-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
PRESS RELEASE ICC Concludes Confirmation of Charges Hearing in Said Case In accordance with Regulation 53 of the Regulations of the Court, the Pre-Trial Chamber shall deliver its written decision within 60 days of the date on which the confirmation hearing ends THE HAGUE, Netherlands, October 14, 2021/ — Today, 14 October 2021, the confirmation of charges hearing in the case The Prosecutor v. Mahamat Said Abdel Kani concluded before Pre-Trial Chamber II of the International Criminal Court (ICC) (www.ICC-cpi.int), composed of Judge Rosario Salvatore Aitala (Presiding judge), Judge Antoine Kesia-Mbe Mindua and Judge Tomoko Akane. The purpose of the confirmation of charges hearing is for the judges to determine whether or not there is sufficient evidence to establish substantial grounds to believe that the suspect committed each of the crimes charged. If the charges are confirmed, in full or in part, the case will be transferred to a Trial Chamber, which will conduct the subsequent phase of the proceedings: the trial. After hearing the oral submissions of the Prosecutor, the Legal Representative of the Victims and the Defence from 12 to 14 October 2021, the judges heard their respective closing statements and will now start their deliberations. In accordance with Regulation 53 of the Regulations of the Court, the Pre-Trial Chamber shall deliver its written decision within 60 days of the date on which the confirmation hearing ends. The Pre-Trial Chamber may then: confirm those charges for which the Chamber has determined that there is sufficient evidence, and commit the suspect to trial before a Trial Chamber; decline to confirm those charges for which it has determined that there is insufficient evidence and stop the proceedings against Mr Said; adjourn the hearing and request the Prosecutor to provide further evidence, to conduct further investigations or to amend any charge for which the evidence submitted appears to establish t a crime other than the one charged was committed. The Defence and the Prosecutor cannot directly appeal this decision. However they can request authorisation from the Pre-Trial Chamber to appeal it. Background: Mr Said, a national of the Central African Republic (CAR), born on 25 February 1970 in Bria, was allegedly a Seleka commander and, in this capacity, he is suspected of being responsible for the following crimes allegedly committed in Bangui (CAR) in 2013: crimes against humanity (imprisonment or other severe deprivation of liberty; torture; persecution; enforced disappearance; and other inhumane acts); and, war crimes (torture and cruel treatment). Mr Said is suspected of having committed these crimes jointly with others and/or through others or ordered, solicited or induced these crimes or aided, abetted or otherwise assisted in the commission of these crimes; or in any other way contributed to the commission or these crimes. He was surrendered to the ICC by the authorities of the Central African Republic on 24 January 2021, on account of an ICC warrant of arrest issued under seal on 7 January 2019. His initial appearance before the Court took place on 28 and 29 January 2021. SOURCE International Criminal Court (ICC) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka degmada Guriceel oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in waan-waantii ay xiisada Galmudug ku dejinayeen uu ka diiday Sheekh Shaakir oo kamid ah hogaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca. Odayaasha ayaa sheegay in Sheekh Shaakir uu diiday inuu ka baxo degmada Guriceel si looga baaqsado dagaal dhexmara ciidamada uu diyaarinayo maamulka Galmudug iyo kuwa taabacsan Sheekh Shaakir. “Waxaa ka codsaneyn inuu magaalada ka baxo, meel ka baxsan uu tago anaguna aan markaas raadino in aan lagu soo duulin oo wada-hadal furmo intaas ayaa u sheegnay oo ka codsanay, arrinkaas isaga ah waqti badan ayuu qaata oo dood kulul ayaa na-dhexmartay oo wuxuu ku soo qatimay ka guuri maayo Guriceel,” ayuu yiri Oday kamid ah kuwa la hadlay warbaahinta. “Sheekha waa ka suuro-geli weyso, aqbal kama sidno. Qof uu wax ka maqlayana la arag, in lala diriro oo cid kale u naxariisan, tan kale waxaa leeyahay maamul goboleedka Galmudug ayaa waddanka uu leeyahay.” Sidoo kale waxay sheegen inay ka shaqeynayeen in uusan dagaal dhicin, hase yeeshe uu hogaanka Ahlu-Sunna uu ku madax adeygayo in uu ka baxo Guriceel, kadibna uu wada-hadal la furo maamulka Qoor-Qoor. “Waxaa ku hadleyna af guud oo Ceyr iyo af guud oo Guriceel, waxaa ku bixinay juhdi badan oo maqsuudka ugu tagnay waxay aheyd ka kor qaad culeyska meesha oo meel kale tag, waxaa sheegeyna waxa uu ina yiri inay yihiin.” Arrintan ayaa imaneysa xili uu maamulka Qoor-Qoor ku jiro abaabul dagaal oo ka dhan ah hogaanka Ahlu-Sunna oo isku aruursaday Guriceel, ayada oo hogaanka ururkana uu ka madax adeygayo wareejinta maamulka degmada. The post Odayaashii maanta la kulmay Shaakh Shaakir oo shaaciyey go’aanka uu qaatay appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Muqdisho)-Mid kamid ah Qareenada u dooddayay badda Soomaaliya ayaa beeniyay warar warbaahintu tebinaysay oo ku saabsan, in Kenya loo xukumay dhul baddeedka qaniga ku ah shidaalka iyo Saliidda. Paul Reichler oo wareysi siiyay idaacadda VOA Somali, ayaa ku sheegay wareysiga, in ayna xilligan jirin wax ceelal ah oo lagu sameeyay shidaal qodis dhab ah oo ay maxkamadu dhinaca Kenya raacisay. Paul wuxuu sheegay dhulka lagu muransanaa in ay shirkaddo baadhis ku sameeyeen, isla markaana ay leysimada bixiyeen Soomaaliya iyo Kenya, inkastoo uu sheegay in ay badnaayeen leysinada ay Kenya bixisay. “Ceel ayaa loo qoday in shidaal laga sahmiyo, laakiin salliid lagama soo saarin. Waxaa ceelkaas uu maray dhinaca Kenya loo xukumay,” ayuu yidhi qareenku. Qareen Paul Reichler, wuxuu sheegay in Soomaaliya dhulka ay ku dacwoonaysay loo xukumay 75%, halka Kenyana uu sheegay in loo xukumay 25%. “12ka Mayl ee u horreeya, maxkamaddu waxay isticmaashay xarriiqda tooska ah, waxayna Soomaaliya maxkamaddu siisay 100%. Dhulka ka dambeeya aagga dhaqaalaha oo ah dhulka ugu weyn ee saddexda qeybood ee maxkamaddu qeybisay, waa dhulka loo yaqaano EEZ, oo ah dhulka u dhaxeeya 12Nautical Mile, illaa 200 nautical Mile, Soomaaliya waxay ka heshay 75%, halka Kenyana ay ka heshay 25%,” sidaasi waxaa yidhi qareen Paul Reichler. Qareenka ayaa ugu dambayn sheegay in ay Kenya waajib ku tahay in ay aqbasho xukunka maxkamadda isla markaana shirkaddaha caalamiga ah ay u hoggaansamaan xarriiqdu ay maxkamaddu jeexday. Source
-
ADUUNKU WAA IN UU AQOONSADO JAMHUURIYADA SOMALILAND SHURUUD LA’AAN. Taariikhdu markay ahayd 26 June 1960 kii Somaliland British Protectorate ayaa ka xorowday maamulkii boqortooyada ingiriiska oo ay 75 sanadood u ahaayeen mahmiyad . 1 July 1960 kii waxaa dalka talyaaniga ka xoroobay Italian Somalia oo qaadatay xornimo , isla maalintani waxa midoobay oo dal la yidhaahdo jamhuuriyada Somalia wada dhistay Somaliland British protectorate iyo Italian Somaliland ( somalis under Italian colonial rule ) . Dawladaasi waxa la isku diiday markii midowgu jiray hal sano oo kaliya , waxaana afti loo qaaday dastuurkii uu dalku yeeshay sanadkii 1961kii , waxaa xusid mudan in dadkii Somaliland dastuurka diideen oo 68% in ka badani ka codeysay , waxaana ay ahayd in aan dastuurkaasi la dhaqan galinin ilaa labadii dal ee midoobay si isku mid ah ugu qancayaan , lama yeelin ee waa la iska watay. Midnimo soddon sanadood ahayd oo ay gudaha mudadaasi dhaceen , dulmi , cadaalad daro , dagaalo , xasuuq , beegsasho gobolo iyo dad gaar ah iyo wax waliba oo ku qadaf ah dadka Somaliland oo lagu duqeeyey , lagula dagaalamay lagu laayey hantidii , hubkii , magacii , calankii , sharafkii iyo dawladnimadii jamhuuriyadii Somalia oo aduunka oo dhami ka yaabay waxii dhacayey waxaana laga qorey buug badan iyo qoraalo xuquuqal insaan oo aan tiro lahayn , buugtii caanka noqotay waxa ka mid ahaa dawlad dadkeegii la dagaalamaysa buug la yidhaahdo oo caan noqday. Ka dib waxaa dhacday in dadka jamhuuriyada Somaliland iska xoreeyaan maamulkii ciidamadu gadhwadeenka ka ahaayeen ee arxanka darnaa ee jamhuuriyadii Somalia 1991kii January, waxaana dadka jamhuuriyada Somaliland isla qaateen 18 May 1991kii in ay dib ula soo laabteen dawladnimadoodii 1960kii . WAA MAXAY SABABTA CAALAMKU IN UU SOMALILAND KU QIIMEEYO SHURUUD LA’AAN AY TAHAY ? Markii dawladii kalitaliska ahayd ee jamhuuriyadii soomaaliya burburtay waxaa shir loogu qabtay jabhadihii ka soo horjeeday maamulkaasi ee talada ka tuuray dalka jamhuuriyada Djibouti , waxaa xusid mudan in aan SNM oo Somaliland qabsatay aanay kaligeed goob joog aheyn shirkaasi oo ay cadeeyeen mawqifkooga ah in ay dawlad gaar ah noqdeen. Somaliland soddon sanadood oo dhinacii kale ee jamhuuriyadii Somalia dib u dhis iyo dawlado caalamku u waday marna qayb kama noqon ee dawladnimadeeda ayey dhisatay waxaana ay noqotay dal dimuqaradi ah oo ka soo dhex muuqday Gobolka Geeska Africa ee dagaalada , dawlad la’aanta , cudurada, gaajada , argagixisada iyo tahriibka dadku u noqdeen bartilmaameed lagu aqoonsado. Caalamku waxa uu culeys ku saaray Somaliland in ay la hadlaan dhinacii kale ee dawlada ku mideysnaan jireen ee soomaaliya sanadkii 2012 kii , waxaana uu arinkaasi ahaa gef iyo meel ka dhac lagu sameeyay jamhuuriyada Somaliland. Sababta oo ah ; 1- Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal dhisan oo dawlad iyo wax walba oo qaran leeyahay leh ayaa la hadlay dad aan meel ay maamulanaa jirin iyaguna aan dawladnimo heshiis ku aheyn. 2- Jamhuuriyadda Somaliland cidda ay la kulmayso ama wadahadalku ku dhexeeyo ee waagii hore ay wax isku darsadeen may aheyn jamhuuriyad la yidhaahdo jamhuuriyada federaalka Somalia oo 5 maamul goboleed iyo madaxwayne muqdisho jooga leh , ee waxaa wax isku darsaday markii hore laba maamul dawladeed oo xaalado isku mid ah ku jira iskuna duruuf ahaa. 3- Maanta oo ugu dambeeyay waxa wax iska badeleen qaabkii juquraafi ee dalkii Somaliland ay wada dhisteen jamhuuriyadii Somalia ( Somali Republic) . 4- Aftida distoorka ee ay dadka jamhuuriyada Somaliland ee 2001 oo 97% ugu codeeyeen ogol iyo in ay yihiin dal ka madax banaan jamhuuriyadii Somalia . 5- Dastuurkii dadka jamhuuriyada Somaliland ay diideen 1961kii oo ah maraga ugu weyn ee ahaa in ay dhacday midnimo is muquunin ahi oo aan cadaalad ahayni. 6- Xasuuq iyo duqeyn loo geystay dad gaar ah iyada oo lagu beegsanayo haybtooda taasi oo mamnuuc ka ah shuruucda xuquuqda aadamaha , kuwa qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ahba. Intaasi marka laga yimaado hadii Soomaaliya ka guurtay nidaamkii Somaliland iyo Somalia ku midoobeen oo ay u guureen qaab federaal , dalkii Somaliland la midoobayna uu maanta juquraafi ahaan is-badel ku yimid markii badii loo garoocay Kenya , waxaa ay jamhuuriyada Somaliland mudan tahay in caalamku shuruud la’aan ku aqoonsado. Mohamed Dhimbiil Mohamed Abdi Jama Qaran News
-
Berbera (Caasimada Online) – Somaliland ayaa dhawaan billaabi doonta inay musaafuriso dadka kasoo jeeda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee ku sugan gobolka Saaxil, sida uu shaaciyey maamulka gobolkaas. Badhasaabka gobolka Saaxil, Dr Axmed Maxamed Xaashi ayaa shaaciyey inay bilaabeen tirakoobka dadka Koonfurta, islamarkaana ay deegaanada gobolka ka saari doonaana, sida uu sheegay. “Anaga waxa noo socda diiwaan-gelinta, inta ay doonaan ha noqdaane waa in marka hore tiradooda la ogaado waxaana u qaban doona waqti, waxaa kala mid noqoneyna dalka Somaliland,” ayuu yiri Badhasaabka gobolka Saaxil. “Dadka Berbera nala jooga waa dad aan ognahay oo la socono, laakiin kala mid baa nahay sidaa gobolada kale, si amaanka loo xoojiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey badhasaabka. Sidoo kale waxa uu sheegay in Ajaanib kasta oo ku sugan gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera ay ka saari doonaan, maadama ay laanta socdaalka Somaliland ay soo saartay in deegaanada Somaliland laga saaro dadkaas. Ma aha markii u horeysay ee Somaliland ay musaafuriso dad kasoo jeeda Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya, waxayna markii u horeysay ka billowday magaalada Laascaanood, oo si qasab ah looga soo masaafuriyay ganacsato iyo dad kale oo ka soo jeeda Koonfurta. The post Somaliland oo shaacisay in gobol kale ay ka billaabeyso musaafurinta reer Koonfurta appeared first on Caasimada Online.
-
Xigmad uu reebay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Mandela ayaa ahayd” Forgive, but never forget their names”, oo nuxur ahaan noqonaysa, in cadowgii dhibta kuu geystay aad saamixi karto, hasayeeshee aanad magacyadood iloobin. Waxa nasiib wanaag ah inuu maalimahan Hargaysa uu ku sugan yahay mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘Axmed dheere’, oo damiirkiisu siin waayey inuu xasuuqo dad maati ah oo qaxayey ama goobo ay ku qaxeen ku sugnaa. Axmed Dheer wuxuu go’aansaday oo uu doorbiday inuu la fakado diyaaraddii uu waday oo ahayd Miig 17, uu 13 Juulay 1988 uu si geesinimo leh ugu dejiyo xeebta Jabuuti. Go’aankaa uu qaatay Axmed dheer wuxuu noqday mid taariikhda shicibka Soomaalilaan baal dahab ah kaga suntan. Waxaanu adduunka u caddeeyey in xasuuqdii shicibka Hargaysa lagu hayey uu ka markhaati kacay. Abaalkaasi uu shicibka Hargaysa gashaday Axmed Dheere waa kaa sannad kasta oo uu Hargaysa yimaado casuumado iyo soo dhaweyn aan kala go’ lahayn uu kala kulmo shicibkii uu ka badbaadiyey gantaalihii ay siday diyaaradii loo dhiibay ee soo laa lagu yidhi. Madaxdii duuliyeyaasha amraysay ee Hargaysa u soo wareegay waxa ay kala ahaayeen: Khaliif Ciise Yuusuf (Majeerteen) taliyihii ciidanka cirka Ballidoogle. Faarax Siciid (Majeerteen) taliyihii ciidanka cirka Hargaysa. Maxamed Aadan Dirir (Mareexaan) taliyihii ciidankii cirka Berbera. Magacyada Duuliyeyaashii Hargaysa Duqeeyey = Yuusuf Maxamuud Maxamed (Majeerteen)……Duuliye Miig 17 = Mursal Xaaji Axmed ‘Muufo’ ( Abgaal)………….Duuliye Miig 19 = Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)……………….Duuliye Miig 19 = Xuseen Aadan Ibraahin (Gadabuursi)…………….Duuliye Miig 19 = Axmed Gurxan Hoore ( Ogaadeen)………………Duuliye Miig 19 = Maxamed Axmed Xaayow (Abgaal)……………..Duuliye Miig 19 = Xirsi Maxamed Faarax (Mareexaan)………………Duuliye Miig 19 = Axmed Maxamed Maxamuud ( Mareexaan)…….Duuliye CESNA = Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani)……………..Duuliye CESNA = Faarax Xaaji Salaad (Majeerteen)…………………..Duuliye CESNA = Yuusuf Juseeb ( Majeerteen)……………………….Duuliye CESNA = Xasan Yare (Ogaadeen)…………………………….Duuliye CESNA = Maxamuud Xaaji Warsame (Sool clan)……….Duuliye Hunter = Maxamed Khaliif Isaaq (Raxamweyn)…………….Duuliye Hunter Intii ku dhimatay intii ay duqeynta wadeen ee gantaal Eebbe ku dhacay oo cillad farsamo darteed u dhacday waxa ay kala ahaayeen: = Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)……………….Duuliye Miig 19 = Xuseen Aadan Ibraahin (Gadabuursi)…… ………Duuliye Miig 19 = Axmed Gurxan Hoori (Ogaadeen)…………………Duuliye Miig 19 = Maxamed Axmed Xaayow (Abgaal)……………….Duuliye Miig 19 = Maxamed Khaliif Isaaq (Raxanweyn)………………Duuliye Miig 19 Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Tixraac: C/qadir Aroma……. Sababihii Burburka Soomaaliya (2005). W/Q: Cali Cabdi Coomay Source
-
Mogadishu (HOL) - The US government has called on Somalia to complete elections by the year's end. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah qareenadii u dooday Soomaaliya xilligii uu socday muranka badda ee u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya oo lagu magacaabo Paul Reichler ayaa markii u horeysay ka hadlay xukunka kiiskii badda ee maxkamadda cadaalada aduunka (ICJ). Paul Reichler oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in maxkamadda ay Soomaaliya u xukuntay 75% kamid ah dhulkii lagu muransanaa, halka ay 25% kale ay siisay Kenya, isagoona waxba kama jiraan ku tilmaamay in maxkamadda si isle’eg ugu qeybisay labada dal intii lagu muransanaa. Paul Reichler ayaa wareysigiisa ku sheegay in dhulka loo xukmiyey dhanka Kenya uu maray ceel loo qoday in laga sahmiyo shidaal, inkasta oo aan weli saliid laga soo saarin, sida uu sheegay. “Dhulka uu muranka ka jiray waxa uu ahaa in waxyar ka yar 41kun oo Sours/KM, waxay maxkamada ay siisay Soomaaliya wax inyar ka yar 31kun oo KM-Scour, halka ay Kenya ay ka siisay wax inyar ka badan 10kun oo Sours/KM,” ayuu yiri Paul Reichler. “Maxkamadda waxay jeexday xad badeed qeexan oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya waxayna soo afjartay murankii mudada soo socday ee ahaa halka uu marayo xadka, xukunka maxkamaddana waa kama dambeysay oo majirto sabab kale oo looga murmo xuduuda bada iyo kheyraadka ku jira.” Sidoo kale waxa uu sheegay in maxkamadda ay waxyar ka leexisay xariiqi Soomaaliya markii hore rabtay inay ku saleysay, hase yeeshe waxay ku sameysay isbedel lagu sigibtiray cadaalada maxkamadda, si loogu kalsoonaado. “Ma jiraan wax ceelal ah xiligaan, waxaa lagu sameeyay sahmin, Kenya waxay ka sameysay sahmin sidoo kale Soomaaliya waxay ka sameysay sahmin, laakiin shidaal qodis dhab ah kama dhicin, saliida lagama helin.” The post Dhageyso: Qareenka Soomaaliya oo sharxay cabirka dhul-badeedka ay heshay Soomaaliya iyo kan Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi ayaa sida la sheegay waxa uu amar ku bixiyay in Xabsiga dhexe loo dhaadhiciyo Ganacsidihii kasoo jeeday Beeshiisa ee ay ka dacwootay Haweenayda iska leh huteelka Jumeerra ee kuyaala Xaafadda Jig jigga yar ee Magaalada Hargeysa. Sida warkani nagu soo gaadhay, Waxa uu ganacsadaasi ku xidhnaa Saldhiga Ibraahim Koodbuur ee Xaafadda jig jigga yar ee Magaaladda Hargeysa waxaanna sida lanoo xaqiijiyay amar kasoo baxay Madaxweynaha, si toos ah loogu dhaadhiciyay Xabsiga Dhexe ee Magaaladda Hargeysa oo ay lagu yaqaano uun in lagu xidho Maxaabiiista ay maxkamadduhu soo Xukumaan. Ganacsadahan ayaa markii hore Warbaahinta ka hadlay islamarkaana isagoo ay bar bar taagan yihiin odayaal iyo waxgarad ay jaar yihiin waxa uu cabasho ka muujiyay Huteelkan Jumeera ee Xaafadda Jig jigga yar ee Hargeysa kuyaala, waxaana uu sheegay in Huteelkaasi fawaaxish lagu sameeyo islamarkaana wakhtiga habeenkii dhalinyaro gaar ahi iskugu timaado, sidaana ay xaafaddaasi khaati kaga taagan tahay. Haweenayda iska leh Huteelkan ayaa iyaduna Warbaahinta kaga jawaabtay iyadoo sheegtay in Haybta ay tahay loo beegsanayo islamarkaana uu ganacsadahan laftiisu uu ugu hanjabay inuu Xaafadda ka rarayo, waxaanay taasi keentay in Warkii uu gaadhay Madaxweynaha islamarkaana uu Madaxweynuhu si toos ah u soo faro galiyay arintii. Wararka Foore helay ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi faray hay’addaha ay khusayso arintu inay shaqadooda ka qabsadaan oo ay waliba xabsiga dhigaan Ganacsadahan oo ay isku sii hayb hoose yihiin. Arinta cajiibka ah ayaa ah in Madaxweyne Biixi amar kale ku bixiyay in si toos ah Xabsiga Xukunsanayaasha loogu dhaadhiciyo Ganacsadahan, taasi oo keentay isweydiin badan oo ku saabsan talaabadan dambe. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Masuuliyiin ka tirsanaan jiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa shir ku yeeshay Magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka qayb galeen, kana dhex muuqdeen siyaasiyiin caan ahi. Masuuliyiintan, oo qaarkood wakhti hore iscasileen Xisbiga Waddani, halka kuwa kalena laga saaray Xisbiga iyo kuwa aan la ogeyn meel ay ku shaaciyeen in ay Waddani ka baxeen. Siyaasiyiintan is abaabushay, ayaa u muuqda kuwo ka biyo diidan Xisbiga Waddani, oo dhoola tus siyaasaddeed samaynaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(ERGO) – Determined to avoid the high costs of preparing his farm in Jowhar, Hassan Ali Addow, a mechanic, built his own tractor using recycled car parts and a water pump. Source: Hiiraan Online
-
The Institute for Nonprofit News announced winners Wednesday in the organization’s first awards contest. INN honored Muklhtar Ibrahim for his work creating an innovative, sustainable news operation dedicated to equity and community. Sahan Journal was a finalist in three of the contest’s nine categories. Source: Hiiraan Online
-
Odayaasha beesha Habar-eji oo goordhoweyd guriceel warbaahinta kula hadlaya ayaa Sheikh Shaakir ka dalbaday inuu isaga baxo Guriceel, oo aan lagu dul dagaalamin magaalada. Waxa ay sidoo kale carabka ku dhufteen odayaasha Habar-aji in ay u tageen Sheekh Shaakir uuna si cad ugu sheegay in uu dhufeys ka dul-galayo dadka dhacabka ah uuna ka diiday in uu Ciidamada ka dulqaado xaafadaha dadwaynaha magaalada ka barakacay dhowrkan maalmood. Odayaasha ayaa dhinaca kale Madaxweyne QoorQoor u cadeeyay in uu isagu Mas’uul ka yahay amaanka shacabka, loona baahanyahay in laqaato dhabaha wada hadalka, iyado laga fogaanayo gacan ka hadal. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's Minister of State for Foreign Affairs Bilal Mohamed Osman has said that the Kenyan government will not benefit from deteriorating relations with Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Qeybta 27-aad ee Milateriga Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaal dhawaan degmada Kaaraan la sheegay inuu ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan qeybtaas. Taliyaha ayaa beeniyay in ciidamo ka wada tirsan qeybta ay ku dagaalameen Kaaraan, ayaa sheegay in ciidamada ay dagaal kula jiraan kooxaha argagixisada, islamarkaana ay gudaha caasimada ka abuurin qalalaase iyo dagaal. “Waxaa u cadeynayaa (mas’uuliyiinta) in ciidamada qeybta 27-aad ay ku jiraan howl-galo, waxay baacsanayaan cadowga Al-Shabaab waxayna la dagaalamayaan argagixisada kale ee burcadka ah ee shacabka ku dhibaateeya waddooyinka, waxba kama jiraan waxa la sheegayo.” “Ciidamo aan ka tirsaneyn qeybta 27-aad ayaa jira oo wata direyska ciidanka oo gaadiidkoodana ku buufsan yahay astaanta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo magaalada Xamar dhex orda, taasina waxaa loo baahan yahay in wax laga qabto.” Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada xooga dalka aysan marnaba shaqo ku laheyn dagaalada soo noq-noqday ee ka dhaca caasimada, islamarkaana laga been abuurto. Waxa uu maamulka gobolka Banaadir ka dalbaday in la kala saaro xuduudaha iyo deegaanada la isku haysto ee gobolka, isagoona nasiib darro ku tilmaamay in ciidamada qeybta 27-aad loo saariyo dagaalo aysan waxba ka ogeyn. “Kaaraan iyo waxa ka socda qeybta 27-aad shaqo kuma laha, dadka aad ku tilmaameysan ciidamada xooga dalka ma aha, waxaa wadnaa shaqadii qaranka iyo umadda Soomaaliyeed u haynay.” Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in wax la hubsado oo aan sharciga loo soo dhaafin, sida uu hadalka u dhigay. Arrintan ayaa imaneysa xili uu dhawaan maamulka uu sheegay in ciidamo ka wada tirsan millateriga ay ku dagaalameen degmada Kaaraan iyo agagaarkeeda, kuwaasi hore uga howl-gali jiray gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle. The post Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda dagaal ee Kaaraan iyo Taliye war soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa sii xoogeysanaya weerarada cirka iyo dhulka ah oo ay ciidammada Itoobiya iyo xulafadooda la beegsanayaan xoogagga gadoodsan ee ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidammada Tigreega Arbacadii shalay, isagoo sheegay in ay la kulmeen khasaaro aad u badan. Getachew Reda, oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga (TPLF) ayaa telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in millateriga Itoobiya iyo xulafadiisa ka soo jeeda gobolka Amxaarada ay dhowr jiho kula dagaallamayaan ciidamada Tigreega, gaar ahaan labada gobol ee Amxaarada iyo Canfarta oo deris la ah Tigray. Afhayeenka milatariga Itoobiya ayaan markiiba ka jawaabin codsi ku saabsanaa warbixinta dhinacooda. Milatariga iyo dowladda ayaan qiran weerarkan cusub, oo ay kooxda TPLF sheegtay inuu ku bilowday weerar xagga cirka ah toddobaadkii hore, maalmo kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyay in uu xilka sii hayo shanta sano ee soo socota. “Waa dagaal socda, tirada dhaawacuna aad bay u badan tahay,” ayuu yidhi Getachew oo intaas ku daray inuusan faahfaahin ka bixin karin tirada dhimashada iyo dhaawaca. Wuxuu sheegay inuu dagaalku ka dhacay meel u dhow magaalada Weldiya ee gobolka Amxaarada, halka dagaalkana uu dib uga bilowday gobolka Canfarta, deegaanada Haro iyo Chifra oo ku dhow xadka Amxaarada. Dagaalkan ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay sii xumaato xasilloonida waddanka geeska Afrika oo ay ku nool yihiin 109 milyan oo qof, isla markaana horseedidoona gaajo baahsan oo ka dhacda gobolka Tigray. Source
-
(SLT- Limpopo)-Kooxo hubeysan oo ah budhcad u dhalatay dalka Koofur Afrika ayaa Xalay ganacsade Soomaali ah waxay ku dileen deegaanka lagu magacaabo Tempisa oo ka tirsan gobolka Limpopo. ganacsadaha Soomaaliga ee lagu dilay Koofur Afrika ayaa lagu magacaabi jiray Shaafici Cabdulle Saneey, kaasoo budhcadu ay ku dhex dileen goobtiisa ganacsi. Meydka Marxuumka waxaa goobtiisa ganacsi ka dhex qaaday muwaadiniin kale oo Soomaali ah oo goobo ganacsi kulahaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta lagu dilay marxuumka. Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sida caadada u aheyd dilka kadib waxay tageen halka uu dilka ka dhacay, iyagoona sameeyay baadhitaano ay ku baadi goobayeen raggii ka dambeeyay falkaas oo durbadiiba goobta isaga baxsaday. Dilalka loogu geysanayo Muwaadiniinta Soomaalida Dalka Koonfur Afrika ayaa maalmihii dambe sii kordhaya, waxaana toddobaadkan gudahiisa lagu dilay dalkaas ilaa afar muwaadin oo dalkaasi kulaa goobo ganacsi. Dhinaca kale warar ka imaanaya magaalada Port Elizabeth ayaa sheegaya in dukaamo xalay lagu gubay Dulleedka Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika. Sedax Dukaan Oo Ajaanib ay leedahay ayaa dab la qabadsiiyay saqdii dhexe waxaana laba ka mid ah dukaamadaasi ay ku yaaleen tuulada Kwazakhele Iyado dukaanka kale sedaxaad ee lagu gubay tuulada Zwide sida laga so xigtay Afhayeenka booliska Col Priscilla Naidu. Dhacdada dukaamada lagu gubay ayaa la rumeeysanyahay in ay daba socoto isku dhac shalay galinkii dambe Xaafadda Korsten ku dhaxmaray darawalada Taksileeyda iyo Soomaalida degan xaafadahaasi waxaana shalay la gubay in ka badan 10 gawaadhi nooca caasiyada loo yaqaano. Source