Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boqolaal muhaajiriin ah oo ku jira xabsiga Ain Zara ee dalka Liibiya ayaa ku nool xaalado adag, kaddib markii dad kor u dhaafaya 1,000 qof oo ay carruur badani ku jirto lagu xiray halkaas. Ilaalada xabsiga Ain Zara iyo masuuliyiinta Libya ayaa sheegaya inay muhaajiriinta siiyaan cunto, hoy iyo daryeel caafimaad, laakiin muhaajiriinta ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah aysan heysan daryeel, welina ay aad u baqayaan. Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, mas’uuliyiinta magaalada Tripoli ayaa xiray kumanaan muhaajiriin ah, waxaana howlgalkan ka dhashay dhimashada dhowr tahriibeyaal ah. PUNTLAND POST The post Muhaajiriinta ku sugan Liibiya oo wajahaya xaalad nololeed oo adag appeared first on Puntland Post.
  2. Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi oo ka hadlay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ay musaafurintooda billowday Somalialnd, ayaa ka hadlay ujeedka ka dambeeya raafkooda. Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland, oo ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, ay arrintaas ka leedahay muujinta xumaanta Soomaalida, iyo inay beesha caalamka u muujiso sida ay u kala fog yihiin, sida uu sheegay. “Waa arrin siyaasadeed oo maamulka Somaliland uu is leeyahay ictiraafkii aad dhankan ka weyseen aad dadka Soomaaliyeed si magaciina uga fogaado oo aduunkiina tusayaan sida ay u kala fog yihiin Soomaaliya, oo ay ka tahay sidaas,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Abuukar. “Dadkaan waa soo codeeyen oo ayaga soo doortay, marka codkooda u baahnayeen ma soo saarin, marka dadkii u codeeyen oo xisbiyadii ka mid ahaayeen sidaa la sameeyo oo la soo saaro waa arrin siyaasadeed.” Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladda hoose ee maamulka Koonfur Galbeed in Somaliland ay ka carootay doorashadii Somaliland ee Aqalka Sare ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayna ku muujinayso sida ay uga soo horjeeday. “Shuruucda caalamiga ah waa ka baxsan tahay sida loola dhaqmay dadkaas, arrin amni waa ka baxsan yahay sida ay sheegen, waa mid siyaasadeed.” Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in dadka laga musaafuriyey deegaanada Somaliland ee ka soo jeeda reer Koonfur Galbeed ee gaaray Puntland ay diyaarad ku daad-gureynayaan si ay u geeyan deegaankoodii, una sameeyen goobo kumeel gaar ah. The post Wasiir sheegay arrin yaab leh oo Somaliland ka leedahay masaafurinta reer Koonfurta appeared first on Caasimada Online.
  3. In the 1960s, Kenya had a progressive refugee policy that allowed refugees to settle anywhere in the country and to access education. This approach created in Kenya a cadre of skilled and professional refugees. Source: Hiiraan Online
  4. Beneath the defiant flag of their self-declared republic, young Somalilanders considered life as fresh university graduates in their unrecognised homeland -- a country in name only, proud but alone in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  5. Foreign Minister Jaushieh Joseph Wu held a videoconference on Taiwan-Somaliland relations with Essa Kayd Mohamud Raagsale, his new counterpart in the Horn of Africa, Oct. 13 from Taipei City. Taiwan is willing and able to share its experience in deepening democracy and managing the COVID-19 pandemic with Somaliland, Wu said. This is part and parcel of the country’s ongoing commitment to cooperative projects spanning agriculture, energy, health care, and information and communications technology, he added. Wu, who took the opportunity to convey the government and people of Taiwan’s congratulations to Somaliland on successful parliamentary elections earlier this year and Raagsale’s appointment, said two-way ties are going from strength to strength. Since the Taiwan and Somaliland established respective representative offices in 2020, Wu said, friendship has deepened and exchanges expanded. The medical cooperation agreement concluded in June paving the way for Taiwan teams to provide medical services in Somaliland is one such example, he added. In response, Raagsale thanked Taiwan for enhancing Somaliland’s coronavirus-combating efforts. Both sides share universal values of democracy, freedom, and respect for human rights, he said, adding that Somaliland will continue strengthening relations with Taiwan and will not succumb to external pressure. In a tweet on its official Twitter account, the MOFA said “Excellent videoconference between Minister Wu & new @SomalilandMFA Minister Essa Kayd Mohamud Raagsale. The pair discussed robust #Taiwan-#Somaliland relations & ways of expanding exchanges in core sectors. We’ll keep making real progress together for the benefit of the people!” (YCH-E) Write to Taiwan Today at ttonline@mofa.gov.tw Qaran News
  6. Xukunkii Maxkamadda Cadaaladda (ICJ) Muxuu Ka Bedelay Dherekii Xeebta Soomaaliya Ahaa 3,333 KM Labajibaaran! Talaadadii Lasoo Dhaafay Bisha Oktoobar 12,2021, Waxay Maxkamadda ICJ, Ku Dhawaaqday Xukunkii Muranka Badda Ee U Dhaxeeyey Soomaaliya Iyo Kenya Oo Masaaxaddiisu Ahayd 41 nautical miles Qiyaasta Cabirka Badaha Oo La Mid Ah Qiyaasta Berriga 75.923 Kilometres Labajibaaran. Taasoo Soomaaliya Ku Guulaysatay Looguna Xukumay Caddaymihii Ay Hor Geysey Maxkamadda ICJ, Masaaxaddii Laysku Haystay Soomaaliya Iyo Kenya Oo Salka Ku Haysay Qalfoofka Badda(Continental Shelf) Laynka Toosan 200 Ilaa 300 Nautical Miles, Aag Dhaqaalaha Gaarka Loo Leeyahay (EEZ) Ka Dib Meelaha Lagu Tuhmayey Petroolka Iyo Gaaska Iyadoo Dhererka Xeebta Soomaaliya Aan Waxba Laga Jarin, Soomaaliya Waxay Heshay 75% Oo Ah 31 nautical miles Qiyaasta Cabirka Badaha Oo U Dhiganta 57.412 Kilometres Qiyaasta Berriga, Kenyana Ay Heshay 25% Oo Ah 10 nautical miles Qiyaasta Cabirka Badaha Oo U Dhiganta 18.52 Kilometres Qiyaasta Berriga, Xukunkaa ICJ, Waxaa Ku Caddaatay In Kalluumaysatada Kenyanka Ah Weliba Reer Laamo Ayan Ka Kallumaysan Karin Madhiqada Loogu Yeero Aagga Dhaqaalaha Gaarka Loo Leeyahay (Exclusive Economic Zoon – EEZ) Ea Asal Ahaanba Soomaaliya Leedahay! Soomaaliya Waxay Ahayd Xeebta Labaad Ee Ugu Dheer Afrika Oo Dherekeedu Ahaa 3,333 Kilometres! Kolkaa Maadaama Xukun Dhacay Haddaba Dhererkii Xeebta Soomaaliya Maxaa Iska Bedelay? Inta Aanan Ka Jawaabin Dhererka Xeebta Soomaaliya, Waa Inaan Ogaanaa Waxa Afka Qalaadka Lagu Yiraahdo: 1. Continental Shelf, Waa Marka Laga Yimaado from 200 to 350 nautical miles (Qalfoofka Badda) 3. Exclusive economic Zoono(EEZ) – Aag Dhaqaale Gaar Ah Maxkamadda ICJ, Xukunka Waxay Ku Salaysay Cirifka Xuduudka Berriga Ee Soomaaliya Leedahay Amaba Sheegatay 100% Lkn Xariiqda Toosan Ee EEZ( Aagga Dhaqaalaha Gaarka U Leedahay Soomaaliya 200 Ilaa 350 Nautical Miles Ka Dib Ayaa Xariiqdii Loo Yara Qoloociyey Dhinaca Woqooyi Bari Ee Soomaaliya Halkaa Ayey Kenya Ka Heshay 10 Nautical Miles Qiyaasta Cabirka Badaha, Waana Meelaha Ugu Muhiimsan Ee Laga Heli Karo Kheyraadka Petrolka/Gaska IWM, Maxkamaddana Waxay Eegtay Daruufo Jira Iyo Kenya Inayan Bad La,aan Noqon Iyo In Labada Dalba Sidaa Ay Kuwada Qanciso Maadaama Kenya Ay Haysatay Dukumenti Heshiis Ay La Gashay DF Ku Meel Gaarka Ahayd Taasoo Ay ICJ, Sheegtay Inayan Aqoonsanayn Heshiiskaa! Iyo Magdhowgii Soomaaliya Dalbatayna Maxkamaddu Ay Diiday Labadaana Waa Laysu Tuuray!! Kolkaan U Soo Noqonno Dhererka Xeebta Soomaaliya Waxba Iskama Bedelin Waana 3,333 KM2 Labajibaaran Maxkamadda ICJ, Xukunkeedu Waa Kama Danbays Cid Rafcaan Ka Qaadan Kartaana Ma Jiro, Ta Kale Fursad Weyn Ayey U Tahay Soomaaliya In Loo Qiray Xudduudeedii Fursadna Wey Haysataa Mustaqbalka In Dhulka Ka Maqanna Ay Soo Dhacsato Maadaama Maxkamadda ICJ, Xukunka Muranka Badda Ku Salaysay Xudduuda Juqraafiga Rasmiga Ee Dhulka Soomaaliya Ee Aan Ahayn Xudduud Beenaadii. Ali Sheikh Adan adam783@rocketmail.com Qaran News
  7. Click here to read more about this article Qaran News
  8. PRESS RELEASE EurAfrican Forum 2021 The Forum returns next week on the 20th, 21st & 22nd of October CASCAIS, Portugal, October 14, 2021/ — EurAfrican Forum 2021 will take place next week, on the 20th, 21st & 22nd of October. «Getting Along – New paths for Cooperation between the Twin Continents» is the theme chosen for the 4th edition of EurAfrican Forum (www.EurAfricanForum.org). Discussion will focus on the cooperation between the Europe and Africa, the twin continents, having trade relations as a central topic. As before, the 2021 edition brings together major changemakers of African and European continents, such as entrepreneurs, activists, leaders, public and private decision makers, as well as other players who contribute to a positive dialogue between the two continents. This year, the forum has the honour of helding a conversation between the President of the Republic of Portugal, Marcelo Rebelo de Sousa, and the President of the Republic of Angola, João Lourenço.High-level speakers will deliever their contribution to the forum. You can check the entire program at EurAfricanforum.org. The program of EurAfrican Forum 2021 will be focused on seven discussion panels: Perspectives on Economy for Europe and Africa after the Free Trade Agreement Gig Work and Digital Platforms and technologies The Digital ID Revolution Fueling the Growth of Commerce Making way for green growth and inclusive transitions Culture & Market Media & Digitalization Distributed by APO Group on behalf of EurAfrican Forum. Contact: info@eurafricanforum.org About EurAfrican Forum: EAF is an independent platform that gathers all those who are building a positive dialogue between Africa and Europe, such as entrepreneurs, activists, researchers and political decision makers. In its first edition (2018), EurAfrican Forum was held under the theme “Crafting Coalitions for Change”. That year, prominent speakers sent a call to action, to build trust between Europe and Africa, and to seize that oportunity to rebalance and promote euro-african geography, and also to strenghten the diaspora networks. The second edition (2019), about «Partnership of Equals : Sharing Values, Sharing Prosperity», was centered on a new approach to the relationship between Europe and Africa, changing the narrative for both continents, in order to build a responsible, prosperous and sustainable future together. At last, the third edition (2020) was held exclusively on a digital platform, and focused on Finding a Common Ground, for the two continents, in a post COVID world. After three largely successful editions, the 4th EurAfrican Forum will take place in october 2021, bringing back conversation and debate about cooperation for Africa and Europe. The theme for the 2021 edition is ‘Getting Along – New paths for Cooperation between the Twin Continents’. About The Portuguese Diaspora Council: The Portuguese Diaspora Council is a non-profit private organization, recognized in 2019 as a Non-Governmental Organization for Development. Founded in 2012, its main purpose is to enhance the power of diasporas, in order to promote communication and connection about culture, social impact, science, business and economy. This «World Portuguese Network» envolves 95 members living in 5 continents. SOURCE EurAfrican Forum Qaran News
  9. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay Aqalka Cad ku qaabilay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waana kulankii ugu horreeyay ee Biden uu si toos ah ula yeesho hoggaamiye African ah tan iyo markii noqday madaxweynaha Mareynkanka. “Iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Mareykanka iyo Kenya waa lama huraan,” ayuu yiri Biden, markii labada hoggaamiye ay fadhiisteen Xafiiska Oval. “Labadeenuba, waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay wax ka qabashada caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yir Biden. Kulanka kadib, Aqalka Cad ayaa sheegay in labada hoggaamiye “ay ka wada hadleen ballanqaadkooda wadaagga ah ee ku aaddan difaaca dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, horumarinta nabadda iyo amniga gobolka, iyo dardargelinta barwaaqada dhaqaale. Aqalka Cad ayaa sidoo kale ku sheegay bayaankan, in labada madaxweyne “ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo in la helo hufnaan iyo isla xisaabtan dheeraad ah oo ku aaddan nidaamka maaliyadeed ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyo in la hormariyo go’aannada nabadeed ee colaadaha Soomaaliya iyo Itoobiya.” Dalka deriska la ah Kenya ee Itoobiya, dagaal ayaa ka socday waqooyiga gobolka Tigray muddo ku dhow hal sano, waxaanaa colaaddu ay dishay dad aan tiradooda la sheegin – tirada dhimashada lafteeda ayaa ah mawduuc la isku haysto. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in dagaalku uu 5.2 milyan oo qof ku riday masiibo bani’aadanimo, waxaana in ka badan 63,000 oo qof ay u qaxeen dalka deriska la ah ee Suudaan. “Maanta, waxaan ka wadahadli doonnaa waxa Kenya iyo Mareykanka ay ka wada sameyn karaan Geeska Afrika, si loo hormariyo nabadda iyo amniga,” ayuu yiri Biden. Labada hoggaamiye midna magaca ahaan uma soo hadal qaadin dalka Itoobiya. Xoghayaha Warbaahinta ee Aqalka Cad Jen Psaki, ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen waddanka aan badda lahayn, iyada oo si adag u qeyxday colaadda. “Waa iska caddahay waxa ka socda Itoobiya inay yihiin naxariisdarro,” ayay tiri Psaki, iyada oo ka jawaabaysay su’aal ku saabsan goorta Maraykanku bilaabayo cunaqabataynta. “Waa wax laga naxo run ahaantii, waan ku faraxsanahay inaad wax iga weydiisay arrintan, sababtoo ah malaha ma jirin dareen ku filan oo ku saabsan waxa dhacaya oo Mareykanku siiyay” ayay raacisay. The post Maxaa kasoo baxay kulankii Biden iyo Uhuru Kenyatta? appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Tibor Nagy oo ah Diblomaasi Mareykan ah oo xilal kasoo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi ayaa ka hadlay go’aankii dhawaan kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ee lagu diiday wax ka beddelka howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. Dolwadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan rabin islamarkaana raali ku ahayn qorshaha guddiga Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee ah in howlgalka AMISOM la ballaariyo lagana dhigo mid ay si wadajir ah u fulinayaan Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika. Tibor oo horey usoo noqday kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, iyo Danjiraha Maraykanka ee dalalka Guinea iyo Ethiopia ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya laga rabo inay iska celiso Al-Shabaab, haddiiba ay diidan tahay qorshaha Midowga Afrika. Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay leedahay ciidamo aad u badan oo awoodi kara inay soo afjaraan Al-Shabaab. “Haddii Dowladda Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn isbeddellada lasoo jeediyay in lagu sameeyo AMISOM, waa inay qaadato mas’uuliyadda ammaankeeda. Ciidammada Soomaaliya marka la isku daro aad ayey uga badan yihiin Al-Shabaab…dagaalka waa inay kusoo afjaraan hal maalin,” ayuu yiri Tibor Nagy. ”Soomaaliya waxay u baahan tahay dawlad u shaqeysa Soomaalida ee aan ka shaqeysan,” ayuu sii raaciyey, isaga oo u muuqda inuu ku jeesjeesayo mowqifka dowladda Soomaaliya. Tibor Nagy ayaa Muqdisho yimid Janaayo 2020, isagoo wadahadal la yeeshay madaxda dowladda federaalka, sida ra’iisal wasaarihii xilligaasi Xasan Cali Kheyre. Midowga Afrika ayaa sheegay in Soomaaliya la gelinayo Xeerka Number 7 ee Qaramada Midoobey, ayada howlgalka cusub ee lasoo jeediyey uu billowdo bisha Janaayo ee 2022, haddii uu ansixiyo Golaha Ammaanka QM. Warka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hindisaha Guddiga Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ay diiday Soomaaliya, mar kalena ay ku celineyso diidmadeeda qayaxan. Soomaaliya ayaa sheegtay in ay muhiim tahay tixgelinta madaxbanaanida Soomaaliya iyo qaraarka Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2568 soona baxay 2021, kaas oo ogolaanayay dib u habeynta AMISOM iyo in Ciidamada Soomaaliya ay amniga dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM. The post Tibor Nagy: Haddii Somalia ay diiday qorshaha cusub waa inay Shabaab iska celisaa appeared first on Caasimada Online.
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya Dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa la kulmay Safiirka Koofur Afrika u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mninwa Johannes Mahlangu waxaana ay kawada hadleen xiriirka labada Dal, ilaalinta Soomaalida hantida ku heysata Dalkaas & qodobo kale. Labada safiir ayaa ka wada hadlay cilaaqaadka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya iyo sidii loo dardar gelin lahaa wadashaqeynta labada safaaradood. Wararka sidoo kale kulanka laga helayo ayaa sheegaya in labada Safiir ay ka wada hadleen dhibaatada dilka iyo boobka ah ee lagu haayo Soomaalida ku Ganacsatada gudaha dalka Koonfur Afrika. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur ayaa safiirka dalka Koofur Afrika u qaabilsan Soomaaliya la wadaagay in ay ka hortagaan dhibaatada lagu haayo Soomaalida oo noqday kuwo si joogto ah uga dhaca dalkaas. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo faah-faahin ka bixiyay kulanka waxa uu sheegay in Danjire Mninwa Johannes Mahlangu uu u ballanqaaday in Dowladdiisa uu gaarsiinayo fariinta ah ilaalinta Soomaalida Ganacsiga ku leh Dalkiisa. Danjire Mninwa waxa uu dhankiisa tilmaamay in Soomaalida ganacsiga ku leh Koofur Afrika ay kaalin weyn ku leeyihiin horumarka dhaqaalaha Dalkaas waxaana uu uga mahadceliyay ku dhiirashada in ay hanti dhigtaan. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa kunool Soomaali farabadan oo Ganacsiyo kala duwan kuleh dalkaas, hayeeshee Maalin walba ay la kulmaan dhibaatooyin isugu jira dil iyo in la boobo Hantidooda. 72-dii Saac ee la soo dhaafay dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay dilal loo geystay Dhalinyaro Soomaali ah, iyada oo la gubay Goobo Gamacsi ay lahaayeen Soomaali iyo Itoobiyaan. The post Tarsan & Mninwa oo kawada hadlay dilka & boobka lagu hayo hantida Soomaalida Koofur Afrika appeared first on Caasimada Online.
  12. Wasiirka Gargaarka iyo maareeynta Masiibooyinka xukumadda federaalka Soomaaliya marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo muqdisho kulan kula qaadatay Safiirka Midoowga ee Soomaaliya Yurub Tina Intelman, Madaxa xafiiska hay’adda ECHO ee Soomaaliya Javier Rio Navarro iyo wakiilka ECHO ee Muqdisho Cabdixaliim Bashiir ayaa kawada hadlay sidii diirada loo saari lahaa xaaladaha bini,aadanimo ee dalka ka jira iyo sidii loo yareyn lahaa khataraha masiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka dhaca. “Kulanka waxaa diirada lagu saaray Arrimaha Bini’aadanimo iyo Yareynta Khataraha Masiibooyinka waxa la isku raacay in si dhaqso ah u fulaan howlaha la isku raacay” ayay tiri wasiirka. Wasiirka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa u sheegtay masuuliyiintaan sida lagama Maarmaanka ay utahay in sida deg deg ah wax looga qabto xilliyadda adag oo ay dadka Soomaaliyeed wajahaa maadaama qeybo ka mid ah gobolada dadka ay ka jiraan Abaaro,Biyo la,aan iyo Colaado. Ugu dambeyn Wasiirka Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay diyaar garoow ugu jirto sidii dadka Soomaaliyeed loogu Gurman lahaa. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wahadlay xaaladaha Binii’aadanimo ee ka jirta dalka appeared first on Puntland Post.
  13. Sacramento (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa soo kabanaya ka dib laba maalmood oo laga daaweynayay caabuq ka dhacay isbitaal ku yaal California, sida ay dhakhaatiirtiisu sheegeen. 75 jirkan ayaa la dhigay Xarunta Caafimaadka ee Jaamacadda California Irvine Medical Center fiidnimadii Talaadada waxaana ku dhacay caabuq aan ahayn COVID-19 sida uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay afhayeenka Clinton Angel Urena. “Wuxuu ku jiraa hagaajin, niyad wanaag, wuxuuna si aad ah ugu mahadcelinayaa dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha iyo shaqaalaha siinaya daryeel aad u wanaagsan,” ayuu qoray Urena. Af -hayeenku oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa hadalkiisa sii raaciyey: “Wuu kacay, wuu kaftamay oo wuxuu soo jiitay shaqaalaha isbitaalka.” Clinton ayaa isbitaalka tagay kadib markii uu dareemay daal waxaana laga helay caabuqa dhiigga oo dhakhaatiirtu ay rumeysan yihiin inuu ku bilowday caabuqa kaadi mareenka sida uu baahiyey telefishinka CNN oo soo xiganaya dhakhaatiirta. Dhakhaatiirta madaxweynihii hore, Alpesh Amin iyo Lisa Bardack ayaa sheegay in sababta isbitaalka loo dhigay ay tahay si xaaladiisa si dhow loola socdo isla markaasna loo maamulo dawooyinka la siinayo.” Waxay intaas raaciyeen: “Waxaan rajaynaynaa in uu dhawaan gurigiisa aado.” CNN ayaa soo xigatay dhakhaatiir sheegaysa in Clinton uu ku jiray qaybta daryeelka degdegga ah si ay u siiso asturnaan. Clinton, oo kasoo jeeda xisbiga Dimuqraadiga oo madaxweyne ahaa 1993-2001, ayaa dhowr jeer horey Isbitaalka loo dhigay, iyadoo sanadki 2004 lagu sameeyey qalliin seddex geesle ahaa, sidoo kalana sanadkii 2010 ayuu maray qalliin dhanka wadnaha ah kadib markii uu furmay halbawle, wuxuuna telefishinka CNN sheegay in xaaladda hadda Isbitaalka loo dhigay aysan aheyn mid la xiriirta arrimaha wadnaha. The post Madaxweyne Clinton oo isbitaal la dhigay iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladiisa appeared first on Caasimada Online.
  14. Uganda will deploy a contingent of 160 police officers to Somalia for peacekeeping operations in December, the authorities said Thursday. Source: Hiiraan Online
  15. On October 14, 2017, a truck bomb exploded at a busy intersection in Mogadishu, killing 587 people and almost 1,000 more. Four years later, the scars of the attack are still seen and felt in the Somali capital. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxnimada madaxweyne ee Saciid Cabdullahi Deni waxaa ka harsan oo kaliya inuu ku dhowaaqo, ayada oo tallaabooyinka siyaasadeed ee uu qaadayo ay muujinayaan in damaciisu uu sidaas yahay. Musharaxnimada Deni waxay isbeddel weyn ku sameyn doontaa ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxayna yeelan doontaa cawaaqib saameyn doono musharaxiin badan. Fallanqeeyayaal siyaasadeed oo ay Caasimada Online la hadashay ayaa isku raacay inay aad u yar tahay rajada Deni loogu dooran karo madaxweynaha Soomaaliya, hase yeeshee ay musharaxnimadiisa kaalin weyn ku yeelan karto cidda noqoneysa madaxweynaha Soomaaliya iyo cidda aan noqoneyn. Deni wuxuu noqon doonaa musharaxa kaliya ee si toos ah iyo si dadban u maamulaya doorashada in ka badan 100 xildhibaan oo isugu jira kuwa Aqalka Sare iyo kuwa Golaha Shacabka, mana jiro musharax u taagan xil madaxweynaha oo saameyn intaas le’eg oo toos ah ku leh hanaanka doorashada xildhibaanada. Marka aan ka hadleyno xildhibaanada 100-ka ka badan waxay isugu jiraan kuwa lagu soo dooranay Puntland, oo uu toos u maamulayo Deni, iyo kuwa Jubaland, oo si dadban u maamulayo, maadaama uu gacanta ku hayo Axmed Madoobe oo ay xulufo siyaasadeed yihiin. Yey dhaawaceysaa musharaxnimada Deni? Musharaxnimada Saciid Deni waxay si toos ah u dhaawaceysa musharaxiinta kasoo hara Farmaajo, si gaar ahna Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, oo la rumeysan yahay inay yihiin labada musharax ee loolanka adag uu kala kulmi doono Farmaajo. Labadan musharax ayaa wuxuu dhaawac siyaasadeed uga iman doonaa in xildhibaanada kasoo baxaya Jubaland iyo Puntland ay badankood noqon doonaan kuwa ku yimaada rabitaanka iyo qorshaha siyaasadeed ee Deni, taasi oo yareyn karta xildhibaanada taabacsan Xasan Sheekh iyo Shariif ee soo baxaya. Jubaland iyo Puntland waa labada maamul ee mucaaradka ay ka filayaan in xildhibaano taabacsan ay kasoo baxaan, maadaama Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug ay yihiin maamulo lagu tirinayo inay taabacsan yihiin Farmaajo. Tani waxay ka dhigan tahay in musharaxiinta mucaaradka aysan saameyn weyn ku yeelan xildhibaanada lasoo doornayo, balse ay taageero ka raadiyaan marka ay soo baxaan kadib, sida marar badan horey u dhacday. Yaa ka faa’iideysanaya musharaxnimada Deni? Musharaxnimada Saciid Deni, waxaa faa’iidada ugu badan ku qaban madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sababtoo waxay sii kala qeybineysaa codadka mucaaradka, waxayna horseedi kartaa in Xasan Sheekh iyo Shariif midkood uu ku haro wareegga koowaad. Haddii Deni uu qaato in badan oo ka mid ah codadka xildhibaanada laga soo dooranayo Jubaland iyo Puntland, waxaa suurta-gal ah in isaga, Farmaajo ama Xasan Sheekh iyo Shariif midkood ay u gudbaan wareegga xiga ee doorashada oo ay gaaraan kaliya saddexda musharax ee ugu codadka badan wareegga koowaad. Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in Deni uu ka codad bato Xasan Sheekh iyo Shariif, oo uu galo kaalinta labaad ama koowaad, ayada oo Farmaajo la rumeysan yahay in sidoo kale uu kow ama laba geli doono wareegga koowaad, taasi oo horseedi karta in in musharaxa gala kaalinta saddexaad uu tanaasulo, sida horey loo arkay. The post Musharaxnimada Deni oo yeelan doonta cawaaqib siyaasadeed weyn (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  17. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo ee Kinshasa kaga qaybgalay meertada 23-aad ee shir sannadeedka Ururka Iskaashiga Madaxda Booliiska Bariga Afrika. Shirka aya sanadkaan waxaa looga hadlayey isdhaafsiga xogaha amni & iskaashiga Booliska ee dalalka ka tirsan Ururka Iskaashiga Booliska Afrika. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shirka waxaa uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, tayeynta & qalabeynta Ciidamada Booliska iyo sugida Amniga doorashooyinka ka socda dalka. Taliye Xijaar ayaa waxaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la yeesho Saraakiisha sar sare ee ka socota Booliska dalalka Afrika, isaga oo kala hadli doona sidii ay u taageeri lahaayeen Ciidamada Booliska Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Iskaashiga Booliska Afrika appeared first on Puntland Post.
  18. Shir looga hadlayay bilaabidda xaraynta ergada doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa Muqdisho ku yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobolleed. Shirka oo socday muddo sadex cisho ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kaasi oo isugu yeeray Shirgudoonada Gudi hoosaadka Doorashooyinka Somaliland, Galmudug, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Banaadiriga iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka. Ujeeddada shirka ayaa ah bilaabidda xaraynta ergada doorashada Golaha Shacabka iyo Qodobo kale oo muhiim ah. Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Heer federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa Guddiyada ugu baaqay inay dardar geliyaan howlaha doorashooyinka dalka si loo dhameystiro howlaha ka harsan, isla markaana dalka ay uga dhacdo doorasho la isla ogol yahay. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Xaraynta Ergada Doorashada Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa la dhigay isbitaal ku yaal gobolka California, kadib markii laga helay xanuun aan ahayn caabuqa Covid-19. Clinton, oo 75 jir ah, ayaa la dhigay Xarunta Caafimaadka UCI ee magaalada Irvine, sida uu xaqiijiyay fhayeenkiisa Angel Urena. “Waa soo kabanaya, niyaddiisuna waa wanaagsantahay, wuxuuna aad ugu mahadcelinayaa dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha iyo shaqaalaha siinaya daryeel aad u wanaagsan.” ayuu yiri Angel Urena. Madaxweynihii hore ee Mareykankaa, ayaa tagay isbitaalka kadib markii uu dareemay daal, waxaana laga helay caabuqa sepsis ee ku dhaca dhiiggaa, oo sababay barar jirkiisa ah, taasoo dhakhaatiirtu ay rumeysan yihiin inuu ku bilowday infekshinka kaadi mareenka, sida ay uu wariyay telefishinka CNN oo soo xiganayay dhakhaatiirtiisa. Clinton, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa madaxweyne ka ahaa Mareykanka intii u dhexeysay 1993-2001, wuxuuna sanadihii la soo dhaafay la tacaalayay xanuunno kala duwan oo ay ku jirtay qalliin dhinaca wadnaha ah loooga sameeyayy sanadkii 2010. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore Maraykanka Bill Clinton oo isbitaal la dhigay appeared first on Puntland Post.
  20. Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa dhowr jiho kaga sii siqaaya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, oo ay haystaan kooxda Ahlu-Sunna. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo odayaasha beesha degta Guriceel ay xalay sheegeen inay ku fashilmeen dhex-dhexaadin ay isku dayeen inay ku baajiyaan dagaal ka dhaca magaalada, ayaga oo eedeeyey hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Sheekh Shaakir. Odayaasha ayaa sheegay in Sheekh Shaakir uu diiday inuu ka baxo degmada Guriceel si looga baaqsado dagaal dhexmara ciidamada uu diyaarinayo maamulka Galmudug iyo kuwa taabacsan Sheekh Shaakir. “Waxaa ka codsaneyn inuu magaalada ka baxo, meel ka baxsan uu tago anaguna aan markaas raadino in aan lagu soo duulin oo wada-hadal furmo intaas ayaa u sheegnay oo ka codsanay, arrinkaas isaga ah waqti badan ayuu qaata oo dood kulul ayaa na-dhexmartay oo wuxuu ku soo qatimay ka guuri maayo Guriceel,” ayuu yiri Oday kamid ah kuwa la hadlay warbaahinta. Boqolaal askari oo ka tagay Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalin ka hor gaaray deegaanka Ceeldheere, oo ku yaalla waddada xiriirisa Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyadoona Xoogaga Ahlu Sunna la soo sheegayo in qaybtood ay aaggaasi ka ag-dhow yihiin. Wararka ayaa sheegaya in Xoogagii Ahlu Sunna ee 1-dii bishan la wareegay Magaalada Guriceel ay dhufeysyo waaweyn kaga jiraan bannaanada magaaladaasi. Ciidamada ku sii jeeda Guriceel ayaa isugu jira Kumaandooska Gorgor, Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Nabad Sugidda Galmudug. Tani ayaa baqdin ku keentay dadka degan Magaalada Guriceel, kuwaa oo qaarkood saaka bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda. Wada hadalada maalmihii ugu dambeysay laga dhex waday Maamulka Galmudug iyo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa u muuqdo kuwo guuldareystay. Gelinkii dambe ee Talaadadii ayay ahayd, markii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu gaaray Magaalada Dhuusamareeb. Taliyaha ayaa kulan saacado qaatay Xarunta Madaxtooyada Galmudug kula yeeshay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Taliye-yaasha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug. The post Ciidamada Galmudug iyo dowladda oo dhowr jiho kaga siqay magaalada Guriceel appeared first on Caasimada Online.
  21. Somaliya, Shacbi iyo Dowlad, oo ku mitidday baddeeda guul ayaa usoo hoyatay. Halka Kenya ay ku hor kuftay caddaalladda caalamka. October 12, 2021 ayey Maxkamada ICJ xukunkeeda kama dambeysta ahaa ka dhiibtay inaysan jirin soohdin badeed labada dal ay ku heshiiyeen hadda ka hor oo barbaro la ah loolka sida ay sheegatay Kenya. Balse dhammaan garsoorayaasha maxkammadda waxay si wadajir ah isugu raaceen in xadku yahay midka ay Soomaaliya welligeedba sheeganaysay. August 14, 2014 ayaa Soomaaliya dacwad horgeysay maxkamadda kana codsatay inay qaraar ka gaarto xuduudda Badweynta Hindiya ee labada dal iyadoo la adeegsanayo habka sinnaanta (equidistance method) si loo gaaro natiijo siman (an equitable result). Maxkamadda oo si wadajir ah u soo jeedisay soohdin u dhow tii Soomaaliya ayaa soo afjartay ajandihii isballaarinta Kenya iyo horornimada xushmadda deris wanaagga lahayn waxayna si tabban u saameenaysay madaxbannaani qarannimo, bad hodan ku ah khayraad iyo xidhiidhka labada dal ee dariska ah. Maxkamadda waxay soohdinta ku saleysay mabda’a sinnaanta (principle of equidistance) sida waafaqsan tabta saddex-tallaaboodka caadiga ah. Natiijadu waxay ka dhigan tahay wax tanaasul ah oo u dhexeeya sheegashada labada dhinac, inkastoo ay muuqato in cagta lagu dhuftay qaabkii Kenya wax ku boobi lahayd. Kenya waxay halkaas ku weyday sohdin siin lahayd dhul bad-jiif ah oo lagu qiyaasay inuu ka badan yahay 100,000 kiilomiter oo isku wareeg ah (Sq.Km.) habkaasoo ay ku hanan lahayd shanta jasiiradood ee loo yaqaan “Diwa Damashaqa.” Soomaaliya waxay gacanta ku dhigtay inta badan dhulkii laga boobi lahaa iyadoo 5tii xirmo shidaal ee la isku hayay 4.25 ka mid ah loo xukumay. Xukunkii February 2, 2017 ayey maxkamadda ku oggolaatay in is-afgaradkii (Memorandum of Understanding – MOU) Abril 2009 uu yahay “Axdi,” aan xeerinayn soohdinta badda labada dal. Soomaaliya iyo Kenya ayaa Abril 7, 2009 ku saxiixdeyn Nairobi heshiis is-afgarad ah (MOU) oo ujeeddadiisu ahayd in laba dal midkoodna midka kale uusan ka hor istaagin dalabka qolfoofta badda. Balse damaca ayaa ahaa inay dib u xariiqato sohdin-badeed ay qiil uga dhigatay heshiiskii is-afgaradka (MOU), aamusnaantii Soomaaliya iyo heshiis si fudud ay ula gashay Tanzania. Taas ayaa qayb ka ahayd duulaankii October 11, 2011 ee ay ku qabsatay dekedda Kismaayo. Su’aal kama taagna in Shariif Sheikh Axmed, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Cabdirahman Aadan Ibrahiim Ibbi iyo Cabdirahman Cabdishakuur Warsame ay fudeedkoodii ku dayaceen mas’uuliyaddoodii ahayd inay ka baarandegaan qoraalka is-afgaradka. Waxay xitaa ku fashilmayn inay dhaqangeliyaan xigmadda Rabbaaniga ah ee leh, “Haddii aadan aqoon weydiiya kuwa wax og” oo u sahli lahayd inay la tashtaan khubarada sharciga badda. Su’aaluhu ma yara, waxaase isweeydiin u baahan, Kenya oo ku guuldarraysatay in maxkamadda ka horistaagto garta, qaaddacday dhegeysigii March, kuna gacan seyrtay qaraarka maxkamad caalami ah sidee nabad ilaaliye uga sii ahaan doonto Soomaaliya iyadoo weliba ku gooddineyso colaad iyo cadowtinnimo hor leh? Dabshide [Kenya] ma noqon doonaa dabdemiye [nabad ilaaliye], mase waa dhurwaagii hilibka lagu rartay?! W/Q: AbdulQadir Cariif Qaasim The post Sidee Kenya ugu hor huftay Caddaaladda Caalamka? appeared first on Caasimada Online.
  22. Baku (Caasimada Online) – Ciidamada Armenia ayaa Khamiistii dilay askari Azerbaijani ah, waxaa sidaas sheegay saraakiisha Baku, ayada oo ay dib usoo cusboonaatay xiisadda labada dal ee deriska ah, kadib dagaalkii sanadkii tegay ku dhex-maray gobolka Nagorno-Karabakh. Wasaaradda difaaca Azerbaijan ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in mid ka mid ah askarteeda habeenii Khamiista lagu dilay “toogasho ay fuliyeen ciidamada Armenia ee ku sugan dhulka Azerbaijan.” War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in askarta Armenia lagu arkay dhul ay si ku-meel gaar ah u maamulaan ciidamada nabad-ilaalinta Ruushka, ayna ugu baaqeen howl-galka korjoogteynta wada-jirka ah ee Russia iyo Turkey inay baaraan dhacdadan. Warka ku saabsan dhacdadan ayaa yimid ayada oo wasiirada arrimaha dibedda Armenia iyo Azerbaijan ay Ruushka wada-hadallo kula lahaayeen Belarus Khamiistii, si loo hagaajiyo xiriirkooda. Dagaalkii Nagorno-Karabakh ee deyrtii hore ayaa dilay 6,500 oo qof, wuxuuna horseeday in Armenia ay weyso gacan ku haynta dhul ay maamuli jirtay tobanaan sano. Azerbaijan iyo Armenia ayaa kadib waxay labaduba weriyeen toogashooyin dhowr ah oo ka dhacay xuduudda, taasi oo sare u qaaday cabsi ah in dagaal uu mar kale ka qarxi karo dhulka lagu muransan yahay. Gooni u goosatada qowmiyad ahaan kasoo jeeda Armenia balse ku nool gobolka Nagorno-Karabakh ayaa isku dayey inay ka go’aan Azerbaijan kadib burburkii Midowga Soviet, waxaana dagaalkii xigay ku dhintay qiyaastii 30,000 oo qof. The post Xiisadda dagaal ee dalalka Azerbaijan iyo Armenia oo dib usoo cusboonaatay appeared first on Caasimada Online.
  23. Somalia’s apex bank said the country’s economy is expected to grow steadily despite the negative impact of the COVID-19 pandemic, which significantly affected the third and the fourth quarter of 2020. The Central Bank of Somalia (CBS) said on Wednesday the real Gross Domestic Product (GDP) growth is projected at 2.4 percent in 2021, up from a contraction of 0.3 percent in 2020 due to COVID-19 containment measures including lockdowns coupled with desert locust infestation and drought. The CBS said the underperformance of the government domestic receipts in the first quarter of 2021 and continued low absorption of grant projects remain a concern around the 2021 elections, which will lead to a widening fiscal deficit combined with financing risks given the fact that projected domestic revenues could be excessively ambitious. It said the headline inflation rate remained single-digit and relatively stable during Q1, noting that the exchange rate remained relatively stable in most regions of Somalia. According to CBS, domestic revenue mobilization efforts continue to enhance government revenue (taxes and non-taxes), noting that the total government revenue in Q1 was 76.9 million U.S. dollars. The CBS said the government continued to negotiate with Paris Club creditors since the total debt stock recorded 4.51 billion dollars, with multilateral creditors accounting for 25 percent, equivalent to 1.1 billion dollars, while the bilateral creditors amounted to 3.4 billion dollars, equivalent to 75 percent of total debt stock. The CBS said the total value of the country’s imports during the Q1 surpassed 1.14 billion dollars, an increase of 10 percent compared to 1.04 billion dollars of the same quarter in 2020. “Foodstuffs are continuously dominating the total share of imports in Somalia. A wide range of consumer goods, including basic goods such as rice, flour, pasta, oil, sugar, and pharmaceuticals, dominate the list,” the CBS said. Xinhua The post Somalia says economy on recovery path despite impacts of COVID-19 appeared first on Caasimada Online.
  24. PRESS RELEASE Emirates Red Crescent (ERC) Donates Ambulances to Support Ethiopia’s Healthcare Sector The noble gesture also highlights the UAE’s determination to ensure the provision of essential services for the needy all over the world ABU DHABI, United Arab Emirates, October 14, 2021/ — The UAE, through the Emirates Red Crescent (ERC), has donated a number ambulances to support the healthcare sector in Ethiopia and enhance its related logistics capacities. Dr. Mohammed Ateeq Al Falahi, Secretary-General of the ERC, said this initiative is one of a myriad of humanitarian actions taken by the UAE to support the Ethiopian people and assist refugees in many provinces facing humanitarian challenges. The noble gesture also highlights the UAE’s determination to ensure the provision of essential services for the needy all over the world, most notably in the healthcare sector, he added. Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation Qaran News