maalba leh, waxay isku dayday in la cuuryaamiyo dhaqaalaha dalkeenna, waxay olole xoogan ka bilaawday xarunta Qaramada Midoobey, kaas oo u jeedkiisu ahaa in Soomaaliya lagu soo rogo qaraarka tirsigiisu yahay 1267, kaas oo Kenya ay uga danlaheyd inay ku xayirto kulana wareegto hantida ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo lagu suntayo argagixisanimo,” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale Farmaajo ayaa hoggaanka Kenya ku eedeeyey inuu toos u soo adeegsaday qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka, “Waxay afduubteen hanaankii doorashada Jubbaland, arrinkaas waxaa ka biya diiday shacabka deegaankaas, waxaan garowsanay in talaabooyinkaas guracan ee Kenya, sidoo kale Kenya waxay si aan gambasho laheyn noogu sheegtay in maamulka Jubbaland ay nala heshiisiineyso, hadii aan ka tanaasulno dacwadda badda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Farmaajo. Farmaajo ayaa u mahadceliyey maxkmadda ICJ, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqbashay go’aanka Maxkamadda, waxuuna Kenya ka dalbaday in u hoggaansanto go’aankaan, isla markaana ay u qaadato fursad lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga labada dal. “Waxaa boggaadin mudan baarlamaankii 8-aad oo qaatay go’aan geesinimo leh, kaas oo saldhig u ahaa guusha aan maanta heysano, kadib markii ay laaleen heshiiskii is afgaradka ahaa ee Kenya ay mar kasta ku andacooneysay, ayagoo qaatay qaraar ay ugu magac-dareen dhaxal dhowr,” ayuu yiri Farmaajo. Isagoo u mahad celinaayey madaxweynihii xukunka ku wareejiyey ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Farmaajo waxa uu yiri, “Waxaa xusid mudan doorkii sharafka ahaa ee uu qaatay madaxweynihii hore ee dalka walaalkey Xasan Sheekh Maxamuud oo bilaabay geedi socodkii cadaaladeed ee lagu difaacayey badda Soomaaliyeed ee Kenya ay sheegatay, sidoo kale waxaan amaanayaa qareenadii iyo qubaradii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca badeena.” Farmaajo ayaa sheegay inuu rajeynayo in xukunka Maxkamadda uu bog cusub u noqdo xiriirka labada dal, isla markaana ay hadda kadib ku wada noolaadaan deris wanaag iyo is-ixtiraam. “Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay u hoggaansameyso go’aanka maxkmadda, anagoo ka rajeyneyna dowladda aan deriska nahay ee Kenya inay ilaaliso sareynta sharciga caalamiga ah, aysan iska ilaawdo damaceeda marin habaabinta ah, taas bedelkeedn ay go’aanka maxkamadda u qaadato fursad lagu xoojin kari xiriirka iyo iskaashiga labada dale e walaalaha ah,” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Kenya ka dalbaday in dowladooda ay ku cadaadiyaan in gobolka nabad loogu wada noolaado, iyadoo meel looga soo wada jeesanayo argagixisada iyo wax kasta oo khatar ku ah amniga gobolka. “Guushani ma aha mid u soo hoyatay cid gaar ah, mana kala lahan muxaafid iyo mucaarid, mana aha libin ay leeyihiin shakhsiyaad kooban balse waa guul ka dhaxaysa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waana guul ay dhaxli doonaan jiilasha soo socda.Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’idaysto inaan ku dhiirrigeliyo siyaasiyiinta walaalahay ah inay muujiyaan midnimo, isku duubni iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta danaha qarankeenna, annaga oo meel iska dhigayna danaha shakhsiga ah iyo aragtiyada kala duwan ee aan ka leennahay siyaasadda dalka,” ayuu khudbadiisa ku yiri Farmaajo. The post Farmaajo oo weerar culus ku qaaday Kenya iyo Jubaland appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa ka socda Huteel ku yaala Magaalada Hargeysa, shir lagaga hadlayo dardar gelinta hawlaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye. Shirkan oo goor dhawayd ka furmay Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Ergo la sheegay in ay ka soo jeedaan Bariga Burco oo laga soo xulay deegaannada beeshaasi degto. Shirkan ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay in lagaga arrinsanayey dardar gelinta Xisbiga Kulmiye iyo wada jir loogu wajihi lahaa ka shaqaynta mustaqbalka Xisbiga Kulmiye, madaama oo ay soo dhow yihiin doorashooyin iyo isbeddel ku iman kara Hoggaanka Kulmiye, gaar ahaan Guddoomiyaha Xisbiga. Wixii ka soo kordha, waxaanu idin soo gudbinaynaa saacadaha soo socda. Source
-
PRESS RELEASE International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) wins Best Islamic Trade Finance Institution award at the 2021 edition of the Global Islamic Finance Awards® The award comes as a recognition of the work being done by the institution to promote Islamic trade financing globally and the investments made in the past year in supporting OIC member States in their recovery of the Covid-19 pandemic JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, October 12, 2021/ — The Global Islamic Finance Awards has announced ITFC (ITFC-idb.org) as the winner of the Islamic Trade Finance Institution category at the 2021 edition of the Global Islamic Finance Awards. Commenting on the reception of the award, CEO of ITFC, Eng. Sonbol said: “ITFC is honored to have been once again awarded as the best Islamic trade finance institution globally after winning same in 2018. This is not only an announcement we celebrate as a team, but it also gives us the opportunity to take stock of the impact our projects and investments have had on the economies of the regions we operate in from the start of the Covid-19 pandemic up until now. We are happy of the outcome while gearing up to do more to support our member-countries.” Eng. Sonbol added: “ITFC since inception in 2008, provided US$58 billion of trade financing while disbursements stood at US$48 billion, with trade support extended to the the strategic sectors in Member countries including critical sectors of Health, Energy, Agriculture, and SMEs, among others during the pandemic. Additionally, total cumulative funds mobilized from partner banks and financial institutions reached US$32.8 billion, reflecting ITFC’s leading role as a trade catalyst for our member countries.” When the pandemic hit, the ITFC swiftly repurposed its existing financing engagements and made available new financing to focus on the critical needs of OIC member countries. ITFC’s initial Rapid Response Initiative provided US$605 million available to assist OIC member countries in purchasing emergency medical equipment and supplies, as well as strategic commodities, such as staple food. Moreover, as part of its Recovery Response Initiative, ITFC has allocated an additional US$550 million to support strategic sectors over the next two years, as part of the Islamic Development Bank (IsDB) Group US$2.3 billion 3Rs (Respond, Restore, Restart) Strategic Preparedness and Response Program (SPRP) for COVID-19 pandemic. In the area of trade development, ITFC continued to extend its services, technical assistance, and implement capacity building activities through various programs, including the Arab Africa Trade Bridges Program (AATB) and the Aid for Trade Initiative for Arab States (AfTIAS). The strategic priorities of ITFC over the coming years will focus on several areas including building partnerships to create sustainable development impact through providing integrated trade finance and trade development solutions to member countries. Furthermore, as an active player on the global front, ITFC remains committed to efforts aimed at achieving the UN SDGs. SOURCE International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) Qaran News
-
Hambalyo Hambalyo Xalimo British Iyo Hablaha kale ee reer Somaliland ee gobonimada u dhashay muujiyeyna jacaylka ay u qabaan dalkooda iyo dadkooda hambalyo. Waxaan u soo jeedinayaa dadka qarankan jecel in si degdeg ah loo soo bixiyo lacagtan loona soo urutriyo Waa la inoo badheedhay ee aynu badheedhno, waa arkeysaan arrintii aynu ku adkeyneynay nabad galyadeena iyo in aynaan ka mid ahayn Somalia halka la marinayo fadhiga halaga kaco. Allaa Mahad leh Ali Mohamed Warancadde Qaran News
-
Muuqaal: Khudbada madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha Dadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aaddan go’aanka kama-danbeysta ah ee ka soo baxay Maxakamadda ICJ ee kiiska dacawadda Badda Soomaaliya ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey miro-dhalka dadaalladii waddaniga ahaa ee lagu difaacayey Baddeenna. Madaxweyne Famaanno ayaa xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay la kulantay culaysyo badan oo siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed si ay u xaqiijiso guushan taariikhiga ah, iyada oo dowladda Kenya ay qaadday tallaabooyin ay ku carqaladayneysay habsami u socodka dacwadda Badda, isla markaannaa ay ku dooneysay in qol mugdi ah loogu xalaaleeyo baddeenna. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa guushan taariikhiga ah ku tilmaamay mira-dhalka halgankii dheeraa ee dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u soo galeen xaqiijinta kiiska sharci ee lagaga hortegayey damaca hoggaanka Kenya ay ku doonayeen in ay ku sheegtaan qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyey halyeeyadii u soo halgamay guushan taariikhiga ah oo ay ugu horreeyaan Baarlamaankii 8-aad ee qaatay go’aankii dhaxal dhawrka ahaa, Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, khuburadii Soomaaliyeed ee ay ka midka ahaayeen Dr. Muna Sharmaan iyo AHUN Eng. Maxamed Cumar Saalixi, Garyaqaannadii iyo khubarradii dhanka sharciga ee Shirkadda Foly Hoag iyo Guddigii DFS ee kiiiska Dacwadda Badda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay xukunka kiiska badda iyo caqabadihii ku xeernaa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay aqbashay go’aanka Maxkmadda ICJ ay maanta ka gaartay kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya. Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Kenya inay aqbasho go’aanka Maxkamadda, islamarkaana iska deyso boor isku qariska iyo carqaladeynta ay ku hayso baddeena. Farmaajo ayaa sheegay inuu rajeynayo in xukunka Maxkamadda uu bog cusub u noqdo xiriirka labada dal, islamarkaana ay hadda kadib ku wada noolaadaan deris wanaag iyo is-ixtiraam. “Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay u hoggaansameyso go’aanka maxkmadda, anagoo ka rajeyneyna dowladda aan deriska nahay ee Kenya inay ilaaliso sareynta sharciga caalamiga ah, aysan iska ilaawdo damaceeda marin habaabinta ah, taas bedelkeedna ay go’aanka maxkamadda u qaadato fursad lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah,” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Kenya ka dalbaday in dowladooda ay ku cadaadiyaan in gobolka nabad loogu wada noolaado, iyadoo meel looga soo wada jeesanayo argagixisada iyo wax kasta oo khatar ku ah amniga gobolka. Soomaaliya ayaa galabta ku guuleysatay inta badan kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyey Kenya, ayada oo loo xukumay dhul-badeedkii la isku hayey badankiisa, sida aygo’aamisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ). Maxkamadda ayaa aqbashay codsiga Soomaaliya ee ahaa inay go’aan ka gaarto xuduud badeedka labada dal, waxayna Maxkamadda ICJ ayiday doodda Soomaaliya ee aheyd in xadaynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda. Inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka, waxaana 12 mile kadib xariiqda in yar loo qaloociyey dhanka Soomaaliya. The post Madaxweyne Farmaajo oo ku dhowaaqay mowqifka Soomaaliya oo go’aanka Maxkamadda ICJ + Video appeared first on Caasimada Online.
-
THE HAGUE, Oct 12 (Reuters) – The top U.N. top court ruled on Tuesday largely in favour of Somalia in its dispute with Kenya, setting a sea boundary in part of the Indian Ocean believed to be rich in oil and gas. Somalia said the ruling was a result of “sacrifice and struggle” by the Horn of Africa country. A new boundary drawn by the International Court of Justice was closest to a line proposed by Somalia, attributing to it several offshore oil blocks claimed by Kenya. The revised maritime border along the exclusive economic zones for the continental shelves of Somalia and Kenya “achieves and equitable solution”, Judge Joan Donoghue said. Kenya, which did secure some territory beyond the Somali claim, had failed to prove there was an established sea boundary between the states, which would have given it a greater portion of the disputed territory, the court found. “We won the case of our sea which had been captured. This victory has not come through little effort…, it came through sacrifice and struggle,” Somali Information Minister Osman Abokor Dubbe said on his Facebook page. The ruling came after Nairobi last week said it had revoked recognition of the court’s jurisdiction. No one for Kenya was officially present either in court or via video link. The court has said Kenya’s withdrawal is not retroactive and does not affect Tuesday’s judgement. Somalia filed the case in 2014 at the United Nations’ highest court dealing with disputes between states. The case at the ICJ, also known as the World Court, concerned a boundary dispute over more than 100,000 sq km (nearly 40,000 sq miles) of sea floor claimed by both countries. Reporting by Stephanie van den Berg, Additional reporting by Abdi Sheikh in Mogadishu and George Obulutsa in Nairobi Editing by Anthony Deutsch, Peter Graff, Chizu Nomiyama and Mark Heinrich. The post World Court sides mostly with Somalia in border dispute with Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono xukunka Maxkamada ICJ ee kiiska badda. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo khuadbadaas ugu hadli doono halgankii loo soo maray kiiska badda, caqabadihii ku xeernaa iyo aragtida daris wanaagga ku dhisan ee Soomaaliya iyo Kenya. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u jeedinaya khudbad ku saabsan Xukunka Maxkamada ICJ ee Kiiska Baddeenna, isaga oo la wadaagaya Shacabka halgankii loo soo maray Kiiskan, caqabadihii ku xeernaa iyo aragtida daris wanaagga ku dhisan ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Kenya” ayaa lagu yiri qoraal uu ku saxiixnaa Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi. Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa saacad ka hor go’aan kama-dambeys ah ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya. Inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday waxaana loo xukumay Soomaaliya, halka 12 mile laga reebay dhul-badeedkii Soomaaliya. Dhul badeedkii lagu muransanaa ayaa cabirkiisu ahaa 100,000 KM. Go’aanka Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ka gaartay dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah mid aan racfaan lahayn. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo caawa ka hadli doona xukunka kiiska badda appeared first on Puntland Post.
-
“Xisbiyadu inay shirarkooda xisbinimo qabsadaan waa arrin wanaagsan, haseyeeshee waqtiga shirka la qabanayaa waa inuu ahaadaa mid taxadirkiisa wata. Madaxweyne Muuse Biixi waa caaqil iyo sultaan qabyaalada iyo dadka kala qaybintiisa jagada uu maanta fadhiyo ku soo gaadhay, oo kusoo caano-maalay. Waqigan xaadirka waxuu ku fooganaa sidii uu jidka ugu sii fadhiisan lahaa dadyowga kasoo cadhooda kadib markuu dhaco shirka xisbiga Waddani, oo markaas dadyowgaas cadhadooda looga faa’iideysan lahaa si qabyaaladeysan iyadoo la isticmaalayo awoodii iyo dhaqaalihii ay xukumada Kulmiye madaxa ku duubatay. Anigu waxaan ku talin lahaa inuu xisbigu dib u wada dhigto shirkiisa oo ka dhigo waqtiga ay reer kulmiye shirkoodana soo qabsadaan soona kala faraxashaan iyagoo maryo dhiigle soo kala furtay. Xisbiga Kulmiye ee cunsuriyada qabayleysan isku gaashaan buureystey way isu khuurinayaan oo waa la kala fogaadey, imminkana ula booca ayaa la isugu tukubayaa. Reer Kulmiye ayaa xukuumadii ah, iyagaa dhaqaalihii iyo dawladnimadiiba ku tuntay oo baabi’yey, oo waa taas digreetooyinkii Madaxweynaha ka soo baxay loo dhiibayo dhoweeyayaasha iyo taxi-yada. Kuwa looga baahan yahay inay shacabka reer Somaliland soo hordhigaan ajendayaasha ay ku rabaan in mar labaad la soo doorto waa iyaga, kuwa madaxa iskula jiraa ee madax iyo minjaha kala lahaynini waa iyaga, markaas Waddani xukuumadana muu ahayn waxaanu u baahan yahay inuu waxii mucaarid ah oo dhan uu kasbado, oo markaas aanu ciyaarta ka hor dhicin. Waddaniyow intii adiga jidka la isu taagi lahaa dadka kaasoo cadhooda shirkaaga kadib, maxaa Waddani u sugi kari la’yahay dildilaacan Kulmiye ka dhex bilaabmay oo shirka xisbiga kulmiye kadib aad idiinku jidka isugu taagi la’dihiin dadka Kulmiye kasoo cadhooda ee isbedel doonka ah. Caqligu ha shaqeeyo Waddaniyow oo shirkiina la suga inta uu Kulmiye kiisu dhacayo kadib. Deg dega siyaasadeed ma fiicna, weliba markay meeshu tahay Afrika oo qabiilkiina shaqaynayo, hantidii ummadana marba xukuumada joogtaa ay ku danaysanayso. Weji khamaarkii poker-ka( poker face) ha la idiin ka arko, oo yaan la idiin sii akhriyin. Nimanka mansabka ka raba xisbiga Waddanina ha garwaaqsadeen in xilalka iyo jagooyinka ay rabaan wax ka weyn, oo ah sidii Xaaji Muuse Biixi la isaga hor qaadi lahaa ay wax walba ka weynta, waayo mansabka ama xilka maanta laga dhex raadinayo xisbiga Waddani haddii uu dhib iyo kala qaybsanaan u faa’iideyneysa soo noqoshada mar labaad ee Muuse Biixi ay keeneyso, maxuu mansab laguu magaacabay oo jab iyo hoog keenayaa idiin tari karaa. Shirka xisbiga Waddani ha ka danbeeyo shirka xisbiga Kulmiye, haddii kale waxa dhici doonta xikmadii ahayd “ hadba keena hor eega haadkaas iyo haadku cuni doonaa”. Hadhow bay odhan layma heesin, lay lama hadlin, doob hurday helay. Waxa qoray, Siyaasi Cali-khadar Cismaan Xasan (Cali Kubad) Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd ka hadlay guusha ay inta badan ka soo hoysay Soomaaliya kiiskii dacwada badda ee ay xukmisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ). Xasan Sheekh ayaa ahaa madaxweynihii go’aansaday inuu Kenya la tiigsaday Maxkamadda ICJ, si uu uga difaaco isku daygii ay ku boobi laheyd badeenna, go’aankaas oo maanta miro dhalay. Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii hambalyo u diray dhamaan umadda Soomaaliyeed, isagoona sheegay in guusha weyn ay tahay mid ummadeed, una soo hooyatay umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxa uu ka digay in guusha kiiska dacwadda badda ay sheegato koox gaar ah ama shaqsiyaad gooni ah, wuxuuna carabka ku adkeeyay inay ku timid fikir, dadaal shaqo iyo midnimada Soomaaliyeed. “Guusha weyn ee Soomaali u soo hooyatay waxaa rabaa in hoos loo soo dhigin oo wax qof sameeyay iyo qolo gaar ah sameysay aan laga dhigin. Guul dadka Soomaaliyeed meel kasta oo caalamka jooga u soo hooyatay. Guul waaye jiilasha dhalan doona u iman doonta waayo taariikh ayey galayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Waxa weeyi aqoonsigeeni qeybo kamid ah oo dood naga galay oo ku guuleysanay Soomaali haddaa nahay, anaguna adeegayaashii ka adeegayay ayaa nahay oo warqadaha siday, xoolaha Soomaaliya lagu bixiyey magaca Soomaaliya ayaa lagu dacwooday, qof muwaadin ah iskama dacwoon karo, dowlado ayaa ku dacwooda, waxaana dowladaha iska leh shacabka Soomaaliyeed.” Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in guusha badda la weyneyo maqaamkeeda oo aan hoos loo soo dhigin marnaba, maadama ay muujineyso wada-jirka umadda Soomaaliya, ayna ku timid midnimadooda. Maxkamadda ICJ ayaa maanta guusha kiiskii dacwadda badda u xukmisay Soomaaliya, ayada oo meesha ka saartay doodda Kenya ee aheyd inuu jiro heshiis ama is-faham labada dal ay isku raacsan yihiin oo ah inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka, waxayna ayidday doodda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin heshiis noocaan oo kale ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale aqbashay codsiga Soomaaliya ee ahaa inay go’aan ka gaarto xuduud badeedka labada dal, waxayna Maxkamadda ICJ ayiday doodda Soomaaliya ee aheyd in xadaynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda. Hoos ka daawo Xasan Sheekh The post Daawo: Xasan Sheekh oo ka hadlay guusha laga gaaray kiiskii badda appeared first on Caasimada Online.
-
Click here to read more about this article Qaran News
-
PRESS RELEASE High-level Norwegian delegation to promote Energy Security and Transition at African Energy Week As one of the world’s largest energy exporters and a leader in the generation of renewable energy, Norway plays an important role in the global energy sector JOHANNESBURG, South Africa, October 12, 2021/ — The African Energy Chamber (www.EnergyChamber.org) is proud to announce the attendance of a high-level Norwegian delegation at the African Energy Week, taking place from 9 to 12 November 2021 in Cape Town. As one of the world’s largest energy exporters and a leader in the generation of renewable energy, Norway plays an important role in the global energy sector. With its diverse energy mix from conventional energy sources, as well as its strong footprint in renewable energy such as hydropower, Norway is a prime example that serves as a representation of successful diversification of a country’s energy mix. The Norwegian delegation’s participation at the African Energy Week is expected to not only encourage a dialogue around renewable energy projects, but to foster a sustainable relationship between African investment opportunities and Norwegian investors. The delegation from Earth Wind and Power, Valinor, PetroNor and other Norwegian stakeholders will showcase opportunities of cooperation between Norway and Africa in Cape Town. “We believe Digitalization will play an immense role in the ongoing African energy transition. We look forward to entering African markets and to finalize opportunities with high-level African delegations during the African Energy Week”, says co-founder of Earth Wind and Power, and former Minister of Justice and Public Security of Norway, Mrs. Ingvil Smines Tybing-Gjedde. Earth Wind & Power offers energy companies an ESG solution for utilizing and repurposing flared gas and excess energy sources by positioning modular data center units at power production sites. Earth Wind and Power is expected to sign various Letters of Intent during their visit to African Energy Week. With a strong focus on African financing mechanisms that enhance both the oil and gas industry as well as the energy transition, African Energy Week (AEW) 2021 in Cape Town will be the platform where deals regarding Africa’s energy future will be made. The Norwegian delegation is committed to scaling up investment in Africa, promoting partnerships, regional collaboration, and multi-lateral financing mechanisms in energy sector development. “Energy transition is one of the biggest challenges of our time. At Valinor, one of our focus areas is to alleviate energy poverty by promoting access to clean and reliable energy in the developing world, particularly in Africa. Our investments build sustainable African businesses within these fields, and we expect to make a strong impact with our African stakeholders”, concluded Lars Helge Helvig, Chairperson of Valinor. SOURCE African Energy Chamber Qaran News