-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in marnaba aysan labada dal u wanaagsaneyn in xiriirkooda uu mad-madow soo galo, islamarkaana ay marnaba ka tanaasuli doonin arrinta badda. Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Bilaal Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaaci doonto baddeeda, ayna marnaba midaasi kala xaajoon doonin dhigeeda Kenya. “Waxaa aaminsanahay in shacabka iyo dowladda Kenya ay ogyihiin in aysan wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka labada dal, waxaan ka shaqeyn doonaa dhankeenna in uu wanaagsanaado xiriirka labada dal,” ayuu yiri Bilaal Cusmaan. “Haddii ay diidaan waxyaabaha ay nabaddu ku hagaageyso, dowladda Soomaaliya waxa ay u taagan tahay oo mas’uuliyadeedu tahay difaaca dadkeeda, dalkeeda, diinteeda iyo biyaheeda.” Waxa uu carabka ku adkeeyay haddii ay diido dowladda Kenya in xiriirka labada dal u wanaagsanaado, kaasi oo dan u ah labada shacab ay Soomaaliya marnaba ka gor-gortami doonin difaaca baddeeda. Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa imanaya xili ay dhawaan Maxkamadda caddaalada adduunka ee ICJ ay inta badan Soomaaliya u xukumisay kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyay Kenya, taasi oo ay ka biyo diiday xukuumadda Nairobi, oo ayadu dalbatay in wada xaajood lagu dhameeyo kiiska laga go’aan gaaray. The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay waxa u qorsheysan haddii ay Kenya nabad diido appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xasuusnaan doono dareenkii murugada lahaa ee ka dhashay weerarkii arxan darrada ahaa ee ay ku dhinteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo u taagnaa in ay door weyn ka qaataan horumarka dalka. “Alle ha u wada naxariisto Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar. Waxaa ay ahaayeen muwaadiniin mudnaa nolol qurux badan, balse ay argagixisadu u qoonsadeen noloshoodii sharafta badnayd. Inkasta oo ay dhacdadaasi tahay mid uurkutaallo badan inagu reebtay, misna waxa ay ahayd dhacdo daaha ka feydey sida wanaagsan ee ay shacabka Soomaaliyeed isu caawiyaan, oo isu garab istaagaan.” Ayuu yiri Farmaajo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo shacabka la wadaagay farriin ku aadan Xuska Qaraxii Soobe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, haatanna ah Madaxa Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal, Xuseen Macalin ayaa ka hadlay isbedel fikradeed oo ku yimid kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay dhawaan bilaabeen inay ka hadlaan qoddobada ay dhibsadeen ee ku jira Dastuurka. Xuseen Macalin ayaa sheegay in Shabaabka ay dib u soo nooleynayaan doodii dowladnimada ee la isku hayey, islamarkaana ay wax ka badalmeen xiriirkii ay la lahaayeen kooxihii kale ee xagjirka. “Waxaa ugu yaraan laga fahmi karaa inay hadda rabaan in markale dadka ay maran-habaabiyaan oo doodii ay qabeen ka dhigaan wax sal iyo raad leh, dalkuna uu ku jiro xili kala guur ah,” ayuu yiri. “Waxay isku aadinayaan dowlada hadda aad looga qalbi jabsan yahay ee sidii la rabay aan u wiiqin oo u dhameystirin, arrinta barigana waxay si weyn niyada ugu dhistay kooxihii xagjirka ahaa oo la dirirayey dowladihii haystay kalsoonidii shacabka, inay arrintaas ka faa’iideystaan waa xaaladaha kusoo aadiyey.” Sidoo kale waxa uu sheegay in xiligaan ay Al-Shabaab rabto wada-hadal, hase yeeshe ay barnaamijyadaas ka leedahay baranbogaado iyo inay caqliga ka xadaan cid kasta oo ay maran-habaabin karaan. “Wada-hadalka koox aad is haysaan nabada ayey soo dhaweysa, marka laga soo tago mab’da, waxaa aaminsanahay dowladaan Soomaaliyeed ee dadka shacabka ah siiyeen raali ahaanshaheeda, marka dowladda ay diyaar u tahay wada-hadaladaas oo awoodeeda ay leedahay la gali karaa.” “Marka hore waa in dowlada ay is xoojiso oo midnimadeeda iyo is-fahamka gudaheeda ay xoojiso oo cudad millateri ay diyaarsato, kadib markaas Shabaab in miiska lala fariisto haddii ay ogol yihiin waa soo dhaweynayaa.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in loo baahan yahay wacyi-gelin ka dhan ah barnaamijyada maran habaabinta ee Al-Shabaab, ayna muhiim tahay in la dhiso ciidamo awood leh oo ka amar qaata Dastuurka oo shaqsiyaad gaar ah ka amar qaadan, si loo muquunin karo kooxaha xagjirka ah, xataa haddii ay dhacdo in lala galo wada-hadal. Hoos ka daawo wareysiga Xuseen Macallin The post ‘Isbeddel ka muuqda fikirkii Al-Shabaab kadib arrimo ay dhowaan ka hadleen’ + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Haku Dan seegin Taageerida Cid markay Awooda Haysayba aan Wax kuu qaban! W/Q: Mohamed Raygal Waxa la yidhi beryihii Nebigu (scw) dhintay baa xuunsho lagu yidhi “Xuunshoy, Nebigii Dhimay.” Markaas bay iyadoo niyadjab ka muuqdo tidhi “Intuu noolaa ba xaarkaan cunayey!” Haatan waxan leeyahay maxaa iiga dan ah dhisidda dad markay awoodda haysteen ba aan agtooda ku dulmanaa ama iyagu ba i dulmiyey, waxqabad ha joogee. Siyaasaddu waa maslaxad iyo mabda’. Waa inaad ku xisaabtanto yaa wax ii qaban doona oo dheef ii keeni doona (ama dhib i haysta iga kor qaadi doona). Taas waa dan (ama maslaxad xagga af Carabiga). Waxa iyana muhim ah inaad taageerto mabda’ ama qaddiyad sax ah oo aad aaminsan tahay taas oo ku anfacaysa adiga ama anfacaysa dadkaaga, If iyo Aakhiro mid uun, sida qaddiyadaha diinta iwm. Waxii labadaas ka soo hadhay qofkii ama qabiilkii taageera waa u doqonnimo iyo dan la’aan. Liidnimo ka weyn ma jirto inaad cid ku taageerto qabyaalad ama hebel iyo reer hebel oo aan is xigno baa maslaxad & mansab helaya, kuwaas oo aan kugu cusbayn ee markay mansabka hayeen ba aan ku xasuusan ama ku dulmay ba. Markaa waa inay baraarugaan reeraha mar walba lagu guuro ee aan hadhow na dib loo xusuusan ama la colaadiyo ba. Taas waa tii reeraha. Xagga shakhsiyaadka na Soomaali haddaan nahay qof walba waa inuu ka baxaa dan la’aanta oo qof waliba ka shaqeeyaa dantiisa gaarka iyo tan guud inta kaga soo beeganta iska na illaawaa doqonnimada iyo inuu ku tiirsanaado qof ama qabiil iwm (self-reliance). Marka qof waliba isagu is dhiso ee dantiisa gaarka ah ka adkaado ayuu cid kale na waxtari karaa ama danta guud wax ku soo kordhin karaa (contribution) laakin haddii adigu adiga oo sagxadda yaalla hadda na aad dan la’aan meel afka haanraawe ah dhigayso ama ag fadhido oo ku dan seegto taageerada qof kale oo aad “magac guud” isugu timaaddaan dee markaa adna baaba’day dalkii na baaba’ oo horumar lama gaadhayo weligeed illeyn horumarka dalku waa wadarta horumarka dadka oo la isu geegeeyay iyo waxii dowladdu ku biiriso. Ha ku dan seegin dhisidda qof (ama qabiil) aad si fiican isu barateen oo aan waxba kuu qaban markii awooddu gacantiisa (gacantooda) ku jirtay; waa iga dardaaran. Salaam. Qaran News
-
Haweeney Guulo ka soo hoysay Ciyaarihii Olombikada Adduunka oo Meydkeeda la helay Agnes Tirop, oo heysata rikoorka adduunka, taasoo u dhalatey Kenya, ayaa laga helay meydkeeda gurigeeda, kaasoo ku yaalla magaalo dhacda galbeedka Kenya, oo la yiraahdo Iten. Booliiska ayaa sheegay in ninkii ay u dhaxdey uu yahay qofka koowaad ee loogga shakisan yahay dilkeeda. Laba jeer oo ay ku guuleysatey biladda Naxaasta ee Ciyaaraha fudud ee dunida, iyadoo kaalinta afraad ka gashey ciyaarihii kama danbeysta ee Olympic-kada, oo la ordayey masaafo dhan 5,000m, kuwaasoo dhamaadey laba bilood ka hor. Waxey dhawaan noqotey 25 sano jir. Baaritaan danbi ayaa haatan lagu bilaabey dhimashada gabadhan, iyadoo booliisku ay sheegeen in ninkeedii la waayey. Arbacaddii oo maanta ah, baarayaasha dambigani ayaa waxey tageen guriga Tirop, taasoo booliisku ay sheegeen in aabaheed waa gabadha dhimataye, lagu soo war galiyey in isna la waayey habeenimadii Talaadada. Tom Makori, oo ah madaxa booliiska ee agagaarka ay dhibaatadu ka dhacdey, ayaa sheegay markii booliisku ay gaareen guriga, waxey ka heleen meydka Tirop oo saaran sariirta, waxaana jirey dhiig badan oo daad sanaa dhulka. Booliiska ayaa intaa ku darey in gabadhani lagaga dhuftey mindi qoorta, iyadoo halkaasi uu kasoo gaarey, lana rumeysan in taasi tahay waxa sababey dhimashadeeda. Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa Arbacadii sheegay in Turkey “ay sameyn doonto wax kasta oo lagama maarmaan u ah amnigeeda” kadib wax uu ugu yeeray weeraro sare u kacay oo maleeshiyada Kurdish-ka Syria ee YPG ay ka fulisay xuduudda. Madaxweyne Erdogan ayaa Isniintii sheegay in weerar ay Ankara ku eedeysay kooxda YPG, oo Mareykanka uu taageero, kaasi oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis Turkish uu ahaa mid dulqaadka ka dhameeyey, islamarkaana Ankara ay ka go’an tahay inay cirib-tirto halista kaga imaneysa waqooyiga Syria. Turkey ayaa sheegtay in boolis ku sugnaa gobolka waqooyiga Syria ee Azaz lala beegsaday gantaallada la hago Axaddii, kaasi oo ay ku eedeeysay YPG. Sidoo kale Isniintii ayaa gantaalo laga soo tuuray deeganada ay haysato YPG waxa ay ku dhaceen magaalada Karkamis ee koonfurta Turkey, sida ay sheegtay Ankara. Isaga oo ka hadlayey Ankara, ayaa Cavusoglu wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Ruushka aysan kasoo bixin ballan-qaadkooda ahaa inay xaqiijin doonaan in maleeshiyada YPG ay ka baxdo aagga xuduudda Syria. “Weeraradan ugu dambeeyey, Ruushka iyo Mareykanka ayaa mas’uul ka ah maadaama aysan kasoo bixin ballan-qaadkooda,” ayuu yiri Cavusoglu. “Maadaama aysan ka dhabeeneyn ballan-qaadyadooda, waxaan sameyn doonaa waxa lagama maarmaanka u ah amnigeena.” Turkey ayaa maamusha qeybo badan oo ka mid ah waqooyiga Syria ayada oo gacan ka heleysa mucaardka Syria ee xulufada la ah, kadib markii aagaas ay ka fulisay howlgallo ka dhan ah Daacish iyo YPG. Kadib heshiisyo kala gooni ah oo ay la gashay Moscow iyo Washington 2019, Turkey ayaa hakisay howlgalladii waqooyiga Syria, ayada oo ku beddelatay in maleeshiyada YPG ay 30 km uga baxdo xuduudda Syria. REUTERS + VOA The post Turkey oo wacad ku martay jawaab adag kadib weeraro dhowr ah oolagu qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Shan qof oo lagu dilay weerar Qaanso & Leeb loo adeegsaday oo ka dhacay Norway Ciidanka Booliska Norway ayaa sheegay in la qabtay qof lagu tuhunsan yahay weeraro dhowr qof lagu dilay oo ka dhacay ee degaanka Kongsberg oo ku dhow Magaalada caasimada ah ee Oslo, fiidnimadii Arbacada. Booliiska ayaa booqday goobta kadib markii ay heleen farriimo dhowr ah abaaro 6:13 fiidnimo kuwaasoo sheegaya in degaanka Kongsberg uu dad badan ku laayey nin wata qaanso iyo leeb. Eedeysanaha ayaa ku dhawaad 30 daqiiqo si aan kala sooc lahayn u laynayey dadka Ugu yaraan afar qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen. Waxaana mas’uuliyiintu ay hubinayaan in weerarka uu salka ku hayo ujeedo argagixiso iyo in kale. Taliyaha booliiska Oeyvind Aas ayaa yiri: “Ninka waa la xiray “Dhowr qof ayaa dhaawacmay, dhowrna waa dhinteen.” Duqa magaalada, Kari Anne Sand, ayaa iyana tiri: “Tani waa dhacdo naxdin leh, wax kale oo la sheego ma jiraan. Hadda waa inaan isku daynaa inaan daryeelno dadka deegaanka sida ugu wanaagsan ee aan awoodno” Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dhacdadan foosha xun ay ka bilaabatay Dukaanka Coop. Wicitaanada gurmadka ayaa la sameeyay 6:13 pm. waqtiga maxalliga ah, halka sawirrada fallaadhaha la tuuray lagu wadaagay warbaahinta bulshada. Qeyb weyn oo magaalada ka mid ah ayaa weli xiran. Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay magaalladda Drammen oo qiyaastii 40 KM u jirta. Toban sano ayaa laga joogaa markii ka tirsanaa kooxda garabka midig oo la yiraahdo Anders Behring Breivik uu 77 qof oo ay ku jiraan carruur badan ku dilay caasimadda Norway ee Oslo iyo jasiiradda Utøya. Qaran News
-
Haweenay Dhakhaatiirii khiyaantey oo Ilma-galeenkeeda loo faa’iideystay Daweynta Casriga ah oo lagu badbaadiyey Malaayiin qof Henrietta Lacks, a tobacco farmer, was buried in an unmarked grave in Virginia in 1951 Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa maamuustay haweeney madow ahayd oo u dhalatay dalka Mareykanka, taas oo unugyada jirkeeda ay sabab u noqdeen guushii ugu waynayd ee xilliga casriga ah laga gaaray baaritaan dhanka caafimaadka ah. Henrietta Lacks waxay dhimatay iyadoo 31 sano jir ah, waxayna xilligaas ahayd sannadkii 1951. Waxay u dhimatay Kansarka Ilmo-galeenka. Dhakhaatiirtii daweyneysay waxay ku sameeyeen baaritaanno iyadoo aysan ogeyn qoyskeeda iyo xitaa iyada, intii ay noolayd. Waxay ka qaadeen deecaanno iyo waxyaabo ay baaritaan caafimaad u adeegsadeen. Waxay ahaayeen unugyadii ugu horreeyay ee la qaaday ee ku sii labada jibbaarmay bannaanka jirka bini-aadamka. Waxaa loo adeegsaday baaritaannada la xiriira tallaalka xanuunka Dabeysha, qaabeynta hido-Sidaha, iyo daweynta IVF. Guulahaas la gaaray waxay sababeen in Henrietta Lacks loo magacaabo “hooyada” daweynta iyo dawada casriga ah. “Arrinta ku dhacday Henrietta way qaldanayd,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus. Wuxuu hadalkaas ka sheegay munaasabad gaar ah oo ka dhacday Geneva, Arbacadii. “Henrietta Lacks waa la khiyaamay. Waxay ka mid tahay dumarka aan caddanka ahay ee seynisyahannada ay si khaldan u adeegsadeen maydadkooda. “Waxay aamintay hannaanka caafimaadka si loo daweeyo. Balse hannaankaas ayaa jirkeeda wax kala baxay iyadoo aan ogeyn oo anan u oggolaanin,” ayuu yiri Dr Tedros. Unugyada The HeLa – waa magaca laga soo gabiyay magaceeda Henrietta Lacks – waxaa sidoo kale loo adeegsaday sameynta tallaalka kansarka ilmo-galeenka, kaas oo ah cudurka ay u dhimatay. Wiilkeeda oo 87 sano jir ah hadda, lana gudoonsiiyay abaalmarinta lagu sharfay hooyadii, wuxuu sheegay in ay ahayd haweeney cajiib ah, taas oo dunida sii caawineysa muddo ka dib geerideeda. Henrietta Lacks, qabrigeeda lama garanayo, sababtoo ah waxaa lagu aasay qubuuro si gaar ah loogu sameeyay dadkii la faquuqayay ee ku dhintay Isbitaalka Baltimore, ee Maryland. Henrietta Lacks. Sida Henrietta Lacks sheekadeeda ay ku billaabatay? Dad aad u yar oo taariikhda dawada ku suntan ayaa la dhihi kara waxay badbaadiyeen nolol ka badan inta ay badbaadisay Henrietta Lacks. Mid ka mid ah haweenka madow ee da’ yarta ah ayaa xaq u leh sheegashada macquulka ah ee ah in ay samaysay mid ka mid ah waxtarka ugu weyn daawada casriga ah – iyadoo aan waligeed ogeyn inay iyadu falkaasi fashay. Henrietta Lacks waxaa laga helay kansarka ku dhaca makaanka afkiisa 1951 iyadoo 31 jir ah, wax yar uun ka dib markay dhashay cunugeedii shanaad. Waqtigaas, Isbitaalo badan oo ku yaala dalka Mareykanka ayaa wali ku jira xaalka kala sooca dadka madow iyo dadka cadaanka ah, sidaa darteed waxaa jiray ikhtiyaarro yar oo iyada ah oo ay ku raadsato daaweyn markii ay bilaawday calaamadaha xanuunkaas. Waxay u leexatay Isbitaalka Johns Hopkins ee ku yaal Baltimore, Maryland, maadaama uu ahaa kii ugu dhowaa gurigeeda. Qaybta ay gashay waa qaybta George Gey, oo ah cilmi-baare isku dayay inuu ku kobciyo unugyada aadanaha shaybaarkiisa muddo tobanaan sano ah. Intii lagu guda jiray daaweynta si looga jaro buradaasa, dhaqtarkeedu wuxuu u diray shaybaadh yar oo unugyada ah iyada oo aan ogolaansho ka helin George Gey. Illaa waqtigan, isku dayga lagu doonayo in lagu koriyo unugyada aadanaha meel ka baxsan jidhka ayaa ahaa mid guuldarraysta. Laakiin wax yar oo ku saabsanaa unugyada Lacks ayaa beddelay xaalkaasi. Henrietta Lacks, si kastaba ha noqotee, ka hor dhimashadeeda shaybaar yar oo unugyadeeda ah ayaa laga qaaday iyada oo aan ogeyn, unugyadani ma dhiman. Si ka duwan shaybaar kasta oo hore ee unugyada aadanaha, kuwani waxay sii wadeen inay koraan oo tarmaan welina sidaas ayey maanta sameeyaan. Dadka badankood habka dabiiciga ah ee loo yaqaan ‘duqoobiddu’ wuxuu xad u yeelaa inta ay noolaan karaan unugyadu. Is beddelka waa wax ku xidhan gabowga: maadaama unugyadu kala baxayaan oo tarmayaan waqti ka dib. Isbeddelladaas waxay u eg yihiin inay la xidhiidhaan kansarrada iyo cudurrada kale ee da’da ay keento. Caadi ahaan unugyada aadanaha waxay awoodaan inay qeybsamaan ilaa 50 jeer ka hor intaysan gaadhin xilligii ay ku hawlgabi lahaayen . Laakiin unugyada Lacks way ka duwanaayeen. Unugyadeeda waxay awood u yeesheen inay qaybsamaan oo ay oo iskusoo noqdaan si aan xad lahayn. Waxay ka dhigtay iyaga kuwo ku habboon cilmi baarista caafimaadka maadaama dhaqanka unugyada isku midka ah dhaqso loo korin karo. Si dhakhso leh, saynisyahannada adduunka oo dhami waxay u qaadayeen qaybo unugyada Lack’s si ay u baadhaan. Nooca unugyadeeda ee loogu magac-daray “HeLa” oo lagu sharfayo Lack, waa khadka ugu horreeya uguna badan ee la isticmaalo ee ku jira daawada. Malaayiin dad ah ayaa noloshooda waariyeen unugyada laga qaaday iyada – unugyadeedii ay soo saartay ayaa loo isticmaalay in lagu abuuro tallaalkii ugu horreeyay ee cudurka dabaysha, dawooyinka kansarka iyo bacriminta ku jirta fitamiinnada. Sheekadeedu sidoo kale waa mid ka mid ah sheekooyinka anshax ahaan murugsan. Sannadkii 1951 fikradda oggolaanshaha bixinta unuguyadeeda lagama wargelin oo lagalama tashan iyada iyo cid qoyskeeda ah taas oo noqtay wax aan caqligal ahayn, sidaa darteed qoyskeedu wax fikrad ah kama haysan tabarucaadkaas inantooda illaa weriye Rebecca Skloot ay 50 sano kadib dib ubaadhay DNA-geeda oo sheeko ka samaysay. Qaran News
-
Waxaa magaalada Guriceel oo Galgaduud ka dhacay Barakac ballaaran, kadib markii ay la wareegeen kooxda Suufiyada ah ee Ahlu sunna. Wararka ayaa sheegaya in dadka ay u qaxeen duleedka magaalada, halkaas oo ay ku heyso dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunno yari. Odeyaal u hadlay deegaanka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dadka barakacay, gaar ahaan caruurta uu ku dhacay Shuban biyood. “Nimanka culimada ee yimid Guriceen, ee dhufeyska ilmaha ka dhex qodanaya, waxaan leenahay naga kor qaada, colka naga dulqaada, haddii aas Islaam tihiin, diinta aad sheeganeysaan ku dhaqantaan, Guriceel dowla ma joogto, ilmaheenna iyo naagaha naga dhex jooga ayaad dhufeys ka dul qodaneysaan, duurka ayey ku qaxeen, shuban biyood ayaa ku dhacay” waxaa yiri mid ka mid ah odeyaasha Guriceel. Arrimahan banii’aadamnimada ee ka jira Guriceel iyo deegaannada ku dhow ayaa imaanaya iyada oo aanu jirin wada hadal u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Ahlu sunna, lagana cabsi qabo dagaal qarxa. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Adaan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixisay halka ay marayaan dadaalada wax lagaga qabanayo abaaraha ka jira qeybo badan oo Jubaland kamid ah, iyadoo wasaaradu ay sharaxaad ka bixisay qorshayaasha ay u dajisay gurmadka loo samaynayo dadka abaaraha ay sameeyeen. Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa sheegtay in xoolo ku dhow sadex kun oo neef inay u dhinteen abaarta iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira deegaanka. Wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo howlaha lagu samaynayo biyo xireeno iyo howlo lagaga hortagayo fatahaadaha uu sameeyo wabiga Juba. Ugu danbayntii Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo mashruux shaqo abuur loogu samaynayo dadka uu sameeyay ayaxa ku habsaday qeybo kamid ah Jubaland, iyadoo qeybta ugu horaysa lagu bilaabayo todobo iyo toban kun oo qoys si hordhac ah. PUNTLAND POST The post Xanuuno la garan waayay iyo abaaro ba’an oo Jubaland ku dilay xoola gaaraya saddex kun oo neef appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay sarkaakil ka tirsan dowladda Mareykanka, gaar ahaan kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Afrika. Wasiirka iyo Mary oo wasaaradda dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay doorashada Soomaaliya ee 2021-ka. Mareykana ayaa shaaca ka qaaday in looga baahan-yahay Farmaajo iyo Rooble in ay xalliyaan khilaafka dhexdooda ah, si loo dadajiyo doorashooyinka billowday. Labada dhinac ayaa sidoo kale kulankooda inta uu socday ku soo hadal qaaday arrimaha gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xaaladihii ugu dambeeyey ee soo kordhay. Dhinaca kale dowladda Mareykanka, gaar ahaan waaxdeeda arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ballan qaatay inay xoojin doonaan taageerada Mareykanka ee Soomaaliya, gaar ahaan garab istaagga dowladda iyo shacabka. Mareykanka ayaa si gaar ah u shaaciyey inuu xoojin doono ka qeyb qaadashada howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna howl-gallo dhanka cirka ah ku beegsadaa xoogaga Al-Shabaab ee dagaalka ka wada gudaha dalka. Si kastaba, ballan-qaadka cusub ee uu Mareykanka u sameeyey Soomaaliya ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta ay ku beegan tahay xuska sanad guurada 4 ee qaraxii Zoobe. The post Mareykanka oo war cusub ka soo saaray khilaafka ka dhex taagan Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - Today marks four years since a truck loaded with 1200kg bomb drove into an afternoon traffic in Mogadishu's Zobe junction killing over 500 and maiming close to 700 others. Source: Hiiraan Online
-
Maanta waxa ay ku beegan tahay 14 October 2021, waxaana 4 sano kahor maanta oo kale qarax xooggan uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Waxa ay ahayd xilli Casir ah, wadada Zoobe waxa ay ahayd mid aad iyo aad u mashquul ah, waxaana dhan walbo oo isgoyska iyo meelaha ku dhow ah ku sugnaa boqolaal shacab ah. Gaari weyn oo ka yimid dhanka wadada Afgooye ayaa si lama filaan ah ugu qarxay meel qiyaas ahaan wax ka yar 10 Mitir u jirta isgoyska Zoobe, taas oo sababtay iney ku dhintaan in ka badan 600 halka dhaawaca lagu sheegay 700, iyada sidoo kale ay ku waxyeeloobeen hanti ka badan $6 milyan oo doolar. Qaraxan ayaa noqday midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Afrika, waxaana ilaa hadda aan la dhisin qaar ka mid ah guryihii wax ku noqday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta oo kale sanadkii 2017-kii waxaa isgoyska Zoobe ka dhacay qarax aad u xoogan oo noqday kii ugu dhimashada badnaa weeraradii iyo qaraxyadii ka dhacay guud ahaan Soomaaliya. Afar sano ayaa haatan ka wareegatay xasuuqaasi oo aan weli ka bixin xasuusta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi. Dhimashada ka dhalatay qaraxaas ayaa gaartay ku dhowaad kun qof, halka ay ku agoontoobeen illaa 1547 carruur ah oo waalidiintooda ay ku dhinteen musiibadaasi. Sidoo kale waxaa ku hanti beelay ganacsato badan oo dukaamo, hoteelo, maqaayado iyo goobo kale oo ganacsi ku lahaa isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxii Zoobe oo sanad, kadib dadkii ku dhintay ay taallo u dhistay dowladda, taas oo laga taagay bartamaha isgoyska ayaa waxaa dhacdadaasi maskaxdooda raad iyo saameyn xun ku reebtay malaayin qof oo Soomaali oo illaa hadda uusan xasuustooda ka go’in qaraxaasi. Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi baahalnimada ahaa oo loo adeegsay gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, hase’yeeshee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa gudaha dalka. Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saartay xuska 14-ka October oo maanta ku beegan, waxaana xafiiska QM uu shaaciyey inuu muraga la qeybsano Soomaalida. “Iyadoo Soomaalidu ay maanta xusayso sanad-guuradii afaraad ee qaraxii Muqdisho ee 14-kii Oktoobar 2017, kaas oo sababay dhibaato iyo burbur aad u badan, ayey bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya xusuusaneysaa dhibbanayaashii iyo kuwii ku dhaawacmay, waxa ayna barbar-istaag u muujineysaa dhammaan Soomaalida,” ayaa lagu yiri. Halkan hoose ka daawo: warbixin dareenleh oo uu Shabelle TV ka diyaariyey qaraxii 14-ka October. The post Daawo: Afar sano, kadib xuska qaraxii 14-ka October (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Muj. Moxamed Kaahin Ahmed waxu yahay, waxuu galo, iyo waxuu gudaba reer Somaliland way yaqaaniin. Waa mujaahid ixtiraam iyo qaderin innaga mudan,waa geesi, waa deeqsi, waa aftahan, xoolaha ummada ma cuni, waa diric iyo madhaafaankii qaranka, oo wuu u qalmaa gudoomiye xisbi iyo midda madaxweyninimoba. Waxa hadaba is weydiin leh, maxuu kusoo kordhin karaa mansabkaas gudoomiyanimada xisbiga ee Muuse Biixi ku bedelanaayo taageeradii degaanka beriga Burco. Muuse waxuu rabaa laba arrimood midkood, ta kowaad inuu Mohamed Kaahina kidhli madaxa u geliyo oo ku yidhaahdo waa anigaa xisbigii kugu wareejiyeye xaqfadaadu ha ii taageerto anigana mar kale. Ta labaad, waxuu Muuse rabaa haddii jewiga siyaasadeed uu ka janjeedho oo uu ka baqdo doorashada, inuu Mohamed kaahin ku yidhaahdo igala shaqay siday Guurtida iyo gudoomiye Saleebaanba iigu taageeri lahaayeen muddo kordhin, dabadeedna marka waqtiga la ii kordhiyey dhamaado, aniguna Muuse Biixi ahaan waxaan ka hawl geli doonaa sidii Madaxweyne Siilaanyo oo kale uu ii caawiyey, inaan aniguna madaxwenenimada kuu saari. Waxay u egtahay inuu Mohamedna run moodey. Hadaba, shirkii Hargeysa ee Mohamed Kaahin ku iclaamiyey inuu gudoomiyaha noqonayo, qudbadiisii waxuu mujaahid ku sheegay inuu mujaahid ahaa oo runtii ah, waxuu kale oo sheegay inuu ragii ka horeeyey ee ka waaweynaa uu u samraayey muddo 30 sanadood ah waana runtii, waxuu kale oo sheegay inuu xaafada oo dhan wax ka wada rabo taasina waa runtii, waxuu kale oo sheegay in loo baahan yahay isxulafeysi si aanay jeegaantu u baabi’in taasise runtii maaha. Madaxweyne Muuse Biixi in loo codeeyo waxa xaafada faray Madaxweyne Siilaanyo, reerkuna wuu ka aqbalay. Xaafada Muuse may ogolayn Muuse ee markay arkeen innagoo wadana Muuse, ayey iskeen daad-raaciyeen. Maanta dhibta ugu badan ayuu xaafadiisa ku hayaa. Haa, way jiraan dad uu shaqooyin siiyey iyo danley xaafidiisa ah oo taabacsan Muuse, laakiin shiikhyada ( sida Shiikh Aadan Siire), dhalinyarada, iyo waxgaradka xaafadaasi waxay hoos hoos nagu yidhaahdaan waar “Jin ninkii keenay baa saari kara uune”, ninkan cagta na mariyey, mar labaad ha nagu soo dooranin Ilaahay hadaad taqaaniin. Markaas Jeegaanta iyo xulafanimadani halkay taalaa? Muuse sharci ma qabto oo reer ma qabto, ee ma qolo Muuse Biixi la yidhaahdo buu Moxamed kaahin leeyahay aynu is gaashaan-buureysano. Waxaan kuusoo gabogabeynayaa, gaalada marka cadaabta la geliyo bay Ilaahay baryaan, oo yidhaahdaan Ilaahayow hadaad fursad labaad nasiiso oo ifkii nagu celisid waanu ku adeeci doonaa, Ilaahayse kama aqbalo oo wuu ogyahay waxay yihiin iyo inaanay weligood daahirayn; sidoo kale reer Soomaliland way ogyihiin in haddii mar labaad loo khaldamo oo xaqdaro loogu hiiliyo Muuse Biixi, inuu hadhow innagu odhan doono markii horena fartiina ayaad eedeen immnikana Caqli xumadiina ayaad eedeen. Bal Mohamed Kaahin ha is weydiiyo meeshay wasiiradii xaafadu ku maqnaayeen habeenkii xafladiisa. Muuse ayaa iyagana dhabarka soo taabtay oo yidhi Mohamed ku qabsada jagada Gudoomiyanimada xisbiga. Muuse Biixi uma daacad aha Ina Kahin. Maanta haddii uu isugu daro gudoomiyanimada iyo musharaxninadaba, abtigay wuu leeyahay fursad ay reerku ugu codeeyaan , laakiin cod ma ka iman karaa jeegaanta dhinaceeda kale, waa maya. Danleyda ku wareegsan Muuse ee xaafadiisa ahi, waxay ka baqayaan haddii mar kale ay reer Jaamacwaal qabsadaan xukunka, inay xumaantii iyo kibirkii uu Muuse sameeyey laga jari doono, oo wax jeegaan la yidhaahdo oo is aaminsani maba jirto. Abtigay waxaan kula talin lahaa inaanu cad quudheed qaadanin, waayo Muuse Biixiba waa kii Siilaanyo oo aan labo sanadood joogin uu shaanida tuurtuuray, ee waa maxay sababta Ina Kaahin uu u sugayo lix ama todoba sanadood oo danbe, ee uu ninkan dalka kharibey ugu debecsan yahay. Abtigay hadduu ku qancay gudoomiyanimada isaga lee waaye, laakiin xaafada bariga Burco maanta haddii aanu Ina Kaahin musharax ahayn hal cod ma siin doonto Muuse Biixi iyo Kulmiye toona, cida ay codka siin doontana nin rag ahina wuu ogyahay nacasna loo sheegi maayo. Somaliland waxay u baahan tahay xulafanimo caqli, ee uma baahna xulafanimo ay dad gaar ahi ku shaqaystaan, eedana reeraha dusha laga saaro. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib go’aankii kama dambeysta ahaa ee ka soo baxay maxkamadda cadaaladda adduunka ICJ oo Soomaaliya u xukuntay inta badan kiiska badda ayaa waxaa siyaabo kala duwan looga hadlay xukunka ay ridday maxkamadda ICJ. Dr Axmed Cali Kheyre oo ah qareen khabiir ku ah arrimaha la isku hayey, aadna ula socdey dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka hadlay sida uu arko go’aanka ay gaartay maxkamadda iyo waxa ay ku saleysay xukunka kama dambeysta ah ee ay ridday. Qareenkan oo wareysi siiyey laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa shaaca ka qaaday in ICJ ay go’aankeeda ku saleysay xaaladda guud ee labada dal iyo tan gobolka, isla-markaana wax ku qiimeysay in labada dal wax loo ogolaado, sida uu hadalka u dhigay. Axmed Cali Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in go’aankan u arko mid wanaagsan, isla-markaana ay tahay inay raacaan labada dal. “Aniga waxa ay ila tahay go’aankaas waxa uu ku saleysnaa in labada dalba wax loo ogolaado, iyada oo la fiirinaayo xaaladaha guud oon qaanuun kaliya la fiirin oo macal siyaasadda, xaaladda gobolka iyo waxna la fiirshay, waana go’aan wanaagsan oo labada dalba in ay raacaan ay wanaagsan tahay sida aan u arko,” ayuu yiri Dr Axmed Cali Kheyre Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray “Marka la fiiriyo xeebta Soomaaliya iyo Kenya u dhexeyso dhib badan maka muuqdo, laakiinse waxaa moodaa in maxkamaddu nidaamkii ay awal isticmaali jirtay ay ka tegtay,”. Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqday in sheegashadii hore ee Soomaaliya ay lumisay 15%, halka Kenya ayaduna weysay 85%. “Aniga waxaan is leeyahay aagaha dhaqaalaha marka guud ahaan loo fiirsho Soomaaliya wax badan ma lumin Kenya ayaa dhul badan meeshaas ku lumisay,” ayuu sii raaciyey. Si kastaba, kiiskan ee ay guusha ka gaartay Soomaaliya oo loo xukumay biyaha la’isku hayey ayaa soo socoday muddo 7 sano ah, wuxuuna soo billowday sanadkii 2014-kii. The post Maxay tahay aragtida garyaqaanada Soomaaliyeed ee go’aankii ICJ? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan warqad codsi ah u diray Guddoonka Baarlamanka taas oo uu ku dalbanayay in hal maalin dib loo dhigo Kal-fadhiga Baarlamanka oo furmi lahaa 25-ka October. Madaxweyne Deni ayaa sida wararku sheegayaan codsigiisa ku sababeeyay in ay isku beegan yihiin furitaanka Kal-fadhiga iyo Doorashada hordhaca ah ee laga qabanayo saddexda degmo ee Qardho Eyl iyo Ufayn. Codsiga kadib Madaxweynaha iyo Guddoonka ayaa isla gartay in hal maalin lagu daro furitaanka Kal-fadhiga islamarkaana laga dhigo 26-ka October si aysan ugu beegmin Doorashooyinka hordhaca ah ee saddexda degmo. Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu 25-ka October Magaalada Qardho ka daah-furo Doorashada hordhaca ah oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan lagana qabanayo saddexda degmo PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo warqad codsi ah u diray Guddoonka Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
-
Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay, illaa saaka dhaq-dhaqaaqyo culus oo iska soo horjeedo ay ka bilowdeen deegaano hoostaga magaalada Guriceel oo ay dhowaan qabsatay Ahlu Sunna Waljamaaca. Galmudug ayaa xoojisay abaabulka dagaal ee ka socda gobolka Galgaduud, isla-markaana lagu wajahayo Ahlu Sunna, si dib looga saaro magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in saaka ciidamadii ugu badnaa oo wata gaadiidkooda dagaalka ay ka baxeen magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo gaaray deegaanka Ceeldheere, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan, iyaga oo ku biiray ciidamo horey ugu sugnaa halkaasi. Ciidamadan ayaa qayb ka ah gulufka dagaal ee ay Galmudug ku wajahayso Ahlu Sunna oo dib ugu soo rogaal celisay deegaanada maamulkaasi. Dhinaca kale ciidamada Ahlu Sunna ayaa dhankooda dhaq-dhaqaaqyo ka wada magaalada Guriceel, waxaana heegan la geliyey askarta ku sugan gudaha magaaladaasi. Dadka deegaanka ayaa dhanka kale lagu soo warramayaa inay bilaabeen barakac xoogan, waxaana soo wajahday cabsi ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan labada dhinac. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada haatan u socda ee u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana markasta laga cabsi qabaa in dagaal uu qarxo, maadaama labada ciidan y xoojiyeen abaabuulkooda dagaal. The post Dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka billowday duleedka Guriceel – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
-
The International Court of Justice in The Hague on Dec. 10, 2019. (Yves Herman/Reuters) The United Nations’ highest court ruled Tuesday in favor of Somalia in a years-long dispute with Kenya about their maritime border, a decision that could worsen the already fragile relationship between the neighboring countries. The International Court of Justice (ICJ) ruled that Somalia, not Kenya, should control most of the triangle of water in the Indian Ocean over which Kenya has maintained sovereignty since 1979. The area, measuring about 39,000 square miles, is believed to contain deposits of oil and gas and has been a source of tension between the two countries for years. Kenyan President Uhuru Kenyatta said in a statement after the ruling that the country “rejects in totality” the court’s decision, which he predicted would strain Kenya’s relationship with Somalia at a time when tension is already high in the greater Horn of Africa region. Meanwhile, in Somalia, President Mohamed Abdullahi Mohamed praised the ICJ as upholding the rule of law. “Justice has prevailed,” said the president. A further deterioration of Kenyan-Somali relations, which have been rocky in recent years, could have serious economic and security implications for both countries, said Meron Elias, a Horn of Africa researcher with the International Crisis Group, particularly in relation to the fight against the Somalia-based al-Shabab terrorist group. Kenya has been a major contributor of troops assisting Somalia’s government in its fight against the group, Elias noted. Al-Shabab, which is linked to the terrorist network al-Qaeda, regularly carries out attacks within Somalia and against Somalia’s neighbors — including Kenya. A power struggle between Somalia’s president and prime minister ahead of delayed elections, meanwhile, has created a governance vacuum that experts have warned could embolden the group. Despite the court ruling Tuesday, Elias said Somalia will have little enforcement ability because it has no functioning navy or military. The ICJ does not have enforcement mechanisms. In her ruling, Judge Joan E. Donoghue, the ICJ president, dismissed Kenya’s argument that Somalia had agreed to the maritime boundary claimed by Kenya. Donoghue noted that negotiations between the two countries before the ICJ trial, which have since stalled, showed the dispute had not been resolved. Somalia asked the ICJ to rule on the matter amid the impasse. Donoghue said the court determined that the boundary should run largely in the same direction as Somalia’s land border, with a slight adjustment, and rejected Kenya’s position that it should follow the latitudinal line at the border. “As a sovereign nation Kenya shall no longer be subjected to an international court or tribunal without its express consent,” Kenya’s Ministry of Foreign Affairs tweeted. “… The Judgement of the Court — whichever way — will have profound security, political, social and economic ramifications in the region and beyond.” In Kenya, there have been concerns that the ICJ proceedings were influenced by Western powers seeking access to the oil and gas in the Indian Ocean. Somalia held an auction in London in 2019 related to oil and gas blocks in the disputed region, prompting Kenya to recall its ambassador in Mogadishu. “The ICJ did appear like a kangaroo court, skewed right from the beginning,” said Macharia Munene, a professor of history and international relations at the United States International University in Nairobi, who argued that the case is being driven by European countries with vested interests in the oil and gas industries. Munene said he doubted that the ruling would have much impact on ordinary people, with the fallout mostly in diplomatic arenas. Nonetheless, the legal fight has stoked fear among fisherfolk in Lamu County on Kenya’s southeastern coast, who say much of their best fishing is done in the disputed area. Somo M. Somo, a fisherman who chairs the beach management unit in Lamu County, said he worries about what the ruling would mean for business, and for the relationship between Kenyans and Somalis who have lived peacefully in the area for generations. “If Somalia takes the area and imposes restrictions on us, the fishing communities in Lamu town will hurt the most,” he said. “We have had a sense of fear.” About 70 percent of Lamu’s fish haul comes from the contested triangle, said Ogutu Okudo, founder of the think tank Africa2100, which researched the potential community effects of an ICJ ruling in the dispute. “You need to understand the interlinks in these communities and what these mean for people rather than for boundaries in the ocean,” Okudo said. “This is not just an area where people are talking about oil and gas deposits.” Source: Washington Post The post U.N. court rules in favor of Somalia over Kenya in long-running maritime dispute appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa kulan wadahadal ah la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee dhinaca Arrimaha Afrika, haweeneyda lagu magacaabo Mary. Labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo la xiriiray xoojinta iskaashiga labada dal , sii ambaqaadidda horumarka laga gaaray dhinaca doorashooyinka dalka iyo qodobo kale oo khuseeya amniga gobolka. Dhinaca kale,Dowladda Mareykanka ayaa mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay inay garab istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay saraakiil ka socday Arrimaha Dibadda Mareykanka appeared first on Puntland Post.
-
Shan qof ayaa dhimatay ,laba kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo , ka dib markii nin ku hubeysnaa qaanso iyo fallaadho .uu magaalada Kongsberg ee dhacda koonfur-galbeed caasimadda Oslo,uu weeraraya dad ku sugnaa halkaasi. Ninka weerarka geystay ayaa la sheegay inuu weerarka ka bilaabay gudaha dukaan weyn oo ku yaal galbeedka magaalada Kongsberg,waxaana labada dhaawaca ah ku jiray askari . Waxaa la sheegay in iska hor imaad uu dhexmaray ninka weerarka qaaday iyo booliska ka hor inta aan la qaban ninkaasi oo da’diisa lagu sheegay 37 sano jir u dhashay Danish . R/wasaare Erna Solberg ayaa sheegtay in falkaasi uu yahay mid bahalnimo ah oo aad laga naxo. Booliiska ayaa sheegay in ay sameyn doonaan baaritaan ku aadan in falkaasi uu yahay mid argagixiso ah iyo in kale. PUNTLAND POST The post Norway :Shan qof oo ku dhimatay weerar loo adeegsaday qaanso iyo fallaadho appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Saka Shir guddoominayey kulan ay ka wada qeyb galeen Dhamaan Sarakiisha Booliska Bosaaso kaas oo ku saabsana Xoojinta iyo muhiimadda ay u leedahay wada shaqeynta dhinacyada kala duwan ee ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dardargeliyo istiraatiijiyadda amniga si looga hortago falalka dhibaatada ku ah amaanka. Taliyaha ayaa ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay Saraakiisha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada Degmada Bosaaso taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta Gobalka Bari. Ugu danbeyn Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen ayaa sheegay in la joogteynayo kulamada la isku weydaarsanayo xoojinta wada shaqeynta amniga, sidoo kalena dadaal dheer la gelin doono kor u qaadista wacyi gelinta bulshada oo Sanadihii iyo muddooyinkii la soo dhaafay si huffan ula shaqeynayay Ciidamadda ku howlan ammaanka Guud ahaan Gobalka Bari isagoona sheegay in Bulshada ay tahay lamataabtan madaama ay si wanagsan ay qeyb uga yihiin Guulaha laga gaaray amaanka Magalada Bosaaso. PUNTLAND POST The post Laamaha Amniga Boosaaso oo shir gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
The Minister of Foreign Affairs of Serbia, Nikola Selaković, met today, at his office of the gathering on the occasion of the 60th anniversary of the first conference of the Non-Aligned Movement, with the Minister of Commerce and Industry of Somalia, Hon. Khalifa Abdi Omar. Source: Hiiraan Online